Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,245
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wuxuu ahaa hadal anfariirleh, oo bilaa sariigasho ah kaas oo kasoo yeeray qof maqaamkiisu gaaray Ra’iisul wasaare Soomaaliyeed. Sida uu hadalku u dhacaayay dhaliil ma aheyn ee dhar dhigasho cad ayuu xambaarsanaa, oo dulucdiisa la wada fahmi karay. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa si bareer ah u Aflagaadeeyay Xaliimo Yareey oo hada heysa xilka gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Gaas wuxuu yiri “Xaliimo Yareey hadaad tiraahdid asbuuca dambe doorasho ma ka qaban kartaa Sacuudi Carabiya waxey leedahay haa” taas oo ka dhigan iney tahay qof aannan kala aqoonin Soomaaliya iyo Sacuudiga, qof juhalo ah, oo dhex taagan shaqo aaney waxba ka aqoonin. Madaxweynihii hore ee Puntland ma uusan eedeyn Guddiga Doorashada oo afkiisu sooma qaban ee wuxuu toos u weeraray Xaliimo Yareey. Wuxuu ahaa beegsi fadeexadeysan oo Ina Gaas uu ku dhaawacay shaqsiyadda Xaliimo oo marka xilkeeda laga tago, hooyo Soomaaliyeed ah, taasoo mudan ixtiraam iyo qadarin. Waxaa igu maqaallo ah inuu Cabdiweli Gaas dhowr jeer dood ka keenay sida ay hal reer u hogaamin karaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Dib u eegista Dastuurka, waxaana taas sii xoojisay hadalkiisii quuri-waaga ahaa ee uu ku aflagadeeyay Xaliimo Yareey, oo xitaa noqon kara quuri-waa qabiil. Inkastoo uu Cabdiweli Gaas siyaasad ahaan dhowr jeer is jilaafay hadana dadka Soomaaliyeed kama sugeynin inuu sidaas ugu fogaan doono qof sida Xaliimo Yareey ah oo lagu tuhmaayo aqoon iyo waayo aragnimo shaqo. Xaliimo Yareey magacaabis kuma imaan, waxey ka tirsantahay guddi 9 xubnood ah oo lagu qeybsaday 4.5 kaas oo uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya. Waxey ka tartantay guddiga dhexdiisa waana guuleysatay, waxey aheyd hadii uu Cabdiweli Gaas dhib ku qabo midaas inuu yiraahdo is casila labadii xubnood ee ka timid dhinaciisa. Gaas waa madaxweynihii hore ee Puntland, wuxuu hadalkaan ka sheegay Garoowe oo ah caasimadda Puntland, wuxuu u gafay xubin beel kale ku matasha guddi heer Qaran ah, wuxuu si shaqsi ah u beegsaday qof dumar ah, waxaana goobta uu hadalkaan ka yiri fadhiyay madaxda Puntland. Hadabba maamulka Puntland labo umbaa mid laga rabaa: Waa iney aflagaadaadas ka mideysanyihiin maadaama ay goobta fadhiyeen madaxda xilligaan ee Puntland iyo madaxdii hore oo ay tallaabada Gaas difaacaan ama waa iney Puntland cudur daar iyo raali galin ka bixisaa hadalka madaxweynaheedii hore. Sidoo kale Cabdiweli Gaas isna waxaa la gudboon inuu ka laabto ijaafadaas shaqsiga ah oo uu raali galin ka bixiyo. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Dawladda Soomaaliya ayaa liisankii duulimaadka ay ku iman lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya. Dawladda Somaaliya ayaa ku eedaysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen VOA. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/eeeeee.mp4 Source: goobjoog.com
  3. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Munaasibad kooban ku dhacday hab- maqal iyo muuqaal ah waxaa ka qeybgalay Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacadde, Af-hayeenka Madaxtooyada Jaamac Dabaraani iyo dhammaan Agaasime waaxeedyada Madaxtooyada. Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdiladiif wuxuu ka warbixiyey shaqadii qabsoontay intuu xilka hayey iyo qorsheyaasha u yaallay, isagoo kelmad dardaaran iyo mahadcelin ah u jeediyey dhammaan Shaqaalaha Madaxtooyada. Cabdiweli Timacadde Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada oo wakiil ka ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif, ayaa Dukumentiyada iyo agabka kale ee xafiiska ku wareejiyey Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid Cali. Gabangabadii kulanka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid ayaa hadal kooban jeediyey, wuxuuna uga mahadceliyey agaasimihii hore shaqada uu soo qabtay, iyo sidoo kale dhammaan shaqaalaha lasoo shaqeeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo ku xayirnaa wadanka Sucuudiga tan iyo markii dunida safakeeda uu kala xiray xanuunka safmarka ah ee COVID-19 iyadoo dowladdu horay u soo celisay muwaadiniin ka soo horeeyey kuwa maanta soo gaaray dalka oo horay loo keenay. Diyaaradda maanta soo cagadhigatay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ay tahay diyaaradii afaraad oo sida mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga, iyadoo sedex jeer horay loo keenay muwaadiniin magaalada Muqdisho, diyaaradda galab soo gaartay garoonka waxaa ay sida shacab gaaraya 123 muwaadin. Muwaadiniintaan lagu Soo celiyey dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay laga soo daad gureynayay dalka Sacuudiga ayaana qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu jirto ka jawaabista baahiyaha bulshada iyo ku soo celinta dalkooda mawaadiniinta ku xiran wadamo dhowr kuwaas oo ka dilaacay caabuqa xanuunka Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Darar-weyne)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tababar usoo xidhay dufcaddii labaad ee carbiska shaqo qaran oo uu tababar ugu soo dhammaaday deegaanka Darar-weyne oo dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa. Munaasibad kooban oo uu madaxweynuhu kusoo xidhayey dufcadda labaad ee dhallinyarada Barnaamujka Shaqo-qaran oo uu himiladiisa iyo hirgelintiisaba lahaa, ayaa waxa kala qayb-galay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, hormuudka barnaamujka shaqo qaran iyo marti-sharaf kale oo kooban, waxana goobta laga jeediyey hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani guud ahaan qaranka, dhiirrigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray is-dhexgalka iyo is fahanka bulshada. Agaasimaha guud ee Barnaamujka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka) oo ugu horrayn oo madasha hadal hadal dhinacyo badan leh ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ay maamul ahaan ka qabteen horumarinta iyo dhammaystirka dhammaanba adeegyada Aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin da’yarta lagu carbinayo Akadamiyadda Darar-weyne oo haatan maraysa heer wanaagsan, waxana uu madaxweynaha uga mahadnaqay hindisihiisa guulaystay ee dhidibada loogu taagay Barnaamujka Shaqo-qaran oo ay ka aflaxeen Kumannaan dhallinyaro ahi. Agaasime Maxamed Xuseen Cismaan waxa uu shaaca ka qaaday in guulaha ugu waaweyn ee uu Barnaamujkani qaranka usoo hooyey ay ugu muhiimsan yihiin inuu meesha ka saaray dhaqamadii gurracnaa ee gacan-togaalaynta, kor u qaaday caddaaladda muwaadiniinta dhexdooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan si weyn ugu qanacsanahay in hawlgalka shaqo qaran uu quus geliyey dhaqankii liitay ee Musuqmaasuqa iyo mad-madowga, korna u qaaday sugidda caddaaladda, maamul-wanaagga iyo kalsoonida shacabka ee sharci loo siman yahay, tiirarka maamul-wanaagga ayeyna kamid tahay in hawl kasta oo la qabanayaa ay yeelato nidaam sugan iyo xeer lagu ilaaliyo oo ay ku wada-baarugsan yihiin dhinacyada hawshaasi kordhiso.” Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu agaasimuhu xusay in dhallinyarada lagu carbiyey barnaamujka Shaqo-qaran, ay madaxweynaha uga mahadnaqayaan wax wada-lahaanshaha iyo wadaagga dawladnimada,“Madaxweyne Barbaarta shaqo-qaran guud ahaan iyaga oo u han weyn qarankooda waxa ay ugu bogaadinayaan tallaabooyinka toolmoon ee aad u qaadday dhinaca caddaaladda bulshada, kobcinta wax wada-lahaanshaha, wadaagga dawladnimada iyo khayraadka dalka iyo maamul-wanaagga,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Xuseen Cismaan. Taliyayaasha ciidamada militeriga iyo Booliska iyo wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si guud u hambalyeeyey guusha ballaadhan ee Barnaamujka shaqo-qaran oo kamid ah himilooyinka ugu waaweyn ee madaxweynaha qaranku uu u guulaystay ee uu shaqo-abuurka, is-dhexgalka da’yarta iyo hilaadinta himilada barbaarta da’da yar ee reer Somaliland u soo kordhiyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ugu horrayn bogaadiyey dhallinyarada ka aflaxday kulliyada Shaqo-qaran, waxana uu tilmaamay in ujeeddada barnaamujkani tahay sidii isku duubni iyo wada-jir loogu gaadhi lahaa himilada uu qaranku leeyahay, xil weynna la isu saari lahaa, waxana uu yidhi, “Halkan waxa laguu keenay inaynu isla garanno dawladnimadu waxa ay tahay, waxa aynu doonayno iyo sidaynu u wada qabanayno, qoladiinna mutacallimiinta ahina aqoontii aad barateen intaasaa lagu kordhinayaa, marka intaa la helo waxa idin fuulaya xil ah inaad u diyaar garowdaan dadka la sugayo dalka inay hoggaamiyaan.” Madaxweynuhu waxa uu barbaarta ka aflaxday dufcadda labaad ee Barnaamujka shaqo-qaran ku tilmaamay keyd uu qaranku leeyahay oo markii loo baahdoba u diyaar ah inay qarankooda samata bixiyaan, waajib culisina saaran yahay, “Laga Bilaabo maanta waxa aad kamid tihiin ciidanka qaranka oo keyd baad tihiine ma tihidin dad shicib ah oo madax bannaan, rag iyo dumarba keydkaad ku jirtaan, marka la idiin baahdo ee dhibaato dhacdona waxad tihiin mutaddawiciinta ugu horreeya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dufcadda labaad ee dhallinyarada shaqo qaran oo ka kooban wiilal iyo gabdho, ayaa haatan waxa u bilaabmay wejigii labaad ee barnaamujka oo ah carbis shaqo (Internship), kaas oo socon doona muddo hal sano ah. Ugu dambayntii waxa madasha shahaado-sharafyo lagu guddoonsiiyey shirkado, hay’ado madax bannaan iyo shakhsiyaad kaalmo muhiim ah ka qaatay hirgelinta barnaamujka shaqo-qaran ee ay maanta ka aflaxeen dufcaddii labaad. Wa Bilaahi Tawiiq Source
  6. Matalaada dadka Magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Golaha aqalka sare ma waxa loo qeybinayaa qaab 4.5 ah, mise dadka Magaalada Muqdisho asal ahaan u dagan ayaa gooni u leh, shacabka Muqdisho ayaa ka aragto dhiibtay qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa la hadlay Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats.mp4 Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray 12KM (laba iyo toban kiiloomitir) oo kamid ah jidka weyn ee Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) oo si rasmi ah loo dhammaystiray. Ugu horrayn Eng. Tahir Mehmood ku hadlayey magaca shirkadda Nael $ Bin Harmal Hydaroexport Establishment (NBHH) ee dhismaha fulinaysa dhismaha waddada Berbera Corridor, ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay waddadu soo martay, waxana uu tilmaamay inay ka go’an tahay dhammaystirka Waddada Berbera Corridor oo muhiim u ah guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa isaguna faahfaahiyey isbeddelka dhinaca tayada iyo cabbirka ah ee waddada ku yimi iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay waddadii hore loo mari jirey oo ahayd mid kooban oo cimrigeedu dheeraa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maanta waxa aynnu u joognaa inaynnu furno qayb kamid ah mashruucii Berbera Corridor oo ah 12 KM, waddadani madaxweyne way ka duwan tahay waddadeenii hore, qaabkii hore wuxuu ahaa Lix Tone (6), tanise insha allah waxay noqon doontaa 40-tone iyo wax ka badan inay xammisho, sidoo kale waa la ballaadhiyey oo ballaceedii hore waxa uu ahaa 6.5, imikana marka hareeraha lagu daro waa 11.3, waxana aannu rajaynaynaa inay insha Allah mustaqbalka ay inoo soo bixi doonto waddo aynu ku raysanno.” Wasiirku waxa uu sheegay in 12-ka KM ee haatan dhammaaday ay u furan yihiin isticmaalka bulshada gaadiidleyda ah ee jidka maraysa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan dhammaystirka waddada Berbera Corridor, shaqo-wanaagga iyo isku duubnida ay muujiyeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Wasaaradda Jidadka iyo gaadiidka aad baan ugu mahadnaqayaa, waanan boogaadinayaa, waddadan (Berbera Corridor) iyo taa Ceerigaabo oo laba waddo oo muhiim ah bay gacanta ku hayaan, dedaal badan iyo shaqadii oo ay barteen iyo isla qabsi baa ka muuqda.” Ugu dambayntii Waxa uu madaxweynuhu masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo shirkadaha kale ee ku lugta leh jidka Berbera Corridor ku adkeeyey inay hawsha culus ee ay qaranka u hayaan sii laban laabaan, kana midho dhaliyaan himilada guud ee qaranku ka leeyahay dhinaca dhismaha waddooyinka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
  8. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay ka hadashay islamarkaana mowqif aan la fileyn ka muujisay qorshaha ay Israel ku goosaneyso qeyb ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin. Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegay in tallaabo kasta, oo hal dhinac, oo Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, ay dib u dhac weyn ku noqon doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe. Ra’iisul Wasaareaha Israel Benjmain Netanyahu ayaa sheegay in golahiisa wasiirada ay 1-da bisha July billaabi doonaan wada-xaajoodyo ku saabsan qorshaha Israel ay madax-banaanideeda ugu dabaqeyso dhul ka mid ah kan Falastiin. Netanyahu ayaa sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel. Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u diiday qorshaha nabdda Trump, sababtoo ah waxa uu inta badan Israel u sharciyeynayaa dhulkii ay ku qabsatay dagaalka, oo ay ku jiraan dhammaan deegaanada Yahuudda ee ay dhistay, taasi oo ah wax Israel ay raadineysay tobaneeyo sano. “Sii socoshada hadalka ku saabsan ku darsashada qeybo ka mid ah dhulka Falastiin waa in la joojiyaa,” ayuu yiri wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash, oo qoraal soo dhigay twitter-ka. Waa markii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah ugu hadlaan qorshahan, waxaana ay imaneysa ayada oo lagu xanto in ayaga iyo Sacuudiga ee xiriir hoose la leeyihiin Yahuudda. Waxay horey uga aamuseen xadgudub badan oo Yahuudda ay kula kacaan Falastiiniyiinta. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha madaxweyne Donald Trump, oo uu ku qeexay “Khiyaano Qaran.” “Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara. Erdogan oo ah hoggaamiye diinta ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan.
  9. Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegay in tallaabo kasta, oo hal dhinac, oo Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, ay dib u dhac weyn ku noqon doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe. Ra’iisul Wasaareaha Israel Benjmain Netanyahu ayaa sheegay in golahiisa wasiirada ay 1-da bisha July billaabi doonaan wada-xaajoodyo ku saabsan qorshaha Israel ay madax-banaanideeda ugu dabaqeyso dhul ka mid ah kan Falastiin. Netanyahu ayaa sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel. Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u diiday qorshaha nabdda Trump, sababtoo ah waxa uu inta badan Israel u sharciyeynayaa dhulkii ay ku qabsatay dagaalka, oo ay ku jiraan dhammaan deegaanada Yahuudda ee ay dhistay, taasi oo ah wax Israel ay raadineysay tobaneeyo sano. “Sii socoshada hadalka ku saabsan ku darsashada qeybo ka mid ah dhulka Falastiin waa in la joojiyaa,” ayuu yiri wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash, oo qoraal soo dhigay twitter-ka waa markii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah ugu hadlaan qorshahan nabadda Bariga dhexe Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha madaxweyne Donald Trump, oo uu ku qeexay “Khiyaano Qaran.” waxaana uu yiri. “Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara. Erdogan oo ah hoggaamiye diinta ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Isniin ah Xarunta Madaxtooyada Kulan Qado ah ugu sameeyay Isimada dhex-dhexaadinaya isaga iyo Madaxweyne Ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash). Madaxweynaha iyo Isimada oo ay Kulanka ku weheliyeen Guddoonka Baarlamanka Dowladda Puntland ayaa ka wada-hadlaya xal u helidda Khilaafka ku salaysan Awoodaha Dastuuriga ah ee ka dhexeeya labada Hoggaamiye ( Deni& Karaash). Kulanka labada dhinac ayaa weli socda waxaana Madaxweynaha laga dhegaysanaya Qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenka ee dhaliyay isfaham-waaga labada mas’uul si xal rasmiya looga gaaro Arrimaha ay ku muransan yihiin. Warbaahinta Puntland Post waxay saacadaha soo socda idiin soo gudbin doonta wixii ka soo baxa Kulankaasi weli ka socda Xarunta Madaxtooyada ee u dhexeeya Isimada dhex-dhexaadinta iyo Madaxweyne Deni oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Kula shirsan Isimadii dhex-dhexaadinta appeared first on Puntland Post.
  11. Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxa sii kordhaya tirada dadka ku dhimanaya iyagoo leh astaamaha xanuunka safmarka ah Coronavirus iyadoo ay kuwa kale u jiifaan calaamadaha xanuunkaasi goobaha caafimaadka Waxaa 48-kii saac ee la soo dhaafay la sheegay inay dhinteen lix qof oo markii hore lagu arkay xumad daran, qufac, dhadhanka iyo urta oo ka tagta iyo neefta oo qabata. Beledxaawo hadda malaha shaybaadh lagu ogaan karo haddii xanuunka dadkani u dhinteen uu yahay COVID-19 iyo inuu yahay cudur kale lagu ogaan lahaa balse kooxda caafimaadka ee magaalada ayaa horey Muqdisho ugu diray baaritaannada labo qof oo midkood cudurka laga helay. Dhawr iyo toban qof oo kale oo laga qaaday baaritaano la xiriira Fayraska COVOID-19 ayaa maanta Muqdisho loo soo duuliyay baaritaannadii laga qaaday. Adeega caafimaadka ee magaalada ayaa aad u liita taas ayaana adkaysay in si dhaqso ah loo ogaado jawaabaha. Dadka deegaankuna kuma baraarugsanna khatarta cudurka iyagoo aan dhago nugleen talooyinka caafimaadka ee ka hortaga Xanuunnka COVID-19 sida Isuduwaha caafimaadka ee degmada Beledxaawo Axmed Caddow uu u sheegay laanta afka Soomaalga ee BBC-da. “Tirada la jiifta xanuunka waxay gaarayaan 40, dadka u dhintay ee muujiyay calaamadihii cudurkana waa dad gaaraya lix qof. Dadka xanuunka u jiifa calaamadaha lagu arkay waxa kamid ah qufac, cunihii oo xanuunaya, qandho daran, urtii oo ka tagta, iyo xanuun ay jirka ka dareemayaan” Ayuu yiri Axmed Caddow isku duwaha caafimaadka. Tirada guud ee cudurka COVID-19 laga helay guud ahaan Soomaaliya ayaa gaaraysa 1,976 iyadoo tirada u dhimatayna lagu sheegay 78. Illaa hadda waxa cudurka ka bogsaday 348. xanuunka ayaa hadda saameyn badan ku yeelanaya gobolada dalka halka magaalada caasimadda ah uu aad uga sii yaraanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Selling fish has enabled some to quadruple their usual earnings but sexist attitudes are harder to overcome Moulid Hujale Mon 1 Jun 2020 07.15 Every morning [...] The post Men don’t trust we’re strong enough’: Somali women push into fish industry appeared first on . Source
  13. Dowladda Soomaaliya ayaa liisankii duulimaadka ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya. Dowladda Somaaliya ayaa ku eedeysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dowladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen VOA. Sararaakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay waddo gargaar daawo ah. Sidaasi oo kale, dowladda Soomaaliya waxay liisankii duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay dowladda Soomaaliya cudurka COVID-19 dartiis. Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jowhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo. Dowladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaadday dawladda Somaaliya. View the full article
  14. Dawladda Soomaaliya ayaa liisankii duulimaadka ay ku iman lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya. Dawladda Somaaliya ayaa ku eedaysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen VOA. Sararaakiisha dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay waddo gargaar daawo ah. Sidaasi oo kale, dawladda Soomaaliya waxay liisankii duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya cudurka COVID-19 darteed, sida ay ilo wareedyo u sheegeen VOA. Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jowhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo. Dawladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaadday dawladda Somaaliya oo ay ku joojisay duulimaadyada labadaas shirkadood ay ku imaan lahaayeen gudaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa shatiga duulimaadka ay ku iman lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya. Dawladda Somaaliya ayaa ku eedaysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay. Sararaakiisha dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay waddo gargaar daawo ah. Sidaasi oo kale, dawladda Soomaaliya waxay shatiga duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya cudurka COVID-19 darteed. Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jawhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo. Dawladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaadday dawladda Somaaliya. Isha: VOA
  16. SUNDAY MAY 31 2020 In Summary Madeira has been the head of Amisom since January 2016 when he replaced Tanzanian diplomat Augustine Mahiga as the [...] The post New report accuses envoy of running down Amisom appeared first on . Source
  17. Along the miles-long Minneapolis street where more than a century of migrants have found their American footholds -- Germans, Swedes, Vietnamese, Somalis, Mexicans -- a new history can be traced. Source: Hiiraan Online
  18. Agaasimaha cusub oo xilka kala wareegaya Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif Yuusuf. Munaasibadda oo ku dhacday hab- maqal iyo muuqaal ah waxaa ka qeybgalay Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacadde, Af-hayeenka Madaxtooyada Jaamac Dabaraani iyo dhammaan Agaasime waaxeedyada Madaxtooyada. Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif wuxuu ka warbixiyey shaqadii qabsoontay intuu xilka hayey iyo qorsheyaasha u yaallay, isagoo kelmad dardaaran iyo mahadcelin ah u jeediyey dhammaan Shaqaalaha Madaxtooyada. Cabdiweli Timacadde Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada oo wakiil ka ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif, ayaa Dukumentiyada iyo agabka kale ee xafiiska ku wareejiyey Agaasimaha cusub Maxamed Cabdirashiid Cali. Dhammaadkii kulanka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid ayaa hadal kooban jeediyey, wuxuuna uga mahadceliyey agaasimihii hore shaqada uu soo qabtay, iyo sidoo kale dhammaan shaqaalaha lasoo shaqeeyay. PUNTLAND POST The post Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  19. Every morning before sunrise, when most residents in the southern coastal city of Kismayo are asleep, Fardowsa Mohamed Ahmed, 32, goes to the beach to purchase fresh fish, which she will sell in the market. Source: Hiiraan Online
  20. Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed C/raxmaan Khayre, ahna xubin ka tirsan guddiga xaqiiqo raadinta ee loo saaray falkii dhowaan lagu laayey dhalinyaradii ku sugneyd deegaanka Gololey ayaa ka warbixiyey halka uu marayo baaritaanka ay wadaan. Maxamed C/raxmaan Khayre oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo baaritaankooda, islamarkaana ay la kulmeen waxgaradka deegaanka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan ka hari doonin dadkii ka dambeeyey falkaasi, islamarkaana ay soo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-safa-wasiirka-amniga.mp3 View the full article
  21. Garowe (Caasimada Online) – Mudooyinkaan dambe waxaa aad loo hadal hayay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaana sida la sheegay uu ku saleysan yahay habka awoodaha dastuuriga ah. Madaxweyna Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo guddiga wada dhex-dhexaadinta iyo xubno ka tirsan Gudoonka Baarlamaanka. Kulanka maanta dhici doona waxey guddiga iyo gudoonka baarlamankaba madaxweynaha ka dalban doonaan inuu ka waramo waxa dhaliyay khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo ku xigeenkiisa. Sabtidii ayey aheyd markii odayaasha iyo Gudoonkaba ay la kulmeen Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxeyna ka wareysteen sababaha keenay iney is fahmi waayaan isaga iyo Deni. Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni. Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa toddobaadkii hore sheegay in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.
  22. Dowladda Jabuuti oo ciidamo fara badan ay ka joogaan gobolka Hiiraan ayaa maanta waxa ay deeq raashin ah gaarsiisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, taas oo loogu talo-galay dadka uu saameeyay fataahada webiga Shabelle ee mara magaaladaasi. Deeqdaan oo dhan 90 tan ayaa dowladda Jabuuti waxa ay u soo wakiilatay saraakiil ka tirsan ciidamada Hiil-Walaal, waxaana lagu wareejiyay Madaxweynaha Hir-Shabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare. Korneyl Maxamed Barqad oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal oo loo soo wakiishay raashiinkan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Waare iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, iyaga oo ka wada-hadlay sidii lagu gaarsiin lahaa dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne. Dhankiisa Madaxweynaha Hirshabelle ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti kaga mahadceliyey, sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Hiiraan, isaga oo sheegay in ciidamada Jabuuti ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan. Deeqdaan ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa, xilli weli aysan helin wax gurmad ah dadkii dhowana u barakacay deegaanka Ceeljaale ee gobolka Hiiraan. View the full article