-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mareykanka oo soo saaray digniin culus oo ku socota dagaal-ooge Khaliif Xaftar & kooxda Wagner Group Maraykanka ayaa digniin ku siiyay ciidanka Liibiya ee uu hoggaamiyo Jeneraal Khaliifa Xaftar in iskaashiga kala dhexeeya ciidanka sida militariga u tababaran ee Ruushka iyo sii wadista hakinta saliida ay kasoo horjeeda danaha Washington iyo Liibiya. “Ergayga Maraykanku waxaa uu adkeeyay in iskaashiga ciidanka LNA ee Khaliifa Xaftar kala dhexeeya Kooxda Wagner Group oo ay si qarsoodi ah u hoos taga wasaaradda difaaca Ruushka iyo sii wadista joojinta shidaalka in ay lid ku tahay danaha Washington iyo Liibiya, islamarkaana ay hoos u dhigeyso madax-banaanida Liibiya, ayna kordhineyso khatarta colaadda, taasi oo dhaawac halis u geysan karta kaabeyasha shidaalka,” ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Tan iyo bishii Janaayo, ciidanka Jeneraal Khaliifa Xaftar ayaa xiray warshado shidaalka oo saara oo ku yaalla bariga iyo bartamaha Liibiya, si ay caadis dhaqaale u saaraan dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay ee Libya. Warka Mareykanka ayaa yimid, kadib markii kulan muuqaal ah uu dhex maray saraakiil ka tirsan mamulka Madaxweyne Donald Trump iyo wakiillo ka socday ciidanka Khaliifa Xaftar, kuwaas oo ka wadahadlay la tacaalidda arrimaha maleeshiyaadka ee Liibiya oo dhan. Ergeyga Mareykanka waxaa uu ku celiyay in ururrada hubeysan ee “isku deyaya in ay burburiyaan hanaanka siyaasadda ama ay xasilooni darro sameeyaan aan loo dulqaadan doonin ayna khatar ugu jiraan cuno-qabateyn caalami ah.” Tan iyo bishii April ee sanadkii 2019-kii, ciidanka Jeneraal Khaliifa Xaftar waxaa ay weerarro ku wadeen magaaladda caasimadda u ah Liibiya ee Tripoli iyo qaybaha woqooyi galbeed dalka, taasi oo keentay in ay ku dhintaan 1,000 qofood oo ay haween iyo caruur ku jiraan. Sikastaba, dowladda Liibiya ayaa dhowaan gaartay guulo muhiim ah, iyadoo dib uga riixday ciidanka Jeneraal Hafter caasimadda Tripoli iyo meelo kale oo istiraatiiji ah. Dowladda cusub ee Liibiya waxaa la aasaasay sanadkii 2015-kii, iyadoo la cuskanayay heshiis ay Qaramada Midoobay hoggaamineysay, laakiin dadaaladaas ayaa guul dareystay, kadib markii uu gulufkiisa hubeysan xoojiyey Jeneraalka mayalka adag ee Khaliifa Hafter. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa soo saaray amar uu ku joojinaayo dhisida iyo deegaameynta dhul daaqsimaadka Puntland. Dikreeto kasoo baxday xafiiska Deni ayaa lagu sheegay in dhamaan deegaameynta cusub laga sameyn karin dhal daaqsimaadka Puntland. “Dhammaan wasaradaha iyo taliyeyaasha ciidamada booliska iyo daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa, laga billaabo maanta in la joojiyay dhismeyaasha iyo degaameynta dhul daaqsimeedka deegaanada Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay xafiiska Deni. Wareegtada ayaa lagu sheegay in Puntland soo saari doonto sharuuc cusub iyo hab raac loo maro dhulalka cusub ee la deegaameynaayo. Mamnuucista deegaameynta dhul daaqsimaadka Puntland ayaan la ogeyn sababta loo mamnuucay, hase ahaate waxaa mudooyinkii danbe soo baxay murano ku saabsan dhulal la isku qabsaday.
-
Qaran News
-
Beijing (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa sheegtay inay si weyn uga soo horjeeddo xiriirka dibloomaasiyadeed ee ay aas-aasteen maamullada Taiwan iyo Somaliland, oo ka kala tirsan Shiinaha iyo Soomaaliya, balse gooni u goosad ah. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Zhao Lijian, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Beijing, ayaa sheegay in Shiinaha ay si xooggan uga soo horjeedaan sameynta hey’ado rasmi ah ama nooc kasta oo is-weydaarsi rasmi ah oo u dhexeeya mas’uuliyiinta Taiwan iyo Somaliland. Zhao ayaa sidoo kale farriin ammaan ah usoo jeediyey tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ee ay ku diiday ficillada Somaliland iyo Taiwan. “Waxaan ogaanay oo aan ku qanacsanahay in dowladda Soomaaliya ay dib u xaqiijisay u hoggaansamida mabda’ Midnimada Shiinaha ayna ku dhalleeceysay Taiwan inay carqaladeyneyso madax-bannaanida, sharafta, iyo qaranimada Soomaaliya. Adduunka waxaa jira hal China, Taiwan-na waa qeyb aan laga doodi karin oo ka mid ah Shiinaha. Mabda’ hal China waa mid si caalami ay aqooonsan yihiin xiriirada iyo is afgarashada caalamiga ah,” ayuu yiri Zhao Lijian. “Shiinuhu wuxuu si adag uga soo horjeedaa samaynta hay’ado rasmi ah ama nooc kasta oo is-weydaarsi rasmi ah oo u dhexeeya mas’uuliyiinta Taiwan iyo Somaliland. Xisbiga Dimuqraadiga wuxuu si xamaasad leh u raadinayay taageero kasta oo uu heli karo, laakiin waligiis kuma guuleysan doono isku dayga in howlaha gooni-goosadka ah lagu soo bandhigo masraxa caalamiga ah ” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Somaliland iyo Taiwan ayaa 1-dii bishan July isku raacay inay is-dhaafsadaan wakiillo, waxayna kadib magacaabeen wax ay ugu yeereen safiirro. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay aqoonsan tahay isla markaana qadarineyso madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Shiinaha, ayada oo Taiwan ay tahay qeyb ka mid ah Shiinaha.
-
Baydhaba (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidanka xoogga dalka qeybsiita 60-aad ee gobolka Bay ayaa soo bandhigay laba nin oo sida ay sheegeen ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howlgallo ay ciidamadu sameeyeen. Howlgalkaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay ayey sheegeen saraakiishu inay ku dileen laba dagaalame, iyagoo soo bandhigay laba kale iyo qoryahooda. Taliyaha qeybta 60-aad ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabaka Sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheeysan ayna fulinayeen guutada 8-aad qeybta 60-aad ee militeriga Soomaaliya. Degaanka Awdiinle ayaa qiyaastii 30-KM u jira magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, waxaana shalay deegaankaas weerar toos ah ku qaaday ururka Al-Shabaab, in kastoo maamulka deegaanku uu sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay fashiliyeen weerarkaas. Guddoomiyaha deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay Ibraahim Maxamed Nuur ayaa shalay markii uu weerarku dhacay kadib warbaahinta u sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka dileen shan xubnood ugu yaraan lix kalena ay dhaawacyo ku qaateen.
-
Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo ka Warbixiyay Ujeedka Wafti Balaadhan oo u Hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadu Ku Kormeereen Dekeda, Kastamka, Madaarka iyo Qaybta Soolarka… Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa qaabilay Wafti Culus oo u hoggaaminayey Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo ku xigeenkiisa. Waftiga ayaa Kormeer kusoo Maray Kastamka Berbera, Dekeda Cusub iyo qaybaha kalee Dekeda iyo weliba Madaarka Berbera iyo Qaybta laga dhalin-doono Korontada ee Soolartu taalo. Ugu horeyn waxa waftiga qaabilay Maareeyaha oo kusoo wareejiyey Mashaaricaha kala duwan ee ka socda Dekeda iyo goobaha kale ee ay tageen waftigu. Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo sharaxaya Ujeedka Waftiga waxa uu daaran-yahay iyo goobaha la kormeeray waxa uu yidhi. “Waftiga Wasiirka Maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland hoggaaminayey waxay u socdeen, Kormeer shaqo oo caadiya, kaasoo ay awalba ku iman jireen Dekeda, si ay u jeeg-gareeyaan, hawlmaalmeedka shaqo ee ka socda Dekeda Berbera. Waxa kaloo, ay Wasiiradu qaybta cusub ee Dhismaha Dekeda cusubi ka socdo, oo ay Kormeer kusoo sameeyeen waftigu. Sidoo kale, waxay waftigu soo booqdeen Madaarka Berbera iyo goobtii ay yaaleen Soolarka, oo iyadduna ku dhow dhamaad. Waxa kaloo ay waftigu booqdeen Kastamka Magaalada Berbera. Waftigu waxa kaloo qayb qayb-qayb usoo kormeereen Qaybaha Dekeda ee kala duwan, ugu dambaytiina waftiga waxanu Shir ku galnay Xafiiska Maamulka Dekeda, waxana Shirka kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee Dekeda Berbera, wanaanu ku faraxsanay waftiga noqona-mayso markii u Dambaysay, insha allah”. Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi. Sidoo kale, waxa isna halkaa ka Hadlay Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxanu yidhi “ujeedada ugu weyn ee aanu u nimi, waxa weeye Kormeer shaqo, ugu horayna waxanu doonaynaa inaanu Xog-ogaal u noqono, sida hawshu u socota, waxanu la kulanay Kastamka iyo Shaqaalaha, anagoo markaa Kormeer karena ku marnay qaybaha Dekeda, sidoo kale siduu sheegay Maareeyuhuu waxanu soo marnay Madaarka Berbera iyo halka ay taalo Soolarka laga dhalinayo Korontada. Sidoo kale waxanu la kulanay madaxa Shirkada Dp World iyo Maareeyaha Dekeda, si aanu Xog-ogaal ugu noqono siday hawluhu u socdaan, waxanaanu si weyn uga Wadahadalnay sidii aanu u iskaashi ula yeelano Dekeda, waxanaanu, waxanaan Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi uga mahadcelinaya sidii wanaagsanayd ee u noo soo dhoweeyey”. Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire. Qaran News
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-Shabelle-070620-hh.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa si adag uga hadlay kulamada golaha oo mararka qaar u baaqda kooram la’aan marna ku sigta in uu u baaqdo. Guddoomiye Muudey ayaa xildhibaanada ka hor sheegay inay ceeb ku tahay inay soo xaadiri waayaan kulamada golaha, isla markaana hada kadib arrintaas uu guddoonku u adeegsan doono xeer hoosaadku waxa uu ka qabo. “Shirkii baarlamaanka ayaa maanta jira, hadana kooram la’aan ayuu u baaqday xildhibaanadiina magaalada ayey joogaan waa arrin ceeb nagu ah, hadhow yaan la is eedin xeer hoosaadka ayaan is ticmaali doonaa” ayuu yiri guddoomiye kuxigeenka 1-aad Cabdiweli Muudey. Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray, “10:00am barqanimo ayaa halkaan soo fariisaneynaa hadii aad soo xaadiri weysaan, hal saac ayaan inkugu dareynaa, hadii la idin waayo magacyada ayaan yeerineynaa, hadhow maxaa magaceyga loo yeeriyey yaa nala dhihin, aan is ixtiraamno.” Hadalka guddoomiye Muudey ayaa ku soo aadaya iyadoo xildhibaanada golaha shacabka aysan badanaa sida sharciga ah u soo booxin kooramka kulamadooda caadiga ah, waxaana xusid mudan in sharciyo badan oo dalka muhiim u ah ay hor yaallaan golaha. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in labadii kulan ee u dambeysay golaha shacabka lagu furay tiro ka yar inta sharciga u ah in lagu furo fadhiga golaha, kulamadaas ayaa kala dhacay, Sabtidii lasoo dhaafay ee 4-tii bishan iyo Isniinta maanta. Sida sharcigu qabo fadhiga golaha waxa uu ku furmi karaa ugu yaraan 139 mudane, balse kulamadii u dambeeyay waxaa caadi noqotay markii uu shir guddoominayo Cabdiweli Muudey in kulanka lagu furo tiro aan buuxin kooramka oo ka yar 139-ka sharciga ah. Hoos ka Daawo hadalka guddoomiye Muudey
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-060720.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bashiir Macalin Cali oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay iyagu soo abaabuleen banaanbixii dhicisoobey ee shalay ka dhacay Muqdisho, isaga oo faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay ku dalbanayeen banaanbaxaas. Bashiir oo ay dhinacyadiisa taagnaayeen dhalinyaro kale ayaa warbaahinta u sheegay in banaanbixii shalay ay ku dalbanayeen laba arrinmood oo kala ah. In magaalada Muqdisho ay yeelato maamul ay dadkeedu soo doortaan, oo ay ka baxdo maamulladan lasoo magacaabayo. Iyo in Madaxweynaha ay u diraan baaq ah in marnaba aan dib loo dhigi karin doorashada dalka. “Hadii doorashada dalka dib loo dhigo waxay sababi kartaa burbur, dagaallo sokeeye iyo Soomaaliya oo dib ugu laabata 30-sano kadib meeshii ay ka timid, waxaan ku faani karno waxaa ka jira dimuquraadiyadda curdunka ah, hadana waxaan maqleynaa in mudo kororsi la qorsheynayo, marka anaga waxaan cadeyneynaa in waqti dheeraad ah aanaa aqbali doonin,” ayuu yiri Bashiir. Sidoo kale Bashiir Macalin ayaa sheegay in hataan ay u muuqaneyso saan-saan dagaal iyo caburin ay dowladdu kula kaceyso warbaahinta, shacabka iyo siyaasiyiinta kale. Sidoo kale markii ay banaanbaxa dhigayeen waxa uu sheegay in loo adeegsaday awood ciidan, isla markaana uu sigu ka mid ahaa dadkii goobta ka baxsaday, halka la xiray dhalinyaro kale oo la socotay, kuwaas oo uu ka midyahay guddoomiyihii hore ee degmada Cabdicasiis. Ugu dambeyntii Bashiir ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay banaanbaxaan, ilaa uu madaxweynuhu ka joojinayo damaciisa, isla markaana uu ku dhaqaaqayo qaban-qaabada doorasho dalka ka dhacda markii uu dhamaado waqtigiisu, isaga oo sheegay inay sii wadi doonaan banaanbaxyada. Hoos ka Daawo
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalin laha ah ee COVID-19, waxaa ay ku sheegtay in maanta dalka laga helay 9 kiis oo cusub 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Wasaaradda ayaa sheegtay in kiisaska laga helay, Benadir: 5, Somaliland: 3, iyo Jubbaland: 1, taas oo guud ahaan ka dhigeyso dadka uu ku dhacay gudaha dalka 3,006, kiisaska Lab: 8 kamid ah waa Rag, halka Dhedig: 1 yahay Dumar. Wasaaradda ayaa dhanka kale shaacisay in xanuunka ay ka soo bogsoodeen 37 ruux, taas oo guud ka dhigayso : 1,051, majiro kiis dhiomasho ah oo maanta la shaaciyey, xanuunka ayaa guud ahaan waxaa u geeriyooday 92 qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
July 6, 2020 Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya: Md. Maxamed Cadullaahi Maxamed Farmaajo Ku: Wakiilka Ergeygs Qaramada Midooby u Fadhiya Soomaaliya Danjire. James Swan [...] The post MANAFESTO -2 : – Bayaanka 2aad ( Qaylo Dhaan Qaran ) appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay guux sii kordhayey maalmahan oo ku saabsan in laga shaqeynayo heshiis muddo kordhin ah oo la siiyo xukuumadda. Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in arrintan ay jirto islamarkaana Gudaha Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ay ka socdaan ololo lagu raadinayo muddo kororsi, taasi oo xildhibaanadana ay ka warhayaan. Waxaa uu sheegay in markii la gaaray xilliga kala guurka ee doorashooyinka ee ay ahayd in laga shgaqeeyo qabashadeed la billaabay wax aan sharci ahayn, hase yeeshee Xildhibaannada uu isaga kamid yahay aysan taas aqbali doonin. “Nacam arrintaas waa jirtaa, laakiin waxaan qabaa in wax aan dastuurka uusan ogoleyn in la sameeyo maaha. Dalkan meel dheer iyo dhibaato badan ayuu ka yimid, in shaki iyo shubho la kala geliyo maaha, mana ahan dadka siyaasiyiinta ee doonayey inay kursigan u tartamaan in la ciilo,” ayuu yiri. Xildhibaanka oo ka qeyb-galayay barnaamij ka baxa TV-ga Universal ayaa waxaa uu sheegay in madaxda joogto Villa Somalia ay doonayaan inay muddo laba sano ah ku darsadaan, iyaga oo meesha ka saaraya hadalkii Guddoomiyaha madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ee ahaa inay u baahan yihiin Guddigooda 13 bilood oo ay doorasho ku qabtaan. “Waxaan la yaabanahay laba sano meesha laga keeni karo, dastuuriyana looma keeni karo, cid soo codsatayna ma jirto, marka ma aqaan hab loo keeni karo,” ayuu yiri. Hadalka Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ay maalmaheen sheegayeen in Madaxtooyada Soomaaliya ay dooneyso muddo kororsi, ayada oo diyaar u ah in ra’iisul wasaare cusub lasoo magacaabo oo ka socda mucaaradka. Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/07/Xildhibaan-Jindi.mp3
-
Adis Ababa (Caasimada Online) – Kadib rabshadahii ka dhacay gudaha dalka Itoobiya waxey keentay inuu dib u dhaco wadahadallada saddex dhinaclaha ah ee u dhaxeeyay dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan kaas oo ujeedkiisa ahaa in lagu xaliyo muranka biyo xireenka ay xukuumadda Adis Ababa dhiseyso. Saleshi Bekele oo ah Wasiirka Biyaha dowladda Itoobiya ayaa ka dhawaajiyay inuu hakad ku yimid wadahadallo la filayay iney toddobaadkii hore saddexdaas dhinac u bilowdaan, saameyntuna ay tahay dibad baxyada ka dhacay gudaha Itoobiya. Saddexdaan dowladood ayaa doonaya iney si xeel dheer uga wada hadlaan biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile. Dhibaato kale oo hor leh ayuu sheegay Wasiirka maadaama dibad baxyada ay carqalad ku noqdeen hanaanka looga hortagayo fiditaanka xanuunka Coronavirus oo wali haraadi ku ah dunida. Itoobiya waxaa dhawaan gilgilay rabshado ka dhashay dil loo geystay fanaan caan ku ahaa guubaabiyo qowmiyadda oromada ee Hachalu Hunddessa.
-
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowlada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa ayaa qoraal uu goordhow uu soo dhigay bartiisa Faceboogga ku dalbaday in hey’adaha garsoorka ay si degdeg ah xuriyadiisa u siiyaan agaasime ku-xigeenka Goobjoog ahna tifaftiraha guud Cabdicasiis Axmed Gurbiye, kaas oo lagu wado in barri uu ka soo muuqdo Maxamadda Gobolka Banaadir. Halkaan Ka Akhriso: “Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Berri oo Talaada ah waxay U fadhiisan doontaa qaadista kiis dacwadeed ay Villa Somalia ku so Oogtay Wariye Abdiaziz Gurbiye. Kiis kaan iyo kuwa la mid ka ah ee lagu beegsanayo saxafiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta madaxa banaan waa mid cabsi galin ah, laguna caburinayo saxaafada iyo Suxufiyiinta ku shaqeeya xaalad adag. Hay’adaha Garsoorka Dalka Waxaa looga fadhiyaa cadaalad Fal buuxda iyo in aysan noqon gacan laanta fulinta ay ku adeegato gacan ka mid ah, sido kale na loo siiyo xuriyadiisa si degdeg ah oo Shuruud la’aan ah, iyada oo la xeerinayo shuruucda dalka ee u damaanad qaadaysa xuriyad hadalka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tripoli (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa digniin ku siiyay ciidanka Liibiya ee uu hoggaamiyo Jeneraal Khaliifa Xaftar in iskaashiga kala dhexeeya ciidanka sida militariga u tababaran ee Ruushka iyo sii wadista hakinta saliida ay kasoo horjeeda danaha Washington iyo Liibiya. “Ergayga Maraykanku waxaa uu adkeeyay in iskaashiga ciidanka LNA ee Khaliifa Xaftar kala dhexeeya Kooxda Wagner Group oo ay si qarsoodi ah u hoos taga wasaaradda difaaca Ruushka iyo sii wadista joojinta shidaalka in ay lid ku tahay danaha Washington iyo Liibiya, islamarkaana ay hoos u dhigeyso madax-banaanida Liibiya, ayna kordhineyso khatarta colaadda, taasi oo dhaawac halis u geysan karta kaabeyasha shidaalka,” ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Tan iyo bishii Janaayo, ciidanka Jeneraal Khaliifa Xaftar ayaa xiray warshado shidaalka oo saara oo ku yaalla bariga iyo bartamaha Liibiya, si ay caadis dhaqaale u saaraan dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay ee Libya. Warka Mareykanka ayaa yimid, kadib markii kulan muuqaal ah uu dhex maray saraakiil ka tirsan mamulka Madaxweyne Donald Trump iyo wakiillo ka socday ciidanka Khaliifa Xaftar, kuwaas oo ka wadahadlay la tacaalidda arrimaha maleeshiyaadka ee Liibiya oo dhan. Ergeyga Mareykanka waxaa uu ku celiyay in ururrada hubeysan ee “isku deyaya in ay burburiyaan hanaanka siyaasadda ama ay xasilooni darro sameeyaan aan loo dulqaadan doonin ayna khatar ugu jiraan cuno-qabateyn caalami ah.” Tan iyo bishii April ee sanadkii 2019-kii, ciidanka Jeneraal Khaliifa Xaftar waxaa ay weerarro ku wadeen magaaladda caasimadda u ah Liibiya ee Tripoli iyo qaybaha woqooyi galbeed dalka, taasi oo keentay in ay ku dhintaan 1,000 qofood oo ay haween iyo caruur ku jiraan. Sikastaba, dowladda Liibiya ayaa dhowaan gaartay guulo muhiim ah, iyadoo dib uga riixday ciidanka Jeneraal Hafter caasimadda Tripoli iyo meelo kale oo istiraatiiji ah. Dowladda cusub ee Liibiya waxaa la aasaasay sanadkii 2015-kii, iyadoo la cuskanayay heshiis ay Qaramada Midoobay hoggaamineysay, laakiin dadaaladaas ayaa guul dareystay, kadib markii uu gulufkiisa hubeysan xoojiyey Jeneraalka mayalka adag ee Khaliifa Hafter.
-
Qaran News
-
Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolas Berlanga. Wasiirka Bayle ayaa sheegay inay kawada hadleen dib-u-habeynta arrimaha Maaliyadda iyo taageerada midowga yurub ee miisaaniyadda dalka sidoo kale wasiirka maaliyadda waxa uu intaa ku daray inuu uga mahadceliyay taageeradda ay siiyaan midowga yurub Soomaaliya. “Waxa aan maanta xarunta wasaaradda ,aaliyadda ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga oo ay wada shaqeyn buuxdo naga dhaxeyso” “Waxyaabihii aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa, dib-u-habeynta Maaliyadda, Taageerada Miisaaniyadda, iyo mahadcelinta European Union in Somalia oo si buuxda noo garab taagan. Ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka maaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Midowga Yurub ayaa dalkeyna Soomaaliya ka taageero dhinacyo ay ka mid yihiin hormarinta dhaqaalaha dalka iyo dib udhiska ciidamada qalabka sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
NAIROBI (HOL) - President Uhuru Kenyatta has lifted the cessation of movement in Nairobi and Mombasa and reopened places of worship. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmad Macallin Fiqi ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in ciidamadu ay ka qeyb noqdaan dagaal Beeleedyada. Wasiir Fiqi ayaa intaa ku daray inaysan ka mid ahayn waajibaadka Ciidamadu in ay ku lug yeeshaan colaad sokeeye, balse taa beddelkeeda loo baahan yahay in ay kala dhex-galaan si ay xal iyo heshiis ugu soo dabbaalaan dhinacyada dagaallamaya. Mudane, Fiqi ayaa tilmaamay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan ciddii lagu arko ayadoo ka shaqaynaysa Colaad sokeeye. Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa Maalmahan ku howlanaa sharciyeynta Malleeshiyo Beeleedyada, kuwaas oo Hub iyo Gaadiid dagaalba ku wareejiyay maamulka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
