-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The developmental assistance and political capital United Kingdom in Somalia has and is continuing to spend in Somalia is critical to the recovery of Somalia’s economy, education, health and security reform sectors. The London Somali Conferences of 2012 and 2017 London Somalia Conference 2017 was monumental in galvanising political and developmental commitments as well policy coordination across the international community. The first green-shoots are beginning to show in the State’s institutional apparatus in the area of political institutions, security, financial and developmental reform. Source: Hiiraan Online
-
Under the patronage of Somalia’s President Mohamed Abdullah Farmajo, the Ministry of Planning, Investment and Economic Development’s building in Mogadishu was opened after its rebuilding and reconstruction with funding from the Qatar Fund for Development (QFFD), coiciding with the country’s celebrations of the 60th anniversary of independence. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa si weyn maanta loo adkeeyey Amniga guud ee magaalda Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, taas oo la filaayo in ay marti geliso kulanka madaxda dowlad goboleedyada maalin kadib, waxaana magaalada ka socdo diyaarinta furitaanka shirkaasi, waxaana maanta lagu wadaa in magaalada ay gaaraan wufuud hordhac u ah. Waxaa wadooyinka kala duwan ayaa lagu arkayaa ciidamo, iyagoo hubinaayo amniga iyo dhaqdhaqaaqa, waxaa siweyn loo baarayaa magaalada gaadiidka soo galayo iyo kuwa ka baxayo, maadama ay marin tahay. Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay saraakiisha ciidamada ayaa kala hadlay sugitaan amniga madaxda soo gaaraysa magaalada. Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in maalinta Barrito ah ay marti geliso kulanka madaxda dowlad goboleedyada Galmudud, Hirshabeelle, Puntland, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, kadib markii uu fashilmay kulan madaxda maamulladaan ay la qaadan lahaayeen madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo xalay hadal ka jeediyay Degaanka Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in Xukuumaddiisu qayb-ahaan ku guulaysatay Dib u-heshiisiinta Galmudug iyo Hub-k-dhigista Malayshiyaadka Beelaha. Madaxweyne Qoor Qoor, wuxuu Shacabka Galmudug ugu baaqay in ay adkeeyaan Midnimada iyo Wadajirkooda, ayna meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo dhibaato ku wadda, si ay u gaaraan Himiladooda ku jihaysan Amni, Hormar iyo Barwaaqo. Madaxweynaha Galmudug, waxa kale oo uu sheegay in Xukuumaddiisu sii dhammaystiri doonto, inta ka harsan Dib u-heshiisiinta Galmudug, kadibna ay gacan ka gaysan doonto Dib u-heshiisiinta Guud ee Dadka Soomaaliyeed. Mudane Qoor Qoor, ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku hawllanaa Barnaamij uu ku magacaabay Nabadaynta iyo Dib u-heshiisiinta Galmudug, waxaana uu socdaal ku marayay Degaanno kala duwan oo Maamulkaas ka tirsan. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Qoor Qoor oo sheegay in uu qayb-ahaan ku guulaystay Dib u-heshiisiinta Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-070720.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Isniintii Shalay Gaalkacyo ka jeediyay Khudbaddiisa la baxday ‘La-hadalka dadweynaha’ ayaa markii u horraysay faahfaahin ka bixiyay shirka madaxda dowlad goboleedyadu ku yeelan doonaan magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in shirka Dhuusamareeb looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalku haatan marayo, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka madaxtinimada heer Federaal ee soo socda, iyo sidii looga gaari lahaa xal siyaasadeed oo loo dhanyahay. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirka ujeedkiisa ay kamid tahay sidii dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ay uga wada-arrimin lahaayeen arrimaha siyaasadeed ee waddanka, si looga gudbo marladda hadda uu dalku marayo. Madaxweynaha, ayaa intaas raaciyay in maadaama guddiga doorashooyinka heer Federaal ay caddeeyeen in aysan doorasho qof iyo cod ah ku qaban Karin wakhtigeeda, sidaas darteed uu soo xirmay xalkii Qaanuuniga ahaa ee doorashada, islamarkaana loo baahanyahay xal siyaasadeed. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo faahfaahin ka bixiyay Ajandayaasha Shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku celisay inay ka go’an tahay dhowrista madax-banaanida midnimada iyo sharafta dhuleed ee Shiinaha, xilli Taiwan oo ka tirsan Shiinaha ay xiriir diblomaasiyadeed la sameysatay maamulka Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo qadka online-ka uga qeyb-galay shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta, ayaa sheegay in Soomaaliya ay Shiinaha ay leeyihiin xiriir taariikhi ah oo qoto-dheer, kaasi oo ku salaysan xushmad iyo wada faa’iideysi laba dhinac. “Taariikhda casirga ah, Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyey ee Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeeshay Shiinaha. Waxaan xaqiijineynaa inaan xushmeyno midnimada qaran, madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Shiinaha,” ayuu yiri. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay aqoonsan tahay in Taiwan ay ka mid tahay Shiinaha. “Waxaan xaqiijineynaa in Taiwan ay si aan la diidi karin ay uga mid tahay dhulka Shiinaha, waxaana naga go’an ilaalinta mabda’a ah hal China, anaga oo diideynaa madax-banaani doonka Taiwan nooc kasta oo ay ku timaado iyo inay xiriir rasmi ah la yeelato dhinac kasta,” ayuu yiri. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo sidoo kale shalay, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Zhao Lijian, uu shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Beijing, ku sheegay in Shiinaha ay si xooggan uga soo horjeedaan sameynta hey’ado rasmi ah ama nooc kasta oo is-weydaarsi rasmi ah oo u dhexeeya mas’uuliyiinta Taiwan iyo Somaliland. Zhao ayaa sidoo kale farriin ammaan ah usoo jeediyey tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ee ay ku diiday ficillada Somaliland iyo Taiwan. “Waxaan ogaanay oo aan ku qanacsanahay in dowladda Soomaaliya ay dib u xaqiijisay u hoggaansamida mabda’ Midnimada Shiinaha ayna ku dhalleeceysay Taiwan inay carqaladeyneyso madax-bannaanida, sharafta, iyo qaranimada Soomaaliya. Adduunka waxaa jira hal China, Taiwan-na waa qeyb aan laga doodi karin oo ka mid ah Shiinaha. Mabda’ hal China waa mid si caalami ay aqooonsan yihiin xiriirada iyo is afgarashada caalamiga ah,” ayuu yiri Zhao Lijian.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid C/llaahi Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in guddoomiye Mursal yiraahdo wax shaqo ah kuma laha golaha Aqalka sare kamana hadli karaan sharciga doorashada. “Waxaa la yaab leh in guddoonka baarlamaanka federaalka uu si cad u yiraahdo shaqada ku saabsan arrimaha doorashooyinka aqalka sare waxba kuma leh, anaga ixsaan u sameyn jirnay u yeeri jirnay, waa hadal duuban oo jiro, waxaan ka xumahay guddoomiye Mursal oo saaxiibkey ah, fahamka noocaasi ah in maskaxdiisa ku jirto iyo in dad kale leeyahay garan maayo,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Wuxuu sheegay in baarlamaanka Somalia inuu yahay labo aqal oo is kor joogteynaayo, kuwaasoo xeerarka marka la ansixiyo aqalka hoose uu u gudbiyo aqalka sare, isagoo carabka ku dhuftay in dhaqankaasi inay ka arkeen madaxweyne Maxamed Farmaajo. Saciid Deni ayaa soo hadal qaaday tallaabadii uu guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ugu soo dhex muuqan waayay munaasabadihii lagu xusayay maalmaha xorriyada, isagoo sheegay in lagu casuumi waayay Cabdi Xaashi, tallaabadaasi oo uu sheegay inay abuureyso arrin aan wanaagsan oo bulshada Soomaaliyeed ku abuuri karto kalsooni daro. Wuxuu ugu baaqay in tallaabooyinka la qaadayo ay mas’uuliyiinta ka fiirsadaan hadii khalad uu ka dhex dhacana ay ka towbad keenaan oo kasoo laabtaan.
-
Africa starts opening airspace even as COVID-19 cases climb
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
As COVID-19 cases surged in many parts of the world, the island nation of the Seychelles was looking good: 70-plus straight days without a single infection. Then the planes arrived. Source: Hiiraan Online -
Maxaad ka ogtahay haweenka ugu taajirsan adduunka? MacKenzie Markii ninka dunida ugu taajirsan xaskiisa ay go’aansatay inay kala tagaan sanad kahor, waxay u ahayd guul dhaqaale oo ay gaartay, waxayna taasi sii kordhisay tirada haweenka ugu hantida badan caalamka. MacKenzie Bezos oo ah xaaskii hore ee Bezos oo ah milkiilaha shirkadda Amazon ayaa la siiyay 4 boqolkiiba hantida ninkii ay wada joogeen. Haweeneydan ayaa markii ay dalbatay furriinka waxay heshay hanti dhan 35.6bn bilyan oo doollaar, waxayna taas keentay in ay kamid noqoto haweenka adduunka ugu taajirsan iyadoo aanan wax dhib ah u marin helidda hantidaas. Waxay sidoo kale noqotay qofka 24aad ee adduunka ugu taajirsan. Haddaba halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa qaar kamid ah haweenka ugu taajirsan caalamka. 1) Françoise Bettencourt-Meyers Francoise Haweeneydan ayaa hantideeda lagu sheegay 49.3 bilyan oo doollar, waana qofka 15aad ee adduunka ugu taajirsan, sida uu kusoo warramay wargeyska ka faallooda dadka maalqabeennada caalamka ee the Forbes. Haweeneydan oo u dhalatay dalka Faransiiska ayaa dhaxal ahaan u heshay shirkad soo saarta waxyaabaha la isku qurxiyo, waxaana iyada iyo qoyskeeda ay leeyihiin saami dhan 33 boqokiiba shirkadaas. Haweeneydan 65 sano jirka ah ayaa hantidan ka dhaxashay hooyadeed Liliane Bettencourt oo dhimatay sanadkii 2017, waxaana in muddo ah haweeneydan iyo hooyadeed u dhaxeeyay muran dhanka hantida. Ms Bettencourt-Meyers ayaa dacwad ka dhan ah hooyadeed u gudbisay maxkamad ku taala dalka Faransiiska, inkastoo markii dambe ay ka heshiiyeen. Waa haweeney wax baratay, buugaag badanna qortay, waxaana kaalinta koowaad ay ka gashay haweenka ugu hantida badan caalamka. 2) Alice Walton Alice Walton Waxaa hantideeda lagu qiyaasay 44 bilyan oo doollar, waana qofka 17aad ee ugu hantida badan caalamka. Haweeneydan 69 sano jirka ayaa ah gabadha keliya ee uu dhalay asaasaha dukaanka caanka ah ee Walmart ee dalka Mareykanka. Haseyeeshee si ka duwan walaaladeed, waxaa ay dhinac uga baxday shirkadda qoyskooda, waxaana ay diiradda saartay farshaxanka oo waxaa ay markii dambe noqotay guddoomiyaha shirkadda Crystal Bridges Museum. 3) MacKenzie Bezos Xaaskii hore ee ninka ugu taajirsan caalamka Waxay dad badan ku tilmaamaan inay tahay haweeneyda ka macaashtay kala taga iyada iyo ninkeeda. Waxay heysataa hanti ka badan 35.6 bilyan oo doollar, waxayna lacagtaas ka heshay xaqqii ay ku lahayd shirkadda badeecadaha intarnetka ku iibisa ee Amazon oo uu leeyahay seygeeda. 35.6 bilyan waa lacagta keliya ee ay ka heshay asaasaha shirkadda Amazon oo ay kala tageen, waxaase la qiyaasayaa in lacag intaas ka badan ay leedahay. Haweeneydan ayaa afar caruur ah u heysa madaxa shirkadda Amazon, waxayna aqal galeen sanadkii 1993, xilligaas oo ay isku meel ka shaqeynayeen. MacKenzie Bezos waxaa ay markii hore ka shaqo bilawday isla shirkadda Amazon oo ay lataliye ka ahayd. 4) Jacqueline Mars Jacqueline Waxaa la sheegaa inay tahay haweeneyda ugu da’da weyn dumarka maalqabaneeda, waxana ay heysataa lacag dhan 23.9 bilyan oo doollar. Waa qofka 33aad ee ugu taajirsan caalamka. Waxay leedahay shirkadda ugu weyn adduunka ee sameysa macmacaanka iyo shukulaatada oo uu horay u asaasay awoowgeeda sanadkii 1911. Ku dhawaad 20 sano waxay u shaqeyneysay qoyskooda, waxayna shirkadaas ka tirsaneyd tan iyo sanadkii 2016-ka. Sidoo kale waxaa ay leedahay shirkad kale oo soo saarta raashiinka la siiyo eyada dadka ay xanaaneystaan. 5) Yan Huiyan oo aan wax sawir ah laga heynin waxaa ay u dhalatay dalka Shinaha, hantideedan waxaa lagu qiyaasay 22.1 bilyan oo doollar. Sidoo kale waa haweynda 42aad ee ugu taajirsan adduunka. 37 jirkan ayaa leh saamiga ugu badan ee shirkadda guryaha dhista ee Country Garden Holdings, taas oo qeyb weyn ka qaadatay horumarka iyo dhismaha dalka Shiinaha. Sida ku xusan booga shirkadda, waxaa ay ku andacoodaan inay yihiin shirkadda saddexaad ee ugu weyn caalamka ee dhanka dhismaha. Yan Huiyan, oo ka qallin jabisay jaamacadda Ohio State ee dalka Mareykanka ayaa dhaxal ahaan u heshay 57 boqolkiiba hantideeda, hantidaas oo ay ka dhaxashay aabaheed. 6) Susanne Klatten Susanne Klatten Waxay u dhalatay dalka Jarmalka, hantideedana waa 21 bilyan oo doollar. Waa haweeneyda 46aad ee ugu taajirsan caalamka. Haweeneydan oo ah tan labaad ee ugu hantida badan dumarka qaaradda Yurub ayaa da’deeda lagu qiyaasay 56 sano jor. Waxaa ay ka ganacsataa baabuurta iyo dawooyinka. Boqolkiiba 50 hantideeda waxaa ay ka dhaxashay shirkadda Kiimikada ee Atlanta AG, kadib markii ay dhinteen waalidiintooda. Sidoo kale iyada iyo walaalkeed waxaa ay dhaxleen boqolkiiba 50 shirkadda baabuurta soo saarta ee BMW. 7) Laurene Powell JobsFrancoise Lauren waxaa ay heysataa hanti dhan 18.6 bilyan oo doolar. Waa haweyneyda uu ka dhintay asaasaha shirkadda tiknolojiyadda ee Apple, Steve Jobs. Haweeneydan ayaa iyada iyo qoyskeeda waxaa ay dhaxal ahaan u heleen lacag dhan 20 bilyan oo doollar. Tan iyo markii uu dhintay seygeeda, waxaa ay u wareegtay sidii ay u maalgashan lahayd shirkado ay kamid yihiin kuwa dhanka warbaahinta. Waxay sidoo kale maalgashi ku sameysay goobo lagu barto tiknolojiyadda iyo kuwa kale oo dhanka waxbarashada ka shaqeeya. Sanadkii 2018-ka, waxaa ay iibsatay guri qiimihiisu lagu qiyaasay ku dhawaad 17 milyan oo doollar. Qaran News
-
Tehran (Caasimada Online) – Khubaradda dalka Iran ayaa rumeysan in Imaaraadka Carabtu uu ka shaqeynayo in uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay xukuumadda Tehran, si lamid ah kan Isra’iil. Kadib markii safaaraddii Sacuudigu ku lahaa Tehran iyo qunsuliyadii guud ee magaaladda Mashhad dab la qabadsiiyay horraantii sanadkii 2016-kii, Riyadh waxay go’aansatay in ay xiriirka u jarto Tehran, taasi oo keentay in Iran ay hoos u dhigto matalaadeedii diblomasiyadeed ee Jamhuuriyadda islaamiga ah, iyadoo gaarsiisay heer safiir ku xigeen. Si kastaba, muran dhowaan dhex maray Abu Dhabi iyo Riyadh ayaa keenay in uu horumar sameeyo xiriirka u dhexeeya Iran iyo Imaaraadka, kadib sababo badan oo kasii daraya, oo ay ugu badantahay dagaalka Yemen, Jasiiradda lagu muransanyahay ee Gacanka Persia iyo maalgelinta argagixisadda. Markii uu dilaacay cudurka Coronavirus, Imaaraadku afar diyaaradood oo sida shixnado daawo ah ayey ka dejiyeen caasimadda Iran ee Tehran. Mudadaas wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa tilifoon kula hadlay dhiggiisa Imaaraadka Abdullah Bin Zayed. Bishii July ee sanadkii 2019-kii, dowladda Iran waxaa ay marti gelisay kulan u dhaxeeyay ilaaladda xeebaha Iran iyo Imaaraadka markii u horreeysay muddo lix sano ah. Xilligaas labadda dhinac waxay ka wadahadleen iskaashi wadajir ah oo ay ka sameeyaan xuduudaha, qul-qulka muwaadiniinta labada wadan iyo kordhinta isdhaafsiga akhbarta sirdoonka. Maxamuud Vaezi oo ah agaaimaha madaxtooyadda Iran ayaa dhowaan sheegay in Imaaraadku uu bilaabay in meelaha uu ka heysto Yemen uu isbedel ku sameeyo, isagoo la hadlayay wakaaladda Wararka ee Anadolu, Xasan Hani Zadex oo ah khabiir arrimaha Bariga Dhexe waxaa uu sharaxay in Afartii sano ee go’doonka lagu soo rogay Qatar iyo siyaasadihii uu Imaaraadku ka qatay arrimaha dalalka Liibiya, Siiriya, Ciraaq iyo Lubnaan ay keeneen in Imaaraadku uu gooni noqdo. Waxaa uu intaas ku daray in siyaasadda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ay xiriir la leedahay Sacuudiga, kala duwanaan-shahooduna uu kasoo ifbaxay Yemen, waxayna markii u horreeysay isu bedeshay siyaasad arrimo dibadeed. Khabiirkan oo u dhashay dalka Iran waxaa uu muujiyay in ay jireen kala duwanaansho dhowr ah oo u dhexeeyay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo dhiggiisa Imaaraadka Maxamed Bin Zayed, isagoo soo xiganayay xaaladda dalka Yemen. Waxaa uu intaa ku daray in is-aamini waaga u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka uu xukuumadda Abu Dhabi siiyay fursad ah in ay horumariso xiriirka kala dhexeeya Iran. “Siyaasadaha Maxamed bin Salmaan waxay sababayaan in Imaaraadku uu keli noqdo siyaasad ahaan iyo in uu dhaawac soo gaaro dhaqaalihiisa” ayuu yiri Xasan Hani Zadex oo ah khabiir ka faalooda arrimaha Bariga Dhexe. Siyaasadda Abu Dhabi waxay ku adkeysaneysaa inay talaabo u qaado dhanka Iran, iyo in ay talaabo kale u qaado dhanka Israa’iil. Khabiirkan waxa uu carabka ku adkeyay in Abu Dhabi ay u baahantahay in ay qaadato siyaasado madax-banaan iyo in ay xoojiso xiriirka ay leedahay wadamadda Muslimka ah, waxaana uu tilmaamay in booqashadii masuuliyiin Imaaraadka u dhashay ay Israa’iil ku tageen ay kasoo horjeedo yoolka iyo hadafka dal Muslim ah. Xasan Hani Zadex waxaa uu sidoo kale cambaareeyay meesha uu Imaaraadku ka taaganyahay Turkiga, isagoo caddeeyay in kala duwanaansho dhexmara Turkiga iyo Imaaradka uu dhaawac ku yahay qaran muslim ah, “waa muhiim in Abu Dhabi ay raadiso xalinta muranka kala dhexeeya Ankara.”ayuu yiri. Axmed Destmaljian, oo ah safiirkii hore ee Iran joogay Beirut ayaa tilmaamay in Imaaraadku uu daneynayo in uu hagaajiyo xiriirka kala dhexeeya Tehran, isagoo xiganaya kaalmo daawo oo Abu Dhabi ay u dirtay Tehran iyo ergadii Imaraadka ee tagay Iran. Danjire Axmed waxa uu carabka ku adkeeyay in muranka hadda u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ku saabsan dalka Yemen uu fursad siinayo isbedello cusub, isagoo yiri “Abu Dhabi waa in ay saxdaa siyaasadeheeda ku aadan arrrimo badan, si ay iskaashi adag ula gaarto Iran.”
-
Madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta oo ku dhawaaqay go’aan ka farxiyey Shacabka Dalkiisa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaaku dhawaaqay in laga bilaabo berito la qaaday xayiraaddii dhinaca safarka ee saarneyd magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Mandhera. Wuxuu intaas ku daray in muddo 30 maalmood ah oo kale lagu daray bandowga xilligii habeenkii ee lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo fiditaanka cudurka Covid-19. Duulimaayada gudaha Kenya ayaa la furi doonaa 15-ka bishan July halka duulimaadyada caalamiga ah la furi doono 1-da bisha Agoosto ee soo socota sida uu sheegay Uhuru Kenyatta. Wuxuu sheegay in xayiraadda dib loo soo celin doono waa haddii mar kale ay sare u kacaan kiisaska cudurka Covid-19 oo illaa hadda Kenya ay diiwaan gelisay 7,886 oo kiisaska cudurka halka dhimashadu ay gaartay 160 qof, waxaana ka bogsaday dad fara badan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada beeraleyda qaadka ee Kenya ayaa qeyla dhaan ka muujiyay khasaare xoogan oo kasoo gaaray xayiraada ay dowladda federaalka Somalia kusoo rogtay duulimaadyada ka yimaada dalka Kenya sababo la xiriira badqabka caafimaad ee shacabka inta ay xaalada COVID-19 kasoo hagaageyso Ganacsatada gobolka Miraa ee kasoo go’a qaadka loo soo dhoofiyo Somalia ayaa fariin ay saxaafadda u mariyeen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxay u sheegeen in keydkii ay haysteen uu ka dhamaaday, wax ay cunnaana aysan heysan. Sidaasi darteed waxay ka codsadeen inuu xiriir deg deg ah uu la sameeyo madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo si loo furo duuliyaadyada, xayiraadana laga qaado ganacsigooda. Beeraleyda ka soo jeeda Nyambene ee Gobolka Meru, waxay aad uga soo go’a beerahooda qaadka Soomaaliya loo dhoofiyo ee nooca loo yaqaan Grade iyo Kiza iyo noocyo kala duwan oo si gaar ah loogu talagalay suuqa Soomaaliya. Xubno ka tirsan ganacsatada qaadka iyo beeraleeyda oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha Miraa Moses Lichoro ayaa ugu yeeray Madaxweyne Uhuru Kenyatta in uu la xiriiro dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo si dib loogu bilaabo duulimaadyada xamuul. Mr Lichoro wuxuu sheegay in beeralaydu ay u dhaceen keydkoodii kadib xayiraadii, haddana socoto bishii saddexaad, madaxweyne Uhuruna ay ka dalbaden inuu badbaadiyo ganacsigooda iyo noloshooda. Wuxuu sheegay maadaama noocyada kala duwan ee qaadka hadda aysan lahayn suuq gudaha ah, ay ku qasbeen inay goostaan geedahooda isla markaana mararka qaar ay tiro yar ka iibiyaan ganacsatada maxalliga ah. “Waxaan keydinay waa dhamaadeen hadda beeraley badan ayaan awoodin inay inay helaan waxay cunaan maxaa yeelay ma haysanno meel aan ku iibin karno miraheena. Xaaladda ayaa kacsan Madaxweynahana waa inuu ku dhaqaaqo deg deg ah, lana xariiro dhigiisa Somalia, si dib loogu furo dhaqaalaha, deriskeenna oggolaanshaha duulimaadyada nooga dalbo, ”ayuu yiri Mr Lichoro. Wuxuu sheegay in ka badan 50 shaqaale ah ay ka howl galaan beeraha qaatka maalin walba kahor inta uusan imaan “Covid-19. “Ka hor intaan lagu dhawaaqin xiritaanka Covid-19, waxaan iibin lahaa miraa qiimahoodu ka badan yahay Sh3 milyan bil kasta. In ka badan 50 qof ayaa mushahar ka heli lahaa beeraleyda laakiin inbadan oo kamid ah hadda waa shaqo la’aan. Qaarkood weli waxay igu tiirsan yihiin raashinkooda maalinlaha ah. Noloshu aad ayey noogu adag tahay, ”ayuu yidhi yiri mid ka mid ah ganacsatada qaatka. Mr Bernard Mwiti, oo ah nin Beeraley ah, wuxuu sheegay inuu sameyn jiryay Sh500,000 seddex bilood ka hor, laakiin hadda si dhib yar ayuu ku heli karaa Sh50,000. Ms Felicity Makena, oo ah Beerale kale, ayaa sheegtay in xiritaanka maamulka hawadda Soomaaliya ay saameyn xun ku yeelatay dhaqaalihii soo korayay. “Waxaan ku amaaneynaa Madaxweynaha sharciga u aqoonsaday miraa inuu yahay dalag lacageed. Miraa waa isha koowaad ee dakhliga Kabuitu laakiin suuq la’aan, waynu xusuusan doonnaa. Madaxweynaha waa inuu si xawli ah ku socdaa si xaaladda loo badbaadiyo, ayay tiri Ms Makena. Soomaaliya ayaa xirtay hawadeeda waxayna xayirtay duulimaadyo xamuul oo aan ka ahayn sahay caafimaad, dabayaaqadii bishii Maarso kadib markii la arkay kiiskii ugu horreeyay ee Covid-19. Horraantii Juun, dawladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramey in ay ruqsadii kala noqotay laba shirkadood oo tahriibinayay qaat xili lagu guda jiray xayiraada la saaray duulimaadyada. Sida laga soo xigtay Ururka Ganacsatada Miraa, Soomaaliya waxay qaadataa ilaa 50 tan oo miraa maalin kasta oo lagu qiimeeyo Sh100 milyan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ku dhawaaqday in ugu yaraan 3.5 milyan oo qof la saadaalinaayo inay ku dhici doonaan qalalaase ama amni darrada degdegga ah ee cunta yarida ee ka jirta dalka Soomaaliya inta u dhaxaysa bilaha Juun illaa Sebtember. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in ku dhawaad hal milyan oo carruur ah oo dheeraad ah la saadaaliyay inay nafaqo-xumo hayso. “Qiyaastii 2.6 milyan oo qof ayaa ku sii jiri doona barokacayaal, ku dhawaad hal milyan oo caruur ah oo dhigta iskuulada ayaa looga bixiyay sababo ka dhashay COVID-19” OCHA ayaa ku sheegtay warbixinteedii ugu dambaysay ee samafalka. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in illaa iyo bishii Maarso 16keedii kadib markii kiiska ugu horreeyay ee COVID-19 lagu xaqiijiyay Muqdisho, khatarta seddexda ah ee fayraska, daadadka iyo ayaxa ayaa la shaaciyay qalalaasaha bani’aadanimo ee daba dheeraaday ee Soomaaliya. Waxay sheegtay in qalalaasaha inta badan ay ka dhasheen jahwareer cimilda ah, sanado colaado hubaysan, saboolnimo baahsan ee muddada fog ku jiray in 5.2 milyan oo qof ay gargaar bani’aadamnimo u baahan yihiin sanadkaan 2020. Sida laga soo xigtay OCHA, roobabkii Gu’ga ee bilihii Abriil-Juunyo ayaa la helay, laakiin saameynta fatahaadda ayaa ah kuwo dhibaato abuuray. Waxay sheegtay in qiyaastii 1.2 milyan oo qof ay saameeyeen fatahaado ka dhacay 32 degmo oo ku baahsan Soomaaliya, iyadoo ku dhawaad nus milyan ay ka barakaceen guryahooda. “In kasta oo inta badan barokacayaashu ay ku noqdeen deegaanadoodii, waxay u baahan yihiin caawimaad si ay noloshooda dib ugu dhisaan. Intaa waxaa dheer, in badan oo kamid ah waxay halis ugu jiraan in markale ay saameyn ku yeeshaan marka roobabkii Deyrta ay biloowdaan Oktoobar” ayaa lagu yiri warbixinta OCHA. Sida laga soo xigtay OCHA, shaqaalaha bani’aadamnimada ayaa sidoo kale ka walaacsan in roobabka soo socda ay ka sii dari karaan cudurada ka dhasha biyaha, gaar ahaan shuban biyoodka iyo daacuunka. Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa iyo 16-kii Maarso, la diiwaan geliyay 3,000 kiis oo CVID-19, taasoo sii xumaynaysa dhibaatada hore u jirtay, carqaladayseysana horumarkii dhaqan-dhaqaale iyo in saameyn ku yeeshay hab-nololeedkii gaar ahaan dadka dakhligoodu hooseeyo iyo qoysaska ku tiirsan xawaaladaha laga soo qaado qaraabada ku nool dibadda. Waxay sheegtay in fayrasku uu sidoo kale hoos u dhigay raadka banii’aadminnimada ee gudaha dalka iyada oo ay jiraan shaqaale ka shaqeeya deegaanno xaddidan iyo kuwo guryaha shaqooyinka ka qabta. In kasta oo xannibaadaha la soo rogay, ayay yiraahdeen Qaramada Midoobay, shaqaalaha arrimaha bini’aadminnimada ayaa ku guuleystey inay sare u qaadaan wax ka qabashada cawaaqib-xumada bini’aadannimo ee masiibada iyo taageerada ay siiyaan dowladda iyo waddamada xubnaha ka ah si loo yareeyo faafitaanka iyo saameynta fayraska COVID-19.
