-
Content Count
212,245 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Senetor Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah guddiga isku dhafka labada aqal ee loo igmaday diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka qaranka ayaa waxa uu si adag uga hadlay wararka sheegaya in 7-da kursi ee la sheegay in gobalka Banaadir uu ku yeelan doono aqalka sare lagu qeybsanayo nidaamka 4.5. Dr Dufle ayaa hoosta ka xariiqay in guddiga ay soo jeediyeen in 7-kursi la siiyo gobalka Banaadir haddiiba ay ogolaadaan baarlamaanka isaga oo intaas ku daray inaysan jirin wax go’aan ah oo arrintaasi laga gaaray islamarkaana ay been yihiin wararka sheegaya in kuraastaasi lagu qeybsan doono nidaamka 4.5. “Xubnaha guddigu waxay isla soo qaadeen, in todoba xubnood la siiyo magaalada Muqdisho, waxayna aheyd arrin soo jeedin ah, laakiin meeshaan waxaan rabaa in aan ka cadeeyo, in aysan jirin wax aan isla go’aaminay ama aan soo saxiixnay oo ah ‘4.5 halagu qeybsado’ ma jirto arrintaas haba yaraatee” ayuu yiri Senetor Dufle. Senetor Dufle ayaa waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in xubnaha 7-da ah ay yeelan doonaan dadka deegaanka Muqdisho oo uu sheegay in markii horeba iyaga loo doodayay matalaadooda, waxaana guddiga isku dhafka ah ay soo jeediyeen in matalaad ay aqalka sare ku yeeshaan reer Banaadir inkastoo soo jeedintan la horgeyn doono baarlamaanka federaalka ah. Maalmihii dambe ayaa waxaa si aad ah la iskula dhexmarayay in matalada la siin doono gobalka Banaadir lagu qeybsan doono 4.5 taas oo baraha bulshada ka abuurtay hadal heyn badan waxaana hadalka senator Dufle uu ku soo aadaya iyada oo baarlamaanka Soomaaliya labadiisa gole uu maanta furmayo. Halkan Ka Daawo Dr.Cisman Maxamuud Dufle Oo Ka Hadlaya Arimaha Gobolka Banaadir Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta oo ah Sabti 6da Juun 2020ka lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu daah furay xisbi siyaasadeed cusub, xisbigaas oo loogu magac daray Xisbiga Isbeddelka Dimoqraadiga ah, afka Ingiriiskana noqonaya Democratic Party for Change DPC, xisbigan oo Haldhigiisu yahay “Dib u Xilqaamidda Dowladnimada Soomaaliya” oo afka ingirrisiga noqonaya “recommissioning Somali Statehood”. Munaasabaddass oo ay ka soo qeyb galeen dad bulshada magac weyn ku leh sida odayaasha dhaqanka, madaxda xisbiyada siyaasadeed ee dalka, ururada bulshada, aas aasayaasha xisbiga iyo golahiisa dhexe, garabyada haweenka iyo dhalinyarada. Furitaanka ka dib waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah ka soo qeyb galayaasha, kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga hadlay xisbigaan cusub iyo howlaha looga fadhiyo maaddaama waddanku xilligan marayo marxalad kala guur ah. Mabaa’iidiisa Xisbiga ayaa ah Dhowrista Madaxbanaanida iyo Midnimada Dalka, dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, adkaynta ku dhaqanka xeerarka dalka, la dagaallanka jahliga iyo Faqriga, iyo fursad siinta Haweenka iyo Dhalinyarada si ay kaalin muuqata uga qaataan hogaanka iyo dib u dhiska Dalka. Guddoomiyaha KMG Xisbiga Isbeddelka Dimoqraadiga ah Mudane Xasan Xaaji Ibraahim ayaa halkaa ka jeediyay khudbad dheer oo taabanaysa dhinacyo badan, khaasatan heerarkii uu soo maray yagleelidda xisbigan iyo inay ku midaysan yihiin dad bulshada magac iyo maamuus ku leh. Gudoomiyaha KMG ee Xisbiga mudane Xasan Xaaji ayaa sidoo kale xusay macanaha uu ku fadhiyo Halku dhigga xisbiga ee ah Dib u Xilqaamidda Dowladnimada Soomaaliya, taasoo ah in 20kii sano ee la soo dhaafay dowladnimada Somaliya heerar kala duwan soo mareen balse aan laga faa’iideysan in si dhab ah loo unko dowladnimada dalka, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay waqti ka lumay shacabka Soomaaliyeed, sidaa darteed lagama maarmaan tahay in la dhiso Dowlad si dhab ah u metesha shacabka awooddana gacantooda ku soo celisa, lagana maarmo ku tiirsanaanta dalalka shisheeye, si dhab ahna loogu howl galo in aan cagaheena ku istaagno. Guddoomiye Xasan Xaaji ayaa aad uga hadlay marxaladda haatan dalku marayo iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in isbeddel ijaabi ah dalka ka dhaco oo loo sinnaado hoggaanka dalka. Guddoomiye Xasan ayaa sheegay in 60kii sano oo xorriyadda la haystay ay hoggaanka dalka isku beddelayeen beelo gaar ah, tusaale ahaan dhamaan Madaxweynayaashii dalka soo hogaaminayay muddadaas lixdanka sano ah ay ka soo jeedaan gobollo gaar ah taasoo dad badan qabaan in dibu dhaca iyo horumar la’aanta dalka ay qayb weyn ka tahay hoggaanka oo aan loo sinnayn muhiimna ay tahay in dood laga furo arrinkaas. Waa in laga hadlaa dibu dhaca dalka hadday noqon lahayd xagga Amniga, Dhaqaalaha, iyo SIyaasaddaba, si daah furnaan ah oo looga doodaa arrinkaan masiiriga ah waxay keenaysaa in dalkeennu cagihiisa ku istaago, sidaa darteed xisbigan wuxuu horseedi doonaa isbeddel dalka ka dhaca ayuu yiri guddoomiyaha.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi ayaa waxa uu si rasmi ah u furay 12kii km ee ugu horeeyey oo ahayd wado ganacsi iyo mid gaadiidka waaweyn ay maraan, wadadaas oo loogu talo galay dhulka aan lahayn badda ee Itoobiya ku xidhaysa dakadda Somaliland ee Berbera oo saaran Gacanka Cadmeed ( Gulf of Aden ). Wado weyn oo isku xidhaysa Addis Ababa iyo Berbera ayaa waxa maalgalisay wadanka Imaaraadka (UAE) iyo Sanduuqa Horumarinta ee Abudhabi ( Abudhabi Fund for Development ),iyada oo ay taas ay dheertahay $442million oo lagu balaadhinaayo dakadda Berbera,iyada oo ay maalgalinteeda wado shirkad kale, ( DP World ). Wadadaas weyn ayaa ka dhigaysa Berbera xarunta ganacsiga gobolka.Hal darajo oo kaliya ayaa Somaliland waxa suuragal u noqotay in ay gasho ganacsi qaali ah,iyada oo soo jiidatay alaabta la soo dajiyo iyo alaabta la dhoofiyo oo ka badan intii hore,alaabahaas oo loo dhoofinaayo lagana soo dhoofsanayo wadan dariskeeda ah oo ka qanisan kana weyn Somaliland. Laakiin wadada weyn ee Berbera, ayaa waxa ay si cad u leedahay istiraatiijiyo leh ujeedo kale oo salka u dhigaysa xaqiiq siyaasadeed oo muhiim ah,xaqiiqdaas oo taala dhulka. Xaqiiqdaas oo ah mid ka dhigaysa Berbera qayb muhiim ka ah isku xidhka dhaqaalaha Itoobiya,iyo sidoo kale dhaqaalaha Somaliland. Go’aanka ah in Berbera ay lama huraan u tahay Itoobiya ayaa ah wareegto lagu aqoonsanayo Somaliland.Dabcan baarlamaanka Itoobiya war farxad leh uma wado Somalia,siyaasadda oo dhanna lama shaacin karo,laakiin aqoonsiga Somaliland ayaa dabcan ah hadda mid dadban oo aan toos ahayn. ( Dakadda Berbera waxay muhiim u tahay istaraatiijiyadda Itoobiya ee marin u helka bad ) ( The Berbera port is important to Ethiopia’s strategic imperative of access to the sea ) Somaliland oo gaadha ictiraaf noocan ah,ayaa waxa ay ahayd mid ay Somaliland waligeed raadinaysay,ilaa hadana ma jirto guul muuqata.Ilaa hadda Itoobiya ama wadan kale Somaliland uma ay aqoonsana si cadaan ah, madaxbanaanida Somaliland,laakiin arintaas ayaa waxa badalaya laba waxyaabood oo kala ah: 1) Dakadda Berbera muhiimada ay u leedahay Itoobiya oo baarlamaanka Itoobiya uu ka hadlay biloowgii June,2020. 2) Xadka ay Somaliland la leedahay Ethiopia oo ay qiimo usii yeeshay wadada ( Berbera Corridor ). NOTE: Qaybta ugu dambaysa warbixintan waxa aan soo daabacayaa June 6,2020 .Luqadda uu ku soo baxay oo ah ( English ) ayaa aanan soo daabacayn,ilaa ay muhiim u arkaan akhristayaasha inaan soo raaciyo,sababta ayaa ah in dad badan aanay akhriyi karin Ingariiska,ana markaas aan galinayo wakhti dheeraad ah. NOTE: Hadii aad doonayso inaan soo qoro qaybta labaad ee warbaxintan waa inaad usii gudbisaa qaybtan dadka aanay gaadhin. Waxa qoray:Peter Fabricius Source: Daily Maverick Waxa Turjumay : Ahmed Adam Source
-
Somalia’s already fragile health systems have been tested to their limits since the country confirmed its first COVID-19 case on 16 March 2020. As of 3 June 2020, the Ministry of Health of the Federal Government states that the country has 2,146 confirmed cases. In total, 406 people have been known to recover and 79 people have lost their lives to COVID-19. The virus has managed to spread rapidly, particularly in Mogadishu, one of the most populated cities in the country. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Jabuuti)-Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Jabuuti Mudane Cadiraxmaan Maxamed Geelle ayaa ka hadlay xaaladda adag ee dalkaasi, gaar ahaan dibad-baxyada ay dhigayaan dadka shacabka ah ee ka soo cusboonaaday Jabuuti. Ugu horreyn Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo mar soo noqday duqii magaalada Jabuuti ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay qaadeen dadweynaha reer Jabuuti, gaar ahaan kuwa dhigaya mudaharaadyada xooggan, isagoo ku ammaanay sida ay uga falceliyeen tacadiga loo geystay, Fu’aad Yuusuf Cali oo ah duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee waddankaasi. Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay sida loola dhaqmay askarigaasi qaran oo uu xusay in si xun loo jidh-dilay, kadibna lagu xidhay musqul ama suuli. Hoggaamiye Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay haatan ku socoto wadadii ay ku burburi lahayd, isaga oo hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uusan xilka ka degi doonin illaa uu geeriyooda ama uu dalku burburo, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda Jabuuti ah mid aad u kacsan, iyadoona saacadihii la soo dhaafay dowladdu ay xabsiga dhigtay xubno kale oo ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad iyo dad kale. Xiisada ka dhalatay xariga Fu’aad Yuusuf Cali, kadib muuqaal uu iska soo duubay ayaa ku sii fideysa gudaha wadanka Jabuuti, iyada oo ay markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaan-baxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo xariga duuliyaha. Source
-
A “perfect storm” of ravenous locusts, flooding, and the Covid-19 pandemic threatens to create huge food shortages. Source: Hiiraan Online
-
Maxamed Kaahin Iyo Xasan Gaafaadhi Oo Ka Jawaabay Su’aasha Ah (Maxaa Hoos U Dhigaya Horumarka Gobollada Bariga Somaliland??) Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland ayaa ka qayb-galay Munaasibad lagu soo dhaweeyay Jabhad la baxday ‘Xaq-doon’, kuwaasi oo dhawaan sheegay inay ka goosanayaan Somaliland, balse arrinkoodii waan-waan lagu soo afjaray. Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo hadallo ka jeediyey Munaasibadda lagu shaaciyey in la soo afjaray Jabhaddii la baxday ‘Xaq-doon’ ayaa si isku mid ah u sheegay in dhibaatada Horumar la’aaneed ee ka jirta Gobollada barigu tahay mid ka dhalatay amniga deegaannadaasi oo aan la isku hallayn karin, maaddaama oo had iyo jeer Dawladdu ku mashquulsan tahay walaalaynta Beelaha dagaalama, taasna uu kharash ka badan kii Horumarka deegaannadaa lagaga shaqayn lahaa uu Dawladda kaga baxo. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarka Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Nabaddaa ka kow ah Horumarka, haddii Cidi aamini waydo meeshii aad ku noolayd, haddii Qofku uu lafahiisa uga baqo oo ugu yaraan uu is yidhaahdo Xabad Seeraaro ah baa kugu dhici doonta, horumar ma imanayo, ta labaadna Horumarka inteenii waynu qabnaa, waxaynu siisanay Xabad, Shidaal, Ciidan la soo kiciyo oo la kala dhex galo reero is-laynaya, haddaynu dhigi wayno Qoriga oo aynu maalin walba iskula yaacno, intaynu xaqa u lahayn Horumarka ee Xarumaha Caafimaadka lagu dhisi lahaa (MCH), Iskuullada iyo Saldhigyada lagu dhisi lahaa in ka badan baynu ka qabnaa Dawladda.” Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay haddii arrinkii Jabhaddu dhamaaday isla-markaana ay hadda nabadgalyo tahay “Arrintu waxay ku urursan tahay waa Nabadgalyo, haddaan Nabadgalyo jirin Bani-aadamku silic ayuu ku nool yahay, Somaliland waxay u kala horumarsan tahay sida Nabadgalyadeedu u kala taabbo Gashan tahay, Iskuulladeeda iyo Jaamacadaheedu waxay u kala wanaagsan yihiin sida Nabadgalyadu u kala horumarsan tahay, Mucaawimadu waxay u kala tagaysaa siday u kala horumarsan tahay, markaa shayga keliya ee Aadamaha Noloshiisu ku jirtaa waa Nabadgalyo, haddaydaan Nabadgalyada nagala shaqaynayn halkaanu horumarka marinaynaa.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha guduhu. Source
-
Ilhan Omar, the left-leaning freshman congresswoman from Minnesota, represents Minneapolis and its suburbs, where the wave of protest against police violence and brutality — the systemic killing of African-Americans by American police — first bloomed in the wake of the hideous murder of George Floyd by Minneapolis police officer Derek Chauvin. New York spoke to Omar, who came to the United States from Somalia as a young teen in 1995, about her city’s history of inequality and of civil unrest, and about the direction she and her colleagues want to lead the Democratic Party in the fight against structural racism and injustice. Source: Hiiraan Online
-
Soomaaliland ayaa maanta oo sabti ah 06-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkan. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 48-dii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 29 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka ay ka bogsadeen 5 bukaan, halka 48-dii saac ee la soo dhaafay ay xanuunka u geeriyoodeen labo ruux Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 62 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 24 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 413 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Eighty out of over 35,000 girls who responded to the survey said they had been subjected to female genital mutilation. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa maanta Sabti ah waxa ay xaqiijisay kiisas cusub oo la xidhiidha cudurka Coronavirus. Wasaaradda ayaa sheegtay in Baadhitaanka 48-kii saacadood ee u dambeeyey la sameeyey 150 isla markaana laga helay qaarkood. Sagaal iyo labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, 28 waa Somaliland halka 1 qof u dhashay Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 10 qofna waa dumar, Da’da Bukaanadan cusub ayaa kala ah sidaan. (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 7 qof) (30jir ilaa 39jir = 8 qof) (40jir ilaa 49jir = 4 qof) (50jir ilaa 59jir = 1 qof) (60jir ilaa 69jir = 5 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (80jir ilaa 89jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Burco 11 qof, Berbera 3 qof , 1 qof Gabiley iyo Buuhoodle oo ah 1 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Laba iyo Lixdan (62) Waxaa geeriyooday laba qof oo Hargeisa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 65-jir halka qofka kallena yahay qof dumar oo da’eedu tahay 60-jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay 24-qof. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, xilli ay socdaan banaanbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo tacadiga lagula kacay duuliyaha. Xaaska duuliyaha oo u warrantay idaacada BBC laanteeda Af-Soomaaliga ayaa xaqiijisay inay dowladdu xidhay gabadh 16 jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo saddex gabdhood oo kale oo uu abti u yahay. Xadhiga xubnahan ka tirsan qoyskiisa ayaa imanaya kadib markii banaanbaxyo xooggan ay ka dhaceen gudaha Jabuuti, midaasi oo dhalisay in dowladdu ay xabsiga ku gurto xubnahaasi. Sida ay ogaatay warbaahintu, xubno badan oo ka tirsan banaan-baxayaasha kasoo horjeeda xadhiga iyo cadaalad darrada uu tirsanayo duuliye Fu’aad ayaa shalay iyo maantaba xabsiga loo taxaabay. Xiisada ka dhalatay xadhiga Fu’aad ayaa kusii fidaysa gudaha dalka Jabuuti, iyada oo markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaanbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo xadhiga duuliyaha. Source
-
LONDON - British athletics great Mo Farah will hope his final track race on home turf on Sunday will have a happier ending than last Saturday's world 5,000 metres final. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said A. Deni will pay a visit to Qardho to conduct preliminary assessment on post-flooding relief efforts. President Deni will meet Karkaar regional administration and visit areas affected by April flash floods that caused displacement, loss of life and wealth in Qardho. President Deni will visit families who complained of neglect by the Karkaar administration despite financial assistance from the Federal Government, and donations from major businesses, Somali regions and the Somali Diaspora. A report on the economic impact of floods estimated the flood damages to have cost Qardho US$ 40 millions. In April Puntland State Government appointed a Committee tasked with coordinating relief efforts for 2600 families affected by floods. Qardho district administration grapples with several problems including delay in planning decisions about which part of the district where families will be resettled and what assistance they will get to rebuild lives. In May President Deni vowed that his administration would ensure funds for Qardho flood victims would be used transparently. “Puntland State Government will not use money from the Fund for flood victims. Expenses to be incurred by government employees while working on the responses to the emergency will come directly from Puntland State coffers” President Deni said. Puntland State has not earmarked a budget for natural disasters. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND GOVERNMENT TO REVIEW POST-FLOODING RELIEF EFFORTS IN QARDHO appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti ( Caasimada Online ) – Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Jabuuti Mudane Cadiraxmaan Maxamed Geelle ayaa ka hadlay xaaladda adag ee dalkaasi, gaar ahaan dibad-baxyada ay dhigayaan dadka shacabka ah ee ka soo cusboonaaday Jabuuti. Ugu horreyn Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo mar soo noqday duqii magaalada Jabuuti ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay qaadeen dadweynaha reer Jabuuti, gaar ahaan kuwa dhigaya mudaharaadyada xoogan, isagoo ku amaanay sida ay uga falceliyeen tacadiga loo geystay, Fu’aad Yuusuf Cali oo ah duuliye ka tirsan ciidamada cirka ee wadankaasi. Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay sida loola dhaqmay askarigaasi qaran oo uu xusay in si xun loo jir-dilay, kadibna lagu xiray musqul ama suuli. Hoggaamiye Cadiraxmaan Maxamed Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay haatan ku socoto wadadii ay ku burburi lahayd, isaga oo hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uusan xilka ka degi doonin illaa uu geeriyooda ama uu dalku burburo, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda Jabuuti ah mid aad u kacsan, iyadoona saacadihii la soo dhaafay dowladdu ay xabsiga dhigtay xubno kale oo ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad iyo dad kale. Xiisada ka dhalatay xariga Fu’aad Yuusuf Cali, kadib muuqaal uu iska soo duubay ayaa ku sii fideysa gudaha wadanka Jabuuti, iyada oo ay markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaan-baxyo xoogan oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha.
-
Militeriga Faransiiska ayaa dalka Mali ku dilay Abdelmalek Droukdel oo ahaa, hogaamiyaha ururka Al-Qaacida ee Waqooyiga Africa, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Faransiis ah. Ciidamada Faransiiska ayaa muddo 7 sano ah ku raad joogay Droukdel, oo ahaa dagaal yahan muhiim ah oo ka tirsan kooxdan Islaamiga ah, sida ay sheegeen saraakiishu. Howlgalka uu hogaaminayay Faransiiska ee ka dhanka ahaa Droukdel ayaa waxaa taageero dhanka sirdoonka siinayay howlgalka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, sida uuTaliska Africom xaqiijiyey. Saraakiisha ayaa sheegay in Droukdel, oo lagu yaqaanay in uu ku lug lahaa dhammaanba hawlgallada al-Qaacida ee gobolka Maghreb uu doonayey in uu ballaariyo dhulka ay kooxdu gacanta ku heyso iyo kordhinta weerarada ay qaaddo. Ku dhawaaqista in la dilay Droukdel ayaa timid 6 bilood ka dib kadib markii awoodda ciidan ee Faransiiska iyo kuwa dowladaha gobolkan ee Faransiisku soo gumeystay la isku biiriyey oo la hoosgeeyey hal talis si diiradda loo saaro dagaalka lagula jiro xagjiriinta xiriirka la leh ururka Daacish ee xadka ay wadaagaan dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo dilay Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Afrika appeared first on Puntland Post.
-
War lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Al shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in askar ka tirsan ciidanka Itoobiya lagu dilay qaraxyo dhowr ahaa oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Baay ee Koonfurta Soomaaliya. Qaraxyadan oo gaarayay 6 islamarkaana ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale ee gobalka Baay ayey Al shabaab waxa ay sheegeen inay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya ee gobalkaasi ku sugan waxaana weerarkan qaraxyada ahaa uu dhacay gabal dhicii shalay. Al shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen 3 askari oo Itoobiyaan ah halka ay dhaawaceen 11 kale sida ay sheegteen waxa ayna intaas hadalkooda ku dareen in ciidanka ay qarxiyeen ay isbuucii la soo dhaafay sahay u gudbiyeen degmada Qanasaxdheere ee gobalkaasi. Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Itoobiya ee ku sugan gobalkaasi oo ay uga hadlayaan in askar iyaga ka tirsan lagu dilay weerar dagaalamyaal ka tirsan Al shabaab ay fuliyeen. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay wajahaan weerraro kala duwan oo uga yimaada Dhaqdhaqaaqa Al shabaab ee ku xooggan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Mas’uuliyiinta madasha xisbiyada qaran ayaa xalay shir xasaasi ah ka yeeshay arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa guddoomiyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha madaashaasi oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan kuwooda ugu saameyta badan. Intii uu socday shirka oo ahaa dhinaca internedka ah ayaa waxaa diirada lagu saaray ahmiyada ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho la qabto xilligeeda. Sidoo kale madasha xisbiyada qaran ayaa dalbatay in doorashada la qabanayo ay noqoto mid xor iyo xalaala ah, si looga gaashaanto xasilooni darro siyaasadeed oo timaada. “Madasha Xisbiyada Qaran oo shir xasaasi ah ka yeelatay xaaladda dalka ayaa isku raacday in lama huraan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda aan kadib dhicin.” ayaa lagu yiri war qoraal oo ka soo baxay Madasha. Hadalka ka soo yeeray madasha xisbiyada qaran ayaa ku soo aadayo, iyadoo maanta uu furmayo kalfadhiga todobaad ee labada ee baarlamaanka kaas oo lagu cadeyn doono nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020-ka illaa 2021-ka.