-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta la hadlayay Xildhibaanada Puntlanf wuxuu sheegay in Puntland ay soo dhaweynayo wax alaale iyo wixii Umada Soomaaliyeed [...] The post Madaxweyne Deni ‘Puntland wareersan waa cadyahay, Shir aanaan qayb ka ahayn wixii kasoo baxa ma ogolin” appeared first on . Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta khudbadiisi labaad ka jeediyay kulanka wada-hadalada ee ka socda dalka Jabuuti, oo galay wajigiisi labaad. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in shirka wada-hadalada ee ka socda Jabuuti ay qeyb ka noqon karaan qofkasta oo Soomaali ah, maadama uu xusay in looga tashanayo aayaha umadd Soomaali ah. Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in loo baahan yahay in xal waara la gaaro, kaasi oo ku dhisan waaqica jira, isagoona carabka ku adkeeyay gooni isu-taaga ay ku doodo Somaliland ee mudada badan ay aqoonsiga u baadi-goobeysay. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu ka dhawaajiyey in lagama maarmaan tahay in la fuliyo waxkasta oo lagu heshiiyo, isla markaana la meel mariyo, taasi oo mid miro dhala ka dhigeysa wada-hadalada labada dhinac. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay dhageysiga madaxda Soomaaliya iyo arrinta ay la imaadan miiska wada-hadalka, iyada oo uu meesha ka saaray in midnimo keligeed gacmaha la isku qabsan karo. Muuse Biixi ayaa ku cel-celiyay inay muhiim tahay xiligan in la heshiiyo oo wax meel la isla wada dhigo, si horumar loo wada sameeyo dhamaan iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed. Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili uu shalay furitaanka shirka ka hor cadeeyay mowqifka gooni isu-taaga iyo tabashada ay ka qabaan dowladda federaalka, midaasi oo ku qotontay in si madax-banaan ay beesha caalamku deeqeheeda ugala tacaamusho Somaliland.
-
Mandheera (Caasimada Online) – Warbaahinta Kenya ayaa daabacday in sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Kenya lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xarun ay tuulada Waranqara ku leedahay shirkadda Safaricom. Wararka waxey intaas ku darayaan in laba qof oo kale ay ku geeriyoodeen weerarka, sidoo kalana uu canug yar dhaawac kasoo gaaray. Saraakiisha ciidanka waxey warbaahinta maxaliga ah u sheegeen in labada qof ee la dhintay Askariga booliska ah ay ka mid ahaayeen kooxaha weerarka soo qaaday, xarunta la weeraray ayaana ku taalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. Mid ka mid ah saraakiisha amaanka ismaamulka Mandheera oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney iska caabiyeen kooxahii weerarka soo qaaday, walow uu diiday inuu faah-faahin dheeri ah weerarka ka siiyo. Dhinaca kale Al-Shabaab waxey sheegteen masuuliyadda wixii ka dhacay tuulada Waranqara, balse war ka duwan midka saraakiisha amaanka Mandheera ayey kusoo qoreen warbaahinta afkooda ku hadasha. Waxey sheegeen iney saddex askari oo keenyaan ah ku dileen weerarka, sidoo kalana ay dagaalyahanadooda qabsadeen goobtii ay weerareen.
-
(SLT-Hargeysa)-Boqor Cismaan Awmaxamuud Buurmadaw ayaa sheegay inuu shaqsi ahaan taageersan yahay in markale ay midoobaan Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in midnimo shuruudaysan lalagalo oo aan sidii 1960-kii bilaa Shuruud wax la isku darsan, waxa kale oo uu sheegay in Fikirna uu sidoo kale la qabo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Boqor Buurmadaw ayaa sidan ka sheegay waraysi khaas ah oo uu Xalay siiyay Telefishanka SAHAN oo Boqorka wax ka waydiiyay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya uga furmay Dalka Jabuuti, Waxaanu Boqor Buurmadaw u soo jeediyay Siyaasiyiinta Somaliland inaanay Shacabka wakhti kale ka lumin ee ay soo go’aamiyaan midnimo. Waxa kale oo uu meeshay ka saaray xasuuqii loo gaystay Shacabka Somaliland isagoo sheegay in Shacabka Somaliland laftoodu dhibaato dad u gaysteen. Waxa uu hoqorku hadalkiisa ku bilaabay“Anigu Waxaan qabaan in dib loo midoobo,wadada keli ah ee maanta inoo furin waataas, inaynu wakhti iska lumino maaha, inaynu shacbigana ka lumino maaha, laakiin waa inaan gorgortan la tagno oo maanta todobaatan sanadood ayaa khayreedkeenii la qaadanayay, waxeenii la qaadanayay oo Soomaaliyi jirtay, oo aynu Gidaar cidlo ah ka taagnayn maanta waa inaaynu gorgortan la tagno weeyi” Waxa kale oo uu yidhi “Waa inaynu maanta Caasimadda qaadano, madaxweynaha qaadano, iyaguna ku xigeenadda qaataan weeyi, oo ay UN-ku dib u midoobi (Referendum) wakhti ku xidhan inoo go’aamiyaan weeyi, oo saddex sanno ka bacdi haba ahaatee, intaasina inagu aynu hogaanka u qabano, maadaama oo todobaatan sanno dawladdaasi lasoo manaafacaadsanayay, taasi ayaan qabaa, waanan soo dhawaynayaa, waana fikirkayga”. Dhinaca kale Boqor Buurmadaw waxa uu sheegay in fikirkan ah in dib loola midoobo Soomaaliya uu Faysal Cali Waraabe kaw ka yahay siyaasiyiinta la qaba ee fikirkaasi aaminsan waxaana uu yidhi “ Faysal Cali Waraabe Saaxiibo ayaanu nahay, Faysal Fikirkan aan hadda ka hadlayo ee dib u midoobidda, raggii wax ka curiyay ee aaminsanaa inaynu marka hore midawno ayuu ahaa, faysal qoraal dhan ayaabu ka diyaariyay oo uu u diray, Maraykanka, Midawga Africa, ingiriiska iyo Yuruba, oo uu leeyahay midnimo shuruud leh aan qaadano dabadeedna “referendum” hala qaato, faysal fikirkaasi wuu aaminsan yahay, laakiin Waxaan qabaa Faysal oo kale hadalkiisan uu kaga soo horjeedo shirkaasi, waxaan qabaa inaanu shir diid ka ahayn, ee uu rag kale oo siyaasadda Soomaaliya dibada ka ah ku xidhan yahay”. Isagoo fariin u diraya Shacabka Somaliland ayaa waxa uu yidhi “dadkeena qaar waa kuwo cuqdad laga buuxiyay oo aan caqli badan lahayn, oo aaminsan waa la ina xasuuqay iyo waa la ina laayay, waxaan qabaa anigu, xasuuq haddii uu jirayna Qaybteena ayaynu ka ahayn oo waxbaynu gaysanay, Dawladdii madaxweynihii aynu is dilnay dalka waynu ka erinay oo iyagoo qaxoonti ah ayay ku dhinteen dalka dibadiisa,waynu guulaysanay, waynu adkaanay, Dawlad ayaynu dhisanay, inagu xasuuqii dhacay qaybteena ayaynu ka qaadanay, dad aynu dhibnay ayaa jira”. Ayuu yidhi Boqor Buurmadaw. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wajigii labad ee Wadahadladii u dhaxeeyey Jamuuriyadda Somaliland iyo Soomaliya ee shalay ka furmay Waddanka Jabuuti oo maanta mar kale dib u furmay oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kalena waxaa shirkaasi goob joog ka ahaa Dawladda Maraykanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa guddida farsamo ee wada-hadalada loo saaray kula dardaarmay in runta laga-wada hadlo islamarkaana, loo baahan yahay in shirkaasi guulaysto oo midho-dhal wax ku ool ahi kasoo baxaan. Waxaanu Madaxweynuhu yidhi “Dhankayaga waxaanu halkan la nimi run, wixii aanu dhibaato u aragno in aanu sheegno, wixii Soomaali u dan ah ee aanu ka fursan waynayna waanu la nimi, Walaalahayo waxaanu u sheegaynaa si walaaltinimo ah waxaanu diyaar u nahay inaanu dhegaysano rayiga naga duwan ee kaayaga ka kafog in aanu dhegaysano oo dulqaadkeeda yeelano oo aaanu rog-rogno baanu u nimi idinkana sidaa iyo si lamida ayaanu idinka doonaynaa, Shalay arrintu waxay ahayd Madaxweynayaashii baa shiray oo hadlay oo la dhegaysanaayey, masuuliyadii waanu soo wareejinay guddidan wasiirada ah baa lagu soo wareejiyey annagu tilmaantayadii waanu dhamaynay, maanta waxaa lasoo eegayaa guddida farsamo ee halkan ku hadhay inay keento maxaaa inoo dan ah maxaa ugu dhow ee aan ku heshiin karnaa. Intaasi ka dib Madaxweynayaasha ayaa ka baxay goobta waxaana kulanka isku horfadhiya guddiyadii farsamo ee loo saaray shirkaasi. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
-
Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug oo ay wehliyaan wasiirada Dekedaha iyo kaluumaysiga, iyo wasiirka Bey’ada iyo horumarinta reer Miyiga, Guddoomiyaha Cadaado iyo saraakiil kale ayaa maantay dhagax dhigey Akademiyada Tababarka Ciidamada Booliska Galmudug duleedka dhanka Bari ee magaalada Cadaado. Akademiyadan ayaa noqon doonta halka lagu tababari doono ciidamada Booliska ee dhowaab Galmudug ay xareyn doonto, ayadoo weli ay socdaan hawlihii xareynta iyo tababarka Ciidamada Daraawiishta. Akademiyada Tababarka Ciidamada Booliska ee cadaado ayaa ka mid aheyd qorshayaashii hore ee Galmudug balse wasaaradda amnigu ay rabto in ay horgaliso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Itoobiya oo saaka ka war bixisay safarka Ra’iisal Wasaaruhu Addis Ababa dib ugu laabtay ayaa wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku tilmaantay mid dhex maray laba waddan oo ku yaalla Geeska Afrika sida ay qoraalka u dhigeen. Wakaaladda Wararka ee Fana Broaccasting Corporate (FBC) ayaa waxa ay warbixinteeda ku tidhi sidan: “Ra’iisal Wasaare Dr Abiy Axmed waxa uu dalka ku soo gabagabeeyey booqashadiisii uu ku joogay Jamhuuriyadda Jabuuti halkaas oo uu kaga qaybqaatey dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland. Dib-u-heshiisiinta u dhaxaysa labada Waddan ee Bariga Afrika oo uu marti galiyay Ismaaciil Cumar Geelle shalay ayaa ah sii wadista wada hadaladii uu ku fududeeyey Raiisal Wasaare Dr. Abiy Axmed halkan Addis ababa bishii February, 2020. Marka laga soo tago Dr. Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Somaliland, Mussa Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa ka qeyb qaatay wada hadallada labada dal. Ra’iisul wasaaraha ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in munaasabaddu ay ahayd mid muujineysa muhiimadda wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta horumarka qaranka iyo gobolka. Halkan Ka Akhri Warbixinta: PM Dr. Abiy Ahmed returns home concluding visit to Djibouti Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta war cusub kasoo saartay kulankii shalay ka furmay dalka Jabuuti ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya. Somaliland ayaa sheegtay inay guul ka gaartay kulankaasi la rumeysan-yahay inuu kusoo dhamaaday fashilka ee isku hor-fadhiisteen Soomaaliya, maadama ay si cad ugu soo bandhigeen shirkaasi waxyaabihii ay tabanayesay Somaliland iyo qadiyadeeda gooni isu-taaga, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo saaka u warameyay idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa xaqiijiyey inay kulankaasi ay hareeyen caqabado dhowr ah, walow uu ka gaabsaday inuu caraboobo. Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale xaqiijiyey inuu weli socdo kulamada labada dhinac, inkasta oo dalkaasi ay ka amba-baxeen qaar kamid ah madaxda labada dhinac, iyadoona uu saaka dalkaasi ka dhoofay Ra’iisal wasaare Abiy Axmed. Wasiirka ayaa aaminsan in shirka Jabuuti uu ka duwan-yahay shirarkii hore u dhexmari jiray Somaliland iyo Soomaaliya, maadama ay qeyb ka yihiin dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Mareykanka. Faratoon ayaa si cad u sheegay inaysan marnaba kulankaasi aysan ka dhalan doonin midnimo, isla markaana ay qadiyadooda gooni goosadka ah ee ay ku doodan u bandhigeen beesha caalamka oo goob-joogayaal ka ahaa kulankaasi.
-
Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa ka hadlay Shirka Somaliland iyo Soomaaliya uga socda Dalka Jabuuti. Madaxweyni Deni oo oo khudbad ka jeedinayay Furitaanka Kala fadhiga 46aad ee Golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay in aanay Puntland ahaan Raalli ka noqonayn natiijo kasta oo ka soo baxda shirka ka socda Jabuuti. Madaxweyne Deni oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan caddaynaynaa inaan raali ka noqon doonin Natiijo kasta oo kasoo baxda shirka ka socda waddanka jabuuti ee u dhaxeeya Somaliland iyo Dowlada Federalka” Source
-
The Al-Katiba Media foundation, the external media department of the extremist outfit Al-Shabaab, has been releasing in parts a film series titled “And Be Harsh Against Them”. The ongoing film series has been depicting the attacks carried by Al-Shabaab on the Federal Government of Somalia (FGS) and the African Union Mission in Somalia (AMISOM) bases. Source: Hiiraan Online
-
The Covid-19 pandemic claimed Waikato's much-loved and prominent refugee leader last month. Ismail Diriye Gamadid passed away in Mogadishu, Somalia on 25 May after a three-week struggle with Covid-19. He was on a humanitarian visit to flood victims in an area also affected severely by Covid-19. Source: Hiiraan Online
-
Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay casuumadii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, si wadatashi looga yeesho geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, la dagaalka argagixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Qoraal ay wada jir u soo saareen Beljam, Kanada, Shiinaha, Denmark, Midawga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-gobaleedka ku meel gaarka ah ee horumarinta, Talyaaniga, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Uganda, Ingiriiska iyo Mareykanka ayay ugu baaqeen hogaamiyaasha Soomaaliya in ay ka faa’iideystaan fursadan si ay ugu heshiiyaan arrimaha muhuumada qaran leh oo ay ka mid tahay doorashooyinka 2020/2021, waxayna ku taliyeen inuu si dhakhso ah u dhaco shirkaasi, oo uusan dib u dhicin. Waxay sidoo kale soo dhaweysay Beesha Caalamka raadinta xalka khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Jubbaland. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo soo dhaweysay soo jeedintii Farmaajo ee shir wadatashi appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu – As part of efforts to support communities in its Areas of Responsibility, AoR, in the fight against COVID-19, the African Union Mission in Somalia (AMISOM), on Friday presented a range of personal protection and hygiene supplies to the Internally Displaced Persons (IDPs) and vulnerable civilians in the Banadir region. Source: Hiiraan Online
-
CMA CGM bets on Africa’s inland logistics with AMI purchase
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
CMA CGM is expanding its presence in Africa with the purchase of logistics provider AMI Worldwide, Mathieu Friedberg, CEO of CMA CGM’s CEVA Logistics unit, tells The Africa Report. Source: Hiiraan Online -
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe ka furay kalafadhigii 46-aad ee golaha wakiillada maamulkasi, isaga oo golaha ka horjeediyey khudbad uu dhinacyo badan kaga hadlay . Madaxweynaha ayaa ayaa intii khudbaddiisu socotay waxaa uu soo hadal qaaday wixii u qabsoomay xukuumadda mudadii ay dhisneed, isaga oo dhinaca kale ku dhaliilay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya arrimo dhowr ah oo weli aan xal laga gaarin, sida doorashooyinka 2020-202021-ka, dib-eegista dastuurka, qeybsiga Kheyraadka iyo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliand . “Waxaa shirkii Garowe ka soo baxay arrimaha federaaleynta iyo doorka Puntland, sida dib-u eegista dastuurka, doorashooyinka dalka 2020-2021-ka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka, wadashaqeynta dowaladda federaalka iyo dowaladaha xubnaha ka ah iyo wadahadallada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Waxaana ballan qaadeynaa inaan dadaal xoogan gelindoonno fulinta talooyinkaas inta lagu gudo jiro muddo xileedkeenna, si looga tashto doorashooyinka, anigoo tixgelinaayo waxaan qaatay go’aan ah inaan dhigno gogoshaas magaalada Garowe oo ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo sidoo kale inaan safarro ku tagno magaalada Muqdisho iyo caasimadaha maamullada, laakiin nasiib adrro dowladdu baaqaas kama soo kawaabin “ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynme Deni oo sii hadlayo ayaa yiri” Waxaan Baarlamaanka iyo dadweynha Puntland aan u cadeynaynaa Puntland ay diyaar u tahay in laga wadahadlo arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya, lakiin dowladda federaalka ay tahay ciddda diidan in wadaxaajood la galo isfamna laga gaaro arrimaha cakiran. Arrimaha federaalka Puntland waxaa lagu dhisay hadafka ah hab-dowladeed dadka reer Puntland ay isku maamulaan isla markaana la raadiyo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka federaalka oo puntland ay sidaas uga mid noqoto. Waxaan la soconaa dowladda federaalka ah in ay ku fashilantay dhammeystirka dastuurka, awood qeybsi kheyraad nidaamka maamul maaliyadeed, nidaamka maamul garsoor iyo maqaamka caasimadda oo dhammaantood aas aasi u ah hirgelinta nidaamka federaalka wadanka” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni. Madaxweyne Deni ayaa sheegtay dowladda iyo diwlad goboleedyadu kulmeen halmar intii uu xilka haayey” Intii aan xilka la wareegay waxaa dhacay hal kulan oo ay isugu yimaadeen madax dowladda federaalka iyo kuwa xubnaha ka ah kaas oo fashil ku soo dhammaaday, taas oo sababta ugu weyn ay aheyd in madaxda dowladda federaalka ay awoodda go,aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah ay rabeen in kaligood ay isku koobaan, taas oo ha soo horjeeda dastuurka federaalka ah iyo maba’dii’da nidaamka federaaleynta dalka, waxaa arrintaas idiin cadeynaysa dowladda federaalka iyadoo kala tashan lagana heshiin nidaamka doorashada dalka, waxaa ay diyaarisay xeer ay ugu talo galeen in doorashada lagu galo , oo sharciyeynaya in doorashada lagu galo nidaaka axsaabta badan iyo nidaamka awood qeybsiga 4.5 oo isku dhaffan ” ayuu hadalkiisa ku soo gab gabeeyey Madaxweynha Puntland Siciid. Cabdillaahi Deni. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ka shiraya sharci muhiim ah, sida ay qaar ka mid ah xildhibaanada soo gaarsiiyeen Caasimadda Online. Xildhibaanada ayaa xalay loo diray fariimo muujinaya shirkooda maanta, waxaana laga dalbaday iney wakhtiga ilaaliyaan. Si kastaba Villa Hargeysa ayey maanta kulan ku yeelanayaan, waana mid ka mid ah kulamada ugu horreeya ee kalfadhigoodii ugu dambeeyay. Dad badan ayaa is weydiinaya maxey ka shirayaan xildhibaanada Baarlamaanka iyadoo ay jirto arrin xasaasi ah oo ah wadahadallada Somaliya iyo Somaliland oo maalintoodii labaad ka soconaya dalka Jabuuti. Golaha Shacabka maanta waxey ka doodi doonaan sharciga Nootaayooyinka dalka, waxaana la ogyahay iney xildhibaanadu usoo mariyeen akhrintii ugu horreysay. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa horyaalla shaqooyin badan maadaama muddo xileedkooda uu dhaw yahay.
-
Abiy Ahmed oo dib ugu laabtay dalkiisa+Wararkii ugu dambeeyey shirka Jabuuti Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka qeyb galay shirkii madaxda Somalia iyo Somaliland uga furmay Jabuuti ayaa saaka dib ugu laabtay dalkiisa. Itoobiya ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahayd qaban-qaabadii shirkaas, waxaana uu khudbad uu ka jeediyey furitaanka shirka isagoo Soomaalida ugu baaqay iney jebiyaan derbiga dhexdooda ah, dibna u midoobaan. Waxaa uu dhowr jeer ku celceliyay ereyga ah walaalahey Farmaaajo iyo Muuse isagoo muujinayay walaaltinimo iyo wadadhalasho, waxaana ku jirtay khudbadiisa (We are blood brothers) oo la micno ah walaalo isku dhiig ah ayaa nahay. I am pleased that the consultation summit on relations b/n Somalia & Somaliland, hosted by @IsmailOguelleh with the presence of @M_Farmaajo & @musebiihi took place today. This is a critical demonstration of open dialogue & reconciliation for national & regional dev’t. pic.twitter.com/106206DVkl — Abiy Ahmed Ali (@AbiyAhmedAli) June 14, 2020 Abiy Ahmed ayaa xusay in meelo badan oo dunida ka mid ah laga heshiiyey dhibaatooyin ka waa-weyn kuwa dhex yaalla Soomaaliya iyo Somaliland, loona baahan yahay in dhinacyadu ay sii wadaan wada xaajoodkooda, soona afjaraan farqiga u dhexeeya. Dhinaca kale, Maanta ayaa mar kale waxaa sii socon doona wada-hadallada, waxaana ajandaha ugu weyn ee Maanta uu yahay diyaarinta Guddiyo farsamo oo labada dhinac ka socda, kuwaasoo sii wadi doona kulamada, isla markaana fadhigoodu noqon doono Jabuuti. Mareykanka iyo Jabuuti ayaa gadhwadeen ka ah isku keenida Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland. Siyaasiyiinta mucaaradka Somalia ayaa qaba in arrintan ay Madaxda sareu tahay olole doorasho, iyagoo isweydiiyey sababta uu Madaxweyne Farmaajo u dhaqaajin waayey wadahadalka Somaliland mudadii 3-da sano iyo badhka aheyd ee uu talada dalka hayey. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo qabanqaabisay kulan looga hadlayay arrimaha shuruudaha rukhsadaha isgaarsiinta ka dib markii 7dii Abriil 2020 ay shirkadaha AMTEL, HORMUUD, SOMTEL& GOLIS,oo wada jiraugu soo gudbiyeen Wasaaradda, cabasho ku saabsan shuruudaha rukhsadaha isgaarsiinta ee uu ku soo rogay Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka. Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen shirkadaha cabashada qabay, Maamulka Hay’adda, Guddiga Hay’adda, Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Boostada oo gogosha dhigtay ayaa waxaa looga doodayay qodobada ay ku kala aragti duwan yihiin shirkadaha, Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta iyo Guddoonka Hay’adda Isgaarsiinta, iyada oo dooddana uu gar-wadeen ka yahay Garyaqaanka Guud ee Qaranka. Dood ka dib, waxay dhinacyadu hoosta ka xarriiqeen : Guddiga Maamulka Hay’adda waxay ansixiyeen shuruudaha rukhsadaha 04 Febraayo 2019, iyadoo ay goobjoog ka wada yihiin. Nooca rukhsadda markaasi la ansixiyay waxay gaar u ahayd shabakadaha iyo adeegyada isgaarsiinta. Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta wuxuu 2019-kii ka shaqeeyay Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha, kaasi oo ay dhammaan qeybaha isgaarsiintana ku jiraan. Hase yeeshee waxaa la isku raacay in Nidaamka Rukhsadaha Mideysanee uu Maamulka Hay’adda uu faafiyay31/05/2020, in uusan marin habkii go’aan-gaarista ee xeer-hoosaadka Hay’adda, taas oo uu maray midkii hore ee la ansxiyey Febraayo 2019, sida ay qabaan xeer-hoosaadka Hay’adda iyo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka. In wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo xeer-nidaamiye uu ansixiyey GuddigaHay’addauu u baahanyahay ogolaanshaha GuddigaHay’addasi loo ilaaliyo nidaamka isla-xisaabtanka. In qiimayaasha iyo muddada ku qoran Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha aan lagala tashan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Maaliyadda, sida ku xusan Qodobka 44-aad iyo45-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka. GO’AANNO &TALO-SOOJEEDIN Dhinacyadii ka qeybgalay shirka waxa ay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyadau soo jeediyeen talooyinka iyo go,aanada soo socda: In lagu dhaqmo shuruudaha rukhsadaha isgaarsiinta ee Guddiga Hay’adda (Board-ka)uu hore u ansixiyey 04/02/2019 kadib marka la dhamaytiro, inta dokomintigii beddeli lahaa laga ansixinayo. Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha waa nidaam ballaaran oo shaqo badan ay geliyeen maamulkaHay’adda. Hase yeeshee, waxaa loo baahan yahay in la marsiiyo hannaanka dajinta xeer-nidaamiyeyaasha Hay’adda, isla markaana lagala tashado Shirkadaha Isgaarsiinta, Wasaaradaha isgaarsiinta iyo Maaliyadda. In aan lagu dhaqmi karinin Shuruudaha cusub ee Rukhsadaha iyo Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha ee uu Maamulka Hay’adda soo saaray 31kii May 2020. In Jadwalka Qiimayaasha Khidmaha & Rukhsadaha markii ay ka soo dhammaato Hay’addain loo gudbiyoWasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyadasi loogala tashtoWasaaradda Maaliyada, iyadoo tixgelin la siinayo xaaladda adeeg-bixiyahasi waafaqsan qodobka 40(2) ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka. Ugu dambeyntii ka-soo-qeybgalayaasha shirka waxa ay u mahadceliyeen Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo ku daray shirka talooyin qiimo badan oo fududeeyey isfahmka iyo iftiiminta qodobada cabashadu ka timid. Muqdisho, 15ka Juunyo, 2020 Wabillaahi Towfiiq
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga 46-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020 illaa 2021-ka. Ugu horreyn Siciid Deni ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya inay gacan bidixineyso doorashooyinkaasi, si ay u sameysato muddo kororsi hor leh. Sidoo kale wuxuu sheegay inay dano siyaasadeed ka leedahay sharciga doorashooyinka ee la meel-mariyey, wuxuuna ka dalbaday golaha wakiilada Puntland inay gabi-ahaan laalaan sharcigaasi, maadaama aan laga talo-gelin sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay saamileyda siyaasadda inay isugu yimaadaan shirweyne ballaaran, si looga tashado aayaha dalka iyo sida loo wajahayo hanaanka doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka. Deni ayaa sidoo kale carabka ku goday in dowladda Soomaaliya ay diiday gogol u dhigay si wada-hadal loogu dhameeyo khilaafaadka hadda jira. Ugu dambeyn soo hadal qaaday shirka wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socda dalka jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo shaaciyey in Puntand aysan qeyb ka aheyn shirkaasi, islamarkaana aysan aqoonsan doonin wixii ka soo baxa. “Waxaan cadaynaynaa inaan marna ogolaan doonin natiija ka soo baxda wadahadal kasta oo lala galo Somaliland oo aysan Puntland qayb ka ahayn. Puntland waxaa Somaliland kala dhexeeyo khilaaf dhuleed taas oo u baahan inaan xal ka gaarno.” ayuu khubadiisa ku yiri madaxweynaha dowlad goboleeda Puntland, Mudane Siciid Deni.
-
Source