-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Neighborhood Eats: Safari features Somali cuisine in Harlem
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Safari opened in Harlem five years ago, giving New York City its only Somali restaurant. Now the owners hope to keep their dream alive. Source: Hiiraan Online -
With the annual Muslim pilgrimage to Mecca, or hajj, canceled this year because of the coronavirus pandemic, the socio-economic lives of Somalis have been dealt a serious blow. Source: Hiiraan Online
-
Ingiriiska oo Xayiraad Safar ku soo rogay Somalia Boqortooyada Ingiriiska ayaa dib u cusbooneysiisay xayiraadihii dhanka safarka ee ay ku joojisay Soomaaliya iyada oo muwaadiniinteeda ku boorisay inaysan u safrin Soomaaliya. Xafiiska Arimaha Dibada ee UK, ayaa kshaaciyey inaan Soomaaliya weli deganayn isla markaana ay Khatar ugu jirto weeraro argagixiso. UK, waxay kula talisay muwaadiniinteeda tegaya Hargeysa iyo Berbera inay feejignaadaan. “Argaggixisada waxay u badan tahay inay isku dayaan inay weerarro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya’ iyagoo intaas ku daray inay jirto khatar sare oo afduub oo dalka oo dhan ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka. In ka badan seddex sano oo hor leh ayay Uk kordhisay xayiraadaha dhanka safarka Soomaaliya. Qaran News
-
Washington, DC (Caasimada Online) – Iran ayaa waxa ay xiriir qarsoodi ah la sameysatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya si loo dhaawaco danaha Mareykanka, waxaa sidaas weriyey wargeyska Mareykanka ee Foreign Policy. Ayada oo raaceysay naqshaddii Ruushka ee Afghanistan, ayaa Tehran waxay Al-Shabaab u adeegsaneysaa inay ku weerarto militariga Mareykanka iyo ciidamada kale ee Reer Galbeedka ah ee jooga Soomaaliya iyo gobolka, sida saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa sirdoon ay u sheegeen wargeyska. Ruushka ayaa dhowaan la ogaaday inay sanado u adeegsanayeen kooxda Taliban weeraro ka dhan ah ciidamada Mareykanka iyo xulufada NATO ee Afghanistan. Tehran oo adeegsaneysa lacag si ay dagaalyahano u shaqaaleyso, ayaa Soomaaliya ka dhistay shabakad qarsoon, iyo koox fududeeyayaal ah oo taageero siiya xagjiriinta ka jira dalka, si loo wiiqo saameynta Mareykanka iyo dalalka Khaliijka ay ku leeyihiin dalka, sida ay tiri warbixinta Foreign Policy. Sida warbixinta ay sheegtay, waxyaabaha ay Iran u adeegsaneyso Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah inay hub u mariso kooxda Xuutiyiinta Yemen, iyo inay Soomaaliya kasii gudbiso hub ku socda dalal kale oo ay ka mid yihiin Kenya, Tanzania, South Sudan, Mozambique, iyo Jamhuuriyadda Afrika Dhexe. Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiaga ah ee Iran ayaa ah kooxda ugu weyn ee ka howl-gasha Soomaaliya, waxaana garabka Qudus ee kooxdan uu xiriir xooggan la sameystay shabakadaha xagjiriinta Soomaaliya, sida laga soo xigtay saraakiil Soomaali ah. Saraakiil ka tirsan booliska iyo wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Xoogagga Qudus ay shabakadaha Soomaaliya u adeegsadaan inay saliid sharci-darro ah geeyaan Soomaaliya, kadib ayada oo raqiis ah ay ka iibiyaan dalal ku yaalla Afrika, si looga dhuunto cunaqabateynta uu Mareykanka saaray, waxaana qaar ka mid ah lacagta kasoo baxday lagu taageeraa Xuutiyiinta Yemen iyo Kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan militariga Mareykanka ayaa joogteeyey in Iran ay Soomaaliya ka wadday howl-gallo qarsoon oo lagu waxyeeleynayo joogitaanka Mareykanka ee Soomaaliya, ayada oo hub horumarsan iyo kiimikada laga sameeyo qaraxyada la siinayo Al-Shabaab. Saraakiisha militariga waxay tuhunsan yihiin in Iran iyo kooxaha ku xiran ay ka dambeeyeen weeraro lagu qaadaty militariga Mareykanka, ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom. Sarkaal sare oo ka tirsan militariga ayaa sidoo kale ku warramay in Soomaaliya ay tuhmeyso in Al-Shabaab ay lacag iyo qalab ka heshay Iran, islamarkaana lacag kale oo dheeri ah lagu siiyo weerar kasta ama askari kasta oo ay ku dilaan Soomaaliya ama dalalka deriska la ah. Sida ay sheegeen saraakiisha amniga Soomaaliya, lacagta, hubka iyo rasaasta Iran ayaa suurta-gal ay tahay in loo adeegsaday weeraro Al-Shabaab ay sanadihii 2019 iyo 2020 ka fulisay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo lala beegsaday militariga Mareykanka. Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa howl-gallo ay ka fuliyeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxay ku qabteen hub, qalab iyo kiimiko laga sameeyo qaraxyada oo ka yimid Iran. Saraakiisha ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey 2017 ay weerarada Al-Shabaab ee Soomaaliya noqdeen kuwa aad u dhimasho badan, sababtuna ay tahay hub ka yimid Yemen iyo Iran. Al-Shabaab ayaa 5-tii Janaayo weerartay saldhigga Simba ee Kenya, oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka. Weerraka ayaa yimid laba maalmood kadib markii Mareykanka uu Iraq ku dilay taliyihii ciidamada Qudus ee Iran Qassem Suleimani. Inkasta oo Shabaab ay sheegtay inuusan xiriir ka dhaxeyn weerarkooda iyo dilka Suleimani, haddana xilliga weerarka iyo taariikhda Al-Shabaab ayaa soo jeedinaya in labada weerar ay xiriiraan. 30-kii September 2019, Al-Shabaab ayaa babuur qaraxyo lagu buuxiyey ku weerartay saldhigga Ballidooge ee gobolka Sh/Hoose, oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka, hase yeeshee weerarkaas ayaa waxaa iska caabiyey ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida, islamarkaana laayey xubnihii Shabaab ee soo qaaday.
-
3 Talaabo oo uu Farmaajo ku dhaqaaqay si uu u fashiliyo shirka Madaxda Maamul-goboleedyada Dhusamareeb uga socda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa badhtamihii toddobaadkan aqbalay casuumad ay madaxda dowlad goboleedyada u sameeyeen oo ahayd inuu kasoo qeyb galo shirka Dhuusamareeb ka furmay. Wax la yaab leh ma ahayn inuu madaxweynuhu arrinkan aqbalo, marka la eego cadaadiska kaga imaanayay gudaha dalka iyo beesha caalamka ee ku aaddan in si degdeg ah xal loogu helo qabsoomidda doorshooyinka dalka, hase yeeshee waxa uu qaaday dhowr tallaabo oo qorsheysan isla markaana uu ku tal–galay inuu kaga cadheysiiyo madaxda dowlad goboleedyada, si shirka u fashilmo. Qorshaha madaxweynaha ayaa ah in isaga oo shacabka u muujinaya inuu xal doon yahay, haddana wax kasta si hoose u burburiyo. Saddexda tallaabo ee arrintaas caddeynta u ah ayaa:- 1 – Fariintii Mursal uu ku weeraray shirka Maalin kadib markii uu ra’iisul wasaaraha gaaray Dhuusamareeb ayuu guddoomiyaha golaha shacabka oo la aaminsan yahay inuu ku jiro isbaheysiga madaxweynaha ee muddo kororsiga uu weerar afka ah ku qaaday shirka isaga oo sheegay inaysan xaq u lahayn inay dowlad goboleedyadu ka arrimiyaan doorshada. Sidoo kale waxa uu weeraray guddomiye ku–xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad oo saarnaa diyaaraddii ra’iisul wasaaraha geysay Dhuusamreeb. Mursal waa ogyahay in madax goboleedyada dalka ay talo iyo go’aan ku leeyihiin nooco doorashada ee dalka ka dhaceysa, islamarkaana aanay dalka ka qabsoomi karin doorasho aan heshiis lagu ahayn, hase yeeshee wuxuu isku dayayaa in xal aan la gaarin oo waqtigu sidaas ku dhammaado. Farriinta guddoomiye Mursal ayaa la aaminsan yahay inuu wax ka ogaa madaxweynaha isaga oo kaga gol-lahaa ka careysiinta madaxda dolwad goboleedayada iyo ra’iisul wasaaraha, iyo inuu qiil ka dhigto in wax uusan ogoleyn afhayeenka baarlamanka aan la socodsiin karin. 2 – Shirkii xildhibaannada ee Villa Somalia Arbacadii la soo dhaafay ayuu madaxweynaha xafiiskiisa ugu yeeray ku dhowaad 40 xildhibaan oo u badan kuwa ka soo jeeda Somaliland, waxaa la baahiyay in xildhibaanadaas ay madaxweynaha uga cabteen arrinka safarkiisa Dhuusamreeb. Balse warbaahinta ayaa ogaatay in kulanka uu abaabulay madaxweyanha ujeeddadana ahayd inuu shirka cadaadis ku saaro. Madaxweynaha ayaa doonayey in xildhibaanada ay horudhac usii noqdaan qorshaha uu la tago Dhuusamareeb, isaga oo doonaya inuu dood ka dhigto in doorasho dadban ay diidan yihiin xildhibaanada iyo guddoonka golaha shacabka, sidaas darteedna uusan aqbali karin, taasi oo ugu dambeyn fashilineysa shirka. 3 – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo uu wafdigiisa kusoo daray Warbaahinta oo loo soo dusiyey liiska wafdiga madaxweynaha ee ku wajahan Dhuusamareeb ayaa xaqiiqsatay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Mahdi Guuleed Khadar uu ka mid yahay wafdiga madaxweynaha, arrinkan oo ka dhigan in madaxweynuhu doonayo inuu shirka si rasmi ah uga qeyb galo. Mahadi Guuleed oo lagu tiriyo garabka madaxweyne Farmaajo ayaa ujeeddada koowaad ee madaxweynuhu u soo kaxeeyay la aaminsan yahay inay tahay inuu ku cadaadiyo ra’iisul wasaaraha oo aragti ahaan u dhow madaxda dowlad goboleedayada iyo in lagu murmo ka qeyb galkiisa shirka taas oo keeni karta sabab uu madaxweynuhu u helo fashilinta shirka. Qaran News
-
Bisad shir muhiim ah ka hakisay xildhibaan ka ka tirsan baarlamaanka UK Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay shir uu kula jiray guddi xildhibaanno ah, kaasoo qaab muuqaal ah uu uga qeyb galayay. Shirka waxaa xildhibaan John Nicolson ka qastay bisad gurigiisa joogtay oo seynteeda ku qarisay wajigiisa. Muuqaalka ayaa laga arkayaa xildhibaanka oo bisadda ka codsanaya inay seynteeda dajiso. Bisadda Mr Nicolson, oo lagu magacaabo Rojo ayaa si lama filaan ah u caan baxday kaddib markii ay seynteeda kasoo muuqatay kaamirada, islamarkaana ay ku qarisay wajiga xildhibaanka oo si toos ah ula hadlayay xubnaha kale ee ay ka wada tirsan yihiin golaha. Mudaneyaashii kale ayaa iyagoo qoslaya laga arkayay muuqaalka, oo lagu shaaciyay bogga BBC-da. John Nicolson ayaa markii hore isku dayay inuu iska indha tiro dhacdada, isagoo u muuqday inuu rajeynayay in bisadda ay durba ka dhaqaaqi doonto kaamirada. Hase yeeshee intaas ka horba waxaa isqabsaday qosolka xildhibaannada kale ee muuqaalka kala socday. “Rojo, seyntaada daji fadlan,” ayuu yiri Nicolson, isagoo la hadlayay bisadda, xilli codkiisa toos looga maqlayay muuqaalka. Shirka, oo u muuqday mid muhiim ah ayey guddiga xildhibaannada ah ku galayeen qaab maqal iyo muuqaal ah, taasoo sababteeda uu leeyahay xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Tan iyo markii uu cudurkan ku faafay dunida waxaa soo ifbaxayay dhacdooyin lala yaabay oo qabsaday dadka guryaha kasoo shaqeynaya. Maxkamad laga dhageystay codka biyaha musqusha Bishii May, maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa kulan ay lahayd laga maqlay codka biyaha lagu shubo musqusha ee wasakhda ka saara. Dhismaha maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka Garsoorka maxkamadda ayaa dhageysanayay dood ku saabsan kiis maxkamadda horyaallay, balse waxaa mar qura hakad galay howshii amxkamadda kaddib markii la maqlay codka biyaha musqusha. Ka qeyb galeyaasha dacwadda ayaa doodda ku sameynayay qaab maqal ah, maadaama kulamadii tooska ahaa loo xayiray fayraska awgiis. Dhacadaas, oo la rumeysan yahay inay ahayd tii ugu horreysay ee nooceeda ah, ayaa noqotay mid taariikhda gashay. Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafayba waxaa dhacdooyinka noocaas ah ay caadi ka noqdeen shirarka dhinaca online-ka lagu galo. Inta badan waxaa dhacda in saaxiibbada guryaha shirka kasoo galaya ay illoobaan inay codka iska xiraan marka aysan iyagu hadalka wadanin, taasoo marar badan sababta inuu shirka hakad galo. Qaran News
-
Ururka Vosomwo oo Ugu Baaqay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaasha Labada X. Mucaarid In Musharaxiinta Beelaha Gabooye lagu soo saaro Nidaamka Is-xambaarka… Hargeysa()- Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo, oo mudo 20 sanno ah, u doodayey Xuquuqda dadka dhaqanku naafeeyey ee Beelaha Gabooye, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo labada Gudoomiye Xisbi mucaarid ugu baaqaya inay xal u raadiyaan sidii ay Musharaxiinta Beelaha Gabooye uga mid noqon Lahaayeen golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada. Ururka Vosomwo waxa uu wadayaa doodaha xaqdoon ee uu ku raadinayo xaquuqda Beelaha Gabooye ee dhinac walba leh, waxanu Madaxweynaha JSL iyo Xukumadaba ugu baaqayaa inuu waax kasta oo dawladeed shaqaalaheeda laga qayb-geliyo Beelaha Gabooye, isla markaana xilalka sare ee Xukuumada si cadaaladda loogu daro golaha Wasiirrada iyo agaasimayaasha guud. Ururka Vosomwo waxa uu cod dheer ku diidan yahay in doorasho la qabto, iyadoo aan meel la saarin xuquuqda doorasho ee Beelaha Gabooye. Sidaas daraadeed waxa uu Ururka Vosomwo soo Saaray 5 qodob oo aanu ugu baaqaynaa ciday khusaysaa in aanay dhayal-san, kuwasoo ah kuwan hoos ku qoran. 1: In Musharaxiinta Beelaha Gabooye lagu soo saaro, nidaamka lagu soo saaro Xildhibaanada bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag ee loo yaqaano Is-xambaarka. 2: Sadaxda Xisbi, Madaxweynaha iyo Baarlamaanku Ansixiyaan qoondada Beelaha Gabooye, isla markaana xal u raadiyaan sidii golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada uga dhex-muuqan la haayeen Bulshada dhaqanku naafeeyey. 3: Beelaha Somaliland ee had iyo jeer ka cawda Saami-qaybsiga, waxa ugu mudan Beelaha Gabooye oo ka madhan dhamaan Golayaasha Deegaanada Dalka iyo golaha Wakiilada, sidaas daraadeed cid kastoo ay khusayso amhiyad gaar ah siiyan Beelaha Gabooye xuquuqda. 4: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukumadiisa waxaan ugu baaqaynaa inuu Beelaha Gabooye siiyo xaqoodii ahaa Wasiirnimo, Wasiir ku xigeen, Agaasime guud iyo Gudoomiye-yaasha Hayadaha Dawlada ee Madaxa-banaan. 5: In Deeqaha waxbaraasho laga qayb-geliyo Beelaha Gabooye, isla markaana koox kasta cid lagaga daro. Alla Mahad leh. Gudoomiyaha Ururka Vosomwo Hibaaq Axmed Xasan vosomwo minority Offece Hargeysa/ Somaliland. Qaran News
-
Taiwan’s Foreign Minister Joseph Wu, right, and his counterpart from Somaliland, Yasin Hagi Mohamoud. Picture: Taiwan Ministry of Foreign Affairs via AP Bizarrely, Taiwan has established diplomatic relations with Somaliland – a semi-desert territory on the coast of the Gulf of Aden. Ironically, Somaliland itself isn’t recognised by any nation in Africa. Taiwan was previously abandoned by almost all African countries, besides the Kingdom of Eswatini. Somaliland emerged from Somalia’s civil war that ended Jaalle Mohamed Siad Barre’s dictatorship in 1991. More importantly, Taipei’s provocative manoeuvre is bound to incense Somalia, the AU and China. For the leadership in Hargeisa, this unwise move will alienate African countries needed for their quest for statehood. Equally, Taiwan’s move is tantamount to creating animosity with Somalia and the AU countries that it seeks support from in order to participate in important international bodies such as the World Health Organization. The Taipei-Hargeisa alliance comes amid the backdrop of escalating diplomatic tensions in cross-strait relations as well as between China and the US. This diplomatic manoeuvre by unrecognised actors on the continent poses enormous challenges. First, it brings insecurity to the volatile Horn of Africa. For different reasons, many actors converge on this disputed territory of Somaliland. The Port of Berbera remains a strategic point of entry for the Middle East, comprising Saudi Arabia, Yemen, the UAE and Qatar. Second, the former colonial powers in Europe, especially Britain, France and Italy, perceive Somaliland and the rest of the region as a major source of migrants pouring into Europe. Third, the US, on the other hand, sees Somaliland through the prism of its war on terror. As Washington pivots to Asia with a focus on slowing the rise of China, it welcomes Taiwan’s adventures in Somaliland. The Taiwanese move in Africa worsens the island’s relations with mainland China. It takes place at a time when Beijing is dealing with endless disputes over borders and islands in the South China Sea. Although Taiwan and Somaliland’s sovereignties are not recognised by Washington, it surprisingly issued a congratulatory note on the newly established relations. As expected, Beijing responded by stating: “Such activities remain illegal and will never be recognised by the People’s Republic of China. There is one China in the world. Taiwan is part of China and the government of the PRC is the sole legal government representing the whole of China.” The implications for Taiwanese involvement in Somaliland are dire for Africa. Somaliland will become a hot spot for the emerging New Cold War between the US and China. The Gulf of Aden will attract more foreign forces, complicating political dynamics in the Horn of Africa. As it stands, Ethiopia, the main anchor for peace and security in the region, remains unstable. As Somalia stabilises, it will heighten its quest for the unification of territories it considers its own. Therefore, Taipei and Hargeisa ought to be careful in their premature diplomatic relations. They both have more to lose in playing global giants off in their quest for recognition. Source: Independent Online (South Africa) The post Taiwanese-Somaliland deal bad for Africa appeared first on Puntland Post.
-
Somalia is a country recovering from conflict and civil war, and is preparing for its third General Election in 60 years. It last held countrywide elections in March 1960. In October of that year, the legitimate civil government was toppled in a bloodless military coup. Parliamentary and presidential elections were held in late 2016 and early 2017 respectively through an indirect electoral arrangement. The upcoming election is fraught with uncertainty and clear domestic challenges. Source: Hiiraan Online
-
Somalia is a country recovering from conflict and civil war, and is preparing for its third General Election in 60 years. It last held countrywide elections in March 1969. In October of that year, the legitimate civil government was toppled in a bloodless military coup. Parliamentary and presidential elections were held in late 2016 and early 2017 respectively through an indirect electoral arrangement. The upcoming election is fraught with uncertainty and clear domestic challenges. Source: Hiiraan Online
-
“Miyi iyo Magaalo waalidku waa inay ka warhayaan ubadkoodu si aanay ceeb uga iman.” Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir. Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir oo bulshada islaamka u faahfaahinayey xikmadaha quraanka iyo sunnaha Nebiga CSW loogu xaaraantimeeyey sinnada ayaa sheegay inay tahay mid u wanaagsan qaranka, qoyska iyo qofkuba ku jirto. Khudbadii Jimcaha maanta oo Sheekh Dirir ka hadlayey ayuu sheegay inuu bayaamin doono khatar aad u weyn oo mujtamaca islaamka dhib ku haysa, aadna inoogu soo fidaysa, kana mid ah cudurada bulshada ee dhibka badan, waxyaalahii diinta islaamku u timi inay horjoogsatana mid ka mid ah, oo ah sinnada. Waxaanu yidhi, “Waxa kalifaya inaynu ka hadalo sinnada, waa iyadoo sharcigii Quraan iyo Xadiis ka hadleen, axaadiis afartameeyo ku dhow iyo aayado tobaneeyo ku dhow ayaa sinnada ka hadlaya inay xaaraan tahay iyo khatarta ay leedahay, iyo iyadoo ku soo badanaysa bulshadeena, ka dib markii da’yarteenu u qaateen dhaqanka shisheeyaha in lagu ilbaxo. Waana dhaqan loogu tallogalay in bulshada islaamka lagu baabi’iyo. Madaxdii Faransiiska midkood ayaa lahaa Muslimiinta way adag tahay inaynu dagaal kaga adkaano, laakiin ruux dumar ah oo jidhkeeda iibsata iyo quraarad khamri ah ayaa inoo dhaama kun madfac oo aynu ku ridno. Gaaaldu sidaa ayey u fikirayaan. Sheekh Dirir ayaa sheegay inay jiraan kulanno badan oo da’yarta ka dhexdhaca, meelo lagu caweeyo, dalxiis la isla sameeyo, sidoo kale gawaadhi yarayar oo xilligan soo korodhay oo khatar badan, oo dibadaha magaalooyinka taagan, qaarkood ayaa loogu tegay dad kala sinnaysanaya, waa arrin khatarteeda leh oo innagu soo kordhay, fakinadii la sheegi jiray oo la firdhiyey weeye. Sheekh Dirir ayaa ku baraarujiyey waalidka iyo waxgaradka inay la socdaan ilmahooda waxa qabanayaan, marwalba waxaanu yidhi, “Da’yartu berigii hore wax badan ayaanay arki jirin oo cawradan iyo ceebtan shaarica taala, intarnatka iyo agabkan la daawanayo, waxa laga yaabaa in qofka yari uga aqoon roon yahay kii weynaa sida la isku waxeeyo, lacag yar ayuu ku shubanayaa, oo ku daawanayaa, markaa sharcigu waxuu keenayaa in laga hadlo, sababaha keena, sida looga hortegayo, dhibaatooyinka ka imanayana waynu xusi. Sheekh Dirir oo fasiraad ka bixinayey waxa sharcigu u yaqaano sinno ayaa yidhi, “ sinnadu waa ruux dumar ah oo loo galmoodo, meher la’aan. Caalinkii Ibnu Qayim RC waxuu leeyahay markaan quraanka baadhay, dembiyada lagu tilmaamay qudhunka waa saddex, mid waa gaalnimmada, midna waa dhaqankii qoom luudka, waa waxan manta gaaladu ku faanayaan, ururada Qoomu-luudka waa kuwa ugu awooda badan wakhtigan caalamka, ta saddexaadna waa sinnada ayuu sheekhu yidhi, sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay “Ragga iyo dumarka xunxun iyaga uun baa is-leh. Sheekh Ibnu Xajar waxuu leeyahay sinnadu heerar ayey kala leedahay, way xuntahay in ruux dumar ah dariiqo xaaraan ah loogu tago, wax aka sii xun gabadh la qabo in laga sinnaysto, wax aka sii xun sinnada ehelka iyo xigtada. Sheekh Dirir oo ka hadlayey sida saxaabadii Rasuulku CSW u fahmeen diinta, ugalana dagaalami jireen ehelkooda xumaanta sinnada aya ayidhi, “Cusmaan ibnu Cafaan RC, wakhtigii kacdoonku dhacay ee la dilayey, iyadoo gaadh laga hayo, ayuu yidhi waar saddex arrimood oo dilkayga bannayn lahaa midna maan samaynin, Ilaahay SW intaan aqoonsadday, marna dib ugama laaban, oo murtad maan noqon, wakhtigii jaahiliyada iyo islaamka midna maan sinnaysan, qof muslim ahna maan dillin. Saxaabigii Abu hurayra RC waxuu yidhi, qofku haduu khamri cabbo ama sinnaysto, Ilaahay SW waxuu iimaanka uga siibaa, siduu dharka isaga bixiyo. Sinnada dhamaan diimahii sammada ka yimi way xaaraantimeeyeen, laakiin laba dhaqan oo manta aduunyada gaaladu isticmaasho ayaa xalaaleeyey, nidaamka dimoqraadiyada oo ah in dadku six or ah isaga noolaadaan, wadaadada kiniisadahuna dhinaca kale ayey mareen oo galmo dhamaanteed way xaaraantimeeyeen, laakiin may joojine midwalba isagoo ilmo yar u gurguurtay ayaa la maqlaa, laakiin islaamku labadaa wax u dhexeeya ayuu sharciyeeyey meherka sharciga ah, qofku hamadiisa ku guto dariiq sharci ah. Sheekh Dirir oo ka hadlayey halista sinnadu leedahay sharciguna inna farayo ee loo baahan yahay inaynu isku baraarujino oo lagaga hortegi karo ayaa yidhi, Guurka in lagu dhiiriyo dadka iyo dhalinyarada, oo siyaasad caam ah oo la qaato noqoto Iska ilaalinta eegmada xaaraanta ah ee quraanka Ilaahay SW uga digay raga iyo dumarka In layska ilaaliyo eegida cawrada raga iyo dumar, mid toos ah ama muuqaal Sheekh Dirir oo faahfaahinayey xikmada quraanka iyo sunnaha Nebiga CSW loogu xaaraantimeeyey sinnada ayaa sheegay inay tahay mid u wanaagsan qaranka, qoyska iyo qofkuba ku jirto. Sida · Inaanu fasahaadin nidaamka qoysku, oo abtirsiimadiisa iyo ehelnimadiisu wanaagsanaato. · Waxay sinnadu lumisa abtirsiimada, ummadaha dhexdooda ay ku faaftana abtirsiimo ma laha. · Waxay halis ku tahay maalka ummada, qof aanu xalaal ku dhalin marka la raaciyo dhaxal xaqdaro ah ayuu qaadanayaa. · Waa sababaha faafiya cudurada halista ah · Waa sababaha keena dilka, ruuxii dumarka ee sinnaysatay intay ceeb ka cararayso ayaa dhici karta inay nafteeda disho ama ilmahii disho, oo dembi sinnadii ka weyn ku dhacdo. · Waa dariiqada xawayaanku u wada xidhiidho, ee dadka sharaftooda dhowraya ee islaamnimad atixgelinaya aanay u wada xidhiidhi Karin. Sheekh Dirir ayaa sheegay in cududrada bulshada ku soo badanaya sida mukhadaraadki aynu ka soo hadalnay ay sinnadu ka mid tahay. Waxa nasiibdarro ah gabadh marka la garciyo inta ay uurka leedahay ma mehersamaysaa, keliyaa dadku isweydiiyaan, maxaa ciqaab ah cidna ma raadiso. Gabadhahii qaaliga ahaa ayaa raqiis laga dhigay, waana nasiibdarro dhinaca dhaqanka ka timi, marka miyi iyo magaalo waalidku waa inay ka warhayaan xaaladaha ubadkooda si ceeb aanay ugu iman. Arrinkaa ayeynu baraarujinaynaa, sharciguna ka hadlay, khatarteeduna ay soo kordhayso. — Mohamoud Ali Walaaleye Freelance Reporter http://www.funca.info/ Hargeisa- Somaliland Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo la filayo in madaxweyne Farmaajo uu berri tago shirka Dhuusomareeb, ayaa waxaan weli kala caddeyn cidda hoggaamin doonta shirka oo ay marti-gelisay Galmudug, sida ay ilowareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Xubno ka tirsan madaxtooyada Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in Villa Somalia ay xiriir lasoo sameysay kana dalbatay in shirka hoggaamintiisa lagu soo wareejiyo, oo madaxweynaha dalka uu hago, hase yeeshee Galmudug ay ku gacan seertay dalabkaas. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dooday inaysan ahayn wax sharci iyo caqli gal ah in madaxweynaha Soomaaliya uu marti ka noqdo dal uu dhammaantiisa hoggaamiyo, ama uusan hoos tagi karin maamul uu hoggaamiyo, sidaas darteedna ay lagama maamrmaan tahay in Galmudug soo wareejiso hoggaanka shirka. Dhanka kale Galmudug ayaa ku dooday in qaar ka mid ah maamullada dalka, gaar ahaan Jubaland iyo Puntland ay xasaasiyad ka qabaan Villa Somalia, taasina ay ahayd sababtii markii hore keentay in shirka Galmudug ay mart-geliso, sidaas darteed aysan waxba ka beddeli karin martigelinta shirka. “Annaga waan caddeynay, haddii madaxweynaha lagu qanacsan yahay markii horeba shirka laguma qabteyn Dhuusamareeb, ee waxaa la tagi lahaa Muqdisho, marka ma dhici karto inaan taas aqbalno,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxtooyada Galmudug oo codsaday inaan la magacaabin. Si kastaba, Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay inay ku rajo weyn yihiin in Galmudug bedesho mowqifkeeda marka madaxweynaha uu tago Dhuusamareeb, mana cadda sida xaaladda ay ku dambeyn doonto. Dhana kale, madaxweyne Farmaajo ayaa loo diyaariyey lana dejin doonaa xarunta madaxtooyada Galmudug, oo ah goobta uu shirka ka dhacayo, waxaana ammaankiisa sugaya ku dhowaad 200 oo askari oo koofiya cas ah oo Xamar laga keenay.
-
Iran has established covert ties with the Somalia-based al-Shabab terrorist group well known for its attacks in the Horn of Africa. Following Russia’s playbook in Afghanistan and the surrounding regions, Tehran is allegedly using al-Shabab to attack the U.S. military Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay nin saaka waabarigii ciidamada booliiska gobolka Mudug ay qabteen, xili ay baaritaan ka wadeen gobolka, waxaana ay sheeggtay nin inuu dil ka soo geeystay deegaanka Garasabaaley ee duleedka Muqdisho. Aweys Cismaan Cabdi ayaa dhowaan waxaa uu dil wadareed u geystay dad isku qoys ahaa kuwaas oo deganaa duleedka Muqdisho, waxaana dil wadareedkaas ku geeriyooday 5 ruux oo isku qoys ah, halka ay tiro kale ay ku dhaawacmeen, Aweys ayaa reerka uu dhibka u geystay la ahaa xidid wadaag oo waxaa uu ka qabay gabar. Halkaan Ka Akhrisho qoraalka wasaaradda Ciidanka Boliiska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa maantay gacanta ku dhigay eedaysane Aways Cusmaan Cabdi oo dilka 5 qofood oo isku qoys ah iyo dhaawaca kuwa kale ka geystay duleedka magaalada Muqdisho deegaanka Garasbaaley. Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa ku hawllan sugidda amniga, ka hortagga danbiyada iyo sidoo kale ka dabatagga danbiilayaasha danbiyada ku geysta Galmudug iyo meelaha kale ee dalka gudihiisa ah. Eedaysane Aways oo ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen ayaa la horgeyn doonaa sharciga, ayadoo ay eheladii dadkii uu xasuuqay u mahadceliyeen ciidamada amaanka Galmudug ee maantay qabtay eedaysanahaas. Wasaaradda amniga Galmudug waxay bogaadinaysaa dadaalada kala duwan ee ciidamada amniga Galmudug ay wadaan iyo guulayso ay ku tallaabsanayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bartamihii toddobaadkan aqbalay casuumad ay madaxda dowlad goboleedyada u sameeyeen oo ahayd inuu kasoo qeyb galo shirka aaya ka talinta Soomaaliya ee Dhuusamareeb ka furmay. Wax la yaab leh ma ahayn inuu madaxweynuhu arrinkan aqbalo, marka la eego cadaadiska kaga imaanayay gudaha dalka iyo beesha caalamka ee ku aaddan in si degdeg ah xal loogu helo qabsoomidda doorshooyinka dalka, hase yeeshee waxa uu qaaday dhowr tallaabo oo qorsheysan isla markaana uu ku tal–galay inuu kaga careysiiyo madaxda dowlad goboleedyada, si shirka u fashilmo. Qorshaha madaxweynaha ayaa ah in isaga oo shacabka u muujinaya inuu xal doon yahay, haddana wax kasta si hoose u burburiyo. Saddexda tallaabo ee arrintaas caddeynta u ah ayaa:- 1 – Fariintii Mursal uu ku weeraray shirka Maalin kadib markii uu ra’iisul wasaaraha gaaray Dhuusamareeb ayuu guddoomiyaha golaha shacabka oo la aaminsan yahay inuu ku jiro isbaheysiga madaxweynaha ee muddo kororsiga uu weerar afka ah ku qaaday shirka isaga oo sheegay inaysan xaq u lahayn inay dowlad goboleedyadu ka arrimiyaan doorshada. Sidoo kale waxa uu weeraray guddomiye ku–xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad oo saarnaa diyaaraddii ra’iisul wasaaraha geysay Dhuusamreeb. Mursal waa ogyahay in madax goboleedyada dalka ay talo iyo go’aan ku leeyihiin nooco doorashada ee dalka ka dhaceysa, islamarkaana aanay dalka ka qabsoomi karin doorasho aan heshiis lagu ahayn, hase yeeshee wuxuu isku dayayaa in xal aan la gaarin oo waqtigu sidaas ku dhammaado. Farriinta guddoomiye Mursal ayaa la aaminsan yahay inuu wax ka ogaa madaxweynaha isaga oo kaga gol-lahaa ka careysiinta madaxda dolwad goboleedayada iyo ra’iisul wasaaraha, iyo inuu qiil ka dhigto in wax uusan ogoleyn afhayeenka baarlamanka aan la socodsiin karin. 2 – Shirkii xildhibaannada ee Villa Somalia Arbacadii la soo dhaafay ayuu madaxweynaha xafiiskiisa ugu yeeray ku dhowaad 40 xildhibaan oo u badan kuwa ka soo jeeda Somaliland, waxaa la baahiyay in xildhibaanadaas ay madaxweynaha uga cabteen arrinka safarkiisa Dhuusamreeb. Balse Caasimadda Online ayaa ogaatay in kulanka uu abaabulay madaxweyanha ujeeddadana ahayd inuu shirka cadaadis ku saaro. Madaxweynaha ayaa doonayey in xildhibaanada ay horudhac usii noqdaan qorshaha uu la tago Dhuusamareeb, isaga oo doonaya inuu dood ka dhigto in doorasho dadban ay diidan yihiin xildhibaanada iyo guddoonka golaha shacabka, sidaas darteedna uusan aqbali karin, taasi oo ugu dambeyn fashilineysa shirka. 3 – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo uu wafdigiisa kusoo daray Caasimadda online oo daalacatay liiska wafdiga madaxweynaha ee ku wajahan Dhuusamareeb ayaa xaqiiqsatay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Mahdi Guuleed Khadar uu ka mid yahay wafdiga madaxweynaha, arrinkan oo ka dhigan in madaxweynuhu doonayo inuu shirka si rasmi ah uga qeyb galo. Mahadi Guuleed oo lagu tiriyo garabka madaxweyne Farmaajo ayaa ujeeddada koowaad ee madaxweynuhu u soo kaxeeyay la aaminsan yahay inay tahay inuu ku cadaadiyo ra’iisul wasaaraha oo aragti ahaan u dhow madaxda dowlad goboleedayada iyo in lagu murmo ka qeyb galkiisa shirka taas oo keeni karta sabab uu madaxweynuhu u helo fashilinta shirka.
-
(SLT-Hargeysa)-Urur Goboleedka IGAD, ayaa taageeray Wadahadallada u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee ka qabsoomay dhawaan dalka Jabuuti. Walaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu maanta daabacay Warsidaha East Africa Business Week ee ka soo baxa dalka Uganda, oo sheegay in Shirkii 36aad ee ay habka maqal iyo muuqaalka ah ku yeesheen Hoggaamiyeyaasha Dalalka Urur Goboleedka IGAD ay caddeeyeen inay danaynayaan in wadahadallada ay yeelanayaan Guddiyada farsamo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya laga sameyn doono horusocod lagu gaadho xal. Waxa kaloo warmurtiyeed ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyeyaasha IGAD lagu ammaanay wadahadalka u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee ay gadhwadeenka ka yihiin Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Bayaanka urur goboleedka IGAD ayaa soo baxay shan maalmood ka dib, markii ay Soomaaliya codsatay in dib loogu dhigo wadahadalkii Guddiyada Farsamo ee u socday Somaliland iyo Soomaaliya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska gobolka Mudug ayaa soo qabtay nin ku eedeysan inuu dad isku qoys ahaa, oo ay ku jirto xaaskiisa, ku dilay duleedka magaalada Muqdisho, 8-dii bishan July. Ninkan oo lagu magacaabo Aweys Cismaan Cabdi ayaa lagu eedeeyey in isaga oo ku hubeysan qoriga AK47 waxa uu deegaanka Garasbaaley rasaas aan kala sooc laheyn ku furey reerkaas oo ka koobnaa 9 qof, kuwaas oo shan qof ay dhinteen, afar kalena ay dhaawacmeen. Dadka la dilay ayaa isugu jiray haweeney xaamilo aheyd, labo caruur ah iyo labo oday oo waayeel ahaa. Aweys ayaa sida lagu eedeeyey markaas kadib ka baxsaday degaanka Garasbaaley ee Gobolka Baanadir kadibna ka tegay caasimadda. Taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “waxaa lagu guuleeystay in Aweys lagu qabto magaalada Gaalkacyo. Eedeysane Aweys waxaa loo haystaa dilka shan qof ay ku jirto xaaskiisa hore iyo ehelkeeda waxaana dhawaan la horkeeni doonaa sharciga.” “Waxaan shacabka Soomaliyeed meel walba ay joogaan ugu mahad celineynaa wadashaqeynta hufan oo joogtada ah ay la leeyihiin Ciidanka Boliiska Soomaliyeed,” ayey tiri Zakiya. Caasimada Online ayaa dad deris la ah dadka la laayeye waxay u sheegeen in Aweys uu gabar ka qabay reerka uu laayey, isla markaana uu jiray hinaase ama maseyr ku dhaliyey weerarkan. Wararku waxay intaas ku darayaan in ninka geystay falkaas uu ka tirsanyahay ciidamada booliska Soomaaliya, isla markaana uu ka baxsaday goobtii uu falku ka dhacay.
-
Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa ku howlan qorshe ay si weyn uga deyriyeen dadka muslimiinta ah ee ku nool dalkaasi, kaasi oo la sheegay in looga dan leeyahay wax loogu yeeray ‘la dagaalanka Islaamnimada xagjirka ah’. Jean Castex, oo ah Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Faransiiska ayaa wacad ku maray inuu si hagar la’aan ah uu u difaaci doono siyaasada dowladiisa ee ku qotonta kala saarida Diimaha. Castex oo ay siyaasadiisu tahay midigta dhexe ayaa si weyn ugu cel-celiya in dowladdiisu ay gacan bir ah ku qaban doonto wax uu ugu yeeray ‘Islaamnimada xagjirka ah’, taasi oo muslimiinta dalkaasi ay rumeysan yihiin in looga dan leeyahay, isla markaana loogu soo dhuumanayo mar-marsiyo argagixiso. Muslimiinta ku nool dalkaasi Faransiiska ayaa wer-wer ka muujiyey qorshaha uu wado Castex, midaasi oo lagu beegsanayo islaamka sida ay sheegen ururo Islaami ah oo ka dhisan dalkaasi. Ururadaasi ayaa dhowr jeer dowladda Faransiiska u gudbiyay dalabyo ku aadan wax ka badal lagu sameeyo siyaasaddaasi, taasi oo ay dowladda Faransiisku iska dhago tirtay. Castex ayaa ku doodaya in qorshihiisa looga baaqsanayo falalka argagixisada iyo weliba kooxo uu sheegay inay doonayaan usoo dhawaanshaha qowmiyadaha ama diimaha-ba. Qorshahan cusub ee walaaca ay ka muujiyeen Muslimiinta dalka Faransiisku ayaa waxa uu si rasmi ah usoo bixi doona dhawaan, iyada oo sida la rumeysan yahay ay ku lifaaqnaan doonaan sharciyo si gaar ah culeys u saaraya Muslimiinta.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay si rasmiya u shaacisay xiliga ay dib u fureyso duulimaadyada caalamiga ah oo in muddo ah u xayirnaa sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19. Jabuuti ayaa hore u diiwaan-gelisay Kiisas badan oo cudurkaasi ah, taasi oo sababtay inay xukuumadu soo rogto xayiraado looga baaqsanayo in dalkaasi uu ku faafo, inkasta oo muddooyinkii dambe hoos u dhacay, sida uu sheegay Wasiirka gaadiidka dalkaasi. Maxamed Muuse Axmed, Wasiirka gaadiidka dalka Jabuuti ayaa sheegay in maalinta berrito oo Sabti ah ay qorsheynayaan inay dib u furaan duulimaadyadii caalamiga ahaa, kaasi oo 18-kii Bishii Maarso ee sanadkaan ay u joojiyeen cudurka Covid-19 dartiis. Xanibaada dhanka duulimadyada ee dalka Jabuuti ayaa hoos u dhac baahsan ku keentay dhaqaalihii dalkaasi tan iyo markii ay joojiyeen, sida uu ka dhawaajiyey Wasiirka gaadiidku. Ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirku sheegay in gudaha madaarka dalkaasi ay ku diyaariyeen goobo dadka looga baarayo cudurka safmarka ah ee Coronavirus, taasi oo looga hortagayo in qof cudurkaasi qaba uu gudaha u galo magaalada Jabuuti. Dalka Jabuuti ayaa mar safka hore ka galay dalalka Afrika ee kiisaska ugu badan ee Covid-19 laga diiwaan-geliyay, inkasta oo ay hoos u dhaceen muddooyinkii dambe, isla markaana ay dad hor leh ka bogsadeen.
-
Ciidamada booliska dagmada Gaalkacyoe ee gobalka Galmudug ayaa maanta ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedeeysane Aweys Cismaan Cabdi oo dil wadareed u geystay 5 Ruux todobaadkii la soo dhaafay, duleedka magaalada Muqdisho.gaar ahaan deegaanka KM13. Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug Gaashanle Dhexe Qaasim Shirdoon Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay soo qabashada eedeeysanaha isagoo xusay in dabagal dheer oo ay ku ogaadeen in xalay abaare 10-kii fiidnimo ama 4 saac uu soo galay Gaalkacyo. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in aroornimadii saakay ay gacanta ku soo dhigeen isagoo dhanka kalena sheegay in sharciga la horgeyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan. Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee Ciidanka Booliska gobalka Mudug ay u hayaan bulshada isagoo ugu baaqay shacabku inay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo helo amni laysku haleyn karo. Sagaalkii bishaan ayaa deegaanka KM 13 ayaa waxaa uu dil wadareed ugu geystay qoys ka kooban shan ruux oo ay ka mid ahaayeen haweeney oo ay hore u kala tageen nin qabay, aabaheed iyo sidoo kale dad kale oo ka tirsan qoyska. View the full article
-
Deegaanka Tireega oo ansixiyey guddi doorasho oo u gaar ah Baarlamaanka Degaanka Tigreega ayaa kalfadhi degdeg ah oo uu yeeshay ansixiyey guddi doorasha oo ka kooban 5 xubnood. Goluhu wuxuu sheegay 776 xubnood oo deegaanka Tigreega oo dhan laga soo xulay ayaa xubnahan laga dhex doortay. Doorashada ka dhaceyso deegaanka Tigreega ayaa la filayaa iney ka qayb qaataan Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigreega hayo iyo xisbiyada mucaaradka ee deegaankaasi ka diiwaan gashan. Go’aankan baarlamaanka Tigreega uu meel mariyey ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowladda dhexe iyo guddiga doorashooyinka qaranka ee Federaalkaba ay deegaanka Tigreega ay ku amreen iney qabsanin doorasha deegaan ahaan u gaar ah, balse deegaanka Tigreega uu ka dhaga fureystay. Doorashooyinka qaran ee dalka Itoobiya sanadkan ka dhici lahaa ayaa dib loo dhigay ilaa iyo hal sano sababa la xiriira fayraska Korona Muluwarqi Kidaane, madaxa Guddiga Doorashooyinka Tigreega ee hadda la magacaabay Qaran News
-
Gudaha Baarlamaanka Taiwan oo Feedh iskala daalay+Sababta! Xubnaha baarlamaanka dalka Tawian ayaa ku dhex dagallaamay gudaha baarlamaanka xilli ay ka doodayeen ansixinta masuul ka tirsan guddi madax-bannaan oo la socda hawlaha la xisaabtanka dowladda. Waa markii seddaxaad oo ay xubnaha iskula tagaan feedh iyo haraati labadii isbuuc ee la soo dhaafay. Chen Chu, oo ah xubin ka tirsan xisbiga talada dalkaasi haya ayuu soo jeediyay madaxweynaha dalkaasi in loo magacaabo madaxa guddiga dabagalka hawlaha dowladda balse mucaaradka ayaa ku gacan seydhay soo jeedintaasi. Waa markii seddaxaad oo ay xubnaha feedh iskula tagaan labadii isbuuc ee la soo dhaafay Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wafdiga u raacaya shirka berri ka furmaya Dhuusamareeb ku daray ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, Mahdi Guuleed oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi ama Somaliland, ayaa madaxweynuhu uu ku doodayaa inuu shirka ku matalayo gobollada Waqooyi, maadaama uusan jirin maamul matalaya. Si kastaba, waxaa la filayaa in tani ay diidmo ka muujiyaan madax goboleedyada, maadaama ay tahay markii ugu horreysay oo matalaad noocan ah loo muujiyo Somaliland, waxaana qaarkood ay u arkaan inay qeyb ka tahay dadaallada Villa Somalia ee lagu doonayo in shirka lagu fashiliyo. Madax goboleedyada ayaa casuumay kaliya ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, taasi oo horseeday in guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu sheego inuusan aqbali doonin go’aanada shirka. Mursal ayaa la rumeysan yahay inuu ka carrooday inaan waxba laga soo qaadin. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ku sugan Garowe, ayaa suurta-gal ay tahay inuu shirka tago. Haddii taas ay dhacdo waxay kasii carreysiin doontaa Mursal. Cabdi Xaashi ayaa la rumeysan yahay inuu ku aragti yahay madax goboleedyada uuna rumeysan yahay in dalkan aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah. Dhanka kale waxaa Dhuusonareeb ku sugan Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yarey. Sida aan xogta ku helnay, Xaliimo Yarey laguma casuumin shirkan, waxaase tegitaankeeda wax ka og Villa Somalia. In la kordhiyo dadka ka qeyb-galaya shirka ayaa ah xeelad Villa Somalia ku dooneyso inay shirka uga dhigto mid ballaaran, si loo yareeyo saameynta madax goboleedyada, iyo in la helo garabyo taageersan marka la gaaro xilliga go’aan qaadashada shirka. Haddii aan xal loo helin su’aasha ah yaa ka qeyb galaya shirka, madax goboleedyadana ma aqbali doonaan dhinacyada ay wadato Villa Somalia? Waxay horseedi kartaa in furitaanka shirka dib u dhaco.
