-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
”Shirku saddexda cishaba jiitanbuu ahaa. Waxa noo yimid qolo aan diyaar ahayn, serious ahayn, xogogaal ahayn, Waxa laga wada hadlayo fahmayn. Caawa 7:00 ayaanu ku kala kacnay markii aanu aragnay inaanu wax midho dhal ah ahayn. Mucaawinada dunida ayay rabaan inay siyaasadeeyaan, oo ay jiritaankeena ku xidhaan, waana aanu diidnay inaanu gacmaha hoorsano. Waxa kale oo aanu isku diidnay is dhex galka iyo isku socodka siyaasiyiinta xilka haya inay Hargeysa yimaaddaan, kuweenuna xamar tagaan sidii maamul goboleedyada, taasna waanu diidnay. Waxyaabo badanoo riwaayad ah ayaa jiray oo aanu isku diidnay ” Siciid Sulub Maxamed Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga JSL, halkan hoose ka waraysiga Source
-
(SLT-Hargeysa)-Mus-danbeedka golaha abwaanadda qaranka ee Somaliland ayaa soo dhaweeyay tageerana u muujiyay guusha ay Somaliland ka gaadhay shirkii Jabuuti ku dhexmaray dawladda Soomaaliya. Xubnahan golaha abwaaniinta Somaliland oo maanta warbaahinta Hargaysa kula hadlay waxay shaaciyeen in ay si buuxda u soo dhawaynayaan, isla markaana u taageersan yihiin khudbadii taariikhiga ah iyo garnaqsigii uu madaxweynaha Somaliland shirkaasi ka jeediyay. Waxaana ka mid ahaa abwaan Cabdi Aadan Xad (Qays), abwaan Maxamed Aadan Dacar, abwaan Muuse Cali Faruur, iyo xubno kale. Halkan ka Daawo hadaladii Abwaaniinta: Source
-
Shirka dib u heshiisiinta ee Soomaaliya iyo Somalinad uga socday dalka Djibouti ayaa goordhow lagu kala kacay sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. Wararka ayaa intaa ku daraya in sababta lagu kala tagay ay tahay xal laga gaari waayey arrimaha isu socodka bulshada oo lagu heshiin waayey in lagu daro arrimaha aan la siyaasadeyn. Mas’uuliyiinta Djibouti oo ku dhexjira hadda labada dhinac ayaa la sheegayaa inay bilaabayaan u kala dab qaadista si wada hadaladda loo sii wado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (HOL) - Somali National Army troops alongside Djibouti forces fighting under the AMISOM banner have recaptured a Central Somali town from Al-Shabaab fighters on Tuesday after several hours of fighting. Source: Hiiraan Online
-
Ibraahim Geedoow Cawaale oo ah qoraa iyo falanqeeye ciyaaraha gudaha ayaa sheegay saamilayda isboortiga dalka ay la xisaabtamaan mas’uuliyeenta hogaaminaysa Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Halkan Ka Daawo Qeyb Ka Mid Waraysi Dhinac Skyp-ka Uu Falanqeeye Geedow Siiyay Goobjoog https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/xirrrrika.mp4 Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (PP News Desk )— People in Xeedho, a North Hargeysa suburban neighbourhood, have voiced anger about a make-shift crematorium for foreigners who died of Covid-19 in Hargeysa. One of the equipment left at the cremation scene Locals have lodged a complaint with Somaliland Covid-19 Prevention Committee. People are particularly concerned about health repercussions from cremating bodies in Geed-deeble valley, one of water sources for lical and Hargeysa city. “About thirty persons conducted the open-air cremation. We are worried that the make-shift cremation will put people’s lives at risk from Covid-19” said a man who spoke to the media at the scene. Xeedho residents fear COVID-19 victims’ remains buried in the Geed-deeble valley pose health hazards People who conducted the cremation process had left equipment at the scene. “We saw the remains being buried in the valley. There were armed soldiers who denied us access to the scene of the cremation” said another local resident. Xeedho residents have called for Somaliland Government to investigate the cremation incident. © Puntland Post, 2020 The post RESIDENTS OF A HARGEYSA SUBURB NEIGHBOURHOOD COMPLAIN OF MAKE-SHIFT CREMATORIUM appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – War hadda naga soo gaaray Jabuuti ayaa sheegaya in shirkii guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu kala kacay, islamarkaana dowladda Jabuuti ay isku dayeyso inay bad-baadiso. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in caqabadda ugu weyn ee shirka ay tahay qodob ay Somaliland diiday inay aqbasho, oo ahaa inaan la siyaasadeyn is dhex galka bulshada labada dhinac ee ah inay Muqdisho iyo Hargeysa isaga kala gooshi karaan, haddii ay ahaan laheyd Fanka, Dhaqankax Ganacsiga iyo cayaaraha. Qodobkan ayaa dalbanaya in Somaliland joojiso xariga iyo dhibaatooyinka ay u geysato dadka u baxa Muqdisho ama meel kale oo Koonfurta kamid ah iyo in ay joojiso dal ku gal oo ay ku qasabta dadka usoo socda Hargeysa. Qodobkan oo la doonayo in war-murtiyeedka shirka lagu daro ayaa u qornaan lahaa sidan: “Ayada oo la tixgelinayo dhaqanka iyo caadooyinka hodanka ah ee dadka Soomaaliyeed, waxa ay labada dhinac isku raaceen dhiirragelinta is-dhexgalka siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo dhaqan ee ka dhexeeya dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. Sida oo kale, iyaga oo u hoggaansamaya xeerarka caalamiga ah, waxa ay labada dhinac mar kale caddaynayaan sida ay uga go’an tahay dhowrista xuquuqda asaasiga ah ee xorriyada hadalka, isu-socodka iyo is-dhexgalka ee dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. Labada dhinac waxaa kale oo ay isku raaceen in ay dhiirragelinayaan ka qaybgelka bulshada labada hawlaha la xiriira dhaqanka, sida ciyaaraha, fanka iyo suugaanta, si yoolkaan loo xaqiijiyo na, waxaa labada dhinac isku waafaqeen in ay hirgeliyaan guddiga Iskuhaynta Bulshada.” Inta badan qodobada laga wada hadlayay ee sida in aan la siyaadadeyn mashaariicda horumarineyd iyo saadaasha hawada ayaa is faham laga gaaray, oo dowladda Soomaaliya ay aqbashay waxaana qodobka kaliya ee caqabadda noqday uu yahay mid dhanka Somaliland ku xiran. Sida aan xogta ku helnay Dowladda Soomaaliya ayaa xitaa diyaar u ahayd in ka reebto siyaasiyiinta dadka loo ogolaanayo isu-socodka, balse la ogolaado fanaaniinta, cayaartoyda iyo dhaqanka. Dowladda Jabuuti ayaa isku dayeysa hadda inay dhinacyada isku soo celiso, islamarkaana shirka la bad-baadiyo, waxaana laga yaabaa in haddii aan taas lagu guuleysan illaa caawa, shirka lagu soo kala tago berri.
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalin laha ah ku shaacisay in guud ahaan dalka laga diiwaan geliyey 38 kiis oo xanuunka COVID-19ah. taas oo guud ahaan ka dhigeyso muwaadiniinta uu ku dhacay 2,696 oo ruux, tan iyo markii uu dalka ka dilaacay bishii March 2020-ka. Wasaaradda ayaa xustay in kiisaskaan laga helay Gobolka Banaadir 8, Somaliland 13, Puntland 16, halka Koonfur Galbeed laga xusay 1 kiis oo xanuunka Coronavirus ah, bukaanada 29 kamid ah waa Rag halka 9 ay yihiin Dumar. Wasaaradda ayaa sheegtay in xanuunka ay dib uga soo bogsadeen 36 ruux, taas oo guud ahaan dadka dib uga soo caafimaaday xanuunka ka dhigeyso 685 muwaadin, wasaaraddu maanta ma shaacin muwaadin dalka gudihiisa ugu geeriyooday xanuunka Coronavirus , waxaana guud ahaan dalka caabuqa COVID19 ugu geeriyooday 88 muwaadin. Googjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenka ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa uu is-difaaci doono, islamarkaana aanu marnaba wada-xaajood ka geli doonin madax-banaanidiisa ku aadan biyo-xireenka webiga Nile ee abuuray xiisadda kala dhaxeysa Masar. “Masaarida iyo dunida inteeda kale si wanaagsan ayay u ogyihiin, sida aan u dagaal galno marka uu yimaado,” ayuu Jeneral Birhanu Jula ku yiri wareysi uu siiyey wargeyska ay dowladda leedahay ee Addis Zeman. Birhanu ayaa hoggaamiyayaasha Masar ku eedeeyey inay “beddeleen sheekada” biyo-xireenka ugu weyn Africa ee Itoobiya ay sameysay. Waxa uu Masar ku eedeeyey inay hubkeeda u adeegsatay “inay ugu hanjabto dalalka kale inaysan u dhowaan biyaha la wada leeyahay ee webiga Nile”, wuxuuna intaas ku daray in waddada kaliya ee horey loogu socon karo ay tahay in la wada shaqeeyo. Hadalka Jeneralka ayaa ka duwan midka ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed oo horraantii toddobaadkan xildhibaanada dalkaas u sheegay in diblomaasiyadda ay tahay inay xudun u noqoto sidii loo xalin lahaa murankan. “Ma dooneyno inaan dhaawacno cid kale, balse sidoo kale aad ayay u adkaan doontaa inaan aqbalno sheekada ah in aynan mudneyn inaan helno koronto,” ayuu yiri Abiy Ahmed. Si kastaba, wada-hadallada u dhaxeeya Itoobiya, Masar iyo Sudan ayaa u muuqda kuwa aan meelna u socon. Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Gedu Andargachew ayaa shalay Masar ku eedeeyey inay caqabad ku tahay wada-hadallada saddex geesoodka ah ee ku aaddan biyo-xireenka. “Mowqifka madax adeegga ah ee Masar ayaa caqabad ku aha wada-hadallada socda,” ayuu yiri isaga oo weriyayaasha uga warbixinayey halka ay illaa iyo hadda marayaan wada-hadallada. Wada-hadallada ayaa Isniintii galay maalintii shanaad, waxaana diiradda lagu saarayaa sida loo buuxinayo biyo-xireenka iyo sida uu u howlgali doono. Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenka – oo noqo doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda. Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas.
-
Diyaaradda Daallo oo sida 139 Mawaadiniin Soomaali ah oo muddo ku xayirnaa magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Mawaadinidiin maanta diyaaraddu keentay waxa ay isugu jireen 29 rag ah, 77 dumar ah iyo 33 carruur ah, kuwaasi oo waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyay cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xiray ee COVID-19, waxaana dalkaasi ku haystay dhibaatooyin kala duwan. Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladiisa oo ka duulaysa dhibka haystay mawaadiniinta ayaa amray soo daad gureynta muwaadiniinta oo u badan kuwa nugul. Diyaaraddan ayaa noqoneysa tii lixaad oo muwaadin Soomaaliyeed ka keenta dalka Boqortooyada Sacuudiga, waxaana dadka dib loogu soo celiyay dalkooda ay aad uga mahadceliyeen kaalinta dowladdu ay ka qaadatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalada hargeysa duleedkeeda waqooyi ayaa lagu gubey dad Somaliland ugu dhintey COVID19, shacabka ku dhaqan deeganka Xeedho ee waqooyiga magaalada hargeysa ee deegankooda lagu gubey maydadkan ayaa cabasho arrinkasi ka muujiyey sheegeyna inuu khatar caafimadkooda ku yahey dambaska iyo hadhaaga maydadka la gubey. Dadweynaha cabshada muujiyey ayaa la hadley Bulsho tv. Sawirada hoose waa goobta lagu gubey maydadka, hadhaagii, dambiskii, naxashayadii lagu gubey maydadkas iyo bulshada cabshada muujiyey. Dhacdayadan naxdinta leh ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee Somaliland lagu arko maydad la gubey, halkan hoose ka DAAWO muuqaalka Source
-
Gudiyada farsamo ee loo saaray Wadahadalka Soomaaliland iyo Dowlada Federaalka ayaa wali isku murankaan Qodobadii ay ka doodayen. Gudiyadaan waxay kawadahadlayaan oo qura Deeqda Soomaaliya [...] The post Wararkii ugu dambeeyey Wadahadalka Jabuuti appeared first on . Source
-
Magaalada Muqdisho waxaa si weyn ugu socda tartan lagu xusayo laacibkii hore LLP Jeenyo Xulka Qranka Soomaaliya iyo Gobolka Baayo Maxamaed Xaaji Adam Uurey kaas oo dabayaaqadii 2019 ku geeriyooday magaalada Toronto ee Wadanka Canada. Tartanka lagu xusayo laacibkii hore Xulka Qaranka marxuum Uurey waxaa ka qeyb galaya ciyaartooydii hore ee Dalka iyo kuwa iminka soo koraya waxaana loogu tala galay in dhallinyarada buburkii ka dib dhalatay la xasuusiyo taariikhda halyay Uureey. Taageerayaal badan ayaa ka soo qeyb gal ciyaarayahan lagu xasuusanayo ciyaaryahan Maxamed Xaaji Uurey,iyagoo u mahad celiyay qab qaabiyaasha Nasro Maxamed oo ka mid aheyd laacibiintii hore LLP Jeenyo ayaa Goobjoog u sheegtay in ay ka shaqeyndoonaan tartamo kale oo dhawaan lagu qaban doono Maamul Koonfur Galbeed,maadama uu halkaas ka soo baxay xirfadyahan Maxamed Xaaji Aadam Uurey,dibna loo xasuusiyo dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha deegnada Maamulka Koonfur Galbeed. Tan iyo bilawgii sanadka 2020 waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay tartamo kala gedisan oo lagu xusayo ciyaaryahanadii hore ee Soomaaliya ee geeriyooday waxaana abaabulka barnaamijka iska kaashanahaya qaar ka mid xidigihii hore dalka ee kala jooga gudaha Soomaaliya iyo Wadanka dibadiisa. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ka Mid Ah Tartanka Lagu Xusay Laacib UUreey Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo gaaray deegaanka Gawaan ee Gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa booqasho gaaban ku tagay isbitaalka guud ee Gawaan ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka Gawaan. Agaasimaha guud ee isbitaalka Gaawan Dr Cumar Maxamed Cilmi (Cumar Bile) ayaa madaxweynaha uga warbixiyay qaabka uu u shaqeeyo isbitaalka. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay agaasimaha guud ee Gawaan taas oo uu ku muteystay howsha wanaagsan ee uu u hayo dadka deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hay’adaha u dooda Xuquuqda Haweenka oo si wadajir ah ugu baaqay in la cadeeyo doorka haweenka ee siyaasadda iyo meel marinta sharciga Jinsiga. Halkan Ka Aqriso Ururada Haweenka Oo Baarlamaanka Ka Dalbada Meelmarinta Hindise-sharciyeedka Jinsiga Golaha Shacabka oo Laga Dalbaday Meelmarinta Hindise-sharciyeedka Jinsiga Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Urarada Haweenka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Haweenka-whatsappka.mp4 Source: goobjoog.com
-
Dood wadaagaan oo ahaa mid looga Hadlayay sida xal-waara looga gaari lahaa colaadaha kusoo laa laabta deegaanada gobalka Mudug isla markaana ay soo Agaasimeen madasha Nabada iyo Is dhaxgalka dhallinyarada gobalka Mudug oo gacan ka helaya Hay’adda cilmi baarista iyo Nabada Puntland ee PDRC waxaana lagu Qabtay magaalada Gaalkacyo iyadoona ay Ka qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan kuwa dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug, aqoon-yahan,siyaasiyiin Iyo qeybaha Kala duwan ee bulshada. Dood wadagaan ayaa intii uu socday waxaa dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadii madasha ku Sugneyd ay su,aalo ku weydiiyeen masuuliyiintii iyo siyasiyiintii ka qeyb-galay kuwaa oo iyana faah faahinayay ka Bixiyay sida xal-waara looga gaari karo colaadaha dalka ka Jira. Genaraal Cabdi wali jaamac Xuseen (Gorad) Taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka ayaa ugu horeyn ka hadlay sida xal waara looga gaari karo colaada gobalka. Maxamuud Yaasiin Axmed Tumeey oo ka mida shaqsiyaadka lagu xasuusan doono mustaqbalka nabada xiligaan ka jirta magaalada gaalkacyo ayaa isna sheegay in marka hore iskaashiga laga sameeyay isla markaana cadaalada laga shaqeeya. Qaar ka mida dhallinraada madasha nabada iyo isdhaxgalka goballka mudug ayaa bogaadiyay sida ay u socdaan daadaalada nabada iyagoo dhanka kalana ka hadlay doorka ay dhlalinyaradu ka qaadan karaan dib u hishiisiinta dalka iyo doorka ay ku yeelan karaan sida xal waara loogu heli karo colaadaha soo laa laabtay in dhibaatooyinka badan abuuray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Halkan ka fiirso Tacsida loo diray Marxuumka The post Daawo Tacsida loo diray Marxuum Nuur Cumar Maxamed appeared first on . Source
-
Beledweyne ( Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kursiga uu ku fadhiyo beeshiisa u soo wareegsaday gobolka Sh/dhexe, sida ku cad kursiga lambarkiisu yahay HOP 274. Beesha Jidle ayaa ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada B/weyne, iyadoo wixii ka horreeyay 1991-kii ay xubin ku lahayd Golihii Deegaanka B/weyne. Sidoo kale waxaa ku aasan magaalada B/weyne Ugaaskii Beesha, Ugaas Nuurre Ugaas Ugas oo sanadkii 1994-kii ku geeriyooday magaalada B/weyne. Odoyaasha, aqoonyahanka iyo dhallinyarada beesha oo uu hoggaaminayo Ugaaska Beesha oo dhowaan ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ka digay inuu Xildhibaan Nuux qorshahaas wato si uu mar kale kursiga ugu soo noqdo, taas oo ay maanta muuqato inay dhabowday wixii ay ka digayeen. Xildhibaan Nuux oo ku dhashay, kuna soo barbaaray magaalada Dhagaxbuur ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaan xo-ogaal badan u ahayn taariikhda Beesha iyo deegaannada ay dagto iyo ahmiyadda uu Gobolka Hiiraan u leeyahay. Doorashadii u dambeysay wuxuu ku soo baxay dagaal dhiig ku daato ka dib markii lagaga awood roonaaday wareeggii 1aad ee codeynta, isagoo markaasi taageero ka helayay Dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh. Aqoonyahanka Beesha ayaa aaminsan in sababta uu xildhibaan Nuux uu ugu soo wareejiyay kursigan Sh/Dhexe ay tahay inuusan kalsooni badan ku qabin beesha oo u badan Hiiraan, uuna doonayo inuu sameeyo qaab la mid ah kii uu ku soo baxay 2016-kii, inkastoo Xukuumadda talada haysa ay ka duwan tahay tii caawisay 2016-kii.
-
Shirkaan oo ay soo qaban qaabiyeen urrurada ka shaqeeyaya arrimaha xuquuqda haween ee SSWC,IIDA Iyo SWA ayaa looga haylayay sidii loo meelmarin lahaa hindise shariciyeedka jinsiga ee haatan horyaala Barlamaanka Iyo xaqiinjitinta qoondada Haweenka ay leeyihin doorashada Soo socota ee 2021. Aamino xaaji Cilmi guddomiyaha hay,adda SSWC, Sahro Maxamed Axmed guddoomiyaha hay’adda SSWDC iyo Duniyo Maxamed Cali (Carshaan) guddoomiyaha hay’adda IIDA ayaa hadlay muhiiimada sharcigaan uu u leeyahay haweenka Soomaaliyeed waxaana ay ka codsatay in barlamaanka si dhaqsi ah uga shaqeeyaan meelmarintiisa iyagoo sidoo kale sheegay in hisdise sharciyeedka uu muhiim u yahay sidi looga hortagi laha xad gudubyada loo geystoHaweenka. Nasro Xasan Guhaad oo ku hadlaysay magaca ururada bulshada rayidka ayaa sidoo kale warbaahinta u akhrisay war murtiyeed ay soo saareen waxaana ay sheegay sheegtay in sharcigaan uu laf dhabar uyahay in wax laga qabto xad gudubyada ay la kulmaan haweenka Soomaaliya. Wasiiradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sideedii bishii lixaad ee sanadkii 2018 barlaamaanka u gudbisay hindise sharciyeedka Jinsiga waxaana haweenka maanta ku kulmay ay ka codsadeen in sharciyaasi lagu soo daro ajandayaasha ugu horeeyay oo ay ka doodi doonaan barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka. Halkan Ka Daawo Sawirro Ku Saabsan Kulankii Ururadii Haweenka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa shaaciyay in uu jiri doono kulan u dhexeeya xukuumadaha Ankara, Moscow, iyo Tehraan kaasoo looga arrinsan doono arrimaha dalka Suuriya. Wasiirka ayaa sheegay in kulan loo adeegsanayo aaladda fogaan-aragga, maadama weli xanuunka safmarka uu weli ka jiro caalamka. Kulamadan waxa ay gaar u yihiin wasiirka arrimaha dibadda saddexda dal, waxaana xigi doona kulan kale oo isla aaladda foggaanka Aragga ay ku yeelan doonaan madaxweynayaasha waddamada Turkiga, Ruushka iyo Iiraan. Sida laga soo xigtay wasiir Lavrov, kulanka ayaa dhici doona ka hor inta aysan dhicin kulanka guddiga wada-xaajoodyada ee Suuriya. Laakin dhiggiisa dalka Iiraan, Maxamed Javad Zariif oo isna shir jaraa’id ku qabtay Moscow ayaa rajo ka qaba inuu kulanka dhici doona bisha August ee sannadkan. Suuriya, dagaal sokeeye ayaa ka socday tan iyo horaantii sannadkii 2011-kii, xilligaas oo dalka ay ka billowdeen bannaanbaxyo dimuquraadiyadeed oo looga soo horjeeday madaxweyne Bishaar Al-Asad. Boqlaalo kun oo dad ah ayaa la dilay in ka badan malaayinna waa ay ka barakaceyn dagaalka dhowrkaas sanno dagaallada socday Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Mas’uulyiinta Culumada Ahlu-Suna Waljamaca ee magaalada Kismaayo ayaa ka cabanaya xadgudub ay sheegeen in Wasaaradda Cadaaladda Maamulka Jubaland ay ku hayso masaajidyada iyo xarumaha diinta lagu barto ee ay gacanta ku hayaan. Cabashadan ayaa ku aadan dhwor Masaajid oo ay maamuli jireen Ahlu-Sunna oo, sida ay kooxdan ay sheegtay, ay wasaaradda u ballanqaaday dayactir balse kadib ay ku wareejisay dhinacyo kale. Macalin Barre Maxamed oo kamid ah culimada Ahlu Sunna ee ka cabanayo Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland ayaa sheegay inuu la kulmay wasiirka Cadaaladda Maxamed Aw Yuusuf, islamarkaana uu ballamo badan uga baxay isagoo adeegsanayo awoodda Wasaaradda sida uu hadalka u dhigay Macalin Barre oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa xusay in wasaaradda ay uga baxday ballan aheyd in loo dayactiro masaajidda iyo goobaha lagu barto diinta Islaamka Balse wuxuu sheegay in qandaraasyadii loo wareejiyey goobo kale. Sheekh Cali Cabdullaahi Xuseen oo kamid ah culimada Ahlu Sunna ayaa isna VOA u sheegay in Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland ay xirtay dhawr masjid iyo xarumo lagu baranayey Diinta Islaamka oo ay iyagu gacanta ku hayeen. Dhanka kale, Mas’uulyiinta Wasaarada Cadaaladda Jubaland, oo la hadlay VOA, ayaa beeniyey eedeynta ka timid Ahlu-Sunna Waljamaaca. Agaasimnaha Wasaarada Cadaaladda Jubbaland Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa gebi ahaanba wax kama jiraan ku tilmaamay eedeynta kasoo yeertay culumada Ahlu Sunna ee Kismaayo, wuxuuna sheegay inay Ahlu Sunna gacanta ku heyso inta badan masaajidda Kismaayo. Masaajida uu muranka ka taagan yahay ayaa waxaa kamid ah Masaajidka khudbiga Jabarti ee xaafadda dalcadda iyo Masjidka Al-Raxma ee Xaafadda Shaqaalaha ku yaalo. Halkaan hoose ka dhageyso khilaafka Ahlu Sunna iyo Jubbaland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/d5776801-8230-45bd-bb39-4e6b47f4746f_48k.mp3
-
80 sano dabadeed markii ugu horeysay oo la filayo in Xajka uu baaqdo +Dawlada shaaciyey inay ka baaqsanayaan Xajka sanadkan 2020 Iyada oo ay sii kordhayaan kiisaska coronavirus, Sacuudi Carabiya ayaa la rajaynayaa in ay joojiso ama dib u dhigto sanadkaan gudashada waajibaadka xajka markii ugu horeysay tan iyo 1932. In kasta oo go’aan aan wali la shaacin, ayaa ummadaha muslimiinta ah lagu soo waramayaa in ay ku riixayaan boqortooyada in ay waxbadan bixiso. Mar uu la hadlayey warbaahinta caalamiga ah, sarkaal Sucuudi ah ayaa la sheegay in dib u dhaca ku dhawaaqida go’aankiisa uu muujinayo in mas’uuliyiinta ay fahmeen cawaaqib xumada siyaasadeed ee ka hor tagga xajka ama yareynta cabirka dhibaatada. Sarkaalku wuxuu intaa ku daray in xitaa haddii daqiiqada ugu dambeysa mas’uuliyiinta Sucuudiga ay sheegaan inay diyaar u yihiin gudashada xajka oo dhameystiran, dalal dhowr ah aysan helidoonin boos ay kaga qeybgalaan. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in iyada oo xajka ay inta badan tegidoonaan dadka maxalliga ah sannadkan sababta oo ah joojinta duullimaadyada caalamiga ah. Wadamada ay ka mid yihiin Indonesia, Malaysia, Senegal iyo Singapore ayaa ka baaqsanaya Xajka sanadkaan. Indooniisiya, oo ah dalka ugu dadka badan muslimiinta ayaa u dirta in ka badan 2,20,000 oo qof sannad kasta Xajka. Si kastaba ha noqotee, Fachrul Razi, wasiirka arrimaha diinta ee Indonesia wuxuu yiri intii lagu gudajiray shir-jaraa’id, “Dowladdu waxay go’aansatay inay baajiso Xajka 2020, iyagoo ku eedeeyay in ee Sucuudiga uu ku guuldareystay in ay bixiyaan hubin. “Tani waxay ahayd go’aan aad u qadhaadh oo adag. Laakiin waxaa na saaran waajib ah inaan ilaalino dadka xajka iyo shaqaalaha Xajka,” ayuu yidhi sarkaalka. Qaran News