-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay cabashada arday aan gelin imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, kuwaas oo ku sugnaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose. Diyaarad ayaa aradayda ka soo qaaday garoonka diyaaradaha Baraawe, waxaana loo qaaday dhanka magaalada Muqduisho, si ay imtixaanka uga qeeyb galaan, oo ardayda ay ku jiraan maalintii 2-aad , oo shalay la daah furay. Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaalka arday kamid ah araday ku sugan Baraawe, kaas oo sheegay in lagu war geliyey in imtixaanka ay ku galayaan magaalada Marko balse aysan suurto gelin arrintaas. Ardayda ayaana ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayay in ay ka caawiyaan oo ay ka qeyb qaataan sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyihii hore ee qaranka, Dr Axmed Cali Daahir oo wareysi siiyey Universal TV ayaa ka hadlay arrimo ku aadan garsoorka. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo mas’uuliyiin ay ku jiraan oo diidan in la dhiso golaha adeega garsoorka dalka, si ay u sameeyaan Maxkamadda Dastuuriga oo go’aan kama dambeys ah ka gaari karto khilaafka kasta oo yimaada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la siyaasadeeyey dhamaan waxyaabaha muhiimka u ahaa dhismaha golaha adeega garsoorka, sida hay’adihii ka mid noqon lahaa, Qareenada laga soo xuli lahaa iyo bulshada rayidka, sida uu hadalka u dhigay. Xeer ilaaliyaha qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xilligan la joogo dalka uu u baahan yahay hirgelinta gole adeeg garsoor oo madax banaan. Waxa kale oo ku baaqay in si deg-deg ah loo dhiso golaha adeega garsoorka, si buu yiri looga gudbo caqabadaha dalka ka jira, gaar ahaan kuwa siyaasadeed. Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo marar badan lagu cel-celiyey baahida loo qabo dhisamaha golahaasi, balse ma jirto tallaab ay u qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, si loo helo maxkamad dastuuri oo lagu kala baxo.
-
Waxaa maanta la soo xeridoonaan tartankii lagu xusayay xidigihii hore Gobolka Baay,LLP Jeenyo iyo Xulka Soomaaliya Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) oo dhamaadkii 2019 ku geeriyooday Wadanka Canada, waxaana fiinalaha iskugu soo haray kooxaha kala Asal 24 iyi naadiga Jeneraal Daa’uud. “Waan u mahad celinaynaa dhamaan ciyaaryahanadii iyo kooxihii ka soo qeyb galay intii uu tartankan socday u jeedada ugu weyn aan u qabanay tartankan waxa uu ahaa isku keenista laacibiintii hore, si dhallinyarada ay bartaan taariikhda laacib Uurey” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Sheekh Maxamuud Caddow oo soo abaabulay tartankan. Dhinaca kale kulan ciyaareedkan waxaa ka soo muuqanaya Guddoomiyaasha ciyaaraha degmooyinka ee kala ah Warta Nabada iyo Xamar Jajab ee kala ah Saacid Xuseen Cabdi iyo Daadir Amiin Cali,iyagoo si wadajir u sheegay in loo baahan yahay in la badiyo qabsoomida tartamadan oo kale, si loo qiimeeyo xirfadyahanadii ka baxay isboortiga Soomaaliya. Si kastaba guddiga qaban qaabada koobkii lagu xusayay laacib Uurey ayaa kooxdii ku guulaysta koobkan ugu tala galay abaal marino qaali ah,iyadoo sidoo kale la abaal marindoono shaqsiyaadkii ka qeyb qaatay intii uu tartanka ka socday Magaalada Muqdisho. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Labada Koox Ee Fiinaalka Wada Ciyaaridoona https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-uppp.mp4 Goobjoog Sports Source: goobjoog.com
-
Saamiga-Qaybsigga Gobolada ee Golaha Wakiiladda Waxaa had iyo goor soo noqnoqda dooda odhanaysa Saami-Qaybsigga Goboladdu waa cadaalad daro. Gaarahaan waxaa dooda ku adaga Gobolada Awadal iyo Sool, waxaad in badan arkaysaa iyaga oo leh waa in tiro-koob la sameeya oo dhamman dadka reer Somaliland la tiro-koob. Haddii tiro-koob la sameeyo maxaa soo baxaya? Su’aasha waa mid muddan in la is dul-gaato. Khasab ma ah in qof kasta oo qaata card-ka uu cod-bixiye noqodo, sharci khasbayaa ma jiro, waa xor qofku inuu codkiisa dhiibto iyo inuusan dhiiban, Mawaadinku gobolka uu doono ha ku noolaadeeye ma jirto shuruud ku xidhan inuu noqodo mid ka codeeya gobolka uu ka soo jeedo. Sida awgeed, dadka ku dooda gobolka ay ka soo jeedan in tirda dadka cod-bixiyeyaashu la diiwaanogeliyo ma aha mid sax ah, waan fahmi karaa ujeedka ka danbeya oo ah Gobolka-anaga ayaa tiro badan, sida awgeed, waa in dhaqaalaha wadanka soo gal qayb libaax aan ka helaa. Dadka sida u fikira waa in ay ogaadan in ay khaldan tahay, xukumadan waxaa waajib ku ah in Gobol dad badan iyo mid dad yarba ay tahay in khayraadka dalka si siman loo qaybsada, waa haddii mab’da dawladu ku shaqaysaa ay tahay mid ku salysan waxqaybsi (Redistribution) Dasturka Somaliland Qodobka 40aad wuxuu leeyahay: tirada Golaha iyo Doorashadiisa, Golaha Wakiilada waxaa uu ka kooban tahay 82 xubnood oo lagu soo doorto doorasho guud oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah oo xor ah. Dadka ku dood tirada ha la kordhiyo, waa in ay ogaadan in Dastuurka oo la furo mooye aan waxba laga bedeli karin. Sida awgeed, ay khasab tahay in Gobolada dalku ay qaybsadaan tirada ah 82 xubnood. Shaxdan hoose ku qorani waxay tahay tiro-koobkii guud ee doorashooyinkii ka dhacay Somaliland, 2003 doorshadii Madaxweyneha, 2005 doorashadii Golaha Wakiilada, 2010 doorashaddii Madaxweynha, 2017 doorashaddii madaxweynha. Gobolkasta waxaan soo qaatay tiraddii ka codays sanadka Goboladu waa M/Jeex, Awdal, Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo Sool, waxaa mid kasta ku hore qoran tiraddii ka cod-bixisay sanadaha kala gedisan, iyo wadartoodi guud, waxaa marka muuqada in tirada Gobolkasta ka cod-bixisay ay tahay saamiga ay ka helayso tirada guud ee Golaha Wakiilada oo ah 82 xubnood. Haddii aad eegto tirada ka cod-bixsay gobol kasta afarta sanadood (4 years) waa tiro isku dhow oo isku miisaaman. 2003 ilaa 2017 waxaa u dhexeya afar iyo toban sanno (14 years). M/jeex 2003 ilaa 2017 tirada cod-bixiyeyaash kordhkoodu waa 19%, Gobolka Awdal kordhka cod-bixyeyaashu waa 55%, Gobolka Togdheer kordhku waa 28%, Gobolka Sanaag kordhka cob-bixiyeyaashu waa 39%, Gobolka Saaxil korodhka cod-bixiyeyaashu waa 99%, Gobolka Sool kordhka cod-bixiyeyaashu waa 557%. Gobolka Sool kordhka cod-bixiyeyaashu waa mid u muuqda in la is kor taago oo laga bixiyo sharaxaad dheerad ha, Gobolku wuxuu ku jirey xaaladoo nabadgeliyo xumi iyo loolan ka dhexeyey labda dawladood ee Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland, sida awgeed, 2003 wax cod-bixin ah oo la sheegi karo ma jirin, laakin 2017 oo ay Gobolka ka talinyeen dadka degaanku waxay fursad u heleen in ay codkooda dhiibtaan, waxaa weli jira degaano badan oo aan laga cod-bixin, sababo amaan-xuni ah iyo iyada oo ay weli gacanta ugu jiraan Maamul Goboleedka Puntland, sida awgeed, tiro-koobkan (Statistics) gaaban waxaan u kala qaaday saddex; mid Goboladu u dhan yihiin Gobol kastan ay ku hore qoran yihiin tirad uu qayb u helay. Iyo mid kale oo uu Gobolka Sool si gaar ah aan u eegeyno iyo shaxadda 3aad oo ah sanadaha 2003, 2005, 2010 iyo 2017ka oo gobol kasta aan ku salayey codka uu sannadka bixiyey tirad uu xubnaha wakiilad ka heli lahaa (hypothetical) Saamiga-Qaybsiga Gobolada Ee Golaha Wakiiladda, Doorashooyinka iyo Wadarta Cod-bixiyayaasha (shaxdda kowaad) Shaxada kowaad Waxay inoo sharaxaysaa sida saami-qaybsigu yahay, marka ay goboladu u dhan yihiin, waxay ku salaysan tahay tirda guud oo 4 sanno ah. Tirad uu Gobolku ka helay wadarta guud ee dhamman Gobolada. Saamiga-Qaybsigga Gobolada ee Golaha Wakiiladda, Doorshooyinka iyo Wadarta Cod-bixiyayaasha oo saamiga Gobolka Sool gaar looga dhigay sababah ay tahay:(Shaxda labaad) Shaxada labaad: Waxay sharaxaysaa saami-qaybsigga oo laga saaray Gobolka Sool tirad gaarka loo dhigayn ay tahay 12 kursi, waxaa soo hadhay 70 kursi oo aan ugu saami-qaybinay 4 Gobol ee iyaga tiro aan si leeyahay waa ay sax tahay aan ku saleeyey. 1 – Iyada oo Dawalda Somaliland aysan sugin gacan ku ahaynta dhamman Gobolka Sool 2- Gobolka oo aysan weli dadka degaanku fursad u helin ay isku abaabulaan oo codkooda ay ku dhiibtaan si nabadgeliyo ah 3- Iyada oo aysan suurtogal ahayn in dhamman goobaha cod-bixinta ee Gobolka la wada gaadhsiiyo sanaaduuqda cod-bixinta, sida awgeed, ay gobolka u saamaxayn in ay si mug leh u dhiibtaan codkooda. Sababhaas kor awgeed, waxaa gobolka isaga loo qoondaynyaa inuu ku galo codbixina tiraddii hore ee ahay 12 kursi (taasi oo ka soo jeeda saami-qaybsigii 60kii). Saami-Qaybisgga Gobolada ee Golaha Wakiilada ee Gobol-Gobol Shaxaddan hoose ku qorani waa tirada Gobol kasta ka heli karo xubnaha Golaha Wakiilada taasi oo ku salaysan cod-bxintii la qaaday sanadahan 2003, 2005, 2010, 2017kii, oo sanad sand aan ugu saami-qaybino: (Shaxada 3aad) Shaxada saddexaad: waxa ay sharaxaysaa kuraasta ama saamiga uu ka heli lahaa Golaha Wakiilada Gobol kasta, iyada oo lagu salaynayo tirada codka ee Gobolka iyo sannadka oo ahaa 2003, 2005, 2010, iyo 2017kii, sida ay u kala horeyaan. Tu’saale waxaad arkaysaa in G/jeex uu 2003dii ka heli lahaa Golaha Wakiilada 35 kursi, halka 2017 ka heli lahaa 29 Kursi, waxaa halka ka cad in trida kordhka dadka degan Gobolku uusan ahayn mid joogto ah ee uu isla bedelaayo kordhka dadka ee Gobolad kale. Awdal waa la mid wuxuu codka Kuraastu ku salaysan yahay tirade Gobolka degata iyo weliba kordhka dadka dega Gobolada kale. Haddii aynu u eegno Gobol-Gobol, tirada Gobol kasta uu ka heliyo saamiga cod-bixinta ee doorashaddii hore ee dalku galay wax farqi ah oo la sheegi karo uma dhexeeyo. Gobolka keliya ee farqi la sheegi karo samaynayaa waa Gobolka Sool, sida aynu hore u soo sheegnay, Gobolkaasi wax uu ku sugnaa xaalado aan u saamaxayn in cod-bixin sax ahi ka dhacado, waxa isbedel mug leh ka muuqada sanadkii 2017kii kaasi oo saamiga ay heli lahaayeen yahay 7 kursi, laakin weli ma aha mid lagu qanci karo, ilaa gobolka oo dhan cod-bixintu gaadho mooye. Gebegebo Gobolada ku dooday in tiro-koob la sameeyo waa in ay ogaadan in wax ka maqani aysan jirin haddii laga tegi waayo waxaa la odhan kara Gobolka M/jeex ayaa wax ka maqan yihiin, waayo sanakii 2017 ayaa ugu yaraa oo waxaa ka maqanaa 4, laakin Gobolada kale wax ka maqan oo buuran ma jiraan, haddii laga tegi waayo isku celcelin wax ka maqani waa mid ama lab (1 or 2), in doorasho inoo dhici weydo 15 sanno, sababta oo ah tiro-koob aan macano lahayn, waa arrin aan odhan karo, waa masuuliyad daro ka timid xukumadda Kulmiye ee 10 sanno wadanka ku riday jahwareer iyo ila-meereyso. Qabsoomid la’aanta doorashadu waxay in yeeshay ayaa ka badan wax lagu doonayo. Somaliland uma baahan in tiro-koob la sameeyo, waayo, dadka reer Somaliland waa reer-guura oo ma laha goob loogu soo hagaago sanad kasta (fixed Address), waxaa suurgogal ah in sanadna uu Kililka 5aad ee Ethiopia galo sanadka xigan uu Somaliland yimaado, dadka reer Somaliland waxay tiradooda xoogan ay degaan ahaan degan yihiin Killilka 5aad. Saami-qaybsigu wuxu xalaal ku yahay in tirada sanaka hore Codaysa ama cod-bixinta gashaa lagu saleeyo saamiga-Qaybsigga Gobolada Somaliland. Gobolka Sool oo keliya ayay tahay in tixgelin dheerad ah la siiyo, Gobolada kalena waxaa ay tahay in ay ku galaan doorashada tiro-koobkii doorashooyinkii inuu soo qabsoomay. Kaas ayaa ugu wanaagsan in lagu sameeyo doorashada Wakiilada. By Osman Awad Qaran News
-
Somaliland looks forward to having stronger diplomatic, economic, and trade ties with Egypt, Somaliland’s Deputy Foreign Affairs Minister, Liban Yousouf Osman, told Daily News Egypt on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Baarlamaanka Puntland ayaa waxay Gudoomiyaha Xafiiska Xuquuqul Insaanka ay u Doorteen Saciid Cabdi Muumin. Maryan Axmed Cali oo la tartamayay Gudoomiyaha la doortay ayaa aqbashay [...] The post Saciid Cabdi Muumin oo ku guulaystay Gudoomiyanimada Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdaasi ay qaarkood ku hoobteen xaafado ay daganaayeen dad shacabka, islamarkaana ay geysteen khasaare u badan dhaawac. Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibrahim Aadan Cali (Najax) ayaa xaqiijiyey weerarkaasi ay ku dhaawacmeen illaa saddex qof oo shacab ah. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadka shacabka ay waxyeeladu soo gaaray ay gurmad u fidiyeen ciidamada Xoogga dalka ee jooga deegaankaasi. “3-qof oo shacab ah ku dhaawacmay hoobiyaal ay Al-shabaab Shabaab ku soo tureen Gudaha Deegaanka Janaaale, Gudoomiyaha Janaale iyo Ciidanka Xooga dalka ayaa u gurmaday shacabka kana soo saaray guryihii ay waxyeelada ku soo gaartay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/ Hoose. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose. Janaale ayaa sidoo kale ka mid ah magaalooyinkii u dambeeyey ee la gala wareegay Al-Shabaab, hayeeshee waxay ku soo qaadaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.
-
Waxaa hadda soo dhammaaday wareegga Saddexaad ee Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqda Aadana Puntland kaas oo ay ku tartameen laba musharrax oo kala ah Maryan Axmed Cali iyo Siciid Cabdi Mu’min. Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xil. Cawil Xassan Daad oo si rasmiya u shaaciyay Natiijada Doorashada ayaa sheegay in uu Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqal Insaanka ku guulaystay Garyaqaan Siciid Cabdi Mu’min kadib markii uu helay 34 Cod. Sidoo kale Maryan Axmed Cali oo kaalinta labaad gashay ayaa heshay 28 cod. Musharrixii saddexaad ee Doorashada ka qayb-galay Faysal Mahdi Cali wuxuu isna ku haray wareegii kowaad kadib markii uu helay 3 Cod oo keliya. Wareegga u dambeeyay ee Doorashada waxaa codeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed warsame kadib markii ay codod is le’eg heleen labada musharrax ee isu soo haray. PUNTLAND POST The post Siciid Cabdi Mu’min oo ku guulaystay Xafiiska Xuquuqal Insaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Xarunta Baarlamaanka Puntland waxaa ka socda cod bixin loo Codeynaya Gudoomiyaha Xuquuqul Insaanka Puntland. Waxaa kubtartamaya Sadex Qof oo lala ah.. 1-Maryan Axmed Cali 2- [...] The post Baarlamaanka Puntland oo codeynaya appeared first on . Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa faah faahiyey sababta ay ka maamul ahaan u diidan yihiin qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan doorashada 2020/2021. Siciid Deni ayaa shaaciyey in Puntland aysan diidaneyn in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si looga gudbo nidaamka 4.5 oo muddo wax lagu qeybsanayey. Madaxweynaha Puntland ayaase tilmaamay inay diidan yihiin oo kaliya in la isku dhex qaldo qoorasho qof iyo cod ah iyo nidaamka 4.5 ee loo baahan yahay in laga gudbo. “Puntland mararka qaarkood waxaa la leeyahay ‘Puntland qof iyo cod ma rabto’; Puntland hadeysan rabin maanta shaqadan ma qabateen laakiin waxay diidan tahay nidaamkii laga gudbay ee qabaliga ahaa iyo doorasho qof iyo cod isku dhex-qaldeenaa, taas ma ogolin,” ayuu ku nuux-nuux saday, isagoo si cad u sheegay in Puntland ay “ka guurtay” 4.5 aysana aqbaleynna in dib loogu laabto.” ayuu yiri Siciid Cabdullahi Deni. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in duruufaha ka jira dalka aysan waqtigaan saamixi karin in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta la filayo inuu Dhuusamareeb ka furmo shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo diirada lagu saarayo arrimaha doorashada ee 2020/21.
-
Wareegga labaad ee Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dowladda Puntland ayaa haatan soo dhammaaday. Wareeggan waxaa ku tartamayay wasiirkii Hore ee Haweenka Puntland Maryan Axmed Cali iyo Garyaqaan Siciid Cabdi Mu’min waxaana labada musharraxba heleen codod is le’eg 31 Cod midkiiba. Waxaa hadda loo gudbayaa Wareegga Saddexaad ee Doorashada si loo kala saaro Labada Musharrax oo isu soo haray maadaama ay codod is le’eg haystaan. Puntland Post kala soco Natiijada Doorashada The post Natiijada Wareega Labaad ee Doorashada xafiiska Xuquuqal Insaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ah marti-geliyaha shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan shirka amniga qaranka ee maanta la filayo inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb, kaas oo uu shir guddoominayo madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday ajandayaasha ay tahay in looga doodo shirka iyo qaabka uu u soconayo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dhinaca kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulan ballaaran la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. Wararka ayaa sheegaya in kulankaas ay madaxdu isaga xog-wareysteen xaaladda dalka, amniga iyo arrimo kale oo ku saabsan Shirka labada dhinac ay ku ballansan yihiin. Waxaa dhanka kale saacadaha soo socda Dhuusamareeb tagi doono madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland oo haatan ku kala sugan Garoowe iyo Cadaado Shirka Dhuusamareeb oo ah mid aad isha loogu wada-hayo ayaa gelinkaa dambe ee maanta furmaya sida uu qorshuhu yahay, waxaana diirada lagu saaraya marxaladda kala guurka ee haatan uu dalku ku jiro, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/21.
-
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay geerid mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo xalay ku dhintay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho. Qoraal uu soo saaray Wasiir Xasan Xaaji ayaa waxaa uu tacsi ugu diray Eheladii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sheekh Cabdikariim oo ahaa Wiil dhalinyaro ah kana tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda. “Wasaaradda Cadaaladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sh Cabdikariim oo kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda, wuxuuna ahaaya Shaqsi Allah kusifeeyey akhlaaq iyo howl-karnimo, waxaana Allah uga baryeynaa inuu Naxariistiisa kawaraabiyo, anakana Samir iyo iimaan” ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen. View the full article
-
Waxaa hadda soo dhammaaday, wareega Kowaad ee Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuq-Insaanka Puntland, kaas oo ay ku tartamayeen saddex musharrax oo kala ah Maryan Axmed Cali, Siciid Cabdi Mu’min iyo Faysal Mahdi Cali. Doorashada oo ay codeeyeen 62 mudane, waxaa saddexda musharrax Wareegga kowaad kala heleen Faysal Mahdi Cali 3 Cod, Siciid Cabdi Mu’min 28 Cod iyo Maryan Axmed Cali oo heshay 31 Cod, waxaana sidaasi Wareegga labaag uga haray musharrax Faysal Mahdi Cali. Labada Musharrax ah ee Maryan Axmed Cali iyo Siciid Cabdi Mu’min, ayaa ku tartami doona wareegga labaad oo hadda bilaabanaya. PUNTLAND POST The post Wareega Kowaad ee Doorashada Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland oo soo dhammaaday appeared first on Puntland Post.
-
Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Caasimadda Garoowe waxa haatan ka socota Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Doorashada waxa ku tartamaya saddex Musharrax oo kala ah Wasiirkii Hore ee Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Maryan Axmed Cali Garyaqaan Siciid Cabdi Mu’min iyo sidoo kale Faysal Mahdi Cali. Fadhiga Golaha waxaa Maanta xaadir ah 62 mudane kuwaas oo cod qarsoodiya ku kala dooranaya saddexda Musharrax ee u tartamaya Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Halkaan hoose ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland oo hadda socota appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Diinsoor ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmadaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada huwanta oo howl-gallo ka waday halkaasi iyo dagaalyahanada Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay halkaasi, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Wiigli oo hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa sheegay in howl-galkaasi lagu dilay illaa afar ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in howl-galladu ay sii socdaan, islamarkaana ay yihiin kuwo Al-Shabaab looga saarayo halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo deegaano ka heysta gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wada halkaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Axadda Maanta la kulmaya Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal. Ma Jiro War rasmiya oo ka soo baxay Ajandaha kulanka Maanta dhex maraya Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal, balse Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu uu Madax-dhaqameedka reer Awdal uu kala hadlayo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland oo ay muddo dheer dood ka qabaan reer Awdal isla-markaana Saluugsan yihiin tirada Kuraasta ay ku leeyihiin Imika Golaha Wakiillada, kuwaasi oo dhan 13 Kursi. Kulanka Maanta dhacaya ayaa imanaya laba Maalmood uun ka dib, markii ay Magaalada Boorama isugu soo baxeen Boqollaal dhallinyarada wax baratay ah, kuwaasi oo diiddan in Gobolka Awdal laga qabto doorasho aan ku salaysnayn Saami-qaybsi sharci ah, isku soo baxyadaa oo ka dambeeyay Heshiis saddexda Xisbi ee Somaliland la gaadheen in doorashada Golaha Wakiillada lagu galo sidii hore oo ah sida reer Awdal diiddan yihiin. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu doonayo inuu Madax-dhaqameedka oo ah Hoggaanka Beelaha Awdal inuu ku qanciyo in doorashada lagu galo sidii lagu galay doorashadii Wakiillada ee sannadkii 2005-tii. Doorashadii 2005-tii ayaa la waafajiyey 33-kii Kursi ee Baarlamaankii Lixdankii ee Somaliland oo Gobollo loo qaybiyey 2.5, laakiin habkaasi waxaan ku qanacsanayn Reer Awdal oo ka helay 13 Kursi iyo Beelo kale. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u fadhiisanaya si uu uga xaajoodo halista ka soo fool leh markab saliidda qaada oo daxalaystay oo taagan meel ka baxsan xeebaha Yemen ee Badda Cas. Markabkaas oo la yidhaa FSO Safer ayaa sida in ka badan hal milyan oo foosto oo saliid caydhiin ah waxaanay khubaradu ka dardaar werinayaan masiibo ku habsan karta deegaanka badda hadii marbkaasi burburo. Markabkan ayaan wax dayac tir ah helin tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka ba’an ee sokeeye ee Yemen shan sano ka hor. Fallaagada Xuutiyiinta ayaa Axaddii aqbalay in ay koox ka socota Qaramada Midoobay u ogolaadaan in ay fuulaan markabkaas laakiin waxa muran ka taaganyahay sida loo iibinayo saliidda saaran. FSO Safer wuxuu shaqaynayey 45 sano waxaanu barroosinka dhigtay meel qiyaastii 60km u jirta dekadda Xudayday ee woqooyiga dalkaas ku taal oo ay fallaagadu gacanta ku hayaan. Biyo ayaa durba galay qolka matoorka markabka, waxaanay arintaasi sii kordhinaysaa halista ah inuu markabku dego ama laba u kala go’o. Waxa jira xal lagu furdaami karo laakiin Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in isku daygaasi keeni karo masiibo. Ka sokow in ay baabiin karto nolosha kalluunka badda ku jira hadii saliiddu ku daadato, waxa kale oo ay sidoo kale khasaare weyn gayeysiinaysaa dadka noloshoodu ku tiirsantahay kalluumaysiga. Urur u ololeeya daryeelka deegaanka Yemen oo la yidhaa Xulm Akhdar, ayaa ku qiyaasay tirada dadka ku shaqo beelaya hadii masiibadaasi dhacdo in ay ka badan tahay 126 000 oo qof. Bishii hore ayaa digniin uu soo saaray ururku waxa uu ku sheegay “Yemen waxay ku qaadan doontaa muddo dheer in ay nadiifiso dikhowga badda. Degaanka Badda Cas waxay ku qaadan doontaa 30 sano inuu ka soo kabto halista ba’an ee ku soo fool leh hadii saliiddaasi ku daadato”. Sidoo kale hadii saliidaasi ku daadato badda waxay sidoo kale xayiri doontaa mid ka mid ah marin biyoodada dunida kuwa kugu mashquulka badan waxaanay saamayn doontaa in badeecado gaadhaan dekadda Xudayda oo ah halka keliya ee loo mariyo gargaarka laba meeloodow saddex dadka reer Yemen. Dabayaaqadii bishii June, ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay walaac mug leh ka muujiyeen waxa ay ku tilmaameen “halista isa soo taraysa ee ka imanaysa markabka SFO Safer oo ku burburi kara badda isla markaana keeni kara masiibo deegaan iyo mid dhaqaaleba oo gaadha Yemen iyo dalalka ollogeeda ah”. Sawirka Markabka Xulm Akhdar Waxay ugu baaqeen Xuutiyiinta in ay “si degdeg ah fursad aan shuruudi ku xidhnayn u siiyaan khubrao farsamo oo ka socota Qaramada Midoobay in ay soo qiimeeyaan xaaladda markabka oo ay eegaan sida ay suurto gal u tahay in si degdeg ah loo kabo markabkaas oo ay soo bandhigaan sida ugu habboon ee markabkaa saliidda looga rogi karo”. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay ka arinsanayso sida loo iibin karo saliidda markabkaa saaran oo lagu qiyaasay 40 milyan oo doolar ee loogu qaybin karo dakhligaas Xuutiyiinta iyo xukuumdda Yemen ee ay xufulada Sucuudigu hogaamiyo ee dalalka Carbeed ahi taageeraan. Haseyeeshee, Xuutiyiinta ayaa ku adkaystay in la aqbalo in ay iyagu saliidda markabkaa saaran xaraashaan. Qiimaha saliidda markabka saaran ayaa haatan taagan kala badh intii uu ahaa intii aan sicirka saliidda dunidu dhulka gelin sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Walow uu xataa kaba sii hoosayn karo marka la eego tayada saliidda markaba saarani sida ay tahay haatan. Dagaalka sokeeye ee Yemen ayaa waxa la sheegaa in ay ku dhinteen 100,000 oo qof sidoo kalena uu sababay waxa ay Qaramada Midoobay ku sheegtay masiibadii aadamenimo ee ugu xumayd dunida. Qiyaastii 80% dadka dalkaas oo ka badan 24 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar iyo ilaalo la siiyo, waxaana la qiyaasay in laba milyan oo caruur ah ay hayso nafaqo darro ba’ani. Dalku waxa uu sidoo kale la daalaa dhacayaa fayraska korona. Lise Grande, oo ah isku duwaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Yemen, ayaa Isniintii yidhi “Yemen culayska haatan haysta in ka badan ma qaadi karto. Ma hayno dhaqaale nagu filan oo adeegyadii caafimaadka iyo biyuhu waa gabaabsi. Macaluul ayaa mar labaad dalka soo food saartay dadka dalka oo dhanna fayraska korona ayaa faro baas ku haya”. Markabkan ayaanay xaaladdiisu ku koobnaan doonin xeebaha Yemen haddii uu Burburo kaasi oo waxyeelada ka dhalataa soo gaadhi doonto xeebaha Somaliland iyo Jabuuti Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada caasimada ah ee Muqdisho la keenay ardayda fasalka afaraad ee dugsiyada sare ah oo laga soo qaday magaalada Baraawe ee caasimadda dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya. Ardaydan oo uu shalay dhaafay maalinta koowaad imtixaanka ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa diyaarad u dirtay dowladda dhexe, kadib markii ay ardaydaasi iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay qeylo dhaan ka muujiyeen arrintaasi. Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda federaalka Somalia, Xamse Siciid Xamse iyo xildhibaano uu ka mid ah Mudane Maxamed Nuuraani Bakar. Sidoo kale ardaydan oo ay wajiyadoodu ka muuqatay farxad weyn ayaa loo gudbiyey dhanka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Gahayr, halkaasi oo ay ku geli doonan laba maaddo oo ah Imtixaanka, kuwaasi oo kala ah Tarbiyada Islaamka iyo Xisaab, waxaana shalay dhaafay maadooyinka kala ah Juquraafi iyo Soomaali. Xildhibaan Nuuraani oo wariyeyaasha la hadlay ayaa dowladda federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada sida ay ugu dadaashay in imtixaanku uusan ka wada baaqan ardaydaaasi, isagoona intaasi ku daray in sanadka xiga ee 2021 uu rajeynayo inay ardayda kale imtixaanka ku galaan magaalada Baraawe. Si kastaba ha’ahaatee waxaa sanadkan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare u fariistay illaa 34 kun oo arday ah, kuwaas oo imtixaanka ku galaya 112 Xarumood
-
Wasaaradda gargaarka ayaa ka digtay dalbeyso saacadaha soo socda ku fooleh xeebaha koonfurta Soomaaliyda sida Magaalooyinka Af-madoow, Kismaayo, Jamaame, Badhaadhe, Marka, Baraawe iyo Degmooyin kale. Qoraalka waa sidan: Dabeyshan oo ka soo bilaabatay jihada koofureed ee gobalka jubbada hoose kuna socota xawaare u dhexeeya 30-45 KM/h ayaa ku waajahan jihada woqooyi bari ee dalka waxeyna ku socotaa dhinaca dhulka dhaca xeebta ee u dhexeeya labada jiho. Saameynta dabeysha xagaaga ayey la saadaalinayaa in ay bilaabanto saacadaha soo socda iyadoo halista ugu bandanna ay waajahayaan degmooyinka kala ah Kismaayo, Af-madoow, Jamaame, Badhaadhe, Marka, Baraawe iyo degaanno kale oo kamid ah dalka. Cabsida ugu weyn ayaa ah in ay dabeylahani sababaan bur bur hantiyeed sida guryaha deggaannada xeebta ah iyo doonyaha kalluumeysatada, sidaas darted, Xarunta Qaran ee ka Digista Halis-wadareedka waxey bulshooyinka ku nool deegaannada kor ku xusuan ee dalka ugu baaqeysaa in ay ka taxadaraan khataraha ka dhalan kara dabeeylahaas Xarunta Qaran ee Ka digista Halis-wadareedka (NMHEWC) waxay si gaar ah uga digeeysaa dhammaan bulshooyinka kala duwan sida; kaluumeeysatada iyo dadka ku dhaqan hareeraha xeebaha in ay ka digtoonaadaan khataraha ku soo wajahan dhulka xeebaha. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) waxey ugu baaqeysaa maamulladda deegaanaddaas kor ku xusan iyo dhammaan hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala deegaannadaas in ay u diyaar garoobaan xaaladaan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan xeebaha iyo deeganada barriga ah. Dabeeyluhu xilliyada Xagaaga ah hore weey u dhici jireen laakiin waxaad mooddaa sanadkan in ay ka sii xoogeeysanayaan sidii hore, taasina waxay inoo muujineeysaa in ay khatarta halista dabeeyshu ku soo badaneeyso dalka. Xarunta waxey si dhaw ula socotaa xaaladda dabeysha waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isu baddesho xaaladda. Source: goobjoog.com
