-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Geneva (Caasimada Online) – Madaxa Wada-xaajoodka ganacsi ee Soomaaliya uga wakiilka ahayd Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO Maryan Hassan ayaa is-casishay ayada oo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda ku eedeysay inay si joogto ah u wiiqeen. Maryan ayaa waxaa shan sano kahor magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waana aqoonyahan xirfadle ah oo aad loo ixtiraamo. Qoraal ay soo dhigtay twitter-ka ayay Maryan ku tiri “Waxaan caawa is-casilaadeyda u gudbiyey madaxweyne Farmaajo. Sharaf weyn ayay ii ahayd inaan dalkayga ku matalo WTO, aniga oo ah madaxa wada-xaajoodikii ugu horreeyey ee ganacsi ee Soomaaliya.” “Inkasta oo aan haystay taageerada buuxda ee madaxweynaha, haddana si joogto ah ayaa la ii wiiqay. Waxaan ahay xirfadle, maahi siyaasi. Hoos ayaan u dhigay madaxayga, waxaan gudanayey shaqadayda. Nasiib darro, saraakiil sare ayaa toddobaadkii tegay baabi’iyey horumaradii aan sameynay, taasi oo horseeday qalalaase diblomaasiyadadeed.” Maryan ma shaacin waxa dhacay, iyo cidda ay ka tabaneyso midna. Soomalaiya ayaa 12-kii December 2015 codsatay inay ku biirto Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO, waxaana bishii December 2016 la aas-aasay guddiga eega kiiska Soomalaiya. Waa tuma Maryan Hassan? Ka hor inta aysan noqon madax wada-xaajoodka ganacsi ee Soomaaliya ee WTO, Maryan ayaa kasoo shaqeysay goboo ay ka mid yihiin rugta ganacsiga caalamiga ah iyo howlgalka Soomaaliya ee QM. Waxay sidoo kale xafiiska xeer-ilaaliyaha qaranka Soomaaliya kala talisay arrimaha la xiriira xeerarka daweyne ee caalamiga ah iyo xeerarka dambiyada caalamiga ah, sida soo wareejinta maxaabiista Soomaaliya ee dalalka kale, gaar ahaan kuwa dalal ku yaalla badweynte India loogu xiray eedeymo la xiriira burcad-badeednimo. Waxay sharciga ka baratay machadka SOAS Law ee Jaamacadda London iyo Machadka Sharciga ee Jaamacadda Harvard .
-
(SLT-Jabuuti)-Shirkii wada-hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee ka socday Waddanka Jabuuti ayaa caawa labadii dhinac ku kala saxeexdeen waxa loo yaqaan Minutes-ka, kaasi oo ah is afgarad hordhac ah oo labada dhinacba isla qaateen. Sidoo kale waxay sheegeen in laysla qaatay Shan qodob kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi, Waxaana ka mida qodabadaa uu Warbaahinta u akhriyey Shirgudoonka Shirka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti. Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada. Dhamman Saddexdaa guddi shan iyo toban cisho ka dib waxay ku kulmi doonaan Jabuuti, waxaana lagu magacaabay guddiyadaasi (Technical sub comment) Guddida guud ee farsamado ee wada-hadalada oo lagu magacaabo (Joint Ministerial Committee), waxaanay 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxaysa Amxaaradda iyo Tigrayga, oo ah labada gobol ee ugu awoodda badan Ethiopia, ayaa sii kordheysa kadib markii wadanku uu doorashooyinkii u dhigay sanadka dambe, sida ay sheegtay Hey’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha, International Crisis Group (ICG). Gobolka Waqooyi ee Tigrayga oo ku dhawaad 30 sano dalka xukumayay ayaa waxaa gees u riixay Dowladda Federalka ah ee fadhigeedu yahay magaaladda Addis Ababa, taasi oo kordhisay khatarta ah in uu dagaal militari ka dhaco waqooyiga. Labada gobol waxay wadaagaan xuduud waxayna isku khilaafsan yihiin xilliga la qabanayo doorashooyinka federalka. Tartanka u dhaxeeya qowmiyadaha Ethiopia iyo xisbiyadda siyaasadda oo batay ayaa calaamad u noqday Dowladda Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sababtoo ah waxaa uu damaanad qaaday xoriyad weyn oo bulsho iyo mid siyaasadeed. Laakiin, warbixinta hey’adda caalamiga ah ee xasaradaha waxay sheegeysaa in muranka u dhaxeeya Amxaaradda iyo Tigrayga uu yahay kii ugu qaraaraa oo ay hurisay qowmiyanimadda labada gobol. William Davison, oo ah taxliiliye sare oo kooxda xasaradaha u qaabilsan Ethiopia, ayaa sheegay in muwaadiniinta Amxaaradu ay rumeysan yihiin in goobo muhiim ah oo ay ku jiraan Wolqait iyo Raya ay goosteen Tigraygu markii la sameynayay qariiradda federalka Ethiopia, horraantii sagaashamaadkii. “Dhibaatadda muddo tobanaan sano ah ayey jirtay,” ayuu yiri Davison. “Waxay qaraxday oo ay sii xoogeysatay intii ay socdeen mudaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday ee 2016 ilaa 2018. Dhibaatadu ma aysan dhamaan waxayna isku qastay danaha Ethiopia ee gobolka.” Iyadoo ay xiisaddu sii xoogeysatay, xisbiga Tigrayga ee ah xisbul xaakimkii hore ayaa ku goodiyay in ay qabsanayaan doorashooyinkooda gaarka ah. Qorsha doorashadda ayaa siyaasiyiinta Tigrayga iyo Amxaaradda ku hogaamiyay in ay meel adag kala istaagaan, sida lagu sheegay warbixinta oo soo xiganeysa hadalkii uu dhowaan sheegay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, oo ahaa in ficil xumo walba oo dhexmarta labada gobol ay dhaawici doonto dadka iyo dalka. Davison waxaa uu tilmaamay in xiriirka u dhaxeeya xisbiga Tigrayga iyo Dowladda Federalka Ethiopia uu sii xumaanayo. “Dadku waa in ay tanaasul raadiyaan waxaana u baahanahay cimilo siyaasadeed si aan tanaasul u raadino,” ayuu yiri Davison. “Laakiin waxaan fahmayaa, nasiib-darro in aanan taas heysan..waa ay adkaan doontaa in wax horumar ah laga sameeyo muranka dhulka ee u dhexeeya Amxaarada iyo Tigrayga. Sidaas darteed, dhibaatadu waa ay sii qasmeysaa mana dhamaaneyso, waxaana kasii daran xiriirka Tigraygu la sameysteen xubno Dowladda ka tirsan iyo dhibka kala dhaxeeya Amxaarada in uu isu badeli karo mid dhiig ku daato.” Saraakiil badan oo ka tirsan Amxaaradda iyo Tigrayga oo uu ku jiro Madaxweyne ku-xigenka gobolka Tigrayga Fanta Mandefro ayaa diiday inay ka jawaabaan si wax looga weydiiyo khilaafka goboladda u dhexeeya. Laakiin, Dessalegn Chanie Dagnew oo ah Guddoomiyaha dhaq-dhaqaaqa mucaaradka ah ee Amxaaradda ayaa sheegay in qariiradda Ethiopia oo lagu saleeyay dhul-qowmiyadeed ay tahay sababta khilaafka, mana ahan Amxaaradda iyo Tigrayga keliya ee sidoo kale gobollo badan ayuu khilaafku ka jiraa. “Waxaan dhihi lahaa fowdadu waxay ka dhacday melo badan kuma koobna keliya Amxaaradda iyo Tigrayga,” yuu yiri Dessalegn. “Laakiin haddana ma filayo in uu jiri doono isku dhac.” Si loo yareeyo xiisadda, Kooxda Caalamiga ee Xasaradaha waxay ku taliyeen in guddiga xuduudaha qaranka uu fududeeyo wada xaajoodka isagoo ka warbixinaya dhulka lagu tartamayo ee labada gobol.
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay heshiiskii xalay lagu gaaray shirkii wada-hadallada ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga socday Jabuuti. Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in maanta wadahadadii Soomaaliya iyo Somaliland ay wali marayaan halkii shan sano ka hor ay joogeen, oo aysan waxba iska beddelin. “Anigoo soo dhaweynaya dib u bilowga wadahadalada labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland iyo heshiiska isfaham ee lagu gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, haddana waxaa wax laga xumaado ah in maanta wadahadadii Soomaaliya iyo Somaliland ay wali marayaan halkii shan sano ka hor ay joogtay, ayadoo wax horumar ah aysan dowladda hadda joogto ku darin,” ayuu yiri Guuleed. Waxa uu intaas ku daray “Waxaa wax lala yaabo ah in wadahadaladii Jabuuti ee hoggaanka dowladdu sida mugga weyn leh ay oga qeyb galeen uguna muujinayeen shacabka Soomaaliyeed inay wadahadadaasi wax weyn ka soo baxayaan laga soo saaro qodob oo 6 sano ka hor la gaaray.” “Haddaba waxaa muuqata in wadahadalada iyo dib u heshiisiinta Somaliland ay hoggaanka dowladda oga baahan tahay faham, rabitaan iyo niyad wanaag dhab ah.”
-
Yaa ku guuleystay Kursigii Golaha Amaanka QM ee Kenya & Jabuuti ku loolamayeen? Kenya iyo Jabuuti ayaa ku kala bixi waayey cod-bixintii ka dhacday xarunta QM ee loolanka labadaas dal ay ugu jireen helitaanka kursi aan joogto ahayn oo ka mid ah 15-ka kursi ee Golaha Ammaanka. Doorashadii maanta dhacday ayaa waxay Kenya heshay 113 cod, halka Jabuuti ay ka heshay 78 cod, taasi oo macnaheedu yahay in berri lagu laaban doono codeyn kale, maadaama Kenya aysan helin laba meelood saddex meel codadka ama 129 cod. Kenya iyo Jabuuti ayaa labadaba raadinaya inay beddelaan dalka Koonfur Afrika, waxaana dalkii guuleysta uu kursiga ku fadhin doonaa muddo laba sano ah. Codeynta labaad ayaa dhici doonta berri, waxaana haddii Kenya ay guuleystao ay noqon doonta markii saddexaad ee kursigan ay hesho. Kenya ayaa sidoo kale xubin ka ahayd Golaha Ammaanka 1973-74 iyo 1997-98. Jabuuti weligeed kuma guuleysan kursiga. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay taageereyso musharaxnimada Jabuuti, waxaana jirta cabsi ah in haddii Kenya ay hesho kursigan ay u adeegsan karto inay Golaha Ammaanka ka billowdo cadaadis ka dhan ah Soomaaliya, oo ku saabsan inay ka laabato kiiska badda ee Maxkamadda ICJ. Codeymihii kale ee maanta dhacay ayaa India waxay ku guuleysata kursiga xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee dalalka Asia-Pacific, halka Turkey ay ku guuleysatay madaxweynenimada Golaha Guud ee QM. Shan dal ayaa xubno joogto ka ah Golaha Ammaanka, waana Mareykanka, UK, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska. 10-ka kursi ee kale ayaa waxaa labadii sanaba qabta dal ka mid ah 193-ka dal ee xubnaha ka ah QM. Mawqifka Villa Somali & Taageero ay u muujisay Jabuuti. Federal Government of Somalia maintains its unequivocal support for #Djibouti and wishes its brotherly nation success in its bid for a non-permanent seat in United Nations Security Council for 2021-22 period. Djibouti has displayed the drive and desire for lasting regional peace. pic.twitter.com/dzq6R4xbJ8 — Abdinur Mohamed (@AbdinurMAhmed) June 17, 2020 Qaran News
-
Somaliland & Somalia oo heshiis hordhac ah kala saxeexday +5 Qodob Shirkii wada-hadalada Dowlada Soomaaliya & Somaliland ee ka socday Waddanka Jabuuti ayaa caawa labadii dhinac ku kala saxeexdeen Heshiis is afgarad hordhac ah oo labada dhinacba isla qaateen. Sidoo kale waxay sheegeen in laysla qaatay Shan qodob kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi, Waxaana ka mida qodabadaa uu Warbaahinta u akhriyey Shirgudoonka Shirka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti. 1. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan 2. Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac. 3. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Jabuuti. 4. Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Jabuuti. 5. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada. Dhamman Saddexdaa guddi shan iyo toban cisho ka dib waxay ku kulmi doonaan Jabuuti, waxaana lagu magacaabay guddiyadaasi (Technical sub comment) Guddida guud ee farsamado ee wada-hadalada oo lagu magacaabo (Join Ministerial Comment), waxaanay 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada. Somalia waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, halka Somaliland uu u saxeexay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ah wasiirka arrimaha dibedda Somaliland. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo hadal ka jeediyey kulankii xildhibaanada golaha shacabka oo ajendeyaashiisa uu ku jiray sharciga Nootaayooyinka, ayaa dood ka keenay da’da looga baahanyahay qofka marqaatiga noqonaya oo sharcigaas ku qoran. Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in diinta Islaamku ay qabto in qofka muslimka ah uu ku qaan gaaro 15-sano, balse sharciyadeena ay ku qorantahay in qofku ku qaan gaarayo 18-sano jir. “Waxaa la yiri markhaatiga waa in da’diisu gaartaa 18 sano, taasina waxay ka hor imaaneysa diinta islaamka, anaga diinteena Islaamka waxay qoreysaa in 15 sano qofku ku qaan gaarayo, waana halka ay qofka uga bilaabaneyso in dembi loo qoro, inta ka horeysa waa saqiir, anaga in gaalada naloo raaco maaha” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa. Xildhibaan Dalxa ayaa isaga oo kaftamayey su’aal geliyay hees uu horay u sameeyay isagu, taas oo uu ku amaanayey gabar 15-sano jir ah. “Markaa leedihiin 18 sano ma anigaa rabtaan heestii shan ka roon in la igu qabsado oo gabar 15 jir ah aan ku amaanayey, marka maahan in la rogo wixii ay diinta Islaamku qabtay oo la yiraahdo 18-sano wixii ka yar waa saqiir waa qalad, xataa lama guursan karey qabaan, anagana gabdhaheenu 13-14 sano ayey ku qaan gaaraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa. Halkan ka Daawo
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Wada-hadalada guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday Jabuuti ayaa lasoo geba-gebeeyey ayada oo dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo horudhac ah. Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa ku heshiiyey shan qodob, kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaadyad oo ka wada shaqayn doono qodobadaasi,. Qodobada lagu heshiiyey ayaa warbaahinta u akhriyey wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana ay kala yihiin:- 1 – Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka, si qurux badan oo hadaf xanbaarsan 2 – Sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonidii labada dhinac. 3 – Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani’aadannimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiri doona muddo shan iyo toban cisho (15) kadib ah, kuna shiri doona Jabuuti. 4 – Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho gudahood ah ku shiri doona Jabuuti. 5 – Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada. Waxaa sidoo kale la magacaabay guddiga guud ee farsamado ee wada-hadallada oo heer wasiiro ah, waxaynaa 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Jabuuti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada. Dowladda federaalka waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka arrimaha gudahga Cabdi Maxamed Sabriye, halka Somaliland uu u saxiixay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ugu magacaaban wasiirka arrimaha dibedda. Hoos ka daawo sawirrada saxiixa heshiiska
-
Guddigii farsamada wadahadalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday dalka Jabuuti ayaa goordhaweyd soo gebageboobay. Shirka waxaa ka soo baxay oo labada dhinac ay ku heshiiyeen hal qodob oo ah in wadahadalada iyo doodaha lasii wado, waxaana moodaa oo kaliya in afka laga dhowray waa burburay. Guddiga labada dhinac oo saddexdii maalmood ee la soo dhafay wadahadalku u socday ayaa isku mariwaayay qaar kamid ah qodobadii laga wadahadlay. Qodobada laysku fahmiwaayay ee dib loo dhigay waxaa ka mid ah isu socodka siyaasiyiin ee labada dhinac iyo maamulka hawada. Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo dalkiisu martigaliyay shirka ayaa faahfaahiyay wadahadalada labada dhinac. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo baxay shirkii Jabuuti? appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Kenya iyo Jabuuti ayaa ku kala bixi waayey cod-bixintii ka dhacday xarunta QM ee loolanka labadaas dal ay ugu jireen helitaanka kursi aan joogto ahayn oo ka mid ah 15-ka kursi ee Golaha Ammaanka. Doorashadii maanta dhacday ayaa waxay Kenya heshay 113 cod, halka Jabuuti ay ka heshay 78 cod, taasi oo macnaheedu yahay in berri lagu laaban doono codeyn kale, maadaama Kenya aysan helin laba meelood saddex meel codadka ama 129 cod. Kenya iyo Jabuuti ayaa labadaba raadinaya inay beddelaan dalka Koonfur Afrika, waxaana dalkii guuleysta uu kursiga ku fadhin doonaa muddo laba sano ah. Codeynta labaad ayaa dhici doonta berri, waxaana haddii Kenya ay guuleystao ay noqon doonta markii saddexaad ee kursigan ay hesho. Kenya ayaa sidoo kale xubin ka ahayd Golaha Ammaanka 1973-74 iyo 1997-98. Jabuuti weligeed kuma guuleysan kursiga. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay taageereyso musharaxnimada Jabuuti, waxaana jirta cabsi ah in haddii Kenya ay hesho kursigan ay u adeegsan karto inay Golaha Ammaanka ka billowdo cadaadis ka dhan ah Soomaaliya, oo ku saabsan inay ka laabato kiiska badda ee Maxkamadda ICJ. Codeymihii kale ee maanta dhacay ayaa India waxay ku guuleysata kursiga xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee dalalka Asia-Pacific, halka Turkey ay ku guuleysatay madaxweynenimada Golaha Guud ee QM. Shan dal ayaa xubno joogto ka ah Golaha Ammaanka, waana Mareykanka, UK, Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska. 10-ka kursi ee kale ayaa waxaa labadii sanaba qabta dal ka mid ah 193-ka dal ee xubnaha ka ah QM.
-
Kenya will today know whether it has a seat at the powerful United Nations Security Council. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa miis Wadahadalka kusoo celiyey Gudiyadii Farsamada Soomaaliland iyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya, labada Gudi ayaa caawa fiidkii kala boodey. Labada [...] The post Madaxweynaha Jabuuti oo isku khasbay Labadii Gudi iney miiska Wadahadalka ku laabtaan appeared first on . Source
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa galabta safar ka mid ah kuwo uu ku marayey gobolka Mudug, waxaa uu ku gaaray degmada Hobyo ee isla gobolkaasi. Madaxweynaha wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmada, waxaan soo dhoweynta ka qeyb qaatay bulshada qeybaheeda kala duwan. Madaxweynaha Galmudug ayaa Maalinta bari ah waxaa lagu wadaa in Magaalada Hobyo uu kaga qeyb galo shir looga arinsanayo sidii reer Galmudug wax uun uga bilaabi lahaayeen dhismaha Dekeda Hobyo . Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno waqooyiga magaalada Hargeysa ee Somaliland, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Xeero ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydad lagu gubay deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in halkaas lagu gubay meydadka dad ajaaniib ah uu u geeriyooday xanuunka CIVID-19, kuwaas oo laga keenay meelo ka baxsan deegaanka. Dadka ku nool deegaanka Xeero ayaa guddiga xakameynta iyo ka hortagga xanuunka COVID-19, si adag ugu dhaleeceeyay inay ku guul dareysteen wax ka qabshada arintaas oo sheegeen inay khatar deegaanka. Halka lagu gubay meydadkaas ayaa ah dog xilliyada roobka ay bihu maraan, kuwaas oo gudaha u gala magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, sida ay sheegeen dadka deegaankaas oo warbaahinta la hadlay. Muuqaalo laga soo duubay goobta lagu gubay dadkaas ayaa muujinaya haraadiga meydadka, welina si rasmi ah looma oga dhalasha ahaan halka ay kasoo jeedaan dadkaas la sheegay in meydkooda lagu gubay duleedka Hargeysa, kadib markii ay u dhinteen xanuunka Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa illaa hadda ka jawaabin cabashada dadka deegaanka Xeero oo qaarkood sheegay in lacago kummaan dollar ah lagu kala qaatay in meydadkaas lagu gubo deegaanka. Halkan ka Daawo
-
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee Ethiopia Mudane Axmed Shide ayaa maanta booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana Wasiirka Maaliyadda ku weheliyey Wasiirudowlaha Arrimaha Debadda Mudane Ridwan Xuseen iyo xubno kale. Wafdiga ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya soo gaarsiiyeen daawooyin iyo agab caafimaad oo lagula tacaalayo ka hortagga faafidda COVID19 oo qiimahoodu gaarayo nus Milyan doolar Agabka waxa uu isugu jiraa daawooyin iyo qalabka difaaca qofka (PPE), waxaana loogu adeegi doonaa shacabka Soomaaliyeed. Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa agabka kala wareegay wafdiga ka socda dowladda Ethiopia. Soomaaliya ayaa horey waxaa u soo gaarayay deeqo caafimaad oo ka kala yimid qaar ka mid ah dowladaha Caalamka, kuwaasi oo ay ugu horeeyaan Turkiga, Qatar iyo kuwa kale, looguna talagalay in looga hortaggo faafidda COVID-19, waxaana dowladda Ethiopia ay qeyb ka noqoneysaa saaxiibada Soomaliya ka caawinaya ka hortagga cudurka COVID-19. Safiirka Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya Danjira Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda uu socdaalkooda la xiriiro sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa ka hortagga faafidda COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Deegaanka Abaalay ee xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya, ayaa shalay waxa ka dhacay dagaal beeleed sababay dhimashada in ka badan lix qof inta la og yahay, iyadoo khasaare kalena uu geystay dagaalkaasi. Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan oo ka tirsan maamulka Hir-Shabelle, horena u soo noqdey wasiirkii warfaafinta maamulkaasi oo la hadlaayey VOA-DA ayaa ku baaqay in dirirta la joojiyo, waxana uu ku eedeyay dagaalka in ay qayb ka noqdeen ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka jooga. ” Shalay waxaa ka dhacay deegaan woqooyiga kaga beegan magalada Baladweyne oo 40km u jira dagaal, halkaas dad beeraley ah lagu xasuuqay, meeshaas waxaa dhowr jeer ku soo noqnoqday dagaal beeleedyo meeshaas ka dhaco, muddo 30 sano ah meeshaas ka jirtay.Nasiib darrada meesha taallo waxaa ay tahay in ciidamadii xoogga dalka oo adeegsanaayo hubkoodii iyyo gaadiidkoodii in halkaas ay ku laayaan dad beeraley ah, iyaga oo garab siinaayo mid ka mid ah beelihii meeshaas ku dagaalamay, ilaa iyo hadda waxaa ay dadka deegaanka ii sheegeen in ay goobta ku geeriyoodeen lix qo, runtii dhaawacna waa jiraa intaa ka badan” ayuu yiri xildhibaanka Mahad Xasan. Dhinaca kale taliye Faarax Kooshin oo hoggaamiya guutada 5-aad ee ciidamada militariga Soomaaliya, ayaa eedda xildhibaanka waxba kama jiraan ku tilmaamay, waxana uu sheegey in ciidamada ay qabtaan shaqada loo igmaday oo ah inay la dagaallamaan cadow, ee aysan shacab la dagaalin Ayuu u sheegay VOA-da. ” Xildhibaanku isaga ayaa yaqaan halka uu ka keenay warkaas, ciidamadeennu dagaal qabiil magalaan, milatariguna xaq uma lahan in ay dagaal qabiil galaan, ammarka nala siiyey oo madaxdeenna ay nasiiyeen, annagu dalka ayaan xuduudihiisa difaacnaa iyo cadowgiisa ee qabiil shaqo kuma lihin” ayuu yiri taliye Faarax Kooshin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
DJabuuti (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti ayaa ku guuleystay in mar kale uu isku soo celiyo guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo galabta ku kala kacay shirkii maalman uga socday halkaas oo lagu waday in laga soo saaro war-murtiyeed. Caasimada Online ayaa heshay xogta ah in shirkaas lagu kala tegay galabta, kadib markii xubnaha metelaya Somaliland ay diideen in war-saxaafadeedka lagu soo bandhigayo qodobada lagu heshiiyey lagu soo daro hal qodob oo aysan ogoleyn. Qodobka ay diideen xubnaha guddiga ee Somaliland uga qeyb gelaya shirkaas ayaa ah, in aan la siyaasadeyn is dhex galka bulshada labada dhinac oo Muqdisho iyo Hargeysa ay dadku isaga kala gooshi karaan, haddii ay ahaan laheyd Fanka, Dhaqanka Ganacsiga iyo cayaaraha. Dowladda Jabuuti, gaar ahaa Ra’iisul wasaaraha dalkaas Cabdulqaadir Kaamil Maxamed oo kor joogto ka ahaa wadahadallada ayaa dadaal dheer ku guuleystay goor dhaw inuu isku soo celiyo dhinacyadan. Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in hadda ay dib u bilaawdeen wadahadallada guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana halkaas weli ku sugan oo kor joogto u ah labada dhinacba Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisul wasaare Kheyre. Qodobka kalifay in lagu kala dareero shirka ee Somaliland ay qoonsatay ayaa dalbanaya in Somaliland joojiso xariga iyo dhibaatooyinka ay u geysato dadka u baxa Muqdisho ama meel kale oo Koonfurta kamid ah iyo in ay joojiso dal ku gal oo ay ku qasabta dadka usoo socda Hargeysa, waxuuna u dhiganyahay sidan: “Ayada oo la tixgelinayo dhaqanka iyo caadooyinka hodanka ah ee dadka Soomaaliyeed, waxa ay labada dhinac isku raaceen dhiirragelinta is-dhexgalka siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo dhaqan ee ka dhexeeya dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. Sida oo kale, iyaga oo u hoggaansamaya xeerarka caalamiga ah, waxa ay labada dhinac mar kale caddaynayaan sida ay uga go’an tahay dhowrista xuquuqda asaasiga ah ee xorriyada hadalka, isu-socodka iyo is-dhexgalka ee dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. Labada dhinac waxaa kale oo ay isku raaceen in ay dhiirragelinayaan ka qaybgelka bulshada labada hawlaha la xiriira dhaqanka, sida ciyaaraha, fanka iyo suugaanta, si yoolkaan loo xaqiijiyo na, waxaa labada dhinac isku waafaqeen in ay hirgeliyaan guddiga Iskuhaynta Bulshada.” Inta badan qodobada laga wada hadlayay ee sida in aan la siyaadadeyn mashaariicda horumarineyd iyo saadaasha hawada ayaa is faham laga gaaray, oo dowladda Soomaaliya ay aqbashay waxaana qodobka kaliya ee caqabadda noqday uu yahay mid dhanka Somaliland ku xiran. Sida aan xogta ku helnay dowladda Soomaaliya ayaa xitaa diyaar u ahayd in ka reebto siyaasiyiinta dadka loo ogolaanayo isu-socodka, balse la ogolaado fanaaniinta, cayaartoyda iyo dhaqanka.
-
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, oo ah guddoomiyaha guddida heer Qaran ee fududeynta Ganacsiga Soomaaliya oo sidoo kalena ay Wasaaradda Ganacsigu iyo Warshadahu ka tahay hoggaan, ayaa shir guddoomiyey kulan loogga hadlaayey dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee lagu fududeynayo ganacsiga wadanka, waxaana kulamadii ugu horreeyey loogga hadlay xubinimada Soomaaliya ay kaga mid noqonayso Ururka Ganacsiga Adduunka. Guddiga oo ay ku jiraan Wasiiro kala duwan iyo weli ba madax kale, ayaa la isku la gartay fududeynta dedaalada lagu doonaayo siddii ay Soomaaliya xubin uga noqon lahayd Ururka Ganacsiga Adduunka oo muhiimad weyn u leh dhaqaalaha Soomaaliya, sidoo kalena abuuraya nidaam sharciyadeed oo Soomaaliya u sahlaya inay kor-u-soo qaado dhaqaalaheeda, soo-jiidashada Maal-gashadeyaasha caalamiga ah, fursadaha ganacsi oo kordha iyo weli ba shaqo abuur xooggan oo ay heli doonaan dhallinyarada Soomaaliyeed maadaama ay yihiin kuwa bulsho ahaan ugu badan wadanka. Kulanka, waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay taageerayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya oo halkaas loogga ga mahad-celiyey kaalinta weyn ee ay ka qaateen siddii ay Soomaaliya uga mid noqon lahayd ururka Ganacsiga Adduunka. Goobjoog News Source: goobjoog.com