Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nin Hubaysan oo weerar khasaaro badan,Dhimasho & Dhaawacba geestay ku qaaday Goob Mingiska ( Saar) lagu tumo oo ku taala Somalia Nin hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in rasaas xoogan ku furay goob mingiska lagu tumo oo kutaala Muqdisho, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Goobjoogayaal ayaa ku waramay nin ku hubeysnaa qorayga AK-47 dadka qaarna sheegeen in uu ahaa askari ayaa rasaas ku furay goobta mingiska lagu tumo oo kutaala Xaafada Wardhiigley. Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay labo qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10-qof kuwaa oo la sheegay in qaarkood qabaan dhaawacyo culus loona qaaday xarumo caafimaad. Ninka weerarka geestay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, waxaana goobta dadka shacabka lagu weeraray soo gaadhay ciidamo booliis ah oo bilaabay baadhitaano ku saabsan weerarkan iyo sababta keentay. Booliiska ayaan wali ka hadlin weerarkan khasaaraha badan geestay , lamana oga ilaa hada sababta keentay weerarkaasi ninka hubeysan gaystay ku qaaday goob shacabka buuxeen Qaran News
  2. MOGADISHU (Xinhua) -- Somali National Army (SNA) backed by Jubaland state forces killed six al-Shabab extremists on Saturday in a security operation on the outskirts of Kismayo, a military officer confirmed on Sunday. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU (HOL) - At least five people have been killed and scores others injured in a mass shooting incident in Mogadishu’s Warta-Nabada district. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inuu goor dhow weeraray guri ku yaalla degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo dhimasho iyo dhaawac uu ka gaystay Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo ku hubeysnaa qoray AK47 ah uu bartilmaameedsaday guriga oo ah xarun lagu tumo Mingiska, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online. Dad badan ayaa ku sugnaa guriga xilliga uu dhacayey weerarka, kuwaas oo soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay 1 qof oo macagiisa lagu sheegay Saleemaan Maxamed Mahdi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 9 qof oo kale oo haween u badan. Sidoo kale waxaa goobta gaara ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo haatan baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkan, balse dad deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka weerar geystay uu cabsanaa, islamarkaana uu goobta isaga baxsaday. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaliyeed.
  5. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka warbixiyey kulan maanta uu magalada Dhuusamareeb kula qaatay madaxweynaha dowladda federaalka maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraal kooban oo la soo dhigay barta madaxtooyada Jubbland ayaa lagu sheegay in kulanka uu la qaatay madaxweynaha uu ahaa kulan u gogol xaar ah, wadahadallo ay dowladda federaalka la galayso Jubbaland. “Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug kula kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland. Kulanka madaxweynaha maamulka Jubbaland u la qaatay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Farmaajo ayaa waxaa uu ku soo adayaa iyadoo muddooyinkii dambe uu taagnaa khilaaf u dhaxeeyo labada dhinac, kaas oo ka dhashay doorashadii madaxweynaha Jubbaland ee sanadkii 2019-ka, ilaa waqtigaas majirin isku soo dhowaansho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar uu goor dhow nin hubeysnaa ka geystay qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Ninka weerarka fuliyey oo ku hubeysnaa qoray Ak47 ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu beegsaday xarun lagu tumo Mingiska oo ku taalla degmadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen 9 qof oo kale oo haween u badan, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Marxuumka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saleemaan Maxamed Mahdi, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ninka weerarka fuliyey uu cabsanaa, islamarkaana uu baxsaday. Xaaladda ayaa haatan kascsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo hadda baaritaano ka wada halkaasi. View the full article
  7. Ciidamada ammaanka Puntland oo howl-gallo ka sameeyey Qardho ayaa gacanta waxa ku soo dhigeen rag burcad ah oo ka dhac ka geysanayey gudaha magaaladaasi. Taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Karkaar, Cumar Hireed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howl-galka ay sameeyeen ciidanka ay ku soo qabteen laba rag ah oo dhac geysan jiray, kuwaas oo uu tilmaamay in lagu xiray saldhigga Booliska ee gobolka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen hub ay raggaasi dadka ku dhici jireen iyo taleefano. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada inta laga xaqiijinayo ammaanka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar. Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Puntland ayaa kordhiyey howl-gallada amniga lagu sugayo ee ay ciidamadu ka wadaan magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi. View the full article
  8. Madaxwrynaha Dowlada Puntland wuxuu dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Madaxweynuhu wuxuu ka qayb galayaa Shirka Wadatashiga ee Maamul Giboleedyada halkaas uga [...] The post Madaxweyne Deni oo dib ugusoo laabtay Dhuusamareeb appeared first on . Source
  9. Madaxweyne Erdogan Yaa Eedo culculus ku hurgufay Madaxweynaha Masar Sisi Recep Tayyip Erdogan Madaxeweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay Masar iyo Imaaraadka Carabta oo labaduba taageeraya xoogagga ku sugan bariga Liibiya. Waxay arrintani ka dambeysay markii uu madaxweynaha Masar Cabdifitaax el Sisi uu isbuucan la kulmay hoggaamiyayaasha qabaa’illada bariga Liibiya oo ka dalabday Qaahiro inay soo farageliso dagaalka. Turkiga ayaa gargaar milatari ku caawiya dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya, halka Masar, Imaaraadka iyo Ruushkana ay taabacsan yihiin maamul kale oo saldhigoodu yahay bariga Liibiya oo uu horkacaya janaraal Xaftar. ” Tallaabooyinka ay Masar qaadeysa gaar ahaan inay la safatay dagaal ooge Xaftar waxay astaan u tahay in Masar ay ku lug leedahay arrimo bilaa sharci ah, ” ayuu yiri Erdogan. El-Sisi ayaa bishii la soo dhaafay ku hanjabay inay suuragal tahay in ciidammada Masar ay gudaha u galaan Liibiya haddii dowladda Tripoli ee taageerada ka hesha Turkiga ay markale weerar ku soo qaadaan jiidda dagaalka ee dhinaca Sirte-Jufrah oo loo arka inay tahay marinka goobaha laga soo saara saliidda ee ay hadda gacanta ku hayaan ciidammada taabacsan Xaftar. Liibiya waxaa halakeeyay colaad daba dheeraatay tan iyo sanaddii 2011 markaas oo hoggaamiyihii muddada dheer ka talinayay dalkaasi Mucamar Qadaafi xukunka looga tuuray howlgal ay ku luglahayd gaashaanbuurta NATO. Janaraal Haftar Maleeshiyaadka Jeneraal Haftar ayaa isku dayaya in ay la wareegaan gacan ku heynta caasimadda Tripoli. Madaxweyne Erdogan waxaa kale oo uu sheegay in ujeedadad Turkiga aysan ahayn dagaal, balse ay tahay in uu taageero u muujiyo dowladda sharciga ku dhisan iyo sidii looga hortago lahaa mussiibo ban’aadam oo ka dhalata dagaalada dalkaas. Wuxuuna Erdogan sheegay in Turkiga iyo Liibiya ay dib u billaabayaan sahminta iyo soo saaridda saliidda ee bariga badweynta Mediterranean. “Taariikhda ayaa sheegi doonta cid kasta oo gacan ka geysatay in dalka Liibiya uu ku daato diig ee caawinayey xoogagga fallaagada Xaftar,” ayuu yiri Erdogan. Doorka Saliida ee colaadda Madaxweyne Erdogan wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay joojiyaan saliidda ay sida sharci darrada ah uga iibsadaan Khaliifa Xaftar. “Marnaba shacabka Liibiya ee aan walaalaha nahay kuma fiirsaneyno kooxaha fallaagada iyo calooshood u shaqeystayaasha ah,” ayuu yiri. “Waxaan Turkiga uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen Liibiya,” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Liibiya taariikhda Fayez al Sarraj. Turkiga iyo Dowladda caalamka laga aqoonsan yahay ee Liibiya waxay bishii November ee sanadkii hore saxiixeen iskaashi heshiis oo ku saabsan dhinaca badda, heshiiskaasi oo Turkiga awood u siinayo in badda Mediterranean-ka ay ka sahmiso ayna ka soo saarto saliid, hase ahaateen waxaa heshiiskaas diiday dalka Giriigga iyo waddamo kale. Wixii heshiiskaasi ka dameeyeyna Turkiga wuxuu ciidammo iyo saanado militari u diray Tripoli si ay dowladda Liibiya uga caawiyaan in xoogagga xaftar ay ka saaraan qeybihii ay ka joogeen magaalada Tripoli. Tani iyo 2015-kii dalka Liibiya wuxuu u qaybsanaa laba dowladood oo bari iyo galbeed ah. Xaftar ayaa fadhiisimo ka dhigtay bariga dalka halka dowladda Liibiya ka arrimisana ay gacanta ku haysa galbeedka dalkaasi. Qaran News
  10. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho diyaarad ku keentay ardayda fasalka afaraad, dugsiyada sare ee magaalada Baraawe, si ay caasimadda ugu galaan imtixaanka qaran ee ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Ardaydan oo uu shalay dhaafay maalinta koowaad imtixaanka ayaa waxaa diyaar gaar ah u dirtay dowladda dhexe, taas oo maanta keentay magaalada Muqdisho. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku soo dhoweeyey wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Xamse Siciid Xamse iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale ardaydan oo ay wajiyadoodu ka muuqatay farxad aad u weyn ayaa loo gudbiyey dhanka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Gahayr, halkaasi oo ay ku geli doonan Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare. Guddoomiyaha Baraawe, Mudane Cumar Sheekh Cabdi oo la hadlay Shabelle ayaa u mahadceliyey dowladda Somalia, isaga oo tilmaamay in sanadka soo socda uu rajyenayo in ardayda kale ee ku sugan Baraawe inay imtixaanka ku gali doonaan Koonfur Galbeed. Si kastaba ha’ahaatee waxaa sanadkan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare u fariistay illaa 34 kun oo arday ah, kuwaas oo imtixaanka ku galaya 112 Xarumood View the full article
  11. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka qayb-galaya Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Madaxweyne Deni oo todobaad ka hor Dhuusamareeb kaga qayb-galay Shirkii u gaarka ahaa Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxa uu markii Shirkaas soo xirmay dib ugu soo laabtay Garoowe, si uu uga qayb-galo Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ex. Ra’iisul wasaare Xassan Abshir Faarax. Magaalada Dhuusamareeb, oo uu ka furmayo Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, waxaa haatan ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Khayre iyo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay in deegaanada Puntland uu ka qabanayo doorasho ‘qof iyo cod ah’, xili uu shalay khudbad ka jeedinayay furitaanka Shirweynaha urur siyaasadeedka xukuumadiisa ee Kaah. Puntland ayaa hirgelisay hanaanka xisbiyada badan, oo uu madaxweyne Deni uu sheegay inay hiigsi u aheyd maamulkiisa, taasi oo ay Puntland ku taameysay tan iyo aas-aaskeedii. Deni ayaa sheegay in maamulkiisu uu qabanayo doorasho ‘qof iyo cod ah’, taasi oo ka dhigan in dib loogu celinayo gacanta dadweynaha awooda ay ku dooran karaan madaxdooda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu si weyn uga mahad-celiyay maamuladii talada kaga horeeyay iyo guddiga doorashada oo uu sheegay inay iyaga laftigooda qeyb weyn kasoo qaateen sidii loo hirgelin lahaa hanaanka doorasho ee uu sheegay inuu ka hir-galayo Puntland, kaasi oo ah qof iyo cod. “Duruufihii hore ee ay soo martay ayaa u saamixin inay fursadan oo kale helaan, taasi oo lagu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah. Waxaan shacabka Puntland uga mahad-celinaya doorashadooda dhabata ah ee ay ku rabaan in dib loogu celiyo awooda doorasho” ayuu yiri madaxweyne Deni. Wuxuuna intaas sii raaciyay “Puntland waxay hormuud u noqon doonta dalka Soomaaliya isaguna inuu galo doorasho qof iyo cod ah”. Hadalka Deni ee uu ku sheegayo inay deegaanada Puntland ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah, ayaa waxa uu kusoo aadaya xili uu kasoo horjeedo in doorashada dalka ee 2020/21 loo qabto hanaanka qof iyo cod.
  13. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Wafdi hordhac ah oo isugu jira howlwadeeno ka tirsan gobolka Banaadir iyo ilaalada gaarka ah ee Cumar Filish ayaa maanta gaaray magaaladaasi. Duqa Muqdisho ayaa ka qeyb-galaya shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada oo beri Isniin ah ka furmaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Shirkan oo uu guddoomin doono madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. View the full article
  14. Waxaa Maanta oo Axad ah soo geba-gaboobay, Shirweynaha kowaad ee Urur Siyaasadeedka MIDEEYE, oo mudda laba maalmood ah ka socday Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe. Shirweynaha, waxa Maanta lagu doortay Hoggaanka Sare ee Urur Siyaasadeedka MIDEEYE, oo ka kooban Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka Kowaad iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, sidoo kale waxaa lagu doortay Xoghayaha Guud ee Ururka. Golaha Dhex ee Ururka, waxay Guddoomiyaha Rasmiga ah u doorteen Siyaasi Daahir Xaaji Khaliif, oo horay si ku meel gaar ah u hayay xilkaan, kana mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool oo horay Wasiir uga soo noqday Puntland. Guddoomiye ku xigeenka kowaad, waxaa loo doortay Najax Maxamuud Cali oo ka soo jeeda Gobolka Mudug, halka Guddoomiy ku xigeenka labaad loo doortay Cabdalle Sheekh Axmed Yuusuf oo isn ka soo jeeda Gobolka Sanaag. Sidoo kale, Xoghaya Guud ee Urur Siyaasadeedka MIDEEYE, waxaa loo doortay Ganacsade Abshir Cumar Huruuse oo ka soo jeeda Gobolka Nugaal kana mid ah Ganacsatada sannadihii dambe dhanka Siyaasadda ku biiray. PUNTLAND POST The post Urur Siyaasadeedka MIDEEYE oo hoggaaan rasmiya doortay appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta oo Axad ah kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug halkaas oo sida qorshaysan uu ka furmi doono Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubaland oo xaqiijisay kulanka Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa sheegtay in uu ku koobnaa Salaan iyo Is Arag gogol-xaar u ah Wada-hadallo qorshaysan oo lagu xallinayo Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubaland. “Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug kula kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan ku yeeshay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  16. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo maanta dagaalyahano ka tirsan Al-Shababa ay ku qaadeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Somalia. Madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inay qaarkood ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, islamarkaana ay geysteen khasaare u badan dhaawac. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen illaa 3 qof oo rayid ah, kana mid ah dadka degaanka. “3-qof oo shacab ah ku dhaawacmay hoobiyeyaal ay Al-Shabaab ku soo tureen Gudaha Deegaanka Janaaale, Gudoomiyaha Janaale iyo Ciidanka Xooga dalka ayaa u gurmaday shacabka kana soo saaray guryihii ay waxyeelada ku soo gaartay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose. Dhinaca kale qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay IShabelle ayaa hseegay in hoobiyeyaashaasi ay ku dhimatay haweeney Xaamilo aheyd iyo kuna dhaawacmeen 3 kale. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fuliya Shabeelaha Hoose, iyaga oo beegsada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolkaasi. View the full article
  17. Xog:Imaaraadka oo Diyaarado Israel samayso ku taageeraya Dagaal-ooge Khaliifa Xaftar Ilo-wareedyo Liibiyan ah ayaa shaaca ka qaaday in diyaarad uu leeyahay militariga Imaaraadka Carabta, isla markaana siday qalab badan oo militari ay ka degtay garoonka ciidanka ee Al-Jufra todobaadkii lasoo dhaafay, sida uu daabacay wargeyska fadhigiisu yahay London ee Al-Caraby Al-Jadeed. Garoonka Al-Jufra oo ku yaalla bartamaha Liibiya waxaa maamula dagaalamayaal xiriir la leh shirkadda calooshood u shaqayteyaasha Ruushka ee Wagner, islamarkaana taageerada siisa dagaal-oogle Jeneral Khaliifa Xaftar. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in dhowaan uu Imaadraadku ciidanka Jeneraal Khaliifa Xaftar siiyey shan diyaaradaha hubeysan ee aan duuliyaha lahayn ah. Waxay sidoo kale shaaca ka qaadeen in Abu Dhabi ay ciidanka Jeneraal Xaftar siiyey seddax ka mid ah diyaaradaha dhuunta ee Israa’iil sameysay ee magacoodu yahay Heron, kuwaas oo awood u leh in ay qaadan xaddi badan oo qaraxyo ah. Diyaaradaha Heron TP2 ee aan duuliyaha lahayn waxaa howl-galladooda u adeegsada military-ga Israa’iil. Waxaa ay qaadi karaan tiro badan oo hub iyo qalabka xiriirka ah, waxaa lagu qalabeyn karaa gantaaladda dhulka lagu garaaco iyo bambooyinka la hago, waxay sidoo kale duuli karaan 30 saacadood, iyagoo ku socda xawaare ka badan 400 oo kilo-meter saacadiiba. Xukuumadda Abu Dhabi waxay sidoo kale ciidanka Jeneraal Xaftar siisay laba diyaaradood oo nooca CH5 ah, kuwaas oo uu Shiinuhu sameeyay, isla markana qaadi kara dagaalka iyo howgallada indho-indheynta ah iyo sidoo kale howlaha sirdoonka. Qaran News
  18. warbixin xasasiya:Biyaha Niilka miino muddaysan oo mar uun Geeska ku qarxi doontaa? Biyo-xireenka Webiga Niil ay ka dhisanayso Itoobiya Waxaa marba muddooyinkan u danbeeyey isa soo tarayey muranka ku saabsan biya-xireenka ballaaran ee ay webiga Niilka ka dhisanayso dowladda Itoobiya, kaas oo sannadihii u danbeeyey marba heer soo gaarayey. Wadammada ay mashaqadani dhextaallo ee Itoobbiya, Masar iyo Suudaan ayaa u muuqda kuwo aan weli xal rasmiya gaarin. Dalka Itoobbiya waxa uu kal hore dhistey biyo-xireen weyn oo lacag badani kaga baxday, kaas oo ah ubucda ismariwaagani uu ka dhashay. Buuxintiisuna waa waxa keliya ee haatan aanan lagu heshiin, taas oo horseedi karta isku dhac dalalkaas ka dhex abuurma. Masar iyo Itoobbiya ayaana ah labada quwadood, ee sida gaarka uu muranku uga dhexeeyo. Muxuu yahay dowrka madaxweynaha Eritrea? Isaias Afwerki, Madaxweynaha waddanka Eritrea, ayaa muddooyinkii ugu danbeeyey la arkayey isaga oo u kala dabqaadaya Addis iyo Qaahira, inkasta oo dhan lagu tiriyo. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shalay ka degay magaalada Asmara, halkaas oo uu wadahadal kula yeelan doono madaxweyne Afwerki. Madaxweyne Isaias Afwerki (bidix) oo magaalada Asmara ku soo dhaweynaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ujeedka ugu weyn ee shirka halkaas ka dhici doona ayaa loo malaynayaa howl la xiriirta muranka webiga Niil ee waddammo badan oo reer galbeed cillinkiisa heli waayeen. “Eritrea in dhinaca Masar ay u janjeerto ayaa la qorayaa, weliba wargeysyada Carabtu ay sheegayaan. Tan labaad Eritrea aad iyo aad ayey ugu tiirsantahay mucaawanada ay dalalka Khaliijku bixiyaan, kuwaas oo haatan aad u dabataagan Masar,” ayuu yiri Faysal Rooble oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika. Falanqeeyayaal ayaa u arka biyaha niilka, miino muddaysan, oo mar uun Geeska Afrika ku qarxi doonta. Dalal badan oo Reer Galbeed ah oo uu Maraykanku ugu tun weyn yahay ayaa dhawr jeer isku deyey inay xal u helaan muranka, hasayeeshee dedaalladaas ayaanan wax natiijo ah laga gaarin. Haddaba Eritrea ayaa si ay uga soo dhalaasho dowrkaas dhexdhexaadinta ayaa waxaa lagama maarmaan ah inay raacdo dhabbihii hore ay dalalka caalamku u jeexeen, sida uu ku doodayo Faysal Rooble: “Dhexdhexaadintu ma dhaafayso wixii adduunka kale ay ku taliyeen oo ah in Itoobiya ay tanaasul ay sameyso, biya-xireenkana ay Masar kala tashato.” Mowqifka dalalka Carabka ee muranka Niil Inta badan dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta ayaa Masar ku garab istaagay khilaafka ku saabsan biyo xireenka Wabiga Niil ee kala dhaxeeya Itoobiya, balse waxaa go’aankaas kasoo hor jeestay Soomaaliya, Jabuuti iyo Qadar. Shir aan caadi ahayn oo ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ku yeesheen qaab muuqaal ah ayaa lagu soo bandhigay qodob dhigaya in Masar lagu taageero mowqifka ay ku diiddan tahay in la buuxiyo biyo xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Niil. Qaraar laga soo saaray gabagabadii kulankaas ayaa lagu sheegay in “amniga biyaha ee Masar iyo Suudaan uu qeyb muhiim ah ka yahay amniga qaran ee dalalka carbeed”. Wabiga adduunka ugu dheer ee Niilka ayaa aad usii biyo yaraynaya Dhinaca kale, qaraarka Jaamacadda Carabta wuxuu dhigayaa in saddexda dal ee kala ah Masar, Itoobiya iyo Suudaan ay miiska wadahadalka dib ugu laabtaan, iyadoo la eegayo danaha muhiimka ah ee dal walba uu ka leeyahay arrintaas. Hase ahaatee saddexda waddan ee dhinaca goonida ah ka istaagay, oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankaas uusan wax faa’iido ah u lahayn danaha shacabkooda. Warar ayaa sheegaya in saddexda dal ee ku gacan seyray qaraarkaas ay yeelan doonaan shir gaar ah. Biyo xireenka Itoobiya, oo ay dhismihiisa ku baxeyso lacag dhan 4 bilyan oo doolar ayaa lagu wadaa in laga dhaliyo koronto awooddeedu ay gaarsiisan tahay ilaa 6,000mw. Soomaaliya ma waxay la safatay Itoobiya? Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay labada dalba saaxiib la yihiin laakiin ay eegayaan danaha gaarka ah ee darisnimada. Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya “Annaga mowqifkeennu – oo ah nala qabeen dalkalka aan walaalaha nahay ee Itoobiya iyo Qadar -wuxuu ahaa in khilaafka ku saabsan biyo xireenka ay dhiseyso Itoobiya oo ay isku waafaqi la’ yihiin Masaarida iyo Suudaan in lagu dhammeeyo wadahadal. Qaraarka ay Masar soo bandhigtay wuxuu dhigayay in Itoobiya aysan buuxin karin biyo xireenka ilaa laga heshiiyo. Dowladda Itoobiyana heshiis wey oggoshahay laakiin waxay diiddan tahay in waqti looga dilo wadahadal dheeraanaya,” ayuu yiri. Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sharraxaad ka bixiyay waxa ay Soomaaliya ku kala dooratay Masar iyo Itoobiya. “Itoobiya daris baan la nahay, saaxiib baan la nahay, sidaas darteedna wixii dhibaato ah oo Itoobiya gaara annagana wuu nasoo gaarayaa. Masarna saaxiib ayaan la nahay, marka Soomaaliya dan uguma jirto khilaaf dalalkaas dhex mara.” Qaran News
  19. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ku kulmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa ka soo shaqeeyey, islamarkaana soo abaabulay ra’iisul Wasaare Kheyre, madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor iyo madaxweynaha Hirshabeelle Waare oo mar dambe ku soo biiray dadaalada. Weli faah faahi rasmi ah lagama helin kulankaas oo ay saxaafadu dibad joog ka aheyd, balse wararka ayaa sheegaya in looga hadlayo khilaafka labada dhinac. Waa kulankii ugu horreeyey ee dhex-mara madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, tan iyo markii uu soo shaac-baxay khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa beeniyey war ay caawa sheegtay madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsanaa waxyaabihii ay kala hadleen kulan ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Villa Somalia ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in Bulshada Rayidka ay taageereen doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taasi oo ah waxa madaxweynaha Farmaajo u adeegsanayo isku daygiisa muddo kororsi, maadaama aan dalka laga qaban karin doorashadaas. Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu yiri “Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.” Si kastaba, war-saxaafadeed ay soo saareen Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa gebi ahaan taas lagu beeniyey waxayna ku caddeeyeen inaysan madaxweynaha kala hadal wax hanaan doorasho ah ah. Qoraalka ayaa lagu yiri “Bulshada rayidku waxay maanta la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxayna ka wada hadleen arimaha doorashooinka, waxayna la wadaageen aragtidooda taas oo ah in nooca doorashada ku timaado wada ogol isla markaana wadanka laga ilaaliyo qalqal siyaasadeed. Nasiib daro warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in bulshada rayidku rabto nooc gooni (hal qof iyo hal cod) sidoo kale “qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,” “Bulshada rayidku waxay cadaynayaan inaanay taageerin nooc doorasho gooni ah islamarkaana aanay jirin qorshe ay si gooni ah u taageerayaan,” ayuu intaas ku daray qoraalka Bulshada Rayidka. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-190720.mp3 View the full article
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa markii ugu horreysay kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb, tan iyo markii ay qaraxday xiisadda siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo Jubaland. Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo uu degan yahay Madaxweyne Farmaajo, ayaa yimid kadib dadaalo socday tan iyo xalay oo la doonayey in la isugu keeno labada dhinac. Sida aan xogta ku helnay, kulanka ayaa waxaa kasoo shaqeeyey Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha HirShabeelle Waare oo dadaal xooggan u galay sidii labada dhinac ay isku arki lahaayeen ka hor inta aanu furmin shirka guud. Qoraal kooban oo Jubaland ay kasoo saartay kulanka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug kula kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.” Waxey aheyd markii ugu horreysay oo ay labadaan masuul si fool ka fool ah isku hor fariistaan tan iyo markii dowladda dhexe ay waxba kama jiraan ku tilmaantay doorashadii uu Axmed Madoobe kusoo baxay ee ka dhacday Jubaland. Waxyaabaha la filayo in Dhuusamareeb laga diiwaan galiyo waxaa ka mid ah in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe, taasi oo ah qeyb ka mid ah Caqabadaha ku horgudban furitaanka shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.
  23. Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in uu soo gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka yimid Garoowe. Waxaa kale oo kusii jeeda guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo lagu wado inuu ka qeybgalo shirka dowladda federaalka ah iyo maamullada dalka. Dhanka kale, waxaa uu kulan gaar ah u socdaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey ee dhaca kadib qalalaasada labada nin ee ka dhalatay doorashadii Axmed Madoobe ee August 22, ee sanadkii tagay. La soco, wararka shirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in uu socdo kulan u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey ee dhaca kadib qalalaasada labada nin ee ka dhalatay doorashadii Axmed Madoobe ee August 22, ee sanadkii tagay. Wixii ka soo baxa kala soco halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com