-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qoraal caawa Fiidkii kasoo baxay Vila Soomaaliya oo looga hadlayay Kulankii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Bulshada Rayidka ayaa lagu sheegay in Bulshada Rayidku ay taageereen [...] The post Breaking News— Ururada Bulshada Rayidka oo been abuur ku tilmaamey Warsaxaafadeedkii Villa Soomaaliya, Akhriso labada Warsaxaafadeed appeared first on . Source
-
Asmara (Caasimada Online) – Intii uu Qaahira u joogay booqasho laba maalmood ah oo u dhaxaysay 6-7-dii July, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxaa uu la kulmay dhigiisa Masar Cabdil Fitaax Al-Sisi, waxayna kulankoodii diiradda ku sareen biyo xireenka Ethiopia iyo amniga Badda Cas, si loo taagero xasiloonida iyo amniga gobolka, sidaas waxaa sheegay afhayeenka madaxtooyadda Bassam Radi. Waxay ahayd booqashaddii shanaad ee Afwerki uu ku tago magaaladda Qaahira, tan iyo markii Sisi uu xafiiska qabtay sanadkii 2014-kii. Markaan booqashadiisu waxay timid, iyadoo Masar ay ku guul-darreysatay in Ethiopia kala heshiiso buuxinta biyo xireenka, kaasi oo Qaahira ay rumeysantahay in uu dhaawici doono danaheeda biyaha webiga Nile. Madaxweyne Afwerki waxaa uu horay u booqday magaaladda Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya 2-dii bishii May, sidoo kale caasimadda Sudan ee Khartuum ayuu booqday 25-kii bishii June. Indha-indheeyeyaashu waxay rumeysanyihiin in booqashadaas ay qayb ka tahay dadaallo dhex-dhexaadin ah oo Eritrea ay dooneyso in ay ku xaliso muranka u dhexeeya Sudan, Ethiopia iyo Masar. Xiriirka u dhaxeeya Masar iyo Eritrea oo soo jiray tobankii sano ee u dambeeyey ayaa ah isha dhibaatada Ethiopia, waxay Ethiopia ku eedeyn jirtay Masar in ay Eritrea u adeegsaneyso cadaadis iyo xasilooni darrada Ethiopia. Xiriirkaasi waxaa uu sii dheereeyay colaadii u dhaxaysay Ethiopia iyo Eritrea, taasi oo dib ugu laabaneysa dagaalkii madaxbanaanida Eritrea ee 1990-kii, halka xaalad aan nabad iyo dagaal midna ahayn oo labada dal u dhaxaysay ay xiisadda gobolka kordhisay sanadihii lasoo dhaafay. Colaadda taariikhiga ah ee u dhaxaysay Ethiopia iyo Eritea waxaa ay dhamaatay kadib markii labada dhinac ay sixiixdeen heshiis bishii July 2018-kii; kaasi oo Abiy Axmed uu ku kasbaday biladda nabadda adduunka bishii October ee sanadkii 2019-kii. Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa 11-kii July sheegay in heshiiskii Eritrea aysan ka helin wixii ay ka fileysay heshiiskii ay la gashay Ethiopia. War lagu daabacay website-ka wasaaradda ayaa lagu yiri “laba sano kadib markii la sixiixay heshiiskii nabadda, ciidanka Ethiopia waxay joogaan dhulkeena. Xiriirkii ganacsi iyo dhaqaale ee labada wadan uma uusan soo laaban sidii loo baahnaa.” Sarkaal diblomaasiyadeed oo taqasuskiisu yahay arrimaha Afrika ayaa u sheegay Al-monitor “Qaahira waxay u furantahay dhamaan hindiseyaasha caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee lagu xalinayo muranka biyo xireenka Masar iyo Eritrea, waxay leeyihiin dano ka dhexeeya oo aan ku xadidneyn wax isdhaafi.” Professor Hamdy Abdel Rahman Hassan oo ka tirsan Jaamacadda Qaahira, isla markaana Al-monitor kala hadlayay doorka ay Eritrea ka cayaari karto khilaafka u dhexeeya Masar iyo Ethiopia ayaa yiri “ Eritrea oo uu xukumayo Afwerki waxay muhiim u tahay isla’egta awoodda geeska Afrika, waxaana muhiimadaas siiyay meesha muhiimka ah ee ay ku taallo. Madaxweyne Afwerki waxaa uu awoodda in uu dhaqmo heer dal shisheeye uuna dantiisa uga faa’iideysto khilaafka.” Abdel Rahman Hassan ayaa waxaa uu intaas ku daray “Madaxweynaha Eritrea 2016-kii ayuu ku dhawaaqay meesha uu ka taaganyahay biyo xireenka. Waxaa uu rumeysanyahay in biyo xireenku uu ka badanyahay horumarka Ethiopia . waxaa jira calaamado badan oo muujinaya in Eritrea ay u taageersantahay Masar.” Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii April sanadkii 2018-kii, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia waxaa uu raadinayay in uu xaliyo muranka wadankiisa kala dhexeeya Soomaaliya iyo Eritrea. Weli xiisado maxali ah ayaa u diidan in uu si dhab u fuliyo siyaasadaha xiriir soo celinta ah. “Eritrea waxaa ay ka walwaleysay in ay isku haleyso Abiy Axmed, iyadoo xaalad degenaansho la’aan ah ay ka jirto Ethiopia, ciidanka Ethiopia-na ay heystaan dhulka lagu muransanyahay,” ayuu yiri Abdel Rahman Hassan. Waxaa uu xusay “meesha ay ku taallo Eritrea iyo xiriirka ay la leedahay dalalka gacanka, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa taageero istiraatiiji ah u unoqon karta Masar, gaar ahaan haddii ay arrintu dagaal gaarto.” Abiy Ahmed ayaa shalay booqasho lama filaan ah ku tegay Asmara, waxaana la rumeysan yahay inuu qabo walaac la xiriira in Eritrea ay garab u noqon karto Masar, taas oo hadda isku dayayo inuu ka hortago.
-
Maamulka degmada Warta-nabada ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay nin hubeysan oo rasaas ku furay guri mingiska lagu tumo oo ku yaalo degmadaas. Guddoomiyaha degmada Warta-nabada Seyban Xaabseey oo tagtay guriga dhacdada ay ka dhacday ayaa sheegtay in nin hubeysan oo aan la garaneyn wuxuu yahay rasaas uu ku furay guri mingiska lagu tumo oo ku yaalo xaafadda Waaxda koowaad Janaraal daa’uud ee degmada War-ta nabada,halkaasina ku dhibaateeyay dad shacab ah oo aan waxba galabsan. “ Dadkaas 8-Qof baa dhaawac ah iyo Qof dhimasho ah, baaris ayaa socota, annaga kan maamul ahaan iyo Boolis waxaan la wareegnay gurigii mashaqada ay ka dhacday, dadkii dhibaatada gaartayna waxaan geynayo cisbitaalo, ayay tiri guddoomiye Seynab Xaabseey. Lama oga sababta uu ninkan hubeysan arrintaan u sameeyay,balse waxaa dhacdadaan baaritaan ku haya ciidanka Booliska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-19072020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar nin ku hubeysan qori AK-47 ah uu maanta ka geystay xafad ka tirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. Weerarkaas waxaa fuliyey askari ka tirsan militeriga Soomaaliya, waxaana ku dhintay Saleebaan Maxamed Mahadi oo ahaa wiil dhalinyaro ah, halka ugu yaraan 9-qofood oo kalena ay ku dhaawacmeen. Qoraal kasoo baxay afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Abaare 12:30 duhurnimo, ayaa nin ku labisan dareyska Ciidanka, waxuu rasaaseeyay dad ku sugnaa Goob Mingiska lagu tumo iyo Xerada Barakacayaasha ee Camp 15May oo ku taala agagaarka iskoolka 15May ee Degmada Wartanabada.” “Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Cabdikariim Dheere kaas oo horay uga mid ahaan jiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, falkaan ayaa sababay dhimashada Hal qof oo lagu magacaabi jiray Saleebaan Maxamed Mahadi, waxaana ku dhaawacmay 9 qofood oo kale”. Ugu dambeyntii afhayeenka ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Eedeysanaha oo goobta ka baxsaday ayeey Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku raadjoogaan si gacanta loogu Soo dhigo, loona maxkamadeeyo.” Dhanka kale guddoomiyaha degmada uu falkaasi ka dhacay ee Warta-nabadda Saynab Maxamuud Xaabsey oo goobtii dadka lagu rasaaseeyey warbaahinta kula hadashay ayaa sheegtay in gurmad ay u fidiyeen dadkii dhibku soo gaaray, isla markaana ay ku raad joogaan ninkii geystay dhibkaas.
-
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu maanta uu Dhuusamareeb kula kulmay Ururada Bulshada qaarkood, Kulankasoo ay Villa Soomaaliya soo qabanqaabiyeen. Xubnaha Ururada Bulshada [...] The post Kulankii Maanta dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ururada Bulshada, Madaxweynuhu wali Qof iyo Cod ayuu ku adkeysanayaa appeared first on . Source
-
Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay tartankii lagu maamuusayay xidigihii hore Xulka Qaranka Soomaaliya marxuum Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) waxaana ciyaaartii fiinaalka wada dheelay kooxaha Jeneraal Daa’uud iyo Asal 24, Iyadoo guusha iyo koobka ay qaateen xidigaha Jeneraal Daa’uud ee ka socday degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Qaar ka mid ah laacibiinta naadiga Jeneraal Daa’uud oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin hanashada guusha iyo koobka,iyagoo u mahadceliyay guddigii soo abaabulay tartankankii lagu maamusayay laacib Maxamed Adam Uureey. Guddoomiyaha isboortiga degmada Yaaqshiid Xasan Tahliil ayaa u mahad celiyay ciyaartooyda ka socotay degmadiisa ee ku guulaystay tartankii lagu maamusayay xidigihii hore LLP Jeenyo iyo Gobolka Baay Maxamamed Xaaji Aadam (Uurey) Guddigii soo qaban qaabiyay qabsoomida ciyaarihii lagu maamusayay marxuum Uurey ayaa u mahad celiyay dhamaan ciyaaryahanadii iyo kooxihii ka qeyb galay,iyagoo hambalyo qaas u diray ciyaaryahanda Jeneraal Daa’uud ee nasiibka u yeeshay in ay ku guulasytaan tartankii lagu xusayay laacib Maxamed Xaaji (Uurey). Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxda Ku Guulaystay Tartankii Lagu Xusayay Laacib Uurey https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-urey.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyey muhiimadda doorasho qof iyo cod ah in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka. Farmaajo ayaa hadalkan sheegay isaga oo hoggaanka ururada Bulshada Rayidka kula kulmay magaalada Dhusamareeb, wuxuuna uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ah ku ammaanay sida ay ugu hanweyn yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda ku wajahan hannaanka doorashooyinka dalka. “Madaxweynaha ayaa Ururrada Bulshada Rayidka ah ku ammaanay sida ay uga shaqeyn lahaayeen in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka” ayaa lagu yiri qoraalka. “Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey hormuudka Ururrada Bulshada Rayidka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan xaqiijinta xasilooni siyaasadeed, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay ugu taagan yihiin muujinta aragtidooda ku aaddan dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoomta.” Ugu dambeyntii qoraalkan ka soo baxay Villa Somalia waxaa lagu yiri, “Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.” Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ayaa ku wada sugan Dhuusamareeb waxaana lagu wadaa in halakaasi uu uga furmo maalmaha nasoo aaddan wajiga labaad ee shirka wadatashiga, oo diiradda lagu saarayo arrimaha ku geedaaman ka wadashaqeynta siyaasadda dalka oo ay ugu horeyso doorashada soo socota.
-
Maxamuud khaliif Xasan oo loo garan ogyahay Jebiye ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha mid kamid ah ururada siyaasadda Puntland. Jebiye oo mid ahaa musharaxiintii si aadka ah u ololeeyay doorashadii madaxtinimada Puntland 2019, ayaa isagoo ku maqan dalka dibadiisa loo doortay Gudddomiyaha urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Sinnaanta, sidoo kale waxaa Guddoomiye ku xigeenka kowaad iyo kan labaad loo kala doortay Cismaan Cabdi Shabeel iyo Cabdirasaaq Xareed Ismaaciil, halka Xoghayaha Guuud ee ururkaas loo doortay Cabdishukri Cabdullaahi Madadaal. Maalmihii u dambeeyey waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland ka socday shirweynaha ururada siyaasadda Puntland oo kamid ah shuruudaha ururada laga rabo. 22-ka bishan July ayay ku egtahay xiliga Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland uu u qabtay inay shirweynahooda ku qabsadaan ururada sida ku KMG ah loo aqoonsaday. PUNTLAND POST The post Jebiye oo loo doortay Guddoomiye urur siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
-
Is-rasaaseyn dhimasho sababtay oo caawa ka dhacday Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxay sheegayaan in goor dhaw ciidamo ka kala tirsan booliska iyo militeriga Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen, waxaana is-rasaaseyntaas ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac. Sarkaal ka tirsanaa militeriga Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Xasan (Cusmaan Injeneer) ayaa la sheegay in lagu dilay is-rasaseyntaas oo socotay mudo kooban. Sarkaalka la dilay waxaa la sheegay in uu watay ciidamo kale, isla markaana ay isku dayeen inay xoog ku dhaafaan Bar Control oo ay ku sugnaayeen ciidamada booliska degmada Yaaqshiid, sidaasna ay ku bilaabatay is-rasaaseyntu, waxaana la sheegay inay jiran dhaawacyo kale oo soo kala gaaray askarta labada dhinacba. Wararku waxay intaas ku darayaan in sarkaalka ku dhintay is-rasaaseyntaas iyo ciidamadiisa ay maalmihii dambe si dhuumaaleysi ah qaad/jaad ku soo gelin jireen magaalada, sida aan ka soo xiganay xubno ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid oo shilkaasi uu ka dhacay. Weli ma-jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda federaalka oo ay uga hadlayaan is-rasaaseyntaas khasaaraha dhalisay ee ciidamada ka wada tirsan dowladda ku dhex martay gudaha magaalada Muqdisho. -
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa is-rasaaseyn u dhexeysay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo goor dhow ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo milatari ah oo Qaad waday iyo kuwa Boolis ah oo ku sugnaa koontarool ku yaalla degmada Yaaqshiid. Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkii waday Jaadka lagu dilay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen askar kale iyo dad shacab ah. Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha magaalada Muqdisho, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa laba jeer uu xanuun uga baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Dhuusomareeb. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay duqa Muqdisho uu shalay iyo maantaba ka baaqday safar uu ku aadi lahaa Dhuusamareeb, sababo la xiriira xanuunkan. Sidoo kale xogta aan ku helnay xanuunka guddoomiye Cumar Filish ma ahan mid darran, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan, ayada oo qaarkood ay sheegayaan inuu gaas ku kacay, halka qaar kalena ay sheegayaan inuu isku arkay qandho. “Waa xanuunsan yahay balse ma ahan mid darran, shalay iyo maantaba waan ka baaqanay safarka sabab arrintaan la xariirta,” ayuu yiri qof ka tirsan xafiiska guddoomiyaha gobalka Banaadir, oo codsaday inaan la magacaabin. Waxyaabaha adkeeyay in la helo warbixin dhameystiran oo xaaladda guddoomiyaha ah ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah in Guddoomiyaha uu waayahaanba ku shaqeynayay gurigiisa maadaama uu dhismo ku socdo xarunta gobalka. Si kastaba, Cumar Filish ayaa la filayaa inuu berri u safro magaalada Dhuusamareeb kana qeyb-galo shirka madaxda dowladda federaalka ah iyo madaxda maamul goboleedyada.
-
At least two dead and 10 others wounded in a mass shooting incident reported in Mogadishu, the Somali capital on Sunday. According to the eyewitnesses in Warta-Nabadda district, the unknown gunman has shot indiscriminately at people in a house, where the demon possessed people are treated. The killer has managed to escape from the scene and he is now at large after police launched a manhunt to bring him to justice. No group has claimed the responsibility for the attack. View the full article
-
Garowe (PP News Desk) — The first conference for Mideeye, a political association in Puntland, that began on Saturday, has been successfully concluded in Garowe today. The political association, whose name implies unity of purpose and action, has demonstrated its political capital through the diversity of high profile participants some of whom held ministerial positions in previous Puntland administrations. Founders of the organisation and representatives from different regions in Puntland, where Mideeye has offices, religious leaders and women’s groups participated in the conference. The second day of the conference saw the election of Dahir Haji Khalif, a former Puntland Minister, as the Chairman of Mideeye. “I will live up to your expectations. The organisation will make more progress” Khalif said. The Central Committee of Mideeye elected Najah Mohamud Ali as the First Deputy Chairman. Abdallah Sheikh Ahmed Yusuf was elected as the Second Deputy Chairman. The position of the Secretary General went to Mr Abshir Omar Huruse, a businessman who ventured into politics a few years ago. Former Puntland Presidential Candidates Ali Haji Warsame (left), General Asad Osman Abdullahi (middle) and Farah Ali Shire (right) are members of Mideeye Mideeye has the distinction of being the political association of which three former Puntland presidential candidates are members. “Mideeye supporters must double their efforts so that the organisation can win Puntland Presidency” said General Asad Osman Abdullahi, a former Puntland Presidential Candidate. “If Mideeye wins Puntland Presidency, the organisation will maintain sound relations with the Federal Government and Federal Member States” said Ali Haji Warsame, a former Somalia Presidential Candidate and former Puntland Education Minister. Registered political associations will contest a pilot local elections out which three political associations will graduate to political parties. Some observers view Mideeye as an organisation of the old guard on the basis the former Puntland political leaders who are members of the Central Committee. Others contend that political heavyweights of the organisation could stand the political organisation in a good stead provided its political programme strongly advocates accountability, decentralisation and job creation for the youth. Mideeye is the first political organisation to appoint a woman to a senior political leadership role. This move hints at a progressive agenda to involve more women in the political life in Puntland State of Somalia. © Puntland Post, 2020 The post MIDEEYE FLEXES ITS POLITICAL MUSCLES IN GAROWE appeared first on Puntland Post.
-
On Sunday, Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo held a closed-door meeting with the president of Jubbaland Ahmed Madobe for the first time for almost three years. According to the sources, the meeting took place at the presidential palace of Galmudug State in Dhusameeb town, where the two leaders have discussed key issues. Somali PM Hassan Ali Kheire and Galmudug leader Ahmed Abdi Kariye were in attendance of the talks but left the room later to give Farmajo and Madobe a chance to talk. Jubaland has released a statement to announce that the meeting is the beginning of the plans to resolve the difference between the federal government and Jubbaland state. President Farmajo said it was necessary to bury the hatchet with the Jubaland administration over the regional elections. View the full article
-
Al-Shabab militants killed in operation in southern Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali National Army (SNA) backed by Jubaland state forces killed six al-Shabab extremists on Saturday in a security operation on the outskirts of Kismayo, a military officer confirmed on Sunday. Aden Mohamed Ibrahim, commander of Jubaland state army told journalists that the joint operation conducted by SNA’s 43rd Unit and Jubaland state army started when the forces got intelligence from the public of the militants’ presence in the area. “There was a fierce fight between the army and the militants in Koban and Bula Haji villages, but our forces overpowered the militants, killing six of them,” Ibrahim said. He added that the army also captured many villages and recovered ammunition during the operation. Locals said that heavily armed government forces attacked Bula Haji village, prompting an exchange of fire between the army and the militants. On July 12, the army-backed by Southwestern state forces killed seven al-Shabab extremists and injured 5 others in another operation in Bardale town in the southern region of Bay. Meanwhile, security minister, Abdinasir Said Muse, survived an assassination attempt on Saturday evening after a roadside bomb targeted his vehicle near Taleh junction in Mogadishu’s Hodan district. The police said the bomb which was hidden on the roadside at a construction site exploded on the vehicle belonging to the deputy minister but Muse was not in the vehicle at the time. The police officer who declined to be named said one of his guards was killed while three other people were injured. There was no immediate comment from the militant group on the latest attack in the restive Mogadishu but the terrorist group which is fighting to topple the government have usually staged such attacks in the past. Somali army backed by the African Union Mission in Somalia (Amisom) forced al-Shabab extremists out of the capital Mogadishu in August 2011, but the militants still hold swathes of rural areas in southern and central Somalia conducting ambushes and planting landmines as they stage attacks in the city and elsewhere. View the full article -
LONDON Following successful trials, the British government is set to start distributing millions of free coronavirus antibody tests, local media reported on Saturday. The finger-prick tests can tell within 20 minutes if a person has been exposed to the virus and were found to be 98.6% accurate during human trials that took place in June. The test was developed under a partnership between Oxford University and leading diagnostics firms of the UK. Sir John Bell, professor of medicine at Oxford University and head of the government’s antibody testing program, was quoted by The Telegraph as saying: “This rapid test appears to be truly amazing, and it shows we can do this ourselves.” Meanwhile, clinical trials to test a new coronavirus vaccine developed by Imperial College London are progressing to their next phase, the university announced. After a successful initial round of testing on 15 volunteers, 105 more participants will be given the vaccine. The first 15 volunteers will return to receive a second dose as well. “We have had a promising start but it remains too early to speculate whether our vaccine candidate will be effective in preventing infection,” said Dr Katrina Pollock, clinical lead on the study. “The early clinical trials are progressing well and I would like to thank all those who are supporting this work, particularly our trial volunteers.” Professor Robin Shattock, who is leading the development of the vaccine, said: “The progression to the next phase of the trial is an important step in assessing the safety of our vaccine. Analyzing blood samples for antibodies and T-cell response will provide some indication of whether our vaccine can produce an immune response to fight the virus.” “Larger clinical trials will still be needed to tell us whether our vaccine candidate, and any other COVID-19 vaccine in development, may be successful in reducing the spread or severity of COVID-19.” The UK government has invested over £40 million in the Imperial vaccine, as well as investing in the Oxford vaccine, which is currently leading in the global race for a method of immunization from the novel coronavirus. AA Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo xiisad siyaasadeed xoogani ay kala dhaxeyso Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax banaan Jamhuuriyada, ayaa lala xiriiriyey qorshe cusub ka bilowday gudaha Somaliland, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ka taagneyd xiisad ka dhalatay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen xisbiyada mucaaridka ah iyo xukuumada Muuse Biixi, kaasi oo la sheegay in xal looga gaaray qabsoomida doorashooyinka. Heshiiskaasi ayaa dhigaya in doorashadu ku qabsoomto sidii uu dhigayey Saami-qeybsigii hore, kaasi oo ay si weyn uga biyo diidanaayen qaar kamid ah beelaha dega Somaliland, oo u arkayey mid aan siineyn kuraastii ay xaqa u lahaayeen. Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka ah oo u aragta xiisadaasi mid ay danaheeda uga faa’iideysan karta ay gudaha Somaliland ka bilwoday abaabul ‘kicin dadweyne ah’. Mas’uuiyiintan ayaa sheegay in xubno ka tirsan dowladda federaalka oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland loo xil saaray fulinta qorshahaasi, kuwaasi oo wajigii u horeeyay ka billaabay gobolada galbeedka ee Awdal iyo Selel. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, qorshaha dowladda federaalka ayaa ah in warbaahinta la mariyo iyada oo lagu dhawaaqayo ‘midnimo’, taasi oo lagu lifaaqayo in xukuumada Biixi ay waxba ka qaban weyday cabashadoodii saami-qeybsiga, isla markaana ay rabaan midnimo haddii aan waxba laga badaleyn dulmiga ay Somaliland ku doodo inay uga soo go’day Soomaaliya, oo ay rumeysan yihiin inay iyaga laftigooda ka tirsanayaan xukuumada Muuse Biixi. Sidoo kale qorshaha dowladda federaalka ayaa ah in gudaha Somaliland laga dhigo banaan-baxyo looga soo horjeedo xukuumadda iyo qabsoomida doorashooyinka, iyada oo lagu saleynayo dib u eegis la’aanta saami-qeybsiga. Waxaana xusid mudan in deegaanada Somaliland laga dareemayo guux xoogan oo ka dhashay heshiiska ay gareen xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumaddu, kaasi oo aan xal muuqda laga gaarin saami-qeybsiga kuraasta.
-
Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan nin la sheegay inuu ku la bisnaa dareeska ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo maanta dad shacab ah ku laayey degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay sida la sheegay goob lagu tumo waxyaabaha loo yaqaanno minkiska, waxaana jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay, rasaas uu ninku riday dadkii goobta ku sugnaa. waxaa Inta la xaqiijiyey ku geeriyooday weerarka uu geeystay ninka hubeysan 2 ruux, halka uu dhaawac ka soo gaaray 8 kale kuwaas oo badnaa haween kuna sugnaa goobta , waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka. Waxaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka dhacayey dilal ay geysanayaan rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda, waxaana ugu dambeysay dhacdadii dhowaan ka dhacday deegaanka Garasbaaley. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan gaar oo saaka la qaatay Madax-dhaqameedka gobollada Awdal iyo Salel. Kulan oo ka dhacay qasriga Madaxtooyadda waxa madaxweynaha ku weheliyay guddoomiyeyaasha xisbiyadda UCID iyo WADDANI, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda kana soo jeeda gobolka Awdal. Kulanka muddo saacado ah socday ayuu Madaxweynaha Somaliland hor-dhigay salaadiinta codsi la xidhiidha sidii ay doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanku dalka uga dhici lahaayeen iyada lagu galayo saami-qaybsigii hore. Salaadiinta gobolka Awdal ayaa ku kala qayb-samay codsiga Madaxweynaha waxaana ku gacan-saydhay qaar ka mid salaadiinta halka kuwo kale soo dhaweeyeen. Wararka ay heshay shabakadda Somalilandtoday waxa ay sheegayaan in 4 suldaan ku gacan-saydheen codsiga Madaxweynaha halka ay laba Suldaana aqbaleen, Kulan madaxweynaha iyo madax-dhaqameedka ayaa ugu dambayntii ku soo dhammaaday natiijo la’aan. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo ay weheliyaan qaar ka mid wasiiradda xukuumadda ayaa kulan hadhimo sharafeed ah la qaatay Madax-dhaqameedkan iyaga oo isku dayay inay ku qanciyaan in ka tanaasulaan arrinta saami-qaybsiga balse kulankaasina waxa uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan. Wararka ay helayso Somalilandtoday waxa ay sheegayaan in madaxweyne ku-xigeenka iyo madax-dhaqameedku ay u ballameen kulamo kale oo toddobaadkan gudihiisa ka dhici doona magaalada Boorama. Madax-dhaqameedka ayaa isla maanta u kicitimay gobolka Awdal. Source
