Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cape Town (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya dilalka loo geysanayo Soomaalida ku ganacsata gudaha wadanka Koonfur Afrika. Wararka ayaa sheegaya in dilkii u dambeeyey saacadihii la soo dhaafay loo geystay, Cabdullahi Ganey Gadafo oo ku sugnaa magaalada Cape Town ee dalkaasi Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay marxuumka ku dileen goobtiisa ganacsi, kadibna ay baxsadeen. Sidoo kale waxaa goor dambe meesha uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo Boolis ah oo baaritaano kooban sameeyey. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii kordhayey weerarada ka dhanka ah dadka ajaaniibta ah ee ku dhaqan Koonfur Afrika, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin Soomaalida. Inta badan waxaa weeraradaas fuliya kooxo burcad ah oo u dhashay dalkaasi, kuwaas oo sidoo kale boob u geysta hantida muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi.
  2. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradsan Villa Somalia, ayaa sheegay in Sharciga Doorashooyinka ay ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamanku uu dhigayo Doorasho dadban. “Sharciga Doorashada ee uu Baarlamaanka ansixiyey waa sharci dadban, wuxuuna dhigayaa in kuraasta ay sidoodii, reerihii iyo jufooyinkii hoose u kala leeyihiin. Caqliga wuxuu keenayaa in cid aan ahayn reerkii iyo jufadii kursiga lahayd aysan ka codaynin, taasina waa doorasho dadban, laakiin la doonayo in shaati doorasho qof iyo cod ah loo geliyo.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Hoggaamiya Xisbiga Wadajir, wuxuu sheegay in Sharcigaasi muranka badan dhaliyay uu ku salaysanyahay Hannaanka 4.5, sidaasi darteedna uu dhigayo Doorasho dadban oo loo geliyay Shaati Doorasho qof iyo cod ah. Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sidoo kale sheegay in waxa hadda Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ka wada- hadlayaan aysan ahayn Doorasho qof iyo cod ah, balse ay ka wada-hadlayaan Doorasho dadban oo wakhtigeed ku dhacda iyo Doorasho dadban oo Shaati qof iyo cod xiran, islamarkaana lagu xalaalaysto mudda kordhin taasina ay Qalalaase dalka gelinayso. “Ma jirto cid doorasho qof iyo cod ah haysa ee miiska waxa saaran waa doorasho dadban, waxaase la isku hayaa doorasho dadban oo xilligeeda ku dhacda iyo doorasho dadban oo shaati qof iyo cod ah loo xiray, laguna xalaalaysto muddo kordhin, taasina ay Dalka xasilooni dari iyo qalalaase u horseeda.” PUNTLAND POST The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Sharciga Doorashada ee uu Baarlamaanka ansixiyey waa sharci dadban appeared first on Puntland Post.
  3. Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay Cudurka Corona ka bogsadeen 5 Qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee Dadka ka ladnaaday ka dhigeysa 1,457. Marwo, Fowziya ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 8 xaaladoood oo cusub, kuwaas oo 7 ka mid ah ay ku sugan yihiin Somaliland, halka Qofka kalana uu joogo Muqdisho, taas oo tirada guud ee Dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,119. Bukaannada cusub ayay Wasiiraddu ku sheegtay 6 Rag ah iyo Labo Dumar ah, mana jirto 24-kii Saac ee ugu dambeeyay Dad Soomaaliya gudaheeda ugu geeriyooday Cudurka COVID-19. View the full article
  4. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Dhuusamareeb wuxuu kula kulmay Ururada Bulshada Rayidka ah. Madaxweynaha ayaa Ururada Bulshada ka dhagaystay ra’yigooda Siyaasada Soomaaliya xiligaan [...] The post Madaxweyne Deni oo la kulmay Urarada Bulshada appeared first on . Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi ayaa la filayaa in uu 48 ka saac ee soo socda maxkamadda sare ee dastuuriga ah u gudbiyo dalab uu ku codsanayo in ay soo saarto go’aan fasaxaya in doorashada wakiillada iyo deegaanka lagu galo tirakoob la’aan. Go’aankan la filayo in uu madaxweynuhu maxkamadda u gudbiyey ayaa imanaya iyada oo uu midho la’aan ku dhammaaday kulan madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo madaxda xisbiyada siyaasaddu ay maanta hoggaanka dhaqanka ee gobalka Awdal ugu gudbiyeen baaq ay kaga dalbadeen in ay aqbalaan in doorashada lagu galo tirakoob la’aan. Maadaama oo gobalkaas ay ka imanayso cabashada ugu miisaanka culus ee saami-qaybsiga kuraasta wakiilladu. Kulankan ayaa la sheegay in la soo xidhay kaddib markii hoggaanka dhaqanka ee Awdal ay kala aragti ka noqdeen aqbalaadda ama diidista baaqaas. Sannadkii 2005 ayaa ay maxkamadda sare soo saartay go’aan ay ku sheegayso in markaas oo keliya doorashada wakiillada lagu galo tirakoob la’aan. Waxa aanu qorshuhu ahaa inta doorashada dambe aan la gaadhin in la sameeyo tirakoob guud oo lagu salaynayo saamiqaybsiga kuraasta wakiillada. Laakiin 15 kii sano ee doorashadaas ka dambeeyey laguma guulaysan tirakoobkaas ama in khilaafka saamiqaybsiga xal laga gaadho. Xisbiyada siyaasada ayaa dhowaan ka heshiiyey khilaafaad u dhexeeyey oo caqabad ku ahaa doorashada, laakiin si doorashadu u qabsoonto waa in sifo sharci ah lagu buriyo go’aankaas hore ee maxkamadda, si mar kale doorashada tirakoob la’aan loogu galo. Kamaal Marjaan Source
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-200720.mp3 View the full article
  7. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/07/westren-union.mp4
  8. (SLT-Hargeysa)-Marwo Caasha Buraale Axmed, gudoomiyaha garabka haweenka xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ee dalka Sweden, ahna xaaskii wasiirka wasaaradda arrimaha dibada dowladii Cigaal marxuum maxamuud saalax nuur fagadhe, imika ah marwadda wasiirkii hore ee wasaaradda biyaha xukuumaddii Siilaanyo, mudane Xuseen Cabdi Boos, ayaa waxaa ay sheegtay in ciidamo sheegtay in ay yihiin kuwa dowladda hoose ee magaalada Hargeysa ay jidh dil ugu geysteen guriga ay ka degan tahay magaalada Hargeysa. Sidoo kale waxaa ay xustay in dadkii guriga la degana ay jidh dil u geysteen ciidamadaasi, oo ay sheegtay in aanay xidhneyn wax direys ciidana, islamarka ay baaskoolad ku qabteen mid ka mida haweenka guriga jooga. Waxaa ay marwadani madaxweynaha Somaliland, wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka booliska iyo gudoomiyaha maxkamada sare ka codsatay in askarigii jidh dilka u geystay cadaalada la horkeeno. Arrintan ayaa imaneysa kadib markii sida ay sheegtay wiil ay habaryar u tahay oo ay ganacsi ka dhaxeeyay shirkada qaadka keenta eee Faras ay lacago. Source
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Ururada Bulshadda Rayidka ah ee Soomaaliyeed. Ururada Bulshadda Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha in ay soo dhoweeyeen Shirkii Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena hadana ay rajo wanaagsan ka qabaan Shirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah. Kulanka oo looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda 2020/2021. waxay Ururada Bulshadu muujiyeen sida loogu baahanahay in laga heshiiyo nooc doorasho oo dalka ka dhacda, taasi oo ku qabsoomi karta muddada wakhtiga ka harsan iyo in Haweenku helaan kooto ku filan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada Soomaaliya iyo kaalintii ay ku lahaayeen marxaladahii kala duwanaa ee dalku soo maray. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Dhuusamareeb kula kulmay Ururada Bulshada Rayidka ah appeared first on Puntland Post.
  10. Ma suura gelin in uu meelmaro martiqaadkii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyey Maamul Gobolleedyada. Sababtuna waa in uusan fulin ballamadii uu qaaday shirkii ay madaxweynaha iyo madaxda Maamul Gobolleedyada ku yeesheen qadka Internet-ka. Madaxweynuhu wuxuu ballanqaaday in uu hakinayo doodda sharciyada dhammeystirka doorashooyinka ee Baarlamaanka ka socda. Wuxuu kaloo ballanqaaday in uu isku soo dhaweynayo 2-aqal ee Baarlamaanka, wadatashi gooni-gooni ah uu la yeelanayo madaxda Maamul Gobolleedyada si la iskula meel dhigo goobta iyo waqtiga shirka. Madaxweyne Farmaajo ma uusan hakin dooddii Golaha shacabka ka socotay, balse baasiin ayuu ku sii shubay kaddib markii uu soo jeediyey in Gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 kursi. Dhinaca kale, halkii 2-aqal la isku soo dhaweyn lahaa wuxuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka si cad u sheegay in Aqalka Sare uusan wax kaalin ah ku laheyn hawlaha doorashooyinka. Madaxweynaha isaga oo aan cidna la tashan ayuu muddeeyey 5 ta Juulaay in Muqdisho la isugu yimaado. Sidii la filan karay Maamul Gobolleedyada intoodii badneyd way ka biya diideen, waxayna magaalada Dhuusamarreeb ku qabsadeen kulan iyaga u gaar ah. Wejigii 1-aad ee shirka Dhuusamarreeb wuxuu ku soo dhammaaday is faham iyo mowqif mideysan oo ay Maamul Gobolleedyada ka qaateen doorashooyinka 2020/21. Taasi waxay aheyd tillaabo wanaagsan oo horay loo qaaday. Waxaa mowqifka la mid kan Maamul Gobolleedyada qaba, laakiin aan si cad u sheegin Ra’iisul Wasaaraha. Waxaa kaloo natiijada shirka taageeray saamilayda siyaasadeed oo ay ugu horreeyaan Xisbiga Wadaji iyo Madasha Xisbiyada. Waxaase si xooggan mowqifka uga soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo oo ay ku daabanyihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ku-xiggeenkiisa koowaad. Xukuumadda, Maamul Gobolleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadeed waxaa u muuqda in doorasho qof iyo cod ah ay u baahantahay in laga guuro nidaamka awood qaybsiga ee 4.5, lana helo amni, dhaqaale, heshiis siyaasadeed iyo farsamo la isku halleyn karo. Madaxweyne Farmaajo marna ma gelin waqtigii dadaalkii iyo hantidii loo baahnaa in doorasho qof iyo cod ah la qabto. Dhinaca kalena iskama xil saarin in la qabto doorasho heshiis lagu yahay oo xilligeeda ku dhacda. Keliya wuxuu lasoo gole joogsaday in uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah, taasoo ah kalimad xaq ah, laakiin baadil loola jeedo. Waxaa hal-ku-dhiggaas afka baarkiisa ah ugu sacab tumaya qaar ka mid safiirrada beesha caalamka oo la garan karo ujeedka ay arrinkaas leeyihiin. Waxaa saamilayda siyaasadeed, bulshada rayidka iyo waxgaradka kale u muuqata halista ay leedahay muddo kordhin loo sameeyo Dowladda Federaalka ah, taasoo horseedi doonta xasillooni darri siyaasadeed oo aan ka soo kabasho laheyn. Muqdisho waxaa ka socda abaabullo iyo shirar dalka looga badbaadinayo qalaalase siyaasadeed oo ka yimaada muddo kororsiga uu madaxweynaha qorshaynayo. Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Dowladda ku cadaadinaya in ay qabato doorasho xilligeeda ku dhacda taasoo raalli isaga yahay. Haddaba Madaxweyne Farmaajo waxaa maanta hortallaa fursad uu inta kale kula heshiiyo la islana meeldhigo doorasho la isla oggolyahay oo xilligeeda ku dhacda, dalkana xasillooni darri siyaasadeed ka badbaadisa ama in uu gogosha Dhuusamarreeb carqaladeeyo oo lagu kula tago, meel danbe oo la iska soo qabtana la waayo, Soomaaliyana ay mar kale kala tag, xasillooni darri iyo jahwareer siyaasadeed gasho. Maanta ayuu haystaa meel uu wax ka qaban, beri talada gacantiisa kuma jirto. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waa wasiirkii hore ee qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, iminkana ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. Tensions over the way a Canterbury refugee organisation is run erupted at the weekend. Source: Hiiraan Online
  12. Dawladda Jabuuti oo soo iibsatay Markabkii ugu weynaa ee xamuul qaada+Magaciisa & Xoggo kale+Sawirro Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horraysay yeelatay Markab Xamuul oo qaada konteenarada iyo badeecadaha kala duwan. Waxaa Markabkan lagu magacaabaa Africa Sun, isagoo qaadi kara 1,118 kunteenar, iyadoo ay soo iibsaday shirkad ay leedahay dowlada oo la yiraahdo Djibouti Shipping Company oo la aas-aasay 2017-kii. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo daahfuray Markabkan ayaa sheegay inuu yahay kii ugu horeeyey ee dowlada Jabuuti ay yeelato. Waxaa uu intaas ku daray in markabkan uu yahay mid casri ah oo markiiba qaadi kara boqolaal Kontaynar, isagoo xusay inuu sidoo kale u adeegayo Soomaaliya. Geelle ayaa xusay in markabka ay Jabuuti soo iibsatay uu culeyska ka yareyn doono maraakiibta waaweyn ee dhibka ku qabay inay ku soo xirtaan dekadahooda. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Jabuuti ay qorsheyneyso in ay soo iibsato maraakiib kale, bilooyinka soo aadanna ay soo bandhigeyso markab labaad oo hadda heshiiska dhameystirkiisa ay socoto. Jabuuti oo ku taalla marin istaraatiiji u ah ganacsiga dunida ayaa mudooyinkan ku talaabsaneysay horumar dhinaca dekedaha casriga ah iyo maraakiibta. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Qaran News
  13. Two Somali-Canadian advocates have created an online resource specifically for racialized survivors of sexual assault, saying a centralized guide is necessary to fill gaps in both the health care and justice systems that leave marginalized women behind. Source: Hiiraan Online
  14. Jambojet has put on hold plans to launch direct flights from Nairobi’s Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) to Somali capital Mogadishu due to high insurance needed to ply the route. Source: Hiiraan Online
  15. Dalalka Masar & Eritrea oo isku soo dhowaanaya+Itoobiya oo walaacsan qadiyadaa Intii uu Qaahira u joogay booqasho laba maalmood ah oo u dhaxaysay 6-7-dii July, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki waxaa uu la kulmay dhigiisa Masar Cabdil Fitaax Al-Sisi, waxayna kulankoodii diiradda ku sareen biyo xireenka Ethiopia iyo amniga Badda Cas, si loo taagero xasiloonida iyo amniga gobolka, sidaas waxaa sheegay afhayeenka madaxtooyadda Bassam Radi. Waxay ahayd booqashaddii shanaad ee Afwerki uu ku tago magaaladda Qaahira, tan iyo markii Sisi uu xafiiska qabtay sanadkii 2014-kii. Markaan booqashadiisu waxay timid, iyadoo Masar ay ku guul-darreysatay in Ethiopia kala heshiiso buuxinta biyo xireenka, kaasi oo Qaahira ay rumeysantahay in uu dhaawici doono danaheeda biyaha webiga Nile. Madaxweyne Afwerki waxaa uu horay u booqday magaaladda Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya 2-dii bishii May, sidoo kale caasimadda Sudan ee Khartuum ayuu booqday 25-kii bishii June. Indha-indheeyeyaashu waxay rumeysanyihiin in booqashadaas ay qayb ka tahay dadaallo dhex-dhexaadin ah oo Eritrea ay dooneyso in ay ku xaliso muranka u dhexeeya Sudan, Ethiopia iyo Masar. Xiriirka u dhaxeeya Masar iyo Eritrea oo soo jiray tobankii sano ee u dambeeyey ayaa ah isha dhibaatada Ethiopia, waxay Ethiopia ku eedeyn jirtay Masar in ay Eritrea u adeegsaneyso cadaadis iyo xasilooni darrada Ethiopia. Xiriirkaasi waxaa uu sii dheereeyay colaadii u dhaxaysay Ethiopia iyo Eritrea, taasi oo dib ugu laabaneysa dagaalkii madaxbanaanida Eritrea ee 1990-kii, halka xaalad aan nabad iyo dagaal midna ahayn oo labada dal u dhaxaysay ay xiisadda gobolka kordhisay sanadihii lasoo dhaafay. Colaadda taariikhiga ah ee u dhaxaysay Ethiopia iyo Eritea waxaa ay dhamaatay kadib markii labada dhinac ay sixiixdeen heshiis bishii July 2018-kii; kaasi oo Abiy Axmed uu ku kasbaday biladda nabadda adduunka bishii October ee sanadkii 2019-kii. Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa 11-kii July sheegay in heshiiskii Eritrea aysan ka helin wixii ay ka fileysay heshiiskii ay la gashay Ethiopia. War lagu daabacay website-ka wasaaradda ayaa lagu yiri “laba sano kadib markii la sixiixay heshiiskii nabadda, ciidanka Ethiopia waxay joogaan dhulkeena. Xiriirkii ganacsi iyo dhaqaale ee labada wadan uma uusan soo laaban sidii loo baahnaa.” Sarkaal diblomaasiyadeed oo taqasuskiisu yahay arrimaha Afrika ayaa u sheegay Al-monitor “Qaahira waxay u furantahay dhamaan hindiseyaasha caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee lagu xalinayo muranka biyo xireenka Masar iyo Eritrea, waxay leeyihiin dano ka dhexeeya oo aan ku xadidneyn wax isdhaafi.” Professor Hamdy Abdel Rahman Hassan oo ka tirsan Jaamacadda Qaahira, isla markaana Al-monitor kala hadlayay doorka ay Eritrea ka cayaari karto khilaafka u dhexeeya Masar iyo Ethiopia ayaa yiri “ Eritrea oo uu xukumayo Afwerki waxay muhiim u tahay isla’egta awoodda geeska Afrika, waxaana muhiimadaas siiyay meesha muhiimka ah ee ay ku taallo. Madaxweyne Afwerki waxaa uu awoodda in uu dhaqmo heer dal shisheeye uuna dantiisa uga faa’iideysto khilaafka.” Abdel Rahman Hassan ayaa waxaa uu intaas ku daray “Madaxweynaha Eritrea 2016-kii ayuu ku dhawaaqay meesha uu ka taaganyahay biyo xireenka. Waxaa uu rumeysanyahay in biyo xireenku uu ka badanyahay horumarka Ethiopia . waxaa jira calaamado badan oo muujinaya in Eritrea ay u taageersantahay Masar.” Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii April sanadkii 2018-kii, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia waxaa uu raadinayay in uu xaliyo muranka wadankiisa kala dhexeeya Soomaaliya iyo Eritrea. Weli xiisado maxali ah ayaa u diidan in uu si dhab u fuliyo siyaasadaha xiriir soo celinta ah. “Eritrea waxaa ay ka walwaleysay in ay isku haleyso Abiy Axmed, iyadoo xaalad degenaansho la’aan ah ay ka jirto Ethiopia, ciidanka Ethiopia-na ay heystaan dhulka lagu muransanyahay,” ayuu yiri Abdel Rahman Hassan. Waxaa uu xusay “meesha ay ku taallo Eritrea iyo xiriirka ay la leedahay dalalka gacanka, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa taageero istiraatiiji ah u unoqon karta Masar, gaar ahaan haddii ay arrintu dagaal gaarto.” Abiy Ahmed ayaa shalay booqasho lama filaan ah ku tegay Asmara, waxaana la rumeysan yahay inuu qabo walaac la xiriira in Eritrea ay garab u noqon karto Masar, taas oo hadda isku dayayo inuu ka hortago. Qaran News
  16. Qahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa tix-gelineysa in ay saldhig military ka sameysato Somaliland. Tani waxaa ay imaaneysaa sanad kadib, markii ay soo baxeen warar sheegaya in Ruushku uu raadinayo in uu saldhig ka sameysto dalkaan dhaca Geeska Afrika, iyadoo Maraykankuna uu qabo aragti ah uu saldhigiisa u wareejiyo Somaliland, maadaama Jabuuti uu deganyahay Shiinaha oo loolan adag uu kala dhaxeeyo. Ergo ka socotay Masar ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo u soo jeediyay in ay saldhig ka samystaan gobollada woqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Gobolka Geeska Afrika waxaa kusoo badanayay military-ga shisheye ee la geynayo tan iyo sanadkii 2001-dii, gaar ahaan todobankii sano ee u dambeeyay. Qeybta aad loo arki karo ee joogitaanka military, waa saldhigyada ku teedsan Badda Cas iyo Geeska Afrika. Shiinaha, Faransiiska, iyo Mareykanka ayaa saldhigyo ka sameystay Jabuuti. Sida uu sheegay qoraaga Neil Melvin joogitaanka military ee Geeska Afrika, Masar weli kama sameysan saldhig military Geeska Afrika, laakiin awoodeedu waxay ku wanaaag-santahay in ay ku ilaaliso kanaalka Suweys. Melvin ayaa qoray “sanadihii dambe Masar waxay kordhineysay qarash – gareynteeda military-ga, si awoodda military loogu balaariyo Gobolka Geeska Afrika.” Bishii January sanadkii 2017-kii, Masar ayaa xarun dhexe taliska ciidanka badda uga furtay magaaladda Safaga oo ku taalla xeebta Badda Cas, kuwaas oo ka shaqayn doona Badda Cas iyo Babul Mendab oo ay ka leedahay dano istiraatiiji ah. Saldhigga ciidanka badda ee koonfureed waxaa dhowaan lagu qalabeeyay maraakiibta dagaalka casriga ah oo ay ku jiraan kuwo ka qayb geli kara dagaalka badda iyo dhulka. Warbixintu waxaa ay shegeeysaa, maadaama ay ka mid-tahay xulifada Sucuudiga. Masar waxay taageereysaa dhaq-dhaqaaqa military ee ka socda dalka Yemen. Taasi waxaa ku lug leh marraakiibta la geeyay Baabul Mendab oo qayb ka ah go’adoominta dekedaha Yemen, si looga hortago doomaha Iran. Saldhig military oo ay ka hesho Somaliland keliya dan uma ahan Masar, laakiin sidoo kale waxaa uu furmsad u yahay Somaliland in ay ku riixdo awooddaan Waqooyiga Afrika in ay caalamka uga raadiso aqoonsi. Aqoonsi ay Somaliland ka hesho Masar waxaa uu albaabka u furayaa Jaamacadda Carabta in ay xiriir wanaagsan la sameysato Somaliland oo dimoqaraadiyadeeda iyo nabadeeduba ay gobolka ka muuqdaan. Intii uu kulanku socday, Masar iyo Somaliland waxay isku raaceen in ay xafiisyo kala matalaadoodu sareeyso ay ka kala furtaan Hargeysa iyo Qaahira. Dowladda Ethiopia kuma farxin qorshaha ay Masar Saldhig uga sameyneyso Somaliland, sababtoo ah Masar iyo Ethiopia waxay ku muransanyihiin biyo xireenka Nile. Waxaa la rumeysanyahay in is xulufeysiga cusub ee dhex mari doona Masar iyo Somaliland uu yahay mid ay Masar uga aarsaneyso Soomaaliya oo kala-safatay Ethiopia. Inta badan dalalka Jaamacadda Carabta waxay la safteen Masar, Ethiopia-na waxay taageero ka heshay Soomaaliya. Ethiopia waxay xaqiijisay in ay horay ugu dhaqaaqday buuxinta biyo xireenka, iyadoon heshiis la gaarin Masar. Masar waxay horay uga digtay in buuxinta biyo xireenka Nile iyo ka shaqayntiisa, iyadoon heshiis laga gaarin, taas oo ay sheegtay inay xiisadda uga sii dari doonto.
  17. Bulshada Rayidka oo si weyn u beeniyey warar ay ka faafisey Xukumada Farmajo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa beeniyey war ay caawa sheegtay madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsanaa waxyaabihii ay kala hadleen kulan ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Villa Somalia ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in Bulshada Rayidka ay taageereen doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taasi oo ah waxa madaxweynaha Farmaajo u adeegsanayo isku daygiisa muddo kororsi, maadaama aan dalka laga qaban karin doorashadaas. Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu yiri “Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.” Si kastaba, war-saxaafadeed ay soo saareen Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa gebi ahaan taas lagu beeniyey waxayna ku caddeeyeen inaysan madaxweynaha kala hadal wax hanaan doorasho ah ah. Qoraalka ayaa lagu yiri “Bulshada rayidku waxay maanta la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxayna ka wada hadleen arimaha doorashooinka, waxayna la wadaageen aragtidooda taas oo ah in nooca doorashada ku timaado wada ogol isla markaana wadanka laga ilaaliyo qalqal siyaasadeed. Nasiib daro warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in bulshada rayidku rabto nooc gooni (hal qof iyo hal cod) sidoo kale “qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,” “Bulshada rayidku waxay cadaynayaan inaanay taageerin nooc doorasho gooni ah islamarkaana aanay jirin qorshe ay si gooni ah u taageerayaan,” ayuu intaas ku daray qoraalka Bulshada Rayidka. Halkan ka Akhri Warka Xukumada Farmaajo Faafisey:- Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyey Ururrada Bulshada Rayidka ah Hannaanka Geedi Socodka Siyaasadda Dalkahttps://t.co/fgpwk3Rk2r — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) July 19, 2020 Halkan ka akhri qoraalka Ururada Bulshada oo dhameystiran Qaran News
  18. Kismaayo (Caasimadda Online) – Martin Mwaghazi oo ah muwaadin u dhashay wadanka Kenya ayaa warbaahinta uga sheekeeyay sida ay ciidamada dalkiisa u caawin waayeen xilli ay duruufo adag ku heysteen qeybo ka mid ah gudaha Soomaaliya. Muwaadinkaan wuxuu sheegay inuu abaal weyn u heyn doono waligiis ciidamada amaanka Soomaaliya kuwaas oo garab istaagay isaga iyo saaxiibadiisa. Deegaanka Raas Kaambooni ee dhaca xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayey ku xayirmeen Martin iyo lix saaxiibadiis ah kuwaas, 72 cisho ayeyna joogeen halkaas oo Kismaayo u jirta 170KM. Xanuunka Coronavirus ayaa sababay iney gudaha u gali waayaan wadankooda, taasna waxey qasabtay iney isticmaalaan lacag gacan qabasho ah oo ay heysteen. Wargeyska Daily Star wuxuu baahiyay in 7-daas muwaadin ee Kenya u dhashay ay maalintii isticmaali jireen lacag 5$ ah. Duruufo adag ayaa soo wajahay muwaadiniinta markii ay ka dhamaatay lacagtii, waxey sheegeen iney xusuustooda ka go’i doonin nolosha adag ay arkeen tiiyoo ay jirtay iney ammaankooda u baqayeen. Caqabadaha nolosha oo ku adkaaday darteed ayey caawin u doonteen ciidamada Kenya ee ka qeybta ah hawlgalka AMISOM, balse wey ku gacan seyreen, taas badalkeedana waxey caawinaad ka heleen ciidamada Soomaalida kuwaas oo cuntooyin kala duwan siiyay. Muwaadinkaan 35-jirka ah wuxuu sheegay in qof deegaanka ka mid ah uu siiyay guri aan saqaf kore laheyn, oo mararka qaar markuu roobka da’o ay dhibaato la kulmi jireen. “Xaqiiqdu waxey tahay, ciidamada Kenya waxey noola dhaqmeen si aan wanaagsaneyn, waxaa na caawiyay kuwa Soomaalida, waxey na siiyeen Bariis, Bur xilli aan maalmo dhan cunto la’aan joognay” Sida la baahiyay bartamahii June ayey safar lugta ah ku aadeen deegaanka Kiunga ee ismaamulka Lamu, waxeyna muddo kadib la midoobeen qoysaskooda.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa shalay shir deg-deg ah iskugu yeertay xisbiyada mucaaridka iyo odayaasha dhaqanka, kaasi oo lagu daminayo xiisada ka dhalatay Saami-qeybsiga doorashooyinka. Xiisada ka dhalatay saami-qeybsiga oo ay ka qeyb ka tahay dowladda federaalka oo adeegsaneysa xubnaheeda kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaa guuxeeda si weyn looga dareemay gudaha Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida ay Caasimada Online hore ugu baahisay xog ay heshay oo ku saabsaneyd abaabulka dowladda federaalka ee ka dhanka ah xukuumada ayaa ujeedka ugu weyni ahaa in lagu dhawaaqo ‘midnimo’ iyada oo looga qiil dayayo cabashada ku aadan saami-qeybsiga ee ay ku fashilmatay xukuumada Muuse Biixi. Madaxweynaha Somaliland oo hor kacaya dadaalada lagu rabo daminta xiisadaasi oo u muuqata mid kasii dareysa, ayaa waxa uu kulan deg-deg ah la qaatay xisbiyada mucaaridka Somaliland. Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Muuse Biixi ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis ay ku sheegen in gebi ahaanba lagu soo afjarayo khilaafkii dabada dheeraday ee ka taagna qabsoomida doorashooyinka, iyaga oo go’aamiyeyna in doorashada lagu galo saami-qeybsigii hore oo beelo badan oo dega Somaliland ay ka muujiyeen cabasho xoogan. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Biixi ayaa qasriga madaxtooyada Somaliland kulan kula qaatay Guddoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, Waddani iyo Ucid. Kulankaasi ayaa sidoo kale waxa xukuumada Biixi ku marti-qaaday oo ka qeyb-galay odayaal dhaqameed, kaasi oo looga dan lahaa qancinta beelaha qaadacay qabsoomida doorashooyinka iyo daminta xiisadaasi. Waxaana kulankaasi diirada lagu saaray arrinta saami-qeybsiga oo guux badan ka dhalisay gudaha Somaliland, isla markaana u muuqata mid caqabad hor leh ku noqoneysa qabsoomida doorashada ay ku heshiiyeen saddex xisbi qaran. Inkasta oo aan is-afgarad buuxa laga gaarin kulankii shalay, haddana waxa loo balamay kulamo dambe, xili ay kulankii isku fahmi waayeen odayaal dhaqaameedkii iyo xukuumada oo la safan-yihiin xisbiyada mucaaridku. Dowladda federaalka oo fursad u aragta xiisadaasi ka dhalatay saami-qeybsiga ayaa iyadu laftigeedu uga faa’iideysatay mucaaridada xukuumda Biixi iyo soo bandhigida mowqifka ay aaminsan-yihiin xubnaha kasoo jeeda gobolada waqooyi ee ku jira dowladda federaalka, kaasi oo ku qotoma ‘Midnimada’. Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, wallow aysan helin aqoonsi caalami ah, iyada oo dowladda federaalku ay si weyn uga soo horjeedo sheegashada Somaliland ee madax-banaanida.
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay markale Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka. Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada waxaa uu ahaa mid Albaabada u xiran waxaana wararku sheegayaan in kulankaas uu hordhac u ahaa Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Kulankaas ayaa waxaa kasii horreeyay kulan gaar ahaa oo dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo gaar gaar ah oo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ka yeelanayaan sidii jawi wanaagsan iyo is faham ugu bilaaban lahaa shirkooda dhowaan furmaya. Shirka Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee Dalka iyo Arrimaha doorashooyinka soo socda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo Dhuusamareeb kula kulmay Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa markale ka hadlay mowqifkiisa ku aadan hanaanka doorashada qof iyo cod ee ay waddo VILLA SOMALIA, isagoona muujiyey dabacsanaan badan oo ku aadan qorshahaasi. VILLA SOMALIA ayaa si weyn ugu adkeysaneysa inay dalka ka dhacdo doorasho ‘qof iyo cod ah’, taasi oo la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay xeelad uu Farmaajo ku rabo muddo kororsi. Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay inuusan marnaba ka soo horjeedin in la raaco hanaanka doorasho ‘qof iyo cod ah’, taasi oo go’aamadii shirka madaxda maamulada lagu soo saaray inaysan marnaba suurta-gal aheyn. Deni ayaa si dad-ban usoo bandhigaya tanaasul dabacsanaan ah oo uu ka muujinayo qorshaha VILLA SOMALIA, inkasta oo uu sheegay in uu diidan-yihiin in la isku dhex qaldo qoorasho qof iy cod ah iyo nidaamka u baahan in laga gudbo ee 4.5. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in daruufaha xiligan ka taagan gudaha Soomaaliya ee kamid tahay amnigu uu suurtagal ka dhigeyn in doorasho qof iyo cod ah oo Shacabka Soomaaliyeed ay doortaan cidii ay doonaan. Deni ayaa u muuqda qof kasoo dabcaya mowqifkiisa ku aadanaa nooca doorasho ee dalka, kaasi oo uu hore meel adag iskaga taagay. Hadalka Deni ayaa sidoo kale u muuqan kara mid laab xaadasho oo ku aadan shirka ay isku hor-fadhiisanayan madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo cadeynta in Puntland aysan kasoo horjeedin hanaanka doorasho ee qof iyo cod ee baarlamaanku ansixiyey, balse xiligan caqabadaha ku gadaaman aysan saamaxayn.
  22. MOGADISHU (Xinhua) – Somali National Army (SNA) backed by Jubaland state forces killed six al-Shabab extremists on Saturday in a security operation on the outskirts of Kismayo, a military officer confirmed on Sunday. Aden Mohamed Ibrahim, commander of Jubaland state army told journalists that the joint operation conducted by SNA’s 43rd Unit and Jubaland state army started when the forces got intelligence from the public of the militants’ presence in the area. “There was a fierce fight between the army and the militants in Koban and Bula Haji villages, but our forces overpowered the militants, killing six of them,” Ibrahim said. He added that the army also captured many villages and recovered ammunition during the operation. Locals said that heavily armed government forces attacked Bula Haji village, prompting an exchange of fire between the army and the militants. On July 12, the army backed by Southwestern state forces killed seven al-Shabab extremists and injured 5 others in another operation in Bardale town in the southern region of Bay. Meanwhile, security minister, Abdinasir Said Muse, survived an assassination attempt on Saturday evening after a roadside bomb targeted his vehicle near Taleh junction in Mogadishu’s Hodan district. The police said the bomb which was hidden on the roadside at a construction site exploded on the vehicle belonging to the deputy minister but Muse was not in the vehicle at the time. The police officer who declined to be named said one of his guards was killed while three other people were injured. There was no immediate comment from the militant group on the latest attack in the restive Mogadishu but the terrorist group which is fighting to topple the government have usually staged such attacks in the past. Somali army backed by the African Union Mission in Somalia (Amisom) forced al-Shabab extremists out of the capital Mogadishu in August 2011, but the militants still hold swathes of rural areas in southern and central Somalia conducting ambushes and planting landmines as they stage attacks in the city and elsewhere. Source: Xinhua
  23. Afhayeen caawa u hadalay Dalada Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa Been abuur ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Madaxtooyada Villa Somaaliya oo ku saabsan kulankii [...] The post Daawo : – Ururada Bulshada Rayidka ah oo beeniyey War-murtiyeedkii Madaxtooyada Villa Somalia appeared first on . Source