Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Boorama)-Kulan gaar ah oo ay shalay Galinkii hore goradda isku galiyeen saddexda Xisbi qaran iyo Madaxtooyda oo dhinac ah iyo Salaadiinta Dhaqanka Beelaha Gobollada Awdal iyo Salal oo dhinaca kale ah ayaa gabi ahaanba lagu kala kacay oo la isku fahmi waayay kadib markii inta badan salaadiintii ka socday Beelaha Gobollada Awdal iyo Salal ay gaashaanka ku dhufteen in deegaamada ay dhaqanka u yihiin aanay doorashada soo socota ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ku galayn sidoodii haddaan wax laga baddalin saami qaybsiga kuraasta Wakiillada oo ay muddoba diiddanaayeen. Kulan ballaadhan oo shalay Galinkii hore ka qabsoomay Guriga uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka degan yahay caasimadda Hargeysa oo ay ka soo qayb galeen Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirrada Gobolka Awdal ugu jira xukuumadda Axmed Muumin Seed iyo Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Guddoomiyayaasha xisbiyada qaranka iyo Madax-dhaqameedka Gobollada Awdal iyo Salal oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, Suldaan Xasan Xaddi Baade, Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Abshir Maxamed Ducaale iyo Madax-dhaqameed kale ayaa ugu dambayn ku soo dhammaaday natiijo la’aan. Sida ilo-wareedyo xog ogaal ahi Wargeyska Foore u sheegeen, kulankan oo muddoba la sugayay ayaa ujeedadiisu ahayd sidii Madaxtooyada iyo Xisbiyada qaranku ay Madax-dhaqameedka Gobollada Awdal iyo Salal ugu qancin lahaayeen qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka kana tanaasulaan tan iyo wakhti dambe wax ka baddalka saami qaybsiga kuraasta Baarlamanka oo ay muddoba Beelaha Gobolka Awdal saluug weyn ka qabeen. Ilo wareedyadani waxa ay noo sheegeen in dood dheer iyo falan qayn kadib natiijadii kulanku noqotay in ay badiba salaadiinta Beelaha Gobollada Awdal iyo Salal diideen heshiiskii xisbiyada iyo madaxtooyada ee ahaa in doorashada sideeda lagu gali illaa inta meel la dhigayo arrinta saami qaybsiga marka laga tago laba Suldaan oo kala ah Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil iyo Suldaan Xasan Xaddi Baade oo sheegay in ay u tanaasulayaan sidii doorashadu u qabsoomi lahayd oo ay waafaqsan yihiin soo jeedinta iyo heshiiska xisbiyada qaranka halka salaadiintii kale oo Suldaan Dhawal hogaaminayaa gaashaanka ku dhufteen in doorashada sidaa lagu galo. Sidaana kulankii ku burburay oo aanay wax natiijo ahi ka soo bixin. Markii xaaladdu halkaa soo gaadhay waxa xogaha Wargeyska Foore helay noo xaqiijiyeen in Madaxweynuhu kulankaasi soo xidhay iyada oo aan wax is af garad ah laga gaadhin sidaana Salaadiinta Gobollada Awdal iyo Salal ku kala qaybsameen ujeedadii kulanka inkasta oo aqlabiyadoodu si cad u diideen in doorasho la galo illaa saami qaybsiga la dhammaynayo. Madax-dhaqameedkii kulanka ka soo qayb galay sidaasi ayay isla shalay galinkii dambeba ugu ambabaxeen oo ku gaadheen Magaalada Boorama iyada oo dad door ahi ku soo dhaweeyeen jidka laga galo Magaalada Boorama. Illaa imika lama oga halka ay xaaladdani salka dhigan doonto iyo in ugu dambayn is afgarad laga gaadhi doono arrinkan oo ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ku gudban qabsoomidda doorashooyinka gaar ahaan tan Golaha Wakiillada, maadaama muddo dheer xaaladda saluuga dhanka saamiga kuraasta Wakiiladu ahaa mid soo taagnayd, xalna aanay Golaha hadda dhisan iyo xukuumadihii kala dambeeyey midna ka gaadhin. Source
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa madaxda dowladda Federaalka ee Farmaajo iyo Kheyre iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira. Kulanka, ayaa ka dambeeyay kulamo gaar gaar ahaa oo xalay illaa shalay ay yeelanayeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana kulankaas uu yahay mid Albaabada u xiran yihiin. Wararka ayaa sheegaya in kulanka haatan socda looga hadlayo ajendaha guud ee shirka, iyo sidii iyadoo lagu mideysan yahay ajandayaasha shirka sidii uu ku qabsoomi lahaa shirka Dhuusamareeb 2. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor kulankan si gaar ah kulan ula qaatay Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay Dhuusamareeb, iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan. Sidoo kale kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo gaar gaar ah oo madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ka yeelanayaan sidii jawi wanaagsan iyo is faham ugu billaaban lahaa shirkooda dhowaan furmaya. Shirka u furmaya madaxda ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, xalinta Khilaafyada jira iyo Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.
  3. (SLT-Hargeysa)-Kulankii Shalay dhex maray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Odayaasha Dhaqanka reer Awdal ee ay kaga cabanayeen saamiga Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa waxa uu ifka usoo saaray arin qarsoonayd oo u dhexaysa Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin. Waxa ifka u soo baxday in Wasiirka Ganacsigu Maxamud Saajin uu loolan ugu jiro inuu doorka dambe badelo Cabdiraxmaan Saylici islamarkaana uu bannaan ka helo Kursiga Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ee Xisbi Xaakimka Kulmiye, Waxaana arinta laga ogaaday Kulankii Shalay taasi oo ay Wargeyska Foore u sheegeen Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolkaasi Awdal kuwaasi oo sheegay in Wasiir Saajin oo qorshihiisan oo aan qarsoonnayn wataa uu Saylici kaga badiyay inuu door mihiim ah oo madaxtooyaddu u riyaaqday uu ka ciyaari kulankii shalay. Wasiir Saajin ayaa ku guulaystay inuu Labadii Suldaan ee ugu Tunka Weyna Beeshiisa, Suldan Saleebaan iyo Suldaan Xasan Xadi Baadi uu ka dhaadhiciyo Qorshaha Xukuumaddiisu wadato, halka uu Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku qancin kari waayay Suldaankii jufadiisa ahaa, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar inuu Xukuumadda kala shaqeeyo Qorshaha ay ku baadi goobayso inay wakhtigeeda ku qabsoonto Doorashada Golaha Wakiiladdu. Isku soo wada duuboo, Warka ku saabsan in Wasiir Saajin waysada u biyaysanayo inuu doorka dambe badelo Saylici ayaa si weyn mudooyinkii u dambeeyay ugu dhex faafay Shacabka Reer Awdal, waxaanay wararku sheegayaan in Wasiirka laftiisu aanu qarsan loolankan ee uu jufooyinkiisa ka dhex ololaysto islamarkaana ku qanciyo inay doorkan soo socda kursiga Madaxweyne Ku Xigeenka iyagu iska leeyihiin. Source
  4. MOGADISHU (HOL) - Construction of the Mogadishu- Afgooye road which was halted in January following bomb attack against Turkish engineers building the road has resumed. Source: Hiiraan Online
  5. (SLT-Berbera)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa ka dayriyay xaaladda caafimaad ee Magaalada Berbera isaga oo sheegay in dad shaqaale ah oo ay keensatay shirkadda DPWorld ay qabaan xanuuno kala duwan oo loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto sida uu xildhibaanku hadalka u dhigay. Shirkadda gacanta ku haysa maamulka Marsada Berbera ee DP WORLD ayaa la sheegay inay Dekadda Berbera ay keentay shaqaale fara badan oo aan siddan war-qadaha Caafimaadka, kuwaas oo la sheegay inay qabaan Xanuuno kale duwan oo halis ah , isla markaana laga cabsi qabo inay si fudud ugu faafin karaan guddaha Magaalada Berbera iyo guud ahaan Gobolka Saaxil. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaanadda golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah muddane laga soo doorto Gobolka Saaxil ayaa arrintaas ka haddlay waxaanu sheegay in shirkada DPWORLD ay Dekadda Berbera keentay shaqaale badan oo aan siddan war-qadaha caafimaadka, waxaanu ugu baaqay Wasaaradda Caafimaadka inay arrintaas baadhitaan buuxa ku samayso si loo badbaadiyo umadda caafimaadka iyo bed-qabka guudna looga wada shaqeeyo. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo la haddleyey Telefishanka Codka Bariga Afriga, ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan:“Inkasta oo la leeyahay xaalad caafimaad ayay sababi kartaa in shaqaale xanuuno qaba la keenay oo ay warkaa caddayn karaan Wasaaradda Caafimaadka iyo ta heer gobol ee Gobolka Saaxil, haddana waxa la leeyahay DPWORD waxay keentay shaqaale fara badan oo Hindi leh oo Siralankiis leh oo ajaanabi ah. Warqadda Caafimaadka (Medical Certificate) lagama soo siin Dubai iyo meesha lag soo muqaawil gareeyey, waxay sababeen ayaa la yidhi in kiisas badan oo cudurka Covid19 uu magaalada Berbera uu ka dilaaco. Waxa ay sababeen in kiisas badani Magaalada ka dillaaco” Ayuu yidhi Dhanka kalena Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay in shaqaalaha ay DPWORLD keentay Berbera ay qaarkood qabaan cudurrada TB-da, jooniska iyo kuwo kale waxaanu yidhi: “Badhkood in laga helay bahalka la yidhaah-do jooniska oo intiisa badan aan qaarkii dawaba loo haynin ayaa la sheegayaa, waxa kamid ah TB-da.”ayuu yidhi Xildhibaan Qabile oo walaac ka muujiyay xaaladda Caafimaad ee Gobolka Saaxil isaga oo Wasaaradda Caafimaadka ee heer Gobol iyo Heer qaranba baaq ugu diray in ay xaaladdaasi u dhug yeeshaan oo ay baadhitaan ku sameeyaan. Geesta kalene ma jiro wax war ah oo ammuurtan ku saabsan oo kasoo baxay illaa hadda Wasaaradda Caafimadka Somaliland iyo ta gobolka Saaxil balse waxa uu Xildhibaan Qabile oo ka mid ah Xildhibaannada Gobolka Saaxil sheegay in arrintaa si degdeg ah wax looga qabto. Source
  6. Maxamed Bile Muuse oo ah xoghayaha isbaheysiga Isbadal doonka Kowda Luuliyo oo la hadlay Goobjoog ayaa madaxda Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ugu baaqay in wax wanaagsan laga saaro wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ka furmay. Halkan Ka Daawo Waraysiga Maxamed Bile Muuse Oo Dhameystiran Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Boqorka 84 jirka ah ee dalka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa la dhigay isbital ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Riyadh, isaga oo ka gubanaya kaadi haysta, sida ay maanta sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA. Boqorka oo dalka Sacuudiga xukumayey tan iyo 2015-kii ayaa mari doona tijabaooyin caafimaadka, sida ay sheegtay wakaaladda oo aan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. Kadib markii warkan la shaaciyey, ra’iisul wasaaraha Iraq Mustafa al-Kadhimi ayaa hakiyey booqasho la jadwaleeyey inuu ku tago Sacuudiga, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan Al Saud. Boqor Salman ayaa laba san iyo bar ahaa dhaxal-suge laga soo billaabo 2012, kahor inta uusan noqon boqor 2015-kii. Kahor, waxa uu muddo ka badan 50 sano ahaa barasaabka gobolka Riyadh. PUNTLAND POST The post Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz oo isbital la dhigay appeared first on Puntland Post.
  8. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Saacadahii lasoo dhaafay waxaa magaalada Dhuusamareeb shirara gaar-gaar ah ku yeelanayay madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. Shirka ugu muhiimsanaa wuxuu dhexmaray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo labada madaxweyne ee dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Shirarkaan gaar-gaarka ah waxey gogol xaar u yahiin shirka guud ee la filayo iuu berito ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb. Ajendaha shirarkaaan waxaa lagu sheegay sidii isfaham loo dhan yahay looga gaari lahaa tabashooyinka ay qabaan qaar ka mid ah maamullada ka hor shirka guud, waxaana jira ilo wareedyo laga helayo caasimadda Galmudug. Caasimadda Online waxey ogaatay in shirarkii gaar-gaarka ahaa ee xalay dhacay aysan jirin wax la isla fahmay, waana arinta keentay in shirka oo maanta furmi lahaa uu dib u dhac ku yimaado. Farmaajo wuxuu doonayaa inuu daneeyayaasha siyaasadda Soomaalida ka dhaadhiciyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah, halka madaxda dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay doonayaan in la qabto doorasho dadban maadaama aan laga gaarin nidaamka ay dooneyso Villa Soomaaliya.
  9. Hargeisa (PPM) — In the run-up to Somaliland local and parliamentary elections, Dr Ali Khalif Galaydh, the leader of Khatumo, yesterday invited key stakeholders from Sool, Sanaag and Cayn to a luncheon at Hadhwanaag Hotel in Hargeisa to show solidarity and emphasise the need to prepare for elections to be held next year, discuss Somalia-Somaliland Talks and substantive power-sharing in Somaliland. Dr Galaydh is “the force behind the inclusiveness agenda in Somaliland Dr Galaydh formed a pan- constituency alliance taking advantage of inactivity of Kulmiye cabinet members from disputed territories. Khatumo signed an agreement with the Somaliland administration three years ago although the Somaliland Government led by President Muse Bihi has not implemented the agreement. Osman Qowdhan (left) and Ali Antar (right) urged SSC constituencies to be more pro-active Osman Qowdhan and Ali Antar, an MP, who delivered short, after-lunch speeches, urged SSC constituencies to be more proactive ahead of parliamentary and local elections in Somaliland. An important element in 2017 Khatumo-Somaliland agreement was security reform and more equal distribution of resources including the 2% budgetary increase for Sool to alleviate the impact of inaccessibility of aid workers to the region due to the territorial dispute between Puntland State and Somaliland. Ali Gurey: Unpopular domestic policies could cost Kulmiye Government parliamentary and local government seats Somaliland political parties will contest local and parliamentary elections to be held next year. Ali Gurey, an influential Somaliland politician predicted that the incumbent Kulmiye government will lose more seats due to “its unpopular domestic policies”. Waddani is expected to keep both Sool and Sanaag constituencies in addition to winning more seats in Maroodi Jeex, Gabiley and Saaxil. “Dr Galayr undoubtedly is a political leader who drives the inclusiveness agenda in Somaliland” Farah Wa’ays, a Lasanod-based businessman, told Puntland Post. © Puntland Post Monthly, 2020 The post DR GALAYDH INVITES KEY STAKEHOLDERS TO A LUNCHEON IN HARGEISA appeared first on Puntland Post.
  10. Kooxda Kubbadda cagta Jeneraal Daa’uud ee ka socotay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadi ayaa ku guulaystay tartankii lagu maamuusayay laacibkii hore Xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda LLP Jeenyo Marxuum Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) waxayna tartanka ka qaadeen xidigaha Asal 24. Xasan Afrax Jeeri oo ka mid ahaa taageerayaasha ugu waaweyn ee kubbadda cagta dalka ayaa sheegay in ay uu ku faraxsanahay koobka ay hanteyn xidigaha kooxdiisa,isagoo sheegay ay u qalmeen,wuxuuna u mahadceliyay maamulka,macallimiinta iyo ciyaaryahanada kooxda da’daalka ay muujiyeen. Halkan Ka Daawo Taageeri Jeeri Oo Si Weyn Ugu Hadlay Guusha Kooxdiiisa https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-4.mp4 Halkan Ka Aqriso Kooxda Jeneraal Daa’uud Ee Ku Gulaystay Tartanka Uurey Kooxda Jeneraal Daa’uud Ayaa Ku Guulaystay Tartankii Lagu Xusayay Laacibkii Hore Xulka Qaranka Soomaaliya Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa barqadii maanta wiil dhalinyaro ah ku toogtay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Catoosh Xaaji Cali ayey ciidamada u toogteen sabab aan ilaa iyo hadda la aqoon iyadoo askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday sida la sheegay. Goobjoogayaasha ayaa Caasimadda Online u sheegay in mid ka mid ah askarta ilaalada ka haya dhismaha wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye uu toogtay wiilka. Ehelada wiilka ayaa gaaray goobta lagu dilay wiilkooda, waxeyna kasoo qaateen meydka iyadoo aan wax faah-faahin ah laga bixin dhacdadaan. Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhismaheeda dib loo bilaabay shalay kadib muddo lix bilood ah oo hakad la galiyay.
  12. (SLT-Laascaanood)-Dibad-baxyo ayaa lagu soo warramayaa inay maalintii labaad ka socdaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dibad-baxyada oo ah kuwa rabshada wata ayaa waxaa dhigaya wadayaasha mootooyinka Bajaajka ee ka howl-gala magaaladaasi, kuwaas oo cabasho muujinayo. Wararka ayaa sheegaya in dibad-baxyadu ay ka dhasheen, kadib markii ciidamada Booliska Somaliland ay xidh-xidheen qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinkaasi, kuwaas oo aan heysan Ruqsadda ogolaanshiyaha wadista Gaadiid ee License-ka). Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanay awoodin lacagta lagu jarayo License-ka, iyaga oo tilmaamay inay aad uga badan tahay dhaqaalaha ay ka helaan mootada. Sidoo kale dibad-baxyada ayaa waxa ay saameeyeen goobaha ganacsiga Laascaanood oo xidhan, iyadoona meelaha qaar laga maqlayo rasaas ay ridayaan ciidanka ammaanka. Isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa sidoo kale hakad-galay, waxaana badhtamaha magaalada lagu arkayaa dhalinyarada oo gubayo taayaro iyo ciidamada Booliska oo ku sugan isgoysyada qaar, kuwaas oo isku dayaya inay kala eryaan dibad-baxayaasha Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in maamulka gobolka Sool uu bilaabay dadaallo looga hortagayo rabshadahaasi, si xal looga gaadho. Source
  13. Afgooye (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday wasaaradda gargaarka iyo maareynta musoobooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah-faahiyey saameynta ka dhalatay fatahaadda uu webiga Shabelle ka sameeyey gobolka Sh/Hoose. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in boqalaal qoys ay ka barakaceen degmada Afgooye iyo deegaanada hoos yimaada, kadib markii uu ku fatahay webiga. Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in magaalada Afgooye kaliya ay ka barakaceen illaa 300 Qoys, halka tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole ay guryahooda ka baxeen illaa 1500 oo Qoys. Waxa kale oo ay wasaaradda gargaarka shaacisay inay jirto cabsi ka taagan deegaanka Janaale iyo tuulooyinka Dagwariiri, Cadiimoole, Awdheegle, Waagaadi iyo Mishaani. Halkan hoose ka aqriso:- WARBIXINTA FATAHAADA DEEGANADA GOBOLKA SH/HOOSE MUQDISHO, Soomaaliya, Sabti, 19 KA July 2020: Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo deeganada hoos yimaada waxaa ku fatahay Wabiga Shabeele kaas oo saameeyn xoogan ku yeeshay Dad gaaraya 300 qoys oo ku nool Degmadda xaafadaheeda sida Dhagaxtuur, Baalguri, Dooylaaw iyo Beerta Imaaraadka. Sidoo kale qaar kamid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Afgooye sida Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Balow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ayaa waxaa ka barakacay qoysas gaaraya 1500 oo Qooys. Sidoo kale waxa jira deegaano kale oo ka tirsan gobolka shabeelada hoose gaar ahaan deegaanada ku teedsan Deegaanka Janaale kuwaas oo laga cabsi qabo in ay fataahad ka dhalato walow saameen u geeysatay roobka xagaaga ee hada da’aya. Deegaanka Janaale ayaa isagana kamid ah meelaha laga cabsi qabo inuu wabigu ku soo fatahu , in kastoo ay jiraan xaafaddo kamid ah deegaanka Janaale , Sida Xaafad Siimow iyo Xaafad Jadiid oo ay soo galeen biyo ka dhashay roobkii Xagaaga. Waxaa kaloo jira tuulooyin ay saameysay Fatahaad uu sababay roobkii xagaaga iyo wabiga shabeelle oo heerkiisu sare u kacay qooysas gaaraya 291 Qoys u soo barakacay Deegaanka Janale. Intaa waxaa sii dheer tuulooyiin laga cabsi qabo inay wax yeelo kasoo gaaraan fatahaada iyo Daadadka, waxaa kamid ah Tuulooyinkaan, Dagwariiri, Cadiimoole, Awdheegle, Waagaadi iyo Mishaani. Saameynta Fatahaadda Fatahaada ayaa sameen balaaran oo ay ku yeelatay dalagii beeraha Waxaa guryahoodii ka hayaamay oo ka barakacay dad gaaraya 2,091 qoys oo ay saaameysay Fatahaada dadkaas oo u baahan Hooy, Cunto, Biyo Nadiif iyo Caafimaad. Sidoo kale fatahaada ayaa saameyn balaaran ku yeelatay isa socodka Gaadiidka dadweynaha iyo Ganacsiga Deegaanada ay saameysay Fatahaada. Gobolka shabeeladda hoose Waxaa mara Wabiga Shabeele Kaas oo ay ku tiirsanyihiin Dadka iyo Duunyadda. Xiliyadda Gu’ga iyo Deyrta ayaa marwaliba saameyn Ku yeesha Deegaanada ku teedsan Wabiga shabeele, deegaanadaas ayaa inta badan fatahaada wabiga saameysaa, Dadka dagan Gobolka aan kor kusoo xusnay ayaa inta badan ku tiirsan tacabka beeraha. Dhammaan dhinacyada ka shaqeeya ka jawaabidda xaaladaha noocan ah ee isugu jira hey’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka ah ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gargaaraan dadka u baahan gargaarka ee ay fatahaadahani saameeyeen. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka waxey si dhaw ula socotaa xaaladda fatahaadda waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isu baddesho xaaladda. DHAMMAAD
  14. (SLT-Riyadh)-Wararka laga helayo Sacuudiga ayaa sheegaya in cisbitaal ku yaalla Riyadh la dhigay boqorka dalkaasi, boqor Salmaan Bin Cabdul Caziiz. Sida ay way ku warrantay wakaaladda wararka ee Sacuudiga boqor Salmaan ayaa dareemaya xanuun dhanka kaadi heyska ah. Sidoo kale wakaalada ayaa soo warisay in boqorka oo 84 jir ah haatan laga deyrinayo xaaladiisa caafimaad, islamarkaana lagula tacaalayo cisbitaal ku yaalla Riyadh. Weli dowladdu kama hadlin xaaladda caafimaad ee boqorka, balse waxaa haatan lagu hayaa baadhitaano dheeraad ah, sida lagu soo xigtay ilo dhinaca caafimaadka ah. Boqor Salmaan Bin Cabdul Caziiz ayaa sannadkii 2015-kii la wareegay xilka boqortooyada Sacuudiga, kadib markii uu geeriyooday walaalkii boqor Cabdullaahi. Wuxuu 48 sanno ah ahaa badhaasabka ahaa gobolka Riyadh ka hor inta aanu noqon wasiirka gaashaandhigga 2011-kii. Source
  15. Warbixin ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kumanaan Qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle. Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys. Warbixinta ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in 291 Qoys ay u barakaceey Degaanka Jannaale oo lafteedu ay ka taagan tahay cabsi ku aaddan fatahaadda Webiga Shabeelle inuu soo gaaro. Dadka ku dhaqan Tuulooyinka Dagwariiri, Cadiimoole, Awdheegle, Waagaadi iyo Mishaani ayaa iyagana qaba baqdin la xiriirta fatahaadda Webiga Shabeelle. Halkan hoose ka aqriso:- WARBIXINTA FATAHAADA DEEGANADA GOBOLKA SH/HOOSE MUQDISHO, Soomaaliya, Sabti, 19 KA July 2020: Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo deeganada hoos yimaada waxaa ku fatahay Wabiga Shabeele kaas oo saameeyn xoogan ku yeeshay Dad gaaraya 300 qoys oo ku nool Degmadda xaafadaheeda sida Dhagaxtuur, Baalguri, Dooylaaw iyo Beerta Imaaraadka. Sidoo kale qaar kamid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Afgooye sida Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Balow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ayaa waxaa ka barakacay qoysas gaaraya 1500 oo Qooys. Sidoo kale waxa jira deegaano kale oo ka tirsan gobolka shabeelada hoose gaar ahaan deegaanada ku teedsan Deegaanka Janaale kuwaas oo laga cabsi qabo in ay fataahad ka dhalato walow saameen u geeysatay roobka xagaaga ee hada da’aya. Deegaanka Janaale ayaa isagana kamid ah meelaha laga cabsi qabo inuu wabigu ku soo fatahu , in kastoo ay jiraan xaafaddo kamid ah deegaanka Janaale , Sida Xaafad Siimow iyo Xaafad Jadiid oo ay soo galeen biyo ka dhashay roobkii Xagaaga. Waxaa kaloo jira tuulooyin ay saameysay Fatahaad uu sababay roobkii xagaaga iyo wabiga shabeelle oo heerkiisu sare u kacay qooysas gaaraya 291 Qoys u soo barakacay Deegaanka Janale. Intaa waxaa sii dheer tuulooyiin laga cabsi qabo inay wax yeelo kasoo gaaraan fatahaada iyo Daadadka, waxaa kamid ah Tuulooyinkaan, Dagwariiri, Cadiimoole, Awdheegle, Waagaadi iyo Mishaani. Saameynta Fatahaadda Fatahaada ayaa sameen balaaran oo ay ku yeelatay dalagii beeraha Waxaa guryahoodii ka hayaamay oo ka barakacay dad gaaraya 2,091 qoys oo ay saaameysay Fatahaada dadkaas oo u baahan Hooy, Cunto, Biyo Nadiif iyo Caafimaad. Sidoo kale fatahaada ayaa saameyn balaaran ku yeelatay isa socodka Gaadiidka dadweynaha iyo Ganacsiga Deegaanada ay saameysay Fatahaada. Gobolka shabeeladda hoose Waxaa mara Wabiga Shabeele Kaas oo ay ku tiirsanyihiin Dadka iyo Duunyadda. Xiliyadda Gu’ga iyo Deyrta ayaa marwaliba saameyn Ku yeesha Deegaanada ku teedsan Wabiga shabeele, deegaanadaas ayaa inta badan fatahaada wabiga saameysaa, Dadka dagan Gobolka aan kor kusoo xusnay ayaa inta badan ku tiirsan tacabka beeraha. Dhammaan dhinacyada ka shaqeeya ka jawaabidda xaaladaha noocan ah ee isugu jira hey’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka ah ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gargaaraan dadka u baahan gargaarka ee ay fatahaadahani saameeyeen. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka waxey si dhaw ula socotaa xaaladda fatahaadda waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isu baddesho xaaladda. DHAMMAAD View the full article
  16. Riyadh (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Sacuudiga ayaa sheegaya in isbitaal ku yaalla Riyadh la dhigay boqorka dakaasi, boqor Salmaan Bin Cabdul Caziiz. Sida ay way ku warrantay wakaaladda wararka ee Sacuudiga boqor Salmaan ayaa dareemaya xanuun dhanka kaadi heyska ah. Sidoo kale wakaaladda ayaa soo warisay in boqorka oo 84 jir ah haatan laga deyrinayo xaaladiisa caafimaad, islamarkaana lagula tacaalayo isbitaal ku yaal Riyadh. Weli dowladdu kama hadlin xaaladda caafimaad ee boqorka, balse waxaa haatan lagu hayaa baaritaano dheeraad ah, sida lagu soo xigtay ilo dhinaca caafimaadka ah. Boqor Salmaan Bin Cabdul Caziiz ayaa sanadkii 2015-kii la wareegay xilka boqortooyada Sacuudiga, kadib markii uu geeriyooday walaalkii boqor Cabdullaahi. Wuxuu 48 sanno ah ahaa baraasabka ahaa gobolka Riyadh ka hor inta uusan noqon wasiirka gaashaandhigga 2011-kii.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Dibad-baxyo ballaaran ayaa lagu soo warramayaa inay maalintii labaad ka socdaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dibad-baxyada oo ah kuwa rabshada wata ayaa waxaa dhigaya wadayaasha mootooyinka Bajaajka ee ka howl-gala magaaladaasi, kuwaas oo cabasho muujinayo. Wararka ayaa sheegaya in dibad-baxyadu ay ka dhasheen, kadib markii ciidamada Booliska Somaliland ay xir-xireen qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinkaasi, kuwaas oo aan heysan Ruqsadda ogolaanshiyaha wadista Gaadiid ee License-ka). Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanay awoodin lacagta lagu jarayo License-ka, iyaga oo tilmaamay inay aad uga badan tahay dhaqaalaha ay ka helaan mootada. Sidoo kale dibad-baxyada ayaa waxa ay saameeyeen goobaha ganacsiga Laascaanood oo xiran, iyadoona meelaha qaar laga maqlayo rasaas ay ridayaan ciidanka ammaanka. Isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa sidoo kale hakad-galay, waxaana bartamaha magaalada lagu arkayaa dhalinyarada oo gubayo taayaro iyo ciidamada Booliska oo ku sugan isgoysyada qaar, kuwaas oo isku dayaya inay kala eryaan dibad-baxayaasha Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in maamulka gobolka Sool uu bilaabay dadaallo looga hortagayo rabshadahaasi, si xal looga gaaro.
  18. (SLT-Hargeysa)-Telesom & Kulliyadda Tabobarka Macalimiinta ayaa si wadajir ah u daahfuray Isticmaalka adeegga Tabsera oo ay Kulliyaddu u dooratay in ay ku gudbiso duruusta tabobarka Macalimiinta Jamhuuriyadda Somaliland. Adeegga waxay kuliyaddu ku isticmaalaysay muddo 3 bilood ee goobaha waxbarashada la joojiyay in la isugu yimaado Xannnuunka Karoona fayras darteed. Waxana muddadaasi kulliyadu ku guuleysatay in ay sii wado tabobarkii u socday macalimiin gaadhaysa 300 oo macalin iyaga oo isticmaalaya Tabsera. Telesom & kulliyaddu waxay ku heshiiyeen in la sii wado wadashaqaynta isticmaalka Tabsera ee Waxbarashada fog oo Macalimiintu ay waxbarashadooda ku qaadan karaan iyaga oo kala joogga gobolada wadanka. Munaasibad arrintaasi lagu daah-furaayey ayaa 18 July 2020 lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Waxana ka soo qayb-galay: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska, Md. Axmed Maxamed Diiriye, Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda Telesom, kana mid ah Boodhka Shirkadda, Mr. Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed), Guddoomiyaha Kulliyadda Tabobarka Macalimiinta, Axmed Cali Quulle, Macalimiinta kulliyada ee adeegga Tabsera isticmaalaysay, Xubno ka socday Jaamacaha & Hay’adaha Waxbarasho ee dalka iyo Masuuliyiin ka socota Shirkadda Telesom. Halkan ka daawo warkan: Source
  19. (SLT-Nairobi)-Shirkadda caalamiga ah ee diyaaradaha Kenya Airways, oo sannadkaan la filayay in duulimaadyadeeda tooska ah ku tagto garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa la joojiyay. Ku simaha agaasime ku-xigeenka duulista hawada Karanja Ndegwa, ayaa sheegay in duullimaadyada Muqdisho la saaray hakin illaa ay shirkaddu ka soo baxdo shuruudaha caymiska ee Maamulka Hawada Soomaaliya. Qorshaha lagu bilaabayo duulimaadyada Muqdisho ma ahan macquul waqtigan sababta oo ah caymiska sidoo kale aad ayuu u sarreeyaa,”ayuu yidhi Mr Ndegwa oo lahad layay Business Daily xili uu wareysi siinayay. Ma sheegin shuruudaha ceymiska dheeriga ah ee looga baahan yahay howlgaladooda Soomaaliya. Source
  20. Waxaa magaalada Dhuusamareeb kulan ku yeeshay 19-kii bishan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo bulshada rayidka ah. Qoraal ka soo baxay shirka waxaa ku xusan in kulankan uu qeyb ka ahaa dadaallada ay wadaan bulshada rayidka ah ee sidii isfaham looga gaari lahaa aragtida ku aadan doorashooyinka, laguna dhameeyo wadahadal iyo mid la wada ogol yahay. Bulshada rayidku ma taageerin nooc doorasho gaar ah balse waxaa ay ku celiyeen in loo baahanyahay in laga wada hadlo, oo ay soo baxaan wax la wada ogol yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan markale Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre uu xalay magaalada Dhuusamareen kula qaatay madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaaladaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ahaa mid uu albaabada u xiran yahay, waxaana u dhammaa 5-ta madaxweyne dowlad goboleed ee ka jira dalka, sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug oo marti loo yahay. Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi uu qeyb ka ahaa kulamada hordhaca u ah shirka guud ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadaan oo shalay soo bilowday ayaa waxaa diirada lagu saarayaa, sidii la’isugu fahmi lahaa ajandayaasha lagu falanqeynayo shirkaas, maadaama ay weli jirto kala aragti duwanaasho u dhexeysa madaxda dowladda dhexe iyo maamullada dalka. Shirka amniga qaranka ee Dhuusamareeb oo ah mid aad isha loogu hayo ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda dalka, gaar ahaan marxlada lagu jiro ee kala guurka. Si kastaba ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii ay kulmeen madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland oo si weyn uga soo horjeeda qorsha ay dowladda federaalka ee ku aadan doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/21. View the full article
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay markale la kulmay madaxda maamul goboleedyada ee ku wada sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ahaa mid uu albaabada u xiran yahay, waxaana u dhammaa 5-ta madaxweyne dowlad goboleed ee ka jira dalka, sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug oo marti loo yahay. Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi uu qeyb ka ahaa kulamada hordhaca u ah shirka guud ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadaan oo shalay soo bilowday ayaa waxaa diirada lagu saarayaa, sidii la’isugu fahmi lahaa ajandayaasha lagu falanqeynayo shirkaas, maadaama ay weli jirto kala aragti duwanaasho u dhexeysa madaxda dowladda dhexe iyo maamullada dalka. Shirka amniga qaranka ee Dhuusamareeb oo ah mid aad isha loogu hayo ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda dalka, gaar ahaan marxlada lagu jiro ee kala guurka. Si kastaba ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii ay kulmeen madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland oo si weyn uga soo horjeeda qorsha ay dowladda federaalka ee ku aadan doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/21.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ururrada Bulshada Rayidka ah sida ay ugu hanweyn yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda ku wajahan hannaanka doorashooyinka dalka, ugana shaqeyn lahaayeen in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey hormuudka Ururrada Bulshada Rayidka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan xaqiijinta xasilooni siyaasadeed, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay ugu taagan yihiin muujinta aragtidooda ku aaddan dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoomta. Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  24. Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa xalay ganacsade Soomaaliyeed ku dilay gudaha magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullahi Ganey Gadafo, kaas oo ay kooxdii dishay goobta ka baxsatay. Dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa dilal siyaabo kala duwan todobaadyadii la soo dhaafay ganacsatada Soomaalida loogu geysanayay gudaha dalkaasi. Sanadkan 2020-ka ayaa waxaa aad u sii kordhay dilalka iyo boobka loo geysanayo Soomaalida ku dhaqan K/ Afrika oo inta badan ganacsiyo ku leh dalkaasi. View the full article
  25. Xalay oo Isniin soo galaysay waxaa Dhuusamareeb kandhacay kulamo gooni gooni ah kuwasoo durba ay badankoodu ku dhamaadeen guul daro. Kulankii Xalay dhexmaray Mdaxweyne Farmaajo, [...] The post Dhuusamareeb Live— Kulamadii Xalay oo badankoodu guuldaraystay appeared first on . Source