Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada oo la filayey inuu maanta ka furmo gudaha magaaladaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa weli socda kulamo gaar-gaar ah oo u dhexeeya labada dhinac, si xal looga gaaro is-faham-waa weli u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale waxaa xalay Dhuusamareeb ka qabsoomay shirar u dhexeeyey madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo shanta madaxweyne goboleed, kuwaas oo lagu ballamay inay sii socdaan,inta la isaga soo dhowaanayo, iyadoo shirka weyn uusan maanta furmi doonin. Qodobka aad la’isugu hayo ayaa ah nooca doorasho ee la qabanayo, iyada oo ay dowladdu dooneyso, gaar ahaan madaxweynaha in la’aado doorasho qof iyo cod ah, halka madaxweynayaasha maamullada ay ku doodayaan in la qabto doorasho dad badan. Arrintaan ayaa cakirineysa xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyada oo maalmo badan ay is-horfadhiyaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleeyada iyo kuwa dowladda dhexe, balse ma jirto illaa iyo hadda wax natiijo ah oo la gaaray, taas oo saluug xoogan laga muujinayo. Si kastaba ha’ahaatee ma cadda xilliga rasmiga ah ee uu furmayo shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo doorashada 2020/2021.
  2. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro. Saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa sheegay in ujeedka howl-galladaasi uu ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi. Shalay ayey aheyd markii qarax miino oo khasaare geystay uu ka dhacay suuq lagu iibiyo xoolaha nool oo ku yaalla degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. View the full article
  3. Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugan gobolkaasi. Dhaq-dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa laga dareemaayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa haatan cabsi xoogan ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda maamullada Somaliland iyo Puntland oo ku aadan xiisadaasi. Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa in muddo ah isku haya gacan ku heynta iyo maamulida deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag. View the full article
  4. Ku dhowaad 20 qof ayaa laga soo bad-baadiyey Guri ka kooban saddex dabaq oo xalay ku dumay dadkii deganaa oo markii dambe laga soo saaray dhismaha hoostiisa. Guriga dumay oo ku yaala xaafadda Raqayga ee Degmada Xamarweyne, ayaa waxaa gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah ee maamulka Gobolka Banaadir iyo dadka xaafadda oo iskaashanaya, kuwaasi oo soo bad-baadiyey illaa 17 qof. Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kale tegay goobta ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay burburka dhismahaasi, wuxuuna sheegay in 5-ka mid ah dadka la soo bad-baadiyey ay qabaan dhaawacyo fudud, halka 12-ka kale laga saaray isbitaalka, kadib markii ay mareen hubin caafimaad. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu sababta ku sheegay in dhismaha soo dumay uu saameeyey roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho. “Roobabkii iska daba socday dartood waxaa dumay guri dabaq ah oo qadiimi ah, shacabka iyo maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya waaxda dowladda hoose waa ay ku guuleysteen in ay badbaadiyaan qoysaskii burburka ka hoos maray, taasi waxa ay kamid tahay khasaaraha ka dhasha roobka iyo in ay dumaan guryaha waqtiga dheer dhisan.” ayuu yiri Cumar Filish. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Muqdisho inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, kana fogaadaan meelaha qaar ee halista ah. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dhisme qadiimi ah oo ku soo dumay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Dhismahan oo ka koobnaa saddex biyaano ayaa waxa uu ku soo dumay qoysaskii daganaa, iyadoona in muddo ah uu qaatay in laga soo bixiyo dadkaasi dhismaha hoostiisa. Shaqaalaha gurmadia deg-degga ah ee gobolka Bamaadir iyo shacab fara badan ayaa u gurmaday dadka uu ku soo dumay dhismahaasi. Ugu yaraan waxaa la soo bad-baadiyey illaa 17 qof oo ay ku jirto haweeney da’ah. Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo tegay goobta ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay burburka dhismahaasi, wuxuuna sheegay in 5-ka mid ah dadka la soo bad-baadiyey ay qabaan dhaawacyo fudud, halka 12-ka kale laga saaray isbitaalka, kadib markii ay mareen hubin caafimaad. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu sababta ku sheegay in dhismaha soo dumay uu saameeyey roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho. “Roobabkii iska daba socday dartood waxaa dumay guri dabaq ah oo qadiimi ah, shacabka iyo maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya waaxda dowladda hoose waa ay ku guuleysteen in ay badbaadiyaan qoysaskii burburka ka hoos maray, taasi waxa ay kamid tahay khasaaraha ka dhasha roobka iyo in ay dumaan guryaha waqtiga dheer dhisan.” ayuu yiri Cumar Filish. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Muqdisho inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, kana fogaadaan meelaha qaar ee halista ah.
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-210720.mp3 View the full article
  7. Former leader of Majority Aden Duale wants the Interior ministry to explain why 18,500 stateless youths in Garissa and Wajir are yet to get identification cards. Source: Hiiraan Online
  8. WASHINGTON — Former Vice President Joe Biden on Monday pledged that if he is elected president, he will end President Donald Trump’s so-called Muslim travel ban on his first day in office. Source: Hiiraan Online
  9. Fairfax-based MainStreet Bank has a new president. Source: Hiiraan Online
  10. Only 1,000 people will be able to take part in the pilgrimage and will need to be quarantined after the event. Source: Hiiraan Online
  11. Degaanka Horufadhi oo ka tirsan Gobolka Cayn ee Puntland waxaa Shalay Heshiis Nabadeed ku gaaray laba beelood oo horay ugu dagaallamay Degaanka. Guddi isimo iyo Waxgarad ah oo uu hoggaaminayo Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali oo maalmihii u dambeeyay ku hawllanaa Nabadaynta labada beelood ayaa ugu dambayntii ku guulaystay Hawshaasi. Qodobada Heshiiska waxaa kamid ah in Xabad-joojin la hirgeliyo islamarkaana gudaha Degaanka Horufadhi ay ka caaggan yihiin Ciidamo urursan oo ka tirsan labada beelood si aysan mar kale u soo noqon colaaddii laga heshiiyay. Sidoo kale waxaa la isla gartay in Guddi Nabadgelyo oo la socda dhaqdhaqaaqa labada beelood laga sameeyo Degaanka Horufadhi kuwaas oo Ganaax ku rida cid kasta oo jebisa Heshiiskaas. Dhinaca kale waxaa lagu ballamay in Degaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool lagu qabto Shir kale oo lagu dhammaystirayo Heshiiska ay wada gaareen labada beelood. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Colaad beeleed ka jirtay Degaanka Horufadhi oo Heshiis laga gaaray appeared first on Puntland Post.
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xarunta madaxtooyada Galmuudg ee magaalada Dhuusamareeb waxaa xalay iyo shalay ka dhacay kulamo u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada oo ujeedkoodu yahay in xal looga gaaro nooca doorasho ee dalka laga qabanayo. Sarkaal ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in kulamadan ay ahaayeen kuwii rasmiga ahaa, islamarkaana shirka ka dhacaya hoolka shirarka uu yahay oo kaliya mid khudbado laga jeedin doono kadibna lagu soo bandhigi doono waxa kulamadan kasoo baxa, islamarkaana uusan qaadan doonin wax ka badan maalin ama laba maalin. Sababta ayuu ku sheegay inaan la qaban karin kulanka weyn ayada oo aan heshiis la gaarin maadaama uu yahay mid dadka oo dhan iyo warbaahinta u furan islamarkaana aan dood iyo buuq lagu muujin karin. Waxa uu sidoo kale sheegay inay u badan tahay in wax heshiis ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka aan lagu gaari doonin Dhuusamareeb, sababtuna ay tahay ayada oo dhinacyada ay ku adkeysanayaan mowqifkooda. “Madaxweyne Farmaajo kama tanaasuli doono doorasho qof iyo cod ah, madax goboleedyadana waxay ku adkeysanayaan doorasho dadban, iimana muuqato inuu dhinacna ka tanaasuli doono aragtidiisa inta halkan Dhuusamareeb la joogo,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Villa Somalia ee la hadlay Caasimada Online. Waxa uu sheegay in xalka kaliya ee muuqda una badan tahay in shirka Dhuusamareeb lagu gaaro uu yahay in lagu dhiso guddi farsamo oo ka kooban wasiiro heer federal iyo heer gobol ah, oo kasoo shaqeeya haddii meel dhexe oo la isugu iman karo, kadibna madaxda ay shir kale isugu yimaadaan toddobaadyada soo socda. Shirkaas ayuu sheegay inuu ku qabsoomi karo laba ama saddex toddobaad gudahood, kana dhici karo magaalooyinka Baydhaba ama Muqdisho, inkasta oo ay u badan tahay Muqdisho.
  13. As schools remain closed, the Learning Passport will enable children to keep learning at home Source: Hiiraan Online
  14. Talaal loo riyaaqay oo fayraska korona loo helay Haweenay talaalka lagu tijaabinayo Talaal loogu talo galay fayraska korona oo ay samaysay Jaamacadda Oxford, ayey u badantahay in aanu aadanaha waxba yeelayn oo uu carinayo difaaca jidhka. Dad lagu tijaabiyey oo tiradoodu gaadhayso 1077 qof ayaa muujiyey in jidhkoodu samaystay maadada difaaca jidhka ee Antibodies-ka la yidhaa iyo sidoo kale T-cells oo la dagaalami kara fayraska korona. Natiijadan soo baxday waxay abuurtay rajo weyn, laakiin wali si buuxda looma odhan karo talaalkani si buuxda ayuu qofka uga difaaci karaa laakiin waxa socda tijaabooyin kale oo intan ka badan. Ingiriiska ayaa durba dalbaday 100 milyan oo irbadood oo talaalkaas ah. Siduu u falgelayaa Talaalkan waxa la yidhaa ChAdOx1 nCov-19 waxaana lagu samaynayaa dardar aan hore loo arag. Waxa laga sameeyey fayras laga soo dheegay fayraska keena hargabka caadiga ah ee ku dhaca nooc daayeerada ka mid ah. Dabeetana si weyn baa loo dhalan rogay, waa ta koobaade dadku ma kala qaadi karaan waxaana sidoo kale loo ekaysiiyey fayraska corona. Saynisyahannadu waxay sameeyeen waxa weeyi in ay hidde sideyaashiisii taranka qaabilsanaa talaalkan ay sameeyeen ku dhaabaan “fallaadhihiisa duxda ah” taas oo ah waxa keliya ee u sahla inuu fayraskani galo unugyada jidhka. Arintaasi waxay ka dhigantahay in talaalku u ekaanayo fayraska korona sidaa awgeedna uu hab-dhiska difaaca jidhka barayo inuu weeraro [fayraska karona]. Waa maxay T-cells? Waxa aadka loo danaynayey ee ku saabsan fayraska korona wuxu ahaa maadada Antibodies, laakiin taasi waa qayb keli ah oo ka mid ah hab-dhiska difaaca jidhka. Antibodies-ku waa dux yaryar oo uu soo saaro hab-dhiska difaacu oo isku daboosha oogada fayrasyada. Waxaanay Antibodies-kaasi dili karaan fayraska korona. T-cells waa nooc ka mid ah unugyada dhiigga cad oo kaalin weyn ka ciyaara wadashaqaynta hab-dhiska difaaca waxaanay awood u leeyihiin in ay dareemaan unugyada jidhka kuwooda fayrasku galay oo ay baabiiyaan. Borofesoor Andrew Pollard oo ka tirsan kooxda cilmi-baadheyaasha Oxford ayaa BBC-da ku yidhi “run ahaantii waanu ku faraxsannahay natiijada maanta aanu soo saarnay maadaama oo aan halnay labada maaddo ee fayraska dili kara ee kala ah Antibodies iyo T-cells”. “Rajo weyn baa ka muuqatay waxaanan rumaysannahay in nooca falcelineed ee ka dhalanayaa uu difaac noqon karo. Laakiin su’aasha muhiimka ah ee qof kastaa doonayo jawaabteedu waxa weeyi talaalkani ma shaqaynayaa, fayraska [dadka] ma ka difaacayaa……. Laakiin waan ka dhursugaynaa”. “Cilmi-baadhistani waxay muujisay in 90% dadka [talaalka lagu tijaabiyey] ay yeesheen maadada Antibodies-ka ee dilaysa fayraska markay kol qudha qaateen talaalka. Boqolkiiba toban keliya ayaa laba goor la talaalay oo iyaguna sidoo kale yeeshay maadadaa fayraska dilaysa” ayuu intaa ku daray. Ma badqabaa talaalku? Haa, laakiin waxa jira saamayn uu yeelan karo. Ma jirto saamayn halis ah oo talaalku keeni karo, hase yeeshee 70% dadkii lagu tijaabiyey waxay yeesheen xummada ama madax xanuun. Cilmi baadheyaashu waxay sheegeen in arintaa lagu dawayn karo xanuun baabiiyahay baarasitamoolka. Borofesoor Sarah Gilbert oo ka tirsan Jaamacadda Oxford, ayaa tidhi “weli waxa hadhsan shaqo badan oo ay tahay in la qabto inta aan la go’aamin in talaalkan fayraska korona lagaga hortagi karo, laakiin ilaa hadda natiijooyinka hordhaca ah ee soo baxaya yididiilo ayay abuurayaan”. Waa maxay talaabada labaad ee tijaabadu? Natiijada soo baxday yididiilo ayay abuurtay, laakiin ujeedada ugu wayni waxa weeyi in lagu qanco in talaalkani yahay mid badqaba oo dadka la siin karo. Cilmi-baadhistu ma caddaynayso in talaalku ka hortagi karo in dadku bukoodaan ama uu khafiifin karo calaamadaha cudurka Covid-19 [hadii ay qaadaan] toona. . In ka badan 10,000 oo qof oo kale oo Ingiriiska ku nool ayaa ka qayb geli doona heerka labaad ee tijaabada. Waxa sidoo kale tijaabadan labaad la gaadhsiin doonaa dalal kale maadaama oo heerka fayraska korona ee Ingiriisku haatan hoos u dhacay oo ay adkaanayso in lagu ogaado wax tarka talaalka. Waxa tijaabo ballaadhan laga samayn doonaa dalka Maraykanka oo 30,000 oo qof ka qayb geli doonaan iyo sidoo kale Koonfur Afrika 2000 oo qof iyo Barazil oo 5000 oo qof ah. Qaran News
  15. ncessant fighting, recurrent droughts and floods, and the worst locust invasion in more than 25 years are forcing more people to flee their homes in Somalia, leading to severe overcrowding and an intensifying risk of COVID-19 among internally displaced people (IDP), Amnesty International said today. Source: Hiiraan Online
  16. Incessant fighting, recurrent droughts and floods, and the worst locust invasion in more than 25 years are forcing more people to flee their homes in Somalia, leading to severe overcrowding and an intensifying risk of COVID-19 among internally displaced people (IDP), Amnesty International said today. Source: Hiiraan Online
  17. Shirkadda Kenya Airways oo sheegtay in ay joojisay duulimaadyo toos ah oo ay ku tegi lahayd Muqdisho Shirkadda caalamiga ah ee diyaaradaha Kenya Airways, oo sanadkaan la filayay in duulimaadyadeeda tooska ah ku tagto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, ee Muqdisho ayaa la joojiyay. Ku simaha agaasime ku-xigeenka duulista hawada Karanja Ndegwa, ayaa sheegay in duullimaadyada Muqdisho la saaray hakin ilaa ay shirkaddu ka soo baxdo shuruudaha caymiska ee Maamulka Hawada Soomaaliya. Qorshaha lagu bilaabayo duulimaadyada Muqdisho ma ahan macquul waqtigan sababtoo ah caymiska sidoo kale aad ayuu u sarreeyaa,”ayuu yiri Mr Ndegwa oo lahad layay Business Daily xili uu wareysi siinayay. Ma uusan sheegin shuruudaha ceymiska dheeriga ah ee looga baahan yahay howlgaladooda Soomaaliya. Qaran News
  18. Kulan dhexmaray xalay M/weyne Farmaajo & Madaxda Maamul-goboleedyada Somalia oo ku dhamaaday Natiijo la’aan Magaalada Dhuusamareeb, waxaa Xalay goor dambe ku soo dhammaaday Kulan Saacado badan qaatay ,oo halkaasi ku dhexmaray Madaxda Dowladda Soomaaliya & Madaxda Maamul- Goboleedyada Somalia. Kulanka waxaa uu qayb ka ahaa Shirka Xukumada Farmaajo & Madaxda Maamul- Goboleedyada uga socda Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlayo Marxaladda kala guurka ah ee Dalku Galay gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota. Kulankii Xalay, waxaa si adag looga dooday Hannaanka loo gelayo Doorashada soo socota, kaas oo laba mawqif oo kala fog la kala taagan yahay, waxaase Kulankaasi ku soo dhammaaday Natiijo la’aan islamarkaana wax isu soo dhowaansho ah kama dhicin. Madaxweyne Farmaajo, ayaa ku adkaysanaya in la qabto Doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan Sharciga uu ansixiyay Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, halka Madaxda Maamul-Goboleedyada ay ku doodayaan in wakhtigan dalka aysan ka dhici Karin Doorasho qof iyo cod ah, sidaas darteedna la aado Doorasho dadban. Kulamada u dhexeeya labada dhinac, ayaa la filayaa in ay sii socdaan, inkastoo aan la saadaalin Karin halka ay ku dambayn karaan, maadaama laba mowqif oo adag la kala taaganyahay, islamarkaana uusan jirin dhinac weli tanaasul muujiyay. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid guul ka gaaray dagaalkii kala dhaxeeyay dowladda federaalka kadib doorashadiisi, sida uu muujinayo qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Xiisada ka dhalatay doorashadii Axmed Madoobe ayaa waxa si rasmiya usoo afjartay Villa Somalia, oo iyadu sheegtay bishii August dhexdeedi in Axmed Madoobe u aqoonsatay madaxweyne kumeel gaadh ah, halka ay shalay taasi badalkeeda ay cadeysay, midaasi oo muujineysa ifafaalada guusha Axmed Madoobe. VILLA SOMALIA ayaa qoraal ay soo saartay Axmed Madoobe ku sheegtay ‘Madaxweynaha Jubbaland’, taasi oo ka duwan go’aankeedii hore, iyada oo hore ugu adeegsan jirtay qoraaladeeda ‘Madaxweynaha kumeel gaadhka ah ee maamulka Jubbaland’. Is-bedelka Villa Somalia ee Axmed Madoobe ayaa imaanaya kadib markii kulamo albaabadu u xiran yihiin uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo, ka hor furitaanka shirka Dhuusamareeb ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale hore ugu fashilmatay talaabooyin ay cadaadis xoogan ku saareysay Axmed Madoobe, kadib markii ay ku guul-dareysatay inay saameyn buuxda ku yeelato doorashadii uu ku soo baxay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, is-bedalka mowqifkii dowladda federaalka ee Axmed Madoobe ayaa waxa uu kamid yahay qorshayaal ay madaxda dowladdu la tageen Dhuusamareeb, kuwaasi oo ay uga hortageyso bur-bur ama waji-gabax ku yimaada shirka wada-tashi ee dhawaan furmaya. Villa Somalia ayaa u muuqata mid qaadatay guul-darada dagaalkii kala dhaxeeyay Axmed Madoobe, midaasi oo ay uga dan leedahay qorshaheeda ku aadan doorashada ‘qof iyo cod’ ee saaran miiska wada-hadalka ee shirka Dhuusamareeb.
  20. Where would the mediation process of Djibouti between Somaliland and Somalia lead to ? There is a Somali proverb which says “Aanu wada hadalno wa aanu heshiino”, when translated means; initiating dialogue between opposing sides will finally end in peace. This is an apt description of mediation in peacebuilding; voluntary acts of facilitation by a third party (e.g. Djibouti) to help disputants (in this case; Somaliland and Somalia) reach a sustainable peace agreement. So let us idealize what the characteristics of the mediator should be. They should be impartial, neutral, committed and well experienced in the disputed issues and familiar with their indigenous perceptions, cultures, values and norms. The mediation process in Djibouti between Somaliland and Somalia which took place on the 14th of June, 2020 is unprecedented in its kind, both due to the caliber and number of delegations participating such as the President of Djibouti, Mr. Ismail Omer Gelle; the Prime Minister of Ethiopia, Mr. Abiye Ahmed; the President of Somaliland, Mr. Muse Bixi; the President of Somalia, Mr. Mohamed Abdillahi ‘’Farmaajo’’; the Ambassador of United States, Mr. Donald Yamamato and finally, various other delegations from IGAD, AU and EU. An interesting detail to note is that there remains a period of only months before the duration of the presidential term of Mohamed Abdillahi Farmaajo comes to a close. This has raised many questions in the minds of the Somali people, again both of the ‘timing’ and the sudden ‘high priority status’ accorded to the meeting by the United States and the Ethiopian governments in particular and the international community in general. To illuminate what this entails, I believe we have to look at the interest held by these two countries in Somalia and what is at stake. In 16th of February, 2017, President Mohamed Abdillahi Farmaajo was elected in a landslide by the Somali congress. They elected him with the high hopes that by giving him the mandate to lead the country, President Mohamed Abdillahi Farmaajo will enact his election promises of forming a concise, hardworking and qualified government which upholds law and order, transparency, oppose structural corruption and nepotism while minimizing acts of terrorism by Al Shabaab in the country. A lesser known but just as significant reason for the strong backing of the current administration initially was the expectation that they would form a strong government that can withstand any foreign military and political interference within Somali affairs in general and particularly from the historical enemy of Somalia, Ethiopia, under the guidance of their representative in Mogdishu, then, the strong man General Gabre. Fast forward to today, after three years and a half in office, the Somali people have become disillusioned with President Mohamed Abdillahi‘s inept handling of the government which has worsened the daily life of the people of Somalia, a fact reflected by the lack of progress in every issue the government had promised to tackle. To pinpoint out how things went wrong for the Somalia President, we have to go back towards the first steps he had taken: 1. Despite the Somali government adopting the federal system, the President had started to suppress the authorities of the federal states and chose to go into direct confrontation with them, expending valuable time and resources. He did succeed in controlling and putting under his influence; the two states of South West and Hir Shabelle with the help of the Ethiopian government led by Prime Minister Abiy Ahmed. However, in turn, the President has lost the trust of the other federal states. Puntland and Jubaland states have nearly cut ties with the federal government while Galmudug state is in turmoil and their administration had collapsed due to interference from the presidential administration. With regards to why Ethiopia are providing strong support of the Somalian President, it is important to remember that Prime Minister Abiy Ahmed came to power as a result of the political upheaval caused by the uprising of the Oromia people – and thus the first time an Oromia official rules Ethiopia. Prime minister Abiy Ahmed, being well aware of the historical suppression and oppression of the Oromia by the Amhara and Tigre rulers, has sought to seize this opportunity afforded to him and change the longstanding foreign policy stratagems of his predecessors in spite of the imminent risks to his administration that is expected from his foes inside Ethiopia; particularly the leaders of Amhara, Tigre and the Oromia Liberation Front. This has compelled Abiy Ahmed to find new alliances and that is why he has made peace with Eritrea, the traditional foe of TPLF and Somalia, the traditional enemy of Amhara. 2. President Mohamed Abdillahi, with the help of his mentor Prime Minister Abiy Ahmed, has put a lot of diplomatic and economic pressure on Somaliland and tried to stop the flow of international donations and investments to the country, including the expansion of Berbera port by DP World, of which interestingly, there are currently rumours that Ethiopia is seeking to freeze its 19% share ownership of the Berbera port. This all demonstrates the subtle desire of the Somalia President to demonstrate influence within the region and showcase strong leadership despite the risk of actually being perceived as spiteful and vindictive by the Somali people. 3. The United States and other western countries have pumped billions of dollars to stabilize Somalia by strengthening its security and armed forces and pay the salaries of 21,000 UNISOM soldiers present in Somalia. The end goal of these countries with their involvement is generally considered to involve limiting the influence of countries such as Turkey and China in the region. Despite their intentions however, the reality on the ground shows that little has changed in respect to the security situation with explosions and attacks by Al-Shabaab occurring regularly in the capital Mogadishu and across Somalia in general. Furthermore, nepotism and corruption have become the norm in Somalia, an ongoing matter of disappointment for the western countries who had high hopes for the administration of President Mohamed Abdillahi to seriously tackle this issue. With the presidential term of Mohamed Abdillahi Farmaajo coming to an unsatisfactory end, his allies, namely the United States, Ethiopia and other western countries have sought to launch a last ditch attempt in salvaging his legacy among the Somali people by holding a high calibre mediation conference in Djibouti between Somaliland and Somalia. Their bet was to demonstrate that Somaliland are willing to come back to the fold of Somalia and this would be a winning proposition to the Somali public. In their diplomatic sessions, it was clear that they felt that an apology from Somalia by President Mohamed Abdillahi to the people of Somaliland for the atrocities committed to them by Siyad Bare would be enough to heal all wounds and provide grounds for immediate reunion. However, the fact remains that Somaliland approached this opportunity for mediation to take some time to build trust between the two states and in addition, the fulfillment of the outcomes from the three previous agreements. The main outcomes that had resulted from this latest attempt at mediation namely included joint management of the air space in Somaliland; a stop to the placement of any obstacles towards the flow of international aid and investment to Somaliland and co-operation in security and free movement of the Somali people between the two countries. With the Djibouti mediation coming to a deadlock, a communique was finally issued calling for the formation of three committees to tackle the three issues mentioned above as a means of ensuring that the meeting did not officially end up as a failure, but which has to be admitted, will not bear further fruit as past history has already taught us. Eng Bashe ( Ismail) Abdi Gaboobe ( MA in peace building from Coventry University ) Email: gaboobe _3@ hotmail.com Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxeynaha wadanka Algeria ee dhaca waqooyiga Qaaradda Afrika, Cabdil-Majiid Tabuun oo ka hadlayey xaaladda adag ee dalka Liibiya, gaar ahaan dagaallada ka socda gudaha dalkaasi ayaa markale u gefay Soomaaliya. Cabdil-Majiid Tabuun oo shalay hadal siiyey warbaahinta ayaa soo qaatay tusaale uu ku liidayo Soomaaliya, isaga oo ka digay xaaladda ay ku socoto Liibiya iyo fara-gelinta shisheeye in laga dhigo Soomaaliyada cusub oo kale. Madaxweynaha Algeria ayaa tilmaamay in la wada ogyahay xaaladda Soomaaliya, Liibiyana haatan ay ku socoto tubtaas, sida uu hadalka u dhigay Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Qabiilada Liibiya haatan la hubeynayo, iyada oo dano gaar ah laga leeyahay, si ay dagaallada ka socda dalkaas qeyb uga noqdaan. “Isu hubeynta Beelaha waxa ay Liibiya ka dhigeysaa Soomaaliyada cusub oo kale.” ayuu yiri Madaxweynaha Algeria. Waa markii labaad ee dalka Algeria u gefayo Soomaaliya, iyadoona dhowaan wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Sabri Boukadoum oo la hadlayey wariyeyaasha uu isna tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya, isaga oo xilligaas ka hadlayey xaaladda Liibiya. Weli dowladda Soomaaliya kama aysan jawaabin hadallada xanafta leh ee ka soo yeeray madaxda wadanka Algeria oo ka mid ah dalalka dhaca waqooyiga Afrika. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan dalkan oo kaliya wadamada tusaalaha xun u soo qaatay Soomaaliya, waxaana jira dalal kale oo horey ugu gafay, sida Uganda iyo Mareykanka oo madaxweynayaashooda ay tusaalooyin aan wanaagsaneyn ka bixiyey dalkeena.
  22. Magaalada Dhuusamareeb, waxaa Xalay goor dambe ku soo dhammaaday Kulan Saacado badan qaatay ,oo halkaasi ku dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka. Kulanka waxaa uu qayb ka ahaa Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uga socda Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlayo Marxaladda kala guurka ah ee Dalku marayo gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota. Kulankii Xalay, waxaa si adag looga dooday Hannaanka loo gelayo Doorashada soo socota, kaas oo laba mowqif oo kala fog laga taaganyahay, waxaase Kulankaasi ku soo dhammaaday Natiijo la’aan islamarkaana wax isu soo dhowaansho ah kama dhicin. Madaxweyne Farmaajo, ayaa ku adkaysanaya in la qabto Doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan Sharciga uu ansixiyay Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, halka Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku doodayaan in wakhtigan dalka aysan ka dhici Karin Doorasho qof iyo cod ah, sidaas darteedna la aado Doorasho dadban. Kulamada u dhexeeya labada dhinac, ayaa la filayaa in ay sii socdaan, inkastoo aan la saadaalin Karin halka ay ku dambayn karaan, maadaama laba mowqif oo adag la kala taaganyahay, islamarkaana uusan jirin dhinac weli tanaasul muujiyay. PUNTLAND POST The post Dhuusamareeb: Kulan xalay dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo natiijo la’aan ku dhammaaday appeared first on Puntland Post.
  23. Hargeysa (Caasimad Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa bilaabaya qorshe cusub oo uu ku wajahayo xiisada saami-qeybiga oo ka taagan gudaha Somaliland, kadib markii ay fashilmeen dadaalo uu ku qancinayay madax dhaqameedka. Madaxweynaha iyo xisbiyda mucaaridka Somaliland ayaa iyagu ku heshiiyay in xiligan doorashooyinka Somaliland lagu galo saami-qeybsigii hore ee 2005-tii, xili taasi badalkeed ay qabaan qaar kamid ah beelaha dega Somaliland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku howlan qorshe cusub oo uu ku wajahayo xiisada saami-qeybsiga oo guux badan ka dhalisay Somaliland, isla markaana uu si qasab ah ugu jiidhsiinayo beelaha qaadacay arrinkaasi. Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inuu maanta dalab culus u gudbiyo maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, kaasi oo uga dan leeyahay inay ayido go’aankii xisbiyada ee ahaa in Somaliland ka dhacdo doorasho lagu saleynayo saami-qeybsigii hore. Biixi ayaa qorshahan door biday kadib markii wax natiijo ah ka soo bixi weyday kulamo uu la qaatay odayaasha dhaqanka oo isaga iyo xisbiyada mucaaridku ugu qancinayeen in doorashooyinka lagu galo tirakoob la’aan cusub, iyada oo la raacayo saami-qeybsigii hore ee doorashooyinka. Inkasta oo aan si dhab ah loo sheegi karin jawaabta maxkamadda ee ku aadan dalabka madaxweyne Muuse Biixi, haddana waxa suurtagal ah in maxkamaddu ay qeyb ka qaadato rabitaanka madaxweynaha iyo xisbiyada ee saami-qeybsiga. Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay waxa laga dareemayay xiisada ka taagan arrinka saami-qeybsiga, iyada oo ay beelo ka tirsan ay qaadaceen ka qeyb-galka doorashada, maadama ay ku doodayaan in aan dhag-jalaq loo siin rabitaankooda ku aadan saami-qeybsi loo dhan-yahay.