-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka socda abaabul ay wadaan odayaasha iyo qeybaha bulshada, kuwaas oo la filayo in saacadaha soo socda dalbadaan in madaxda aysan magaalada ka tagin, ilaa ay heshiis ka gaaraan arimaha taagan. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada Rayidka ay soo saari doonaan baaqyo ku wajahan madaxda, kuwaasi oo ah in aysan magaalada ka bixin ama aysan kala tagin ilaa ay ka heshiiyeen arrimaha masiiriga ah ee taagan. “Waxaan ku baaqeynaa in aanan la kala tagin ilaa ay soo saaraan wax lagu qanci karo” ayuu yiri qof kamid ah odayaasha degaanka oo aan la hadalnay goordhaw. Xaalad aad u adag ayaa laga soo sheegayaa shirka Dhuusamareeb oo qaatay maalmo iyo saacado badan. Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka ku dhaw kala tag iyo fashil hase yeeshee waxaa socda dadaalo arrintaas looga hortagayo. Sarkaal ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay inay u badan tahay in wax heshiis ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka aan lagu gaari doonin Dhuusamareeb, sababtuna ay tahay ayada oo dhinacyada ay ku adkeysanayaan mowqifkooda. “Madaxweyne Farmaajo kama tanaasuli doono doorasho qof iyo cod ah, madax goboleedyadana waxay ku adkeysanayaan doorasho dadban, iimana muuqato inuu dhinacna ka tanaasuli doono aragtidiisa inta halkan Dhuusamareeb la joogo,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Villa Somalia ee la hadlay Caasimada Online. Waxa uu sheegay in xalka kaliya ee muuqda una badan tahay in shirka Dhuusamareeb lagu gaaro uu yahay in lagu dhiso guddi farsamo oo ka kooban wasiiro heer federal iyo heer gobol ah, oo kasoo shaqeeya haddii meel dhexe oo la isugu iman karo, kadibna madaxda ay shir kale isugu yimaadaan toddobaadyada soo socda.
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa waraysi la yeeshay danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyi jiray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya danjire David Shinn oo khabiir ku ah arrimaha gobalka Geeska Afrika. Danjire David Shinn, wuxuu ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xidhiidhka u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan, mawqifka uu xidhidhkan ku cambaareeyay China iyo doorka Maraykanka. Danjire Shinn oo uu tifaftiraha wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), la yeeshay waraysi dheer, ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay qoraal kooban oo 9 Jullaay lagu baahiyay barta twitterka ee Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ee Maraykanka. Waraysigaas danjire David Shinn, oo bahda Geeska Afrika u soo turjumeen Soomaali, wuxuu u dhacay sida: Diblomaasi ahaan, maxaad ku macnayn kartaa xidhiidhka cusub ee u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan? Taiwan waxa ay ogolaatay inay ka furato Hargeysa “Xafiis Wakiilnimo (Representative Office), Somaliland na waxa ay ogolaatay inay ka furto Taipei “Xafiis Wakiilnimo (Representative Office). Waxa muhiim ah in la fahmo inaan tani la mid ahayn aqoonsi diblomaasiyadeed oo rasmi ah (formal diplomatic recognition). Taiwan waxa hadda si rasmi ah u aqoonsan shan iyo toban dal, oo hal dal keliya ka yahay Afrika — waa dalka Eswatini. Dhinaca kale Taiwan waxa ay Afrika ku leedahay shan “xafiis ganacsi” (trade offices), oo ku kala yaala Johannesburg, Algiers, Cairo, Nairobi, iyo Lagos. Waxa ay sidoo kale ku leedahay “xafiisyo isku-xidh” (liaison offices) Pretoria iyo Cape Town. Waxa ay iila muuqataa in “Xafiiska Wakiilnimo (Representative Office) ee laga aasaasay Hargeysa iyo Taipei ay la mid yihiin “xafiisyada isku-xidh” (liaison offices) ee ka jira Pretoria iyo Cape Town. Waxa ay u muuqan kartaa in yoolka Taiwan iyo Somaliland labaduba uu yahay inay balaadhiyaan gaadhistooda arimaha debedda (foreign outreach). China wuxuu saldhig ku leeyahay Djibouti oo ay Somaliland jaar yihiin, imikana Somaliland waxay martigelisay xafiiska diblomaasiyadeed ee Taiwan, dawladda Soomaaliya iyo dawladda China, labaduba si adag ayay uga horyimaadeen xidhiidhkan diblomaasiyadeed ee bilaabmay. Arrintani maxay ku soo kordhin kartaa siyaasadda Geeska Afrika? Xaqiiqda ah in Shiinuhu ku leeyahay saldhig ciidan Djibouti waxa ay noqon kartaa inaanu wax raad ah ku lahayn Somaliland. Somaliya waxa ay arinkan soo kordhay uga soo horjeedda sababo iska cad. Waxa ay [Somaliya] aqoonsan tahay Beijing islamarkaana waxa ay u aragtaa in Somaliland tahay qayb ka mid ah Somaliya. Shiinuhu sababo sidoo kale iska cad ayuu uga soo horjeedaa. Tan iyo sanadkii 1949 Shiinuhu wuxuu u ololaynayay mabad’a’ “Shiine mid keliya ah” (Once Chine) islamarkaana wuxuu si joogto ah uga soo horjeeday in aqoonsi diblomaasiyadeed la siiyo Taiwan. Dhinaca kale, waxa uu aqbalay [Shiinuhu] xafiisyada ganacsi ee Taiwan (Taiwan’s trade) iyo xitaa xafiisyada isku xidh (liaison offices) ee u qaabaysan inay gaadhaan yoolal aan siyaasad ahayn iyo kuwo aan diblomaasiyad ahayn (non-political and non-diplomatic goals). Maraykanka iyo Taiwan xidhiidh dhow ayay leeyihiin, imikana waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanku waxay ku lug leedahay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Miyaad rumaysantahay in bilowgan diblomaasiyadeed uu gacan ka gaysan doono wada hadalada? Qoraal barta Twitter ka lagu qoray oo aan cidda qortay magaceedu la socon (An anonymous tweet) oo ka soo baxday Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, 9kii July ayaa yidhi: (Waa arin wayn inaan aragno Taiwan oo kor u qaadaysa xidhiidhkeeda Bariga Afrika waqti ay jirto baahi wayni. Taiwan waxa aanu iskaashi wayn kala leenahay caafimaadka, waxbarashada, caawimada farsamo iyo in kaloo badan!” Inkasta oo ay tani tahay tebin aan caadi ahayn (most unusual communication), ma muujinayso in Maraykanku uu arinkan wax dheeraad ah oo kale ku darsanayo. Waxaynu fahansanahay ficiltanka u dhaxeeya Maraykanka iyo China, China hadda wuxuu isku dayi karaa arrimo ka dhan ah Somaliland. Ma filaysaa in Maraykanka amaba dalalka kale ee reer galbeedku ay taageeri doonaan Somaliland haddii uu China ku soo qaado dagaal diblomaasiyadeed? Shiinuhu diblomaasiyad ahaan wuu ka soo hor jeedsan doonaa dedaal ay Taiwan iskugu daydo inay la yeelato Somaliland xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah (formal diplomatic relations). Balse sida aan sare ku xusay, shan iyo toban dal ayaa Taiwan la leh xidhiidh diblomaasiyadeed, halka kuwo kale oo badani ay la leeyihiin xafiisyo ganacsi (trade offices). Dalal yar oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Koonfur Afrika ayaa ku leh Taiwan xafiisyo isku xidh (liaison offices). Shaki ayaan ka qabaa in Shiinuhu wax badan ka samaynayo arinta Somaliland, inkasta oo ay u badan tahay in Hargeysa laga saari doono in wax tixigelin ah laga siiyo deeqaha debedda ee Beijing. Dawladda Soomaaliya oo ay taageeraan reer galbeedku hadda waxay taageeraysaa China. Waxa ay dawladda Muqdisho u ogolaatay shirkadaha China inay ka kalluumaysan karaan biyaha Soomaaliya. Geesta kale haddii aynu eegno, dawladda Maraykanku waxay taageere weyn u tahay Soomaaliya. Dhammaan mashaariicda USAD waxa la geeyaa Muqdisho, iyadoo la iska indho tiray in la caawiyo shacabka reer Somaliland. Ma u malaynaysaa in Maraykanku dib u eegis ku samayn doono mucaawinadooda? Waxa aan u haystaa in USAID ay xooga caawimo ah siiso Somaliland, inkasta oo inta badan caawimada Maraykanku ay tagto Somaliya. Si kasta ha noqotee, ma aaminsani in xidhiidhka ay Taiwan la yeelatay Somaliland uu wax raad ah ku yeelan doono sida ay u socoto deeqda dawladda Maraykanku ay siiso Geeska Afrika. Aqalka cad ee Maraykanku wuxuu taageeray xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan u bilaabmay. Maxaad ku macnayn kartaa? Ma jirto wax badan oo aan ka qaadan karo qoraal barta Twitter ka lagu qoray oo aan cidda qortay magaceedu la socon (An anonymous tweet) oo ka soo baxday Golaha Amniga Qaranka. Waxa laga yaabaa inaanay jiri doonin wax kale oo intaas ka badan oo ay arinkan ka tidhaahdo dawladda Maraykanku, balse maamulkani [Maamulka Trump] waa mid arimo yaab lehi ka soo baxaan (full of surprises) oo waan qaldanaan karaa. Source
-
Omar al-Bashir: Sudan's ex-president on trial for 1989 coup
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sudan's ousted long-serving leader Omar al-Bashir has gone on trial in the capital, Khartoum, connection with the military coup that brought him to power more than three decades ago. Source: Hiiraan Online -
(SLT-Hargeysa)-Mudanayaasha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyey ajnadaha kalfadhigooda 72-aad ee golahaasi. Fadhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayey mudanayaasha golahaasi waxa ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen ajandaha kalfadhigooga 72-aad ee golahaasi, iyaga oo ku meel mariyey cod aqlabiyad ah, waxaana ka soo xaadiray 51 xildhibaan, iyada oo ay ogolaadeen 49 mudane, halka uu ka maamusay hal xildhibaan guddoomiyuhuna muu codaeyn ajandaha 72-aad ee golahaasina sidaas ayuu ku ansaxay. Ajandahan ay ansixiyeen mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayey ka mid ayhaayeen siyaasadda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, nabadeynta deegaannada ay shaqaaqooyinku ka jiraan, arrimaha bulshada sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Garsoorka, Illaalinta Deegaanka, Dhiirigelinta Dhaqaalaha, Tamarta iyo Wadooyinlka, kala xadeynta Dhul-daaqsimeedka iyo Beeraha, dhiirigelinta wax soo saarka Waddaniga ah iyo kheyraadka dabiiciga ah iyo qodobo kale oo muhiim ah. Source
-
(SLT-Beijing)-Shiinaha ayaa ka digay UK iney ka qoomameyn doonto cawaaqib xummada ka dhalata haddii ay sii waddo waddada khaldan ay ku socota oo ay ku faragelineyso arrrimaha Hong Kong. UK waxay Isniinti ku dhawaaqday iney hakisay heshiiski Shiinaha lala galay ee ku saabsanaa Hongkong iyada oo jawaab uga digeyso sharciga uu Shiinaha doonayo inuu Hongkong uu ka hirgeliyo. Danjiraha Shiinaha u fadhiya UK oo ka jawaabayo hadalka ka soo yeedhay UK wuxuu sheegay iney UK “si ulakac ah u soo farageliso” arrimaha gudaha dalka Shiinaha. Liu Xiaoming wuxuu sheegay “Shiinaha weligii ma faragelinin arrimaha gudaha UK. UK waa iney sidaasi oo kale ka sameysaa arrimaha Shiinaha.” Horraantii bishan Ra’isal wasaaraha UK Boris Johnson wuxuu ku baaqay iney 3 malyan oo qof oo ka mid ah shacabka Hong Kong uu siinayo dhalashada UK si ay dalkaasi u degaan, isaga oo sheegay in dadkaasi loo oggolaanayo iney soo codsadaan dhalashada dalka UK. Source
-
Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Malayshiyaadka Daacish ayaa Maanta oo Talaado ah ka dhacay nawaaxiga Tuulada Timirshe oo hoos timaadda Degmada Isku shuban ee Gobolka Bari. Dadka Degaanka ayaa ku soo warramay in gelinkii hore ee Maanta duqayn laga maqlay tog ku yaalla nawaaxiga Timirshe oo ay ku dhuumaalaystan kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale duqayntaasi kadib weerar ku qaaday Malayshiyaadkii ku dhuumanayay Togga waxaana labada dhinac dhex maray dagaal xooggan inkastoo aan weli xog laga helin khasaaraha ka dhashay. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland oo warbaahinta Puntland Post xiriir la samaysay si ay wax uga weydiiso Khasaaraha Dagaalka ayaa ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ah bixiyaan. PUNTLAND POST The post Duqayn iyo Dagaal ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii maamulka degmada Wadajir, Cabdiraxmaan Aw Cali. Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa xilki looga qaaday mas’uulkaasi, iyadoona guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loo magacaabay, Bashiir Maxamed Aw Cali oo ay walaalo yihiin mas’uulka xilka laga qaaday. Sababta xilka looga qaaday guddoomiye C/raxmaan Ow Cali ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayey dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir ee G/ Banaadir. PUNTLAND POST The post Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Mudane Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyaha degmada Wadajir, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ow Cali. Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho oo ay aragtay Caasimada Online ayaa xilka looga qaaday mas’uulkaasi, iyadoona guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loo magacaabay, Bashiir Maxamed Ow Cali oo ay walaalo yihiin mas’uulka xilka laga qaaday. Bashiir oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyey xafiiska dowladda hoose ee Xamar. Sababta xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayey dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Sidoo kale guddoomiyaha cusub ayaa waxaa lagu amray inuu marka xilka la wareego uu wax ka qabto dhibaatooyinkaasi iyo cabashada ka soo yeereyo dadka shacabka ah. Wadajir ayaa muddooyinkii la soo dhaafay wajaheysay xaalado adag, iyada oo ay roobabkii ka da’ay Muqdisho ay sababeeyn inay go’aan jidadka degmadaasi.
-
Lasanod (PPM) — Traditional leaders from Sool, who met in Horufadhi village for a peacemaking summit, have issued a set of stringent rules that commit feuding subclans from Eegaag and Buhodle to implementing conflict prevention measures. Feuding began several weeks ago after a man from Eegaag was murdered in an area near Buhodle. Four more men from the slain man’s side died after they were ambushed by militias from Buhodle. A delegation of traditional leaders from Sool and Togdheer convened in Horufadhi to diffuse the conflict and reconcile the two feuding subclans. Representatives from the two subclans attended the week-long meeting that culminated in the formulation of conflict prevention rules to be enforced by a committee appointed by traditional leaders. Rules to which representatives of the two subclans have committed themselves stipulate the designation of Horufadhi as a militia-free zone; a fine of fifty heads of camels to be imposed on any subclan whose members commit murder, in addition to the blood-money payable to the family of a murder victim; a fine of twenty five heads of camels will be payable by any subclan whose members cause injuries to a person from the other side; any subclan whose militias attack a village or town will have to pay a fine of fifty heads of camels. A guiding principle directs mediators to the use of Sharia for issues that prove irresolvable through the customary law. The mediators ruled that the fine to be imposed will have to be paid on the basis of blood-money payment groups. Garad Jama Garad Ali thanked participants of the peacemaking conference at Horufadhi Garad Jama Garad Ali, who will host the main meeting in Saahdheer village in Sool, thanked people who joined peace-making efforts to resolve the intra-clan conflict and prevent renewed feuding. Saahdheer reconciliation meeting for the two subclans will start in a week’s time from the day the representatives sign the preliminary agreement. A peace committee will oversee the implementation of the preliminary agreement and report on any militia movements. © Puntland Post Monthly, 2020 The post TRADITIONAL LEADERS COMMIT FEUDING SUBCLANS TO STRINGENT PEACEMAKING RULES appeared first on Puntland Post.
-
Tan iyo Maalintii ay Madaxda Soomaaliya ay isugu wada yimaadeen Dhuusamareeb waxaa socdey wadaxaajood iyo u gogolxaarkd Shirweynaha Wadatashiga Doorashada, laakiin waxaa ilaa maalintaas socdey [...] The post Wararkii ugu dambeeyay Shirka Dhuusamareeb, Hadii laka tago Maxaa xigi doona appeared first on . Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa faah faahisay xiriirka dhSomaliland iyo Taiwan iyo faa’iidada ugu jirta ka maamul ahaan. Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in xiriirka cusub ee labada dhinac ay fursad weyn ugu jirto Somaliland iyo Taiwan oo uu tilmaamay inuu ka jiro maamul horumaray oo ay wax badan ka faa’idi doonaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xiriirka labada maamul uu soo bilaabmay muddo hore, kana soo bilowday arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada. “Waxaan rumaysan nahay in ay jirto fursad weyn oo labada dalba faa’iido ugu jirto. Taiwan waa dal horumaray oo ka faa’iidaysan kara bogcada muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku taallo, taasi oo kadin ama marin u ah dalalka aan badda lahayn ee Afrika” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Dhanka kale wasiir Liibaan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay leedahay kheyraad fara badan, sida Kalluunka, Xoolaha Nool, noocyada macdanta iyo shidaalka, isaga oo tilmaamay in fursadaasi ay ka faa’ideysan karaan maalgashadeyaasha Taiwan. “Waxa kale oo ay Somaliland leedahay khayraad dihin oo aan ciddi taaban oo ay ka mid yihiin Kalluumaysiga, Xoolaha nool iyo noocyada kala duwan ee macdanta iyo shiidaalka.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Si kastaba ha’ahaatee Somaliland iyo Taiwan ayaa 1-dii bishan July isku raacay inay is-dhaafsadaan wakiillo, waxayna kadib ay magacaabeen wax ay ugu yeereen safiirro.
-
Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa markii u horraysay ku dhiirraday dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, oo muhiim u ah hirgelinta Hannaanka Xisbiyada badan ee Puntland. Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ,ayaa Maanta oo Talaado ah looga doodayaa dhammaystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, kuwaas oo ka kooban sagaal xubnood. Dhismaha Maxkamadda, ayaa u baahan in Shanta xubnood ee Maxkamadda sare oo hadda dhisan lagu kordhiyo afar Garsoore oo laga soo xulay Bulshada, si loo dhammaystiro Sagaalka xubnood, waxaana Maxkamadda Dastuuriga ah Guddoomiye u noqonaya isla Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Afarta Garsoore, waxaa laba kamid ah dooranaya Golaha Wakiilada, halka labada kalena ay soo xulayaan Golaha Xukuumadda, waxaana dhammaantood ansixinaya Mudanayaasha Baarlamanka, si loo dhammaystiro Maxkamadda Dastuuriga ah. Haddii la dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah, waxay awood u leedahay Xallinta Khilaafaadka ku salaysan Dastuurka ee u dhexeeya hay’adaha Dowladda, taasi oo muhiimad gaar ah u leh hirgelinta Hannaanka Xisbiyada oo Puntland haatan u gudbayso. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Baarlamanka Puntland oo ku dhiirraday dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal cusub oo ay soo saartay Amnesty International ayaa looga hadlay xilligan uu jiro COVID-19 iyo xaaladda dadka barakacayaasha ah iyada oo sheegtay in laga deyrinayo, oo ilahey uun u maqan yahay. Amnesty ayaa sheegeysa in Soomaaliya laga diiwaangeliyey ilaa 3,119 xaalad oo COVID-19 oo intooda badan laga helay Muqdisho, laakin waxaa ay ka deyrisay barakacayaasha. Muqdisho waxaa ku nool 500,000 oo barakacayaal oo qaarkood xoog loo soo barakaciyey isla markaana xaalad khatar ah ku heysato gudaha Xamar sida la’aanta biyo nadiif ah iyo caafimaad darro. Baaris ay hey’addan sameysay June iyo July waxaa ay ogaatay in dad badan oo ay la kulmeen aaney helin adeeg caafimaad halka barakacayaasha aan loo geyn qalabka lagu baaro COVID-19 . Hey’adaha u gargaara barakacayaasha ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay ka mid yihiin in lacag la’aan iyo weliba in aan laheyn wax looga hortago saxmada iyo jidadka xiran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Siyaasiga Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) ayaa ka hadlay heshiiskii Saddexda Xisbi ee Somaliland ka gaadheen qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada. Mudane Cabdillaahi-dirawal wuxuu sheegay in heshiiskaasi aanu sax ahayn, balse uu yahay mid khiyaamo ah, maaddaama buu yidhi ay ahayd in la kala reebo doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada. Siyaasiga oo Shalay u warramay Telefiishanka SAAB ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Heshiiska ay Maanta gaadheen (Xisbiyadu) Ma Dalka iyo Dadka ayuu dan u yahay, mise iyagaa dan guud oo wada khusaysaa ugu jirtaa. ?. Xisbiyadan waxa la ansixiyey 2012-kii, waxay ahayd inay doorashada deegaanka qabtaan 2017-kii, way qaban kari waayeen. Markii ay doorashadii 2017-kii qaban kari waayeen doorashada Goleyaasha deegaanka, in Maanta oo Wakhtigoodii ay Laba Sano ka hadhay ilayn waa toban sano muddadooduye oo laba sano ka bacdi la furayo Ururradii (Siyaasadda) inay yidhaahdeen Doorashadii Goleyaasha deegaanka ayaanu qabanaynaa imika, waxaan u arkaa khiyaamo, Waayo? Doorashada deegaanka iyo Baarlamaanka in la kala reebo weeyaan, Goleyaasha deegaanka waxa sharcigu xaq u siinayey 2017-kii, laakiin Teeramka dhamaadkiisa xaq uma laha iyagu, waxa xaq u leh Ururro siyaasadeed (in la furo), markay sidaa tahay, haddayna iyagu doonayn in Xisbiyada loo kordhiyo (Muddada) cudurka Muddo-kordhinta ee Somaliland Ragaadiyey Xisbiyadaa ka fayoobaa ee hadday doonayana inay iyagiina ku daraan waa arrin ay ku talo-galeen, haddayna ku talo-gelin oo aanay sidaa ahayn Doorashada deegaanka dib ha u dhigaan, waa inay doorashada Baarlamaanka uun qabtaan oo Wakhtigooda ha daayaan ururrada la abuurayo, sidaas ayaan aaminsanahay. Hadday Kas u sameeyeen oo ay ogaayeena Dadka ka daaya ma qabatee, haddayna ogayn oo ay kaga dhacdayna waalla idin arkee imikaba ka daaya.” Cabdillaahi Xuseen Iimaan Dirawal waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland “Hadalka Saami-qaybsigu wuu jiray illaa 2005, Nin walba marka uu Kursiga ku soo socdo ballan buu qaadayey inuu xal u heli doono, haddana Maalinta la yidhaahdo doorashaa la galayaa ayuun baa la isqabsadaa, markaa wax nolosha Caadiga ah ee reer Somaliland ka mid noqday ayuun baa u arkaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka jawaabay sida uu u arko Kootada Haweenka “Kootada Haweenka, anigu mar walba waxaan taageersanahay inaynu raacno sharciga aynu leenahay, Dumarka in la xumeeyo ma oglin, laakiin haddii Sharcigeenu siinayo (Kuraas kooto ah) hala siiyo, haddaanu sharcigu siinayn, inay iyaguna sharciga inaga baa’biiyaan maaha.” Ugu dambayn, Siyaasiga oo la waydiiyey sida uu u arko Wefti Masaari ah oo Somaliland booqasho ku yimid, ayaa wuxuu kaga jawaabay “Waxaanu maqlay Wefti Masaari ah ayaa jooga, Xiisadda Geeska ka taagana waa lala socdaa oo arrin meel sare gaadhay, Dawladduna waxba kamay odhanin, wayna wanaagsan tahay marmar in la qarsado sirtaada, laakiin waxay u baahan tahay feejignaan badan iyo Xog-ogaalnimo badan iyo dhaqdhaqaaqyada iyo isbeddellada socda ku dhawaanshahooda iyo la socoshadooda. Maanta Itoobiya iyo Masar inooma sina, Masar halkay innaga soo gaadhaysaa?, laakiin Itoobiya cid inooga dhawi ma jirto, mid yar oo cusub oo imika qabsaday oo yar deg-degayana wakhtigaa soo qaban oo danta ku soo fadhiisin, markaa Anigu Itoobiya iyo Masar ismaan siisteen, markaa danta Somaliland, haddaynu la gorgortamayno oo aynu kuwan ku yar cadaadinayno way dhici kartaa, laakiin yaanay innala fogaan oo meel xun oo aynaan ka soo saari Karin inala gelin…”ayuu yidhi. Source
-
Waa sida keliya ee doorasho ay ku qabsoomi karto. Waxa ka qaldan saamiqaybsigu kama qaldana gobol gaar ah iyo reer gaar ah midna ee waa wax Somaliland ka qaldan. 15 sanadood ayaa in la saxo wakhti loo haystay lamana sixin. Hadda xildhibaanada fadhiyaa waxa la doortay 5 sanadood 15 sanadoodna way fadhiyaan. Intaa in ka badan inay sii fadhiyaan waa qaranjab danta Somalilandna kuma jirto. Hadii xal kale la waayo madaxwaynaha waddo kale uma furna oo aan ahayn in uu taladiisa sida ay doorasho ku qabsoomi karto u gudbiyo Maxkamadda Sare oo go’aankeedu uu noqonayo kama dambays. Maanta waxa mudnaanta koowaad leh in dalka ay doorasho ka qabsoonto. Arinta saamiqaybsiguna waa nasiib darro oo qabyo waa halkeedii. Hadii lagu xidho tirakoob dalka oo dhan ka qabsooma ayaan la hubin xataa in shanta sanadood ee soo socda la hirgelin doono. Hadaynu dib u eegno doorashadii 2005tii beelaha ku qaday ee lumiyay kuraasida ugu badan waxay ahaayeen kuwii aan doorashada ka qaybgelin sida Beesha Ciise oo heshay hal kursi oo keliya iyo Beesha Sool clan oo heshay 7 kursi oo keliya. Wakhtigaa diiwaangelintu may jirin sidaa daraadeed waxa laga yaabaa in natiijadu ay ka duwanaato tii 2005tii wax aan badnayn Source
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa wuxuu ka dhacay tuulada Orshe ee ku taalla inta u dhexeysa deegaanada Gaddoon iyo Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in dad isku qoys ah oo ku sugnaa tuuladaasi ay mar qura rasaas ku furtay kooxda maleeshiyada ah oo goobta isaga baxsatay. Inta la xaqiijiyey ugu yaaran hal qof aya ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo caruur ay ku jiraan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadaasi ay salka ku heyso dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaliya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinka maamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Galgaduud. Inta badan waxaa Galgaduud iyo Mudug ka dhaca weeraro ay geystaan koox maleeshiyaad ah oo ku sugan gobolladaasi, kuwaas oo mararka qaar dagaalama.
-
(SLT-Hargeysa)-Deeqdan caafimaad ee Dahabshiil wareejisay ayaa ah wajiga labaad ee qalab caafimaad oo shirkaddu kaga qayb qaadanaysay la tacaalida cudurka Dunida ku faafay ee COVID 19 waxaanay bishii June wareejisay gaadhi Ambalaas ah oo Burco ka hawlgalay, mashiin lagu baadho caabuqa COVID 19 iyo laba mashiin oo kuwo ogsajiinta dhaliya degdegna qofka naqaska uga saara ah kuwaas oo ay ku baxday lacag dhan laba boqol oo kun oo dollar ($200000). Mudane Fu’aad Axmed Nuux madaxa hawgalinta shirkadda Dahabshiil ayaa sheegay in ay Dahabshiil ahaan farxad u tahay wareejinta qalabka wajiga labaad kaalinta shirkaddu ka qaadatay gurmadka COVID 19 oo shirkaddu kaga qayb qaadatay lacag dhan $800,000. Image may contain: text that says “Dahabshiil Group 0o ugu deeqday $800,000 Guddida heer qaran ee Ka Hortaga Covid19 ee Somaliland. Follow us on Inam Dahabshiil” “Waxaanu wareejinayna wajiga labaad ee qalabka oo ka kooban sagaal shay oo isugu jira laba gaadhi oo ambalaas ah oo noocoodu yahay 2020 TOYOTA Hard Top iyo 7 mashiin oo Ogsajiinta dhaliya kuwaas oo shan xabbo yihiin kuwa waaweyn, hal xabbadna tahay kuwa dhexe midna yahay kuwa yaryar. Qalabkan waxaanu ugu talo galnay in wax lagaga qabto caqabadaha uu keenay COVID 19. Sida oo kale waxay shirkadda Dahabshiil wax ku darsataa jaamacadaha gobollada Somaliland iyo dhulka Soomaalidu degto oo dhan oo aanu ku darsano ama ugu deeqno wixii kolba baahidoodu tahay, waxaanan filaya in ay sii socoto maaddaama qiyamka shirkaddu yahay in ummadda Soomaaliyeed wixii ay ka faa’iido wax ku celiso,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Fu’aad oo intaasi raaciyay in shirkaddu qalabka caafimaad ee ay ballanqaaday intii u dambeysay wareejin doonto bisha soo socota. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Mahdi Cismaan Buuri ayaa kala wareegay shirkadda Dahabshiil qalabka waxaanu si weyn ugu mahadceliyay Dahabshiil Group. “Waxaa rayntayn iyo qadarin weyn noo ah in aanu Dahabshiil kala wareegno laba ambalaas iyo todoba mashiin oo kuwa ogsajiinta ah. Waxaanu ugu talo galay Boorama iyo Laascaanood oo baahiyo badani ka jiraan dhulkooduna balaadhan yahay. Waxay wax ka tari doonaan si shacabka dhulkaas loogu gaadho oo caafimaad tayo leh loo gaadhsiiyo,” ayuu yidhi Mudane Mahdi Wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa Dahabshiil ku ammaanay taakulaynta taariikhiga ah ee ay bulshada Soomaalida la soo barbar taagnayd “Waxaanu uga mahadcelinaysa sida aanu isku dareenka u nahay iyo sida ay Dahabshiil uga naxayaan shacabkooda, maaha uun maanta oo kaliya_maanta waxaynu leenahay Gawaadhi iyo isgaadhsiin waxa jirtay mar aanay intaasiba jirin oo Dahabshiil jalka la daba taagna shacabka Soomaalida gaar ahaan Somaliland, waxaan xasuusta mar kolka lacagta Dahabshiil lagu soo diro dadka foomiyaha looga yeedhi jiray ama qofka miyi ama Hawd jooga inta qof lacagta loogu dhiibo loo gayn jiray way adkayd beriga oo jalka ayay Dahabshiil la daba taagnayd dadkii qaxay ducadiina waa taa halkaas maanta ay joogto ku soo gaadhay,” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland. Source
-
(SLT-Riyadh)-Xujaajta loo xulay inay gutaan waajibaadka xajka sannadkan ayaa bilaabay in ay iskarantiilaan muddo 7 cisho ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada dalka Sacuudiga. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dhowr tallaabo oo la qaaday si loo hubiyo badbaadada xujaajta inta lagu guda jiro Xajka, iyadoo laga cabsi qabo faafitaanka cudurka coronavirus. Dad ka kala socda 160 dal oo kala duwan oo hadda ku nool Boqortooyada ayaa loo xushay inay xajiyaan sanadkaan. Tirada guud ee xujeyda ayaa si weyn hoos loogu dhigay si loo hubiyo in la raaco talaabooyinka kala fogaanshaha bulshada. Xujayda ayaa looga baahan doonaa inay qaataan karantiil labaad marka ay gutaan waajibaadka Xajka. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykanka oo xil haya oo diida inuu sii sheego inuu aqbali doono Natiijada Doorashada Madaxweynaha oo dhaceysa bisha November. Trump oo wareysi siinayey telefishinka Fox ayaa la weydiiyey inuu aqbali doono natiijada haddii uu doorashada Madaxweynaha uga guuleysto ninka la tartamaya ee xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden. Hadalada Trump ayaa kusoo beegmayo xili la saadaalinayo in Murashaxa Dimuquraadiga Joe Biden uu dhanka taageerada uga horeeyo Madaxweynaha xilka haya tani oo walaac weyn ku heysa xisbi xaakimka Jamhuuriga. Xafiiska Joe Biden oo ka jawaabaya diidmada Donald Trump ayaa sheegay in Dalka Maraykanka uu shuruuc leeyahay, isla markaana ay Shacabka dooran doonaan Madaxweynahooda, cidii isku dhajisa Aqalka Cad banaanka looga tuuri doono. Donald Trump ayey taageeradiisa hoos usii dhaceysay tan iyo horaantii sanadkan, waxayna dad badan ku dhaliilayaan qaabkii uu u wajahay kahor taga cudurka Covid19 oo xiligan faro-ba’an ku haya dalka Maraykanka. Source
-
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay halka 20 kale ay ku dhaawacmeen sar dabaq ah oo ku soo duntay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Dhacdadan oo xalay dhacday ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay guriga oo sanado badan dhisna, oo roobab iyo waqti ka daba yimid. Maamulka Gobolka Banaadir oo goobta gargaaray ayaa la sheegayaa in ay badbaadinta ka sokow baarayaan sababta iyo wixii dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xarunta madaxtooyada Galmuudg ee magaalada Dhuusamareeb waxaa xalay iyo shalay ka dhacay kulamo u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo madax maamul goboleedyada oo u jeedkoodu yahay in xal looga gaaro nooca doorasho ee dalka laga qabanayo. Warar hoose oo laga helayo shirka dhusamreeb ayaa sheegaya in kulamadan ay ahaayeen kuwii rasmiga ahaa, islamarkaana shirka ka dhacaya hoolka shirarka uu yahay oo kaliya mid khudbado laga jeedin doono, kadibna lagu soo bandhigi doono waxa kulamadan ka soo baxa, islamarkaana uusan qaadan doonin wax ka badan maalin ama laba maalin. Sababta ayaa waxa lagu sheegay inaan la qaban karin kulanka weyn iyada oo aan heshiis la gaarin maadaama uu yahay mid dadka oo dhan iyo warbaahinta u furan, islamarkaana aan dood iyo buuq lagu muujin karin. Wararka Idaacadda Shabelle ay ka heleyso ilo ku dhow-dhow shirka ayaa waxa ay tilmamaayaan in xalka kaliya ee muuqda, una badan tahay in shirka Dhuusamareeb lagu gaaro in uu yahay in lagu dhiso guddi farsamo oo ka kooban wasiiro heer federal iyo heer gobol ah, oo kasoo shaqeeya haddii meel dhexe oo la isugu iman karo, kadibna madaxda ay shir kale isugu yimaadaan toddobaadyada soo socda. Shirka ay ku ballameen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboledyada ayaa lagu sheegay inuu ku qabsoomi karo laba ama saddex toddobaad gudahood, kana dhici karo magaalada Baydhabo ama Muqdisho, inkastoo ay u badan tahay in Muqdisho la’isugu yimaado. View the full article
