-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ku dhaw laba sano ayaa ka soo wareegtay markii magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay laga soo qabtay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, waxa uuna xiligaas ahaa musharaxa ugu cad cad doorashada Koonfur Galbeed. Tan iyo markii la xiray Abuu Mansuur waxaa socday dadaallo lagu sii deynayo hase yeeshee wali laguma guuleysan waxaana soo baxaya warar sheegaya in aan la sii deen doonin ilaa ay ka hagaagto cabsi uu ka qabo Madaxweyne Lafta-gareen. Warar aan ka helnay xildhibaano iyo siyaasiin xog ogaal ah ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in Abuu Mansuur uu u xiran yahay in laga cabsi qabo in uu mucaarad ku noqdo maamulka Koonfur Galbeed, maadaama taagero badan uu leeyahay. “Abuu Mansuur, in uu sii xirnaado waxaa dalbaday siyaasiin ku xiran Villa Somalia iyo Lafta-gareen waxayna aaminsan yihiin inuu mucaarad ku noqon karo Laftagareen iyo Farmaajo iyo inuu noqon karo mucaarad saameeya nabad iyo nolal ilaa doorashada 2021-ka” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bishii koowaad ee sanadkii hore Baydhaba ka sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan usii deyn doonaan Abuu Mansuur. Sidoo kale wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Xildhibaan Cabdifitaax Geeseey ayaa isu casilay arinta Abuu Mansuur isagoo sheegay inuu ka shaqeyn doono sii deesmadiisa ilaa haddana kuma guuleysan arrintaasi.
-
NEW YORK— President Donald Trump's return to the campaign trail was designed to show strength and enthusiasm heading into the critical final months before an election that will decide whether he remains in the White House. Instead, his weekend rally in Oklahoma highlighted growing vulnerabilities and crystallized a divisive reelection message that largely ignores broad swaths of voters — independents, suburban women and people of color — who could play a crucial role in choosing Trump or Democratic challenger Joe Biden. Source: Hiiraan Online
-
The last word that Mariam Abdi Adam heard her mother utter was a muffled, unanswered “HELP”. It was relayed from the floor of the isolation ward where her pre-paid phone had fallen in the middle of a call. Source: Hiiraan Online
-
At least seven people were killed in two separate attacks by the al-Shabab militant group in Somalia in the last 24 hours. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Kenya ayaa ka hadlay waxa uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya. Faarax ayaa sheegay in madaxwayne Saciid Deni dagaalka uu kula jiro dowladda federaalka uu salka ku hayo doorashadii uu kusoo baxay, oo xukuumadda Soomaaliya ay musharax kale taageeraysay, balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay inuu noqdo nin ciil-qaba oo weli cadhaysan, iyadoo laga rabey inuu go’aan taariikhiya qaato marka uu hogaanka Puntland ku guulaystay, ee ololihii doorashadu dhamaaday. “Saciid Deni wuxuu ka kori waayey, shalay waa lagaa horyimid, balse maanta hadii aad soo gashay iyagoo ku neceb waxaa badan kalsoonida laguu qabo, ciil kama kore ha noqon, nasiib xumo soomaali waxay dhahdaa rag waxaa ugu daran ciil kama kore iyo calooshii la ciyaar, waxaana sidoo kale meesha ku jira doorka imaaraadka oo khilaafka hurinaya,” ayuu yidhi Faarax Macallin. Dhinaca kale wuxuu sheegay in Puntland iyo maamulada kale aysan xaq u lahayn in lagala tashado sharciyadda kala duwan ee kasoo baxaya baarlamaanka iyo dawladda dhexe, balse taas bedelkeeda wuxuu sheegay in maamulada laga rabo sharciga dhankooda kasoo baxaya inuu waafaqo shuruucda dalka iyo dawladda dhexe. “Xadiisku hadii uu ka hor imaanayo aayad qur’aan ah, daaqadda ayaa laga tuurayaa, madaxda soomaalida waa in la baro shuruucda iyo sida dalalka caalamku ay u shaqeeyaan,” ayuu raaciyey hadalkiisa. Siyaasiga Faarax Macallin wuxuu sidoo kale ka hadlay faragelinta lagu hayo arimaha Soomaaliya iyo doorashadii madaxwayne Farmaajo. “Madaxwayne Farmaajo waxaa loo doortay inuu Soomaaliya ka xoreeyo Itoobiya, Imaaraadka iyo wixii aan wadin dan Soomaaliyeed, oo dalka uu xor ka dhigo, Maraykanka waxa uu Soomaaliya ku leeyahay ogolaada/aqbala, dalkooda maka aqbalayaan Maraykanku?” Faarax Macallin wuxuu sheegay in la dayacay fursad ay Soomaaliya ku heli lahayd iskaashi dhinaca difaaca ah oo turkigu doonayey inuu la galo, sida uu dalka qatar ula galay. “Turkiga ayaa usoo jeediyey laba sanno ka hor dawladda Soomaaliya inay la galaan iskaashi dhinaca difaaca ah, balse madaxda dowladda Soomaaliya ayaa diiday iyagoo ka baqaya Maraykanka iyo reer galbeedka,” ayuu yidhi Faarax Macallin.
-
Wasaarada Gaadiidku Dadka Dalka Miyey Nacsiinaysa ?? Weriye Barkhad-Ladiif M. Cumar Tan iyo intii wasaarada Gaadiidka wasaarada gaar ah laga dhigay waxay dadka ku haysaa dhibaato ay meel ay ula kacaan aanay haysan, dadkii way yaaban yihiin, wax ay sameeyaan iyo cid u dhego nugul oo cabashadooda wax ka qabanaysa ma jirto. Sanad walba lacag aanay fileen ayey dadkii Dirawada ahaa in laga qaado loogu fikirayaa, bilowgii aasaaskeeda waxay bilowday in gaadiidkii numbarka laga bedelo si ay u noqoto hay’ad dakhli soo saar, gaadiidkii numberkoodii baa la yidhi waa la bedelaya, waxaana qofkii ku bedelaya numbarka cusub lacag ka badan hal milyan oo Somaliland ah waa inuu bixiyaa, buuga iyo baleedhkaba hore dawladihii hore uga qaaday lacagtii hadana mar labaad baa buug iyo baleedh cusub laga iibinaya. Mar kale waxa loo fikiray sidii gaadiidka lacag looga qaadi lahaa, waxa la yidhi liisamadii ay dawladihii hore bixin jirey waxba kama jiraan waa in liisan cusub la siiyaa, liisaanka dadku waa laba nooc mid waa buug midna waa laf, labadiiba waa la bedelayaa, waayo dakhli baa dawlada ugu jira. Sanadkan waxa la bilaabay in dadkii laga ururiyo liisaanka, marka laga qaaday jidka ma mari karto liisaan la’aan, awal ninka liisanka haysta cashuur baa ku waajibtay, balse imika waa in liisaan cusub samaysataa oo aad bixisaa lacagtii aad hore u bixisay ee liiisaanka cusub laga qaado. Qofka toban sanno loo cashuurayey liisaanka ee imika laga dhigay qof cusub oo hadda dalbanaya liisaan ee bixinaya sideetan dollar waa isku xaquuq qofkii liisaanka haystay iyo ka imika liisaan doona isku lacagna waa laga qaadaya. Dadkii way yaaban yihiin, sanad walba waa loo fikirayaa sidii dadkan lacag cusub looga qaadi lahaa, waxa ay sameeyaan way garan laayihiin, waxa kaliya ee ay ku ciil baxayaan waa inay ka hadlaan warbahinta oo dadka kale u garaabaan. Qof liisaan baabuur haysta oo dawladihii hore u sameeyaan sabab looga qaado oo loogu qasbo in liisan cusub loogu sameeyo maxay tahay, hadii liisan cusub loo samaynayo sabab lacagtii hore looga qaaday markii loo samayaneyy in mar labaad laga qaada miyeyna xaaraan ahayn miseyna dhibaato iyo cadibadan ku hayn dadka. Waxa kale oo imika soo socda in shirkado tayada baabuurta eegta lixdii biloodba mar la sameeyo, in qofkii waraqdaasi sita baabuurka loo cashuuro, oo waxa la isku xidhayaa waraaqda geerashkaasi iyo cashuurta dawladda waa qorshaha aan wali bilaabmin ee marka liisaanka la dhameeyo la damacsan yahay in la sameeyo. Si kooban hadii aan u dhigo dhibaatada dadka haysta: Baabuurka numbarka hore lahaa waa la bedelaya waxa lagugu bedelaya lacag dhan 110 dollar. Liisankii aad sidatay waa la bedelaya, waxa lagugu bedelaya 80 dollar. Warshada eegi doonta tayada baabuurka oo wali qiimihii la soo saarin oo ah culays kale oo dadkii ku soo kordhaya. Intaas waxa dheer buuga imtixanka lagu gallayo waa laga iibinaya, waraaqda caafimaadka indhaha iyo nooca dhiigaaga waxa kooto loogu xidhay shirkad ku dhex leh xafiis wasaarada oo ka qaalisan lacagta cisbitaalka guud dadka ka qaadi jirey, lama ogola xiitaa in cisbitaalka guud waraaq caafimaadka ka qaadato. Bal ka waran xukuumad kasta oo timaada haday waxba kama jiraan ka dhigto kuwii ka horeeyey liisaamadii ay bixiyeen, oo tidhaa liisaankii hore waxba kama jiraan, baleedhkii hore iyo numbarkii hore waxba kamaa jiraan, waxaas oo dhibi soo kuma dhacayaan dadkan darxumaysan ee nolosha la daalaa dhacaya. Waa la arkaa in loo fikirayo shacabka ee yaanay inkaartoodda idin ku dhicin ee xukuumadda shacabkeeda ha u naxariisato. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wax badan ka badalay qaabkii uu ula kulmi jiray xubnaha xisbiyada mucaaridka ah, kadib shirkii Jabuuti oo uu dhawaan kasoo laabtay. Madaxweynaha ayaa si gooni-gooni ah ula kulmaya guddoomiyeyaasha mucaaridka ah, isagoona uga xog waramaya arrimihii wada-hadalada ee dhawaan ka furmaya dalka Jabuuti iyo aragtidooda, maadama aysan ka qeyb galin xisbiyada mucaaridku. Madaxweyne Biixi ayaa hore si wada-jir ah kulamada ula qaadan jiray guddoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaridka, balse xalay waxa uu kulan gaar ah la qaatay mid kamid ah xisbiyada mucaaridka. Muuse Biixi ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Ciro iyo xubno kale, isagoona dhowr maalin kadibna la kulmi doona guddoomiyaha xisbiga Ucid. Sida ay ogaatay Caasimada Online, talaabada Biixi ayaa ah xeelad cusub oo uu ku rabo in labada xisbi uu si kala gooniya u kala xado, isla markaana uu midkasta ku marxabeysiiyo qorshe gooniya, walow uusan ilaa hadda si cad usoo shaac bixin. Talaabada Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxay imaneysa xili ay labada xisbi ku kala aragti duwan-yihiin arrinta wada-hadalada, maadama uu si adag uga horyimid xisbiga mucaaridka ah ee Ucid in wax wada-hadal ah lala furo dowladda federaalka. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaysan xiligan munaasib aheyn in wada-hadal lala furo dowladda federaalka, oo uu aaminsan yahay inay tahay cadowga koowaad ee Somaliland. Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland ayaa ku kala aragti duwan dib u furista wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee madhaleyska noqday, xili dhowaan loo balansan-yahay inay kulamo kale ka dhacaan dalka Jabuuti.
-
Nin Soomaali ah oo dil argagax leh ka geystay Magaalo ku taalla Jarmalka+Sawirro Nin Soomaali ah ayaa la soo sheegayaa inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cloppenburg oo ka tirsan gobolka Niedersachsen ee dalka Jarmalka. Gabadha la dilay oo magaceeda lagu sheegay Allaha u naxariistee Marxuumad Leylo Saciid ayaa aheyd gabar Soomaali ah oo sanadkii hore dhammaadkiisa dalka Masar qaxooti ahaan looga soo qaaday. Ninka wax dilay ayaa la sheegay iney bil iyo bar ka hor isguursadeen Marxuumada, waxaana gacanta ku dhigay Booliska xabsiga ayaana la dhigay, lamana oga illaa hadda sababta uu u dilay xaaskiisa inkastoo loo malaynayo inuu khilaaf soo kala dhex galay. Marxuumadda ayaa ka geeriyootay Wiil yar oo labo sano jir ah kaasoo ay u dhashay nin ay horey u kala tageen, waxaana hadda gacanta ku haya qolada caruurta iyo da’ yarta qaabilsan ee Jugendamt-ga loo yaqaano. Booliska ayaa sheegay iney baaritaan ku hayaan dilkan, ayna su’aalo weydiinayaan ninka wax dilay oo aan magaciisa la shaacin, waxaana dhacdadan si weyn uga argagaxay Soomaalida ku nool dalka Jarmalka oo si weyn u hadal haya. Qaran News
-
Sababta Somalia u furi weyday Duulimaadyada Gudaha & Debeda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sababta Somalia u furi weyday Duulimaadyada Gudaha & Debeda Dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Masar iyo kuwa kale oo Afrika ku yaalla ayaan furi doonin duulimaadyada gudaha iyo dibadda ilaa ay ka helaan lacago malaayiin doolar ah oo uga xiran arrintaasi. Xog ay heshay Warbaahintu ayaa sheegeysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay dooneyso in ay milkiso lacag malaayiin dollar ah oo loogu talagalay cudurka safmarka ah ee COVID-19, taasi oo ah deeq caalami ah. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in laga yaabo in illaa bisha August ee sanadkaan ay sii xirnaan doonto hawada Soomaaliya, haddii aysan dowladda Soomaaliya soo gaarin lacagta loogu talogalay in la siiyo si ay ula dagaasho cudurka Coronavirus, taas oo laga sugayo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo dalal kale oo taageera Soomaaliya. Dowladda Masar ayaa shaacisay in ilaa bisha August ay sii xirnaan doonaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda sababo la xariira cudurka Covid-19, halka wadamadaan kale oo ay Soomaaliya ku jirto la filayo in ay shaaciyaan dabayaaqada bishaan. Dalalkaan haddii ay furaan hawada islamarkaana ay soo celiyaan jawi xasilooni ah waxaa la aaminsan yahay in ay weyn doonaan lacago malaayiin doolar ah oo loogu yaboohay si ay ula dagaalamaan cudurka Covid-19, sababtoo ah waxay u muuqan doonaan kuwa aan dagaal kula jirin cudurka, una baahneyn taageero. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhibaateysan dunida halka qaarkoodna ay doonayaan in ay dano badan soo gutaan waxaana dhamaantood saameeyay xayiraadda adduunka saaraan ee ka dhalatay Coronavirus. Qaran News -
Janaale (Caasimada Online) – Ugu yaraan 4 jeer todobaadkii tegay magaalada Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose waxaa lagu soo qaaday weerar madaafiic ah, kaas oo laga soo rido duleedka magaalada, waxaana madaafiicdaas magaalada ku garaaca Al-Shabaab. Mas’uuliyiinta ammaanka iyo dadka degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab oo ku sugan duleedka magaalada ay madaafiic si joogto ah ugu garaacaan xaafadaha magalaada oo dhawaan dagaal ku qabsadeen ciidamada Soomaaliya. Madaafiicda Al-shabaab ayaa sababa dhimasho iyo dhaawac dadka Shacabka ah mana lahan magaalada xarumo caafimaad. Sidoo kale magaalada malahan waddooyin furan oo laga bixi karo ama laga soo geli karo. Dadka degaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Janaale aysan laheyn hal Isbitaal ama goob caafimaad oo dhaawac qaabili karta, sidoo kalane aysan magaalada hal dhinac uga bixi karin dad badan oo dhaawacyo ahna ay daadsan-yihiin xaafadaha magaalada. Warar madax-banaan oo aan helnay ayaa sheegaya in 24-kii saac ee ugu dambeysay madaafiic magaalada ku soo dhacday ay ku dhaawacmeen 11 qof, waxaana u dhintay laba kamid ah dadkaas. Dhaawacyada ayaa wali yaalla xaafadaha magaalada mana helin daryeel, sidoo kale qaar kamid ah dhaawacyada ayaa lug looga bixiyay magaalada ilaa masaafo fog waxaana la geeyay magaalada marka oo markii Janaale laga bixiyay gaadiid laga saaray duleedka magaalada. Janaale waa magaalo qurux badan oo dul-hoganayo dhiig iyo dhimasho. Dadka degaanka ayaa dowladda ka dalbaday in xarumo caafimaad loo dhiso oo deg deg ah iyo magaalada laga durjiyo Al-Shabaabka soo weeraraya lana furo waddooyinka.
-
Somali lagu tilmaamo shaqsiga 3aad ee uga awooda badan Dalka Kenya oo maanta xilka Awooda badan laga qaadayo Lahaanshaha sawirkaADEN DUALEImage captionAden Barre Ducaale oo laga soo doorto Garisa, waa hoggaamiyaha Aqlabniyadda Baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo tan iyo doorashooyinkii 2013-kii ahaa hogaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka Kenya ayaa markale wajahaya hubanti la’aan xilkiisa ah. Bilowgii bishan ayey aheyd markii uu Aaden Barre ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda looga qaado kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha hoggaanka u ah xisbigaasi ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka. Ducaale oo waqtigaas BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka. “Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh….kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen… shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka,” ayuu yiri xildhibaan. Hadda maxaa soo kordhay? Haatan waxa soo cusboonaysiiyay arrintan ayaa ah in madaxweynaha Kenya uu beri oo Isniin ah kulan isugu yeeray xubnaha baarlamaanka ku matala xisbigiisa. Walow aanan la shaacin ajandaha shirkaasi, hasayeeshee kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Jubilee, Caleb Kositany, oo la hadlay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in ajandaha uu “iskacadyahay” uuna yahay in xilka laga qaado dadka loo malaynayo inay xulafo la yihiin Madaxweyne kuxigeenka Willam Ruto. “Maalmahan xisbigu waxa uu xilka ka qaadaa dad kuwa kale oo aanan howl kar ahayn ayaana lagu badelaa, marka kulanka Isniinta kuwii hore waxba kagama duwanaanaayo. Waxay u badan tahay in hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Aaden Barre Ducaale la tusi doono albaabka,” ayuu Caleb Kositany, u sheegay wargeyska Daily Nation. Ben Momanyi oo ka mid ah ah xildhibaannada baarlamaanka Kenya oo markii hore aad ugu dhawaan jiray madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay farriin u muuqanaysay inuu ku sagootinayo Aaden Barre Ducaale. Xildhibaan Aaden Barre Ducaale waxaa kursiga hoggaanka aqlabiyadda baarlamaanka loo doortay doorashadii 2013-kii, waxaana mar kale waqtiga loo kordhiyay doorashadii 2017-kii. Ducaale oo markii uu ka badbaaday mooshin la doonayay in xilka looga qaado BBCda la hadlay ayaa sheegay: “Toddobo sanno ayaan kursigan hayay. Inshaa-Allaah kuma fadhin dooni marka uu waqtiga dhammaado waan ka degayaa, waxaana ku wareejin doonaa qof kale.” Khilaafka xisbiga Jubilee Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya xubnaha sarsare ee xisbiga ayaa soo shaacbaxay markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu horraantii 2018 isgacanqaadeen hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa muddo dheer ku celceliyay in ay tahay in siyaasiyiinta xisbigiisa oo uu ugu horreeyo kuxigeenkiisa ay diirradda saaraan sidii ay ugala shaqeyn lahaayeen sidii uu uga guul gaari lahaa mashaariicdiisa uu taariikhda dalka ku geli lahaa ayna joojiyaan ololaha waqtigiisa laga soo hormaray. Labadii sanadood ee ugu dambaysayna waxa ay warbaahinta gudaha tabinaysay in xiriirka madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa uu sii xumaanayay. Khamiistii ayey aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto uu daahfuray wax u muuqanayay xarunta laga hagi doono ololaha doorashadiisa 2022, – taas oo uu u bixiyay Jubilee Asili Centre – arrintaas oo uu ku dhaqaaqay kaddib kulan uu la yeeshay xildhibaannada isaga taageersan. Hasayeeshee Aaden Barre Ducaale ayaa meesha ka saaray in kala qeybsanaan uu soo kala dhexgalay xisbiga haya talada ee Jubilee kaas oo dhowaanahanba isbaddallo ku dhawaaqayay taas oo saamaysay dad magac ku lahaa siyaasadda. Bogga hore ee wargeyska Daily Nation ee cadadkiisii maanta Ducaale wuxuu ka mid ahaa 212 xildhibaan oo ka qeybgalay kullan uu Uhuru Kenyatta u qabtay xildhibaannada xisbigiisa ka tirsan. Qaar ka mid ah siyaasiyiintii xilalka sare hayay ee kullankaas aan tagin ayaa shaqada laga tuuray. Waxaa uu sidoo kale sheegay in doorashada soo socota marka la gaaro ay shaaca ka qaadi doonaan tallaabada xigta balse haatan ay ku howlan yihiin fullinta ballanqaadkii ay sameeyeen. Haddaba Ducaale, maka badbaadi karaa isbaddallo kale oo lagu sameeyo xisbiga, wuxuu ku jawaabay: “Labo sanno ayaa soo hartay inta uu baarlamaanka dhammaanayo, labadaas sanno waxaan ku shaqeynayaa si daacad ah oo caddaalad ah, aniga oo waddankeyga ku shaqeynayo, fiirinayana danta guud ee waddanka, ayaan filayo in aan sii shaqeeyo labada sanno ee soo hartay”. Ducaale oo sidoo kale ah xildhibaanka degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dowladda Kenya, marka laga soo tago madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa dhawaan soo shaac baxday arrin fool-xun in badan la qaraniyay, midaasi oo aheyd Kufsi wadareed Gabadh loogu geystay magaalada Hargeysa, gaar ahaa xarunta Agoomaha ee magaaladaaasi ee ay gacanta ku hayso xukuumadu. Gabadha kufsiga loogu geystay xaruntaasi agoomaha ayaa lagu soo waramayaa inay leedahay Uur, xili ay falkaasi foosha xun kasoo wareegtay 8-bilooad, sida uu sheegay Aabaha dhalay gabadhaasi oo warbaahinta la hadlay. Xariir Raage, Aabaha dhalay gabadhaasi ayaa ka waramay sida uu falkaasi u dhacay, isagoona sheegay tirada ragga faro-xumeeyay gabadhiisa, xiliga ay ku jirtay xarunta agoomaha ee hargeysa. Xariir ayaa si cad u sheegay in inantiisu ay ka qaraxisay falkaasi iyo inay uur leedahay, midkaasi oo u muuqda cadaadis uga yimid maamulka xarunta iyo ragga loo haysto falkaasi, walow uusan carabaabin. Sidoo kale waxa uu shaaciyay Aabaha dhalay gabadhaasi inay maamulka iyo xubno kale ay isku dayeen in laga soo rido ilmaha yar, kadib markii ay dibada usoo baxday arrintaasi, isagoona xusay in dhakhtarkii loo geeyay uu ka diiday. Xariir Raage, oo ah Aabaha dhalay gabadha lagu fara-xumeeyay gudaha xarunta agoomaha ee Hargeysa, ayaa baaq culus u diray xukuumada Somaliland iyo cidkasta oo kala qeyb qaadan karta sidii sharciga loo marin lahaa dadkii falkaasi u geystay gabadhiisa, wuxuuna yiri “Laba Hablood iyo Wiil ayaan geeyay Xarunta Agoomaha, maadaama oo ay Hooyadoodna Maskaxda ka xanuunsanayso, Aniguna waan Indho la’aa markaa, Il ayaa beri dhawayd Manhal Dar Ilaahay iigu jeexay, markaas ayaan Xarunta geeyay oo aan is idhi Halkaas ayay Xanaano iyo Daryeel ka helayaan”. “Arrintan (Kufsiga) waxaan maqlay Dabayaaqadii bisha Shabcaan, 8 bilood ka horna way dhacday oo imika waa Xaamilo, anigoo Jimce kasta u tagayey iimay sheegin. Waan tagay Xafiiska Maamulka, waxaan waydiiyey inay ogyihiin Uurka Inanta, Haa waanu ognahay ayay yidhaahdeen, sidaa waxa igu tidhi Caasha oo ah Islaanta Xarunta Haysata, waxay tidhi 8 Nin ayay noo sheegtay Inantu (8 Nin baa Kufsiga geystay), waa Xerada ay seexdaan Gudaheeda, intii ay Xaaladdu dhacday ayay Dibedda uga saartay Xerada (Inanta), markaa Qolada Maamulku way qariyaan (in la kufsaday Inantayda) waxayna gaadheen in Inanta laga soo rido Ilmaha (Way isku dayeen), laakiin Dhakhtarkaa ka diiday” Wuxuuna intaas kusii daray “Siddeeda Nin mid baa qirtay bay yidhaahdeen, laakiin inta kale may qiran, kii qirtay ayay yidhaahdeen inanta aanu u dhisno, laakiin kama aqbalin, Sharciguu miyuu dhigayaa ayaan ku idhi, Diinta Islaamku miyey dhigaysaa In nin Wax kufsaday haddana la yidhaa (ha guursado Inantii) ? miyeynaan islaam ahayn, waxaan la socodsiiyey Hay’adihii ay khusaysey oo dhan, laakiin waxba ii dhaqaajin waa’, sidaasi darteed waxay igu keliftay inaan Islaamka (Hortiisa) ka sheegto Gartayda, si Cawo u hesho Xuquuqdeeda”. “Doraad baan u tagay iigu yeedha ayaan idhi, waalla ii diiday, shalay baan u tagay waalla ii diiday. Waxaan dalbanayaa Dawladda iyo wixii Islaam ah ee arrintaa wax igala qaban karaya ee meel aan Carruurtaa isugu urursado iga taageeraya in wax la igala qabto, Cawo-na ay Caddaalad hesho, kuwa helayna (Faro-xumeeyay) loo mariyo sharciga ayaan codsanayaa”.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xarunta madaxtooyada kula kulmay Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Kulanka oo ahaa mid dheer oo qaatay illaa afar saac ayaa looga hadlay arrimo badan oo quseeya xaaladda dalka, waxaana la isku weydaarsaday hadallo kulul oo si kaftan ah la isugu dhiibay, sida xubno ku dhow Imaamka ay u sheegeen Caasimada Online. Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga walaacsanaa kalanka hadlay Imaamka shirweynaha beesha Mudullood ee la filayo in lagu qabto magaalada Muqdisho, kaasi oo sida la sheegay madaxweynaha uu isku dayayo in la baajiyo. Shirweynaha Beesha Mudullood oo Imaamku iclaamiyay inuu dhici lahaa 27-ka bisha Soonfur oo ku beegneyd 13-kii bishan June, ayaa u baaqday arrimo farsamo, waxaana maalmihii dhowaa xoogeystay qaban-qaabadiisa, ayada oo qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto. Madaxweynaha Farmaajo ayaa la sheegay in intii shirka uu socda uu Imaamka ku yiri “waxaan ku cabsi qabaa in Mudullood ay dagaal iyo barakacin ka sameeyaan magaallada,”, hase yeeshee Imaamka ayaa ugu jawaabay “Madaxweyne adba waan la soconaa inaad madaxtooyada kusoo gureyso ciidan kugu beel ah, oo aad ka sifeysay kuwii magaalada u dhashay.” Dhammaan siyaasiyiinta beelaha kala duwan ee ka qeylinaya muddo kororsiga Villa Somalia, kana soo horjeeda, ayaa la sheegay in beesha Mudullood ay tahay tan walaaca ugu badan ku haysa madaxweyne Farmaajo. Xubnaha ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta ay tahay in beesha Mudullood ay hoggaaminayaan siyaasiyiin miisaan culus oo horey madaxweynayaal usoo noqday kuwaas oo ay adag tahay in la laaluusho ama lacag lagu aamusiyo. Sidoo kale inta badan ciidamada dowladda waxay kasoo jeedaan beeshan. Beesha Mudullood ayaa sidoo kale ah beesha ugu dadka badan ee Muqdisho, waxaana kacdoon kasta oo ay sameeyaan uu noqon karaa mid aysan dowladda xakameyn karin, “Qaladkii ugu weynaa ee madaxweyne Farmaajo uu sameeyey wuxuu ahaa inuusan ra’iisul wasaare ka dhigin qof Abgaal ah, sababtoo ah muddo kororsiga uu hadda damacsan yahay intan waa ka fududaan lahaa, sababtoo ah hadduu taageerada beeshan haysto kama wel-weleen cid kale,” ayuu yiri sarkaal ku dhow madaxtooyada. Qaban-qaabada shirka Mudullood ayaa waxaa wada agaasimiyaal kasoo jeeda beesha oo ka tirsan dowladda, waxaana la sheegayaa in qaar ka mid ah uu u yeeray madaxtooyada dhowaan, balse ay diideen inay baajiyaan shirka.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Cabdullahi Goosaar oo ahaa wiil dhalinyaro ah, isla markaana sanadkan ka qalin jabiyey mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho ayaa caawa lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Marxuumka waxaa dishay koox tuugo ah, waxayna horay u kaxeysteen mooto nuuca loo yaqaano laba lugoodleyda (FEKON) uu watay, taas oo u jeed koodu uu ahaa inay ka dhacaan. Mid ka mid ah dhalinyarada ay ehelka ahaayeen wiilka caawa la dilay ee ku nool degmada Yaaqshiid ayaa noo sheegay in kooxda burcadda ah ee dishay marxuum Cabdulqaadir ay doonayeen inay ka dhacaan mootada iyo agabkii kale ee uu watay, balse uu isku dayey inuu ka dhega adeygo, sidaasna ay ku dileen. Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ku nool Yaaqshiid ay qaati ka taaganyihiin burcad har iyo habeen ka furaneysa gadiidka yar yar, haba ugu badnaadeene mootooyinka iyo agabyada kale, sida lacagaha iyo moobeellada. Wiilka noo waramay oo dalbaday in aan magaciisa qarino ayaa sheegay in mudooyinkii dambe ay isaga daba laabanayeen saldhigga iyo xarunta maamulka degmada Yaaqshiid, iyaga oo ka dalbanaya maamulka in xaafadaha degmada ee uu dhacaasi ka socdo ciidamo la dhex dejiyo. Horay waxa uu sheegay in ciidamo ay u dhex deganaa jireen xaafadaha haatan laga geysto dhaca ugu badan ee ka tirsan degmada Yaaqshiid, balse kol sii horeysay laga qaaday ciidamadaas, iyadoo wixii markaas ka dambeeyana dil iyo dhac joogto ah ay ka bilaawdeen, inta badan xaafadaha degmada Yaaqshiid.
-
Ciidamada Amniga ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug oo uu maalmahanba ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “ Qoor Qoor” iyo mas’uuliyiin kale. Ciidamadan oo isugu jira xoogga Dalka Qaybta 21-aad , kuwa Booliiska gaarka ah ee Haramcad oo ay wehliyaan ciidanka Booliiska Hobyo ayaa wada jir u fuliyay howlgalkan oo lagu baarayo Gaadiidka Dadwaynaha, Guriyaha laga shakiyo iyo goobo bartilmaameed u ah howlgalkan. Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in ay jiraan tuhuno amni oo muujinaya qorshayaal Al-Shabaab ku doonayaan fulinta weeraro qaraxyo ah oo ay ka fuliyaan Galmudug . Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Qaybta 21-aad ay aroornimadii saakay fashiliyeen weeraro ismiidaamin ah oo lagu qaadey xerada ku taallo deegaanka Bacaadweyne oo ka tirsan gobolka Mudug. Sidoo kalena ciidamadu Howlgal laga sameeyey Gaalkacyo waxay ku qabteen gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay iyo shaqsigii wadaha ka ahaa. Howlgalgaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo magaalada ay ka socoto qorshaha dhismaha dekadda Hobyo, oo mas’uuliyiin ka tirasan Galmudug iyo ganacsato ay maalmihii dambe ay shir ku la haayeen, kaas oo lagu yaboohayey lacagihii lagu bilaabilahaa dhismaha, oo qorshu yahay in la bilaabo dabayaaqada sanadkaan gudihiisa ee 2020-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxwaynaha dowlad Goboleeda Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa maanta tababar u soo xiray Dufcadda labaad, kuwaasi bilihi ugu danbeeyay tababaro kala duwan ku soo qaatay Xerooyinka Ciidan Ee ,54aad ,Xorgoble iyo Badhan, waxaana Goob joog ka ahaa xafladii xirataanka Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Puntland, Wasiiro kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Puntland iyo Saraakiil Amni. Ciidamadan ayaa soo bandhigay intii xafladoodu socotay gaado ka cayaar iyo aqoon la xiriirta xirfadihii kala duwana ee ay barteen Muddadii tababarka u socday, iyadoo Taliyaha guud ee Cidamada Daraawiishta Puntland Sareeyo Gaas Yaasin Cumar Dheere uu ka hadlay ciidamada iyo wax yaabihii ay barteen mudadi ay ku jireen Tababarkooda. Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka Puntland mudane Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa Bogaadiyay tababarka ciidamadaani, isagoo xusay in ay dadaal badan galiyeen tayaynta ciidamada iyo helista xuquuqdooda. Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Dani oo la hadlayay ciidamada ayaa ku booriyay inay qaataan waajibaadka ka saaran la dagaallanka aragagaxisada iyo cadowga Ummadda Soomaaliyeed isagoo dhanka kalana ugu baaqay koxaha aragagaxisada ah ee ku dhumaalaysanaya Buuralayda Galgala iyo Calmadow inay isa soo dhiibaan. Madaxwaynaha Puntland ayaa kula dardaarmay cutubyadaani Ciidan inay ilaaliyaan Xuquuqul insaanka hab dhaqan wanaagsana kula macaamilaan bulshada xilliyada Howl galladu jiraaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 31 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 782. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 24 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 15, Puntland 6 iyo Gobolka Benaadir 3 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,779. Bukaannada cusub 18 waa rag. 6-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay 2 bukaan ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Masar iyo kuwa kale oo Afrika ku yaalla ayaan furi doonin duulimaadyada gudaha iyo dibadda ilaa ay ka helaan lacago malaayiin doolar ah oo uga xiran arrintaasi. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay dooneyso in ay milkiso lacag malaayiin dollar ah oo loogu talagalay cudurka safmarka ah ee COVID-19, taasi oo ah deeq caalami ah. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in laga yaabo in illaa bisha August ee sanadkaan ay sii xirnaan doonto hawada Soomaaliya, haddii aysan dowladda Soomaaliya soo gaarin lacagta loogu talogalay in la siiyo si ay ula dagaasho cudurka Coronavirus, taas oo laga sugayo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo dalal kale oo taageera Soomaaliya. Dowladda Masar ayaa shaacisay in ilaa bisha August ay sii xirnaan doonaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda sababo la xariira cudurka Covid-19, halka wadamadaan kale oo ay Soomaaliya ku jirto la filayo in ay shaaciyaan dabayaaqada bishaan. Dalalkaan haddii ay furaan hawada islamarkaana ay soo celiyaan jawi xasilooni ah waxaa la aaminsan yahay in ay weyn doonaan lacago malaayiin doolar ah oo loogu yaboohay si ay ula dagaalamaan cudurka Covid-19, sababtoo ah waxay u muuqan doonaan kuwa aan dagaal kula jirin cudurka, una baahneyn taageero. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhibaateysan dunida halka qaarkoodna ay doonayaan in ay dano badan soo gutaan waxaana dhamaantood saameeyay xayiraadda adduunka saaraan ee ka dhalatay Coronavirus.
-
Kooxo hubeysan ayaa Fagax ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dilay wiil dhallinyaro ah, kaas la sheegay inuu ahaa Darawal Mooto Bajaj. Kooxaha ayaa doonayey in dhac u geystaan Mootada, dilka ayaa yimid kadib markii wiilka uu ka dhaga adeygay inuu dhiibo fura, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabayey Cabduqaadir Goosaar, kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana ay horay u kaxeysteen Mootadii, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qardho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Qardho oo uu tababar ugu soo xirayey ciidamo cusub ka mid noqonaya daraawiisha Puntland, waxuuna Somaliland ka dalbaday inay si nabad ah uga baxdo dhulka Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay ka go’antahay difaaca xuduudaha dhulka Puntland, kaas oo uu sheegay inuu qorayo dastuurka u yaalla maamulkiisa, isaga oo sheegay in uu soo dhaweynayo dadaallo kasta oo nabadeed, balse aysan xukuumadiisu ka tanaasuleyn ‘taako ka tirsan dhulka Puntland’ sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland si sharaf leh ay uga baxdo dhulka reer Puntland, ma dooneyno in uu daato dhiig sokeeye oo waxaa naga go’an in aan ka shaqeyno wanaagga iyo horumarka, marnaba yeeli meyno dastuurka federaalkuna waxa uu qorayaan in aan keena ku dhaqano inta isaga afti loo qaadayo, waxaana ku dhaqmeynaa dastuurkeena cidnana uga heybeysan meyno in aan ku dhaqano waxa uu na farayo,” ayuu yiri Deni. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hadalkiisa sii watay ayaa yir, “Dastuurka Puntland iyo kan federaalkaba waxaa ku cad in waajibaadka lagarabo dowladda uu yahay ilaalinta sharafta karaamada iyo amniga ummadda ay u shaqaynayso, shaqadaasina waxaa laga rabaa waa ciidamada, sidaasi daraadeedna waxaa maamulkeyga ka go’an in ahmiyadda koowaad, labaad iyo seddaxaadba la siiyo dhismaha ciidamada, si ay u noqdaan kuwo guta waajibaadka saran.” Somaliland iyo Puntland ayaa isku haya gacan ku haynta gobollada Sool, Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, waxayna ku galeen dagaalo dhiig badani ku daatay, welina ciidamadooda ayaa isku hor fadhiya deegaanada qaar. Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa dowladda federaalka mar kale ku eedeeyay inay isku koobtay dhaqaalala ay beesha caalamku ku bixiso arrimaha ammaanka Soomaaliya. “Waxaa nasiibdaro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen ammaanka iyo dhismaha ciidamada in wixii ay ka mudnaayeen Puntland aysan ka helin dowladda federaalka, madaxda federaalka kharash gacantooda ku soo dhaca cid wax tari mayo ee caalamku ha garwaaqsado taas, cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidamada dalka oo dhan ayaa looga baahanyahay, Puntland oo 21 sano jirsatay waxay garwaaqsantahay ahmiyada ay ledahay in la dhisto ciidmo awood leh” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Halkan ka Daawo