-
Content Count
211,194 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho ka billaabay dhoola-tuskiisa u horreeyay oo u eg isu diyaarinta ololaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 2026, kaddib markii uu maanta qado sharaf u sameeyay xubno u badnaa saaxibadiisa. Xubnaha uu maanta la kulmay Rooble ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, wasiirkii hore ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullaahi Carab iyo xubno kale. Kulankan qadada ayaa lagu fallanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa marxaladaha siyaasadeed ee soo socda, waxaana arrimaha laga hadlay ka mid ahaa arrimaha Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, iyadoo wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu hami sare ugu jiro xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed. Sidoo kale wasiirkii hore Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa isna damac ka leh kursiga Madaxweynaha HirShabelle. Waxaa lagu ballamay in kulamada wadatashiyada inay sii socdaan, isla markaana la sii wado qorshayaasha u diyaar garowga ololaha doorashooyinka kuwa labada dowlad goboleed iyo tan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya. The post Xog: Rooble oo dhoola-tus ka billaabay Muqdisho – Maxaa dhacay maanta? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo war ka soo saaray geerida Ugaaskii beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Faracadde ayaa Umadda Soomaaliyeed, ehlada marxuumka iyo Bahda Dhaqanka uga tacsiyeeyey geerida Ugaaska. Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Faracadde ayaa maanta ku geeriyooday dhulka barakaysan ee Maka Al-mukarama, Ugaaska ayaa muddo xanuunsanaa. “Ugaasku waxa uu ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna door ka soo qaatay dowlad-dhiska iyo nabadda dalka, isagoo xilliyo adag ka soo shaqeeyey horumarka iyo xasilloonida deegaannada Koonfurta dalka,” ayuu yiri Farmaajo. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa Alle uga baryayay Marxuumka in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed, qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka tacsiyeeyey geerida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya. Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. The post Farmaajo oo war cusub soo saaray una tacsiyeeyey umadda Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku goodisay inay qaadi doonto tallaabooyin ay ku sheegtay “kala gurasho” haddii ay Itoobiya sii wado far-galinteeda iyo ku xad-gudubka qarannimada iyo midnimada Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursad u haysato inay cilaaqaad la sameysato jabhadaha kasoo horjeeda Itoobiya haddii ay sii socoto fara-gelinta Addis Ababa. “Annagu hadda Itoobiya bur-burkeeda dooni mayno oo wax dan ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika uguma jirto. Laakiin haddii ay kusii socdaan heshiisyada ay la galayaan kooxaha gooni-goosadka ah waa waddo noo furan in aan cilaaqaad la samaysano jabhadaha gooni-goosadka Itoobiya,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Sidoo.kale waxa uu wasiirka markale meel adag iska taagay damaca Itoobiyaanka, isaggoo sheegay in Itoobiya ay rabto dhul badeed ay qaadato ee aysan dooneyn deked, taasina ay ka suurta-galeyn Soomaaliya, sida uu sheegay. “Jabuuti ayaa laga siiyay deked leh kaabayaashii waddooyinka ahna meesha ugu dhow Itoobiya, laakiin Itoobiya uma socoto halkaas, waxay rabtaa dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed ee soo socda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Fiqi. Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ayaa muddo fog soo jiray, waxaana heshiiska Abiy la galay Muuse Biixi muujinaya sida ay Itoobiyaanka uga go’an tahay inay helaan bad, taas oo haddii ay kusii madax adeygaan sababi karta dagaal gacan hadal ah oo dhex-mara labada dal. Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay bixineyso qiimo kasta oo uu ku kacayo difaaca dhulkeeda, iyada oo fagaareyaasha caalamka uga adkaatay Itoobiya, kadib markii ay tustay sida ay ugu tumatay shuruucda caalamiga, uguna xad-gudubtay qarannimada dal kale. The post Soomaaliya oo sheegtay inay taageerayso jabhadaha kasoo horjeeda Itoobiya haddii… appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu, Somalia (Caasimada Online) – The Islamic State in Somalia (IS-Somalia) is becoming an increasingly significant financial player in global terrorism, according to a new report by the International Crisis Group (ICG). While it may not have the battlefield dominance of its local counterpart, al-Shabaab, the group is gaining influence and playing a critical role in financing terror activities across the African continent. The report also suggests that the leader of IS-Somalia could soon be in the running to become the overall leader of the Islamic State network, signaling a shift in the group’s global operations. IS-Somalia, though smaller and less militarily active than al-Shabaab, has carved out a unique position within the broader Islamic State (IS) network. According to ICG’s report, IS-Somalia has developed strong ties with other Islamic State affiliates across Africa, making it a key financial hub for terrorist activities on the continent. Omar Mahmood, a senior researcher with ICG, highlighted the group’s influence, stating, “Al-Shabaab is by far a bigger threat. But at the same time, Islamic State Somalia has persisted despite significant odds against it. It has carved out a role within the wider IS network, particularly as a financial hub between affiliates and other parts of the Islamic State.” Mahmood’s assessment suggests that while IS-Somalia may not control as much territory as al-Shabaab, its strategic importance lies in its ability to facilitate terror financing. This has allowed IS-Somalia to maintain relevance within the global jihadist movement, despite having between 100 and 400 fighters, half of whom are believed to be foreign nationals. Financial influence across Africa The International Crisis Group’s report also sheds light on IS-Somalia’s financial operations. The group has been able to extend its influence beyond Somalia, financing terrorist operations in other African countries. In 2020, the Islamic State restructured its African operations, placing affiliates in the Democratic Republic of Congo and Mozambique under the leadership of IS-Somalia. This move positioned Somalia as a key player in the Islamic State’s African expansion. One of the factors contributing to IS-Somalia’s growing influence is its ability to generate revenue through illicit means. The group has established an extortion racket in the port city of Bosaso, one of Puntland’s most important commercial hubs. Businesses in the region are coerced into paying protection money, which in turn funds IS-Somalia’s fighters and activities. This financial independence has allowed the group to persist and expand despite concerted efforts to dismantle it. Somalia’s strategic vulnerability Somalia’s weak central government and porous borders have made it an ideal breeding ground for terrorist organizations. Richard Tuta, a Kenyan counterterrorism expert, pointed out that the lack of strong institutions in Somalia has allowed terrorist groups like IS to operate with relative impunity. “Somalia does not have strong institutions, so it’s easy for such groups to be compromised. It’s easy to undertake both illegal and legal fundraising for terrorism activity. And because of the country’s strategic location, it has a porous border, surrounded by an ocean, which is very hard to keep under surveillance,“ said Tuta. Somalia’s strategic location, particularly in the Puntland region, has also played a significant role in the Islamic State’s African operations. The proximity to the Arabian Peninsula and the vast coastline make it easier for IS operatives to smuggle goods, weapons, and personnel in and out of the region. This geographical advantage further strengthens IS-Somalia’s position as a vital financial and logistical hub for terror operations across the continent. Leadership challenges and future threats The future of IS-Somalia’s leadership is a subject of ongoing debate. Abdulqadir Mumin, the current leader of IS-Somalia, has emerged as a potential candidate to become the overall head of the Islamic State. Although Mumin survived a U.S. airstrike in May aimed at eliminating him, questions remain about whether he will assume leadership of the global IS network. Mahmood from ICG noted that Mumin’s rise if confirmed, would symbolize the growing influence of IS in Africa. “Now, whether he’s actually the head of the movement is something that’s disputed,“ Mahmood said. “There are a couple of other figures that are in contention. But if Mumin were chosen, it would be a significant development, marking a new phase in IS’s African operations.” The potential for Mumin to take over as the global leader of IS raises concerns about the group’s future activities in Africa. With more focus on Africa as a base of operations, IS could increase its attacks on both African governments and foreign interests in the region. Counterterrorism efforts and challenges In response to the growing threat of IS-Somalia, Puntland authorities have ramped up efforts to curb the group’s influence. Dozens of IS members have been arrested in the Bari region, with some facing execution or long-term imprisonment for their involvement in terrorist activities. Earlier this year, six foreign Islamic State operatives from Morocco were arrested by Puntland authorities and deported. Despite these efforts, experts like Mahmood argue that more needs to be done. The ICG report calls for greater cooperation between the Somali federal government and Puntland authorities to tackle the threat posed by IS-Somalia effectively. It also urges international actors to pay closer attention to the group’s activities, particularly its role in financing terrorism across Africa. While al-Shabaab continues to dominate headlines as Somalia’s most dangerous militant group, IS-Somalia is quietly becoming a formidable force. Its financial influence, cross-border connections, and potential leadership shift could mark the beginning of a new chapter for Islamic State operations in Africa. As the group continues to build its network and influence, regional and global actors must stay vigilant to prevent further destabilization in the Horn of Africa and beyond. The international community, Somali authorities, and counterterrorism experts all agree that the Islamic State in Somalia may be small. However, its potential to cause significant harm across the region should not be underestimated. The post IS-Somalia grows as financial hub; leader may rise to IS chief appeared first on Caasimada Online.
-
Stockholm (Caasimada Online) – Sweden ayaa qorsheyneysa inay kordhiso, oo ay gaarsiiso illaa $34,000 lacagta la siinayo dadka soo-galootiga ah si ay uga tagaan dalkaas gabaadka u noqday dad ka soo cararaya dagaallada iyo caburinta, sida ay sheegtay dowladda garabka midig. Dalkan Scandinavian-ka ayaa waxaa muddo tobanaan sano ah loo arkayey inuu yahay “mid ku sarreeya bani’aadannimada,” laakiin sannadihii la soo dhaafay waxa uu la xarbinayey sidii uu dadka cusub ee imanaya ugu dhex-mili lahaa bulshada. Dadka soo-galootiga ah ee si iskood ah ugu laabanaya dalalkii ay ka yimaadeen laga billaabo 2026 waxay xaq u yeelanayaan inay helaan ilaa 350,000 oo karoon Swedish ah oo u dhiganta $34,000, sida ay shir jaraa’id ku sheegtay dowladda ay taageeraan xisbiga ka soo horjeeda soo-galootiga ee Sweden Democrats. “Waxaan ku jirnaa isbedel ku yimid siyaasaddeena socdaalka,” ayuu wasiirka socdaalka Johan Forssell u sheegay warfidiyeenka, iyadoo dowladdu ay soo bandhigtay tallaabadii ugu dambeysay ee ay kaga hortagayso tahriibka. Hadda, soo galootigu waxay heli karaan ilaa 10,000 oo karoon qof kasta iyo 5,000 karoon ilmaha, oo ugu badnaan qoyskiiba loo ogol yahay 40,000 karoon. Kooxaha u dooda muhaajiriinta ayaan si deg deg looga helin falcelin ku aaddan go’aanka dowladda. “Yaboohan waxa uu soo jiray ilaa 1984-kii, balse waa mid aan laga war qabin, waa mid yar oo dad yar ay isticmaalaan,” ayuu yiri Ludvig Aspling oo ka tirsan xisbiga Sweden Democrats. Forssell ayaa sheegay in hal qof kaliya uu aqbalay yaboohan sanadkii hore. Aspling ayaa intaa ku daray in haddii dad badan ay ogaadaan yaboohan oo la kordhiyo baaxadda, ay u badan tahay in dad badan ay qaataan lacagta oo ay dalka ka tagaan. Waxa uu sheegay in dhiiri-gelintan ay u badan tahay in ay soo jiidato dhowr boqol oo kun oo muhaajiriin ah, kuwaas oo ahaa shaqo la’aan muddo dheer ama dakhligoodu aad u yar yahay una baahan cayrta dowladda si ay u noolaadaan. “Kooxdaas waa tan aan is leenahay way xiiseyn doonaan,” ayuu yiri Aspling. Yabooha noocan oo kale ah ayaa waxaa qaba dalal kale oo Yurub ah, kuwaas oo muhaajiriinta lacag ku siiya inay dalka ka tagaan. Danmark waxa ay bixisaa in ka badan $15,000 qofkiiba, halka Norway ay bixiso ku dhowaad $1,400, France $2,800 iyo Jarmalka oo ah $2,000. VOA The post Sweden oo ku dhowaaqday in $34,000 ay siineyso qofkiiba si uu dalkeeda uga baxo appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya iyo Jarmalka ayaa gaaray heshiis dhanka socdaalka ah oo lagu wado in la saxiixo galinka dambe ee maanta iyadoo madaxweyne William Ruto uu booqanayo Berlin. Waxaa loogu talagalay heshiiskaan in loo fududeeyo shaqaalaha xirfadda leh ee Kenya inay shaqo ka helaan Jarmalka, gaar ahaan qaybta caafimaadka. Heshiiskan ayaa sidoo kale fududeynaya dib u celinta dadka Kenyanka ah ee ku sugan Jarmalka iyaga oo aan heysan ogolaansho sharci ah. Ilaa shan iyo toban kun oo Kenyan ah ayaa hadda ku nool Jarmalka — siddeed boqol oo ka mid ah dadkaas ayaa la sheegayaa in aysan xaq u laheyn in ay sii joogaan halkaa. Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maalmahan safar ku joogay magaalada Baydhabo ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa inta uusan kasoo dhoofin garoonka magaalada Baydhabo, waxa uu kormeer ku tegay Terminalka garoonka oo la keenay qalab casri ah. Qalabkan cusub ee ra’iisul wasaaraha indhaha soo saaray ayaa la filayo in uu gacan ka geysto hagaajinta adeega duulista hawada ee magaalada iyo Koonfur Galbeed guud ahaan. Intii uu kormeerka ku guda jiray, ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta garoonka, kuwaas oo uga warbixiyay horumarada laga sameeyay qeybta duulimaadyada iyo adeegyada casriga ah. Qalabka cusub ee la keenay garoonka Baydhabo ayaa ah mid kaalin weyn ka qaadan doona fududeynta safarrada, kordhinta amniga, iyo horumarinta adeegyada macaamiisha. Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa Baydhaba, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulammadaas oo uu goobjoog ka ahaa Lafta-gareen ayaa qeyb ka ah socdaalka raiisul wasaaraha ee Baydhabo oo ujeedkiisu ahaa xoojinga nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarinta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. The post Sawirro: Xamza oo qaaday tallaabo ka hor inta uusan kasoo dhoofin BAYDHABA appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo bilaabi doono bisha April ee sanadka soo socda qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya Xil. Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wareysi siiyay telefishanka dowladda ayaa sheegay in xilligaas uu bilaabi doono Turkiga shidaal qodista. Sidoo kale waxa uu sheegay in soo saarista shidaalka ay tahay meesha keliya ee Soomaaliya uga bixi karto faqriga, korna loogu qaadi karo dhaqaalaha dalka. “Dowladda Turkiga si dardar leh ayey ku wadaa inay muddo kooban kusoo gaba-bagayso shaqada ka horraysa qodista,” ayuu yiri wasiirka batroolka oo xusay in illaa 13 xirmo oo ku yaalla gudaha badda laga sameynayo shidaal baarista. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro heshiis ay dowladda la gashau shirkad laga leeyahay Qatar, taas oo shidaal ka baari doonyo illaa saddex goobood oo dhinaca barriga ah oo Afgooye oo wax badan ka fogeyn caasimadda dalka ee Muqdisho. “Illaa afar shirkadood ayay dowladda heshiis kula gashay shidaal baarista badda gudaheeda ah,” ayuu yiri wasiirka, isaggoo sheegay in goobaha shidaalka laga baarayo ay ku yaallan goobaha Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle. Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in badda Soomaaliya ay ku yaallaan in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, balse aan illaa hadda lagu sameyn sahmin sababo la xiriira walaaca dhanka ammaanka iyo khilaafaadka ka jira dalka. The post Dowladda oo shaacisay xilliga rasmiga ah ee la billaabayo shidaal qodista Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in toddobaadyada soo aadan ay dowladda Masar kasoo dejin doonto magaalada Muqdisho hub kale, xilli ay dhawaan keentay hub culus. Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo amni oo si dhow ula socda arrintaan, in Masar ay soo daabuli doonto hub cusub, oo daba socda kii horey u keentay dalka, waxaana naloogu sheegay noocyada lagu wado in lasoo raro iyo tiradooda, kuwaas oo kala ah; 1- Taangiyada dagaalka, oo tiradooda lagu sheegay illaa 21 xabbo. 2- Hubka lidka diyaaradaha oo casri ah. Tiradooda 90 illaa 110 ayaa naloogu sheegay. 3- Diyaaradaha dagaalka oo isugu jira Crafts iyo Helicopters. Isku jir tiradooda ayaa gaareysa ilaa 24. 4- Iyo qalab kale oo milateri. Hubkan oo daba socda hubkii hore ee diyaaradaha dowladda Masar ay daba-yaaqadii bishii Augusta kasoo dejiyeen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu wareejin doona ciidamada Soomaaliya. Masar ayaa dhawaan dalka keentay gantaallada lidka taangiyada ee garabka laga rido ee dhalaaliya taangiyad ee loo yaqaan Shoulder Fired Anti-Tank Missiles, kuwaas oo tiradoodu gaarayso illaa 141 iyo Radar-ka soo qabta diyuurada dagaalka, kaas oo ka kooban laba sad ama labo qalab oo mid kasta si gooni ah u shaqeyn karo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil milateri. Miinooyinka loogu talo-galay in ay qarxiyaan taangiyada oo aad u horumarsan ayaa iyagna kamid hubka la keenay Muqdisho. Inkasta oo aad loo hubin tiradooda, haddana waxay ilaha nala hadlay inoo xaqiijiyeen in ay kor u dhaafayaan 1500. Hubkan oo qeyb ka yahay heshiiska difaac iyo amni ee dhawaan ay gaareen labada dal ee Masar iyo Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo aadaya xilli ciidamada Masar la filayo inay yimaadan Soomaaliya, taas ka sakowna Qaahira ay tayeyn doonto ciidamada Soomaaliya oo hub iyo qalab ay siineyso. Isku soo wada duubo, arrimahaan ayaa imanaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Soomaaliya, sidoo kalena uu Qaahir iyo Addis Ababa ka dhaxeeyo khilaafka diblumaasiyadeed ee salka ku haya webiga Niilka oo Itoobiya ka sameysatay biyo xireen weyn. The post Xog: Masar oo Soomaaliya keenaysa hub culus iyo noocyada laga soo rarayo Qaahira appeared first on Caasimada Online.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa ka jawaabtay hadal la sheegay in uu ka soo yeeray taliyaha militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula. Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in ay dowladda Itoobiya uga fadhiyaan in ay faahfaahin ka bixiso islamarkaana ay kala caddeyso hadalka taliyaha. Afhayeenka ONLF oo BBC la hadlay ayaa sheegay in arrintan ay la yaab ku noqotay islamarkaana aan al aqbali karin. Cabdulqaadir Xassan Hirmooge (Caddaani) ayaa farta ku fiiqay in ONLF ay hadalkaas u aragto daandaansi. “Wax yaab ah ayay noqotay oo nagu cusub, in lugaha geedaha lagu marmaro oo xoogag Itoobiya ay col yihiin lagu tilmaamo inay naga dambeeyeen arrimahaas daandaansi ayaan u aragnaa” Hadalka ONLF ayaa daba socday hadal la sheegay inuu dhawaan jeediyay taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula. Codka la sheegay inuu yahay kan Birhanu oo dhowaan laga sii daayay mid ka mid ah warbaahinta gudaha Itoobiya, ayaa wuxuu ku sheegay in Masar ay tahay cadawga taariikhiga ah ee Itoobiya, islamarkana ay abuurtay jabhado ka dhan dowladda Itoobiya, ayna ka mid tahay ONLF. Balse dowladda Itoobiya iyo ciidamadaba ma aysan xaqiijin. Afhayeenka ayaa dhankiisa sheegay in horey ay Itoobiya heshiis ula galeen islamarkaana ay nabadda qaateen taasina ay tahay siyasaddooda qeexan ee cad. “Annaga waad ogeyd lix sano ka hor ayaan heshiis nabad-galyo qaadannay si nabad ah ayaan dhulkeena uga halgameynay, deegaanka ugu nabadsan ayuu dalkeenu ahaa wlina yahay nabad istaraatiji ah ayaanu qaadannay in halgankeennu uu nabad ku socdo dadkeenuna ay ka faa’iideystaan markaas ONLF aragtideeda siyaasigaha ma qariso oo way cadeysay inay jidkaa nabadda hayso,” ayuu intaa ku daray. Mr Caddaani ayaa carrabka ku adkeeyay in ONLF ay imika tahya xisbi siyaasi ah oo shaci ah islamarkaana aan waligood lagu eedeyn in ay shisheeye ka dambeeyaan. “Xisbi siyaasi ah oo sharci ah ayaa nahay, xisbi siyaasi ah oo wadanka ka jiro weeye, xisbi siyaasi ah oo nabad qaatay weeye, ONLF cid madax-adeeg ku sheegto waa laga yaabaa inay jirto laakiin inay cid kale ku ladhan tahay ama ka dambeyso ama ku adeegato waligeed cadowgeeda iyo naasixeeda midna kama soo yeerin,” ayuu yiri Mr Caddaani. Afhayeenka ONLF ayaa xusay in Itoobiya ay ka sugayaan labo jawaabood midkood oo ah in ay cadeeyaan in hadlkaas ay si ula kac ah u yiraahdeen ama ay ka cudur daartaan. “War jiraaba cakaaruhu iman wixii ka soo baxa waan arki doonnaa, waxaan ka fileynaa inay caddeeyaan mowqifkooda oo ay dhahaan waan idinla qasadnay ama ay dhahaan arrintaasi khalad ayay ahayd marka iyagay u taallaa jawaabta ay ka bixinayaan” ayuu intaa raaciyay. Dhanka kale ONLF ayaa sheegtay in heshiiskii ay Itoobiya la galeen ay ka fushay boqolkiiba 20 islamarkana uusan wada hirgalin. “Boqolkiiba 10 ama 20 ayaa ka fushay sida in xabbad-joojin ay dhacday oo ah dagaalkii Itoobiya iyo ONLF u dhaxeeyay oo si nabad ah aan u dhaqdhaqaaqno laakiin dhibaatada asalka ahayd ee ah inaan dareemeyno gumeysi inaan dareemeyno gacan-bidxeyn inaanu xasuuq soo marnay inaanu mag-dhaw ku leennahay Itoobiya inaanu ictiraaf ku leennahay dambiyadii ay naga gashay arrimahaasi oo dhan xal laga gaarin” ayuu yiri Mr Caddaani. Sanadkii 2018 ayay ahyad markii ay ONLF iyo dowladda Itoobiya heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Casmara ee xarunta dalka Ertreya. Qodobka ugu weyn wuxuu ahaa xabbad joojin, taasoo ay ONLF dhankeeda ku dhawaaqday , Itoobiyana ay sidaa kaga saartay “Liiska ururrada argagixisada ah”. ONLF waxay mudo dheer ku jirtay halgan ay ku doonaysay in ay ku xoreyso deegaanada Soomaalida Itoobiya, marxalado kala duwan ayuu halgankii hubaysnaa ee ONLF soo maray. Waxey dagaalo la galeen ciidamadii dalkaasi Ethiopia ee hoos tagayay maamuladii kala duwanaa ee soo xukumayay dalkaasi. Isha: BBC The post Ururka ONLF oo si adag uga jawaatay hadal kasoo yeeray taliyaha militariga Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho, September 13, 2024 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, oo ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya. Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka ka waraabiyo jannadii Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Jabuuti ayaa mar kale sheegtay inay u yaboohday Addis Ababa heshiis deked wadaag, tallaabadaas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan dalalka Geeska Afrika ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa aad u xumaaday markii Itoobiya ay bishii Janaayo heshiis muran badan dhaliyay oo dhinaca badda ah la gashay maamulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliya ee Somaliland. Heshiiska is-afgaradka (MoU) ayaa siinaya Itoobiya oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn adduunka ee aan bad lahayn in ay hesho bad, balse Soomaaliya ayaa ku cambaareysay in ay weerar ku tahay madax-bannaanideeda. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf ayaa sheegay in dowladiisa ay ku yabooheyso in dekadda Tadjoura ay si wada jir ah u maamulaan Itoobiya, balse waxa uu beeniyay in ay qorsheynayaan in gabi ahaan u gacan gelinayaan “Waxa aan u soo jeedinay Itoobiyaanka ma ahan in aan ka iibino dekedda Tadjoura, weligeed su’aal ma gelin bixinta ama iibinta dekedda,” ayuu u sheegay suxufiyiinta Isniintii. “Waa dhaxal qaran oo aan weligeed cidna laga iibin doonin,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in taas beddelkeed “si wadajir ah ayaan u maamuleynaa (dekadda)”. Dekaddan oo ay ku kacday $60-ka milyan, islamarkaana la furay 2017, ayaa waxay marin u siinaysaa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, taasoo ka mid ah marinnada ugu waaweyn caalamka ee ganacsiga badda. Mahamoud Ali Youssouf ayaa sheegay inay muhiim u tahay Djibouti oo dhaqaalaheeda ku tiirsan ganacsiga caalamiga ah iyo maraakiibta inay haysato ganacsiga Itoobiya. Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Billene Seyoum, si degdeg ah ugama jawaabin codsi ay u dirtay AFP oo ku saabsanaa falcelin. Sida ku cad heshiiskii 1-dii Janaayo ee ay la gashay Addis Ababa, Somaliland waxay ogolaatay inay 20 kiiloomitir (12 mayl) oo xeebteeda ah muddo 50 sano ah ka kirayso Itoobiya oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi. Taas beddelkeeda, Somaliland waxay sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah, inkasta tani aysan marnaba xaqiijin Addis Ababa. Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aan fadhin iyo dagaal dhuleed, iyado laba dagaal uu dhexmaray dabayaaqadii qarnigii 20-aad. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Axaddii ka digay in dalkiisa uu “dullayn doono” dal kasta oo khatar ku ah madax-bannaanideeda, kadib markii Addis Ababa ay ku eedaysay jileyaal aan la magacaabin inay doonayaan inay “qalqal-geliyaan” Geeska Afrika. Hadalladan ayaa yimid kadib markii Qaahira — oo muddo dheer xiisad ay kala dhaxeysay Addis Ababa, taasi oo ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee webiga Niilka Buluuga – ay bishii hore qalab milateri u dirtay Soomaaliya. Masar ayaa sidoo kale ku yaboohday in Soomaaliya la geeyo ciidamo ka hoos shaqeeya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bedeli doona ciidamada nabad ilaalinta ee hadda jira ee loo yaqaan ATMIS, sanadka soo socda. Itoobiya ayaa hadda kaalin weyn ku leh ATMIS oo gacan ka siisa ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. The post Xog: Maxaa iska beddelay yaboohii Jabuuti ee Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa si wayn loo hadal hayay qorshe dowladda Turkiga ku dooneyso in ay Soomaaliya kaga hirgaliso saldhig wayn oo laga dirayo Gantaalada hawada sare. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa u socda wada-hadalo ku saabsan dhismaha saldhiga gantaallada hawada sare ee Geeska Afrika. Ilo-wareedyo si dhow ula socda arrintaan ayaa sheegay in barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ee Turkiga ay Soomaaliya ku doorteen maadaama ay ku taal cidhifka bari ee Afrika iyo badweynta Hindiya aadna ugu dhaw dhul baraha. Dowladda Turkiga ayaa dhowr sano waday qorshe ay ku dooneyso in ay ku gaarto hawada sare. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay sanadka 2021 qorshe 10 sano soconaya oo loogu tala-galay barnaamijka hawada sare ee dalkiisa. Warar soo baxayey xilligaas ayaa sheegayey in barnaamijkan uu u baahan yahay in laga dhiso goobta gantaallada laga soo rido Soomaaliya. Ilo-wareedyo Turki ah oo la socda qorshaha dowladda ayaa u sheegay bishii February 2021 in Turkiga uu qorsheynayay inuu Soomaaliya ka dhiso saldhig hawada sare ah, kaasi oo ku kacaya dhaqaale gaaraya 1 bilyan oo dollar ah, si ay u gaaraan dayax 2028. Dhismaha iyo dayactirka saldhiga ay Soomaaliya ka doonayaan ayaa la qorsheynayaa in ay ku baxdo ku dhawaad 350 milyan oo doolar. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca difaaca, waxaana hadda u socdo wada-hadallo la xiriira hirgelinta saldhig wayn oo Turkiga doonayo inuu ka sameysto gudaha Soomaaliya, si uu uga diro gantaalada hawada sare. The post Qorshaha Turkiga ee hawada sare iyo saldhig wayn oo uu ka hirgalinayo Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna ku sugan magaalada Gaalkacyo halkaasi oo uu joogay tan iyo markii uu ka soo laabtay safarkiisi dibadda. Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in labada Madaxweyne ee Deni iyo Qoor Qoor ay saacadaha soo socda ku kulmi doonaan Gaalkacyo si ay uga wada-hadlaan arrimaha khuseeya labada dhinac. Wararka ayaa intaasi ku daray in Kulanka Deni iyo Qoor Qoor lagu gorfayn doono iskaashiga labada dhinac ee arrimaha Amniga iyo qodoba kale oo khuseeya danaha Puntland iyo Galmudug. Qoorqoor oo mar kale u sharraxan madaxweynaha Galmudug ayaa la rumaysan yahay in uu taageero ka haysto dhinaca xukuumadda Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo lagu wado in ay saacadaha soo socda ku kulmaan magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Ciidamada Soomaaliya diyaar u yihiin in ay la wareegaan mas’uuliyadda Amniga dalka kadib markii ay baxaan Ciidamada ATMIS. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u qaadanayso mas’uuliyadda amniga dalka islamarkaana aysan marnaba ogolaan doonin in kooxaha argagixisada ah ay ka faa’iidaystaan bixitaanka Hawlgalka ATMIS. “Miyaad maqasheen meelihii ay ka baxeen ciidamada AMISOM Argagixisada AS ayaa dib u qabaday waa maya. Waxaan u sheegaynaa dadka Soomaaliyeed inay nagu kalsoonaadaan oo ay ogaadaan inaan annagu mas’uul ka nahay amnigooda una ogalaan doonin in AS u yimaadaan oo ay bir bireeyaan” ayuu yiri Xamse. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hadalkaasi ka jeediyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasi oo uu u tegay xallinta xiisadda ka dhalatay kadib markii Maamulka Koonfur Galbeed diiday in ay baxaan Ciidamada Itoobiya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in Ciidamada Soomaaliya ku filan yihiin Amniga dalka kadib markii Ciidamada ATMIS baxaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa maanta ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya. Ugaas Cabdullaahi Faracadde oo ahaa Ugaaska Beesha Murusade ayaa door weyn kasoo qaatay nabadeynta iyo dowlad dhiska, waxaana geerida Ugaaska war kasoo saaray madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde. Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka ka waraabiyo jannadii Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa tacsiyadeeyey geerida ku timid Ugaas Cabdullaahi Faracadde. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa iyo dhaqanka Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-cadde) oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee facaweyn, muddo dheerna kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Soomaaliyeed.” Marxuumka ayuu Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. The post Ugaaska beesha Murusade oo geeriyooday iyo Xasan Sheekh oo war kasoo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay ku kulmaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu ku sugan yahay Saciid Deni oo isagu gobolka Mudug saldhigtay tan iyo markii uu ka soo laabtay safarkiisi dibadda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada nin ayaa saacadaha soo socda magaalada Gaalkacyo ku yeelan doona kulan xasaasi ah, kaas oo si weyn loogu gorfeyn doono arrimaha khuseeya labada dhinac. Xogaha ayaa intaasi ku daray in kulanka madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland uu miiska u saaran yahay qodobo ay kamid yihiin iskaashiga labada dhinac ee arrimaha amniga iyo qodoba kale oo khuseeya danaha labada maamul ee Puntland iyo Galmudug. Madaxweyne Qoor-Qoor oo mar kale u sharraxan madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa la rumaysan yahay in uu taageero ka haysto dhinaca Deni oo asagu horey u qabsaday doorasho uu kusoo laabtay. Qoor-Qoor oo muddooyinkii dambe la xirnaa Villa Somalia ayaa hadda isku diyaarinaya sidii uu markale u soo laaban lahaa, xilli uu madaxweyne Xasan Sheekh hortaagan yahay in maamullada ay qabsadaan doorasho iskood ah, maadaama uu ku dhagan yahay doorasho qof iyo cod ah. Si kastaba, Galmudug ayaa gashay waqti doorasho aan kala cadeyn sida ay wax u dhacayaan ama hanaanka doorasho ee la aadayo, ayada oo Qoor-Qoor uu wajahayo culeys uga imaanaya musharaxiinta mucaaradka ee u taagan kursiga uu ku fadhiyo. The post Xog: DENI iyo QOOR-QOOR oo kulmaya iyo ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Kenyan aviation workers call off strike after reaching deal
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kenyan aviation workers ended their day-long strike on Wednesday after reaching a return-to-work agreement with relevant authorities. Source: Hiiraan Online -
IOM, Canada enhance community engagement, policing in Wajir
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The International Organisation for Migration (IOM), with the support of the Government of Canada, has reiterated its commitment to bolstering community engagement and policing in Wajir County. Source: Hiiraan Online -
The third meeting of the Arab League's ministerial group, tasked with monitoring the implementation of the Arab League's decision to support the Federal Republic of Somalia in its defense of its sovereignty and territorial integrity, has reaffirmed that the region of Somaliland is an integral part of Somalia, stressing that this decision is based on the principles of the charters of the Arab League and the United Nations. Source: Hiiraan Online