Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BF C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa kulan la yeeshay caawa hoggaanka sare ee MXQ gaar ahaan Madaxweyneyaashii hore Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay. Kulankan oo ka duwanaa kulamadii hore ayay Guddoonka Golaha Shacabka sheegeen inaysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka, Waxaana Madashu gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka. Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii. Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa isku raacay in laga fogaado in Dalku galo marxalad degenaasho la’aan ah maadaama uu gabaabsi yahay waqtigii Hey’adaha Dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hoggaanka MXQ u caddeeyey Guddoonka Golaha Shacabka inaan la aqbali karin muddo korosi, lama huraanna ay tahay in Doorashada lagu aado waqtigeeda. Sida la og yahay, muddo xileedkii Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku muddaysnaa Afar sano wuxuu marayaa dhammaad, waxaana la joogaa xilligii Doorashada loo diyaar garoobi lahaa, umana muuqato in hoggaanka talada Dalka hayaa uu diyaar u yahay sidii doorashadu wakhtigeedii ugu dhici lahayd, sidaa darteed Madasha Xisbiyada Qaran waxay cid kasta oo danaynaysa inay Doorashadu ku dhacdo waqtigeedii kala shaqaynaysaa qaabkii ay ku suuro geli lahayd, taas oo looga golleeyahay inaan Dalku gelin firaaq Dastuuri ah. Madasha Xisbiyada Qaran waxay u aragtaa in ay lama huraan tahay in Doorasho laysla oggol yahay, heshiis lagu yahay, laguna qabto waqtigii loogu tala galay ay tahay dariiqa kaliya ee looga baaqsan karo qalalaase siyaasadeed oo aan marxalladan la joogo Dalku xammili karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo warbaahinta ugu warramayey Garoowe ayaa si adag uga hadlay ammaanka maamulkaasi. Deni ayaa amar ku siiyey ciidamada ammaanka inay toogtaan cidkasta oo hubeysan, misana qatar ku ah ammaanka deegaanada maamulka Puntland. “Waxa aan ballanqaadeynaa ciddii diidda baaqeyna in aan wax arxan ah u galeyn, ma qarsaneyno, waxa aan Ciidamada ammaanka farayaa in ciddii cadaw ku ah Bulshadaan ku toogta goobta aad ku aragtaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Ugu dambeyn wuxuu ka codsaday shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Puntland. View the full article
  3. Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulan muhiim ah oo ka qabsoomay xaruntooda Muqdisho la yeeshay Guddoonka Galaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankan ayaa u dhexeeyey Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo haatanna hogaamiya Madasha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey oo ay wehliyaan Xildhobaano ka tirsan Golaha. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay. Kulankan oo ka duwanaa kulamadii hore ayay Guddoonka Golaha Shacabka sheegeen in aysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka, waxaana Madashu gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka. Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii. PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada oo War Kasoo Saartay Kulankii Guddoonka Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  4. Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku shirayo xarunta Villa Hargeysa ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana shir guddoominaya guddoonka golaha shacabka. Ajandaha kulanka xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta koowaad wax ka badelka sharciga burcad badeedka kaas oo muhiimad gooni ah u leh dalka, iyadoo mudanayaasha laba Akhrin kale marsiin doonan. Xildhibaannada ayaa inta kulanka uu socdo waxaa sidoo kale ay dib u eegis ku sameyn doonaan misaaniyadda dowladda ee 2020 oo xukuumaddu horay u soo gudbisay, waxaana ay aheyd middii ugu badneyd miisaaniyad. Kulanka ayaa waxaa uu kamid yahay kalafadhiga 7-aad ee golaha oo ah midkii ugu dambeeyey muddo xileedkiisa, waxaana golaha horyaallo sharciyo waa weyn oo uu kamid yahay dib u eegista iyo meel marinta Dastuurka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la horkeeno akhrinta kowaad ee Wax Ka Badelka Sharciga Burcad Badeedka kaasi oo ka mid ah kuwa ugu xasaasin dalka. Golaha oo ku kulmaya xarunta ku meel gaarka barlamaanka Jamhuuriuadda federaalka Soomaaliya ee Villa Hargeysa ayaa sidoo kale waxa ay ka doodi doonaan dib u-eegista miisaaniyadda dalka ee 2020. Golaha wasiirrada ayaa 31-kii octobar ee sanadkii tagay ee 2019 kii cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $469.5 Milyan. Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba loo qoondeeyay mushaar dhan $200 bil waliba. View the full article
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo ka hadlayey xaaladda Puntland ayaa si adag uga hadlay arrimaha ammaanka ee deegaanada maamulkaasi. Siciid ayaa amray ciidamada ammaanka inay toogtaan cidkasta oo hubeysan oo qatar ku ah ammaanka guud ee Puntland, iyada oo aan la horgeyn wax maxkamad ah. “Waxa aan ballanqaadeynaa ciddii diidda baaqeyna in aan wax arxan ah u galeyn, ma qarsaneyno, waxa aan Ciidamada ammaanka farayaa in ciddii cadaw ku ah Bulshadaan ku toogta goobta aad ku aragtaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland ay leedahay cadow leh wejiyo kala duwan, islamarkaana ay la dagaalami doonaan. “Cadawga hadda jira waxa uu yeeshay waji kala duwan, waxaana rajeynayaa in lagu dhiirado wax ka qabashadooda, Cid waliba oo fal dambiyeed gasha oo hubeysan ama goob weerarto waa in lagu fuliyaa go’aankaas” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Deni. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga wada shaqeeyo amniga iyo horumarka Puntland. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay ciidamada ammaanka ay Garoowe ku rasaaseeyeen dad dhigayey dibax-bax cabasho ah, taas oo dhalisay khasaare u badan dhaawac.
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-29072020.mp3 View the full article
  8. Madaxweyna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xalay kulansiiyay guddoomiyaha baarlamanka iyo xildhibaanada Galmudug oo qaarkood mooshin ka waday guddoomiye Maxamed Nuur Gacal . Kulankaas oo ahaa mid casho ah ayaa ka dhacay hooyga uu madaxweyne ku xigeenku ka deganyahay magaalada Dhuusamareeb, waxaana looga arinsaday howlaha baarlamaanka iyo sidii loo xalin lahaa tabashada xildhibaanada ee ku khasabtay inay mooshin ka keenaan guddoomiyahooda. Kulankaas waxaa lagu soo beegay xilli shalay la fasaxay mushaarkii xildhibaanada oo ka maqnaa seddaxdii bilood ee lasoo dhaafay. Wararku waxay sheegayaan in markii dambe lagu guuleystay xalinta tabashadii ay qabeen xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ee mooshinka ka waday guddoomiyaha. Guddoomiye Gacal ayaa Madaxweyne ku xigeenka uga mahad celiyay casuumada uu u sameeyey, isaga iyo xildhibaanada Galmudug ee maalmahaan abaabulayey mooshin ay doonayeen inay kalsoonida ugala noqdaan. PUNTLAND POST The post Mooshin laga waday Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo xal laga gaaray appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shaqaalihii xafiiska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa wajahaya cadaadis badan oo dhanka shaqada ah, waxaana isa soo taraya wararka sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay. Qaar ka mid ah shaqaalaha oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in xafiiska ay joogaan balse inta ugu badan shaqadii laga wareejiyay loona dhiibay dad cusub, halka qaarna si rasmi ah loo beddelay. Xubnaha xilka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Axmednuur Maxamed Cabdi, waxaana lagu bedellay Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo ka tirsanaa xafiiska madaxweynaha. “Shaqada waa nimaanaa balse shaqooyinkeynii waxaa qabanaya kuwa kale, anagana waan iska nimaanaa, Computer-adii iyo agabyadii kale ee xafiiska waa lala wareegay ma aqaan waxa uu wareejin doono Ra’iisal Wasaarihii hore,” ayuu yiri qof ka mid ah shaqaalaha xafiiska Ra’iisal Wasaarihii kalsoonida lagala noqday. Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka socda wax u muuqda dagaal ka dhan ah dhammaan dadkii ka agdhawaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana dhibaatada ugu daran wajahaya shaqaalaha iyo ciidanka dowladda ee ku qornaa xafiiskaas. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la bedelay qaar ka mid ah ilaaladii xafiiska ra’iisul wasaaraha, lana keenay kuwa cusub. Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa sheegaya inay ka fakarayaan inay ka tagaan xafiiska, halka qaar kalena rumeysan yihiin in cadaadiskan yahay mid kooban oo maalmo kadib dhammaan doona, sidaas darteedna ay dulqaadan doonaan.
  10. Iran has launched missiles at a mock-up of a US aircraft carrier in the strategic Strait of Hormuz. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weli aysan soo hagaagin xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda Seynab Xaabseey, oo dhawaan jirdil loo gaystay. Dhaqaatiirta aan la hadalnay ayaa sheegaya in guddoomiyaha lagu garaacay qori baadkiis, sidoo kalane lagu istaagay waxaana soo gaaray dhaawac culus. Mas’uuliyiinta aan la hadalnay ee Isbitaalka Digfeer iyo kuwa ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiye Seynab Xaabseey dhaawaca soo gaaray uu yahay Jabniin dhanka feeraha ah iyo dhiigga oo gudaha ugu hooray, waana sababta keentay in ilaa hadda Isbitaalka lagu sii haayo. “Hadda waxay ku jirtaa soo kabasho, balse waxaa soo gaaray dhaawac jabniin ah oo dhanka feeraha ah iyo dhiigga oo gudaha ugu hooray,” ayuu yiri mid ka mid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Askari ka tirsan ciidanka ilaalada xarunta gobalka Banaadir ayaa guddoomiye Seynab Xaabseey jirdil u geestay 24-kii bishan, oo ku beegneyd sanad kadib markii qaraxii ay ku dhaawacantay ee gobalka Banaadir, waxaana maalmahaan aad loo hadal hayay xaaladeeda caafimaad. Jir-dilka loo geystay guddoomiyaha ayaa yimid, kadib markii ay isku dhacen ilaaladeeda iyo ciidamada xarunta dowladda hoose ee Xamar. Seynab Xaabsey waa gabar howlkar ah oo dalkeeda wax wanaagsan u qabatay, islamarkaana taas darteed loo halis geliyey nafteeda sanad kahor. Waa in cadaaladda ma mariyaa ciidanka jirdilka u gaysta.
  12. Al-Shabaab’s recent attack targeting Somalia’s head of the military is the latest indication of the Islamist militant group’s growing confidence in its battle for control of the war-torn country in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  13. “I was on a recent conference call helping an organization put a statement together and this Sudanese brother says, ‘I don’t understand this Black Lives Matter stuff, I have never felt racism in this country.’ You know, I’m just letting people have it now … we [African-Americans] can sniff out anti-Blackness right when we step in the room, wherever we are. … I have never felt welcomed or comfortable in any African immigrant establishment in Minnesota.” These words come from a recent conversation I had with a close connection of mine. Source: Hiiraan Online
  14. Ethiopia plans to start setting a central bank benchmark interest rate and to introduce a floating exchange rate, according to National Bank of Ethiopia Governor Yinager Dessie. Source: Hiiraan Online
  15. (ERGO) – Sahra Omar Mohamed has been living crammed in to a neighbour’s house with her 14 children since their own home was submerged by sudden river floods in Afgoye, in southern Somalia’s Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  16. Warbixin:Diyaargarow ka socda Mecca & Xajka 2020 oo Maanta oo Arbaco ah Bilaabmaya Waxaa masjidka wayn ee Makkah ka soconaya diyaargarowga lagu soo dhaweynayo xujayda sanadkan Acmaasha Xajka ee sanadlaha ah ee caadiyan ay gutaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida ayaa waxa uu bilaabanayaa maanta oo Arbaca ah, hasayeeshee waxaa aad loo soo koobay tirada dadka ka qeybqaadanaya fayraska korona awadii. Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay mamnuucday dadkii caalamka ka iman lahaa ee tegi lahaa magaalada barakaysan ee Makkah al-Mukaramah, arrintaas oo ay dowladdu uga gol-leedahay sidii lagu xakamayn lahaa cudurkaasi safmarka ah. Waxaa loo ogolaaday oo kaliya muwaadiniinta dalalka kale ka soo jeeda ee deggan boqortooyada inay Xajka sanadkan gutaan. Illaa laba milyan oo qof ayaa caadiyan sanadkiisa Xajka guta, hasayeeshee sanadkan ayaa waxaa la filayaa inay gutaan dad aanan ka badnayn 10,000 oo qof. Dadka loo ogolaaday inay ka qeybqaataan Xajka sanadkan ayaa waxaa laga baarayaa fayraska iyo heerkulka jirkooda markii ay soo gaaraan magaalada Makkah, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP. Dadka goobtaas barakaysan cibaadada u tagaya ayaa waxa ay tahay inay iskarantiilaan Xajka ka hor iyo kaddibba, AFP ayaa sidaas ku warrantay. Wareysi uu bilowgii todobaadkan siiyay taleefishinka al-Carabiyah ee uu Sucuudigu maalgaliyo, ayuu wasiirka Arrimaha Xajka Maxamed Saalax Bintin uu ku sheegay in xujayda guryahooda lagu karantiilay ka hor inta aanan muddo afar maalmood ah lagu sii karantiilin hoteello ku yaal magaalada Makkah. Dadka xajka gudanaya 30% ka mid ah ayaa la sheegay inay yihiin muwaadiniin u dhashay waddanka Sucuudiga halka inta soo hartayna ay yihiin ajaanib deggan boqortooyada. Boqortooyada ayaa waxa ay diiwaangelisay in ka badan 270,000 oo xaaladood oo fayraska korona ah, halka dhimashaduna ay cagacagaynayso 3,000. Dalka ayaa waxaa bishii la soo dhaafay laga qaaday xayiraaddii guud ee saarneyd. Xayiraado adag oo lagu doonayay in lagu xakameeyo faafitaanka fayraska ayaa waxaa la dhaqangeliyay bishii Maarso, kuwaas oo ay ka mid aheyd bandow 24 saacadood ah oo lagu soo rogay inta badan degmooyinka iyo magaalooyinka. Astaanta Muslimiinta Sanadkastaa xilliga Xajka, malaayiin qof ayaa ugu horreyn waxay isugu tagaan teendhooyin ku yaal magaalada Mina, ka dibna waxay u dhaqaaqaan dhanka buurta Carafa iyo goobo kale oo barakeysan. Halkaasi waxaa ku kulmi jiray xujey ka kala yimid daafaha caalamka, taa oo Xajka ka dhigeyso astaan muhiim u ah dadyowga Muslimiinta. Inkastoo dowlado badan ay horey u mamnuuceen duulimadyadii oo dhan, haddana tallaabadaasi dowladda Sucuudiga ay dadka dibadda ka imaanaya uga mamnuucday Xajka sanadkan, ayaa dhaawac weyn ku ah astaantaasi ay wada daawanayeen Muslimiinya caalamka oo dhan. Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu soo dhaweysay go’aankaasi Sucuudiga, waxaana wasiir ku xigeenka arrimaha diinta ee Soomaaliya, Cismaan Aadan Dhuubow, uu sheegay in bilihii dhawaaaba laga arrisnayay waxa laga yeelayo arrinta Xajka ee sanadkan. “Ka dowlad ahaan iyo ka mas’uuliyad ahaanna waxaan leenahay dareenka caalamka oo si gaar ah iyaga ku ahaa…oo amuurtaan culeyskeeda leh oo aan garaneyno in uu aafeeyay kulli. Go’aankaasi ay qaateen, ka dowlad ahaan waxaan u aragnaa mid waafi ah oo aan soo dhaweynayno,” ayuu yiri Cismaan Aadan Dhuubow. Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sanadkan rajeynaysay in dad gaaraya ilaa 11,000 oo qof ay ka soo xajiyaan balse sababo la xiriira cudurkan Covid-19 ay haatan arrintaasi meesha ka abxday. Inkastoo haatan ay tahay markii ugu hooreysay oo dowladda Sucuuudigu ay albabaada ka xirato dadka dibadda ka soo xajinaya, haddana ma ahan markii ugu horreysay oo Xajka la baajiyo inta la ogyahay taariikhda Islaamka. Sheekh Maxamed Cabdu Uma loo ka mid ah culimada ugu caansan Soomaalida ayaa BBC-da u sheegay in haatan ay tahay markii ugu horreysay inta la ogyahay oo acmaasha Xajka loo baajiyo cudur awgii, balse haatan ka hor ay dhacday in kooxo ay qabsadeen Xaramka oo ay laayeen xujeydii halkaa u tagtay gudashada waajibaadka Xajka. “Waxaa dhacday xilliyo ay qolyo Qaraamidha la dhihi jiray oo kharibnaa ay Xaramka qabsadeen oo xujey badan ay ku laayeen. Asalkooda Shiica ayay ahaayeen nimankaasi, oo xujeydii ay laayeen oo Xajkii ay dadka ka hor istaageen waa ay soo martay laakiin xilli cudur loo joojiyay taariikhda ma soo marin,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Saameynta dhaqaale Marka laga soo tago saameynta diimeed ee ka dhalatay cudurka Covid-19 iyo tallabadaasi Sucuudigu uga hortagayo faafitaanka cudurkani safmarka ah, waxaa dhanka kale arrintaasi ay sababtay saameyn dhaqaale. Muslimiinta gudanaya waajibaadka Xajka ayaa sanad kastaa waxay qiyaastii 12 bilyan oo doolar ku bixin jireen dal-ku-gal, cunno iyo meel ay hoteello ay seexdaan xilliyada Xajka. Sidoo kale waxaa ka macaashi jiray shirkadaha duullimaadyada, kuwa gooya tigidhada iyo kuwa kale ee ka shaqeeya arrimaha Xajka. Dhaqaalahaasi ayaa u dhigma 20% dakhliga dalka Sucuudiga marka laga reebo dhaqaalaha uu dalkaasi ka helo saliidda. Shirkadaha xujeyda qaada ayaa waxa ay sanadkan ku khasbanaadeen in dad badan ay u celiyaan kharashkii ay la bexeen ee ay Xajka ku aadi lahaayeen, waxaan sida shirkadaha qaar ay sheegayaan sanadkan soo wajahay dhaqaale xumo aad u weyn. Dowladda Sucuudi Carabiya waxay sidoo kale sanadkan lumineysaa arrin ay aad ugu faani jirtay oo ah in sanad kastaa ay martigeliso kulanka ugu weyn caalamka oo ah Xajka, kaa oo sidoo kale ay dhaqaalena ka heli jirtay. Qaran News
  17. Barta Twitterka oo Curadka M/weyne Donald Trump Amar culus duldhigtay Donald Trump Jr Twitter ayaa muddo 12 saacadood ah ka mamnuucday inuu barta wax ku daabacao curadka madaxweyne Trump. Ciqaabtan ayaa timid ka dib markii wiilka Donald Trump uu barta ku daabacay muuqaal looga hadlayo faa’iidooyinka dawada Hydroxychloroquine. Dadka qaar oo uu ka mid yahay madaxweyne Trump ayaa soo jeediyay in dawada ay wax ka tareeyo fayraska corona inkastoo baaritaannada dhanka caafimaadka ay naqdiyeen soo jeedintaasi. Barta Twitter ayaa sheegtay in muuqaalkiisa uu ku xad-gudbayo sharciyada la xiriira wararka been abuurka ah xanuunka Covid-19. Donald Trump Jr ayaa weli loo ogol yahay inuu isticmaalo barta uuna farrimaha gaarka ah u diro macaamiishiisa balse barta waxba kuma baahin karo. Twitter ayaa BBC-da u sheegtay: “Waxaan sameeyneynaa ficil la xiriira siyaasadeheena barta.” Dhammaan baraha caanka ah ee ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa qaaday tallaabo lagula dagaalamayo wararka been abuurka ee coronavirus. Andy Surabian, oo ah afhayeen u hadlay wiilka Donald Trump ayaa BBC-da u sheegay in go’aankaasi uu yahay “mid lagu deg-degay” “Twitter waxa uu muddo kooban ka mamnuucay Donald Jr inuu barta wax ku daabaco taasi waxay muujineysaa in barta ay cadeyneyso iney dileyso xornimada hadalka ee Online-ka, sidoo kale waxay tallaabadani daliil u tahay in barta Twitter ay isku howleyso faragelinta doorashada si ay u caburiso codadka xisbiga Republican-ka,” ayuu yiri. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in uu liqay dawada looga hortago cudurka duumada ama malaariyada ee hydroxychloroquine. Trump wuxuu sheegay in dawadan uu ugu talagalay in uu isaga difaaco fayraska Covid-19, in kastoo seynisyahannada ay ka digayaan dhibaatada ka dhalan karta. Qaran News
  18. Dal Afrikaana oo Haddana weli dadka Madow loogu yeedho Addoon? Reem Khougli iyo Issam Abdulraheem Waraaqehena taxana ah ee ay qoreen weriyaasha Afrikaanka ah, waxaan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa qormada Zeinab Mohammed Salih oo ku saabsan midab takoorka ay la kulmaan dadka madow ee Sudan. Digniin: Qormadan waxaa ku jira erayo la dhibsan karo Iyadoo ay dunida ka socdaan dibadbaxyo kala duwan oo looga soo horjeedo midab-takoorka kaddib dilkii George Floyd hase yeeshee Suudan waxay u muuqataa iney ku taallo duni kale. Hashatagii baraha bulshada qabsaday ee #BlackLivesMatter, Suudaan aad loogama hadal hayn; badalkii taasna waxay ku mashquulsanaayeen arrin barahooda bulshada qabsatay oo ku saabsanyd midab takoor lagula kacay cayaarhan caan ah kubadda cagta dheela oo lagu magacaabo Issam Abdulraheem, oo ah madow. Issam ayaa waxa uu guursaday Reem Khougli, oo ah gabadh Carab ah waxaana baraha bulshada lagu baahiyay qoraalkan. “Xaqiiqatan waa xaaraam in boqorad uu guursado addoon,” nin ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaa sidaasi qoray kaddib markii uu arkay sawirka lammaanaha. Tebintii tooska ahayd ee Facebook ee toddobo baxoodi Tobanaan falcelino oo la mid ah kuwaasi ayaa qabsaday barta Faceebook ee ay bulshada ku wada xiriirto, layaab malahan sababtoo dadka reer Suudaan waxay isu arkaan iney Carab yihiin badalkii Afrikaanimada. Erayga “addoon” waxaa lagu qeexaa dadka madow. Suudaan waxaa u badan dadka midabka furan oo ku hadla luuqadda Carabiga ah, halka daka madow ee Afrikaanka ah ee deggan koonfurta iyo galbeeddka dalka ay la kulmaan mida-takoor iyo faquuq. Waxaa caan ka ah dalkaasi in wargeysayada lagu daabaco erayo takoor xambaarsan oo uu ka mid yahay erayga “addoon” Qarnigii 19-naad Suudan waxay ka mid ahayd goobihii ugu ugu darnaa ee ka jiray ganacsiga addoomada Dadka madow ee yar Dhacdo kale oo dhacday dhowaan ayaa iyadana ku saleysnayd midabtakoor oo madaxa Ururka Udooda Xuquuqda dumarka ayaa ka falcelisay sawir muujinaya nin madow ah iyo xaskiisa oo reer Yurub ah. Waxay tiri labadaan qof waxay kala yihiin sida farqiga u dhaxeeya bini’aadan iyo daanyeer. Suudaan midabtakoorka waxa uu ka yahay caan, xilliyadii gumeysiga iyo tan iyo markii ay xurnimadii kaaqatayba. Xitaa dowladda gudeheeda waxaa ka jira midabtakoor ba’an oo jagooyinka sar-sare waxaa ka buuxa Carabta waqooyiga dalka degta iyo qomiyadda Nubian-ka. Dhammaan saraakisha sarsare ee milatariga waxaa haysta qowmiyadahaasi, sidoo kale waxay awood ku leeyihiin waaxda ganacsiga. Ganacsiyadii addoonsiga ee Suudaan Midabtakoorka Suudaan waxaa uu la bilwoday aasaaskii khartuum ee 1821-kii, xiligaas oo ay magaalada ahayd suuqa kala iibsiga addoomada. Al-Zubair Pasha Rahma was a powerful slave trader Ilaa haatan ganacsadayaashii addoomada weli waa laga ixtiraamaa Suudaan oo waxa jirta waddo ku taalla bartamaha magaalada oo lagu magacdary al-Zubair Pasha Rahma oo qarnigii 19-naad caan ku ahaa ganacsiga addoomada. Ganacsiga addomaha waxaa meesha laga saaray 1924-kii balse go’aankaasi waxaa ka soo horjeestay hogaamiyashi Carabta ee xilligaasi waxaa ka mid ahaa Abdelrahman al-Mahdi iyo Ali al-Mirghani, oo ay dad badani aaminsan yihiin iney addoomo badan uga shaqeynayeen dhulkii ay ku lahaayeen agagaarka webiga Niil. The superiority complex of many Arabs lies at the heart of some of the worst conflicts in Sudan” Zeinab Mohammed Salih Sudanese journalist Laba cilmi baarayaal oo reer Suudan oo lagu kala magacaabo Sulimen Baldo iyo Ushari Mahoumd ayaa 1987-dii shaaca ka qaaday cadeymo muujinaya in qaar ka mid ah kooxaha waqooyiga Suudaan oo adoonsanaya dadka madow ee koonfurta. Waxay shegeen in kooxahaasi ay hubeynayeen milatariga Sadiq al-Mahdi. Sadiq al-Mahdi Addoonsigii qarnigii 21-aad ee Suudan Tan iyo xornimadii Suudaan, waxaa dalkaasi hareeyay dagaallo ay horseedeen aragtiyadii xubna ka tirsan Carabta Suudaan oo isku arkayay iney ka wanaagsan yihiin dadka madow. Weerarrada gumeysiga koonfurta ee la soo werinayay ayaa socday tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee 2005-tii. Haweenkii iyo caruurtii ee ay afduubteen kooxihii Carabta si ay ugu shaqeeyaan ayaanan weli xornimadoodii helin oo aan dib u arakin qoysaskoodii. Dhanka kale tan iyo markii uu bilowday dagaalkii Darfur horraantii 2000 maleeshiyadii Carabta Janjaweed ee taabacsanayd dowladda ayaa lagu soo eedeyay iney dil iyo kufsi u geysteen dadka madow. Mass atrocities have been carried out in Darfur Isbadalkii 2019-kii ayaa waxaa lagu soo dhisay dowlad ku meel gaar ah kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii Cumar Xasan Al-bashiir hase yeeshee ilaa haatan ma cadda hab wax looga qabanayo midab-takoorka ka jira dalka Suudaan. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Somalia oo gebi ahaanba joojisay 18-kii bishii Maarso duulimaadyada sababo la xiriiray ka hortaga cudurka Coronavirus ayaa waxaa ka dhashay xadgudubyo ay sameeyeen shirkaddaha duulimaadyada Bas Air iyo Silver Stones oo laga leeyahay dalka Kenya, kuwaasi oo si qarsoodi ah gudaha dalka usoo gelin jiray maandooriyaha khaadka. Barnaamijka Galka Baarista ee Idaacadda VOA ayaa kafishay in dowladda federaalka oo shirkaddahaasi kala noqotay ruqsada ay dib ugu laabatay go’aankaasi, iyadoo loogu badalay ganaax lacageed oo u dhigma xadgudubka ay geysteen. Jabinta amarada dowladda ee shirkaddahaasi ku dhaqaaqeen ayaa sidoo kale xadgudub iyo kafishaadba ku aheyd awooda hirgelinta dowladda Somalia oo aad u liidata, diyaaraddahaasi oo si isdaba joog ah u jabinayay amarada DF iyagoo afar jeer si sharci daro ah khaad usoo geliyeen Somalia. Duulimaadyada la diiwaan geliyay ee shirkaddahaasi sameeyeen ayaa mid ka mid ah wuxuu dhacay 19-kii June, markii diyaarad ay ka kacday garoonka diyaaradaha Muqdisho, saraakiisha garoonkana u sheegtay inay qaadayso kartoomo daawooyin ah oo korka ugu qoran yihiin COVID19 oo ay geyneyso magaalada Dhoobleey gobolka Jubbada Hoose, hase yeeshee markii ay ka degtay kadibna kasoo qaatay kartoomo khaad ah oo ay keentay magaalada Baraawe, hase yeeshee xiligaasi waxay u kireysneyd diyaaraddaasi shirkadda Maandeeq oo ah mid laga leeyahay Somalia, waxaana khaadkaasi loo kala gudbiyay magaalooyinka Muqdisho iyo qaar kale. Diyaaraddahaasi ayaa mudo maalmo ah lagu xanibay garoonka diyaaraddaha Muqdisho balse markii danbe lasii daayay markii DF ay wax ka badashay amarkii ruqsad kala laabashada, una badashay ganaax lacageed oo dhan $3.000 midkiiba. Dhibaatooyinka ka dhashay xadgudubyada ay sameeyeen shirkaddaha diyaaraddaha ayaa waxaa ka mid ah in bishii May ciidan galbinayay shixnad khaad oo si dhuumaaleysi ah lagu geeyay Jowhar in lagu qarxiyay degaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Askartii galbineysay khaadkaasi ee ku dhimatay ayaa tiradooda aheyd sagaal, waxaana labo maalin kadib deegaanka Gololeey ka dhacay dil wadareedkii lagu laayay sideed dhalinyaro caafimaadka ka shaqeyneysay, kuwaasi oo dilkooda uu la xiriiray askartii Khaadka galbineysay ee la qarxiyay. Wasiirka duulasta hawada Maxamed Cumar Oomaar ayaa sheegay in digniinta kama dambeysta ah ee hadda la siiyey shirkaddahaasi ayaa saameyn doonta dhamaan diyaaradahooda ka howlgala Somalia, iyagoo aan dib danbe u heli doonin ruqsada hadii xadgudub ay mar kale ku kacaan. Inkastoo dowladda federaalka ay bishii June 2018-kii dib ula wareegtay maamulka hawada, taasoo u sahleysa in ay la socoto dhaqdhaqaaqa diyaaradaha soo galaya hawada Somalia iyo kuwa kasii baxaya, haddana ma lahan awood ay ku fuliso amaradeeda.
  20. Washington DC (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee (Pentagon) ayaa markii saddexaad qirtay in ololeheeda duqeynta ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada Al-Shabaab, ee socday in ka badan toban sano, uu sababay qasaaraha dad rayid ah, sida lagu caddeeyay warbixin militari talaadadii soo baxday. Taliska Mareykanka ee Afrika, ayaa xaqiijisay warbixinnada ay hay’adda Amnesty International ka soo saartay duqeymaha cirka Mareykanka ee ka dhacday 2-Febraayo magaalada Jilib in lagu dilay Nurto Kusow Cumar Abuukar, 18 jir, waxaana ku dhaawacmay labadeeda gabdhood oo yar yar iyo ayeeyadood. Duqeyntaasi oo aheyd mid lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida. “Hadafkeenu waa inaan mar walba yareynno saameynta dadka rayidka ah, nasiib darase waxaan aaminsanahay in howlaheena ay sababeen dhimashada hal qof iyo dhaawaca seddex kale oo aan damacsaneyn inaan bartilmaameedsano” ayuu yiri Gen. Stephen J. Townsend, Taliyaha Taliska ciidamada Afrika ee Mareykanka Sanadkii la soo dhaafay, Taliska Afrika wuxuu ballan qaaday inuu dib u eegi doono dhammaan hawlgallada milatari ee ka socda Somalia illaa iyo 2017. Dib-u-eegista kadib, waxay qirteen dhimashada afar qof oo rayid ah oo lagu bartilmaameedsaday laba weerar oo kala dhacay 2018 iyo 2019. Warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in hadda waajib tahay isla xisaabtan iyo in magdhaw laga bixiyo dhibanayaasha iyo qoysaskooda sidaasi waxaa Nytimes u sheegay Brian Castner. Amnesty International ayaa waxay diiwaan gelisay in ka badan 20 qof oo rayid ah kuwaasi oo lagu dilay tiro yar oo weeraradaasi ah. Milateriga Mareykanka ayaa in ka badan 180 weerar oo cirka ah ka fuliyay gudaha Somalia ilaa sanadkii 2017, 42 ka mid ahna ay dhaceen sanadkaan 2020 .
  21. Abidjan (Caasimada Online) – Bankiga Horumarinta Africa (AFDB) ayaa Tallaadadii ansixiyay deeq lacageed oo dhan $25.1milyan si loogu xoojiyo miisaaniyadda qaranka, dadaalada lagu yareynayo saameynta masiibada Covid-19 iyo in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed. Dhaqaalahaan oo loogu talagalay in loo adeegsado sedax wado oo kala ah masiibada Covid-19 ee nidaamka caafimaadka, dhawrista maciishadda iyo ilaalinta bulshada iyo in lagu taageero wax soo saarka xoogsatada shaqaalaha. Qeybga koowaad oo ah maalgalinta, $10.04m oo ka timid Pillar 1 oo ah xarunta taageerada kala-guurka ee Bangiga laguna taageerayo bulshada Soomaaliyeed iyo $ 15.06m oo ah deeqda hawlgallada caafimaad ee COVID19 iyo miisaaniyada lagu kabayo dowladda federaalka. Waxaa ka mid ah taageerada Bankiga Horumarinta Africa in dhaqaalahaasi lagu taageero xoogsatada loona abuuro xarun maalgelin si loo taageero ganacsatada yaryar ee cudurka COVID 19 awgii ganacsigooda u xermay iyo in dhaqaalahaasi lagu bixiyo in la hormariyo qalabka caafimaadka sida qalabka lagu neefsado. Lama oga nidaamka qaabka dowladda federaalka Somalia ay u maareyn doonto taageeradaan dhaqaale ee shacabka loogu talagalay in lagu taageero iyo in kale, iyadoo horay sidaan oo kale dowladdo iyo hay’addo caalami ah taageero sidaan la mid ah soo gaarsiiyeen dowladda, mana muuqato qaabkii loo maamulay.
  22. WASHINGTON — The Pentagon has admitted for the third time that its bombing campaign against terrorist groups in Somalia, which has been underway for more than a decade, had caused civilian casualties there, a military report said on Tuesday. The announcement, by United States Africa Command, substantiated reports by Amnesty International that a U.S. airstrike on Feb. 2 in the Somali town of Jilib killed Nurto Kusow Omar Abukar, 18, and injured her two younger sisters and grandmother. The strike was targeting members of the Shabab, an extremist group linked to Al Qaeda. “Our goal is to always minimize impact to civilians,” Gen. Stephen J. Townsend, the commander of Africa Command, said in the report. “Unfortunately, we believe our operations caused the inadvertent death of one person and injury to three others who we did not intend to target.” As is common with almost every U.S. airstrike in Somalia, a military statement released after the Jilib bombing said an “initial assessment concluded the airstrike killed one (1) terrorist. We currently assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike.” Africa Command’s admission of the death comes in the wake of its slow move toward better accountability after years of criticism from human rights groups and lawmakers who frequently accused the command of covering up civilian deaths and, at the least, not investigating claims from local residents. Last year, Africa Command pledged to review all military operations in Somalia since 2017. After the review, it admitted to the deaths of four other civilians in two different airstrikes in 2018 and 2019. “Now that there has been an acknowledgment of their actions, there must be accountability and reparations for the victims and their families,” Brian Castner, the senior crisis adviser for arms and military operations at Amnesty International, said in a statement. The U.S. military has carried out more than 180 airstrikes in Somalia since 2017, 42 of them in 2020. Amnesty International has assessed that more than 20 civilians have been killed in a small number of those strikes. The increase in air attacks and ground raids has been attributed to more lax rules of engagement under the Trump administration, giving commanders more leeway to find and attack Shabab and Islamic State targets. The military campaign there, like most American conflicts since the Sept. 11 attacks, has been locked in a stalemate as Shabab fighters continue to hold and influence territory in the hinterlands while U.S. and allied forces try to train and empower local troops to fight for themselves.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii madaxweyne Farmaajo uu ra’iisul wasaare ugu magacaabi lahaa qof kasoo jeeda beeshiisa. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Qoor Qoor uu caawa xarunta Nabad-Sugidda kula kulmay taliyaha NISA Fahad Yaasiin, isaga oo kala hadlay arrintan. Qoor Qoor ayaa waxaa kulanka ku wehliyey Kamaal Guutaale, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo xubno kale oo ay isku beel yihiin. Kulankan ayaa daba socda kulamo kale oo Qoor Qoor uu la yeelanayey xubnaha ugu miisaanka badan dowladda, si uu u xaqiijiyo in beshiisa loo magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha ee laga qaaday Xasan Cali Kheyre. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale saaka la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kana codsaday xilkan, waxaana la filayaa in sidoo kale uu kulamo kale la yeesho saacadaha iyo maalmaha soo socda. Dadaallada xoogga leh ee uu wado Axmed Qoor Qoor ayaa soo billowday intii uu socday shirkii Dhuusamareeb, waxaana jira warar sheegaya in laga yaabo inuu wax ka ogaa xil ka qaadistii ra’iisul wasaare Kheyre. Qaar ka mid ah xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay inay qalad u arkaan in Qoor Qoor, oo ah madaxweynaha maamul ay ku mideysan yihiin beelo badan, uu si gaar ah wax ugu raadiyo beesha uu isaga kasoo jeedo kaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuusan weli go’aan ka gaarin beesha uu kursigan siinayo.
  24. Whittier International School in Minneapolis looks the way Cecilia Laden thought America would look when she arrived from Ecuador. The student body is a diverse and integrated mix of children, about evenly divided among African American, Somali, Latino, and white students. For eight years, Laden has taught Spanish to second through fifth graders, helping them fall in love with her native language. Teaching at Whittier was her first job after college, and she never wanted to go anywhere else. Source: Hiiraan Online
  25. Hormuud telecoms, one of the largest telecommunication companies in Somalia, has revealed its aim to reach 100 per cent of the population with its mobile money financial solution. Source: Hiiraan Online