Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa gacanta lagu dhigay askari ka tirsan Ciidamada Booliska oo 8 sano ka hor dil ka geystay Magaalada Muqdisho sida uu sheegay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Askariga la qabtay ayuu taliska Booliska sheegay inuu 8 sano ka hor laba ruux oo haween ah ku dilay Xaafad ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Taliska Booliska ayaa sheegay in dilka uu geystay askarigaan uu yimid kadib markii Askariga uu haweenka weydiistay lacag yar balse ay diideen taasoo keentay inuu dilkaas u geysto taariikhda markay aheyd 3 May Sanadkii 2012. Taliska ayaa sheegay in askarigaan uu ku jiro gacanta laamaha Amniga isla markaasna dhawaan uu wajihi doono cadaaladda si looga abaal mariyo dilkii ula kaca ahaa ee uu u geystay haweenkaas shacabka ahaa. Qabashada askarigaan ayaa imaaneyso xilli aysan cadaaladda marin askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo maalmihii ugu dambeeyey dilal u geystay dad Shacab ah oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho. Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray Taliska Booliska Dowladda Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa gacanta ku Soo dhigay askari ka tirsanaa Ciidanka Boliiska oo 8 sanno ka hor Degmada Kaaraan dil ugu geysatay 2 Marxuumiin oo dumar #Uur leh ahaa. 3/May/2012, ayuu Abshir Cabdulaahi Baseey (Abshir Dheere) wuxuu dilay Marxuumiinta kala ah;- Nimco Xasan Cali iyo Dahabo Calasow Axmed, sababta dilka ayaa ahaa cadad lacag aad u yar oo uu ka doonayay. Qof kasta oo faldanbiyeed gala Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gacan ayuu ku Soo dhigidoonaa Cadaaladana wuu dhadhamindoonaa, isaga oo kasoo hor muuqandoonaa Maxkamada Awooda u leh.
  2. Allaah ha u naxariistee waxaa 24.06.2020 ku geeriyooday magaalada Gaalkacayo Generaal Cabdirisaaq Sheekh Cusmaan oo ku magac-dheraa Cali Baadiye. Marxuum Cali Baadiye oo ka mid [...] The post TACSI : – Jaaliyada Puntland ee Danmark oo ka tacsiyeysay geeridii General Cabdirisaq Sheekh Cusmaan ( Cali Baadiye ) appeared first on . Source
  3. Guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yareey , oo maanta hortagtay goblaha shacab ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo laga sugayey in ay cadeyso in dalka ay doorasho qof iyo cod ay qabsoomi karto iyo in kale. Guddoomiye Xaliimo ayaa cadeysay in waqtigaan aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod, si loo gaarana loo baahan yahay waqti dheer lagu daro xiliga doorashada, waxaana ay sheegtay in lagu qaban karo haddii ay hesho 13 bilood oo dheeraad ah oo ka bilaabanayso Janury 2020 kuna eg August 20221-ka, guddoomiye Xaliimo Ismaaciil ayaa dhanka kale sheegtay haddii aan la qabaneynin doorasho qof iyo cod ah ay u baahantay in guddiga la gaarsiiyo ilaa bisha March 2021-ka. Halkaan Ka Akhriso Sababta. Guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa sheegtay in xiligaan la joogo waqtigii la iska kaadhan lahaa sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah, sida horay u ballaan qaaday guddiga doorashooyinka qaran, laakiin waxaan weli muuqan ififaalaha nuucaas ah waqtigaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Kheyre waxay laba todobaad ka hor ay Cod dheer ku sheegeen in Doorashadu ay wakhtigeeda ku dhici doonto Laakiin Gudoomiyaha [...] The post Breaking News-Dowlada Federaalka oo ku fashilantay Doorasho haarsiinta Dalka, Puntland oo ku dhawaaqo doonta Shir wada tashi oo deg deg ah appeared first on . Source
  5. MOGADISHU (HOL) - A popular vote in Somalia is not feasible this year, the country’s electoral body has said noting such an option is only possible within nine to 13 months. Source: Hiiraan Online
  6. Da’yarta kooxda Midaynta ayaa bilaaway tababarkoodii kowaad waxaana dhallinyaradan gacanta ku haya ciyaartooydii hore Soomaaliya,iyagoo sheegay in ay ugu tala galeyn in ay ugu faa’ideeyaan waqtikooga si mustaqbalka ay u anfacaan Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Diyaar Garowka Kooxda Da’yarta https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-midaynta.mp4 Source: goobjoog.com
  7. Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka heer Federaal Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka heer Federaal Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in doorasho qof iyo cod ah aysan qabsoomi karin dhamaadka sanadkan. Xaliimo Yarey oo maanta oo hadal ka jeedisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xustay in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ay soo wajaheen caqabado ay ka mid yihiin ismaandhaafka siyaasadeed, nabadgalyo la’aanta iyo dhibaato caafimaad daro oo ka dhalatay cudurka safmarka ah ee COVID-19, kuwaas oo ay tilmaantay in ay xagal daaciyeen jadwalka shaqo ee Guddiga iyo geeddi socodka howlaha doorashada, sidaas darteed aysan doorasho ku qabsoomi karin xiligii loogu talagay. “Waxaan ka hor caddaynaynaa Baarlamaanka iyo ummada Soomaaliyeed in doorashada ku dhacaysa habka biometric ka ah aysan suurto gal ahayn inay ku qabsoonto waqtigii loogu talagalay ee ahaa Nov 27, 2020 sababaha aan soo sheegnay dartood” ayay tiri Xaliimo Yarey. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in doorasho qof iyo cod ah ay ku qabsoomi karto muddo 13 bilood ah oo ka bilaabmaysa July 2020 kuna eg Aug 2021, taas oo la macno ah in muddo kordhin la sameeyo dowladda. “Annaga oo xaqiijinayna nooca doorasho ee sharcigu qeexay, isla markaana tixraacayna howlaha muddaysan ee sharciga ku xusan, waxaan cadaynaynaa in ay doorashada ku dhacaysa nooca biometricka ah ku qabsoomi karto muddo 13 bilood ah oo ka bilaabmaysa July 2020 kuna eg Aug 2021” ayay mar kale tiri Xaliimo Yarey. Hadalka Xaliimo Yarey ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan lagu wado in madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay yeeshaan shir go’aan looga gaari doono doorashooyinka dalka 2020-2021. PUNTLAND POST The post Xaliimo Yarey oo qirtay in doorasho qof iyo cod ah aysan dhici karin sanadkan appeared first on Puntland Post.
  8. MOGADISHU (HOL) - Banaadir Region which encompasses the capital Mogadishu will be allotted 13 seats at the Upper House should a proposal adopted by the Lower House of Parliament today get the nod from the Upper House. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Matalaadda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan aan horey loogu dhiirran, in uu ku yimid dadaal wadajir ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimuqraadiyadda loo dhan yahay ee dalka sida uu hadalka u dhigay “Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeen dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan rajada bulshada Caasimadda. Waa guul weyn in Muqdisho ay hesho qoondo ku saabsan matalaad Aqalka Sare, waayo waa caasimaddii Qaranka, waa astaanta dowladnimadeena, waana muraayaddii dadka iyo dalka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday Xildhibaanada iyo Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka inay ka shaqeeyaan sidii maqaamka Caasimadda u noqon lahaa mid cad inta lagu gudo jiro muddo xileedka Golayaasha Sharci-dejinta. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare oo maanta ay ansixiyeen Golaha Shacabku ay noqoto mid adkeysa dowladnimadeenna taabo galka ah iyo dib u dhiska dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Baarlamanka uga mahadceliyay ansixinta Matalaadda Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Hargeysa)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la wareegay xarunta TV-ga Universal Hargeysa ku leeyahay. Inkasta oo aan weli Xukuumaddu shaacin sababta ay u xidhay Universal haddana warar qaar ayaa sheega in xadhigu la xidhiidho arrimo ku saabsan Baahinta munaasabaddii 26 June ee Muqdisho iyo Hargeysa, halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa soo jeedisay labo qaab oo ay sheegtay in ay doonayaan in ay u dhacdo doorashada Soomaaliya, labaddaasi qaab ayaa keenaya dhammaan dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya. Midka Koowaad Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha Julaayo 2020 kuna eg Agoosto 2021. “Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, Sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka”ayay tiri Xaliimo Yareey. Midka labaad Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay u baahan tahay nooca labaad in la eego haddii taasi ay dhici weyso,taasoo ku aadan in doorashadda Waqtiga lagu darayo ay noqonto laga bilaabo 20-ka July 2020-ka ilaa 21-ka March-keeda. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
  12. Kulankii xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maana baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen Senatorada ka soo horjeeda guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeenkiisa koowaad. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxtooyadda Soomaaliya ay khilaaf ka dhex wado Aqalka Sare, islamarkaana kulanka maanta baaqday ay ka dambeysay, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Soomaaliya inuu sii hurinayo Khilaafka ka dhex taagan Golahaasi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay uu sii xoogeysanayey khilaafka u dhexeeya Senatorada Aqalka Sare, kaas oo soo shaac-baxay, kadib furitaankii kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal oo ah kii ugu dambeeyey e baarlamaanka Soomaaliya View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsiigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan taariikhiga ah oo aan horey loogu dhiirran, in uu ku yimid dadaal wadajr ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimuqraadiyadda loo dhan yahay ee dalka. “Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeen dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan rajada bulshada Caasimadda. Waa guul weyn in Muqdisho ay hesho qoondo ku saabsan matalaad Aqalka Sare, waayo waa caasimaddii Qaranka, waa astaanta dowladnimadeena, waana muraayaddii dadka iyo dalka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday Xildhibaanada sharafta leh iyo Guddiyada dib-u-eegista dastuurka inay ka shaqeeyaan sidii maqaamka Caasimadda u noqon lahaa mid cad inta lagu gudo jiro muddo xileedka Golayaasha Sharci-dejinta. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare oo maanta ay ansixiyeen Golaha Shacabku ay noqoto mid adkeysa dowladnimadeenna taabo galka ah iyo dib u dhiska dalkeenna.
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbaahinta ugu warramayey magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabab iyo Daacish oo ku sugan Galmudug iyo Puntland. . Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in maamullada Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan arrimaha amniga, isaga oo xusay in wax fursad ah aysan sii doonin kooxahaasi sida uu hadalka u dhigay madaxweyne dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale wuxuu wacad ku maray in ciidamada labada dhinac ay howlgallo wadajir ah ka bilaabi doonaan gobolka mudug, Bari iyo Galgaduud oo labada maamul ay kawada arimiyaan. Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa siiwatay ayaa intaasi ku daray in kooxahaan ay sii huriyaan dagaal beeleedyada ku soo noqnoqday deeganada Galmudug iyo Puntland ay ka arimiyaan. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ay kulan xasaasi ah ku yeesheen waqooyiga Gaalkacyo, iyaga oo isku afgartay xoojinta amniga labada maamul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsiigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan taariikhiga ah oo aan horey loogu dhiirran, in uu ku yimid dadaal wadajr ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimuqraadiyadda loo dhan yahay ee dalka. “Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeen dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan rajada bulshada Caasimadda. Waa guul weyn in Muqdisho ay hesho qoondo ku saabsan matalaad Aqalka Sare, waayo waa caasimaddii Qaranka, waa astaanta dowladnimadeena, waana muraayaddii dadka iyo dalka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday Xildhibaanada sharafta leh iyo Guddiyada dib-u-eegista dastuurka inay ka shaqeeyaan sidii maqaamka Caasimadda u noqon lahaa mid cad inta lagu gudo jiro muddo xileedka Golayaasha Sharci-dejinta. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare oo maanta ay ansixiyeen Golaha Shacabku ay noqoto mid adkeysa dowladnimadeenna taabo galka ah iyo dib u dhiska dalkeenna. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay khudbadii ay Maanta Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Yarey ka hor jeedisay Baarlamaanka Soomaaliya. Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay horey u ogaayeen hadalka ay sheegi doonto Xaliimo Yarey ee ah muddo kororsi sida uu hadalka u dhigay. ” Hadda ka hor ayaa hoggaamiye reer Falastiin ah waxaa la waydiiyey khudbadii George Bush ee uu Falastiin iyo Israa’iil uga hadlay ma dhagaystay. Wuxuu ku jawaabay maya, sababtoo ah, iyadoo afka Yuhuuda ku baxaysa ayaan Netanyahu toddobaad ka hor ka dhagaystay, Inaguna waxaan leenahay in khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn.” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay guddiga doorashooyinka inay is casilaan intii ay dalka gelin lahaayeen qalalaasho maadaama uu ku eedeeyey inay ku fashilmeen inay qabtaan doorasho ku dhacdo waqtigeeda. ” Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen waa in ay is casilaan”. Hadalka Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadayo xilli Maanta ay Xaliimo Yarey ku dhawaaqday inay dalka doorasho uga qaban karaan 9-13 bilood taasoo ku xiran hadba nooca doorasho ee la isku raaco iyadoo soo bandhigtay laba nooc doorasho. Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa caddeysay in doorashada habka diiwaan gelinta ay ku dhici karto muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021. Waxaa ay sheegtay doorashada nooca diiwaan gelinta aysan ku qabsoomi karin bisha November ee sanadkan oo ah xilliga Baarlamaanka waqtigiisa dhamaanayo, Sidoo kale waxaa ay xustay in doorashada ku dhaceysa hab diiwaan gelinta ay ku dhici karto illaa bisha Agosto 2021. Waxaa kaloo ay xustay in nooca gacan ku diiwana gelinta ay ku qabsoomi karto bisha March sanadka 2021.
  17. Madaxweynaha dopwlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Muqdug ee Puntlnd, kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu dilay bishii May 2020-ka, gudoomiyihii hore gobolka . Mas’uulka cusub ee la magacaabay waxay walaalo yihiin Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo bishii tagtay ee May ku dhintay qarax lagula eegtay Afaafka hore ee Xarunta Gobolka Mudug. Qoraal kooban oo ka soobaxay madaxtooyada ayaa waxaa Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare) loogu nmagacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug ee Puntland,waxaana lagu yiri” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxwe yne Lr. 49 Juun 27, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: ​Dastuurka ​Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay:​ Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Mudug Markuu arkay:​Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Dadweynaha reer Jabuuti ayaa u dabaal-degaya maalmaha xoriyada ee 27-ka Jun, hadaba qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa ka hadlay dabaal-degaas ee ka socota Jabuuti. Halkan Ka Daawo Aragtida Reer Muqdisho Iyo Dabaal Daga Dowladda Jabuuti https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whtsss.mp4 Source: goobjoog.com
  19. Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ka hor-hadleysay baarlamaanka ayaa ka hadashay arrimo ku aadan doorashada Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka oo ah mid aad loo wada sugayo. Xalimo Yarey ayaa shaacisay in xilligan dalka aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana ay dalbanayaan in guddigooda la siiyo 13 bilood oo dheeeraad ah. “Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka”ayay tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xalimo Yareey). Sidoo kale waxa ay sheegtay iyadoo la tixgelinayo duruufaha uu dalka ku jiro inay soo diyaariyeen nooc kale oo doorasho oo ah diiwaan gelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta (Same day manual registration). Xaliimo Yarey ayaa ugu dambeyn shaacisay in noocaan labaad ay ku qaban karaan 9 bilood oo iyadana ka bilaabaneyso July 2020 illaa Aug 2021-ka. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa soo jeedisay labo qaab oo ay sheegtay in ay doonayaan in ay u dhacdo doorashada Soomaaliya, labaddaasi qaab ayaa keenaya dhammaan dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya. Nooca koowaad ayey sheegtay in loo baahan yahay 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha Julaayo 2020 kuna eg Agoosto 2021. “Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, Sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka” ayay tiri Xaliimo Yareey. Halkaan hoose ka akhriso hadalkii ay ka hor jeedisay Baarlamaanka oo dhameystiran
  21. Waxaa xarunta golaha wakiillada dawlad goboleedka Jubbaland maanta lagu dhaariyay xildhibaan Maxamad Nuur Janagale oo buuxinaya booskii uu baneeyay xildhibaan Jaamac Cabdi Guure oo xilkiisii iska casilay 13-kii bishan Juun ee aynu ku guda jirno. Xildhibaan Maxamad Nuur ayaa xilka kursigan horay uga qabtay baarlamaankii koowaad ee golaha wakiillada Jubbaland, waana xildhibaankii xilkan kula tartamay xildhibaanka haatan is-casilay. Hab raaca doorashada xildhibaannada golaha wakiillada Jubbaland ayaa dhigaya in xildhibaanka baneeya kursigiisa uu booskiisa buuxinayo xildhibaankii kursigan kula tartamay. Xildhibaanada Jubbaland ayaa hadda dib u bilaabay Kulamadooda caadiga ah ka dib markii ay fasax galeen, waxaana aad u yaraa kulamada baarlamaanka, maadama ayasan aqoonsan dowladda dhexe ee Soomaaliya. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) oo khudbad ka jeedineysay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee Maanta ayaa ka hadashay doorashada ka dhici doonto dalka. Guddoomiyaha ayaa sheegtay inuu dalka galayo doorasho isla markaasna waxay soo bandhigtay laba nooc doorasho oo dalka laga sameyn karo. Guddoomiyaha ayaa sheegtay in nooca uu ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna uu saxiixay madaxweyne Farmaajo ee ah diiwaangelinta cod bixiyaha (Biometirc) aysan suurtagal aheyn inay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay ee ah 27 November 2020, iyadoo taas ku sababeysay inay noocaas u baahan tahay shaqo adag oo isugu jirto waqti iyo miisaaniyad xoog leh. Waxay sheegtay in haddii dalka laga qabanayo doorasha noocaas ah ay u baahan tahay in guddiga la siiyo 13 bilood oo ka bilaabaneyso July 2020 illaa Aug. 2021. Sidoo kale Xaliimo Yarey ayaa sheegtay ayadoo tixgelinayo duruufaha uu dalka ku jiro inay soo diyaariyeen nooc kale oo doorasho oo ah diiwaan gelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta (Same day manual registration). Waxay sheegtay in noocaan labaad ay ku qaban karaan 9 bilood oo iyadana ka bilaabaneyso July 2020 illaa Aug. 2021.. La soco faahfaahinta oo dhameystiran
  23. Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya ayaa maanta ansixiyay xeerka matalaada Gobolka Banaadir. Waxan kulanka soo xaadiray 148 mudane, waxaana u codeeyey 142-Xildhibaan, halka 4-mudane ayaa diiday, wax ka aamusay ma jirin. Golaha ayaana hadda waxaa ka socda hadal jeedinta guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarer oo lagu wado in ay cadeyso in dalka ay ka qabsoomi karto doorasho cof iyo ah ama in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com