-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xoghayihii Joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa maanta xilka ku wareejiyay xogahayaha cusub ee KMG ah Abdirisak Xuseen Aaden. Xogahayaha cusub ee KMG ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Abdirisak Xuseen Aaden, ayaa xoghayihii hore ku amaanay dadaalka iyo waxqabadka waxuuna sidoo kale howlwadeennada xafiiska ka codsaday inay ula shaqeeyaan si lamid ah sidii wanaagsaneyd ee ay shaqooyinka xafiiska iyo guud ahaan qaranka u hayeen. Sii hayaha wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha mudane, Cabdullaahi Xaamud iyo howl-wadeenno ka tirsan xafiiska hanti-dhowrka, ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda xil-wareejinta. Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha mudane Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar), ayaa July 25, 2020, waxuu Cabdirisaaq Xuseen Aadan si kumeel gaar ah ugu magacaabay xoghayaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Puntland oo Dad Shacab ah ku laayey Garoowe Ciidamao ka tirsan Puntland ayaa rasaas ku furay dad shacab ah, badhtamaha magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Ciidamada oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Booliska Puntland ayaa rasaasta ku furay dad qaarkood ay ka cabanayeen canshuur, halka kuwa kalana ay ku sugnaayeen Barxadda Garowe, waxaana dhacdadaas ku dhaawacmay Saddex haween ah oo Labo kamid ah uu gaadhay dhaawac culus. Mid kamid ah haweenkaas oo xabadi kaga dhacday madaxa, xaaladeeduna cuslayd ayaa si deg deg ah diyaarad loogu qaaday magaalada Muqdisho. Sidoo kale labada kale ee haweenka dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa Cusbitaalka Garowe, waxaana midkood oo ah xaamilo, dhaawac culus ka gaadhay lugta, iyadoo la sheegay in ay dhiig baxayso. Warbaahinta oo isku dayday in ay wax ka weydiiso dhacdadan Booliska Puntland ayaysan ilaa hadda u suurta gelin. Qaran News
-
Xog ku saabsan Cadadka lacagta la siiyay Xildhibaanadii Barlamaanka Somalia ee kalsoonida kala noqday Kheyre Xildhibaano tiradooda rasmiga ah aan laheyn ayaa sabtidii codka kalsoonida si ama filaan ah waxa ay ugala noqdeen Xukuumadii Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana ka dhashay talaabada Baarlamaanka qaaday shaki badan. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in si deg deg ah kusoo abaabushay mooshinka iyo kalsooni kala noqoshada Xukuumada, waxaana soo baxaya in lacag badan lagu bixiyay ridista Xukuumada. Qaar kamid ah Xildhibaanadii qeybta ka ahaa kalsooni kala noqoshada Xukuumada ayaa sheegay in dhaqaale badan ku qaateen mooshinkaasi, waxa ayna qaarkood sheegeen in aysan jecleyn ridista xukuumada balse dantu keentay. Sida aan wararka ku helnay ilaa 170-Xildhibaan oo lasoo qoray habeenkii sabtida sii galeysay ayaa loo qeybiyay lacag u dhaxeysa 20-kun ilaa 10-kun oo Dollar, Xildhibaanadaasi ayaana laga saxeexay mooshinkan kahor inta uusan kulanka furmin. Ajeendaha kulanka Baarlamanaka sabtidii ayaa la sheegay inuusan ku jirin ridista Xukuumada , waxuuna ajeendaha loo sheegay Xildhibaanada ahaa ka doodista doorashada balse si lama filaan ah gudoonka ku shaaciyay in kalsoonida lagala noqday Xukuumada. Xildhibaaada la sheegay in raali ka ahaayeen ridista xukuumada Kheyre ayaa isugu jiray kuwa daacad u ahaa Madaxtooyada, kuwa loo balan qaaday in Wasiiro laga dhigayo iyo kuwa lacago badan ku qaatay . Madaxweyne Farmaajo oo gadaal ka riixayay mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa si deg deg ah ku aqbalay ridista Xukuumada kheyre, waxuuna durba R/Wasaare KMG ah u magacaabay Mahdi Guuleed. Beesha Caalmka iyo dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa si adag uga hor yimid talaabada Baralamaanka qaaday , waxayna sheegeen in sharci daro aheyd habka loo maray kalsooni kala noqoshada Xukuumada Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulka Puntland Cabdixakiim Maxamed (Dhooba Daareed) ayaa si adag uga fal-celiyay mowqifkii madaxweyne Deni ee xil ka qaadistii Ra’iisal wasaare Kheyre. Dhooba Daareed ayaa ugu horeyntii si adag u naqdiyay hadalka Deni, isagoona ku tilmaamay shaqsi gacan ku dhiigle ah oo ku tuntay dastuurkii lagu soo doortay, isla markaana uusan ka hadli karin xil ka qaadista Kheyre. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ayaa Deni ku eedeyay inuu weerar ku qaaday xarunta baarlamaanka Puntland, xiligii uu Guddoomiyaha ka ahaa, kuna laayay ciidamadii ilaalada ka ahaa. Dhooba Daareed ayaa ku doodaya inuusan Deni xaq u laheyn eedeynta muddanayaasha golaha shacabka, oo uu sheegay inay sameeyen ku tumasho dastuur, maadama qaab sharciga baal-marsan xilka uga tuureen Kheyre. Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Deni uu lacag badan ku bixiyay xiligii uu xilka ka tuurayay, wuxuuna yiri: “Deni ma ka hadli karo Dastuur la jebiyay, waayo waxa uu xil ka qaadis Guddoomiye Baarlamaan u adeegsaday hanti badan”. Wuxuuna intaas sii raaciyay “Isaga (Deni) ayaa ku tuntay sharciga, uuna jediyay Dastuurka Puntland, haatana kama hadli karo Dastuur la jebiyay iyo xil ka qaadis Ra’iisul Wasaare”. Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili uu madaxweyne Deni sharci darro ku tilmaamay qaabkii ay xildhibaanada golaha shacabku xilka uga tuureen Ra’iisal wasaare Kheyre, oo isagu markii dambe sheegay inuu isku casilay si looga baaqsado fowdo siyaasadeed iyo qalaalase ka dhaca dalka.
-
lixdii Ra’iisul Wasaare ee Somalia ugu dambeyay & Xaaladay xilka kaga tageen Khayre wuxuu xilka kala wareegay Cumar Cabdirashiid Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa Soomaaliya soo maray toddobo ra’iisul wasaare iyo seddax madaxweyne. Haddaba waxaan eegeynaa sida ay Ra’iisul Wasaare yaashaas ku yimaadeen iyo sidii ay xilka uga tageen: 1- Cumar Cabdirashi Cali Sharmarke Ka dib markii Sheekh Shariif lagu doortay shirkii Jabuuti ee 2009-kii, wuxuu Bishii February ee isla sannadkii magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ay dalka Jabuuti ku wada sugaayeen. Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda, waxay magacaabistaa ka muujiyeen rajo wayn, iyadoo loo arkayay in dowladdii Kumeelgaarka ahayd ay taageero ka heli karto Soomaalida gudaha dalka kusugan iyo qurba joogta. Wuxuu ahaa qof siyaasadda Soomaaliya aan si wayn galangal ugu lahayn ka hor intii aan xilkaa loo magacaabay, waxayna ahayd xilli dowladda ay dagaal adag kala kulmeysay kooxo muqaawamo ahaa iyo Al-Shabaab oo qeybo badan oo Muqdisho ah haysatay. Cumar Cabdirashiid wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed Bishii February 14-keedii, Baarlamaankii ku meelgaarka ahaa ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabiddii Cumar Cabdirashiid. Waxaa taageertay 414 Xildhibaan, 9 way ka soo horjeesatay, halka labana ay ka aamustay. Balse, bilihii April iyo May ee 2010-kii ayuu soo ifbaxay khilaaf u dhexeeyay madaxdii dowladda gaar ahaan Cumar Cabdirashiid iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka ee xilligaas, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Khilaafkaas wuxuu sababay in Baarlamaanka ay mooshin ka keenaan Aadan Madoobe oo xilka iska casilay markii dambe. Inkastoo Tallaabadaas Baarlamaanka ay dhacday, oo la filayay in khilaafka uu halkaa ku dhamaado, waxaa soo baxay warar ahaa in madaxweynihii xilligaas, Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu doonayay inuu isbedel ku sameeyo xukuumadda oo dhan, meeshana uu ka saaro Cumar Cabdirashiid. Khilaafka markii uu curyaamiyay howlihii dowladda, ayey beesha Caalamka iyo urur goboleedka IGAD billaabeen in dhinacyada ay ugu baaqaan in ay ka fogaadaan wax kastoo dhib ku ah geedi socodka dowladda ayna ka wadahadlaan xaaladda jirto. Balse, ka dib markii la is afgaran waayay, waxaa jiray warar ahaa in Sheekh Shariif uu isku deyay in Cumar Cabdirashiid uu ku qanciyo inuu is casilo, si uu ra’iisul Wasaare kale u soo magacaabo. Arrimihii ugu waaweynee ee ay isku hayeen waxaa ka mid ahaa sameynta dastuur qabyo qoraal ah iyo sida loo diyaarinayo. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ugu dambeyn, dhammaadkii bishii September 2010-kii, iska casilay xilkii Ra’iisul Wsaare ee uu hayay. 2- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Bishii October 14-keedii, sannadki 2010-kii ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna badalay Cumar Cabdirashiid Sharmarke. 30-kii Bishii October, barlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixyay magacaabista Farmaajo. Kontonkii maalmood ee ugu horeysay ee xafiiska ra’iisulwasaarah uu ka shaqeynayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku guuleystay bixinta mushaaraadka ciidamda iyo shaqaalaha dowlada. Inuu xilka iskacasilo Farmaajo waxaa qeyb ka ahaa heshiiskii muranka dhaliyay ee Kampala Accord. wuxuu xilka hayay muddo kooban. Dhanka dagaalka, Xukuumadii cusbeyd ee Farmaajo iyo ciidamada AMISOM waxay hanteen boqokiiba lixdan caasimada Muqdisho, iyagoo oo ka saaray dagaalyahannadii Al-Shabaab. Hase ahaate dhowr bilood ka dib waxaa soo baxay khilaaf u dhaxeeyay Farmaajo, Sheekh Shariif iyo gudoomiyihii baarlamaankii, Shariif Xasan Sheekh Adan, oo salka ku hayay qabashadii doorashadii 2011-kii. Khilaafkaas si loo xalliyo, waxaa shir ku casuumay madaxweynaha Uganda, Yuweri Mseveni, kaas oo sababtay in uu xilkii Ra’iisul Wasaaraha iskacasilo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, 19-kii bishii June 2011-kii. Farmaajo ayaa khudbadii uu xilka uga degayay ku sheegay in uu go’aankaasi u qaatay danta dalka iyo dadka awgeed. Heshiiskii Kampala oo ahaa mid muran dhaliyay ayaa sidoo kale ogolaanayay in madaxweynaha, guddonka Baarlamaanka iyo xildhibaannada ay muddo sannad ah xilka ku darsadaan. Ka dib waxaa xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka mid ahaa golihii wasiirada ee xukuummaddii Farmaajo. 3- Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumaddii Farmaajo, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayuu Sheekh Shariif u magacaabay xilkii Ra’iisul Wasaarah, 23-kii June ee 2011, waxayna Baarlamaankii ku meelgaarka ahaa ku ansixiyeen si aqlabiyad ah, 28-dii isla bishaas. Gaas wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii hoggaaminayay xukummaddii dalka ka saartay xilligii Kumeelgaarka ahaa. Xukuummaddii Gaas waxay ahayd middii dejisay qaabkii ay u dhacday doorashadii bishii 2012-kii, taas oo looga gudbay xilligii kumeelgaarka ahaa, waxaana loo wareegay maamul joogto oo dimuquraadi ah. Shirarkii Garowe-1 iyo Garowe-2 ayaa la qabtay oo lagu diyaariyay doorashada waxaana wax looga badalay dastuurka qabyo qoraalka ah. Horraantii bishii August ee 2012, wuxuu Cabdiweli Gaas shaaciyay inuu u tartamayo xilka madaxweynaha. Wuxuuna la tartamay madaxweynihii uu ra’iisul wasaaraha u ahaa, Sheekh Shariif. Gaas wuxuu ka mid ahaa afartii musharrax ee u gudubtay wareeggii labaad ee codeyntii baarlamaanka ee 10-kii bishii September, 2012. Cabdiweli Gaas ayaa kaalinta labaad ka galay doorashadaas oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud. Muddo xileedkaa Ra’iisul Wasaare ee Gaas ayaa dhammaaday 6 October 2012, xilligaas oo ra’iisul wasaarihii cusbaa ee Xasan Sheekh uu magacaabay, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu xilka la wareegay. 4- Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud markii uu maamulka Villa Somalia la wareegay, wuxuu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Xilligii uu codka kalsoonida weydiisanayay baarlamaanka, wuxuu Saacid sheegay in uu soo dhisayo gole wasiiro oo howlkar ah iyo in uusan u dulqaadan doonin musuqmaasuqa. 17-kii isla bishaas, Xildhibaannada waxay ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah. Waxaa kalsoonida siiyay 215 xildhibaan oo ka mid ahaa 275-tii mudane ee baarlamaanka uu ka koobnaa. Balse sannad ka dib markii xilka loo magacaabay Saacid, waxaa soo baxay khilaaf u dhexeeyay isaga iyo madaxweynaha oo ka dhashay isku shaandheyn uu ku sameyn rabay golihii wasiirada. Saacid iyo Xasan Sheekh wuxuu khilaafkoodu bilowday sannad ka dib markii xilka loo dhiibay Khilaafkii labada masuul ayaa banaanka u soo baxay bishii November 2013-kii, waxayna isla aadeen baarlamaanka oo mooshinno iska soo horjeeday loo gudbiyay. Mooshinkii ka dhanka ahaa Cabdi Faarax Shirdoon ayaa u gudbay baarlamaanka waxaana la isku raacay in laga doodo, balse qeylo iyo buuq aawadii ayaa shirkii loo xiray, 24-kii November. Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn kalsoonida kala laabtay Saacid, 2-dii Bishii December, 2013-kii. Balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ka niyadjabay baarlamaanka ka dib markii loo diiday “inuu ka hor hadlo”. Waxaa jiray arrimo la xiriiray in baarlamaanka aysan waddadii saxda ahayd u marin xil ka qaadista Saacid, iyadoo xubihii beesha caalamka ee xilligaas ay ku taliyeen in shuruucda iyo xeerarka loo hoogaasamo. Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa 12 December 2013-kii, loo magacaabay xilkii Ra’iisul Wasaaraha ee Cabdi Faarax Shirdoon uu banneeyay. 5- Cabdiweli Sheekh Axmed Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay ra’iisul wasaarihii labaad ee dowladdiisa, wuxuuna ka dhigay Cabdiweli Sheekh Axmed oo baarlamaanka ay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen 21-kii December 2013-kii. Siyaasiyiintii Soomaalida iyo beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay magacaabistaas iyo golihii wasiirada ee xukuummaddii Cabdiweli. Balse ku dhowaad sannad ka dib markii xilka uu la wareegay, bilihii October iyo November, 2014-kii, waxaa soo baxay khilaaf u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Khilaafkaas wuxuu markale ka dhashay isku shaandheyn uu ra’iisul wasaaraha doonayay in uu ku sameeyay golihii wasiirada, waxaana lagu eedeeyay in uusan madaxweynaha la tashan. Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xilka ku waayay mooshin si weyn loogu loollamay Dhexdhexaadin ay isku deyeen siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa fashilmay, waxaana dhashay in baarlamaanka la isla aado. Ka dib waxaa bilowday kulamo kala gaargaar ah oo lala yeelanayay xildhibaannada, iyadoo suuragal ay ahayd in mooshin la gudbiyo. Mooshinkaas ayaa ugu dambey gaaray baarlamaanka, waxaana dhowr goor la isku khilaafay xilliga laga doodayo codkana loo qaadayo. Ka dib waxaa soo baxay wasiirro ka tirsanaa xukuummaddii Cabdiweli Sheekh Axmed oo Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday inuu iska casilo xilka isagoo dhowraya danaha dalka. Horraantii bishii December ee 2014-kii, ayey baarlamaanka u qaadeen codka kalsooni kala noqosho oo ka dhan ahaa Ra’iisul Wasaaraha. 153 xildhibaan ayaa u codeynsay arrintaas, 80-na way diiday. Taasna waxay soo afjartay xilligii shaqo ee Cabdiweli Sheekh Axmed ee xukuumadda. 17-kii isla bishaas ee 2014, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dowladdii Sheekh Shariif na ka soo noqday Ra’iisul Wasaare. 6- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo mar labaad soo noqday Wuxuu ahaa ra’iisul wasaaraha keli ah ee mar labaad xilka ku soo noqday. Wuxuu markii labaad xilka kala wareegay Cabdiweli Sheekh Axmed oo mooshin xilka looga qaaday. Cumar Cabdirashiid waa ra’iisul wasaaraha keli ah ee laba goor xilka ku soo noqday, doorashadii Farmaajo ka dib ayuuna xilka wareejiyay Khudbadii uu jeediyay, ka dib markii xilka loo magacaabay, Cumar Cabdirashiid wuxuu ku sheegay in uu dhisayo gole wasiiro oo dalka gaarsiiya arrimihii la hiigsanayay. Illaa 218 xildhibaan ayaa codka kalsooni siiyay, waxaana soo dhoweeyay siyaasiyiin iyo beesha caalamka. Cumar Cabdirashiid xukuummadiisii ayaa dalka ku hoggaamisay doorasho waqtigeeda ka dib dhacday illaa 5 bilood, wuxuuna soo dhisay Aqablka sare markii ugu horeysay. Sidoo kale, waxay dowladdii uu ka tirsanaa, markii ugu horeysay, dalka ka qabatay codeyn ay ka qeybgaleen odeyaal iyo dhallinyaro oo lagu soo doortay baarlamaanka hadda jira. Wuxuu xilka ku wareejiyay Xasan Cali Khayre, bishii March, 2017-kii, ka dib markii Farmaajo uu xilka madaxweynaha kaga guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud. 7- Xasan Cali Khayre Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 23-kii February xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Khayre. Waxay ahayd maalin ka dib markii xilka madaxweynaha loo dhaariyay. Khayre horey uma soo qaban xil siyaasadeed, balse wuxuu ahaa ganacsade iyo qof ka soo shaqeeyay arrimaha gargaarka Soomaaliya. Wuxuu codka kalsooni ah ka helay 231 xildhibaan, 1-dii bishii March ee 2017-kii. Golihiisii Wasiiradana waxaa la ansixiyay 21-kii isla bishaas. Xasan Cali Khayre, waa ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Muddadii uu xilka hayay, isaga iyo madaxweynaha waxay ahaayeen laba qof oo si wayn isula soo shaqeysa, waxayna ku celcelin jireen in muddo xileedka dowladda ay isla dhameysan doonaan. Khayre wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee Soomaaliya soo samara 20-kii sano ee la soo dhaafay. Arrimaha uu wax ka qabtay waxaa ka mid ah diiwaangelinta ciidamada. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday la dagallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo dhaqaalaha iyo dardargeklinta shaqooyiinka dowladda. Balse, dadka ka faallooda arrimaha siyaasadad waxay sheegayaan in madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ay ku kala aragti duwanaayeen qabashada doorashada, oo hadda waqti kooban uu ka dhiman yahay. Labada masuul ayaa ka qeybgalay shirkii Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen madaxda maamul Goboleedyada kaas oo looga hadlay in doorashada waqtigeeda lagu qabto. Balse, maalmo ka dib shirkaas, 25-kii bishan July, baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay mooshin aan horey loo sii shaacin, taas oo muran iyo buuq ka dhex dhalisay xarunta baarlamaanka. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay xil ka qaadista Khayre taas oo madaxweynaha uu aqbalay isla markiiba. Balse Xasan Cali Khayre oo sharci darro ku tilmaamay hannaankii loo maray codeynta ayaa sheegay inuu si iskiis ah xilka isaga casilay, “isagoo u turaya dalka”. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – In ka yar 100 qof ayaa fayraska Covid-19 ugu dhimatay Soomaaliya, sida ay saraakiisha dowladda ay sheegeen. Balse barnaamijka Baaritaanka ee BBC Africa Eye ayaa ogaaday in qubuuraha ay buuxsameen iyadoo hannaanka caafimaadka dalka uu baaba’sanaa muddo 30 sano ah oo colaado ay dalka ka jireen. Barnaamijka ayaa eegay dhab ahaanta coronavirus ee Soomaalia, iyadoo la dabagalayo labo dhallinyaro-dhaqaatiir ah oo naftooda u huray ladagaallanka cudurka corona. Halkaan hoose ka daawo warbixinta ay BBC ka diyaarisay arrintaan
-
Tan iyo markii ay golaha shacabka kalsoonida kala laabteen ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo xukuumadiisa, waxaa isa soo taraya qeylaca beesha caalamka, Jaamacadda carabta, midowga Yurub iyo Mareykanka oo go’aankaas ugu yeeray sharci darro, mid wiiqaya dib u heshiisiinta, doorashada la filayo 2020, isla markaana u dhaartay dad ay ugu yeereen qas wadeyaal. Saxiibada Soomaalida oo isugu jira dalalka iyo ururrada taageerada dowladda federaalka ah oo maanta qoraal soo saaray ayaa walaac ka muujiyey xiisadda lagu ceyriyey Xasan Cali Kheyre. Kooxdan oo kala ah: Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa ay ka shaki qabaan in arrinta golaha shacabka ka dhacday ay wiiqi-doonto dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, ayna carqaladayn doonto ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, abuuri-doontana xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka. Qoraalka ayaa lagu yiri “”Iyadoo laga walaacsan yahay isbeddelada siyaasadeed ee dhowaan dhacay, oo ay ka mid tahay tii baarlamaanka, saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay carrabka ku adkeeyeen in nooc kasta oo doorasho ah oo uu soo rogo hal dhinac aysan sharci noqon doonin, islamarkaana aysan dhaqan-geli doonin; saaxiibbadu waxa ay ku boorrinayaan dhammaan daneeyeyaasha inay taageeraan heshiiska Dhuusamareeb; si loo ilaaliyo xasilloonida dalka; iyo horumarinta waxyaanaha mudnaanta qaran leh. Faah-faahinta”. Saacado kadib ceyrinta golaha shacabka ee Xasan Kheyre, qoraal ka soo baxay midowga Yurub ayaa lagu sheegay in lagu baarayo wixii ka dhacay golaha shacabka, cidda mas’uulka ka aheyd iyo in arrintaas ay dib u keeni karto dib u dhaca horumarka Soomaaliya iyo in kale “Midowga Yurub waxaa uu dib u eegayaa sida dhacada loo meelmariyey, cidda mas;uulka ka aheyd iyo in ay wiiqeyso horumarka Soomaaliya taas oo ay ku heshiiyeen beesha caalamka” ayaa lagu yiri. Midowga Yurub waxaa ay ceyrinta ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku sheegeen iney sharaci darro aheyd iyada oo ka digay iney dhaawaceyso heshiiskii Dhuusamareeb iyo balanta August 15. Dhankooda, Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay waxa ay ugu yeereen habka qaloocan ee madaxweyne Farmaajo iyo golaha shacabka u mareen ceyrinta ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in go’aankaas oo sii hurinayo xaaladda qasan isla markaana uu laalayo heshiiskii Dhuusamareeb ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. ” Habkan qaloocan waxaa uu dib u celinayaa dib u habeynno badan oo ay taageereen Mareykanka. Xasiloonida Soomaaliya, amniga iyo barwaaqyo waxaa lagu gaari karaa uun wada hadal, wada shaqeyn iyo isu tanaasul dhex mara hoggaanka Soomaalida” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka. Mareykanka waxaa ay sheegeen in ay taageerayaan doorasho laga wada tashtay iyaga oo ugu baaqay dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo dhammaan saamileyda iney ka shaqeeyaan xasiloonida, amniga iyo inuu miro dhalo shirkii Dhuusamareeb. Ugu dambeyntii, Waxaa ay Mareykanka u dhaarteen kuwa ay ku sheegeen “qas wadeyaal” iyaga oo yiri ” Waxaan tallaabo ka qaadi doonnaa kuwa qas wadeyaasha ah isla markaana caqabad ku ah horumarka laga gaaray xasiloonida, amniga, dowlad wadaagga iyo barwaaqada Soomaaliyda. Ma dooneyno in Soomaaliya jid qaldan lala aado” . Marka loo soo noqdo gudaha Soomaaliya, waxaa ceyrinta Kheyre ka falceliyey saamileyda siyaasadda oo isugu jira maamul goboleedyo, ururo siyaasadeed iyo xubno ka tirsan baarlamaanka. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo arrintan ka hadlay ayaa yiri “Arrintaas waxaan mas’uuliyadeeda saarayaa madaxweynaha jamhuuriyadda, waayo wixii uu noosheegayey iyo wixii aan ku heshiinay dhan waxaan aheyn ayuu ku dhaqaaqay, habeenkii shirku dhacaayey innaga oo la nimidsam, khudbadihii dadkuna u arkaayeen kuwo isku soo dhaweyn ah, khudbaddiisa waxaa ay hordhac u aheynd inuu wixii aan meesha aan ku gaarnay uusan raali ka aheyn, ajandayaal kale uu watay, waxaana aad uga xumay wixii ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa Twetterka ayaa isna yiri “Fursado badan oo la seegay ayaa soo maray taariikhda dhismaha dowladnimada Soomaaliya, oo maanta uu mid cusub sameeyey hoggaanka jira. Waxaa loo baahanyahay go’aan xikmad leh si loo dhiso is afgarad siyaasadeed oo horay si wadajir ah loogu dhaqaaqo qabashada doorasho la aqbali karo, oo waqtigeeda ku dhacdo”. Si la mid ah, ra’isul wasaareyaashii Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Cabdiweli Gaas ayaa sharci darro ku tilmaamay waxa ka dhacay golaha shacabka. Waxaan weli hadal rasmi ah laga heyn hey’ado ay ka mid yihiin aqalka sare ee BFS, dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug. Iyada oo taasi ay jirto ayey Villa Somalia waxaa ay ku-simme ra’isul wasaare u magacawday Mahdi Khadar Guuleed oo ku-xigeen u ahaa Kheyre halka ay ceyrisay xogheyihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’isul wasaaraha. Dhanka kale, shirkii ugu horeeyey oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada ee xukuumaddii dhacday ayey ku dhaleeceeyeen warka kasoo baxay beesha caalamka, iyaga oo ka dalbaday iney ixtiraamto madaxbannaanida Soomaaliya iyo go’aammada hey’adaheeda dastuuriga ah. Villa Somalia ayaa loo fadhiyaa sida ay u maareyn laheyn arrimahan siyaasadda ah ee cakiran kahor muddo xilkeedkeeda dastuuriga ah ee magacaabista ra’isul wasaare cusub oo ah 30 beri oo laga bilaabo maalintii xilka laga qaaday Xasan Kheyre. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay weerar dhabagal ah oo ku bilowday qarax miino dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamadaasi oo ka tirsan milatariga Soomaaliya, xilli ay ku socdaalayeen agagaarka deegaanka Bariire ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in iska hoir imaad muddo socday uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka horeeyey intaba. Xaaladda ayaa hadda dagan, basle ciidamada dowladda ayaa isku fidiyey duleedka Bariire, iyaga oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi. View the full article
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa iney xafiisyo diblomaasiyadeed ka furato Somaliland si ay ugu adeegto muwaadiniinteeda ka jooga dhulkaas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskooda magaalada Hargeysa. Inkastoo aan la ogeyn wakhtiga rasmiga ah oo ay furayaan xafiisyada ay ugu adeegayaan muwaadiniintooda, haddana qoraalka kasoo baxay xafiiska wuxuu si cad ugu xad-gudbayaa qaranimada Soomaaliya maadaama uu waddan ku tilmaamay Somaliland. “Kenya waxey ku faraxsan tahay in Somaliland ay ku nool yahiin muwaadiniin badan oo Kenyaan ah kana shaqeystaan, waxaana ka shaqeyneynsaa inaan xafiis diblomaasi ka furno halkaas,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. “Tani waxey sii ballaarineysaa xafiisyada labada waddan, waxeyna muwaadiniinta Kenya siineysaa in ay helaan adeegyada dowladooda” ayaa lasii raaciyay qoraalka. Hadalka kasoo baxay xafiiska wuxuu meel ka dhac weyn ku yahay qaranimada Soomaaliya iyadoo aan wali Somaliland la siinin aqoonsi caalami ah. Wafdi ka socda Kenya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay gaarayay Hargeysa iyadoo la filayo iney kuwa kalana halkaas gaaraan.
-
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in la fasaxay dhammaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa ka shaqeeya hay’addaha gaarka loo leeyahay munaasabada Ciida Carafo oo ku aadan 31 maalinta Jimacada ee fooda nagu soo heyso. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wargelinaysaa dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda iyo Shaqaalaha Hay’adaha gaarka ah loo leeyahay in ay tahay fasaxa Ciidda Carafa oo ku aaddan maalinta Jimcaha 31 July . Maalmaha fasaxa waa Sabtida iyo Axadda. ayaa lagu daray qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda Soomaaliya. sidoo kale masuuliyiinka wasaaradda ayaa ugu hambalyeeyay farxada munaasabada ciida ee fooda nagu soo heyso waxaana alle uga bariday in farxad ay ku ciidaan View the full article
-
Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa soo if-baxayey warar sheegaya in dowladda Masar ay saldhig milatari ka sameysaneyso magaallo xeebeedka Berbera ee Somaliland. Masar ayaa Itoobiya waxaa xilligan kala dhexeeya xiisad ku aadan muranka biya xireenka Itoobiya ay ka dhisaneyso wabiga Nile oo muhiim u ah nolosha malaayiin Masaari ah. Axmed Diiriye Maxamed oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa ka digay saldhigga militari ee la sheegay in Masar ay ka sameysaneyso magaalada Berbera. Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland aysan wax dan ah ugu jirin qorshaha ay wado dowladda Masar iyo dhismaha saldhiggaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/cod-sakariye.mp3 View the full article
-
(SLT-Garoowe)-Kulan ay maanta yeesheen Baarlamanka maamul gobolleedka Puntland ayaa waxa ay kaga in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii Puntalnd ay la gashay hay’adda dakadaha Dubai ee DP World. Ajandaha la xidhiidha dib u eegista heshiiska shirkadda DP World , ayaa waxa uu noqon doonaa kulanka berri uu yeelan doono Baarlamanka Puntland. Dowlad Goboleedka Puntalnd ayaa waxay heshiis dhinaca dakadda Boosaaso ah hore ula gashay shirkadda DP World. Source
-
Saaxiibada Soomaaliya* ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka. Saaxiibadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas. “Iyadoo laga walaacsan yahay isbeddelada siyaasadeed ee dhowaan dhacay, oo ay ka mid tahay tii baarlamaanka, saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay carrabka ku adkeeyeen in nooc kasta oo doorasho ah oo uu soo rogo hal dhinac aysan sharci noqon doonin, islamarkaana aysan dhaqan-geli doonin; saaxiibbadu waxa ay ku boorrinayaan dhammaan daneeyeyaasha inay taageeraan heshiiska Dhuusamareeb; si loo ilaaliyo xasilloonida dalka; iyo horumarinta waxyaanaha mudnaanta qaran leh. Faah-faahinta” Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah. Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii Dhuusamareeb. *Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sii-hayaha Ra’isulasaaraha dalka Mahadi Maxamed Guuleed Qadar oo ay wehliyaan wasiirka Maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ,wasiirka Dekedaha iyo gadiidka badda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa maanta kormeeray Dekeda magaalada Muqdisho si loo dar dargaliyo howlaha lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka. Siihayaha Ra’isulwasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guudlee ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Dekeda sida ay usocoto shaqaha waxaana uu bogaadiyay sida hufnaanta leh ay ushaqeeyaan howl-wadeenada . Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa qoraal uu soo dhigay ku sheegay in Dekeda Muqdisho aytahay isha dhaqaalaha dalka. “Manta waxa aan kormeer ku tagnay aniga iyo Sii-ha Ra’isulwasaaraha Dalka Mahdi M. Gulaid Dakadda Magaalada Muqdisho oo ah Isha dhaqaalaha iyo dakhliga dalka. sidoo kale waa in si hufan shacabka loogu adeegaa, sidoo kale waxa aan u mahadcelinayaa Maamulka, shaqaalaha Dakadda iyo Wasiir Maryan Aweys oo waxbadan ka qabatay dib habeynta howl-maadmeedka Dekeda Muqdisho. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Galmudug oo ka tacsiyadeysay geerida xildhibaan Axmed Galti
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid oo la hadlay Shabelle ayaa ka hadlay geeridii ki timid Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti) oo ka tirsanaa mudanayaasha baarlamaanka ee maamulkaasi oo Muqdisho ku geeriyooday. Ugu horreyn Cali Daahir oo ku hadlayay magaca xukuumadda Galmudug ayaa tacsi u diray ehellada marxuumka, isaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanka lagu xasuusan doono shaqooyinkii kala duwanaa ee uu ka qabtay deegaanada maamulka Galmudug. Marxuum Axmed Galti oo todobaadyadan dambe xanuunsanayey ayaa saaka ku dhintay isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho. View the full article -
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saareen walaac uga muujiyey dhacdadii Sabtidii uu baarlamanka Soomaaliya xilka uga qaaday ra’iisul wasaare xasan Cali Kheyre, waxayna ka digeen doorasho aan la isku raacsaneyn oo dadka lagu qasbo. Qoraalka ayaa lagu yiri “Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.” Beesha Caalamka ayaa ku baaqday wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka, waxayna sheegeen in ay tahay sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas. “Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Valueimpression Placeholder “Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii Dhuusamareeb. Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: *Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay. View the full article
-
Ciidamao ka tirsan Puntland ayaa rasaas ku furay dad shacab ah, bartamaha magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Ciidamada oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa rasaasta ku furay dad qaarkood ay ka cabanayeen canshuur, halka kuwa kalana ay ku sugnaayeen Barxadda Garowe, waxaana dhacdadaas ku dhaawacmay Saddex haween ah oo Labo kamid ah uu gaaray dhaawac culus. Mid kamid ah haweenkaas oo xabadi kaga dhacday madaxa, xaaladeeduna cuslayd ayaa si deg deg ah diyaarad loogu qaaday magaalada Muqdsiho. Sidoo kale labada kale ee haweenka dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka Garowe, waxaana midkood oo ah xaamilo, dhaawac culus ka gaaray lugta, iyadoo la sheegay in ay dhiig baxayso. Puntland Post oo isku dayday in ay wax ka weydiido dhacdadan Booliska Puntland ayaysan ilaa hadda u suurta gelin. PUNTLAND POST The post Ciidamo ka tirsan Puntland oo dad shacab ah ku laayay Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-280720.mp3 View the full article
-
Beesha Caalamka oo War ka soo saartay isbedelka siyaasadeed ee Somalia+Digniin ay u dirtay saartay… Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujisay isbadaladii siyaasadeed ee dhawaan dalka ka dhacay gaar ahaan ridistii Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in walaac ka muujinayaan isbadallada siyaasadeed ee dhowaan dhacay, oo ay ka mid tahay baarlamaanka Federaalka, aysan wiiqi doonin dadaallada lagu gaarayo isafgarad siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka waqtigooda, carqaladeeya ajandaha dib-u-habeeynta Soomaaliya, ama abuurin xasillooni darro dib u celin karta guulihii ilaa iyo hadda la gaaray. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxa ay ku baaqeen wadatashiyo loo wada dhan yahay si loo gaadho heshiis sal ballaadhan oo ku saabsan qaab dhismeedka doorashada loo madan san yahay ee 2020. Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay filayeen in madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedku ay ixtiraamaan heshiisyadii 22-kii Luulyo lagu gaaray Dhuusamareb iyo waqtiga loo qabanayo shirarka dabagalka ee isu imaatinka Dowladda Federaalka, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, hoggaanka baarlamaanka federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah. “ Isku day kasta oo uu sameeyo daneeye kaliya oo si kumeelgaar ah u soo rogo qaababka doorashada wuxuu u dhimayaa sharci ahaansho mana hirgalin doono haddii aan laga helin taageerada lagama maarmaanka ah daneeyayaasha kale. Wada-hawlgalayaasha ayaa si dhow ula socon doona horumarka horay u socda. Ka go’naanta arrimaha mudnaanta leh ee la isku raacay iyo xallinta arrimaha iyada oo loo marayo wadahadal iyo isu tanaasul ayaa muhiim u ah sii wadista taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya ee heerarka hadda jira” ayaa lagu yiri Warbixinta Beesh Caalamka. Wada-hawlgalayaashu waxay ku boorinayaan magacaabista deg-degga ah ee dhammaan xubnaha guddiga FGS-FMS una diyaar u yihiin fududeynta shaqadooda, si lagu dhammeeyo muddo laba toddobaad gudahood ah oo lagu heshiiyay laga bilaabo taariikhda kulanka Dhuusamareeb. Qaran News
-
Ra’iisul wasaare hore oo lagu helay toddobo dembi Najib Razak Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia, Najib Razak ayaa lagu helay dhammaan toddobo dembi oo loo heystay, kuwaas oo la xiriira musuqmaasuq. Najib oo loo heystay in uu lunsaday malaayiin doollar ah ayaa sheegay in uusan gelin wax dembi ah oo la xiriira musuqmaasuq, ku takrifal awoodeed iyo aaminaad darro. Kiiskan ayaa loo arkayay mid tijaaba u ah dhaqan-galka sharciga dalkaas iyo dedaalada looga hortagayo musuqmaasuqa. Fadeexadda la xiriirta kiiskan ayaa la aaminsan yahay inay bannaanka soo dhigtay wax isdaba marin iyo musuqmaasuq baahsan oo la sheegay in sanadihii dambe ay ka jirtay gudaha dalkaas. Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee la xiriira arrintan ayaa lagu sheegay in lacag dhan 10 milyan oo doollar lagu shubay akoonka gaarka ah ee Najib Razak oo ra’iisul wasaare ka ahaa Malaysia sanadihii 2009 ilaa 2018-ka. “Kaddib markii aan qiimeynay caddeymaha la xiriira arrintan, waxaan ino caddaatay in dacwad oogaha uu soo bandhigay caddeymo lagu qanci karo,” ayuu yiri garsooraha maxkamadda Kuala Lumpur Maxamed Nazlan. Najib waa uu beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay, wuxuuna intaa ku daray inay si khaldan ula taliyeen lataliyeyaashiisa arrimaha dhaqaalaha. Dembiga lagu helay ayaa sharciga dalkaas waxaa uu dhigayaa in uu ku muteysan karo 15 ilaa 20 sano oo xarig ah. Kahor inta aanan lagu dhawaaqin, Najib waxaa uu sheegay in haddii dembi lagu helo uu racfaan ka qaadan doona. Lacagta la lunsaday ayaa ahayd mid loogu talagalay in lagu horumariyo dhaqaalaha wadankaas, waxaana laga soo uruuriyay shacabka wadanka Malaysia. Sanadkii 2015-ka, dowladaha Malaysia iyo Mareykanka waxay sheegeen in lacag dhan 4.5 bilyan oo doollar laga soo bixiyay qasnadaas, lacagtaasina ay gashay jeebka shakhsiyaad. Lacagahan la lunsaday ayaa la sheegay in lagu iibsaday guryo, diyaarado gaar ah iyo waxyaaba kale. Intii uu xilka hayay, Najib waxaa laga nadiifiyay dhammaan dembiyada haatan lagu helay. Haseyeeshee eedeymaha xilligaas loo jeedinayay waxay qeyb weyn ka qaateen arrimaha doorashooyinka, waxana markii ay timid dowlad cusub lagu bilaabay baaritaan la xiriira arrintaas. Sidoo kale xaaska Najib Razak, Rosmah Mansor ayaa iyaduna wajaheysa wax isdaba marin iyo in ay la dhuumatay canshuur la rabay inay bixiso, eedeymahaas oo ay sheegtay in aysan gelin. Qaran News
-
Bisad laga helay Fayraska Korona Bisad ku nool dalka Ingiriiska ayaa laga helay xanuunka dunida aafeeyay ee korona. Bisadda oo kamid ah xayawaanka guri-jooga ah ee dadku ay dhaqdaan ayaa khubarada caafimaadka waxay sheegeen inay tahay kiiskii ugu horeeyay ee laga helay xayawaan la xanaaneysto ee dalka UK, waxaana ay intaa ku dareen in taas aysan ka dhignayn in xayawaankaasi uu faafiyo fayraska. Waxaa la rumeysan yahay in bisaddan ay xanuunka ka qaaday qof xanaaneysanayay, oo markiisii hore laga helay fayraska. Bisadda ama mukulaasha ayaa haatan lagu soo warramayaa in xaaladeeda ay wanaagsan tahay. Saraakiisha caafimaadka ee dalka Britain ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid aan hore loo arag, balse aanay wax walwal ah lahayn. Madaxa xannaanada xoolaha ee dalka Britain, Christine Middlemiss ayaa tiri “arrintan waa mid naadir ah, mukulaasha laga helay fayraskana waxaa ay muujineysaa callaamado aan sidaas u darneyn, balse xayawaanka waxaa ay ku bogsadaan maalma gudahood”. “Ma jirto caddeymo muujinaya in xayawaanka ay xanuunka usii gudbin karaan bani’aadamka. Waxaana sii wadi doona in aan la socono xaaladda bisadda, dadka xayawaanka xanaanaystana waan ku wargelin doonnaa wixii tallaabo ah haddii xaaladda ay isbadesho.” Yvonne Doyle oo ah sarkaal ka tirsan waaxda caafimmaadka dadweynaha ee England ayaa dadka kula taliyay in gacmaha ay si joogta ah u dhaqaan, kaddib iyo kahor marka ay taabtaan xayawaanka ay xanaaneystaan sida bisadda ama ayda. Dhogorta xoolaha ayaa la sheegay in xanuunka la isku qaadsiin karo, waa haddiiba ayba dhacdo in xayawaankaas uu taabto qof xanuunsan. Xarun gaar loo leeyahay oo lagu xanaaneeyo xayawaanka ayaa mar sii horeysay mukulaal ka daweysay caabuq ku dhaca bisadaha, kaas oo aan ahayn midka haata laga helay bisadda. Waxaa aad u yaraa kiisaska feyraska corona ee laga helayo bisadaha ku nool qaaradaha dunida, oo waxaa uu xanuunkan haatan fara ba’an ku hayaa dadka. Daniella Dos Santos, oo ah madaxa urur ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta xanaanada xoolaha ayaa yiri: “talada aan u jeedineyno dadka xanaaneysta xoolaha la dhaqdo ayaa waxay tahay in dadka qaba xanuuka ama isaga shakisan ay xadidaan la macaamilka xayawaanka la xanaaneysto”. “Waxaa kale oo aan soo jeedineynaa in dadka xanaaneysta xayawaanka guri-joogga ah ee laga helay feyraska ama isaga shakisan in aanay xayawaankooda u oggolaanin in ay guryaha kasoo baxaan.” Feyrask corona oo hataan dunida ay u maara la’dahay ayaa daraasad cusub oo la sameeyay waxay muujineysa in xaladda corona ee dunida ka taagan ay sii cakirisay heerka nafaqa darrida ee caruurta ku nool dallaka soo koraya. Majaladda Medical Journal iyo sheybaarka Lancet ayaa sheegay in ku dhawaad 7 milyan oo caruur, kuwaas oo da’doodu ka yar tahay 5 sano jir ay khatar ugu jiraan nafaqo darri. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - Somali Government has refuted claims it was responsible for the internet outage Sunday which affected the capital Mogadishu and several parts of the country. Source: Hiiraan Online
-
Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay go’aankii Baarlaamaanka ee xilka qaadistii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. War-saxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in tallaabada ay qaaday dowladda dhexe ay caqabad ku noqon karto geeddi socodka nabadeed ee dalka Soomaliya. Beesha Caalamka ayaa ka digtay in la carqaladeeyo doorashooyinka soo aaddan iyo guulaha laga gaaray arrimaha horumarka Soomaaliya. Sidoo kale Beesha Caalmaka ayaa ku baaqday in wadatashiyo loo dhan yahay oo ballaaran laga yeesho noocyada doorasho ee sannadka 2020/2021. Hoos ka akhrido war-saxaafadeedka Beesha Caalmaka Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka. Saaxiibadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas. Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah. Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii Dhuusamareeb. *Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay* PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo war ka soo saartay arrimaha ka soo cusboonaaday Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
