-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland ayaa faahfaahiisay xiritaanka xaafiisyada Tv-ga Universal iyo Star ee magaalada Hargeysa, iyo sababta ka dambeysa in la xiroay labada Telefeshin. Wasiirka warfaafinta oo Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in loo xiray, kadib markii ay diideen in ay baahiyaan khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee 26-ka June, ayna jabiyeen amarro horay loogu wargeliyey in ay warbaahintu ay tabiyaan maalmaha 26-June iyo 18-ka. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ay kala laabteen ruqsadii uu ku shaqeynayay TV-ga Universal guud ahaan degaanada Somaliland, dib uga tabiyowararka sida uu sheegay wasiir Saleebaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo maanta warbixintii laga sugayey guddiga ka hor jeedisay fadhiga golaha shacabka ayaa dalbatay mudo kordhin, maadaama sida ay sheegtay mudada u hartay aysan doorasho dalka uga qaban karin. Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa khudbadii ay maanta ka hor jeedisay golaha ku soo bandhigtay laba hab oo ay u dhici karto doorashada dalka, kuwaas oo labaduba u bahan mudada loo kordhiyo guddiga doorashooyinka. Labada nuuc doorasho ee Xaliima Yarey ay soo bandhigtay mid waxa uu ku xusanyahay sharciga doorashooyinka ee baarlamaanku ansixiyey madaxweynuhuna saxiixay, waxay sheegtay in kaasi u baahanyahay uu waqti iyo kharash badan, waqtiga oo ay xustayna waxay ku sheegtay inay u baahanyihiin 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha soo socota ee July 2020 kuna eg August 2021-ka. Nuuca koowaad ee qaadanaya 13-ka bilood: Diiwangalinta codbixiyaha Bio-metric ka ee dhamaystiran: Tilmaamaha hanaanka Nooca diiwaangelinta Biometricka ah: Codbixiyaasha waxaa la diiwaangelinayaa codaynta ka hor, iyada oo la adeegsanayo qalabka biometricka. Kaarka aqoonsiga codbixiyaha ayaa la bixinayaa diiwaangelinta ka dib, Sixidda liiska codbixiyaashaiyo qaadida cabashooyinkaka yimaada. Kala saarista iyo sixidda xogta (deduplication) ayadooloo adeegsanayo nidaamka aqoonsiga wajiga codbixiyaha(face recognition). Waxaa la soo saarayaadiiwaanka rasmiga ah ee loo adeegsanayodoorashada. Waxay leedahay hawlgal soo noqnoqanaya oo u baahan sugid amnio o joogta ah. Waxaa si faahfaahsan loo qorshaynayaa agabyada doorashooyinka ee loo daabulayo goob kasta. Nuuca labaad ee qaadanaya 9-ka bilood: Diiwangalinta warqada gacanta isla maalinta Codbixinta: Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Yarey ayaa sidoo kale maanta khudbadeedii ku soo bandhigtay hab labaad oo ay ku dhici karto doorashada dalka, kaas oo kharash iyo waqtiba ka yar kii hore, laakiin ka tayo yar. Nuucaan labaad hadii la qaato in lagu qabto doorashooyinka dalka waxa ay sheegtay in uu ka kharash yar yahay kii hore, waqtigana ay u baahanayaan 9-bilood in loogu daro, oo ka bilaabaneysa July 2020 kuna eg Mararso 2021-ka Tilmaamaha Nooca diiwaangelinta Warqadda Codbixiyaasha waxaa lagu diiwaangelinayaa diiwaan yaalla xarunta codbixinta isla maalinta codbixinta iyadoo gacanta lagu qorayo. Ma jiro lamana isticmaali doono karaka codbixiyaha. Fursad looma heli karo cabashooyinka diiwaangelinta iyo sixid codaynta ka hor Diiwaangelinta la sameeyey lama sii isticmaali karo. Howlgalka codaynta kaliya ayaa looga baahanayaa ciidanka amniga Waxaa adag in la qiyaaso codbixiyaasha imanaya goobta codbixinta. Guud ahaan howlgalka codayntu wuxuu ka badan karaa maalin taasoo saamayn karta waqtigii ku dhawaaqidda natiijada. Hoos ka aqriso labada nooc oo dhameystiran
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen dalkeenna xilliyadii adkaa, taas oo garab weyn u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta Soomaaliya. “Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti hiilka iyo garab istaagga hagar la’aaneed ee aad noo muujiseen gaar ahaan wakhtiyadii adkaa waa mid aan marnaba ilaawi doonin, waa mid shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay idiin ogsoon yihiin”. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xusay doorkii ay ku lahaayeen shacabka halgankii xornimo doonka ahaa ee walaalaheen Jabuuti, waxa uuna xoojiyay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal. “maanta waxaa farxad noo ah in aan la qeybsanno walalaheen Jabuuti dabbaal-degga xuska sannad guurada 43-aad ee xornimadooda ee kasoo wareegtay markii Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle isku duubni, nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyo oo ka soo jeeda Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo degaano kale ayaa ka horyimid habkii loo maray ansixintii matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Xildhibaanadan oo tiradooda ku sheegay in ka badan 70 mudane, islamarkaana ay ku jiraan Wasiiro ayaa xusay in haddii la rabo in la kardhiyo kuraasta Aqalka Sare ee 54 ah loo maro hab Dastuuri ah. Xidlibaanada oo la magac baxay Kutlada sharci dhawr ayaa tilmaamay in haddii lagu daro kuraas Aqalka Sare, iyadoo aan loo marin habraaca ku xusan Dastuurka, gaar ahaan qodobbada 132-aad, 133-aad, 134-aad iyo 79-aad, in kordhintaasi baal-marsan tahay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna noqonayso wax aan sharci ahayn. Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan diidanayn matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, balse loo maray sifo sharci darro ah oo Guddoonka Golaha Shacabka dano gaar ah ka leeyahay. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka xildhibaanada PUNTLAND POST The post Matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ma loo maray sifo sharci ah? appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa war-saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay madaxweynayaasha labada dowlad goboleed uga socday magaalada Gaalakcyo ee gobolka Mudug. War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaas oo ka kooban lix qodob ayaa tilmaamaya in inta badan shirkaas looga hadlay arrimaha amniga iyo sikaashiga labada dowlad goboleed, iyadoo lagu cadeeyay in shirarka nuucaan oo kale ah ay joogto noqon doonaan. “Labada dowladod ee Puntland iyo Galmudug waxay isku af-garteen inay iska kaashadaan, arrimaha kala ah, aminiga, xoojinta dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha, sidoo kalena ka wada shaqeeyaan sidii deeqaha caalamiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed, si isu dheeli tiran,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo wadajir uga soo baxay Puntland iyo Galmudug. Qoraalka ayaa intaas ku sii daraya, “Labada dowladood ee Galmudug iyo Puntland waxay isla garteen ilaalinta iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed iyo hir-gelinta nidaamka federaaalka ah, si waafaqsan dasduurka ku meel gaarka ah ee dalka.” Sidoo kale qoraalka ka soo baxay shirka madaxda Galmudug iyo Puntland waxaa hambalyo loogu diray umadda Soomaaliyeed iyo tan reer Jabuuti, oo ku guda jira xuska sanad guurada maalmihii ay ka xoreebeen gumeystihii reer Yurub. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
-
Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi ayaa sheegay in ay Baarlamaanku ku tunteen Dastuurka kadib markii ay maanta Ansixiyeen Qodob aan Dastuuri ahayn Hoos ka daawo [...] The post Daawo Xildhibaan Cumar Ismaciil Waaberi oo wixii Maanta ka dhacay Golaha Shacabka ku tilmaamey Sharci daro appeared first on . Source
-
Waxaa warmuriyeed laga soo saaray shir labo maalin Gaalkacyo uga socday madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor,. Kulanka ayaa waxaa intii uusan siweyn looga hadlay iskaashiga labada maamul, oo deris ah ee dhanka amniga iyo dhaqaalaha, labada mas’uul ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeey ey maalmaha xoriyadda dalka. Halkaan Ka Akhriso War-murtiyeedka Source: goobjoog.com
-
Danjire aqoon-yahan Maxamed Caalim oo ka Faalooda Arimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa sharaxaad waafi ah ka bixiyay khudbadii ay Golaha Shacabka ka hor aqrisyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yarey). Halkan Ka Daawo Waraysi Dhinaca Skyp-ka uu Danjire Caalin Uu Siiyay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah Senatorada laga soo doorto maamul goboleedka Jubaland ayaa madaxtooyada Somalia ku eedeeyay inay faragelin qaawan ku hayso golaha aqalka sare ee Somalia. Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa si caro leh u sheegay in madaxtooyada ay faragelin ku wado kulamada iyo howlaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, isagoona tilmaamay in kulankii maanta lagu waday inuu aqalka sare yeesho ay ka danbeysay madaxtooyada inuu baaqdo kulankaasi. “Waxaa inuu muuqata in madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska Farmaajo uu isbaaro u dhigtay aqalka sare, waxaana laga soo abaabulayaa duminta galaha aqalka sare, horayna waxaa loo dumiyay golaha baarlamaanka” ayuu yiri Senator Iftin Xasan Baasto. “Maadaama aad ku fashilantay hoggaankii dalka, waxaanu ku leenahay wax iskula har taariikhda ayaa ku tori doontee” ayuu sii raaciyay Senatorka. Khilaafka madaxtooyada iyo guddoonka sare ee aqalka sare ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ay tahay maanta markii labaad ee uu baaqddo kulanka golaha aqalka sare, kadib khilaaf ka dhashay in kulamada lagu qabto aalada Online ee la iska arko.
-
Goobjoog uu kuu diyaarisay warbixin ku saabsan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee xaga ciyaaraha,isagoo horay u ahaa garsoore dhinaca kubbadda cagta. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsa Sooyaalka Ciyaaraha Madaxweyne Farmaajo https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Whats-upp-2.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ahna Afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in Telefishanka Universal uu ku xadgudbay Tebinta Xuska qaran ee 26 ka June taasina ay keentay in laga xayiro Somaliland. Wasiirka Warfaafinta oo u waramayay Wakaaladda Wararka ee Solna ayaa Sheegay in Telefishanka Universal uu ka soo horjeestay inuu baahiyo Khudbadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ka Jeediyey Munaasibadii qaran ee 26 June oo ahayd munaasibad distoori ah, Wasiirku waxa uu xusay in maamulka Telefishanka Universal ay ka dalbadeen inay baahiyaan Xuska qaran ee 26 June isla markaana ay si cad u diideen taas awgeedna ay go’aamiyeen in laga xayiro Somaliland, Waxa uu Wasiirku intaas ku daray in Telefishanka Universal uu hore u galay denbiyo kale kuwaas oo digniino iyo wada hadal lagu dhameeyay. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ahna Afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore Waxaa kale oo uu sheegay in Xukuumadu og tahay in Telefishanada madaxa bannaani ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay balse ay Waajib ku tahay inay baahiyaan wararka iyo dhacdooyinka maalmaha qaran ee dalka u yaala. Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelintu Waxa u sheegay In Telefishanka Star ay ku soo rogeen xayiraad Kadib markii uu galay Khalad Waxaanu wasiirku uga digay Warbaahinta kale inay ka Feejignaadaan inay ku xadgudbaan shuruucda dalka u degsan. Wasiirka warfaafintu Wuxuu Mahadnaq u diray Guud ahaan Telefishanadii sida Tooska ah u gudbiyey Munaasibadii Qaran ee 26 June iyagoo u hogaansamaya Shuruucda dalka iyo Xeerka saxaafadaba. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerka matalaada gobolka Banaadir, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Illaa 142 xildhibaan ayaa u codeeyay meel-marinta mooshinkii ay soo gudbiyeen 130-ka xildhibaan ee ahaa gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare, halka ay diideen illaa 4 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Si kastaba, waxaa hadda baxay xildhibaano ka horyimid meel-marinta mooshinka matalaadda gobolka Banaadir, kuwaas oo kasoo jeeda Puntland iyo Jubaland, waxaana ku jira qaar kooban oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Xildhibaanada oo sheegay inay gaarayaan 72, balse aan la xaqiijin karin tiradaada saxda ah, ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaga oo gaaray ila 10 xildhibaan ayaa soo saaray qoraalka lagu diiday metalaadda Gobolka Banaadir, waxayna ku eedeeyeen Guddoonka Golaha Shacabka inuu Dano gaara ka lahaa Xeerka. Xildhibaannadan golaha shacabka ee hoos ku qoran, waxay maanta uga digeen guddoonka goloha shacabka ee BF in la baalmaro dastuurka, oo ah heshiis bulsho iyo xeerarka kale ee dalka, oo cod loo qaado qaraar ama xeer ka soo horjeeda dastuurka. Xildhibaanadan waxaa ay ku doodeen in habraaca xeerarka doorashooyinka ee la xiriira matalaadda gobolka Banaadir uusan sax aheyn, uuna baalmarsan yahay qodobada dastuurka ee 79-aad, 82-aad iyo 83-aad ee dastuurka. Haddii la rabo in kuraasta aqalka sare la kordhiyo ay tahay in wax laga bedelo qodobka 72-aad ee dastuurka. Xildhibanadan ayaa u badan kuwa kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland, waxaana ku jira xubno kasoo jeeda K/Galbeed, iyadoo ay ka dhex muuqda wasiiro ka tirsan xukuumadda oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo sida: Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Sadiiiq Xersi Warfaa. Hoos ka akhriso: Liiska xildhibaannada ka horyimid meel marinta sharciga matalaadda gobolka Banaadir:
-
Kulankii Gaalkacyo uga socdey Gaalkacyo oo Maalintiisii labaad galay maanta ayaa lagu heshiiyey qodob muhiim u ah labada dhinac. labada dhinac waxay ku heshiiyeen in [...] The post Puntland iyo Galmudug oo ku heshiiyey in ay Mowqif mideysan ka qaataan Hanaanka Doorasho ee Soomaaliya appeared first on . Source
-
This article first appeared on The War Horse, an award-winning nonprofit news organization educating the public on military service, war, and its impact. One witness said he had heard a drone overhead. “It is the ‘oooooooo’ sound,” he told investigators. “Everyone recognizes it because they live in an al-Shabab place.” Another witness described hearing the blast and seeing “huge dark smoke going up.” He said that he received a phone call informing him that Maalim Abdiyow Fillow Mudey, a close friend of his for many years, had been killed, so he hopped on his motor bike and sped to the scene of the attack. “The whole village was burnt,” the witness remembered. “All the trees were also burnt. There was a big hole where the car was hit.” The destruction didn’t end there. “I saw pieces of flesh all over the place,” the man continued. “I was looking for the body of Maalim Abdiyow. He had a big beard, but I could not find him.” Maalim Abdiyow Fillow Mudey was a 45-year-old teacher and the father of 10 children. On Dec. 6, 2017, he was near the small shop and restaurant he owned in a little hamlet called Illimey when a military-style vehicle carrying up to three suspected fighters from al-Shabab, a terrorist group, was attacked. Maalim Abdiyow was killed along with his 17-year-old daughter, Amina Abdow Fillow Mudey. All told, five Somali civilians—including two children—died that day in 2017, according to an investigation conducted by human rights organization Amnesty International, which in recent years has begun to shine a light on the human cost of U.S. airstrikes in Somalia, a long-hidden part of America’s ongoing wars. With a rising death count of civilian bystanders, human rights groups are now calling on the U.S. government to account for its actions. For the better part of two decades, U.S. military operations in Somalia have been shrouded in secrecy. In 2002 or 2003, President George W. Bush sent Special Forces and CIA officers to Somalia to capture or kill members of al-Qaeda believed to be responsible for the 1998 bombings of the U.S. embassies in Kenya and Tanzania. In January 2007, the Bush administration carried out its first airstrike against suspected members of al-Qaeda in Somalia using an AC-130 gunship. Four and a half years later, after the architect of the 1998 embassy bombings had been killed, the United States, under President Obama, launched its first publicly acknowledged drone strike in Somalia, wounding two senior members of al-Shabab, which ultimately declared its allegiance to al-Qaeda in 2012. From 2012 to the end of the Obama administration, the U.S. Africa Command, known as AFRICOM, which oversees operations in Somalia, publicly declared it had conducted a grand total of 33 airstrikes in Somalia (15 more strikes have also been alleged, though not confirmed). This data was compiled by Airwars, a UK-based conflict-monitoring group. The highest number of strikes was 19 in 2016, likely in an effort to counter the violence caused by al-Shabab, including when it attacked a forward operating base in Somalia on Jan. 15, 2016, that killed as many as 141 Kenyan troops stationed there. Also in 2016, The New York Times reported that the Obama administration had “quietly broadened the president’s authority for the use of force in Somalia by allowing airstrikes to protect American and African troops” fighting al-Shabab. Moving forward, the U.S. military no longer needed to prove that a potential target’s actions posed an immediate threat to an American, though it was still necessary to certify the identity of the targeted person and ensure that civilian bystanders would not be injured or killed by an attack, among other requirements. All of that changed after Donald Trump became president. On March 30, 2017, The New York Times reported that President Trump signed a directive declaring parts of Somalia an “area of active hostilities,” which gave AFRICOM commanders more freedom to carry out airstrikes and conduct ground raids against al-Shabab. Retired Army Brigadier General Donald Bolduc was the commander of U.S. Special Operations Forces in Africa from April 2015 until June 2017. In an interview with The Daily Beast, he said that the former “near certainty” standard during the Obama administration required greater substantiation before an airstrike could be launched. This included the use of informants, full-motion video, surveillance intercepts, and various sources of intelligence across several platforms. After President Trump signed his directive, however, “The burden of proof on the target was changed to a lesser burden of proof, and so that automatically opens up the aperture when you’re looking at intelligence and you have a probability factor, or a reasonable one, that your target is there.” In 2017, the U.S. launched at least 38 airstrikes—manned and unmanned—in Somalia, more in one year than were launched in the previous eight years combined. The next year, at least 48 airstrikes were launched, and in 2019, there were 61. In the first five months of 2020, at least 40 airstrikes have been launched, which means the United States is on track to more than double the number of airstrikes it launched in 2019. Perhaps the most notable airstrike of 2020 occurred on Feb. 22, in the vicinity of Sakow, when Bashir Mohamed Mahamoud was killed. AFRICOM claims he was responsible for planning an attack in Kenya that resulted in the deaths of three Americans. Over the last 13 and a half years, AFRICOM has launched at least 228 airstrikes in Somalia and has reportedly killed between 1,807-2,422 al-Shabab fighters, according to data compiled by Airwars. At the same time, however, AFRICOM claims it has killed only four civilians: a woman and a child in an airstrike near the central Somali town of El Buur on April 1, 2018, and a 20-day-old child and his father near Kunyo Barrow on Feb. 23, 2019. Using a combination of official statements from AFRICOM, Somali news reports, photos and videos, social media posts, and other forms of open-source information—as well as internal military documents obtained by journalists via the Freedom of Information Act—Airwars has identified 29 separate incidents in which civilians were allegedly harmed by U.S. military action. All told, Airwars believes that those 29 incidents resulted in the deaths of between 68 and 140 Somali civilians, a figure that far exceeds AFRICOM’s official count of four. Why such a stark disparity? “They either don’t know who they are killing,” says Abdullahi Hassan, Amnesty International’s Somalia researcher, or AFRICOM is “afraid of admitting responsibility because once they do that they will have to compensate people and deal with accusations of war crimes.” According to the International Committee of the Red Cross, anyone who is suspected of belonging to an armed group must not be targeted on the basis of “abstract affiliation, family ties, or other criteria prone to error, arbitrariness or abuse.” In other words, for AFRICOM to lawfully target someone with an airstrike, regardless of presidential directive it seems, that person must be directly participating in hostilities. Therefore, as Amnesty International points out in its report on the “hidden U.S. war” in Somalia, “Direct attacks against the civilian population and individual civilians not directly participating in hostilities are prohibited and constitute war crimes.” When everyone you kill is a bad guy, however, all those problems melt away. Two years before he became the commander of AFRICOM, Stephen J. Townsend wrote an op-ed for Foreign Policy in which he claimed that the reports of civilian casualties coming out of Somalia were “vastly inflated.” He also claimed that AFRICOM investigates every allegation of civilian casualties to ensure accountability. “There is no secret air or shadow war as some allege,” Townsend said in an AFRICOM press release. “How can there be when the whole world knows we are assisting Somalia in their fight against al-Shabab terrorists? When we publicly announce every single airstrike we conduct? When we publicly admit to our mistakes? Unlike al-Shabab we do everything in our power to avoid civilian casualties and that is not changing on my watch.” But how transparent are the investigations AFRICOM conducts? Researchers at the Center for Civilians in Conflict (CIVIC) and the Columbia Law School Human Rights Institute (HRI) recently uncovered some shortcomings in AFRICOM’s investigative process. During a workshop with AFRICOM personnel led by CIVIC/HRI to better understand AFRICOM’s process for assessing civilian casualties, the researchers discovered that while AFRICOM had evaluated 37 reports of civilian casualties resulting from U.S. airstrikes in Somalia and Libya from 2016 to 2019, it had not interviewed even a single civilian witness. “Civilians injured in U.S. military attacks, and the families of those who are killed, have endured long and painful struggles trying to find out why they or their loved ones were harmed, and whether their communities are still at risk,” Priyanka Motaparthy, director of the Project on Counterterrorism, Armed Conflict, and Human Rights at HRI, said in a press release accompanying a report her organization published in February 2020. Thorough investigations are necessary, she continued, so that the victims’ loved ones, and the general public, know the deaths didn’t occur unlawfully. Al-Shabab continues to be a threat, despite all the United States has done the past three years to degrade and defeat them. On Feb. 7, 2020, the lead inspector general for East Africa and North and West Africa Counterterrorism Operation submitted a report to Congress on counterterrorism efforts in Africa. During the last quarter of 2019, the report stated al-Shabab launched “multiple high-profile attacks,” including one on Kenya’s Manda Bay Airfield. In fact, during the first three years of Donald Trump’s presidency, al-Shabab managed to launch 929 attacks on civilians, resulting in 2,247 deaths. “Despite continued U.S. airstrikes in Somalia and U.S. assistance to African partner forces,” the inspector general continued, “al Shabab appears to be a growing threat that aspires to strike the U.S. homeland.” It’s not clear whether AFRICOM’s tactics in Somalia will change in light of all the evidence showing that drone strikes targeting al-Shabab fighters are having a negligible effect at best. Since the beginning of April, AFRICOM has acknowledged conducting seven airstrikes, all without injuring or killing any civilians. One thing that will change moving forward is that AFRICOM, at the behest of Amnesty International, will issue quarterly reports on the “status of ongoing civilian casualty allegations and assessments” in order to “demonstrate the U.S. military’s constant commitment to minimizing collateral damage in the pursuit of military operations.” “This is a welcome news,” says Abdullahi Hassan, “and we hope the reporting will be done in a transparent manner that will provide justice for the families.” On April 27, 2020, as the number of confirmed Covid-19 cases in Somalia continued to rise exponentially, AFRICOM published its first Civilian Casualty Assessment Quarterly Report. From Feb. 1, 2019, to March 31, 2020, the report claims, AFRICOM conducted 91 airstrikes in Somalia and Libya and received 70 allegations of possible civilian deaths or injuries. Investigations into 20 of those alleged incidents were launched and as of March 31, 2020, 13 have been closed; AFRICOM says only one of those was substantiated.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen dalkeenna xilliyadii adkaa, taas oo garab weyn u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta Soomaaliya. “Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti hiilka iyo garab istaagga hagar la’aaneed ee aad noo muujiseen gaar ahaan wakhtiyadii adkaa waa mid aan marnaba ilaawi doonin, waa mid shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay idiin ogsoon yihiin”. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xusay doorkii ay ku lahaayeen shacabka halgankii xornimo doonka ahaa ee walaalaheen Jabuuti, waxa uuna xoojiyay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal. “maanta waxaa farxad noo ah in aan la qeybsanno walalaheen Jabuuti dabbaal-degga xuska sannad guurada 43-aad ee xornimadooda ee kasoo wareegtay markii Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle isku duubni, nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah. View the full article
-
Islaam Bashiir Islaan oo kamida Isimada Puntland ayaa Gurigiisa ku casumay Wafdigii Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku jooga Gaalkacyo. kulankaan ayaa wuxuu qayb ka yahay [...] The post Islaan Bashiir oo gurigiisa ku casumay Wafdigii Galmudug appeared first on . Source
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” ayaa uga mahad celiyay guddoonka iyo Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo madaxweye Farmaajo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka. Qoraal kooban oo uu Duqa Muqdisho soo dhigay bartiisa Facebooka ayuu ku yiri” Waxaan u mahadcelinayaa Baarlamaanka JFS oo maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay xeerkii Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, Waxaad muujiseen kaalin lama ilaabaan ah oo taariikhda gashay oo aad ugu hiiliseen shacabka Gobolka Banaadir. Sidoo kale, Guddoomiye Cumar Filish ayaa hambalyo ku aadan guusha maqaamka gobolka Banaadir u diray shacabka gobolka Banaadir,wuxuuna cadeeyay in guushan u soo hoyotay Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ay ku timid Adkeysi, Sabar badan, abaalkii ay Qaranka u galeen ee canshuurtooda ku bixiyeen Dowladnimada miraheedi maanta ay heleen,” Ugu dambeyntii, Duqa Muqdisho ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo geed dheer iyo geed gaaban u koray sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu heli lahaa Aqalka Sare, isagoo horay u taageernay baaqiisii uu Baarlamaanka ka hor-jeediyay 6-dii bishan June 2020, taas oo aheyd tallaabo geesinnimo leh. View the full article
-
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 49 Juun 27, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Madaxweynaha Puntland Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Mudug Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article
-
Somalia joins the league of country’s that cannot hold elections – not because of the coronavirus as in the case of Ethiopia but because of preparatory challenges, the elections chief has disclosed. According to National Independent Electoral Commission head, Halima Ismail Ibrahim, the NIEC has ruled out holding elections which were scheduled to hold on November 27. She told lawmakers that the earliest an election could hold in the country was in March 2021. In her address to the lower house of parliament, she presented two options – an election based on biometric registration which would be possible in August 2021 or a manual-based registration that can be held in March 2021. The issue of upcoming elections has been a big issue in the Horn of Africa country with incumbent Mohammed Abdullahi Farmaajo certain to seek re-election. A united opposition front, involving two former presidents, is also lacing its boots to challenge him. The last poll was in February 2017 when after months of delays, some 275 MPs and 54 senators met in a fortified airport in the capital Mogadishu to choose between then incumbent Hassan Sheikh Mohamud for a second term, or one of his 21 other rivals. After three rounds of voting, incumbent Abdullahi Farmaajo emerged winner in an electioneering process marred with corruption and vote-buying. Mogadishu was on security lockdown for the vote after an increase in al-Shabaab attacks in lead-up the vote. The hangar at the Mogadishu International airport was thought to be the safest place to hold the event. The government dropped an initial plan to give each adult a vote owing to challenges in securing national polling stations. Instead, about 14,000 clan elders and regional figures chose the 329 lawmakers who in turn voted for the president. Meanwhile, the parliament has also approved a move that gives the capital 13 seats in the house. The capital falls under the Banadir region in the regional administrative structure of the government. Africa News View the full article
-
Xildhibaannadaan golaha shacabka ee hoos ku qoran, waxay maanta uga digeen guddoonka goloha shacabka ee BF in la baalmaro dastuurka, oo ah heshiis bulsho iyo xeerarka kale ee dalka, oo cod loo qaado qaraar ama xeer ka soo horjeeda dastuurka. Xildhibaanadan waxaa ay ku doodeen in habraaca xeerarka doorashooyinka ee la xiriira matalaadda gobolka Banaadir uusan sax aheyn, uuna baalmarsan yahay qodobada dastuurka ee 79-aad, 82-aad iyo 83-aad ee dastuurka. Haddii la rabo in kuraasta aqalka sare la kordhiyo ay tahay in wax laga bedelo qodobka 72-aad ee dastuurka. Akhriso: Liiska Xildhibaannada ka horyimid meel marinta sharciga matalaadda gobolka Banaadir: Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaaray heshiis ah in dib loo dhigo buuxinta biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran. Saddexda dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana labada toddobaad ee soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah. Ethiopia ayaa mowqifkeeda beddeshay xilli qorshaheeda hore uu ahaa inay billowdo buuxinta keydka biyo xireenka Nile 1-da July, taasi oo Masar iyo Sudan ay aad uga digeen. Dhismaha biyo xireenkaan ay ku baxday 4.6 billion oo dollar waxaa la dhameystiray 70 boqolkiiba waxaana uu balanqaadayaa bixinta korontada ay u baahanyihiin 100-ka million ee reer Ethiopia- waana meesha uu ka taaganyahay muranka sedaxda dal ee noloshoodu ku tiirsantahay webiga Nile. Muddo toban sano ah oo ay adkaadeen wadahadallo u dhexeeyay labada wadan ee webigu maro, Masar iyo Sudan, iyo dalka uu kasoo billowdo ee Ethiopia ayaa gaaray muran markii ay Masar geysay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay todobaadkii lasoo dhafay. Masar oo dhamaan webiga Nile ay ku tiirsanyihiin biyaheeda saafiga ah, ayaa ka walaacsan in ay xaqiijiso heshiis adag oo damaanad qaadaya qul-qulka biyaha iyo hanaan lagu xaliyo muranka ka hor inta uusan biyo xireenku shaqo bilaabin. Warqad ay u dirtay Golaha Amaanka Khamiistii, ayey Sudan uga digtay in nolosha malaayiin qof ay khatar geli doonto hadii ay Ethiopia ku dhaqaaqdo qorshaheeda heshiis la’aan. Heshiiska la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn ee biyo-xireenka loo yaqaan GERD.
-
Qaran News