Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Warta Nabada Saacid Xuseen Cabdi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in maamulka degmadiisa ay aad ugu faraxsanyihiin helitaanka garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho oo ay Dowladda Soomaaliya kala wareegtay ciidamada Amisom bishii Auguts 2018. Halkan Ka Daawo Guddoomiye Saacid oo la hadlay Goobjoog Sports https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-.mp4 Source: goobjoog.com
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo ka carooday Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ugu ansixiyeen Gobolka Banaadir in uu 13 Xubnood ku yeesho Aqalka Sare ayaa sheegay inay ka codsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Deni ee Puntland in ay ka ku dhawaaqdo madax-baani. Hadalkooda ayaa yimid kadib markii xildhibaanada kasoo jeeda beesha Daarood ee u jira baarlamanka Soomaaliya ay ku fashilmeen isku daygii ay ku hor-istaagi lahaayeen xuquuqda gobolka Banaadir. Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in magaalada Muqdisho ay markii hore u aqoon sanaayeen goob daka lagu dilo laguna dhaco, hase yeeshee haatan ay noqotay mid Sharciga lagu dhaco, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay sheegeen in Xeerarka doorashada oo ay qaarkood ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka aysan aqoonsaneyn, waxaana ay sheegeen inay Puntland tashan doonaan go’aanana soo saari doonaan. Waxaa ay sheegeen in Magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaaliyeed, balse ay u muuqato mi dad gaar ah xigsanayaan, waaana ay ku eedeeyeen dowladda federaalka, maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed inay faquuqayaan Maamulada Puntland iyo Jubaland, sida ay hadalka u dhigeen. Aqalka Sare ayaa waxaa ugu badan beesha Daarood oo haysata 17 kursi, halka Dir iyo Mogadishu Clan ay haystaan min 14, ayada oo Digil iyo Mirifle ay haystaan 8, beeshan shanaad ay ay haysato kaliya hal. Hoos ka dhageyso codadka xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Xildhibaannada.mp3
  3. Madasha Xisbiyada qaran oo qoraal soo saaray ayaa dalbaday iney iscasilaan dhammaan guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka. Halkaan Ka Akhriso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa Mqudisho ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin hadal jeedintii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo 13-senetar ee loo qoondeeyay Gobolka Banaadir. Halkan Ka Daawo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Hadlay Warbaahinta Source: goobjoog.com
  5. Zakariye Yuusuf oo ka tirsan Hay’adda xasaradaha Caalamka ayaa nasiib-daro ku tilmaamay in la jabiyo qodobo ka mid ah Dastuurka Dalka,isagoo sharaxaad dheeri ah ka bixiyay khilaafka labada aqal ee Baarlamaanka. Halkan Ka Daawo Zakariye Yuusuf Oo Waraysi Dhinac Skpy-ka Siiyay Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. The UN mission in Somalia said it thanks to the electoral commission Chairperwoman Halima Yarey for presenting technical options to achieve direct voting for Somalis as early as March 2021. UNSOM has called for a broad consultation among Somali political leaders to reach consensus on way forward – the planned meeting of Federal Govt. and the Federal Member States is a good next step. NIEC chair Halima Yarey appeared before parliament on Saturday where she presented two options for historic Presidential and Parliamentary elections in the country. In her much-awaited report, she called upon the house to select between the manual voter registration and biometric process for successful voting before March 2021. Somali opposition has condemned NIEC’s statement as a plot to seek term extension for current leaders whose mandate expires by the end of the year, calling for timely polls. View the full article
  7. Somalia’s special forces have wrested control of four small villages in Lower Juba, southern Somalia, from al-Shabaab on Sunday during large operation. The villages – Jana-Abdalle, Mayonde, Helishid, and Garascebe have been under Al-Shabaab control for years, where the militants engineered raids on Somali and US troops. The military commanders in the region claim that they killed several fighters. The government has vowed its SNA forces backed by AMISOM troops will continue the operations to flush al-Shabaab fighters out of the regions in the south and central Somalia. Al-Shabaab holds large swathes of territory and still manages to conduct car bombs and gun attacks in Mogadishu and elsewhere in the long-chaotic Horn of Africa nation. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha xaq u-dirirka Banaadirigiga ayaa war-saxafaadeed uu soo saaray uga hadlay go’aankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku ansixiyey in Gobalka Banaadiri uu13 kursi ku yeesho Aqalka Sare. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Warsaxaafadeed Golaha xaq udirirka Banaadirigga waxaa uu bogaadinayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya go’aanka geesinimada leh ee ansixinta xubnaha matalaadda Gobalka Banaadiri ee 13-ka ah, arrintaas oo ah mid taariikhi ah oo masiiri ah Shir weyn oo ay isugu yimaadeen dhammaan qeybaha bulshada Banaadiriga, ayna ka mid ahaayeen xubnaha Golaha Xaq udirirka Banaadiriga, uuna shir guddoominayey guddoomiyaha Golaha Md. Cumar Shariif Jeeg ayaa lagaga dooday go’aanka Matalaadda Gobalka Banaadir oo markii ugu horreysay yeelanaya xubno u fadhiista aqalka saree e Baarlamaanka Federaalka. Shir weynahan degdegga ahaa oo looga arrinsanayey arrinta matalaadda loo ansixiyey Gobalka Banaadir ayey golahan ka soo saareen baaq isugu jira bogaaadin iyo jiheyn iyo tusaaleeyn. Guddoomiye Cumar Shariif Jeej ayaa yiri “Waxaa Ilaahey mahaddiisa ah in maanta ay Baarlamaanka Soomaaliyeed ogolaadeen in Gobalka Banaadir uu helo matalaad uu ku yeesho aqalka sare, tani waxay Meesha ka saareysaa dulmanaantii ay Bulshada Banaadiriga ku dulmanaayeen aqalka sare, waayo wax xubin ah oo matala gobalka Banaadir iyo bulshada Banaadiri intaba ma jirin” Guddoomiye Cumar Shariif Jeeg wuxuu intaas raaciyey “Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga lahaa fikradda ah in laga hadlo matalaad la’aanta Gobalka Banaadir, waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha inuu Xaqiijiyo in matalaaddaas ay yeeshaan dadka xaqa u leh oo ah Banaadiri” Afhayeenka Guud ee Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed Md. Salmaan Shariif Abuukar ayaa sidoo kale bogaadiyey go’aanka Taariikhiga ah ee matalaadda loogu ogolaaday Gobalka Banaadir. Md. Salmaan waxaa uu yiri “Aniga oo ku hadlaya afka Bulsho weynta Banaadiriga waxaan soo dhoweyneynaa go’aankan taariikhiga ah ee matalaadda loo ogolaaday Banaadir, waxaana filayaa in xaqaas lagu tixgaliyo dadka Banaadiriga ee gobalka iska leh, waayo anaga ayuu naga maqnaa, oo xaqna u leh in aan Banaadir matalno” Sujaaco Mahdi Maxamuud (Filsan Qaali) oo ah Guddoomiyaha Haween weynaha Beelaha Banaadiriga oo shirkaas ugu qeyb gashey Aaladda fogaan aragga (Zoom) ayaa sheegtay in uu muuqdo ifafaale rajo oo ah in ay Soomaaliya ka baxeyso caddaalad darada ay ku jirtay. “Waxaa ina gashay Rajo weyn oo ah in caddaalad daradii dhamaatay mar haddii uu gobalkeena helayo Matalaad, waxaan ku baaqayaan in matalaaddaas aan Dadka Banaadiriga ah ee xaqa u leh aan lagu faragalin doonin, anaga oo ogol in dadka nala dega aan xaquuqdooda ka siin doonno” Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Isbedeldoonka Banaadiriga Md. Axmed C/Casiis Maxamed Almakhzuumi oo shirka ka hadlay ayaa ansixinta xubnaha matalaadda Banaadir ku tilmaamay go’aan taariikhi ah. “Waa taariikh xusid iyo bogaadin mudan, waana maalin taariikhi ah mar haddii dulmigii ahaa in dadka Gobalka Banaadir matalaad la’aantoodii la so oaf jaray, waxaana arrintaas uga mahadcelineynaa Baarlamaanka Soomaaliyeed, Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoonka Baarlamaanka intaba” ayuu yiri Axmed C/Casiis Ugu danbeyntii waxaa shirkaasi laga soo saaray go’aanada soo socda Bulshada Banaadiriga ee leh Gobalka Banaadir waxay soo dhoweyneysaa go’aanka taariikhiga ah ee xaqa matalaadda gobalka Banaadir, kaas oo Meesha ka saaraya caddaalad daradii siyaasadeed ee ay horey ugu kaceen Madashii Hoggaamiyeyaasha Qaranka ee 2016 go’aamisay in la qadiyo gobalka Banaadir In Xubnaha loo ansixiyey Gobalka Banaadiri ay 50% ay xaq u leeyihiin dadka Banaadiriga, 50% soo hartayna ay wadaagi doonaan dadka la dega gobalka Banaadir. In dhammaan Maamul Gobaleedyada xilliga soo socda ee doorashada ah xaquuqda ka maqan siiyaan guud ahaan beesha shanaad, gaar ahaanna beesha Banaadiri oo degta dhammaan maamul gobaleedyada, Gaar ahaanna Koonfurgalbeed, Jubbaland, Hirshabelle iyo Puntland, balse aan wax matalaad ah aan lagu siin, waxaanna codsaneynaa in caddaalad darradaas Meesha laga saaro. Wabillaahi Towfiiq Cumar Shariif Jeeg Guddoomiyaha Golaha Xaq Udirirka Banaadiriga
  9. Puntland and Galmudug have agreed to cooperate closely on security, reconciliation, and strengthening the economy, following meetings in south and north of Galkayo. The leaders of the two states planted a peace tree with the formation of commissions working on the implementation of the agreement. Puntland has lost two governors in targeted suicide car bomb attacks in Garowe and Galkayo this year by Al-Shabaab as the state is coping with security. Galmudug has assured Puntland of cooperation on counter-terrorism and boost up the peace and stability with both sides establishing joint police operating in Galkayo town. View the full article
  10. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ay ku shaacisay nooca Doorasho Dalka ka dhaceysa 2020/2021. Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu mahadceliyay Guddoomiye Xaliimo Yareey ay soo bandhigtay noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga Doorasho toos ah oo Soomaaliya ka Dhacda horraanta Maarso 2021. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey), soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021” Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa sidoo kale uu ku boorrinayaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubna. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ay ku shaacisay nooca Doorasho Dalka ka dhaceysa 2020/2021. Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu mahadceliyay Guddoomiye Xaliimo Yareey ay soo bandhigtay noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga Doorasho toos ah oo Soomaaliya ka Dhacda horraanta Maarso 2021. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey), soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021” Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa sidoo kale uu ku boorrinayaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubna. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo horay ay u jireen qeyla dhaan iyo codsiyo ka imanayay madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo ku aadan in baarlamaanku joojiyo xeerarka iyo sharciyada maalmihii lasoo dhaafay deg deg-ta ay ku ansixinayeen, ayaa waxaa xiisad kale sii abuuray xeerkii u danbeeyay ee baarlamaanka ku meel mariyay madalaada gobolka Banaadir uu ku yeelanayo aqalka sare 13 xubnood. Ansixinta xeerkaan ayaa muuqata inuu sii kala fogeynayo madaxda dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada oo 22-kii bishaan ku kulmay aalada Internet-ka laguna balamay kulan fool ka fool ah, oo looga hadli doono wixii caqabad ah ee jira. Kullankii 22-kii bisha oo madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada ay isla garteen in dib loo dhigo ka doodista iyo ansixinta xeerarka baarlamaanka ka socda, loona xil saaray Madaxweyne Farmaajo inuu hakiyo doodaha seddaxda xeer ee baarlamaanka ansixiyay. Sidoo kale, qodobadoo ay dalbadeen madaxda maamul goboleedyada ee la iska gartay ayaa waxaa ka mid ahaa in dib loo dhigo warbixinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo ugu danbeyntii guddoomiye Xaliimo Yareey ku iclaamisay xiliga ugu haboon ee doorashada qabsoomi karto, tallaabadaasi oo sii hurineysa inuusan qabsoomin shirka madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda. Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxda Puntland iyo Jubaland laga yaabo inay maalmaha ama saacadaha soo socda ku dhowaaqeen inay qaadacaan kulanka uu iclaamiyey Farmaajo shanta bisha July. Waxaa hadda soo baxaya baaqyo iyo mucaarado laga horgeeyay go’aanka baarlamaanka, kuwaasi oo ay wadaan xildhibaano kasoo jeeda maamulada Puntland iyo Jubbaland, taasoo muujineysa in carqalad ama ay adkaanto doonto inuu qabsoomo shirka madaxweynaha ku baaqay oo la filaayo inuu qabsoomi doono 5 ilaa 6 bisha July. Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland ayaa marnaba wax u ogoleyn dadka iyo beelaha Muqdisho dega, taasi oo hadda ay banaanka soo dhigteen, hase yeeshee ma cadda waxa ay sameyn karaan. Aqalka Sare ayaa waxaa ugu badan beesha Daarood oo haysata 17 kursi, halka Dir iyo Mogadishu Clan ay haystaan min 14, ayada oo Digil iyo Mirifle ay haystaan 8, beeshan shanaad ay ay haysato kaliya hal.
  13. Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani, ayaa Axadda maanta ah sheegay in dalkiisu uu wajahayo sanadkiisii ugu adkaa sababtoo ah cunnaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19. Xaaladda adag ee uu keenay cudurka Coronavirus ayaa sii xumaysay dhibaatadii dhaqaale ee dalkaasi, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii sanadkii 2018-kii ay quwadaha dunidu la galeen Iran, uuna dib ugu soo rogay cunnaqabateyntii saarneyd Iran. Isniintii la soo dhaafay ayaa lacagta Iran waxa ay gaartay heerkeedii ugu hooseeyay abid marka loo eego doollarka Mareykanka. “Waxa uu ahaa sanadkii ugu adkaa, sababtoo ah cadaadiska dhaqaale ee cadawga iyo cudurkan safmarka ah,” ayuu Rouhani ku sheegay khudbad laga sii daayay telefishinnada. “Cadaadiska dhaqaale ee bilowday 2018-kii ayaa kordhay … maantana waa cadaadiska ugu adag ee saaran wadankeenna qaaliga ah,” ayuu hadalkiisa raaciyey. Iran ayaa la kulantay laba kacleynta kiisaska cudurka COVID-19 iyo dadka u geeriyoodaba tan iyo markii ay xukuumaddu bartamihii bishii April khafiifisay xannibaadihii loo soo rogay xakameynta faafitaanka coronavirus. Tirada maalinlaha ah ee dadka u dhimanaya COVID-19 ayaa dhowaan kor u dhaaftay 100 qof, taasi oo ahayd markii ugu horeysay ee labo bilood gudahood ah ee tirada dhimashada maalinluhu ay heerkaasi gaarto. Ilaa 2,489 oo ah xaalado cusub oo COVID-19 ah ayaa laga diiwaangeliyey dalkaasi 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee kiisaska Iran ka dhigeysa 222,669, sida ay telefeshinka dowladda u sheegtay afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka, Sima Sadat Lari. Waxay sheegtay in 144 qof ay dhinteen, taasi oo wadarta guud ka dhigeysa 10,508. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Mid ka mid ah beelaha degan Muqdisho oo soo dhaweeyay hanaankii Golaha Shacabka Baarlamaanka ay ugu codeeyeen kuraasta uu Aqalka Sare uu ku yeelanayo Gobolka Banaadir. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Mid ka mid ah beelaha degan Muqdisho oo soo dhaweeyay https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-upp-.mp4 Source: goobjoog.com
  15. Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa maanta ufarisatay wajiga kowaad ee dacwadii lo heystay 2 eedeysane oo mid kamid ah uu yahay shacab halka kan kalane uu ka tirsan yahay ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed. Labada eedeysane oo kalaah Dable xoogga Cabdi Cabdule jaliil iyo,iyo Ibraahim Maxamuud oo shacab ayaa lo heystaa lunsasho Dhuunta qoriga dhashiikaha ee ay ku howl gali jireen ururka 40-aad guutada 5 aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka. Dhageysiga fadhiga Maxkamada waxaa daah-furay Guddumomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad, Gaashanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan, Ku xigeenka xeer ilaaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo qareenkii dhifaacaya ayaa dhankooda inta ay dacwaddu socotay dood dheer dhax martay. Sidoo kale abuukaate carab yuusuf Nuur shabeel oo ah qareenkii udoodayay ee dey sana yaasha ayaa Maxkamada ka codsaday in eedeysanayaashani lo firiyo sifaalaha danbiga Fududeeynaya. Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida gaashanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa garsoorka ka hor cadeeyay in eedeysanayaasha ay isku dayeen lunsadaan hantida ciidanka xooga dalka,waxaana uu Garsoorka ka codsaday in lamarsiiyo ciqaab uqalanta si ay tusaale ay ugu noqoto Askarta iyo saraakiisha kale ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed. Garmaqalka isi soo laabashada maanta Maxkamada waxaa soo xeeray Guddoonka Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ,gaashanle Maxamed amiin Cabdule Aadan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Warsaxaafadeed ay soo saareen Xisbiyada ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran ayay ku dhaliileen Gudiga Doorashada. Madashuvwaxay sheegeen in ay horay uga digeen in La isku [...] The post Madasha Xisbiyada Qaran oo Ku baaqay in lakala diro Gudiga Doorashada appeared first on . Source
  17. Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay labadii Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka u Matalaya Xisbiyada Mucaaradka Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay labo xubnood https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/WHATS-UPP.mp4 Source: goobjoog.com
  18. Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Malawi, Lazarus Chakwera, ayaa Axadda maanta ah loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Malawi ka dib markii Sabtidii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee ku celiska aheyd ee dalkaasi ka qabsoontay. Tani ayaa ka danbeysay ka dib markii bishii February ee sanadkan ay maxkamadi waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii madaxtinimada ee Malawi ka dhacday bishii May ee sanadkii 2019-kii, taasi oo madaxweynaha xilka banneynaya, Peter Mutharika, ku sheegtay guul uu mar labaad dalka ku sii hogaamiyo. Chakwera, oo 65 jir ah, ayaa helay aqlabiyaddii loo baahnaa, iyadoo guddiga doorashooyinku ay sheegeen inuu helay 58.57% codadkii dadweynaha ee la dhiibtay Salaasadii la soo dhaafay kana guuleystay madaxweyne Mutharika. Chakwera ayaa ku guuleystay inuu Malawi oo ay ku nool yihiin 18 milyan oo qof uu ka taliyo muddo shan sanadood ah. “Guushaydu waxa ay guul u tahay dimuqraadiyadda iyo cadaaladda,” ayuu yiri Chakwera oo hadlayay ka dib markii guushiisa lagu dhawaaqay gelinkii danbe ee Sabtidii, taasi oo dhalisay dabaal degyo xalay oo dhan ka dhacayay waddooyinka caasimadda Lilongwe, oo ah halka uu ka soo jeedo. Codeyntan ayay falanqeeyeyaashu u arkayeen in ay tahay imtixaan ku wajahan awoodaha maxkamada Africa ay u leeyihiin la tacaalidda khiyaanada doorashooyinka, iyo xakameynta awooddaha madaxweynaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa ku baaqay inay is-casilaan dhammaan xubnaha guddiga madax-banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey, kadib markii ay sida ay sheegeen ay ku fashilantay shaqadii loo igmaday. Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa lagu yiri “Madasha Xisbiyada Qaran waxay caddeyneysaa in hadal-jeedintii Guddiga 27/06/2020 golaha shacabka ee ahaa ineysan qaban karin doorasho waqtigeeda ku dhacda uu xambaarsanaa kaliya hadafkii muddo kororsiga ahaa ee GMDQ iyo Hoggaanka dalku kawada shaqeynayeen muddooyinkii dambe oo ay Madashu dhawrjeer ka digtey.” Madasha waxay sheegtay in guddiga doorashada aysan ahayn dhexdhexaad Madax banaan sida dastuurku siiyay ayna ku milmeen hoggaanka dalka kalana shaqeynayaan muddo dheereysi ka baxsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka. War-saxaafadeedka ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran waxey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ugu baaqeen iney is casilaan, tiiyoo ay jirto inaan gabi ahaan lagu soo hadal qaadin go’aankii ay Baarlamaanka ku ansixiyeen matalaadda gobolka Banaadir. “Madashu waxey ku baaqeysaa in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinku dhamaantood is casilaan mar hadii ay lumiyeen kalsoonidii shacabka iyo saamileyda siyaasadeed ayna caddaatey iney ku milmeen hoggaanka dalka isla markaana ku fashilmeen qabashada doorasho qof iyo cod ah kuna dhacda waqtigeeda dastuuriga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Madasha ayaa sidoo kale sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda. “MXQ ku wargalineysaa hoggaanka dawladda, dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo cidkasta oo daneysa geeddi socodka siyaasadda Soomaaliyeed inaan la aqbali karin muddo dheereysi aan sharci ahayn. Sidaasi darteed, waxii dhibaato ah ama dib udhac ah ee dalka kasoo gaara ka tallaabsiga dastuurka dalka iyo isku dhajinta kursiga waxaa masuuliyaddeeda qaadi doona hoggaanka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Halkan hoose ka aqriso qoraalka Madasha
  20. Suubaan Mahad Dirir oo ka mid ah musharaxiiinta is badaldoonka Jubaland ayaa waraysi dhinacyo badan siiyay Goobjoog News ayaa ka hadashay xaalada guud ee deegaanada maamulkaas. Halkan Ka Daawo Waraysi Ay Suuban Siiyay Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Sahan ee uu hoggaamiyo Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyey mowqifkiisa ku aadan qabashada doorashooyinka 2020/2021. Hoos ka aqriso qoraalka xisbiga. MAWQIFKA XISBIGA SAHAN EE KU AADAN QABASHADA DOORASHOOYINKA 2020/2021 Xisbiga Sahan markuu u kuurgalay hadal jeedintii GMDQ ee kulankii golaha Shacabka taarikhdu markay ahayd 27 Bisha June 2020 , Warbixinta Guddiga waxa lagu sheegay in aanay doorasho qof iyo cod ah ku qabsoomi Karin muddo xileedka u hartay dawladda talada haysa. Iyagoo dhanka kale gudigu si dooarasho qof iyo cod ah loo qabto uu guddigu soo gudbiyay laba hab oo lagu diiwaangalin karo codbixiyayaasha doorashadana ay ku qabsoomi karto kuwaas oo kala ah : Doorasho ku dhacda habka diiwaan gelinta electronica ee loo yaqaan (biometric) oo leh kayd iyo kalsooni , taas oo ku dhici karta muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha August 2021. Doorasho ku dhacda habka diiwaangelinta gacanta (manual voter registration) oo aan lahayn kayd iyo kalsooni midna taas oo ku qabsoomi karta ilaa bisha July 2020 ilaa March 2021. CAQABADAHA KU XEERAN SOO JEEDINTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA EE QABASHADA DOORASHO QOF IYO COD AH Khilaafka hareeyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee ku aadan hab raacyada sharciyeed iyo midka wadahadal ee loo abaaro doorashada Qaran ee loo madlanyahay. Ilaa hadda GMDQ waxa uu warbixintiisa u gudbiyay oo hortegay golaha shacabka kaliya , walina ma hortegin aqalka sare sida ku cad fariinta qodobka 53 aad ee doorashooyinka wuxuu ku farayaa guddiga inuu warbixintiisa ka horjeediyo labada aqal ee baarlamanka si wada jir ah . Soo jeedinta waqtiga kooban qaadaneysa ee qabashada doorasho ku dhisan habka diiwaan gelinta gacanta ee codbixiyaha oo ilaa bisha March ee sanadka 2021 ku qabsoomi karta maaha mid maangal ah oo waa hab aan la aamini Karin , laguna kalsoonaan karin hufnaanta natiijada doorashada iyo cod bixinta intaba. Hubaal la’aanta ka jirta in doorasho xor ah oo xalaal ah lagu qaban karo muddo 13 bilood ah ee soo jeedinta labaad, marka la eego caqabadaha farsamo, Qalab, dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee ku xeeran hawlaha qabashada doorasho qof iyo cod ah. Khilaafka iyo is af-garashawaaga siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada oo aan wali xalismin. Saamileyda siyaasadeed ee dalka oo ilaa haatan ku qanacsaneyn hanaan ay u socdaan arimaha doorashooyin, wax talo ahna aan ku laheyn. Haddaba Xisbiga Sahan asagoo ka duulaya duruufaha sharci, Amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo farsamo ee ku xeeran qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ku dhacda mudadeedii dastuuriga aheyd, waxuu soo jeedinayaa qodobadaan soo socda: In ay lagama maarmaanta tahay in doorashooyinka ay ku qabsoomaan mudadii xileedka dastuuriga ah, oo aan marnaba la aqbali karin wax muddo kordhin ah, taas oo wadanka galin karta qalalaase siyaasadeed iyo mid amni intaba. In Golaha Shacabku uu garwaaqsado xaaladda xasaasiga ee siyaasadda dalka marayso iskana ilaaliyo maraxaladaan inuu soo saaro go’aamo ama xeerar khatar gelinaya dawladnimada oo ka kooban Dawladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. In maadaama gudiga doorashooyinka uu cadeeyay inuusan doorasho qof iyo cod ah xiligeedii dastuuriga aheyd ku qaban karin, waxaa lagama maarmaan ah in arimaha doorashooyinka ee ku aadan nooca doorasho ee la qaban karo iyo sida loo qaban karaba ay si wadajir ah go,aan siyaasadeed oga gaaraan saamileyda siyaasadeed ee dalka kuwaa oo kala ah dowladda dhexe, dowlada gobaleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka ah. In dhammaan arrimaha ay isku hayaan aqalka sare iyo golaha shacabku si deg deg ah loo dhameeyo , ayna labada gole garwaaqsadaan in aanay habboonayn inay khilaaf iyo isqabqabsi ku khatimaan muddo xileedkooda , ayadoo danta guud la eegayo. Mahadsanidiin Guul iyo Gobanimo
  22. Warar hordhac ah oo hada soo gaaray Puntlandi.com ayaa sheegaya in Puntland ay jawaab Adag ka bixinayaan Khudbadii Ay Gudoomiyaha Gudiga Doorashadu ka jeedisay Baarlamaanka [...] The post Breaking News— Puntland oo qoraal kasoo saaraysa Go’aankii Gudiga Doorashada appeared first on . Source
  23. On Saturday, 27 June 2020, Somaliland withdrew the operating licenses of Universal TV in Somaliland regions and sent police to close down its offices. The director of Universal TV in Hargeisa, Mohamed Abi Digale, Source: Hiiraan Online
  24. DR.Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah Barre Jamaacadaha dalka ayaa waraysi dhinacyo badan uu siiyay Goobjoog waxa uu sharaxaad dheeri ka bixiyay khudbadii ay Golaha shacabka u jeedisay guddoomiyaha Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘Xaliimo Yarey’. Daawo Waraysi Dr.Xasan Sheekh Cali Uu Siiyay Goobjoog News Source: goobjoog.com