-
Content Count
212,306 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The long-chaotic Horn of Africa nation, Somalia is celebrating a big victory after being elected to serve second the deputy president of the UN General Assembly’s 75th session. Somali President Mohamed Farmajo has welcomed the appointment as a milestone showing the country’s growing profile and influence in the international community. “It is clear that Somalia showed up at the international arena with activeness, leadership and impartiality, and readiness to maintain regional stability and work for the common interests of development and cooperation,” the president said. On Monday, Somalia’s ambassador to the UN Abukar Osman Baale took up the position of Vice President of the UN General Assembly on behalf of the country. The election of Baale to deputize the UN General Assembly President is a major diplomatic for Somalia as it re-establishes itself in the global arena following three decades of conflict. View the full article
-
Golaha wakiilada dowlad goboleedka jubbaland ayaa maanta u codeeyey codsi ka yimid madaxweyne Axmed Madoobe uu ku dalbaday in mudoo loo kordhiyo si uu u soo dhiso golihiisa wasiirrada. Golaha ayaa ayaa dood dheer ka dib codsigii ka soo gaaray madaxweynaha ugu codeeyey cod gacantaag ah in la siiyo mudoo 90, cisho ah. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa 22 bishii August 22, 2019 waxaa loo doortay madaxweynaha Jubbaland, waxaana ilaa iyo mudadaas laga sugaayey inuu soo magacaabo golaha wasiirrada Jubbland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha wakiilada Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe u kordhiyey muddada uu ku soo dhisayo golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Jubbaland. Xildhibaanada kulanka ka qeyb-galay ayaa dhammaan u codeeyey in muddo 90 cisho ah loogu daray madaxweynaha, si uu ugu soo magacaabo golaha wasiirada Jubbaland. Sidoo kale xildhibaanada ayaa qaadacay shirka amniga qaranka ee uu dhawaan shaaciyey in Muqdisho lagu qabanayo madaxweynaha Soomaaliya. Golaha ayaa sheegay in Jubbaland aysan gabi ahaanba ka qeyb-gelin doonin shirkaasi oo loo qorsheeyey inuu dhaco bisha soo socota, iyaga oo ku eedeeyey dowladda dhexe in ay ka gaabisay dadaalladii laga sugayey ee u diyaar garowga doorashooyinka 2020/2021. Horey waxaa shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada u diiday Puntland oo ka hortimid hannaanka doorashooyinka Soomaaliya. Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa in muddo ah uu khilaaf kala dhexeeyaa dowladda federaalka, kaas oo saameeyey wada shaqeynta ay la leeyihiin dowladda dhexe. View the full article
-
Hargeisa ( PPM) – The Somaliland Parliamentary Permanent Committee has stripped Faisal Ali Warabe, the leader of UCID, a Somaliland opposition party, of his immunity from prosecution. The Committee accuses Faisal of violating the Somaliland Constitution. “Having seen the applicability if article 2 and 8 of Somaliland Constitution and articles 2 and 18 of Amendment of Political Parties and Associations; the constitutional dignity and responsibility of the Speaker of Somaliland Parliament; the supremacy of the law; and the statement from Chairman of UCID Party Faisal Ali Warabe that he opposes equality of Somaliland citizens and breached the Somali constitution, the Select Committee accepts that Faisal Ali Warabe is incapable of acting responsibly in national matters and is a threat to the peace and security of people of Somaliland” the statement reads. Somaliland Parliamentary Permanent Committee accused UCID Chairman of incendiary remarks for which “he will have to lose immunity from prosecution” The committee resolved “that from today Faisal Ali Warabe will not be regarded as the Chairman of UCID Party and urge Somaliland Government and our partners that support us in the democratic process not to have links with Faisal as a Chairman of a political party”. The Parliamentary Committee has called for Somaliland Committee for Party Registration to strip Faisal of immunity, and the Attorney General to press charges against UCID Chairman for violating the Somaliland Constitution. UCID Chairman has used incendiary remarks to accuse people in Sool region for not paying tax, and egged on Somaliland clans in Eastern regions to fight each other over territories. It was not the first time UCID Chairman used words that make his position as a party leader untenable. UCID Chairman may oppose the decision but charges from Somaliland Attorney General could overwhelm his responses to the decision from Somaliland Parliament and prosecution should the Somaliland judiciary follow the advice of the Somaliland Parliamentary Permanent Committee. UCID is one of the oldest Somaliland political parties. During the 2017 elections the party won less than 5% of votes. Waddani, a political party founded in 2012, won more than 40% of votes. If Faisal resigns or is sent to jail fierce competition on who could succeed him as party chairman will ensue if the party will avoid the fate of UDUB, which was dissolved in 2011 following disagreement over party chairmanship. © Puntland Post Monthly, 2020 The post A SOMALILAND PARTY LEADER TO LOSE IMMUNITY appeared first on Puntland Post.
-
Askari la sheegay katirsanaa ciidamada booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qof shacab ah ku dilay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Askariga ayaa qofka shacabka ah ku dilay xaafada Waabari ee magaalada Dhuusamareeb, waxaan lagu magacaabayey marxuumka Axmed Isteeli, oo kamid ahaa dhallinta magaalada. Dilka ayaa yimid ka dib markii marxuumka dhintay iyo askariga ay marmeen. waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan askarigii dilka u geystay ruuxa shacabka ah. Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa kawada howlgallo lagu baadi goobayo askarikii dilka geystay oo la sheegay inuu goobta isaga baxsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka UCID Feysal Cali Waraabe ayaa laga xayuubiyay xasaanadda sida ay maanta ku dhawaaqeeen Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland. Guddiga ayaa hogaamiyaha ku eedeeyay inuu jabiyay qodob dastuuri ah kaas oo ka hor imaanaya midnimada iyo wadajirka Somaliland, waxeyna go’aankaan ku shaaciyeen war qoraal ah oo ay soo saareen. Caasimadda Online ayaa ogaatay in guddiga ay Feysal Cali Waraabe ku eedeeyeen ixtiraam darro uu u muujiyay dastuurka Somaliland, waxeyna guddiga diiwaan-gelinta xisbiyada ogeysiiyeen iney xasaanadda ka qaadaan si dacwad loogu soo oogo. Guddiga ma carabaabin sabab kale oo ku riixday iney codsigaan gudbiyaan, balse hadalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli hogaamiyaha xisbiga UCID uu meel fagaare ah ku weeraray Baashe Maxamed Faarax oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada. Feysal Cali Waraabe oo lagu yaqaano hadalada xanafta leh ayaa Baashe ku tilmaamay shaqsi aan miisaan ku laheyn Somaliland isla markaana aan qabiilkiisa ka iibin Karin siyaasadda Somaliland. Si kastaba hadalka Feysal waxaa lagu tilmaamay mid aan habooneyn oo kala qeybinaya bulshada guud ee Somaliland, waxaana loo aqoonsaday inuu galay dambi qaran. Xisbiga UCID ayaan ka hadlin eedeymaha ay hogaamiyahooda usoo jeediyeen guddiga joogtada ah ee wakiilada Somaliland.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-30062020.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, ahna Wasiirka arrimadda dibadda dalkaas, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray labada mas’uul looga hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga. Dowladda Qadar ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera hir-gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku jooga safar aan horay loo shaacin. PUNTLAND POST The post Dooxa: Khayre oo la kulmay mas’uul sare appeared first on Puntland Post.
-
Bangiga Adduunka oo lacag badan ugu deeqay Soomaaliya Bangiga Adduunka ayaa markale lacag malaayiin Dollar ah ugu deeqay Soomaaliya, taas oo ah taageerada horumarinta caalamiga ah. Lacagtaan oo gaareysa illaa 40 milyan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay guddiga agaasimeyaasha hay’adaha bangiga adduunka, si loogu caawiyo dowladda federaalka. Warsaxaafadeed ka soo baxay Bangiga Aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtan aqeyb ka tahay maaliyada deg-dega ah ee Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo haatan fara ba’an ku haya gobollo badan oo ka tirsan dalka. The @WorldBank today approved $40 Million emergency financing to support #Somalia’s desert locust response.@UNinSomalia @FAOSomalia @SNTVSomalia @SomaliPM @MofSomalia @SomaliaMolsa @KalsonAbdi @BahjaAShuriye @HarunMaruf @Goobjoognews @amisomsomalia https://t.co/5xRtKNhZZ1 — mpf1somalia (@mpf1somalia) June 30, 2020 Sidoo kale qoraalkan oo la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu muujiyey in ay taageradaasi qeyb ka tahay barnaamijka jawaab-celinta deg-dega ee looga hortagayo khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo nidaamka u-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka. Todobaadkii hore ayey aheyd markii Bangiga Adduunka uu Soomaaliya u ansixiyey lacag gaareysa 55 milyan oo Dollar, taas oo lagu kaabayo miisaaniyadda dowladda ee 2020. Si kasta ha’ahaatee duullaanka uu Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% dhaqaalaha dalka. Qaran News
-
Fayras kale oo ka dillaacay Shiinaha oo laga cabsi qabo inuu dunida ku faafo Seynisyahano u dhashay dalka Shiinaha ayaa ogaaday in waddankaas uu ka jiro xanuun horleh oo lamid ah feyraska corona, kaas oo noqon karo cudur safmar ah sida feyraska hadda dunida ay la daala dhaceyso. Xanuunkan ayaa dhowaan lagu arkay xayawaanka doofaarka, waxaana sidoo kale ay seynisyahandu sheegeen in uu ku dhici karo ban’iaadamka. Cilmi-baarayaasha ayaa ka walaacsan in xanuunka uu si sahlan ku faafi karo, dadkana ay is-qaadsiin karaan, lagana yaabo in dunida oo dhan uu ku faafo. Inkastoo hadda dhibaato taagan uusan ahayn, haddana khubarada caafimmaad ee ogaaday xanuunkan waxay shegeen in uu leeyahay calaamado badan oo muujinaya in dadka ay qaadi karaan. Waxay intaa ku dareen in loo baahan yahay in si dhaw loola socdo cudurkan. Walow uu cusub yahay haddana waxay dhaqaatiirta seyniska ka digayaan khatarta uu leeyahay, waxayna ku baaqayaan in loo baahan yahay tallaabooyin lagu xadidayo faafidda cudurkan. Waxay shegeen in shaqaalaha shirkadaha ka shaqeeya hagaajinta hilibka doofaarka looga baahan yahay in ay taxadaraan, xaaladooduna aad loola socdo. Khatarta xanuunnada safmarka Hargabka shimbiraha ayaa ka mid ah cudurada khatarta ugu badan leh ee ay khubarada caafimmaadka isha ku hayaan xilli dunida ay isku dayeyso xakameynta feyraska corona. xanuunkii safmarka ahaa ee ugu dambeeyay ee dunida soo mara wuxuu ahaa Swine flu oo adduunka ka dilaacay sannadkii 2009-kii, kaas oo ka bilawday dalka Mexico. Inkastoo xanuunkaas uusan noqonin sidii loo maleynayay, saameyntiisana ay yareyd – dadka da’da ah waxaa la ogaaday in jirkooda uu iska difaaci karay in kastoo uu la mid ahaa cuduro dunida horay usoo maray. Xanuunkaas oo loogu magaca daray A/H1N1pdm09, waxyaabaha looga hortagayo waxaa ka mid ah tallaalka sannadlaha ah, kaas oo dadka ka difaaco hargabkaas. Midka hadda laga soo shegayo dalka Shiinaha waxay isku calaamad yihiin isla kaas la arkay sannadkii 2009-kii, waxaase khubaradu ay shegeen in xoogaa uu ka yara duwan yahay. Illaa iyo hadda ma jirto khatart muuqata balse barfsoor Kin-Chow Chang iyo khubarada kale ee la shaqeysa, waxay in muddo ah darsayeen xanuunkan, waxaana ay ku baaqayaan in isha lagu hayo. Feyraas lamid ah corona oo lagu arkay dalka Shiinaha Feyraska oo seynisyahannada ay ugu magac dareen G4 EA H1N1 wuxuu si dhakhso ah ugu faafi karaa xubnaha jirka iyo neef-mareennada. Waxay heleen caddeymo muujinaya in xanuunka uu haleelay dad ka shaqeeya kawaanada iyo warshadaha lagu qalo hilibka doofaarka. Prof Kin-Chow Chang, oo ka hawlgala jaamacadda Nottingham ee dalka Briatin ayaa BBC-da u sheegay: “Hadda waxaan ku mashquulnay fayraska corona, balse yaanan indhaha ka qaadin khatarta ka imaan karta feyraskan cusub.” Wuxuu intaa raaciyay in inkastoo xanuunkan uusan ahayn khatar hadda taagan, haddana loo baahan yahay in aanan indhaha laga qaadin. Prof James Wood, madaxa wakaaladda xanaanada xoolaha ee jaamacadda Cambridge, waxaa uu sidoo kale sheegay in tani ay tahay xasuusin muujineysa in marwalba aan khatar ugu jirna cuduro. Xoolaha la dhaqdo ee dadka bani’aadamka ay aadka ugu dhaw yihiin waxay sababi karaan xanuuno safmar ah, sida uu sheegay Khabiirkas. Qaran News
-
NAIROBI (HOL) - Somalia’s war on desert locusts which have devasted thousands of acres of land has got a boost with $40 million grant from the World Bank. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa aqbalay codsigii madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Madoobe ee ahaa in loo dhorhiyo muddada uu ku soo dhisayo golihiisa wasiirada. Golaha wakiilada Jubbaland ayaa ka guddoomay codsigaasi Axmed Madoobe, iyaga oo ugu daray muddo 90 cisho, si uu ugu soo magacaabo wasiirada cusub ee Jubbaland. Xildhibaanada kulanka ka qeybgalay oo gaarayey illaa 43 mudane ayaa dhammaan isku raacay in waqti loogu daro madaxweynaha Jubbaland. Dhinaca kale kulanka baarlamaanka ayaa ah mid sii socdo, waxaana looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ay ka mid ah yihiin:- 1- Ilaalinta dastuurka dowlada federaalka soomaaliya. 2- kuraasta degaan doorashadooda la badalay oo ay gollaha ka horyimaadeen. 3- waxay sido kale golaha ka hadlayaan shirka amniga qaranka ee uu ku baaqay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bisha soo socto 5 ilaa 7 ka dhici doono muqdisho iyago gabi ahaanba qaadacay shirkaasi. Jubbaland ayaa tan markii dib loo doortay Axmed Madoobe wajaheysay caqabado badan oo uga imaanayey dhinaca dowladda dhexe, inkastoo ay hadda u aqoonsatay si KMG ah.
-
Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa maanta ugu baaqay dhammaan hey’adaha maxaliga ah iyo caalamka in ay joojiyaan wada shaqeynta guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe. Guddiga oo war qoraal ah soo saaray ayaa xusay in laga bilaabo maanta aan guddoomiye Faysal aan loola dhaqmin sida ma’uul xasaanad leh, iyaga oo xeer ilaalinta ka dalbaday in Faysal lagu soo oogo dacwad la xiriirta hadal uu yiri. Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada ayaa wuxuu awood u leedahay in uu sii wado shaqadii golaha, maadama labadii gole ee wakiillada iyo guurtida ay ku jiraan fasax, oo aan weli dib loogu soo laaban kulamadii goloyaasha. Guddoomiye Enjineer Faysal Cali Waraabe ayaa lagu wadaa in uu goor dhow shir ku qabto magaalada Hargeysa, kaas oo uu uga hadlaayo, xasaanad qaaditaanka maanta uu ku sameeyey guddiga golaha joogtada ah ee Somaliland. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida joogta ah ee golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in golaha Wakiillada Somaliland ay Kalsoonidii iyo wadashaqayntii kala noqdeen guddoomiyaha xisbiga UCID. Gudigu Waxay ka dalbadeen xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland inuu kusoo oogo eedaymo salka ku haya Kicin dadweyne oo ay sheegeen inuu ka dhalan karo xadhig u dhexeeya 6 Bilood ilaa 5 sano oo uu wajihi karo Gudoomiyaha xisbiga UCID. Akhriso go’aanka Golaha wakiillada Somaliland ay ka soo saareen Faysal Cali Waraabe. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada ammaanka qof shacab ahaa ugu geystay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Dilka oo ka dhacay xaafadda Waabari ee Dhuusamnareeb ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyey askari ka tirsan ciidamada Booliska ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in askariga geystay falkaasi dilka ah uu goobta isaga baxsaday, balse haatan lagu raad-joogo, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee Galmudug. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka uu yimid, kadib markii uu muran soo kala dhexgalay askariga iyo Allaha u naxariistee marxuumka geeriyooday. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo weli baadi-goob ugu jira askariga fakaday, si loo horkeeno cadaaladda. Ma’ahan dilkii ugu horreeyey ee qof shacab ah loogu geystay Dhuusamareeb, tan iyo markii magaaladaasi lagu daabulay ciidamo badan oo laga qaaday magaalada Muqdisho.
-
Baarlamaanka Jubbaland waxay 90 Cisho siiyeen Madaxweyne Axmed Madoobe inuu kusoo dhiso Xukuumad Cusub. Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ka dalbadey in wakhti dheer la siiyo, waana [...] The post MadaxweyneAxmeMadoobe oo Sanad kadib aan wali Xukuumad soo dhicin, Wakhti dheeraa la siiyay maanta appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka ayaa markale lacag malaayiin Dollar ah ugu deeqay Soomaaliya, taas oo ah taageerada horumarinta caalamiga ah. Lacagtaan oo gaareysa illaa 40 milyan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay guddiga agaasimeyaasha hay’adaha bangiga adduunka, si loogu caawiyo dowladda federaalka. Warsaxaafadeed ka soo baxay Bangiga Aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtan aqeyb ka tahay maaliyada deg-dega ah ee Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo haatan fara ba’an ku haya gobollo badan oo ka tirsan dalka. Sidoo kale qoraalkan oo la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu muujiyey in ay taageradaasi qeyb ka tahay barnaamijka jawaab-celinta deg-dega ee looga hortagayo khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo nidaamka u-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka. Todobaadkii hore ayey aheyd markii Bangiga Adduunka uu Soomaaliya u ansixiyey lacag gaareysa 55 milyan oo Dollar, taas oo lagu kaabayo miisaaniyadda dowladda ee 2020. Si kasta ha’ahaatee duullaanka uu Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% dhaqaalaha dalka.
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka soo saartay xukun ah In Gaadiidkii Lagu Qabtay Jaadka Loo Celiyo Dadkii Lahaa. Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, wax kale oo ay amartay in Muwaadiniintii Gaadiidka iyo Qaadka lagu qabtay ee Maxkamadda Gobolku hore ugu xukuntay xadhigga 3-da sanadood ah iyo Ganaaxa ah lacageed laga khafiifiyo Xukunkaasi. Maxkamadda ayaa amartay in Qofkii ku xukunkaa 3 sano oo xadhig ah, Xadhiggiisa laga dhigo 1 sano iyo badh, sidaana waxa Warbaahinta u sheegay Ururka Qareennada Somaliland. Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Gobollada kale ee dalka ayaa Bil ka hor waxay xukumeen in Boolisku la wareego gaadiid badan oo lagu qabtay Kootarabaan ah, xilligii Guddiga ka hor-tagga Covid_19 hakiyeen Qaadka Itoobiya ka yimaadda, si looga hor-tago Xanuunka Covid_19 oo xillligaa aad ugu faafayey Dunida iyo Somaliland. Markaasi ka dib, waxa Ciidammada Boolisku ay is iskood ah Ranjiga uga beddeleen Gaadiidkii ay Qaadka ku qabteen oo ahaa nooc kasta oo gaadiidka ah, sida Tagaasida, Noohooyin Booyado, Laanguruusallo iyo gaadiid kale oo tiradoodu badnayd. Source
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta ayaa ka digay in kuraasta loo wareejinayo gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay keeni karto in ay lumaan kuraastaasi. “Kuraasta waxaa loogu tala galay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay u tartamaan, adiga waxaa laga yaabaa in kursiga inta aad qaado oo geyso meel aysan deganeyn bulshada iska leh kursigaas, adigana lagaa tira badan yahay,ay suurtogal tahay in lagaaga guuleysto” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciladdaasi ay ku soo noqon doonto dadkii kursigaas iska lahaa, taasina ay u baahan tahay in laga fakiro inta aysan dhicin. Mursal oo si gaar ah ula hadlaayey xildhibaanada ayaa ku baaqay in kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada aan loo wareejin gobol aysan degin beeshiishii laheyd kursigaasi. View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in maanta banaan-baxyo rabshada wata ay ka bilowdeen dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay toogasho xalay loo geystay fanaan Haacaaluu Hundeessaa oo caanka ahaa wadankaasi. Fanaanka oo ka soo jeeday Qowmiyadda Oromada ayaa caan ku ahaa dibad-baxyadii Itobiya ka dhacay sanado ka hor, waxaana toogasho gaadma ah ku dilay rag hubeysan. Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa iyo hareeraheeda ayaa dab qabad-siiyey goobo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo warbaahinta dalkaasi kala hadlay dadweynaha ayaa ka tacsiiyey geerida fanaankaasi, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay dibad-baxayaasha inay is-dajiyaan, islamarkaana ay joojiyaan mudaharaadyada socda. Sidoo kale wuxuu u sheegay dadweynaha inay ka war-sugaan hay’adaha ammaanka iyo kuwa cadaaladda oo ku howlan baaritaanka dilka qorsheysan ee loo geystay fanaanka. Dhankiisa Jawar Maxamed oo ah hogaamiye ka tirsan Oromadam islamarkaana mucaarad ku ah xukuumadda Abiy ayaa ka hadlay rabashadahaasi, wuxuuna shacabka dhigaya dibad-baxyada uu ka dalbaday inay guryahooda ku noqdaan, isna dajiyaan. Xaaladda magaalada Addis Abab iyo sidoo kale deegaanka Oromada ayaa maanta aad u kacsan, iyadoona halkaasi lagu arkayo shacab badan oo ka careysay dilka fanaankaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa samaynaya isku shaandhayn heer wasiirro ah sida ay tilmaameen xogo ay heshay mareegta Somaliland Chronicle. Xogaha ayaa tilmaamay in isku shaandhaynta oo degdeg u soo bixi doonta madaxweyne Biixi birta la dhex qaadi doono Golihiisa Wasiirrada islamarkaana wasiirro door ah meesha ka saari doono. Madaxweyne Biixi ayaa shalay sameeyay isku shaandhayn xil ka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ah oo heer badhasaabadda gobollada ah halka uu sida oo kale magacaabay safiirrada Turkiga iyo Taiwan Cabdirisaaq Gees iyo Maxamed Xaaji. Source
-
Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Kulmay Dr Cali Khaliif Galaydh
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Qaabilay Prof. Cali Khaliif Galaydh, hoggaamiyaha Khaatumo. Kulankan oo noqonaya kii koowaad ee ay yeeshaan Muuse Biixi Cabdi inta loo doortay Madaxweynaha Somaliland iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa lagaga wada-hadlay Arrimo kala duwan, sida ay ilo-wareedyo Xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Geeska Afrika. Hoggaamiyaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa 2017-kii Magaalada Caynaba heshiis kula saxeexday Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Heshiiska Galaydh uu la saxeexday Xukuumaddii hore ee Axmed-Siilaanyo oo ka koobnaa Lix Qodob ayaa wuxuu fulintooda ka sugayey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qodobbada heshiiskaasi ku jiray ee Galaydh doonayo in Xukuumadda Madaxweyne Biixi fuliso waxa ka mid ah in ‘Dastuurka Somaliland la furo’ si i loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan.’ Waxa kale oo ka mid ah Qodobbada ku jiray Heshiiska Somaliland iyo Hoggaamiyaha Khaatumo isla-markaana fulintooda laga sugayo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ‘in laga shaqeeyo sidii Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah uga hawl-geli lahaayeen deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle’. Cali Khaliif Galaydh oo tan iyo markii Madaxweyne Biixi la doortay ku sugnaa Magaalada Hargeysa ayaa fagaareyaal badan kaga hadlay sida aan loo fulin heshiiskii ay la galeen Somaliland. Qaran News -
Dalka Itoobiya ayaa saacadihii tagay waxaa hareeyey dibax-baxyo waaweyn, iyada oo la hakiyey isu socodka , lana jaray Internet-ka iyo korontada. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib dil loo geystay fannaanka dhalinyarada ah ee reer OromoHachalu Hundessa kaas oo dil qorsheysay lagu sameeyey caasimadda Adis Ababa. Wararkan, oo faah-faahsan, kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com