-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta saree ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa Waxaan maanta soo saartay Xeerka ansixinta iyo dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay qasab tahay in sannad-dugsiyeedkan lagu dhigo dhammaan dugsiyada dalka. Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare e e dalka Cabdullaahi goodax Barre oo bartiisa facebok ku daabacay warkaan ayaa qasab looga dhigay in dhammaan dugsiyadda sare ee dalka in manjahkaan ay dhaqan galiiyaan sanad dugsiyeedkaan . “Waxaan maanta soo saaray Xeerka ansixinta iyo dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay qasab tahay in sannad-dugsiyeedkan lagu dhigo dhammaan dugsiyada dalka ayaa lagu yiri qaraalkaan kasoo baxay wasiir goodax Barre. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xog aan helayno ayaa sheegaysa in magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ay kusoo wajahan yihiin wafdi ka socda dowladda Shiinaha, oo muddooyinkii u dambeeyay ka biyo diidaneed xiriirka Taiwan. Wafdigan ayaa ku biiri doona xubno kale oo uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian oo isagu ku sugan magaalada Hargeysa. Danjire Qin Jian ayaa magaalada Hargeysa ku sugan dhowr maalmood, isaga oo aan weli la kulmin madaxweynaha Somaliland oo ujeedkiisa u weyn ahaa, sida ay ogaatay Caasimada Online. Jian ayaa Somaliland u tagay sidii uu madaxda ugu sarreysa ula kulmi lahaa, isla markaana u gaarsiin lahaa diidmadooda ka dhanka ah xiriirka cusub ee ay la sameysatay Taiwan. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, Wafdiga ka socda Shiinaha ayaa daba socda dalab ay Somaliland ku xirtay Shiinaha, kaasi oo ahaa inuu ula tacaamulo sidii dal ka madax-banaan Soomaaliya. Shiinaha oo saaxiib dhow la’ ah Soomaaliya ayaa u muuqda mid xiligan ku qasban inuu wakiil macmal ah u magacaabo Somaliland, isla markaana uu xiriir diblumaasiyadeed oo cusub la sameysto, si daaqada looga saaro Taiwan. Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa si weyn uga careysiiyay dowladad Shiinaha oo iyadu sheegata inay Taiwan tahay jaziirad ka tirsan dhul-weynaheeda, halka iyaduna ku doodeyso taasi badalkeeda.
-
Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey xubin kamid noqoneysa guddiga maddaxabannaan ee doorashooyinka qaranka. Golaha oo kulan ku sheeshay Muqdisho ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey ,Marwo Sacdiyo Shuuriye xubinnimadeeda ay kaga mid ahaanayso guddiga doorashooyinka qaranka. ,Marwo Sacdiyo Shuuriye ayaa isla goobtii lagu meel mariyey lagu dhaariyey, kulanka golaha ayaana maanta Ajandihiiosuhu ahaa meel marinta iyo dhaarinta xubintaan kamid noqonaysa guddiga doorashooyinka qaran. GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Riyadh)-Dad badan oo ajaanib ah ayaa ku xidhan xabsiyada Sacuudiga, waxaana ka mid ah dad Soomaali ah oo shaqo u tagay dalkaas, waxaana halkaas laga soo sheegayaa nolol xumo aad u daran. Ibraahim oo ah qof Soomaali ah oo muddo ku noolaa dalka Sacuudiga ayaa laga soo qabtay Dukaan uu ka shaqeynayay oo magaaladda Jeddah ku yaalla, waa 40-jir wuxuu ka sheekeeyay nolosha xanuunka badan ee halkaas ku heysata. Ibraahim wuxuu sheegay iney cabaan biyaha suuliayadda amma musqusha, sidoo kalana ayna muddo arkin iftiinka qoraxda. “Waxaan ka shaqeynayay dukaan ku yaalla magaalada Jeddah, ciidamada ammaanka Sacuudiga ayaa i qabtay, ka hor waxaan dhuumaaleysi ugu noolaa magaalooyinka maadaama aan laheyn sharciga dalka” ayuu yidhi Ibraahim oo la hadlayay Guardian. Wareysiga uu bixiyay wuxuu ku sheegay in muddo bil ah uu ku qaatay xabsiga lagu sugto musaafurinta, wuxuuse arkay nolol liidata oo ku qabsatay xabsiga Al-Shumaysi. Dad badan oo dalal kala duwan kasoo jeeda ayaa xabsiga kula xidhnaa, waana dad aan heysan sharciga ogolaanshaha ku noolaansho ee dalka Sacuudiga, waxaana soo qabta ciidamada ammaanka. Xabsiga Al-Shumaysi wuxuu qaadaa in ka badan 30 Kun oo qof, waxaana ku xidhan dad iskugu jira rag iyo haween, waxaa sidoo kale jirta carruur halkaas ku dhalatay iyadoo sariiruhu ay cirdhiidhi yahiin. Taleefanada looma ogola maxbuuska, waa go’aan ay qaateen hawlwadeenada xabsiyada iyadoo la rabo in ayna gudbin xaaladooda nololeed. “Waxa ay noola dhaqmaan si xun, wey na dhirbaxaan, waliba wax walba oo ay gacanta ku hayaan wey nagu dhuftaan, biyaha waxaan ka cabnaa suuliga, haddii aan lacag dhiibo waxaan helayaa biyo nadiif ah, haddii aan waayana biyaha suuliga ayaan cabayaa oo aan caafimaad ahaan fiicneyn” Ibraahim wuxuu sidoo kale sheegay inay xaalad halis ah ku tahay xanuunka COVID19, maadaama ay jiraan dad badan oo qandheysan, qaar qufacaya, wuxuuna sheegay inaan dadkaas xitaa la geyn Karin cisbitaal. Boqortooyada Sacuudiga war kama heyso tirada Maxaabiista, si gaar ah waxaa howshaan u haya saraakiil, waana tan keentay in warwarka Xubnaha u dooda Xuquuqda Aadanaha uu sii kordho. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Villa Somalia ay qorsheeyeen, in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya laguna dhawaaqo ka hor magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee soo socda. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka Golaha Shacabka ay isku afgarteen in aan la magacaabin Ra’iisul wasaare cusub ilaa ay sameeyeen muddo korarsi, sababtoo ah waxay sheegeen in Ra’iisul wasaaraha cusub ay dhici karto inuu diido muddo korarsi islamarkaana ay markale is qabtaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa taasina ay fashil ku keeneyso Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale wasiiro ka tirsan Xukuumadii dhacday ee Kheyre, xildhibaano iyo xubno kale oo dowladda saameen ku leh, ayaa qeyb ka ah dadka arintaan gadaal ka riixaya. Xildhibaanadii habeen hore kulanka ku yeeshay Muqdisho ee sheegay in ay ka shaqeynayaan badbaadinta dalka, ayaa la sheegay in ay wadaan mooshin lagu dalbanayo muddo korarsi ugu yaraan sanad ah si dalka loo gaarsiiyo doorasho dadweyne. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa 1-aad Cabdiweli Ibraahim Muudey, sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye oo saameyn weyn ku dhax leh baarlamaanka ayaa laf dhabar u ah arrintaan muddo korarsiga ah. Dadka magaalada Muqdisho ayaa arintaan aad u hadal haaya waxaana shalay shirkii mudullood ka sheegay wasiirka amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Waxaa mugdi ku soo dhacaya mustaqbalka Soomaaliya oo soo kabasho ku jiray 20 sano ee la soo dhaafay haddii ay dhacdo muddo korarsi sida ay aaminsan yihiin dad badan oo sama doonayaal ah, waxaana ugu wacan Farmaajo oo diidan inuu qabto doorasho.
-
Haween u midoobay inay Kursiga ka tuuraan Madaxweyne markii 6aad doonaya in la doorto Ka bilow bidix: Maria Kolesnikova, Svetlana Tikhanovskaya iyo Veronika Tsepkalo La kulan saddexda haween ee noolashooda khatarta u gelinaya siyaasad dardeed. Svetlana Tikhanovskaya, Veronika Tsepkalo iyo Maria Kolesnikova ayaa u midoobay inay hogaamiyaan xisbi mucaarad ah oo doorashada madaxweynaha ee bisha dambe ee ka dhaceysa dalka Belarus. Haddii ay guuleystaan, taasi micnaheedu waxay tahay in Tikhanovskaya ay noqoneyso madaxweyne. Waxay go’aansatay inay tartanka kala wareegto ninkeeda Sergei Tikhanovsky – ka dib markii la xukumay oo laga xannibay in uu tartamo. Waxay hanjabaado kaga timid maamulka halkaa ka jira, inay caruurteeda yar ka kaxeeyaan haddii ay sii waddo olalaha, hasayeshe wali kama aysan quusanin. Waxay isbahaysteen Veronika Tsepkalo oo iyadana seyigeeda Valery sidoo kale laga mamnuucay inuu u tartamo madaxtinimada – iyo Maria Kolesnikova, oo ah afayeenka musharrax Viktor Babaryko oo isna la xiray. Muxu yahay Hadafkooda? Waxay doonayaan inay ku guuleystaan doorrashada dhici doonta 9-ka August si ay xilka ugala wareegaan Alexander Lukashenko ‘Waa Xasas, Hoyooyin iyo shaqaalaha guriga‘ Taageerayaasha haweenkan Yana Vishnevskaya oo ah falanqeeyaha BBC-da ee Belarus ayaa yiri “Waxa ka dhigaya saddexdaan haween waxa ugu xiisaha badan waa waxyabaha sababay inay siyaasadda ku soo biiraan”. Waxay sheegtey in ku dhawaad 30-kii sano ee uu xukunka hayey, Madaxweyne Lukashenko dalkaasi uu ku faafiyay farriin ah in doorka haweenka ee Belarus ay tahay inay noqdaan oo kali ah “xaasas, hooyooyin iyo ilaaliyayaasha guryaha”. Mr Lukashenko – oo markii ugu horreysay la doortay bishii Luulyo 1994 isla markaana hadda raadinaya in markii 6-aad la soo doorto ayaa dhowaan sheegay in reer Belarus aysan “diyaar u ahayn inay u codeyaan qof dumar ah” iyo in “dastuurku uusan ahayn mid u xaglinaayo dumarka”. Balse hadalkaas ayaa waxa uu dhaliyay carro aad u weyn. Wuxuna maalmo kadib ku qasbanaaday inuu sharaxo hadalkaasi oo wuxuu sheegay ineysan ka ahayyn ixtiraam darro. “Dastuurkeenu wuxuu u qoran yahay qaab ay ku adag tahay xitaa nin inuu qaado culeyskan. Hadii an culeyskan aan saarno haweeney, way burburaysaa maskiinta,” ayuu yiri madaxweynaha Lukashenko. Siyaasadda cusub ee Belarus? The vote for the next president of Belarus will be held on 9 August Midoowga ay hogaaminayaan Svetlana Tikhanovskaya, Veronika Tsepkalo iyo Maria Kolesnikova ayaa tarikh ka dhigay dalka Belarus. Sawirka saddexda haween ee u ololeynaya si wada jir ah ayaa “astaan u ah mucaarad cusub oo ka soo horjeeda madaxweye Alexander Lukashenko,” ayuu yiri Lyushnevskaya. Waxa laga yaabaa in lagu tilmaamo dad siyaasadda ku cusub balse dhamaantood waxay leeyihin khibrad siyaasadeed. “Sayigeyga Sergei Tsikhanovsky dadka ayuu mideyay , anagana waxaan go’ansanay inaan midowno si aan uga gun gaarno hadafkeena,” ayey Tikhanovskaya ku tiri khudbadii ay jeedisay markii ugu horeysay ee ay ka soo hor muuqato shacabka. Sergei, oo ahaa dadka wax ku qora bogagga ayaa laga mamnuucay inuu u tartamo xilka madaxtinimada, wax yar kadibna waxa lagu eedeyay inuu qorsheeyanayay dibadbaxyo rabshada wata, wana la xiray. Hadii ay Tikhanovskaya guuleysato waxay sheegtay inay qaban doonto doorasho xor iyo xalaal ah, sidoo kalena ay siideyn doonto dadka siyaasadda u xiran, dibna ay u soo celin doonto sharcigii 1994 dalkaasi ka jiray kaas oo xaddidayay inta jeer ee uu madaxweyne xilka u tartami karo. Rajada mustaqbaka Veronika Tsepkalo, oo ah xaaska Valery Tsepkalo oo loo diiday inuu isasoo sharaxo ayaa fikirkaas aaminsan. Seygeeda, oo hore u ahaa safiirka Mareykanka, ayaa mar lagu tilmaami jiray inuu yahay mid ka mid ah kuwa la tartami karo madaxweyne Lukashenko, laakiin wuxuu ka mid ahaa sagaalka murashax ee guddiga doorashada ee Belarus u arkeen inaysan ku habooneyn inay u tartamaan xilka madaxtinimada. Intii lagu guda jirey isu soo bixii ka dhacay Minsk, Veronika Tsepkalo waxay ku eedeeysay Madaxweyne Lukashenko hoos u dhaca tirada dadka Belarus. “Dhallinyaradeena waxay aadayaan dibada, iyagoo raadinaya nolol wanaagsan, sababtoo ah halkaas ayaa ah xorriyad,” ayay tiri. “Waxaa jirta xorriyadda hadalka, lacag fiican, iyo tan ugu muhiimsan, waxaa jira rajo, taas oo ay dadka reer Belarusiya halkan ku haysanin, Waxaan rabnaa inaan badalno taas,” ayay tiri Tsepkalo. Xaladda Maria Kolesnikova wey ka yara duwantahay tan dumarkan kale. Waxay ahayd afayeenka musharaxa madaxweynimada Viktor Babaryko, oo ah nin ka shaqeynaayay bangi caan ka ah dalka Belarus, waxana loo arkayay inuu yahay ninka ugu adag kuwa la tartamayo Mr Lukashenko. Laakiin waxa lagu qasbay inuu ka baxo tartanka, ka dib markii lagu xukumay eedeymo musuqmaasuq iyo khiyaano qaran, waxay go’aansatay inay booskeeda ka baxdo oo ay ku biirto ololaha dumarka ay wadaan. Waftiga Midowga Yurub ee ku sugan Belarus ayaa sheegay in go’aamada ay qaadanayaan Guddiga Doorashada “ay wiiqayaan jiritaanka guud ahaan iyo dimoqraadiyada doorashada ee dalkaas”. In kasta oo ay saddexda haween ahi ka kala yimaadeen xisbiyo kala duwan oo madax-bannaan, haddana waxay wadaagaan siyaasado muhiim ah sida dibuhabaynta siyaasadeed, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo dhiirrigalinta hadalka xorta ah. Loolan adag Lyushnevskaya oo la shaqeeysa BBC Monitoring ayaa sheegtay in ololaha seddexda haween ay ka abuureen xamaasad wadan inta badan lagu tilmaamay inaysan xiiseyneynin siyaasadda, laga yaabee inay sabab u noqdaan soo afjaridda eedeymaha la xiriira codbixinta iyo musuqmaasuqa doorashada oo sannado badan dalkaas ka jiray. Balse Lyushnevskaya waxay qirsantahay inay jiraan walaac laga qabo in dumarkan isbaheysatay ee mucaradka ah ay guuldareysan doonaan. Si kasta oo ay ahaato natiijada, ololaha dhammaan dumarka ayaa runtii keenaya heer midnimo dhif ah oo lagu arkay siyaasadda Belarus. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad ayaa ka taagan isbitalka Madiina ee Muqdisho kadib markii agaasimihii xilka laga qaaday Dr. Maxamed Yuusuf Xasan uu diiday xil ka qaadis lagu sameeyey iyo inuu xilka ku wareejiyo agaasimaha cusub. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa dhowaan xilka agaasimaha guud ee isbitaalka Madiina, oo hoos yimaada ciidanka booliska Soomaaliyeed, u magacaabay Dr. Haashim Faarax. Ilo-wareedyo ku dhow taliyaha booliska ayaa ku eedeeyey Dr. Maxamed Yuusuf inuu diiday inuu xilka ku wareejiyo, waxaana taliyaha booliska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Xijaar uu amar ku bixiyay in uusan Isbitaalka soo galin Dr. Maxamed Yuusuf, haddii uu dibadda uga baxo. Dhinaca kale, Dr. Maxamed Yuusuf ayaa beeniyey inuu ka hor yimid xilka ka qaadista lagu sameeyey, wuxuuna xusay inuu diyaar u yahay xilka inuu ku wareejiyo cida loo soo magacaabay, balse uu dalbaday waqti. “Ma jirto xil wareejin aan ka hor imid, kaliya waxaan soo jeediyey in la i sugo lagana dhigo Khamiista soo socota, si aan u helo fursad aan ku diyaar-garoobo, maadaama aan muddo dheer soo maamulayey Isbitaalka, balse waa la ii yimid waxaana la igu yiri si qasab ah waa inaad hadda xilka ku wareejisaa taasoo aan suuragal ii aheyn, waana taas mida aan ka hor imid,” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf. Waxaa uu intaas ku daray in wixii intaas ka dambeeyey loo diiday isaga inuu galo Isbitaalka Madiina ka dib markii qoraal ka soo baxay taliye Xijaar la dhigay albaabka isbitaalka taasoo ilaalada ah ee Isbitaalka lagu faray inuusan soo geli karin gudaha. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in agaasimaha uusan wali ka bixin Isbitaalka ayna socdaan dadaalo arrintaas lagu xalinayo. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ciidanka ka amar qaadanaya booliska ay Dr. Maxamed Yuusuf xoog uga saaraan isbitalka.
-
Garowe ( PPM) — On the 2nd of August, 2020 Puntland State celebrated its twenty-second anniversary and is now one-generation old. A lot of water has flowed under bridge since 1998 when the first, pro-union autonomous administration in Somalia was founded. Puntland proposed the federal system to prevent Somalia from relapsing into a centralised government that neglected 70% of the country and concentrated resources on the capital and nearby regions. The lessons from the state collapse are what determined the commitment to federalism on the part of Puntland State. Sixteen years have elapsed since Somalia adopted the federal system. Its benefits so far lie in how the International Community helped Somali political classes to work together on building nascent federal institutions despite having different conceptions about what it means to be a federal republic. A disturbing fact from the promotion of the federal system is the creation of Federal Member States that expose the futility of federal system and its similarities with the dreaded centralised system of government if federal member states remain clan fiefdoms whose institutions are protected under the draft constitution of the Federal Republic of Somalia despite rendering half of Somali citizens politically powerless on account of belonging to a group unfairly designated as minorities. Former Puntland State leaders Abdulahi Y. Ahmed (top row, left), Mohammed A. Hashi, (top row, middle), Mohamud Hersi (top row, right), Abdirahman Farole (bottom row, left), Abdiweli M. Ali (bottom row, middle) and incumbent Said A. Deni (bottom row, right). In Puntland twenty two years of political evolution have yet to create a decentralised administration. Each new administration has a mandate to enrich a select group of people in Puntland at the expense of the rest of Puntland regions. Security forces are still organised along clan lines; economic activities in the port city of Bosaso have declined after DP World took over the port to run it for thirty years. That a major Puntland, and Somali, infrastructure for that matter, ended up in the hands of a foreign country without consultations with stakeholders indicates that Puntland, far from being staunchly pro-federalism, is inherently a centralist Federal Member State rooted in undemocratic practices. Changes might be afoot if Puntland adopts a multi-party system after the pilot local elections take place next year. Three political associations will graduate to political parties. Without reforming the political system in Puntland where people are still divided along subclan constituencies and where the government is a tool to enrich the few and impoverish the many, Puntland will have wasted time and resources even if political parties become a common feature of politics in the Garowe-based Federal Member State. © Puntland Post Monthly, 2020 The post PUNTLAND STATE AT 22 appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamo xiray masaajido ku yaalla Guriceel Ciidamo ka tirsan dowlada faderaalka Soomaaliya ayaa dib u xiray labo masaajid oo maanta laga furay magaalada Guriceel, kuwaas oo horey u xirnaa muddo ka badan 12 sano. Masaajidan oo maalmahan furitaankooda muranka ka taagnaa ayaa maanta salaadii duhur lagu tukuday, waxaana maamulka masaajidaas sheegeen inay fasax ka haystaan wasaaradaha amniga, owqaafta iyo arrimaha diinta iyo maamulka degmada Guriceel. Dhowr masaajid iyo dugsiyo ku yaalla degmada Guriceel we gobolka Galgaduud ayaa maamulkii Ahlusunna xiray sanadkii 2008. Markii gacanta Ahlusunna ay ka baxday Guriceel waxaa bilowday dhaqdhaqaaqyo dib loo furo masaajida iyo xarumaha kale, balse dad taageersan Ahlusunna ayaa ka horyimid tallaabadaas. Maamulka Galmudug ayaa weli go’aan ka soo saarin arrintan muranka dhalisay. PUNTLAND POST The post Muran ka taagan furitaanka masaajido ku yaalla Guriceel appeared first on Puntland Post.
-
Linkigan hoose Riix si aad u akhrido:- SOMALI HOGAAMIYELEADER MA FAHAMSANTAHAY Qaran News
-
Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan mudda kulmin ayaa maanta oo Talaado ah yeeshay kulankoodii 4-aad ee kalfadhiga 7-aad. Kulanka Golaha ee Maanta waxaa ajandihiisu ahaa ansixinta xubin ka mid noqoneysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 31-xubnood waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliiya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay ku wehlinayeen labadiisa ku xigeenka. Ugu dambeyn dhammaan 31- ayaa cod akhlabiyad leh ku ansixiyay Xubinimada Sacdiyo Shuuriye oo kamid Noqonaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka heer Federaal. PUNTLAND POST The post Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Xubin kamid ah Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Aqalka Sare oo ansixiyey xubin ka mid ah guddiga doorashada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Golaha aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 4-aad ee kalfadhiga 7-aad. ee golaha waxaana ajandaha maanta uu anaa ansixinta xubin ka mid nooneysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran. Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 31-xubnood waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha aqalka saree e barlamaanka federaalka Soomaaliiya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyadoo ay ku wehlinayeen labadiisa ku xigeenka. Ugu dambeyn dhammaan 31- ayaa cod akhlabiyad leh ku ansixiyay Xubinimada,Marwo Sacdiyo Shuuriye oo kamid Noqonaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. View the full article -
Waxaa muddooyinkii la soo dhaafay soo badanayey shilalka diyaaradeed ee ka dhacaya dalka, gaar ahaan burburka diyaaradaha laga leeyahay dalka Kenya. Illaa afar diyaaradood ayaa dalka ku burburay laga soo bilaabo Lixdii Maj ee sanadkan, kuwaas oo ka dhacay Bardaale, Baardheere, Beledweyne iyo Dhoobley. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warbixin-Cadaani-Diyaaradaha-Kenya.mp3 View the full article
-
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Qin Jian oo maalintii saddexaad ku sugan magaalada Hargeysa ayaa lagu soo warramayaa in weli uusan la kulmin Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta dhalisay in weli aysan is arkin Madaxweyne Biixi iyo safiirka, balse waxaa qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland, maadaama uu dalka ka maqan yahay wasiir Yaasiin Xiir Faratoon. Illaa iyo hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintaasi iyo inuu qabsoomi waayo kulanka Bixii iyo Qin Jian oo hoggaaminayo diblumaasiyiin ka tirsan safaaraddiisa. Ujeedka safiirka u tegay magaalada Hargeysa ayaa ah sidii uu xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaa xiriirka ay dhowaan la sameysay Jasiiradda Taiwan. Muuse Biixi ayaa ka biyo diidan arrintaasi, waana sababta keentay inuu qaabili waayo safriirka oo horey uga horyimid heshiis ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan. View the full article
-
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee dalka ka jira. Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay wax ka qabashada fatahaadaha, COVID19 iyo ayaxa oo kamid ah xaaladaha ugu daran ee xilligaan dhibaatada ku haya dalka. Kulanka intii uu socday waxaa la isla gartay in la sameeyo guddi isku dubba rida oo ka shaqeeya howlaha ku xeeran wax ka qabashada, mudnaan siinta iyo dardar gelinta dadaallada lagu yareynayo qatarta. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii udambeeyay ku howlaneyd qorshe ay kor ugu qaadeyso canshuurta qaadka ka yimaada Kenya, xili shalay dib loo furay duulimaadyadii caalamiga ahaa. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda ayaa rabta inay canshuur dheeriya ku kordhiso qaadka soo galaya dalka, iyada oo muddooyinkii dambe ay ganacsatada qaadku ay culeyso kala duwan kala kulmayeen dowladda. Dowladda ayaa kor u qaadeysa canshuurta halka kiilo, qiyaas ahaan $5 (shan doolar), taasi oo ganacsatada qaadku ku macneeyen mid hoos u dhigeysa suurtagalnimada in qaadku uu wada gaaro macaamiishoodii. Guddoomiyaha ururka ganacstada qaadka ee Kenya, Kimathi Munjuri oo u waramayey wargeyska Daily Nation ayaa hore u sheegay in dowladda federaalka ay maalmihii u dambeeyay ay kala kulmayeen cadaadisyo xoogan, iyadoo u dambeysay diyaaradii qaadka u siday deegaanada Puntland ee dib loogu celiyay Kenya. Kimathi Munjuri ayaa walaac xoogan ka muujiyey tallaabooyinka ka dhanka ah ee dowladda federaalka, maadama uu sheegay inay u horseeday khasaaro maaliyadeed oo hor leh. Munjuri ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowladda federaalku ay iska dhago tirtay cabashooyinka ku aadan tallaabooyinkii u dambeeyay, taasi oo uu ku macneeyay mid nasiib darro ah. Sidoo kale waxa uu dowladda Kenya ku canaantay inaysan dhigeeda Soomaaliya kala hadlin arrimahaasi oo dhulka galiyay dhaqaalihii buurna ee ganacsatada iyo dowladda Kenya ay ka heli jireen dhoofinta qaadkaasi, xili ay labada dowladdooda ka dhex aloosan tahay xiisad. Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodeysa in diyaaradaha Kenya ee siday Qaadku ay ku xad-gudbeen xanibaadihii cudurka Covid-19 ee lagu joojiyey qaadkaasi, inkasta oo si tartiib ah loo wada qaaday xayiraadihii cudurkaasi.
-
Dowladda Turkiga ayaa ka hortimid heshiis dhex maray kooxaha Kurdiyiinta ee waqooyiga bari Suuriya iyo shirkad shidaal oo Mareykanka laga leeyahay, kaas oo uu Turkigu ku tilmaamay mid lagu maal-gelinayo Argagixisada. Saraakiil ka tirsan Dowladda Maraykanka, ayaa xaqiijiyay in shirkad shidaal oo Mareykan ah ay saxiixday heshiis ay la gashay Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya ee loo yaqaan Syria Democratic Forces (SDF). Heshiiska ayaa waxaa wada-galay ciidamada Kurdishka Syria ee SDF iyo shirkadda Delta Crescent Energy ee fadhiggeedu yahay gobolka Delaware ee dalka Mareykanka. Syria ayaa horay u dhalleeceysay heshiiskan oo ay ku tilmaamtay xatooyo iyo meel ka dhac madaxbannaanideeda qaran. SDF ayaa ah isbaheysi ay hogaaminayeen ciidamada Kurdiyiinta ee taageersan ismaamul ka dhisan waqooyi bari ee Syria, maamushana goobaha saliidda ugu weyn ee wadankaasi. PUNTLAND POST The post Heshiis ay saxiixday shirkad Mareykan ah oo ka carreysiiyey Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-040820-ff.mp3 View the full article
-
The Somalia Mogadishu Turkey Recep Tayyip Erdogan Training and Research Hospital announced the birth of quintuplets, one of the rarest births in the world. “A mom gave birth 5 little babies (quintuplets) in our hospital, one of the rarest births in the world,” the hospital tweeted on Monday. It said the mother and her five babies were healthy “thanks to our health professionals who made this possible.” Turkish President Recep Tayyip Erdogan inaugurated the Somalia-Turkey Training and Research Hospital in Mogadishu in 2015. View the full article
-
The African Union Mission in Somalia said troops will continue to intensify fight against al-Shabab despite reducing troop numbers early this year and the disruptions brought by the COVID-19 pandemic. Richard Otto, contingent commander of Sector 1 troops, said the reduction of troop numbers by 1,000 spread across all the five troop-contributing countries had not affected operations in his area of responsibility. “I have troops who were supposed to rotate out but have not because of this situation. Most of the countries have restricted their airspaces and border posts, but this is aimed at protecting and controlling the spread of the (COVID-19) disease from other countries. My troops have been informed and they are aware. It has not affected their morale,” Otto said in a statement issued on Saturday evening. Since December 2017, The AU mission has been reducing its troop numbers in line with relevant UN Security Council decisions. Ugandan troops are in charge of Sector 1, which includes the Lower Shabelle region and Mogadishu. Due to the COVID-19 pandemic, Sector 1 has had to put on hold the rotation of its troops both in and out of the mission but Otto noted that this has not affected operations or dampened the morale of the troops. Otto said that al-Shabab has been weakened and has now resorted to using improvised explosive devices and shelling mortars, which have often landed in population centers and caused harm to innocent civilians following a string of defeats. Otto said that a key factor in the fight against al-Shabab has been the increasing capabilities of the Somali National Army as seen by the SNA’s capacity to fight and hold ground. Otto said counter-offensive operations that resulted in the capture of major bridge towns, especially of Janaale, in the Lower Shabelle region of Somalia early this year had dealt a huge blow to al-Shabab, denying the militants freedom of movement and operation, and seriously curtailing their ability to wage war. View the full article
-
Maalmahaan Waxaa Gaalkacyo ka socda horumar Amaan iyo mid dhaqaale, waana markii ugu horsysay mudo 14 sano ah oo Gaalkacyo ay yeelato dareen Amni wanaag [...] The post Gaalkacyo waxay noqon kartaa Magaalada ugu casrisan Soomaaliya, Deni iyo Qoorqoor ma badbaadsheen Gaalkacyo appeared first on . Source
-
Jeddah (Caasimadda Online) – Dad badan oo ajaanib ah ayaa ku xiran xabsiyada Sacuudiga, waxaana ka mid ah muwaadniin Soomaali ah oo shaqo u tagay dalkaas, waxaana halkaas laga soo sheegayaa nolol xumo aad u daran. Ibraahim oo ah qof Soomaali ah oo muddo ku noolaa dalka Sacuudiga ayaa laga soo qabtay Dukaan uu ka shaqeynayay oo magaaladda Jeddah ku yaala, waa 40-jir wuxuu ka sheekeeyay nolosha xanuunka badan ee halkaas ku heysata. Ibraahim wuxuu sheegay iney cabaan biyaha musqusha, sidoo kalana aysan muddo arkin iftiinka qoraxda. “Waxaan ka shaqeynayay dukaan ku yaalla magaalada Jeddah, ciidamada amaanka Sacuudiga ayaa i qabtay, ka hor waxaan dhuumaaleysi ugu noolaa magaalooyinka maadaama aan laheyn sharciga dalka” ayuu yiri Ibraahim oo la hadlayay Guardian. Wareysiga uu bixiyay wuxuu ku sheegay in muddo bil ah uu ku qaatay xabsiga lagu sugto musaafurinta, wuxuuse arkay nolol liidata oo ku qabsatay xabsiga Al-Shumaysi. Dad badan oo dalal kala duwan kasoo jeeda ayaa xabsiga kula xirnaa, waana dad aan heysan sharciga ogolaanshaha ku noolaansho ee dalka Sacuudiga, waxaana soo qabta ciidamada amaanka. Xabsiga Al-Shumaysi wuxuu qaadaa in ka badan 30 Kun oo qofood, waxaana ku xiran dad isugu jira rag iyo haween, waxaa sidoo kale jirta caruur halkaas ku dhalatay iyadoo sariiraha ay ciriiri yahiin. Taleefanada looma ogola maxbuuska, waa go’aan ay qaateen hawlwadeenada xabsiyada iyadoo la rabo ineysan gudbin xaaladooda nololeed. “Waxey noola dhaqmaan six un, wey na dharbaxaan, waliba wax walba oo ay gacanta ku hayaan wey nagu dhuftaan, biyaha waxaan ka cabnaa suuliga, hadii aan lacag dhiibo waxaan helayaa biyo nadiif ah, hadii aan waayana biyaha suuliga ayaan cabayaa oo aan caafimaad ahaan fiicneyn” Ibraahim wuxuu sidoo kale sheegay iney xaalad halis ah ku tahay xanuunka COVID19, maadaama ay jiraan dad badan oo qandheysan, qaar qufacaya, wuxuuna sheegay inaan dadkaas xitaa la geyn Karin isbitaal. Boqortooyada Sacuudiga war kama heyso tirada Maxaabiista, si gaar ah waxaa howshaan u haya saraakiil, waana tan keentay in walwalka Xubnaha u dooda Xuquuqda Aadanaha uu sii kordho.
