Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,306
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa weerar culus ku qaaday madax maamul goboleedyada Soomaaliya, oo ay is-hayaan madaxda dowladda federraalka ah ee Soomaaliya. Mahadi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inaan la aqbali karin in xildhibaanada Soomaaliya shaqadooda ay la wareegaan 10 nin oo doonaya inay dalka ka noqdaan sharci-dejiyeyaal ah go’aamiya aayaha dalka. Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin in baarlamanka kasta markii uu saddex sano shaqeeyo wixii ka dambeeya la yiraahdo albaabada haloo laabo, oo kadibna aayaha dalka ay la wareegn 10 nin, sida uu hadalka u dhigay. ”Ha aqbalina baarlamaanoow markii aad saddex sano jirtaan kala taga, ha aqbalina in 10 nin masiirka dadka matalaan, ha aqbalina in 10 nin sharci dejiye noqdaan iyo in 10 nin ay siyaasadda dalka hoggaamiyaan, balse ogaada in waxa ugu dambeeya ee loo laabanayo ay yihiin baarlamaanka,” ayuu yiri Mahdi. Waxa uu ugu baaqay baarlamanka inay go’aan ka gaaraan doorashada dalka, iyo sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasina ay dowladda ku taageereyso. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad loogu mahad celinayay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee meel mariyay Xeerka Gobolka Banaadir uu matalaada ku yeelanayo Aqalka Sare taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo madax goboleedyada ay dalbadeen in dowladda kala tashato doorashada dalka, islamarkaana aysan aqbali doonin go’aanada kasoo baxay baarlamanka ee la xiriira doorashada. Hoos ka dhageyso codkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/07/cod-1Raiisulwsare-kuxigenka-dalka-.mp3
  2. Istanbul (Caasimada Online) – Labaatan qof oo u dhashay Sacuudiga oo ay ku jiraan laba kaaliyeyaal u ahaan jiray Dhaxal-sugaha boqortooyada, Maxamed bin Salmaan, ayaa Jimcaha maanta ah ay maxkamadeyntooda ka billaabatay Turkiga iyagoo maqan, waxaana lagu soo eedeeyey dilkii iyo jarjaristii loo gaysteen wariye Jamaal Khashoggi. Khashoggi, oo ahaa 59 jir, ayaa la shaqeyn jiray boqortooyada, laakin isku bedelay inuu dhaleeceyn u soo jeediyo uuna qoraallo ku qoro wargayska The Washington Post, ka hor intii aan lagu dilin gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii October, 2018-kii halkaasi oo uu u tagay in uu dukumiintiyo uga helo arooska lammaantiisa Turkish-ka ah, Hatice Cengiz. Xeer-ilaaliyeyaasha Turkiga ayaa sheegaya in ku-xigeenka madaxa sirdoonka Sucuudiga, Axmed al-Assiri, iyo sarkaalka warbaahinta ee boqortooyada, Saud al-Qahtani, ay hogaaminayeen howlgalka lagu dilay Khashoggi, ayna amrayeen kooxda wax dishay. Waxaa si rasmi ah dacwad loogu soo oogay bishii Maarso, taasi oo ah in ay “qorsheeyeen dilka ula kac ah, islamarkaana argagax leh” oo uu sababay ciqaab loo gaystay Khashggi. 18 kale oo la tuhunsan yahay oo ay ku jiraan Maher Mutreb oo ahaa sarkaal ka tirsanaa sirdoonka oo had iyo jeerna la safri jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga, Salah al-Tubaigy oo ah khabiir caddeymo-danbiyeedyada iyo Fahad al-Balawi, oo xubin ka ahaa ilaalada boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay “si ula kac ah oo bahalnimo ah u dileen” Khashoggi. Xeer ilaaliyaha ayaa horey u soo saaray amar lagu doonayo in lagu xiro eedeysaneyaashan oo ka maqan Turkey-ga. Cengiz, oo ah qofka dacweynaya eedeysaneyaasha, ayaa xaadirtay maxkamadda iyadoo ay weheliso Agnes Callamard oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha dilalka ka baxsan sharciga, iyo kuwa aan sababta laheyn. Yasin Aktay, oo saaxiib dhow la ahaa Khashoggi, islamarkaana la-taliye u ah xisbiga talada haya ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale ku sugnaa xarunta maxkamadda. Erdogan ayaa sheegay in amarka lagu dilay Khashoggi uu ka yimid “xubnaha ugu sarreeya” ee dowladda Sacuudiga, laakiin wali si toos ah dilkan uguma uusan eedeynin Amiir Maxamed bin Salmaan oo ah Dhaxal-sugaha Boqortooyada. AFP + VOA
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shaqaalaha Garsoorka kana kooban xafiisyada kala: Maxkamadda Sare ee Dalka, Xafiiska Xeer-ilaliyaha Guud ee Qaranka, Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Maxkamadda Gobolka Banaadir, Maxkamaddaha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka hor imaaday Imtixaan ay ku sheegeen inuu yahay Sharci daro ah oo ay qaadayaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe oo ka tirsan Maxkamadda Sare. Shaqaalahaan oo Maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in imtixaankaan uusan waafaqsanayn Sharciga shaqaalaha Radiydka ee Dowlada ee Lr. 11 soona baxay 5/12/2006 ee Qodobadiisa 13-aad iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka ee soo baxay 1962 iyo Qodobka 109A Dastuurka KMG ee qeexaya In Dalacsiinta, Anshax Marinta, Shaqaalaha Garsoorka ay leeyihiin Golaha Adeega Garsoorka oo aan hadda dhisnayn Muddo 6 sano ah. Shaqaalaha Garsoorka ayaa sheegay inaysan ka qeyb gelin doonin imtixaankaas ayagoo ku dhaqmayo Sharciga Shaqaalaha Rayidka Qodobkiisa 28-aad ee ee Sharci lr. 11 ee soo baxay 05/12/2006 oo sheegaaya in shaqaalaha ay diidi karaan Amarrada aan sharciga waafaqsanayn ee soo saaraan Madaxdooda isla markaana ay ku wargaliyaan meelaha ay ku haboon tahay. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Golaha Shacabka ay ka go’an tahay in uu hirgalo maqaam gaar ah, oo uu yeesho gobolka Banaadir. Hadalka Mursal ayaa yimid toddobaad kadib markii gobolka uu matalaad ka helau Aqalka Sare, ayna hadda socdaan dadaallo la doonayo in gobolka uu maqam gaar ah ku yeesho nidaamka federaalka Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in aysan jirin dad ka horyimid in Muqdisho ay hesho matalaad rasmi ah, hase yeeshee hadallada qaar si kala duwan loo fasiray, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in Gobolka Banaadir si sharci ah uu matalaad ku helo. “Qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah xaq ayuu u leeyahay in uu ka hadlo arrinta bobolka Banaadir maadaama uu nasiib u helay inay noqoto caasimadda ummadda Soomaaliya, taasina waa waajib na wada saaran,” ayuu yiri Mursal. “Qof lasoo istaagtay gobolka Banaadir xuquuq ma lahan ma jirto, kaliya waxaa la doonayaa in sharciga la waafajiyo, waxaan doonayaa in baarlamanka ay sidaas u fasiraan,” ayuu yiri Mursal. Mursal ayaa sidoo kale sheegay in lasoo wadi doono islamarkaana aan ilaa laga helayo maqaam uu yeesho Gobolka Banaadir aan laga heri doonin, dadka diidanna la iska hor leexin doono. Waxa uu ku baaqay in siyaasiinta Soomaalida ay tahay inay dhanka wanaagsan wax ka eegaan, oo mar walba aysan dhinaca xun wax ka fiirin. Hoos ka dhageyso codka Mursal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/07/Codka-Mursal-1.mp3
  5. Ali Abukar has long dreamed of running an organization to help immigrants and refugees. He just never through it would happen so soon. Source: Hiiraan Online
  6. The trial in absentia of 20 Saudi suspects accused in the murder of journalist Jamal Khashoggi in 2018, including two former aides to Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman, began in Istanbul Friday. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU (Xinhua) -- A senior member of al-Shabab militants on Friday surrendered to the Somali National Army (SNA), a military official confirmed. Source: Hiiraan Online
  8. Omar was born in Hargeisa, in what was then the British Somaliland Protectorate, to Musa Abdillahi, a nomadic herdsman, and his wife, Fatima Osman. At the age of six, he got his first job, fanning a bank manager in an office with an oversized palm leaf. In 1941, at the age of 16, he left his homeland to seek better opportunities, and he spent the next few years making his way down the coastline of east Africa. He worked the land, earned a wage tending to animals, and generally slept beneath the stars. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii xalay qasriga madaxtooyada Hargeysa ku qaabiley wefdi ka socday dalkaKenya oo ka koobnaa xildhibaano, siyaasiyiin iyo maalgashadayaal. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in wafdigu ay Madaxwaynaha Somaliland soo gaarsiiyeen Salaan ay uga sideen Madaxwaynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ujeedkooduna ahaa xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Kenya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska. Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu xusay in Madaxawaynaha Somaliland uu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay wefdiga Kenya imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka kenya,Uhuru kenyatta, isagoo ku bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay. Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wefdi ka socday kenya appeared first on Puntland Post.
  10. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad uu soo qabanqaabiyay maamulka Banaadir oo loo qabtay Golaha Shacabka ayaa sheegay in siyaasadda Somaaliya uu hago Baarlamaanka. Guuleed wuxuu tilmaamay in nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya uu yahay nidaamka isugu dhexjira Madaxtooyo iyo Baarlamaanka, laakiin saldhigu yahay Baarlamaamka. “Siyaasadda Soomaaliya waxaa haga Baarlmaanka, waa nidaam Baarlamaaniya, aasaaska dowladnimadeena Baarlamaankaa u ah, saldhig, marjaca sharcigu ka soo baxo awoodnimada lagu helo waa isaga, dunida aan ku matalnaa waa isaga, marjaca aan ku noqonaa waa isaga, bud-dhiga, saldhiga iyo aasaaska dowladnimadeenuba waa Baarlamaanka” ayuu yiri Mahdi M. Guuleed. Mahdi Maxmed Guuleed, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa Baarlamaanka ugu baaqay in aysan aqbalin in Madasha Qaranka ay matalaan masiirka dalka. “Ha aqbalinina in la idinyiraahdo 3 sano markaad jirtaan kala taga, 10 nina masiirka dalka ha matalaan, 10 nin sharci-dejiyeyaasha ha noqdaan, 10 nin siyaasadda dalka ha hoggaamiyaan”. Isagoo hadalkiisa siiwata ayuu yiri “Ilaa Baarlamaan la soo doortay idin baddelo dowladnimada dalka saldhigeeda waa idinka, hayeelinina in kalataga la yiraahdo, waa dhallaankii hooyadiis dhalmada baray“. Ugu dambeyna Mahdi Guuleed, ayaa Baarlmaanka kula dardaarmay in ay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod, oo sheegay in xukuumadduna fulinayso. PUNTLAND POST The post Mahdi Guuleed oo ugu baaqay Baarlamaan in aysan aqbalin Madasha Qaranka appeared first on Puntland Post.
  11. Or a squabble over water could turn nastier Once completed, the Grand Ethiopian Renaissance Dam will be nearly twice as tall as the Statue of Liberty and as wide as the Brooklyn Bridge is long. The reservoir behind it is roughly the size of London. Sitting on the Blue Nile, the main tributary of the Nile river, the dam is the largest hydro-electric project in Africa. Soon it will produce 6,000 megawatts of electricity, more than double Ethiopia’s output today. With a little co-operation between Ethiopia and its downstream neighbours, Egypt and Sudan, the dam could be a boon for the whole region. Yet so far it has produced only acrimony. Egypt, which depends on the Nile for 90% of its fresh water, sees the dam as an existential threat. Shortly after construction began in 2011, officials in Cairo considered sabotage; a former president even considered bombing it. Last month Ethiopia accused Egypt of sponsoring cyber-attacks to disrupt the project. In between all the sabre-rattling the three countries have held talks over how fast to fill the reservoir, how much water will be released and how to resolve any future disagreements. So far no deal has been reached. But the latest round comes with a deadline of sorts: Ethiopia says it will begin filling the reservoir behind the dam later this month. Egypt has vowed to use “all means available” to protect its interests (see article). All sides will have to make concessions if conflict is to be avoided. The biggest lack is trust. Start in Egypt, whose people view the Nile as their birthright. As its population has risen, the water supply per person has fallen. Egypt therefore wants Ethiopia to fill its reservoir slowly and to release enough water so that the river’s flow is not disrupted, especially during droughts. Egypt thinks Ethiopia has dragged out the talks to gain bargaining power as construction advances. The dam is now over 70% complete. Belligerence in Cairo has led to stubbornness in Addis Ababa, where officials are seeking a quick return on their $5bn investment. They think Egypt is stuck in the past, attached to defunct treaties that allowed it to dominate the Nile. Meanwhile, around half of Ethiopians do not have access to electricity. The government hopes the dam will raise Ethiopia out of poverty. So it says it will begin filling the reservoir with or without an agreement. Up for re-election next year and facing serious unrest, Abiy Ahmed, the prime minister, is under pressure to take a hard line. Sudan, for its part, backs the project, which lies about 20km from its border. It will receive some of the dam’s cheap electricity. More predictable water flows could help it grow more food. But it remains concerned that poorly co-ordinated releases of water could overwhelm its own Roseires Dam. The three sides are said to have reached 90% of a deal. They can agree on what to do when there is enough rain. The dispute is over how to manage the dam when there isn’t. Ethiopia feels it is being forced to run its reservoir down too much during periods of drought. It would rather take things year by year and settle any disagreements through negotiations. Egypt and Sudan want commitments now, and prefer binding international arbitration to settle disputes. In the long term, wiser policies would help. Subsidies have long encouraged Egyptians to waste water on a massive scale. These are being cut, but they should be eliminated. The sides should generate more solar power to meet growing demand and take pressure off the dam. All are sunny, and solar panels cost a fraction of what they did when the dam was conceived. But right now all three need to strike a deal. Ethiopia should pledge to let more water through during long dry spells. An international arbiter should be brought in to handle future disputes. Egypt could compromise by letting the African Union (au) play that role. Officials in Cairo believe the au favours Ethiopia, where the au has its headquarters, but the group is leading the effort to find a deal that works for everyone. If an agreement can be reached, it will make a welcome change. The world abounds with conflicts over water. The stuff is hard to share. But projects like the Grand Ethiopian Renaissance Dam promise a flood of benefits to countries that manage. Source: The Economist The post Egypt, Ethiopia and Sudan must learn how to share the Nile river appeared first on Puntland Post.
  12. Addis Ababa (Caasimada Online) – Xaaladda magaaladda Addis Ababa ayaa maanta degan, waxaana haatan dib u furmay xarumaha ganacsiga, xaaladda si caadi ayay dib ugu soo laabatay kaddib markii ay halkaas ka dhaceen dibadbaxyo rabshada wata kaas oo ka dhashay dilkii dhawaan dalkaas loogu geystay Hachalu Hundessa oo ahaa fanaan caan ah. Waxaana waddooyinka la geeyay ciidammada amniga, dhanka kale, booliska waxay sheegeen in magaalada Dhirdhaba ay ku xireen in ka badan 270 qof oo lala xiriirinayo rabshadihii dhawaan ka dhacay dalkaas. Duqa magaalada Addis Ababa ayaa ka codsaday shacabka in dib ay ugu laabtaan shaqadooda. Mas’uuliyiinta waxay albaabada isugu dhufteen xafiisyada saddex telefishin oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxo lagu eedeeyay in dadka ay kicinayeen. Ugu yaraan 81 qof ayaa ku dhintay qalalaasihii ka dhashay dilkii Hachalu Hundessa. Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa albaabada isugu dhuftay xafiiska ugu weyn ee warbaahinta Oromo Media Networka ku leeedahay dalkaas, dowladda waxay ku eedeysay teleefishinkan in uu abuurayay kicin dadweyne iyo mid diimeedba. Halka dowladda ay baareyso labo teleefishin oo kale oo laga la yiraahdo Asrat iyo Dimtsi Weyane. Teleefishinka Oromia Media Networka wuxuu la hadlaa Oromada, teleefishinka Asrat wuxuu la hadlaa dadka Amxaarada ah halka Dimtsi Weyane uu barnaamijyadiisu ku baahiyo luqadda Tigreega. Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli Itoobiya ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado dhaliyay kaddib dilkii fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa. Xiritaanka Oromia Media Network ayaa ay suurta-gal tahay inay sii kiciso qowmiyadda Oromada oo warbaahinta aad ugu xiran, islamarkaana markii horeba dareemayey in dowladda ay ku hayso caburin. Weli Itoobiya waxaa ka taagan xiisad, waxaana weli xiran Internet-ka. Isha: BBC
  13. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku qaabilay wefdi ka socda dalka Keyna,kaas oo ka kooban xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah. Ugu horayn xubnaha wafdiga waxay Madaxwaynaha Somaliland soo gaarsiiyeen Salaan ay uga sideen madaxwaynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, Imaatinka wafdiga ayaa waxa uu daba socday wafdiyo dhowr ah oo ka socday Soomaaliland oo labadii sanno ee u danbeeyay tagayaan dalka Kenya , ujeedkooduna ahaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska. War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxawaynaha Somaliland uu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay wefdiga imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka kenya,Uhuru kenyatta, waxaanu uu bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay. Sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD. View the full article
  14. Sarkaal isku dayey inuu dilo Ra’iisul Wasaare Dalka Kanada Justin Trudeau oo gacanta lagu dhigay +Sawirro Booliska Canada ayaa sheegay iney qabteen Nin hubaysan oo ka tirsan milatariga dalkaas ka dib markii uu xoog ku galay albaabka xaafad uu deggan yahay ra’iisal wasaaraha dalkaasi Justin Trudeau oo ku taalla magaalada Ottowa. Ninkaasi ayaa gaari jiirsiiyay albaabka weyn ee laga soo galo xaafada Rideau Hall oo ah halka uu magaalada Ottawa ka deggan yahay ra’iisalwasaare Trudeau, ka hor inta aysan boolisku qaban. Justin Trudeau iyo xubnaha qoyskiisa ayaa ka maqnaa gurigooda markii uu falkan dhacayey, waxaana la sheegay iney si ku meel-gaar ah u deggan yihiin xaafaddan inta laga dhameystirayo dayactir ku socdo gurigiisa rasmiga ah. Booliska ayaa sheegay in ninkaasi hubeysan uu ka tirsan yahay milatariga dalkaasi, waxaana magaciisa lagu sheegay Corey Hurren, iyadoo la baarayo haatan ujeedada uu falkan u geystay iyo waxa uu damacsanaa. Burbur xooggan ayaa soo gaaray ganjeelka laga soo galo xaafaddaasi, taasi oo ninkani uu ku dhuftay gaari uu watay sida ay muujinayaan Sawirro laga soo qaaday albaabka kore ee laga soo galo xaafaddaasi. Gaariga uu ninkani ku dhuftay ganjeelka ayaa markii dambe waxaa loogu yeeray ciidamada u tababaran furfuridda walxaha qarxa si ay walxaha qarxa uga raadiyaan. Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xili Mr. Trudeau uu dhawaan qaaday tallaabooyin uu ku xaddidayo iibsiga noocyada qaar ee hubka ka dib markii horraantii sanadkan gobolka Nova Scotia ee dalkaasi uu ka dhacay weerar toogasho ah oo dad badan lagu laayey. Corey Hurren NINKA WEERARKA FULIYEY Ra’iisal wasaaraha Canada Justin Trudeau Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Allbanaadir@live.com Qaran News
  15. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo saacadihii la soo dhaafay lagu qaaday saldhig ciidamada milatariga Kenya ee qeybta ka ah Amisom ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Weerarka oo ay qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhigga ciidamadaasi ee deegaanka Cabdalla Biroole. Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkaasi ay ku dishay ugu yaraan illaa 7 askari, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ay ka hortageen weerarka lagu soo qaaday, islamarkaana ay fashilyeen. Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada huwanta ayaa dhaq-dhaqaaq ka bilaabay halkaasi. View the full article
  16. Warkaa oo intaas ka faahfaasana Halkan ka Akhri:- War-saxaafadeed: 03/07/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu habeenimadii xalay qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo ka socday dalka aynu xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimo inaga dhexeeyo ee Keyna, weftigaas oo ka koobnaa xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah. Ugu horayn xubnaha waftigu waxay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyeen Salaan ay uga sideen Madaxwaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta, Imaatinka waftiguna waxa uu daba socday waftiyo dhawr ah oo labadii sanno ee u danbeeyay ay is dhaafsanayeen labada waddan, ujeedkooduna ahaa xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada waddan ka dhaxeeya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska. Madaxawaynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay weftiga imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka kenya, mudane Uhuru kenyatta, waxaanu ku bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay. Waxaanu Madaxwaynuhu xubnaha weftiga si qoto dheer uga waramay xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal Somaliland iyo Kenya iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay iskaashiga iyo wax-wada qabsiga wadamadda gobolka geeska Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan dalka Kenya oo ay Somaliland wax badan wadaagaan. Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD. Ugu danabayntiina waxa uu Madaxweynuhu salaan iyo bogaadin u diray madaxaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru kenyatta iyo shacbiga dalkaasi oo ay Somaliland ka dhaxayso xidhiidh walaaltinimo. Kulankaa waxa madaxawaynaha iyo waftiga ku wehelinayay wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland iyo wasiir ku xigeenkasa. Qaran News
  17. Xaaladda magaaladda Addis Ababa ayaa maanta degan, waxaana haatan dib u furmay xarumaha ganacsiga, xaaladda si caadi ayay dib ugu soo laabatay kaddib markii ay halkaas ka dhaceen dibadbaxyo rabshada wata oo ka dhashay dilkii dhawaan dalkaas loogu geystay Hachalu Hundessa oo ahaa fanaan caan ah. Waddooyinka ayaa waxaa la geeyay ciidammada amniga, dhanka kale booliska waxay sheegeen in magaalada Dhirdhaba ay ku xireen in ka badan 270 qof oo lala xiriirinayo rabshadihii ka dhacay dalkaas. Duqa magaalada Addis Ababa ayaa ka codsaday shacabka in dib ay ugu laabtaan shaqadooda. Mas’uuliyiinta waxay albaabada isugu dhufteen xafiisyada saddex telefishin oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxo lagu eedeeyay in dadka ay kicinayeen. Ugu yaraan 81 qof ayaa ku dhintay qalalaasihii ka dhashay dilkii Hachalu Hundessa. View the full article
  18. Canadian Prime Minister Justin Trudeau has named business owner and philanthropist Salma Lakhani as the province of Alberta’s new lieutenant-governor. Source: Hiiraan Online
  19. The new permanent secretary of the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, Mohamed Ali-Nur Haji, received on Thursday the highest class of the Republic’s insignia by the Prime Minister of Djibouti Abdoulkader Kamil Mohamed, on the occasion of bidding farewell to the end of his tenure as Ambassador of the Federal Republic of Somalia to Djibouti. Source: Hiiraan Online
  20. Maxamed Abuukar Maxamed Dhagoole oo loo yaqaano {Caato} oo Al-Shabaab u qaabilsan maaliyaada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa isku soo dhiibay ciidamadda Kumaandooska Xoogga dalka ee Danab, sida ay sheegtay DF Soomaaliya. Taliyaha guutada 16-aad ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta u sheegay inay soo dhaweyn u sameeyeen sarkaalkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u gudbin doonaan hay’adaha ku shaqadaleh. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Sh/ Hoose. View the full article
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-03072020.mp3 View the full article
  22. To: President of the Federal Government of Somalia H.E Mohamed Abdullahi Farmaajo To: Special Representative of the Secretary-General for Somalia Amb. James Swan CC: International Communities It has been thirty years since the first Manifesto was released and published in May 1990, at a time when Somalia was on the cusp of disintegration and when state collapse in the hands of an autocratic ruler who had refused to listen to the voices of the nation, and the nation was eminent state. Soon after Manifesto 1 was published, Somalia erupted, and a consequential collapse of the Somali Democratic Republic ensued from which it has yet to recover. Thirty years later, the same conditions prevail in the country. There is an impasse on many key political issues resulting in a growing dissatisfaction by the Somali people, who are extremely worried about the direction of the country. We believe no Somali citizen can any longer look away from the ominous threat or a sense of doom that hang over the country today. Thirty years after the collapse of Somalia’s central government, the country is at a critical juncture as dark clouds had gathered around the election cycle and the country’s succession to a new government is being manipulated. The uncertainty surrounding the parliamentary and presidential elections for 2020/21, just four months before the term of the current parliament and less than eight months before the term of the President expires, is particularly deeply troubling. Elections are fundamental rights enshrined in our country’s legal and constitutional framework. They are also crucial to facilitating peaceful and democratic transfers of power from one government to the next, as has happened since the Transitional National Government was created at the Arta peace process, Djibouti in 2000 to the 2017 transfer of power where the current administration of the Federal Government of Somalia was created. The government of President Mohamed Abdullahi Farmaajo has failed to 1) build stability and the institutions required for good governance, including an integrated national army capable of securing the country, and an effective police force responsible for protecting the lives, properties, peace, and security of its citizens; 2) establish the independence, effectiveness and accountability of legislative, judiciary and executive branches of government 3) address corruption and lack of transparency in government; 4) review and amend the provisional constitution and submit it for approval in a national referendum; 5) establish a constitutional court to adjudicate on constitutional matters; and 6) ) institute a rule of law reform to foster a government bound by law, justice, equality before the law and respect for human rights. Moreover, the government entered secret or undisclosed international treaties without parliamentary authorization through standard legislative procedures. The lack of progress in completing the necessary federal structures and processes, as well as its utter failure in fostering meaningful, coherent, and realistic plan for the talks with Somaliland is a retardation to rehabilitate Somalia. The failure of the FGS in its core functions constitutes a severe impediment to the trust the Somali people placed on their government. The Somali people lack access to basic services and infrastructure. Extreme poverty and hunger are widespread. More than 70% of the Somali people live below the international poverty line. Somalia is the 185th out of 189 countries in terms of poverty rate. There is a widespread unemployment which affects above 70 percent of the population. Sadly, the young people are the largest demographic cohort and they are the most affected group. Over 75 percent of the young has no access to opportunities for education or employment, and hence face multiple social, economic, and political exclusions. More than one million Somali people are refugees, while 2.6 million IDPs have been displaced by conflict, insecurity and/or drought, and are currently living in about 2,000 IDP sites across Somalia. These are many people in need with critical problems related to physical and mental wellbeing, living standards, as well as lacking protection for their safety and security, and most of them are children. The constitutionally agreed structure based on a federal system of government has been completely derailed by this administration. The country is being run by a small group of people who do not accept the principle of plurality as normal elements of politics, hence rejecting inclusive political settlements, therefore continuously behaving as though they have no constitutional responsibility to the citizens living in Federal Member States (FMS) and their institutions. The political parties and their leaders, FMS, intellectuals and civil society organizations, ordinary citizens and members of the international community have all loudly voiced their concerns about this turn of events. The country is at a critical juncture and the worsening relations between FGS and the FMS have meant that al-Shabaab remains lodged in vast swathes of the country, whereas the opposite could have been achieved were the FGS not engaged in exclusionary political power games at the expense of FMS institutions. For all the above reasons, we, the undersigned, are deeply disturbed by the exclusionary and incoherent political and security approaches to governance by the leaders of the FGS. The exclusive devotion to a particular set of interests with no regard for other people’s views, the corruption, mismanagement, and the arrogance of the FGS leaders have resulted in a complete failure of all internal Somali-owned political processes that are necessary to move the country forward, and especially to the most urgent priority which is to agree on a realistic and practically implementable plan for elections within the constitutionally required time frame. We call on all Somali people to support this Manifesto so that our country can avoid the dark storm clouds looming on the horizon once again. We also appeal to the government of President Mohamed Abdullahi Farmaajo, FMS Presidents, opposition parties, and civil society organizations: To act in accordance with the Provisional Constitution as the rule of the land and the Federal system established by the constitution Come together and build consensus (political agreement) on the most pressing issue at hand which are the constitutionally required elections for 2020/2021; and to Hold elections as scheduled and without any delay The signatories 1.Jaamac Cali Jaamac- Ex Manifesto 1 2. Avv. Xasan Dhimbil Warsame Ex Manifesto 1 3.Cabdi Muuse Mayow, 4. Cabdullaahi Xaaji Yuusuf Cigaal, Ex- Manifesto 1 5. Xirsi Bulxan Faarax Wasiir hore , 1967 6. Cali Cabdullaahi Cosable, Madaxweyne hore, Hirshabeelle 7. Faysal Cabdi Rooble 8. Gen. Maxamed Cusmaan Qaadi 9. Avv. Maxamed Macallin Xasan (Marooko) 10. Caasha Geelle Diiriye, Wasiir hore, Puntland 11. Eng. Axmed Warsame Abtidoon 12. Bashiir Ciise Cali, Gud. Hore Bangiga Dhexe, Soomaaliya 13. Avv. Maxamed Maxamuud Ciise (Turunji) 14. Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiir hore, DFS 15. Dr. Xasan Sheekh Cali 16. Avv. Shamso Sheekh Xasan 17. Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac 18. Eng. Ismaaciil Daahir Cismaan 19. Cabdullaahi Xasan Maxamed (Isbaanish) 20. Dr. Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed (Foonka) 21. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiir hore, DFS 22. Eng. Axmed Sabriye Siyaad 23. Dr. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Takar) 24. Cabdiraxiim Maxamed Abshir Haamaan 25. Maxamuud Xaaji Qore, Ex- Manifesto 1 26. G/ Sare Maxamed Xasan Xaaji Xuseen 27. Cabdulqaadir Nuur Salaad (Takar) 28. Abuukar Maxamed Cali 29.Maxamed Macallin Xasan Geelle, Xildhibaan hore 30. Dr. Aweys Cumar Maxamed 31. Khaliif Jaamac Cabdulle (Mandella) 32. Maxamuud Dhoollawaa, Wasiir hore Puntland, 33. Cabdi-Kaaf Maxamed Maxamuud, Wasiir hore, Galmudug 34. Axmed Cabaas Axmed 35. Avv. Cabdiraxmaan Faarax Qaarey 36. Faarax Cali-Shire Afbalaar, Wasiir hore, Puntland 37. Eng. Cabdi-Nuur Axmed Darmaan 38. Daahir Mire Jibriil 39. Eng. Siciid Xaaji Cabdi 40. Eng. Cabdi-Waaxid Axmed Xasan 41. Dr. Cumar Cabdi Barre 42. Dr. Aadan Maxamed Ciise 43. Xasan Cismaan Xaashi (Sulux) 44. Dr. Xirsi Cabdi Cismaan 45. Dr. Siciid Maxamed Maxamuud 46. Dr. Axmed Cabdalla 47. Dr. Cabdiraxmaan Cumar Warsame 48.Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub) 49. Prof. Cabdullaahi Sayid Axmed 50. Prof. Asad khaliif Cali-weyd 51. Prof. Cabdisalaam Xaaji Axmed Garaad Malla 52. Prof. Cabdisalaam Ciise Salwe 53. Dr. Bashiir Cali Biixi 54. Dr. Faarax Axmed Warsame 55. Dr. Jibriil Axmed Yuusuf 56. Dr. Axmed Cali Yuusuf 57.Dr. Maxamed Ibraahim Af-kul 58. Dr. Maxamed Xuseen Aadan 59. Dr. Cali Caddaawe Barkhadle 60. Amb. Yusuf Xaaji Siciid 61. Amb. Cabdikariim Aw-Cali 62. Mahad Maxamed Warsame 63. Ismaaciil Xaaji Warsame 64. Ciise Dhoolawaa 65. Maxamed Cabdiraxmaan Janagele 66. Axmed Siyaad Bile 67. Cabdullaahi Saalax Cismaan 68. Cabdiwaaxid Axmed Jaamac 69. Dr. Saadiq Eenow 70. Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Soddon sano kaddib waxaa markale dib loo soo saaray Bayaan ay ku saxiixan yihiin indheer garad, aqoon yahan, siyaasi isugu jira rag iyo dumar taasoo loogu magac daray “Qeylo Dhaan Qaran” Sanadkii 1990 bishii May aya waxaa sidoo kale indheer garad badan ay soo saareen Manifesto-1, taasoo ay ku doonayeen in dalka laga badbaadiyo burbur iyo dagaal sokeeye waxaana loo diray Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Haddaba waxaa markale dib u soo baxay Manifesto 2 oo ay ku saxiixan yihiin intii ka nool kuwii saxiixay Manifest 1, taasoo mar labaad ay codsanayaan in dalka laga badbaadiyo burbur iyo dagaal sokeeyo,. Halka hoose ka akhriso Bayaanka MANIFEST -2 Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya: Md. Maxamed Cadulaahi Maxamed Farmaajo Ku: Wakiilka Ergeygs Qaramada Midooby u Fadhiya Soomaaliya Danjire. James Swan Og: Dowladaha Saaxiibada ah iyo Hay’adaha Caalamiga ah Ujeeddo: Talooyin Lagu Gaari Karo Sulux Dhammaystiran iyo Dib u Xasilinta Qarannimada Soomaaliya Muddo hadda laga joogo 30 sannadood, ayaa muwaadiniin Soomaliyeed soo saareen “Bayaanka Muqdisho ee 1-aad (Manifeesto 1), xilligaa oo ku aaddaneyd bishii May 1990. Bayaanka 1aad waxa uu xambaarsanaa talooyin lagu badbaadinayo dalka. Soddon sano kadib, waxa uu dalku marayaa marxalad iyo xaalad la mid ah tii uu Bayaankii 1-aad uu ka digay 30 sannadood ka hor. Ma filayno in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, uu maanta indhaha ka qarsan karo xaaladda cakiran ee dalku ku sugan yahay . Waxaa marag ma doonto ah in maanta dalku marayo marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah, iyada oo uu mugdi badan hareereeyey geedi-socodkii dib-u-yagleelidda hannaankii dowladnimo. Waxaa burburay tiirarkii astaanta u ahaa Dowladnimada, sida Baarlamaanka Federaalka iyo Garsoorka dalka, oo baal maray shaqadoodii dastuuriga aheyd ee ilaalinta sareytna sharciga iyo kor-joogtenyta (rule of law and oversight). Hannaankii siyaasaddeed ee dalku wuxuu noqday mid hareer marsan hab ku dhisan dowlad-wanaag (daahfuraan iyo islaxisaabtan) iyo istiraatiijiyad guud oo taabba-gelinaysa dhismo dawlad saldhigeedu yahay u adeegdida ummadda Soomaaliyeed. Maqnaanshaha dowlad ka tarjunta rabitaanka shacbiga, waxay horseedday oo caqabad weyn ku noqotay, shakina gelisay qabsoomidda doorashada 2020/2021, dhismaha Ciidan Qaran, Sugidda Amniga dalka, dhameystirka Dastuurka, la dagaalanka musuqmaasuqa, , isku milanka Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Fulinta, maqnaashaha Maxkamadda Dastuuriga, dhamaytir la’aamta xeerarkii iyo shuruucdii dalka, gelitaanka hashiisyo caalmi ah oo qarsoodi ah, oo aan la horkeenin Baalrmaanka Federaalka. Taasoo ay dheer tahay gaabiska iyo dibudhaca ragaadiyay dedaaladda lagu horumarinayo qaab-dhismeedka hay’adaha Dowladda Federaalka iyo qorshe waaqici ah oo ku aadan wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Soomaalilaand. Haykalkii dowladnimo ee Soomaaliya waxaa haleelay cudur guun ah oo dhidibbada aastay. Waxaa dayac noqday dhammaan adeegii bulshada. Dadka Soomaaliyeed in ka badan 70% waxay ku nool yihiin meel ka hooseysa khadka saboolnimada. Jaan-tuska lagu cabbiro nolosha dadyowga dunida, (189 dowladood), Soomaaliya waxay tirsiga kaga jirtaa kaalinta 185-aad. Shaqo la’aanta dalku waxa ay sare u dhaaftay 70%. Sidoo kale 75 % da’yarta Soomaaliyeed ma helaan fursad waxbarasho, mana ay jirto qorshe dowladeed oo leh istraateejiyad lagu guto xuquuqda ay caruurta u leeyihiin waxbarshada. Taasi oo mugdi gelinaysa mustaqbalka dalka. Waxa jira qaxooti Somaaliyeed oo kor u dhaafay hal malyan iyo barakacayaal dalka gudihiisa ah oo lagu qiyaasay 2.6 millyan, oo u badan dad nugul (caruur, haween ibo waayeel). Barakcayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliyeed waxay kamid yihiin arrimaha aysan dowladdu wax xil ah iska-saarin, qorshana u dejin. Dib u dhaca ku yimid arrimahaas oo dhan, wuxuu wiiqay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed uu ku qabay Dawladiisa. Iyadoo taladii dalka ay ku soo ururtay xayndaab kooban. Wax kasta oo masiirkii dalka ahna wuxuu noqday mid ku xiran go’aanka dhowr qof oo saaxiibbo ah. Waxaana halkaas ku qiima beeley mabaadii’dii talawadaagga ee dalku uu ku xasili lahaa iyo xeerkii hannaanka federaalka ee lagu heshiiyay. Dhawaaqa xisbiyada mucaaradka ah, diidmada Puntland iyo Jubaland ee go’aamada dowladda federaalka, tabashada baahsan ee shacbiga Soomaaliyeed, dooddaha ay aqoonyahannadu ku dhaliilayaan dowladda, welwelka beesha caalamka, iyo kuwo kale oo la hal-maala, waxaa u sabab ah gaabiska dowaladda iyo jahawareerka madaxda sare ee dalka. Xiriir-xumida u dhexeeysa dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, waxay fashillisay, xoraynta iyo gacan ku haynta deegaanada Xarakada Al-shabaab ay maamusho. Haddaba annaga oo ah dadka magacyadooda hoos ku qoran yihiin waxaan u aragnaa in xaaladda Soomaaliya kal dhow iyo mid dhexeba dhanka Siyaasadda iyo Amniga ay ku jirto degganaan la’aan ku xayndaaban dib u dhacyo badan oo is biirsaday. Danaysiga, musuqa, dulmiga baahsan iyo cadaalad-darridu waxay dhalisay in ay hor-joogsato qorsho walba oo lagu gaari lahaa dhismo dowlad ka tarjunta islamarkaana u adeegta shacbiga Soomaaliyeed. Waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed in ay u itaagto badbaadinta dalka, islamrkaana taageeraan the baaqa Manifesto II. Talo soo jeedin: In la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah hannaanka Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, ee ku dhisan dib-u-heshiisinta iyo talo-wadaagga, kaasoo ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay 20 sannadood ka hor, lagana fogaado siyaasadda ku salaysan wada tashi la’aanta baalmarka dastuurka dalka iyo nidaamak federaalka In kulan wadatashi oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada (political agreement), lagaga arinsado qabsoomidda doorashada 2020/2021. In doorashada 2020/2021 ay ku dhacdo waqtigeeda, kuna timaado is faham iyo wadatashi dhexmara Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka. LIISKA SAXIIXAYAASHA BAYAANKA 1.Jaamac Cali Jaamac- Ex Manifesto 1 2. Avv. Xasan Dhimbil Warsame Ex Manifesto 1 3.Cabdi Muuse Mayow, 4. Cabdullaahi Xaaji Yuusuf Cigaal, Ex- Manifesto 1 5. Xirsi Bulxan Faarax Wasiir hore , 1967 6. Cali Cabdullaahi Cosable, Madaxweyne hore, Hirshabeelle 7. Faysal Cabdi Rooble 8. Gen. Maxamed Cusmaan Qaadi 9. Avv. Maxamed Macallin Xasan (Marooko) 10. Caasha Geelle Diiriye, Wasiir hore, Puntland 11. Eng. Axmed Warsame Abtidoon 12. Bashiir Ciise Cali, Gud. Hore Bangiga Dhexe, Soomaaliya 13. Avv. Maxamed Maxamuud Ciise (Turunji) 14. Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiir hore, DFS 15. Dr. Xasan Sheekh Cali 16. Avv. Shamso Sheekh Xasan 17. Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac 18. Eng. Ismaaciil Daahir Cismaan 19. Cabdullaahi Xasan Maxamed (Isbaanish) 20. Dr. Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed (Foonka) 21. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiir hore, DFS 22. Eng. Axmed Sabriye Siyaad 23. Dr. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Takar) 24. Cabdiraxiim Maxamed Abshir Haamaan 25. Maxamuud Xaaji Qore, Ex- Manifesto 1 26. G/ Sare Maxamed Xasan Xaaji Xuseen 27. Cabdulqaadir Nuur Salaad (Takar) 28. Abuukar Maxamed Cali 29.Maxamed Macallin Xasan Geelle, Xildhibaan hore 30. Dr. Aweys Cumar Maxamed 31. Khaliif Jaamac Cabdulle (Mandella) 32. Maxamuud Dhoollawaa, Wasiir hore Puntland, 33. Cabdi-Kaaf Maxamed Maxamuud, Wasiir hore, Galmudug 34. Axmed Cabaas Axmed 35. Avv. Cabdiraxmaan Faarax Qaarey 36. Faarax Cali-Shire Afbalaar, Wasiir hore, Puntland 37. Eng. Cabdi-Nuur Axmed Darmaan 38. Daahir Mire Jibriil 39. Eng. Siciid Xaaji Cabdi 40. Eng. Cabdi-Waaxid Axmed Xasan 41. Dr. Cumar Cabdi Barre 42. Dr. Aadan Maxamed Ciise 43. Xasan Cismaan Xaashi (Sulux) 44. Dr. Xirsi Cabdi Cismaan 45. Dr. Siciid Maxamed Maxamuud 46. Dr. Axmed Cabdalla 47. Dr. Cabdiraxmaan Cumar Warsame 48.Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub) 49. Prof. Cabdullaahi Sayid Axmed 50. Prof. Asad khaliif Cali-weyd 51. Prof. Cabdisalaam Xaaji Axmed Garaad Malla 52. Prof. Cabdisalaam Ciise Salwe 53. Dr. Bashiir Cali Biixi 54. Dr. Faarax Axmed Warsame 55. Dr. Jibriil Axmed Yuusuf 56. Dr. Axmed Cali Yuusuf 57.Dr. Maxamed Ibraahim Af-kul 58. Dr. Maxamed Xuseen Aadan 59. Dr. Cali Caddaawe Barkhadle 60. Amb. Yusuf Xaaji Siciid 61. Amb. Cabdikariim Aw-Cali 62. Mahad Maxamed Warsame 63. Ismaaciil Xaaji Warsame 64. Ciise Dhoolawaa 65. Maxamed Cabdiraxmaan Janagele 66. Axmed Siyaad Bile 67. Cabdullaahi Saalax Cismaan 68. Cabdiwaaxid Axmed Jaamac 69. Dr. Saadiq Eenow 70. Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan
  24. Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole oo ka tirsanaa sida la sheegayo saraakiisha Al-shabaab Gobolka shabeelaha hoose ayaa isku soo dhiibay Ciidamadda kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab. Arrintan ayaa warbaahinta dowladdu ku sheegtay, “Kadib markii uu u adkeysanwaayay dhibtaada nololeedka ee ay kujiraan maleeshiyaadka argagixisada iyo tan ay ku hayaan Ummadda Soomaaliyeed.” Taliyaha guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in horjooge Caato ay soo dhaweeyay islamarkaasna ay u gudbindoonaan Hay”adaha ku shaqadaleh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu habeenimadii xalay qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo ka socday dalka aynu xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltinimo inaga dhexeeyo ee Keyna, weftigaas oo ka koobnaa xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah. Ugu horayn xubnaha waftigu waxay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyeen Salaan ay uga sideen Madaxwaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta, Imaatinka waftiguna waxa uu daba socday waftiyo dhawr ah oo labadii sanno ee u danbeeyay ay is dhaafsanayeen labada waddan, ujeedkooduna ahaa xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada waddan ka dhaxeeya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska. Madaxawaynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay weftiga imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka kenya, mudane Uhuru kenyatta, waxaanu ku bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay. Waxaanu Madaxwaynuhu xubnaha weftiga si qoto dheer uga waramay xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal Somaliland iyo Kenya iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay iskaashiga iyo wax-wada qabsiga wadamadda gobolka geeska Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan dalka Kenya oo ay Somaliland wax badan wadaagaan. Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD. Ugu danabayntiina waxa uu Madaxweynuhu salaan iyo bogaadin u diray madaxaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru kenyatta iyo shacbiga dalkaasi oo ay Somaliland ka dhaxayso xidhiidh walaaltinimo. Kulankaa waxa madaxawaynaha iyo waftiga ku wehelinayay wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland iyo wasiir ku xigeenkasa. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source