-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka beel-weynta Muddullood oo saaka ka furmay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah. Xasan Sheekh ayaa shirkaasi ka sheegay in sida dad badan ay ka cabsi qabaan aysan beesha Mudulood marnaba ka suurtoobin inay dumiyaan dowladnimadii ay waqtiga badan soo galiyeen oo ay lugooyan, maadama uu dhiig badan usoo daatay, waa sida uu hadalka u dhigaye. Wuxuuna si cad u sheegay inaysan jirin cid xiligan ka hor iman karta doorasho ‘qof iyo cod ah’ amase dhihi karta ma rabno, iyada oo la fahamsan yahay in Villa Somalia ay ku rabto inay Farmaajo ugu sameynayso muddo kororsi, taasi oo si weyn looga digay Xasan ayaa sidoo kale qaba in doorashada qof iyo cad ay tahay mid sax ah, balse aan si dhab ah looga shaqeyn xiligii ay ugu habooneyd, kadib markii uu ansixiyey baarlamaanka Soomaaliya. Waxa kale oo uu ka digay in koox gaar ah ay isku koobto aragtideeda, oo ay ku jaan-goyso arrimaha masiiriga ah ee dalka, taasi oo uga hor imanayo qorshaha Villa Somalia, oo muddooyinkii dambe ku howlaneyd qorshe ku kaliyeystay. Xasan Sheekh ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in kala aragti duwanaanta afkaartu ay horseedo xad-gudub lagula kaco shaqsiyaadka, maadama ay dimuquraadiyadu qofka siineyso inuu si xoriyad ah u dhiiban karo afkaarta uu qabo. Ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay madaxda sarre ee dalka inay dhowraan dastuurka iyo dimuquraadiyada, iyadoo la wada yeelanayo wada-tashi loo dhan yahay,isla markaana si dhab ah loo fulinayo waxyaabihii lagu heshiiyo.
-
Wasiirka gar-gaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdinuur Cabdi Caruush ayaa hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay dar-dargeliyaan howlahooda ku aaddan taakuleynta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle. Mudane; Caruush oo ka hadlayay kulan ay Muqdiho ku yeesheen Guddiga samata bixinta Dadka uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabeelle ee Koofur Galbeed ayaa intaa ku daray in uu si wanaagsan u socdo gurmadka, iyagoo la kaashanaya Dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalka. Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Degmooyinka Afgooye, degaanno ka tirsan Marka, Wanla-weyn iyo Aw-dheegle ay si weyn u sameeyeen fatahaadda Webiga, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay Wasaaradda Caafimaadka KG oo Dadka barakacay la garab taagan taakuleyn iyo wacyi gelin ku saabsan xanuunka Coronavirus. In ka badan 40 oo Qof ayuu sheegay Wasiirku in ay saameysay fatahaaddu, halka 15,000 ay ku barakacday, wuxuuna intaa ku daray in Dadkaasi qaar ka mid ah loo qaybiyay Lacag, qaarna ay Raashiin iyo Agabka kale, isagoo ku cel-celiyay ka mahad-celinta doorka Bini’aadam-nimo ee ay hay’adaha samafalka, Dowladda dhexe iyo maamulka KG ka geysteen taakuleynta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-03082020.mp3 View the full article
-
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aankii maanta dib loogu furay duulimaayadii Caalamiga ee dalka imaan jiray iyo kuwii ka bixi jiray, kadib markii loo xiray sababo la xiriira COVID19, bishii march sanadkaan 2020-ka, oo la helay kiisaskii ugu horeeyey xanuunka Corona. Halkaan Ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Mahdi Maxamed oo kamid ah Madaxweyneyaashii hore ee dalka oo maanta ka qeyb-galay shirka beelaha Mudullood ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalka. Cali Mahdi ayaa dowladda Farmaajo uga digay muddo kororsi ay muddooyinkii dambe waday qorshihiisa, kaasi oo daaqada ka saaray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, sida la aaminsanyahay. Wuxuuna carabka ku adkeeyay in doorashadu xiligeeda ay ku qabsoonto, maadaama ay xiligan dalka galin karto qalaalase siyaasadeed oo hor leh. Cali ayaa madaxweyne Farmaajo uga digay inuu dalka u horseedo dagaal sokeeye oo hore looga soo gudbay, isla markaana uu meesha ka saaro fikirkiisa muddo kororsi ee uu ku dhaganaa muddooyinkii dambe. Wuxuuna si cad u sheegay in aysan jirin cid xiligan aqbaleysa inay dalka ka dhacdo muddo kororsi, iyadoo beesha caalamka oo taageero badan siisa dowladda Soomaaliya ay ka deyrinayso qorshaha Villa Somalia. “Dowlad fiican ayaan rabaa ninkii aan ka qaayana qorigeygii cadaa weli xabada lagama bixin, warku in uu cadaadaa la rabaa, dowladda maanta joogta ka yeeli meyno doorasho la’aan” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed. Hadalka Cali Mahdi ayaa kusoo aadaya xilli ay dhawaan Madaxtooyada Soomaaliya ay markii u horeysay sheegtay inay dalka ka dhici karto muddo kordhinta ay ka digeen saamileyda siyaasadda. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo xiligaasi ka qeyb galay dood ay qabatay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in muddo kordhin dhowr bilood oo farsamo ah ay dhici karto. Villa Somalia ayaa sida ay aaminsanyihiin siyaasiyiin badan waxay muddooyinkii dambe ku howlaneyd qorshayaal dhowr ah oo ay ku rabto in muddo kordhin ugu sameyso madaxweyne Farmaajo, taasi oo meel adag iska taagen mucaaradka iyo saaxiibada beesha caalamka ee taageera dowladda. Halkan hoose ka daawo
-
The Government of Somalia has resumed international flights to and from the country after five months of suspension due to the deadly COVID-19 pandemic. Somalia halted the international and local flights in March after the country recorded its first case of the Coronavirus. The travelers from abroad would be required to have a Coronavirus negative certificate upon arrival. The certificate should be issued at least three days before the arrival. Somalia has registered 3,212 cases of COVID-19 and 93 deaths as of August 2. View the full article
-
A grenade explosion in Somalia’s lower Shabelle region killed a deputy district commissioner and wounded five others, an official said on Monday. Gunmen targeted the home of Mohamed Abdullahi Kosto in the Wanlaweyn town with hand grenades on Sunday night, Ibrahim Hassan, a local police official, told Anadolu Agency over the phone. “Mohamed Abdullahi Kosto, deputy district commissioner who was also acting district commissioner, was killed in the attack. At least five people including his father and his wife were also wounded,” Hassan said. The wounded, with children among them, were rushed to a district hospital for treatment, he added. Police officers in the town arrived at the scene and started an investigation but no one has yet been arrested for the attack, according to local media. No group has yet claimed responsibility for the grenade attack in Wanlaweyn, 90 kilometers (55 miles) southwest of the capital Mogadishu. View the full article
-
Miraa traders are up in arms after another plane ferrying 11 tonnes of the produce to Puntland in Somalia was turned back for allegedly violating Covid-19 restrictions. This is the second plane to be ordered back to Kenya by Mogadishu in a month. One ferrying 13 tonnes was denied entry early July. Nyambene Miraa Traders Association Chairman Kimathi Munjuri protested the move, saying the cargo plane had complied with all rules and regulatory frameworks. Mr Munjuri faulted the Kenyan government for what he termed as ignoring several pleas to engage the Somali government over the miraa trade suspension. TRADE SUSPENSION Somalia suspended Miraa trade in March as part of measures to contain the spread of Covid-19, and the resumption of international flights on August 3 has excluded non-essential goods. “The plane was carrying 11.3 tonnes of the highly valued Griid and Alele varieties of miraa to Puntland. It entered the Djibouti airspace by about 10am after flying over Ethiopia and was readying to land in Puntland when it was ordered back to Kenya. This is the second huge loss in one month,” Mr Munjuri said. He said the traders lost about Sh8 million in the arborted trade deal. Mr Munjuri added: “It is painful because all the paperwork was right legally and procedurally.” He decried an intensifying campaign by anti-khat crusaders to have miraa banned in Somalia. MIRAA TAXES The official added that there was a plot to hike miraa taxes once trade resumes in Somalia. “We already have information that Mogadishu plans an exorbitant hike in taxes on miraa to $5 (Sh538) per kilo, which will push khat way out of the reach of most consumers. We have not been involved in any talks about this by Mogadishu,” he said. Marlier, Mr Munjuri decried the Foreign Affairs ministry’s slow pace of addressing the trade stalemate that has denied them access to the Somaliland market. “We have even been trying to have the Somalia border reopened to facilitate trade but nothing seems to be moving. The Trade and Agriculture ministries have been engaging their Foreign Affairs counterparts on various issues. All miraa trade issues seem to be stuck at the latter” he said. Anti-khat crusaders have taken advantage of the four-month trade suspension to argue their case on why the Somali government should ban it for good. Kenya has been exporting about 50 tonnes of khat to Somalia, valued at close to Sh25 million daily. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay shirka wadatashiga beelweynta Mudulood ayaa soo hadal qaaday waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen sida ay beesha ula falgashay dowladnimada, nabadda, diinta iyo dhamaan qeybaha muhiimka u ah Bulshada. Sharif Sheikh Axmed ayaa ugu horreyn ugu baaqay Beesha Mudulood iney ka garawdo tabashooyinka ay beelaha kale ka qabaan, wuxuu soo jeediyay in lala fariisto beelaha isku arka in laga xoog iyo tiro badan yahay, wuxuuna si gaar ah imaamka beesha ugu raacay talaabada lagula fariisanayo beelaha Banaadiriga. Isagoo ka hadlayay sida ay beesha ula falgashay dowladnimada wuxuu yiri: “Mudulood xoogooda ugu badan waxay ku bixiyeen dowladda dhexe, ciidamada ugu badan kuwa xoogga waa Mudulood, ma ahan in lagu dhibaateeyo qabiilkood dartood ciidan ku soo shaqeeyay xaalado adag,” Dhanka kale Shariif wuxuu si gaar ah uga hadlay taageeradii ay la garab istaageen Farmaajo markuu guusha gaaray, wuxuuna tilmaamay ineysan jirin cid isaga iyo madaxweyne Xasan ku qasabtay iney garab istaagaan, balse ay kaliya sugayaan inuu wakhtigiisa dhamaado. “Shalay markuu Madaxweyne Farmaajo guuleystay aniga iyo Xasan Sheekh garbaha istaagnay cid noo sheegtay ma jirto, ee annaga go’aansanay, hadana Madaxweyne Farmaajo wakhti ayuu leeyahay, waqtigiisa ha dhameysto” Ugu dambeyntii madaxweynahii hore ayaa qudbadiisa ku sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan qaban karin doorasho qof iyo cod ah xitaa hadii fursad la siiyo muddo 20-sano ah. “Haddii aan isku raacno in Madaxweyne Farmaajo kursiga loo daayo, waxba kama qabo laakiin, waxaan hubaa doorasho qof iyo cod in uusan ku qaban karin, xitaa haddii 20 sano la siiyo,” ayuu yiri Shariif.
-
Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey dib ugu noqqoshada miisaaniyadda dalka ee 2020-ka, kaas oo xukuumaddu soo gudbisay. Waxaana ogolaaday in lasiiwado dooda dib u eegista miisaaniyadda 2020ka 143 xildhibaan, halka ay diideen 3 mudane, waxaan jirin xildhibaan ka aamusay. Kulanka maanta ayaa ahaa midkii 21-aad Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka BJFS Uu Shir Guddominayo Guddomiyaha Golaha Shacabka, kalafadhigaan ayaana ah kii ugu dambeeyey muddo xileedka golaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cali Maxamed Geedi, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa khudbadii uu ka jeediyay shirka beelweynta Mudullood ee maanta ka furmay mowlaca Macallin Nuur Maxamed Siyaad ee Muqdisho kaga hadlay siyaasadda dalka iyo kaalinta ay beeshaasi ku laheyd horumarka dowladnimada dalka. Cali Geedi ayaa sheegay in dowladnimada maanta jirta ay ka timid meel fog, beesha Muddulloodna ay hanti iyo wiilal badan ay ugu baxday, sidaasi darteedna ay tahay in la ilaaliyo. “Muddullood waa maktabad qaran laga soo billaabo Madaxweyne Aadan Cadde AUN oo lagu soo aaminay hoggaanka ummadda Soomaaliyeed, illaa iyo haddana waxa ay ka talinayaan Maslaxada Ummadda iyo Dowladnimada, Dowladda maanta jirtana meel fog ayay ka timid, beeshana wiilal iyo hanti badan ayaa uga baxday, waa in aan wada ilaalinaa,” ayuu yiri Prof. Cali Geedi. Cali Maxamed Geedi ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay in aysan dhici karin mudo karorsi iyo dib u dhac ku yimaado waqtigii loogu talagalay inay dhacaan doorashooyinka. Wuxuu sheegay Cali Geedi hadal ka duwan hadaladiisii hore oo laga dareemayay in ay kala furteen madaxweyne Farmaajo oo horay uu u taageeri jiray, isagoo carabka ku adkeeyay in aysan dhici karin dib u dhac doorasho, wuxuuna cod dheer ku sheegay in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso. Cali Maxamed Geedi oo siyaasadiisii adkeyd ee uu ku taageeri jiray Villa Somalia u muuqatay mid isbadashay ayaa hadalkiisa soo gabagabeeyay isagoona dalbaday in laga wada shaqeeyo adkeynta midnimada beesha Mudullood iyo in deegaanadeeda xoreyso, dib u dhistaan lana hormariyo guud ahaan deegaanada beesha degto.
-
Xarunta Mowlaca Macallin Nuur, oo ku taalla Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, waxaa Maanta oo Isniin ah ka furmay Shirweynaha Wada-tashiga Beesha Mudduloodka, oo looga arrinsanayo Aayaha Beesha iyo sidoo kale Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka. Shirka Waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul wasaarayaal hore, Madaxweynaha Hirshabeelle, Wasiiro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Duubabka Dhaqanka Beesha Mudduloodka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada. Ugu horrayn, Imaamka Guud ee Beesha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf oo shirka furay, ayaa soo dhoweeyay ka qayb-galayaasha Madasha, isagoo uga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen Shirka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), oo isna Khudbad ka jeediyay Shirka, ayaa sheegay in Siyaasiyiinta u dhashay Beesha ee xilalka haya iyo kuwa aan Xilalka hayn, ay tahay in ay wada ilaaliyaan mabaadi’da iyo masaaliixda Danta Guud. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, wuxuu isna Shirka u soo jeediyay in si midaysan looga wada-shaqeeyo Horumarinta Degaannada ay degto Beesha Muddullood, maadaama cid kasta mas’uuliyad gaar ah ka saarantahay ilaalinta iyo Horumarinta Degaanka ay degto. Khudbadaha kala duwan ee Shirka laga jeediyay ayaa waxa hareeyay Arrimaha Siyaasadeed ee Dalka ka taagan, gaar ahaanna Marxaladda Kal-guur ah iyo Doorashada soo socota oo aan weli heshiis laga gaarin Hannaanka ay u dhacayso. Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo hadal ka jeediyay Shirka, wuxuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu saxiixo 13- kursi ee Aqalka Sare laga siiyay Gobolka Banaadir, kaasi oo ay hore u ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cali Mahdi Maxamed oo Khudbado kala duwan ka jeediyay Shirka, ayaa dhammaantood ku baaqay in Doorashada soo socota wakhtigeeda lagu qabto islamarkaana waxay Madaxweyne Farmaajo uga digeen in uu mudda kororsi isku dayo. Sidoo kale, Sii haya Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abukar islow Ducaale oo Shirka ka hadlay, ayaa si adag uga hadlay Arrimaha Doorashada, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan hal maalin ku darsan Karin Doorashada, ayna tahay in uu qabto Doorasho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku qabsoonta. Balse, Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo si lama filaan ah hadalka u qaatay, ayaa sheegay in Madaxweynayaashii Farmaajo ka horreeyay uu mid kasta ku darsaday Wakhti, sidaasi darteedna Madaxweyne Farmaajo ku darsan karo wakhtiga, si loo qabto Doorasho qof iyo cod ah. Dhinaca kale, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, oo Khudbad ka jeediyay Shirka Beesha Muddulloodka wuxuu sheegay in Dowladnimada Soomaaliya meel fog laga keenay Beeshuna ay Naf iyo Maal badan gelisay soo celinta Dowladnimada Soomaaliya sidaas darteedna ay tahay in la wada-ilaaliyo Nidaamka iyo Dowladnimada Dalka. PUNTLAND POST The post Akhriso: Khudbadaha Siyaasiyiintii ka hadlay Shirka Beesha Muddulood appeared first on Puntland Post.
-
Taliyihii ciidamada AMISOM ee Halgalka Somalia oo xilka laga qaaday Burundi ayaa Axaddii shalay hoggaanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom kala wareegtay Ethiopia, kadib sanad iyo bar oo ay haysay, sida ay sheegtay Amisom. Jeneral Diomede Ndegeya, oo u dhashay dalka Burundi ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna xilka taliyaha guud ee ciidamada Amisom kala wareegay Jeneral Tigabu Yilma, oo muddo xileedkiisu dhammaaday. Tigabu Yilma, oo u dhashay Ethiopia, ayaa xilka hayey tan iyo bishii January 2019. Jeneral Ndegeya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aden Abdulle ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey taliye ku-xigeenka howlgallada iyo qorsheynta ciidamada Amisom Jeneral Nakibus Lakara; taliye ku-xigeenka Loojistikada iyo taageerada Amisom Jeneral George Owinow, iyo xubno kale oo ka tirsan ciidanka Amisom. “Waxaan u imid inaan caawiyo Afrika, inaan caawiyo Soomaaliya, inaan caawiyo walaalaheen. Waxaan horay u imid dhowr jeer, laga soo billaabo 2007 illaa 2012,” ayuu yiri Jeneraal Ndegeya oo hadal kooban jeediyey daqiiqado kadib markii uu yimid. Ndegeya oo 57-jir ah ayaa horey ula soo shaqeeyey Amisom intii u dhaxeysay 2007 2009. Ka hor xilkan loo magacaabay, wuxuu ahaa la-taliyaha wasaaradda difaaca Burundi ee arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda. Hoggaanka Amisom ayaa waxaa si wareegto ah u wadaaga dalalka ay ciidamadooda xubnaha ka yihiin ee Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda. Qaran News
-
Dayuurad ka soo Duushay Kenya,Kuna jeeday Puntland oo Dawlada Somalia Hawada ka celisay Dayuurad siday 11 tan oo Qaad ah oo Kenya ka timid kuna wajahnayd Puntland ayaa maanta dib looga celiyay kadib markii lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xayiraadaha Covid-19. Waa diyaaradii labaad oo Qaad siday oo dowladda Soomaaliya ay ka celiso hawadeeda muddo todobaadyo gudaheed. Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa ka horyimid tallaabadaas, isagoo sheegay in diyaaradda xamuulku ay raacday dhammaan qawaaniinta looga baahnaa. Soomaaliya ayaa hakisay ganacsigii Miraa bishii Maarso taas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19. Arrintaan ayaa kusoo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay fasaxday duulimaadyada caalamiga ah. Balse diyaaradaha xamuulka oo ay kamid yihiin kuwa Qaadka keena Soomaaliya weli lama fisixin. Qaran News
-
Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa qarax maanta ka dhaxay maqaayad ku taallo afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdisho, taas oo lagu magacaabo Luul Yamani. Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa qof isku soo xiray walxaha qarxo ayaa isku qarxiyey ilinka hore ee maqaayadda xili dadkay ku jireen waqtiga qadada, goobtuna ay aheyd mid aad u mashquul badan. Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray dad u badnaa shacab oo ku sugnaa maqaayadda, wolow laama amniga ay sheegeen in aysan jirin askar wax ku noqotay qaraxa sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidan Booliska Sadiiq Aadan Cali, isaga oo xusay in ilaaladu u diideen in uu gudaha u galo maqaayadda. Waxaase soo baxayo khaasaraha soo gaaray dadka shacabka waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in ku dhowaad 3 ruux ay geeriyoodeen oo labo kamid ah ay tahay shacab ah, iyo qofkii ismiidaamiyey halka ay jiraan tiro dhaawac ah, oo labo ruux ah kuwaas oo la gaarsiiyey goobaha caafimaadka si loola tacaalo xaaladooda caafimaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa saaka maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida lasoo taagay weriye Maxamed Abuuja oo 5 bil oo 4 maalin dhimman xirnaa. Maaxkamadda, marka ciidanka laga reebo waxaa saaka 5-tii subaxnimo tagay 7 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan qareennada, aabaha Abuuja, Cabdalla Muumin oo ah xogheyaha guud ee ururka saxafiyiinta SJS iyo Maxamed Cabdiwahaab oo isna ah xogheyaha guud ee SOMA. Cabdalla Muumin, oo goordhow la hdalay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “ Saaka 6:40 ayey furantaay maxkamadda ciidamada qalabka sida, xeer ilaalinta ayaa eedeymo usoo jeedisay weriye Abuuja kuwaas oo lagu sheegay: (1). Khiyaano qaran (2). Ka tirsanaan Al-shabaab (3). Geysasho dil, waxaa kale oo la keenay marqaatiyo lix ah, oo 4 ka mid ah ay dhaheen ma arkin weriyaha, halka uu dhahay waa la isoo qasbay halka nin darawal ahaa ayey hadaladiisa is buriyeen”. Qareennada difaacayey weriyaha ayuu sheegay xogheyaha guud ee SJS Cabdalla Muumin iney soo bandhigeen in Abuuja loo heysto qoraal uu ku qoray radio Hiigsi oo uu ciidamada uga hadlay iyaga oo su’aal ka keenay xabad horay loogu dhugtay iyo sidoo kale in labo jeer ooh ore la sii daayey. Ugu dambeyntii, garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in la isugu soo laabto goo’aan ay maxkamadda gaari doonto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga Xukuumaddii dhacday Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo hadal jeedin laga siiyay shirka wadatashiga beelweynta Mudolood ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashada. Wasiir Ducaale wuxuu xukuumadda madaxweyne Farmaajo u sheega inay raacaan wadadii ay qaadeen madaxdii ka horreysay, isla markaana uu doorashada ku qabto xilligeeda. Sidoo kale wuxuu ka dhawajiyay in loo baahan yahay doorashada iney wakhtigeeda ku dhacdo, lana yeeli doonin in halmaalin lagu darsado. “Doorashada waa iney wakhtigeeda ku dhacdo, maalin laguma darsan karo, madaxweyne Sheikh Shariif wakhtigeeda ayuu ku qabtay, sidoo kale madaxweyne Xasan Sheeikh, Farmaajana waa inuu raaco wadadii madaxdii ka horreysay,” ayuu yiri wasiir Ducaale. Wasiir Ducaale ayaa weerar toos ah ku qaaday xildhibaano 50 gaaraya oo Muqdisho xalay ku shiray iskuna raacay iney ka shaqeyn doonaan qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, wuxuuna yiri: “Xildhibaanadii xalay shiray hurdada ha ka kacaan, riyada jiifka ayey ku qurux badan tahay” Wasiir Ducaale waxaa lagu xasuustaa inuu ka hor yimid qaabkii ay golaha shacabka kalsoonida ugala noqdeen xukuumadii uu ka tirsanaa, wuxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka u dhaw Ra’iisul wasaarahii la riday ee Xasan Cali Kheyre. Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa marna ka soo muuqan shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya tan iyo markii kalsoonida lagala noqday Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida ay ogaatay Caasimada Online. Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in wasiirka amniga uu ka maqnaa labadii shir ee qabsoomay kadib riditaankii Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka. Waa wasiirka kaliya ee shirka diiday marka laga reebo wasiiro farsamooyin iyo howlo kale uga baaqday.
-
Gogoldhig: Sida aan wada ogsoonahay Golaha Shacabka BFS ayaa kalsoonidii kala noqday Xukuumaddii uu hogaaniyay Mdne:Xasan Cali Kheyre taariikhdu markey ahayd 25-tii Luuliyo 2020. Wuxuu Golaha Shacabku codka kalsoonida siiyay 1-dii Maasrso 2017. Waxaana xukuumadda iyo barnaamijkeeda la ansixiyay, codka kalsoonidana Golaha Shacabku siiyay 29-kii Maarso 2017. Waxaa jira su’aala badan oo ay is-weydiinayaa bulshada Soomaaliyeed kuna saabsan sababta Ra’iisul Wasaarihii xilka laga qaaday ama isaguba iska-casilay xilka u qaban la’yahay howliha xukuumadda xil-gaarsiinta? Ma waxaa jira qodobo Dastuuriya ama Xeer kale oo ka reebaya in uu sii wado howlaha xukuumadda xil-gaarsiinta ilaa laga soo magacaabayo cid kale oo beddesha? Ma go’aan Maxkamadeed ayaa looga joojiyay sii-qabashada shaqada? Yaa xilka ku wareejinayo Ra’isul Wasaaraha la soo magacaabay? Ma Ra’isul Wasaaraha xilka laga qaaday? Mise Ra’isul Wasaare Ku-xigeeka ku xukunka ah ee isaga la dhacay si waafaqsan Qod.97/4aad ee Dastuurka KMG? Maxaa kala fadilay Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa? Sharciyan iyo caqliyan ma la aqbali karaa in Ra’isul Wasaarihii Xil-gaarsiinta (caretaker prime minister) laga maarmo ee uu shaqada sii qabto ku xigeenkiisii sabab la’aan? Maxay tahay Xukuumadda xil-gaarsiinta? Xilkeeda iyo mas’uuliyaheedu ma waxay la mid yihiin tan xukuumadda caadiga ah?Yaa xakameynaya howlaha xukuumadda xil-gaarsiinta maadaama ay dhacday, Baarlamaankuna aanu kor-joogtayn ku lahayn? Iyo su’aalo kale oo badan. Waxay xukuumadda xil-gaarsiintu soo saartay go’aanno badan oo qaarkood masiir yihiin sida magacaabidda Guddiyo Dastuuri ah iyo kuwa kale, waxay sidoo kale samaysay magacaabid saraakiil sar-sare iyo xil ka qaadisyo kuwa kale. Haddaba Si looga jawaabo su’aalaha sare ku xusan, loona fahmo qoraalkan, waxaa lagama maarmaan ah in marka hore la qeexo xukuumadda xil-gaarsiinta (Caretaker Government) kadibna la dul istaago mabaad’ida Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka iyadoo raad-raac lagu samaynayo sooyaal Dastuur iyo nidaamka dowladeed ee uu dalku lahaan jiray, sidoo kale haddii ay jirtay fasiraad Dastuur oo arrintaas la xiriirta oo ay horey u go’aamiyeen hay’adaha garsoorka dalka. Waxaan maqaalkan ku falanqeynaynaa aragtida Dastuur iyo midda sharci ee xukuumadda xil-gaarsiinta, awoodda iyo xilal uu Dastuurku siiyay, waxaan raadraac ku samaynaynaa sooyaal Dastuur iyo midka nidaam ee dalku lahaa. Waxaan soo qaadanaynaa waajibaadka iyo xilalka xukuumadda xil-gaarsiinta ee Waddamada ku dhaqma Nidaamka Baarlamaaniga iyo xaaladaha sharci ay ku sugan tahay muddada xil-gaarsiinta. Waa maxay xukuumadda xil-gaarsiinta Xukuumadda Xil-gaarsiinta waa xukuumad lahayd awood dastuuri ah iyo kalsoonida hay’adda sharci-dejinta, hase yeeshee isu-bedeshay xukuumad ay xadidan yihiin awoodaha iyo xilalkeedu sababo la xiriira isbedel maamul iyo mas’uuliyada Dastuuri oo ku yimid xukuumadda, sida muudo xileedkeedii oo dhammaaday kadibna doorasho loo dareeray ama Baarlamaankii oo kalsoonidii kala noqday ama is-casilaadda ama geerida Madaxa Xukuumadda iwm. Waxay xaaladdaasi abuuraysaa in howlihii xukuumadda uu ku yimaad hakad, loona baahdo waqti lagu soo dhiso xukuumad kale oo la wareegta xilka iyo mas’uuliyadaha, siina waddo adeeggii bulshada iyo nidaamkii dowladnimada. Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo la xiriira awoodaha iyo xilalka xukuumadda xil-gaarsiinta, waxaana arrimahaas xeeriya Dastuurka, Xeerka iyo nidaamka dowladeed ee uu dalku leeyahay. Waxa jira waddamo xukuumadda xil-gaarsiintu ay ka imaanayso meel ka baxsan xeen-daabka xukuumadda xilkeedu dhammaaday ama dhacday, sidoo kale axsaabta siyaasadeed ee xukunka ku harmadamaya. Saldhigga Sharci ee Xukuumadda xil-gaarsiinta Saldhigga sharci ee xukuumadda xil-gaarsinta wuxuu ku qotomaa labo mabda’a oo aasaasi ah. Mabda’a koowaad wuxuu ku salaysan yahaya hab-dhaqan maamul iyo mid nidaam kaasoo ah in eeyan joogsan howlihii xukuumadda iyo adeeggii bulshada, maadaama dowladdu tahay noolee aan dhiman hayeeshee waxa is-bedelaya ay yihiin mas’uuliyadda iyo mas’uuliyiinta. Mabda’a Labaad waxaa gun-dhig u ah hab-dhaqan Dastuur, maadaama ay xukuumaddu lumisay sharciyaddii, haku lumiso kalsooni kala noqoshada Baarlamaanka ama siyaabaha kale ee lagu lumiyo mas’uuliyadda sida is-casilaadda, geerida iwm. Labada mabda’a waxay ku dhisan yihiin falsafadda dastuuriga ee dhigaysaa in howlihii xukuumaddu sii socdaan oo aan hakad ku imaan iyo in la xaddido mas’uuliyadaha xukuumadda xil-gaarsiinta maadaama ay lumisay sharciyaddeedii ilaa ay ka laga dhisayo xukuumaddii beddeli lahayd. Aragtida Dastuur ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta (Dastuurka KMG iyo Dastuurradii hore ee Dalka) Dastuurka KMG ee la ansixiyay 1-dii August 2012 Dastuurka KMG si cad uma qeexin awoodda iyo xilka xukuumadda xil-gaarsiinta, sidoo kale wax tilmaan ah kama bixin xaaladaha sharci ee xukuumadda kalsoonida lagala noqday ama xaaladaha kale ee ay ka midka yihiin istiqaalada, geerida iyo xil gudasho la’aanta Madaxa Xukuumadda ee jireed ama maskaxeed. Haddii aan si quman u dhuganno murtida Dastuurka ee arrimaha la xiriira xukuumadda xil-gaarsiinta waxaa inoo soo baxaya in ay ku uruurayaan arrimaha soo socda: Kolka muddo xileedka xukuumaddu dhammaado oo doorasho la’aado, waxaa arrintaas nidaaminaya Qod.103 ee Dastuurka KMG. Nuxurka iyo murtida qodobka waxay dhigayaan in xukuumadda xil-gaarsiinta loola jeedo tan muddo xileedkeedii dhammaaday ee sugaysa natiijada doorashada iyo xukuumadda beddeli doonta. Nuqulka Afka Ingiriiska ku qoran ayaa si cad u qeexay shaqada ay qabanayso xukuumadda xil-gaarsiinta taasoo ah sii-wadidda shaqooyinka socda (routine duties). Ma tilmaamin qodobku wax xaddidaya xilalka iyo mas’uuliyadaha xukuumadda xil-gaarsiinta iyo waxyaabaha ka reeban oo aysan fulin Karin muddadaas. Gabi ahaanba qodobku kama hadlin xaaladaha sharci ee xukuumadda lumisa kalsoonida Golaha Shacabka ama xaaladaha kale ee is-casilaadda ama geerida. Haddii Golaha Shacabka ee BFS uu kalsoonida kala noqdo xukuumadda sida ku cad Qod.69/2/E ee Dastuurka KMG. Waxaa jira arrimo badan oo ku gadaaman qodobkaan ama xaaladdaan oo u baahan in la faaqido sida: Si la mid ah xaaladda hore Dastuurku ma caddeynayo xilka xukuumadda kalsoonida lagala noqday iyo sida laga yeelayo adeegyada bulshada iyo howlaha xukuumadda inta laga soo magacaabayo xukuumad cusub oo xilka la wareegto. Ma waxay xukuumaddii dhacday sii wadanaysaa waajibaadkeedii caadiga ahaa? Ma la kala dirayaa oo waxaa dhacaya gaab oo muddadaas wax xukuumad ahi ma jirayaan? Maxaa laga yeelayaa mabda’a Dastuuriga ah ee dhigaya in shaqada xukuumadda ay sii-soconaysa oo aan la ogolaanayn bannaan shaqo. Ma jiraan wax xaddidaya awoodda iyo xilka xukuumadda dhacday inta lagu jiro muddadaas ama laga soo magacaabayo xukuumadda cusub? Xaaladaha kale ee xukuumaddu dhacaysa waxaa ka mid ah Istiqaalo ama geeri ama xil gudasho la’aan jireed ama mid maskaxeed oo ku timaad Ra’iisul Wasaaraha sida ku cad Qod.90/d iyo 97/4 ee Dastuurka KMG. Dastuurku kama jawaabin su’aalaha soo socda ee muhiimka ah: Ma cadda xaaladda sharci ee xukuumadda dhacday inta laga soo magacaabayo xukuumad cusub oo bedasha. Xukuumadda dhacday masii shaqeynaysaa mise meesha wey ka baxaysaa oo xubnaheedii ma tagayaan xafiisyada? Haddii arrimo degdeg oo ka jawaabid u baahan yimaadaan maxaa laga yeelayaa? Ma la dabakhayaa Mabda’a guud ee dhigaya sii socoshada adeegga bulshada iyo nidaamka iyo maamulka dowladda? Yaase xadidaya xilka iyo waajibaadka shaqo ee xukuumadda dhacday? Dastuurkii 1960-kii Dastuurkii 1960-kii wuxuu tilmaamay in haddii xukuumadda kalsoonida Baarlamaanku kala noqdo ay xubnaheedu is-casilayaan, sidoo kale in ay sii-haynayaa howlihii socday ilaa laga soo magacaabayo xukuumad cusub, waxaa sidaa caddeynaya Qod.82aad ee Dastuurka. Dastuurkii 1990-kii Qod.91aad ee Dastuurkii 1990-kii wuxuu si cad u tilmaamayaa in xukuumadda dhacday ay sii wadaysa oo keliya howlaha maamulka caadiga inta xukuumad kale la soo dhisayo. Nidaamka Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee Dunida Kale England and Walles (Cabinet handbook- paras 2.27 to 2.31). Ingiriiska waxay xukuumadda xil-gaarsiin ahaan u shaqeyn kartaa marka ay jiraan saddexda xaaladood ee soo socda: Marka lagu guda jiro ololaha doorashada guud. Marka Baarlamaanku (Aqalka Commons-ka).kalsoonida kala noqdo Xukuumadda. Haddii aysan ka soo bixin doorashada natiijo sugan oo aan dhinac guushu raacin. Inta lagu guda jiro xaaladdaas waxaa ka reeban xukuumadda xil-gaarsiinta fulinta arrin la xiriirta siyaasad cusub ama ay gasho heshiiyo caalami ah ama ay soo saarto go’aanno masiiri ah oo caqabad ku noqon kara xukuumadda imaanaysa. Xilalka, awoodaha, waxyaabaha ka reeban iyo aaladaha lagu xakameeyo Xukuumadda Xil-gaarsiinta Haddaba waxaan halkaan ku soo bandhigaynaa awoodaha, xilalka iyo waxyaabaha ka reeban ama xaddida xukuumadda xil-gaarsiinta, anagoo ka soo dheeganayno Dastuurka iyo Xeerarka Dalka, sidoo kale kala soo baxayno taxliilka iyo faaqidaadda aan ku samaynay waddamada caalamka ee la xiriira xilka iyo aaladaha lagu xaddido ama lagu xakameeyo xukuumadda xil-gaarsiinta: Waxay xukuumadda xil-gaasriintu leedahay xilalka iyo mas’uuliyadaha soo socdo: Fulinta howlaha socda (routine duties) ee la xiriiray maamulka guud iyo u adeegidda bulshada. Arrimaha u baahan in si degdeg ah wax looga qabto ee la xiriira danta guud, haddii aanay caqabad ku noqonayn xukuumadda la magacaabayo ama aysan abuurayn qalalaase iyo khilaaf siyaasadeed. Xaqiijinta doorashada marka mudda xileedka xukuumadda uu dhammado, lana galo doorashada iyo ka shaqeynta dhisidda xukuumad cusub. Fulinta howlaha horay u socday go’aanada siyaasadeed ee ay qaadatay xukuumadda dhacday ama waqtigeedu dhammaaday. Waxyaabaha ka reeban ama xakamaynaya xukuumadda xil-gaarsiinta waxaa ka mid ah: Soo-jeedinta wax ka beddelka Dastuurka. Curinta ama soo gudbinta hindise ama mashruuc sharciyeed. Soo saaridda qaraarro ama go’aanno ay ku jiraan wax ka beddel qodobo sharci. Kala diridda Baarlamaanka. Go’aanno wax ka beddelay qaab-dhismeedka hay’adaha iyo mu’assasaadka guud. Qaraarro ama go’aanno wax ka beddelaya xeer nidaamiyeyaasha dowladda. Qaraarro ama go’aanno wax ka bedelaya ama ku xadgudbaya xuquuqda uu Dastuurka iyo Sharcigu aqoonsan yahay. Magacaabid leh ahdaaf siyaasadeed aad u fog. Jaangoynta qiimaha badeecada, mushaaraadka iyo adeegyada ee saamaynaya dhaqaalaha qaranka. Go’aanno abuuray qalaalse ama khilaaf siyaasadeed. Gaaridda go’aanno siyaasadeed oo caqabad ku noqon kara xukuumadda imaanaysa. Qabashada afti dadweyne. Ansixinta hindise sharci oo qabyo ee la xiriira miisaaniyadda dowladda. Curinta siyaasad cusub ee xukuumadda ama wax ka beddelka siyaasaddii hore ee xukuumaddu ku shaqeynaysay. Gelidda heshiisyo caalami ah ama kuwo waqti dheer qaadanaya oo saamaynaya siyaasadda xukuumadda cusub. Magacaabidda xilalka sare ee dowladda. ILAHA IYO TIXRAACYADA: Dastuurka MKG ee soomaaliya. Dastuurkii 1960-kii. Dastuurkii 1990-kii. Government Formation and Removal Mechanism: International IDEA Constitution-Building Primer (2017 International Institute for Democracy and Electoral Assistance (International IDEA). Van Aelst Peter and Tom Louwerse, (2014) ‘Parliament without Government: the Belgian Parliament and the Government Formation Process’ West European Politics Vol 37,2 475-496. Conference of Presidents is a body comprising the Speaker and Deputy Speakers which plays a significant agenda-setting and presiding role. Library and Research correspondence with parliamentary official in Belgian Parliament, March 2016. Al-wasiit fil-qanun al-idaari al-cam(Jan Baz). Qanun Al-isaari al-cam:Dr. Faraxat(Xalabi 2002). Al-majmuuca al-dastuuriya: Anwar Khadib(Mu’assasah Asi). Qaanul al-dasturi: Dr. Mohamed Mahbub. Al-wajiz fi-nudum al-siyaasah bil-qaanun al-dasturi: Ibrahim Shekha. The Future Constitutional Structure of the Somali Republic: Federal or Decentralized Unitary State?” Accessed 25 January 2014. http://www.hiiraan.com/op2/2011/apr/the_future_constitutional_structure_of_the_somali_republic_federal_or_decentralized_unitary_state.aspx http://www.irishstatutebook.ie/eli/1977/act/28/section/1/enacted/en/html#sec1 http://www.irishstatutebook.ie/eli/1977/act/28/section/1/enacted/en/html#sec1 https://assets.publishing.service.gov.uk/government/uploads/system/uploads/attachment_data/file/60641/cabinet-manual.pdf http://static.moadoph.gov.au/ophgovau/media/images/apmc/docs/63-Caretaker-role.pdf https://journals.sagepub.com/doi/full/10.1177/2053168015622796#abst act-1. http://noticias.juridicas.com/base_datos/Admin/l50-1997.html https://www.constituteproject.org/constitution/Portugal_2005.pdf https://english.elpais.com/elpais/2016/03/29/inenglish/1459237300_043354.hml https://www.oireachtas.ie/en/debates/debate/dail/1992-12-15/ https://www.oireachtas.ie/en/debates/find/ http://www.dampress.net/mobile/?page=show_det&category_id=48&id=71666 . https://www.legal-agenda.com/article.php?id=3352 https://www.facebook.com/ConstitutionalandAdministrativeLaw/posts/553793238029103/ https://www.aljarida.com/articles/1575908668183915800/ http://www.pakistani.org/pakistan/constitution/ https://www.dekamer.be/kvvcr/pdf_sections/publications/constitution/GrondwetUK.pdf https://www.aph.gov.au/About_Parliament/Senate/Powers_practice_n_procedures/Constitution https://www.constituteproject.org/constitution/New_Zealand_2014.pdf?lang=en http://www.na.gov.pk/uploads/documents/1333523681_951.pdf https://www.ippr.org/files/images/media/files/publication/2014/01/the-constitution-of-the-united-kingdom_1991-2014_1420.pdf https://www.ippr.org/files/images/media/files/publication/2014/01/the-constitution-of-the-united-kingdom_1991-2014_1420.pdf https://www.pmc.gov.au/sites/default/files/publications/guidance-caretaker-conventions-2018.pdf http://press-files.anu.edu.au/downloads/press/p295441/pdf/ch032.pdf https://data.oireachtas.ie/ie/oireachtas/libraryResearch/2016/2016-06-28_caretaker-governments-and-caretaker-conventions_en.pdf WABILLAAHI-TOWFIIQ W/D: Qareen Zakariya Ismaaciil Nuur Qareen Zakariya I. Nuur waa qareen, bare Jaamacadeed iyo cilmi-baare ka howl-gala Magaalada Mugdishu, wuxuu xubin ka yahay Ururka Qareennadda Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kale La-taliye sharci u yahay hay’ada dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay. Zakariyei@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankii Golaha Shacabka ee lagu riday Khayre. Gaaxnuug ayaa sheegay in go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ahaa mid deg-deg ah oo ay ka muuqato mas’uuliyad darro, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in adduunka oo dhan uu la yaabay, sida fududu ee lagu riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. “Dowlad wax aan ka badneyd rubi-saac gudaheeda lagu ridday waa arrin aduunka oo dhan la yaabay, waa arrin ay ka muuqato iyadda dhexdooda aaney is-aamini karin, Beesha Caalamka ee la shaqeyneysay aaney aamni karin, innagana dowladii wadahadalada nala wadday in ay 30 daqiiqadood ku dhacdo waxay muujineysaa sidda ay Unreliable u tahay xukuumadda Muqdisho ka dhisan, waana nasiib darro.” ayuu yiri wasiir Gaaxnuug. Todobaadkii hore ayey aheyd markii codka kalsoonida lagala noqday ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre oo xafiiska joogay muddo 3 sano iyo bar ah. View the full article
-
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in todobaadkan bilowgiisa ay hawada ka celisay diyaad sidday Qaadka nooca loo yaqaano Miirooga, taas oo ka soo duushay Nairobi, kuna soo jeeday gudaha magaalada Gaalkacyo, qeybta waqooyi oo ay maamushu Puntland. Wararka ayaa sheegaya in maamulka hawada Soomaaliya uu ku amray diyaaraddaasi inta aysan dagin, ka hor inay dib ugu laabato halkii ay ka soo duushay oo ah Kenya. Sidoo kale urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada Qaadka Kenya oo ka hadlay tallaabadaasi ayaa sheegay in celinta diyaaraddan ay u gaysatay dhaawac dhaqaale. Guddoomiyaha ururkan ayaa xusay in diyaaradda sidday xamuulka ee dib loo celiyey ay raacday qawaaniinta iyo qaab dhismeedka sharciyeynta, islamarkaana markii hore loo oggolaaday in ay geli karto hawada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrinta diyaaraddaas iyo cabashada ka soo yeereysa ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya Bishii hore ayey aheyd markii hawada Soomaaliya laga celisay diyaarad Qaad sidday oo laga leeyahay dalka Kenya. View the full article
-
Allaha u naxariistee waxaa xalay xaafadda Buunda-weyn ee magaalada Beledweyne lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa, kaas oo dilkiisa loo adeegsaday Toorey. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Caydaruus Calawe Siyaad, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada kaxeysa Mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeysa magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in rag burcad ah ay dileen marxuumka, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Meydka marxuumka ayaa la geeyey isbitaalka guud ee Beledweyne, waxaana agaasimaha isbitaalkaasi Dr Suleeyman Cabdi Cali uu sheegay in dilka kadib la gubay marxuumka. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo haatan wada baaritaano dheeraad ah. Dhacdadan argagaxa leh ayaa wal-wal xoogan ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan darawallada kaxeeya mootooyinka Bajaajta ee ka howl-gala magaalada Beledweyne. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u taageera madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuna magacaaban la-taliyihiisa, ayaa waji gabax kala kulmay shirka beelweynta Muddullood oo saakay ka furmay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Mudisho. Salaad Cali Jeelle oo jadwalka dadka hadlayay ka mid aheyn ayaa dalbaday in fursad loo siiyo labo kelmad, waxaana markii uu hadlay qeylo iyo sawaxan kala horyimid dadweynihii ka qeybgalayay shirka iyagoo codsaday in makroofanka laga qaado, markii uu soo hadal qaaday qorshaha doorashada qof iyo cod ee Farmaajo ku adkeysanayo. Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga kasoo kacay, isagoo dadkii qeylinayay ku dejiyay in Salaad Cali Jeelle uu yahay shaqsi ka dhashay beesha Mudullood, xaqna u leeyahay inuu ka hadlo fikirkiisa, dadkiina wuxuu ka codsaday inay dhageysteen hadalkiisa oo ay joojiyaan buuqa iyo foorida. Intaasi kadib, Salaad Cali Jeelle ayaa qorshahiisa badalay, isagoo u muuqday in uu gabay wixii uu sheegi lahaa. “Shirka hadduu shir Mudullood yahay, sooma kaceen, laakiin doorashaa laga hadlay, sidaas ayaa usoo kacay, doorasho dadban ayaa la rabaa in nagula qasbo oo doorasho qof iyo cod aheyn oo shacabkaan raba inay codeeyaan,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo intaa raaciyay in Madaxweyneyaashii hore Sharif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ay sameeyeen muddo kordhin bilooyin ah. Salaad Cali Jeelle ayaa ku faanay inuu yahay La-taliyaha madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay in muddo ah ka shaqeynayeen in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, laakiin uu qiil u raadinayay mudo kororsiga ay qorsheyneyso Villa Somalia. Muhiimada hadalkii Salaad Cali Jeelle oo codsi uu jeediyay ku timid ayaa dadkii dhageysanayay aysan la dhicin iyo cid dhageysatay, iyadoo dadku hoos ka guuxayeen dalbanayeen in cod baahiyaha laga qaado. Salaad Cali Jeelle ayaa si weyn u taageera madaxweyne Farmaajo, isagoona sheegay inuu ka mid yahay La-taliyeyaashiisa, wuxuuna bil walba mushahar ka qaataa Villa Somalia.
