-
Content Count
212,306 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qarax xooggan ayaa lagu soo warramayaa in uu Saaka oo Sabtiya ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaanna nawaaxiga Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku taalla Degmada Xamar-Jajab. Goob-joogayaal kala duwan ayaa laga soo xigtay in Qaraxaas uu ka dhacay Xarunta Ilaalinta Canshuuraha oo ka soo horjeedda Dekedda Muqdisho halkaas oo gaari miinaysan isku qarxiyay. Waxaanse la ogayn ilaa iyo haatan Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxa kaas oo warar kala duwan weli ka soo baxayaan. Sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaas inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan Qaraxyada ka dhaca Muqdisho. PUNTLAND POST The post Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabtiya kulankoodii caadiga ahaa ee ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka Golaha waxaa uu yahay ka doodista ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda Federaaka ee sanadkaan 2020 oo ay soo ansixiyeen Golaha Xukuumadda. Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in uu jiro kulan isla markaana laga doonayo in ay kasoo qeyb kulanka si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka horyaalla. Xildhibaanada ayaa maalmihii lasoo dhaafay yeelanayay kulamo is-daba joog ah oo ay ku ansixiyeen sharciyo dhowr ah oo uu kamid yahay Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare looga siiyay 13-xubnood. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya oo ka doodaya ku noqoshada Miisaaniyada dowlada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa iska fogeysay eedda ah inay kaga sii dartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, ka dib markii ay sheegtay inaanan doorashada lagu qaban karin xilligeeda. Mar ay 27-kii bishii June hortagtay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay ka hor sheegtay inaysan doorashada ku qabsoomi karin waqtigii loo muddeeyay, taasoo ay siyaasiyiin badani aad uga caroodeen. Su’aal la weydiiyay oo ahayd mala is dhihi karaa arrin murun keentay oo xaalkii wadanka uga sii dartaa la timid? Ayaa waxay ku jawaabtay “Aniga murun arrin keentay ma aanan keenin.” Waxa kaloo ay tiri “Doorashada waxaa hortaagan dan gaar ah, aniga sida ii muuqato, laakiin ma rabo arrimahaas siyaasadeed inaan galo. Su’aasha aad aniga i weydiisayna dad kale ayay khuseysaa, ee ani ima khuseyso.” Xaliimo Yarey oo ka qayb qaadaneysay Barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC ‘Waxa ay ila tahay’ ayaa dhanka kale codsatay inaanan Guddiga Madaxdabanaan ee Doorashooyinka Qaranka loogu yeerin Guddiga Xaliimo Yarey, maadaama ay iyada oo qura aanay metelin guddigaasi. “Waxaan madaxda, dadweynaha iyo inta Soomaaliya daneyneysa ka codsanayaa Xaliimo Yarey, guddigeeda inaanan la dhihin. Guddigaas waa Guddiga Doorashada Madaxabannaan oo soo wada shaqeeyay, oo isa soo wada garabsaday, oo go’aanka soo wada gaaray, meeshaasna soo gaarsiiyay. Ma’ahan Xaliimo keliya,” ayay tiri Xaliimo Yarey. Hadalkan Xaliimo Yarey ayaa jawaab u ah Siyaasiyiinta Mucaaradka, oo si kulul ugu eedeeyay Guddiga Xaliimo Yarey in uu ku fashilmay waajibaadkii qaran ee kal hore loo wakiishay. Hoos ka dhageyso codka Xaliimo Yarey https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/07/Yarey.mp3
-
Suuradda An-Nisaa, Aayadda: 93, waxaa Eebbe (SWT) u ballanqaaday inuu Naarta Jahannama uu ku waarayo qofka kas ama ulakac nafta uga jara qof Muslim ah, oo weliba Eebbe (SWT) intuu u cadhoodo oo naclado u diyaariyo Cadaab Weyn. Waa run oo Eebbe (SWT) waa Naxariiste Towbada aqbala laakiin dadku ma oga adduunyada in qofkaas dembiilaha ah loo dembi-dhaafay iyo in kale. قال الله تعالى: (ومن يقتل مؤمنا متعمدا فجزاؤه جهنم خالدا فيها وغضب الله عليه ولعنه وأعد له عذابا عظيما) Somalida waxaa la dhahaa inay 100% Muslim tahay, haddana marka ay ka hadlayaan qof madax noqday oo nafta ka jaray dad badan oo Muslimiin ah waxay ku bilaabaan hadalka: “Hebel, Ilaahay ha u naxariistee.” Waxaan rabaa inaan Culimada Somaliyeed weydiiyo seddexda su’aalood ee soo socda: Su’aasha kowaad: Ma saxbaa in loo duceeyo qof Allah (SWT) ugu ballanqaaday inuu Jahannaama ku waarayo dil kas ah oo uu u geystay qof Muslim ah ama dad Muslimiin ah awageed? Su’aasha Labaad: Haddii dilaaga noocaas ah ee Allah (SWT) u ballanqaaday inuu ku waarayo Naarta Jahannama loo duceeyo iyaga oo ay maqlayaan dhallinyarada iyo carruurtu miyaanay ku dhiirigelinayn inay iyaguna galaan dembiyo xun marka ay madax noqdaan mustaqbalka maadaama loo ducaynayo oo ay rumaystaan in loo dembi-dhaafay? Su’aasha Seddexaad? Qofka u duceeya dembiile dilaa ah oo uu ogyahay in Ilaahay (SWT) dilaagaas ugu ballanqaaday inuu ku waarayo Naarta Jahannama, qofkaas ducaynaya miyaan dembi ka soo gaadhayn maadaama aanu ogayn in dilaagaas Ilaahay (SWT) towbada u aqbalay iyo inkale? Aqoonyahan: Ibrahim Hassan Gagale. ibrahim_hg@yahoo.com Qaran News
-
The killing of Ethiopian protest singer and revered musician Hachalu Hundessa led to days of unrest in the country, and the deaths of at least 80 people during protests. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu cadaadinayaa inuu aqbalo ka qeybgalka shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo maalmihii dambe uu khilaaf kala dhaxeeyey madaxweyne Waare isla markaasna la rumeysan yahay inuu taageero ka heysto Dowladda Dhexe ayaa ugu baaqay Waare inuu aqbalo ka qeybgalka Shirkaas uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo. Sheekh Cusmaan ayaa tilmaamay in Madaxweyne Waare ay u fiican tahay inuu ka qeybgalo shirka Amniga Qaranka kaasi oo waqtigiisu yahay 5 illaa 8 Bishaan July maadaama uu sheegay inuu matalo shacabka ku nool deegaanada uu ka arrimiyo maamulka HirShbelle. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iftiimiyey in Madaxweyne Waare uu ku xirtay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo si cad uga hor imaaday shirkaas, wuxuuna ugu baaqay inuu ka laabto mowqifkiisa isla markaasna uu shirka aqbalo. Wuxuu sheegay Barre in hoggaamiyaasha uu hadda Waare la safan yahay ay hadda ka hor isaga ka duubeen cod waqtigii uu khilaafka kala dhaxeeyey Dowladda Dhexe, wuxuuna uga digay in isna cod laga duubo. “Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxa aan ugu baaqayaa runtii in uu ka qaybgalo shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha, isla markaana yimaada Magaalada Magaalada Muqdisho, waxa aan leeyahay yaysan cod kaa duubin dadka aad la socoto, aniga ayay hadda kahor iga duubeen,” sidaasi waxaa yiri Sheekh Cismaan Barre. Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa kusoo aadayo xilli muddooyinkii ugu dambeeyey uu khilaaf xooggan u dhaxeeyey madaxweyne Waare iyo Dowladda Dhexe, taasoo keentay in Dowladda Dhexe ay adeegsato Guddoomiyaha Baarlamaanka.
-
Raisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Raisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlay rabashadihii ka socday dalkiisa ayaa sheegay inay ku guulaysteen fashilinta shirqoolo la doonayey in lagu abuuro dagaallo sokeeyo. Abiy ayaa hadalkan ka yiri kulan uu la qaatay saraakiisha sarsare ee rayidka iyo ciidamada Itoobiya, sida uu baahiyey tv-ga dowlada ee ETV. Sidoo kale telefishankan ayaa wariyey in “87 qof, oo ay ku jiraan afar sarkaal oo boolis, ay naftooda ku waayeen rabshadaha” sida laga soo xigtay taliyaha booliska gobolka Oromada. Rabashadaha Itoobiya oo bilowday maalintii talaadada ayaa waxaa sababay dhimashada fanaan si weyn ugu dhaqdhaqaaqi jirey qowmiyadda Oromada, Hachalu Hundessa. Dhanka kale, Golaha Warbaahinta ee Itoobiya ayaa maanta soo saaray digniin ka dhan ah warbaahinta mucaaradka, iyagoo ku eedeeyay inay kicinayaan rabshado qowmiyadeed. Agaasimaha guddiga Getachew Denku ayaa ugu baaqay xarumaha ay mucaaradka maamulaan ee Tigray Media House, Oromo Media Network, iyo Demtseweyane “inay joojiyaan kicinta rabshadaha qowmiyadeed oo aysan dalka khalkhal gelin.” Xarumahan ayaa loo diray warqad loogu digayo in la xiri doono. Qaran News
-
Xusuusta dilkii halyeyadii Gen. Salaad Gabeyre Kadiye, Ceynaanshe iyo C/qaadir Dheel Luulyo 3, 1972, abbaarahii 08:00 subaxnimo ayaa maanta oo kale ka soo wareegatay 48 sanno, dil murugo leh, si waxashnimo ahna loogu fuliyay General Salaad Gabeyre Kadiye, General Mohamed Aynanshe Guleid iyo Col. Abdulkadir Dheyl Abdulle. Dabcan, gacan ku dhiiglayaasha dilka sameeyay waxaa ugu weynaa kaligii taliyihii dowladdii Kacaanka Siyaad Barre, laakin dhagar qabayaalkii kale oo iyagana, sida firfircoon ugu lug yeeshay, ayaa laga xusi karaa Mohamed Ali Samater (dhintay), Ismail Ali Abokor, Abdalla Mohamed Fadil (oo dhintay), Ahmed Suleyman Dafle, Mohamud Gelle Yusuf iyo Abdulkadir Haji Masaleh. 48 sanno oo u sii dhawaanaysa nus qarni ma lagu tilmaami karo waqti dheerinay ka soo wareegtay, bal waxaa cad ragga la laayay weli dhiiggooda uu ku sii dhex qoyan yahay quluubta iyo xusuusta maalyiin Soomaali ah. Siyaad Barre ugu ma harin raggaasi dil kaliya, wuxuuse ku sii darsaday inuu dhaco maal iyo xoolo wixii ay lahaayeen iyada oo loola jeedo in xataa lagu hanti tiro agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen, islamarkaana diiwaannada dowladdana uu ka saaro magac, xushmad, taariikh iyo xusuus wixii ay ku kasbadeen shaqo dhinaca siyaasadaha iyo howlaha difaaca qaranka oo loogu aqoonsanaa inay ku lahaayeen door geesinimo ah iyo kaalin aad wax ku ool ah. Taariikhda waxay xususeysaa in loo laayay ragga shaki laga qabo, kadib markii ay sii if-baxeen khilaafyo iyo ballan ka baxyo si bareer ah loo sameeyay, taasoo si weyn ugu lug lahaayeen koox Afweyne ka dhex sameystay qaar ka mid ahaa kuwii wax ka ogaa inqilaabkii lagu rogay dowladii rayidka ee dastuuriga ahayd iyo kuwii gadaal magacyadooda lagu daray liiska xubinimada GSK. Siyaad Barre wuxuu ka cabsi qabay saddaxda nin oo aan arkeyn waddaniyaddooda iyo Soomaalinimadooda, balse kaliya ka fakira isirka ay ka soo jeedaan oo ah beelo waawaayeen midkood inuu qabto xilka taliyonimada XDS. Wuxuu markiisa hore doonaayay inuu isaga isku noqdo Madaxweynimada GSK iyo Taliyaha XDS, bal haddii ay u socon weysana, uu u dooro xilkaas, sida markii dambe dhacday, Mohamed Ali Samatar iyo Abdalla Fadil oo taliye iyo taliye ku xigeen kala noqdeen.Samatar iyo Fadil waxay saaxiib dhow la ahaayeen Salaad Gabeyre, laakin ka hor iyo kadib markii xilalkaasi loo dhiibay, waxay bilaabeen inay si dhagari ku jirto kula socdaan. Shaqada ugu muhiimsan oo ay qabanaayaan ayaa ahayd inay saacad ka saacad ka war keenaan dareenka iyo talaabooyinka uu qaadi karo iyo inaysan faarujin waqtigiisa si talaabooyinkiisa ay xogogolaal uga noqdaan. Siyaad Barre wuxuu wajihi jiray welwel badan oo uga imaanaayay la gambasho la’aanta Salaad sida uu u daneenaayo inuu qaato xilka Taliyahnimada XDS iyo inuusan doonayn, Xilka loo magacaabay oo ah Wasiirka Gaashaandhigga. Diidmadiisa ayaa loo aaminay inay ku daahsoon tahay qoorshe damac ah inuu soo wado inqilaab. La wareegistii xukunka ka hor, waxaa jiray shuruudo lagu heshiiyay, kuna aaddanaa shax awood qaybsi ah. Waxaa ka mid ahaa, Afweyne maadaama uu ahaa qof waayeel ah, xagga da’da iyo darajadana ugu weynaa raggii tashaday, loo tixgeliyo xilka Madaxweynanimada, halka Taliyaha XDS uu noqdo Salaad Gabeyre.Markii la guuleystay, Siyaad Barre oo ah qof lagu yaqaan shaki iyo inuusanba lahayn mowqif loogu soo hagaago ayaa waxaa laga daadhiciyay Salaad Gabeyre inay meel u taal qorshe la mid ah tabtii Kacaankii Masar ee Jamal Abdinassir u maray xilka Madaxweynimada, taasoo uu kala wareegay General Mohamed Najib, kadib markii labo sanno ku siman uu xilkaas haayay xagga da’da darteed.Sida ay caddeynaayaan, saraakiil xogogaal ah, lana socday wixii ka dhacaayay xaruntii Avizione, saraakiil waaweyn oo ay saaxiibbo iyo isku koox ahaayeen Salaad Gabeyre ayaa aad uga caroodeen, kadib markii uu Salaad aqbalay Afweyne inuu noqdo Madaxweynaha GSK. Saraakiishaas aad u xanaaqay qaarkoodna bilado geesinimo ku kasabeen dagaalkii 1964 waxaa ka mid ahaayeen Col. Ibrahim Roble Warfa’ “Doonyaale”, Col. Elmi Nur Tarambi, Col. Mohamed Nur Barqhab, Col. Ahmed Ismail Boqor iyo kuwo kale oo badan. Arrimaha kale oo ay isku qabteen Gen. Salaad Gabeyre iyo Maxamed Siyaad waxaa kaloo ka mid ahaayeen:- 1. Go’aamada GSK ee taabanaya dhinacya xukuumadda, sharci sameynta, Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca in loo wada gaaro si wadajir ah, cod qaadis ah hab dimqoraadi ah ku saleysan, mustaqbalkana la tixgeliyo waqti cayiman oo munaasib ah sidii iyo wadiiqadii xukunka loogu celin lahaa shacabka. 2. Subaxdii koowaad ee maalintii inqilaabku dhacay, lana soo qabqabtay si loo xiro dhammaan Xubnihii xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahoodii Mohamed Ibrahim Egal ayaa Afweyne isna maalintii labaad uu soo xiriray, iyada oo aan la isku raacin siyaasiyiin waawaaeyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Aden Abulle Osman, waxaa kale ragga la xiray ka mid ahaayeen Abdirizak Haji Hussein iyo Haji Musse Boqor, halka Sheikh Mukhtar M Hussein iyo Gen. Mohamed Abshir Haamaan uu ku haayay xabsi guri muddo dheer. Qabaqashadaas waxaa loo adeegsaday ciidan heyb sooc ah oo Afweyne ninka uu soddogga u yahay Ahmed Suleyman Dafle wata. 3. Liiska Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka oo xubno taageerayaal ah ku soo darsaday Siyaad Barre. Mohamed Ali Samatar, wuxuu ahaa ninka naqshadda u haayay tabaha Siyaad Barre uu ku noqon lahaa kaligii taliye inta uu nool yahay Xukun ku waara. Axdigii Labaad ee GSK waxaa lagu qeexay Somalia inay dooratay dhabbaha Hantiwadaagga cimiga ku dhisan ee Marxism-Leninims. Nidaamkan wuxuu jideenayaa inay xaaran tahay habka awoodaha kala soocan ee hey’aadaha dimoqraadiga ah (Check and Balances) ee barabar socon karta midda kaligii talisnimada, lala wareego hantida gaarka ah ee shirkadaha shisheeye iyo kuwa waddaniga ah, dalka aan ka jiri karin nidaam dhaqaale ee furfuran, xorna ah sida ganacsi iyo suuqyaba, la baa’biyo sharci kasta oo u adeegaya sharafta aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xuquuqul iinsaanka, sida inuu ka qayb qaadan karo wacyi gelinta mujtamaca, hal abuurka, xuryatul qowlka, abaabulada xisbi iyo bannaanbaxyada shacbiga ah. Xubnihii GSK, xataa Siyaad Barre, kuma jirin qof si duluc ah u yaqaan falasafadda Marxism-Leninism, bal waxay ka ahayd in loogu sii dhawaado xiriirka Ruushka iyo in xukunka la isku waariyo. Afweyne wuxuu ka jeclaa Marxism-Leninism aragtida Machiavelli oo dhahaysa, “Wax kasta samee, una mar si aad danahaada u gaarto iyo ma jiro caqli iyo maskax kale oo aan ahayn midda uu ku fekero kaabaha.”Salaad Gabeyre iyo Afweyne arrimahaas aan kor ku soo sheegay ayaa ugu muhiimsanaa wixii dhab ahaan ay isku haayeen. Mana jirin inqilaab uu waday, ee isagaa la shirqoolay, lalana dilay saaxiibada kale. Saraakiishii hore iyo Siyaasiyiin dhowr ah, waxay qabaan in Gen. Caynaanshe marka la barbardhigo Afweyne ay kala ahaayeen laba qof oo waxyaabo badan ku kala geddisan. General Mohamed Aynanshe Xagga aqoonta, waddaniyadda, hufnaanta iyo sumcaddaba wax badan ayuu kaga horreeyay Afweyne. Waxaa loo tiriyaa Caynaanshee in dhinac walba uu ku dhawaa wannaaggii General Daa’uud looga haayay XDS iyo Shacbiga gudahiisa. Sidoo kale Gol. Abdulkadir Dheyl Abdulle, Wuxuu ahaa sarkaal uruursan, tababar sare qaba aadna iskugu kalsoon. Wuxuu ahaa geesi aad u firfircoon aadna saraakiisha iyo askartaba u jeclaayeen. Ragaas sida arxan darrada loo laayay, ayaa hadda waxay joogtaa inay yihiin kuwo mudan qof iyo qaran ahaanba la xusuusto, xushmaddii iyo taariikhdoodii la aasay dib loo soo nooleeyo iyada oo loo sameynaayo tacsi qaran iyo maalin lagu xusuusto. Lagu sharfo magacyadooda meelo muhim ah oo ummadda u dhaxaysa, sida waddooyinka, iskuulada iyo xarumaha ciidamada iwm. 12ka April, Maalinta xuska XDS magacyadooda iyo taariikhda ay leeyihiin lagu weyneeyo iyo in dhammaan wixii hanti ah oo laga dhacay dib ugu soo celinta dhaxaltooyadooda loo sugo si sharci oo aan shuruud iyo gorgortan ku jirin. Cali Muxiyaddiin Cali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkaan waxaa kusoo badanayay kooxo dadka ka dhaadhicinaya in Jinka ay ku daaweeyaan xayawaanka Waraabaha, maadaama Waraabuhu ay sheegeen in jinku uu arkaayo. Kooxahaan ayaa dadka xanuunsan ee waalida qaba qol kula xira Waraabaha oo qoorta ka xiran, sidaasina dadka lacag aan badneyn ugu qaata, iyadoo dadka qaarkood ay aamineen arrintaasi quraafaadka ku saleysan. Dadka ayaa bilaabay in ay dalbadaan baadiyaha fog ka dalbanaan xayawaanka Waraabaha ee xoolaha iyo wixii nool ugaarsada. Ibrahim Cusmaan oo mudo 10 sano xaaskiisa cudurka waalida la ildarneyd ayaasheegay in xaaskiisa ay ku caafimaaday markii Waraabaha meel lagula xiray, haddana ay caafimaad qabto. Sheikh Cabdi Xayi oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in diinta Islaamka iyo cilmiga dhaqaatiirtaba aysan meelna uga qorneyn in Waraabaha lagu daweeyo Jinka. Guryo gaar ah oo ku yaal Muqdisho ayaa sidoo kale, lagu kireeyaa waraabaha si ehelada dadka ka xanuunsan ay u tussaaan bukaanka, ayna aaminsan yihiin in jinka marka waraabuhu arko uu cararayo. Sidoo kale, dadkaasi kireysta Waraabaha ayaa dadka usoo daawasho tago ka qaada xooggaa khidbad yar oo dhan 3000 Sh.Somali. Hoos ka daawo
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dowladda Kenya fariin ku saabsan wada hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ugu dhiibay wafdigii Kenya ka socday ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Hargeysa. Wafdigaasi oo isugu jiray xildhibaano, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa kulan ay la qaateen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo sharaxaad ka siiyay arrimaha siyaasadeed ee gobolka, caqabadaha hortaagan horusocod la’aanta aqoonsi ay helaan iyo shirkii magaalada Jabuuti ee lagu dhex dhexaadinayay Dowladda federaalka Sooamaliya iyo maamulka Somaliland. Muuse Biixi ayaa xubnihii ka socday Kenya wuxuu fariin ugu dhiibay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo wafdiga u sheegay in Kenya ay door firfircoon ka qaadan karto wada-hadallada socda maadaama buu yiri ay ka mid tahay dalalka IGAD. Arrintaan ayaa haddii uu aqbalo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay caqabad ku noqon doontaa wada-hadalka socda iyo in labada dhinac isku soo dhawaadaan, maadaama uu xun yahay xiriirka dowladda federaalka iyo Kenya.
-
Ninka iibsaday 60,000 oo ceel oo saliid iyo gaas ah Rusty Hutson markii hore ma uusan rabin inuu ka shaqeeyo waaxda tamarta Taxanaha barnaamijka isbuuclaha ah ee The Boss wuxuu ka warramayaa taariikhda hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee adduunka daafihiisa kala duwan. Toddobaadkan waxaan la hadalnay Rusty Hutson Jr, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda tamarta Mareykanka ee Diversified Gas & Oil (DGO). Rusty Hutson Jr waxaa lagu xusay buugga caanka ah ee “the family trade”. Ninkan, oo ku dhashay meel u dhow warshad saliidda iyo gaaska lagu sifeeyo oo ku taalla galbeedka Virginia, aabihiis, awowgiis iyo awowgiis labaadba waxay kasoo shaqeeyeen – oo ay noloshooda kasoo maareeyeen – waaxda tamarta. Rusty, oo ah qofka saddexaad ee dhinaca bidix, waxaa hadda shaqaale u ah 925 qof Aabihiis iyo awooweyaashiisa waxay kasoo shaqeeyeen ceelasha saliidda iyo dhuumaha shidaalka qaada, waxayna shaqo adag soo mareen xilli aysan dunida casri ahayn, si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda. Rusty qudhiisa markii uu iskuulka dhiganayay iyo markii uu jaamacadda ku jirayba wuxuu shaqada la aadi jiray aabihiis. Laakiin markii uu Jaamacadda ka qalin jabiyay sanadkii 1991-kii, wuxuu go’aansaday inuu shaqadiisa ka dhigo wax ka duwan wixii ay waalidkiisa qaban jireen. “Waxaan garawsaday in aanan nolosheyda meel uga soo darin ka shaqeynta saliidda iyo gaaska,” ayuu yiri. “Markii horeba ma daneyn jirin. Runtii waa shaqo aad u adag.” Rusty wuxuu sheegay in ceelkiisii ugu horreeyay ee gaaska uu ahaa sidii inuu dahab helay Sidaas darteed, maadaama uu cilmiga xisaabaadka uga qalin jabiyay jaamacaddii ugu caansaneyd galbeedka Virginia, wuxuu xirfaddiisa ka dhigtay inuu bangiyada ka shaqeeyo. Howshaas wuxuu ku jiray muddo toban sano ah, markii ugu dambeysayna wuxuu kusoo gabagabeeyay magaalada Birmingham, ee gobolka Alabama. Laakiin intii ay sannadaha socdeen, Rusty wuxuu sheegay in uusan ku qanacsaneyn go’aankiisa ahaa inuusan raacin raadkii aabihiis. “Galbeedka Virginia waxay ahayd meel ay xaaladdeeda adag tahay markii aan soo korayay. Walina waa sidaas,” ayuu yiri. “Dadku waxay u qeybsanaayeen labo nooc, qaar ka shaqeynayay macdan qodista iyo qaar ka shaqeynayay shidaal qodista. Waxay ahayd arrin jiilal soo socotay – haddii ay aabahaa iyo awowgaa noloshooda kusoo maareeyeen, adigana waa inaad raadkooda raacdo. “Dhowr sano markii aan xirfaddeyda kale ku dhex jiray waxaan dareemay inaan sharfi waayay shaqadii waalidiinteyda. Waxaa kale oo aan niyadda ku hayay inaan dhiso wax aniga aan la imid.” Sanadkii 2001-dii, isagoo 32 jir ah, ayuu Rusty iibsaday ceel hore oo gaas ah. Ceelkaas oo ku yaallay galbeedka Virginia wuxuu ku iibsaday lacag dhan $250,000 (£200,000). Lacagtaas wuxuu ka helay gurigiisa oo uu iibiyay. “Wuxuu ahaa ceel yar oo qadiimi ah, muddo sannado ah ayaa wax laga soo saarayay, laakiin aniga wuxuu ii ahaa sidii dahab oo kale,” ayuu yiri. “Wali afartii sano ee xigtay bangiga ayaan kasii shaqeynayay, laakiin mar kasta oo aan fursad helo waxaan u duulayay galbeedka Virginia si aan ceelka uga shaqeeyo.” Rusty aabihiis oo 72 jir ah wuxuu jago sare ka hayaa shirkadda wiilkiisa S i tartiib tartiib ah ayuu u koray ganacsigiisa, muddo dheer kaddibna wuxuu gaaray heer aad u wanaagsan. Maanta shirkadda Rusty uu leeyahay ee lagu magacaabo DGO waxay leedahay 60,000 oo ceel oo isugu jira saliid iyo gaas. Dhammaan ceelasheeda waxay ku wada yaallaan gobollada Galbeedka Virginia, Pennsylvania, Ohio, Kentucky, Virginia iyo Tennessee. Waxaa shirkaddiisa shaqaale ka ah 925 ruux, sannad kasta dakhliga soo gala wuxuu gaaraa in ka badan $500 oo milyan. Qiyaastii 90% shaqadeeda waxay ku saabsan tahay dhinaca wax soo saarka gaaska, halka 10% ay ka shaqeyso saliidda Qaran News
-
The Government of Republic of China (Taiwan) appointed Amb Lou Chen-hwa the head of Taiwan Representative Office in #Somaliland. On behalf of the Government of the Republic Of Somaliland the Ministry of Foreign Affairs warmly welcome Taiwan’s new Ambassador to Somaliland.@MOFA pic.twitter.com/nKWES37dyg — MFA Somaliland (@somalilandmfa) July 3, 2020 Qaran News
-
Taipei (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibada Taiwan iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmo kadib heshiiskooda xiriir is-dhaafsi waxay magacaabeen wakiillo kala matali doona labada dhinac oo midna aan aqoonsi ka haysan dunida marka laga reebo Taiwan oo dhowr dal u aqoonsan yihiin dal ka madax banaan Shiinaha. Wasaaradda arrimaha dibada Taiwan ayaa shaacisay in Danjire Lou Chen-hwa (羅震華) oo hore u ahaa wakiilkii xafiiska ganacsiga iyo dhaqanka ee Taiwan ku leedahay Sacuudiga, loo magacaabay inuu noqdo Wakiilkooda cusub ee Somaliland u fadhin doona. Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan, Joanne Ou ayaa sheegay in magacaabistan ay ka danbeysay xiriirka cusub iyo heshiiska ay kala saxiixdeen Taiwan iyo Somaliland. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa wakiilka Somaliland u ee Tiawan u magacaabay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji, Inkastoo si rasmi ah weli aysan ku dhawaaqin xukuumadda Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibedda ee Taiwan Joseph Wu ayaa shir-jaraa’id uu qabtay ku sheegay in Taiwan iyo Somaliland ay dhisi doonaan xiriir diblumaasiyadeed oo ku saleysan saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi. “Labadeenna dawladood waxay ku heshiiyeen inay isku beddelaan xafiisyada wakiiladda rasmiga ah ee hoos ka shaqeeya xiriirka iyo danaha Taiwan iyo Somaliland,” ayuu yiri Joseph Wu wasiirka arrimaha dibada Tiawan. Taiwan waxay noqoneysaa waddankii ugu horreeyay ee si dibloomaasiyadeed u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Jamhuuriyada Soomaaliya, hase yeeshee Taiwan ayaanba jirin cid aqoonsan marka laga reebo dalal faro ku tiris ah.
-
Global coronavirus cases exceeded 11 million on Friday, according to a Reuters tally, marking another milestone in the spread of the disease that has killed more than half a million people in seven months. The number of cases is more than double the figure for severe influenza illnesses recorded annually, according to the World Health Organization. Many hard-hit countries are easing lockdowns put in place to slow the spread of the coronavirus while making extensive alterations to work and social life that could last for a year or more until a vaccine is available. Some countries are experiencing a resurgence in infections, leading authorities to partially reinstate lockdowns, in what experts say could be a recurring pattern into 2021. The United States reported more than 55,400 new COVID-19 cases on Thursday, a new daily global record as infections rose in a majority of states. Several U.S. governors halted plans to reopen their state economies in the face of a surge in cases. Almost a quarter of the known global deaths have occurred in the United States – nearly 129,000. Latin America, where Brazil has 1.5 million cases, makes up 23% of the global total of people infected. India has become the new epicenter in Asia, rising to 625,000 cases. Asia and the Middle East have around 12% and 9% respectively, according to the Reuters tally, which uses government reports. In some countries with limited testing capabilities, case numbers reflect a small proportion of total infections. Roughly half of people reported to have been infected are known to have recovered. Worldwide, there have been more than 520,000 fatalities linked to the disease so far, roughly the same as the number of influenza deaths reported annually. The first death linked to the new coronavirus was reported on Jan. 10 in Wuhan in China, before infections and fatalities surged in Europe, then the United States, and later Russia. The pandemic has now entered a new phase, with India and Brazil battling outbreaks of over 10,000 cases a day, putting a major strain on resources. Countries including China, New Zealand and Australia have experienced new outbreaks in the past month, despite largely quashing local transmission. Source Reuters Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-070320.mp3 View the full article
-
Luulyo 3, 1972, abbaarahii 08:00 subaxnimo ayaa maanta oo kale ka soo wareegatay 48 sanno, dil murugo leh, si waxashnimo ahna loogu fuliyay General Salaad Gabeyre Kadiye, General Mohamed Aynanshe Guleid iyo Col. Abdulkadir Dheyl Abdulle. Dabcan, gacan ku dhiiglayaasha dilka sameeyay waxaa ugu weynaa kaligii taliyihii dowladdii Kacaanka Siyaad Barre, laakin dhagar qabayaalkii kale oo iyagana, sida firfircoon ugu lug yeeshay, ayaa laga xusi karaa Mohamed Ali Samater (dhintay), Ismail Ali Abokor, Abdalla Mohamed Fadil (oo dhintay), Ahmed Suleyman Dafle, Mohamud Gelle Yusuf iyo Abdulkadir Haji Masaleh. 48 sanno oo u sii dhawaanaysa nus qarni ma lagu tilmaami karo waqti dheerinay ka soo wareegtay, bal waxaa cad ragga la laayay weli dhiiggooda uu ku sii dhex qoyan yahay quluubta iyo xusuusta maalyiin Soomaali ah. Siyaad Barre ugu ma harin raggaasi dil kaliya, wuxuuse ku sii darsaday inuu dhaco maal iyo xoolo wixii ay lahaayeen iyada oo loola jeedo in xataa lagu hanti tiro agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen, islamarkaana diiwaannada dowladdana uu ka saaro magac, xushmad, taariikh iyo xusuus wixii ay ku kasbadeen shaqo dhinaca siyaasadaha iyo howlaha difaaca qaranka oo loogu aqoonsanaa inay ku lahaayeen door geesinimo ah iyo kaalin aad wax ku ool ah. Taariikhda waxay xususeysaa in loo laayay ragga shaki laga qabo, kadib markii ay sii if-baxeen khilaafyo iyo ballan ka baxyo si bareer ah loo sameeyay, taasoo si weyn ugu lug lahaayeen koox Afweyne ka dhex sameystay qaar ka mid ahaa kuwii wax ka ogaa inqilaabkii lagu rogay dowladii rayidka ee dastuuriga ahayd iyo kuwii gadaal magacyadooda lagu daray liiska xubinimada GSK. Siyaad Barre wuxuu ka cabsi qabay saddaxda nin oo aan arkeyn waddaniyaddooda iyo Soomaalinimadooda, balse kaliya ka fakira isirka ay ka soo jeedaan oo ah beelo waawaayeen midkood inuu qabto xilka taliyonimada XDS. Wuxuu markiisa hore doonaayay inuu isaga isku noqdo Madaxweynimada GSK iyo Taliyaha XDS, bal haddii ay u socon weysana, uu u dooro xilkaas, sida markii dambe dhacday, Mohamed Ali Samatar iyo Abdalla Fadil oo taliye iyo taliye ku xigeen kala noqdeen.Samatar iyo Fadil waxay saaxiib dhow la ahaayeen Salaad Gabeyre, laakin ka hor iyo kadib markii xilalkaasi loo dhiibay, waxay bilaabeen inay si dhagari ku jirto kula socdaan. Shaqada ugu muhiimsan oo ay qabanaayaan ayaa ahayd inay saacad ka saacad ka war keenaan dareenka iyo talaabooyinka uu qaadi karo iyo inaysan faarujin waqtigiisa si talaabooyinkiisa ay xogogolaal uga noqdaan. Siyaad Barre wuxuu wajihi jiray welwel badan oo uga imaanaayay la gambasho la’aanta Salaad sida uu u daneenaayo inuu qaato xilka Taliyahnimada XDS iyo inuusan doonayn, Xilka loo magacaabay oo ah Wasiirka Gaashaandhigga. Diidmadiisa ayaa loo aaminay inay ku daahsoon tahay qoorshe damac ah inuu soo wado inqilaab. La wareegistii xukunka ka hor, waxaa jiray shuruudo lagu heshiiyay, kuna aaddanaa shax awood qaybsi ah. Waxaa ka mid ahaa, Afweyne maadaama uu ahaa qof waayeel ah, xagga da’da iyo darajadana ugu weynaa raggii tashaday, loo tixgeliyo xilka Madaxweynanimada, halka Taliyaha XDS uu noqdo Salaad Gabeyre.Markii la guuleystay, Siyaad Barre oo ah qof lagu yaqaan shaki iyo inuusanba lahayn mowqif loogu soo hagaago ayaa waxaa laga daadhiciyay Salaad Gabeyre inay meel u taal qorshe la mid ah tabtii Kacaankii Masar ee Jamal Abdinassir u maray xilka Madaxweynimada, taasoo uu kala wareegay General Mohamed Najib, kadib markii labo sanno ku siman uu xilkaas haayay xagga da’da darteed.Sida ay caddeynaayaan, saraakiil xogogaal ah, lana socday wixii ka dhacaayay xaruntii Avizione, saraakiil waaweyn oo ay saaxiibbo iyo isku koox ahaayeen Salaad Gabeyre ayaa aad uga caroodeen, kadib markii uu Salaad aqbalay Afweyne inuu noqdo Madaxweynaha GSK. Saraakiishaas aad u xanaaqay qaarkoodna bilado geesinimo ku kasabeen dagaalkii 1964 waxaa ka mid ahaayeen Col. Ibrahim Roble Warfa’ “Doonyaale”, Col. Elmi Nur Tarambi, Col. Mohamed Nur Barqhab, Col. Ahmed Ismail Boqor iyo kuwo kale oo badan. Arrimaha kale oo ay isku qabteen Gen. Salaad Gabeyre iyo Maxamed Siyaad waxaa kaloo ka mid ahaayeen:- 1. Go’aamada GSK ee taabanaya dhinacya xukuumadda, sharci sameynta, Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca in loo wada gaaro si wadajir ah, cod qaadis ah hab dimqoraadi ah ku saleysan, mustaqbalkana la tixgeliyo waqti cayiman oo munaasib ah sidii iyo wadiiqadii xukunka loogu celin lahaa shacabka. 2. Subaxdii koowaad ee maalintii inqilaabku dhacay, lana soo qabqabtay si loo xiro dhammaan Xubnihii xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahoodii Mohamed Ibrahim Egal ayaa Afweyne isna maalintii labaad uu soo xiriray, iyada oo aan la isku raacin siyaasiyiin waawaaeyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Aden Abulle Osman, waxaa kale ragga la xiray ka mid ahaayeen Abdirizak Haji Hussein iyo Haji Musse Boqor, halka Sheikh Mukhtar M Hussein iyo Gen. Mohamed Abshir Haamaan uu ku haayay xabsi guri muddo dheer. Qabaqashadaas waxaa loo adeegsaday ciidan heyb sooc ah oo Afweyne ninka uu soddogga u yahay Ahmed Suleyman Dafle wata. 3. Liiska Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka oo xubno taageerayaal ah ku soo darsaday Siyaad Barre. Mohamed Ali Samatar, wuxuu ahaa ninka naqshadda u haayay tabaha Siyaad Barre uu ku noqon lahaa kaligii taliye inta uu nool yahay Xukun ku waara. Axdigii Labaad ee GSK waxaa lagu qeexay Somalia inay dooratay dhabbaha Hantiwadaagga cimiga ku dhisan ee Marxism-Leninims. Nidaamkan wuxuu jideenayaa inay xaaran tahay habka awoodaha kala soocan ee hey’aadaha dimoqraadiga ah (Check and Balances) ee barabar socon karta midda kaligii talisnimada, lala wareego hantida gaarka ah ee shirkadaha shisheeye iyo kuwa waddaniga ah, dalka aan ka jiri karin nidaam dhaqaale ee furfuran, xorna ah sida ganacsi iyo suuqyaba, la baa’biyo sharci kasta oo u adeegaya sharafta aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xuquuqul iinsaanka, sida inuu ka qayb qaadan karo wacyi gelinta mujtamaca, hal abuurka, xuryatul qowlka, abaabulada xisbi iyo bannaanbaxyada shacbiga ah. Xubnihii GSK, xataa Siyaad Barre, kuma jirin qof si duluc ah u yaqaan falasafadda Marxism-Leninism, bal waxay ka ahayd in loogu sii dhawaado xiriirka Ruushka iyo in xukunka la isku waariyo. Afweyne wuxuu ka jeclaa Marxism-Leninism aragtida Machiavelli oo dhahaysa, “Wax kasta samee, una mar si aad danahaada u gaarto iyo ma jiro caqli iyo maskax kale oo aan ahayn midda uu ku fekero kaabaha.”Salaad Gabeyre iyo Afweyne arrimahaas aan kor ku soo sheegay ayaa ugu muhiimsanaa wixii dhab ahaan ay isku haayeen. Mana jirin inqilaab uu waday, ee isagaa la shirqoolay, lalana dilay saaxiibada kale. Saraakiishii hore iyo Siyaasiyiin dhowr ah, waxay qabaan in Gen. Caynaanshe marka la barbardhigo Afweyne ay kala ahaayeen laba qof oo waxyaabo badan ku kala geddisan. General Mohamed Aynanshe Xagga aqoonta, waddaniyadda, hufnaanta iyo sumcaddaba wax badan ayuu kaga horreeyay Afweyne. Waxaa loo tiriyaa Caynaanshee in dhinac walba uu ku dhawaa wannaaggii General Daa’uud looga haayay XDS iyo Shacbiga gudahiisa. Sidoo kale Gol. Abdulkadir Dheyl Abdulle, Wuxuu ahaa sarkaal uruursan, tababar sare qaba aadna iskugu kalsoon. Wuxuu ahaa geesi aad u firfircoon aadna saraakiisha iyo askartaba u jeclaayeen. Ragaas sida arxan darrada loo laayay, ayaa hadda waxay joogtaa inay yihiin kuwo mudan qof iyo qaran ahaanba la xusuusto, xushmaddii iyo taariikhdoodii la aasay dib loo soo nooleeyo iyada oo loo sameynaayo tacsi qaran iyo maalin lagu xusuusto. Lagu sharfo magacyadooda meelo muhim ah oo ummadda u dhaxaysa, sida waddooyinka, iskuulada iyo xarumaha ciidamada iwm. 12ka April, Maalinta xuska XDS magacyadooda iyo taariikhda ay leeyihiin lagu weyneeyo iyo in dhammaan wixii hanti ah oo laga dhacay dib ugu soo celinta dhaxaltooyadooda loo sugo si sharci oo aan shuruud iyo gorgortan ku jirin. Cali Muxiyaddiin Cali – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Muxiyaddiin@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin miisaan iyo maqaam sare ku leh deegaanada Puntland ayaa baaq kasoo saaray xaaladda kala guurka dalka, maqaamka Muqdisho iyo khilaafka u dhaxeeya Punnland iyo dawladda dhexe. Siyaasiyiintan ayaa soo dhoweeyey in la dhameystiro maqaamka Muqdisho, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin sida qaar ka mid ah siyaasiyiinta Puntland iyo kuwa Muqdisho ay uga falceliyeen. “Shacabka reer Mugadisho iyo shacabka reer Puntland waa dad walaalo ah, horumar, nabad iyo barwaaqo isku rajeynaya, jecelna qaranimada iyo midnimada ummada Soomaaliyeed. Waxaan ka xunnahay falcelintii tabnayd ee ay ka sameeyeen Qaraarkii Metelaada Muqdisho qaar ka mid ah Siyaasiyiinta reer Puntland iyo gobolka Banadirba,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxay ku baaqeen in la joojiyo ereyada xanafta leh abuurayana kala fogeynta iyo nacaybka labada bulsho ee reer Puntland, Gobolka Banaadir, iyo guud ahaan Soomaaliya. “Xal u helidda maqaamka iyo metelaadda Caasimaddu waxay ka mid tahay dhamaystirka geeddi socodka hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya. Maqaamka iyo metelaadda Caasimaddda Muqdisho waxa qeexayaa habraaca loo marayo dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa labada Aqal ee Baarlamaanka JFS dhamaytirka xeerka maqaamka Muqdisho iyadoo loo marayo hannaanka dib u eegista dastuurka KMG ah iyo talo-wadaag heer Qaran.” Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Puntland in ay qayb ka noqoto geeddi socodka doorashooyinka heer federal oo sharci ku saleysan, si dalka looga badbaadyo ku noqoshada doorashooyin dadban oo aan sharciyad laheyn. “Go’aankii ka soo baxay Baarlamanka Puntland 29/06/2020, faqaddiisa 12aad wuxuu ka hor imanaya nidaamka dawladnimo ee kala soocidda awoodaha “Separation of Powers”. Baarlamaanku ma hor istaagi karo safar shaqo madawayne, waxayse korjoogteyn ku leeyihiin shaqada laanta fulinta,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaan ugu baaqeynaa Madaxwaynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni inuu ka qayb galo shirka Muqdisho ee uu ku baaqay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo July 5- 8, 2020 si uu u guto waajibkiisa dastuuriga ah ee loo igmaday, una ilaaliyo danaha Puntland iyo kuwa ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambayn, waxaan ummadda Soomaaliyeed u rajejneynaa in ay ilaaliyaan midnimada iyo wadjirka, ayna ka fogaadaan wax kasta oo dhaawicikara bedqabka qaranimada Soomaaliya.” Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran
-
Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku shaacisay xilliga la bilaabayo qaadista imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8-aad iyo 12-aad, kuwaasi oo qabsoomi doono horraanta bishan aynu ku jirno. Sidoo kale waxa ay wasaaraddu ku dhawaaqday waqtiga dib loo furayo goobaha waxbarashada, sida iskuulada iyo jaamacadaha oo loo xiray, sababo la xariira xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus. Halkaan hoose ka akhriso:- View the full article
-
Bayaan ay soo saareen mas’uuliyiin iyo aqoonyahan ka tirsan Puntland oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News ayaa lagu sheegay in Puntland ay aasaas u tahay qarannimada Soomaaliya ee ku saleysan federaalka iyaga oo ka digay in si qaldan loo fasirto qodobadka 4-aad ee dastuurka Puntland. Arrinta maqaamka Muqdisho waxaa ay sheegeen inuu ku qeexan yahay dastuurka KMG ah, iyaga oo soojeediyey in loo maro sifo dastuuri ah. Waxaa ay dhiirigeliyeen in doorasho qof iyo cod ah ku dhacdo waqtigii loogu talo-galay, lana dhaqangeliyo sharciga doorashada ee baarlamaanka ansixiyey. Source: goobjoog.com