-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Qatar oo la fahamsan yahay inay qeyb lixaad leh ka qaadatay ololihii doorasho ee uu kusoo baxay madaxweyne Farmaajo, ayaa xiligan ku howlan qorshe uu muran ka taagan yahay. Sida ay ogtahay Caasimada Online, Qatar ayaa galaangal xoogan oo siyaasadeed ku leh talada dalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, maadama ay dhaqaale badan ku bixisay xiligii doorashadiisa. Qatar ayaa xiligan rabta inay si weyn uga faa’iideysato kheyraadka dalka, iyadoona si gaar ah isha ugu haysa batroolka iyo gaaska ku jira badda iyo bariga Soomaaliya, kaasi oo uu sharcigiisa uu saxiixay madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalku. Qoyska Boqortooyada Qatar ee la rumeysan yahay inay maal-geliyeen ololihii doorashada ee madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah awoodaha ugu muhiimsan ee xiligan, taasi oo u sahleysa damaceeda ku aadan inay gacanta ku dhigto shidaalka dalka. Qatar ayaa kaalinta koowaad kaga jirta dalalka daneynaya batroolka dalka, iyada oo uu bilowgii sanadkan shaaciyey madaxweynaha Turkiga, Erdogan in dowlada Soomaaliya ay ku marti qaaday inay ka qeyb qaadato sahminta Batroolka ku jira badda dalka Soomaaliya. Waxaana dhawaan lagu wadaa in dalka Turkiga uu ka qabsoomo shir looga hadli doono iskaashiga oo sida la filayo ay ka qeyb geli doonaan Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Amiirka dalka Qatar Thani. Dowladda iyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si wada-jir ah bilowgii sanadkan u ansixiyey Sharciga Batroolka Soomaaliya, kaasi oo u muuqday mid deg-deg lagu meel-mariyey, xili ay taagneeyn sharciyo ka muhiimsana. Isla toddobaadkii tagay ayaa waxa la dhisay Hay’adda batroolka oo qeyb ka aheyd dhameystirka sharciga bartoolka, taasi oo ay ansixiyeen xukuumaddii la riday ee Kheyre, iyagoona meel-mariyey heshiisyo maal-gashi, oo aan faah-faahin dheeriya laga bixin Dhaq-dhaqaaqyada xawliga ku socda ee daaha dabadiisa laga wado ee ku qotoma ka faa’iideysiga khayraadka iyo batroolka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwa abuuraya walaac xoogan iyo xiisado hor leh oo dalka ka dhasha.
-
Dawlada Lubnaan oo shaacisey Wixii dhaliyey Qaraxii weynaa ee ruxay Beyrut Qaraxa ayaa burburiyay qeybo badan oo kamid ah Beyrut Lubnaan ayaa gashay xaalad murugo ah, kadib markii qarax weyn oo ka dhacay caasimadda Beyrut uu dilay ugu yaraan 78 qof, halka dhaawacuna ka badan yahay 4,000. Qaraxa oo ka dhacay dekadda magaalada ayaa ruxay caasimadda oo dhan. Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah. Cisbitaaladda ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada, waxaana qaraxa uu gebi ahaanba dhulka dhigay dhismayaal badan. Weriye ka tirsan BBC-da oo goobta tegay ayaa sheegay in meydad badan oo halkaa yaallay iyo burburka dhismayaasha ay ka dhigeen dekadda magaaladaasi mid aan la geli karin. Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi u ah Lubnaan, iyadoo dhaqaale xumida taagan ay sii kala fogeysay bulshada. Sidoo kale, Jimcaha ayaa la filayaa in maxkamad ay go’aan ka gaarto dilkii ra’iisal wasaarihii hore ee waddankaasi, Rafiiq Xariiri loo geystay 2005. Maxaa dhaliyay qaraxa? Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay tilmaamayaan in qaraxa uu ahaa shil ee aan si ula kac ah loo fulin. Wasaraadda arimaha gudaha ayaa sheegtay in maadama ammonium nitrate ee sida weyn u qaraxda lagu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda. Ra’iisal wasaare Xasan Diyaab ayaa qaraxa ku tilmaamay musiibo, waxaana uu wacad ku maray in lagula xisaabtami doono kuwa mas’uulka ka ah. Waxa uu ka hadlay “makhaasiin khatar badan” oo dekadda ku yaallay tan iyo 2014, balse waxa uu intaa raaciyay in aanu ka hordhici doonin baaritaanka. Mas’uul ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisa aanu wax lug ah ku lahayn qaraxa Beyrut. Qaraxa maadada ammonium nitrate ayaa hawada ku sii deyn kara gaas sun ah Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dad ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha. Qaraxa ayaa laga maqlay jasiiradda Khubrus oo Beyrut u jirta ilaa 240 KM, kuna taal Bariga Mediterranean-ka. Madax badan oo caalamka ah ayaa ka tacsiyeeyay musiibada halkaa ka dhacday. Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa bartiisa Twitter ku qoray: “Sawirrada iyo muuqaallada caawa ka imanaya Beyrut waa kuwo argagax leh. Waxaan u duceynayaa dhammaan dadka ku waxyeelloobay dhacdadaasi argagaxa leg.” Waxa uu intaa raaciyay in dowladdiisa ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay shacabka Lubnaan. Xaaladda Lubnaan qaraxa ka hor Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Lubnaan, waxaana dhacay mudaharaadyo looga horjeedo qaabka ay dowladda u maareysay dhaqaale xumida dalkaasi ka taagan oo ah tii ugu darneyd tan iyo dagaalkii sokeeye ee socday 1975-1990. Inta badan shacabka ayaa dhaqaale xumida u aaneynaya madaxda dalka mudada soo hogaaminayay ee keeni waayay isbedal xal u ah dhibaatooyinka waddankaasi ragaadiyay. Shacabka dalkaasi ayaa la tacaala koronto la’aan, biyo yari iyo daryeelka caafimaadka oo liita. Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaw halkii lagu beegsaday ra’iisal wasaarihii hore Rafiiq Xariiri oo 15 sano ka hor lagu dilay gaari waxlaha qarxa laga soo buuxiyay. Qaran News
-
Booliiska Malaysiya oo galay Xarunta Telefishinka Aljazeera+Qalab ay ka qaateen Booliiska magaalada Kuala Lumpur ayaa maanta gudaha u galay xafiiska Telefishinka Aljazeera uu magaaladaasi ku leeyahay. Qalabkii Kombuterada ee xafiiskaasi yaalay ayaa la sheegay inay qaateen booliiska, waxayna arrintan kusoo beegmatay kadib markii dowlada Malaysia ay sheegtay inay baaritaan ku wado telefishinka laga leeyahay dalka Qatar. Xiisada ka dhextaagan Dowlada Malaysia iyo Telefishinka Aljazeera ayaa la xariirta barnaamijka (101 East) ee ka baxay telefishinkaasi 3dii Luulyo kaasi oo si gaar ah uga hadlayey qaabka dowlada Malaysia ulla dhaqanto Qaxootiga iyo dadka soogalootiga ah xiligii lasoo rogay xayiraadada iyo amarada la xariira ka hortaga cudurka Covid19. Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegtay in Telefishinka uusan ruqsad ka heysan duubista muuqaalka uu baahiyey, waxayna dowlada Malaysia sheegtay in qof aan heysan ruqsad uusan wax muuqaal duubi karin xataa hadii qofka wax duubaya uusan warbaahin u shaqeyn ama ku shaacinayo baraha-bulshada, arrintan oo keentay inay shacabka si weyn uga soo horjeesteen amaradan. Qaran News
-
Damaca Turkiga, Qatar & Itoobiya ee Khayraadka Soomaaliya – Horumar mise Halis? Xukuumada & Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilowgii sanadkan 2020 ansixiyey Sharciga Batroolka Soomaaliya, sharcigan oo la dadajiyey ayaa laga hormariyey sharuuc kale oo muhiim ahaa sida Sharciga Doorashooyinka, waxaa isla todobaadkii tagay Xukuumadii la riday ee Federaalka ansixisay dhismaha Hay’ada Batroolka oo daba socda dhameystiran sharcigii Batroolka. Golaha Wasiirada ayaa kulankoodii Khamiistii lasoo dhaafay (30 July 2020), ku ansixiyey heshiisyo Maalgashiga Turkiga iyo Itoobiya, kuwaasi oo aan wax faah faahin ah laga bixin ama aan lasoo bandhigin. Hadaba dhaq dhaqaaqa Xawliga ku socda balse daahsoon ee ku aadan ka faa’iideysiga Khayiraadka & Batroolka Soomaaliya ayaa ah mid murran xoogan ka taagan yahay sharuucdiisa iyo waliba heshiisyada lala galay dowladaha shisheeye ee dhabarka ka riixaya Xukuumada Nabad iyo Nolol ee hada wakhtigeedii sii dhamaanayo. Turkiga iyo Batroolka Soomaaliya Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa bilowgii sanadkan shaaciyey in dowlada Soomaaliya ay ku marti qaaday inay ka qeyb qaadato sahminta Batroolka ku jira badda dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in Turkida ay dhawaan marti geliyaan shir looga hadli doono Iskaashiga oo sida la filayo ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, hogaamiyaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Amiirka dalka Qatar Thani. Gen.Hulusi Akar, Taliyaha Militariga Turkiga oo ku sugan Saldhiga Muqdisho Turkida ayaa xiligan olole militari ka wada dalka Liibiya oo ay dowlada Tripoli la galeen heshiis batroolka, arrintaasi oo dab kusii shiday xiisada iyo dagaalada ka socda Liibiya, waxaana arrintan si weyn uga soo horjeeda dowlada France oo hada wada olole Midowga Yurub cadaadis ku saarayo Turkida. Militariga Turkida ayaa saldhigooda ugu weyn ee Afrika kuleh dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu tababaro ciidamada Dowlada Federaalka, waxaana kamid ah ciidamada ay Tababraan kuwa loogu yeero Haramcadka oo si toos ah u hoos taga Villa Soomaaliya. Dhawaan ayey soo baxeen warar sheegaya in Turkiga iyo Qatar doonayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday Eriterea la geyn doono dalka Liibiya si ay uga qeyb qaataan dagaalka halkaa ka socda, inkastoo wararkan ay beenisay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Soomaaliya. Qatar iyo Batroolka Soomaaliya Qoyska Boqortooyada Qatar ee iyagu la sheego inay maalgeliyeen ololihii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah awoodaha ugu muhiimsan ee xiligan hagaya siyaasada Villa Soomaaliya ee gudaha iyo dibada, Qatar ayaa sidoo kale daneenaysa batroolka iyo Gaaska ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya. Qatar ayaa dhinaca kale wada inay kaalin ku yeelato wax loogu yeeray waan waan laga dhex bilaabi doono kooxda Al Shabaab iyo Dowlada Federaalka, walow qorshahaasi aan weli lagu guuleysan. Doha ayaa la rumeysan yahay inay kaalin weyn ka ciyaarto xiriirka weyn ee ka dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Addis Ababa. Itoobiya iyo Qatar Dowlada Qatar ayaa sanadihii lasoo dhaafay xoojisay xiriirka ay la leedahay dalka Itoobiya, sanadkii 2017 labo bilood kadib doorashadii Madaxweyne Farmaajo ayuu Amiirka Qatar safarkiisii ugu horeeyey ku tagay magaalada Addis Ababa. Qatar ayaa dooneysa inay maalgeliso beeraha dalka Itoobiya, isla markaana kula tartanto Imaaraatiga saameynta uu gobalka ku leeyahay. Abiy Ahmed ayaa dhamaadkii sanadkii tagay 2019 safar muhiim ah ku tagay dalka Qatar, arrimaha ay ka wadahadleen ayaa u badnaa ganacsiga iyo xaalada dalka Soomaaliya. Itoobiya iyo Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo ayaa isagu sheegay in heshiis, iskaashi iyo Isdhexgal Ganacsi la yeelanayaan dowlada Itoobiya, dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiis maalgashi oo 4 dekadood oo ku yaal Soomaaliya la gashay xukuumada Abiy Ahmed, heshiiskaasi oo aan lagu qeexin goobaha itoobiya ay maalgashan doonto iyo halkay dalka Soomaaliya uga yaalaan. Doorashada 2020/21 iyo Mustaqbalka Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dadaal xoogan ugu jira siduu markale xilka ugu soo noqon lahaa ayaa doonaya xiriiradan Turkiga, Itoobiya iyo Qatar inuu u adeegsado ololihiisa doorashada, isagoo ka gadaya awoodahaasi inuu yahay hogaamiyaha kaliya ee hirgelin kara heshiisyada ay dowladiisa la gashay wadamadaasi. Horumar mise Halis Horleh? Waxaase weli murran xoogan ka taagan yahay Sharuucda ay Villa Somaliya marisay Golaha Shacabka ee Batroolka Soomaaliya oo ay kasoo horjeedaan dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, xili aan lagu heshiis saami qeybsiga Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah sida uu qeexayo Dastuurka Soomaaliya. Xasilooni darada siyaasadeed ee xiligan ka jirta dalka Soomaaliya ayaa iyaduna ah mid aan la aqoon halka ay salka dhigan doonto hadii Madaxweyne Farmaajo ku adkeysto xil kororsiga uu sida weyn ugu dadaalayo. Waxaa iyaguna meesha ka marnayn danaha dalalka reer Galbeedka oo iyagu ah kuwo dhaqaalaha ugu badan siiya Dowlada Soomaaliya, kuwaasi oo laftooda muddo dheer damac weyn uga jiray khayraadka dalka Soomaaliya, dalalkan ayaa ah kuwa bixiya dhaqaalaha ciidamada AMISOM ee illaaliya Dowlada Federaalka Soomaaliya. Waxaa hubaal ah in dalka Soomaaliya u baahan yahay inuu ka faa’iideysto Khayraadka illaahay ku maneystay oo wadankan burburay gaarsiin kara Horumar, hase yeeshee Halista weyn ayaa ah in tartankan shisheeyaha ugu jiro khayraadkan uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhaxalsiin karo colaad iyo dagaalo ka duwan kuwii horey wadanka usoo maray. Maxamed Cismaan Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warbixino sheegaya inay ciidan Soomaali ah geyneyso dalka Libya si ay uga qeyb-galaan dagaalka ka dhanka ah dagaal-ooge Khaliifa Xaftar. Safiirka Turkiga ee Sooomaaliya Mehmet Yilmaz, oo wareysi siiyey wakaaladda wararka Anadolu Agency, ayaa sheegay inaysan jirin in dowladda Turkiga ay dowladda Soomaaliya weydiisatay ciidan la geeyo Libya. Waxa uu intaas ku daray in wararka ay faafinayaan dalal cadow ku ah Turkiga. “Baraha bulshada Soomaaliya waa kuwa aad u xooggan. Waxaan ka aragnaa dadaallo ay dalalka qaar wadaan oo ay dantooda ku fulinayaan. Waxaan u aragnaa arrintan olole qorsheysan. Wararka ma ahan kuwa run ah, waxba kama jiraan sheegashooyinkan,” ayuu yiri Mehmet Yilmaz. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u beenisay in ciidamo Soomaaliya ay qeyb ka noqonayaan dagaalka Libya. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Cawad ayaa sheegay in gebi ahaanba uu jirin qorshe ay ciidamo ugu dirayaan dalka Libya, isla markaana uusan jirin wada-hadal arrintaasi la xiriira oo ay wada yeeshen dowladda Turkiga. “Ma jiraan ciidan aan u direyno Libya, Ciidamada Soomaaliyana ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal”. Dowladda Turkiga ayaa horey Libya u geysay ciidamo Syrian calooshood u shaqeystayaal ah, oo u dagaalama dowladda dalkaas ee dagaalka kula jirta dagaal-ooge Khaliifa Xaftar.
-
Dhakhtar qirtay in uu kellyo kala baxay dad kor u dhaafaya 100 ruux Booliska magaalada Dehli ayaa gacanta ku dhigay dhakhtar baxsad ahaa muddo 6 bilood ah kaas oo fasax ahaan looga soo daayay xabsi uu ku jiray. Dhakhtarkan oo lagu magacaabo Devender Sharma islamarkaana 62 jir ahaa ayaa qirtay in uu kelliyaha kala baxay 124 ruux kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 50 taksiilayaal ah. Devender Sharma oo ku xukunaa xabsi daa`in ayaa fasax ahaan looga soo sii daayay xabsiga, balse markii uu fasaxa dhameystay ayuusan ku laaban xabsiga. Ninkan oo dhakhtar ahaan uga shaqeysan jiray isbitaal ku yaal magaalada Rajasthan intii u dhaxeysay 1984 iyo 1995 ayaa markii ay boolisku qabteen waxaa uu u sheegay wax ka cajabiyay, wuxuuna u sheegay in uu galay fal-dambiyeedyo ka badan kuwa uu ku xukuman yahay. Waxa uu u sheegay booliska in uu ka dambeeyo dilka in ka bada, 100 ruux oo meydadkooda uu ku riday wabi ay ka buuxaan yaxaasyo. Markii la qabayay sannadkii 2003-dii ayaa waxaa uu ku gudo jiray qorshe dil uu u geysanayay nin taksiile ah kaas oo ka bad-baaday. Sannadkii 2004 ayaa lagu xukumay xabsi daain. Qaran News
-
Daawo Sawirro Cusub qaraxyadii Beriut ee sababay burburka & dhimashada baahsan Wasiirka Caafimaadka Lubnaan Xamad Xasan ayaa sheegay in dad ka badan 50 qof ay ku dhinteen 2,700 oo kalena ay ku dhaawacmeen inta la ogyahay ilaa hadda qaraxyadii aadka u xoogganaa ee galinkii dambe ka dhacay dekedda ku taal caasimada Lubnaan ee Beirut. Qaraxyada ayaa laga maqlay meelo fogaanshahooda uu gaadhayo magaalada Nicosia ee jasiiradda Qubrus, oo 240 km u jirta Beirut taasoo muujineysa sida ay xoog badnaayeen. Waxa sababay qaraxyadab ma cadda, balse wararka soo baxaya qaarkood ayaa sheegaya in bakhaar lagu keydiyay walxaha qarxa inuu qaraxa ka dhashay. Israel si hal haleel ah u beenisey inay iyadu ka dambayso qaraxan, maaddaama ay horay Xisbollaah ugu eedeeynaysey inay hub kala deggaan dekeddan la qarxiyey.. Ilaa hadda dalka Qatar ayaa gurmadkii ugu horreeyey oo ah isbitaallada guur guura u diray magaalada Beirut, xilli dhaawaca uu buux dhaafiyay isbitaallada Beirut. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com . Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay ku rabto inay hoos ugu dhigto dhaqaalaha ay siiso gobollada Waqooyiga oo ay aad ugu badan yihiin Soomaalidu, kaasi oo si rasmi ah loogu gudbiyey Aqalka Senet-ka ee Kenya. Mooshin arrintaasi ku saabsan ayaa loo gudbiyay Aqalka Senet-ka, kaasi oo dhigaya in laga jaro in kabadan 30% dhaqaalaha ay dowladda siiso, taasi oo lagu macneeyay cuno-qabateyn ka dhan ah Soomaalida. Dhaqaalaha laga jarayo gobollada Waqooyi ayaa lagu sheegay mid lagu kaabayo gobollada kale oo ay dowladdu ku doodayso inay ka dad badan yihiin kuwa Soomaalida ee laga jarayo dhaqaalahaasi. Waxayna arrintaasi dhalisay xiisad xoogan, iyada oo gebi ahaanba ay ka hor-yimaadeen xildhibaanada Soomaalida ah ee laga soo doorto gobollada Waqooyi. Xildhibaanadaasi ayaa ku dooday in qorshaha dowladda ee dhaqaalaha badan uga jarayso gobolladii laga soo doortay ay tahay mid aan la aqbali karin. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in Aqalka Senet-ku uu hakad galiyay mooshinkaasi, kaasi oo ay si weyn uga caroodeen xildhibaanada Soomaalida. Ilaa iyo hadda si dhab ah uma cada xiliga laga doodi doono mooshinkaasi, midkaasi oo mas’uuliyiinta Soomaalidu ay ku sheegen mid dowladdu ku cuno-qabateynayso goboladdaasi.
-
Kaalintii ay Dawlada Qatar ku lahayd qorshihii lagu riday Ra’iisal Wasaarihe Kheyre Sidii degdegga ahayd ee Golaha Shacabka u codka muranka ku jiray ugu qaaday xukuumaddii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, laguna riday iyo sidii aan la fileyn ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u ayiday go’aankaasi waxay su’aalo badan geliyeen qorshahaasi iyo sida loo abaabulay. Ma ahayn wax qarsoon in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ka horjeeday muddo kordhin loo sameeyo dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxay Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka oo isbaheysi leh ay ka quusteen inay ogaadaan rabitaanka Ra’iisal wasaaraha iyo inuu yahay musharax u taagan xil Madaxweyne oo uu cabsi weyn ka qabeen Madaxweyne Farmaajo iyo la-taliyeyaashiisa. Waxaa tuhunka madaxtooyada ee damaca Ra’iisal wasaaraha sii xoojiyey xiriirka uu Kheyre la sameystay madaxda maamul Goboleedyada iyo guddoonka Aqalka sare iyo sida uu ugu gacan seyray qorshaha muddo kordhinta ee ay Madaxweyne Farmaajo la wadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku-xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey. Xogta la helay ayaa sheegeysa in xaalad adag ay soo dhex gashay Ra’iisal wasaraha iyo Madaxweynaha, waxaana kadib soo dhe galay Dowladda Qatar. Xasan Sheekh Maxamuud Cali Kheyre safar aan rasmi ahayn ku tegay dalka Qatar aakhirkii Bishii June, balse markii uu halkaasi gaaray, waxaa la yaab noqotay inuu isna tegay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo, ahna halka dowladda Qatar u marto arrimaha Soomaaliya. Xasan Cali Kheyre oo kulamo xasaasi ah la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Qatar iyo saraakiisha dalka Qatar ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa u caddeeyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha, isla markaana aanu dooneynin in muddo kordhin loo sameeyo dowladda madaxweyne Farmaajo ama ku biiro xisbiga Madaxweyne Farmaajo, taasoo keentay inuu wadahadalka soo galo Fahad Yaasiin la iskuna dayo in heshiis laga gaaro arrintaasi, basle wadahadalkii fashilmay oo lagu kala tegay. Kheyre oo saaxiib gaara la ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohamed Bin Abdirahman Al-thani ayaa rajo ka qabay in xiriirkaasi wax weyn u tari doono, balse waxaa dhacday in Madaxtooyada iyo Fahad Yaasiin ay maleegaan qorshaha kalsooni kala noqoshada xukuumadda, iyagoo taageero ka heysta Qatar si meesha looga saaro Kheyre. Kheyre iyo taageerayaashiisa u dhow ayaa ka war helay Qorshaha mooshinka qarsoonaa ee xukuumadda loo diyaariyey Galabnimadii Jimcaha ee 24-ka July Mursal iyo Muudey, iyadoo saacado kadibna muddo 7 daqiiqo ah lagu riday xukuumadii Kheyre. Ra’iisal wasaare Kheyre oo aan markii hore isku mashquulin inuu taageero ka raadsado ama heshiis la sameysto guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaannada cabsida ka qaba inay soo noqon waayaan ayaa la kulmay xaalad adag markii ay xukuumadiisa rideen xitaa wasiiradii xildhibaannada ka ahaa oo kaliya ay taageerada Kheyre ku soo hareen shan xubnood oo ka mida golaha wasiirada oo ay ku jiraan laba wasiir oo kaliya. Dowladda Qatar ayaa si xoog leh ugu dhex jirta siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiirkooda Soomaaliya Xasan Xamza ayaa kulamo kala gaara Muqdisho kula yeeshay madaxweynayaasha maamullada K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle. Qaran News
-
Faah-faahin ku saabsan qaraxii gilgilay magaalada Beirut Qarax weyn ayaa ka dhacay magaalo madaxda Lubnaan ee Beirut iyadoo la filayo xukunka dilkii raysal wasaarihii hore dalkaasi ee Rafik Hariri oo 2005-tii la dilay. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka dekadda magaalada. Waxaa jira warar kale oo aan la xaiijin oo tibaaxaya inuu dhacay qarax kale, ilaa haatanna ma cadda waxa sababay qaraxyadaasi. Waxaa illaa haatan la sheegay inay ku dhineen tobannaan qof, halka boqollaalna ay ku dhaawac meen. Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq cirka isku shareeyay iyo qasaaro baahsan. Waxaa la filaya in maxkamad la soo taago afar eedeysane oo loo haystoo dilki Xariri. Dhammaan afarta xubnood ayaa waxay ka tirsan yihiin ururka Xisbullaah oo ay Iran taageerto, kuwaasi oo markasta iska fogeeya iney ku lug leeyihiin dilka Xariri. Iyaga oo aan joogin ayaa dambiga lagu qaaday, go’aanka maxkamadana waxa uu soo baxayaa Jimcaha. Waxaa kale oo lasoo werinayaa qarax kale oo la sheegayo iney suurogal tahay inuu ka dhacay dhismaha xariiri ee ku yaalla magaalada. Wasiirka Caafimaadka ee Lubnaan, Hamad Hasan ayaa sheegay iney jiraan dhaawacyo badan iyo khasaare baaxad leh. Warbaahinta gudaha ayaa soo tabisay dad ku xanniban burburka dhismaha. Qof goob jooge ah ayaa qarixii ugu horreeyay ku tilmaamay mid dhawaqiisu laga argagaxay. Dhanka kale, ilo wareedyo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegeysa in 10 qof oo meyd ah laga soo saaray burburka dhismaha. Wararkan ugu dambeeyay ayaa soo baxay iyadoo Lubnaan dhawaanahan ay ka taagnayd xasarad siyaasadeed. Waxaa dalkaasi hareeyay dibadbaxyo looga soo horjeeday dhaqaale xumadii ugu darnayd tan iyo dagaalkii sokeeye ee 1975-1990-kii. Waxaa sidoo kale maalmahan dhibaato ka taagnayd xadka ay la wadaagto Israa’iil oo toddobaadkan uu ka dhacay isku day ay Xisbullaah ku dooneysay iney gudaha u gasho dhulka Israa’iil. Qaran News
-
Sida aan wada ogsoonahay Golaha Shacabka BFS ayaa kalsoonidii kala noqday Xukuumaddii uu hogaaniyay Mdne:Xasan Cali Kheyre taariikhdu markey ahayd 25-tii Luuliyo 2020. Wuxuu Golaha Shacabku codka kalsoonida siiyay 1-dii Maasrso 2017. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (PPM) — A Puntland MP has accused DP World, the company that operates Bosaso Port, of breach of contract. Abdiasis Sa’eed Ga’amay alleged the breach of contractual obligations on the part of DP World resulted in decline of economic activities in Bosaso. “Contrary to what the Puntland Minister of Ports said, DP World was in charge of running Bosaso Port before Covid-19 affected the world. The agreement stipulates that P&O “will open an office in Bosaso three months after the signing of the agreement and within twenty four months will build two berths. Puntland business leaders tell us that, due to lack of dredging, sand has filled the harbour. [The minister] … told us that the Puntland Government has an appointment with DP World but in light of the facts I have shared with you I believe DP World breached its contractual obligations” said Abdiasis. In 2017 P&O Ports signed a 30-year concession to manage and develop a project at Bosaso in Puntland State of Somalia. The agreement would enable P&O Ports to commit USD $336 of two-phase investments to Bosaso Port. Puntland Minister for Ports Mohamed Abdi Osman (left) downplayed breach of contract on the part of DP World brought to the attention of Puntland Parliament by Abdiasis Ga’amay (right). Puntland State will have to grapple with institutional changes at DP World. In February DP World delisted from Nasdaq Dubai to return to “full state ownership”. The delisting has been necessitated by economic pressures on Dubai whose decision Euromoney described as “a move that directly contradicts the UAE’s efforts to improve liquidity and diversity in its domestic exchanges.” Puntland State Government Minister for Ports Mohammed Abdi Osman told parliamentarians “that the first meeting with DP World will revolve around what went wrong. The outcome of the meeting will be either a commitment on the part of DP World to start the project or termination of the agreement”. The new status of DP World will affect how projects will be implemented. Puntland State signed a deal with a publicly listed company but it is now dealing with a state-owned company. Puntland State has not so far sought legal advice to figure out where the law of contracts stands on the question of the change in the ownership structure of a company and whether DP World has the duty to inform other parties of what the delisting will entail. © Puntland Post Monthly, 2020 The post DP WORLD ACCUSED OF “BREACH OF CONTRACT” OVER BOSASO PORT appeared first on Puntland Post.
-
Turkish-Somali relations have experienced great success over the years, and as part of their strategy of cooperation, Turkey has trained one-third of the Somali military forces. Turkey’s Ambassador to Mogadishu Mehmet Yılmaz told Anadolu Agency (AA) in remarks regarding bilateral relations, “When we look at the total numbers, Turkey will have trained one-third of Somali military forces, estimated to be around 15,000-16,000 personnel.” In addition to military cooperation, Yılmaz also touched other areas of the countries’ partnership, including health and education. The envoy underlined that historical relations between Turkey and Somalia have dated back many years but began to develop further after President Recep Tayyip Erdoğan’s official visit to Mogadishu in 2011, when the country was struggling with a drought. “The visit by our president in 2011 to Somalia changed the fate of this country and took the bilateral relations to a new level,” Yılmaz said. He said Somalia “came under the spotlight” following President Erdoğan’s visit, noting that Somali sympathies toward Turkey and the Turkish people continue. Underlining that Erdoğan became the “only non-African leader to visit Somalia in 20 years,” the ambassador said Erdoğan’s message of solidarity was received with happiness by the Somali people. The ambassador added that Turkey has been continuing its support to Somalia with humanitarian aid according to the country’s current needs, in the areas of health, education and security. ‘Turkey’s military cooperation with Somalia of critical importance’ Regarding military cooperation between the two countries, Yılmaz said Turkey’s involvement in Somalia is of “critical importance.” “Turkey’s military cooperation with Somalia is of critical importance for this country. It contributes to Somalia’s security and its fight against terror,” he said. Stating that the international community’s biggest expectation from Somalia is the training of units that will ensure safety in the country, he noted the debates regarding the possible withdrawal of the African Union Mission in Somali’s (AMISOM) forces from the country. “The withdrawal of AMISOM forces is being debated nowadays. In fact, the Somali Transition Plan, which was put into effect for directing the reconstruction efforts by the state, also envisions this. Within the scope of this, last year and this year the number of AMISOM troops have been decreased by 2,000. But the realization of the plan depends on the creation of Somali’s own local security forces,” Yılmaz said. “I can say with clarity that the country that provides the contribution of the highest quality is Turkey,” he said. Saying that sergeants and noncommissioned officers, who will make up the backbone of the Somali military, are being trained in the Camp TURKSOM, a defense university and a Turkish military base, the ambassador added that the training provided is high-quality commando training. “They first receive initial education in Somali. After that, they are sent to Isparta province (in Turkey) for commando training. After it ends, they are transferred to the Somali military,” Yılmaz said. Yılmaz added that Turkey managed to overcome and contain the coronavirus outbreak at the military base, all the while continuing to provide training. The ambassador said at least 1,000 special police officers will have been trained by Turkey. The envoy also touched upon the fight against the Gülenist Terror Group (FETÖ) and said Somalia was the first country to end FETÖ activities after the July 15 failed coup attempt. Yılmaz also praised the Maarif Foundation’s efforts to bolster education in the African country. “Maarif did a very good job in Somalia. The foundation is making efforts to develop the two schools it has taken over here. These schools are in high demand. There is another school that Maarif has taken over in Somaliland too. Our teachers are successful,” he added. Yılmaz also rejected allegations that Turkey demanded soldiers from Somalia for its efforts to help Libya’s U.N.-recognized Government of National Accord (GNA) in its fight against putschist Gen. Khalifa Haftar’s forces. “Social media is very powerful in Somalia. We are observing the efforts of some countries to manipulate the area for their interests. We see this as a targeted effort. Those allegations are not true. There is no truth to these claims,” the ambassador said.
-
Beirut (Caasimada Online) – Waxaa isi-soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyo waa weyn oo fiidkii hore ee caawa gil-gilay magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lebanon, kuwaas oo ka dhacay gudaha bakhaarro ku yaalla meel u dhaw dekedda weyn ee Beirut. Qaraxa ayaa ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada kiimiikada Ammonium Nitrate oo taalay bakhaar ku yaalla dekedda Beirut oo qaraxday. Waxaa illa aiyo hadda la xaqiijiyey geerida 73 qof iyo dhaawcayada 3,700 qof oo kale, isla markaana waxaa weli socda gurmadka dadka looga soo saarayo dhismayaasha burburay hoos tooda. Ra’iisul wasaaraha dalka Lebanon Xasan Diab oo goor dhaw hadlay ayaa dadka reer Lebanon ka dalbaday inay isu gurmadaan, si loo badbaadiyo dadka dhaawacmay iyo kuwa weli burburka ku hoos jira. Dhibaato rabaani ah ayuu u sheegay dadkiisa inay ku dhacday, isla markaana ay ku qancaan qadarta Rabbi, iskuna gurmadaan, isaga oo u balan qaaday in dowladdu ay dadaaleyso inta karaankeeda ah. Ra’iisul wasaare Xasan ayaa dowladaha caalamka intooda awooda ka dalbaday inay u soo gurmadaan oo ka gacansiiyaan sidii dadka ku nool magaaladan ay dhibaatadu ka dhacday ee Beirut loo samata bixin lahaa. Muuqaal la duubay markii uu dhacay qaraxii koowaad ayaa muujinaya uuro cirka ku shareeran iyo qaraxii labaad oo dhacaya, gabi ahaanba dhismayaashii ku teedsanaa dekedda Beirut ayaa burburay. Musiibadan ka dhacaday Beirut waxay ku soo aaday, iyadoo la filayo in maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay maxkamadda sare ee dalkaas go’aan ka soo saarto xukunka dilkii Ra’iisul wasaarihii hore Lebanon Rafik al-Xariri, kaas oo la dilay sanadkii 2005-tii. Afar eedeysane ayaa loo heystaa dilka Ra’iisul wasaare Rafiiq, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan ururka Xisbullah oo ay taageerto dowladda Iran. Inkastoo Xisbullah ay aad isaga fogeysay dilka Xariiri. Waayihii dambe dalka Lebanon waxaa hareeyey dibadbaxayo looga soo horjeedo dhaqaale xumadii ugu darnayd oo taagan, tan iyo dagaalladii sokeeye ee dalkaas ka dhacay, sanadihii 1975-tii illaa 1990-kii, waxaana qaraxyadan loo maleynayaa kuwo siyaasadeysan. Waxaa sidoo kale maalmahan ay dhibaato ka taagnayd xadka ay Lebanon la wadaagto Israa’iil oo toddobaadkan uu ka dhacay isku day ay ururka Xisbullaah ku dooneyeen inay gudaha u galaan dhulka Israa’iil. Hoos ka Daawo hadal jeedinta Ra’iisul wasaaha Lebanon
-
Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa Khadka Telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnan Xasan Diab. Mahdi Guuleed, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Lubnan uga tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxyadii aad u xooganaa ee shalay ka dhacay Magaalada Beyruut ee Caasimadda dalkaas, waxaana kuwa ku dhaawacmay uu u rajeeyay Caafimaad Deg deg ah. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay Lubnan la qeyb sanayaan dhibaatada kasoo gaatay qaraxyadii musiibada ahaa ee dhacay. Magaalada Beyruut, ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay qaraxyo waaweyn oo Caasimadda dalkaas ruxay, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad fara badan. Sidoo kale, waxaa gabi ahaan burburay dhismayaal aad u badan oo ku yaallay goobta ay qaraxyada ka dhaceen, sida lagu arkayay muuqaal laga soo duubay halkaas, isla markaana lagu faafiyay baraha Bulshada. PUNTLAND POST The post Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha oo uga tacsiyeeyay shacabka Lubnaan qaraxii ka dhacay Beirut appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-Gareen), ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku Xigeenka kowaad ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya . Sidoo kale, kulanka waxaa goobjoog ahaa wakiilada dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska,iyo Mas’uul ka socday EU oo kulanka uga qeybgalay Khadka Video-ga. Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo ilaalin lahaa xasiloonida guud ee dalka, iyo sidii looga wada shaqayn lahaaa in doorashada dalka waqtigeeda ku dhacda. Inta kulanka socday, waxa sidoo kale labada dhinac ka wada-hadleen Natiijadii ka soo baxday Shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhusamareeb ee u dhaxeeyay madaxda qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada Dalka. PUNTLAND POST The post Lafta Gareen oo la kulmay Ku Xigeenka kowaad ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
The African Diaspora Forum (ADF), says immigrant-owned shops face continuous attacks. Amir Sheikh, spokesperson for ADF, which was created as an immediate reaction to the xenophobic attacks that rocked the country in May 2008, told GroundUp that immigrant businesses are targeted almost daily. He said there is no support for them from the authorities, in fact quite the opposite. Source: Hiiraan Online
-
Ibraahin’s* first week of work at a market in Jeddah, Saudi Arabia, was also his last. As the sun set on the fifth day, the police descended upon the crowds and rounded up the 40-year-old Somali, along with several other undocumented migrant workers. They were transported to the nearby al-Shumaisi detention centre where many, including Ibraahin, remain months later, awaiting deportation. Source: Hiiraan Online
