Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday go’aanka ka dambeysta ah ee kiiska Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur Abuuja oo muddo ku dhow 5 bil u xirnaa dowladda Soomaaliya. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Nuur Shuute ayaa shaaciyey in baaris, kadib lagu waayey dambigii lagu soo oogay Abuuja. Sidoo kale wuxuu amray guddoomiye Xasan Nuur Shuute in deg-deg loo sii daayo Wariyahaasi. Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) ayaa waxaa lagu soo eedeeyey dil ka dhacay degmada Boondheere iyo ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab, sida lagu sheegay warka soo baxay 22-kii bishii April ee sanadkan wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia. Abuuja oo la horgeeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida saddexdii bisha Agosto ayaa dhageysatay dacwadda lagu soo oogay, waxaana maanta maxkamaddu ay shaacisay in lagu waayey dambiga dilka ah ee lagu soo eedeeyey Wariyahaasi. Go’aanka ka soo baxay maxkamadda ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyey ururada saxaafadda, wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo ehelladiisa oo goobta ku sugnaa.
  2. Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta go’aan rasmi ah ka gaartay kiiska Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo muddo dhowr bilood ah, si sharci darro ugu xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in baaris dheer, kadib wax dambi ah lagu waayey Wariye Abuuja. Sidoo kale wuxuu amray guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute in si deg-deg ah looga sii daayo xabsiga. Go’aankan ayaa waxaa soo dhoweeyey bahda saxaafadda Soomaaliyeed iyo ehelladiisa oo goobta ku sugnaa. Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) ayaa waxaa horey loogu soo eedeeyey dil ka dhacay degmada Boondheere iyo ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal horey uga soo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii hayaha xil-ka ra’iisul waaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo telphone kula hadlay ra’iisul wasaaraha dalka Lubnan, Xasan Dayib ayaa uga tacsiyeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beirut. Mahadi Guuleed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga murugsan tahay musiibada ka dhacday dalkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalahooda reer Lebanon. “Waxaan si aad ah uga murugeysanahay warka ku saabsan musiibada qaraxa ka dhacay Beirut Lebanon dhaliyay,waxaana Alle uga baryaynaa shacabka iyo dowladda aan saaxiibada nahay ee Lebanon in ilaahay uu u laab qaboojiyo waqtigan adag ee ay ku sugan yihiin,Somaliyana waxay garab taagantahay walaalahoodi reer Lebanon”. ayuu yiri sii-hayaha xilka raiisul wasaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Lubnan ayaa gashay xaalad Musiibo ah, kadib markii qaraxyo ka dhashay ammonium nitrate ku keydsaneed Bakhaaro ku yaalla Dekedda Dalkaas labo qarax sameeyeen, sida uu warbaahinta u sheegay madaxweynaha dalkaas Miishal Cown (Michel Aoun). Xaaladda Beirut ayaa weli aad u kacsan, waxaana socda gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka dhaawacyada ah oo buux dhaafiyay isbitaallada waa weyn ee wadankaasi.
  4. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa goordhow waxaa ay sii deysay weriye Maxamed Abuuja oo ahaa tifaftiraha radio Hiigsi. Arrintan ayaa timid kadib markii maxkamad la soo taagay 3-dii bishan, oo lagu eedeeyey dil, ka tirsanaan Al-shabaab iyo khiyaano qaran. Siideyntiisa ayaa imaaneya 5 bil uu sharci darro u xirnaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Baay. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Deynuunaay oo hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkaasi, balse ma cadda inta uu la’egyahay. Sidoo kale mid ka mid saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka hortageen dagaalkaasi, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay qarxiyeen miinooyin lagu aasay waddooyinka soo gal deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu diriray haatan ku sugan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi. View the full article
  6. Waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyootay Allaha u naxariistee Drs Xaawa Cabdi oo ka mid aheyd dhaqaatiirta waa weyn ee Soomaaliyeed. Marxuumadda ayaa u geeriyooday xanuun deg-deg ah oo ku soo booday, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah caruurteeda. Drs Xaawo Cabdi ayaa muddo dheer ka soo shaqeyneysay horumarinta caafimaadka Soomaaliya, waxaana ay xarun ay ku laheyd duleedka magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa geerida ku tilmid marxumadda ka tacsiyeeyey qaar ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed. AUN Xaawo Cabdi oo 73 sano jir aheyd wax ku soo baratay wadanka Ruushka, horaantii toddoaatameeyadii, waxaana ay garab qaban jirtay dadka danyarta ah. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyootay Drs Xaawa Cabdi oo muddo dheer ka soo shaqeyneysay horumarinta arrimaha caafimaadka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in xanuun deg-deg ah oo kusoo booday ay sababtay geerida ku timid Xaawa Cabdi oo ka mid aheyd dhaqaatiirta waa weyn ee Soomaaliyeed. Sidoo kale qaar ka mid ah caruuteeda iyo ehelladeeda ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida ku timid marxuumadda oo xarun caafimaad ku laheyd deegaan iyada loogu magac daray oo ku yaalla duleedka koonfureed magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Geerida ku timid Drs Xaawa Cabdi waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyey qaar ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed. Waxa ay aheyd 73 sano jir wax ku soo baratay wadanka Ruushka, horaantii toddoaatameeyadii, waxaana ay garab qaban jirtay dadka danyarta ah. AUN Drs Xaawa Cabdi ayaa waxaa lagu xauusan doonaa kaalintii ay ka soo qaadatay howlaha adeegga caafimaadka muddadii burburka.
  8. Waxaa maanta Muqdisho ku geeriyootey Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka tirsaneyd dhakhaatiirka ugu caansan Soomaaliya, isla markaana lagu bartay hawlaha banii’aadnimada. Xaawo Cabdi oo dhalatay 1947-kii, waxbarashada aasaasiga waa Muqdisho halka jaamacadda kusoo baratay Ukrain oo markaasi ka tirsaneyd midowga Soviet iyada oo ku taqasustay cururada haweenka iyo dhalmada, waxaa ay sidoo kale kaaliye bare ka noqotay jaamacadda umadda Soomaaliyeed, ardeyda ay soo saartay ayaa maanta dunida ku baahay. Burburkii dowladda 1991-dii, waxaa ay Lafoole ka furtay isbitaalka Xaawo Cabdi oo sidoo kale Kaam u ahaa 90,000 oo qof. Waxaa Isbitaalkeeda soo martay in ilaa 400 qof ay qaabisho iyada oo dhakhaatiirta 5 ka yar yihiin, Isbitaalka marka laga soot ago waxaa ay furtay iskuul iyo goobo kale iyada oo qabyaaladda la dagaalanka iyo jirdilka haweenka. Caruurteeda waxaa ka mid ah labada gabdhood ee Deeqa iyo Aamina oo labada hadda dhakhaatiir ah, kana shaqeeya hawlihii Xaawo Cabdi. Sanadkii 2010-kii, Glamour magazine ayaa u magacawday Shakhsiga sanadka, waxaa ayna ka mid tahay haweenka sida aadka looga xushmeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Allah unaxariistee waxaa waxaa saaka waabarigii gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyootay Drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo kamid aheyd dhaqaariirta ugu caansanaa guud ahaan dalka. Allah u naxariistee marxuumad Drs Xaawo ayaa waxaa ay u geeriyootay xanuun xalay ku soo booday, waxaana ka dib la geeyey goob caafimaad, iayadoo ugu dambeyn halkaas ku geeriyootay. Allah unaxariistee Drs-da ayaa waxaa ay caan ku aheyd daaweynta cudurada Haweenka iyo dhalmada, waxaana jiray isbitaalkii weynaa oo ay ka fortay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho, xiligii halkaas loo qaxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya. Waare ayaa wasiirada xil-ka sii haya, gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaanada HirShabelle kala hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda maamulkaasi. Xubnahada wasiirada ah ee la kulmay Madaxweynaha HirShabelle ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaareiinta Axmed Cabdi Canshuur iyo Wasiir ku Xigeenka wasaaradda Gaadiida Badda Cismaan Cabdi Daalo. Sidoo kale waxa ay iska xog wareysteen Madaxweynaha Iyo Wasiiradaas xaaladda siyaasadeed, midda amn iyo tan Bulsho ee Hirshabelle. Muddooyinkii la soo dhaafay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa kulamo kala duwan ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Mahdi Maxamed. View the full article
  11. Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Shiinaha iyo Somaliland ayaa sheegaya in Taiwan ayaa go’aansatay in dabayaaqada bishan ay wakiil usoo magacaabato Somaliland iyada oo sidoo kale ay labada dhinac si iskood ah isku aqoonsan doonaan. Arrintan ayaa timid kadib markii July 1 ay maamullada Taiwan iyo Somaliland sheegeen iney isdhaafsan doonaan wakiilo. Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa lagu waramayaa inuu diiday la kulanka safiirka Shiinaha Qin Jian oo tan iyo axaddii joogay magaalada Hargeisa. Somaliland aannan helin aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday goonni isu taagga 1991-dii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Muqdisho)-Dawladda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilowgii sannadkan 2020 ansixiyey Sharciga Batroolka Soomaaliya, sharcigan oo la dadajiyey ayaa laga hormariyey sharuuc kale oo muhiim ahaa sida Sharciga Doorashooyinka, waxaa isla toddobaadkii tagay Xukuumadii la riday ee Federaalka ansixisay dhismaha Hay’ada Batroolka oo daba socda dhameystiran sharcigii Batroolka. Golaha Wasiirada ayaa kulankoodii Khamiistii lasoo dhaafay (30 July 2020), ku ansixiyey heshiisyo Maalgashiga Turkiga iyo Itoobiya, kuwaasi oo aan wax faah faahin ah laga bixin ama aan lasoo bandhigin. Haddaba dhaq-dhaqaaqa Xawliga ku socda balse daahsoon ee ku aadan ka faa’iideysiga Khayiraadka & Batroolka Soomaaliya ayaa ah mid muran xoogan ka taagan yahay sharuucdiisa iyo waliba heshiisyada lala galay dowladaha shisheeye ee dhabarka ka riixaya Xukuumada Nabad iyo Nolol ee hadda wakhtigeedii sii dhammaanayo. Turkiga iyo Batroolka Soomaaliya Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa bilowgii sanadkan shaaciyey in dowlada Soomaaliya ay ku marti qaaday inay ka qeyb qaadato sahminta Batroolka ku jira badda dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in Turkida ay dhawaan marti geliyaan shir looga hadli doono Iskaashiga oo sida la filayo ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, hogaamiyaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Amiirka dalka Qatar Thani. Turkida ayaa xiligan olole millatari ka wada dalka Liibiya oo ay dowlada Tripoli la galeen heshiis batroolka, arrintaasi oo dab kusii shiday xiisada iyo dagaalada ka socda Liibiya, waxaana arrintan si weyn uga soo horjeeda dowlada France oo hada wada olole Midowga Yurub cadaadis ku saarayo Turkida. Millatariga Turkida ayaa saldhigooda ugu weyn ee Afrika kuleh dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu tababaro ciidammada Dowlada Federaalka, waxaana kamid ah ciidammada ay Tababraan kuwa loogu yeedho Haramcadka oo si toos ah u hoos taga Villa Soomaaliya. Dhawaan ayey soo baxeen warar sheegaya in Turkiga iyo Qatar doonayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday Eriterea la geyn doono dalka Liibiya si ay uga qeyb qaataan dagaalka halkaa ka socda, inkastoo wararkan ay beenisay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Soomaaliya. Qatar iyo Batroolka Soomaaliya Qoyska Boqortooyada Qatar ee iyagu la sheego inay maalgeliyeen ololihii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah awoodaha ugu muhiimsan ee xiligan hagaya siyaasada Villa Soomaaliya ee gudaha iyo dibada, Qatar ayaa sidoo kale daneenaysa batroolka iyo Gaaska ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya. Qatar ayaa dhinaca kale wada inay kaalin ku yeelato wax loogu yeeray waan waan laga dhex bilaabi doono kooxda Al Shabaab iyo Dowlada Federaalka, walow qorshahaasi aan weli lagu guuleysan. Doha ayaa la rumeysan yahay inay kaalin weyn ka ciyaarto xidhiidhka weyn ee ka dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Addis Ababa. Itoobiya iyo Qatar Dowlada Qatar ayaa sanadihii lasoo dhaafay xoojisay xidhiidhka ay la leedahay dalka Itoobiya, sanadkii 2017 labo bilood kadib doorashadii Madaxweyne Farmaajo ayuu Amiirka Qatar safarkiisii ugu horreeyey ku tagay magaalada Addis Ababa. Qatar ayaa dooneysa inay maalgeliso beeraha dalka Itoobiya, isla markaana kula tartanto Imaaraatiga saameynta uu gobalka ku leeyahay. Abiy Ahmed ayaa dhammaadkii sannadkii tagay 2019 safar muhiim ah ku tagay dalka Qatar, arrimaha ay ka wadahadleen ayaa u badnaa ganacsiga iyo xaaladda dalka Soomaaliya. Itoobiya iyo Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo ayaa isagu sheegay in heshiis, iskaashi iyo Isdhexgal Ganacsi la yeelanayaan dowlada Itoobiya, dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiis maalgashi oo 4 dekadood oo ku yaal Soomaaliya la gashay xukuumada Abiy Ahmed, heshiiskaasi oo aan lagu qeexin goobaha itoobiya ay maalgashan doonto iyo halkay dalka Soomaaliya uga yaalaan. Doorashada 2020/21 iyo Mustaqbalka Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dadaal xoogan ugu jira siduu markale xilka ugu soo noqon lahaa ayaa doonaya xiriiradan Turkiga, Itoobiya iyo Qatar inuu u adeegsado ololihiisa doorashada, isagoo ka gadaya awoodahaasi inuu yahay hogaamiyaha kaliya ee hirgelin kara heshiisyada ay dowladiisa la gashay wadamadaasi. Horumar mise Halis Horleh? Waxaase weli muran xooggan ka taagan yahay Sharuucda ay Villa Somaliya marisay Golaha Shacabka ee Batroolka Soomaaliya oo ay kasoo horjeedaan dowlad goballeedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, xili aan lagu heshiis saami qeybsiga Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah sida uu qeexayo Dastuurka Soomaaliya. Xasilooni darada siyaasadeed ee xiligan ka jirta dalka Soomaaliya ayaa iyaduna ah mid aan la aqoon halka ay salka dhigan doonto hadii Madaxweyne Farmaajo ku adkeysto xil korodhsiga uu sida weyn ugu dadaalayo. Waxaa iyaguna meesha ka marnayn danaha dalalka reer Galbeedka oo iyagu ah kuwo dhaqaalaha ugu badan siiya Dowlada Soomaaliya, kuwaasi oo laftooda muddo dheer damac weyn uga jiray khayraadka dalka Soomaaliya, dalalkan ayaa ah kuwa bixiya dhaqaalaha ciidamada AMISOM ee illaaliya Dowlada Federaalka Soomaaliya. Waxaa hubaal ah in dalka Soomaaliya u baahan yahay inuu ka faa’iideysto Khayraadka illaahay ku maneystay oo wadankan burburay gaadhsiin kara Horumar, hase yeeshee Halista weyn ayaa ah in tartankan shisheeyaha ugu jiro khayraadkan uu dalka iyo dadka Soomaaliya dhaxalsiin karo colaad iyo dagaalo ka duwan kuwii horey wadanka usoo maray. Source
  13. (SLT-Beirut)-Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyo waa weyn oo fiidkii hore ee xalay gil-gilay magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lebanon, kuwaas oo ka dhacay gudaha bakhaaro ku yaalla meel u dhaw dekedda weyn ee Beirut. Qaraxa ayaa ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada kiimiikada Ammonium Nitrate oo taalay bakhaar ku yaalla dekedda Beirut oo qaraxday. Waxaa illa aiyo hadda la xaqiijiyey geerida 73 qof iyo dhaawcayada 3,700 qof oo kale, isla markaana waxaa weli socda gurmadka dadka looga soo saarayo dhismayaasha burburay hoos tooda. Ra’iisul wasaaraha dalka Lebanon Xasan Diab oo goor dhaw hadlay ayaa dadka reer Lebanon ka dalbaday inay isu gurmadaan, si loo badbaadiyo dadka dhaawacmay iyo kuwa weli burburka ku hoos jira. hibaato rabaani ah ayuu u sheegay dadkiisa inay ku dhacday, isla markaana ay ku qancaan qadarta Rabbi, iskuna gurmadaan, isaga oo u balan qaaday in dowladdu ay dadaaleyso inta karaankeeda ah. Ra’iisul wasaare Xasan ayaa dowladaha caalamka intooda awooda ka dalbaday inay u soo gurmadaan oo ka gacansiiyaan sidii dadka ku nool magaaladan ay dhibaatadu ka dhacday ee Beirut loo samata bixin lahaa. Muuqaal la duubay markii uu dhacay qaraxii koowaad ayaa muujinaya uuro cirka ku shareeran iyo qaraxii labaad oo dhacaya, gabi ahaanba dhismayaashii ku teedsanaa dekedda Beirut ayaa burburay. Musiibadan ka dhacaday Beirut waxay ku soo aaday, iyadoo la filayo in maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay maxkamadda sare ee dalkaas go’aan ka soo saarto xukunka dilkii Ra’iisul wasaarihii hore Lebanon Rafik al-Xariri, kaas oo la dilay sanadkii 2005-tii. Afar eedeysane ayaa loo heystaa dilka Ra’iisul wasaare Rafiiq, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan ururka Xisbullah oo ay taageerto dowladda Iran. Inkastoo Xisbullah ay aad isaga fogeysay dilka Xariiri. Waayihii dambe dalka Lebanon waxaa hareeyey dibadbaxayo looga soo horjeedo dhaqaale xumadii ugu darnayd oo taagan, tan iyo dagaalladii sokeeye ee dalkaas ka dhacay, sanadihii 1975-tii illaa 1990-kii, waxaana qaraxyadan loo maleynayaa kuwo siyaasadeysan. Waxaa sidoo kale maalmahan ay dhibaato ka taagnayd xadka ay Lebanon la wadaagto Israa’iil oo toddobaadkan uu ka dhacay isku day ay ururka Xisbullaah ku dooneyeen inay gudaha u galaan dhulka Israa’iil. Source
  14. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Labada mas’uul waxay Kulankooda uga wada-hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Arrimaha la xiriira Hannaanka ay u qabsoomi karto Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee soo socota. Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Qoor Qoor ay ka wada-hadleen guud ahaan Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka gaar ahaanna Arrimaha Galmudug. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ka wada-hadleen sida ugu habboon ee uu ku guulaysan karo Shirka lagu wado in uu Magaalada Dhuusamareeb uga furmo Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka. Arrimaha ugu muhiimsan ee Shirkaas la filayo in looga hadlo waxaa kamid ah Hannaanka loo geli doono Doorashada soo socota oo dhinacyadu ay u saareen guddi farsamo oo ka soo tala-bixiya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo Muqdisho ku kulmay appeared first on Puntland Post.
  15. Dawladda Kenya ayaa faah faahin ka bixisay diyaarad shalay shil ku gashay garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. War-saxaafadeed ka soo baxay milatariga Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in diyaarad nooceedu yahay Harbin Y-12 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Kenya ay shil ku gashay garoonka Dhoobley, iyadoo xilligaasi u soo duuleysay magaalada Nairobi. Kenya waxay sheegtay in dhammaan 10-kii qof ee saarnaa diyaaraddaasi oo ka tirsanaa milatariga ay xaaladdoodu deggan tahay, ayna ku jiraan isbitaalka milatariga Defense Forces Memorial Hospital ee magaalada Nairobi. Waxay Kenya intaasi ku dartay in koox baarayaal ah ay xilligan ku sugan yihiin magaalada Dhoobley, si ay shilkaasi uga gun gaaraan. Shilkan ayaa dhacay 3-dii Augus, 2020-ka, balse war saxaafadeedku laguma sheegin sababta ugu wacneyd in diyaaraddaasi ay shil gasho. View the full article
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa cusub ka soo saartay diyaarad nooca milatariga ah oo shalay ku dhacday garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Afhayeenad u hadashay waaxda difaaca ee dalkaasi ayaa sheegtay 10 ruux oo diyaaraddaasi la socotay la soo badbaadiyey, islamarkaana la geeyey isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi. “Dhammaan Tobanka ruux ee Militariga ah ee la socday diyaaradda waxaa la geeyay isbitaal Militari oo ku yaalla magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, xaaladoodu waa ay wanaagsan tahay” ayay tiri Afhayeenaddaan u hadashay Ciidamada Difaaca Kenya (KFD). Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dowladda Kenya ay haatan wado baaritaan dheeraad ah oo ku aadan waxa sababay shilkaasi diyaaradeed. “Baaritaanno ayaa socda, waaxda dabagalka ee shaqada ku leh howshaan ayaa ku howlan sababta diyaaradda ciladdeeda keentay” ayay sii raacisay. Waa diyaaraddii afaraad ee Kenya uga burburtay Soomaaliya, waxaana ugu dambeysay tii ku dhacday garoonka Beledweyne ee Ugaas Khaliif.
  17. Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo qadka telphone-ka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnan Xasan Dayib ayaa uga tacsiyadeeyay qaraxii ka dhacay caasimadda dalka Lebanon ee Beirut. “Waxaan si aad ah uga murugeysanahay warka ku saabsan musiibada qaraxa ka dhacay Beirut Lebanon dhaliyay,waxaana Alle uga baryaynaa shacabka iyo dowladda aan saaxiibada nahay ee Lebanon in ilaahay uu u laab qaboojiyo waqtigan adag ee ay ku sugan yihiin,Somaliyana waxay garab taagantahay walaalahoodi reer Lebanon”. ayuu yir sii-hayaha xilka raiisul wasaaraha. Qarax aad u xooggan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay bartamaha magaalada Beirut ee caasimadda dalka Lebanon ayaa sababay khasaare naf iyo maal. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ugu yaraan 63 qof ay ku geeriyootay qaraxaasi,waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 3000 kun oo qof. Dhanka kale wasaaradda caafimaadka dalkaasi Lebanon ayaa shaacisay in dad ka badan 50 ay geeriyoodeen,islamarkaana inkabadan 2700 kun ay dhaawacmeen,balse waxaa jira khasaaraha oo weli sii kordhayay dad badan ayaa la sheegaya in dhismayaasha ay ku hoos jiraan,dadna la la’yahay. View the full article
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/War-Subaxa-05082020.mp3 View the full article
  19. Degaanka Saaxdheer ee Koonfurta Gobolka Sool waxaa gelinkii dambe ee shalay si rasmiya uga furmay Shirka Wejiga labaad ee dhammaystirka Nabadaynta Beelihii ku dagaallamay Degaanka Horufadhi ee Gobolka Cayn. Shirka oo ay soo qaban-qaabiyeen Guddiga Isimada dhex-dhexaadinaya labada dhinac waxaa ka qayb-galaya ergooyin ka kala socda Beelihii dagaallamay oo markii labaad si toos ah la isu horfariisiyay Shirka Saaxdheer ayaa la doonayaa in lagu dhammaystiro Arrimaha ka harsan Nabadaynta Degaanka Horufadhi oo ay marar kala duwan ku dagaallameen Beelo halkaasi wada deggan balse ugu dambayn Heshiis Nabadeed laga gaaray. Guddiga Nabadaynta labada dhinac waxaa hoggaaminaya Garaad jaamac Garaad Cali oo ay weheliyaan Cuqaal iyo Isimo kala duwan oo ka yimid Degaannada Sool iyo Cayn. PUNTLAND POST The post Wejigii labaad ee Shirka Nabadaynta Horufadhi oo ka furmay Degaanka Saaxdheer appeared first on Puntland Post.
  20. Mogadishu (HOL) - Somalia leaders have expressed their condolences to the people of Lebanon after an explosion at Beirut's port ripped through the city, killing at least 70 people and maiming thousands. Source: Hiiraan Online
  21. “It is important for the governor to show they’re not forgetting us”: East African business owners call for help amid an economic crisis. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiis sanado ka hor dhacay balse hadda uuna dibadda usoo baxay ayaa sheegaya in mushaarkiisa oo aan wax laga jiray uu bil walba qaato wasiir ku–xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud, sanadkii 2018 ay weerareen booliska Soomaaliya kadib markii lagu eedeeyay musuq–maasuq. Wasiirkaan oo markii dambe lagu waayey wax dambi ah ayaa la sheegay in beeshiisa ay dalbatay in dib loogu celiyo shaqadiisa, hase yeeshee waxaa arrintaasi diiday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, taas oo sababtay in beeshu dalbatay in kursigaas aan loo magacaabi karin qof kale iyo mushaarkiisa la siiyo wasiirkii shaqada laga eryay. Laba sano kadib, ilaa hadda xilkaas qofna looma magacaabin waxaana sababtu lagu sheegay in la oofinayay dalabka beesha kursigaan leh markii loo eego nidaamka awood qeybsiga dalka. Inkastoo heshiiskaas wali uusan wax iska bedelin ayaa haddana waxaa la sheegayaa in mushaarkiisa wax laga jarto wasiirka oo la sheegay khilaaf siyaasi ah darteed musuq maasuq loogu eedeeyay. Lama oga waxa iska bedeli doona heshiiskan haddii la magaacabo Ra’iisul Wasaare cusub iyo in beesha wasiirka oo kursigan leh ay la iman doonto qof kale iyo in kale.
  23. BEIRUT (Reuters) - Lebanese rescue workers dug through the rubble looking for survivors of a powerful warehouse explosion that shook the capital Beirut, killing 78 people and injuring nearly 4,000 in a toll that officials expected to rise. Source: Hiiraan Online
  24. At a government building in a former United Nations compound in Mogadishu, Khadar Sheikh Mohamed stares at a bank of giant screens displaying weather conditions across the country. Source: Hiiraan Online
  25. Tanzania hasn’t reported a single coronavirus case in three months, even as the African continent is expected this week to cross the threshold of one million reported cases. Source: Hiiraan Online