-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
NAIROBI (Xinhua) -- Kenya's counter-terrorism police unit said its special forces carried out intelligence-led operations on the border with Somalia, destroying two al-Shabab makeshift camps. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — Kenyan authorities have tied Hashim Dagane Muhumed, already in custody for a notorious triple murder in Nairobi’s Eastleigh neighbourhood, to a fourth killing. The new revelation—linking Muhumed to the brutal death and dismemberment of another woman—has intensified community outrage and amplified calls for justice in a city increasingly anxious about violence against women. Source: Hiiraan Online
-
Muwaadin, Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL waxa uu kuugu bushaaraynayaa in doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL ay dhici doonto 13-ka November 2024, oo ay maalmo koobani inaga xigaan.Codkaagu waa muhiim, wuxuuna saameyn ku leeyahay jihada siyaasadda iyo horumarka mustaqbalka dalkaaga JSL. Si aad uga qaybqaadato doorashadan, fadlan samee qodobadan: 1) Hubi in aad haysato Kaadhkaagii Codbixinta. 2) Ogow goobta codbixinta ee aad ka dhiiban doonto codkaaga adiga oo garaacaya *318#. 3) Ku dhiirrigeli qoyskaaga iyo asxaabtaada inay doorashada ka qaybqaataan. 4) Ilaali nabadda iyo anshaxa xilliga doorashada.Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan la xidhiidh Xarunta Wicitaanka KDQ adiga oo garaacaya 318. Codkaagu Waa Mustaqbalkaaga.Mahadsanid.Fariinta Guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Qaran News
-
Waxaa la soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah oo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Dr. Elmi Mahamoud Nur, uu la yeeshay madaxda qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah. Wasiirka ayaa ka qeyb galay Shirka Magaalaynta Adduunka ee ka socda Qahira, Masar. Kulamadaasi oo gaar-gaar ah ayaa wuxuu Wasiir Elmi ku kulmay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), gaar ahaan Qaybta Xalka Waara, Madaxa Bangiga Horumarinta Islaamka, iyo Wasiirka Wasaaradda Guriyeynta & Horumarinta Dhulka ee dalka Morocco. Wasiir Elmi ayaa madaxda kala duwan ee uu la kulmay kala hadlay arrimaha mudnaanta u leh Wasaaradda Hawlaha Guud iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda iyo hay’adahaasi si loo dardargeliyo mashruucyada dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wadda u diyaar garow ku aadan howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo uu qorshuhu yahay inuu bilowda sanadka soo socda ee 2024-ka, si loo helo ciidamo bedala kuwa hadda jooga. Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay wadday dadaallo dheeraad ah, waxaana madaxda sare ee dalka oo ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan booqashooyin kusoo kala bixiyay waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, isaga oo kala hadlay kaalintooda ku aadan howlgalka cusub ee ka bilaabanaya dalkeenna. Sidoo kale waxaa haatan safar kale oo la xiriira qorshaha dowladda ee xiga ATMIS u baxay wasiirka gaashaandhigga oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Xoogg dalka oo gaaray dalka Jabuuti, waxayna kala hadleen qorshaha dowladda ee la xiriira howlgalka cusub oo ay qayb ka noqon doonaan ciidamada Jabuuti. Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Jabuuti ay kala hadleen arrimaha howlgalka iyo sidoo kale xaaladda guud ee Geeska Afrika. “Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,” ayuu yiri. Intaas kadib wasiirka iyo taliyaha ayaa usii gudbay dalka Uganda oo ay madaxdiisa kala hadli doonaan isbeddalka dhacaya iyo doorkooda ku aadan howlgalka cusub ee Soomaaliya. Wararka ayaa intaasi kusii daray in sidoo kale ay usii gudbi doonaan Kenya iyo Burundi oo qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si ay ugala hadlaan qorshaha socda. Dhammaan kulamadan ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta howlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka. Si kastaba, howlgalka cusub ayaa waxaa kamid noqon doonin Itoobiya, sababo la xiriira xiisadda haatan kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda. The post Wararkii ugu dambeeyay howlgalka cusub ee ka bilaabanaya Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — The head of the Banadir Regional Court, Salah Ali Mohamud, issued a warning on Monday to district leaders in Mogadishu, ordering them to refrain from intervening in court rulings on land and property disputes. Mohamud said that the authority to enforce legal decisions rests solely with the judiciary, not district officials. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna u jeediyay eedeymo culus oo xasaasi ah. Khayre ayaa si gaar ah uga hadlay booqasgada uu haatan madaxweynaha ku joogo dalka Jarmalka iyo arrinta la xiriirta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay heshiis Jarmalka looga soo celinayo dad Soomaaliyeed, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid nasiib darro ah. “In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida” ayuu yiri Mr. Khayre. Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan uu saameyn karo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha, taasina ay noqon doonto caqabad horleh oo soo korortay. Waxaa kale oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay faham la’aan ka haysato heshiiskan, wuxuuna kula taliyay in marka hore ay la timaado qorshe wax looga qabanayo daruufaha ka jira dalka, isla-markaana ay ka carareen dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;- Waxaa nasiibdarro ah in seddaxdii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka qaxayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka wax ku baratay, kuna tababartay hay’adaha dalka. Dhallinyaradaas iyo qurbajoogta kale ee Soomaaliyeedba dalka ugama tegin jaceyl ay u qabaan dalal shisheeye ee waxaa ku khasbay duruufaha ka jira dalkeenna. Madaxda dowladda waxaa mas’uuliyad qaran ka saaran tahay in ay wax ka beddelaan duruufaha murugsan ee sababay in dadkeennu qaxooti ku ahaadaan qurbaha, dadka Soomaaliyeedna u abuuraan rajo iyo mustaqbal ifaya, oo dadka dalka ku nool ku dhiirrigelinaya in ay ku nagaadaan dalkooda hooyo, ayna ku soo hiran karaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku firirsan dunida dacalladeeda. In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida. Waxaan madaxda qaranka ugu baaqayaa in ay marka hore u istaagaan diyaarinta qorshe qaran oo fursado nololeed iyo shaqooyin loogu abuurayo dhallinyarada ku nool gudaha dalka, xal waarana loogu helayo dhallinyarada dalka ka sii hayaamaysa inta aanan la qaadin tallaabooyin dalka dib loogu soo celinayo dad Soomaaliyeed oo qurbajoog ku ah dalka dibaddiisa. The post Kheyre oo ka horyimid heshiis uu soo saxiixay Xasan Sheekh oo saameynaya… appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Waaxda Dambi-baarayaasha Kenya ee DCI ee baaraya meyd la jarjaray oo laga helay qabuuraha Langata 31-kii bishii Oktoobar ee sandkan ayaa helay arrin hor leh oo la xiriirta kiisaska loo haysto Hashim Dagane oo ah ninka sida weyn loogu huhunsan yahay dilka hooyo, gabadheeda iyo labo gabdhood. Baarayaasha ayaa aqoonsaday haweeneyda loo maleynayo in la dilay oo ka adeeganeysay dukaamada Quickmart Oktoobar 29-keedi. Muuqaallada kaamerada dukaanka ayaa laga helay caddeyn muhiim ah oo la xiriira kiiska, sida lagu sheegay qoraalka bogga Facebook ee waaxda. Intaa waxaa dheer oo warku intaa ku darayaa in la ogaaday in marka ay dukaanka ka adeegatay qofka dumarka ee muuqaallada kaamerada laga arkay ay aaddey guri ku yaal xaafadda Lavington ee magaalada Naiorbi, halkaas oo markale laga arkay kaamirada iyadoo sii galeysa. Baarayaasha waxay kaloo heleen in la arkay dhibbanaha oo Haashim la joogta gurigiisa. Muuqaallada kaamerada ee 31-kii Oktoobar waxay muujinayaan Haashim oo labo bac gacamaha ku wata oo ka baxaya dhismaha. Waxaa la rumeysan yahay in bacahaasi ay ku jireen wixii ka haray dhibbanaha. Haraaga meydka ayaa markii dambe laga helay qabuuraha lagu magacaabo Langata, sida ay waaxdu sheegtay. Waxaa sidoo kale la caddeeyay markii Haashim uu ka baxay guriga in milkiilaha uu ogaaday waxa ka dhacay dhismahiisa. Milkiilaha ayaa kaddib nadiifiyay oo dib riinji u mariyay guriga sidaasina ku dhuuntay. Mas’uuliyiinta ayaa hadda raadinaya, waxayna aaminsan yihiin in muddo kooban lagu soo heli doono markaasna caddaaladda la horkeeni doono. Mas’uuliyiinta ayaa aaminsan in gabadha ay tahay Deeqa Cabdinuur Gorone oo la waayay, laguna wargeliyay booliiska 24kii Oktoobar. Kooxaha baaraya ayaa ka shaqeynaya sidii ay u caddeyn lahaayeen qofka uu yahay meydka la helay. Waaxda dambi-baarista DCI waxay sheegtay in ay ka go’an ahay in ay caddaalad helaan dhibbanayaasha. Baarayaasha ayaa sidoo kale isku keenaya qeybo kala duwan si ay u ogaadaan lugta uu Hashim ku leeyahay dambiyada kale ee dalka ka dhacay. Sidee boolisku ku soo qabteen Haashim? Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa qoraal ay ku daabacday boggooda Facebook ku sheegtay in baaritaan ay sameeyeen lagu ogaadeena “tuhmanaha ugu weyn” ee dilkii loo qeytay saddexda hablood ee isku qoyska ahaa. “Dembi-baarayaasha ku daba jiray dilalka foosha xun ee loo geystay saddex xubnood oo hal qoys ah oo kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo gabar 12 jir ah oo ay habaryar u ahayd – ayaa aqoonsaday tuhmanaha ugu weyn ee looga shakisan yahay dilkaas, Waaxda dambi-baarista Kenya ayaa soo bandhigtay sawirka iyo magaca Haashim oo ay sheegeen in uu ahaa darawalkii waday gaariga qaaday gabdhaha la dilay. “Baaritaanada ilaa hadda la sameeyay ayaa lagu ogaaday… in [tuhmanaha] uu dhibbanayaasha ka soo qaaday gurigooda Islii 21-kii October, 2024, saacado ka hor inta aan meydkooda la helin oo meelo kala duwan la dhigay,” qoraal barta Facebook ay ku daabacday waaxda dambi-baarista Kenya ee DCI ayaa sidaasi lagu yiri. Markaa kaddib Hashim Dagane Maxamed oo ah eedeysanaha ayaa la qabtay isagoo loo haysto dilka saddex dumar ah. Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa saddexda haween ah oo hal qoys ka soo wada jeeda lagu dilay Nairobi. Hay’adda dambi-baarista Kenya DCI ayaa soo qabtay eedeysanaha kaddib baaritaanno ay sameeyeen isagoo ku dhuumanayay goob ku taal Kamukunji Nairobi. Eliud Lang’at oo ah ku xigeenka hoggaanka booliska Kenya oo warbixinta soo saaray ayaa sheegay in howshan ay aheyd in degdeg loo soo farageliyo ka hor inta aysan noqon mid aan suuragal aheyn wax ka qabadkeeda. “Isbeddelkan murugada leh wuxuu muujinaya baahida degdegga ah ee loo qabo ficilada diiradda lagu saarayo iyo iskaashiga si wax looga qabto dhibaatada baahsan ee xadgudubka ku saleysan jinsiga ee ka dhexjira bulshadeena” Saddaxda haween ee la dilay ayaa ahaa hal qoys. Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Cabdi Maxamuud oo 12 jir aheyd. Mid ka mid ah haweenka oo aheyd hooyada qoyska ayaa maydkeeda laga helay magaalada Machakos oo caasimadda Nairobi u jirta 61 kilo mitir, sida ay sheegeen qoyskeeda. Maamada la dilay ayaa la sheegay in ay aadday isbitaal. Gurigeeda ayaa waxay ka baxday labo saac oo habeennimo kaddib dib dambe uma aysan soo hadlin, meel ay jirto ayaa la wayay ayey sheegeen qoyskeeda. Isha: BBC The post Haashim: Ninka ku eedeysan inuu 3 hablood ku dilay Nairobi oo loo heysto dilka gabar afaraad appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senatka Mareykanka ayaa dib u soo ceshtay aqlabiyadda Aqalka Odayaasha, kaddib marki ay saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Senatka kaga guuleesteen mudanayaashi horay ugu fadhiyay ee xisbiga Dimoqraadiga. Aqalka Senatka oo ka kooban 100 kursi ayay Jamhuuriyiintu ku guuleysteen 52 ka mid ah, halka Dimoqraadiyiintu ay heystaan 48. Tani ayaa u sahli doonta madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump marka xilka loo dhaariyo kaddib in uu si fudud ku marsiiyo ajandayaashiisa siyaasadeed. Mitch McConnell, ayaa noqon doona guddoomiyaha aqlabiyadda ee Aqalka Senatka. “Maalin wanaagsan ayay u tahay Xisbiga Jamhuuriga,” ayuu McConnell u sheegay wariyaasha. Hase ahaatee, waxaanan wali go’aan laga gaarin halka uu dhici doono Aqalka Wakiillada, oo aaney wali soo bixin natiijada rasmiga ah ee qaar ka mid ah kuraasta lagu tartamay Talaadadi. Dhammaan kuraasta Aqalka Wakiillada oo ka kooban 435 ayaa lagu tartamay. Wali Aqlabiyadda waxaa heysta Jamhuuriga, lamana oga in ay sii heyn doonaan iyo in Dimoqraadigu heli doono. Source: goobjoog.com
-
Beirut (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnan, ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay duqeymo ay ciidamada Isra’il Arbacadi shalay ku garaaceen magaalada Baclabak ee ku taalla Dooxada Beqaa cee dalka Lubnan. Weeraro kale oo dhanka cirka ah ayay wasaaraddu sheegtay in Isra’il ay shalay ku garaacday nawaaxiga koofureed ee magaalada caasimadda ah ee Beuyruut. Guddoomiyaha gobolka bari ee Baclabak-Xermel, Bashir Khodri ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay, in ugu yaraan 40 madfac oo soo tuureen ciidamada Isra’il ay ku naf-waayeen 38 qof ayna ku dhaawacmeen 54 kale. Wuxuu sheegay in howlaha gurmadka ee lagu baadi goobayo dadka la la’yahay ay wali socdaan. Dhanka kale, hogaamiyaha cusub ee Xisbullah Nacim Qasim ayaa ka digay in dagaalyahannadiisu ay la dagaallami doonaan Isra’il ilaa ay ka aqbaleyso nabad. Hadalkaasi ayuu ku sheegay qudbad lasoo duubay oo laga baahiyay telefishannada. Wuxuu sheegay in ay jiri karaan wadahadallo aan toos aheyn, haddii Isra’il ay joojiso weerarka. Tan iyo marki uu billowday dagaalka muddada 13-ka bil socda ee u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah, Lubnan waxaa lagu dilay in ka badan 3,000 oo ruux, dadkaas intooda badan waxaa la dilay wixi ka danbeeyay bishi September. The post ISRAEL oo 40 qof ku dishay duqeyn ay ka fulisay Lubnan appeared first on Caasimada Online.
-
Business activity in Mogadishu’s Bakara Market has significantly slowed, with traders reporting fewer visitors and reduced sales since the introduction of new tax policies. Mogadishu (PP Business Desk) — Business in Mogadishu’s well-known Bakara Market has slowed noticeably in recent months, a change observed since President Hassan Sheikh Mohamud delivered his Friday sermon at the Villa Somalia mosque nearly eight months ago, where he spoke on the government’s new tax collection policies. Traders in Bakara Market report a sharp drop in sales of various goods, manifested in fewer visitors to their shops. Many businesses have also adjusted their opening hours, with the afternoon shift now favoured. As one trader put it, “It has become common for people to shop after 2 PM.” One woman, speaking to a relative on the phone, was overheard by Puntland Post correspondent saying, “I am going home now but haven’t sold anything today.” Tax policies, including rental and sales taxes, introduced by Bihi Egeh, the Finance Minister, are perceived as burdensome by businesses. Economists remain uncertain about the precise causes behind this decline in activity in Somalia’s largest market. One knock-on effect has been a perception that the government’s tax policies, designed to increase revenue, are adding strain on businesses. Some landlords in Bakara Market have reduced rents to support tenants, but these efforts are proving less effective than hoped. Empty retail outlets are now a common sight. “Even when shops are vacant, the Finance Ministry expects rental tax to be paid. Once you are listed on their landlord register, you are obliged to pay rental tax on quarterly basis,” said Adan, a landlord. An accountant in Hodan said “revenue protection officers are able to investigate traders for allegedly not charging sales tax, but landlords face fines if they miss rental tax payments, even when their outlets are unoccupied.” The Federal Government of Somalia’s tax policies, introduced in early 2024, have been met with mixed responses from Mogadishu’s business community. For the first time since 1991, traders charge a sales tax, but many see the government’s approach as extremely and unaccountably extractive, dampening the entrepreneurial spirit of Somali traders and investors. © Puntland Post, 2024 The post Economists Puzzled by Trading Slowdown in Mogadishu’s Bakara Market appeared first on Puntland Post.
-
Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senatka Mareykanka ayaa dib u soo ceshtay aqlabiyadda Aqalkaasi, kaddib marki ay saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Senatka kaga guuleesteen mudanayaashi horay ugu fadhiyay ee xisbiga Dimoqraadiga. Aqalka Senatka oo ka kooban 100 kursi ayay Jamhuuriyiintu ku guuleysteen 52 ka mid ah, halka Dimoqraadiyiintu ay heystaan 48. Tani ayaa u sahli doonta madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump marka xilka loo dhaariyo kaddib in uu si fudud ku marsiiyo ajandayaashiisa siyaasadeed. Mitch McConnell, oo noqon doona guddoomiyaha aqlabiyadda ee Aqalka Senatka ayaa sheegay, in Aqalka Odayaasha ee soo socda uu waardiye muhiim ah u noqon doono America. Hase ahaatee, waxaanan wali go’aan laga gaarin halka uu dhici doono Aqalka Wakiillada, oo aaney wali soo bixin natiijada rasmiga ah ee qaar ka mid ah kuraasta lagu tartamay Talaadadi. Dhammaan kuraasta Aqalka Wakiillada oo ka kooban 435 ayaa lagu tartamay. Wali Aqlabiyadda waxaa heysta Jamhuuriga, lamana oga in ay sii heyn doonaan iyo in Dimoqraadigu heli doono. PUNTLAND POST The post Jamhuuriga oo la wareegay Aqlabiyada Aqalka Senet-ka Mareykanka appeared first on Puntland Post.
-
AQPHh0dYvtpBZYh1wviVm_Lb6TaXsvRw79ZP4RUoFTOQpgUlMxYRPVgkXj1gFEpuoO8JtpLMBbngEwTsh0PCFEEZ Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay khubaro ka socota FBI-da Mareykanka. Taliye Asad ayaa Saraakiisha Khubarada ah kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tababarada Saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo xoojinta dib u habeynta ciidanka. Saraakiisha FBI-da ka socotay ayaa bogaadisay dardargelinta, horumarinta iyo dib u casriyeynta hanaanka shaqo ee Ciidanka Booliska. FBI-da Mareykanka ayaa qeyb ka ah hay’adaha Booliska Soomaaliya ka taageera la dagaalanka kooxaha argagixisada ah. Saraakiishaan ayaa dhowaan soo gaalay magaalada Muqdisho, horay waxaa Muqdisho u yimid madaxa ugu sareeya sirdoonka Mareykanka, kaasi oo la kulmay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya. Mareykanka ayaa kaalin muuqata ka qaata qorshaha amni ku soo dabaalidda iyo taageerada dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in doorweyn uu ka qaato dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka Khawaarijta. Hadda isbedel weyn ayaa ka djacay Mareykanka waxaana maanta Madaxweyne dib loogu doortay Trump oo Soomaaliya, lamana saadaali karo siyaasadda uu ku wajihi doono arrimaha Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweynihii hore Farmaajo, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo inta badan madaxda Adduunka ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald J. Trump. The post Asad Diyaano oo Muqdisho kula kulmay saraakiil ka socota Sirdoonka Mareykanka (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
-
Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka JSL ayaa soo saaray ganaaxyo iyo go’aano la xidhiidha arimaha ololaha Doorashda: Waxay ganaax 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada JSL Cali Xaamud Jibriil. Waxay ganaax lacageed oo dhan 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Xisbiga Waddani. Waxa kale oo gudigu digniin kama-danbays ah u direen mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye kuwaas oo aan weli bixin ganaaxii lagu xukumay, kuwaas oo magacyadoodu kala yihii: Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Cabdirisaaq Muuse Faarax. Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni. Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Maxamed Cali Bile. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar. Madaxa Ololaha Xisbiga Kulmiye Mustafe Maxamud Qodax. Xubin ka mid Golaha Deegaanka Hargeysa Maxamed Abiib Cismaan Waxay kale oo ay digniin u direen Urur Siyaasaddeedka Horseed. Source
-
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris. Ayada oo weli natiijada gobollada qaar aan si rasmi loo go’aamin, ayaa Trump waxaa illaa la saadaaliyey inuu ku guuleysatay tirada ergada codeynta ee ku filan, si uu madaxweyne u noqdo. Trump ayaa illaa hadda xaqiijiyey 277 oo ah ergada codeynta ama Electoral College, halka Kamala Harris ay illaa hadda ku guuleysatay 224. Trump ayaa u baahnaa 270 si uu noqdo madaxweyne. Trump ayaa goor-dhow la saadaaliyey inuu ku guuleysan doono gobolka Wisconsin iyo 10-kii ergo cod, taasi oo dhaafsiisay 270-ka ergada codeynta ee uu u baahahn yahay. Donald Trump ayaa ku guuleystay gobollo badan oo muhiim ah, oo ah kuwa aadka loogu loolamo, sida Pennsylvania, Georgia iyo Wisconsin. Saddexdan gobol ayaa waxaa 2020 ku guuleystay madaxweyne Joe Biden. Source
-
MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — Somali-American candidates made historic inroads in the 2024 U.S. elections, securing wins and underscoring the growing political engagement of the Somali diaspora. From Congressional re-elections to local council races, Somali-American candidates have amplified issues like housing, economic growth, and community development, even as they encountered significant obstacles. Source: Hiiraan Online
