Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Faallooyinka PP) — Walaaca Guddoomiyaha Ururka Mustaqbal, Maxamed Siibad, ka muujiyay sharcinimada doorashooyin dowladaha hoose oo tijaabo ah kana dhici doona Puntland dhammaadka sanadkan waa qaylodhaan siyaasadeed ku baraarujinaysa dadka Puntland in doorashadu abuuri doonto laba dabaqadood: dabaqad codaysa oo yeelata dowlado hoose oo wax ka dheefta awood daadejinta, iyo dabaqad aan codeynin. Siibad wuxuu xigtay murti faysaluufkii Giriigga, Plato, reebay kuna saabsan waxa ay mutaan dadka aan siyaasadda ka qaybgelin oo dadka aan kartida iyo hufnaanta hoggaamineed lahayni ay xukumaan. Giriiggu wuxuu lahaa dabaqad la addoonsado iyo dabaqad wax addoonsata oo codaysa. Maxamed Siibad, Guddoomiyaha ururka Mustaqbal, wuxuu u qareemayaa xaqa codaynta oo sal u ah sinnaanta siyaasadeed. Waa maxay farriinta go’aanka in doorashooyinkalagu qabto seddex degmo oo keliya ay bixinayso? Yaa lahaa go’aanka in seddex degmo oo keliya doorashooyin dowlado hoose oo tijaabo ah lagu qaban doono? Haddii Puntland ay talada ka heshay beesha caalamka waxaa habboonnaan lahayd in saamileyda siyaasadda Puntland oo dhan lagala tashado. Isku daygii dimuqraaddiyaynta uu maamulkii Faroole sameeyay 2013kii waxaa ka hor yimid diidmo keentay in la burburiyo sanduuqyadii loogu talogalay codaynta. Sidee degmooyin Puntland ku yaalla oo xaqii codeynta laga duudsiiyay dusha uga eegan karaan doorashooyin dowlado hoose oo seddex degmo oo keliya ka qabsoomi doona? Guddiga Ku-meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland waxaa la gudboon inuu hakad geliyo qorshaha doorashooyinka si uu wadatashi baahsan ula yeesho ururrada siyaasadda Puntland saluugsan sida doorashadu u qabsoomi doonto. Haddii doorasho tijaabo ah ka dhici karto seddex degmo, wax hor istaagaya inay ka dhacdo degmooyinka kale ay Puntland maamusho ma jiro. Maxamed Siibad hadalkii uu ka jeediyay goobtii ururrada shalay lagu guddoonsiinayay shahaadooyinka wuxuu galay taariikhda geeddi-socodka dimuqraaddiyaynta Puntland. Mustaqbal wuxuu u dooday xaqa codeynta ay dadka Puntland leeyihiin. © Puntland Post, 2020 The post Puntland oo yeelan doonta dabaqad codaysa iyo mid aan codaynin appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, oo safar shaqo maalmahan ugu maqnaa Waddanka Jabuuti, ayaa Maanta oo Axad ah dib ugu soo laabtay Caasimadda Garoowe. Madaxweyne Deni, waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo labadiisa ku xigeen, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe iyo Sarakiil ciidan. Madaxweynaha Puntland ayaa Garoowe uga sii gudbi doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo uu kaga qayb-geli doono Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka. Shirka Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed uga furmaya Dhuusaamareeb, waxaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaanna Marxaladda kala guurka ah iyo Arrimaha Doorashada soo socota. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulahi ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inuu jabiyay dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla isagoo kala dhex baxay hadal jeedintiisii golaha shacabka kalfadhigiisii 7-aad. Cabdi Xaashi wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay inuu hadal jeedintiisa shalay ku bilaabay ilaalinta waajibaadka ka saran dastuurka dalka balse uu isaga isla qudbadiisa ku jabiyay sharcigaas. “Waxaan dhageystay hadal jeedintii madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya uu ka hor jeediyay fadhiga guud ee golaha shacabka kalfadhigiisii 7-aad, kulankiisii gaarka ahaa ee 2-aad, kaas oo dhacay 15 August 2020, hadal jeedinta madaxweynaha wuxuu ku sheegay inuu waajibaad ka saaran yahay ilaalinta dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaal, hase yeeshee isla qudbadiisa dhexdeeda wuxuu si layaab leh ugu xad-gudbay dastuurka dalka” ayuu yiri gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi. Sidoo kale gudoomiyaha wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay inuu xaqiray jiritaanka aqalka sare maadaama uu qudbadiisa ku sheegay in golaha shacabka ay matalaan maamul goboleedyada iyo iney yahiin hay’adda ugu sarreysa ee matalaadda shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in golaha Shacabka uu kusoo celin doono waxyaabihii kasoo baxa Wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb uu ahaa mid khalad ah. “Madaxweynaha miyuusan ogeyn in uu madax ka yahay dal qaatay nidaamka Feederaalka oo leh laba baarlamaan,waxaana ugu baaqayaa in uu akhriyo dastuurka dalka si uu u ogaado qodobada ku xusan awoodaha Baarlamaanka labada Aqal” ayuu mar kale yiri. Ugu dambeyntii Cabdi Xaashi ayaa sheegay ineysan jirin cid ka hor imaan karta sharciga, isagana uu u taagan yahay ilaalinta sharciga, wuxuuna hadalkiisa kusoo afjaray tix sugaan ah oo uu ku weerarayo hadal jeedintii madaxweynaha, iyadoo hadalkiisa laga dheehan karay inuusan madaxweynaha soo jeedin hadal la deeqsiin karo shacabka soomaaliyeed. HALKAAN HOOSE KA DAAWO HADALKA CABDI XAASHI.
  4. Shirkadaha Ganacsiga ee Dalalka UAE & Israa’iil oo Durbaba bilaabay iskaashi Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa heshiis ku saabsan cilmibaaridda cudurka Covid-19 ah la saxiixatay shirkad laga leeyahay israa’iil. Heshiiskan ayaa dhexmaray shirkada sameysa cilmibaaridda oo algu magacaabo Tera Group oo fadhigeedu yahay Tel Aviv- iyo shirkadda Imaaraadka, ee APEX. Wakaalada wararka rasmiga ah ee Imaradka ayaa sheegtay in shirkada APEX ay la saxiixaday “heshiis istaraatijiyad ganacsi ” shirkadda Terra Group. Bayaanka ayaa lagu sheegay in labada shirkadood ay iska kaashan doonaan cilmibaarid la xiriirta feyriska faraha ba,an ku haya caalamka ee Corona. Wakaalada wararka ee Imaaraadka ayaa ka soo xigatay agaasimaha shirkadda APEX, Khalifa Youssef Khoury, in heshiiskani yahay”kii ugu horeeyay ee ganacsi oo albaabka u furaya inay iskaashi dhaqaale yeeshaan shirkadaha ganacsiga ee Israa’iil iyo Imaaraadka.” Saxiixa heshiiskan ayaa Sabtidii waxaa uu ka dhacay magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka. Waxaa heshiiskani loo arkaa inuu yahay tallaabadii kowaad ee loo qaaday dhanka hormarinta ganacsiga, dhaqaalaha iyo iskaashi ganacsi oo dhexmara labada dhinac. Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya ka dib markii khamiistii la shaaciyay inay heshiis xiriir diblamaasiyadeed dib logu soo celinayo kala saxiixdeen Israa’iil iyo Imaaraadka. Wiil yar oo ‘dhintay isagoo sawir iska qaadaya ‘Erdogan: Qudus waa “in ay noqoto caasimadda Falastiin” Ilhaan Cumar maxay kaga jawaabtay tallaabada Israa’iil? Erdogan: Qudus waa “in ay noqoto caasimadda Falastiin” XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS/GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Benjamin Netanyahu iyo Mohammed Al Nahyan Maxaa ka mid ahaa qodobadii heshiiskii Khamiista? Toddobaadyada soo socda ayaa waxaa kulan yeelan doona ergooyiin ka kala socda Imaaraadka iyo Israa’iil si loo saxiixo heshiisyo laba geesood ah. Heshiisyadan ayaa ah kuwa la xiriira maalgashiga,dalxiiska,duulimaadyo toos ah, ammaanka,isgaarsiinta, tiknoolajiyada,tamarta,caafimaadka,dhaqanka iyo deegaanka. Waxaa sidoo kale ka mid ah in labada dhinac ay is waydaarsadaan safiiro. Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay aqoonsiga ay Imaaraadak aqonsadeen Israa’iil inay ahayd “tallaabo geesinnimo leh “. Sida looga falceliyay? Rai’sul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay waxaa uuna sheegay in ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka nabadda bariga dhexe. Madaxwaynaha Masar cabdul Fattah al-Sisi ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska, halka wasiirka arrimaha dibadda Urdun uu sheegay in heshiiskan uu gacan ka geysan doono in wadahadaladii istaagay al sii wado. Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishenka ayaa sheegay in dalkiisa ay dhici karto in uu xiriirka u jaro Imaaraatka, waxaana sababta uu ku sheegay xiriirka ay la yeelaneyso Isra’iil. “Tallabaad la xiriirta arrinta Falastiin, ma ahan mid inaga dageyso, waxaa laga yaabaa in aan qaadno tallaabo aan meesha uga saareyno xiriirka diblomaasiyadeed ee naga la dhaxeeya Abu Dhabi, waxaana dhici karta in aan u yeerano safiirka halkaa inoo fadhiya,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Qaran News
  5. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyto ka ambabaxay Jabuuti iyagoo kusii jeeda Caasimada Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa sagootin loogu sii sameeyay garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Jabuuti,iyagoo maalmihii la soo dhaafay howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti. Halkan Ka Eeg Sawiradda Soo Laabashada Madaxweyne Deni Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Tartan kubadda cagta ah oo aay ka qeyb galayaan 8-koox oo ka kala socda Afarta xaafad ee magaalada Beledweyne ayeey ka furmay Garoonka kubadda cagta ee Laqanyo Stadium. Guddoomiyaha Ururka kubbadda cagta Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Raaxoow iyo Guddoomiyaha Ururka kubbadda cagta Beledweyne Cabdicasiis Axmed Caddoow oo qabsoomidda iyo qaban qaabada tartankan iska kashanaya ayaa carabka ku dhuftay in ujeedka tartankan uu yahay is dhax galka bulshada iyo gobolka ay ka soo baxaan dhallinyaro tayo wanaagsan oo kaalin ka qaadan kara horomarka ciyaaraha Soomaaliya. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Ururada-kubbadda-cagta.mp4 Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Hirshabeelle iyo Madaxda Ururada Bulshada Rayidka Gobolka Hiiraan ayaa iyagana soo dhaweeyay qabsoomida ciyaarahan,waxayna sheegeyn in loo baahan yahay in horomariyo dhallinyarada iyo kooxaha ka dhisan Maamulka Hirshabeele. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Ururada-bulshda.mp4 Mayarka Beledweyne Nadar tabaax Maalin ayaa sheegtay in maamulkooda ay ka shaqeyn doono dib u dhiska garoonka kubbadda cagta Laqonyo oo muhiim u ah horomarka dhallinyarada Hirshabeele. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Nadar.mp4 Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Hirshabelle Maxamed Cabdalla Cali ayaa sheegay intartamadan oo kale ay door wanaagsan ka qaadan karaan horomarka iyo is dhaxgalka bulshada labada gobol. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Wasiirka.mp4 Tartankan loo qabtay kooxaha heerka koobaad ayaa socon doono muddo 18 maalin ah waxaana lixda koox ee wareega xiga usoo baxda loo aqoonsan doonaa heerka kowaad,halka labadii harta aay ku biiri doonaan kooxaha heerka labaad ee horyaalka kubbadda cagta Hirshabeele. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. Xalay waxaa kulan gaara ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi iyo Mdaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kulankaasoo ay soo qabanqaabiyeen Xafiiska Madaxweyne [...] The post Xog— Farmaajo iyo Laftagareen oo kukala kacay shir Xalay dhexmaray appeared first on . Source
  8. Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal oo ka mid ah Hoggaanka dhaqanka ee Beelaha Awdal ayaa ka hadlay Tabashadooda la xidhiidha Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland. Suldaan Dhawal ayaa sheegay in Beelaha Gadabuursi ay doonayaan inay Kuraasida Golaha Wakiillada Somaliland ka helaan boqolkiiba 40 oo u dhigantay 33 Kursi. Suldaan Dhawal oo ugu horrayn sharraxaya Wufuud ka socotay Golaha Wakiillada iyo Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarka Somaliland ayaa yidhi “Halkan waxa noogu yimid laba qaybood oo is daba socda, Guddiga Arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Somaliland oo naga waraysanayey qaabka doorashada oo soo galayo, maaddaama oo Doorashada Golaha Baarlamaanku dhowdahay, taana waxaanu ku caddaynay War-saxaafadeedkayagii hore, ka dib markii Beelaha Gadabuursi ay kaga shireen Shirkii Gobeed oo lagu dhammaa, Ugaas Cabdirashiid iyo hadday Madax-dhaqameedka kale tahayba, kaasi oo ay ku yimaaddeen Ergooyin dhan 773 Qof, laguna go’aamiyey inay si Cad u helaan Saamiga ay Dalka ku leeyihiin, hadday waayaan inay ka joogaan. Saamigaasi waxa weeyaan hadday boqollay noqoto, boqolkiiba Afartan, hadday noqoto siday imika ku fadhiyaan ee 82-ka ahna waa 33 Qof (Saamiga Awdal doonayso). Guddiga Arrimaha gudah ee Golaha Wakiillada waanu u caddaynay, Qolada Akadamiyadda nabaddana waanu u caddaynay.” Suldaanka oo Warbaahinta Golaha91.com waydiisay waxa u meel yaalla, maaddaama oo illaa xilligii ay la kulmeen Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada iyo Akadamiyadda Nabadda aanay Cid dambe arrimahan kala hadal oo xagga Dawladda ka socda, ayaa ku jawaabay “Waxa noo talo ah oo aan horena Bulshada ugu sheegnay, Maantana ku celinaynaa in aan hadda ka dib Maskabka dalka aanay Cid gaar ahi haysanayn, waxa naga go’an in sidaa Maanta lagu fadhiyo (Baarlamanaanka) in aanay dib Dadka aanu Hoggaanka u nahay ugaga qayb-galaynin (Doorashada Somaliland), hadday Golaha Guurtida tahay iyo hadday Golaha Baarlamaanka, go’aankaa Bulshadana waanu u sheegnay, Cid kasta oo ay khusaysana waanu u sheegnay, illaa la saxayana Gadabuursi wuu ka maqnaanayaa illaa la saxayo..”ayuu yidhi. Qaran News
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu haatan shir gooni u socdo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kaas oo ah mid saxaafaddu ay dibad joog ka tahay. Shirkan saddex geesoodka ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa caqabadaha hortaagan furitaanka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb,sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kaloon yahay oo ku sugan gudaha magaaladaasi. Wararka qaara ayaa sheegaya in shirka sababta uu u furmi la’yahay ay tahay maqnaasha Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo aan weli tegin caasimada Galmudug. Axmed Madoobe ayaa safar ugu maqan dalka dibaddiisa, gaar ahaan magaalada Niarobi oo uu qaliin caafimaad ku galay, halka Deni oo weli ku maqan dalka Jabuuti. Labada Madaxweyne ayaa waxaa la filayaa inay soo gabagabeeyaan socdaalladooda, kuna biiraan shirka Dhuusamareeb 3, walow ay saluug ka muujinayaan shirkaasi. Tan iyo xalay ayaa waxaa mashquul badan laga dareemayaa madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug oo ku wada hoydeen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo shalay gaaray magaaladaasi. Shirka Dhuusamareeb 3 oo ah mid xasaasi u ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan nooca doorashada ee dalka ka dhaceysa 2020/2021.
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa haatan kulan xasaasi ah la leh madaxda maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, mana jirto cid kulankooda ku wehliso. Madaxda ayaa ka arrinsanaya caqabadaha hortaagan qabsoomida wajiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb oo weli la‘isku diidan yahay. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu gabi ahaanba diiday inuu yimaado shirka Dhuusamareeb, isagoona haatan ku maqan dalka Jabuuti oo uu dhawaan aaday. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankiisa sheegay in uusan imaan karin shirka Dhuusamareeb, waxaana ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in sababta ay tahay in Axmed Madoobe uu qaliin ku galay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa dadaal aan kala joogsi laheyn ku bixineyso sidii uu u qabsoomi lahaa shirka magaalada Dhuusamareeb 3 oo loo dhan yahay, waxaana haatan Madaxweynaha Puntland loo qabtay in ilaa iyo maalinta Khamiista laga helo jawaabta ugu dambeysa. Ugu damgeyn wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu soo diri doono ku xigeenkiisa koowaad Max’uud Sayid Aadan, hase‘ahaatee weli waxaa taagan diidmada beesha Caalamka ee qorsha Madaxweyne Axmed Madoobe. View the full article
  11. Xildhibaan Xaraf Xildhibaan Maxamed Axmed Xaraf, oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Puntland ee laga soo doorto Gobolka Nugaal, ayaa si adag uga hadlay Amniga Caasimadda Garoowe oo muddooyinkii u dambeeyay faraha ka baxay. Qoraal kooban oo Xildhibaanku soo dhigay Bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in Amni-darrada Caasimadda ay mas’uul ka tahay Dowladda Hoose ee Garoowe oo ku fashilantay Shaqadii loo igmaday, haddana caado ka dhigatay in Tuugada Magaalada wareerisay Guryaha laga sii furo. Mudane Xaraf, wuxuu si adag u cambaareeyay in Dowladda Hoose waxba ka qaban wayday Amn-darrada iyo dhaca lagu hayo Shacabka Garoowe, oo mararka qaarkood harka cad waddooyinka lagu furto Sidoo kale, wuxuu sheegay in Shaqada Dowladda Hoose ku soo ururtay in Canshuur keliya la urursado, islamarkaana Gurigii Canshuur laga waayo Albaabka laga siibo, taasi oo sii fududaysay in Tuugadu, si sahlan u baartaan Guryaha qaarkood. Xildhibaanka ayaa xusay in Dowladda Hoose ay badanaa Guryaha laga maqanyahay Albaabada kala baxdo, xilli ay Magaalada ka jiraan tuugo baahsan oo Guryihii la joogayba maara looga waayay. PUNTLAND POST The post Xaraf: Shaqada Dowladda Hoose ee Garoowe waxay ku ururtay in ay Tuugada Guryaha u sii furto appeared first on Puntland Post.
  12. Somali government troops, backed by African Union (AU) forces, have taken control of the al-Shabab militant group of a strategic town in the Lower Shabelle region, freeing dozens of children in the process, residents and official said. The town of Kuntuwaarey, in the southwest of Somalia, located 208 kilometers from the capital, Mogadishu, has for many years been a strategic stronghold for al-Shabab. The “Somali National Army, backed by units from the African Union peacekeepers, has taken control of this strategic town from the militants,” said Isaq Ali Subag, the minister of internal security for the region. Subag said al-Shabab had been using the town as a base to launch attacks on cities and towns in the region that are controlled by the Somali government. “The militants have used the city as a military base from which to organize attacks they carry out in other parts of the region, and to run courts in which they impose taxes and other unfair sentences to innocent people,” he said. Children freed Following the capture of the town, the joint troops carrying out house-to-house searches freed 33 children from the militants, according to Somali military commanders. “The 33 rescued children were held in an al-Shabab-run center in the town. They told us they were forcibly taken from their parents,” Colonel Isma’il Abdi Malin told government military radio. “The militants were indoctrinating the children to draft them into their ranks.” Al-Shabab has lost control of several towns in the past, but still controls large swathes of territory in rural areas and in the major cities, including the capital, Mogadishu. It remains capable of carrying out targeted assassinations and suicide attacks. Danab offensive Somalia’s U.S.-trained elite forces, known as Danab, along with Ugandan troops from the African Union Mission in Somalia, entered the town Friday, facing resistance from al-Shabab fighters. They killed at least four senior al-Shabab militants, including the group’s financial coordinator and operations commander, government military radio reported Saturday. “The militants’ financial coordinator in the region, Mohamud Ahmed Gaboobe, and its operations commander in the town were among those killed during the military operation,” the radio service said. Witnesses told VOA on the condition of anonymity they saw about a dozen non-African military personnel supporting the Somali and AU forces as they moved into the city. Residents said many of the al-Qaida-aligned militants had begun withdrawing from the town early Friday as the troops advanced View the full article
  13. A high-level delegation led by Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo Saturday afternoon arrived in Dhusameeb, Galmudug capital to attend the summit on the election. The president held a separate meeting with regional leaders of HirShabelle, Galmudug, and Southwest at the presidential palace in Dhusamareb city. This comes ahead of the forthcoming election talks aimed to reach an inclusive model to hold the parliamentary and presidential vote in October 2020 and February 2021. The regional leaders have called for an indirect election based on the clan power share formula known as 4.5 since time is running out to conduct one person, one vote polls. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf cusub oo u dhexeeya guddoonka sare ee baarlamaanka HirShabelle oo salka ku haya dhinaca maamulka ayaa haatan soo shaac-baxay, kaas oo u dhexeeya guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Brare Maxamed iyo guddoomiye ku xigeennka labaad, Marwo Canab Axmed Ciise. Khilaafka oo ah mid aad u culus ayaa soo if-baxay, xilli haatan uu guddoomiye Barre ku sugan yahay gudaha magaalada Muqdisho, halka Canab ay joogto magaalada Jowhar, wuxuuna yimid, ka gadaal ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise ay ku war-gelisay xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas inay dib ugu soo laabtaan magaalada Jowhar, si ay u bilowdaan shaqooyinkooda caadiga ah. Canab Axmed Ciise ayaa sidoo kale ku amrtay xildhibaanada inay ku soo laabtaan Johar, ka hor maalinta Arbacada oo taariikhdu tahay 19/08/2020, basle waxaa taasi ka horyimid guddoomiyaha oo haatan ku sugan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. “WARGELIN. Dhammaan xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabelle waxaa lagu wargelinayaa inay yimaadaan Xarunta Baarlamaana DGHSH ugu dambeyn maalinta Arbacada oo taariikhdu tahay 19/08/2020 si loo dardargeliyo howsha dastuuriga ah ee horyaala Baarlamaanka Hirshabelle. Mahadsanidiin Xog/K/Golaha.” ayaa lagu yiri fariinta ay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabelle u dirtay xildhibaanada. Intaasi kadib waxaa sidoo kale fariin taas ka soo horjeeda u direy xildhibaanada baarlamaanka guddoomiye Barre, iyadoo u qorneyd sidan; “Amar ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa dib loogu dhigey fariintii hore ee loo diray baarlamaanka waxaana loo soo diri doonaa fariin labaad oo ajandaysan.” Dooda intaasi kuma ekaan, waxaan fariin kale oo ka timid Canab Axmed Ciise lagu sheegay in xildhibaanada ay waajib ku tahay inay yimaadaan, ka hore 19-ka bishan Augusto, iyadoo sidoo kale ku shaacisay fariinteeda inuu Mooshin ka yaallo guddoomiyaha, islamarkaana uusan xaq u laheyn inuu xildhibaanada fariin u diro, sida ay hadalka u dhigtay. “AMAR Dhammaan xildhibaanada waxaa lagu amrayaa inay yimaadaan BDGHSH kahor maalinta Arbacada. FG Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa ka yaala mooshin xaqna uma laha in uu fariin diro. Xildhibaan si aad u gudato waajibkaaga dastuuriga waa inaad imaataa xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedk Hirshabelle BDGHSH.” ayey markale tiri Canab Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan uu gaba-gabo yahay muddo xileedka baarlamaanka maamulka HirShabelle, waxaana u harsan kaliya muddo ka yar 2 bilood.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii dhowaan lagu dhowaaqay in dib loo furay garoonka diyaaradaha degmada Deyniile ayaa waxaa isa soo tareysa cabasho ka soo yeereysa shacabka degmadaasi oo ka cabanaya dhul boob baahsan oo lagu sameeyey. Qaar ka mid ah dadkaasi oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhul ay leeyihiin la burburiyey, kadibna laga dhisay garoonkaasi. Sidoo kale waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha Dayniile, Maxamed Abuukar Jafcar inuu xoog uga qaatay dhulkaasi, kadibna uu falay isaga oo ku daray dhismaha garoonka Dadweynahan cabashada ah ayaa shaaciyey in dhulkaasi ay dacwaddiisu taallo gobolka Banaadir iyo maxkamadaha dalka, balse aan tabashooda aan weli waxba laga qaban. Dhinaca kale waxay digniin u direen shirkadaha duulimaadyada, kadib markii diyaaraddii ugu horreysay ay Jimcihii ku degtay garoonka degmada Dayniile, iyaga oo tilmaamay in garoonkaasi uusan aheyn dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya, balse xoog looga heysto. Ugu dambeyn waxay dadkani hoosta ka xariiqeen inay u baahan yihiin cadaalad, si u helaan dhulkooda oo ay sheegeen inuu xoog uga heysto guddoomiyaha degmada Dayniile.
  16. Wararka ka imaanaya Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamada AMISOM iyo Malayshiyaadka Al-shabaab oo dhinac ah. Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan Xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin aga’gaarka Buundada Degmada Buurdhuubo halkaas oo uu ka dhashay Khasaare kala duwan oo aan weli si rasmiya loo xaqiijin. Dagaalka oo mudda saacado ah socday ayaa markii dambe istaagay waxaana Malayshiyaadkii Dagaalka soo qaaday dib loogu riixay halkii ay ka yimaadeen sida laga soo xigtay Mas’uuliyiinta Degmada Buurdhuubo. Warbaahinta taageerta Al-shabaab waxay sheegeen in Dagaalka lagu dilay saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Itoobiyaan ah oo ku wada sugnaa Saldhiga la weeraray inkastoo aysan faahfaahin ka sii bixin sheegashadooda. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka dhacay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  17. Magaalada Dhuusamareeb Waxaa galabta ama beri subax ka furmaya Wajigii sadexaad ee Shirka Dhuusamareeb, kasoo Buldhada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku ay Indhayare ku hayaan. Madaxwryne [...] The post Faahfaahin Shirka Dhuusamareeb, Madaxweyne Deni oo kusoo Wajahan iyo Qorshaha Farmaajo appeared first on . Source
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay askari ka tirsanaa ciidamada Somaliland toogasho lagu dilay, xilli uu ku sugnaa tuulada Tuurka oo ka tirsan degmada Lughaye ee gobolkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabo jiray, Saleebaan Cabdullahi Jaamac Ducaale, waxaana uu ka tirsan Ciidamada Millateriga maamulka Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu fuliyey, isla akari kale oo ka tirsan ciidamada Somaliland, kaas oo toogasho ku dilay marxuumka isaga oo hurdayey ama jiifay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga dilka geystay oo isku dayey inuu baxsado, balse ay ciidamada ammaanka ku qabteen deegaano u dhexeeya Beeyo-Cadaado iyo Gargaara, iyadoona loo taxaabay saldhigga Booliiska Gargadadar ee Gobolka Awdal. Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay askariga geeriyooday, balse saraakiisha Somaliland ayaa shaaciyey inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay ee ay dil dhexdooda ah isu geystaan ciidamada Somaliland ee ka howl-gala deegaanada maamulkaasi
  19. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray xaruma cusub oo ay kamid yihiin xarunta Hooyada iyo dhalaanka MCH-ka degmada Kaxda iyo Goob waxbarasho loogu talagalay in carruurta ku nool degmada si bilaash ah wax loogu baro. Qeybaha bulshada ee Degmada Kaxda ayaa maamulka Gobolka u gudbiyay baahida ka jirta degmada, ayna codsanayaan in wax laga qabto, iyagoo ka mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee uu Maamulka Gobolka ka hirgeliyay degmada. Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin sida maamulka Gobolka uu degmada uga hirgeliyay Mashaariicda horumarineed ee ay baahi weyn u qabeen bulshada degmada, kuwaasi oo kala ah xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo bulshada loogu adeegayo. Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa bulshada iyo maamulka degmada ugu baaqay inay ka shaqeeyan dib u dhiska deegaannada Maamulka, isagoo intaa ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu gacan ku siin doono howlahooda. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka ay ka go’antahay wax ka qabashada baahiyaha degmada ka jirta iyo degmooyinka kale ee caasimadda ku yaala. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Magaalada Dhuusamareeb waxaa ay isu diyaarisay martigelinta shirweynaha Soomaaliya ee doorashada, waxaana hadda soo dhameystirmay dhammaan hawlihii qabanqaabada. Wufuudda caasimadda Galmudug joogta waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliyeed Maxamed Cabdulahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasis Lafta gareen, Hirshabelle Maxamed Waare oo uu wehliyo Madaxweynaha gogosha dhigay Axmed Qoorqoor, waxaana la sugayaa madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland. Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxaa ka socday kulamo gaar ah uu Farmaajo la lahaa madaxda ku sugan ee Hirshabeelle Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaa intaas dheer kulamada guddiga farsamo. Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa lagu ballamay in lagu jaangooyo arrimaha doorasha Soomaaliya, waxaa indhaha ku haya guud ahaan Soomaaliya iyo beesha caalamka iyaga oo la filayo in madaxda ay go’aan sidoo kale ka gaaraan jiheynta dalkan uu harreeyey qalalaasaha siyaasadeed. Shirka oo lagu waday inuu 15-kii bisha ayaa dib ugu dhacay hab farsamo, waxaana la filayaa inuu furmo xilliyada soo socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada Galmudug ayaa sheegaya in furitaanka wejiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb uu u xayiran yahay kaliya Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo aan weli gaarin magaaladaasi. Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa ku maqan safaro dalka dibaddiisa ah, waxaana ay arrimo gaar ah u kala joogaan dalalka Kenya iyo Jabuuti. Sidoo kale waxaa la filayaa inay soo gaba-gabeeyaan socdaalladooda, si ay ay saacadaha soo socda u gaaraan Dhuusamareeb, una furmo shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo badan lagu arkayo jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi. Dhinaca kale waxaa Dhuusamareeb haatan xaadir ku ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo marti loo yahay, kuwaas oo xalay kulan hordhac ah ku yeeshay gudaha magaaladaasi. Shirka Dhuusamareeb 3 oo ah mid aad isha loogu hayo ayaa ka duwan shirarkii hore, wuxuuna ku soo aadayaa, xilli la riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.
  22. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa xarigga ka jaray Masawac laga hir-geliyay magaalada Muqdisho oo loogu tala galay in maraakiibtu ay si fudud ugu soo hirtaan dekadda Muqdisho. Musawaca oo iftiinkiisa xilliyada habeenkii ay meel fog ka arki karaan howl-wadeennada maraakiibta ayaa sahlaya inay gartaan masaafada dekaddu u jirto iyo inay si fudud ugu soo hirtaan. Sii hayaha xilka Wasiirka Koowaad ee dalka ayaa caddeeyay in dib u furitaanka Musawaca oo 100 sano jirsaday ay qayb ka tahay horumarinta dekadaha gaar ahaan dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka. Xukuumadda ayaa dadaal xooggan gelisay dib-u-dhiska dalka, waxaana horay sidaan oo kale dib loogu soo celiyay edeegyo muhiim u ahaa dowladnimada iyo dib-u-kabashada dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  23. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin dhinaca bari ee degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib uu dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomalaiya oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, islamarkaana gaariga laga soo buuxiyey walxaha qarxa ay ku qarxiyeen banaanka xerada la weeraray, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dagaalka ay ku dileen illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war ka soo saartay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey, waxaana ay shaacisay inay beegsatay saldhigga ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada huwanta ayaa howl-gallo ka bilaabay halka loo yaqaano Buundo-Yarey oo ka tirsan degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. View the full article
  24. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay gelinkii dambe gaaray Dhuusamareeb ayaa xalay kulamo ka bilaabay magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in xalay kulan hordhac ah oo saacado badan qaatay uu xalay dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur iyo Galmudug, kuwaas oo iska xog-wareystay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mida amni. Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan halkaasi Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland. Wejiga saddexaad ee shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa marka ay dhamaan wufuuda gaaraan Dhuusamareeb ka furmaya magaaladaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda dowlad goboleedka Galmdug. View the full article
  25. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xariga ka jaray Masawac laga hir geliyay magaalada Muqdisho oo loogu tala galay in maraakiibtu ay si fudud ugu soo hirtaan dekadda Muqdisho. Musawaca oo iftiinkiisa xilliyada habeenkii ay meel fog ka arki karaan howl-wadeennada maraakiibta ayaa sahlaya inay gartaan masaafada dekaddu u jirto iyo inay si fudud ugu soo hirtaan. Sii hayaha xilka Wasiirka Koowaad ee dalka ayaa caddeeyay in dib u furitaanka Musawaca oo 100 sano jirsaday ay qayb ka tahay horumarinta dekadaha gaar ahaan dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com