-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kadib muddo ay xiisado siyaasadeed ka dhex taagnaayeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada qaar waxaa la galay maalmo aamusnaan ah, balse dadka qaar ay ku sifeeyeen in la isku baadi-maqanyahay, hoostana ay ka socdaan waxyaabo badan. Safarkii Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku tagay dalka Kenya ayaa la sheegay in Madaxweynaha dalkaas Williom Ruto uu ku qanciyay in uu ilaa xad hoos u dhigo heerka xiisadda, markii uu Kismaayo kusoo laabtana wuxuu saaxiibadiis u sheegay in la dhimo xasaradda. Sidaas oo ay tahay Axmed Madoobe weli isma xaadirin shirka Madasha wadatashiga Qaran ee Muqdisho oo laga sugayo, mana uusan soo saarin hadal uu ku diidanyahay. Tan ayaa lagu macneeyay in uu wadahadal u socdo isaga iyo madaxda dowladda federaalka. Dhanka kale, warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay hoosta ka waddo abaabul sii xoogeysanaya oo ka dhan ah Axmed Madoobe, iyada oo xitaa xiriir la samaysay dad uu ka midyahay Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Soomaaliya Oomaar oo ah musharax muddo dheer raadinayey xilka Madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale, waxaa jira warar la hubo oo tilmaamaya in ciidanka Jubbaland ay ku kala qeybsanyihiin taageerada Axmed Madoobe, durbana ay bilaabatay saansaan kacdoon isaga ka dhan ah. Dowladda federaalka waxa ay doonaysaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo halmar dalka ka wada dhacda, dowlad goboleedyadana aysan qaban wax doorasho ah xiligaas ka hor. Axmed Madoobe ayaa qaba in arrintan ay tahay qiyaano la doonayo in inta aan xiligaasba la gaarin kursiga looga hoos bixiyo, laguna soo dhisayo siyaasi ay isku beel yihiin. Waxay u egtahay in Axmed Madoobe uu ku dhiiran la’yahay in uu doorasho iskiis ah qabsado, maadaama uusan hubin talaabada falcelinta ee suurtogalka ka ah dowladda federaalka. The post Xog: DF oo damacsan qorshe xasaasi ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inay dowladda federaalka si dhaw ugala hadlayso madaxda maamul-goboleedyada tabashooyinka ka taagan, iyada oo horeyba wada-hadallo la isugu dayay in khilaafaadka lagu xalliyo. Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa u muuqday mid muujinaya in mas’uuliyadda xallinta arrimahan ay si buuxda u saaran tahay dowladda federaalka, ayaa xusay inay diyaar u yihiin in ay madaxdaas ugu tagaan deegaannadooda haddii ay iyagu oggolaadaan inay kulmaan. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay madaxdaas la sugayo si loo gaaro wada-hadal miro-dhal ah si xalliya is-mari-waaga jira. Xasan Sheekh ayaa rajo ka muujiyay in khilaafaadka hadda taagan la xallin karo, maadaama, sida uu sheegay, mas’uuliyiintan ay horey qayb uga ahaayeen go’aanno muhiim ah oo dalka lagu hoggaamiyay. Hadalkaan ayaa Madaxweynaha ka soo yeeray xilli uu xalay magaalada Muqdisho kulan casho ah u sameeyay xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka, halkaas oo uu ka dalbaday kulan gaar ah oo uu hortagayo fadhiga baarlamaanka si arrimaha taagan looga wada hadlo. Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo uu ka socdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, inkasta oo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, uu dhawaan shirka ka baxay, halka Puntland ay hore uga maqneyd sababo la xiriira khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka. Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhashay natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dhowaan ka dhacday dalka Mozambique sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch. Booliska dalka Mozambique ayaa lagu eedeeyay inay dadkaas dileen,sidoo kale waxat xoguhu tilmaamayaan in 150 qof lagu dhaawacay intii ay shaqaaqooyinku dhacayeen. Bannaanbaxyo ayaa ruxay dalkan ku yaalla Koonfurta Afrika tan iyo markii Daniel Chapo, oo ahaa musharraxa xisbiga talada haya ee Frelimo lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay natiijada doorashadii dhacday 9-kii bishan. Boqolaal ka mid ah taageerayaasha mucaaradka ayaa isugu soo baxay waddooyinka todobaadkii hore, taasoo keentay inay isku dhacaan booliska, halkaasna ay rabshado ka dhasheen. Dalka Mozambique oo ku dhowaad 20 sano oo dagaallo sokeeye ah soo maray sideetameeyadii ayaa sanadihii la soo dhaafay nabad-gelyo iyo xasilloonida ku naaloonayay, inkastoo gobollada qaar ay kooxo islaamiyiin ahi qulqulatooyin ka geystaan. Source: goobjoog.com
-
Aasaasaha barta caanka ah ee TikTok ayaa noqday qofka ugu qanisan Shiinaha. Barta ayaa shirkadda ay hoos timaaddo la yidhaahdo ByteDance. Marka loo eego liis ka dadka maal-qabeenka ah ee uu soo saaray Machadka Cilmi-baadhista ee Hurun Zhang Yiming ayaa kaalinta koowaad ku jira waxana lacagta uu haysto lagu sheegay inay tahay $49.3 bilyan oo doolar taas 43% boqolkiiba ka badan lacagtii uu haystay sannadkii 2023. 41-jirkan ayaa ka iska casilay doorkiisii mas’uuliyadda shirkadda 2021, laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu leeyahay ku dhawaad 20% shirkadda. TikTok waxa uu noqoday mid ka mid ah barnaamijyada warbaahinta bulshada ee ugu caansan adduunka, in kasta oo ay jiraan walaacyo qoto dheer oo ay dalalka qaar ka qabaan xidhiidhka ay la leedahay dawladda Shiinaha. In kasta oo labada shirkadoodba ay ku adkaysanayaan inay ka madaxbannaan yihiin dawladda Shiinaha, Maraykanku wuxuu ku talajiraa inuu mamnuuco TikTok marka la gaadho bisha Janaayo 2025 ilaa shirkadda ByteDance ay ka iibiso. In kasta oo ay waajahday cadaadiskaas xooggan ee Maraykanka, faa’iidada caalamiga ah ee shirkadda ByteDance ayaa korortay 60% boqolkiiba sannadkii hore, taas oo kor u qaadaysa hantida shakhsi ahaaneed ee Zhang Yiming. “Tani waxay muujinaysaa qaar ka mid ah firfircoonida dhaqaalaha Shiinaha.” Mr Zhang ma’aha qofks kaliya ee qaybta farsamada ee Shiinaha ee liiska ku jira. Pony Ma, oo madax ka ah shirkadda tignoolajiyada, Tencent, ayaa kaalinta saddexaad kaga jira liiska iyada oo hantidiisa lagu qiyaasay £44.4 bilyan oo doolar. Laakiin hantidooda kaliya laguma sharraxo guulaha shirkadahooda – kuwa ay xifaaltamaan waxay sameeyeen wax ka yar hal sano oo dhaqaalaha Shiinaha uu ku fiday. Dhab ahaantii, kaliya ku dhawaad 30% dadka liiska ku jira ayaa korortay dhakhligooda- inta kale waxay la kulmeen hoos u dhac. “Liiska machadka Hurun ee dadka hodanka ah Shiinaha ayaa hoos u dhacay sanad saddexaad oo aan horay loo arag, iyadoo dhaqaalaha Shiinaha iyo suuqyada saamiyada ay soo mareen sanad adag,” ayuu yiri Hoogewerf. “Tirada shakhsiyaadka ku jira liiska waxay hoos u dhacday 12% sannadkii la soo dhaafay oo ay ka hooseeyeen 1100 qof iyo 25% boqolkiiba marka loo eego heerkii sare ee 2021.” Waxa uu sheegay in xogtu ay muujinayso inuu sanad wanaagsan u ahaa shirkadaha soo saara talefannada casriga ah sida Xiaomi, halka suuqa tamarta cagaarani uu hoos u dhac ku yimid. “Solar panel-ka, baytariyada lithium-ka iyo kuwa sameeya EV waxay soo mareen sanad adag, iyadoo tartanka uu xoogeystay, taasoo keentay khatarta tariifooyinka oo lagu daray hubanti la’aan,” ayuu yiri. “Shirkadaha sameeya agabyada tamarta cadceedda waxay la kulmeen in hantidooda ay hoos u dhacdo ilaa 80% marka loo eego heerka ugu sarreeya ee 2021, halka baytariyada iyo kuwa sameeya EV ay hoos u dhaceen nus iyo rubuc siday u kala horreeyaan.” Source
-
Every four years, due to election impasse, the Somali People have to deal with the specter of political violence and civil strife instead of celebrating the results of peaceful, free, and fair election affirming the legitimacy of the authority of the federal Government. The last one-year election (2021-2022) jeopardized the viability of the Somali State. Nevertheless, the general public felt relief when new parliamentarians took the oath to sacrifice their personal interests and serve the interests of the Somali people with honesty, integrity, and impartiality, an oath betrayed. Source: Hiiraan Online
-
Dhaq-dhaqaaqa Xizbullah ee Lubnaan ayaa salaasadii ku dhawaaqay in ay u doorteen hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Naciim Qasem in uu beddelo Hassan Nasrallah ka dib markii uu ku dhintay duqayn ay Israel ka gaysatay koonfurta Beirut bishii hore. “Golaha Shuurada ee maamula Xizbullah waxay isku raaceen in ay u doortaan…Sheekh Naciim Qassem in uu noqdo xoghayaha guud ee Xizsbullah,” ayey kooxda ay taageerto Iran ku sheegtay bayaan ay soo saartay, in ka badan bil kadib dilkii Nasrallah. Xizbullah ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto “ololka wax-iska-caabbinta” ilaa laga gaarayo guul ka dhan ah Israa’iil ka dib markii uu dagaal buuxa qarxay 23-kii September. Qassem waxaa doortay golaha shuurada oo ka kooban shan xubnood, waana golaha ugu muhiimsan ee gaara go’aanada kooxda, laba maalmood ka hor inta aan lagu dhawaaqin Talaadada, sida ay sheegeen ilo ku dhow Xizbullah. Ilo-wareedka oo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira in aan loo ogoleyn inuu la hadlo warbaahinta, ayaa sheegay in gole cusub oo Shuura la dooran doono kadib marka uu dagaalku dhamaado. Goluhu wuxuu markaas doorbidi karaa inuu doorto hogaamiye cusub ama uu Qassem ku sii hayo jagada ugu sareysa, sida uu sheegay ilo-wareedka. Qassem, oo xubin ka ah golaha shuurada ee kooxda, waxa uu muddo dheer ka hoos shaqaynayey Nasrallah, oo ahaa hoggaamiye dheer oo ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu saamaynta badan ee Bariga Dhexe. Hashem Safieddine, oo ahaa madaxa golaha fulinta ee Xizbullah, ayaa markii hore loo saadaalinayay inuu bedeli doono Nasrallah. Laakin isagana waxaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay duleedka koonfureed ee Beirut wax yar ka dib dilkii Nasrallah. Qassem, oo 71 jir ah, waxa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Xizbullah sannadkii 1982-kii, waxaana uu ahaa ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga tan iyo sannadkii 1991-kii, sannad ka hor intii aanu Nasrallah xilka qaban. Waxa uu ku dhashay Beirut 1953-dii, waxa uuna ka tirsan yahay qoys ka soo jeeda tuulada Kafar Fila oo ku taalla xuduudka Israa’iil. Waxa uu ahaa sarkaalkii ugu sarsareeyey ee Xizbullah ee sii waday ka soo muuqashada fagaaraha ka dib markii Nasrallah uu inta badan is-qarinayey ka dib dagaalkii ay kooxdu la gashay Israa’iil 2006-dii. Tan iyo markii Nasrallah uu ku dhintay duqayn cirka ah oo Israa’iil ay fulisay 27-kii September, Qasem waxa uu jeediyey saddex khudbad oo telefishinka laga sii daayay, isaga oo ku hadlaya Carabi rasmi ah oo ka duwan kii lahjad Lubnaaniga ee uu jeclaa Nasrallah. Qasem waxa uu sheegay in awoodda Milatari ee Xizbullah ay tahay mid taagan, waxa uuna taageeray dadaallada uu wado afhayeenka baarlamaanka Nabih Berri ee uu ku dhex-dhexaadinayo xabad joojin. Khudbadii ugu dambeysay ee uu jeediyay 15-kii October, Qassem wuxuu ku sheegay in xabbad joojintu ay tahay sida kaliya ee Israa’iil ay ku dammaanad qaadi karto dib u soo celinta dadkeeda deggan waqooyiga. Dagaalka Israel iyo Xizbullah ayaa qarxay bishii hore ka dib ku dhawaad sanad oo ay rasaas isku weydaarsanayeen xuduudda. 23-kii September, Israa’iil waxa ay kordhisay duqaymaha ay ku hayso Xizbullah, waxayna Lubnaan u dirtay ciidamo dhulka ah. Dagaalku waxa uu Lubnaan ku dilay in ka badan 1,700 oo qof tan iyo September 23, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa tirooyinka wasaaradda caafimaadka, inkasta oo tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay intaas ka badan tahay. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 37 askari ay ku dhinteen ololahooda Lubnaan tan iyo markii ay billaabeen howlgallada dhulka 30-kii September. Source
-
Dowladda Soomaaliya, ayaa salaasadii shalay dalkeeda ka eriday diblamaasi Itoobiyaan ah oo ka howlgalayay safaaradda Itoobiya ee magaalada Muqdisho. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Cali Maxamed Aden, inuu faraha kula jiray “falal aanan waafaqsaneyn doorkiisa diblamaasinimo”. Cali Maxamed Adan oo ahaa ku xigeenka qunsulka Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, ayaa lagu amray in uu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood. Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu raadinayo Dowlad Goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran, si loo helo Wadajir iyo Midnimo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Hadal ka jeediyay Kulan uu Xalay la yeeshay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu Wada-hadal diyaar u la yahay Dowlad Goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran, si loo helo Midnimo guud. “Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda”ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Waxaan si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Xasan. Madaxweynaha ayaa dhinaca kale Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u gudbiyay codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka, kaasi oo uu kaga dhawaaqi doono in dalku si Rasmi ah u aaday doorasho qof iyo cod ah. Waxaa sidoo kale Kulankii Xalay ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in uu raadinayo Dowlad Goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka. Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dowlad-goboleedyada ka qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaankooda. “Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda, waxaana si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu.” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray “Walaalaha naga aragtida duwan waan la hadlaynaa, haddii ay noo oggolaadaan waan u tagayaa, haddii kale way noo imaanayaan. Wadajir ayaan rabaa iyo midnimo.” Madaxweynaha ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen muddadii la soo dhaafay, iyagoo dhexda u xirtay qabyo-tirka dastuurka, difaaca iyo adkeynta midnimada dalka, waxa uuna adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dowladnimada. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo xalay codsi hor-dhigay xildhibaanada labada aqal appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya’s President William Ruto met with the U.S. Central Intelligence Agency Director William Burns on Monday alongside his Kenyan counterpart, Noordin Haji, in Nairobi. Two years after an October 28, 2022, peace agreement ended the war in Ethiopia’s Tigray region, experts say complex issues remain unresolved. These, and more Africa-related news updates on today’s VOA 60. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil argagax leh oo koox ciyaal weero ah xalay ay ka geysatay gudaha degmada Shibis ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay walaac aad u xoogan oo soo wajahay dadka deegaanka. Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wiil yar oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Maxamuud waxa ay ku dileen gudaha degmada Shibis, iyaga oo kadib goobta ka baxsaday. Wararka ayaa sheegaya in wiilka yar lagu dhuftay dhowr mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, ayada oo markii dambe maydkiisa la geeyay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho. Gabar la dhalatay marxuumka oo u warrantay Dalsan TV ayaa sheegtay in dilka wiilkooda ay aad uga naxeen, waxayna tilmaamtay inuu aha arday dhigta fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe. “Wiilka walaalkey iga yar ayuu ahaa Allaha u naxariisto gacan ka xaq-daran ayaa dishay wuxuu ahaa wiil arday ah qolada dishay waxaa naloogu sheegay ciyaal weero” ayau tiri. Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Hooyadiis way dhimatay, baadiyo ayaa laga keenay waxaa halkan loo keenay waxbarasho”. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan. Ciyaal weero ayaa u muuqda inay mar kale kusoo rogaal celiyeen gudaha caasimada, waxaana horay dagaal adag ula galay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. The post Daawo: Koox ciyaal weero ah oo dil argagax leh ka gaysatay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s Ministry of Fisheries and Blue Economy has signed a sweeping agreement with Abu Dhabi PORTS Group to transform the country’s fisheries and port infrastructure—a step that could bring new stability and much-needed economic growth to Somalia’s coastline after decades of conflict. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa saacado ka hor ku dhawaaqday tillaabo adag oo ka dhan ah Itoobiya, ayadoo sargaal ka howlgalayay safaaradda dalkaasi muqdisho ku leeyahay u qabatay inuu muddo 72 saacadood ah dalka uga baxo. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa sargaalkan oo lagu magacaabo Cali Maxamed Aadan ku eedeysay inuu faraha kula jiray arrimo xad-gudub ku ah sharciga iyo madax-bannaanida dalka, waxayna sheegtay inaan sii joogistiisa Soomaaliya looga baahnayn. Wasaaraddu ma sheegin falalka uu ninkani ku foognaa, balse waxaa la rumaysanyahay inuu howlanaa qorshayaal Sirdoon iyo dhaqdhaqaaqyo fara-gelin ah oo dowladnimada Soomaaliya ka dhan ah. Haddaba tillaabada ay dowladda Soomaaliya qaaday ayaa loo arkaa mid loo baahnaa, balse xilligeedii ka soo dib dhacday maadaama xurgufka labada dal ay meeshii ugu sarraysay marayso, islamarkaana Itoobiya ay ku foogantahay falal xadgudub ku ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muscat: Qais Mohammed Al Yousef, Minister of Minister of Commerce, Industry and Investment Promotion, on Tuesday received in Muscat Hassan Hussein Mohamed, Minister of Livestock, Forestry and Range in the Federal Republic of Somalia, who is currently visiting the Sultanate of Oman. Source: Hiiraan Online
-
Somalia has declared an Ethiopian diplomat working in Mogadishu a persona non grata. Source: Hiiraan Online
-
Luuq (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saaka dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo indhowanahaan ku dagaalamayay gudaha magaaladaasi. Dagaalka ayaa mar kale dib uga bilowday duleedka degmada, waxaana maleeshiyaadka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Maleeshiyaadka dagaalamaya oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay degmada Luuq, waxaana halkaasi ay ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo. Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah. Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay dagaalka maanta ka dhacay Luuq, iyada oo ay dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan, sida ay innoo sheegeen dad deegaanka ah. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana weli rasaas laga maqlayaa duleedka bari ee degmada luuq mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi. Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo uu fashilmeen qodobadii kasoo baxay shirkii dib u heshisiinta ee beelaha dagaalamaya ku dhex-maray magaalada Kismaayo, kaas oo u goobjoog ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe. Colaaddan ayaa soo noq noqotay, waxaana beelaha dagaalamaya ay isku haystaan maamulka degmada iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay horay isugu gaysteen. The post DAGAAL culus oo dib uga qarxay LUUQ + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Ruushka wuxuu sameeyay tijaabada gantaallada ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba, kuwaas oo qaadi kara madaxyada Nukliyeerka, sida ay shaacisay wasaaradda difaaca Ruushka. Dowladda ayaa adeegsanaysa gantaallada kala ah ; Yars, Bulava iyo Sineva oo laga riday maraakiibta qaada gantaallada Nukliyeerka ee Knyaz Oleg iyo Novomoskovsk ,sida ay ku dhawaaqday wasaaradda difaaca Ruushka oo sheegtay in hubkan la tijaabiyay inta lagu jiray dhoolatus ah ay Talaadadii shalay sameeyeen ciidanka Ruushka. Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa isagoo aalada fogaan aragga kula xiriiray saraakiisha sare ee militariga, wuxuu sheegay in dhoolatuskan uu ka mid noqon doono tallaabada saraakiisha ugu sarreysa Ruushka ay wax uga beddelayaan siyaasadda adeegsiga hubka Nukliyeerka oo ay ku jiraan gantaallada ballistic-ga ee xambaari kara nukliyeerka. Wasiirka difaaca Ruushka,Andrei Belousov ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid loogu talagalay in lagu soo bandhigo sida uu Ruushka isaga difaacayo, uga hortagayo , si dhaqso ahna uga jawaabayo haddii uu dhaco weerar Nukliyeer ah. PUNTLAND POST The post Ruushka oo tijaabiyay gantaalaha qaaradaha isaga gudba ee xambaara Nukliyeerka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka. Munaasabadda caawa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dowlad-goboleedyada ka qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaankooda. “Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda, waxaana si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen muddadii la soo dhaafay, iyagoo dhexda u xirtay qabyo-tirka dastuurka, difaaca iyo adkeynta midnimada dalka, waxa uuna adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dowladnimada. Source: goobjoog.com
-
LONDON, United Kingdom (HOL) — Belarusian officials reported Sunday that 15 refugees, including Somali nationals, were found with serious injuries near the Belarus-Poland border, claiming they had been attacked and pushed back by Polish security forces. The refugees, who were reportedly beaten, pepper-sprayed, and attacked by dogs, were discovered near a fenced area of the border. Source: Hiiraan Online
-
A football coach and refugee advocate was prevented from playing in a match because she wears tracksuit bottoms rather than shorts, which she says compromises her religious beliefs. Source: Hiiraan Online