Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa looga hadlay go’aamadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ee dhacay Muqdisho. Jubbaland ayaa ka hortimid Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka. Jubbaland ayaa sheegtay inay wali ka go’an tahay ka qeybgalka shirarka GWQ si ay doodooda u gudbiyaan, iyagoo rajo ka qabay in arrimahaas laga arinsado loona raadiyo xal mideysan oo danta guud ka turjumaya. Laakiin waxay Jubbaland ku eedaysay DFS in aysan doodooda tixgelin si ay u sii jirto midnimada iyo wada-tashiga dhismaha GWQ. Arrimaha la isku mari waayay shirkii October 2024 waxaa kamid ahaa ee War-saxaafadeedka Jubbaland ku jira: DFS oo soo jeedisay muddo-kororsi iyadoo aan waxba laga hirgelin qodobbadii hore ee lagu heshiiyay, taasoo loo arko inay dhalin karto firaaq dastuuri ah iyo mudda-kordhin aan waqti cad lahayn. DFS oo ka hor istaagtay qabashada doorashooyinka DXDFS, taasoo abuuri karta xaalad hubanti la’aan ah. DFS oo diiday soo jeedintii Jubbaland ee ahayd in la raadsho saamileyda maqan, sida Puntland iyo SSC, si talo-wadaag loo gaaro. Source: goobjoog.com
  2. Mogadishu (HOL) — Somali government has welcomed the United Nations Security Council's unanimous decision to transition the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) into a temporary mission over the next two years, beginning November 1, 2024. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Agaasimaha ayaa kulan gaar la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe. Horaantii bishii Janaayo 2024 ayuu sidaan oo kale Muqdisho u yimid sarkaalkaan, xilligaas oo uu la kulmay Madaxweynaha iyo Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad. Agaasimaha CIA-da Mareykanka iyo madaxda Soomaaliya ayaa iska xog wareystay arrimaha gobolka, amniga iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka. Markii laga soo tago xiisadda ka taagan gobolka, waxaa meesha ka sii baxaysa shuruucdii caalamka ee kala xakameynta dowladaha looga hortegi jiray. Mareykanka ayaa lagu xantaa inuu saameyn ku leeyahay xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika, waxaana qodobadii laga wadahadlay ka mid ahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inay ka hortagto damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, waxaana dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ay hoosta ka xariiqeen inay muhiim tahay wadajirka, madax-banaanida iyo gobanimada Jamhuuriyadda Soomaaliya. The post Agaasimaha CIA-da oo safar qarsoodi ku yimid Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  4. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhigan waxaa kasoo qaybgalay 57 mudane. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa loo qaybiyey Ajendaha Kalfadhiga 55-aad, iyada oo sidoo kale si rasmi ah loo guda galay ka doodista qodobada saddexaad iyo afaraad ee Ajendaha, kuwaas oo ka hadlaya Warbixinta Guddiga Joogtada ah iyo Warbixinnada Guddiyada Golaha. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ka duulaya qodobka 42-aad, farqadiisa 7-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, ayaa soo gudbiyey warbixintii Guddiga Joogtada ah ee muddadii u dhaxaysay labada kalfadhi (54-aad iyo 55-aad). Warbixinta waxaa akhriyey Xoghayaha Guud, Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Sida ku cad Qodobka 13-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, Guddiga Joogtada ah ayaa u xil-saaran socodsiinta hawlaha Golaha muddada u dhaxaysa labada kalfadhi, la socoshada dhacdooyinka iyo ururinta xogaha inta lagu jiro fasaxa, hubinta barnaamijyada xukuumadda in loo fuliyey sidii loogu talagalay, u yeerista mas’uul kasta oo lagula xisaabtamo shaqada loo igmaday, ansixinta barnaamijyada iyo qorshayaasha shaqo ee Golaha, ka talo-bixinta arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada, xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Golaha Wakiillada iyo Baarlamaannada kale, kormeeridda shaqada wasaaradaha, hay’addaha Dowladda iyo kuwa aan Dawliga ahayn, iyo soo saarista baaqyo Baarlamaani ah mar kasta oo ay jiraan dhibaatooyin dabiici ah iyo kuwo bani’aadamnimo. Warbixinta Guddiga Joogtada ah oo ka koobnayd todobo qodob, ayaa si faahfaahsan uga hadashay kormeerada guddigu ku sameeyey Wasaaradaha iyo hay’adaha Puntland, booqashooyin ay ku tageen gobollada dalka, kulamo ay la qaateen Madaxda Hay’adaha caalamiga iyo safaro shaqo oo dalka dibediisa ah. Dhinaca kale, Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa soo jeediyey warbixin ku saabsan shaqooyinkii ay qabteen, iyo kormeeradii ay ku tageen Gobollada dalka, taas oo uu soo jeediyey Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamuud Dhakuul Xirsi. Warbixintan ayaa iftiimisay kormeerada guddigu ka sameeyey gobollada dalka iyo hawlaha kale ee guddiga. Halkan ka akhriso Ajandaha Kal-fadhiga PUNTLAND POST The post Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 55aad ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta la ansixiyay appeared first on Puntland Post.
  5. Flash floods in Spain turned village streets into rivers, ruined homes, disrupted transportation and killed at least 95 people in the worst natural disaster to hit the European nation in recent memory. Source: Hiiraan Online
  6. Muse Bihi Abdi, the President of Somaliland, asserted that Somaliland will not back down from implementing the Memorandum of Understanding it signed with Ethiopia, despite any opposition or pressure from external parties. Source: Hiiraan Online
  7. Manchester United responded to the firing of Erik ten Hag by scoring four goals in the first 38 minutes on the way to a 5-2 thrashing of Leicester in the English League Cup, while Tottenham eliminated Manchester City in the last 16 on Thursday. Source: Hiiraan Online
  8. The Federal Government of Somalia has marked a new era in healthcare following the launch of the country’s largest Emergency Care Centre at Medina General Hospital in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  9. Political leaders in Somalia agreed Wednesday on a framework for the country’s first national one-person, one-vote elections, a government statement said. Source: Hiiraan Online
  10. Valencia (Caasimada Online) – Ugu yaraan 95 qof ayaa ku dhintay daadadkii ugu dhimashada badnaa ee ku dhuftay Spain taariikhdeedan casriga ah, ka dib markii roobab mahiigaan ah ay ka da’een gobolka bari ee Valencia. Maamulka Valencia ayaa sheegay, in fatahaaddu qaadday buundooyin iyo dhismayaal, isla markaana burburisay waddooyinka qaar. Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegay in roob dhibicidiisu iyo biyahiisa u dhigmaan sannad, uu muddo 8 saacadood gudahood ah ku da’ay Valencia Talaadadi. Taasi ayaa sababtay in ay buux dhaafaan waddooyinka waaweyn iyo dhul-beereedka gobolkaas oo soo saara saddex-meelood laba meelood khudradda liinta mambeelmada ee laga beero Spain. Waaxda Gurmadka deg dega ah ee gobolka bari ee Valencia ayaa xaqiijiyay dhimashada 92 qof Arbacadii. Labo kale waxay ku dhinteen gobolka deriska la ah ee Castilla La Mancha, halka koonfurta Andalusiya laga soo sheegay hal dhimasho. The post Ku dhowaad 100 qof oo ku dhintay Spain kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Mudane Dileita Maxamed Dileita oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay iskaashiga labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo Gobolka u horseedi karta horumar, is ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta, isagoo uga mahadceliyey walaalaha Jabuuti garab istaagga iyo dadaalka dowlada Jabuuti ay ku bixisay dawlad-dhiska Soomaaliya. Mudane Dileita Maxamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyey shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu ku bogaadiyey dowladda Federaalka ee Soomaaliya guulaha taariikhiga ah ee ay ku tallaabsatay labadii sano ee u dambeysay. Source: goobjoog.com
  12. LONDON, United Kingdom (HOL) — England’s Football Association (FA) has apologized to a British-Somali footballer, Iqra Ismail, who was prevented from playing a Greater London Women’s Football League (GLWFL) match for wearing tracksuit bottoms instead of shorts, citing her religious beliefs. Source: Hiiraan Online
  13. CAMBRIDGE/MOGADISHU/NAIROBI - Somalia is gripped by outdated aid systems built upon an old narrative that its crises are intractable. The country is forging a path to greater stability and better governance. Much work remains – yet it’s often the humanitarian system that stands in the way of further progress. Source: Hiiraan Online
  14. NAIROBI (Reuters) - Somalia has announced the expulsion of an Ethiopian diplomat, marking a further souring of relations between the neighbouring countries related to a port deal Addis Ababa has been negotiating with the breakaway region of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  15. The UN Security Council on Wednesday voted to begin a two-year withdrawal of its political mission in Somalia, which has been in the east African country for more than a decade. Source: Hiiraan Online
  16. 465163857_978458637631509_5290265068914249316_n Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu kaga soo horjeedo go’aanka muddo kororsiga ah ee ka soo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, isagoo Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu ku guul-dareystay ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka. Farmaajo ayaa sheegay in madal ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada qaar aan go’aan masiiri ah lagu gaari karin, sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka aysan hor istaagi karin doorashada dowlad goboleedyada, isagoo dowlad goboleedyada muddo kororsiga damacsan ka dalbaday inay doorasho aadaan. Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo: Go’aannada caawa oo ay taariikhdu tahay 30-ka bisha Oktoobar 2024, ka soo baxay shirka ay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay dalka u jiheeyeen kala qaybsanaan siyaasadeed iyo khatar ku timi midnimada intii awal wada-joogtay. Waxaa cad in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu meel iska dhigay waajibkiisii qaran ee ilaalinta dastuurka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaana wax aad looga xumaado ah in uu si ku talagal ah u go’aansaday in talada iyo go’aannada masiiriga ah uu bannaanka ka dhigo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda dalka oo muhiim u ah midnimadda iyo hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay. Haddaba, go’aannada ay soo saareen qaar ka mid ah xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranku waa kuwa aan xambaarsanayn aragti heer qaran ah oo u adeegaysa midnimadda iyo nidaamka heshiiska lagu yahay, sidoo kalena waxa ay hareer marsan yihiin sharciga iyo dastuurka dalka. Madaxweynaha Dowladda Federaalku malaha awood dastuuri ah oo uu ku hor istaagi karo doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedyada ee muddo xileedkoodii dhammaaday, sidaas awgeed, warka ka soo baxay shirka Madasha aan loo dhammayn ee Wadatashiga Qaran waxa uu halis gelinayaa xasilloonida iyo matalaadda siyaasadeed ee aas-aaska u ah dowladnimada iyo doorashooyinka. Si buuxda waxaan u taageeraynaa in Dowlad Goboleedyada muddo xileedkoodu ka dhammaaday ay qabtaan doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtinimada, si ay u helaan sharciyad iyo muddo xileed dastuuri ah, annagoo adkaynayna mowqifka Dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku aaddan qabashada doorashada Madaxtinimo ee maamulkaas. Hannaan doorasho oo heer qaran ah, nooc kasta uu noqonayo, waxaa saldhig u ah heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseedi kara doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo ay u dhan yihiin dhinacyada siyaasadeed ee dalka. Nooca iyo guddiga doorashada ee lagu xusay warka ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Madasha Wadatashiga Qaranku waxa ay muujinaysaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo iska indho-tiraya waaqaca siyaasadeed ee dalka, muhiimadda xasilloonida siyaasadeed iyo nidaam doorasho oo lagu kalsoonaan karo, ayna kawada qayb qaataan dhammaan hormuudka siyaasaddu. Ugu dambeyntii, waxaan Hoggaanka Dowladda Federaalka ugu baaqeynaa in ay usoo laabtaan sharciga iyo ilaalinta maslaxadda guud ee dalka, danta guudna ka hormariyaan damacooda gaarka ah. Madaxda Dowlad Goboleedyadda, dhinacyada siyaasadda iyo madaxdii hore ee Qaranka waxaa waajib ka saaran yahay in ay u istaagaan ka hortagga in dalkaan dib loogu celiyo qalalaase siyaasadeed iyo khilaafaad wiiqi kara dib u dhiska qaranka iyo baadi goobka midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. DHAMMAAD The post FARMAAJO oo war culus ka soo saaray muddo kororsiga dhacay iyo qorshaha Xasan appeared first on Caasimada Online.
  18. War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayay kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka. War-murtiyeedka Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayay kaga horyimaadeen Isbeddel kasta oo lagu sameeyay Dastuurka Soomaaliya kaasi oo ay ku sheegeen mid aan sharciga waafaqsanayn. Xildhibaannada Heer Federaal iyo Heer Puntland ayaa isku raacay in aysan marnaba Natiijo Siyaasadeed iyo mid sharci ah ka dhalan karin Dastuur wax looga beddelay si aan heshiis lagu ahayn islamarkaana aysan qayb ka noqon doonin Puntland. Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayaa sidoo kale Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya uga digay in ay soo saaraan Heshiisyo Siyaasadeed oo aan loo dhammayn. Halkan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland iyo Xubnaha Labada Aqal ku matala Puntland oo War soo saaray appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) — Somalia's political leaders have agreed to conduct local government elections in June 2025, followed by parliamentary elections in September 2025, according to a communique from the National Consultative Council (NCC) on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  20. Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxay si adag u cambaareeyeen, ugana soo horjeesteeb go’aanka muddo kordhinta ee Golaha Wadatashiga Qaran ka soo baxay, kaasoo loo sameeyay Dowlad Goboleedyada Dalka. “Waxaan si adag u cambaareynaynaa go’aanka muddo-kordhinta sharcidarrada ah ee qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran u sameeyeen dawlad-goboleedyada qaybta ka ahaa shirka. Go’aankan wuxuu dalka u horseedayaa qalqal amni iyo xasilooni-darro siyaasadeed, wuxuuna halis ku yahay geedi-socodka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Madaxdii hore. “Dowladnimada Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay dastuur federaal ah oo sharciyad u siinaya in Baarlamaanka dowlad-goboleedka uu soo saaro sharciga doorashooyinka labada heer ee degaan iyo dawlad-goboleed, maamulkuna dhiso guddi madaxbannaan oo qabta doorashooyinka labada heer ee dowlad-goboleedka” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ay si wadajirka ah u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Shiikh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka horyimid War-murtiyeedkii Madasha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kala ah Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah oo muddo kororsiga lagu go’aamiyey shirka golaha wadatashiga qaranka ay uga soo hor jeedaan. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalka 3-da masuul ay soo saareen, iyagoo farriin adag u diray madaxda dowlad goboleedyada. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku heshiiyey in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto, iyadoo muddo kordhin kale loo sameeyey madaxda dowlad goboleedyada, si doorashooyinkaas loogu diyaar garoobo, loona qabto sanadka dambe ee 2025-ka. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran: Waxaan si adag u canbaareynaynaa Go’aanka muddo kordhinta sharci darrada ah ee qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran u sameeyeen dawlad goboleedyada qaybta ka ahaa shirka. Go’aanku wuxuu dalka u horseedayaa qalqal amni iyo xasilooni-darro siyaasadeed, waxayna halis ku tahay geedi socodka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaan haddaba shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah. Dowladnimada Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay dastuur federaal ah oo sharciyad u siinaya in Baarlamaanka dowlad-goboleedka uu soo saaro sharciga doorashooyinka labada heer ee degaan iyo dawlad-goboleed, maamulkuna dhiso guddi madaxbannaan oo qabta doorashooyinka labada heer ee dowlad-goboleedka. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland oo iska diiday muddo-kororsiga, una jihaystay in uu maamulkiisu qabto doorashada Jubbaland. Waxaan ugu baaqaynaa in ay doorashadaasi noqoto mid xor iyo xalaal ah. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur-Galbeed in ay ka waantoobaan muddo-kordhintan isku danaysiga ah, qabtaanna doorashooyinka dowlad-goboleedyada. Waxaan kaga digaynaa Baarlamaanka Federaalka ah in ay meel-mariyaan sharciyo ka hor imaanaya dastuurka, kalana dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalka, iyo muddo kordhin sharci-darro ah oo u adeegeysa damac siyaasadeed shakhsi ah. Waa in Baarlamaanku ku waano qaato waaya-ragnimadii laga dhaxlay meelmarinta damaca gurracan ee Madaxtooyada iyo halka ay ku danbaysay. Waxaa ayaan-darro wayn ah in Madaxweynaha oo loo doortay ilaalinta dastuurka, midnimada dalka iyo wadajirka umadda uu ku tumanayo dastuurka, kuna hawllanyahay kala qaybinta dalka iyo kala irdhaynta bulshada Soomaaliyeed. Waxaan caddaynaynaa in aysan jirin qolo kaligeed go’aan ka gaari karta masiirka dalka, kana tashan karta inta kale. Waxaan mar kale Madaxweyne Xasan kaga digaynaa halista muddo-kororsigu leeyahay iyo jidka loo joojin-maayo oo ah mid lagu jabo, waxaana ugu baaqaynaa in uu dhalanteedka dhinac iska dhigo, garashada u soo laabto, muujinaya xilkasnimo, iyo qaangaarnimo siyaasadeed. 1. Sheekh Shariif Sheekh Ahmed 2. Xasan Cali Khayre 3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame The post Shariif, Kheyre iyo CC oo jawaab ka soo saaray muddo kororsiga lagu dhawaaqay appeared first on Caasimada Online.
  22. Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgalka cusub ee ATMIS badeli doona oo golaha ammanka qaramada midoobe ansixiyay. Warka ay dowladdu soo saartay ayaa lagu yiri ” Dawladda Soomaaliya waxay soo dhowaynaysaa qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu maantay sida aqlabiyadda ah ku ansixiyey in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la qaatay soo jeedinteedii ahayd in uu Howlgalka Siyaasadeed ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM laga billaabo maalinta Jimcaha ah ee bisha November kowdeeda uu noqdo, howlgal marxalad kala guur ah galaya, kaasoo magaciisu noqonayo UNTMIS. Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhammaantood isku waafaqay, qaraar-na ku soo saaray maanta in sidii ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay soo jeedisay uu kala guurkani ku dhammaado muddo laba sano ah, ayada oo muddadaas howsha UNSOM ay hadda hayso ay la wareegi doonaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha Qarammada Midoobay ee ka howlgala dalka. Soo jeedintan Soomaaliya oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay u gudbisay xubnaha Golaha Ammaanka bishii Agoosto isaga oo loo sii marsiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, waxay ku saleysan tahay wadaxaajood dhowr bilood u socday Guddi farsamo oo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo UNSOM”. Source: goobjoog.com