Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid go’aannadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran, kaasi oo muddo kororsi horleh loogu sameeyay maamul goboleedyada. Shirkaan oo dibad joog ka ahaayeen Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay maanta golaha wasiirada Puntland ku tilmaameen go’aannada kasoo baxay golaha wadatashiga “nasiib darro weyn oo xaalad hubanti la’aan ah u horseedaya dalka”. “Golaha Wasiirada Puntland wuxuu nasiib darro weyn ku tilmaamay go’aankii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran, kaasi oo horey ay dowladda Puntland uga sii digtay, haatana xaalad hubanti la’aan ah u horseedaya dalka, maadaama uu yahay go’aan kasoo horjeeda dastuurka KMG ah ee DFS, kan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo hanaanka dowlad dhiska ee ku saleysan dib u heshiisiin iyo wadar ogol,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka golaha wasiirada Puntland. Golaha ayaa sidoo kale wuxuu ayidayaa go’aankii ay wadajirka usoo saareen xildhibaannada Puntland ku metela labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo golaha wakiilada dowladda Puntland. “Goluhu wuxuu bogaadiyey go’aanka dowladda Jubbaland ee ku saabsan qabashada heerarka kala duwan doorashooyinka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dowladda Jubbaland iyagoo iska diiday muddo kordhin aan sharci aheyn, tani waa masuuliyad saaran dowladaha xubnaha ka ah DFS inay ilaaliyaan dastuurka iyo shuruucda u yaalla.” Puntland ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay baaqyada ay soo saareen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka damqaday sharci jebinta kasoo baxday shirkii golaha wadatashiga qaranka. “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay markale cadeynaysaa in ay mowqifkeedii hore ka taagan tahay habka khaldan ee loo marayo hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya, go’aanka kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka, waa mid si buuxda u muujinaya waxyaabaha ay dowladda Puntland hore uga digtay.” Si kastaba, golaha wadatashiga qaranka ayaa shalay ku heshiiyey in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto, iyadoo muddo kordhin kale loo sameeyey madaxda dowlad-goboleedyada, si doorashooyinkaas loogu diyaar garoobo, loona qabto sanadka dambe ee 2025-ka. The post Puntland oo war culus kasoo saartay muddo kororsiga golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
  2. Xukuumadda Puntland ayaa nasiib-darro ku tilmaantay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegtay in uu Xaalad hubanti la’aan ah u horseedayo Dalka. Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ee Khamiista Maanta ah ayaa ku tilmaamay Go’aannadii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran kuwa ka horjeeda Dastuurka KMG ah ee Dalka iyo Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Golaha Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale ayiday Go’aankii Xalay ay sida Wadajirka ah u soo saareen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Golaha Wakiilada Puntland, kuwaasi oo ka horyimid Qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Xukuumadda Puntland waxay sidoo kale bogaadisay Go’aanka Jubaland ee ku saabsan qabashada heerarka kala duwan ee Doorashooyinka Jubaland sida waafaqsan Dastuurka Jubaland, islamarkaana ay ku diidday Mudda Kordhinta loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka. Xukuumadda Puntlan ayaa sidoo kale taageertay Baaqyada ka soo baxay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Muqdisho, oo ay ku jiraan Madaxdii hore ee Dalka, kuwaasi oo diiddan Go’aannadii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka Puntland PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo caddaysay Mowqifkeeda Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray shiweynaha 5-aad ee hoggaaminta iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed. Shirkaan oo lagu soo bandhigay aalado casri ah oo ay hal abuureen dhallinyaro Soomaaliyeed, caqabadaha ku hor gudban dhallinyarada iyo fursadaha u baahan in looga faa’iideeyo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay baadi-goobka xaquuqda dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso, helidda xaqa dastuuriga ah ee doorashada matalayaashooda siyaasadda iyo hoggaaminta dalka. Shirkan oo muhiim ah ayaa maalmahan lagu lafa-gurayay doorka ay dhalinyarada ku dhex leeyihiin bulshada, waana kalkii shanaad ee shirweynaha hogaanka iyo hal-abuurka dhalinyarada. Duqa Muqdisho oo shirkaan furay ayaa sheegay in aan la dhayalsan karin doorka dhalinyarada, isla markaana ay yihiin laf-dhabarka bulshada, waxa uuna kula dar-daarmay in lagu dadaalo waxbarashada, ayna isku gurmadaan dhalinyarada si usoo bandhigaan hal abuurkooda. Shirkaan ataa waxaa soo qaban-qaabiyay Somali Youth Leadership Center iyo Arkaan Leadership and Innovation Hub oo kaashanaaya xafiiska la-taliyaha madaxweynaha JFS ee arrimaha bulshada. The post Xasan oo maanta soo xiray shirweyne maalmahan ka socday Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  4. Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare”, Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi, ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Shabaab, gaar ahaan qeybta soo gudbinta Xogaha ganacsatada iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekadda Muqdisho. Shaqooyinkii ay Shabaab u qabteen ayaa waxaa kamid ah Xogaha Sagaal markab oo si PDF ahaan ah ay whatsapp-ka ugu direen Cabdi Qafaar “Ugaas” oo Shabaab u qaabilsan Qeybta Xogaha Maraakiibta iyo Maaliyadda Ee Dekadda Muqdisho, bil kasta ayeyna la wadaagayeen xogaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee Dekadda, si Shabaab ay u handadaan ganacsatada oo ay uga qaataan lacago baad ah. Seddexdaan Eeddeysane, ayaa Gacmaha Hay’addaha ammaanka waxay soo galeen Tobankii bisha Lixaad ee Sanadkaan 2024. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Labaatankii Bishaan Oktoobar. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay. Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi ayey Maxkamadu ku xukuntay min Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey lagu xukumay Afar sano oo Xabsi ciidan ah. Source: goobjoog.com
  5. Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaa ilaa shalay maraayay oo booqanaayay deegaanka miyiga iyo tuulooyinka degmada Sabawanaag isaga oo dul istaagay goob kasta oo ay dadku joogaan waxa uu la kulmay haweenka, dhalinyarada, odayaasha iyo dadka reer miyiga ah ee deegaanada uu maraayay jooga suldaanka iyo waftiga uu hogaaminaayo ayaa goob kasta oo uu istaagsba ay dadku ku soo xoomaan iyada oo ay dar daaranka iyo talada suldaanku uu siinaayana si toos ah u qaatay isla markaasina uu suldaanku u duceeyay. Deegaanka Sabawanaag oo ka mid ah deegaanada ugu baaxada weyn gobolka Maroodijeex ayayna xukuumadda Muuse Biixi ayna hal mashruuc ka fulinin dadka deegaanka aysan arag wax ama helin wax adeeg bulsho ah, waana deegaan ay dumarka umulayaa ay isku dhintaan sanadkan gudihiisa waxa isku dhintay dhowr jaween ah kadib markii degmadda Sabawanaag laga waayay irbadaha dhiig joojinta iyo adeeg caafimaadba, dhowr iskuul oo dunsan oo ay roobabku wax yeeleeyeena ay wali haawanayaan. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey lava heshiis oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay la gaartay dalalka Shiinaha iyo Qatar. Heshiiska 1-aad ee Shiinaha ayaa wuxuu ku saabsan yahay hirgalinta hindisaha horumarinta adduunka, halka heshiiska 2-aad uu yahay is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar. Shirka oo uu guddoominaayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan halka uu marayo qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025-2029) iyo bulshada bariga Afrika. Waxaa kale oo warbixin looga dhagaystay wasaaradda beeraha oo ka warbixisay wax-soo saarka dalka iyo xaaladda beeraleyda Soomaaliyeed. Diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025-2029) ayaa maalmihii dambe si habsami leh uga socday xarunta Hangarka Afisyoone, halkaasi oo shalay uu kormeer ku tegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Xukuumadda Dan-Qaran ayaa doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hay’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in qaranka lagu horumariyo, sida uu shaaciyay ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale wuxuu sheegay in dib u eegis lagu samayn doono dhismaha iyo sharciyada ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in xukuumadda ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo. The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay laba heshiis oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  7. Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab uu maanta ka dhacay koonfurta gobolkaas oo hoosataga Galmudug. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Qaycad oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan oo bartilmaameed ahaa khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, lagana burburiyay xarumo ay ku lahaayeen deegaanka lagu dagaalamay. ‘Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed Danab iyo Gorgor iyo Ciidamadda degaanka ayaa howlgal lagu naafeeyay Khawaarijta kasameeyay koonfurta Mudug. Degaanka Qayacad ayay geesiyaasha XDS iyo kuwo degaanka jab xoogan ku gaarsiiyeen kadib howlgal aroornimadii hore saaka Ciidamadda kasameeyeen degaanka Qayacad” ayaa lagu yiri warsaxaafeedka. Dhankiisa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa isna shaaciyay khasaare aad u culus saaka loo gaystay Al-Shabaab, balse ma sheegin tiro ahaan khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay. “Khawaarijtii saaka waa lagu hiireystey, hoog iyo halag ayey Qaycad kula kulmeen!” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-gga. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay koonfurta Mudug, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab. The post Faah-faahinta dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka MUDUG appeared first on Caasimada Online.
  8. Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgalladii ugu dambeeyay iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee dalka ka socda, waxaana warka ay dowladdu soo saartay lagu yiri ” Ilaa iyo 15 dhagar-qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ciidamada gaarka ah ee Danab iyo Gorgor oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyaan deegaanka Qaycad ee Koonfuurta Gobalka Mudug. Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka deegaanka ayaa beegsaday fariisimo ay maleeshiyaadka Khawaarijta ah ku lahaayeen bacaadka deegaanka Qaycad, iyadoo ciidamadu ay cagta mariyeen fariisimihii cadowga. Hawlgalkaan oo dhacay abaaro salaaddii subax kadib ayaa dhammaan goobihii lagu beegsaday cadowga waxaa si buuxda ula wareegay Ciidanka Xoogga Dalka iyo naftood hurayaasha dadka deegaanka. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa laba jibaartay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah waddanka si wayn loogu naafeeyay cadowga”. Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay go’aannada kasoo baxay shirka golaha wadatasiha qaranka oo lagu go’aamiyay muddo kororsi hal sano ah, si uu dalka uu aado doorashooyin qof iyo cod ah. War-saxaafadeedka kasoo baxay shirka aya waxaa lagu sheegay in Goluhu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaalanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, geedi-socodka dimuqraadiyaynta, iyo xaaladda dhaqaale ee dalka. Golaha ayaa go’aamiyay in oorashada Baarlamaanka iyo mida Madaxda dowlad goboleedyada waxay dhici doonto bisha Sebtember ee sanadka soo socda, arrintaas oo dhalisay doodda wayn oo qaybaan Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ah. Haddaba sidee looga falceliyay? Qaar kamid ah dadweynaha isticmaalaha baraha bulshada ayaa si yaabo kala duwan uga hadlay muddo kororsiga lagu dhawaaqay, waxaana qaarkood ay ku tilmaameen sharci darro, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Cabdullaahi Guure ayaa yiri “Badbaado Qaran waa diyaar, maadaama madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobolleedyadu Dastuurkii ku tunteen oo ay sharci darro ku wada jooggaan”. Ismaaciil Maare ” Waa wax aan mudo badan sugaynay in aan aragno dalkeenna oo doorasho qof iyo cod ah ka dhacayso. Doorasho qof iyo cod ah baa inoo ballan ah inta dowladnimada jecel Hassanow hal mid naga ilaali kaliya buuq ha gelin dalka dadkaba”. Maxamed Deeq Cabdullaahi “War Hasanoow waddadaas waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaaneyso hadaa adi mirinaayo fadhido waa kuu kaligaa, dalkaan qatar ha galinin”. Canab Abuukar Maxamuud “Shinbirayow heesa hees wanagsan hees waxa ka jira ma lahan”. Muuse Baari “Xasanow ka joog hortaa jiraa waayay dalka iyo dadka u tur oo kusoo laabo miiska wadahadalka”. Cabdullaahi Cali “Waa fashil waxa uu wadaa Xassan waa muddo kororsi sharci daro ah. Puntland, Jubaland iyo SSC Khaatumo waxba talo kuma laha mana qusayso”. Eng. Maxamuud Jaamac “Waa la yaqaan halkay kusoo dhammaato waddadani Xasanoow ee intaan wakhtigu kaa lumin xaqiiqada kusoo dhawoow”. The post Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabada ay qaadeen Golaha Wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
  10. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku saabsan hirgalinta hindisaha horumarinta Adduunka, iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar. Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixino ku saabsan halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029) iyo Bulshada Bariga Afrika. Waxaa kale oo warbixin laga dhagaystay Wasaaradda Beeraha oo ka warbixisay wax-soo saarka dalka iyo xaaladda Beeraleyda Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweysay tallaabo ay Arbacadii shalay qaadeen Golaha Ammaanka ee QM oo ansixiyay qaraar ogolaanaya in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) loo wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay (UNCT) muddo labo sano ah kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya. Qaraarkan oo ay Golaha horgeysay UK, ayaa waxaa u codeeyay dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sidoo kale waxaa qaraarka lagu sheegay in xilliga kala guurka ah howlaha taageerada Qaramada Midoobay ee dalka loogu yeeri doono howlgalka KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS). Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si weyn loogu boggaadiyay go’aanka Golaha Ammaanka oo ansixiyay in howlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota. Wasaaradda ayaa sheegtay in dadaalkan ay horay u bixisay dowladda federaalka, isla markaana uu hadda miro dhalay, kuma yimid wada xaajood dhowr bilood u socday guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo UNSOM. “Waa guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Dowladda iyo shacabka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda. Hoos ka aqkhriso warsaxaafadeedka:- Dawladda Soomaaliya waxay soo dhowaynaysaa qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu sida aqlabiyadda ah ku ansixiyey in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la qaatay soo jeedinteedii ahayd in uu Howlgalka Siyaasadeed ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM laga billaabo maalinta Jimcaha ah ee bisha November kowdeeda uu noqdo, howlgal marxalad kala guur ah galaya, kaasoo magaciisu noqonayo UNTMIS. Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhammaantood isku waafaqay, qaraar-na ku soo saaray maanta in sidii ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay soo jeedisay uu kala guurkani ku dhammaado muddo laba sano ah, ayada oo muddadaas howsha UNSOM ay hadda hayso ay la wareegi doonaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha Qarammada Midoobay ee ka howlgala dalka. Soo jeedintan Soomaaliya oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay u gudbisay xubnaha Golaha Ammaanka bishii Agoosto isaga oo loo sii marsiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, waxay ku saleysan tahay wada xaajood dhowr bilood u socday Guddi farsamo oo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo UNSOM. Waa guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Dowladda iyo shacabka Soomaaliya. The post DF Somalia oo soo dhaweysay tallaabadii ay qaadeen Golaha Ammaanka ee QM appeared first on Caasimada Online.
  12. Salaadiinta, waxgaradka iyo gudida beesha East Burco Clan, oo xalay shir ku yeeshay hotel Barkulan ee magaalada BURCO, Ayaa isku Afgartay inay Si Adag uga jawaaban, Hadalkii Madaxweynaha somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey fagaaraha kheyriyada magaalada burco,kaas oo ku saabsana Jabhadii gacan libaax,taas oo madaxweynuhu Sheegay in sharciga la hor geyn doono Jabhadii Gacan,libaax iyo odayaashii magta u Qaaday Ciidamadii lagu laayey buurta gacan libaax Shir ay caawa isugu yimaadeen badiba Salaadiinta iyo gudida beesha East Burco Clan, isla markaana ay Wehelinayaan madaxda xisbiga wadani Ayaa laysla Af gartay 2 Qodob 1,inay salaadiinta beesha East Burco Clan ka jawaabto Hadalkii madaxweynaha Somaliland 2,inay Salaadiinta beesha East Burco Clan dib U Eegis ku sameeyaan Qodobadii shirka ceel-afweyn,isla markaana lays fahan siiyo isdiidooyinka siyaasadeed Ee Ururka Kaah Iyo Gudoomiyaha xisbiga wadani Waxaana Qodobada lagu dari doona Sidii loo dhisi lahaa Gudoomiye xirsi iyo Ururka KAAH, Sidoo kale salaadiinta Ayaa xoojin doona Sidii ay u meel marin lahaayeen qodobadii Shirka ceel-afweyn maadama Ay muuqatay in Xisbiga Kulmiye kasbaday badiba Quluubta beelweynta Bariga burco isla markaana weli ku leeyahay Taageero Aan la dhayalsan karin. Source
  13. Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns oo maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Agaasimaha ayaa kulan gaar la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe. Horaantii bishii January 2024 ayuu sidaan oo kale Muqdisho u yimid sarkaalkaan, xilligaas oo uu la kulmay Madaxweynaha iyo Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad. Source
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu caddeeyay mowqifkooda ku aadan go’aannada xasaasiga ah ee xalay kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka oo lagu go’aamiyay muddo kororsi 1 sano ah oo loo sameeyay madaxda dowlad goboleedyada, si dalka looga qabto doorashoo toos ah. Jubbaland ayaa si cad u diiday muddo kororsiga lagu dhawaaqay, waxayna sheegtay in iyadu aanay qayb ka noqon doonin heshiiska la gaaray. Sababta ay ku diiday muddo kororsiga waxa ay ku sheegtay in halkii sano ee hore loogu daray maamullada dalka aanay waxba ka fulin waxyaabihii lagu heshiiyay, isla markaana tallaabada hadda la qaaday ay dalka u horseedi karo firaaq dastuuri ah. Sidoo kale waxa ay Jubbaland shaaca ka qaaday in maamulladu ay iyagu u madax bannaan yihiin doorashadooda, sidaas darteeda ay doorashada Jubbaland ku dhici doonto waqtigeeda. “Jubbaland waxay xaq u leedahay iyada oo ilaalineysa in Firaaq dastuuri ah in uusan dhicin in Doorashada heerarka kala duwan ay ku dhacaan waqtigooda aysana dhicin mudo kordhin kale. Sida ku cad qodobka 80-aad ee dastuurka Jubbaland Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorahooyinka Jubbaland ayaa xaq u leh qabashada doorashooyinka golayaasha deegaaanka, Baariamaanka iyo Madaxtooyada” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maamulka Jubbaland. Waxaa kale oo Jubbaland ay warsaxaafadeedkan ku faah-faahisay sababaha ay uga baxday shirka, iyada oo ku dooday in ay soo jeedisay in la raadiyao maamullada maqan, sida Puntland iyo SSC-Khaatumo, balse dowladda federaalka ay ka hortimid soo jeedintaasi. Ugu dambeyn, Jubbaland ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed in loo istaago ilaalinta geeddi socodka dhismaha qaranka Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka dastuurka lagu heshiiyay. Tallaabada ay qaaday Jubbaland ayaa ku soo aadeysa xilli warmurtiyeedka laga soo saaray shirka golaha wadatashiga qaranka lagu go’aamiyay in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, isla markaasna la isku raacay in dib loo dhigo doorashooyinka maamul goboleedyada oo la qabtay bisha Septembar ee sannadka soo socda ee 2025-ka. The post Jubbaland oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan muddo kororsiga G/Wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
  15. Sacuudi Carabiya ayaa Arbacada maanta ah la filayaa in ay furto kulankii ugu horreeyay ee “isbahaysiga caalamiga ah” ee cusub si loo cadaadiyo dhismaha dowlad Falastiin, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. “Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hirgelinta Xalka Labada Dawladood,” ayaa bishii hore looga dhinaca qaaday shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Sacuudigu wakhtigaas, kaas oo isu keenay dalalka Carabta iyo Islaamka iyo dalalka Yurub. Kulanka todobaadkan ka dhacaya magaalada Riyadh ayaa la filayaa inuu socdo muddo labo maalmood ah, waxaana lagu soo bandhigi doonaa arrimo ku saabsan gargaarka bani’aadannimo, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta iyo dhiirigelinta sidii loo horumarin lahaa xal laba dowladood ah oo laga gaaro khilaafka Israel iyo Falastiin, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta. Midowga Yurub waxaa matali doona Sven Koopmans, oo ah wakiilka gaarka ah ee geeddi-socodka nabadda ee Bariga Dhexe, sida ay sheegeen diblomaasiyiin. Dagaalka Gaza ayaa dib u soo nooleeyay hadal haynta ku saabsan “xal laba dowladood ah” oo ay yeeshaan Israa’iil iyo Falastiin, ayaga oo ku wada nool nabad si isku mid ah, inkastoo falanqeeyayaasha ay leeyihiin hadafkaas wuxuu u muuqdaa mid sidii hore ka adag in la gaaro. Xukuumadda midigta-fog ee Israa’iil ee ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa weli si cad uga soo horjeeda qarannimada Falastiin. Sacuudi Carabiya, oo ah dalka ugu weyn ee dhoofiya saliidda, islamarkaana gacanta ku haya labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka, ayaa hakiyay wadahadalladii uu Mareykanka garwadeenka ka ahaa ee uu ku aqoonsan lahaa Israa’iil, kadib markii uu dagaalka Gaza ka dhex-qarxay dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Israa’iil. Bishii September, dhaxal-sugaha Boqortooyada, Amiir Maxamed bin Salmaan, ayaa sheegay in “dowlad madax-bannaan oo Falastiin” ay tahay shuruudda xiriir ay la yeeshaan Israa’iil. Ireland, Norway iyo Spain ayaa bishii May ku dhawaaqay inay aqoonsadeen dowlad Falastiin, taasi oo keentay in Israa’iil ay si caro leh uga jawaabto. Slovenia ayaa markiiba ku biirtay, taasi oo ka dhigaysa tirada waddamada aqoonsan dawlad Falastiiniyiin ah 146 ka mid ah 193 dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Dagaalka Gaza ayaa billowday kadib markii Xamaas ay weerar aan horey loo arag ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii October ee sannadkii hore, kaas oo sababay dhimashada 1,206 qof oo u badan rayid, sida lagu sheegay tirokoob ay sameysay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa xogta rasmiga ah ee Israa’iil. Weerarada aargoosiga ah ee Israa’iil ayaa ugu yaraan 43,061 Falastiiniyiin ah ku dilay Gaza, kuwaas oo u badan dad rayid ah, sida laga soo xigtay tirokoobyada wasaaradda caafimaadka ee Gaza ee Xamaas maamusho, oo Qaramada Midoobay u aragto in la isku halayn karo. Dagaalka labada dhinac ayaa kadib ku sii ballaartay Lubnaan halkaasi oo ay ku dagaalamayaan dagaal-yahannada Xizbullah iyo ciidamada Israa’iil. Dagaalku waxa uu Lubnaan ku dilay in ka badan 1,700 oo qof tan iyo September 23, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa tirooyinka wasaaradda caafimaadka, inkasta oo tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay intaas ka badan tahay. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 37 askari ay ku dhinteen ololahooda Lubnaan tan iyo markii ay billaabeen howlgallada dhulka 30-kii September. Source
  16. Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si cad uga horjeesatay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayay ku caddaysay Mowqifka Maamulkaasi ja taagan yahay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Dowlad Goboleedka Jubaland waxay si cad u diidday Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Madasha oo uu ku jiro Mudda kororsiga loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka kuwaasi oo Mudd xileedkooda lagu kordhiyay mudda hal sano ah. Jubbaland waxay sheegtay in doorashadeeda ay u madax banaan tahay oo ay qabsan doonto xilligeeda waxayna ugu baaqday Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in la ilaaliyo Dastuurka iyo xeerarka u yaala dalka. Warsaxafadeedka Jubbaland ayaa sidoo kale ku sheegtay in heshiiskii horey u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah in uu fashilmay, maadama aan weli la xorayn degaanadii lagu ballamay in Al-shabaab laga saaro. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka Jubaland PUNTLAND POST The post Jubaland oo si cad uga hortimid Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Madasha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/464964389_571153128620207_2719063821549558494_n.mp4 Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ee khilaafku uu kala dhaxeeyo ay ka dowlad federal ahaan kala hadlayaan tabashadood, horreyna ay ula hadleen. Madaxweynaha waxa uu rajo ka muujiyay in is mari-waaga jira uu meesha ka bixi doono, maadama sida uu sheegay mas’uuliyiintaan ay horey qayb uga ahaayen go’aanno masiiri ah oo dalka lagu hoggaamiyay. Hadalkaan ayuu ka sheegay madaxweynuhu kulan casho ahaa oo xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya uu habeen hore ugu sameeyay magaalada Muqdisho , waxaana uu ka dalbaday kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga baarlamaanka. “Walaalaheen waa la hadleynaa, awalna waa la hadalnay waa daba joogeynaa haddii ay naga ogolaadaan inaan u tegno waan u safreynaa, haddii ay naga ogolaadaan inay noo yimaadaan waan baryeynaa inay noo yimaadaan dhib iyo colaad halkaan kasoo jirto malaha, iyagana waa dad mas’uuliyiin oo sharaf iyo karaamo leh waayey,” ayuu sii raaciyay. Hadaba maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii uu xalay madaxweynaha jeediyay, iyagoo sheegay in tasi aysan ahayn jawaabtii ay ka sugayeen madaxweynaha. “Madaxweyne Xasan xujooyin badan baa ku maqnaa oo caleemo saarkii madaxweyne Deni oo isagana ka soo qeybg-galay ayuu Deni dhigay gogol Soomaaliyeed madaxweynaha aqbalay markii uu Xamar tagayna uu gogoshii diiday taas waxaa xigay dhor goor oo kale oo ay ka mid ahayd maalintii Nabadda Adduunka waxa uu madaxweyne Deni goob fagaaro ah ka sheegay in Puntland ay wadahadal diyaar u tahay oo mas’uuliyiintii halkaas joogtay u sheegay inay farriintaas qaadaan weyna u geeyeen,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC-da la hadlay “Marka madaxweynaha hadalka maanta laga rabay oo anaga iyo Soomaaliba sugeynay ayaa waxay ahayd inuu yirahdo, waxaan aqbalay gogoshii uu fidiyay madaxweyne Saciid Cabullaahi Deni oo ahayd meel fagaaro ah aan ku garnaqsano, hadaanu gar leenahayna hanaloo garaabo, hadaanu gardarannahayna hanalaqabto ee ma ahayn inuu yirahdo walaalahay waan u tagayaa waxaynaa taasi ahayd,” ayuu intaasi ku daray. “Madaxweynaha waxa markii uu arkay xildhibaanada uu la kulmay uu kala hadlayay in la meel-mareeyo doorashada qofka iyo codka ah ee uu doonayo Khamiista loogu meel-mariyo ayuu ogaaday in wax aan heshiis lagu ahayn aanu socon doonin, madaxweynaha waxaanu ogeyn in Puntland ay mar hore go’aan ka gaarto inta lakala maqan yahay wax allaale wixii sharci ku saabsan ee la gaaro inaanay agteeda ka soconeyn oo aanu sharci noqon doonin waxaan heshiis lagu wada ahayn.” Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meel xun uu gaaray khilaafka dowladda, federaalka, Puntland iyo Jubaland oo aan ka soo qayb galin wajiga labaad ee shirka oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka kuwaas oo dhaliyay muran xoogan, maadaama ay isku khilaafeen saddexda dhinac. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in aan laga hadli karin doorasho iyo masiirka umadda ilaa shirka laga heshiiyo waxyaalaha qaar. Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xamse ayaa isku day badan sameeyay si Axmed Madoobe ay ugu qanciyaan ajandahooda Siyaasadeed balse kuma aysan guuleysan. The post Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Xasan ee ahaa inuu la hadlayo Deni iyo A/Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka horyimid Qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Muqdisho oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland. Mudane Farmaajo ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu si cad meel iska dhigay waajibkiisii qaran ee ilaalinta dastuurka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu wax aad looga xumaado ku tilmaamay in uu si ku talagal ah u go’aansaday in talada iyo go’aannada masiiriga ah uu bannaanka ka dhigo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda dalka oo muhiim u ah midnimadda iyo hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay. “Waxaa cad in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu meel iska dhigay waajibkiisii qaran ee ilaalinta dastuurka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaana wax aad looga xumaado ah in uu si ku talagal ah u go’aansaday in talada iyo go’aannada masiiriga ah uu bannaanka ka dhigo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda dalka oo muhiim u ah midnimadda iyo hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay.” “Haddaba, go’aannada ay soo saareen qaar ka mid ah xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranku waa kuwa aan xambaarsanayn aragti heer qaran ah oo u adeegaysa midnimadda iyo nidaamka heshiiska lagu yahay, sidoo kalena waxa ay hareer marsan yihiin sharciga iyo dastuurka dalka” ayuu yiri Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib qoraal uu soo saaray markii uu soo baxay War-murtiyeedkii Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. “Madaxweynaha Dowladda Federaalku malaha awood dastuuri ah oo uu ku hor istaagi karo doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedyada ee muddo xileedkoodii dhammaaday, sidaas awgeed, warka ka soo baxay shirka Madasha aan loo dhammayn ee Wadatashiga Qaran waxa uu halis gelinayaa xasilloonida iyo matalaadda siyaasadeed ee aas-aaska u ah dowladnimada iyo doorashooyinka” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu si buuxda u taageerayo in Dowlad Goboleedyada muddo xileedkoodu ka dhammaaday ay qabtaan doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtinimada, si ay u helaan sharciyad iyo muddo xileed dastuuri ah, annagoo adkaynayna mowqifka Dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku aaddan qabashada doorashada Madaxtinimo ee maamulkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne hore Farmaajo oo si adag uga horyimid Jihada uu dalka u dhaqaajiyay Madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.
  20. 𝗔 𝗧𝗮𝗹𝗲 𝗼𝗳 𝗧𝘄𝗼 𝗟𝗲𝗮𝗱𝗲𝗿𝘀: 𝗪𝗵𝘆 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗡𝗲𝗲𝗱𝘀 𝗗𝗿. 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝗵𝗺𝗮𝗻 𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼’𝘀 𝗩𝗶𝘀𝗶𝗼𝗻𝗮𝗿𝘆 𝗟𝗲𝗮𝗱𝗲𝗿𝘀𝗵𝗶𝗽 𝗡𝗼𝘄 𝗜𝗻𝘁𝗿𝗼𝗱𝘂𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻: 𝗔 𝗣𝗶𝘃𝗼𝘁𝗮𝗹 𝗠𝗼𝗺𝗲𝗻𝘁 𝗳𝗼𝗿 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 As Somaliland approaches a pivotal moment in its history, the choice between two distinct leaders—Dr. Abdirahman Mohamed Abdillahi Cirro and President Muse Bihi Abdi—could not be starker. Recent interviews and public addresses have highlighted the contrasting approaches of these leaders regarding leadership, unity, and their vision for the future. 𝗗𝗿. 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝗵𝗺𝗮𝗻 𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼: 𝗔 𝗟𝗲𝗮𝗱𝗲𝗿 𝗖𝗼𝗺𝗺𝗶𝘁𝘁𝗲𝗱 𝘁𝗼 𝗨𝗻𝗶𝘁𝘆 In a widely circulated interview, Dr. Abdirahman Cirro exemplified the qualities of a leader truly dedicated to the nation’s well-being. His thoughtful and forward-looking responses reflect an understanding of the deep-seated issues facing Somaliland. Dr. Cirro’s calm demeanor and focus on reconciliation showcase a leadership style that heals rather than inflicts wounds. 𝗣𝗿𝗲𝘀𝗶𝗱𝗲𝗻𝘁 𝗠𝘂𝘀𝗲 𝗕𝗶𝗵𝗶: 𝗔 𝗟𝗲𝗮𝗱𝗲𝗿𝘀𝗵𝗶𝗽 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗲𝗱 𝗯𝘆 𝗗𝗶𝘃𝗶𝘀𝗶𝗼𝗻 Conversely, President Muse Bihi’s recent interview with the BBC revealed his inability to account for his administration’s failings. When confronted with critical questions about the Las Anod conflict and military setbacks, Bihi’s evasive responses indicated a troubling lack of accountability and understanding of the situation’s gravity. 𝗗𝗶𝘀𝗵𝗲𝗮𝗿𝘁𝗲𝗻𝗶𝗻𝗴 𝗥𝗵𝗲𝘁𝗼𝗿𝗶𝗰 𝗮𝗻𝗱 𝗠𝗶𝘀𝘀𝗲𝗱 𝗢𝗽𝗽𝗼𝗿𝘁𝘂𝗻𝗶𝘁𝗶𝗲𝘀 President Muse Bihi’s speech in Burco on October 28 disheartened many Somalilanders. Instead of promoting unity, his words were filled with division and disrespect towards the traditional leadership of the East Burco Clan clan. By undermining a key pillar of Somaliland’s peace-building efforts, Bihi alienated rather than bridged divides. 𝗗𝗿. 𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼’𝘀 𝗩𝗶𝘀𝗶𝗼𝗻: 𝗕𝘂𝗶𝗹𝗱𝗶𝗻𝗴 𝗮 𝗨𝗻𝗶𝘁𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 In stark contrast, Dr. Abdirahman Cirro’s approach is characterized by calm, inclusive leadership. He has articulated concrete plans for addressing Somaliland’s pressing issues, from political reform to effective governance. Cirro respects traditional leadership and views critics as part of the democratic dialogue necessary for progress. 𝗧𝗵𝗲 𝗖𝗮𝗹𝗹 𝗳𝗼𝗿 𝗖𝗵𝗮𝗻𝗴𝗲: 𝗠𝗼𝘃𝗶𝗻𝗴 𝗕𝗲𝘆𝗼𝗻𝗱 𝗗𝗶𝘃𝗶𝘀𝗶𝗼𝗻 Somaliland’s current administration has faltered in multiple areas, leaving citizens yearning for change. The failures of President Muse Bihi’s leadership are evident in his inability to provide a cohesive vision for the future, particularly regarding the Sool region. 𝗗𝗿. 𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼: 𝗔 𝗛𝗼𝗽𝗲𝗳𝘂𝗹 𝗔𝗹𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝘃𝗲 Dr. Abdirahman Cirro represents a refreshing alternative with his inclusive vision and clear plans for the future. He seeks to foster a Somaliland where all voices are heard and valued, emphasizing the importance of collective unity and service. 𝗖𝗼𝗻𝗰𝗹𝘂𝘀𝗶𝗼𝗻: 𝗔 𝗖𝗵𝗼𝗶𝗰𝗲 𝗼𝗳 𝗣𝗿𝗼𝗳𝗼𝘂𝗻𝗱 𝗜𝗺𝗽𝗼𝗿𝘁𝗮𝗻𝗰𝗲 As the November 13, 2024 election approaches, Somaliland faces a critical choice between a leadership of division and one of vision and unity. The stakes are high, and the nation cannot afford another term marked by broken promises and divisive rhetoric. 𝗔 𝗖𝗮𝗹𝗹 𝘁𝗼 𝗔𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻: 𝗩𝗼𝘁𝗲 𝗳𝗼𝗿 𝗨𝗻𝗶𝘁𝘆 The time has come for Somaliland to embrace a new era of leadership—one that values traditional wisdom, accountability, and national unity. By voting for Dr. Abdirahman Cirro, Somalilanders will choose a future defined by peace, hope, and opportunity. Let us reject the politics of division and choose a leader who will unite our nation and guide us toward a brighter future. 𝗕𝘆 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗛𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗠. 𝗠𝘂𝘀𝗮 Public Relations Secretary of Waddani Party E-mail: halimusa4@gmail.com Borama, Awdal Region, Rep. of Somaliland 𝗧𝗵𝘂𝗿𝘀𝗱𝗮𝘆, 𝟯𝟭𝘀𝘁 𝗢𝗰𝘁𝗼𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟰 Qaran News
  21. Mogadishu (HOL) — Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre met with the Speaker of the Djibouti Parliament, Dileita Mohamed Dileita, and his delegation on Wednesday night in Mogadishu to discuss strengthening bilateral relations. Source: Hiiraan Online
  22. Ku dhawaad ​​100 haween ah ayaa lagu dilay dalka kenya saddexdii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo dhibaatada iyo halis dumarku ay jawahayaani ay sii kordhayso, sida laga soo xigtay laamaha nabad-gelyada dalkaas. Agaasimaha Hay’adda Adeegga Bilayska ee Qaranka (NPS) iyo Agaasinka Dembi-baarista (DCI) ayaa sheegay in kiisaska dilka ay si joogto ah u soo badanayeen labadii sannadood ee u dambeeyey, waxanay wacad ku mareen inay wax ka qaban doonaan dhibaatada. Xogtan ay laamaha nabad-gelyadu sheegeen ayaa ku soo beegantay iyadoo ay jiraan baaqyo ku aaddan isla xisaabtanka iyo kordhinta dacwad-ku-soo oogista dambiilayaasha. Arrintan ayaa sawir xun ka bixinaysa heerka badbaadada haweenka dalka Kenya , waxaana saddexdii bilood ee la soo dhaafay oo keliya la sheegay 97 kiis oo isugu jira dilal iyo tacadiyo kala oo dumar loo geystay, sida laga soo xigtay taliska booliska. Source: goobjoog.com