Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa dhowr jeer soo noqnoqday warka ah maamul-goboleed hebel ayaa DIIDAY inuu ka qeyb-galo shir ay Dowladda Federaalku martigelisay. Murti baa aheyd “Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo.” Mid kalaa aheyd: “Hal maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa.” Hoggaamiyeyaal nasiib u helay in lagu aammino danaha maamul-goboleedkooda ayaa awooddooda siyaasadeed u adeegsanayo inay curyaamiyaan qaranka. Waxay hor taagan yihiin in Soomaaliya gaarto QARANNIMO buuxda. Kaaga daranee xilliga ay sidaas sameynayaan waa qarnigii 21-aad. Waa qarni aysan dunidu u shaqeyn sida ay rabaan maamul-goboleedyadu. Laakiin hoggaamiyeyaashaas way yaqaannaan sida shacabka loo marin-habaabiyo. Waxay isticmaalaan MARMARSIINYO eed iyo ceeb loogu raadinayo Dowladda Federaalka iyagoo ku celcelinayo ereyadan: “Dastuurkii baa la jebiyay! Dastuurkii baa la jebiyay! Dastuurkii! Alla dastuurkii qaranka!!” Haddii xitaa ay taasi run tahay, maxaa xalka ka dhigay inay dudaan, oo diidaan miiska wadahadalka? May u turaan dalka iyo dadka? Doodda canaadka ah ee hoggaamiyeyaashu waxay iska noqotay ma dhammaato. Haddii loo yeelo hal arrin, waxay la iman shuruud cusub oo canaad ah. Waa kuwan leh: “Shirka Muqdisho ee Oktoobar 2019 ma tegayno haddaan Jubbaland lagu marti-qaadin.” Waa laga yeelay. Taa caksigeeda, bishii May 2019 waxay maamul-goboleedyadu Shahiid Injineer Cabdiraxmaan Yariisow oo gobolka Benaadir metelayay u diideen inuu ka qeyb galo shirka wadatashiga (inkastoo ay aakhirkii oggolaadeen). Mar kale waa kuwan: “Shirka Muqdisho ee July 2020 ma tegayno oo waa in annaga oo maamul-goboleedyo ah marka hore soo tashannaa.” Waa laga yeelay. “Shirka waa in laga raro Muqdisho. Waa in Dhuusamareeb lagu kulmaa.” Waa laga yeelay. “Shirka Dhuusamareeb 3 ma tegayno haddaan la dhisin raysalwasaare cusub — xitaa hadii la dhiso raysalwasaare cusub ma aaminayno Dowladda Federaalka ilaa uu shisheeye dhexdeenna soo galo.” Halkaas ayay doodda hoggaamiye-goboleedyadu maraysaa. Haddii xitaa intan loo yeelana waxaa ku xigto canaad iyo luggooyo cusub: “Shirka soo socda ee Dhuusamareeb 3 ha loo raro meerayaasha Waxaraxir (Venus) ama Farraare (Mars).” Runtii, Quraanka Xakiimka ah ayaa si xeel dheer u sawiray hab-dhaqanka qofka wax diiddan ee CANAADIGA ah — diintuu doono ha haystee. Qoraal ahaan, qaababka ugu fiican ee qof lagu baro akhristaha waa in qofkaa laga hadalsiiyo – qaabka uu qofka sheekada ku jiro u hadlo ayaa noqota daaqad laga daawan karo shakhsiyaddiisa. Ma xal-doon baa? Mise daneyste? Ma lillaahi baa? Mise laqdabo? Hal tusaale waxaa inaga kaafiyo Aayadaha 89-93 ee Suuradda al-Israa. Bal ila arka shuruudihii canaadiga ahaa ee hoggaamiyeyaashii reer Makko oo dul-mar ah: “Nebiyow aan ku raacnee bal horta 1 – dhulka ka jeex ilo biyo ah oo burqanayo; 2 – keenso oo hadda na tus beer leh geedo ah timir iyo canab – beertaas oo weliba leh webiyo dhex qulqulayo; 3 – ama cirka nagu soo dumi isagoo gobol gobol ah; 4 – ama horteenna keen Eebbe iyo malaa’igta; 5 – ama noqo mid heysto guri dahab ah; 6 – ama kor samada sare, xitaa haddii aad samada kortid kuma raaceyno ilaa aad la soo degtid kitaab aan akhrinno.” Waa taas shakhsiyadda qofka canaadiga ah. Ujeedka intaas oo su’aalo waxay aheyd in la canaado danta Islaamka. Danta Islaamku waa maxay? Waa in ummaddu guuleysato if iyo aakhiro. Sidoo kale, war-murtiyeedyada ay soo halgaadayaan hogaamiye-goboleedyaduna waa canaad iyo curyaamin qaran. Gunaanadkii, xal-diidnimo waa dan-seegnimo. Shacabka Soomaaliyeed ma mudna canaad iyo hagardaamo. Ilaa soddon sano ayay Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay hoggaamiye jagada uu hayo u arko turub siyaasadeed (halkii ay aheyd inuu jagadaas uga faa’iideeyo dib-u-dhiska qarankiisa). Haddaan rajo wax ka fahansanahay, Soomaaliya way dhaqaaqi si walba oo loo hagardaameeyo. Alle idinki. Wabillaahi Towfiiq Cabdullaahi Janno – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Abdullahi.Janno@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Aqoonyahanno iyo axsaab kala duwan oo la hadlay Goobjoog News ayaa meesha ka saaray baahida loo qabo horkeenista goleyaasha sharci dejinta ee federaalka ah heshiiska doorashada ee Dhuusamareeb 3, iyaga oo ku taliyey in wixii halkaasi la isku afgarto ay ku koobnaad labada gole ee heer federaal, waxaa kale oo ay ka digeen in Farmaajo uu Dhuusamareeb geeyo wixii uu la joogay Villa Somalia oo ah kutumashada sharciyada. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhuusamareeb 3 Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Xogta Aqoonyahanada Ee Dhuusamareeb 3 Aqoonyahanno iyo Axzaab: Heshiiska Dhuusamareeb 3 Looma Baahna In Lagula Soo Noqdo Golaha Shacabka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa markii u horeysay soo jeediyay in xukuumada Muuse Biixi ay aqoonsato dowladda Yuhuuda ee Israel. Xildhibaanka ayaa ku doodaya in Israel ay ku dhiiran karto ictiraafka ay mudada badan baadi-goobeysay Somaliland, haddii ay u aqoonsato dowladda jirta oo dhulkaasi leh, waa sida uu hadalka u dhigaye. Nac-Nac ayaa sheegay in kala duwanaashaha diimaha aysan wax saameyn ah ku yeelaneyn xiriirada diblumaasiyadeed iyo dadaalada ay ugu jirto ictiraaf raadinta. “Somaliland waa inay ictiraafto dowladda Israel, inagu isku diin ma nihin ee aynu aqoonsano inay tahay dowlad jirta oo dhul leh, iyaguna wey na ictiraafayaan” ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay in aqoosniga Israel uu horseed u noqonayo in Somaliland ay hesho ictiraaf buuxa, isla markaana ay noqoneyso dalkii u horeeyay ee aqoonsada, xili ay arrinkaasi weli ka war-wareegayaan dalal badan oo xiriir fiican uu kala dhaxeeyo. Hadalka Xildhibaanka ayaa imanaya xili ay Somaliland bogaadisay heshiis ay dhawaan wada gaareen Israel iyo Imaaraadku, kaasi oo dhigayay inay Israel joojiso deegaamayntii ay ka wadday Dhulka Falastiin.
  4. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa,kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba ayaa hambalyo u diray Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa. Majaladda Leadership Magazine ayaa shaacisay guuleystayaasha abaalmarinta Hogaaminta Ganacsiga Afrika 2020 oo sanadkiiba soo bandhigta mar, guulaystayaasha sanadkan, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed shìde, isagoona ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale Dowladda iyo shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyey guushani ay gaareen, taasi oo muujinaysa horumarinta dhaqaalaha, hufnaanta iyo shaqo wanaagga ka jirta nidaamka Maaliyadeed ee dalkaasi, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay inay muhiim tahay in lagu tartama horumarka Gobolka, wax la kala barto oo laysku dhiirigeliyo waxkasta oo wanaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa bahdilay Imaaraadka Carabta maalmo un kadib markii Abu Dhabi ay noqotay dalkii saddexaad oo Carbeed oo xiriir la yeesha Israel. “Israel marna ma ogolaan doonto in Maraykanku uu diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay F-35 ka iibiyo Imaaraadka Carabta,” ayuu Twitter-ka ku sheegay Benjamin Netanyahu. “Sababtu waxay tahay waa in militariga Israel uu sii ahaado kan ugu sareeya ugu awoodda badan gobolka Bariga Dhexe,” ayuu yiri. Hadalkaan ayaa yimid kadib markii wargeyska Yedioth Ahronoth uu wariyay in maamulka Donald Trump uu qorsheeyey in uu Imaaraadka la galo heshiis uu uga iibinayo Diyaaradaha F-35, kadib markii uu ka qayb qaatay dib usoo celintii xiriirka Imaaraadka iyo Israel todobaadkii lasoo dhaafay. Safaaradda Maraykanka ee Qudus iyo wakiilada Imaaraadka midkoodna weli kama uusan hadlin arrintaan. Heshiis muddo dhexeeyay Maraykanka iyo Israel awgiis, Maraykanka ayaa ka gaabsaday iibinta hubka ee Bariga Dhexe kaasi oo wax u dhimaya tayada militariga Israel. Taasi waxaa lagu dabaqay diyaaradaha F-35, oo loo diiday dalalka Carbeed, halka Israel ay iibsatay islamarkaana loo geeyay. “Kadib wada-hadalladii dib usoo celinta xiriirka ee labada dal, Israel ma aysan bedelin meeshii ay ka taagneyd in hub laga iibiyo dal walba oo ku yaala Bariga Dhexe, hubkaas oo keeni kara sinaan militari,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Netanyahu. Taas waxaa ka mid ah, iibin kasta oo ku saabsan diyaaradaha F-35, ayaa lagu sheegay qoraalka. Maamulka Trump ayaa muujiyay in Imaaraadku ku guuleysan doono iibsi cusub oo hubka Maraykanka ah kadib markii xiriir soo celinta lagu dhawaaqay Khamiistii lasoo dhaafay. Wasiirka Tamarta Israel Yuval Steinitz ayaa xusay in xitaa hadii Maraykanku uu Imaaraadka ka iibiyo F-35 aysan khatar ku ahayn Israel, maadaama masaafada u dhaxaysa labada Dowladood ay kabadantahay in diyaaradu soo gaarto iyadoon shidaal kale helin. Si kastaba, hadalka Netanyahu ayaa muujiyey sida heshiiska Imaaraadka Carabta la galeen uu u yahay mid hal dhinac ah oo Abu Dhabi aysan wax faa’iido ah aysan ku qabin, marka laga reebo inay heshiiska ku ogolaatay cabsi iyo cadaadis kaga yimid Washington iyo Tel Aviv.
  6. Hay’ada Kaalo oo inta badan ka shaqaysan arimaha qaxootigga iyo mashaariicda kalle ee la xiriirta arimaha biniaadanimada iyo u qareemida dadka nugul ayaa maanta Magaalada Qardho tababar uga furtay 25 qof oo isugu jirra Qaxootigga yamaniyiinta iyo Dad magan-galyo doonka ah ee ka soo baxsaday Itoobiya. Tababarkaan ayaa waxaa kasoo qayb-gallay Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Gobolka Karkaar waaxda qaxootiyadda iyi madaxda hay’adda KAALO ee Gobolka Karkaar, iyo ka faaidaystayaasha. Tababarkaan ayaa ahaa mid ka soo qeyb galaasha looga wacyi gelinayey tacadiyada ka dhanka ah dumarka iyo carruurta GBV Ugu horeyn waxaa tababarka furay Cabdi-jaliil Saciid Xaashi oo ah madaxa KAALO ee Gobolka Karkaar, waxa uuna sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay qaxootiga ku nool magaalada Qardho, taasi oo u horseedi karta in ay ka fogaaadan tacida ka dhanka ah dumarka iyo carruurta. Barkhad Xaamud Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Gobolka Karkaar Waaxda Qaxootiyadda ayaa xusay in KAALO ay u tagaan tahay in dadka qaxootiga wacyi gelinu sameyso, isla markaana difaacyo xuquuqdooda. Hay’ada Kaalo ayaa inta badan ka shaqaysa sidii qaxootiyadda loo bari lahaa xaquuqdooda, sidoo kalena loo siin lahaa kaalmo sharci hadii iyagga wax dhibaato ah loo gaysto. Hoos ka eeg Sawirada Tababarka PUNTLAND POST The post Hay’adda Kaalo oo Tababar u qabatay Qoxootiga Yemeniyiinta iyo Magan-gelyo doonka Itoobiya ee ku sugan Qardho appeared first on Puntland Post.
  7. Hambalyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ee Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka – 1442-ka. DHAMBAAL HAMBALYO AH : 19/08/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1442-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay Joogaan. Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Khamiis ah. Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo. Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in Sannadka 1442-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda. Kullu Caam Wa Antum Bikhayr Qaran News
  8. Mogadishu – Somalia’s international partners (listed below) welcome the arrival of the Federal Government leadership and that of several Federal Member States in Dhusamareb, on 15 August, to [...] The post INTERNATIONAL PARTNERS ENCOURAGE PARTICIPATION BY ALL LEADERS IN CRUCIAL ELECTIONS MEETING AND OFFER TO FACILITATE IMPLEMENTATION OF OUTCOME appeared first on . Source
  9. Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka (ee liiska hoos ku taxan) waxay soo dhoweynayaan in hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay magaalada Dhuusamareeb soo gaareen 15kii bishan Agoosto, si ay u billaabaan kulankooda xiga, sida qorsheysnayd. Waxay sidoo soo dhoweynayaan billowga hawsha guddiga farsamo ee wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta xulashooyinka hanaan doorasho oo la isugu tanaasulay oo la isku afgarto si madaxu uga baarandegaan. Saaxiibadu waxay si xooggan ugu dhiirigelinayaan madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda jooga magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan. Saaxiibadu waxay ku nuuxnuuxsanayaan inay muhim tahay in dhammaan madaxdu ay ka qaybqaataan shirmadaxeedkan si loo sii wado geeddi-socodka dhisidda isafgarad wadar-ogol ah, loona soo saaro heshiis ballaaran oo laga gaaro hanaanka doorashooyinka federaalka 2020/21 oo qanciya dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed. Waxay dhammaan madaxda xusuusinayaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta horumarka laga gaaray dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo ka soo bixidda ballammadii horey loo galay. Iyadoo tan la eegayo, saaxiibadu waxay mar kale adkeynayaan in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad isla markaana aan laga hirgelin karin iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socdaan waxyaabaha ka soo kordha kulanka magaalada Dhuusamareeb, waxayna dabagal ku sameynayaan tallaabooyinka lagu heshiiyo waxayna diyaar la yihiin inay bixiyaan hadba taageerada ay ka codsadaan dhammaan ka qaybgalayaasha si loo fududeeyo hirgelinta. *Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Denmark, Djibouti, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Holland, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Spain, Sweden, Talyaaniga, Turkey, Ugaandha, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xalay Taleefonka ka qaban waayay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xiriir la soo sameeyay, sida ay ogaatay warbaahinta Puntland Post. Madaxweyne Qoor Qoor, oo dhaleecayn kala kulmay hadal uu jeediyay Habeen ka hor, ayaa Xalay Kulan deg deg ah la qaatay xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda, kuwaas oo qaarkood u soo jeediyay in uu xal u raadiyo Tabashada Puntland qabto, islamarkaana ku soo qanciyo in ay ka qayb-galaan Shirka Dhuusamareeb 3. Sidoo kale, qaar ka tirsan Golaha Xukuumadda Galmudug, ayaa Qoor Qoor u soo jeediyay in uu si dhakhso ah Garoowe u tego, si meesha looga saaro Tuhunka ka abuurmay hadalkiisi habeen ka hor oo u muuqday mid taageersan Mowqifka Villa Somalia. Mudane Qoor Qoor, oo garowsan saamaynta uu yeeshay Hadalkiisi, ayaa la xaqiijiyay in uu xiriir toos ah la soo sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, balse aysan suurta-gelin in uu Khadka Taleefonka ku helo. Deni, ayaa sida la sheegayo Taleefonka ka qaban waayay Qoor Qoor, markii dambana Cajalad kaga xirtay, waxaana sidaasi ku fashilmay isku day uu Qoor Qoor ku doonayay in uu Madaxweynaha Puntland ku qanciyo ka qayb-galka Shirka Dhuusamareeb 3. PUNTLAND POST The post XOG: Deni oo Taleefonka ka qaban waayay Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.
  11. Somalia’s international partners (listed below) welcome the arrival of the Federal Government leadership and that of several Federal Member States in Dhusamareb, on 15 August, to begin their follow-up meeting, as scheduled. Source: Hiiraan Online
  12. Toddobaadkii ugu horreyay August 2020, Marwo Monica Juma oo ah Wasiiradda Difaaca Kenya, islamarkaasna ah Guddoomiyaha Kooxda Xiriirka Burcad-badeedda ee Xeebaha Soomaaliya ayaa ku dhaleeceysay Soomaaliya (Puntland iyo Somaliland) sii deynta burcad-badeed aan weli dhamaysan xabsigii lagu xukumay. Kenya waxaa loo doortay June 20, 2019 inay guddoomiso Kooxda Xiriirka Burcad Badeedda muddo 2 sanadood ah oo ka bilaabatay January 2020 kuna eg December 2021. Inkastoo warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay (QM) ay sheegayso in muddadii u dhaxeysay October 1, 2018 ilaa October 31, 2019 aan la soo tabin maraakiib lagu afduubay xeebaha Soomaaliya welibana la sii daayay 23 hawlwadeenno horey loo heystay, haddana Kenya waxay u ololeyneysaa sidii loo ballaarin lahaa hawlgalka kooxda iyadoo ka leh ujeeddooyin aan muuqan. Waxaase muuqata in Kenya aysan luminayn fursad kasta oo suuraggal uga dhigaysa inay wiiqdo awooda Soomaaliya. Dabcan, waxay ka faa’idsanaysaa xubunnimada Qolaha Amniga iyo kooxda Xiriirka Burcad-badeedka si ay u sii waddo weerarkeeda. Laga billaabo 2018kii burcad-badeedka Geeska Afrika wuxuuba gaaray ku dhaawad eber marka la barbardhigo xaadladda xeebaha Galbeerdka Afrika oo manta dhacdooyinka burcad-badeedda ay ka badan yihiin kuwa Soomaaliya qiyaas 20 jeer wax ka badan. (BBC. Rality Check 19.06.2019). 2010kii ayaa nidaamka aan rasmiga ahayn ee lagula tacaalayay caqabadaha burcad-badeednimada la go’aamiyay in loo hirgalayo sanduuq caalami ah oo ay maamulaan hay’addaha QM ee “UNDP iyo UNODC.” Shan sanadood kaddib waxaa muuqatay in heerka howlaha burcad-badeednimada ay hoos u dhaceen, walow dhibaatadii dhalisay aan waxba lagala qaban Soomaaliya, sida maraakiibta qashinka haraaaga warshadaha ku qubayay xeebaha iyo doomaha shisheeyaha ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysanayay biyaheeda. Si kastaba ha ahaatee, howsha Kooxda Xiriirka Burcad-badeedda waxay qayb ka tahay arrimaa sahlay in la xakameedeyo burcad-badeedka. Haseyeeshee waxay waxyeello ka soo gaartay tiro badan oo muhaajiriin (migrants) iyo kalluumeysato sabool ah, kuwaasoo loo qafaasho dembiyo aysan shaqo ku lahayn, kuna xiran xabsiyada Kenya, Mauritius, Seychelles, iwm iyagoo qaarkood lagu xukumay 30 ilaa 50 sanadood ah. Waxuu walwal ka taagan yahay xadgudubka la xiriira xukunnada ka dhaca dalalka ka baxsan Soomaaliya, kuwaas oo aan aqoon u lahayn dhaqanka Soomaalida naxariisna u heyn eedeysanayaasha. Intii ka horraysay 2019kii dalalkaas waxay u xilan jireen dhaqaale dhan 5 malyan doolar oo uu sanduuqa sanadwalba ku taageeri jiray dadaallada waddamadaas si loo daboolo kharashka la xiriira hawlaha booliiska, xeer ilaaliyeyaasha dacwadaha kiisaska, maxkamadaha iyo xabsiyada. Idaacadda BBC News oo waraysatay Charles Brown oo ka mid ahaa labada sharciyaqaano oo Seychelles u soo kireysatay si loo maxkamadeeyo dadka ku eedeysan burcad-badeedda ayaa yiri “doomaha aan soo qabannay si dhif ah ayay u leeyihiin qaboojiyeyaal ama xitaa u sitaan shabaqa kalluumeysiga” (BBC News 19/05/2013). Halkaas waxaa ka cad inaysan fikrad ka qabin dhaqanka kalluumeysata Soomaaliyeed iyo xaaladda uu dalka ku jiray. Garyaqaano uu doodayay shan eedeysaneyaal oo lagu soo oogay burcad-badeednimada ayaa u sheegay Qaadiga inaanay jirin wax caddayn ah oo muujinaya inay galeen dambiiga dacwadaha lagu heesto. Balse Qaadiga waxuu amrey inuu kiiska ugu dambeeya ee horyaal Maxkamada Seychelles uu dhageysan doono ilaa iyo dhamaadka, isagoo diidey mooshinkii qoraalka ahaa ee ay u gudbiyeen qareenka ee lahaa “inaysan jirin kiis jawaab laga bixyo” (Oceanuslive.org 10/06/2016). Soomaalidu waa dad reer guuraa ah oo uu kalluumeysigu ku yahay hab nololeed cusub. Dalku ma lahayn muddo yar ka hor qalab lagu farsameeyo barafka. Weliba doomaha kalluumeysatada yar yar maba laha mug lagu qaado qaboojiye lagu keydiyo barafka. Intaas waxaa dheer in dembiyada lagu soo eedeeyo ay ka mid yihiin inay wataan gudin amase ay qabsadeen Markab kalluumeysi oo ku jira biyaha Soomaaliya (EUNAVFOR.EU 7/06/2019). Iyadoo aan la dafiray dambiyada burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya, haddana maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya ayaa weerara kalluumeysatada Soomaaliyeed iyagoo kalluumeysatada maxalliga ah ay ka aargoosanayaan maraakiibtaas (Re.Thinkearth 04/12/2019). Mararka qaarkood eedeysanayaasha aan waxba qorin amase akhrin ayaa lagu qasbaa inay xuquuqdooda racfaan ka tanaasulaan iyadoo aysan helin tarjubaan karti u leh luqadda qalaad. Maxkamadaha dacwad ku soo ooga eedeysanayaasha iyo Qaramada Midoobay midkoodna xaq u ma laha inay xadgudub bani’aadinimo oo intaas le’eg kula kacaan dadka Soomaaliyeed ee aan muddo dheer lahayn dowlad daafacda. Dhinaca kale, dadaallada beddelida fikradaha oggolaanshaha burcad-badeednimada iyo dhisidda awoodaha sharci ee maxkamadaha Dowladda Federalka ah iyo kuwa Maamul-goboleedyada ayaa gacan muuqata ka geystay hagaajinta xaaladda xeebaha dalka. Tobankii dhacdooyin burcad-badeednimo iyo afduub madaxfurasho ee ka dhaca badaha qaaradda Afrika 9 ka mid ah waxay ka dhacaan Galbeedka qaaradda “Gulf of Guinea” (DW 14/02/2020). Baaqa Marwo Monica Juma waxuu si toos ah amase dadban ugu socdaa shirkadaha shidaalka ee daneynaya inay u tartamaan qandaraaska baarista shidaalka xeebaha Soomaaliya. Nairobi waxay dunida shidaalka ee dooneyso inay maalgashato dalka maqalsiineysaa inaysan Soomaalidu u madaxbannaanayn dhulkooda weliba Badweynta Hindiya. Siyaasadda dhul ballaarsi ee Kenya waxay xadgudub ku tahay xaquuqa madaxbanaanida Soomaaliya mana laga yeeli doono. Inkastoo kalluumeysiga sharci darrada uu ka mid yahay dembiyada caalamiga sanad walbana Soomaaliya ay kaga lumto boqollaal malyan oo doolar, haddana uma muuqato in QM iyo dalalka horumaray mid koodna ay gacan wax ku ool ah ka gaysan doonaan mustaqbalka dhow dib u dhiska awoood Dowladda Federalka si ay u hesho qaab dhismeed maamul ka ilaaliya xaalufinta kalluumeysiga sharci darrada ah. Golaha Amniga QM waa inuu xisaabta ku darsadaa inay jiraan boqolaal baro-dabiici ah oo ay ku soo xiran karaan doomanka xagjirta. Taasi waxay waajib ka dhigaysa in dowladda Soomaaliya gacan lagu siiyo sidii ay u ilaashan lahayd xeebaheedda, si nabada gobolka iyo tan aduunka loo dhowro!
  13. Waxaa maanta dibad-bax ballaaran uu ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo ay dhigeen boqolaal shacab ah. Banaan-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday fal Kusfi ah oo la sheegay in loo geystay wiilal yar-yar oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi. Dibad-baxayaasha ayaa watay sawirro iyo boorar ay ku xardhanaayeen erayo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin falkaasi. Sidoo kale waxa ay sheegeen inay soo dhoweynayaan go’aankii Koonfur Galbeed ee lagu toogtay laba nin oo la sheegay inay qirteen Kufsigaasi. Caruurta la waxyeeleeyey ayaa mid ka mid ah uu geeriyooday, halka kan kalena haatan la soo warinayo inay liidato xaaladdiisa caafimaad. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  14. Taiwan has been courting Somaliland, a breakaway region of the failed state of Somalia. As Wikipedia puts it, “Somaliland, officially the Republic of Somaliland, is a self-declared state, internationally considered to be part of Somalia.” Some are wondering if China will react with a heavy hand. I think they’ll largely ignore it. Here’s why. What happened in Somaliland was the establishment of a representative office, not an embassy. This is common practice for Taiwan around the world in the countries that have switched recognition (i.e. official diplomatic ties) from Taiwan to Beijing. (The photo here is courtesy of Wikipedia and shows a similar office in the UK.) Taiwan has had a representative office just like this since 1979 in Washington, DC and in 12 other locations around the United States. It has similar offices in at least 57 other countries that are important for Taiwan’s trade and consular activities. Beijing doesn’t fight these, aside from pressure to have them located in commercial centers (e.g. Lagos, in Nigeria’s case) rather than diplomatic capitals (Abuja). After all, despite the tension of geopolitics, the island and the east coast of China 100 miles away have had their own thick web of family and business ties: around $180 billion in cumulative investment from Taiwan into China as of 2019. The world has welcomed investors from Taiwan, and trade with Taiwan, just as China has. Yes, it’s newsworthy and yes, it’s no doubt annoying to Beijing, but the office established in Somaliland (a region of the legally recognized state of Somalia) is juridically no different than the 12 regional offices Taiwan has in the United States. Or the dozens of similar representation offices in Nigeria, South Africa and around the world. It was not the act of a sovereign state. It can be ignored, and I predict it will be (officially, at least). Diplomatic recognition with a real, internationally recognized sovereign state, is a different kettle of fish. And Taiwan gaining an official seat in international organizations that are reserved for states: that’s politics, not commerce. That’s why Beijing fights with tooth and nail to keep Taiwan out of international organizations. It’s not just de facto recognition, it’s de jure. It’s helpful also to remember–especially these days as we seem to be sliding blindly into a new Cold War–how the Taiwan-China diplomatic struggle came about, and the role the United States played. A Short History of US-China-Taiwan Relations and Why it Matters for Africa I lived in Taiwan from 1979 to 1980 doing four hours a day of intensive Mandarin and teaching English to support myself. I remember this as one of the happiest years of my life. But my time in Taiwan was also a time of great uncertainty for the island. At the end of 1978 the United States had finally established diplomatic ties with Beijing, breaking them with the Republic of China (Taiwan). The US withdrew the large military garrison we had established there. No one was sure what would happen next. It seems to be largely forgotten in Washington today that the “Taiwan issue” was jointly created by Japan, which took the island of Taiwan from China in 1895 after attacking the crumbling Qing empire (see 1895 Treaty of Shimonoseki) and the United States, which used our naval forces to (peacefully) intervene in the Chinese civil war during the 1950s. Here’s a quick reprise of our US role. In 1945, after losing World War II, Japan returned the island of Taiwan to China, then governed by the Kuomintang (KMT, the National People’s Party), which was fighting a civil war against the Chinese Communist Party (CCP). In 1949, when the communists were about to win the war in China, the KMT fled to Taiwan, 100 miles offshore. In 1950, after the outbreak of the Korean War, the US established a naval blockade between Taiwan and mainland China, sending the Seventh Fleet to patrol the Taiwan straits. We then signed a mutual defense treaty with the KMT in Taiwan. We organized an international trade embargo against China that lasted for 21 years (Nixon lifted it in 1971). And between 1949 and 1971, the United States blocked Beijing from taking the China seat in the United Nations, keeping the KMT government artificially propped up as “China”. So why does all this Cold War history matter for Africans? First, it was largely the African governments of countries emerging from colonialism in the 1960s that provided the votes in 1971 that enabled Beijing to be seated at the United Nations. The 54 legally recognized countries on the African continent were (and remain) hugely important in China’s diplomacy. Second, the Cold War, of course, is no longer a distant memory. And the fingerprints of the Trump administration are not a mystery in this story. Here’s Taiwan’s press release on the opening of the office: “Taiwan’s Minister of Foreign Affairs Joseph Wu (吳釗燮) posted on Twitter on Aug. 9 to welcome [the arrival of Taiwan’s representative in Somaliland] and thank the U.S. National Security Council for its positive feedback on the emerging ties between Taiwan and Somaliland.” Let’s hope that I’m right, and that the ripples from this little story in far away Somaliland do not go down in history as one of the first shots of something worse than a cold war. It can’t be repeated often enough that in the Cold War as it was fought across Africa–from Mozambique to South Africa, from the Congo to Angola–there were no winners when the elephants fought. The grass was trampled. Deborah Brautigam Director of the China Africa Research Initiative (CARI) and Bernard L. Schwartz Professor at Johns Hopkins University’s School of Advanced International Studies (SAIS) in Washington, DC. Author of Will Africa Feed China? (OUP 2015); The Dragon’s Gift: The Real Story of China in Africa (OUP 2011); Chinese Aid and African Development (Macmillan 1998). Source: China Africa Research Initiative The post What are Taiwan, China, and the United States Doing in Somaliland? appeared first on Puntland Post.
  15. Somaliland ayaa bayaan ka soo saartay go’aanka dawladda Federaalka Soomaaliya ay kaga soo horjeesatay xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland. Source
  16. Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka awgeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyaiyo Qaramada Midoobay waxay ku baaqayaan in laga qayb qaato bedqabka shaqaalaha gargaarka ee ku howlan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan. “Sannadkan, Maalintan Bini’aadamnimada Adduunka waxay ku soo aadday waqti adag oo ay jirto halis saddex- geesood ah (Koroona Fayras, fatahaado iyo ayaxa) ay uga sii dareen xaaladda bini’aadamnimo ee daba dheeraatay ee Soomaaliya,” ayuu yiri Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya, Mr. Adam Abdelmoula. “Bahda gargaarku waxay qiyaasayaan in 5.2 milyan oo qof ay u baahanyihiin kaalmo bini’aadamnimo sannadkan 2020, weliba xaalku wuxuu hadda u muuqdaa inuu ka sii daraayo. Ilaa 3.5 milyan oo Soomaali ah ayaa la qiyaasayaa ineysan heli doonin cunto ay ku noolaadaan bisha Sebteembar. Si looga gudbo faqriga ay keeneen mashaqooyinka bini’aadamnimo,waxaa lagama maarmaan ah in la helo xal waara,” ayuu ku daray Mr. Abdelmoula. Jawiga ay ku shaqeeystaan shaqaalaha gargaargka waa mid adag sababo la xiriira amni darrada jirta iyo kaabayaasha waddanka oo liita, tan ayaa caqabad ku noqotay in gargaarku si sahlan u gaaro dadka u baahan. Caqabadaha ku horgudban gargaarka aad ayay sara ugu kaceen sannadkan 2020, ilaa 114 dhacdo oo ka dhan ah howlaha gargaark bini’aadamnimo ayaa la diiwaan geliyay intii u dhaxeysay bilowga sannadka iyo dhammaadkii bisha Luulyo, marka la barbardhigo 151 dhacdo oo la diiwaan geliyay sannadkii 2019. Shaqaale gargaar oo gaaraya 11 ayaa la dilay, 11 wa dhaawacmeen, 23na waa la afduubtay, shaqaalaha la dilay waxaa ka mid ah toddobo hal meel lugu wada dilay. “Waxaan rabaa inaan bogaadiyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee samafalayaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeyaarrimaha gargaarka,” ayuu yiri Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan si gaar ah u magac *****aa shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliyeed oo lafdhabar u ah howlaha gargaarka.” Laga soo bilaabo bishii Maarso, Soomaaliya waxay diiwaan gelisay 3,200 kiis oo Korona Fayras, halka 93 qofna ay xanuunka u dhinteen. Fatahaado ayaa saameeyay dad gaaraya 200,000 oo qof oo ku kala nool dowlad goboleedyada Hirshabelle, Koofur Galbeed, Jubaland iyo Gobolka Banaadir laga soo bilaabo dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan; waxaana ku barakacay 124,000 oo qof halka ay fatahaaduhu burburiyeen dhul beereed ballaaran. Intaas waxaa dheer, ayax ku habsaday kumanaan hektar oo isugu jira dhul beereed iyo dhul daaqsineed. Dabeylo roobab wata ayaa sidoo kale ku dhuftay xeebaha Jubada Hoose iyo Shabeellaha Hoose ayagoo saameeyay dhaqdhaqaaqyadii kalluumeysiga; kalluumeysato Soomaaliyeed ayaan la heyn nolol iyo geeri. Khatarta saddex-xagalka ah waxay uga sii dartay xaaladihii nugeylka ahaa ee dadka Soomaaliyeed ku jireen waxayna wax u dhibeen guulihii dhaqan-dhaqaale ee laga gaaray dhanka beeraha iyo ganacsiga, si gaar ah waxay khatartani u saameysay hab nololeedka dadka saboolka ah; waxayna culeys dheeri ah saartay qaybaha caafimaadka. 19kii Juun.xiriiriyaa Gargaarka Degdegga ah Mr. Mark Lowcock ayaa ogolaaday US$15 milyan oo wax looga qabanayo saameynta Koroona Fayras, ayaxa iyo fatahaadaha. Intaas waxaa dheer 279 hay’ado samafal oo howlo gargaar ka fulinaaya Soomaaliya, ayaa sara u qaaday howlaha gurmadka si loola tacaalo baahiyaha soo kordhay. Sannadkan, Maalinta Bini’aadamnimad Adduunka, waa sannad guuradii 17aad ee ka soo wareegtay weerarkii Canal Hotel ee Baqdaad, oo ay ku dhinteen 22 qof oo uu ku jiray ergagii Xog-hayaha Guud ee QM u qaabilsanaa dalka Ciraaq. Sannadkii 2009, Golaha loo dhanyahay ee Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa wuxuu meel mariyay qaraar 19ka Ogosto loogu aqoonsanayo Maalinta Samafalka ee Caalamiga ah. Sannad walba maalintan oo kale, waxaan xasuusnannaa malaayiinta rayidka iyo samafalayaasha ah ee ku sugan goobaha colaadaha. View the full article
  17. Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeelaha Hoose waxey ku soo qabteen gaari Saaruf ah oo la sheegay in Al-Shabaab ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa. Taliya Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab G/le Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen gaarigaan oo ay ka buuxaan walxaha qarxa kuna soo jeeday magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidanku ay gacanta ku soo dhigeen miinooyin badan oo yiilay saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Gandarshe ee gobolka Sh/Hoose. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1442-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay Joogaan. Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Khamiis ah. Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo. Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in Sannadka 1442-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda. Kullu Caam Wa Antum Bikhayr Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  19. Mudo bil ah oo degmada Diinsoor uu ka socday tartan u dhaxeeya kooxaha ka dhisa Diinsoor ayna soo qaban qaabiyeen jaaliyada Koonfur Galbeed ee ka soo jeeda dDiinsoor ayaa la soo gaba gabeeyay waxaana koobkan hantay kooxda Xidigaha oo ka mid aha naadiyada ka dhisan degmada Diinsoor ee Maamul Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Xoghayaha isboortiga degmada Diinsoor Xaamud Maxamuud oo ciyaarta kama dambeysta ka dib la hadlay warbaahinta ayaa u mahad celiyay qof kasta oo ka qeyb qaatay mudadii uu socday tartankii is dhaxgalka bulshada iyo nabadda Diinsoor. Maamulka Degmada iyo taageerayaasha ayaa si weyn u soo dhaweeyay is dhaxgalka dhallinyarada,iyagoo dalbaday in la sii wado barnaamijyadan oo kale. Xiisaha tartankii kubbadda cagta ee lagu soo gaba gabeeyay Diinsoor ayaa laga dareemay degamada iyo guud ahaa Koonfur Galbeed waxaana guddoomiyaha degmada iyo maamulkiisa ay balan qaaday in ay qaban doonaan tartamo kale oo joogta ah. Si kastaba waxaa la abaal mariyay kooxihii kaalamaha ka galay tartanka iyo shaqsiyaadkii ka qeyb qaatay, tartankii loogu magac daray is dhaxgalka bulshada iyo nabadda degmada Diinsoor ee Maamulka Konfur Glb Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xeritaanka Tartankii Kubbadda Cagta Diinsoor https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Whats-upp-dns.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. MOGADISHU (HOL) - The UN and the government of Somalia have called for heightened efforts to protect humanitarian workers in the country noting incidents against aid workers had remarkably increased compared to last year. Source: Hiiraan Online
  21. Hargeysa (Caasimadda Online)- Bayaan kasoo baxay Maamulka Somaliland ayaa looga hadlay waraaq Shalay kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya taasoo looga soo horjeestay xiriirka ay sameysteen Taiwan iyo Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Somaliand ayaa bayaanka kasoo baxay uga digtay Dowladda Soomaaliya hanjabaadaha ay ku hyeso dowladaha xiriirka la sameystay maamulkas. War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Soomaaliland ay xorriyadeeda dib ula soo laabatay 1991-dii,, kadib xirriyadii 1960-kii, isla markaana aysan aqbaleyn in faragelin lagu sameeyo howlaheeda,waxaana ay ugu baaqeen Dowladda Federaalka inay joojiso dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan Soomaaliland. Bayaanka kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo aadayo xilli War-saxaafadeed Shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ku qornaa luuqada Ingiriiska si weyn loogu cambaareeyay dhaq-dhaqaaqa Taiwan ee Somaliland, kaasi oo xad-gudub ku ah madax-banaanida Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay heshiiska Taiwan iyo Somaliland ee horseeday inay xafiiskaasi ka furato, iyada oo ula dhaqmeysa sida ‘dal madax-banaan’, xili uu caalamku u aqoonsan yahay inay qeyb ka tahay Soomaaliya. “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay cambaareynaysa isku deyga Taiwan ay ugu xadgudbeyso qaranimada Soomaaliya, iyo sharafteeda dhuleed,” ayaa lagu yiri. “Dowladda federaalka Soomaaliya waxay diideysaa dhaq-dhaqaaqyadan qaldan ee lagu raadinayo in is afagaran waa iyo kala qeybsanaan looga dhex abuuro shacabkeena.” “Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay sidii ay u ilaalin lahayd Qaranimadeeda, Midnimadaa dadkeeda iyo sharafteeda dhuleed.” Halkaan hoose ka akhriso jawaabta kasoo baxday Somaliland
  22. Saaxibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday inaysan sinaba u aqbalayn Qaab dooranho oo aysan heshiis ku ahayn Dhamaan Saamilayda Siyaasada Soomaaliya. Beesha [...] The post Beesha Caalamka oo sheegay inaysan Aqbalayn Doorasho aysan qayb ka ahayn Puntland iyo Jubbaland appeared first on . Source
  23. Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo war kasoo saaray shirka Dhuusamareeb 3, ayaa ugu baaqday madaxda Puntland iyo Jubaland inay ka qeyb-galaan, waxayna ka digtay inaan la aqbali doonin nooc kasta oo doorasho oo kasta oo aanay heshiis ku wada ahayn saamileyda siyaasadda Soomaaliya, oo shirka lagu go’aamiyo. Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa marka hore lagu sheegay inay soo dhoweynayaan in hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay magaalada Dhuusamareeb soo gaareen 15kii bishan Agoosto, si ay u billaabaan kulankooda xiga, sida qorsheysnayd. “Waxay sidoo soo dhoweynayaan billowga hawsha guddiga farsamo ee wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta xulashooyinka hanaan doorasho oo la isugu tanaasulay oo la isku afgarto si madaxu uga baarandegaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda jooga magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan. “Saaxiibadu waxay ku nuuxnuuxsanayaan inay muhim tahay in dhammaan madaxdu ay ka qaybqaataan shirmadaxeedkan si loo sii wado geeddi-socodka dhisidda isafgarad wadar-ogol ah, loona soo saaro heshiis ballaaran oo laga gaaro hanaanka doorashooyinka federaalka 2020/21 oo qanciya dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxay dhammaan madaxda xusuusinayaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta horumarka laga gaaray dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo ka soo bixidda ballammadii horey loo galay.” Si kastaba Beesha Caalamka ayaa ka digtay in la isku dayo in la meel-mariyo nooc doorasho oo aan raali laga wada ahayn. “Iyadoo tan la eegayo, saaxiibadu waxay mar kale adkeynayaan in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad isla markaana aan laga hirgelin karin iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Saaxiibadu waxay si dhow ula socdaan waxyaabaha ka soo kordha kulanka magaalada Dhuusamareeb, waxayna dabagal ku sameynayaan tallaabooyinka lagu heshiiyo waxayna diyaar la yihiin inay bixiyaan hadba taageerada ay ka codsadaan dhammaan ka qaybgalayaasha si loo fududeeyo hirgelinta.” Qoraalka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Denmark, Djibouti, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Holland, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Spain, Sweden, Talyaaniga, Turkey, Ugaandha, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay. View the full article