Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Tel Aviva)-Baxrayn iyo Cumaan ayey u badan tahay inay noqdaan wadamada ku xiga Imaaraadka Carabta ee xidhiidh toos ah la sameysta Israa’iil, waxaa sidaas shaaca ka qaaday wasiirka sirdoonka Israa’iil oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters. “Heshiiska aan la galnay Imaaraadka kadib waxaa imaan doona heshiisyo kale, waxayna ka imaan doonaan dalal kale oo ku yaalla gacanka carbeed iyo wadamada muslimka ah ee Africa,” ayuu yidhi Eli Cohen. “Waxaan u malaynayaa in Bahrain iyo Oman ay ajandaha ku jiraan. Waxaa jira fursad sannadka soo socda aan heshiis kula saxeexan doonno wadamo ku yaalla Africa, oo ay ugu horeyso Sudan,” ayuu hadalkiisa ku daray. Bahrain iyo Oman ayaa ammaanay heshiiska ay gaadheen Imaaraadka iyo Israa’iil, inkastoo aanu labadooda midna ka hadlin in ay dib usoo celin doonaan xidhiidhkoodii Israa’iil. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la kulmay hogaamiyeyasha Sudan iyo Oman labadii sanno ee lasoo dhaafay. Source
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-19082020.mp3 View the full article
  3. (SLT-Washington)-Xisbiga dimoqraadiga ayaa xalay si rasmi ah uga dhawaaqay, in Joe Biden uu yahay musharraxooda doorashada madaxtinmada Mareykanka ee dhici doonta 3-da bisha November. Xisbiga dimoqraadiga ayaa musharraxnimada Biden uga dhawaaqay habeenki labaad shirweynahooda oo sannadkaan marki ugu horreysay ay ergada uga qeybgaleyso hab maqal iyo muuqaal ah oo internerka lasoo dhexmarsiinayo, sababo la xidhiidha coronavirs. Dadki shirka xalay ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, Jill Biden oo ah marwada Joe Biden. Dadka kale ee magaca ku dhex leh xisbiga dimoqraadigga ee shirweynaha ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, madaxweynayaashi hore ee Mareykanka Jimy Carter iyo Bill Clinton, Alexandria Ocasio Cortez oo ah xildhibaanad saameyn leh oo ka tirsan aqalka wakiilada lagana soo doorto New York, iyo John Cary xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareykanka. Source
  4. (SLT-Addis Ababa)-Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay inuu xilka ka qaaday wasiirkii difaaca dalkaas, oo si la mid ah Abiy kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, islamarkaana mar ay xulfo ahaayeen, maalmo un kadib markii uu xabsi guri geliyey. Xil ka qaadista Lemma Megersa oo lagu shaaciyey barta twitter-ka ayada oo qeyb ka ah isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirada ayaa muujineysa heerka ay gaadhay xiisadda Itoobiya ee u dhaxeysa Abiy iyo siyaasiyiinta Oromada, ee ku saleysan habka lagaga gudbayo marxaladda kala-guurka Itoobiya. Abiy ayaa sannadii 2018 noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee Oromo ah oo Itoobiya ay yeelato kadib dibad-baxyo xooggan oo horseeday inay is-casisho xukuumaddii ka horreysay. Hase yeeshee Oromo badan ayaa sheegaya in Abiy aanu waxba kama qabin dareenkooda muddada jiray ee ah in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la liiday. Wareysi uu siiyey VOA Amharic ayuu Lemma bishii November ku cambaareeyey qorshihii uu Abiy isbaheysigii xisbiyada kala qowmiyadaha ahaa isugu geeyey hal xisbi oo loogu magac daray Xisbiga Barwaaqada ama PP. Lemma oo hore madax ugu ahaa Abiy intii uu ahaa madaxweynaha gobolka Oromada ayaa sidoo kale diiday wax uu ugu yeedhay siyaasadda Abiy ee “Medemer” oo ah erey Amaxaari ah oo macno ahaan noqonaya “isku dar”. Lemma ayaa dhowrkii bilood ee tegay gees looga riixay siyaasadda Itoobiya, ayada oo kadibna shaqadiisa la hakiyey, lana geliyey xabsi guri. Xiisadda Abiy iyo Lemma ayaa kasii dartay kadib markii la dilay heesaagii Oromada ahaa ee Haccaaluu Hundessa, taasi oo hogaamisay in la xidho shaqsiyaad caan ah oo Oromo ah, kuwaas oo loo xidhay sababo la xidhiidha dibad-baxyadii lagaga soo horjeeday dilka. Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyey in Abiy Ahmed uu ku eedeeyey Lemma inuu xidhiidh la leeyahay Jawar Mohammed, oo ka mid ah ragga u ololeeya Oromada, aadna ay isku hayaan Abiy. Source
  5. Gogosha Soomaaliyeed ee Galmudug Waan soo dhoweynayaa, waana garab taagan ahay baaqa Madaxweynaha Galmudug uu u jeediyay Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Jubaland in ay ka qeyb galaan shirka Dhuusa Marreeb 3 sidii ay ballantu ahayd. Ka qeybgalka Puntland iyo Jubaland wuxuu kaamilayaa shirka, wuxuu oofinayaa ballantii ay la galeen Madaxda kale iyo ballantii ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ka qeyb galku ka markhaati kacayaa sida ay diyaar ugu yihiin in heshiis la gaaro. Aniga oo akhriyay shuruudaha Puntland ku xirtay ka qeybgalkeeda Shirka Dhuusa Marreeb Saddex, aniga oo arkay afarta qodob ee dhaliisha ah ee Jubaland iyo soo jeedinteeda, haddana qormadani kuma saabsana qiimeynta shuruudahaas iyo talooyinkaas. Haddii Puntland iyo Jubaland laga qancin waayo qodobadaas, waxaan qabaa in ay ka miisaan iyo culeys badnaan doonaan marka laga jeediyo Madasha Dhuusa Marreeb Saddex gudaheeda ama shir doceed Saxaafadeed oo ka dhaca Dhuusa Marreeb. Puntland iyo Jubaland iigama baahna xusuusin in ay jiraan siyaasiyiin iyaga ku mowqif ah, tiro ay la ekaadaanba. Waan bogaadinayaa Madaxda uu Madaxweynaha Federaalku ugu horreeyo ee Dhuusa Marreeb iska xaadiriyay xilligii lagu ballamay. Si gaar ah waxaan u soo dhoweynayaa Duqa Caasimadda oo markii ugu horreysay wajiga saddexaad ee shirka soo xaadiray. Waxaan xusuusinayaa in Shirarkii Dhuusa Marreeb Kow iyo Laba ay ka soo baxday natiijo wanaag ah oo loo baahnaa laakiin aan la sii qorsheyn. Waa is-dhexgalka siyaasiyiinta iyo waliba ciidanka iyaga oo aan colaad ku kala maqneyn haddana is aamminaaddu ay yarayd. Si gaar ah waxaan u jecleystay isdhexgalka Galmudug iyo Puntland, siiba ciidanka labada dhinac oo ilaalo negi iyo mid safar dheer oo dhulka ahba isula howlgalay si saaxiibtinnimo iyo walaalnimo ah. Ugu dambeyn, waxaan ku baaqayaa in laga dhowrsado go’aan ka soo baxa Dhuusa Marreeb Saddex oo noqda mid wax u dhima iskaashiga iyo yididdiilada cusub ee u dhexeysa Madaxda Galmudug iyo Puntland. Iyo gaar ahaan kalsoonida ciidanka labada Dowlad Goboleed ee deriska ah, kuwaas oo doorashada ka hor iyo ka dib labadaba looga fadhiyo wadashaqeyn iyo iskaashi walaalnimo. Yuusuf Garaad waa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, safiirkii hore ee Soomaaliya ee QM, iyo madaxii hore ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. (SLT-Mali)-Madaxweynaha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa xalay saqdii dhexe ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, kaddibna kala diray baarlamaanka, saacado kaddib marki ay ciidamo ka tirsan millatariga oo fallaagoobay xidheen isaga iyo Ra’isulwasaare Boubou Cisse. Keita oo xirnaa marada afka lagu daboolo daal bandanna uu ka muuqday, ayaa is casilaaddiisa kaga dhawaaqay khudbad gaaban oo uu ka jeediyay telafishanka qaranka isaga oo jooa xero millatari oo ku taalla deegaanka Kati oo 15 km u jira magaalada madaxda. Kacdoon isla xerada Kati ka dhacay sannadki 2012-ki ayaa u xuub-siibtay afganbi ay millatariga ku rideen madaxweynihi hore ee Mali Amadou Toumani Toure. Faransiiska oo gumeystay Mali iyo dalalka kale ee xidhiidhka dhaw la leh Mali ayaa ka cabsi qaba, in afganbi lagu sameeyo Keita ay uga sii dari karto colaadda hadda ka oogan Mali. Midowga Africa iyo Qaraada Midoobay ayaa cambaareeyay xadhiga ay millatariga u geysteen madaxda dowladda Mali, iyaga oo amray in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxweynne Mali Ibrahim Boubacar Keita iyo Ra’isulwasaare Boubou Cisse. Source
  7. Madaxweynihii waddanka Mali, Ibrahim Boubacar Keite, ayaa si rasmiya u shaaciyay, in uu iska casilay Xilka Madaxtinimada Dalkaas, saacado kadib markii ay xabsiga dhigeen Ciidamada Militariga. Telefishinka Dowladda Mali, ayaa baahiyay codka Madaxweyne Keite oo iclaaminaya in uu xilka iska casilay, islamarkaana u turay Shacabka Mali, maadaama ay Ciidamadu isaga xabsiga dhigeen. Dalka Mali waxaa tan iyo Shalay ka aloosan qalalaase siyaasadeed, kadib markii Ciidamada Militerigu ay sameeyeen wax u eg Afgenbi Ciidan, iyaga oo xabsiga dhigay Madaxweynihii iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa. Sidoo kale, Golaha Amniga Qaramada Midoobay, ayaa Maanta oo Arbaco ah Kulan deg deg ah ka yeelanaya Xaaladda ka aloosan waddanka Mali. PUNTLAND POST The post Madaxweynihi Mali oo xilka iska casilay appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Lubnaan)-Maxkamadda ay qaramada midoobay gacanta ku hayso ayaa xukun ku ridday nin ka tirsanaa maleeshiyada Xizbullah kaddib marki lagu helay inuu ku lug lahaa dilkii loo geystay Ra’isal wasaarihi hore ee Lubnaan Rafiiq Xariiri. Garsoorayaasha dacwadda qaadayey oo ku sugan Netherland waxay sheegeen Saalim Ayyash inuu door muhiim ah uu ku lahaa qarixii Mr Xariiri lagu dilay 2005-kii. Ayyash oo ah ninka ay maxkaadda xukunka dambiilanimo ku ridday iyo xubnaha kale ee dacwadda kula jira muddo lix sana ah waxay dacwaddooda socotay iyaga oo maqan. Dilkii xilligaasi loo geystay siyaasiga muslimiinta sunniga ka soo jeeda ee caanka ahaa Mr Xariiri waxay dalka Lubnaan ka abuurtay xiisad siyaasadeed oo aad u weyn. Hase yeeshee, Xizbullah wuxuu marar badan ku gacanseydhay inuu dilka Xariiri uu wax lug ah ku lahaa. Sacad oo ah wiil uu dhalay Rafiiq Xariiri wuxuu sheegay qoyska in ayna nasaneyn ilaa xukunka la fuliyo Sacad Xariiri oo ah wiil uu dhalay Rafiiq Xariiri horayna u soo noqday Ra’isal wasaaraha dalka Lubnaan, wuxuu warbaahinta u sheegay: “Waxaan u maleynayaa cidwalba waxa ay fileysay iyo waxa maanta soo baxay, balse waxaan aaminsanahay go’aanka maxkamadda ka soo baxay inuu yahay mid lagu qanco waana aqbalanay.” Source
  9. Research suggests honey also more effective than many over-the-counter medicines Source: Hiiraan Online
  10. A little-known mammal related to an elephant but as small as a mouse has been rediscovered in Africa after 50 years of obscurity. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo wajahan Garowe xili buuq Siyaasadeed uu ka jiro Fhuusamareeb, kasoo Khayre ku ah in guul laga gaaro Shirka Dhuusamareeb. Madaxweyne [...] The post Qoorqoor oo laga sugayo Garowe appeared first on . Source
  12. MONTREAL -- After years of work, a team of Montreal researchers thinks they’ve found a game-changer in treating prostate cancer. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa baaq u diray madaxda dowlad goboleedyada ka maqan shirka dhuusamareeb-3 oo ay ku ballan sanaayeen madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka. Madaxweyne Qoor-qoor oo habeen ka hadlau Dhuusa Mareeb wuxuu sheegay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee ka maqan shirka ay ku han weyn yihiin iney ku soo biiraan kulanka ka socda Dhuusamareb. Qoor-qoor ayaa sheegay in wixii jira madasha lagu dhammeyn karo, balse farriimo hawada la iisu mariyo aysan xal u noqoneyn xaaladda dalka Soomaaliya uu haatan ku sugan yahay, wixii kala duwanaasha ee jirana wadahadal lagu dhammeyn karo, isaga oo sheegay inuu furmay wajiga koobaad ee shirka dhuusamareeb-3. “Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaa ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, ayna tixgeliyaan oo ay qadariyaan gogosha reer Galmudug”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor. Haddaba, arrimaha ku gadaaman shirka dhuusamarebe-3 ee ay ballansanaayeen madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwo federaalka iyo isfaham la’aanta madaxda soo kala dhex gashay maxaa lagu micneyn karaa? Shir se ay ka maqan yihiin labada dowlad goboleed maxaa ka soo bixi kara? Dr Max’ed Axmed Shekh Cali oo ka faallooda arrimaha siyaasadda oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay “inuusan u maleynaynayn in qolyaha Dhuusamareeb joogo ay rajo ka qabaan in haddii aysan shirka ka soo qeyb gelin hogaamiyeyaasha Punland iyo Jubaland ay wax miradhal ah ka soo baxaan shirka.” “Anigoo ka duulaya hadalka madaxweyne Qoor-Qoor, weli waxaa muuqata rajo ah in madaxda labada maamul goboleed ay ka soo qeyb galaan shirka ayna weli furantahay gogosha.” Maxaa lagu macneyn karaa baaqyada kala duwan ee ay soo jeediyeen Puntland iyo Jubaland kuwaas oo ku aaddan in shirka Dhuusamareeb ay Beesha Caalamka ka soo qeyb gasho? “Waxaa lagu macneyn karaa iney jirto kalsooni darro ay ku qabaan madaxweynaha, sababtoo ah kaddib markii la laabtay shirkii Dhuusamareeb 2 waxaa dhacay falal ay ka mid ahaayeen in raysal wasaarihii la riday, waxaa dhacday in guddigii farsamada ee lagu ballansanaa iney Dhuusamareeb ku shiraan aysan ku shirin.” “Waxaa kaloo dhacday in madaxweyne Farmaajo uu soo maray baarlamaanka uuna u ballan qaaday in waxkastoo ka soo baxo shirka Dhuusamareeb ay go’aanka ugu dambeeya iyaga leeyihiin, waxyaabahaasi oo dhan waxay abuureen dareen ah in Farmaajo uu doonayo inuu arrinta ku socodsiiyo sida isag uu wax u rabo.” ayuu yiri Max’ed Axmed Shekh Cali oo BBC-da u warramay.
  14. Congratulations brother @MohamedBinZayed pic.twitter.com/AtPhE4BlML — Abiy Ahmed Ali (@AbiyAhmedAli) August 16, 2020 Qaran News
  15. BAMAKO, Mali (AP) — Mali’s president announced his resignation late Tuesday, just hours after armed soldiers seized him from his home in a dramatic power grab following months of protests demanding his ouster. Source: Hiiraan Online
  16. Sababtu Abiy Ahmed u eryey,Xabsi Gurina u geliyey Wasiirkii difaaca Itoobiya oo ah Ninkii Kursiga Saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay inuu xilka ka qaaday wasiirkii difaaca dalkaas, oo si la mid ah Abiy kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, islamarkaana mar ay xulfo ahaayeen, maalmo un kadib markii uu xabsi guri geliyey Xil ka qaadista Lemma Megersa oo lagu shaaciyey barta twitter-ka ayada oo qeyb ka ah isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirada ayaa muujineysa heerka ay gaartay xiisadda Itoobiya ee u dhaxeysa Abiy iyo siyaasiyiinta Oromada, ee ku saleysan habka looga gudbayo marxaladda kala-guurka Itoobiya. Abiy ayaa sanadii 2018 noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee Oromo ah oo Itoobiya ay yeelato kadib dibad-baxyo xooggan oo horseeday inay is-casisho xukuumaddii ka horreysay. Hase yeeshee Oromo badan ayaa sheegaya in Abiy uusan waxba kama qabin dareenkooda muddada jiray ee ah in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la liiday. Wareysi uu siiyey VOA Amharic ayuu Lemma bishii November ku cambaareeyey qorshihii uu Abiy isbaheysigii xisbiyada kala qowmiyadaha ahaa isugu geeyey hal xisbi oo loogu magac daray Xisbiga Barwaaqada ama PP. Lemma oo horey madax ugu ahaa Abiy intii uu ahaa madaxweynaha gobolka Oromada ayaa sidoo kale diiday wax uu ugu yeeray siyaasadda Abiy ee “Medemer” oo ah erey Amaxaari ah oo macno ahaan noqonaya “isku dar”. Lemma ayaa dhowrkii bil ee tegay gees looga riixay siyaasadda Itoobiya, ayada oo kadibna shaqadiisa la hakiyey, lana geliyey xabsi guri. Lemma ayaa waxaa lagu beddelay Kenea Yadeta, oo ah sarkaal horey amniga ugu qaabilsanaa gobolka Oromada. Xiisadda Abiy iyo Lemma ayaa kasii dartay kadib markii la dilay heesaagii Oromada ahaa ee Haccaaluu Hundessa, taasi oo hogaamisay in la xiro shaqsiyaad caan ah oo Oromo ah, kuwaas oo loo xiray sababo la xiriira dibad-baxyadii looga soo horjeeday dilka. Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyey in Abiy Ahmed uu ku eedeeyey Lemma inuu xiriir la leeyahay Jawar Mohammed, oo ka mid ah ragga u ololeeya Oromada, aadna ay isku hayaan Abiy. Qaran News
  17. In a recent lawsuit, Mohamed Warsame argues the government has arbitrarily violated his Second Amendment rights. Source: Hiiraan Online
  18. Federal government will take necessary measures under international law to protect nation’s unity, says ministry Source: Hiiraan Online
  19. Former BBC reporter Mohamed Moalimu survived Sunday's siege on a beachfront hotel in Somalia's capital, Mogadishu - the fourth time he has been caught up in an attack by Islamist al-Shabab militants over the last seven years. Source: Hiiraan Online
  20. Tel Aviv (Caasimada Online) – Bahrain iyo Oman ayey u badan tahay in ay noqdaan wadamada ku xiga Imaaraadka Carabta ee xiriir toos ah la sameysta Israell, waxaa sidaas shaaca ka qaaday wasiirka sirdoonka Israel oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters. “Heshiiska aan la galnay Imaaraadka kadib waxaa imaan doona heshiisyo kale, waxayna ka imaan doonaan doonaan dalal kale oo ku yaalla gacanka carbeed iyo wadamada muslimka ah ee Africa,” ayuu yiri Eli Cohen. “Waxaan u malaynayaa in Bahrain iyo Oman ay ajandaha ku jiraan. Waxaa jira fursad sanadka soo socda aan heshiis kula saxiixan doonno wadamo ku yaalla Africa, oo ay ugu horeyso Sudan,” ayuu hadalkiisa ku daray. Bahrain iyo Oman ayaa ammaanay heshiiska ay gaareen Imaaraadka iyo Israel, inkastoo uusan labadoona midna ka hadlin in ay dib usoo celin doonaan xiriirkoodii Israel. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa la kulmay hogaamiyeyasha Sudan iyo Oman labadii sano ee lasoo dhaafay. Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa Jimcihii sheeegay in Aqalka Cad uu xiriir la sameeyay dalal badan oo gobolka ku yaala si uu u eego haddii xiriirro badan ay la abuuri karaan Israel. Sarkaalka oo diiday in uu magacaabo wadamadda ayaa tilmaamay in ay yihiin dalal carbeed iyo kuwo muslim ah oo ku yaala Bariga Dhexe iyo Africa. Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay Khamiistii lasoo dhafay in ay dib u soo celinayaan xiriirkoodii. Heshiiskaan oo Maraykanku gacan ka geystay, waxaa uu sii xoojinayaa cadaawadda ka dhanka ah Iran. Falastiiniyiinta ayaa heshiiskaas ka horyimid waxayna ku tilmameen khaa’innimo. Israel ayaa heshiis la gaartay Masar sanadkii 1979-kii iyo Jordan 1994-ki, laakiin Imaaraadka iyo dalal kale oo carbeed xiriir lama lahayn Israel. Bahrain ayaa oo xulifo dhow la ah Sacuudiga ayaa sarkaal sare oo Israel u dhashay ku casuuntay shir amni oo la qabtay 2019-kii iyo sidoo kale shir uu Maraykanku hormuud ka ahaa oo ku saabnaa kordhinta dhaqaalaha Falastiin. Ilo-wareedyo ka tirsan Dowladda Kuwait ayaa sheegay in halka ay dowladoodu ka taagantahay Israel aysan isbedelin, islamarkana ay noqon doonto wadanka ugu dambeeya ee xiriir la yeesha Israel.
  21. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed’s office announced Tuesday that he was replacing his defence minister, a fellow ethnic Oromo and former close ally who has recently been openly critical of Abiy’s political reforms. The ouster of Lemma Megersa, announced on Twitter as part of a broader cabinet reshuffle, underscores tensions between Abiy and other high-profile politicians from his Oromo ethnic group over how Ethiopia’s democratic transition should be managed. Abiy, the winner of last year’s Nobel Peace Prize, became Ethiopia’s first Oromo leader when he was appointed prime minister in 2018 after years of anti-government protests. He was tasked with leading the country to landmark elections which were originally scheduled for this year but have been delayed because of the coronavirus pandemic. Many Oromos contend Abiy has not sufficiently addressed their longstanding feelings of political and economic marginalisation. In an interview with Voice of America’s Afaan Oromo language service last November, Lemma criticised Abiy’s push to merge the coalition of ethno-regional parties which had ruled Ethiopia for three decades into a single political party known as the Prosperity Party. Lemma, formerly Abiy’s boss when he was president of the Oromia region, also rejected Abiy’s philosophy “Medemer” (Amharic for synergy) which is aimed at uniting the country. Lemma was widely believed to have been sidelined for months, with analysts predicting his future as defence minister was untenable. Earlier this month the Oromia regional branch of the Prosperity Party announced Lemma had been suspended from its central and executive committees, though it was unclear if he had ever actually joined the party. Lemma will be replaced by Kenea Yadeta, a former security official in Oromia. Tuesday’s cabinet reshuffle also saw Abiy replace his attorney general and move the mayor of the capital Addis Ababa, Takele Uma, to mines and energy minister. Lemma is far from the first influential Oromo politician to publicly break with Abiy. Media mogul Jawar Mohammed has notably become one of the prime minister’s most high-profile critics and last year joined the opposition Oromo Federalist Congress. Jawar was arrested in July for his alleged role in violence that erupted after the shooting death of popular Oromo singer Hachalu Hundessa. The violence left more than 200 people dead and highlighted simmering ethnic tensions throughout Oromia, which surrounds the capital Addis Ababa.
  22. Aduunka Maanta! 195 dal ayaa xiligan xubno ka ah ururka Qaramada Midoobay (UN), taas oo 193 kamid ahi ay yihiin xubno joogto ah iyo 2 dal oo aan xubno ahayn isla markaana ku qoran goob jogaayaal. Waxaa iyana jira dalal aan la aqoonsan oo aan kuraas ku lahayn UN-ta. Taa macnaheedu waxaa weeye dhamaantii aduunka (oogada aduunka=510.1 million km², total – 70% water) cid gaara baa sheeganeysa. Meelaha aan cid gooniyi lahayn (Antarctica iyo biyaha caalamiga ah), waxaa jira sharci wada lahaansho oo lagu maamulo. Dadka ku nool aduunkana waxaa xiligan lagu qiyaasaa ku dhawaad 7.8 billion oo qof. Laguna saadaaliyey in 2050 uu aduunku gaadhi doono (Allah idamkii) 10.9 billion oo qof. Waxaana ugu taran badan qaarada Africa. Eeg table-ka hoose. Sidoo kale waxaa Allah (SWT) aduunka ku abuuray, bad iyo barriba, kheyraad dabiici ah (dad, macdan, kaymo, dhul wax laga beeri karo, biyo, oil and gas iwm.), si aadamaha ay ugu suurto gasho in uu ku noolaado aduunkan. Sida kheyraadkan loogu kala intifaacsi badan yahayna waa sida loo kala dadaal iyo cilmi badan yahay. Meelo badan oo aduunka kamidana waxaa Allah ku abuuray kheyraadyo meeshaas uun khaas u ah. Dhaqanka/culture-ka wanaagsan oo bulsho leedahay isna waa hanti, waxyaabaha laysku haystana waa ka qayb aad u muhiima (ninkii kaa adkaada, waad ku qasbantahay inaad dhaqankiisa u bedelatid). Hadaba, aduunku wuxuu dhamaantii tartan iyo raacdeyn ugu jiraa share-ka/qaybta ay cid waliba ka heli lahayd kheyraadkan. Si ay taa u xaqiijiyaana, waxaa dadaal loogu jiraa abid sameysiga straatiijiyado, ciidamo adag iyo technologyad casri ah oo lagu soo xero geliyo, lagu ilaashado, laguna sii badsado khayraadka aduunka. Xiligan aan joogno, tartanku waxa uu marayaa meel aad u adag, oo ay suuro gal tahay in dagaalo dhex maraan kuwa ugu tunka waaweyn oo ay noqoto kii roonoow reerka u hadh. Waxaa laysku haystaana waa kheyraadka aduunka iyo ideology-yadii lagu maamuli-lahaa. 20-kii sano oo u danbeeyey kharashka lagu bixinayey milatariga aduunku wuxuu kor u kacay 76%; waxaana lagu qiyaasay total-ka kharaashaadka aduunka $1.7 trillion sanad walba intii u dhexeysay 2009-2018. Sanadkii hore ee 2019, lacagta lagu kharash-gareeyey milatariga aduunka waxay kor u kacdey 1.3%, oo ka dhigaysa kharashka guud oo aduunku ku bixiyey milatariga $1.917 trillion (2019). Shanta dal ee ugu sareeyey kharashka militariga la geliyey sanadkii 2019, waxay ahaayeen USA, China, India, Russia and Saudi Arabia, kuwaas oo si wada jir ah 62% kharashka guud ee adduunka ugu bixiyey milatarigooda. Xiligan, loolan-kii weerer iyo difaac aad buu u sii adkaadey oo isu bedelay mid xeeladeysan (strategic battles), oo isu rogay waxa loo yaqaan cyber, artificial intelligence, biological and biochemical warfares. Waa dagaalo aad u casri ah oo aan intooda badan abid hore aduunka u soo marin. ARTIFICIAL INTELIGENCE, CYBER AND BIOLOGICAL-ENGINEERING WARFARE Cyber and biological egineering warfares waa xeelado dagaal oo aad u casri ah, kana khatarsan dagaaladii hore loo yaqaanay. Waa dagaal xogeed. Robotic Army Waxaa dawlado badni ay ku hawlan yihiin sameysiga robotic army – ciidan robots ah. Tani waxay u suurto gelineysaa dalal in ay ka maarmaan ciidankii dadka ahaa. Arinakni wuxuu khatar weyn ku yahay wadamada aan iyagu awoodan lahayn, oo ay suurtogal noqon karto in kuwa ciidankan leh ay tiro kooban oo ciidan robots ah u diraan si ay operation usoo fuliyaan. Waxaa kaloo khatar ah in ciidanka noocan ah la keeno suuqyada hubka lagu kala iibsado, taasina ay sababi doonto cidii dhaaqaale ku filan leh oo iibsankarta. Drones (diyaaradaha aan duuliyaha lahayn) Halagu kala horeeyo, laakiin dalal badan maanta waxay haystaan diyaarado dagaal oo aan cidi wadin oo lagu hagayo satelitte. Waa diyaarad miisan fudud, oo inta badan raadaarada ka dhuuman karta. Diyaaradahan waxay ku qalabeysan yihiin hubka iyo sirdoonka ugu casriyeysan. Waa diyaaradaha lagu bartilmaansado ashkhaas, kooxo ama meelo khaas ah. Diyaaradahan aan cidi wadin waxay in badan dhibaatooyin aan xad laheyn gaadhsiiyaan dadka rayidka ah. Kamaradaha Ilaalada (surveillance cameras) Dawladaha iyo business-ka aduunka maanta waxay intooda badani dhaqan geliyeen kamerado meel ku dhegsan iyo qaar duulaba (drone cameras) oo lagula socdo dhaqdhaqaaqa dadka iyo amniga goobaha. Kamaredahani waxay warka ku uruuriyaan computers meel yaala. In sawiro/xog sir ah lagu aruuriyo kameradahan khataro badan bay leedahay, mid ka midana waa marka la jabsado computeradii xogta hayey oo kadibna loo adeegsado ujeedooyin kale. BIG DATA (xog tiro badan oo lagu aruuriyey computers) Aduunka maanta waxaa dadaal weyn loogu jiraa sidii xogta dadka loogu uruursan lahaa computers, kadibna looga faaiideysan lahaa – hadii ay tahay in looga faaiideysto business ahaan iyo mid amniba. Meelaha xogta sida sahlan looga aruursado waxaa kamida Social Media-ha (Facebook, Instagram, Twitter, WhatsApp, email accounts, Linkedin, kameradaha suuqa ku xidhan, iyo tools kaloo badan). Waxaa kaloo xogta laga uruursadaa telephons-ka – khaasatan mobile phones-ka. Aduunka maanta qofkasta oo mobile sita meesha uu joogo iyo waxkasta oo mobilekiisa uu ku sameeyo waa lala socdaa. Dawladaha Africankuna siweyn bay arinkan u daneeyaan adeegsigiisa. Hadii aanay sherkadaha isgaadhsiintu sameyn cyber security policies adag oo lagu ilaaliyo xogta macmiishooda, waxaa hubaal ah in dhaawac weyn ku iman karo dadka isticmaala adeegyadooda oo ay xogtooda kaydiyaan. Sanadkii 2019, inta la ogyahay waxaa aduunka la jabsadey xog gaadheysa 7.9 billion oo xog macmiileed ah. Biological Engineering Horumarinta technolojiyadaha biological-ka iyo biochemical-ka ee ku habboon dagaalka casriga ah si xawli ah bay ku socotaa. Farsamooyinkan casriga ahi waxay suurto geliyeen marin-habaabinta macluumaadka hiddo-sidaha (genetic information) ee fayrasyada, bakteeriyada, dulinnada, unugyada, iyo noolahaba. Waxayna taasi suurto galin kartaa in labaratoriyo lagu sameeyo virus khatar ah oo aduunka lagu faafin karo. Waxaa cilmi baadhayaasha arimahani sheegeen in khataraha ugu waaweyn ee qarnigan 21aad ka iman karaan technolojiyadahan. By Abdi Osman Jama Doctoral candidate Institute for Strategic Initiatives (ISI) Hargeisa, Somaliland abdi.jama@isi-inistitute.org Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya digniinaha ay bixinayaan khubarada amni ee tilmaamaya in magaalada Muqdisho maalmaha soo socda ay wajahi karto weeraro argagixiso oo la mid ah kii lagu qaaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. Khubarada dhinaca amniga ee wax badan kasoo shaqeeyay dhinaca amniga ayaa tilmaamay in haddii aan xal loo helin arrimaha is-mari waaga siyaasadeed ee doorashooyinka in Muqdisho marti gelin doonto weeraro khasaarooyin badan ka dhasha, iyadoo argagixisada ay beegsan doonaan goobaha shacabka iyagoo ka faa’iideysanaya siyaasadda cakiran ee heshiiska lagu aheyn. Jen. Cabdiraxmaan Tuuryare, oo ah taliyihii hore ee NISA ayaa qaba in DF ay ka gaabisay dhinaca amniga, gaar ahaan howlgalka ka dhanka ah meelaha ay Al-Shabaab ku diyaariso qaraxyada. “Dowlad kasta marka xiligeedu dhamaanayo weerarada ay fulinaayaan argagixisadu waa ka badan yihiin xiliyada kale, lixda bil ee soo socota aad bay khatar u tahay, waxayna ka shaqeynayeen in mudo ah inagoo aaminsan inaan ka nasanay weerarmada argixisada” ayuu yiri Jen. Tuuryare. Wuxuu sheegay Jen. Tuuryare in shacabka kalsoonida ay ku qabaan ciidamada iyo siyaasiyiinta ay tahay mida dhalisay halista soo wajahan, taasoo buu yiri u baahan in la maareeyo. Bishaan kaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay afar weerar oo saddex ka mid ah ay ahaayeen is-miidaamin ay ku dhinteen dad aad u fara badan. Madaxweyne Farmaajo ayaa la xasuustaa mudadii uu ku guda jiray ololahiisa doorashada inuu balan qaaday in mudo labo sano ah kusoo afjaraayo Al-Shabaab, isla markaana ciddii soo sheegta qarax meel lagu aasayo la siinayo abaalgud lacageed oo dhan 100 kun dollar, balan qaadkaasi oo ahaa afka baarkiisa.
  24. Madaxweyne & Ra’iisal wasaarihiisii oo si fudud aan dhiig ku daadan loo afgenbiyey Madaxwaynihii dalka Mali Ibrahim Boubacar Keïta Madaxwaynihii dalka Mali Ibrahim Boubacar Keïta ayaa iscasilay, ka dib markii ay xireen militariga dalkaasi Talaadadii, waxaa sidaasi sheegay telefishinka qaranka dalkaasi. Khudabad uu telefishinka ka jeediyay ayuu , Mr Keïta waxaa uu sheegay in sidoo kale uu kala diray baarlamaanka dalkaasi. “Waxaan doonayaa in uusan dhiig u daadin si aan awoodda u sii hayo,” ayuu intaa ku daray. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii isaga iyo rai’sul wasaarihi dalkaasi Boubou Cissé la xiray islamarkana la geeyay saldhig militari oo ku yaalla caasimadda Bamako. Tallaabadda militariga ayaa waxaa cambaareeyay dalalka gobolka iyo dowladda Fransiiska . Mr Keita ayaa ku guuleystay doorashadii Mali ka dhacday sanadkii 2018-kii, laakiin waxaa tan iyo markaas taagneyd caro ku saabsan musuqmaasuqa ka jira waddanka, maamul xumo dhinaca dhaqaalaha ah iyo xaaladda amni ee kasii dareysa. Kooxo jihaad doon ah oo waddankaas ka dagaallama ayaa qeyb ka ah amni darrada. XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Faransiiska, oo horay u gumeystay Mali, ayaa milatariga ugu baaqay inay gadoodka joojiyaan, xeryahoodana ku noqdaan Maxaan ka ognahay militariga gadooday? Waxaa militariga talada la wareegay hogaaminayay Col Malick Diaw – oo ah ku xigeenka madaxa salhigga Kati – iyo abaanduule kale oo lagu magacaabo , Gen Sadio Camara, sida uu sheegay wariyaha BBC Abdoul Ba oo ku sugan magaaladda Bamako. Markii ay saldhigaasi oo u jira 15 KM caasimadda Bamako ay la wareegeen ayaa waxay ka dib so galeen caasimadda dalkaasi oo dad ku faraxsan tallaabadooda ay soo dhaweeyeen. Talaadadii Milatariga ayaa xabsiga u taxaabay madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta Qaran News