-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkadda Apple oo taarikh ka dhigtay gudaha Mareykanka Tim Cook, Madaxa shirkadda Apple Shirkadda tiknolojiyadda ee dalka Mareykanka, Apple ayaa noqotay shirkaddii ugu horeysay ee gudaha Mareykanka qiimaha ay ku fadhido ee suuqyada saamiyada uu gaaro laba tiriliyan oo doollar. Guushan ayay Apple gaartay laba sano un kadib markii ay noqotay shirkaddii ugu horeysay ee qiimaheedu uu gaaro hal tiriliyan oo doollar sanadkii 2018-ka, waxaana hadda qiimaha saamiga shirkadda uu gaaray 467.77 doollar. Shirkadda kale ee qiimaheedu uu gaaray laba tiriliyan ayaa ah shirkadda saliidda ee dalka Sacuudiga ee Aramco. Haseyeeshee qiimaha shirkadda Aramco ayaa hoos ugu dhacay oo waxaa uu haatan marayaa 1.8 tiriliyan halka Apple na ay sare u kacday. Dhammaadka bishii July, waxaa ay noqotay shirkadda ugu qiimaha wanaagsan caalamka. Iibka wanaagsan Taleefoonada ay sameyso Apple Saamiga shirkaddan sameysay taleefoonada gacanta ee iPhone ayaa sare u kacay boqokiiba 50 inkastoo uu saameeyay xanuunka dunida ka dilaacay ee corona iyo cadaadis siyaasadeed oo ahaa in ay xirto bakhaarada ay ku leedahay dalka Shiinaha sababa la xiriira xiriirka kala dhaxeeya dowladda Shiinaha. Walow horraantii sanadkan shirkado badan ay khasaareen, haddana Apple waxaa ay faaido wanaagasan ka sameyneysay alaabo ay sameysay oo ay kamid yihiin taleefoonada, kombyuutarada iyo qalabka kale ee tiknolojiyadda ee ay soo saarto. Apple oo loo arko inay tahay shirkad guuleysatay ayaa xilligan waxaa sare u kacay dalabka adeegyada ay bixiso inkastoo wali dalka Mareykanka uu ku jiro soo kabasho dhaqaale. Laga soo bilaabo bartamihii July, waxaa sare u kacay dakhliga soo galo shirkadda kadib markii ay dib usoo laabteen dalabka adeegyada ay bixiso. Shirkadda kale ee laga leeyahay Mareykanka, Amazon ayaa noqotay tan labaad ee ugu qiimaha badan gudaha Mareykanka, waxaana qiimaheedu uu gaarayaa 1.7 tiriliyan oo doollar. Paolo Pescatore oo ah khabiir wax ka qora arrimaha tiknolojiyadda ayaa sheegay in qiimaha saamiga ee Apple ay muddo gaaban ku gaartay meel aan la maleysan karin. “Bilihii ugu dambeeyay waxaa la dareemay isticmaalka tiknolojiyadda, macaamiil bandanna waxaa ay doorbideen inay iibsadaan qalab tayo wanaagsan, maadama Apple ay tahayna shirkad dhankaas ku wanaagsan, waxaa muuqata inay leedahay fursad wanaagsan oo ay horumarto.” Ayuu yiri Paolo Pescatore. Shirkadda oo saameyn ay ku yeelatay xiriirka aan wanaagsan ee Mareykanka iyo Shiinaha ayaa haatan laga dhowrsugayaa soo bandhigidda adeegga intarnetka ee 5G, taas oo la aaminsan yahay inay sii xoojin doonto dalabka shirkadda. Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Maxamed Morsi waa uu ogaa tan iyo maalintiisii kowaad in aan loo ogolaan doonin in uu muddo xileedkiisa madaxweynenimo dhameysto islamarkaana uu noloshiisa ku waayi doono in uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee dadka Masar ay si dimoqaraadi ah u soo doortaan awgeed, waxaa sidaas Middle East Eye u sheegay marwadii uu ka geeriyooday iyo wiil uu dhalay. Wareysigii ugu horreeyay ee gaar ah ayey Naglaa Mahmoud iyo wiilkeeda Ahmed Morsi ku sheegeen in Morsi uu qoyskiisa uga digay 2012-13 in reer Galbedku aysan ogolaan doonin in Ikhwaanul Muslimiinku ay Masar maamulaan. Morsi oo musharax u ahaa Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku guuleystay doorashadii ugu horreeysay ee si dimoqaraadi ah looga qabtay Masar sanadkii 2012-kii kadib markii talada laga tuuray Xusni Mubaarak. Laakiin awoodaha Masar gudaheeda ah iyo kuwada dibadda ah ayaa ka walaacsanaa Ikhwaanul Muslimiinka iyo siyaasadda Islaamka. “Xitaa haddii mashruuc islaami ah la furo islamarkaana la horumariyo lagana dhigo mid u taagan nabad kuwada noolaansho, waa uu ogaa in wadamadda gobolku ay horumarkaas cuuryaaminayaan,” ayey tiri Naglaa Maxamuud. “Waxaa uu sidoo kale oga in ama la dilayo ama xubnaha ka tirsan hey’adihii musuqa ahaa ee Mubarak ay isaga aqbali doonin. Mori waxaa uu ahaa daacad, waxaana uu rumeysnaa barnaamij islaami ah oo xor ah, dimoqaraadi ah iyo xukun rayid ah.” Taas ka sokoow, Morsi, “waxaa uu isku dayay in uu tiriyo go’aanka dadka iyo hamigooda,” ayey hadalkeeda kusii dartay Naglaa. “Anigu taasi in ay dhacayso ma fileyn, laakiin waxaan rumeysnaa in qiyaasta Madaxweynuhu ay mar kasra run tahay. si kastaba, diyaar ayaan ahaa.” Axmed Morsi ayaa sheegay in qoyskiisa lagu qanciyay in aabihiis iyo walaalkiis ka weyn ay dishay Dowladda Cabdul fitaax Al-Sisi. Morsi iyo boqolaal kale oo ka tirsanaa Ikhwanul Musmiinka ayaa la xiray markii talada laga tuuray. Morsi waxaa uu u dhintay wadne garaac iyadoo ay maxkamadeyntiisu socotay bishii June ee sanadkii 2019-kii. Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in meeshii lagu hayay loo tiirin karo dil dowladi ka shaqaysay. Axmed ayaa Middle East Eye u sheegay in aabihiis uu kusoo cel-celiyay in naftiisu ay khatar ku jirto intii maxkamadeyntiisu socotay, laakiin ma jirin cid u jawaabtay, xaaladiisa caafimadna waa ay kasii dartay. “Dhab ahaan dhimashadiisu caadi mahayn, waxaan ku baaqnay baaritaan arrintaas lagu ogaanayo. Weli waxaan ku celineynaa in xaaladdu ay hufnaan u baahantahay iyo in runta la ogaado,” ayuu qoray Axmed. Wiil iyo Aabihii Cabdullahi Morsi oo ah da’da ka yar Axmed ayaa u ololeeyay in la sameeyo baaritaan calami ah ka hor inta uusan u joojin caqabado qalafsan oo qabsaday. Axmed ayaa sheegay in walaalkiis oo isna u dhintay sabab aan la ogeyn uusan lahayn xaalad caafimaad darro ka hor dhimashadiisii. “Ma uusan qabin xanuun daran. Ma ogin sababta rasmiga ah ee geeradda Cabdullahi, laakiin waxa aan ognahay in dhimashadiisa ay ahayd wax daahsoon, kadib markii uu ku dhintay gurigiisa hortiisa isagoo salaad kasoo laabtay,” ayuu yiri. Axmed waxaa uu sidoo kale sheegay in laba qof oo aan la aqoon ay joogeen meesha uu Cabdullahi ku dhintay. “Waxaa Meesha joogay nin iyo qof dumar ah oo uusan Cabdullahi aqoon. Waxay u qaadeen isbitaalka iyagoo dhigay goob laga shakiyay, ciidanka amniga ayaana sheegay in geerida Cabdullahi aysan caadi ahayn, ayna u baahantahay in la baaro.” Xadidaad adg ayaa lasoo rogay markii la aasayay Morsi iyo wiilkiisa, waxaana la diiday dad badan ay aaska isigu yimaadaan. Labadoodaba waxa la aasay xilli habeen ah.
-
Sawiro naxdin leh oo laga helay saldhig booliis oo ay musiibo ka dhacday Sawirka ayaa muujinaya askar dhulka ku nabeysa maxbuuska Xaaska nin u dhashay dalka Slovakia oo ku dhex dhintay xabsi ku yaalla dalka Belgian ayaa waxaa lagu baaqay in baaritaan cusub lagu sameeyo ka dib markii ay soo baxeen sawiro cusub oo naxdin leh oo gudaha xabsiga laga qaaday. Jozef Chovancova ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Charleroi 2018 ka dib markii uu buuq ka dhex sameeyay duulimaadkii uu saarnaa. Markii la xiray ninkani ayaa waxaa uu bilaabay in uu darbiga madaxa ku garaaco ilaa uu dhiig ka yimaado. Koox askar ah ayaa ka dib la arkayay iyaga oo dhulka ku nabaya oo madaxa uga fadhiya. Chovancova ayaa isbataalka loo qaaday, balse kooma ayuu galay islamarkana maalinkii xigtay ayuu dhintay. Sawirada xabsiga laga soo qaaday ayaa muujinaya dhowr askari oo ku qoslaya maxbuuskani halka mid kale salaanta ay caanka ku yihiin Naasiyiinta uu saarayo. Waxaa sidoo kale la arkayay askari kale oo feeraha uga fadhiya Chovancova taasi oo qaadatay muddo 18 daqiiqo ah sida muuqaalka la duuban uu muujinayo. Kiiskiisa ayaa noqday mid la mid ah kii George Floyd, oo geeriyooday bishii May ka dib markii uu askari uu qoorta kaga qabtay luqunta. “Waxaan doonayaa in inaan ogaado waxa dhacay iyo sababta ay booliiska falkaasi ugu kaceen,” waxaa sidaasi ay u sheegtay xaaskiisa oo lagu magacaabo, Henrieta, wargeyska Het Laatse Nieuws, oo isagu helay sawirada.. Ka hor inta uusan dhiman, Chovancova waxaa uu ahaa milkiilaha qora muwaadiniinta reer Slovakia ee ka shaqeeya dhismooyiinka mashaariicda dalka Belgium. Qoyskiisa ayaa waxay sheegeen in aysan ogeyn sababta xanaaqa iyo buuqa u ugu kacay markii xabsiga la dhigay. Labo sano ka dib geeridiisa ayaa waxay wali booliiska dalka Belgian baarayaan sababata geeridiisa isalmarkana xaaskiisa ayaa imika qabsatay qareen cusub. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland warqadaha aqoonsiga looga guddoomay wakiilka dowladda Itoobiya ee Somaliland Dr. Saciid Maxamed Jabriil. Wakiilkaan cusub oo kasoo jeeda deegaanada Kililka Shanaad ayaa badalay Shamsudiin Axmed Rooble oo horay ugu wakiil ahaa Itoobiya arrimaha Somaliland, kaasoo in muddo ah howsha ka maqnaa. Dr. Saciid Maxamed Jabriil oo Axadii soo gaaray magaalada Hargeysa ayaa guda galay howlaha loosoo magacaabay, oo iminka ay xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay xiriirka Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo saameeyay siyaasadda webiga Nile ee Masar iyo Itoobiya ay isku hayaan. Dr. Saciid ayaa horay u ahaa guddoomiye ku-xigeenkii Jaamacadda qaranka Somaliland ee Hargeysa, isagoo ku matalayay shirar caalami ah oo arrimaha waxbarashada looga hadlayay. Wakiilka cusub ee Itoobiya Dr. Saciid Maxamed Jabriil ayaa mudo aad u fog ka tirsanaa maamulka Jaamacadda Qaranka ee Hargeysa, isagoona u ololeyn jiray qadiyada gooni isu taagga Somaliland, waxaana mushaarkiisa bixin jirtay xukuumadda Somaliland. Xiriirka Itoobiya iyo maamulka Somaliland ayaa xiligaan sidii hore aheyn, iyadoo Somaliland la sheegay in dowladda Masar ay xiriir la yeelatay, waxayna dowladda Masar ku howlan tahay sidii ay heshiis cusub ula gali laheyd xukuumada Somaliland, isla markaana ula yeelan laheyd xiriir diblumaasiyadeed oo adag. Itoobiya oo xiisada webiga Nile-ku kala dhaxeyso Masar ayaa u aragta in xiriirka Somaliland iyo Masar ee horseedaya in saldhig la siiyo uu caqabad ku noqonayo dhaq-dhaqaaqyadeeda gobolka.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka taliska ciidamada la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda Soomaalida, kuwaaas oo ka howl-gala dhammaan xeebaha dalka iyo meelaha ku dhow. Sacuudiga ayaa hoggaanka howl-galkan oo magaciisa loo soo gaabiyo CTF-150 kala wareegay wadanka Faransiiska. CTF-150 ayaa sameeya dabagal, kormeer iyo howl-gallo caadi ah oo looga hortagayo kooxaha burcadbadeeda, waxa loogu yeero argagixisada iyo badqabka maraakiibta. Sidoo kale wuxuu howl-galkan uu heystaa maraakiib dagaal oo gaareysa illaa 15 markab oo dhammaan ku sugan biyaha Soomaaliya. Ciidamada ka qeyb-qaata howl-galkan ayaa sidoo kale ah kuwa isku dhaf ah oo ka kala socda dhowr dalal, waxana hoggaankooda is-bedal lagu sameeyaa lixdii bilood hal mar Waxa kale oo ka mid ah meelaha ay sida aadka ah uga howl-galaan ciidamadaasi iyo maraabkiibtooda Badda Cas, Gacanka Cadan, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cumaan. Howl-galka la dagaalanka burcadbadeeda ee loo yaqaano CTF-150 ayaa xeebaha Soomaaliya ka howl-galaya muddo 12 sano oo ka soo bilaabaneysa illaa 2008-dii.
-
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kaalmo raashin ah gaadhsiisay degmada Dhahar ee gobolka Badhan, raashinkaasi oo loogu tallo galay kun iyo laba boqol oo qoys oo ka mida dadka degaanka, gaar ahaan macalimiinta kala duwan ee iskuulada dawladda, dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyo macalimiinta Qur’aanka. Kaalmadan oo uu degmada gaadhsiiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Sahal Maxamed Jaamac, islamarka ay u wakiisheen guddida ka hortaga xannuunka safmarka ah ee Karoona-fayras. Dhinaca kale maamulka degmada Dhahar iyo macalimiinta kaalmadu gaadhay ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyay gacanta ay u fidiyeen, islamarkaana ka codsaday in baahiyahooda kale ee jirana wax laga qabto. Ugu horeyn wasiir Sahal oo ka hadlaya kaalmada uu wareejiyayna waxaa uu yidhi. “Waxaan goobtan u imid in aan duqa magaalada Dhahar iyo taliyaha booliska ku wareejiyo raashinkii covid19-ka, kaas oo ay ugu deeqeen guddida heer Qaran ee ka hortagga xannuunka Covid-19 oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), macalimiintii laga kala diray malcaamahadaha Qur’aanka iskuulada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay, maanta waxaan doonaya in aan kun iyo laba boqol oo qoys raashinkood ku wareejiyo duqa magaalada Dhahar, tuulooyinku waa mar danbe laakiin imika waa degmada Dhahar, innagu sidii leynoogu dhiibay ayaynu ugu wareejinaynaa duqa iyo taliyaha iyagana ayaana ka masuul ah, iyagana ayaana gaadhsiinaya ciddii ay khuseysay” Duqa degmada Dhahar Cabdirashiid Ducaale Cali oo ka hadlay baahiyaha degmada ka jira iyo kaalmada la gaadhsiiyay ayaa yidhi. “Baahiyaha degmadu wasiir waa badan tahay waa degmadaadi, wixii aad keentayna waanu kaa guddoonay wixii maqan oo kalena waynu iska wareysaneynaa wixii baahiyahayaga ahna qoraal ayaanu kuugu soo guddbin doonnaa, madaxweynaha iyo xukuumadda ayaad naga gaadhsiin doontaa, waa rejaynaynaa in wixii dhiman sidii horeba ay wax noogu qabteen imikana ay noogu qaban doonaan” “Waxaan joogna Dhahar waxaa na soo gaadhay deeq raashina, taas oo guddida ka hortaga xannuunka covid-19 ay noo soo direen, anigo ka mida macalimiintii Qur’aanka ee ay malcaamaduhu ka xidhmeen xannuunkii safmarka ahaa Karoone awgii, imika kaalmadaasi waa ay na soo gaadhay oo macalimiintu ay busaaradsadeen”Ayuu yidhi mid ka mida macalimiintii ardayda Qur’aanka barayay ee uu saameyay xannuunka safmareenka ah ee Karoona fayras. Qaran News
-
Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa ka hadashay Safaaradda Dalka Taiwan uu Toddobaadkan ka furtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha Zhao Lijian oo daba socda Safaaradda Taiwan ka furatay Somaliland ayaa sheegay in Dunida uu ka jiro Hal Shiine, Taiwana tahay Qayb ka mid ah oo aan laga maarmi Karin. Afhayeenka oo ka hadlayey Shir-saxafadeed ay si Maalin leh ah u qabato Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinuhu ayaa yidhi “Dunida waxa ka jira Shiinaha oo kaliya, Gobolka Taiwana waa qeyb aan laga maarmi Karin.” Afhayeenku waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in Midnimada Shiinuhu Muqadas tahay, mabda’ ahaan Caalamku aqoonsan yahay Hal Shiine “Hal Shiine ah waa mid caalami ahaan la aqoonsan yahay.”ayuu yidhi, waxaanu hadalkiisa raaciyey in isku day kasta oo Xisbiga Ka taliyaha Taiwan ee DPP uu ku doonayo inuu ku kala qaybiyo Shiinuhu uu fashilmayo. Sidoo kale, Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo horjeedda Madax-banaanida Somaliland ayaa Shalay War-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku cambaaraysay Xafiiska diblumaasiyadeed ee Isniintii Taiwan ka furatay Magaalada Hargeysa. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dawladda Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay inay qaadayso Tallaabooyin sharci oo ay ku ilaalinayso waxay ugu yeedhay Midnimada Dhuleed Soomaaliya. Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday Taiwan inay joojiso waxay ka waddo Somaliland. Ugu dambayn, dagaallada diblumaasiyadeed ee Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa bilaabmay horaantii bishii July 2020 oo Somaliland iyo Taiwan si rasmiya u kala saxeexdeen Heshiis Iskaashi. Somaliland iyo Taiwan ayaa iswaydaarsaday Diblumaasiyiin u kala joogaya Magaalooyinka Hargeysa iyo Tiapea, waxaana markiiba Taiwan ay hirgelisay Xafiiskeeda Hargeysa, halka Somaliland-na sheegtay inay diyaarinayso Xafiiskeeda Caasimadda Taiwan ee Tiapea. Tallaabooyinkaasi ayaa ka cadhaysiiyey Soomaaliya oo aaminsan in Somaliland ka mid tahay dhul-weynaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo aaminsan Taiwan ka mid yahay. Qaran News
-
“Whatever happens, we should work for our country.” I will always remember the words of my friend, who was killed in Mogadishu’s beachfront attack. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (PP Editorial) — Dhusamareeb III Summit is unlikely to end with a deal on the electoral model for 2021 elections in Somalia. Two Federal Member States — Puntland and Jubaland — have boycotted the summit. Puntland demands a guarantor role for the International Community whereas Jubaland would like the International Community to organise, and possibly chair, the Summit. The International Community cannot override the Somali political processes nor can it advocate directly or indirectly the emasculation of the Somali Parliament whose MPs insist on the electoral law as a foundation for national elections. A kaleidoscope of Somali leaders: It is time to utilise mediaton instead of statements from the International Community to break the political deadlock. Successive statements from Somalia’s International Partners create confusion in the minds of Somali political stakeholders. What fractious Somali political stakeholders need is mediation by a third, impartial party. Somali political leaders have the agency, nay political finesse, to break the political deadlock in the cause of the national interest. What is worrisome about the approach of the International Community to Somali politics is the tendency to issue statements sometimes in the name of Embassy, the US Embassy in Mogadishu being the best example of diplomatic interventionism. The collective statements always have an intimidating tone that runs counter the democratic values some countries claim to uphold and spread. Somalis did not choose a permanent government when a few more years of transition could prepare the political class for the vagaries of a fully recognised government that does not control many parts of Somalia. The political legitimacy of the Federal Government is undercut by its limited sphere of influence in coercion terms in a country that abhors a centralised government. The bottom up approach that the federal system was supposed to promote had been turned into a top down statemaking approach as far back as 2013. The Somali political class’s apathy exacts on Somalia a huge opportunity cost in terms of human capital. Funds that could have been used for reconstruction now get channelled into Amisom peacemaking mission. The role of the International Community exacerbates political uncertainties in Somalia. Somali politics can benefit from mediation and conflict resolution initiatives. © Puntland Post, 2020 The post Fractious Somali Stakeholders Can Benefit from Mediation appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The commiitee appointed by the Federal Government of Somalia to investigate an attack at the Mogadishu Central Prison has shared the outcome of the investigation with the Acting Prime Minister Mr Mahdi Guled. The investigation committee briefing the Acting Prime Minister Mahdi Guled in Mogadishu. The investigation found that on 8 August firearms were smuggled into the prison. Additional ammunitions were smuggled into the prison on 10 August. Hand guns, grenades and ammunitions were concealed in food delivered for prisoners by relatives, and in a sack of lemons. The Federal Government of Somalia arrested twenty custodial corps officers, six civilian staff members and nine prisoners. The Commander of the Central Prison and the deputy commander face charges for collusion and dereliction of duty. The investigation committee has sumbitted the investigation file to the military court. Twenty persons including soldiers and prisoners died as a result of an attack in the Mogadishu Central Prison. © Puntland Post, 2020. The post How Firearms Were Smuggled into Mogadishu Central Prison appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee nabad sugida, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi cusub siiyey Dalsan ayaa markale ka hadlay xil ka tuuristii Ra’iisal wasaare Kheyre iyo khilaafka arrintaasi horseeday ee soo kala dhex-galay Farmaajo. Sanbaloolshe ayaa ugu horeyntii ra’iisal wasaare Kheyre ku sifeeyay inuu ahaa ”Saqiir siyaasadeed iyo kaligii duul af ka noole ah, oo aan laheyn qorshayaal siyaasadeed oo cad, isla markaana aan helin garab uu ciirsado.” Taliyihii hore ee NISA ayaa sheegay in Kheyre ay galaafatay cadaawad badan oo uu hore u dhigtay, ka hor khilaafka soo kala dhex-galay madaxda sarre ee dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay inay Farmaajo uga aari doonaan qaabkii ihaanada laheyd ee uu xilka uga tuuray, iyada oo qeyb ka tahay beesha Kheyre, isagoona wacad ku maray inuusan Farmaajo uga dambeyn doonin madaxtooyada. “Xasan Cali Kheyre wuxuu noqday Saqiir Siyaasadeed, wuxuu ahaa Kaligiis duul Afkanoole ah, Madaxweyne Farmaajona wuu ka shalleyn doonaa xil ka qaadistii Kheyrre” ayuu yiri Sanbaloolshe. Wuxuuna intaas sii raaciyay “Waa u aareyna, Beesha uu ka dhashay ee magaalada Muqdisho waa in aan Farmaajo uga aarno Xasan Cali Kheyre. Dhiigbaa nooga maqan Farmaajo, oo waa in uu Madaxtooyada uga dambeyn”. Sanbaloolshe ayaa si cad u sheegay in Farmaajo ay ka ridi doonaan madaxtinimada, sidii uu Kheyre uga tuuray xilka, haddii uu doorasho qaban waayana ay marin doonaan dariiqi ra’iisal wasaaraha, oo ahaa in baarlamaanku kalsoonidii kala laabtay. Hadalkan ayaa imanaya xili uu jahwareer siyaasadeed ka taagan yahay dalka, tan iyo markii xilka laga tuuray Kheyre, isla markaana wax is-afgarad ah laga gaarin arrinkii ay isku seegen Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka. H
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-19082020.mp3 View the full article
-
Guddiigii loo xil saaray Baaritaanka weerarkii August 1o ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa kulan ay maanta la yeesheen sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxay kusoo bandhigeen warbixin ku saabsan natiijadii usoo baxday baaritaankii ay sameeyeen. Guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad taas oo horseeday inay rag gudaha ku jirtay ay awood u yeeshaan inay gudaha xabsiga ay weerar ka fuliyaan. Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto Dhacdada ayaa loo xiray 27 ruux oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto 6 ruux oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso oo ka dhacay gudaha xabsiga. Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrintaan loo xiray oo ay kamid yihiin taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarka ama ay sameeyeen dayacaad iyo gudasha la’aan mas’uuliyadii ka saarneyd sugidda amniga maxaabiista iyo mawaadiniinta kale. Guddigu waxay caddeeyeen in maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii ay sameeyeen ay arrinta ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa weerarkii hote Elite shaqada uga joojiyey taliyihii saldhigga Degmada C/casiis, iyadoo loo xiray askartii ilaalada baraha Control. Xijaar ayaa shaaciyey in shaqadii laga joojiyey taliyihii saldhigga degmad Booliska degmada Cabdicasiis, islamarkaana xabsiga la dhigay askartii ilaalinaysay baraha Control. Sidoo kale waxaa soconaya baaritaan ku aadan weerarkaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacab iyo dad mas’uuliyiin ah. Laamaha saraakiisha laamaha ammaanka ayaa la faray sidii loo xoojin lahaa sugidda ammaanka caasimadda. Weerarkii hotel Elite oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana dhacay 15-kii Bishan ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 20 ruux. View the full article
-
Guddiigii dowladda federaalka Soomaaliya u xil saartay baaritaanka weerarkii 10-kii bishan August ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan natiijadii baaritaankii ay sameeyeen. Guddiga ayaa sheegay inay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad ah, waxayna xuseen in hubkaas ay ku jireen baastoolado iyo bambooyin lagu dhex-qariyay hilib iyo jawaan ay ku jirtay liin. Guddi ayaa kulan la qaatay ku sii simaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Guuleed Dowladda ayaa sheegtay in weerarkii xasbiga Muqdisho loo xiray 27 ruux oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto, 6 ruux oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd. Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrintaan loo xiray oo ay kamid yihiin taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarka ama ay sameeyeen dayacaad iyo gudasha la’aan mas’uuliyadii ka saarneyd sugidda amniga, maxaabiista iyo mawaadiniinta kale. Guddigii loo xilsaaray baaritaankii weerarkii xasbiga dhexe ayaa tilmaamay inuu dhamaaday baaritaankii ay sameeyeen, wixii ka soo baxayna ay ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida. Weerarkii ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Muqdhiso waxaa ku dhintay in ku dhow 20 ruux oo isigu jira maxaabiis iyo ciidan. PUNTLAND POST The post Sidii hubka loo galiyay xabsiga dhexe ee Muqdisho iyo saraakiil loo xiray appeared first on Puntland Post.
-
Guddigii loo xil saaray baaritaanka weerarkii xooganaa ee August 1o ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa kulan ay maanta la yeeshay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxayna kusoo bandhigeen warbixin ku saabsan natiijada baaritaankii ay sameeyeen. Guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad taas oo horseeday inay maxaabiis gudaha ku jirtay ay awood u yeeshaan inay gudaha xabsiga ay weerar ka fuliyaan. Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto, sida lagu sheegay warbixinta guddiga. Dhacdadan ayaa sidoo kale loo xiray 27 ruux oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto 6 ruux oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii ka dhacay gudaha xabsiga ee Xamar. Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrintaan loo xiray oo ay ka mid yihiin taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarka ama ay sameeyeen dayacaad iyo xil gudasha la’aan mas’uuliyadii ka saarneyd sugidda amniga maxaabiista iyo mawaadiniinta kale. Guddigu waxay caddeeyeen in maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii ay sameeyeen ay arrinta ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Milkiilaha Elite Hotel, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa markale faah-faahin dheeriya ka bixiyey weerarkii tooska ahaa ee lagu qaaday huteelkiisa, kaasi oo markii hore ku bilowday qarax. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay ku bad-baaden ilaahay sokadii, qol aysan xabadu karin oo loogu talo-galay in khataraha amni loog dhigto, isla markaana ah xayn-daab loo gudbi karin. Milkiilaha ayaa sheegay inay isaga iyo dad kale oo labaatameeyo qof ah ay ku bad-baadeen qolkaasi, intuu socday weerarkii argagixiso ee ka dhacay huteelkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah. “Dalka ku nool-nahay iyo waaqica in la fahmo aad bay muhiim u tahay. Marka wuu jiray qol ku tala-gal loo sameeyay qol aysan rasaasta karin.” “Waa meel loogu tala-galay dhinaca bad-baadada, dad badan ayuuna Alle sabab uga dhigay inay ku badbaadaan. Dhowr iyo labaatan qof baan ahayn dadkii ku jiray,” ayuu yiri. Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee gudaha u galay huteelkasi ayaa ku guul-dareystay inay ka gudbaan xayndaabka qolkaasi, sida uu sheegay mulkiilaha huteelku. Qolkaasi ayaa ahaa mid hore loogu sii diyaariyay xaaladaha halista ah, maadama amaanka dalka aan si buuxda la iskugu haleyn karin, oo falal amni darro ah ka fuliyaan kooxaha argagixisada ee dagaalka kula jirta dowladda. 16-kii bishan ayey aheyd markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay qarax iyo weerar toos ah ka fuliyeen huteelka Elite oo ku yaala xeebta Liido, oo kamid goobaha amaankooda si weyn loo ilaaliyo. Weerarkaasi ayaa galaaftay nolosha 16-qof inta la ogyahay, halka ay tiro intaasi ka badana ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, oo iskugu jira dad shacab ah iyo xubno ka tirsan dowladda.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii Saldhigga Degmada Cabdicasiis sababo la xiriira weerarkii 16-kii bishan lagu qaaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale weerarkii loo xiray askartii ilaalada baraha kontorool ee degmada Cabdicasiis, sida uu sheegay taliska. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shaqo ka joojinta taliyaha saldhigga iyo xariga askarta u xaqiijiyey wakaaladda Wararka SONNA. Sida uu sheegay taliyaha, waxaa weli socda baaritaan ku aadan weerarkaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacab iyo dad mas’uuliyiin ah. Habka fudud ee Al-Shabaab ay ku galeen hotelka oo ku yaalla mid ka mid ah degmooyinka ugu amniga badan caasimadda, ayaa abuuray su’aalo badan oo ku saabsan sida uu kusoo gudbay baabuurkii qaraxa fuliyey. Askarta dowladda ayaa marar badan qaladaad ay sameeyaan, ha ku yimaadaan dayac ama ku talo-galo, waxay horseedaan weeraro dhimasho badan. Goor sii horreysay oo caawa ah ayaa guddiggii baarayey weerarkii xabsiga dhexe waxay soo gudbiyeen warbixin shaaca ka qaaday in hub la geliyey xabsiga dhexe, ayna ku lug lahaayeen qaar ka mid ah ilaalada. “Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin ayaa lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto,” ayaa lagu yiri warbixintan baaritaanka. Xafiiska sii-hayaha ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhacdadan loo xiray 27 qof oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto, 6 qof oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso oo ka dhacay gudaha xabsiga.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiigii loo xil saaray Baaritaanka weerarkii argagaxiso ee August 10 ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa kulan ay maanta la yeesheen sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, waxay kusoo bandhigeen warbixin ku saabsan natiijadii usoo baxday baaritaankii ay sameeyeen. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska sii-hayaha ra’iisul wasaaraha, guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub, sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad taas oo horseeday inay argagaxisada gudaha ku jirtay ay awood u yeeshaan inay gudaha xabsiga ay weerar ka fuliyaan. “Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin ayaa lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto,” ayaa lagu yiri warbixintan baaritaanka. Qoraalka xafiiska sii-hayaha ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhacdadan loo xiray 27 qof oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jirto, 6 qof oo shacab ah iyo 9 kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso oo ka dhacay gudaha xabsiga. “Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrintaan loo xiray oo ay kamid yihiin taliyaha xabsiga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeeyay inay fududeeyeen weerarka ama ay sameeyeen dayacaad iyo gudasha la’aan mas’uuliyadii ka saarneyd sugidda amniga maxaabiista iyo mawaadiniinta kale,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Guddigu waxay caddeeyeen in maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii ay sameeyeen ay arrinta ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida.”
-
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka (ee liiska hoos ku taxan) waxay soo dhoweynayaan in hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay magaalada Dhuusamareeb soo gaareen 15kii bishan Agoosto, si ay u billaabaan kulankooda xiga. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Beesha Caalamka & Dhuusamareeb 3 Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Qoraalka Ka Soo Baxay Beesha Caalamka Beesha Caalamka oo War Kasoo Saartay Dhuusamareeb3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
On the occasion of World Humanitarian Day, the Federal Government of Somalia and the United Nations in Somalia are calling for the protection of aid workers who provide life-saving assistance to vulnerable children, women and men in the country. These workers are #RealLifeHeroes. “This year, World Humanitarian Day has come at a critical time when the triple threat of COVID-19, floods and desert locusts has aggravated Somalia’s complex, protracted humanitarian crisis,” said the UN Humanitarian Coordinator for Somalia, Mr. Adam Abdelmoula. “The humanitarian community estimated that 5.2 million people would need assistance and protection in 2020, but the situation is worsening. Without sustained assistance, 3.5 million people will fail to meet their minimum food needs by September. In addition, we must shift the paradigm to sustainable solutions that help build resilience and lift people out of poverty,” Mr. Abdelmoula added. The operating environment in Somalia is particularly challenging for humanitarian workers due to widespread insecurity and poor infrastructure, which hampers the delivery of assistance to people in need. Access constraints surged during the first half of 2020, with 141 incidentsreported against humanitarian operations by the end ofJuly, compared to 151 in all of 2019. Eleven humanitarian workers were killed, 11 wounded and 23 kidnapped, including seven who were kidnapped and murdered in a single incident. “I want to express my heartfelt gratitude to Somali aid workers, for their continued and unwavering service to humanity in one of the world’s most dangerous operating environments,” said Mr. Hamza Said Hamza, Somalia Federal Minister for Humanitarian Affairs and Disaster Management. “I want to make special mention of the Somali humanitarian workers who form the backbone of the humanitarian operation in the country.” Since March, Somalia has recorded more than 3,200 COVID-19 cases and 93 deaths. Concurrently, floods have affected nearly 200,000 people since late June in Hirshabelle, South West and Jubaland States, as well as Banadir region; displacing approximately 124,200 people from their homes and damaging large acreages of farmland. Futhermore, desert locusts have devoured thousands of hectares of crops and pasture in Somaliland, Puntland and Galmudug. Strong storms have hit the coastal regions of Lower Juba and Lower Shabelle affecting the fishing industry with boats capsizing and some fishermen still uncounted for. The triple threat has exacerbated pre-existing vulnerabilities in Somalia, disrupted positive gains in socio-economic activities including farming and business, affected livelihoods especially for low-income earners and poor families, and strained the health care system. On 19 June, Emergency Relief Coordinator Mr. Mark Lowcock approved an allocation of US$15 million to support a partial activation of the anticipatory action framework to mitigate the compounding impact on food security of COVID-19, locusts and flooding. In addition, the 279 humanitarian organisations that are implementing programmes in all 18 regions of Somalia have scaled up their activities to meet increased needs. This year, World Humanitarian Day marks the 17th anniversary since the Canal Hotel attack in Baghdad, which killed 22 people, including the Special Representative of the Secretary-General for Iraq. In 2009, the UN General Assembly adopted a resolution designating 19 August as World Humanitarian Day. Every year on this day, we shine a spotlight on the millions of civilians and humanitarian workers around the world whose lives have been caught up in conflict. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-19082020.mp3 View the full article
-
Heshiis horudhac ah oo laga gaaray wada shaqeeynta Dowladda Soomaliya iyo Shirkadda Albayrak ee Maamusha Dekadda Muqdisho ayaa maanta lagu kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Heshiiskan oo dhinaca dowladda ay u saxiixday Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac waxaana goob joog ka ahaa Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u mahadceliyay labada dhinac. Heshiiskan oo dib u eegis ku socday muddo ku dhow 2 sanno ayaa si wadajir ah la isugu af gartay. Dhanka kale Turkiga waxaa u saxiixay Mr. Ahmet Albayrak oo ah milkiilaha shirkadda Albayrak, waxaana la filayaa in heshiiskan si rasmi ah maalmaha soo socda ay labada dhinac. ku wada saxiixaan magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
