-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaar kamid ah xisbiyada siyaasada Soomaaliya ayaa caddeeyay in guddiga farsamada hannaanka doorashooyinka ee lagu dhisay Dhuusamareeb uusan wax wadatashi ah la sameyn. War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu xusay in uusan, jirin kulan dhexmaray labada dhinac oo looga tashanayay arrimaha doorashooyinka. Madashu ayaa ka digtay muddo kororsi ay sameystaan golayaasha dowladda iyo in uu khilaaf dastuuri ah ku yimaado hay’adaha sharci dajinta dalka. Madasha Xisbiyada ayaa madaxda uu shirka uga socdo magaalada Dhuusamareeb ugu baaqday inay qadariyaan marxalada dalka uu marayo, ayna u istaagaan xal u helida xaaladda siyaasadeed dalka ee murugeysan. Guddiga farsamada iyo ka soo baaraandega tallooyinka la xiriirada doorashooyinka ayaa horay u sheegay inay la tashi la sameeyeen xisbiyada siyaasadda. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Madasha PUNTLAND POST The post Mucaaradka oo beeniyay in lagala tashaday hannaanka doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada qaran ayaa si kulul uga jawaabtay been abuur ay sheegeen in looga sameeyay magaalada Dhuusamareeb, taasoo ah in guddiga farsamada doorashooyinka aysan wax wadatashi ah la sameyn. Madashu waxay caddeysay Guddiga Farsamada Doorashooyinka ee lagu dhisay Dhuusamareeb in uusan wax wadatashi ah la samayn Madasha, mana jiro kulan dhexmaray labada dhinac oo looga tashanayay arrimaha doorashooyinka. Warka qoraalka ah ee kasoo baxay Madasha waxaa sidoo kale lagu sheegay in Shirka Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad uusan u muuqan mid isku soo dhaweynaya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Sidoo kale waxey ugu baaqeen masuuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee ku shiraya Dhuusamareeb iney qaddariyaan marxaladda dalka uu marayo, isla markaana u istaagaan xal u helidda xaaladda siyaasadeed ee murugsan. Madashu waxay ka digtay mudo kororsi ay sameystaan Golayaasha dowladda iyo in uu firaaq dastuuri ah ku yimaado hay’adaha sharci dajinta dalka. HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA MADASHA:
-
Jubbaland oo dowladda dhexe ku eedeysay qaraxii Baled-Xaawo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubaland ahna ku simaha madaxweynaha Jubbaland (Maxamud Sayid Aadan) ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay amni darada ka jirta gobolka Gedo. Masuulkaan oo ka hadlayay qarax ka dhacay magaalada Baled-Xaawo halkaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah. Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay gabtay masuuliyadda dadka shacabka ah maadaama ay ciidamo badan halkaas ku daabuleen. Sidoo kale qof walba oo ay waxyeelo kasoo gaartay ay masuuliyadeeda qaadaneyso dowladda Federaalka. Masuuliyiinta waxey aaminsan yahiin in deegaanada Balad Xaawo, Luuq iyo Doolow intii ay gacanta ugu jireen maamulka Jubbaland ay aad amni u ahaayeen, balse ay gacanta ka baxeen tan iyo markii ay dowladda ciidamo geysay. -
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa agab loogu tala galay xarunta ka digista halis-wadareedka ku wareejisay Hey’adda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka Dowladd-Gobaleedka Puntland Agabkan oo loogu tala-galay in lagu qalabeeyo xarunta ka digista halisaha ayaa waxaa iska kaashaday Hey’adda Wasaaradda Gargaarka, WFP iyo mu’asaasadda King Salman ee Boqortooyada Sacuudiga Munaasabadda wareejinta agab-xafiiseedka ayaa ka dhacday xafiiska Hey’adda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad-Gobaleedka Puntland ee HADMA. Wafdi ka socday Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka uuna hoggaainaya Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa Masuuliyiinta HADMA Ku wareejiyay Qalabka xarunta. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooylinka DFS Xildh. Cabdirashiid Maxmuud Xasan ayaa si rasmi ah agabka ugu wareejiyay maareeyaha hey’adda HADMA Cabudullahi Cabdiraxman Ceeroow. Ugu horreyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Wasaaradda ku faraxsantahay in ay agabka keento Garowe si loo dhiso sarena loogu qaado awoodda-waxqabad hey’adda HADMA ee dhinaca Maareynta Musiibooyinka. “Farxad weyn ay noo tahay in aan maanta soo gaarno Garoowe, Waxaan halkan u nimid si aan qalab loogu talagalay dhismaha xarunta ka digista halis-wadareedka aan ka dhisno Puntland si ay xarunta ugu adeegto shacabka iyo dowladda Puntland.” Maareeyaha hey’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Puntland ayaa u ga mahadceliyay Wasaaradda Gargaarka dadaalka ay ku bixineyso xoojinta iyo dhisidda hey’adaha ka shaqeeya maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad-Gobal Wuxuu sheegay in keenista agabkan uu ku soo aaday xilli hey’adda HADMA u qabtay baahi weyn in ay hesho agab wax ka tari kara kobcinta awoodda HADMA ee dhinaca saadaalinta, la socodka iyo ka jawaabidda halisaha iyo Musiibooyinka. Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa sheegay in Dowladd Soomaaliya ku dadaalayso sidii loo xoojin lahaa loona qalabayn lahaa hey’adaha iyo Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad-Gobaleedyada si ay awood ugu yeeshaan gudahashada waajibkooda. Wasiirka wuxuu sheegay in Wasaaradda Gargaarka ay xoogga saareyso in la dhiso hey’adaha heer gobal maadaama ay iyaga saarantahay masuuliyadda dadka ku nool Goballada iyo degmooyinka dalka “Si loo yareeyo saameynta Musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinka, loona xoojiyo kartida hey’adaha ka shaqeeya Maareynta Musiibooyinka ee ka jawaabidda halisyada, waxaa waajib ah in la sameeyo nidaamka ay hey’adahan ku saadaalin karaan, la socon karaan halisyada iyaga oo ka faa’iideysanaya aqoonta casriga ah iyo dadaalka isu-duwis oo ay waddo Wasaaradda Gargaark aiy Maareynta Musiibooyinka.”, ayuu yir Xidh. Cabdirashiid Maxamuud Xasan, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. Wasiir kuxigeenka ayaa u mahadceliyay dhinacyada Dowladda Soomaaliya ka gacan siiyay sidii loo qalabeyn ahaa xarumaha ka digista halis-wadareedka ee heer Qaran iyo Heer Dowlad-Gobaleedba. Wasiirka ayaa u mahadceliyay HADMA soo dhaweynta ay wafidiga xukuumadda ku soo dhaweeyay oo looogu talagalay xarunta ka digista halis-wadareedka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
China firmly opposes the establishment of any official institution and any official exchanges between Taiwan and Somaliland. There is only one China in the world and Taiwan is an inalienable part of China. The DPP authorities’ separatist moves will never succeed. pic.twitter.com/yNWQiNEeSb — Spokesperson发言人办公室 (@MFA_China) August 18, 2020 Qaran News
-
Aqoonyahanno iyo axsaab kala duwan oo la hadlay Goobjoog News ayaa meesha ka saaray baahida loo qabo horkeenista goleyaasha sharci dejinta ee federaalka ah heshiiska doorashada ee Dhuusamareeb 3, iyaga oo ku taliyey in wixii halkaasi la isku afgarto ay ku koobnaad labada gole ee heer federaal, waxaa kale oo ay ka digeen in Farmaajo uu Dhuusamareeb geeyo wixii uu la joogay Villa Somalia oo ah kutumashada sharciyada dalka. Maxamed Mukhtaar, madaxa machadka SIPAM oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu sheegay in natiijada ka soo baxeysa shirka Dhuusamareeb 3 aanan loo baahneyn in la keeno baarlamaanka federaalka ah isaga oo ku sababeeyey in goleyaasha sharci dejinta ee federaalka ah ay hadda heystaan labo sharci doorasho oo kala duwan-Midkii Baydhabo ee matalaadda isku dheelitiran, liiska xiran ahaa iyo midka kale ay dhowaan sameeyeen in guuleystaha uu soo baxayo-, Tan Dhuusamareeb 3 oo ah xal siyaasadeed oo ay gaarayaan labo heer dowladda federaalka ay dhici karto iney ka sii duwanaato, horkeenista heshiiskaas ee baarlamaanka federaalka ah ay tahay waqti lumis iyo gadaal kasoo bilaabid, laguna kalsoonaan karin iney ixtiraamayaan, sidaas darteedna aan loo baahneyn in heshiiskaas cid kale wax laga weydiiyo. Guddoomiyaha xisbiga Daldhis Cabdiraxmaan Xuseen Cadow oo isna arrintaas kala hadlay Goobjoog News ayaa yiri “Sida caqliga ku jiro oo saxda ah waa in heshiiska Dhuusamareeb 3 aanu madaxweynaha kula soo laaban golaha shacabka ee BF, laakin aniga taasi shaki ayaan ka qabaa, waxaan rumeysanahay in Farmaajo aanu Dhuusamareeb u tagin xal, ee ujeedkiisu yahay uun qancinta beesha caalamka isaga oo ajendihiisa qarsoon kula soo noqon doona golaha shacabka, ayna u meelmarin doonaan”. Aqoonyahankan waxaa ay qabaan in iyada oo Farmaajo ay wax badan ka qaldan yihiin sida xukuumad sharci oo aan dalka ka jirin, goleyaasha sharci dejinta uu isku diray iyo arrimo kale hadana il gaar lagu eego shirka Dhuusamareeb 3, iyaga oo kula taliyey in wixii halkaasi lagu heshiisyo aan dib la isugu laaban. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo ka hadlay khudabaddii Farmaajo ee golaha shacabka ayaa waxaa uu qoraal bartiisa Faceboogga ah ku sheegay in aaney suurogal aheyn inuu ku celiyo wixii Dhuusamareeb lagu heshiiyo waxaa uuna yiri “Madaxweyne Farmajo wuxuu Golaha shacabka ka horsheegay inuu wixii Dhuusamareeb lagu gaaro uu iyaga kusoo celinayo oo ay ereyga ugu dameeya ee doorashada iyagu leeyihiin. Tani marna maaha inay suurtogasho. “Wixii Dhuusamareeb lagu gaaro waa inay ku ekaadaan Dhuusamareeb.” Heshiis siyaasadeed boos ugama bannaana gole shacab oo waqtigoodii dhacay. Doorasho dadban oo heshiis lagu yahay keli ah ayaa maanta suurtogal ah. Golaha shacabku dib ha ugu noqdaan goboladooda oo kalsooni cusub ha weydiistaan”. Shirkan Dhuusamareeb 3, oo ay indhaha ku hayaan Soomaalida iyo beesha caalamka ayaa looga arrinsanayaa doorasho Soomaaliya ka dhacda 2020/2021, oo ay heshiis ku yihiin dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, waana nooc doorasho oo aan sababeyn in waqti loogu daro hey’adaha federaalka ah kadib markii maamulka Farmaajo uu ku fashilmay doorashada ‘Qof iyo Codka” ah ee uu balanqaasay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Xisbiga HAYAAN ee Heer Federaal, ahna Musharrax u taagan Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ,Cabdixabiib Yaasiin warsame, ayaa Maanta Magaalada Boosaaso Kulan Qado Sharaf ah kula yeeshay Qaar kamid ah Isimada Puntland, Siyaasiyiin, Waxgarad, Dhalinyaro iyo Haween. Hoos ka daawo Warbixinta oo dhan PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Xisbiga Hayaan oo Kulan Qado Sharaf ah ku qabtay Magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Madasha xisbiyada qaran ayaa war xasaasi ah ka soo saartay shirka wadatashiga madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ka socda magaalada Dhuusamareeb. Qoraalka ka soo baxay Madasha ayaa waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay, si ay uga baxdo natiijo miro-dhal ah. Sidoo kale waxa ay ka digtay in qolo gaar ah ay la wareegto shirka oo ah kii saddexaad, islamarkaana ay go’aan ka gaarto arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Halkan hoose ka akhriso:- View the full article
-
Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyed ayaa beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay ku sheegeen in shaqadii laga fariisiyey taliyaha ciidamada Booliska ee degmada Cabdicasiis Axmed Baashane, kadib weerarkii maalin ka hor lagu qaaday Hotelka Elite oo ku yaalla xeebta liido ee M/ Muqdisho. Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya Gaashanle Sadiiq Aadan Cali oo wareysi siiyey Shabelle ayaa wuxuu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana aysan jirin wax xil-ka qaadis ah oo lagu sameeyey taliyaha Booliska degmada Cabdicasiis. Sidoo kale wuxuu afhayeenku uga digay warbaahinta inay baahiyaan warar aysan hubin oo sal iy raad toona laheyn. Ugu dambeyn Sadiiq Aadan Cali aya hoosta ka xariiqay in Booliska Soomaaliyeed ay ka go’an tahay inay xoojiyaan howlaha lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka dowladda. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa war qoraal uu baraha bulshada soo dhigay ugu baaqay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu dhex-dhexaad ka noqdo gogosha uu dhigay magaalada Dhuusamareeb. Hogaamiyaha wuxuu sidoo kale madaxweynaha Galmudug kula dar-daarmay inuu codsi u diro madaxda ka maqan gogosha marka uu noqdo mid dhex-dhexaad ka ah wax walba. C/Raxmaan C/Shakuur ayaa sidoo kale soo bandhigay laba qodob oo lagu badbaadin karo shirka Dhuusamareb wajigiisa saddexaad ee aan ilaa iyo hadda la ogeyn sida uu ku qabsoomi karo walow ay Villa Soomaaliya sheegtay inuu furan yahay shirka. Labada qodob uu hogaamiyaha xisbiga wadajir ku sheegay in lagu badbaadin karo shirka Dhuusamareeb waxey kala yahiin: 1. Madaxweyne Farmaajo inuu magacaabo Raysalwasaare 2. In beesha caalamka ay caddeyso iney damiin ka tahay madaxweyne Farmaajo. HALKAAN AKHRISO HADALKA HOGAAMIYAHA WADAJIR: Ma aha in la isku qaldo gogol, guddoon iyo go’aan. Galmudug waxey fidisay gogol, inta kalena gogoshii Dhuusamarreeb 1 iyo 2 soo ajiibeen. Sababta Puntland iyo Jubbaland ay u diideen in ay gogosha Madaxweyne Farmaajo ee Muqdisho aqbalaan waa in ay isku haleeyeen Dhuusamarreeb oo ay u arkayeen in ay dhexdhexaad ah tahay, kama marnayn in dadka deegaanka dan siyaasadeed lagu xeerto. Laakiin Guddoonka shirka waxaa leh Madaxweyne Farmaajo oo ka naxsanaa guulaha Dhuusamarreeb 1 iyo 2. Wuxuuna u tafa xaytay in uu fashiliyo, isagoo inkiray heshiiskii Dhuusamarreeb 1 iyo 2, kuna dooday in heshiis horay loogu gaaray Baydhabo June 2018. Sharci darro ayuu ku riday Raysalwasaarihii, isagoo ku qoonsaday maxaad qayb uga ahayd guusha shirka Dhuusmarreeb, wuxuuna ku bedeshay mid xil gaarsiin ah oo dastuurka meelna kaga ool. Waa guddoon gogol dhaan ah. Intaa kuma ekeysan ee Farmaajo go’aankii wuxuu siiyey gole muddo xileedkiisii dhammaaday, isagoo sheegay in heshiiska lagu gaaro Dhuusamarreeb 3 uu Golaha Shacabka go’aaniisa leeyahay. Ujeedka Farmaajo waa in uu Dowlad Goboleedyada kala dilo, shirka Golaha Ammaanka ee 20 bishan dhacaya heshiis been been ah ku dhaafo, islamarkaana uu ku eed la’aado. Haddaba mar gardarna ninkii ka biya diida guddoonka gogol dhaanka ah, kana dhiidhiya go’aanka la siiyey Golaha (Baarlamaanka) ee muddo xileedkiisu dhammaaday, dalbadanna in la magacaabo RW oo dheellitiranka siyaasadda la dhowro. Xeerka Ninka gogosha dhigay waa in uusan dhinacna la safan, gar eexeedna gelin, godob ka gelin raga jaalkiisa ah oo shalay wax ku xeertay, dushana u ridan eed nin kale leeyahay. Si gogosha loo badbaadiyo waa in Madaxweyne Farmaajo uu Raysalwasaare magacaabo, madaxweynaha Galmudug-na uu dadka maqan doono, beesha caalamkana caddeyso in ay Farmaajo damiin ka tahay.
-
Wararka ka imaanaya Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta Ciidamada ammaanka ay Baydhabo ku toogteen labo nin oo la sheeegay inay kusfi ka geysteen magaaladaasi. Ragga la dilay oo ay dhowaan ciidamadu gacanta ku soo dhigeen ayaa lagu soo warramayaa inay qirteen falka Kufsiga ah ee lagu soo eedeeyey, kadibna la toogtay. Toogashada ayaa timid, kadib markii ay raggan Kufsi kula kaceen wiilal yar-yar oo midkood la sheegay inuu geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ehellada dhibanayaasha ay dalbadeen in cadaalada la horkeeno, kadibna sidaas lagu go’aamiyey in la toogto. K/ Galbeed ayaa horey u shaacisay inay deegaanadeeda, gaar ahaan Baydhabo ay ku soo bateen falalka ka baxsan sharciga, sida Kusfiga iyo dhibaatooyin kale, waxaana toogasha ay fulisay ku micneysay inay uga hortageyso xad-gudubyada ka dhanka ah aadanaha. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof oo ah, kaas oo ahaa wada Mooto Bajaajle, sida ay inoo xaqiiijiyeen dad goobjoogaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in bartilmaameedka uu ahaa gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo marayey halkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana si caadi ah ku soo noqday isku socdka dadka iyo gaadiidka intaba. View the full article
-
Qarax hadda Gilgilay Magaalada Muqdisho Waxaa goordhaweyd qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Deva oo ku dhaw Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo lala eegtay gaadhi nooca aan xabaduhu karin oo halkaasi marayay, waxaana qaraxaasi la sheegay in uu ka bad baaday gaadhigii lala eegtay. Inta la xaqiijiyay hal qof oo moto bajaajle ah oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ku dhaawacmay , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaadhay ciidamo Qaraxyada iyo falalka amaan daro ayaa ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxa uuna qaraxan imaanayaa saacado kadib weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo Al Shabaab ku qaadeen hotel kuyaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Qaran News
-
Beijing (Caasimadda Online) – Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeesatay in Taiwan oo ay u arkaan gobol ka mid ah uu xafiis ka furto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Shiinaha (Zhao Lijian) oo saxaafadda maxaliga ah la hadlay ayaa sheegay in wali Taiwan ay ka mid tahay dhulweynaha China, isla markaana aysan jirin cid ay xiriir la sameyn karaan. Zhao Lijian wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Somalia, ayna tahay wax aan sharci aheyn in laba gobol ay iskaashi caalami ah yeeshaan. “Dunida waxaa ka jira hal China, dhulka Taiwan waa gobol ka midd ah dhulweynaha Shiinaha” ayuu si adag u yiri Zhao Lijian. Masuulkaan wuxuu sidoo kale sheegay in beesha caalamka iyo qaramada midoobe ay kaliya aqoonsan yahiin hal China, taasna ay tahay wax ka hor imaanaya shuruucda u dagan dunida. Somaliland iyo Taiwan ayaa dhawaan ku heshiiyay iney xiriir diblomaasiyadeed yeeshaan iyadoo la ogyahay in labada dowladood aysan wali helin ictiraaf caalami ah oo ay ka go’een Shiinaha iyo Soomaaliya. Ugu dambeyntiina masuulka hadlay wuxuu sheegay in xisbiga dimoqoraadiga ah ee talada Taiwan haya ay ku fashilmi doonaan isku day walba oo ay doonayaan iney ku kala qeybiyaan China.
-
Somalia:Rag loo haystay inay kufsi kula kaceen wiilal yar oo la toogtay Raggan ayaa la sheegay in maxkamad ay xukuntay Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay lagu toogtay labo nin oo la sheegay in bishii hore ay magaalada dhexdeeda kufsi ugu geysteen ilmo yar. Raggan oo maxkamad la soo taagay, kaddibna xukunkan lagu riday ayaa la sheegay in hore ay u geysteen fal noocan oo kale ah. Dadweynaha magaalada ayaa soo dhoweeyay arrintaas oo ay aad u hadal hayeen. Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Siciid Cali oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dad kale oo arrimahaas loo soo xiray ay jiraan. “Runtii maalmihii la soo dhaafay waxaa Baydhabo ka dhacayay falal gaboodfallo ah oo dhanka jinsiga la xiriira, marka falalkii waxay noqdeen kuwo soo laalaabtay, dad fara badan ayaa loo xiray runtii oo dembigaa lagu helay oo maxkamad la soo taagay, qaarkood weli waa lagu guda jiraa. Arrimahaas waxaad mooddaa in magaalada Baydhabo ay ka dhaceen wax aan hore looga baran annagana ka mas`uuliyad ahaan ay aad noo taabatay.” Ayuu yiri wasiirka. Dhawr dhacdo oo kufsi ah oo lagula kacay wiilal yaryar ayaa laga soo weriyay magaalada Baydhabo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, taasoo aad uga caraysiisay dadweynaha ku nool magaaladaasi waxaana la rumeysan yahay inay soo dadajisay toogashada labada nin ee dhalinyarada ah ee maanta la toogtay. Qaran News
-
Waxa Magaalada Hargeysa soo gaadhay Wakiilka cusub ee Dawladda Federaalka Itoobiya u soo Magacowday Somaliland, Amb. Siciid Maxamed Jibriil. Wakiilka cusub ee Itoobiya ayaa Axaddii doraad ka soo degay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, waxaana halkaa kaga hor-tagay oo soo dhaweeyay Saraakiil ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland. Wakiilka cusub oo laga soo ambo-bixiyey Caasimadda Addis Ababa ayaa si rasmi ah u bilaabaya shaqadiisa diblumaasiyadeed, maaddaama oo uu soo cago-dhigtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Amb.Siciid Maxamed Jibriil ayaa beddelaya Wakiilkii hore ee Dawladda Federaalka Itoobiya u joogay Somaliland Amb. Shamsudiin Axmed Rooble, kaasi oo muddo dheer shaqada ka sii maqnaa, inkasta oo Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa uu si wanaagsan u shaqeeyo. Dr.Siciid Maxamed Jibriil ayaa intii aan loo Magacaabin Wakiilka Itoobitya ee Somaliland wuxuu ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Hargeysa Qaran News
-
BAIDOA (HOL) - Two men who were convicted of raping a ten-year-old boy in Baidoa were Tuesday morning executed. Source: Hiiraan Online
-
Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa xarunta degmada Wadajir ku qabtay shir looga hadlayay qabashada tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020-2021 iyo qorshayaashii her geliyay sanadkii la soo dhaafay 2019. Shirkan oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish, waxaa kasoo qeybgalay Xubnaha Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir, Guddoomiyaasha Isboortiga degmooyinka Gobolka Banaadir, Macallimiinta Degmooyinka iyo mart sharaf kale, waxaana lagu soo bandhigay xeerka tartanka lagu maamuli doono iyo nidaamka guud ee tartanka qeybahiisa kale duwan. Guddoomiye Xasan Wiish ayaa sheegay in sanadkan maamulka Gobolka uu doonayo tartan dhankaasta ka dheeli tiran, ciyaar wanaagga, abaabulka, anshax wanaagga, xirfad ahaanna ka horumarsan sanadihii lasoo dhaafay, waxuuna la iclaamiyay in tartanka uu si rasmi ah u furmi doono 10-ka September 2020. Si kastaba sanadkii la soo dhaafay 2019 waxaa ciyaaraha degmooyinka ku guulaystay kooxda Degmada Dharkenlay,iyagoo ku qaaday guul daro la’aan waxaana maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir ay sheegeyn in diyaarnayaan qorshayaal lagu horormarinyo isboortiga Gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed (Karaani) oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Magaalada Jowhar Xilli uu ka baxay Masaajid uu ku dukaday Salaada Cishaha. Madaxwayne waare ayaa yiri anigoo ku hadlaya magaca golayaasha iyo shacbiga Hirshabelle waxaan tiiraanyada la qaybsanay dhammaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale cambaareeyay dilka wasiirka, wuxuuna Tacsi uu u diray Shacbiga Hirshabelle, gaar ahaan,qoyskii,Caruurtii ,eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka, samir iyo iimaana ka siiyo, waxaana uu alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa. Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa muujiyay sida uu uga naxay misna uga naxay Dilka Wasiirka, ayaa amray hey’adaha amaanka in ay si deg Deg ah u soo qabtaan Kooxihii Ka dambeeyay Dilka wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle marxuum C.qaadir Abuukar Muxumed Karaani. Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Mudane ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabelle waxaana uu ka mid noqday dabayaaqadii 2016-ki oo xiligaa la aas aasay Baarlamaanka Hirshabelle. View the full article
-
Al-Shabaab said it has killed a minister in Jowhar, the regional capital of Middle Shabelle region on Monday night. In a statement, the Al-Qaeda affiliate in Somalia claimed the murder of Abdulkadir Abukar known as [Karani] who was executed by armed men while on his way home. The killing of the minster has shown how HirShabelle’s leadership failed to protect its elite officials who are vulnerable to assassinations by Al-Shabaab as they don’t have escorts. Al-Shabaab has in the past two years killed MPs and security officials in separate attacks on Bal’ad-Jowhar road, the most insecure street in the regional state. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-1882020.mp3 View the full article
