-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay inuu xilka ka qaaday wasiirkii difaaca dalkaas, oo si la mid ah Abiy kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, islamarkaana mar ay xulfo ahaayeen, maalmo un kadib markii uu xabsi guri geliyey. Xil ka qaadista Lemma Megersa oo lagu shaaciyey barta twitter-ka ayada oo qeyb ka ah isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirada ayaa muujineysa heerka ay gaartay xiisadda Itoobiya ee u dhaxeysa Abiy iyo siyaasiyiinta Oromada, ee ku saleysan habka looga gudbayo marxaladda kala-guurka Itoobiya. Abiy ayaa sanadii 2018 noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee Oromo ah oo Itoobiya ay yeelato kadib dibad-baxyo xooggan oo horseeday inay is-casisho xukuumaddii ka horreysay. Hase yeeshee Oromo badan ayaa sheegaya in Abiy uusan waxba kama qabin dareenkooda muddada jiray ee ah in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la liiday. Wareysi uu siiyey VOA Amharic ayuu Lemma bishii November ku cambaareeyey qorshihii uu Abiy isbaheysigii xisbiyada kala qowmiyadaha ahaa isugu geeyey hal xisbi oo loogu magac daray Xisbiga Barwaaqada ama PP. Lemma oo horey madax ugu ahaa Abiy intii uu ahaa madaxweynaha gobolka Oromada ayaa sidoo kale diiday wax uu ugu yeeray siyaasadda Abiy ee “Medemer” oo ah erey Amaxaari ah oo macno ahaan noqonaya “isku dar”. Lemma ayaa dhowrkii bil ee tegay gees looga riixay siyaasadda Itoobiya, ayada oo kadibna shaqadiisa la hakiyey, lana geliyey xabsi guri. Lemma ayaa waxaa lagu beddelay Kenea Yadeta, oo ah sarkaal horey amniga ugu qaabilsanaa gobolka Oromada. Xiisadda Abiy iyo Lemma ayaa kasii dartay kadib markii la dilay heesaagii Oromada ahaa ee Haccaaluu Hundessa, taasi oo hogaamisay in la xiro shaqsiyaad caan ah oo Oromo ah, kuwaas oo loo xiray sababo la xiriira dibad-baxyadii looga soo horjeeday dilka. Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyey in Abiy Ahmed uu ku eedeeyey Lemma inuu xiriir la leeyahay Jawar Mohammed, oo ka mid ah ragga u ololeeya Oromada, aadna ay isku hayaan Abiy.
-
Dalka Soomaaliyeed wuxuu ku jiraa xilli doorasho, waana xilligii loogu baahida badnaa in olole doorasho ay galaan dhamaan dadka siyaasadda Soomaaliya daneeya gudo iyo dibedba, si ay kursiga ugu sarreeya waddanka u hantaan, ama madax ay gaashaanbuur la yihiin dabada ka riixaan. Sharci doorasho ayaa uu qalinka ku duugay Madaxweyne Farmaajo 21kii February 2020 kadib markii ay labada aqal ee Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ansixiyeen gorfayn iyo falanqayn dheer kadib. Waxaa xusid mudan in sharcigan doorashada ee ugu dambayn la ansixiyey uu soo maray heerar kala duduwan tan iyo markii uu ka soo gudbay Golaha Wasiirrada Dawladda Federaalka bishii May 2019kii. Maamulka Puntland waqti badanba kama qaadan in ay war-saxaafadeed ka soo saaraan sharcigaa doorashada durbadiiba markii ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada. War-saxaafadeedkan ayaa ay Puntland ku sheegtay in madaxda Dawladda Federaalka isku kali yeelayso talada iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka sida sharciga doorashada oo ay sheegtay in uusan ku iman wada tashi. War saxaafadeedkaa wuxuu ku taariikhaysnaa 02 May 2019. Puntland ayaa mar labaad ku tilmaamtay sharciga doorashooyinka mid aan waxba ka quseyn maamulkeeda bishii December 2019 maadaama aan laga talo gelinin, wuxuuna bayaankaasi ku soo beegmay waqtigii ay Golaha Shacabku ka doodayeen hindisaha doorashooyinka. Puntland diidmadeedii isdaba joogga ahaa waxa ay u turjuntay ficil kadib markii ay gebi ahaanba albaabada u laabtay xafiiskii guddiga doorashooyinka dalka Soomaaliyeed ee ku yaallay Garoowe 06 February 2020 ayada oo uu sharciga hor yaallo Aqalka Sare. Qaar ka mid ah mudanayaasha ku metela Puntland Aqalka Sare ayaa ka hor yimi ansixinta sharciga ka hor inta aanan aqlabiyad lagu meel marin. Haddaba, miyaan la oran karin Puntland waxa ay marki horeba iska diiddanayd doorasho toos ah maadaama ilaa 2019 ay ka soo horjeedday hindisayaashii doorasho ka hor inta aysan ku marmarsoon koobnaanta waqtiga? Waxaa habboon in la tilmaamo in Aqalka Sare uu metelo Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, wixi ay ansixiyaanna ay ku gawracan yihiin Dawlad Goboleedyada. Laakiin, maamullada Puntalnd iyo Jubaland ayaa mar walba ku gacan seyra sharciyada iyo siyaasadaha ay meel mariyaan Aqalka Sare sida sharciga doorashada oo ay ka soo horjeesteen ilaa haddana ay diiddan yihiin. Su’aasha ay dad badani iswaydiinayaan ayaa ah; waa maxay haddaba shaqada Aqalka Sare iyo mas’uuliyadda saaran mar haddii ayba maamullada qaar sida Puntland iyo Jubaland aysan aaminsaneen jiritaankiisa? War celinta waydiintaa akhristaha ayaan u daynayaa. Puntland ayaa diidday ka qayb galka shirka Dhuusomareeb wareegiisa seddexaad ayada oo shuruudo dhawr ah ku xirtay ka qayb-galka shirka. Shuruudaha waxaa ka mid ahaa in ay goobjoog ka ahaadaan wada-hadallada Beesha Caalamka si ay damiin u noqdaan. Hagaag, maba xuma in Beesha Caalamku goobjoog ka ahaato shirka lagaga tashanayo doorashooyinka dalka ku soo wajahan laakiin niyad wanaag ma ka tahay Puntland dalbashada Beesha Caalamka? Beesha Caalamku sida dusha ka muuqata way daneeyaan siyaasadda Soomaaliya oo waxa ay hiil iyo hooba la daba taagan yihiin Soomaaliya sidi ay u heli lahayd dawlad cagaheeda mar labaad ku istaagta. Lama inkiri karo deeqaha lacageed ee ay bixiyaan taas oo laf dhabar u ah geeddi socodka iyo hannaanka dawladnimo ee Soomaaliya waqtigan la joogo. Waxaa xataa laga sugayaa maalgalinta doorashooyinka soo socda oo gaaraysa ilaa 70 milyan oo doollar. Ayaga oo sidaa loo ogsoon yahay ayaa Jubaland doorasho boob ah oo ay Beesha Caalamka ka digtay kana hor timi qabsatay, Puntland-na ku taageertay. Ilaa waqti dambe, Beesha Caalamku way ka xishoonayeen xataa in ay ugu yeeraan Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland. Puntland waxa ay dadaal ku bixisay sidi loo aqoonsan lahaa Axmed Madoobe shirar badanna la gashay Beesha Caalamka oo danta Jubaland ka hor marisay danta Puntland. Sow lama oran karo Puntland way iska dhaga tirtay digniinihii Beesha Caalamka ee ku aaddanaa doorashooyinki Jubaland August 2019? Maxaase hadda isbaddalay? Puntland haddii ay dhab ka tahay u dhaga-nuglaanta Beesha Caalamka, miyeysan yeesheen sharciga doorashada tooska ah ee ay taageereen Beesha Caalamka, mar walbana ku celceliyaan muhimmada ay leedahay in doorasho toos ah Soomaaliya ka dhacdo oo aan loo noqon marnaba doorasho dadban? Mise Beesha Caalamka waa kaar ay Puntland is leedahay ku cadaadi Dawladda Federaalka oo inta badan aan jecleyn in Soomaali shisheeye soo kala dhex galo? Haddii looba yeelo Puntland dalabka ah in Beesha Caalamka goob-joog ka ahaadaan wada hadallada looga tashanayo dooraashooyinka dalka, aqlabiyaddna la isku garto in doorasho toos ah waddanka ka dhacdo, waqti farsamo ah oo 13 bilood gudaheedna lagu heshiiyo in la dhaqan galiyo sharcigaa, muxuu noqon doonaa mawqifka Puntland? Dadka qaar baa is waydiiya Puntland ma siyaasaddi Soomaliya ayaa ay ku hafatay oo meel ay u raacdo ayaa ay wayday iyo xulufo ay ku xirato aan ka ahayn maamulka Jubaland oo ayaduba ku meel gaar ah, mise awood siyaasadeed oo dadka ka qarsoon bay leedahay? Waa dhab in ay dhaqaale ahaan la oran karo Puntland iyo Jubaland ilaa xad way isku filnaan karaan marki la eego labada dekedood ee ummadda Soomaaliyeed ka dhaxaysay aya ay heystaan oo ay Soomaalida kale waxba ka soo gaarin, balse iskaba daaye haddana doonayaa canshuurta laga qaado islaanta yaanyada ku iibisa Xamar in wax laga soo gaarsiiyo. Laakiin dhinaca kale marka aad ka eegto, waxaad u malaysaa in aysan Puntland ku baraarugsanayn in maamullo kale oo awood siyaasadeed leh ay ku soo biireen isle’egta siyaasadeed ee Soomaaliya, masiirka ummadda Soomaaliyeedna ku leh qayb libaax. 5 dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir waxa ay noqonaysaa in ay codeeyaan, aqlabiyaddana la raaco. Mise Puntland maba aaminsana in Hirshabeellle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed yihiin maamullo jira oo codka Puntland oo kale leh? Waxaa hubaal ah in Puntland, sida looga bartay, waxa ay diiddo dib ka ogolaato, waxaana ku raja waynahay in sharciga doorashada tooska ah la meel marin doono ama si wada jir ah oo aqlabiyad leh loogu heshiin doono nidaam doorasho oo aan farxad gelin Puntland waayo mar haddii aadba hal maamul ka tahay 6 maamul Goboleed, xeeladdi siyaasadeed ee aad ra’yigaaga ku gadi lahaydna aadan lahayn, waa dadkaada dhinac ka raac. Puntland oo u adeegaysa danaha shisheeyaha Soomaaliya lug-gooyada ku haya ilaa hadda way ku guuleeysatay in ay hakad galiso wada hadallada tooska ee Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada, balse uma eka wax sii socon doona waayo danaha qaranka Soomaaliyeed ayaa mar walba ka adkaan doona loolanka kala dhexeeya danaha shisheeye oo ay ummadda Soomaaliyeed ka daaleen. Nasrudin Mohamed Ahmed – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: ahmedfiqi2018@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland soo gaaray diblomaasi kasocda dowladda Itoobiya, kadib markii uu dhawaan soo if baxay xiriirka sii xumaanaya ee labada dhinac. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Diblomaasigaasi ayaa noqonaya wakiilka cusub Dowladda Itoobiya ee Somaliland, wuxuuna imanaya muddo badan kadib markii ay wakiilkeedii hore uga yeertay Hargeysa. Wakiilka cusub ee Itoobiya, Amb. Siciid Maxamed Jibriil oo kasoo kicitimaya Addis-Ababa ayaa waxa madaarka Hargeysa ee Cigaal kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Wasaaraddda arrimaha dibedda Somaliland. Amb. Siciid Jibriil ayaa dar-dar gelin doona howlaha shaqo ee xafiiska Itoobiya ee Hargeysa, oo muddooyinkii dambe haawanayey, kadib markii uu meesha ka baxay wakiil hore ee Itoobiya. Magacaabista Wakiilkan cusub ayaa imaneysa xili uu wafdi ka socda Itoobiya uu yimid Somaliland, kadib markii ay xiriir cusub la sameysatay Masar oo ay si weyn isku hayaan dowladda Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa u muuqata mid dib usoo nooleynaysa xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Somaliland oo muddooyinkii dambe mugdi badan galay, maadama ay walaac xoogan ka qabto in xukuumada Biixi ay garabka saarto Masar, oo kala dhaxeyso xiisada webiga Nile-ka buluuga ah.
-
Maamulka Farmaajo ayaa warqad cabasho ah hawada u mariyay dalka Taiwan taasi oo aan xaqiiqda ku salaysnayn, ma jirto wax Somaliya la yidhaahdo oo ay ku jirto Somaliland, taasi oo si sharci daro ah ay u sheeganayaan Somaliland oo ka baxday midowgii sharcidarada ahaa ee ay la gashay Koonfurta Somalia 1960-kii Hadaba warqadani hoos taala waxa baahiyay maamulka Farmaajo ee xakamayn kari la magaalada Muqdisho. Qaran News
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Bar___Qubanaha-Shabelle-18082020.mp3 View the full article
-
Bamako (Caasimada Online) – Ciidamo gadoodsan ayaa xiray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita (Sawirka bidix) iyo Boubou Cisse, sida uu sheegay mid ka mid ragga hoggaaminaya askarta. “Waxaan kuu sheegi karnaa in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku jiraan gacanteena,” ayuu hoggaamiyaha ciidankan u sheegay wakaaladda wararka AFP, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. Waxa uu intaas ku daray in labada mas’uul “lagu xabisay” guriga Keita oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Bamako. Ciidamada ayaa goor sii horreysay waxay gadoodka ka ka billaabeen magaalada Kati oo ku dhow caasimadda Bamako. Sarkaal kale oo militari, oo diiday in la magacaabo, ayaa sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha lagu qaatay babauurta gaashaamaan, ayna kusii jeedaan magaalada Kati. Ururka Midowga Afrika ayaa durba cambaareeyey xariga hoggaamiyayaasha Mali. “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xariga madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita iyo ra’iisul wasaare Boubou Cisse iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda Mali, waxaana ku baaqayaa in deg deg loo sii daayo,” waxaa sidaas qoraal uu twitter soo dhigay ku yiri guddoomiyaha Midowga Afrika Faki Mahamat. Madaxweyne Keita ayaa tan iyo bishii June wajahayey dibad-baxyo xooggan oo lagu dalbanayey inuu is-casilo ayada oo lagu tuhmayo musuq-maasuq iyo amniga dalka oo sii xumaanaya.
-
Mutineering soldiers in Mali on Tuesday detained President Ibrahim Boubacar Keita and Prime Minister Boubou Cisse, one of their leaders said. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug uga furmay madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe oo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa lasoo hordhigay illaa 4 nooc doorasho oo kala duwan. Noocyadaan doorashada ayaa waxaa shirka hor keenay Guddiga Farsamada Shirka Dhuusamareeb 3 ee ka baaraandegga nooca Doorasho ee dalka ka dhaceysa. Guddiga ayaa noocyadaan u gudbiyey madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Hirshabelle, K/Galbeed, Galmudug iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyadoo ay shirka qaadaceen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Noocyada doorasho ee guddiga soo bandhigeen ayaa waxay kala yihiin Doorasho dadban oo la kordhiyey tirada codbixiyeyaasha, lagana dhigo 101,-1000, taasoo ergada ay isla soo xulayaan odayaasha, iyo bulshada rayidka, wadajirka loo doornayao xildhibaannada oo dhici karta kahor February 2021-ka. Doorasho isugu jirta toos (Qof iyo Cod) iyo mid dadban oo degaanada qaar ka dhaceysa, qaar kalena loo qabanayo, waxaana codeynaya dad ka badan Hal Milyan oo lagu qaban karo ilaa July 2021. Qof iyo cod (Biometric), oo ay codeeyaan ka badan 3 milyan qof, oo qaadaneysa 13 bil – Talo soo jeedintii Guddiga Doorashooyinka-. Qof iyo cod oo Is-diiwaangelinta iyo codeynta isla maalinta dhaceysa 3 ilaa 4 milyan oo qaadaneysa 9-12 bilood. Sida wararka naga soo gaarayo Dhuusamareeb sheegayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhagan nooca labaad ee ah Doorasho isugu jirta toos (Qof iyo Cod) iyo mid dadban oo degaanada qaar ka dhaceysa, qaar kalena loo qabanayo taasoo la sheegay inay coddeyn doonaan Hal Milyan oo lagu qaban karo ilaa July 2021. Madaxweyne Farmaajo ayaa kala dilay madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana hadda muuqato inuu taageero xoog leh ka heysto Madaxweynayaasha Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo marti gelineyso shirka. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ka qeybgalkooda shirka shuruud uga dhigay in marka hore uu Madaxweyne Farmaajo magacaabo Ra’isulwasaare fuliyo waxyaabaha kasoo baxo shirka, iyo in Beesha Caalamka ay marqaati ka noqoto Shirka iyagoo madaxweynaha ku eedeeyey inuu heshiisyo hore ka baxay.
-
Madasha xisbiyada qaran oo maanta qoraal soo saaray ayaa sheegay in guddiga farsamo ee shirka Dhuusamareeb3 ay ka been abuurteen isla markaana uusan jirin kulan dhex maray labada dhinac. Halkan Ka Daawo Warka Ka Soo Baxay Madasha Xisbiyada Qaran Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Qoraalka Ka Soo Baxay Madasha Xisbiyada Madasha Xisbiyada oo Sheegtay iney Ka Been Abuurteen Guddiga Farsamo Ee Dhuusamareeb3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Two Somalia soldiers were executed Tuesday after being convicted of raping a 10-year-old boy who died from the bleeding, officials say. The executions of the two soldiers in Baidoa town in southwestern Somalia follows a hurried trial which convicted the two soldiers of raping the boy in July after luring him into an isolated area. There were no immediate details about the trial proceedings. The executions also come amid mounting public pressure on the authorities of Southwest State after reports of two other cases of rapes of young boys emerged, angering local residents who are demanding justice. The two soldiers who were executed Tuesday had confessed to the crime, according to Southwestern provincial/regional information minister Ilyas Said Ali. The minister also confirmed the arrests of more people in connection with the other two rape cases. Somalis on social media have urged authorities to bring perpetrators of the attacks to justice. Rape suspects often avoid prosecutions in this Horn of Africa nation, where the justice system remains weak. Traditional elders often try to settle rape cases through talks among elders representing the perpetrator and the victim, but local activists subsequently urged the suspects to face trial under a tough new law against sex crimes. Under the new law, those found guilty of rape can be jailed for up to 10 years without the option of a fine. However, some of them could face the death penalty. Somalia is trying to build a functional government after years of lawlessness and an insurgency by Islamic extremists. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Milkiilaha Elite Hotel, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo maalin ka hor lagu qaaday weerar toos ah iyo qarax xoogan ayaa ka hadlay sababtii ka dambeysay weerarkaasi. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo wareysi bixiyey kadib markii lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday hotelkiisa oo markii hore ku bilowday qarax ayaa sheegay in ‘sababta ugu weyn ee loo beegsaday ay tahay inuusan bixin lacag baad ah’. Xildhibaanka ayaa arrinkaasi si dad-ban ugu sheegay wareysi uu siiyay Dalsan, isagoona xusay inaysan marnaba niyad jabin doonin weerarada argagixisada oo ujeedkooda u weyn yahay niyad jabinta horumarka umadda Soomaaliyeed. Milkiilaha Elite Hotel ayaa carabaabay in dad u dhow ay dhowr jeer kula taliyeen inuu bixiyo lacagta kooxda Al-Shabaab ku sheegto ‘Zakawaadka’ oo la fahamsan-yahay inay bixiyaan badanaa ganacsatadu, si ay uga nabad helaan falalka amni daro ee kooxdaasi. Cabdullaahi ayaa sheegay inaysan marnaba suurtagal noqoneyn inuu lacag baad ah siiyo kooxda nabad-diidka ah, taasi oo qeyb ka noqoneysa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Waxaa caqli darro ah daruuf kastaba ha keentee, inta anigu lacag bixiyo dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan ee magaaladan jooga lagu dili lahaa, in aan anigu dhintaa ka door-bidayaa” ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa ugu dambeyntiina ganacsatada Soomaaliyeed usoo jeediyay inay ka digtoonadan lacagaha baada ah ee ay siinayaan kooxda Al-Shabaab, midaasi oo uu sheegay inay qeyb weyn ka qaadaneyso qaraxyada iyo dilalka ay fuliyaan kooxdaasi. Weerarka Elite ayaa kusoo aadaya xili uu faraha kasii baxayay amaanka caasimadu, taasi oo loo aaneynayo habacsanaanta amni, si dhabana uma cada qorshayaal ay laamaha amnigu uga hortagayaan falalka amni darro ee Al-Shabaab, oo maalmihii u dambeeyay sarre u kacay.
-
Somali Journalists Syndicate (SJS) and Somali Media Association (SOMA) are very concerned about the health condition of Mohamed Abdi Hussein Araye, a cameraman with the state-owned TV, who was critically injured in a hotel attack in Mogadishu on Sunday, while we strongly condemn the brief detention against Omar Ahmed Hilowle, the director of the privately-owned independent Radio Kaah, following a raid by officers from the National Intelligence and Security Agency (NISA) on the radio premises in Mogadishu on Monday 17 August. Source: Hiiraan Online
-
Gunfire was heard at an army base near Mali's capital Bamako on Tuesday, sparking fears of a possible mutiny in the conflict-torn country. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Habeen-18082020.mp3 View the full article
-
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed's office announced Tuesday that he was replacing his defence minister, a fellow ethnic Oromo and former close ally who has recently been openly critical of Abiy's political reforms. Source: Hiiraan Online
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax galabta ka dhacay garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee garoonka lagu magacaabo Laqanyo Stadium, xilli uu ka socday tartan xiiso badan. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidamada amniga, islamarkaana uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Beledweyne oo ku aadan qaraxaas oo uu noociisu ahaa miinada meelaha fog-fog laga hago. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, balse ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaano dheeraad ah. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus maamulka Galmudug ayaa qarka u saaran inay is-casilaan, ayaga oo ka carreysan in madaxweyne maamulka Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor uu “isu dhiibay” madaxweyne Farmaajo. Qoor Qoor ayaa xalay sameeyey arrin lama filaan ah kadib markii uu furay shirka Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, waxaana maanta soo baxay in sidoo kale uu madaxweyne Farmaajo ka ogolaaday muddo kororsi. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, wasiirka amniga Galmudug xildhibaan Axmed Macallin Fiqi iyo wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga xildhibaan Saabir Shuuriye ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Qoor Qoor. Saabir iyo Fiqi, oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ee sida weyn u macaaradsan dowladda Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay u sheegay Qoor Qoor inuu ka baxay ballantii ay wada-galeen markii ay ku biireen maamulkiisa, taasi oo ahayd in Galmudug noqoto dhex-dhexaad. “Wixii Qoor Qoor uu sameeyey lama filaan ayey noqotay, marna lagama fileyn hoggaan sidan u liita iyo inuu sidan fudud ku aqbali karo muddo kororsi Soomaaliya ku hoggaamin karta dagaal sokeeye,” waxaa sidaa yiri ilo-wareed ku dhow labada xildhibaan oo la hadlay Caasimada Online. Wararka ayaa intaas ku daraya in Fiqi iyo Saabir ay rumeysan yihiin in Qoor Qoor uu saacado gudahood dhulka ku tuuray sumcaddii iyo sharaftii ay Galmudug wax ka yar bil ka hor ku heshay isku keenidda dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya, ee muujisay inay noqon karta midda dalka bad-baadisa. “Toddobaadyo kahor waxa uu Qoor Qoor ahaa madaxweyne goboleed Soomaaliya oo dhan amaaneysa, maantana wuxuu noqday qof ku jira gacanta madaxweyne Farmaajo, sidaas marnaba lagama fileyn,” ayuu yiri qof xog-ogaal u ah xiisadda taagan oo la hadlay Caasimada Online. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Saabir iyo Fiqi ay rumeysnaayeen in Qoor Qoor uu ahaa awoodda kaliya ee muuqata ee beesha Mogadishu Clan ku mataleysay loolanka siyaasadeed ee dalka ka socda, balse uu taas meesha ka saaray. “Xasan Cali Kheyre waa la cayriyey, Cumar Filish waa nin Farmaajo soo magacowday oo aan lahayn awood uu wax ku diido. Waare markii horeba Farmaajo ayaa watay. Mogadishu Clan oo dhan waxay eeganayeen Qoor Qoor, balse awooddiisa isagaa iska tuuray,” ayuu yiri ilo-wareedka aan la hadalnay. Arrinta layaabka leh ayaa sidoo kale ah in Qoor Qoor uu muddo kororsiga ogolaaday ayada oo aanay jirin wax muuqda oo uu ku bedeshay. “Waxba kama jiraan in jago ra’iisul wasaare lagula heshiiyey. Waxaa jirta in Farmaajo doonayo in kurisgan oo uu Mogadishu Clan leeyahay uu usii hayo Mahdi Guuleed, oo wixii uu doono ugu sameeyo, mana muuqato in ra’iisul wasaare Mogadishu Clan ah lasoo magacaabi doono,” ayuu yiri il-wareed la hadlay Caasimada Online. Wararka ayaa sheegaya in hadda ay socdaan wada-hadallo u dhaxeeya Qoor Qoor iyo Saabir iyo Fiqi, ayada oo la isku dayayo in la saxo qaladkii uu Qoor Qoor sameeyey, lagana soo saaro “xeendaabka madaxweyne Farmaajo.” Labada xildhibaan ayaa sida aan ogaanay dalbanaya in Qoor Qoor ka laabto mowqifkiisii hore, islamarkaana uu saxo qaladkii uu gelay. Waxyaabaha la doonayo in Qoor Qoor uu sameeyo, ayaa waxaa ka mid ah in la joojiyo in shirka Dhuusamareeb 3 laga soo saaro go’aan diyaarsan oo la rumeysan yahay in muddo kororsi lagu siinayo madaxweynaha. Waxaa sidoo kale lasoo jeediyey in Qoor Qoor aado Garoowe iyo Kismaayo islamarkaana uu lasoo hadlo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe kuna qanciyo inay shirka yimaadaan. Haddii Qoor Qoor uu diido inuu sidaas sameeyo ayaa waxaa la filayaa in labada xildhibaan iska casilaan golaha wasiirada Galmudug kuna soo laabtaan magaalada Muqdisho, maadaama aysan diyaar u ahayn inay qeyb kasii ahaadaan maamul “hoos tagaya” madaxweyne Farmaajo.
-
W/Q: Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahmaan Abdishakuur Warsame. Galmudug waxey fidisay gogol, inta kalena gogoshii Dhuusamarreeb 1 iyo 2 soo ajiibeen. Sababta Puntland iyo Jubbaland ay [...] The post Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur : – Ma aha in la isku qaldo gogol, guddoon iyo go’aan. appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa maanta markale war kasoo saartay xiriirka Taiwan iyo Somaliland, oo horseeday in wakiilo is weydaarsadaan, isla markaana maalinimadii Isniintii ay xafiis ka furato magaalada Hargeysa. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa si weyn loogu cambaareeyay dhaq-dhaqaaqa Taiwan ee Somaliland, kaasi oo xad-gudub ku ah madax-banaanida Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Dowladda ayaa meel adag iska taagtay heshiiska Taiwan iyo Somaliland ee horseeday inay xafiiskaasi ka furato, iyada oo ula dhaqmeysa sida ‘dal madax-banaan’, xili uu caalamku u aqoonsan yahay inay qeyb ka tahay Soomaaliya. “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay cambaareynaysa isku deyga Taiwan ay ugu xadgudbeyso qaranimada Soomaaliya, iyo sharafteeda dhuleed,” ayaa lagu yiri. “Dowladda federaalka Soomaaliya waxay diideysaa dhaq-dhaqaaqyadan qaldan ee lagu raadinayo in is afagaran waa iyo kala qeybsanaan looga dhex abuuro shacabkeena.” “Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay sidii ay u ilaalin lahayd Qaranimadeeda, Midnimadaa dadkeeda iyo sharafteeda dhuleed.” Bayaankaasi ayaa waxa si cad loogu baaqay Taiwan inay joojiso faro-gelinta ay ka waddo Soomaaliya, waxaaa dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay qaadeyso tallaabooyin ay uga hortageyso dhaq-dhaqaaq kasto oo wax lagu yeelayo midnimada Soomaaliya, midaasi oo qeyb ka tahay mida ay wado Taiwan. “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay sidaas darteed ugu yeereysa Taiwan inay joojiso howlaheeda marin habaabinta ah ee ay ka waddo qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Mabaadi’daani waa kuwo aanay gorgortan ka gelin karin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay qaadeysaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee waafaqsan qaanuunka caalamiga ah si loo ilaaliyo Midnimada, Qarannimada, Wadajirka, Sharafta Dhuleed iyo Madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.”
-
(SLT-Muqdisho)-Dawladda Somalia oo cambaaraysay xidhiidhka ay Taiwan la samaysay Somaliland , kuna tilmaantay faragalin iyo madaxbanaanida Somalia oo meel lagaga dhacay. Dawladda Somalia waxa ay ugu baaqday Taiwan in ay tixgeliyaan xeerarka caalamiga ah. Hadalka Somalia ayaa ka dambeeyey ka dib markii Dawladda Taiwan Xafiis dublamaasiyaddeed si rasmi uga furatay Hargeysa Source
-
Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah Xisbiyada ayaa sheegay in Labaad maray ujeedkii laga lahaa Shirka Dhuusamareeb. [...] The post Madasha Xisbiyada Qaran oo Warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegey in la baalmaray ujeedkii Shirka Dhuusamareeb appeared first on . Source
