Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Linkigan hoose riix oo akhri war-saxaafadeedka rasmiga ah:- Press statement 19 august 2020_2 Qaran News
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-1982020.mp3 View the full article
  3. Dalalka iyo Ururada ku midaysan Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka, ayaa Maanta oo Arbaco ah si adag uga digay in cid gaar ah isku koobto go’aan ka gaarista Hannaanka Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka, ayaa lagu sheegay in uusan Sharci noqon doonin isku day kasta oo cid gaar ah ku doonayso, Hannaan doorasho aan aysan u dhammayn Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya. Beesha Caalamku, waxay sidoo kale ku baaqeen in dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya ay ka qayb-galaan Shirka Dhuusamareeb3, islamarkaana waxay ku dhiirri-geliyeen Dowlad Goboleedyada maqan in ay Shirka ku biiraan, si looga heshiiyo Hannaanka Doorashada Dalka. Dhinca kale, Beesha Caalamku waxay ku baaqeen in si dhab ah loo meel-mariyo Heshiisyadii hore loogu gaaray Shirkii Dhuusamareeb 2, si loo adkeeyo Kalsoonidii lagu dhisay Shirkii hore. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka oo Af-Soomaali ku qoran PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ka digay in cid gaar ah isku koobto Go’aaminta Hannaanka Doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  4. Dooxada Geerida: Waa sidee Nolosha Goobta ugu kulul caalamka? Brandi Stewart oo hortaagan goob heer-kulku uu gaaray 130F “Waxaan u malaynayaa in dhammaanteen uu dulqaadkii naga dhamaaday, marka la eego heerka uu kuleylka gaarsiisan yahay ,” ayay tiri Brandi Stewart, oo ka shaqeysa dooxada beerta geerida geerida ee ku taalla gobolka California. “Markaad dibadda uga baxdo waa sida in wajiga lagaaga dhuftay oo kale mashiinta timaha lagu qalajiyo.” Maalintii Axadda, ayaa ahayd wax noqon kara maalinkii ugu kuleyl badnayd ee la diiwaangaliyo taasi oo uu heer-kulka gaaray 130F (54.4C),waana goob dooxo iyo godad ah oo ku taalla xudduuda Nevada. Hasa yeeshee, sawirka Brandi’ ayaa ah calaamad muujinasa in heer-kulku yahay mid aad u sareeya. Ururka saadaasha hawada ee caalamiga ah ee loo soo gaabiyo (WMO) ayaa sheegay in wali ay xaqiijinayaan heer-kulka aadka u sareeya ee la diiwaangaliyay. Balse Brandi uma baahna khubaro u sheegta inta uu laa egyahay kuleyka. Waxay ka mid tahay boqolaal qof oo goobtani ay hoy u tahay kuna tilmaamay inay tahay “goobta ugu kulul caalamka “. Ms Stewart ayaa ku nooleyd dooxada geerida muddo 5 sano ah, iyada o dhanka isgaarsiinta u qaabilsanayd beertani lagu xanaaneeyo duurjoogta. “Aad ayay u kulushahay islamarkana sheyga kali ah ee muddo igu qaatay inaan la qabsado ayaa ah in jirkaagu uusan dareemayn dhididka sababtoo ah markiiba wuu sii anagagayaa ,” waxay sidaasi u sheegtay BBC. “Waad ka dareemaysaa dhididka dharkaaga. laakiin kama dareemaysid dhididka jirkaaga sababtoo ah markiiba qoraxda ayaa qalajinaysa “. ayay intaa ku dartay Boor lagu dhajiyay Badwater Basin oo ku taalla Death Valley National Park Ms Stewart ayaa sheegtay in inta badan xilliyada xagaaga la joogo gudaha, balse dadka qaar ay aadaan buuraha halkaasi oo oo yaraha qabow. Marka ay timaado dhanka hurdada, dadka waxay isticmaalaan qaboojiyayaal guriyahooda ka dhiga kuwa qabow inta ay korantada joogto. Waa arrin walaaceda leh marka qof waliba uu isku dayo in gurigiisa uu noqdo mid qabow marka ay qoraxda ay aad u soo kululaato. Magaaladan ayaa waxay ku taallaa goob sida wadiiqo yar oo kale ah waxayna heerka badda ay ka hooseysaa 280 feet. Waxaa ku hareeraysan buuro aad u sareeya. Jason Heser, oo horey ugu noolaan jiray Minnesota, ayaa imika ku nool Furnace Creek islamarkana waxaa uu ka shaqeeyaa goob lagu ciyaaro ciyaarta Golofka . “Labo jeer ayaan Ciraaq tagay , haddii aan Ciraaq u dulqaadan karo, waan u dulqaadan karaa dooxada geerida,” waxaa sidaasi yiri Heser oo horey uga tirsanaa militariga Mareykanka. Jason Heser ayaa ku noolaa Furnace Creek tan iyo bishii October 2019 Waxaa goobtan Golofka lagu ciyaaro ka shaqeeyaa 05:00 ilaa 13:00. “Waxay nagu yiraahdeen marka ay aad kuleyl u noqoto sida imika oo kale, bilaaba shaqada 4 galabnimo” ayuu yiri Heser. Balse 4 galabnnimo xitaa wali heer-kulka qoraxda waa mid gaaraya 100-105F (37.7-40.5C),” ayaa yiri. Biyaha goobtaasi laga cabo waxay ka soo burqadaan il dabiici ah oo dhulka hoostiisa ku taalla. Mr Heser waxaa uu qeyb ka yahay kooxda gacanta ka geysata sidii goobtaasi lagu ciyaaro ay xaalad wanaagsan uga jiri lahay. “Maalin kasta wax ayaan jarnaa , anaga oo qurxinayna godadka kubbadda lagu rido, ayuu yiri “Waxaan maalin kasta gurnaa geedo soo dumay sababtoo ah waa kuwa ay qoraxdu qalajisay.”ayuu intaa ku daray. Mr Heser ayaa goobtan yimid bishii October 2019 islamarkana waa mid jecel shaqadiisa. Waxaa uu qorshaynayaa in uu halkaasi joogo muddo sanooyiin ah. Mr Heser oo ka shaqeynaya goobta lagu ciyaaro ciyaarta Golofka Xilliga uu fasaxa yahay waxaa uu jecelyahay in uu ciyaaro ciyaarta Golofka, balse waa in uu bilaabaa ciyaarta 7 aroornimo si uu uga gaashaanto kuleylka saacadaha dambe ee maalinkii. Kuleyka Axaddii aanu soo dhaafnay ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa maalinkii ugu kuleyka badnayd ee la diwaangaliyo. Waxaa jira labo Rikoor oo dhanka kuleylka ah oo caalamka la diiwaangliyay- mid waxaa sanaddii 1913 laga diiwaangaliyay Furnace Creek waxaa uuna heerkulka gaaray- 134F (56.6C) – halka midka labaad laga diiwaangaliyay dalka Tunisia 1931 waxaa uuna ahaa- 131F (55C). Balse khubarada cimilada ayaa diiwaangalintaasi muran ka keenay. “Seynisyahanada xilligan casriga ah iyo khubarada saadasha hawada ayaa sheegaya in labadaasi heer-kul ee la diwaangaliyay ay ahaayeen kuwa ana sax ahayn,” waxaa sidaasi sheegay wariyaha BBC ee dhanak saadaasha hawada Simon King. Dooxada geerida Waa sababta kuleylka la diiwaangaliyay Axaddii haddii la xaqiijiyo ay ugu tilmaameen khubarada Mareykanka kii ugu sareeyay ee ay diiwaangaliyeen “ilo diiwaangalin oo lagu kalsoonaan karo “. . Hay’adda saadaasha hawada ee Caalamka ee loo soo gaabiyo WMO ayaa dhankeeda sheegtay in arrintan ay xaqiijinayso islamarkana haddii la xaqiijiyo ay u diiwaangalin doonto in uu yahay kuleyka soo gala kaalinta saddexaad, sababtoo ah waxay taagan yihiin mowqifka ah inay kaalimaha kowaad iyo labaad ku jiraan kii laga diiwaangaliyay 1913 magaalada Furnace Creek sanaddii 1931 kuleykii laga diiwaangaliyay Tunisia , iyada oo ay jirto shaki laga muujinayo labadaba. Waxaa sidoo kale lagu dooday inay jiri karaan meelo kale oo ka kulul dooxada geerida ,balse khubaro darista cimilada aysan ogeyn sababo la xiriira in aysan goobahaasi lahayn xarumo diiwaangaliya. Ilaa iyo imika , Furnace Creek ayaa ha goobta ugu kulul caalamka. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo war kasoo saaray shirka Dhuusamareeb 3, ayaa ugu baaqday madaxda Puntland iyo Jubaland inay ka qeyb-galaan, waxayna ka digtay inaan la aqbali doonin nooc kasta oo doorasho oo kasta oo aanay heshiis ku wada ahayn saamileyda siyaasadda Soomaaliya, oo shirka lagu go’aamiyo. Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa marka hore lagu sheegay inay soo dhoweynayaan in hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay magaalada Dhuusamareeb soo gaareen 15kii bishan Agoosto, si ay u billaabaan kulankooda xiga, sida qorsheysnayd. “Waxay sidoo soo dhoweynayaan billowga hawsha guddiga farsamo ee wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta xulashooyinka hanaan doorasho oo la isugu tanaasulay oo la isku afgarto si madaxu uga baarandegaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda jooga magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan. “Saaxiibadu waxay ku nuuxnuuxsanayaan inay muhim tahay in dhammaan madaxdu ay ka qaybqaataan shirmadaxeedkan si loo sii wado geeddi-socodka dhisidda isafgarad wadar-ogol ah, loona soo saaro heshiis ballaaran oo laga gaaro hanaanka doorashooyinka federaalka 2020/21 oo qanciya dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxay dhammaan madaxda xusuusinayaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta horumarka laga gaaray dowlad-dhisidda Soomaaliya iyo ka soo bixidda ballammadii horey loo galay.” Si kastaba Beesha Caalamka ayaa ka digtay in la isku dayo in la meel-mariyo nooc doorasho oo aan raali laga wada ahayn. “Iyadoo tan la eegayo, saaxiibadu waxay mar kale adkeynayaan in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad isla markaana aan laga hirgelin karin iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Saaxiibadu waxay si dhow ula socdaan waxyaabaha ka soo kordha kulanka magaalada Dhuusamareeb, waxayna dabagal ku sameynayaan tallaabooyinka lagu heshiiyo waxayna diyaar la yihiin inay bixiyaan hadba taageerada ay ka codsadaan dhammaan ka qaybgalayaasha si loo fududeeyo hirgelinta.” Qoraalka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Denmark, Djibouti, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Holland, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Spain, Sweden, Talyaaniga, Turkey, Ugaandha, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.
  6. Warbixin Xiiso leh:Horta Maxaan Taiwan ka Naqaan? Jahwareer iyo khilaaf ayaa ka taagan waxay Taiwan tahay iyo weliba wixii loogu yeeli lahaa – dal mise gobolka ka tirsan Shiinaha. Taiwan waa Jaziirad leh wax walbo oo madaxbanaani ay ku heli karto, tan iyo sanadkii 1950kii, balse Shiinaha wuxuu u aqoonsanyahy gobol ka mid ah dhulkiisa oo gooni is taag doonaaya, waxaase lagu qasbayaa in ay ka mid tahay Shinaha xita hadii “xoog loo adeegsanaayo”. Shiinaha ayaa bilaabay inuu sheegto Taiwan in ay dhulkiisa qeyb ka tahay sannadkii 1949kii, wixii ka dambeyay dagaalkii sokeeye ee Shinaha. Xilligaa waxay ahayd markii laga adkaaday dowladdii wadaniyiinta ee Shiinaha oo kadibna u qaxay Jaziradda waxaana awoodda la wareegtay xukumaddi Shuciyiinta ee uu hogaaminayay Mao Zedong. Taiwan waxay markasta ka feejigantahay suuragalnimada weerar kaga Yimaada dowladda Shiinaha. Afrika iyo Taiwan Daafaha caalamka, in ka yar 20 dal ayaa hadda Taiwan u aqoonsan waddan madaxbannaan. Sannadkii 2018-kii, dalka jamhuuriyadda Dominican aya dhanka Shiinaha u wareegatay. “Waa saameynta dunida, taiwan na taageero ayey sii lumineysaa,” ayuu yiri nin arrimaha caalamka ka faallooda oo lagu magacaabo Khan-Maxamed. Dadka qaar waxay sheegaan in taageerada ay Taiwan lumisay ay sababtay in dal ahaan looga aqoonsan waayo caalamka. Marka Qaaradda Afrika la eego, Shiinaha mar buu ka ahaa wax aan si wayn looga taageerin, Taiwan na ay xoog ku leedahay. Balse hadda waxay u muuqataa in Taiwan laga masaxay qaaradda. Horraantii 1960-meeyadii, xilligii Afrika ay qaadaneysay madaxbannaanida, Wakiillada Beijing iyo Taipei – caasimadda Taiwan – waxay doonayeen in xiriir adag oo diblumaasiyadeed la yeeshaan Afrika. Taiwan waxay diiradda saartay caawinta beeraleyda Afrika ee bariiska soo saara. Taageeradaas waxay ahayd mid salka ku haysay arrimaha tiknolojiyadda iyo tababaridda beeraleyda. Taiwan waxay maalgelisay barnaamijkaas, waxayna dalalkii ay xulafada ahaayeen ee Afrika qabteen shir wayne. Inta badan, 1960-meeyadii, Taiwan waxay Shiinaha kaga guuleysatay Afrika, marka la eego dhanka xiriirka diblumaasiyadeed. Balse xiriirkaa wuu sii baaba’ayay marba marka ka dambeysa. Taageerada bini-aadamnimo ma uusan u horseedin helidda taageero siyaasadeed, waxaana taas ay sababtay in Taiwan laga diido Qaramada Midoobey. Sannadkii 1971, Golaha Guud ee Qaramada Midoobeey wuxuu mariyay qaraar Taiwan u diiday in kursi ay ka hesho xarunta UN ee Mareykanka, waxaana lagu xaqiijiyay kusriga Shiinaha ee Golaha uu ku leeyahay. Illaa 27 dal oo Afrika ah ayaa qaraarkaas u codeeyay, taas oo si rasmi ah loogu diiday in Taiwan ay tahay dal madaxbannaan. Sidoo kale, 12 dal oo Afrika ah ayaa Mareykanka taageeray waxayna diideen qaraarkaas. Qaaradda Afrika, taas waxay uga heli kartaa in maalgashi ay ku badalato xiriir diblumaasi. Sannadkii 1992, illaa $50 milyan oo dollar oo deyn ah oo ay Niger siisay waxay kaga badalatay aqoonsiga dal ahaan. Seddax sano ka dib, Taiwan waxay $35 Milyan oo dollar siisay Gambia si isla arrintaas aqoonsiga uga hesho. Maalgashiga waa muhiim, balse laguma iibsan karo daacadnimo. Taiwan waxay markasta la safan tahay hoggaamiyeyaasha taageera madaxbannaani iyo dimuquraadiyad. Taas waxay sababeysaa in hal dal uu dhowr goor is bedbedelo; in marna uu aqoonsado Taiwan marka uu xiriir la yeesho Shiinaha. Sababaha Shiinaha uu guusha u gaarayo waxay tahay in uu diiradda saaro maalgashiyo ballaaran oo balaayiin dollar ay ku bexeyso taas oo deyn ku ah dalalka Afrika, iyo galaangal militari ee uu leeyahay. Qaran News
  7. Dowladda Shiinaha ee uu hoggaamiyo Xisbiga Shuuciga ah iyo dowladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya, ayaa si isku mid ah uga qayliyey xafiiska ay Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan) sida rasmiga ah uga furatay Caasimadda Hargeysa ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland maalintii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 17 August 2020, kaasoo qayb ka ah heshiis dhinacyo kala duwan ah, salkana ku haya iskaashi diblomaasiyadeed oo dhexmaray dalalka Somaliland iyo Taiwan, balse maamullada Muqdisho iyo Bejiin (Beijing) oo cambaareeyey tallaabadan, waxay ku sifeeyeen mid aanay aqbali karin oo xad-gudub ku ah qarannimada dalalkooda. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha oo magaciisa la yidhaahdo Mr. Zhao Lijian oo saxaafadda la hadlay maanta (Salaasa, 18 August 2020), ayaa sheegay inay dowlad ahaan si xooggan uga soo horjeedaan xafiisyo rasmi ah ama nooc kasta oo ah xidhiidh rasmi ah oo ay isweydaarsadaan Somaliland iyo Taiwan. “Dunida waxa ka jira hal Shiine oo qudha (only one China), Taiwan-na waa qayb ka mid ah Shiinaha. Mabda’a ah hal Shiine (One-China principle) waa mid si heer caalami ah loo wada aqoonsan yahay oo maamulaya xidhiidhada caalamiga ah iyo heshiisyada Beesha Caalamka. Shiinuhu waxa uu si adag oo xooggan u diidan yahay aasaaska xafiis rasmi ah ama nooc kasta oo ah xidhiidh ay si rasmi ah isku waydaarsadaan Somaliland iyo Taiwan. Weligii guulaysan maayo isku-dayga werwerka leh ee uu xisbiga DPP (Democratic Progressive Party ee Taiwan) fagaarayaasha caalamka taageerada ugaga raadinayo ficilada gooni-goosadka ah,” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinuhu. Geesta kale, qoraal ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Soomaaliya isla maanta (Salaasa, 18 August 2020), ayaa lagu sheegay in Taiwan ay xad-gudub ku samaynayso waxa ay ugu yeedheen; “madaxbannanida Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Sooomaaliya iyo ku xad-gudbidda sharafka dhuleed ee Soomaaliya.” Waxa kaloo ay maamulka Muqdisho ku doodeen in xafiiska ay Taiwan ka furatay Somaliland uu yahay ficil marrin-habawsan oo lagu doonayo in lagu kala kaxeeyo, laguna kala qaybiyo dadka Soomaaliya. Maamulka Madaxweyne Farmaajo ee Ciidanka AMISOM ku ilaaliyo madaxtooyada Muqdisho, ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Taiwan inay joojiso xad-gudubka ay ku hayso qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Muqdisho ku hanjabtay inay qaadayso tallaabooyin daruuri ah oo waafaqsan Shuruucda Caalamiga ah, si ay u ilaaliso midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Haddaba, waxa yaab ah dooddan dowladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya ee ah inay ilaalinayso madaxbannaanida dhulka iyo siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in aanay Soomaaliya ahayn dal xor ah oo si iskii ah isku maamula, waxaanna gudaha Soomaaliya ka taliya, kuna amar-ku-taagleeyaha ciidamo shishiyeeye oo ay hormuud u yihiin Ciidanka AMISOM ee lagu maamulo qaraar ka baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxa kaloo qaybo badan oo Soomaaliya ah ka taliya Ururka Al-shabaab, halka sidoo kale aannu amarka Madaxweyne Farmaajo ama dowladdiisu aannu ka shaqayn wax dhaafsan qaybo yar oo Muqdisho ah ama Madaxtooyada oo qudha, markaa waxa aan jirinba wax la yidhaahdo madaxbannaanida Soomaaliya ama sidoo kale dowlad sharci ah (legitimate government) oo si buuxda uga wada talisa Soomaaliya. Marka ay sidaa tahay, waxa si cad u muuqanaysa in Soomaaliya aanay wax talo ah ku yeelan karin, diidmo iyo ogolaansho midka uu doono ha noqdeene cidda ay Jamhuuriyadda Somaliland la heshiinayso iyo cidda ay la yeelanayso xidhiidh diblomaasiyadeed, sababtoo ah Somaliland waa qaran madaxbannaan oo si buuxda uga taliya dhulkiisa laga soo bilaabo sannadkii 1991-kii oo ah markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanida iyo xornimadeeda, iyadoo cilaaqaadka dhexmaray Somaliland iyo Taiwan uu yahay mid heer caalami ah oo aanay cid kale wax ka beddeli karin. Dagaalka ay bilaabeen Soomaaliya iyo Shiinuhuna waxa uu ku dambayn karaan oo qudha sumcad-darro ama karaamo-seeg ay ku fashilmaan, maadaama aannu midkoodna wax raad ah ku yeelan karin heshiisyada u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan ama aanay si kale wax-ka-beddel ugu samayn karin. Marka laga yimaado, iskaashiga gaarka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, waxaa jira qodobbo iyo fursado siyaasadeed oo saacidaya in la sii kobciyo xidhiidhkan, lagana ilaaliyo wax kasta oo dibin-daabyo u gaysan kara, waxaanna arrimahaas ugu muhiimsan xeer ay Dowladda Maraykanku si buuxda u dhaqan-gelisay oo faa’iido dhaqaale, diblomaasiyadeed, amni iyo iskaashiba u yeelan kara dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, xeerkaas oo labada dalba ka dul-qaadi kara culays kasta oo kaga yimaadda dalka Shiinaha oo u muuqda inuu isku deyayo sidii uu meesha uga saari lahaa xidhiidhka heerkiisa diblomaasiyadeed sareeyo ee u bilaabmay dalalka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan). Xeerkan ay Dowladda Maraykanku dhaqangelisay taariikhdu markii ay ahayd 26 March 2020, waxa la yidhaahdaa; ‘Taiwan Allies International Protection and Enhancement Initiative (TAIPEI) Act of 2019’ kaasoo nuxur ahaan macnihiisu yahay; xeer waajibinaya in si heer caalami ah loo ilaaliyo xulafada dalka Taiwan, isla markaana wata qorshayaal lagu kobcinayo Taiwan iyo cidkasta oo xulafo la ahba. Xeerkan oo ay ansixiyeen Baarlamanka Maraykanka (labada aqal ee Kongeraska iyo Senetka), waxa uu qeexay in Maraykanku sii xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay dalka Taiwan, isla markaana uu dalalka Adduunka iyo Ururrada Caalamiga ah ku dhiirigeliyo inay weyneeyaan xidhiidhkooda rasmi ah iyo ka aan rasmiga ahaynba ee ay la yeelanayaan waddanka Taiwan, waxaanna muuqanaysa in xeerkani si buuxda u ilaalinayo heshiiska sababay in Taiwan ay xafiis rasmi ah ka furato Caasimadda Somaliland. Dowladda Shiinaha oo wefti culus u soo dirtay dalka Somaliland horaantii bishan aynu ku jirno ee August, 2020, waxa ay isku dayday inay dowladda Somaliland ku qanciso sidii meesha looga saari lahaa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay kala saxeexdeen dalka Taiwan, balse arrintaas waxa diiday Somaliland oo ku adkaysatay inay xor u tahay cidda ay la yeelanayso cilaaqaad iyo iskaashi caalami ah, diyaarna ay u tahay haddii ay Somaliland iyo Shiinuhu yeelanayaan xidhiidh dhaw oo iskaashi, kana madaxbannaan iskaashiga Taiwan iyo Somaliland, taasina waxay sababtay in Shiinuhu ogolaadaan inay xidhiidh soke oo intii hore ka xooggan si gaar ah ula yeeshaan Somaliland, balse taasi waxba kama beddelin xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, waxaana caddayn buuxda u ah xafiiska Taiwan ka furatay Caasimadda Hargeysa iyo sida ay xafiiskaas ugu dabbaal-degtay dowladda Taiwan oo ilaa Madaxweynahoodu si xooggan u soo hambalyeeyey, halka ay dowladda Somaliland-na sheegtay inay si degdeg ah toddobaadyada soo socda xafiiskooda uga furan doonto dalka Taiwan. Marka ay xaaladdu halkaas marayso, Soomaaliya iyo Shiinaha uma bannaana wax aan ahayn calaacal iyo hanjabaado afka baarkiisa ah, balse wax kale oo carqalad ah kuma samayn karaan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo madaxbannaan oo Ilaahay (SWT) ka sakow aanay jirin cid kale oo waxyeelo u gaysan karta qarannimada iyo xornimada dalalkooda. https://www.fmprc.gov.cn/…/s2510…/2511_665403/t1807193.shtml Faallo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ay si wadajir u soo saareen dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhibaatooyinka ay wajahaan shaqaalaha gaarka ee samafalka ka shaqeeya, xilli maanta oo ah 19 August ay ku beegan tahay Maalinta Caalamiga ee loo asteeyey Samafalka. Qoraalk oo aad u dheer ayaa waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay in laga wada qeyb-qaato bad-qabka shaqaalaha gaarka ah ee ku howlan bad-baadinta dadka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu shaaciyey in sanadkan maalinta caalamiga ah ee Samafalka ay ku soo aaday, xilli adag oo ay jirto halis saddex oo kala ah, ah (Koroona Fayras, fatahaado iyo ayaxa). Halkan hoose ka aqriso Warsaxaafadeedka: Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka awgeed, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxay ku baaqayaan in laga qayb qaato bedqabka shaqaalaha gargaarka ee ku howlan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan. “Sannadkan, Maalintan Bini’aadamnimada Adduunka waxay ku soo aadday waqti adag oo ay jirto halis saddex-geesood ah (Koroona Fayras, fatahaado iyo ayaxa) ay uga sii dareen xaaladda bini’aadamnimo ee daba dheeraatay ee Soomaaliya,” ayuu yiri Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya, Mr. Adam Abdelmoula. “Bahda gargaarku waxay qiyaasayaan in 5.2 milyan oo qof ay u baahanyihiin kaalmo bini’aadamnimo sannadkan 2020, weliba xaalku wuxuu hadda u muuqdaa inuu ka sii daraayo. Ilaa 3.5 milyan oo Soomaali ah ayaa la qiyaasayaa ineysan heli doonin cunto ay ku noolaadaan bisha Sebteembar. Si looga gudbo faqriga ay keeneen mashaqooyinka bini’aadamnimo,waxaa lagama maarmaan ah in la helo xal waara,” ayuu ku daray Mr. Abdelmoula. Jawiga ay ku shaqeeystaan shaqaalaha gargaargka waa mid adag sababo la xiriira amni darrada jirta iyo kaabayaasha waddanka oo liita, tan ayaa caqabad ku noqotay in gargaarku si sahlan u gaaro dadka u baahan. Caqabadaha ku horgudban gargaarka aad ayay sara ugu kaceen sannadkan 2020, ilaa 114 dhacdo oo ka dhan ah howlaha gargaark bini’aadamnimo ayaa la diiwaan geliyay intii u dhaxeysay bilowga sannadka iyo dhammaadkii bisha Luulyo, marka la barbardhigo 151 dhacdo oo la diiwaan geliyay sannadkii 2019. Shaqaale gargaar oo gaaraya 11 ayaa la dilay, 11 wa dhaawacmeen, 23na waa la afduubtay, shaqaalaha la dilay waxaa ka mid ah toddobo hal meel lugu wada dilay. “Waxaan rabaa inaan bogaadiyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee samafalayaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeyaarrimaha gargaarka,” ayuu yiri Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan si gaar ah u magac *****aa shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliyeed oo lafdhabar u ah howlaha gargaarka.” Laga soo bilaabo bishii Maarso, Soomaaliya waxay diiwaan gelisay 3,200 kiis oo Korona Fayras, halka 93 qofna ay xanuunka u dhinteen. Fatahaado ayaa saameeyay dad gaaraya 200,000 oo qof oo ku kala nool dowlad goboleedyada Hirshabelle, Koofur Galbeed, Jubaland iyo Gobolka Banaadir laga soo bilaabo dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan; waxaana ku barakacay 124,000 oo qof halka ay fatahaaduhu burburiyeen dhul beereed ballaaran. Intaas waxaa dheer, ayax ku habsaday kumanaan hektar oo isugu jira dhul beereed iyo dhul daaqsineed. Dabeylo roobab wata ayaa sidoo kale ku dhuftay xeebaha Jubada Hoose iyo Shabeellaha Hoose ayagoo saameeyay dhaqdhaqaaqyadii kalluumeysiga; kalluumeysato Soomaaliyeed ayaan la heyn nolol iyo geeri. Khatarta saddex-xagalka ah waxay uga sii dartay xaaladihii nugeylka ahaa ee dadka Soomaaliyeed ku jireen waxayna wax u dhibeen guulihii dhaqan-dhaqaale ee laga gaaray dhanka beeraha iyo ganacsiga, si gaar ah waxay khatartani u saameysay hab nololeedka dadka saboolka ah; waxayna culeys dheeri ah saartay qaybaha caafimaadka. 19kii Juun.xiriiriyaa Gargaarka Degdegga ah Mr. Mark Lowcock ayaa ogolaaday US$15 milyan oo wax looga qabanayo saameynta Koroona Fayras, ayaxa iyo fatahaadaha. Intaas waxaa dheer 279 hay’ado samafal oo howlo gargaar ka fulinaaya Soomaaliya, ayaa sara u qaaday howlaha gurmadka si loola tacaalo baahiyaha soo kordhay. Sannadkan, Maalinta Bini’aadamnimad Adduunka, waa sannad guuradii 17aad ee ka soo wareegtay weerarkii Canal Hotel ee Baqdaad, oo ay ku dhinteen 22 qof oo uu ku jiray ergagii Xog-hayaha Guud ee QM u qaabilsanaa dalka Ciraaq. Sannadkii 2009, Golaha loo dhanyahay ee Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa wuxuu meel mariyay qaraar 19ka Ogosto loogu aqoonsanayo Maalinta Samafalka ee Caalamiga ah. Sannad walba maalintan oo kale, waxaan xasuusnannaa malaayiinta rayidka iyo samafalayaasha ah ee ku sugan goobaha colaadaha.
  9. Baydhabo (Caasimada Online) – Boqolaal shacab ah oo maanta isugu soo baxay wadooyinka ayaa maanta dibad-bax ka dhigay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Banaan-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday Kufsiga caruurta yar-yar, gaar ahaan wiilal la sheegay in dhowaan lagu fara-xumeeyey gudaha magaaladaasi. Dibad-baxayaasha oo isu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa watay boorar iyo sawirro ay ku muujinayaan sida ay uga xun-yihiin dhacdadaasi. Sidoo kale qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa ku taageeray Koonfur Galbeed go’aankii ay ku toogatay labo nin oo lagu soo eedeyey falkaasi, kuwaas oo sida la sheegay qirtay. Caruurta yar-yar ee la Kufsaday ayaa mid ka mid ah uu geeriyooday, halka midka kale uu jiro xaalad adag, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadka iyo qaar ka mid ah ehellada. Koonfur Galbeed ayaa horey u shaacisay inay deegaanadeeda, gaar ahaan magaalada Baydhabo ay ku soo bateen falalka ka baxsan sharciga, sida Kusfiga iyo dhibaatooyin kale.
  10. Somalia’s government on Tuesday condemned Taiwan’s opening of a representative office in the self-declared state of Somaliland, terming the move an outrage against Somalia’s sovereignty and unity. “The Federal Government of Somalia condemns Taiwan’s reckless attempts to infringe on the Sovereignty of the Federal Republic of Somalia and violate its Territorial Integrity,” Somalia’s Foreign Ministry said in a statement. “The Federal Government of Somalia repudiates such misguided endeavors that seek to sow discord and division among our people.” It called on Taiwan to “cease its misinformed ventures into any part of the territory of the Federal Republic of Somalia. These principles are non-negotiable,” it stressed. It said Somalia will undertake necessary measures within international law to protect the country’s unity, sovereignty, territorial integrity and political independence. On Monday, Somaliland’s Foreign Minister Yasin Hagi Mohamoud announced that Taiwan will officially open a representative office in Somaliland, a move seen as provocative by Somalia as well as China, which sees Taiwan as one of its provinces. “I am pleased to co-host together with Minister Joseph Wu,@MOFA_Taiwan, & the Government of Taiwan to officially open Taiwan Representative Office in #Somaliland. From Somaliland side, I would like to announce our Representative Office is due to open in the next few weeks,” Hagi Mohamoud tweeted. With the new ties, Taiwan raised the number of its recognizing counterparts to 16. Beijing considers it a Chinese province, but Taipei maintains that it has been independent since 1949. China also refuses diplomatic relations with any country that recognizes Taiwan. Early last month, Taiwan and Somaliland announced they had established official relations. Somaliland, a self-declared state in East Africa with a population of nearly 3.5 million, is yet to be recognized by the international community. However, it has its own flag, parliament and currency. View the full article
  11. Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinoo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen Jowhar, kadib dilkii magaaladaasi loogu geystay wasiirkii beeraha iyo waraabka HirShabelle, Marxuum C/qaadir Abuukar Karaani. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen toogashada lagu dilay wasiirkaasi oo sidoo kale ka tirsanaa baarlamaanka dowlada goboleedka HirShabelle, tan iyo markii la aas-aasay ee 2016-kii. Wararka ayaa sheegaya in dadka la soo qabtay uu ku jiro, Wariye Maxamed Deeq Alfa oo ah wakiil wareedka Dalsan TV ee gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan Jowhar. Saraakiisha ayaa sheegaya in haatan baaritaano ay ku socdaan Wariyaha iyo dadka kale ee loo qqabtay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee wasiirkii beeraha maamulka HirShabelle. Sidoo kale waxay saraakiishu intaasi ku dareen in marka ay soo gaba-gabeeyaan baaritaankooda ay faah faahin ka bixin doonan howl-gallada ay sameeyeen. Howl-galladan ayaa daba socda, kadib markii uu amar ku bixiyey Madaxweynaha HirShabelle in gacanta lagu soo dhigo kooxihii dilay wasiir Karaani oo xil-kaasi hayey uun hal todobaad, kadibna la toogtay isaga oo ka soo baxay masjid ku soo tukaday cishaha.
  12. Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka awgeed, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxay ku baaqayaan in laga qayb qaato bedqabka shaqaalaha gargaarka ee ku howlan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan. Shaqaalaha gargaarku waa geesiyaasha dhabta ah. “Sannadkan, Maalintan Bini’aadamnimada Adduunka waxay ku soo aadday waqti adag oo ay jirto halis saddex-geesood ah (Koroona Fayras, fatahaado iyo ayaxa) ay uga sii dareen xaaladda bini’aadamnimo ee daba dheeraatay ee Soomaaliya,” ayuu yiri Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya, Mr. Adam Abdelmoula. “Bahda gargaarku waxay qiyaasayaan in 5.2 milyan oo qof ay u baahanyihiin kaalmo bini’aadamnimo sannadkan 2020, weliba xaalku wuxuu hadda u muuqdaa inuu ka sii daraayo. Ilaa 3.5 milyan oo Soomaali ah ayaa la qiyaasayaa ineysan heli doonin cunto ay ku noolaadaan bisha Sebteembar. Si looga gudbo faqriga ay keeneen mashaqooyinka bini’aadamnimo waxaa lagama maarmaan ah in la helo xal waara,” ayuu ku daray Mr. Abdelmoula. Jawiga ay ku shaqeeysaan shaqaalaha gargaargka waa mid adag sababo la xiriira amni darrada jirta iyo kaabayaasha waddanka oo liita, tan ayaa caqabad ku noqotay in gargaarku si sahlan u gaaro dadka u baahan. Caqabadaha ku horgudban gargaarka aad ayay sara ugu kaceen sannadkan 2020, ilaa 114 dhacdo oo ka dhan ah howlaha gargaarka bini’aadamnimo ayaa la diiwaan geliyay intii u dhaxeysay bilowga sannadka iyo dhammaadkii bisha Luulyo, marka la barbardhigo 151 dhacdo oo la diiwaan geliyay sannadkii 2019. Shaqaale gargaar oo gaaraya 11 ayaa la dilay, 11 way dhaawacmeen, 23na waa la afduubtay, shaqaalaha la dilay waxaa ka mid ah toddobo hal meel lugu wada dilay. “Waxaan rabaa inaan bogaadiyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee samafalayaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka,” ayuu yiri Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan si gaar ah u magac *****aa shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliyeed oo lafdhabar u ah howlaha gargaarka.” Laga soo bilaabo bishii Maarso, Soomaaliya waxay diiwaan gelisay 3,200 kiis oo Korona Fayras, halka 93 qofna ay xanuunka u dhinteen. Fatahaado ayaa saameeyay dad gaaraya 200,000 oo qof oo ku kala nool dowlad goboleedyada Hirshabelle, Koofur Galbeed, Jubaland iyo Gobolka Banaadir laga soo bilaabo dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan; waxaana ku barakacay 124,000 oo qof halka ay fatahaaduhu burburiyeen dhul beereed ballaaran. Intaas waxaa dheer, ayax ku habsaday kumanaan hektar oo isugu jira dhul beereed iyo dhul daaqsineed. Dabeylo roobab wata ayaa sidoo kale ku dhuftay xeebaha Jubada Hoose iyo Shabeellaha Hoose ayagoo saameeyay dhaqdhaqaaqyadii kalluumeysiga; kalluumeysato Soomaaliyeed ayaan la heyn nolol iyo geeri. Khatarta saddex-xagalka ah waxay uga sii dartay xaaladihii nugeylka ahaa ee dadka Soomaaliyeed ku jireen waxayna wax u dhibeen guulihii dhaqan-dhaqaale ee laga gaaray dhanka beeraha iyo ganacsiga, si gaar ah waxay khatartani u saameysay hab nololeedka dadka saboolka ah; waxayna culeys dheeri ah saartay qaybaha caafimaadka. 19kii Juun, xiriiriyaa Gargaarka Degdegga ah Mr. Mark Lowcock ayaa ogolaaday US$15 milyan oo wax looga qabanayo saameynta Koroona Fayras, ayaxa iyo fatahaadaha. Intaas waxaa dheer 279 hay’ado samafal oo howlo gargaar ka fulinaaya Soomaaliya, ayaa sara u qaaday howlaha gurmadka si loola tacaalo baahiyaha soo kordhay. Sannadkan, Maalinta Bini’aadamnimad Adduunka, waa sannad guuradii 17aad ee ka soo wareegtay weerarkii Canal Hotel ee Baqdaad, oo ay ku dhinteen 22 qof oo uu ku jiray ergagii Xog-hayaha Guud ee QM u qaabilsanaa dalka Ciraaq. Sannadkii 2009, Golaha loo dhanyahay ee Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa wuxuu meel mariyay qaraar 19ka Ogosto loogu aqoonsanayo Maalinta Samafalka ee Caalamiga ah. Sannad walba maalintan oo kale, waxaan xasuusnannaa malaayiinta rayidka iyo samafalayaasha ah ee ku sugan goobaha colaadaha Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Beled-Xaawo (Caasimada Online ) – Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee gobolka Gedo, gaar ahaan qaraxii ugu dambeeyey ee ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Fartaag ayaa sheegay in falalka amniga darrada, sida weerarada iyo dilalka qorsheysan ay ku kordheen gobolka Gedo, tan iyo markii ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan markii degmooyinka gobolkaasi la geeyey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Senator-ka oo tusaale u soo qaatay qaraxii maalin ka hore ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ayaa sheegay in ku dhowaad 12 sano oo ay gacanta ku hayeen degmadaas ciidamada maamulka Jubbaland uusan ka dhicin hal qarax, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inay falkaasi ka dambeyso dowladda Soomaaliya oo uu tilmaamay inay meesha ka saartay ciidamadii sugayey amniga ee ku sugnaa halkaasi. Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay Al-Shabaab gobolka ku xoogeysteen, islamarkaana ay weeraro ba’an ku hayaan degmooyinka gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya. “Gobolka Gedo waa Gobolka labaad ee Soomaaliya ugu weyn, muddo 12-sano ammaanka waxaa gacanta ku hayay Ciidamada Jubbaland oo Dowladda Federaalka ka raacdeysay, sidoo kale Doolow ma aysan haweysan jirin Al-Shabaab, habeen dhexdaas ayay tageen gaari ayay kasoo qaateen qofna way dileen, Luuq way weerareen oo amniga ayaa faraha ka baxay” ayuu yiri Senator Fartaag oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare Somalia. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay si weyn Jubbaland u cambaareysay qaraxii ka dhacay Beled-Xaawo oo khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad shacab ah, waxaana ay sheegtay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay qaadi doonto mas’uuliyadda qaraxaasi.
  14. Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) uu saacadaha soo socdo ku wajahan yahay gudaha magaalada Garoowe ee caasimadda gobolka Nugaal. U jeedka safarka Qoor-Qoor ayaa waxaa lagu sheegay inuu ku qotomo sidii uu ula kulmi lahaa dhiggiisa Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu kala hadli doono sidii uu uga soo qeyb-gelo shirka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u qaadacay shirkan oo looga hadlayo arrimaha doorashada ee 2020/2021, iyaga oo shuruudo adag ku xiray ka qeyb-galka shirkaasi. View the full article
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa weli caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ka socda wejiga saddexaad ee shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo ay ka maqan yihiin madaxda Jubbaland iyo Puntland. Shirka oo habeen hore furmay ayaa waxaa goob-joog ah Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle,Galmudug iyo Duqa magaalada Muqdisho, iyaga yeeshay kulamo xasaasi ah oo looga hadlay xaaladda dalka. Madaxda ayaa illaa iyo hadda waxay ka wada-hadleen dhageysiga warbixinta xubnaha guddiga farsamo ee tala bixinta doorashada dalka, guda gelista doodaha hordhaca ah oo ay madaxdu ka yeelanayaan talo soo jeedinta xubnaha guddiga si ay isula meel dhigaan, talooyinka doorashada 2020/2021 iyo qaabka looga gacansiin karo guddigaas. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in madaxda ku sugan Dhuusamareeb ay kulamadooda ku soo qaadeen sidii ay shirkooda ugu soo biiri lahaayeen Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo horey u qaadacay shirkaasi. Jubbaland iyo Puntland ayaa horey shuruudo adag ugu xira ka qeyb-galka shirka Dhuusamareeb 3, sida in la magacaabo ra’iisul wasaare cusub, si ay ugula xisaabtamaan fulina qodobada lagu heshiiyo ee ku aadan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. Xaaladda ayaa muuqata inay tahay mid isku cakiran, balse Madaxweynaha Galmudug ayaa si rasmi ah habeen ka hor ugu dhawaaqay inuu shirka furan yahay, waxaana kulankii koowaad shir guddoomiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llahi Farmaajo.
  16. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa Taiwan uga digay inay kala qeybiso Soomaaliya, kadib xafiiska diblumaasiyasadeed ee ay ka furatay Somaliland. Cawada ayaa sidoo kale tilmaamay in Twain ay ku xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag. Halkan hoose ka akhriso: “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysay isku dayga taxaddarka ah ee Taiwan ee ku xadgudubka Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayna ku xad gudubtay sharafteeda, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay diidan tahay dhacdooyinka marin habaabinta ah ee doonaya in ay ku abuuraan kala fogaansho iyo kala qeybinta dadkayaga” ayaa lagu yiri Warka dowladda. “Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay sidii ay u ilaalin lahayd Dowladnimadeeda, Midnimadeeda dadkeeda iyo sharafteeda ‘Soomaaliya waxay xaqiijineysaa mowqifkeeda ixtiraamka Mabaadiida Awoodda Dowlad Gobaleedyada iyadoo la raacayo Sharciga Caalamiga ah iyo Axdiyada Qaramada Midoobay” ayaa la sii raaciyay Warka kasoo baxay Wasaradda Arrimaha dibada. Ugu dambeyntii warka ayaa lagu xusay ” Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sidaas darteed ugu yeereysa Taiwan inay joojiso howlaheeda marin habaabinta ah qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mabaadi’daani waa kuwo aan gorgortan gelin karin Dowladda Federaalka ah ,Soomaaliya waxay qaadeysaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah qaanuunka caalamiga ah si loo ilaaliyo Midnimada, Qarannimada, Wadajirka iyo Madax-bannaanida siyaasadeed. View the full article
  17. Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay howl-gallo ka sameeyeen agagaarka deegaanka Gandarshe. Ciidamada ayaa lagu soo warranayaa inay howl-galladaasi ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaacay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  18. Hawlgal qorshaysan oo Ciidamada Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay in ay ku burburiyeen Xarumo ay Al-shabaab ku farsamayn jireen Qaraxda. Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska DANAB ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas lagu burburiyay Xarumo Qaraxyada lagu farsameeyo oo Al-shabaab ku lahaayeen Degaanka Gendershe ee Gobolka Shabeellada Hoose. Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Hawlgalka lagu qabtay xubno Al-shabaab u qaabilsanaa samaynta Qaraxyada inkastoo aysan tiradooda xusin. Taliska DANAB waxay sidoo kale ballan-qaadeen in ay sii wadi doonaan Hawlgalada ka socda Gobolka Shabeellada hoose oo lagu beegsanayo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post DANAB oo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab Xarumo muhiimana ka burburiyay appeared first on Puntland Post.
  19. Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay Xaaladda Amni-darro ee maalmihii u dambeeyay ku soo korortay Magaalada Muqdisho. Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Axmed Xasan Iimaan ayaa Shir-guddoomiyay Kulankaasi. Waxa goob-joog ahaa Guddoomiye Xigeenka Howlaha Guud, Agaasinka Guud Ee Amniga Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka iyo Saraakiisha Laamaha Amniga. Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Magaalada Muqdisho, waxaana lagu go’aamiyay in la bilaabo Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Muqdisho. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Kulan deg deg ah ka yeeshay Amni-darrada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. Ku simaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Md. Axmed Xasan Iimaan ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayey Amniga Caasimadda Muqdisho. Kulanka Waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Xigeenka Howlaha Guud, Agaasinka Guud Ee Amniga Caasimadda, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoona la isla qaatay in Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Caasimadda. Uga dambayntii, Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa laga codsaday in ay sii laba jibaaraan wada-shaqeynta Laamaha Ammaanka, si looga hor-tago falalka Amni darrada ah. Halkan hoose ka daawo Sawirro:- View the full article
  21. Muqdisho (Caaismada Oline) – Ku simaha Duqa Muqdisho, ahna guddoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir, Mudane Axmed Xasan Iimaan ayaa xalay guddoomiyey shir deg-deg ah oo looga hadlay amniga magaalada Muqdisho, gaar ahaan sida ay looga hortagi karo weerarada ay fuliso kooxda Al-Shabaab. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah, islamarkaana saacado badan qaatay ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, maamullada degmooyinka & saraakiisha amniga. Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyey amniga magaalada Muqdisho iyo sida loo xaqiijin karo, si looga hortago falalka amni darrada, gaar ahaan weerarada iyo qaraxyada. Sidoo kale waxaa lagu go’aamiyey in la sameeyo howl-gallo ballaaran oo lagu baarayo xaafadaha caasimadda iyo gaadiidka iyo si loola socda dhaq-dhaqaaqa guud. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aanadaasi la fulin doono maalmaha soo socda, isaga oo sheegay in howl-galladu ay ka bilaabanayaan guud ahaan caasimada. Saalax Dheere ayaa sidoo kale intaasi ku daray in mas’uul kasta uu qaadan doono doorkiisa, islamarkaana uu jiri doono isla xisaabtan adag oo dhanka ammaanka ah. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo helo amni buuxa oo lagu naaloon karo. Si kastaba ha’ahaatee shirkan ayaa yimid, kadib markii ay sii xoogeysteen falalka ammaan darri ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, sida qaraxyada, waxaana ugu dambeeyey midkii shalay ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama iyo kii hotelka Elite oo uu xigay weerar toos ah oo qaatay saacado badan, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa qaadacay shirka Dhuusmareeb 3, ayaga oo eedeyn culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka, soona bandhigay shuruudo ay doonayaan in la fuliyo si ay mar kale ula fariistaan. Qoraalladii ay soo saareen labada maamul goboleed, ayayaa waxaa ku jiray qodobo ay Saciid iyo Deni iyo Axmed Madoobe ku diideen inay la fariistaan madaxda federaalka, waxaana ugu waa weyna:- Radistii Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sababaha uu xilka ku waayey oo ay u beegsadeen madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal, waxaa ka mid ahaa inuu ku aragti ahaa maamul goboleedyada oo uu doonayey doorasho dadban, kana soo horjeeday muddo kororsi. Tegitaankii Kheyre waxay meesha ka saartay isbaheysi culus oo madax goboleedyada ay haystaan, oo mowqifkooda ka dhigi karay mid ka gadmaya beesha caalamka. Qodobadkii ay Jubland ku diiday shirka Dhsuumareeb waxaa ka mid ahaa arrintan, waxaana qoraalka Jubaland ku jiray qodob u dhignaa sidan: “ Waxaa meesha laga saaray xukuumaddii hogaamin lahayd arrimaha doorashada ayad oo aan mid kalana la magacaabin.” Heshiisyadii hore oo aan la hirgelin Puntland iyo Jubaland waxay si wada jir ah u caddeeyeen in qodabadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 2 aan waxba laga hirgelin, sidaas darteedna aysan macno sameeyneyn in mar kale la isku yimaado ayada oo aan arrintaas la xalin. Qoraalka Puntland ayaa lagu yiri “Madaxweynuhu wuxuu muujiyey in aysan jirin wax go’aano ah oo kasoo baxay shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2. Madaxweynuhu wuxuu sii tilmaamay in uusan qayb ka ahaan doonin wax go’aano siyaasadeed ah oo lagu gaaro Dhuusamareeb 3, isagoo u balan qaaday Baarlamaanka in uu dib uga soo celin doono wax kasta oo shirka kasoo baxa si ay uga gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah, taas oo muujinaysa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu leeyahay qorshe ka duwan kan lagu heshiiyo Dhuusamareeb 3 ee qabsoomidda doorasho xilligeedii ku dhacda.” Jubaland ayaa iyana tiri “Waxaa xusid mudan, in shirkii dhuusamareeb 2 ka dib uu hogaanka dowladda Federalka ah qaaday tallaabooyin aan u adeegayn hirgalinta wixii lagu heshiiyay, caqabadna ku ah shirkii ballansanaa ee dhuusamareeb 3, isla markaana dib u soo abuuray kalsooni darradii iyo walwalkii laga qabay mustaqbalka dalka.” Aaminaad la’aanta Farmaajo Maadaama Jubaland iyo Puntland ku eedeeyeen dowladda dhexe inaysan fulin qodobadii hore, waxay rumeysan yihiin in wax kasta oo kasoo baxa shirka Dhuusmareeb 3 ay waddadaas oo kale mari doonaan, waana sababta aysan u aamineyn dowladda, sida ay ku sheegeen qoraalkooda. Waxay labaduba dalbadeen in beesha caalamka ay goobjoog ka noqoto wada-hadallo kasta oo hadda kadib dhacaya. Puntland waxay tiri “Dowladda Puntland waxay ku baaqaysaa in shirku noqdo mid ka qayb-galkiisa ay u dhanyihiin Madaxda Dowladda Federaalka ah, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Diblamaasiyiinta Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.” Jubaland ayaa iyana qoraalkeeda ku tiri “Dowlad Goboleedka Jubaland waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka inay Soomaalida ka caawiso qabsoomidda shirka Dhuusamareeb 3 loo dhanyahay lagana miro dhaliyo natiijooyinkiisa.” Aqalka Sare oo la awood tiray Ayada oo dastuurka dalka uu qorayo in dhammaan xeerarka dalka ay ansixiyaan labada Aqal ee baarlamanka, ayaa madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal ay go’aansadeen inay meesha ka saaraan Aqalka Sare, maadaama ay u arkeen inuusan ku aragti ahayn. Sharciyo badan oo la xiriira doorashooyinka ayuu ansixiyey golaha shacabka, waxaana saxiixay madaxweynaha ayada oo aan la marin baarlamanka, taasi oo Puntland iyo Jubaland ay ka carroodeen, maadama Aqalka Sare uu matalo maamul goboleedyada. Jubaland waxay mid ka mid ah sababaha ay shirka ku diiday ku sheegtay “Ku xadgudubka matalaadda aqalka sare ee baarlamaanka DFS sida ku xusan qodobka 61aad faqradiisa 3 iyo qodobka 71-aad ee dastuurka KMG.”
  23. The Kenya Airports Authority (KAA) has issued a 30-day notice to tycoons and government institutions that have abandoned their 101 private aircraft at various airports in the country. Source: Hiiraan Online