Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha maamulka Puntland oo kulan gaar ah la qaatay guddiga amniga Puntland ayaa kala hadlay xaaladaha nabad-gelyada ee guud ahaan deegaanada maamulkaasi. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa diirada lagu saaray sida looga hortagi karo falalka liddiga ku ah amniga deegaanada Puntland. Siciid Deni aya ku amray xubnaha guddiga iyo saraakiisha ammaanka inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo amniga, si looga hortago wax kasta oo qatar ku ah nabad-gelyada. Puntland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay wajaheysay xaalado amni daro, sida weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacayey magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi. View the full article
  2. Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta weerar khasaare geystay uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Weerarka oo uu xigay iska hor imaad ayaa ka dhacay duleedka degmada Qoryooley, kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay dagaal ku qaadeen saldhig ku yaalla halkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in is-rasaaseynta u dhexeysay labada dhinac ay socotay muddo, islamarkaana uu jiro khasaare, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Dhanka kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkan ayaa sheegatay inay ku dishay afar askari iyo sarkaal ay magaciisa ku soo koobtay Canjal. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay in dagaalkaasi ay hub uga soo furatay ciidamada dowladda, gaar ahaan qoryaha fud-fudud ee AK47, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dagaalkaasi. Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo iska soo horjeeda. View the full article
  3. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay gelinka dambe ee maanta kulan aan caadi aheyn ay ka yeeshaan xaaladda guud ee Soomaaliya. Fadhiga maanta ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalmo ka hor waxaa lagu wargeliyey xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana kulanka looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin xaalada amniga iyo doorashooyinka. Diplumaasiyiinta ka qeyb-geli doonta fahdiga Golaha Ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in kulankaan si weyn loo falan qeyn doono arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2020/21. Sidoo kale wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Amb, James Swan ayaa warbixin u jeedin doona xubnaha golaha ammaanka, isaga oo ka hadli doono xaaladda dalka. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad kala-guur ah, waxaana loo diyaar garoobayaa doorashada soo socota ee 2020/2020, taas oo aan weli lagu heshiin nooceeda. View the full article
  4. Ciidamada Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay xoojiyeen maalmihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi. Wasiirka amniga maamulkaasi, Axmed Macalin Fiqi oo booqday furumaha dagaalka ayaa sheegay in u jeedka uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Galgaduud iyo Mudug. Sidoo kale wuxuu boggaadiyey maleeshiyaad deegaanka ah oo dhankooda dagaal kula jira Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugan deegaanada maamulka Galmudug. Fiqi ayaa dhinaca kale ugu baaqay dhalinyarada weli ka bar-bar dagaalameysa Al-Shabaab inay isa soo dhiibaan, isaga oo abaal marin u ballan qaaday, haddii ay hub la soo goostaan. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii laba jibaarayaan ka maamul ahaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya. View the full article
  5. Hafsa Ali Osman was married off at 13 by her father to a man who paid $100. She and her mother say she was beaten and raped for two years before they convinced him to divorce her. Source: Hiiraan Online
  6. Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khaaaraha ka dhashay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Halgan, gaar ahaan fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka inta uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma cadda illaa iyo hadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka horreeyey. Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan kacsan tahay, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Hiiraaan. View the full article
  7. At least 27 people were arrested for smuggling into Somali prison weapons used to attack guards earlier this month, according to Somali state run-media on Wednesday. “An inquiry committee into the central [Mogadishu] prison attack found that on Aug. 8, pistols, ammunition, and hand grenades were smuggled into the prison secretly to launch the attack,” said radio Muqdisho. At least 12 officers, six civilians, and nine inmates were arrested after days of investigation by a committee appointed by acting Prime Minister Mahdi Mohamad Guled. Among those arrested are Col. Adan Hussein Kulmiye, the prison warden, who was fired after the attack, and his deputy. At least 19 people, including soldiers, al-Shabaab attackers, and inmates, were killed in the Aug. 10 attack claimed by Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab. View the full article
  8. The government of Somalia has ordered the expulsion of CARE Country Director Iman Abdullahi, according to a letter issued Tuesday. The letter, which was sent from the country’s Minister of Education, Culture and Higher Education Abdullahi Godah Barre, accused the head of CARE Somalia of disregarding the government’s policies and procedures, as well as meddling in politics. It also accused him of creating “unnecessary tensions” among Somalia’s state and federal governments. “Moreover, during your tenure as a Country Director, you have undertaken a campaign to derail progress of the education sector by creating chaos and mistrust among the Federal Government of Somalia and its counterparts, including donors and education partners. You have attempted and continue to work towards damaging the relationship the government has with its donors and partners,” Godah Barre wrote, adding that CARE’s regional director was previously made aware of these accusations in a written letter and during a meeting. In response to questions from Devex, CARE USA said that it received the letter and is “working towards a solution with the Federal Government of Somalia, CARE Somalia and relevant stakeholders.” “We continue to implement our programs in Somalia and remain deeply committed to our partnerships with the Federal Government, the generous donors who support us and, most importantly, with the communities whom we all seek to serve,” an organization spokesperson said in an emailed statement. CARE has operated in Somalia since 1981 and has worked in areas including water and sanitation, teacher training, primary school education, vocational training, and small-scale enterprise development, among other activities. It is currently involved in the country’s COVID-19 pandemic response. In October 2018, CARE USA was named as an agent for a Global Partnership for Education grant in Somalia worth $17.9 million, administered through the country’s Ministry of Education, Culture and Higher Education and focused on improving access to primary school education. Abdullahi is not the first senior-level humanitarian official that the government has expelled. Last year, Somalia’s government ordered Nicholas Haysom, United Nations special representative of the secretary-general for Somalia, to leave the country, declaring him “persona non grata” and accusing him of diplomatic overreach after he questioned the legality surrounding the arrest of a former al-Shabab spokesperson. View the full article
  9. Somaliland has stated it will not cut ties with its newly found ally Taiwan despite protestations from the Federal Republic of Somalia. Just two days after Taiwan opened its representative office in Somaliland capital Hargeisa on Monday, Somalia warned Taiwan of retaliatory measures if it continues to make moves in the breakaway territory, with its Foreign Affairs Minister Ahmed Issa Awad cautioning Taiwan against interfering with its unity and sovereignty. But in reaction today, Somaliland Foreign ministry said it sees Somalia’s reaction towards Taiwan’s Representative Office in Somaliland “as astonishing and mystifying to the world nations” whilst the Republic of Somaliland has already diplomatic relations and substantive ties with many countries in Africa, Europe, and Asia. “Somaliland – Taiwan’s new relationship is among such mutual cooperation and long-standing friendship between Somaliland and the members of the international community.” “The Republic of Somaliland has reinstated its sovereignty in 1991 after its unanimously decided to withdraw the failed merger between Somaliland and Somalia in 1960.” “Therefore, Somaliland’s sovereignty and territorial integrity are indisputable and irrevocable on the basis of these historical accounts. As the African states reaffirmed in the Cairo Declaration in 1964 the borders of Africa should remain as the colonials delineated and the Republic of Somaliland is among those countries in which this declaration ratified its borders.” The terse letter further stated that “the government of Somaliland wants to reiterate that the bilateral relationship between Somaliland and Taiwan is based on reciprocal and our shared values of peace, freedom, and democracy, and the baseless propaganda from Somalia would not prevent this historic relationship between the two nations.” On Monday August 17, Taiwan opened its first office in Hargeisa, the capital of Somaliland, in a ceremony that Somaliland officials and Taiwanese diplomats participated in. This did not go down well with Somalia who foreign minister Ahmed Issa Awad said: “The Federal Government of Somalia condemns Taiwan’s reckless attempts to infringe on the Sovereignty of the Federal Republic of Somalia and violate its territorial integrity,” he said in a statement. “The Federal government will take necessary measures under international law to protect the nation’s unity,” the minister remarked. In early July, when Taiwan — itself a breakaway territory of China — declared its relations with Somaliland, China’s Embassy in Mogadishu rejected the deal on grounds that it violated the One China policy for which Beijing is the sole representative of Chinese affairs abroad. China regards Taiwan as a breakaway province which it has vowed to retake. However, Taiwan, led by President Tsai Ing-wen, insists it is a sovereign state. View the full article
  10. Nairobi (Caasimadda Online) – Saxaafadda Maxaliga ah ee Kenya ayaa tabineysa in ciidamada militariga ay internet-ka ka jareen goobo badan oo ku yaalla miyiga gobolada Samburu, Marsabit, West Pokot, Mandera iyo Garisa, cabsi laga qabo Al-Shabaab darteed. Mercy Wanjau oo ah sii-hayaha agaasimaha guud ee hay’adda isgaarsiinta Kenya ayaa baarlamaanka Kenya u sheegay in tallaabadaan ay timid amni darada kusoo badatay deegaanadaas iyo sidoo kael cabsiga ay dadweynaha ka qabaan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Deegaanada laga xanibay internet-ka waxaa loo ogolaaday adeeg ka daciifsan midkii ay horay u isticmaali jireen, waana 2G. Sidoo kale sii-hayaha wuxuu ka dhawaajiyay qorshe arintaan la xiriira oo ay la damacsan yahiin gobolada Tana River, Wajir, Turkana, Marsabit, Meru, Laikipia iyo Isiolo marka la gaaro 2022. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaada anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta Kenya, waana arrin lagu dhaliilay dowladda maadaama ay si fudud wax uga qaban dib u hagaajinteeda. Waxaa jira arrimo lasoo dusiyay oo sheegaya in shirkadda Safaricom ay ciidamada Kenya u adeegsato iney burburiyaan anteenooyinka shirkadaha Soomaalida.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-20082020.mp3 View the full article
  12. https://www.youtube.com/watch?v=Op-23GwcgS8&pbjreload=101 Source
  13. Guddiigii loo xil saaray Baaritaanka weerarkii argagaxiso ee August 10 ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa kulan la yeeshay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Guuleed, waxay kusoo bandhigeen warbixin ku saabsan natiijadii usoo baxday baaritaankii ay sameeyeen. Daawo Sii Hayaha Wasiiirka Cadaalada Oo Faah Faahiyay Wixii Ka Soo Baxay Kulanka Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Xogta Natiijada Dhacdadii Xabsiga Dhexe Akhriso: Natiijada Baaritaanka Dhacdadii Xabsiga Dhexe Oo Lasoo Saaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Baydhabo (Caasimada Online) – Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, sidoo kalena xubin sare ka ah xisbiga amni iyo cadaalad ayaa ka hadlay dhibaatooyinka kala duwan iyo tacadiyada ka jira deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dr. Maxamed Ibraahim oo u warramay Goobjoog ayaa sheegay in dhibaatooyinka amni xumada ay sabab u tahay hal arrin oo kaliya, taas oo uu ku sheegay mushaar la’aan heysata ciidamada Booliska ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen uu ka gaabiyey wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi iyo sidoo kale daryeelka ciidamada ammaanka, si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee ka saaran nabad-gelyada. Waxakale oo uu intaasi ku daray in haatan dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada koonfur Galbeed ay wajahayaan dhibaatada baaxada leh, sida uu hadalka u dhigay. Si kasabata muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa la soo warinayey dhibaatooyin amni darro iyo falal ka baxsan sharciga oo ay ka mid yihiin Kufsi lagula kacay wiil yar-yar oo ka dhacay magaalada Baydhabo, inkastoo falkaasi ay Koonfur Galbeed u toogatay labo nin.
  15. Taiwan oo ah dal aan haysan aqoonsi isla markaana sheegta in ay ka go’day shiinaha intiisa kale ayaa safaaradeeda ka furatay degaanada Somaliland,Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xad- gudub ku tilmaantay talaabada ay qaatay Taiwan ee dhinaca diblomaasiyada. Dhanka kale Afhayeen u hadlay Wasaarada arrimaha dibada Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegay in dunida u aqoonsantahay Tawain gobol kamid ah dhulka Shiinaha. Halkan Ka Daawo Qaar Ka Mid Ah Shacabka Muqdisho Iyo Argtidooda Somaliland & Taiwan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Qoraal kasoo baxay sii hayaha xafiiska wasiirka waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa lagu faray Cabdullahi Imaan oo ahaa agaasimihii hey’adda CARE inuu dalka ka baxo. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Warka Ka Soo Baxay Wasiirka Waxbarashada Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Qoraalka Ka Soo Baxay Wasiir Goodax Akhriso: Sababta Dowladda Federaalka ah ay Dalka uga Ceyrisay Madaxii Hey’adda CARE Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Degaanada Koonfur Galbeed , maalmihii la soo dhaafay waxa ka dhacay falal lidi ku ah amniga waxana deganadaas sidoo kale ka dhacay falal fool xun oo lidi ku ah diinta iyo dhaqanka suubaan. Dr.Maxamed Ibraahim Bilaal oo xubin sare ka ah xisbiga amni iyo cadaalad oo goobjoog la hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyinkaas oo idil ay salka ku hayaan mushaar la’aanka ciidanka iyo daryeel xumada maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Waxa uu intaas ku daray Dr Maxamed ibraahim Bilaal in maamulka Cabdicasiis Laftagareen uu sidoo kale ku fashilmay wax ka qabashada dhibaatada baaxada leh oo ay wajahaan dadka dega deenaada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Mar uu ka hadlayay shirka dhuusmareeb-3 waxa uu sheegay Maxamed Ibraahim Bilaal in Farmaajo aysan daacad ka ahayn in uu mira dhalo shirka,isagoo ugu baaqay madaxda heer fedraal iyo kuwa maamul goboleedyada in ay si wanaagsan ugu wada shaqeyn xaalada kala guurka ee dalka. Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Dr.Maxamed Ibraahim Bilaal Siiyay Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Paul D. Williams oo daraasaadka Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda George Washington ee dalka Maraykanka ayaa boogaag ka qoray xaaladda Nabad galyo ee Soomaaliya, ladagaalanka Al Shabaab, wada hadalka Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada iyo sida uu arko xalka Dowladda Soomaaliya. Buugaagtiisa waxa uu uga hadlay duqaymaha Maraykanka ee Soomaaliya ka socda, howl galka AMISOM ee 2007-2020 guulaha laga gaaray iyo dhibaatooyinka laga dhexlay dagaalada dabada dheeraaday Soomaaliya ka socda in ka badan 30 sano. Waxa uu talooyin u soo jeediyay daneeyayaasha Soomaaliya qaabka ugu haboon ee loo wajihi karo xaaladda Soomaaliya, si loo soo afjaro khilaafaadka iyo dagaaladda. Prof Paul D. Williams ayaa ku taliyay in marka ugu horaysa in ay heshiis mira dhal ah gaar Madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada Soomaaliya ka dibna Al Shabaab wada hadal lala furo isaga oo bandhigay qaababka ay suurta galka tahay in Dowladda Al Shabaab ku heshii karaan. Halkaan hoose ka aqri. Mareykanka ayaa si wax ku ool ah ula dagaallamayey Al-Shabaab) muddo toban sano ah, laakiin waxaa sii kordhaya kharashyada iyo halista dhammaad lahayn,hayeeshee daraasaad ayaa muujinaya in ay muhiim tahay in Maraykanku wax ka badalo Istiraatiijayadiisa ku wajahan dagaalka Al Shabaab ee toos ah, oo taa bedelkeed diirada la saaro sidii loo gaari lahaa dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dhexmara dhinacyada isku haya Soomaaliya. Si loo gaaro hadafkan, Mareykanka waa in uu taageeraa joojinta gorgortanka dagaalka isla markaana uu diyaar u noqdo in shuruudo weyn laga dhigo seddexda ilood ee ugu weyn ee Taageerada la siiyo Madaxda Soomaaliya:ku waas oo kala ah kaalmada ciidamada amniga, howlgalada militariga, iyo deyn cafinta deynta ah. Si kastaba ha noqotee, siyaasada gudaha ee Soomaaliya ee walaacsan ayaa ka dhigan in labo heshiis oo heshiis nabadeed la doonayo in lagu joojiyo dagaalka. Marka hore, Washington waa in ay maal gelisaa muruqmaal diblomaasiyadeed oo dheeri ah si loo sugo heshiis mideeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka (oo loo yaqaan dowladaha xubinta ka ah federaalka). Midda labaad, marka la xaqiijiyo heshiiska noocan oo kale ah, Mareykanka waa in uu markaa taageeraa fikirka maamulada cusub ee mideysan ee Soomaaliya kalana xaajoodo Al-Shabaab si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee dabada dheeraasay. Isku shaandheyn Ilaa 2016 Washington waxa ay qayb ka ahayd isbahaysi militari oo caalami ah oo gacan ka geysanaya xasilinta Soomaaliya ilaa 2007. Isbahaysigan hadda waxaa ku jira ciidamo badan oo ah midowga Afrika ah, laba hawlgal oo Qaramada Midoobay leedahay (mid bixinaya taageero siyaasadeed iyo midna waxa uu bixiyaa taageerada saadka), dhowr hawlgal Midowga Yurub, ciidammo ka socda dalalka deriska sida Ethiopia iyo Kenya, tababarada iyo taakuleynta howlgalada Boqortooyada Ingiriiska iyo Turkiga, iyo sidoo kale ciidamada kala duwan ee Soomaaliya. In kasta oo dadaallada isbahaysigu wadaan, hadana dagaalku ayaa noqday kuwo teel teel ah oo aad looga taxadaray, waxaana yaraaday howlgalada ilaa sanadkii 2016. Waxaa la sameeyay isbadal aad u yar marka loo eego dhulalka ay ka taliyaan dhinacyada isku haya guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo mararka qaarna la soo wariyo dagaalo dhiig ku daato oo dhexmara dowladda dhexe iyo maamul goboleedyad. Dhawaan, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qiimeemayn ku sameeyay howlgalada ka socda Soomaaliya 2019, ma jirin wax horumar la taaban karo oo laga gaaray hadafka ah in la abuuro “Aag nabdoonaan” oo ah agagaarka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Hayeeshii Seddexdii bilood ee ugu horaysay sanadkii 2020, ayaa taliska Africom sheegay in ay jireen “horumaro sii kordhaya” oo lagu carqaladeeyo al-Shabaab iyo Daacish faraceeda Soomaaliya “iyada oo loo marayo duqeymo xagga cirka ah, taakuleynta howlgalada ay hogaaminayaan ee dhulka, iyo howlgalada macluumaadka”. Maanta, ma jiraan wax calaamado ah oo sheegaya in Dowladda Soomaaliya ama al-Shabaab ay ku gaari karaan guul muhiim ah ama in ay diyaar u yihiin wadahadal. Runtii, labada dhinacba waxa ay tilmaami karaan isbeddello xoogaa wanaagsan oo ku saabsan awoodda ay u leeyihiin in ay ku dhammaystiraan ujeeddooyinkooda. Hogaanka al-Shabaab waxa ay u badan tahay in ay dareemaan in ay ku guuleysteen dhowr sano xasillooni darro, kadeedis, iyo baadda. Waxa ay sii wadaysaa in ay hesho lacag ku filan oo ay ku fuliso weerarada joogtada ah, waxa ay sii waday shaqaalaysiinteeda, waxayna wali awood u leedahay inay dhex gasho kooxaha ka soo horjeeda. Waxa ay sidoo kale wali si qoto dheer u curyaamineysaa Dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan markii ay isku dayeen in ay dhaqanceliyaan kuwa ka soo goostay al-Shabaab. Si rasmi ah ayaa Mareykanku u aqoonsaday bishii Janaayo 2013, dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay rabitaan yar oo ku saabsan wadahadalka siyaasadeed, xitaa maamullada gobollada dalka iyo qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah, iskaba daa al-Shabaab. Taa baddalkeed, dawladda federaalku waxa ay tilmaamtay in ciidankeeda qaran ay ugu dambeyntii bilaabeen in ay soo bandhigaan cutubyo cusub – xurmo lagu bixiyo tababbarka Mareykanka, Turkiga, EU, iyo Boqortooyada Midowday –iyada oo wadanku hada isku diyaarinayo in uu daymo ka helo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah. Sheekada Dhabta ah laakiin Danaha ku Xiran Jawaabtu waxa ay tahay in Mareykanku uu leeyahay danaha dhabta ah ee ah amniga qaranka ee xasilinta Soomaaliya. Maamulada ku guuleysta ayaa aqoonsaday tan iyo hadafkan iyagoo adeegsanaya qaab militari iyo qaab siyaasadeed. Siyaasiyan, Washington waxa ay isku dayday in ay gacan ka gaysato dhisida qaab wax ku ool ah oo ka mid ah hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, oo ay kujiraan ciidamada amniga, iyadoo sidoo kale hirgalineysa qaar ka mid ah howlaha samafalka iyo horumarka. Miliic ahaan, Mareykanku ayaa isku dayay in uu Al Shabaab kula dagaalo bixinta tababarada, qalabka, iyo lacago la siiyo ciidamada Midowga Afrika iyo wadammada ku tabaruca, ayagoo siinaya taageero laba geesood ah amniga dariska la ah ee Soomaaliya, isla markaana gacan ka geysanaya dhisidda qodobbada dib loo dhigay Dowladnimada Soomaaliya. Ciidanka Qaranka. Mareykanka ayaa sidoo kale sameeyay howlo u gaar ah, maalmahan inta badan ciidanka Soomaaliya ayaa wax ka fuliya howlgalada. In kasta oo ay hawlahan oo dhan jiraan, dagaalka Mareykanka ee ka dhanka ah al-Shabaab ayaa kaliya si ku-meel-gaar ah u qabsatay cinwaannada warbaahinta. Markay taasi jirto, feejignaanta ayaa inta badan diiradda saarta maamulka Trump ee sii kordhaya ee duqeymaha cirka, khasaaraha rayidka ee la sheegay in ay geysteen iyaga ama howlgalada dhulka Mareykanka, ama weerarada al-Shabaab, gaar ahaan kuwa ku lugta leh Mareykanka. Dhimashadii ugu dambaysay ee Mareykanka ayaa timid bishii Janaayo 2020 markii al-Shabaab weerartay saldhiga ciidamada badda ee Manda Bay ee Kenya, halkaas oo ay ku dileen saddex ka mid ah shaqaalaha amniga ee Mareykanka (hal shaqaale iyo laba qandaraasleyaal Difaaca ah). Hadal qoraal ah oo ay u gudbiyeen guddiga adeega garsoorka ee Mareykanka wax yar ka dib weerarkii Manda Bay, Taliyaha Taliska Mareykanka Afrika wuxuu ku tilmaamay al-Shabaab “shabakadda ugu weyn uguna firfircoon al-Qaacida adduunka,” iyo in ay yihiin kuwa “ugu daran qatar ku ah danaha Mareykanka maanta. ” Weerarkan ayaa ahaa mid sii kordhayay saamaynta maadaama ay ahayd markii ugu horreysay oo al-Shabaab ay weerarto saldhig militari oo ka baxsan Soomaaliya. Laakiin waxa ay ahayd midii ugu dambeeyay ololahooda kumeelgaarka ah ee muddada dheer socday, oo ay ku jiraan bam gacmeed laptop lagu qaaday duullimaad ganacsi oo ka tagaya Muqdisho bishii Feberaayo 2016; gaari weyn oo xamuul ah oo ku qarxay bartamaha Muqdisho 14Oktoobar 2017; iyo weeraradii lagu qaaday hoteelka Dusit D2 ee Nairobi bishii Janaayo 2019, iyo garoonka diyaaradaha Mareykanka ee ku yaal Baledogle, Soomaaliya, bishii Sebtember ee sanadkaas 2019. Waxa sheekooyinkan inta badan maqnaadaan, si kastaba ha noqotee, waa xaqiiqda ah in siyaasadda Mareykanka ee ku saabsan Soomaaliya ay si ballaadhan ula jaanqaadday himilooyinkeeda istiraatiijiyadeed ee dhowr maamul. Mana jirin doodo badan oo ku saabsan sida hawlgalka militariga Mareykanka ay u badan tahay in uu soo gabagabeeyo. Falanqaynteedii ugu dambeysay ee siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya ilaa dabayaaqadii 1990-meeyadii, waxaan baaray dhowr meelood oo dadaal ah oo laga hirgaliyay iyo inkale. Rikoorku si fiican ayuu isugu qasan yahay. Howlgalka militariga ee Mareykanka wuxuu gaaray qaar ka mid ah guulaha howlgalada iyo taatikada – oo ay kujirto dilka dhowr ka mid ah saraakiisha sare ee al-Shabaab iyo xaddididda awooda ay u leeyihiin in ay qaadaan weerarada waaweyn ee lagu qaadayo Midowga Afrika iyo saldhigyada saaxiibada Soomaaliya. Laakiin Maraykanku waxa uu awoodi waayay in uu wax ka badalo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya. Dhinaca siyaasada, dadaalka Washington waxaa ku jahwareeray diidmada la fahmi karo ee ku saleysan kheyraadka fara badan lagu shido nidaamka siyaasadeed ee burburay isla markaana caan ku ah musuqmaasuqa. Natiijo ahaan, waxaan soo jeedinayaa in ay tahay waqtigii la joojin lahaa curyaaminta hadafka istiraatiijiyadeed sidii guul laga gaaro al-Shabaab oo taa bedelkeed diirada la saaro gaarista dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dhex mara dhinacyada ugu waaweyn ee khilaafka Soomaaliya. Wada xaajoodku maahan dagaal. Jidka dib u heshiisiintu waa wadaxaajoodka. Sidaas darteed, ma badin karo weerarada cirka ama kalifitaanka millatari ee ka socda Soomaaliya – illaa iyo inta ay dhaleeceyn u soo jeediyeen qaar ka mid ah dhaliilaha siyaasada Mareykanka ee hadda jira – waxay matalaan wadada ugu wanaagsan ee horay loo maro. Taabadalkeed, mudnaanta Washington waa in ay maal gashataa awood dheeri oo diblomaasiyadeed si loo hubiyo laba degsiimo oo wada-hadallo lala yeesho: mid ah in lagu mideeyo burburka Soomaaliya ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyo, heshiis dambe oo lagu soo afjarayo dagaallada sokeeye ee al-Shabaab. Xalka ugu horeeya ayaa lug yeelanaya in Mareykanka uu bixiyo awood dheeri ah oo dhaqaale iyo mid siyaasadeed si loo helo heshiis siyaasadeed oo dhab ah oo udhaxeeya dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya (Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Puntland). Heshiiskani waa in uu caddeeyaa faahfaahinta wanaagsan ee maamulka federaaliga ah ee Soomaaliya iyo in uu dejiyo istiraatiijiyad nabadgelyo oo dhameystiran dalka. Gunaanadka heshiis siyaasadeed oo dhab ah oo dhexmara jilaayaashani ma fududa hadii loo eego sida wax ku socdaan. Laakiin la’aanteed, Soomaaliya ma awoodi doonto in ay hirgeliso qaab dhismeedka amniga qaran ee cusub ama ay dhisi karto gole wax ku ool ah oo ciidamada amniga qaranka, daadashada dhiiguna wuu sii socon doonaa. Si loogu joojinayo heshiis noocaas ah waxa ay u baahan tahay in laga soo iibsado daneeyayaasha Soomaaliya ee muhiimka ah. Si loo gaaro iibsashadaas dawladda federaalka ah waxa ay u baahan tahay in ay qaadato qaab ka soo horjeedda iyo maamul nacaybka ah oo ku wajahan waddamada xubnaha ka ah federaalka oo ay diyaar u tahay in ay la gasho wadahadal joogta ah iyaga iyo baarlamaanka iyo xisbiyada kale ee mucaaradka. Maamulada guuleysta ee Mareykanka waxa ay taageereen ujeedada heshiis dhamaan dhinacyadu isku raacsanyihiin. Kaalinta Mareykanku waa ay noqdaa mid fududeynaya wada hadalkaas – in kasta oo ay ku guuleysan karto oo keliya haddii dadka muhiimka ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ay caddeeyaan in ay tanaasul muujinayaan. Si kastaba ha noqotee, Mareykanku waa in uu muujiyaa diyaar-garow weyn in uu shuruudo ku darsado kaalintiisa ciidan ee amniga, duqeymaha cirka, iyo deynta laga yaabo in uu siiyo dowladda Soomaaliya si loo abuuro awood siyaasadeed. Xitaa haddii Mareykanku u adeegsado ilaha noocaas ah si wax ku ool ah, heshiis lama filayo in uu dhowaan yimaado maxaa yeelay inta badan howlaha gudaha ee Soomaaliya waxaa diiradda lagu saari doonaa qabanqaabada doorashada madaxweynaha ee soo socota (la qorsheeyay dhammaadka 2020 ama 2021). Intaas waxaa sii dheer, Mareykanka wuxuu ubaahan doonaa in uu hubiyo in saameynta cadaadiskiisa iyo shuruudiisa aysan wiiqi karin jilayaasha kale ee dibedda, oo ay ku jiraan Turkiga, Itoobiya, Sacuudiga, Imaaraadka, iyo Qatar. Haddii dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ay heshiis gaari karaan, Mareykanka waa in uu markaa taageeraa wadahadalada nabadeed ee u dhexeeya maamulada dhowaan la heshiisiiyay iyo al-Shabaab. Tani waxay sare u qaadi doontaa su’aalo badan oo la taaban karo oo ku saabsan qaabka, isku xigxiga, iyo nuxurka hadaladaas. Faahfaahintu waa, dabcan, in ay go’aamiyaan dhinacyada ugu horreeya ee isku dhaca, oo halkan Mareykanku waa in uu doorka dambe ka ciyaaraa. Laakiin way iska caddahay in wada hadal kasta uu u baahan doono is-fahamsiin taxaddar leh oo dhexmara dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka ee ku habboon, iyo sidoo kale al-Shabaab. Waxa ay sidoo kale muhiim u ahayd Washington in ay tilmaamto in bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ku xirnaan doonto al-Shabaab oo ka qeyb qaadanaya gorgortanka. Muddada kumeelgaarka ah, howlaha istiraatiijiyadeed ee weerarada millateriga ee Mareykanka waa in loo qaabeeyaa iyada oo ku khasbeysa hoggaanka Al-Shabaab in ay wadahadal la galaan halkii ay kharibi lahaayeen ururka guud ahaan iyo in ay carqaladeeyaan shaqaalaysiintooda, tababbarradooda iyo awooddeeda in ay weeraraan. Haddii wadahadallada horudhaca ahi ay si dhakhso leh u bilowdaan, Washington waxay xitaa muujin kartaa in weerarada Mareykanka ee soo socda ay noqon doonaan ulajeeddooyin difaaca oo keliya – i.e. si loo ilaaliyo shaqaalaha caalamiga ah iyo kuwa nabadgelyada Soomaaliya – oo ay qaadaan taxaddar weyn si aan dhaawacayn dadka rayidka ah ee ugu yar. Tani waxa ay meesha ka saareysaa Al-Shabaab hal il oo ay ku qortaan shaqaalaysiintooda iyo dacaayaddooda. Gunaanad. Dhacdada aan la fileyn ee ah in dowladda federaalka ama al-Shabaab ay si uun ku helaan gacanta sarreysa ee militari ahaan, ma jirto in laga fogaado wadahadal nooc kasta ah oo lala galo taageerayaasha kale. Guulihii dagaalka ayaa waxtar u leh xoojinta niyadda dhinaca guuleysta isla markaana cadowga ka dhaadhiciya in gorgortanka uu fiican yahay. Laakiin xitaa guulaha dagaalka, dawladda federaalku ma awoodo in ay ku soo rogto shuruudo ay taageerayaasha al-Shabaab u arkaan mid aan loo dul qaadan karin, Al-Shabaabna awood umaheyn in ay baabi’iso aqoonsiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya. Wax kasta oo dagaalka ku dhammaada waa in ay markaa ku jiraan dejinta meesha sharciga ah ee laga adkaado wixii sharci ah ee cusub. Dhab ahaantii waa u fiicnaan laheyd hadii dadka rayidka ah gorgortanka noocan oo kale ah u galaan dhankooda. Beddelka ayaa ah in ay sii wadaan dhibaatada ugu weyn ee dagaalkan dilaaga ah. Dhinacyada ka baxsan gudaha ee doonaya in ay xasiliyaan Soomaaliya, tani waxa ay soo jeedineysaa in ujeedka ugu weyn ee loo baahan yahay lagu muujiyo dib u heshiisiin siyaasadeed halkii laga gaari lahaa guul militari. Marlabaad, way fiicnaan lahayd in sidan la sameeyo si dhakhso leh halkii hore. Hore u soco, Sidaa darteed, Washington waa in ay diirada saartaa kordhinta muruqeeda diblomaasiyadeed si loo dhiiri geliyo labadan gorgortan. Tani waxaa laga doorbidayaa labada dariiqo ee ugu waaweyn: sii wadida qaabkii ganacsiga sidii caadiga ahayd ee tobankii sano ee la soo dhaafay ama si lama filaan ah militari kahor inta ciidamada amniga Soomaaliya aysan awoodin in ay xasiliyaan dalka. Afeef: Maqaalkan waxa uu gaar u yahay Qoraaga Prof Paul D. Williams. Tarjumaaada: Mustaqbal Radio.
  19. A section of members of the Wajir County Assembly on Wednesday filed a notice to impeach Governor Mohamed Abdi on grounds of runaway corruption and abuse of office. Source: Hiiraan Online
  20. (SLT-Yemen)-Barnaamijka caalamiga ah ee dambiyada abaabulan, ayaa sheegay in ay heleen caddaymo la rumeysan karo oo sheegaya in waddanka Iiraan ay hub siiso mucaaradka sokeeye ee Yemen, laakiin shabakadaha dambiilayaasha ah ayaa laga yaabaa inay hubkaasi ka ganacsadaan gaar ahaan una iib geeyaan dhinaca dalalka Geeska Afrika gaar ahaan waddanka Soomaaliya. Baadhayaasha ilaalada hubku waxay la xidhiidheen nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo xaruntiisu tahay magaalada Sanca ee dalka Yemen, kaasoo muddo toddobaadyo ah sharraxaad ka bixinayay hawlgalkiisa. Ilo wareedyo ayaa soo saaray liis ay ka mid yihiin qoryaha AK-47, qoryaha darandooriga u dhaca, bambo gacmeedyo iyo rasaas noocyo kala duwan leh, in loo iib geeyo Soomaaliya, balse lama sheegin cidda laga iibiyay. “Tani waxay muujineysaa jiritaanka shabakado tahriibiya hubka sharci darrada ah ee ka yimaadda Iran ee loogu talagalay Xuutiyiinta waddanka Yemen balse ku sii jeeda gudaha Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warbixinta. Soomaaliya waxey ku hoos jirtaa cunaqabateyn dhanka hubka ah oo Qaramada Midoobay laga soo bilaabo 1992, hase ahaatee tan iyo waqtigaas, si qarsoodi ah ayaa hubka loosoo galin jiray Soomaaliya iyada oo aanu marnaba hoos u dhicin suuqyada madaw ee Hubka Soomaaliya iyada oo warbixintan lagu sheegay meel kasta oo Soomaaliya ah in hubkaasi gaadho oo suuqyo madaw lagu kala iibsado. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Xafiiska ay Dawladda Taiwan ka furatay Somaliland, waxaanu sheegay ayaa-daro ku tilmaamay in Dawladda Soomaaliya ay sheegato dal aanay xukumin, awood ay wax kaga qabatana aanay lahayn. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u warramay Wargeyska Geeska Affrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waan soo dhaweeynayaa, oo waxaan leeyahay gacmo furan baan ku soo dhaweeynayaa inay Taiwan xafiis ka futaro Somaliland, balse waa ayaan daro inay Soomaaliya awood aanay lahayn is-bido, tallaabo aanay ka qaadi karina Somaliland ay sheegato, waxaanu leeyahay Maamulka Muqdisho, Somaliland waxba kama qaadi kartaan ee xadkiina ha soo dhaafina, Somaliland inay xidhiidh la yeelato Taiwan iyo Waddan kasta oo ay danteeda ka dhex aragto xidhiidh way la yeelanaysaa, ,Soomaaliya iyo cid kale oo hor istaagi kartaana ma jiraan” Source
  22. Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka waxbarashada ee dowladda federaalka ah Cabdullahi Goodax Barre ayaa lagu faray Cabdullahi Imaan oo ahaa agaasimihii hey’adda CARE inuu dalka ka baxo, kana shaqeyn karin. Imaan ayey dowladda federaalka ah ku eedeysay inuu sameeyey meel ka dhac ku aadan siyaasadaha waxbarasho ee Muqdisho isla markaana uu abuuray qalqalgelin iyo kalsooni darro dhexmarta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oo dhinac ah iyo dowladda federaalka ah iyo deeq bixiyeyaasha oo dhanka kale ah. CARE ayaa sheegtay iney ka hawalgeli doonaan xalka arrintaas, CARE waxaa ay Soomaaliya joogtay ilaa 1981 iyada oo ka shaqeysa arrimaha biyaha iyo fayadhowrka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa lagu wareejiyay hoggaanka taliska ciidammada isku-dhafka ah oo badda Soomaaliya uga howlgala la dagaalanka budhcad-badeeda. Taliskan oo loo yaqaan CTF-150 ayaa waxaa hoggaaminayay dowlada Faransiiska waxana ay taliskan ay sameeyaan dabagal, kormeer iyo howlgalo caadi ah oo lagu ilaalinayo maraakiibta maraysa xeebaha Soomaaliya. Howlgalkan ayaa waxaa hoos yimaada 14 illaa 15 maraakiib sida ku cad xogta iyo Istiraatiijida howlgalkaan 12-ka sanno ku sugan Xeebaha Soomaaliya. Ciidamadan ayaa waxa hoggaankooda la bedelaa lixdii biloodba mar iyadoo ciidamadan kuwooda ugu badan ay joogaan gacanka Cadan iyagoo ka hortagga weeraro lagu qaado maraakiibta caalamiga ah. Bishii August sanadkii 2008-dii ayaa la sameeyay howlgalkan ka gedaal markii ay aad u soo kordheen weerarada iyo qafaalashada maraakiibta oo ay gaysanayeen budhcad badeed Soomaaliya. Badda Cas, gacanka Cadan, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cumaan ayaa kamid ah meelaha ay waajibaadkooda ugu badan ka fuliyaan. Warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda Sacuudiga ayaa sheegtay in taliskooda uu rajeynayo in uu ku guulleysto mudada uu xilkaan hayo. Wargeyska Al Khaleej Today oo daboolka ka qaadey in ciidanka Sacuudiya Carabiya ya xilka ka waregeen ayaan magacaabin taliyaha cusub. Source