Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray shirka Dhuusamareeb3, kaas oo lagu ballansanaa in markale Dowladda federaalka iyo Maamu goboleedyadu ku jaangooyaan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta, waxaana qoraal kasoo baxay Jubbaland lagu sheegay in maamul ahaan ay diyaar u yihiin in go’aan loo dhan yahay laga gaaro qabsoomidda doorashooyin la isku raacsan yahay oo dalka ka dhaca. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qoraalka Ka Soo Baxay Jubaland Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Qoraalka Oo Faah Faahsan Dowalad Goboleedka Jubbaland oo War Kasoo Saartay Shirka Dhuusamareeb3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. At least one civilian was wounded in a roadside bomb explosion in the Somali capital, Mogadishu on Tuesday noon, witnesses and police said. The blast occurred near the busy Tarabunka junction in Hodon district with reports it was targeting a car carrying government official. Mogadishu nowadays sees a surge in bomb attacks by Al-Shabaab as the country’s leaders are consolidating their grip on the next elections. Al-Shabaab has staged a deadly attack on a beachfront upscale Elite hotel in Mogadishu last Sunday, killing at least 16 people, among them two officials and civilians. View the full article
  3. War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Hormarka Shacabka ayaa looga hadlay xaalada guud ahaan xiligan uu marayo dalka iyo sida loogu gudbi karo marxalada kala guurka . “Xisbiga Hormarka Shacabka waxa uu aad ugu walacsan yahay ka maqnaanshaha Shirka Dhuusmareeb -3 ee maamulada Jubbaland iyo Puntland , taas oo meesha ka saari karto rajada shacabka ay ka qabaan Geedi socodka Nabad dalka” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka ka soo baxay Xisbiga Hormarka Shacabka. Waxa lagu soo hadal qaaday warsaxafadeedkan xaalada amniga ee dalka gaar ahaan weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Hotelka Elite. “Waxa ugu tacsiyaynaynaa ehalada dadkii dadkooda ku geeriyooday qaraxaas oo ay soo malageen kooxaha xagjirka ee u taagan daadinta dhiiga shacabka Soomaliya, waa in aan meel ugu soo waja jeesanaa sidii loogu hortagi lahaa ”ayaa lagu xusay qoraalka ka soo baxay Xisbiga Horumarka Shacabka. Dowlada waxa ugu baqaynaa in ay la timaado qorshe cad oo lagu sugayo amaanka ayaa la daba dhigay warsaxafeedka Xisbiga Horumarka shacabka. Xisbiga Horumarka shacabka mar uu ka hadlayay fataahadaha ka jira Gobolada Shabeelooyinka ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in dhaxdooda ay isku gurmadaan , Dowladuna ay gutado waajibka ka saran Qoysaska dhibaatada ay ka soo gaartay fataahadaha ka jira dalka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Warka Ka Soo Baxay Xisbiga Horumarka Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/whats-upp-xis.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimadda Online, mowqifkii Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban oo ay ku mideysnaayeen dhammaan madaxda maamul Goboleedyada ayaa si lama filaan ah isku badalay kadib markii uu heshiis hoose la galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa madaxweynaha Soomaaliya la galay heshiis ah in xilka Ra’isulwasaaraha loo magacaabo shakhsi uu isaga wato taas badalkeena uu Axmed Qoor Qoor ballan qaaday inuu madaxda Maamul Goboleedyada ka dhaadhicin doono inuu dalka aado doorasho qof iyo Cod ah si taas loo gaarana ay lagama maarmaan tahay in Dowladda hadda jirto la siiyo muddo 2 sano ah. Heshiiska ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dhigaya in uu madaxweynaha Galmudug soo gudbiyo liiska shakhsiyaadka uu doonayo in loo magacaabo xilka Ra’isulwasaraha isla markaasna uu madaxweyne Farmaajo ka doorto qofka uu rabo, waxayna xogta sheegeysaa in Qoor Qoor uu gudbiyey liiska illaa 5 musharax oo kasoo jeedo Beeshiisa Habargidir. Tan iyo markii uu Qoor Qoor heshiiskaan la galay madaxweyne Farmaajo, wuxuu bilaabay dadaal ku aadan inuu ka miro dhaliyo waxyaabihii ku qornaa heshiiska, wuxuuna shirar kala duwan la yeeshay Guddiga Farsamada doorashada oo ay ka maqan yihiin kuwa matalayey Jubbaland iyo Puntland illaa uu Xalay Dhuusamareeb kaga dhawaaqay inuu furan yahay shirkii Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe xilli ay qaadaceen Axmed Madoobe iyo Deni. Madaxweynaha Galmudug oo kaashanayo Dowladda Dhexe ayaa ku guuleystay in madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed lagu qanciyo inay taageeraan qorshaha muddo kororsiga ee Dowladda Soomaaliya taas badalkeedana iyagana loo ballan qaaday in la siiyo lacago iyo in Madaxweynaha Hirshabelle laga caawiyo sidii uu mar kale xilka ugu soo laaban lahaa. Axmed Qoor Qoor oo taleefoon kula hadlay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ku guuldareystay in Axmed Madoobe iyo Deni ay kasoo qeybgalaan shirka Dhuusamareeb3 taas badalkeedan ay soo saareen go’aano culus oo ay ku diideen shirkaas. Illo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa Caasimadda Online u sheegay in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay fahamsiin yihiin heshiiska ay gaareen Qoor Qoor iyo Madaxweyne Farmaajo, shirka Dhuusamareebna uu yahay shirqool siyaasadeed oo la doonayo in loo dhigo, sidaas darteedna aysan marnaba ka qeyb geli doonin shirkaas illaa laga helo Xukuumad heshiiska la galo fuliso iyo in Beesha Caalamka ay marqaati ka noqoto waxyaabaha lagu heshiinayo. Maamul Goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku heshiiyey in shirka la furo isla markaasna laga soo saaro war murtiyeed iyo is faham ku aadan nooca ay noqon doonto doorashada dalka ka dhici doonto inkastoo uu jiro cadaadis ka imaanayo beesha Caalamka oo u aadan in shirka uu noqdo mid ay ku dhan yihiin dhammaan maamul Goboleedyada.
  5. Qarax xooggan ayaa wuxuu daqiiqado ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow Isgoyska Tarabuunka, gaar ahaan agagaarka Isbitaalkii hore ee DEVA. Qaraxa ayaa la sheegay in la dhigay wadada dhinaceeda isla markasana uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah oo marayey halkaas. Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhaawacmay oo ahaa darawal kaxeenayey mooto Bajaaj. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.
  6. Hargeysa (Faallooyinka PP) — Kulankii Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmaray Jabuuti sanadkan wuxuu ahaa fursad siyaasadeed oo soo martay Madaxweyne Muuse Biixi. Muu ka faa’iidaysanin fursadda. Sida uu sheegay Cabdulqaadir Jirde, Guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee Xisbiga Waddani, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu soo jeediyay in Somaliland qaadato caasimadda iyo xilka Madaxweyna. “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Muuse eegay oo ku yiri ‘ Muuse, hadal’” ayuu Jirde ka sheegay dood uu machadka ISIR soo abaabulay. Madaxweyne Muuse Biixi wax jawaab ah muu bixinin. Tanaasulka uu Madaxweyne Farmaajo soo bandhigay waa mid, ka hor hadalka Jirde, aan lala wadaagin dadweynaha iyo siyaasiyiinta. Wadahadalladii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida ku dhaca leh u taageeray waxay soo gaareen heer Muqdisho miiska soo saartay tanaasul hore aan loo soo bandhigin. Taa waxaa wehelisa raalli-gelintii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay goboodfalladii siyaasadeed uu taliskii militarigu geystay. Isla goobta dooddu ka dhacday Cabdulqaadir Jirde wuxuu ka sheegay in maqnaanshaha madax dadka isu soo jiidi karta ay keentay in wadahadalladu noqdaan kuwo aan miro-dhal ahayn. Miyuusan tanaasulka Muqdisho muujinaynin in madaxda reer koonfureedku diyaar u tahay ka tagista wax badan? Madaxweyne Biixi khudbad ayuu u jeediyay Golaha Wakiillada Somaliland. “Ma anaa middiyo lay qarshaa laygu qali doono” ayuu yiri Madaxweyne Biixi oo xiganayay gabay caanbaxay. Marnaba muu soo hadalqaadin tanaasulka Madaxweyne Farmaajo dowladdiisu samaysay. Cabdulqaadir Jirde xogta uu dadweynaha la wadaagay waxay muujinaysaa in Somaliland siyaasad ahaan dayaysan tahay. Waa sababta Jirde u soo jeediyay “qarannimo wadaag”. Miyuusan tanaasulka Madaxweyne Farmaajo sameeyay ahayn baaq qarannimo wadaag? © Puntland Post, 2020 The post Muuse Biixi oo isa seejiyay fursad siyaasadeed appeared first on Puntland Post.
  7. Maamulka dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa la sheegayaa iney toogteen labo askari oo muddo bil laga joogo kufsaday wiil 10 jir ahaa. Dhacdadan ayaa imaaneysa 48-dii ee tagay markii ay isla Baydhabo ka dhaceeb 2 kufsi oo kale. Axaddii iyo Isniintii ayaa la kala kufsaday labo wiil, oo la sheegayo in midkood uu dhintay. Dilka saaka loo geystay labadan askari, weliba maxkamadeyn la’aan ayaa la sheegay in lagu dejinayo dadka ka xumaadey kufsigiii saacadihii tagay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. MOGADISHU (HOL) - The owner of the beachfront hotel in Mogadishu where about 20 people were killed Sunday in a deadly attack by the militant group Al-Shabaab has said he will not be intimidated and that he will continue investing in the country. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi gaar ah siiyey Dalsan TV ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo wejiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb. Sanbalooshe ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu fashil sii hordhigay shirka Dhuusomareeb 3, kadib khudbadiisii Golaha Shacabka ee uu ku sheegay in natiijada ka soo baxda shirkaas uu kula soo noqon doono xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in fariintaas ay muujineyso inuu fashilmi doono shirka, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna su’aal ka keenay ballanqaadka madaxweynaha ee ah inuu golaha shacabka ula soo laaban doono natiijada shirka. “Madaxweynuhu warkiisu waa xujo, haddii uu barlamaanka xushmaynayo, muxuu u horkeeni waayey heshiisyadii uu lasoo galay dowladdaha shisheeye iyo shirkaddaha caalamiga ah,” ayuu yidhi Sanbaloolshe. Taliyihii hore ee NISA oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay ka maqnaasha shirka Dhuusamareeb 3 ee Jubbaland iyo Puntland, wuxuuna tilmaamay inay diidan yihiin qorsha xumida Villa Soomaaliya ee ay ku kula dhantaaleyso labada Aqal ee BF sida Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo sidoo kale xukuumadda oo aan weli yeelan ra’iisul wasaare. “Dowlad goboleedyada waxay diidan yihiin raysal wasaarihii shirkaan qeybta ka ahaan lahaa ma jiro, barlamaankii madaxweyne Farmaajo ayuu gacanta ugu jiraa, aqalkii sare waa la fadhiisiyay, marka yaa lala hadlaa? dalka madaxweyne iyo raysal wasaare Farmaajo ayaa ka ah,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida Somalia. Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay saq-dhexe uu si rasmi ah u furmay shirka Dhuusamareeb 3 oo ay ka qeyb-galayaan Madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynayaasha Galmudug, K/ Galbeed, HirShabelle iyo duqa magaalada Muqdisho, halka ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland oo qaadacay shirkaasi.
  10. (SLT-Hargeysa)- Waxa Magaalada Hargeysa soo gaadhay Wakiilka cusub ee Dawladda Federaalka Itoobiya u soo Magacowday Somaliland, Amb. Siciid Maxamed Jibriil. Wakiilka cusub ee Itoobiya ayaa Axaddii doraad ka soo degay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, waxaana halkaa kaga hor-tagay oo soo dhaweeyay Saraakiil ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland. Wakiilka cusub oo laga soo ambo-bixiyey Caasimadda Addis Ababa ayaa si rasmi ah u bilaabaya shaqadiisa diblumaasiyadeed, maaddaama oo uu soo cago-dhigtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Amb.Siciid Maxamed Jibriil ayaa beddelaya Wakiilkii hore ee Dawladda Federaalka Itoobiya u joogay Somaliland Amb. Shamsudiin Axmed Rooble, kaasi oo muddo dheer shaqada ka sii maqnaa, inkasta oo Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa uu si wanaagsan u shaqeeyo. Dr.Siciid Maxamed Jibriil ayaa intii aan loo Magacaabin Wakiilka Itoobitya ee Somaliland wuxuu ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Hargeysa. Source
  11. Garoowe (PP) — Cali Xaaji Warsame, oo mar ahaa Wasiirkii Waxbarashada Puntland, ayaa ku baaqay in dib u dhisidda kalsoonidii ka abuurantay Shirkii Dhuusamareeb II lagama maarmaan tahay in heshiis siyaasadeed ka soo baxo Shirka Dhuusamareeb III oo hadda socda. Cali Xaaji Warsame: Dib u soo dhisidda kalsoonidii ka abuurantay shirkii Dhuusamareeb II waa lagama-maarmaan Cali ayaa xigtay hadal uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ka sheegay shirkii Dhuusamareeb II. “M/weyne Deni markuu yiri “Annaga & M/weyne Farmaajo waa naloo kala waramey” buu kaararkiisii siyaasadeed miiska wada saarey. Hadalkaas M/weyne Farmaajo waa lacageystay, siyaasaduna saaxiib joogta ah ma leh. Kalsoonidii Dhusamareb2 ka abuurantey wax soo celiya bay u baahan tahay” buu Cali ku qoray boggiisa Twitterka. M/weyne Deni markuu yiri "Annaga & M/weyne Farmaajo waa naloo kala waramey" buu kaararkiisii siyaasadeed miiska wada saarey. Hadalkaas M/weyne Farmaajo waa lacageystay, siyaasaduna saaxiib joogta ah ma leh. Kalsoonidii Dhusamareb2 ka abuurantey wax soo celiya bay u baahan tahay. — Ali H. Warsame (@alihwarsame) August 17, 2020 Hadalka Madaxweyne Deni iyo sida maamulkiisu ugu doodayo in dhicistii dowladdii Kheyre sharcidarro ahayd ayaa is qaban la’. Madaxweyne Deni muu caddaynin dadka kala fogeeyay isaga iyo Madaxweyne Farmaajo hase ahaatee wuxuu meesha ka saaray markuu sidaas u hadlay in ay jirtay hagardaamo siyaasadeed oo ka timid dhanka Madaxweyne Farmaajo. Puntland ayaa ku gacan-sayrtay ka qaybgalka shirka Dhuusamareeb III haddii Beesha Caalamku aysan qaadanin kaalinta “damaanadqaade”. © Puntland Post, 2020 The post Cali Xaaji Warsame oo ku baaqay isu soo dhoweynta Deni iyo Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Nairobi)-Dawladda Somaliland ayaa ku biirtay Dawladaha Caalamka ee soo dhaweeyay Heshiis Toddobaadkii hore dhex maray Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Isreal. Heshiiskan Isku-tagga Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa waxa ugu muhiimsan oo ay Israel ogolaatay inay joojiso deegaamayntii ay ka wadday Dhulka Falastiin, taasi oo horseedday inuu Khamiistii la soo dhaafay hirgelo heshiiskan oo uu Maraykanku muddo ka shaqayanayey. Heshiiskan ayaa waxa ka hor-yimid isla-markaana diiday Dawlado uu Turkigu ka mid yahay, laakiin waxa soo dhaweeyay Dawladaha Germany, Masar, Bahrain, Oman, Ingiriiska, France iyo Qaramada Midoobay. Wakiilka Somaliland u jooga dalka Kenya Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar oo hore u ahaa Safiirka Somaliland ee Imaaraadka oo ka hadlay heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ayaa sheegay inay Somaliland soo dhaweynayso heshiiskaasi. Safiirka Somaliland ee Kenya oo u warramay Wargeyska businessweek ayaa yidhi “Annagoo ah dad jecel nabadda, waxaan taageersanahay heshiiskii taariikhiga ahaa ee Caadiyeynta (Xidhiidhka) ee dhex maray Isutagga Imaaraatka carabta iyo Israa’iil.” Safiirka Somaliland waxa kale oo uu sheegay “Heshiisku wuxuu tusaale wanaagsan u yahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee danaynaya xasilloonida Gobolka iyo iskaashiga.”ayuu yidhi. Somaliland ayaa xidhiidh la leh Dawladda Imaaraadka Carabta oo Maalgelin ka wadda Somaliland, sida Maalgelinta Shirkadda DP World oo Imaaraadka Carabta laga leeyahay ka waddo Dekedda Berbera ee Somaliland. Source
  13. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah Magaalada Baydhabo ku toogtay laba nin oo sida la sheegay lagu helay in ay kufsi u gaysteen wiilal yar yar. Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in labada nin ay si cad u qirteen kufsiga lagu eedeeyay sidaasi darteedna dil toogasho ah loogu fuliyay. Wararku waxay sheeganayaan in labada nin ay kufsi u gaysteen wiilal yar yar oo u dhashay Degaanka Baydhabo kuwaas oo mid kood u geeriyooday kufsigii loo gaystay. PUNTLAND POST The post Laba nin oo lagu helay in ay wiilal yar yar kufsadeen oo lagu toogtay Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  14. Tripoli (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay dagaal oogaha dalka Liibiya ee Khaliif Xaftar ayaa sheegay in maleeshiyaad lagu soo tababaray gudaha Soomaaliya ay qeyb ka yihiin dagaallada cudu ee ka socda gudaha wadankaasi ee u dhexeeya dowladda iyo Xaftar. Axmed Al-Mismari oo ah afhayeenka Generaalka awooda badan ee Khaliif Belqaasim Xaftar ayaa tilmaamay in maleeshiyaadkaas oo uu ku tilmaamay Calooshood u shaqeystayaal ay gaaraan illaa 300 oo askari, isaga oo xusay in Qatar ay ku soo tababartay xero ku yaalla gudaha Soomaaliya, kadibna ay geysay dalkaasi Liibiya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo daad-gureeyey magaalada Misraata, si ay uga qeyb qaataan dagaalka muddada sanada ah ka socda wadanka Liibiya. Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in kooxdaasi ay hoggaaminayaan labo sarkaal oo ka soo jeeda dalka Qatar, inkastoo uusan shaacin magacyadooda. Ma shaacin afhayeen Axmed Al-Mismari in ciidamadaas ay yihiin Soomaali in kale, marka laga tego inuu sheegay in lagu tababaray Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu goodiyey nay Beesha Calaamka la wadaagayaan macluumaadka taageerada Qatar ay siiso dagaalamayaasha shisheeye ee ku sugan dalka Liibiya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan ay soo shaac-baxay in Qatar iyo Turkiga ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in Ciidamo Soomaali ahoo ay tababareen ay ku geynayaan dalka Liibiya, si ay uga qeyb-qaataan dagaalka looga soo horjeeda mucaaradka uu hoggaamiyo Khaliif Xaftar, walow ay dowladda Soomaaliya ay beenisay wararkaasi.
  15. Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan deegaano ay maamusho Somaliland. Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah, kuwaas oo wada daga halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Ari-Cadeeye, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas illaa iyo hadda ku dhintay ku dhowaad 5 qof iyadoo tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen oo ah dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in Somaliland ay ciidamo dheeraad ah u soo dirtay deegaankaasi, kuwaas oo ka baxay magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool, si ay u kala dhex-galaan maleeshiyaadka labada dhinac ee ku diriraya halkaasi. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay isku hayaan dilal la xariira aanooyin Qabiil oo horey uga dhacay gobolkaasi.
  16. Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa shaaciyey in uu furmay wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3, kaas oo hadda madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood ay u joogaan halkaasi. “Maanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen guddiga farsamada doorashada, iyada oo madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. ‘Sida aad wada ogsoontihiin waxaa illaa hadda nagala soo qayb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.” Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu sheegay in ay bilaabeen falanqeynta iyo ka doodista nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dabayaqada sanadkaan. Madaxweynuha Galmudug waxa uu baaq u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo aan wali soo gaarin madasha shirka, isagoo ka codsaday in reer Galmudug ay ku qadariyaan gogosha ay dhigeen. “Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaad ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, oo aad tixgelisaan oo qadarisaan gogosha reer Galmudug,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor. Ugu dambeyntii waxa uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor raja ka muujiyey shirka in ay ka soo baxdo natiija wanaagsan, Soomaaliduna ay ku heshiin doonto nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta. View the full article
  17. Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Beledxaawo ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay saaka howl-gallo ka wadaan gudaha degmadaasi. Howl-gallada ayaa daba socda qarax shalay ka dhacay Maqaaxi ku taalla halkaasi, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo ayaa Shabelle u sheegay in baaritaanadaasi lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey qaraxaasi. Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu qaraxa ka soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa Maqaayadda la weeraray. View the full article
  18. Hargeisa (HOL) - The CEO and founder of Astaan TV remains in a Hargeisa prison as Somaliland authorities investigate his alleged ties to militant extremist groups. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkii xooganaa ee maalin ka hor lagu qaaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay hotelkaasi. Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ayaa sheegay in la fudueeyey weerarkaasi, kadib wareysi uu siiyey Shabelle. Indha Cadde ayaa wareysiga lala yeeshay ku sheegay in gaarigii uu ku qarxay afaafka hore ee hotelka iyo raggii saarnaa loo fudeeyey inay tegaan hotelka oo si weyn loo ilaaliyo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in goobta la weeray ay ku yaallaan Koontaroolo dhowr ah oo lagu baaro gaadiidka kala duwan, xittaa kuwa dowladda, isaga oo carabka ku adkeeyey in su fudud aan lagu geli karin halkaasi, islamarkaana ay cadahay in lala shaqeeyey raggaasi. ”Waa loo fududeeyey in gaarigaas uu meesha tego waa lala shaqeeyey si kale oo ku dhici karto maleh, aniga baabuur Cabdi Bile ah oo Nashiike saaran yahay ayaan la socdaa baabuurkeyga ciidan ayaan saaran waa la’ii celiyaa, waana la’iibaaraa ID Card ayaa la’ii weydiiyaa, marka si kale kuma tegi karo gaarigaas in loo fududeeyey uun ayuu ku tegay hotelkaas.’’ ayuu yiri Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde). Waxa kale oo uu ka hadlay waxaa soo celiyey weerarada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho,isaga oo sabab uga dhigay in laga gaabiyey culeyskii saarnaa,gaar ahaan dagaalka lagula jiro iyo sidoo kale isla xisaabtan la’aan ka jirta hay’adaha amniga. Ugu dambey wuxuu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay awoodaan inay weeraraan goob kasto oo bartilmaameedkooda ah, iyaga oo adeegsanayo wejiyo kala duwan iyo xeelado. Si kastaba ha’aahaatee hadalkan ayaa ku soo beegmaya maalin, kadib weerarkii cuslaa ee lagu ekeeyey hotelka Elite, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiray shacab iyo shaqaale dowladeed intaba.
  20. Secretary-General António Guterres has underscored UN solidarity with all victims of terrorism and urged people everywhere to ensure they are never forgotten. Source: Hiiraan Online
  21. War qoraal ah oo ka soo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu faah-faahiyey sababaha ay ku diiday ka qeyb-galka wejiga saddexaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabo lagu carqaladeynayo shirarkii horey u dhacay ee lagu qabtay caasimada Galmudug. Sidoo kale Jubbaland ayaa ka dalbatay beesha caalamka inay soo fara-geliso arrintaasi, si loo qabto shir loo dhan yahay. Halkan hoose ka akhriso:– 1 – Waxaa meesha laga saaray xukuumaddii hogaamin lahayd arrimaha doorashada ayad oo aan mid kalana la magacaabin. 2- Ku xadgudubka matalaadda aqalka sare ee baarlamaanka DFS sida ku xusan qodobka 61aad faqradiisa 3 iyo qodobka 71-aad ee dastuurka KMG. 3 – Shirkii Dhuusamareeb 2 ka dib, waxaa laga sugayay dowadda Federalka ah inay joojiso dhibaatada iyo faragalinta sharci darrada ah ee ay ka waday deegaanadda Jubaland gaar ahaan gobolka Gedo sanadihii la soo dhaafay, waxaase nasiib darro ah inay wali sii socoto faragalintii sharci darrada ahayd. Dowladda federalku waxay degmooyinkii ugu amaanka badnaa koonfurta Soomaaliya ka dhigtay kuwa ugu amaanka xun, waxayna fursad u siisay nabad diidka Al-Shabaab inay si sahlan masuuliinta iyo shacabka ugu laayaan qaraxyo, waxaa xusid mudan in maanta oo ay taariikhdu tahay 17/08/2020 ay ku naf waayeen 13 qof oo isugu jira shacab iyo ciidan magaaladda Balad-Xaawo ee gobolka Gedo. 5 – In la Iska indho tiro baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro arrimaha doorashooyinka 2020-2021, ayadoo awoodda lagu xadidayo hay’ad gaar ah oo mudo-xileedkeedii gabaabsi yahay, kana shaqaynaysa sidii ay kuraasta ugu sii fadhin lahaayeen. View the full article
  22. General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladaha ammaan ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Indha Cadde ayaa wereysigan ku soo qaaday weerarada ka dhaca Caaismadda, gaar ahaan midkii lagu beegsaday hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa sheegay in weerarkaasi la fudeeyey, islamarkaana loo baahan yahay in la sameeyo baaritaan ku aadan dhacdadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay xilligan ay awoodaan inay weeraraan goob kasta oo bartilaameedkooda ah, wuxuuna sabab uga dhigay in laga gaabiyey culeyskii saarnaa, siiba dagaalka lagula jiro, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in isla xisbaantan dhab ah lala sameeyo saraakiisha hay’adaha amniga, si wax looga weydiiyo dhacdooyinkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalin ka hor weerar lagu qaaday hotelka Elite oo ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, kaas oo geystay khasaare badan. View the full article
  23. President Donald Trump's darkly portentous campaign message came into stark focus Monday as he launched his most intensive campaign swing since the start of the coronavirus pandemic, warning of "fascist" Democrats with a "Trojan horse" candidate during stops in the Upper Midwest. Source: Hiiraan Online
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo Maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariyey oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Dowlad Goboleed ee ka soo qeyb galay shirkan sida ay u dhowreen wakhtigii horey loogu qorsheeyey furitaanka shirkan, isaga oo ku bogaadiyey sida ay uga soo dhalaaleen masuuliyadda ka saarnayd in la sii amba-qaado qodobadii ka soo baxay Shirkii horey ugu qabsoomay Dhuusamareeb Bishii Luuliyo ee sanadkan. “Maanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Doorashada, iyada oo Madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. Sida aad wada ogsoontihiin waxaa ilaa hadda nagala soo qeyb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.” Madaxda ayaa iska xogwareystay sidii loo sii ambaqaadi lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka doorashooyinka dalka, geeddi socodka siyaasadda iyo Amniga Qaranka. Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article