Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xalay fiidkii ayaa Dagaal ka dhacay Buurakayda Galgaka Dagaalkasio ku bilowdey rasaas lagusoo riset Ciidan hoondo ah oo gaariwatay. Saaka waabarigii ayaa Ciidamada Puntland waxay [...] The post Ciidamada Puntland oo weeraray Saldhigyada Al-shabaab ee Burhaan Galgaka appeared first on . Source
  2. Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa durba u gudbiyey Baarlamaanka Qodobadii kasoo baxay Dhuusamareeb , Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la xariiqay qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay arinkaan. [...] The post Breaking News— Baarlamaanka oo la horkeenayo Qodobadii uu Madaxweyne Farmaajo kasoo saaray Dhuusamareeb appeared first on . Source
  3. Maxamuud Sayid Aaden Madaxweyne Xigeenka Jubbaland ayaa ka hadlay Qodobadii kasoo baxay Shirkii Shanta maalin uga socdey Dhuusamareeb Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed [...] The post Jubbaland oo ka Arinsanaysa Shirkii burburay ee Dhuusamareeb warkii lasoo saaray appeared first on . Source
  4. Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, dagaal xooggan oo xalay iyo saaka ka dhacay buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari ,kaasi oo dhexmaray Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo koox ka tirsan Al-shabaab. Kooxda Al-shabaab oo doonayay in ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Puntland ee Degaanka Ballikhadar ayaa laga sii war helay, waxaana looga hortagay Buuraleyda Habar-hagoogle oo koonfur ka xigta Galgala, halkaas oo dagaal culus ku dhexmaray labada dhinac. Dagaalka oo bilowday gabbal-dhicii Shalay, ayaa soo gaaray fiidnimadii Xalay, waxaana Saaka mar kale Ciidamadu hawl qorshaysan ka fuliyeen Buuraleyda Habar-hagoogle iyo nawaaxigeed. Dagaalkii Xalay iyo Saaka, waxa Al-shabaab looga dilay in ka badan 10 xubnood, halka saddex kalena nolosha lagu qabtay, islamarkaana laga furtay hub iyo saanad kala duwan. Sidoo kale, Ciidamada Puntland waxaa Dagaalka uga dhintay hal askari oo keliya, waxaana uga dhaawacmay laba kale, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal Xalay iyo Saaka ka dhacay Buuraleyda Galgala appeared first on Puntland Post.
  5. Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay war murtiyeedkii xalay laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqnaayeen Jubblanad iyo Puntland, kaasi oo heshiis looga gaaray nooca doorashada dalka. Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay war murtiyeedka shirka laga soo saaray ayaa sheegay inuu ahaa mid kadis kusoo gaaray, haddana ay Jubbaland ka tashaneyso go’aankii ay ka qaadan laheyd arrintaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Duqa Muqdisho ayaa waxaa ay go’aan ka gaareen nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, xilli kulankii ay ku yeesheen Dhuusamareeb ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland. Jubbaland iyo Puntland oo aan ka qeyb-gelin wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa hora dhowr jeer ugu eedeeyay Madaxweyne farmaajo in uusan fulin heshisyo uu la galay sidoo kale Xukuumadda xilka siiheysa ay gaarayaan go’aano masiiri ah oo sharci darro ah. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa la filayaa inay soo saaraan Go’aamo a xiriira mowqifkooda ku aadan qodobadii ay soo saareen Madaxdii ku shiraty Dhuusamareeb. Madaxdii tagtay Dhusamareeb waxay shegeen in markii ay si qotodheer ay uga wadatashadeen qaababka doorasho ee ay soo jeediyeen guddigaas ay isla qaateen deegaan doorasho, waxaana qoddobadii shirka kasoo baxay kamid ahaa: In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid deegan doorasho ah In guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka oo kaashanaya maamulada dowlad goboleedyada fududeeyan dhisida guddi xulis oo loo dhan yahay oo ka kala imanaya odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga. In ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imaneysa beesha kursiga wadaagta. In dowlad goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu In codbixiyeyaasha 3-dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaalla la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhammaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah. Guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka iyagoo kaashanaya maamulka dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan. In Baarlamaanka dowlad goboleedyadu doortaan xubnaha Aqalka Sare. In heshiiskan loo gudbiyo golaha Shacabka si uu sharci u noqdo. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka uu dardargaliyo hirgelinta doorashada. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada dowlad goboleed ee shirka ka maqan. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka. 17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiigii loo xil saaray Baaritanka weerarkii argagaxiso ee 10-kii bishan August ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa waxay dhawaan si rasmi ah usoo bandhigeen natiijada kasoo baxday baaritan ay sameeyeen. Guddiga oo bixiyey warbixin ku saabsan arrinkaasi ayaa waxay sheegen in labo cisho ka hor maalintii weerarkaasi, xabsiga la galiyay hub u fudeydiyay maxaabiistii shabaabka ahaa inay weerar ka fuliyaan gudaha xabsiga. Qorshaha weerarkaasi ayaa billaabmay 8-dii bishan inta la ogyahay, iyada oo hub iyo bambaanooyin lagu dhex qariyay Hilib iyo Jawaan Liin ah, gudaha loo geliyay xabsiga, halka 10-kii bisha oo ah maalinkii weerarkaasi fulayey gudaha xabsiga lagu daabulay rasaas dheeri ah. Kadib markii uu hubkaasi u gaaray siduu qorshaha ahaa, maxaabiistii Shabaabka ahaa ee ku howlanaa fulinta weerarkaasi, ayaa waxay si toos ah u bilaabeen weerarkaasi maalin-nimadii Isniinta oo aheyd maalinkii xabsiga lasoo galiyay rasaasta badan. Maxaabiista ayaa dagaal toos ah la galay ilaaladii xabsiga, halka uu mid kamid ahna uu baxsaday intuu uu weerarku socday, kaasi oo sarkaal ciidan ah ku dilay afaafka hore ee xabsiga. “Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin ayaa lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto, waxaana u suurto-gashay in maxaabiistii ku howlaneyd dhibtaasi uu gaaro hubkaasi” ayaa lagu yiri warbixinta baaritaanka. Waxa kale oo warbixintaasi lagu yiri “Guddigu waxay caddeeyeen in maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii ay sameeyen ay arrinta ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida”. Dhacda weerarkaasi ayaa waxa loo xiray 27-qof oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jiraan, 6-qof oo shacab ah iyo 9-kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso ee ka dhacay gudaha xabsiga.
  7. Wareegii sadexaad ee wadatashiga Madaxda Qaranka ee arrimaha Doorashooyinka 2020/21 ee horey loogu heshiiyey Shirkii Dhuusamareeb laba ayaa ka dhacay Magaalo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb muddadii u dhaxaysay 15-19 Ogoosto, 2020. Waxaase xusid mudan in la sheego in Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan shirka soo qayb galin taas oo Madaxa shirku aad uga xunyahiin. Shirkan wadatashi waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo shirka guddominayey iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ay ka midka yihiin Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor oo shirka marti galiyey, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasis Xassan Maxamed Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Waxaa iyana shirka qayb ka ahaa Guddiga Farsamada oo kala mataleyey Dowlada Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sida ku cad Warmurtiyeedkii Dhuusamareeb, Guddiga Farsamada waxaa loo idmadey in ay ka soo baaraandagaan qaababka doorasho ee ugu haboon ee suurtogal ka dhigi kara in doorasho wakhtigeedi ku dhacda oo heshiis lagu wada yahay dalka ka qabsoonto 2020/21, kadibna taladooda u gudbiyaan Madaxda Qaranka si ay go’aanka ku haboon uga qaataan. Iyagoo ka duulaya waajibaadkooda shaqo, Guddigu waxay 8 Agoosto 2020 bilaabeen qorshe hawleedkoodii ku aadanaa xal u helida arrimaha loo idmadey. Wada tashi baahsan oo ay layeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Xisbiyada Siyaasadeed iyo Beesha Caalamka kaddib, Guddigu waxay wada tashi iyo falaanqeyn dheer kaddib Madaxda Qaranka u gudbiyeen saddex qaab doorasho oo ay kamid tahay mid ku salaysan Ergo Deegan doorasho: (Electoral constituency caucuses). Madaxda qaranka waxay si qoto dheer oo taxadar ku jiro wadatashi uga yeesheen qaababkii doorasho ee ay Guddigu u soo gudbiyeen waxayna ugu danbayn madaxda qaranka ee shirka ka soo qayb gashey isku raaceen: 1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses) 2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga. 3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta. 4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu 5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas. 6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah. 7. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah. 8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban. 9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah. 10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan. 11. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqalka Sare. 12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo. 13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada. 14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman. 15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka 16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka. 17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah. SAXIIXAYASHA HESHIISKA DHUUSAMAREEB: 1. Madaxweynaha Jamuuhiriyada Federalka Soomaaliya Mudane: Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo 2. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane: Ahmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor 3. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane: Cabdicasiis Xasan Maxamed-Laftagaren 4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane: Maxamed Cabdi Waare 5. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane: Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Kadib digniin culus oo ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, islamarkaana loo diray Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa hadalka ka soo yeeray Mareykanka jawaab kulul ka bixisay dowlad goboleedkada Puntland. La-taliyaha sare ee Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa sheegay in Ereyada la midka ah qaswadayaal (Spoilers) aysan wax macne ah laheyn. (Maalaa-yacni), balse muhiim ay tahay in is afgarad laga gaaro doorashada. ”Xaqiiqdi waa waqtigii saaxibadeenna caalamiga ahi ay fahmi lahaayeen oo ay si buuxda ugu qanceen in marwalba ay ahayd Soomaali go’aan ka gaarey geeddi-socodkooda doorashada waqtiyadii la soo dhaafay sidaasna ay ku sii jiri doonaan mustaqbalka. Erayada ‘qaswadayaasha’ (Spoilers) wax macne ah malaha. (Maalaa-yacni).” ayuu yiri Nuuradiin. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhinacyada ku shiraya Dhuusamareeb ay gaareen heshiis,kaas oo lagu cadeeyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso 2020/21. View the full article
  9. Wareegii sadexaad ee wadatashiga Madaxda Qaranka ee arrimaha Doorashooyinka 2020/21 ee horey loogu heshiiyey Shirkii Dhuusamareeb laba ayaa ka dhacay Magaalo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb muddadii u dhaxaysay 15-19 Ogoosto, 2020. Waxaase xusid mudan in la sheego in Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan shirka soo qayb galin taas oo Madaxa shirku aad uga xunyahiin. Shirkan wadatashi waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo shirka guddominayey iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ay ka midka yihiin Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor oo shirka marti galiyey, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasis Xassan Maxamed Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Waxaa iyana shirka qayb ka ahaa Guddiga Farsamada oo kala mataleyey Dowlada Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sida ku cad Warmurtiyeedkii Dhuusamareeb, Guddiga Farsamada waxaa loo idmadey in ay ka soo baaraandagaan qaababka doorasho ee ugu haboon ee suurtogal ka dhigi kara in doorasho wakhtigeedi ku dhacda oo heshiis lagu wada yahay dalka ka qabsoonto 2020/21, kadibna taladooda u gudbiyaan Madaxda Qaranka si ay go’aanka ku haboon uga qaataan. Iyagoo ka duulaya waajibaadkooda shaqo, Guddigu waxay 8 Agoosto 2020 bilaabeen qorshe hawleedkoodii ku aadanaa xal u helida arrimaha loo idmadey. Wada tashi baahsan oo ay layeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Xisbiyada Siyaasadeed iyo Beesha Caalamka kaddib, Guddigu waxay wada tashi iyo falaanqeyn dheer kaddib Madaxda Qaranka u gudbiyeen saddex qaab doorasho oo ay kamid tahay mid ku salaysan Ergo Deegan doorasho: (Electoral constituency caucuses). Madaxda qaranka waxay si qoto dheer oo taxadar ku jiro wadatashi uga yeesheen qaababkii doorasho ee ay Guddigu u soo gudbiyeen waxayna ugu danbayn madaxda qaranka ee shirka ka soo qayb gashey isku raaceen: 1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses) 2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga. 3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta. 4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu 5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas. 6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah. 7. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah. 8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban. 9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah. 10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan. 11. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqalka Sare. 12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo. 13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada. 14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman. 15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka 16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka. 17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah. SAXIIXAYASHA HESHIISKA DHUUSAMAREEB 1. Madaxweynaha Jamuuhiriyada Federalka Soomaaliya Mudane: Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo_______________________ 2. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane: Ahmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor_______________________ 3. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane: Cabdicasiis Xasan Maxamed-Laftagaren ________________ 4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane: Maxamed Cabdi Waare __________________________ 5. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane: Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ___________________ Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  10. Mareykanka ayaa diginin u diray dhinacyada ka maqan shirka Dhuusmareeb 3, oo ka socda xarunta maamulka Galmudug, kaasi oo la doonayo in heshiis looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya. Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku sheegtay inaysan waxba u qaban karin kuwa ka maqan wada-hadalka, oo macnaheedu yahay inay lumiyeen awooddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen go’aanada lagu gaarayo Dhuusmareeb. Safaaradda ayaa sidoo kale ereyga qas-wadayaal u adeegsatay dhinacyada ka maqan shirka. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ka shaqeysay in dhammaan aragtiyada lasoo saaro miiska shirka Dhuusarameeb 3, balse waxba uma qaban karto kuwa maqan. Qas-wadayaasha diidan ka qeyb-galka waxay damacyadooda shaqsiyadeed ka hormarinayaan dimqoraadiyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Dhinacyada waxay u baahan yihiin inay ku dhaqaaqaan inay isku raacaan hab [doorasho] oo waqtigeeda ku dhacda.” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka Mareykanka. View the full article
  11. Turkey has discovered energy in the Black Sea, most likely natural gas, two people with direct knowledge of the matter said Wednesday, but gave no indication of the size and depth of the find, nor how difficult it will be to extract. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-2182020.mp3 View the full article
  13. Mareykanka oo digniin culus u diray Deni & Axmed Madoobe oo uu ku sheegay Qas-wadayaal Dowladda Mareykanka ayaa diginin u dirtay dhinacyada ka maqan shirka Dhuusmareeb 3, oo ka socda xarunta maamulka Galmudug, kaasi oo la doonayo in heshiis looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya. Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku sheegtay inaysan waxba u qaban karin kuwa ka maqan wada-hadalka, oo macnaheedu yahay inay lumiyeen awooddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen go’aanada lagu gaarayo Dhuusmareeb. Safaaradda ayaa sidoo kale ereyga qas-wadayaal u adeegsatay dhinacyada ka maqan shirka. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ka shaqeysay in dhammaan aragtiyada lasoo saaro miiska shirka Dhuusarameeb 3, balse waxba uma qaban karto kuwa maqan. Qas-wadayaasha diidan ka qeyb-galka waxay damacyadooda shaqsiyadeed ka hormarinayaan dimqoraadiyadda,” ayaa lagu yidhi qoraalka. “Dhinacyada waxay u baahan yihiin inay ku dhaqaaqaan inay isku raacaan hab [doorasho] oo waqtigeeda ku dhacda.” @US2SOMALIA has worked for inclusion of all views at the table in #Dhusamareb3, but can’t help those absent. Spoilers withholding participation sacrifice democracy for own ambitions. Parties will need to move forward with timely model agreed. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) August 20, 2020 Qaran News
  14. Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed along with three state leaders and the mayor of Mogadishu have reached an agreement on the country's election model after days of talks in the central town of Dhusamareb. Source: Hiiraan Online
  15. Somalia, like the rest of the world, is focused on confronting the COVID-19 pandemic, said the top UN envoy for the country on Thursday. Source: Hiiraan Online
  16. St. Olaf College is among the Minnesota private colleges grappling with racism and campus climate. Here, St. Olaf College President David R. Anderson spoke with students in 2017 after incidents of racial hate happened on campus. Source: Hiiraan Online
  17. Goorta,Goobta & Sida loo qabanayo Doorashada Somalia oo Madal Puntland & Jubaland ka maqan yihiin lagu go’aamiyey Madaxweyne Farmaajo oo saxiixaya heshiiska Waxaa lasoo gabagabeeyay shirkii qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka uga socday magaalada Dhusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku shirsanaayeen. Shirkan oo qoddobada looga hadlay ay kasoo shaqeeyeen guddi farsamo oo ka kala socday maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka ayaa waxaa ay guddigaas maalmihii lasoo dhaafay ku shirsanaayeen magaalada Muqdisho, walow markii dambe ay tageen Dhusamareeb. Madaxdii tagtay Dhusamareeb waxay shegeen in markii ay si qotodheer ay uga wadatashadeen qaababka doorasho ee ay soo jeediyeen guddigaas ay isla qaateen deegaan doorasho, waxaana qoddobadii shirka kasoo baxay kamid ahaa: 1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid deegan doorasho ah 2. In guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka oo kaashanaya maamulada dowlad goboleedyada fududeeyan dhisida guddi xulis oo loo dhan yahay oo ka kala imanaya odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga. 3. In ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imaneysa beesha kursiga wadaagta. 4. In dowlad goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu 5. In codbixiyeyaasha 3-dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaalla la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhammaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas. 6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah. 7. Guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah. 8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban. 9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka iyagoo kaashanaya maamulka dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah. 10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan. 11. In Baarlamaanka dowlad goboleedyadu doortaan xubnaha Aqalka Sare. 12. In heshiiskan loo gudbiyo golaha Shacabka si uu sharci u noqdo. 13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka uu dardargaliyo hirgelinta doorashada. 14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada dowlad goboleed ee shirka ka maqan. 15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka Shirkan oo aysan kasoo qeybgelin maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa qodobada kasoo baxay waxaan la ogeyn sida ay uga falcelin doonaan nooca doorasho ee lagu heshiiyay. Dhanka kale dowladda Mareykanka oo horay u sheegtay inay aad uga war dhowreyso waxa kasoo bixi doona shirka Dhusamareeb 3 ayaa war kooban oo lagu daabacay bogga Twiter ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu ka shaqeeyay sidii aragti loo dhan yahay loo geyn lahaa wadahadalada Dhusamareeb. Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in aanay caawin karin kuwa ka maqan shirka. Dad uu ku tilmaamay inay yihiin qaswadayaal ragaadinaya ka qeybgalka shirka ayuu Mareykanka sheegay inay ku gorgortamayan dimquraadiyadda iyagoo buu yiri eeganaya damacooda gaarka ah. Madaxda ku shirtay Dhusamareeb Sidoo kale dhinacyada ka qeybgalaya shirka ayuu sheegay inay u baahnaan doonaan inay horay u socdaan, ayna isku waafaqaan nooc doorasho oo wakhtigeeda ku dhacda, taas oo saacado kadib warka soo baxday. Magaalada Dhusamareeb ayaa waxaa maalmahanba ku shirsanaa madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeele, guddoomiyaha gobolka Banaadir, madaxweynaha Galmudug oo martigelinaya shirka iyo Madaxweynaha dowladda federaalka , kuwaas oo maalmahanba ka war sugayay in shirka ay yimaadaan maamulada Puntland iyo Jubaland oo la aaminsan yahay in tabasho ay ka qabaan dowladda federaalka aanay uga qeybgelin shirka. Inkastoo shirkan kii ka horeeyay loo maleynayay in labada dhinac ay isu soo dhawaadeen ayaa haddana waxaa muuqata in nooca doorashada ee Dhusamareeb looga dhawaaqay uu waafaqsan yahay tii markii hore ay soo jeediyeen maamul goboleedyada. Qaran News
  18. BOSASO, Somalia/NAIROBI, Kenya, Aug 20 (Reuters) - Somali pirates have released three Iranian hostages held for five years, a maritime security official said on Thursday, as conflicting reports emerged whether another ship had been seized after a three-year hiatus in hijackings. Source: Hiiraan Online
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Goobaha ay Al-Shabaab ka howlgalaan ee Soomaaliya ayaa kordhay, xilli ay weli socdaan weeraradda drone-ka Maraykanka ee Soomaaliya. Inkastoo ay Al-Shabaab ay wiiqeen Maraykanka iyo Midowga Africa, haddana awoodda Al-Shabaab ay u leeyihiin in ay qorsheeyaan islamarkaana ay qaadaan weerarro ka dhan ah dhinacyadda kasoo horjeeda waa khatar dhameystiran. Hase yeeshee, Al-Shabaab ayaa ku guul dareystay in ay dhul ka helaan Somaliland. taas bedelkeeda, Al-Shabaab iyo Daacish waxay si fudud uga howlgalaan Puntland oo deris la ah Somaliland. Miisaniyadda militariga Somaliland waxaa ay u muuqataa xisaab qaldantay markii la bar-bar dhigo waxa ay beesha Caalamku Soomaaliya ku bixiyaan. Somaliland kuma tiirsana ciidan shisheeye – Maraykankuna ma ogola in uu weerarro diyaaradeed ka fuliyo jamhuuriyad aan la aqoonsaneyn. Somaliland oo khayraadkeedu xadidan yahay waxay ku guuleysatay wax ay awoodi waayeen militariga Dowladda federaalka, Mareykanka, Turkiga, Kenya iyo Ethiopia oo ah inay ku guuleystaan Al-Shabaabka Koonfurta Soomaaliya. Somaliland waxay diiday in Al-Shabaab ay soo cago dhigto deeganadeeda. Sidee Somaliland sidan ugu guuleysatay? Ugu horeyn, Somaliland waxay leedahay Dowlad ka jawaabta baahida muwadiniinteeda. Taasi waxay keentay in iyadoo ay jirto kala qaybsanaan siyaasadeed, hadana ay dadka Somaliland taageeraan islamarkaana aaminaan wakiilada ay doorteen iyo madaxtooyada. Mar labaad, istiraatiijiyadda aragagixiso la dirika Somaliland waxa ay ku dhisan tahay Sirdoonka Shacabka. Sirdoonka Shacabka oo saxan islamarkaana waqtigiisa kusoo aada ayaa ogolaanaya in laga jawaabo qataraha kusoo dhowaanaya ayada oo laga faa’iideysanayo xiriirka tooska ah iyo midka aan tooska ahayn ee militariga Somaliland iyo sirdoonka kala dhexeeya bulshooyinka u nugul Al-Shabaab. Taageeradda maxaliga ah iyo ka qayb qaatayaaasha dadaaladda argagixiso la dirirka ayaa qayb muhiim ah ka ah dagaalka Somaliland ay kula jirto Al-Shabaab. Taas la’aanteed dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay dhex geli lahaayeen magaalooyinka iyo tuulooyinka nugul, waxayna ka sameysan lahaayeen saldhiyo waara. Awooda ay Al-Shabaab u leeyihiin in ay bulshooyinka dhex galaan waxay ku caddahay qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay Puntland ka mid tahay. Ka sokoow xeeladaha halista ah iyo fikradooda ay dadka Soomaaliyeed waayo jooga u yihiin, Al-Shabaab waxay heystaan taageero dhab ah. Al-Shabaab waxay sidoo kale adeegsadaan xiriirkooda sirdoonka iyo amniga, ee Amniyaatka loo yaqaano oo dila dadka kasoo horjeeda. Si la mid ah ururada argagixisadda ee guuleystay, Al-Shabaab waxay fahamsanyihiin in xiriirka ay la leeyihiin madaxda bulshadda iyo garaadka dadka ay muhiim u yihiin. Kuwa masuulka ka ah militariga iyo sirdoonka Somaliland waxay sidoo kale fahamsanyihiin muhiimadda uu leeyahay Sirdoonka Shacabka. Waa fahamkaas waxa sahlaya inta badan dadaaladooda argagixiso la dirirka islamarkaana militari iyo boolis aan la maal gelin u ogolaaday in ay Al-Shabaab ka guuleystaan. Sirdoonka, militariga iyo boolika Somaliland waxay leeyihiin saraakiil sirdoon oo ahmiyadda koowaad siiya dadaaladda ay bulshadu horseedka ka yihiin si ay ula socdaan una qiimeeyaan khataraha jiri kara ee Al-Shabaab. Akhbaarta ku saabsan dadka dhowaan soo galay magaalooyinka iyo tuulooyinka iyo dhaqanka aan la aqbali karin waxaa loo gudbiyaa cidda amarka ugu sameysa ee gobolka ama caasimadaha ama ilaa qaranka ee caasimadda Hargeysa. Jawaabta ay booliiska iyo militarigu ka bixiyaan khataraha waa sax waana mid waqtiga loo baahanyahay kusoo aada waxaana loogu talo galay goob gaar ah ee khatartaas ka jirto. Jawaabta noocaas waxaa lasoo bandhigay dabayaaqadii sanadkii 2019-kii markii ay Al-Shabaab galeen gobolka Sanaag ee bariga Somaliland. Sanaag waxa uu xuduud la wadaagaa Puntland waxaana mid ka mid ah gobolladda ugu horumarka liita Somaliland, waxaana uu u nugul yahay in ay Al-Shabaab dhex galaan. Gobolku waxaa uu leeyahay dhul ka sameysan dhagaxyo, meelo biyo faari ah, buuraley iyo dhul xeebeed dheer taasi oo soo jiidaneysa Al-Shabaab. November 2019, Al-Shabaab waxay dagaalamayaal soo geliyeen islamarkaana kooban u qabsadeen labo magaalo oo ku taala buuraleyda Garof iyagoo kasoo galay dhanka Puntland. Saacado gudahood, saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo militariga Somaliland ayaa abaabulay in ay jawaab ka bixiyaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab. Ilaa iyo maanta Al-Shabaab kuma aysan soo laaban dhulkaas. Ciidanka militariga Somaliland ma heystaan diyaarado, xitaa gaadiidka xamuulka ah waa uu ku yaryahay. Dowladdu waxay ku halgameeysaa sidii ay ciidanka u geyn lahayd meelaha looga baahanyahay, gaar ahaan meelaha wadooyinkoodu liitaan. Hase yeeshee sirdoon shacab oo heerkiisu sarreeyo iyo xiriirka dhow ee u dhaxeeya hogaamiyayaasha bulshada iyo dowladda ayaa kabaya naaquska ka imanaya dhanka ciidamada. Si loo kabo gaabiska haysta ciidanka, dowladda Somaliland waxay isku halleysaa xiriirka kala dhaxeeya dadweynaha. Tani waa mid ka mid ah sababaha ay Al-Shabaab uga howlgali la’dahay Somaliland Ayada oo Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Kenya, Ethiopia iyo xitaa saldhigyada Mareykanka ee Soomaaliya iyo Kenya haddana waa ay cago dhigi la’yihin Soomaaliya. Laga yaabo in dhammaan dowladaha kale ee dagaalka kula jira Al-Shabaab ay wax badan ka baran karaan dadaallada argagixiso la dirirka ee Somaliland. Faalladan waxaa qoray Michael Horton oo ka tirsan machadka daraasaadka iyo taxliilinta siyaasadeed ee Jamestown Foundation. Waxaa tarjumay Mohamed Ahmed oo ka tirsan Caasimada Online. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Toronto, Canada - The mosque in downtown Toronto that Hassam Munir, 25, visits regularly has been attacked by vandals numerous times in the past three months, most recently on Sunday, when its windows were found smashed again. Source: Hiiraan Online
  21. UK’s first Muslim female football referee explains how the sport helped her fit in after fleeing Somalia Source: Hiiraan Online
  22. Tristan Campbell has been wanted since the day after the May 2018 killing of Abdifatah Osman, 31. Source: Hiiraan Online
  23. MOGADISHU, Somalia — Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed along with three state leaders and the mayor of Mogadishu have reached an agreement on the country's election model after days of talks in the central town of Dhusamareb. Source: Hiiraan Online