-
Content Count
213,042 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka sameeyeen aagga deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalkan oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda, kaas oo magaciisa lagu sheegay Warsame Barre Sugow, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Deegaan u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose waxaa lagu khaarijiyay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta laguna magacaabi jiray Warsame Barre Sugow” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Geesiyaasha Xooga dalka iyo Kuwa Jubbaland ayaa Cashiro lama ilaawaan ah u dhigaya khawaarijta ku dhuumaaleysaneyso dhulka Howdka ee Jubada Hoose”. Ciidamada huwanta ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab in dhowanahaan ka waday Jubbooyinka, waxaana lagu naafeeyay maleeshiyaadka Khawaarijta. Dilka Warsame Barre Sugow waxaa ka horreeyay howlgal kale oo isna dhawaan ka dhacay Jubbada Hoose, kaas oo isna lagu khaarijiyay Maxamuud Cali Xuseen oo afgarshadiisu ay tahay (Qayliyoow), isla markaana kooxda u qaabilsanaa sahanka, sirdoonka iyo qaraxyada. Si kastaba, Jubbooyinka ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeyo kooxda iyo ciidamada huwanta ee ku sugan furimaha hore ee Jubbaland The post Warsame Barre Sugow oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubada Hoose appeared first on Caasimada Online.
-
Products containing frankincense made by the Somali company Asli Maydi will be seized by customs agents at U.S. ports of entry under an order issued Friday. The company is accused of using forced labor. File Photo by snotch/Wikimedia Commons A Somaliland company that manufactures frankincense, an aromatic resin that the wise men gifted to Jesus in the Bible story of his birth, will see its products confiscated at U.S. ports under sanctions issued Friday. U.S. Customs and Border Protection personnel at all U.S. ports of entry will now detain frankincense and frankincense-based products sourced from Asli Maydi, a company based in the self-declared nation of Somaliland, due to suspected use of forced labor, officials announced. Frankincense, one of world’s oldest commodities that is distilled from the resin of African Boswellia trees, is commonly used in essential oils for fragrance and skincare. The CBP said it has collected evidence that Asli Maydi has engaged in “deception, physical violence, abusive working conditions, intimidation and threats and withholding of wages.” “Trading in goods made with forced labor is in direct opposition to American values,” said CBP Senior Official Performing the Duties of the Commissioner Troy Miller. “When goods are manufactured at the cost of someone’s health, safety, or freedom, we all lose. “CBP will continue to pursue aggressive enforcement actions to hold unscrupulous businesses, importers, and manufacturers around the world accountable.” Under U.S. law, the importation of goods produced in foreign countries by convict, forced, indentured or child labor is prohibited. Such goods are liable for seizure and forfeiture at ports of entry. A two-year investigation conducted by the nonprofit news website The Fuller Project and The Guardian published last year reported that a dozen women working for Asli Maydi claimed the company “routinely underpays its workers, requires them to work in harsh conditions that are linked to health problems” and is led by a “politically powerful man whom multiple women have accused of sexual harassment and assault.” Asli Maydi’s owner, Barkhad Hassan, denied all the allegations against him, but the investigation led to a decision by the Utah-based essential oils marketer doTERRA in August to terminate its frankincense contract with the Somali supplier. The company said its independent investigation of Asli Maydi determined that in certain cases it “did not pay harvesters and sorters in a fair and on-time manner” and that some Asli Maydi facilities “did not have adequate access to clean water and sanitation.” The company said it could not confirm the sexual harassment claims against Hassan, but added that it treats “any allegation of sexual assault with the utmost seriousness.” DoTERRA also reported that in retaliation for its contract being terminated, Asli Maydi “overtook” a healthcare facility the U.S. company owns and operates in Somaliland, forcing all of its patients and staff to “immediately evacuate the premises.” “DoTERRA is actively supporting legal action to manage the transfer of the hospital to Somaliland’s Ministry of Health Development,” the company said. Source: UPI The post U.S. to seize frankincense imports from Somaliland supplier accused of forced labor appeared first on Puntland Post.
-
14 qof ayaa ku dhintay, halka 34 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii biriqi ay ku dhacday kaniisad ku taal degmada Lamwo ee waqooyiga dalka Uganda, sida ay booliisku sheegeen. Afhayeenka booliiska Uganda Kituuma Rusoke ayaa sheegay in shilkani uu dhacay xilli dad badani ay ku cibaadaysanayeen gudaha kaniisaddan oo ku taalla xerada qaxootiga ee Palabek. Xogaha ayaa tilmaamay in roob lixaad lihi uu billowday, xilli dadka keniisadda ku sugnaa ay cibaado wadareed u taagnaayeen, taas oo keentay waxyeellada baaxadda leh ee danabku sababay. Biriqda ama danabku ayaa ku badan dalkaasi Uganda, bishii Juun ayaanay jac ama biriq ku habsatay dugsi ku yaalla degmada Nebbi ee waqooyi bare ee dalkaasi dhalisay dhaawaca in ka badan 77 arday. Source: goobjoog.com
-
Two African Union soldiers were killed and a third one injured by an al-Shabab mortar attack Sunday on their base inside the perimeters of Mogadishu’s international airport. Source: Hiiraan Online
-
Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il Axaddii shalay ka fuliyeen Marinka Gaza lagu dilay 31 Falastiiniyiin ah. Ku dhawaad kala bar dadka la dilay ayaa ku sugnaa dhinaca waqooyi ee Marinka Gaza, halkaas oo ay ciidamada Isra’il howlgallo ka wadaan muddo ka badan hal bil. Ila wareedyada caafimaadka waxay sheegeen, in 13 ka mid ah dadka la dilay Axaddii ay ku sugnaayeen deegaannada Beyt Laaxiya iyo Jabaaliya, oo ah laba ka mid ah xerooyinka qaxootiga ee siddeeda ah eek u yaalla Marinka Gaza. Meelaha kale ee Falastiiniyinta lagu dilay shalay waxaa ka mid ah deegaannada koofurta, oo ay ku jirto degmada Khan Younis oo ay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 8 qof oo afar ka mid ahi ay carruur ahaayeen. Isra’il waxay sheegtay in Waqooyiga Gaza ay weerartay si ay uga sifeyso dagaalyahanno ka tirsan Xamas oo ay sheegtay in ay halkaasi dib isugu urursadeen. Falastiiniyiinta ayaa ku sheegay duqeymaha cirka ah, dagaalka dhunka ah iyo daad-gureynta qasabka ah ee ka socda dhinaca waqooyi ee Gaza ay tahay isir sifeyn lagu sameynayo dadka ku nool laba magaalo oo ku yaalla waqooyiga Gaza iyo xerooyinka qaxootiga ee aaggaasi oo ay ku noolyihiin boqollaal kun oo ruux. Isra’il ayaa taasi beenisay, isla markaana sheegtay in ay la dagaallamayaan Xamaas oo halkaasi kasoo weerarto. The post ISRAEL oo xasuuq horleh ka gaysatay marinka GAZA appeared first on Caasimada Online.
-
Taniyo markii uu furmay shirka madasha wada-tashiga qaranku horraantii bishii oktoobar madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam( Madoobe) ayaa qaaday dhawr tillaabo oo u muuqda kuwo uu dowladda Federaalka uga aragti duwanyahay. Tillaabada koobaad ee uu madaxweynaha Jubbaland qaaday ayaa ahayd inuu isaga baxay shirkii madasha oo socda, ka dibna uu magaalada Kismaayo ku laabtay oo uga dhawaaqay doorasho u gaar ah maamulkiisa. Sidoo wuxuu dhowaan soo saaray war saxaafadeed uu ku muujinayo diidmadiisa ku aaddan qodobada shirkii uu isaga tagey ee madasha wada-tashiga qaranka, wuxuuna tilmaamay in qodobadaasi aanay jubbaland saameyn ku yeellan doonin. Dhanka kale xubnaha labada gole ee Baarlamaanka federaalka ku matala dowlad goboleedkaas ayaa dhowaan soo saaray war saxaafadeed ay ku taageerayaan go’aanka madaxweyne Axmed madoobe, waxayna ugu baaqeen in doorasho gaar u ah laga qabto deegaanada maamulkaas. Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo is casilay iyo Axmed madoobe oo xubnaha labada gole oo Baarlamaanka ku matala Jubbaland shir wada-tashi ah ugu yeeray ayaa intaas xigay, waxaana socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan u wanaagsanayn xaaladda dalka iyo hor u socadka dowladnimada. Dhanka kale inkastoo Jubbaland aanay sheegin khilaaf doorashada ka baxsan oo dowladda federaalka kala dhexeeya, haddana madaxda ugu sarraysa qaranka ayaa layli adag u tahay xal u helidda xiisadda taagan, taas oo aan isku tanaasul iyo wada-hadal ka taganaan doonin. Source: goobjoog.com
-
MINNEAPOLIS, Minnesota (HOL) — As the November 5 election approaches, St. Cloud’s political landscape is poised for change. Six candidates are competing for three at-large seats on the city council, and among them are Hudda Ibrahim and Omar Podi, two Somali-American leaders committed to tackling the city’s pressing issues and representing its diverse population. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa shir wada-tashi ah isugu yeeray xildhibaanada labbada Aqal ee Baarlamaanka JFS ku metela Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland ayaa xildhibaanadaan casuumay 8-da bishaan, kulanka wadatashiga ah ee uu la yeelanayo ayaa ka dhacaya Kismaayo, sida uu qorsheeyey Axmed Madoobe. “Xildhibaanada sharafta leh ee labbada Aqal ee BFS ku matala Dowladda Jubaland, waxaan ku casuumayaa kulan wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono xaalada siyaasadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaadhka ah ee Jubaland, taariikhda 8-11 November 2024,” ayuu Axmed Madoobe ku yiri qoraal ka soo baxay xafiiskiisa. Xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyey markii Axmed Madoobe oo ka tegay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka socday. Arrinta ugu weyn ee la isku hayo waa nooca doorasho ee Xasan Sheekh uu rabo oo qof iyo cod ah iyo qorshaha Axmed Madoobe oo doorasho dadban ah, waxaana muuqata in khilaafka labada dhinac uu cirka isku sii shareerayo. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu qabsado doorasho dadban, taas oo bilaaban doonta toddobaadyadaan. Dhankiisa Xasan Sheekh ayaa gadaal ka riixaya qorshihii lagu ansixiyey shirka golaha wadatashiga qaran oo dowlad goboleedyada loogu ogolaaday muddo kororsi hal sano ah, si sanadka dambe loo bilaabo doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhacay dowlad goboleedyada. Madaxweynaha Jubbaland oo qodobkaas ka carooday ayaa isaga baxay shirka, waana diiday muddo kororsiga halka sano ah ee dowlad goboleedyada kale ay ogolaadeen, maadaama ay ku adag tahay in doorasho qof iyo cod ah uu galo. Lama oga sida ay ugu suurtageli doonto in Axmed Madoobe ay Kismaayo ugu tagaan xildhibaanada uu u yeertay, waxaana suurtagal ah xitaa hadii ay ogolaadaan oo is abaabulaan in dowladda federaalka ay hor istaagto safarkaas. The post Axmed Madoobe oo kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada Jubaland DF ku metela appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir wada-tashi ah ku casuumay Xildhibaanada labbada Aqal ee Baarlamaanka BFS ku metela Jubaland. Warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayuu shir wada-tashi ah ku casuumay Xildhibaanada labbada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubaland. “Xildhibaannada Sharafta leh ee Labada Aqal ku matala dowladda Jubaland waxaan ku casumaya Kulan Wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono Xaalada Siyaadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubaland taariikhda 8-11 2024” ayuu yiri Axmed Madoobe. Casumaadda ayaa imaanaysa xilli uu sii xumaanayo xiriirka Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii dhawaan Madaxweyne Axmed Madoobe ka baxay Shirkii Madasha Muqdisho islamarkaana ka horyimid go’aannadii ka soo baxay. Halkaan ka akhriso Warqadda Casumaadda PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kulan Wada-tashi ah ku casumay Xubnaha Jubaland ku matala Baarlamaanka BFS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan. Qoraal kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in ergayga ugu horeyn baarlamaanka dalka uga mahad-celiyay howlaha la xiriira sameynta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaa uuna si gaar ah u amaanay shaqada laga qabtay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo guulihii laga gaaray shirarka Golaha Wadatashiga Qaran. Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee ah in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah, sida lagu sheegay qoraal uu kulankaan kasoo saarya xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay xafiiska ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof igo cod ah, si dadka Soomaaliyeed talada gacantoodu loogu celiyo islamarkaana ay hogaankooda u doortaan. Marka laga imaado qoraalka uu kulankaan kasoo saaray xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaa soo baxaya xogo dheeraad ah oo sheegaya in kulankaan uu qeyb ka ahaa wixii shalay ka dhacay baarlamaanka iyo in uu golaha ka fiirsado tallaabooyinka uu qaadayo. Shalay ayey aheyd markii qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa mucaaradka oo qaylo dhaan afka furtay ay ka horyimaadeen tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh uu xildhibaannada uga codsaday inay kalfadhiggooda ku daraan hal bil oo dheeraad ah, islamarkaana fasaxooda ugu hiilayaan dalka iyo dadka, maadaama ay taallo shaqo adag, lagana sugayo inay go’aan ka gaaran heshiiska la gaaray. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada ee ku jira baarlamaanka ay fuliyeen dan uu sheegay inay ka lahaayeen codsiga madaxweynaha. Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna ka biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aysan Soomaaliya ka dhici karin doorashooyin qof iyo cod ah. Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo horleh uu ka dhashay go’aannada kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, waxaana ka horyimid Puntland Jubbaland iyo Mucaaradka. The post Swan oo kulan xasaasi ah la yeeshay Aadan Madoobe kadib wixii shalay ka dhacay BF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maanta labo Markab oo dowladda Masar ay u soo dirtay Soomaaliya ay ku soo xirteen dekedda Muqdisho. Gelinkii hore ee maanta ayaa la hakiyey shaqadii caadiga aheyd ee ka socotay dekedda Muqdisho, si loo dejiyo hub culus oo Masar ay u soo dirtay Soomaaliya. Labada Markab mid ayaa hub sida, halka midka kale uu yahay Markab Dagaal oo ilaalinaya Markabka kale ee hubka sida. Shixnadaan hubka ah waa tii labaad oo Masar ay u soo dirtay Soomaaliya, waxaana lagu taageerayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Waddooyinka halbowlaha ah ee caasimadda Muqdisho ayaa caawa loo xiray si loo daabulo hubka saaran Markabkaan ay soo dirtay dowladda Masar. Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis iskaashi amni iyo difaac, kaasi oo qalqal ku abuuray Itoobiya, maadaama imaashaha Masar ee Geeska Afrika ay khatar u arkaan Itoobiyaanku. Dowladda Masar ayaa waligeed garab taageed Soomaaliya, labada dal ayaa hada isku kaashanaya cadowgooda dibadda oo ah Itoobiya oo dhibaato ku heysa labada dalba. The post Xog: Maraakiib hub cusub ka soo dejisay Muqdisho iyo dowladda soo dhiibtay appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha golaha shacabka ahna, Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan. Ergayga ayaa ugu horeyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka uga mahadceliyay howlaha la xiriira sameynta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaa uuna si gaar ah u amaanay shaqada laga qabtay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo guulihii laga gaaray shirarka Golaha Wadatashiga Qaran. Ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee ah in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah. Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay xafiiska ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed. waxaa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof igo cod ah, si dadka Soomaaliyeed talada gacantoodu loogu celiyo islamarkaana ay hogaankooda u doortaan. Source: goobjoog.com
-
Dambi baarayaasha Kenya ayaa maanta ku guuleystay qabashada Hashim Dagane Muhumed kadib baaritaan dheer oo ku saabsan dilalka naxdinta leh ee loo geystay hooyo, gabadheeda, iyo gabadh ay habar u ahayd oo 12-jir ahayd. Falkaas murugada leh wuxuu sababay in si dhab ah loogu dhaqaaqo baadi-goobka tuhmanaha. Hashim Muhumed ayaa hadda ku jira xabsiga booliska, waxaana lagu samaynayaa baaritaan iyo habraacyada looga baahan yahay kahor inta aan la soo taagin maxkamadda. Waaxda Dambi Baarista (DCI) waxay ku adkeysaneysay inay si buuxda uga shaqeyneyso in cadaaladda loo helo dhibanayaasha iyo qoysaskooda tiiraanyeysan. Warbixintu waxay muujineysay in Hashim Dagane Muhumed lagu qabtay howlgallo qorsheysan oo ay iska kaashadeen dambi baarayaasha iyo laamaha ammaanka, taas oo qayb ka ahayd dadaal ballaaran oo lagu xaqiijinayo in dadka ka dambeeya dambiyada halista ah aan loo oggolaan inay baxsadaan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Soomaaliya, kadib markii sida uu sheegay uu “ku qancay in hoggaanka dalka uusan haynin wadadii saxda ahayd”. Daqare, ayaa noqday wasiirkii labaad oo maanta iska casilay xukuumada Xamsa Cabdi Barre, sidaan oo kale waxaa maanta duhurkii isku casilay wasiiru dowlihii wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Cabdirashiid Jiley. “Mudo dheer markaan isha ku hayay Hab-dhaqanka iyo Hannaanka Hoggaanka Xukuumadda aan ka midka ahay, anigoo xeerinaya waajibka iga saaran dalka iyo dadka aan matalo, waxaan ku gancay in Xukuumadda aan xubinta ka ahay haynin wadadii saxda ahayd ee loo igmaday, ayna baalmartay Dastuurkii lagu soo doortay iyo Barnaamijkii lagu ansaxiyay,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare. Sidoo kale wasiir ku xigeenkaan iska casilay wasaaradda waxbarashada wuxuu sheegay in si ula kac ah Hoggaanka Xukuumadda uu u maray wado horay aan loo soo mahdin, taas oo laga dhaxlay dhibaatooyin siyaasadeed bulsho iyo kuwo dhaqaale oo la filayay in lagu soo cibro qaato oo Dalka iyo Dadka lagu hoggaamyo dhanka midnimada iyo wadajirka. “Waxaaan aad oga xumahay in Bulshadii aan matalayay laga dhigay mid laga saaray Soomaalinimada sida SSC, mid laga shaqeeyay burburkeeda, markii lagu fashilmayna la cunaqabateeyay sida Puntland, iyo mid hadda loo masaaro tumanayo burburinteeda sida Jubbaland oo si aan ganbad lahayn looga shaqeynayo in la galiyo jahawareer siyaasadeed iyo afgambi,” ayuu yiri Daqare. Masuulkaan iska casilay xukuumada Xamsa ayaa sheegay in si bareer ah loo baalmaray hannaankii awood qaybsiga siyaasadeed ee Soomaalidu ku heshiisay, lana qaaday wado kali-talisnimo ah. “Waxaa halqabsi laga dhigtay loo jooji maayo, taas oo horseedaysa kala irdhow iyo burbur hor leh, iyadoo la wada ogsoon yahay khataraha ku gadaaman maanta Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa is casilaada ku yiri Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare. Wuxuu sheegay inuu ku qancay in Xukuumadaan ay ku hawlan tahay in ay dhiig ku daadiso Jubbaland, kana rido dagaal sokeeye, iyadoo sida uu sheegay rabta in ay ku fushato danaheeda gaarka ah. “Waxaan go’aansaday markaan damiirkeyga la tashaday in aan iska casilo Xilka Wassiir ku Xigeenka Wassaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare. Ugu dambeyntii wasiir ku xigeenka is casilay ayaa baaqiisa ku yiri, “Waxaan Umada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ku baraarugto, isla markaasna ka hortimaado damaca guracan ee lagu afduubayo mustaqablka Umadda Soomaaliyeed, laguna kala geynayo Umadda walaalaha ah ee la soo daalaa dhacaysay dhibaatooynkii ka dhashay dagaaladii sokeeye.” The post Wasiirkii labaad oo DF iska casilay, shaacana ka qaaday ‘qorshe halis ah oo socda’ appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa maanta si lama filaan ah isaga casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Federaalka Soomaaliya isagoo ahaa Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada. Iscasilaadda Axmed Daqare ayaa la sheegay inay la xiriirto ismaandhaaf siyaasadeed iyo khilaaf dhex maray madaxda sare ee dowladda iyo maamulka Jubbaland. Go’aanka Axmed Daqare ayaa ka dhigay wasiirkii labaad ee muddo kooban gudaheed iska casila xafiis ka tirsan xukuumadda, isagoo ka soo jeeda Jubbaland—tani oo muujineysa in khilaafka siyaasadeed uu sii xoogeysanayo. Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay iscasilaadda Axmed Daqare, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay la xiriirto cadaadis uga yimid hoggaanka Maamulka Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Gudoomiye Kuxigeenka KDQ Axmed Cismaan Xasan iyo Komishineer Siciid Maxamed Cisnmaan oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa maanta waxay kulan la yeesheen Guddida Amniga Gobolka Togdheer oo ay hormuud u yihiin Badhasaabka Gobalka Togdheer, iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ,waxay labada dhinac kulanka kaga wada hadleen hawlaha amniga doorashada. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha wasaaradda qorsheynta Cabdirashiid Jire ayaa maanta iska casilay xilkii, isagoo istiqaalada is-casilaadiisa u gudbiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre. Wasiir Cabdirashiid Jire oo deegaan ahaan kasoo jeeda Jubbaland ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyay dhowr arrimood oo intooda badan uu ku eedeeyay xukuumadda iyo xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD. Jire ayaa sheegay in go’aankiisa is-casilaadda ay qeyb ka tahay in dowladda dhexe aysan wax ixtiraam ah u hayn deegaanada uu kursiga ugu fadhiyo, islamarkaana ay ku howlan tahay sidii deegaamadaas aan kor kusoo xusay looga abuuri lahaa colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed. “Markaan arkay hab dhaqanka xukuumadda loogu yeeray Dan-Qaran oo aan u adeegeyn danta umadda Soomaaliyeed ee ay noqotay mid ka shaqeysa dano gar ah. Kadib markaan arkay in hab-dhaqankii aan xukuumaddii 2017-2022-kii kaga hornimid mid lamid ah ay haatan wadaan madaxda dowladda federaalka ee maanta joogta taasi oo dalka galinaysa hubanti la’aan siyaasadeed iyo kala tag bulsho,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Kadib markaan arkay in hanaankii awood qeybsiga 4.5 ee ay Soomaali ku heshiisay, islamarkaana dadku ku qanacsanaayeen uu meesha ka baxay, lana bilaabay in nidaam xisbi (UPD, DAMUL-JADIID) oo aan sharci aheyn lagu maamulo talada dalka.” Sidoo kale waxaa kamid ah eedaha uu Jire u jeediyay xukuumadda uu iska casilay maanta in hab-dhaqankeeda uu yahay mid aan u adeegeynummadda Soomaaliyeed oo ay noqotay mid ka shaqeyneysa dano gaar ah iyo sidoo kale hal ku dhiggii Soomaali heshiis ah Dunidana la heshiis ah uu noqday wax kama jiraan ah oo dagaallo sokeeye ka socdaan meelo badan, islamarkaana dowladda federaalka aysan wada shaqeyn ka dhaxeyn dowlad-goboleedyada. “Waxaan go’aansaday in maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da November 2024 in aan iska casilo xilkii wasiiru-dowlaha wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, waxaana dadka aan matalo ugu shaqeyn doonaa xilkii ay iisoo wakiisheen ee golaha sharci dejinta, aniga oo marwalba danaha deegaan doorashooyinka aan metelo ka hormarin middayda gaarka ah.” The post Wasiir maanta iska casilay DF oo eedeymo culus u jeediyay Xasan Sheekh iyo kooxdiisa appeared first on Caasimada Online.