Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Muqdisho ka socda ayaa soo sheegaya in dhamaan Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka ay isku aragti ka noqdeen inta badan qodobada la xiriira. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kulamo gaar ah oo ay dhinacyadu qaateen ay isku aragti ka noqdeen arrimaha doorashada waxaana aragti keli ah qaba madaxweyne Farmaajo, Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyihii Cumar Finish. Dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada dalka ayaa markaan isku fahmay in siyaasad mideysan ku qaabilaan Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ka fogaadeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka ayaa sheegaya in qodobada ay isku raacsan yihiin maamul goboleedyada ay ka mid tahay in la yareeyo tirada ergada codeyneysa, in meesha laga saaro hanaanka xisbiyada iyo in doorashadu ay ka dhacdo hal magaalo. Dhammaan qodobadan ayaa u muuqda kuwa hal ujeedo laga leeyahay oo ah in maamul goboleedyada ay doonayaan inay kaalin muuqata ku yeeshaan xildhibaanada cusub. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madax goboleedyada ay doonayaan in awood dheeri ah laga siiyo maamulka doorashada, halka dowladda ay dooneyso in loo madax baneeyo guddiga doorashada. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in tani ay horseedi karto in Madaxweyne Farmaajo uu tanaasul badan sameeyo, six al loo gaaro. The post Xog: Madax goboleedyada oo isku aragti ka noqday inta badan qodobada la isku hayo first appeared on Caasimada Online.
  2. Ciidamo gadoodsan oo xidhay laami ku dhaw Xaurnta Taliska Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa goordhaweyd xidhay inta u dhaxeysa Daljirka Dahsoon illaa Isgoyska Jubba oo ku dhaw taliska Nabad Sugida ee ku yaala Guriga Habar Khadiijo-Muqdisho Sida aan wararka ku helnay ciidankan gadoodsan ayaa ka yimi Dayniile oo mudooyinkii dambe saldhig u ahaa, waxaana la sheegay in ciidankan ka cabanyeen mushaar la’aan dhawr Bilooada. Ciidamadan gadoodsan ayaa ayaana xidhay laamiga u dhaxeeya Isgooska Jubba iyo Taalada Daljirka Dahsoon, waxa ayna diideen in halkaas wax gaadiid ahi maraan,Ku darsoo dadkii aagaas ku sugnaa ayaa cabsi la soo daristay. Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ayaan hore oo aan hore looga baran dhaqankan ayaan la ogeyn waxa xiligan kusoo beegay Gadoodkan & ciidankan ka cabanaya mushaar la’aanta xili dowlada ku faanto in bil walba ay bixiso mushaarka ciidamada. Qaran News
  3. In ka badan 200 oo maxbuus oo ka baxsatay xabsi ku yaal waddan Somali badan ku nooshahay Maxaabiista ayaa la rumaysan yahay inay ka baxsadeen xabsiga ku yaal dhuldhaca buurta Moroto In ka badan 200 oo maxaabiis ah ayaa waxa ay ka baxsadeen xabsigii lagu hayay ee ku yaallay magaalada Moroto, ee waqooyi bari waddanka Uganda. Maxaabiista ayaa waxa ay toogteen oo ay khaarajiyeen askari iskudayay inuu hor istaago, ka hor inta aanay u jihaysan dhinacaas iyo buuraha ku xeeran magaalada. Maxaabiista ayaa la sheegayaa inay la baxsadeen 15 qori iyo rasaas. Xabsiga ayaa waxa uu ka dhisanyahay dhuldhaca buurta Moroto ee ku taal bannaanka magaalada. Ciidammada asluubta iyo milateriga ayaa waxa ay bilaabeen howlgal ay ku baadigoobayaan maxaabiistaasi baxsadka ah. Afhayeen u hadlay milateriga ayaa waxa uu sheegay in weli ay ku daba jiraan maxaabiistaasi baxsadka ah, waxa uuna intaasi ku daray inay laba qof nolol ku qabteen halka laba kalana ay dileen. Warbaahinta gudaha ayaa waxa ay ku warramaysaa in israsaasaynta u dhaxaysay maxaabiista baxsadka ah iyo askarta ayaa waxa ay sababtay inuu istaago ganacsigii magaalada. Moroto ayaa ah magaalada ugu wayn ee ku taal gobolka Karamoja, gobalkaasi oo ku caanbaxay rasbashado la xiriira dhaca xoolaha gaar ahaan lo’da. Barnaamijka hub ka dhigista dowladda ee bilowday horraantii 2002, ayaa inta badan waxaa lagu soo xareeyay hubkii ku jiray gacanta dadka rayidka ah. Hasayeeshee iskudhacyada u dhaxeeya bulshooyinka kala duwan ayaa inta kasii socday gobolkaasi. Qaran News
  4. Waxa aan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, waxgaradka reer Awdal, asxaabta, bahda Xisbiga UCID, iyo Shacabka JSL ee uu ka baxay AHU Guddoomiye kuxigeenkii 1aad ee Xisbiga UCID Marxuum Proff Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec oo goor dhaweyd ku geeriyooday Magaalada Boorama. pic.twitter.com/x5zk46Imj5 — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) September 16, 2020 Marxuumku waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta muddakarka ee Qarankani lahaa, ka hor inta aanu UCID tagin, waxa uu ahaa xubin ka tirsan hoggaanka X. WADDANI, waxa aan Ilaahay uga baryayaa in uu Jannatul firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaan saadaq ahna ha inaga wada siiyo. Aamiin. Qaran News
  5. Aniga waxaan ka soo fantay siyaasada Golaha Deeganka,waxan ka mid ahay Aasaasayasha KULMIYE, Axmed Siiraanyo qofka labeeya ayaan ahay, tacab badan ayaa igaga jira KULMIYE socod barad ma ahi dabayshu wado.xil aan iska casilayna ma jiro shacabkii i doortay ayaan u shaqaynaya. — Vice President Abdirahman Saylici (@VPsomaliland) September 16, 2020 Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya shirka Villa Somalia ee madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ayaa sheegaya inay kusoo biireen xubno kale oo dheeri ah. Wararka ayaa sheegaya in shirka oo xalay dib u billowday ay kusoo biireen guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo sii-hayaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Kusoo biirista Mahdi ayaa la sheegay in ujeedkeedu yahay inuu shirka ku matalo beelaha dega gobollada waqooyi oo aan lahayn maamul goboleed shirka u fariista, balse ma cadda sababta uu Mursal ugu soo biiray. Wararka qaar ayaa sheegaya in kusoo biirista Mursal ay muhiim tahay sababtoo ah heshiis kasta oo la gaaro waxaa la horgeyn doonaa baarlamanka, sidaas darteedna waxaa laga fursan waayey in Mursal uu talo ku yeesho qodobada lagu heshiinayo. Ku biirista Mursal iyo Mahdi ayaa sidoo kale taageero siin karta madaxweynaha, xilli ay muuqato in inta badan madax goboleedyada ay isku aragti ka nqodeen qodobada ugu xooggan ee la isku hayo. Wararka ayaa sheegaya in qodobada ay isku raacsan yihiin maamul goboleedyada ay ka mid tahay in la yareeyo tirada ergada codeyneysa, in meesha laga saaro hanaanka xisbiyada iyo in doorashadu ay ka dhacdo hal magaalo. Dhammaan qodobadan ayaa u muuqda kuwa hal ujeedo laga leeyahay oo ah in maamul goboleedyada ay doonayaan inay kaalin muuqata ku yeeshaan xildhibaanada cusub. The post Xog: Xubno dheeri ah oo kusoo biiray shirka Farmaajo iyo madax goboleedyada first appeared on Caasimada Online.
  7. Waxaa dib u furmay shirkii dowladda federaalka iyo dowlad goboleeyada ee Muqdisho oo labadii maalmood ee la soo dhaafay hakad galay, kadib markii laysku mariwaayay. Shirka ayaa hadda oo saqdhexe ah ka socda xarunta Villa Somaliya, waxaana ku soo biiray guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku simaha Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed. Ku soo biiritaan shirka ee Mursal iyo Mahdi Guuleed, waxaa codsaday sida warar xog ogaal ah soo wariyeen madaxda dowlad goboleedyada oo intooda badan isku mowqif ka noqday hannaanka doorashooyinka 2021/2021. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa isku raacsan in meesha laga saaro saddex qodob oo ku jiray heshiiskii Dhuusamareeb 3, kuwaas oo kala ah Guddiga Xaliimo Yarey, xisbiyada iyo in la yareeyo degaan-doorashada, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo iyo madax kale ayaa ku dhagan qodobadaas. Lama yaqaano waxa ay ku soo kordhin doonaan shirka guddoomiye Mursal iyo Mahdi Guuleed, oo aan door ku la hayn shararkii Dhuusamareeb iyo biliwgii shirkan. Beesha Caalamka, oo il gaara ku haysa shirka, ayaa madaxda Soomaaliya ku cadaadinaysa inay go’aan mideysan ka gaaraan arrimaha doorashooyinka. Shirka ayaa lagu wadaa in 24 saac gudahood uu ka soo baxo war-murtiyeed lagu mideysan yahay. PUNTLAND POST The post Mursal iyo Mahdi oo ku biiray shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. Somalia is one of the “bottom countries” in the Corruption Perceptions Index. The negligible progress made by the Federal Government in the fight against corruption is cause for hope, but it is easier to forget the impact ill-gotten gains have on the Somali economy. In a country like Somalia data on misappropriated public funds is hard to come by. The quality of administrations and their attitudes to embezzlement shed light on how authorities can combat corruption in the public sector. Fighting corruption in the public sector hardly bears fruits if wealth generated from misappropriated public funds or the third sector remains wealth creation aspirations for many citizens. In Somalia embezzlement of public funds is a political taboo. Which makes anti-corruption measures tokenistic at best. In 2019 one of the priorities of the Federal Government of Somalia identified by the Financial Governance Committee was to conduct “a full inventory of the Federal Government property and public property sold or leased since 2012.” Under Pressure: Mohamed Abdullahi Mohamed and the former Prime Minister Hassan Ali Khaire pulled the plug on the process to conduct “a full inventory of the Federal Government property and public property sold or leased since 2012.” The incumbent Federal Government strengthened the perception that investigations into corruption in the government are only possible if people under investigation have no legal immunity from prosecution. The Somali political classes at Federal Government and Federal Member State levels share indifference to the cost of corruption in the public sector. How can one take the Somali Federal Government’s anti-corruption measures seriously if legal immunity grants leaders powers to block investigations into the sale or leasing of public properties? The picture gets gloomier at the Federal Member States where leasing of national infrastructures such as ports to foreign companies is commonplace. In Puntland the problem of selling public properties to businesses came to light last month when soldiers based at former barracks in North Galka’yo had refused to vacate the barracks. There is no a transparent system at the Federal Government or Federal Member State levels to ensure that sale of a public property is conducted fairly. Sometimes ministers or senior officials have a stake in properties being divested. Selling or leasing public properties is a different way politicians enrich themselves and their hangers-on. It is embezzlement by a different name. Somalia’s gradual recovery results from the entrepreneurial zeal of its citizens. State collapse predisposed many one-time under-developed regions in the periphery to rely on the ingenuity of locals and IDPs. Entrepreneurs carried the self-reliance torch partly with the help of the Diaspora whose remittances constitute a key part of the consumer-driven Somali economy. Entrepreneurship is not as exciting in Somalia as it was a decade or two decades ago. The capital that businesses raise through sale of shares gets diluted by money embezzled from the public sector. Embezzlers seek to buy shares in old or new companies. The embezzled money being funneled into businesses in Somalia is crowding out the good money. The aspiration to form a company through grit and hard-earned capital gives way to the dream to land a plush public sector job where accounts are perfunctorily audited. This trend sets a vicious economic cycle in motion — the rate of business creation decreases in Somalia as the search for public sector or third sector jobs increases. In a country recovering from state collapse and still dependent upon peacekeeping forces, fewer jobs created by the Federal Government and Federal Member States cannot meet job demands of Somalia’s youth. The answer does not lie in the creation of more public sector jobs in a corruption-ridden public sector ecosystem. The persistence of the embezzlement of public funds results from how political power gets exercised in Somalia today. Politicians from politically powerful clans have vested interest in giving their supporters an unfair advantage over the rest of the citizenry. Belonging to a clan with a Federal Member State is not enough to help one enrich himself/herself illegally; one must belong to the inner circle with powers and the influence to decide who gets appointed to what position and awards contracts unfairly. What is disconcerting is the apathy of Somalis who pride themselves upon belonging to powerful clans. The clan identity and the symbolic political influence associated with a social group identity can desensitise victims of embezzlement to the poverty and fewer life opportunities resulting from misappropriation of public funds Unscrupulous politicians and civil servants siphon off money earmarked for the construction of schools and hospitals. Left unaddressed the corruption in the public sector and the third sector can make many unemployed young men more susceptible to either embracing extremist ideologies or choosing a risky, illegal immigration. Corruption is directly correlated with increase of terrorism in war-torn countries where governments lack widespread legitimacy. Embezzlement of public funds is an economic and security strain on Somali citizens. The sooner the Somali political classes put premium on the rule of law the better. Liban Ahmad libahm@icloud.com The post Embezzlement of Public Funds Ruins the Somali Economy appeared first on Puntland Post.
  9. CCC Sharmaarke, wuxuu labo jeer soo noqday Ra’iisul Wasaare Soomaaliya. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegay in magacaabis la’aanta Ra’iisul wasaaraha ay dhaawac ku tahay saami qeybsiga siyaasadda dalka. CCC Sharmaarke oo wareysi hordhaciisa la baahiyay siiyay Telefishinka Dalsan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub ay ahayd inuu qeyb ka noqdo jaangownta siyaasadda, maadaama uu yahay qofka la rabo inuu fuliyo waxa ay ku heshiiyaan madaxda ku shirsan Muqdisho. “Ra’iisul Wasaaraha cusub waa inuu qeyb yahay jaangownta siyaasadeed ee wadahadalka hadda, inuu ka maqan yahay miiska aniga waxay ila tahay inay dhaawac ku tahay dowladnimada, midda labaad isaga (Ra’iisul Wasaaraha) iyo xukuumadda ayaa larabaa inay hirgaliyaan, wax uusan talo ku lahayn oo uusan hirgalin karin in berrito korka laga saaro oo lagu eedeeyo waxay noqonaysaa arrin khalad ah” ayuu yiri CCC Sharmaarke. Cumar Cabdirshiid ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu nidaamkii baarlamaaniga dalka u raray mid madaxtooyo oo awooddii dalka oo dhan isku soo koobay. Dhanka kale Cumar Cabdirashiid wuxuu eeda Farmaajo la wadaajiyay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sheegay in labada mas’uul saddexdii sano iyo barkii ay wadajoogeen ay waxba ka qaban arrimihii masiiriga ahaa ee loo xilsaaray oo ay kamid ahaayeen dastuurka, arrimaha doorashooyinka, xisbiyada iyo maqaamka gobolka Banaadir. Hadalka Cumar Cabdirashiid wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo magaalada Muqdhisho ay ku shirsan yihiin Madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, shirkaas oo la filayo in heshiis mideysan looga gaaro hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021. PUNTLAND POST The post Cumar Cabdirashiid oo eedeyn u jeediyay Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  10. Waxa toddobaadyadii la soo dhaafay magaalamadaxda Soomaaliya ee Muqdisho ku sugnaa wufuud ay hoggaaminayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka kuwaas oo u yimi inay Madaxda Dowladda Federaalka oo uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hor-kacayo kala xaajoodaan doorashada 2020/21 ee la qorshaynayo inay dalka ka dhacdo. Raad-raaca wadahadallada Doorashada 2020/21 Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tanaasul muujinaya ayaa bishii Luuliyo ee sannadkan u ambabaxay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay horey ugu shirayeen Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka si uu ula lafo-guro hannaanka iyo nooco doorasho ee la doonayo inay Soomaaliya ka qabsoonto. Madaxweynaha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ayaa wadahadal badan kaddib isla meeldhigay in doorashadu xilligeedii ku dhacdo, qaabka ay noqonaysana loo saaro guddi ka soo tala-bixiya. Isla bishii Ogoosto ee sannadkan ayaa Madaxweynuhu mar labaad u duulay Dhuusamareeb halkaas oo loogu ballansanaa in lagu soo gebagebeeyo wadahadalladii Dhuusamareeb ka dhacay ee ku aaddanaa arrimaha doorashada dalka. Waxase la yaab noqotay in labada Madaxweyne ee Jubaland iyo Puntland ay ka baxeen ballantii Shirka Dhuusamareeb3 iyaga oo diiday inay goobta yimaaddaan oo ay Madaxweynaha hor fadhiistaan. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa dood iyo falanqayn dheer ka bacdi gaaray heshiis taariikhi ah oo ku aaddan doorashada dalka, qaabka ay u dhacayso iyo wakhtigeedabada, kaasi oo loo cuskaday tala-bixintii Guddigii loo saaray doorashada. Wadahadallada ka socda Muqdisho Culays iyo cadaadis beesha caalamku saartay labadii Madaxweyne ee ballanta ka baxay ayaa waxa uu suurtageliyay inay u soo duulaan Muqdisho si loo dhammaystiro wadahadalladii Dhuusamareeb1 iyo Dhuusamareeb2. Wakhtigan la joogo, dhammaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo dhinac ah iyo Dowladda Federaalka oo dhinac kale ah ayaa magaalada Muqdisho uga socdaan wadahadallo qotodheer oo la doonayo in lagu jaangooyo, heshiisna lagaga gaaro arrimaha doorashada dalka. Dadka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa dhegta la raacaya wada-xaajoodka socda iyaga oo rajaynaya in madaxda dalku ay tanaasul la yimaaddaan oo ay masiirka dalka ka horrumariyaan danahooda shakhsiga ah si dalku uga baaqsado hakad iyo qalqal ku yimaadda geeddi-socodkiisa dimuqraaddiyadeed iyo horumar. Tanaasulka Madaxweyne Farjaamo iyo iska caabbinta saamaynta shisheeye Madaxweyne Farmaajo waxa lagu ammaanay tanaasulkii uu sameeyay ee ku tixgeliyay rabbitaanka Dowlad Goboleedyada isaga oo meel iska dhigay hannaankii doorasho ee hal qof iyo hal cod ee uu rabay in dalka laga suurtageliyo taasi oo shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamkuba ku bogaadiyeen. Isla sidaas oo kale, waxa dad badan Madaxweynaha ku bogaadiyeen sida uu uga fogaaday saamaynta Beesha Caalamka isaga oo xaqiijiyay in wadahadallada ku aaddan masiirka iyo timaaddada dalku ay noqdaan kuwo Soomaalidu hor-kacayso oo ka maran faragelin iyo dano shisheeye, taas oo ah arrin aan horey uga dhici jirin Soomaaliya iyada oo dhaqan siyaasadeedka dalku ku salaysnaa dhexdhexaadinta iyo dammaanad bixinta shisheeyaha Xalane fadhigoodu yahay. Maxaa laga filan karaaa wadahadallada Muqdisho? Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu waxa ay isla shirkii Dhuusamareeb2 ka caddeeyeen inay doorbidayaan in doorasho dadban ay dalka ka dhacdo oo laga tanaasulo himilada doorashada “hal qof iyo hal cod” taasi oo uu Madaxweynuhu dabada ka riixayay. Shirka hadda Muqdisho ka socda, waxa laga filayaa in Madaxweynuhu u tanaasulo Dowlad Goboleedyada dalka isaga oo qallinka ku duugaya hannaanka doorashada dadban ee ay hor Dowlad Goboleedyadu hor boodayaan, taasi oo muujin doonta sida Madaxweynaha ay uga go’an tahay inuu dalka ka badbaadiyo qalalaase siyaasadeed oo ku yimaadda. Fashilka wadahadallada Muqdisho waa horseedka faragelin shisheeye? Dhan kale marka laga istaago, haddii Madaxweyne Farmaajo ku adkaysto qabsoomidda doorasho hal qof iyo hal cod ah oo uu u tanaasuli waayo doonista Dowlad Goboleedyada, waxa imanaysa in beesha caalamku ay soo farageliyaan wadahadallada oo ay hormuud ka noqdaan go’aan ka gaarista hannaanka doorashada waddanka, taasi oo horseedaysa dhaawac ku yimaadda hanka shacabka Soomaaliyeed oo Madaxweynaha ku ammaanay sida uu horeyba isaga caabbiyay saamaynta iyo faragelinta shisheeyaha. Isla arrintan ayaa waxa ay dalka ka bixin doontaa sawir xun oo muujinaya in Soomaaliya aanay siyaasad ahaan weli qaan-gaarin oo ay ilaa hadda ku tiirsan tahay kor-joogtaynta iyo dhexdhexaadinta shisheeyaha. Waxaa qoray Maxamed Axmed Xuseen AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Madaxweyne Farmaajo dalka maka badbaadin doonaa faragelin shisheeye? first appeared on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-Shabelle-16092020.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimaad Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay haatan ku jirto, isagoo eedeyn u soo jeediyay madaxweyne Farmaajo. Cumar Cabdirashiid oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo aan hadda laga sugeyn wax-qabad dambe, sababtana ay tahay inuu awoodi waayey seddax sano iyo barkii la soo dhaafay, sida uu hadalka u dhigay Waxa uu sheegay in hadii uu la imaan lahaa hoggaamin wanaagsan mudadii ay wada shaqeynayeen ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ay wax-badan u qabsoomi la haayeen madaxweynaha. “Sanadihii lasoo dhaafay madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre fursad waa heysteen, mudada intaas la’egna madaxweyne iyo ra’iisul wasaare wada joogay waxaa laga sugaayey inay ka shaqeeyaan waxa dalka masiiriga u ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin, dhameystirka dastuurka, doorashooyinka, maqaamka Banaadir iyo nidaamka xisbiyadu ay doorashada u gelayaan,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Waxa uu sheegay in marnaba aysan madaxda dowladan u dhaqaaqin inay wax ka qabtaan waxyaabihii masiiriga ahaa ee loo xil-saaray. Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in haatan ay u muuqato in awoodii dhameed uu isku koobay Farmaajo, taasna aan laga yeeli doonin. “Waxaa muuqata in madaxweynuhu uu hadda wax kasta yahay, mana ahan mid dadku ay raali ka noqonayaan, waxaan rajeynayaa in madaxweynuhu dareenka dadka tix-geliyo oo uusan dhihin dastuurka waxaan rabaan ka sameysanayaa, arintaasi dhaawac ayey ku tahay dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, Madaxweynaha waxaan ugu baaqayaa in sida ugu dhaqsaha badan uu u soo magacaabo ra’iisul wasaare, waxaa la rabaa in jaangoynta siyaasadeed ee dalka uu qeyb ka noqdo ra’iisul wasaaraha dalka, sababtoo ah isaga iyo xukuumadda ayaa la rabaa inay hir geliyaan wixii lagu heshiiyo, wax aan laga tala-gelin oo uusan awoodin in berri korka laga saaro ra’iisul wasaare lala soo daahay waa arrin qalad ku ah dowladnimada Soomaaliya.” Hoos ka daawo Cumar Cabdirashiid The post CC Sharmaarke oo ka hadlay sida uu arko doodda ka taagan magacaabis la'aanta ra'iisul wsaaraha first appeared on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Muqdisho kula kulmay safiirka dawladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha Galmudug. Madaxweyne Qoorqoor ayaa xusay in Galmudug ay qaaday tallaabooyin horumarineed oo ku aadan dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo amniga, ayna wadamada Soomaaliya taageera oo Sweden ka mid tahay uga baahanyihiin inay ka gacansiiyaan arrimaha samafalka iyo horumarinta. Staffan Tillander Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey waxqabadka Galmudugta cusub iyo doorka ay ka qaadanayso dhismaha dawladnimada Soomaaliya, iyadoo waliba curdan ah, waxaana uu balanqaaday in dawladda Sweden ay taageero la garab taagnaan doonto Galmudug iyo Soomaaliya oo dhan. View the full article
  14. Ciidamadaan Waxay sheegeen in mudo Sadex bilood ah aysan helin Mushasr, markay Xaqooda doonteena waxaa loogu jawaabay “Waxba idiinma heyno ee Guryihiinii kala aada” Hoos [...] The post Daawo Ciidanka Nabadsugida oo xiray Wadooyinka Villa Soomaaliya kana cabanaya Mushaar la’aan appeared first on . Source
  15. Minnesota’s daily COVID-19 numbers continue to show a familiar recent pattern: relatively moderate case growth and hospitalizations and mostly single-digit deaths. Officials, though, continue to caution that the level of community spread of the virus means more problems ahead. Source: Hiiraan Online
  16. At least seven al-Shabab fighters were killed in fierce fighting with Somali National Army (SNA) in the southern town of Awdhigle in Lower Shabelle, a military commander said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  17. Isma aanan Laheyn !!! Mar Walbaa Geerida Waa xaq, waana qasab inaan ku qanacnaa qadarta Alle, Balse Isma aan laheyn !! -Isma aan laheyn adiga oo qof Xaalad deg deg ah ku jira wada, ayaa gaarigaada gurmadka deg dega xilli habeen ah laga celin doonaa albaabka hore ee Isbitaalka Digfeer (Kala wareeg kuuma heyno ICU wey naga buuxdaaye, Labo ruux oo kaasoo horeysay ayaanba meel u la’nahay oo aan soo bixin rabnaa) !!!. -Isma aan laheyn adigoo Qof xaalad deg deg ah ku jiro ayuu isbitaalka Yerdameli ku dhihi doonaa waa inaad qofkan soo Saartaa Raajada Xabadka (Chesk Scan) haddii kale kuuma qaabili doono !!!. – Isma aanan laheyn adigoo isbitaalka Jazeera kasoo helay raajadii laguu diray ayuu dhaqtar Turkey ah inta Jawaabta eego ku dhihi doonaa qofkaan (Oxygen la’aanta heyso) hasoo dajin. (Corona Corona Martiini Martiini) kaliya ayuu ku dhihi doonaa !!!. -Isma aanan laheyn Isbitaalka Martiini oo agab caafimaad oo tayo leh ay yaalaan ayaa ICU-da iyada oo xeran ugu tagi doontaa oo ruuxna uusan ku jirin, haddana shaqaalaha aysan awood u laheyn inay geliyaan ruux xaalad adag ku jiro balse aan Corona qabin !!! Ruux aan Corona qabin ma gelin karno, ileen wuu soo rogaal celinayaa. -Isma aanan laheyn Isbitaalka Somali-Sudanese ayaa lagu dhihi doonaa, Ambalaaska aad gabadha ka dajisay yeysan kaa tagin annaga kuma qaabili karnee !!! Balse ugu dambeyn ayey ku geeriyootay iyada oo Sariirta qolka gurmadka deg dega Saaran. – Isma aanan laheyn dalkeena, gaar ahaan isbitaalada Tirada badan ee Muqdisho ku yaalo Meel walbaana laga xayaysiiyo ayaa laga weyn doonaa (ICU) (ICU waa qeybta la geliyo qofka xaaladda liidata ku jira kana tirsan Isbitaalka) !!!. -Si gaar ah waxaan doonayaa inaan ugu Mahadceliyo shaqaalaha Isbitaalada, Martiini, Umma iyo Jazeera oo Tabar iyo awood yari ay u deyrisay balse dadaal xoogan bixiyay habeenkii Xaaskeyga Xanuunka dareentay balse Alle uu naga jeclaaday. Sidaasi oo ay tahayna waxaan aaminsanahay in raadkeeda uu ka qornaa Xaaskeyga inay meelahaasi ay tagto, dabadeedna ay geeriyooto. Mudanayaal iyo Marwooyin ruux kasta oo masuul ah ogaada maanta oo aad masuuliyadda heysaan, inaad xasuusnaataan dadka aad masuulka ka tihiin inay dhibaatooyin badan qabaan. Ruux walbaa marka ay baahi qabato ayuu ogaadaa macaanida Raashiinka noocuu doono ha -ahaadee, balse waxaan filayaa inay jiraan dad kale oo xanuuno kale dareemay, waxaan leeyahay sida loo badiyay goobaha waxbarashada si lamid ah haloo badiyo adeegyada Caafimaadka. Waan ogahay in madaxdeena iyo madaxda isbitaalada aysan wax walbaa ogaan karin waqtiga ay dhacayaan, balse waxaan leeyahay markey ogaadaan kadib, dadka dambeeyo haloo diyaariyo adeegyada Muhiimka ah (Mahadsanidiin) Marka aad Caafimad qabto ayaad wax baran kartaa, Marka aad waxbaratana Bulshada ayaad wax tari kartaa !!!. ALX Alle ayaa MAHADLEH. W/Q: Weriye Maxamed Ciise Maxamuud The post 'Isma aanan laheyn' - Weriye sheeko xanuun leh ka qoray geerida xaaskiisa iyo dhibka isbitaallada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  18. Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake oo bixiyey Waraysi ku saabsan Xaalada Dalka ayaa walaac weyn ka muujiyay qaabka ay Siyaasada Soomaaliya [...] The post RW hore Cumar Cabdirshiid “ Raysal wasaare la’aantu waa Dowladnimadii iyo Dastuurkii oo la burburiyay” appeared first on . Source
  19. Waxaa la saadaalinayaa in Roobab xoogan ay ku Hiiraan Deegaanada Gobolada Sanaag iyo Bari khaasatan Roobka Xoogiisu wuxuu kusoo wajahan yahay Gobolka Sanaag hadii eebo [...] The post Digniin “ Wasaarada Deegaanka Puntland oo ka digtay Roobab kusoo fool leh Sanaag iyo Bari appeared first on . Source
  20. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Booliska gobolka Mudug, qeybtiisa Puntland ayaa maanta shaaciyey inay gacanta kusoo dhigeen nin Askari ahaa oo magaalada Gaalkacyo ku toogtay ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Daahir Aadan. Ka hor inta aysan gacanta kusoo dhigin ciidamada booliska ayaa waxay iska caabin xoogan kala kulmeen ninkaasi, midaasi oo sababtay dhimashada labo qof iyo tirada dhaawac kale. Taliyaha booliska ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire oo maanta warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen ninkaasi ka tirsan ciidamada, kadib dagaal kooban oo dhex-maray. Sidoo kale waxa uu taliyuhu sheegay in ninkaasi laga soo qabtay deegaan lagu magacaabo Shakaal oo ka tirsan degmada Jariban ee gobolka Mudug. Ninkan ayaa waxa la horgeyn doonaa maxkamadda, si cadaalada loogu waafajiyo dilka uu u geystay ganacsade Cabdullaahi Daahir, sida uu sheegay Taliyuhu. The post Askarigii dilay ganacsade Cabdullaahi Daahir Aadan oo dagaal lagu soo qabtay first appeared on Caasimada Online.
  21. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) Force Commander Lieutenant General Diomede Ndegeya has paid an official working visit to AMISOM troops in Beletweyne manned by Djiboutian Armed Forces (DJAF) and Ethiopian National Defence Forces (ENDF) to familiarize himself with sector 4. On landing at Ugas Khalif airport in Beletweyne city on Tuesday, which is protected by AMISOM forces, Lt. Gen. Ndegeya and his delegation were received by Sector 4 Commander Col. Abdirahman Riyale Hared and other AMISOM officials. He immediately inspected a guard of honour mounted by sector 4 forces and later held a closed-door meeting with the sector commander and his top officers. The Force Commander Lt. Gen. Ndegeya also later met with Hiiran region governor Ali Jeyte Osman who briefed him about the situation in the region and how close the Somalia government forces and AMISOM forces work together in maintaining peace and security in the region. Lt. Gen. Ndegeya commended AMISOM troops in sector 4 for pushing out Al-Shabaab terrorists from swathes of land under their control and opening main supply routes that connect the major towns in the region. He also commended them for saving lives during recent floods that engulfed Beletweyne after river Shabelle burst its banks. “You have managed to keep the enemy at bay and this has helped the people of HirShabelle State and in particular those living in Hiraan region and more precisely Beletweyne get a reprieve and an opportunity to peacefully go about by their business and farm their land to continue feeding the rest of Somalia,” Lt. Gen. Ndegeya said. “You displayed courage, humility and kindness in going out of your way to transport women and children and the elderly who could not swim from the affected areas into high grounds to save their lives. You also provided non-food items like tents, dry rations and medical support to the people. I also know you have done an excellent job in the sector to secure the main supply routes from Beletweyne to Buulo Burde, this and many other supply routes have enabled these areas to develop and support to reach the public,” He added. AMISOM Sector 4 Commander, Colonel Abdirahman Riyale Hared thanked the Force Commander for his visit and said the troops morale is high to deliver on their mandate. “Today, we had a visit from our Force Commander, Lieutenant General Diomede who came for an assessment visit and introduction of sector 4 headquarters. He wanted to understand what sector 4 troops are doing, we have briefed him about the general situation politically and operational wise,” said Col. Riyale. This was Lt. Gen. Ndegeya’s maiden visit to Beletweyne and Sector 4 since taking over the helm at AMISOM earlier this month. AMISOM has 5 sectors in Somalia served by Ugandan, Kenyan, Ethiopian, Burundian and Djiboutian forces. View the full article
  22. Eedeysane, Farxaan Maxamuud Xasan Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday nin la sheegay inuu la wadashaqeyn jiray dowladda iyo Al-shabaab. Farxaan Maxamuud Xasan oo ah nin dhallinyaro ah ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah, sida uu degmada Baladxaawo kaga dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda darajadda 1aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Ciidamo qarsoon ee NISA ayaa la tilmaamay inay soo ogaadeen fariimo la xiiray ciidamad dowladda federaalka oo eedeysane Farxaan la wadaagay Al-shabaab. Farxaan ayaa la sheegay inuu Al-shabaab ku biiray 2010, uuna tababar ku soo qaatay xero ku taalla degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, kadibna kamid noqday ilaalada gaar ah ee xasbiyada qarsoon ee Al-shabaab. Farxaan wuxuu ka qeybgalay dhowr weerar oo Al-shabaab ku qaaday Afmadow, Buuloxaaji, Kudhaa iyo Baarsanguuni, sidoo kale wuxuu kaalin ku lahaa weerarkii ka dhacay xerada ciidamda Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu Kenya, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya. Weerarkii Manda Bay ayaa dhacay bishii Jannaayo ee sanadkan, waxaana lagu dilay dhowr askari oo Ameerikaan ah. PUNTLAND POST The post Xukun lagu riday nin ku lug lahaa weeraro ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
  23. Farriin digniin ah oo ka soo baxday Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka cimilada dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay todobaadkan la saadaalinayo roobab mahiigaan ah oo ka da’aya gobollada Bari iyo Sanaag, islamarkaana ay ka dhalan karaan daadad lixaad leh oo qasaare nafeed iyo mid hantiyeedba gaysan kara. Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu digtay dadka dagan dhulka biya mareenka ah, togagga iyo meelaha hooseeya inay taxadar gaar ah sameeyaan, kana fogaadaan meelaha u nugul halista imaan karta, si ay naftooda iyo hantidooda u badbaadiyaan. Digniinta ah ayaa lagu sheegay in aan la sahashan saadaasha dhiillada leh, sidaas darteedna digniinta la gaarsiiyo bulshada gobolladaasi oo dhan, si ay diyaar garow uga sameeyaan xaaladaha la filan karo. View the full article
  24. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-habeen-1692020.mp3 View the full article