-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam kulankaasoo ahaa Wadatashi iyo iswayraysi. Labada Masuul ayaa ka Wadahadalka halka uu [...] The post Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka Wadahadalka halka waxmarayaan appeared first on . Source
-
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in ciidanka Booloiska ay weli waddaan baaritaano ku aadan falkii lagula dilay, laguna kufsaday marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd. Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sidoo kale sheegay in shalay ay gacanta ku dhigeen illaa 11 qof oo falkaasi lagu eedeeyey, kuwaas oo ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay ku raad-joogaan shaqsiyaad kale oo falka lagu eedeeyay oo baxsad ka ah laamaha amniga Sooimaaliya. Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo sanadkan ka qalin-jebisay dugsiga sare ayaa kufsi iyo dil loogu geystay xaafadda Maaj, degmada Waabari ee gobolka Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha Axmed Madoobe oo hoygiisa ku booqday Madaxweynahii hore ee Soomaaliya ayaa kulankan waxaa ay kaga wada hadleen labada masuul Arimaha Doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah. Labada Mas’uul ayaa sidoo kale kala wada hadlay arrimaha ka taagan deegaanada Maamulka Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo iyo faragelinta ay Dowladda Dhexe ka waddo Gobolkaas. Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii madasha xisbiyada Qaran ay door muuqdo ugu yeelan laheyd go’aanada ku saabsan doorashooyinka la filayo in dalka laga sameeyo. Sida ay illo wareedyo la isku haleyn karo u xaqiijiyeen Caasimadda Online, labada Mas’uul ayaa isku fahmay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen. Kulanka ay qaateen Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yimid kadib War Saxaafadeed kasoo baxay Madasha xisbiyada Qaran oo eedeyn culus loogu jeediyay Madaxtooyadda Soomaaliya. The post Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo ka wada hadlay qodobo xasaasi ah first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mida culimada Soomaalida ayaa ka hadlay Sharciga Denbiyada Galmada ee Baarlamaanka Soomaaliya la hor geeyey kaasoo uu guddoonka diiday in laga doodo. Sheekh Nuur ayaa sheegay inuu isaga si shakhsi ah u og yahay in Wasiiradda xilka sii heysa ee Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin ay tahay cidda gadaal ka riixeyso sharcigaan. Wuxuu guddoonka Baarlamaanka uga mahad celiyey inay ka hor yimaadaan sharcigaan, isagoo arrintaas ku tilmaamay tallaabo ay ku gudanayeen waajibaad diini ah. Sheekh Nuur oo si toos ah ula hadlayey wasiir Deeqa Yaasiin ayaa u sheegay in dalkaan uusan aheyn wadanka ay moodeyso, wuxuuna ugu baaqay inay sharcigaan ula laabato ciddii usoo dhiibtay una sheegto in laga soo diiday. “Wasiirada haweenka ee sharcigan keentay in muddo ahna waday oo aan si shaqsi ah u ogahay, Waxaan leeyahay wallaaley joogso, Wadankan midka aad mooday maaha, haddii ay jiraan kuwo kusoo diray waa la iga diiday ku dheh” . ayuu yiri Sheekh Nuur. Dhinac kale wuxuu Sheekh Nuur Baaruud ugu baaqay inay towbad keento xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo lagu magacaabo Maryan Haaruun oo soo jeedisay in sifada Muslimnimo laga saaro shuruudaha mas’uuliyiinta qabanaba xilalka dalka. Wasiirad Deeqa ayaa si weyn loogu eedeeyay in muddo badan ku dhegan tahay Sharcigan oo ay taageero uga heshay Beesha Caalamka, waxayna hore uga shaqeyn jirtay ururrada haweenka NGO-yada ah oo arrimaha haweenka ku lug lahaa muddo dheer. Ugu dambeyntii Sheekh Nuur Baaruud ayaa madaxda ugu sareeyo dalka ugu baaqay inay ka fiirsadaan dadka ay xilalka umadda u dhiibayaan ee aan lahayn aqoonta Diinta Islaamka. The post Sheekh Nuur Baaruud oo shaaca ka qaaday 'cidda gadaal ka riixeysa' sharciga dambiyada galmada first appeared on Caasimada Online.
-
Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Shangaani kadib markii uu Caruur jiiray gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Somalia. Gaariga oo ahaa nooca dagaalka, gaar ahaan Cabdi-Bile ah ayaa ku socday xawaare sare wuxuuna jiiray Caruur yar-yar oo xilligaas ka yimid iskuul waxbarasho. Ugu yaraan hal cunug ayaa ku geeriyooday shilkaasi, halka Caruur kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo muddo kooban xiray dhaq-dhaqaaqa halkaasi. Inta badan gaadiidka ay saaran yihiin mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo Askarta ayaa waxaa waddooyinka magaalada Muqdisho loogu wadaa si xawaare sare ah, waxaana mararka qaarkood ay baabuurtaasi galaan shilal geysta Khasaare kala duwan. View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey xarunta Aqalka Sare ee Soomaaliya. Qoor Qoor ayaa ka hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhismaha Galmudug, dib u heshiista uu maamulkiisa wado, shirka wada-tashiga Muqdisho iyo qodobo kale. Sidoo kale guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa weydiiyey su’aallo ku saabsan xaaladda Galmudug iyo mida federaalka, siiba arrimaha doorashooyinka ee 2020/21. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday metelaadda gobolka Banaadir, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in shacabka Muqdisho ay helaan xuquuqdooda. “Waxaan rabaa inaan is dul taago arrinta gobalka Banaadir, Mudane guddoomiye waxaan rabaa Aqalka Sare muddo xileedkiisa 2aad inay metelaad ku yeeshaan dadka daga Gobalka Banaadir.” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Dhowaan Aqalka Sare waxaa tegay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo iyaguna laga dhageystay khudbado xasaasi ah oo ay uga hadleen xaaladda guud ee dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor oo ka hor hadlayey maanta golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa lagu arkay in weli uu isticmaalayo magaca Dhuusamareeb. “Waxaa gogol la dhigay ama fadhiyo iyo kulmo aad u muhiim ah lagu qabtay xarunta Galmudug ama caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb”. Arrintan ayaa imaaneysa bil kayar markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu magaca ka badalay caasimadda Galmudug isaga oo u bixiyey Samareeb. Magac ka badelka Dhuusamareeb ayaa keenay muran badan iyada oo shacabka ay weli isticmaalaan erayga Dhuusamareeb, waxaana maanta kusoo biirtay dowladda Galmudug. Dhanka kale, khudbadda madaxweyne Qoorqoor ee golaha aqalka sare ayaa waxaa uu xoogga ku saaray arrimaha dib u heshiisiinta, dhismihii xukuumadda iyo nidaamka dowliga ah, shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb ee dhexdhexaadinta DF iyo dowlad goboleedyada, heshiiskii doorashada iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wafaafinta maamulka Somaliland, Mudane Saleebaan Cali Koore ayaa maanta shaaciyey in laga helay cudurka faafa ee Coronavirus, kadib baaris lagu sameeyey. Koore oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in markii hore uu isku arkay madax xanuun, qandho fara badan iyo daal, kadibna lagu sameeyay baaritaan, sidaasina looga helay cudurka safmareenka ah ee Coronavirus. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu is Karantiilay. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay bulshada inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo faafista cudurka. Coronavirus ayaa markale ku soo laba kacleeyey deegaanada Somaliland, iyadoona xuukuumadda Hargeysa ay waddo dadaalo looga hortago sii fidista cudurkaasi. View the full article
-
Suleiman Ali, information minister of Somaliland – a breakaway region of Somalia – tested positive for the COVID-19 on Tuesday. “I have tested positive for the coronavirus after I and other ministries went to a testing lab in the city Las Anod, Kore, said in a news conference. The minister said that while he is feeling healthy, he has put himself in quarantine. He said over the past few weeks, the region is reporting a rising number of pandemic infections, fearing the outbreak of the second wave in Somaliland. In April, Khalif Mumin, justice minister of Hirshabelle province died of coronavirus in a hospital in Mogadishu, capital of Somalia. A self-declared state, Somaliland lies in northwestern Somalia, on the southern coast of the Gulf of Aden. According to the US-based Johns Hopkins Coronavirus Resource Center Somalia has so far reported 3,389 infections with 98 deaths. As many as 2,791 have also recovered. View the full article
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada Qaran ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan magacaabis la’aanta Ra’iisul wasaaraha cusub. Qoraalkan ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), waxaana madashu ay sheegtay in Madaxweynuhu dalka ku wado kali-talisnimo, sida ay hadalka u dhigtay. “Madashu waxay u aragtaa in Madaxweynuhu si sharci darro ah u magacaabay kusime Ra’isul- wasaare, taasoo aan shuruucda Dalka meelna kaga qornayn. Madashu waxay u aragtaa inay tahay masuuliyad darro iyo kali-talisnimo in Dalku xukuumad la’aan ahaado muddo 53 cisho ah, dowladnimadiina Madaxweynuhu gacantiisa kusoo aruuriyay isagoo uga gol leh inuu ku gaaro dan shakhsiyadeed.” ayuu yiri qoraalka. Halkan hoose ka aqriso: View the full article
-
Waxaa kordhay khasaaraha hantiyeed iyo saamaynta nololeed ee ka dhalatay wabiga Shabeelle oo ku fatahay ilaa 92-tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu sheegay maamulka gobolka. Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in ay fatahaadda wabiga ku barakaceen in ka badan 244-kun oo Qoys, kuwaas oo isugu jiray Beeraley, Xoolo dhaqato iyo dad tuulooyinka daganaa, kuwaas oo hadda u baahan kaalmo. Dhul beereed badan oo ay ka baxayeen dalagyada Sisinta, Galleey, Bariis, Digir iyo khudaarta nuucyadeeda kala duwan ayaa sidoo kale ku baaba’ay fatahaadda wabiga, waxaana beeraleyda oo faa’iido ka filayey tacabkooda ay hadda ku qasbanaadeen inay cid kale ku tiirsanaadaan. Dadka ku barakacay fatahaadda ayaa qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay maareeyaan nolol maalmeedkooda, waxaana wali jira cabsi laga qabo inay fatahaaddu gaarto deegaano kale, xilli wadooyinka qaar ay biyo lixaad leh ay xireen, sida maamulka gobolku sheegay. Fatahadda wabiga Shabeelle oo ku soo laalaabatay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa khasaaro maaliyadeed gaarsiisay bulshada gobolladaas oo markii horeba u nuglaa masiibooyinka dabiiciga ah, waxaana ay fatahaaddu caqabad ku noqotay wax soo saarkii beeraha iyo hankii ay dadku ka lahaayeen inay koboc dhaqaale sameeyaan. View the full article
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta ee gobolka Bakool. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa si gaar ah uga dhacay wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Ceel Barde iyo Qurac-Joome. Wararka ayaa sheegaya in miinadaas ay la kacday mooto ay la socdeen dad shacab ah, gaar ahaan wadaado u socday Quraan saar, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku dhintay 7 wadaad, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo saarnaa mootada. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba-gal ah oo qaraxyo loo adeegsado ku qaada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, walow aysan weli ka hadlin qaraxaasi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir ay isugu yimaadeen ku soo saaray war-murtiyeed la xiriira xaaladda siyaasadeed ee wadanka, waxeyna si weyn dhaliil ugu soo jeediyeen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajao. Madasha Xisbiyada Qaran waxey madaxweyne Farmaajo ku eedeyeen ku tumasho Dastuur KMG ah ee JFS, cuuryaaminta shaqooyinka Baarlamaanka, sidoo kalana uu meesha ka saaray xukuumadii shaqeyneysay. Qoraalka Madasha oo waxyaabo badan lagu soo hadal qaaday, waxaa sidoo kale ku jirtay in madaxweynaha lagu eedeeyay inuu sameeyay Jaha-wareer siyaasadeed iyo khilaafaad dabo dheeraaday. Waxaa intaas sii dheer in kaligii talisnimo ay u arkaan inaan muddo 50 Maalmood ka badan la magacaabin ra’isul wasaare cusub, sidoo kalana aysan dastuurka meelna uga qorneyn magacaabista kusime ra’iisul wasaare. Madasha ayaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamtay magacaabista sii hayaha ra’iisul wasaaraha iyo sharciyada ay ansixiso xukuumadda xil gaarsiinta. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sidoo kale soo jeedisay saddex qodob oo ay dooneyso in la fuliyo HALKAAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA MADASHA The post Madasha Xisbiyada Qaran oo qoraal kulul ka soo saartay arrinta ra'iisul wasaaraha dalbatayna 3 qodob first appeared on Caasimada Online.
-
Wararkii u dambeeyay ee Puntland Post ka helayso Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu ku biiray mowqifka Puntland iyo Jubaland ee arrimaha doorashooyinka. Madaxweyne Qoorqoor, ayaa ku raacay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland in meesha laga saaro saddex qodob oo ku jiray Heshiiskii Dhuusamareeb 3, kuwaas oo kala ah Guddiga Xaliimo Yarey, xisbiyada iyo afarta degaan-doorasho. Isbeddelka ku yimid mowqifka Qoorqoor, ayaa ka dambeeyay kulan habeen ka hor dhexmaray isaga iyo Deni, kaas oo lagu xalliyay Ismaan-dhaafkii labada dhinac ee ka dhashay Shirkii Dhuusamareeb 3. Go’aanka cusub ee Madaxweynaha Galmudug, wuxuu culays saaray Madaxweyne Farmaajo, oo si adag u difaacaya laba kamid ah saddexda qodob ee Puntland iyo Jubaland diiddan yihiin, kuwaas oo kala ah Guddiga Xaliimo Yarey iyo afarta degaan doorasho. Madaxda oo maanta aan shir yeelan, ayaa la filayaa in kulan ay yeeshaan saacadaha soo socda heshiis midaysan ka gaaraan arrimaha doorashada oo isu soo dhawaansho ka gaareen. PUNTLAND POST The post Qoorqoor oo ku biiray mowqifka Deni iyo Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-15092020.mp3 View the full article
-
Madasha xisbiyada qaran ayaa keligii talisnimo ku sheegay in dalka uu xukuumad la’aan ahaado in ka badan 50 maalin. Qoraal kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay “Madashu waxay u aragtaa in Madaxweynuhu si sharci darro ah u magacaabay kusime Ra’isul- wasaare, taasoo aan shuruucda Dalka meelna kaga qornayn. Madashu waxay u aragtaa inay tahay masuuliyad darro iyo kali-talisnimo in Dalku xukuumad la’aan ahaado muddo 53 cisho ah, dowladnimadiina Madaxweynuhu gacantiisa kusoo aruuriyay isagoo uga gol leh inuu ku gaaro dan shakhsiyadeed”. Haddaba halkan ka akhriso: Qoraalka Madasha: Source: goobjoog.com
-
International partners have called on Somali leaders who are meeting in Mogadishu to engage fully in serious dialogue aimed at reaching broad agreement on a credible and implementable electoral model. President Mohamed Farmaajo and leaders of the five regional states, as well as the governor of Banadir region, kicked off their meeting in Mogadishu on Sunday to discuss an inclusive model for the elections scheduled for December and February 2021. “The partners hope that other key Somali political stakeholders will also be consulted, as discussions advance, to expand support for an agreement and its implementation,” the partners including the African Union, the EU and UN said in a joint statement issued on Monday evening. The Horn of Africa nation was due to hold parliamentary elections by December while presidential polls will take place in February 2021. The international partners commended President Farmajo’ and the federal member states’ presidents from Jubaland, Galmudug, HirShabelle, Southwest, and Puntland including Mogadishu mayor for participating in these important meetings in Mogadishu. “International partners appeal to Somalia’s leaders to be guided by the national interest and the democratic aspirations of the Somali people at this historic moment,” they said. Sources said the leaders are yet to agree on who will manage the polls since some leaders have opted for a joint electoral body while others prefer regional states. The number of electoral delegates is also a thorny issue at the meeting with some regional states saying the number 301 which was agreed during the previous meeting be reduced by half. Analysts say holding the 2020 universal vote is considered critical for the sake of entrenching the federal system of governance, which is required to appease communities and regions claiming systematic exclusion and marginalization for decades. The Horn of Africa nation last held one-person, one-vote elections in March 1969 when the government was overthrown in a bloodless military coup. Parliamentary and presidential elections took place in late 2016 and early 2017 through a system of indirect suffrage. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintii saddexaad, kaas oo diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadda dalka. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa wuxuu dhexeeyaa Madaxweynaha Soomaaliya, shanta Madaxweyne goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir. Inta badan waxaa laga doodayaa arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka, si xal mideysan looga gaaro. Sidoo kale arrimaha miiska saaran ee laga wada-hadlayo waxaa ka mid ah mustaqbalka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, tartanka furan ee xisbiyada, goobaha doorashooyinka, kaalinta dowlad goboleedyada iyo qodobo kale oo xasaasi ah. Wararka waxa ay sheegayaan in shirka la soo xiri doono maalinta beri ah, haddi ay madaxda isla gartaan qodobada laga doodayo, iyaga oo kadib soo saarayo war-murtiyeed ku aadan shirkooda. Wada-hadallada ka socda magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa ah kuwo aad isha loogu hayo, islamarkaana muhiim u ah in xal looga gaaro doorashooyinka ee soo socda ee 2020/21. Si kastaba ha’haatee xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, welina lama magacaabin Ra’iisul wasaaraha cusub oo loo arko inay muhiim tahay magacaabistiisa. The post Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Farmaajo iyo madax goboleedyada ee Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
