Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay xildhibaanada ku dhow madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in madaxda federaalka maamul goboleedyada aysan shaqo ku lahayn go’aaminta waqtiga doorashada. Xildhibaan Cabdixakiim oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid u yaalla guddiga madax-banaan ee doorashooyinka. “In doorashada la xaddido lana caddeeyo waqtiga iyo maalinta la qabanayo waxay ka mid-tahay waajibaadka Guddiga Doorashooyinka Qaranka,” ayuu yiri xildhibaan Cabdixakiim. Waxa uu intaas ku daray “Madaxda dowladda heer federaal iyo heer dowlad goboleed waxaa laga sugayaa in ay ku heshiiyaan modelka ama nooca doorasho ee la qaadanayo mar haddii aanay dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah.” Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiis kasta oo Muqdisho lagu gaaro ay qasab tahay in la horkeeno baarlamanka. “Wax kasta oo ka soo baxa shirka madaxda u soconaya waxaa lagama maarmaan ah in la hor keeno baarlamaanka JFS si loogu yeelo sifo sharci ama xeer lagu dhaqayo doorashoiyinka 2020/2021,” ayuu yiri. Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo ay jiraan warar sheegaya in madax goboleedyada ay ku adkeysanayaan in heshiiska kasoo baxaya shirka lagu cayimo waqtiga doorashada. Sidoo kale goor sii horreysay oo maanta ah ayaa xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mucaaradka wuxuu qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “waxaan kula talinayaa Madaxda DG in qodobada heshiiska lagu daro muddo cayiman oo doorashadu ka bilaabanayso kuna dhamaanayso si looga badbaado iska-daba-wareegga Farmaajo u qorsheysan.” The post Shirka Muqdisho 'laguma go'aamin karo' waqtiga ay dhaceyso doorashada first appeared on Caasimada Online.
  2. At least seven al-Shabab fighters were killed in fierce fighting with Somali National Army (SNA) in the southern town of Awdhigle in Lower Shabelle, a military commander said on Wednesday. SNA commander for section 66 Ahmed Maslah said the army clashed with the militants, injuring several of them during the gun battle. “We have killed seven al-Shabab militants in the fighting. We also removed landmines which the militants placed along Awdhigle road,” Maslah said. The commander added the forces later pursued other militants who ran towards the forest. The government forces have intensified security operations in the recent past against al-Shabab extremists in the southern regions. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo sheegay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa maanta xiray mid ka mid ah wadooyinka gala Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho. Ciidankan oo tiradoodu ku sheegay illaa 90 askari, balse aan tiro ahaan sidaas u muuqan, ayaa waxay sida ay sheegeen ay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo saddex bilood ah, taasoo ku riixday inay xiraan wadadaan. Ciidankan ayaa hakad geliyey dhaqdhaaaqii gaadiidka ee wadadaasi, ha yeeshee ay socdaan dadaalo lagu doonayo in xaaladda lagu dejiyo. Mid ka mid ah askartan ayaa sheegay in 1-dii bishii June ee sanadkan la geeyay Garoonka Diyaaraadaha ee Degmada Dayniile, ka dib markii ay tababar soo dhameysteen, hub iyo dareysna loo qaybiyay. Waxa uu sheegay mudadaasi inaanay helin wax mushaar ah. Askarigan oo la hadlay Dalsanv ayaa tilmaamay in loo sheegay inaanan wax xuquuq ah loo haynin, laguna wargeliyay inay halkaasi isaga kala taggaan. The post Ciidamo 'Nabad-Sugid ah' oo gadood ka sameeyey Muqdisho, tallaabana qaaday + Video first appeared on Caasimada Online.
  4. Wasaaaradda Dhallinyarada & Cayaaraha Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in degmada Afgooye aysan ka qaybgali karin tartanka kubbadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir,ka dib markii isku aadka tartanka degmooyinka la sameeyay dhawaan ay ka soo muuqdeen Balcad iyo Afgooye. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada waxa uu sheegay sidan “Waa ayaaan darro iyo iska horkeen Bulsho in Degmada Afgooye lagu darro isku aadka tartanka Degmooyinka Muqdisho,Maamulka Banaadir horay waxa uu u sameeyay dhacdooyin la xiriira Sohdimaha labadda Gobol oo aan weli indhaha ku heyno”” Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax Najax oo la hadlay Goobjoog ayaa yiri “Waa ayaaan darro iyo iska horkeen Bulsho in Degmada Afgooye lagu darro isku aadka tartanka degmooyinka Muqdisho,Maamulka Banaadir horay waxa uu u sameeyay dhacdooyin la xiriira Sohdimaha labadda Gobol oo aan weli indhaha ku heyno” https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/whats-up.mp4 Sidoo kale Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiisha ayaa isna goor horay shaaciyay in degmooyinka Balcad iyo Afgooye ay sanadkan qeyb ka yihiin kooxaha ka qeyb galaya tartanka kubbadda cagta Degmooyinka 2020 waxaana tartanka difaacanaya kooxda Dharkenlay. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/wish.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  5. TORONTO (HOL) - Canadian-Somali activist and politician Sharmarke Dhubow has emerged among the Top 25 winners of the Canadian Immigrant Award for 2020. Source: Hiiraan Online
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa iney bilaawdo duqeymo dhanka cirka ah oo ay ka geysaneyso gudaha Kenya iyadoo la beegsanaayo dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Col. Christopher P. Karns oo ah afhayeenka guud ee taliska Mareykanka ayaa sheegay in qorshahooda ugu weyn uu yahay iney culeys dhan walba ah saaraan kooxda argagixisada ay ugu yeereen iyadoo la xoojinaayo dagaal dhinac kasta looga qaado, sidoo kalana aad loola socdo dhaq-dhaqaaqooda. Inkastoo aan wali la shaacin hadana saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in dowladda Kenya ay durba ogolaatay in duqeymaha lagu beegsanaayo Al-Shabaab laga fuliyo dhulka baadiyaha ah ee magalooyinka Garis iyo gobolka Lamu, waana dhul isku xira saldhigga ciidanka cirka ee Manda Bay iyo gobolka xadka la leh wadanka Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa codsatay in la ballaariyo baacsiga Al-Shabaab maadaama ay dhibaato ku hayaan dadkooda, sidoo kalana ay dhibaatooyin ka geystaan qaar ka mid ah goboolada u dhaw xuduudda labada wadan. Uhurru Kenyatta ayaa ka codsaday dhigiisa Donald Trump in laga caawiyo la dagaalnka kooxaha ay ugu yeeraan argagixisada. Muddo ka badan 10-sanadood taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika wuxuu duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish ka fulinayaa gudaha Soomaaliya, waxaana la qaaday hawlgallo badna oo lagu beegsaday saraakiil sare inkastoo ay jirto waxyeello soo gaarta dadka shacabka ah. The post Yaa lagu beegsanayaa weerarada uu Mareykanka ka fulinayo gudaha Kenya? first appeared on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu ku sheegay inuusan ogoleyn haykalka awood qeybsi ee dowladda, sida uu hadalka u dhigay Xasan Sheekh ayaa sheegay in howlihii dalka oo dhan ay kusoo aruureen gacanta madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu sameeyay ku tumasho dastuur, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in muddo labo bil ku dhow uu dalku uu ahaado ra’iisal wasaare la’aan, midaasi oo ka dhigaysa xukuumada mid kali-talisnimo, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweynuhu waxa uu si cad u baalmaray dastuurka marka laga eego tilaabooyinka uu qaaday tan iyo maalintii la doortay,” ayuu yiri. Xasan ayaa carabku ku adkeeyay in madaxweyne Farmaajo uu weli fiirsanayo xukuumada aan sharci aheyn, maadama baarlamaanku uu meesha ka saaray xukuumaddii ra’iisal wasaare Kheyre, sida uu yiri. Ugu dambeyntiina waxa uu shacabka Soomaaliyeed usoo jeediyay inay ka wada shaqeeyaan sidii dalka loo bad-baadin lahaa, oo uu sheegay inuu marayo xaalad halis oo god mugdiya ku ridi karta. The post Xasan Sheekh oo dalab u jeediyey shacabka kadib markuu eedeeyey Farmaajo first appeared on Caasimada Online.
  8. Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inay la filaan ku noqotay, markii maamulka gobolka Banaadir uu tartanka kubbadda cagta ee degmooyinka gobolkaas ku soo darsaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wasiirka dhallinyarad iyo cayaaradaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Abba Awow Sheekh Suufi oo warbaahinta la hadlay ayaa arrintaas ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo marnaba uusan aqabi karin maamulka uu ka tirsan yahay. Wasiir Abba wuxuu sheegay in Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose wax laga weydiin karo oo kaliya maamulka Koonfur Galbeed, maadaama dalku yahay federaal. Dhowr jeer oo hore ayaa Koonfur Galbeed Soomaaliya sheegtay in degmada Afgooye uu faragelin ku hayo maamulka gobolka Baaandir oo ay deris yihiin. Degmada Afgooye ayaa ah degmo muhiima oo dakhli badan ka soo galo maamulka Koonfur Galbeed. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo eedeyn u jeedisay maamulka gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  9. Washington (Caasimadda Online) – Dowaldda Mareykanka ayaa labada maalmood ee soo aadan midkood soo musaafurin doonta 100 Soomaali ah kuwaas oo sharci darro ku joogay dalkooda. Dadka lasoo celinayo ayaa la sheegay iney isugu jiraan dad dambiyo galay, dad loo diiday sharciga iyo qaar aan la ogeyn waxa loo heysto, waxaana hay’adda u doodda muslimiinta ee dalkaas (CAIR) sheegtay qorshahaan uu yahay mid siyaasadeed. Dadka la musaafurinaayo waxaa ku jira wiil 24-jir Soomaali ah kaas oo ay hooyadiis sheegtay inuusan wiilkeeda galin wax dambi ah oo qasbaya in dib loogu celiyo Soomaaliya. Jeylaani Xuseen oo ka tirsan hay’adda CAIR ayaa sheegay in qorshahaan uu ka mid yahay mid uu ololahiisa doorashada ku xoojinayo Donald Trump. Qareenka wuxuu sidoo kale sheegay iney ku jiraan dad qaba xanuunka COVID19 oo si ba’an ugu rafanaya wadanka Mareykanka, waxaa sidoo kale ku jira dad dhimirka ka xanuunsanaya. Si kastaba cadaadis badan ayuu Donald Trump saaray dadka Soomaalida ah tan iyo markii la doortay sanadkii 2016, waxaana walaaca sii badiyay kadib markii ay fagaare hadalo kulul isku dhaafsadeen gabadha Somali-American-ka ah ee fooqa sare kaga jirta siyaasadda dalkaas Ilhaan Cumar. The post Donald Trump oo siyaasad ka damacsan Soomaalida laga soo tarxiilayo Mareykanka first appeared on Caasimada Online.
  10. Ciidanka ammaanka ee ka howl-gala gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan ciidamada Booliiska dowlad goboleedka Puntland oo dhawaan qof shacab ah ku dilay magaaladaasi, kadibna baxsaday. Taliyaha qeybta Mudug Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in laamaha amniga ay sameeyeen howl-gallo kala duwan oo lagu raadinayey askarigaas oo si bareer u dilay Nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdullahi Daahir Aadan iyo labo qof oo kal. Muumin Cabdi Shire oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in askarigaas gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay deegaanka Shakaal ee hoostega degmada Jariiban ee G/Mudug. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhowaan ay soo taagi doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. View the full article
  11. Xubno ka socday dowladda Mareykanka ayaa kulamo gaar-gaar ah saacadihii la soo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho kula qaatay M.weynaysha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulamada oo ka dhacay xarunta Xalane, gaar ahaan dhismaha safaaradda Mareykanka ayaa waxaa ka qeyb galay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto, taliyaha Howlgalada gaarka ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Anderson iyo taliye ku xigeenka taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Amb. Young. Intooda badan waxaa kulamada uu Mareykanka la qaatay Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta Gareen diirada lagu saaray ammaanka iyo dagaalka A-Shabaab. Sidoo kale waxaa kulamada lagu soo qaaday iskaashi xoog leh oo dhex mara taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika iyo saddexdan dowlad goboleed, si meel looga soo wada-jeesto dagaalka adag ee lagula jiro dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sidoo kae lagu sheegay in muhiimadda kulamadaasi ay ahaayeen adkeynta xiriirkaa dhinacyadaasi, si loo laba jibaaro howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageero dowladda federaalka, wuxuuna howlgallo dhanka ah cirka ah ka fuliyaa gudaha Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  12. Xildhibaano ka tirsan haweenka Aqalka Sare ee BF Somalia ayaa kulan gaar ah la qaatay taliyaha hoggaanka laanta dambi baarista ee CID-da Korneyl Guuleed Sh. Xuseen. Senatorada ayaa taliyaha waxay su’aallo ka weydiiyeen, halka ay mareyso baaritaanka dhacdadii kufsiga iyo dilka ee loo geystay Xamdi Maxamed Faarax. Taliyaha hogaanka CID-da Kornel Guuleed Sheekh Xuseen ayaa sharaxaad ka siiyey Sanatorada haweenka ah ee Aqalka Sare baaritaanka kiiskaasi Senator Jawaahir Axmed Cilmi Iyo Senator Nuura Faarax ayaa kulankaasi ka dib warbixin kooban ka bixiyey waxyaabihii uga so obaxay kulankooda iyo ka haween ahaan Aqalka Sare juhdiga ay ku bixinayaan in ay cadaalad hesho marxuumadda. Ugu dambeyn xubnahan ayaa ka codsday shacabka inay taxadar muujiyaan oo aysan ka hor-dhicin baaritaanada socda oo ay wadaan ciidamada Booliiska Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga Ileys C/Qaadir Cosoble Cali ayaa si kulul uga hadlay xaaladda uu wadanka marayo, wuxuuna sheegay inaan dalka lagu fiirsan doonin waxa ay ka sameynayaan madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa. C/Qaadir Cosoble oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa si aan gambasho laheyn u sheegay iney bilaabi doonaan nidaam lagu dhisaayo dowlad dastuurka dhawrta, isla markaana wixii hadda ka dambeeya aan lasii fiirsan doonin ku tumashada iyo ku takri falka awoodeed ee hadda ka socda dalka. “Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa la joogta kuma fiirsan doono dalka, waxaan bilaabi doonaa nidaam Soomaaliya dowlad loogu dhisi doono, ma jirto cid uu xoog ku xukumi doono Farmaajo iyo qof uu la sii joogi doono” ayuu yiri C/Qaadir Cosoble. Xildhibaanka wuxuu aaminsan yahay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhabarka u ridan doono dhibaato walba oo dalka ku timaada, maadaama uu meel isaga tuuray shuruucdii dalka u taallay. “Madaxweyne Farmaajo wuxuu iska tuuray Dastuurka” ayuu mar kale yiri. Ugu dambeyntii Xildhibaan C/Qaadir Cosoble wuxuu sheegay in fowdo walba oo ka dhalata sharci jabinta madaxweynaha uu eediisa qaadanaayo, sidoo kalana burbur walba oo Soomaaliya ku yimaado uu isaga masuul ka noqonaayo. The post Hogaamiye Xisbi oo sheegay ineysan Farmaajo iyo kooxdiisa ku fiirsan doonin meesha ay dalka u wadaan first appeared on Caasimada Online.
  14. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Xasan Cali Nuure Shuute ayaa maanta ku dhawaaqay go’aanka ka dambeysta ah ee xukunka lagu riday Farxaan Maxamuud Xasan oo lagu soo eedeeyey inuu si hoose ula shaqeeynayey Al-Shabaab, isaga oo ku sugan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Farxaan ayey maxkamaddu sheegtay inuu kamid ahaa fura-hayeyaasha xabsiyada sida gaarka ah ay u maamulaan Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey Farxaan inuu wax ka baabulay weerarkii xooganaa ee ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig Mareykanka uu ku leeyahay dalka Kenya ee Manda Bay. Guddoomiye Shuute ayaa shaaciyey in eedeysanaha uu horey iskuugu soo dhiibay ciidamada dowladda, hayeeshee uu markii dambe bilaabay in uu si hoose ula shaqeeyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana ay maxkamaddu ku ridday xukun xabsi daa’in ah. Go’aankan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida uu ku sugan yahay magaalada Beled-Xaawo oo u tegay howlaha shaqo, kadib markii ay dhowaan magaaladaasi ku wada dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. View the full article
  15. Somalia is no stranger to emergencies. For decades, Somalis have passed down to younger generations their rich, vibrant culture, along with mechanisms to cope with all kinds of challenges they have faced over the years. Their resilience and Somalia’s health system have been tested yet again in the last 6 months ─ this time with the outbreak of coronavirus disease (COVID-19) in the country. Even before 16 March 2020, when H.E. Fauziya Abikar Nur, the Federal Government’s Minister of Health, announced the first case of COVID-19 in the country, the United Nations agencies spearheaded by World Health Organization (WHO) provided substantial and timely support to the Federal Government of Somalia and its other Member States. This support allowed the country to prepare for what lay ahead. In February, public health measures for disease prevention, detection and response were significantly enhanced across the country. By early April, with support from WHO and other partners, the Ministry of Health had strengthened the capacity of 3 designated laboratories for COVID-19 testing. Since then, over 18 000 COVID-19 samples have been tested in these laboratories. WHO worked for hand in hand with other United Nations agencies in the country, such as the International Organization for Migration (IOM), United Nations Children’s Fund (UNICEF), United Nations Development Programme (UNDP), United Nations Population Fund (UNFPA) and other national and international partners to improve preparedness, readiness and response to mitigate the early impact of COVID-19 outbreak. Swift response to the outbreak WHO and its partners deployed 44 well-trained rapid response teams in March, now almost doubled to 73, to detect cases and to trace their contacts early on in the outbreak. More than 3300 frontline health workers have visited over 1.5 million households in the last 6 months, reaching approximately 6 million people, in 49 districts across the country. They played a critical role in reducing transmission and slowing the trajectory of the epidemic. Dr Naima Abdullahi, WHO Public Health Emergency Officer for Banadir, is one of the lucky Somalis who gets to serve her country while fulfilling her dream. “Since COVID-19 was confirmed in Somalia, I have been working in an isolation centre, at De Martino Hospital,” says Dr Naima. “My work includes providing support to Federal Ministry of Health teams to conduct COVID-19 tests, trace contacts, build capacity and manage cases. I also support with interpersonal communication, collecting data and conducting community awareness activities.” Since I was a child, it was my dream to work for the United Nations, because my mother worked as a nurse at that time. Every time I saw her help children and women in our village, I used to tell her that I wanted to be like her,” adds Dr Naima. Raising awareness to save lives In efforts to increase awareness around COVID-19, in collaboration with WHO, UNICEF and other partners, the Somali Federal Government rolled out a public health campaign to raise awareness about COVID-19 in communities across the country. Key messages were shared using radio, billboards, face-to-face training and social media channels. Innovative ideas, including using chatbots, in Somali, on WhatsApp and Facebook Messenger, helped to spread awareness on self-care among online audiences. To analyse epidemiological information on the COVID-19 outbreak in Somalia, the Federal Ministry of Health and WHO have been collecting information on COVID-19 prevalence across Somalia and publishing it in the form of a weekly situation report. They have also been updating an online dashboard on a daily basis. Lauding the frontline health workers Health workers across the country have worked tirelessly to prevent the spread of COVID-19 and provide support to infected people. Despite over 250 health care workers being infected by COVID-19, their commitment, dedication, and tireless efforts in saving lives and reducing transmission in the last 6 months have earned recognition from all. “The effort that Somali health workers have made to contain the pandemic and help those affected by the virus has literally saved lives. This heroic work is a testament to their commitment and dedication, often under extremely challenging conditions,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan. “They achieved these life-saving outcomes despite a very fragile and weakened health system in Somalia – the result of 3 decades of conflict, protracted crisis and repeated humanitarian emergencies. The results show their fortitude, as well as the importance of the Somali authorities and national and international partners working together,” he added. Teaming up to rebuild a robust health system Close collaboration among United Nations agencies, and with health authorities, has helped mount a strong response to the outbreak. Despite the nationwide lockdown and suspension of commercial flights, the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), World Food Programme (WFP) and WHO partnered to collect, transport and ship COVID-19 samples from remote and inaccessible parts of the country and hand over these samples to the designated testing laboratories. Within the first 6 months of the outbreak, WFP transported 3279 samples collected from remote and inaccessible areas, shipped over 10 000 sample collection kits and 17 790 items of personal protective equipment throughout the country in support of the Federal Government. Additionally, IOM, UNFPA, UNICEF and WHO supported 18 isolation centres across Somalia, providing them with ventilators, oxygen concentrators, intensive care unit beds and other equipment required for optimizing patient care. Over the last 6 months, over 560 patients received treatment and care in these isolation centres. “We are all in this fight together. This unprecedented event required an unprecedented response. COVID-19 has affected all humanity and its impact on vulnerable countries like Somalia will be felt long after the outbreak ends. Acting as “One UN”, we responded in a timely, integrated and coordinated manner. The UN team in Somalia will continue to support the Government in protecting the most vulnerable Somalis and helping the health system recover from this crisis,” said Mr Adam Abdelmoula, Deputy Special Representative of the UN Secretary-General, and UN Resident Coordinator and Humanitarian Coordinator for Somalia. Despite the ongoing pandemic, UNICEF, UNFPA and WHO continued to support the Federal Government to scale up essential health services in order to mitigate the negative impact of COVID-19 on health gains. The successful organization and completion of mass immunization campaigns against measles and polio in Banadir region targeting over 400 000 children under 5 years of age was a striking example of how United Nations agencies are supporting the Government to ensure that health gains are not reversed. The outbreak is not over “Even though we have seen a drop in the number of cases and deaths recently, the outbreak is far from over. We applaud the dedicated Somali health workers who continue to stand tall in the face of mounting challenges to save lives from COVID-19 and other diseases. I would like to remind everyone that no one is safe until everyone is safe. I urge Somali communities to do their part responsibly and sensibly and exercise caution to avoid getting infected by COVID-19. To our donor community, I extend our sincere gratitude for the support provided. We will continue to work together with our partners to strengthen the country’s public health system within the goal of achieving universal health coverage and building back better,” said Dr Mamunur Malik, WHO Somalia Representative. The challenge for Somalia now is to continue to keep health workers like Dr Naima and communities across the country safe from COVID-19, monitor the transmission risk and prevent further spikes while maintaining routine and other emergency healthcare services for everyone, everywhere. View the full article
  16. Sii-haayaha ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya ,Mr Staffan Tillander. Kullanka dhexmaray labada mas,uul ayaa waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka joogtada ah ee ka dhexeeya labada dal,waxa ayna sheegeen in labada dhinac ay ka go’antahay in ay xoojinayaan calaaqaadka ka dhexeeya labada dowladood. Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka ayaa kaga mahad celiyaya dowladda Sweden taageerada iyo garab istaaga ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Kaysar Maxamed Wasiir Ku Xigeenkii hore ee qorsheynta ayaa naqdiyay eedaymo uu wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland u jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici. Ku Xigeenkii hore ee qorsheynta ayaa yidhi “Foolxumo ka weyni ma jirto in Nin Wasiir ah oo Xukuumada ka tirsani intuu Warbaahinta soo hor fadhiisto uu aflagaado iyo xajiimayn hawada u mariyo Madaxweyne ku Xigeenkii Qaranka ee isaga xukuma oo Kursiga ku fadhiya Codka Shacbiga reer Somaliland oo la mid ah Codka uu Madaxweynuhu ku fadhiyo Kursiga. Ummada reer Somaliland waxay eegaysaa Talaabada uu Madaxweynuhu ka qaado Wasiirkiisaa dar-jiidhay ee hilmaansan in Madaxweyne ku Xigeenku uu huwan yahay karaamada Ummada oo uu ku fadhiyo Codka Shacbiga reer Somaliland”. Kaysar Maxamed Wasiir Ku Xigeenkii hore ee qorsheynta. Source
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-1692020.mp3 View the full article
  19. MOGADISHU (HOL) - A 24-year-old man suspected to have been involved in the rape and murder of a 19-year-old woman in Mogadishu was Tuesday night arrested in Adado town. Source: Hiiraan Online
  20. Maxaa ka jira in Sheekh sudeys laga qaaday xilka Imaamka Xaraamka? Waxaa jiray dad badan oo baraha bulshada ku baahiyay in Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys laga tiray shaqada Xaramka, ka dib markii uu “ka hadlay xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil”. Haddaba maxaa ka jiro arrintaas? Imaamka Kacbada, Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys ayaa afartii bishan ka hadlay arrin la xiriirtay suuragalnimada isu soo dhowaansha Carabta iyo Israa’iil. Hadalkaas waxaa ka dhashay falcelin badan oo sababtay in dadka qaar ee Baraha Bulshada ay baahiyaan in shaqada laga tiray. Arrinta la xiriirta heshiiska Israa’iil iyo Imaaraatka iyo mowqifka rasmiga ah ee dalalka Carabta, waxa uu kordhiyay cabsida iyo rajada dadka qaar ay ka qabaan in mustaqbalka la arki doono Israa’iil oo galaangal wayn ku yeelata gobolka Carabta, gaar ahaan Khaliijka. Cabsidaas waxaa laga dareemi karaa baraha ay bulshada ku wada-xiriiraan dadka. Waxaa laga doodayaa waxyaabaha ka dhalan kara heshiiska Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil, gaar ahaan qadiyadda Falastiiniyiinta iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalalka Carabta. Haddaba, Maxaa ka jira wararka sheegaya in shaqada laga ceyriyay Sheekh Sudeys? Waxaa soo baxayay warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta baraha bulshada oo si wayn la isula dhexmarayay oo ku saabsan in Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys laga tiray shaqada. Wararkaas ayaa sheegay in khudabadiisii 4-tii bishan ay sabab u ahayd in maamulka Boqortooyada ayuu qaado tallaabo “shaqa ka saarid ah”. Balse wararkaasi ma aysan xaqiijinin warbaahinta dalka Sacuudiga iyo sidoo kale maamulka wadankaas. Waxaana lagu tilmaamay kuwo aan sal lahayn oo aysan caddeyn meesha laga soo xigtay. Sheekh Sudays Mar uu maanta ku sugnaa Masaajidka Nabiga ee Madinah. Haddii aan tusaale u soo qaadano Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudeys, wuxuu 48-kii saacadood ee ugu dambeeysay uu watay howlihiisa uu ka hayo Xaramlka. Sida lagu daabacay bogga Facebook Xaramka, sheekh Sudeys ayaa shalay oo ay taariikhda ku beegnayd 15 bisha September, kormeer ku sameeyay qeybta biyaha Zamzamka ee lagu shubay dhalooyiin si loogu qeybiyo dadka Xaramka ku sugan. Wuxuu gaar ahaan u kuur galayay sidii loo ilaalin lahaa nadaafadda maadaama uu caalamka imika ka jiro fayraska Corona. Waxaa sidoo kale 7 saacadood ka hor uu goob joog ka ahaa oo uu kormeeray goob la dhigay qalab loogu talagalay xaaladaha degdegga ah oo laga sameey ilinka laga galo Xaramka. Sidoo kale, 9-kii bishan, waxaa bogga rasmiga ah ee Al-Xaramayn lagu qoray in “dad yar ay si micno la’aan ah u fasireen khudbadii Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys”. “Waxay baahiyeen muuqaal kooban iyagoo muujinaya aragti ah in Khadhiibka sharafta leh uu riixayo in la soo celiyo xiriirka dalalka qaar ee dhanka siyaasadda”. Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay: “Khadhiibka wuxuu ka hadlay in ay wanaagsan tahay xiriir fiican oo dhexmara dadka diimaha kala duwan iyo xufaladii uu Nabdi Maxamed (NNKH) la lahaa Yahuudii ku noolayd Madinah. “Iyo sidoo kale in la joogteeyo wanaagga uu Islaamka faray ee quluubta dadka kale ku hoggaamisa in diinta Islaamka ay aqbalaan”, ayaa ku xusan warbixinta bogga Al-Xaramayn. Sheekh Cabdiraxmaan Sudays ayaa si caadi ah u sii watay shaqada Imaanka oo mararka qaar wuxuu tujinayay salaadaha, sida ka muuqata muuqaallada bogaggaas lagu daabacay. Taas waxay meesha ka saareysaa arrinta ah in Sheekh Cabdiraxmaan Al Sudays laga joojiyay howsha uu ka hayo labada Masjid ee barakeysan ee Kacbada iyo Nabawi. Khudbadda Sudeys Maalma ka hor, dadka baraha bulshada ay ku wada xiriiro ayaa waxa ay isla dhexmarayeen muuqaalka khadhiibka Xaramka Makah, Cabduraxmaan Sudeys. Gaar ahaan dadka Twitterka isticmaala kuwaas oo soo qaadanayay muuqaallo ay ka soo gooyeen khudbaddii Jimcaha ee uu Sudays jeediyay, halkaas oo ay dadku isku dhaafsanayaan fahankooda ku aaddan “Al-walaa’ wal baraa – الولاء والبراء” iyo xiriirkii uu nebi Muxamed CWS la lahaa Yuhuudda. Sudays ayaa yiri, sida ku cad muuqaalka la soo jaray: “Waxaa ka mid ah digniinaha muhiimka ah ee masaa’isha caqiidada in dadku aanay fahan dhab ah ka haysan mowduuca “Al-walaa’ wal baraa – الولاء والبراء” iyadoo dadku ay isku khaldaan iimaanka qalbiga iyo in lagu dhaqmo wanaag markii ay timaado xiriirka ka dhaxeeya shakhsiga iyo dowladaha”. Sheekh Sudeys oo kormeeraya goobta laga soo saaro biya Zamzamka(Maa’u Zam-Zam) Ka hor inta uusan khadhiibku khudbada ku dhammayn duco uu u duceeyay Falastiiniyiinta, ayaa waxa uu soo qaatay xadiis-ka ah “Caqiidada dhabta ah iyo in la adeeco imaamka [hogaamiyaha] si ka duwan waxa uu ku tilmaamay “khawaarijta xadgudbay iyo axsaabta baadiyaysan iyo kooxaha xagjirka ah ee hubaysa”. Khudbadda ayaa waxa ay kicisay dood kulul, oo qaar ka mid ah dadka Twitterka isticmaala iyo siyaasiyiinta Carabta, waxa ay hadalka imaamka ku fasireen uu gogol xaar u yahay in dhawaan dib loo soo celin doono xiriirka Sucuudiga iyo Israa’iil. Taariikh kooban Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys wuxuu ku dhashay magaalada Qaassim ee dalka Sacuudiga sanadkii 1961-dii. Wuxuu waxbarashadiisa ka bilaabay magaalada Riyaadh, wuxuu Qur’aanka Kariimka xifdiyay isaga oo 12 jir ah. Sudeys wuxuu ka qalin jebiyay kuliyadda shareecada ee jaamacadda Umul Qura sanadkii 1982-dii, wuxuu cilmiga shareecada ka qaatay shahaadada PHD sanadkii 1995-tii. Waxaana loo magacaabay imaamka masjid Al Xarmeyn sanadkii 1984, isaga oo 22 jir ahaa. Sheekha waxaa uu kamid yahay macalimiinta sare ee wax ka dhiga jaamacadda Umul Quraa. Sanadkii 2012-kii, waxaa loo magacaabay madaxa guud ee qaabilsan arimaha Xarameynka (Misaajidka nebiga iyo xaramka) kaddib dikreeto kasoo baxday boqorkii Sucuudiga. Boqor Salmaan ayaa 2016-kii u xilsaaray in uu noqdo khadiibka Xaramka. Sanadkan 2020-ka, Sudeys waxaa mar kale loo magacaabay madaxa guud ee xarameynka muddo 4 sano ah. Qaran News