Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed, kaas oo ay uga hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo wax laga xumaado oo aan la aqbali karin ku tilmaamay in mudo ku dhaw laba bilood uu dalku ra’iisul wasaare la’aan ahaado. Sidoo kale waxay odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan si adag uga hadleen kufsi iyo dil dhawaan Muqdisho loogu geystay marxuum Xamdi Maxamed Faarax, tacadiyo kale oo ka dhacay magaaladan iyo ardaydii gobolka Banaadir eek u dhacday imtixaankii dowladda oo ay sheegeen in la siyaasadeeyay. Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ugu horeyn gaba-gabadii kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in doorashada soo wajahan aan la fududeysan karin, ka odayaal ahaana ay ka og’antahay inay door-weyn ku yeeshaan. “Iyadoo kursigii Mogadishu Clan maqanyahay ayaa ga’aano la iska gaarayaa, waxaan ka digeynaa waxyaabaha muranka dhalinaaya, waxaan kaloo la yaabanahay in gobolka Banaadir 7,800 oo arday ay dhacdo, waxaas lama qaadan karo, waxaan qarsan karnana maahan, in waxbarashada la siyaasadeeyo,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Nabadoonka ayaa intaas ku sii daray, “Anaga xilna raadin meyno, xilna nalaka qaadi maayo, balse bulshada iyo guud ahaan dalka iyo dadka waxa u roon ayaan naqaanaa, taladeenuna waxay noqon kartaa mid mudan in laga faa’iideysto.” Afhayeenka beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye ayaa yiri, “Waxaan leenahay madaxweynaha, ardaydii imtixaanka lagu riday, ee duruufaha kala duwan wax lagu soo baray, waa kuwii kugu farxay oo maalinkii lagu doortay oo kuu soo banaanbaxay, iyaga, waalidkood iyo macalimiintooda oo wada socda. Maanta inaad ku fiirsato iyagoo dulman waa nasiib darro.” Hoos ka daawo war-saxaafadeedkii ka soo baxay shirka odayaasha The post Odayaasha beelaha Mogadishu Clan oo soo saaray digniin culus first appeared on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-shabelle-15092020.mp3 View the full article
  3. A Somali community in Stonebridge have been inspired to make their own Covid masks following help and advice from an NHS nurse. Source: Hiiraan Online
  4. An online event about preventing opioid overdoses is planned this month in the wake of several overdoses among members of the Somali-American community in Minnesota. Source: Hiiraan Online
  5. Draft rules for potential airstrikes, drawn up after a Shabab attack at a base in January, are said to be limited and would require Kenyan assent. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aaden oo ka hadlay Shir jaraa’id oo Xisbiyadu qabteen ayaa si kulul u dhaleeceeyey Baarlamaanka. Wuxuu wax [...] The post Madaxweynihii hore ee KG Shariif Xasan “ Wax alla oo Xukuumadu Samaysay lagasoo bilaabo 25 Ogoosto Qashinkaa lagu darayaa” appeared first on . Source
  7. MOGADISHU (Xinhua) -- The UN in Somalia on Tuesday lauded health workers who have worked tirelessly to prevent the spread of COVID-19 as Mogadishu reached a six-month milestone since the first case was confirmed. Source: Hiiraan Online
  8. Mohamed-Shukri Hassan has come a long way from delivering pizzas from a Pizza Hut on West End Avenue, and he’s come even further from his native Somalia. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa galabta hadal ka jeediyay shir jaraa’id oo ay qabteen madaxda Madasha Xisbiyada Qaran, kaas oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo eedeymo badana u jeediyey hoggaanka dowladda federaalka. Shariif Xasan ayaa sheegay in waligeed aysan dhicin intaan oo kale in dalku uu ra’iisul wasaare la’aan uu ahaado, kaaga darane waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in baarlamaanku uu maalin kasta ka doodayo sharciyo ay u soo gudbisay xukuumadii ay rideen. “Arrintaasi waxay muujineysaa inaan loo baahneyn sharciga, hadii madaxweyne Farmaajo uu sharciga ku tumanaayo, runtii taasi mid loo dul-qaadan karo maahan, umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuna taas ma qaadan karaan,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxa uu sheegay inay sharci darro u arkaan wax kasta oo ka soo gudbay golaha xukuumadda wixii ka dambeeyay 25-kii July, markaas oo baarlamaanka Soomaaliya uu codka kalsoonida kala noqday xukuumadii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. “Dalka in sharci darro lagu hoggaamiyo, weliba ninkii madaxweynaha ahaa ee sharci dhowraha sheeganaayey uu sharci darro sameynayo, waa arrin nasiib darro ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay ku talinayaan in dalka loo soo magacaabo xukuumadda hoggaamisa, xattaa hadii waqtigii doorashada ay maalin kaliya ka dhimantahay aan laga maarmeyn xukuumad. Hoos ka Daawo The post Shariif Xasan oo sheegay arrin aysan Soomaalida iyo beesha caalamka 'aqbali karin' first appeared on Caasimada Online.
  10. Federation of Somali Journalists (FESOJ) condemns – in the strongest terms possible – Somaliland government's arrest of journalist Ilyas Abdi Ali in Somaliland's capital city Hargeysa on Monday evening 14 September 2020 . Source: Hiiraan Online
  11. WASHINGTON — (AP) —Declaring “the dawn of a new Middle East,” President Donald Trump on Tuesday signed historic diplomatic pacts with Israel and two Gulf Arab nations that he hopes will lead to a new order in the Mideast and cast him as a peacemaker at the height of his reelection campaign. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo Caawa shir jaraa’id qabtay ayaa si kulul uga hadlay Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumada hada jirta ee xilkii [...] The post Daawo Xasan Sheikh ‘‘Xukuumada Farmaajo waxay la mid tahay Gabar la furay oo hadana ilmo dhalaysa” appeared first on . Source
  13. Mogadishu (PP Editorial) — Federal Member States’ talks about the Somali electoral model entered a new phase. The reports that Galmudug President Ahmed Kariye had warmed up to idea that political parties should not take part in 2021 elections unsettle parties. Puntland and Jubaland Presidents added to their list of demands the argument that parties will have no role in elections based on 4.5 powersharing system. Presidents Said Deni and Ahmed Madobe fleshed out their argument while in Mogadishu. Political parties supported Dhuusamareeb III Agreement on Somali elections signed by three Federal Members States and Banadir region. The incomplete consensus on the electoral model pushed Puntland and Jubaland to the corner. To return the favour Puntland and Jubaland came up with what some analysts view as reasonable questions about the role of political parties if one person, one vote elections will not take place in Somalia. Former President Hassan Sheikh (left) and Former Parliamentary Speaker Sharif Hassan may not welcome an electoral model that relegates political parties to a non-stakeholder status. Puntland and Jubaland are happy with some points in Dhuusamareeb III Agreement particularly ‘provisions’ that grant Federal Members States powers to host and oversee selection of MPs and Senators. The Forum for National Parties may not welcome a deal on an electoral model similar to 2012 and 2017 elections in Mogadishu. Somali political parties are registered with the National Independent Electoral Commission and recieve organisational development grants. The Electoral Law was drafted and passed by the Parliament with a view to conduct one person, one vote elections. Federal Member States are bridging the gap between them to arrive at a workable consensus on 2021 elections. The hope that a coalition of political parties will come to power in 2021 has been dashed irreparably. Political parties’ role would have legitimacy if return to indirect elections was not the option that Federal Member States find appealing and politically expedient. Modifying the point on political parties in Dhuusamareeb III Agreement ends any pretence that Somalia has political parties. © Puntland Post, 2020 The post Federal Member States Clip Somali Political Parties’ Wings appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdulxayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay falalka Kufsiga oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo batay qaar kamid ah gobolada dalka. Sheekh Cabdulxayi ayaa ugu horeyntii falalkaasi ku sifeeyay kuwo waxshi-nimo ah oo kasoo horjeeda Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed. Wuxuuna markii ugu horeysay falalkaasi la xiriiriyey ‘gacmo shisheeye’ oo ka baxsan Soomaaliya, wallow uusan faah-faahin rasmi ka bixin, balse uu ku gaabsaday inay gacan ku leeyihiin dad kale oo ajaanib ah. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inay muhiim tahay in falalkaasi lagu sameeyo baaritaano qoto dheer, isla markaana sharciga la mariyo dadka ka dambeeya falalkaasi. Sheekha ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in dhacdooyinkaasi la xiriira kufsiga carruurta yar-yar ay yihiin kuwo ku cusub Soomaaliya, isla markaana ay waajib tahay in dowladdu ay sameysayo baaritaano dheereed ah. Ugu dambeyntii waxa uu hoosta ka xariiqay haddii wax laga qaban waayo dadka geysanaya falalkaasi ay dhibaatooyin hor leh ka dhalan karaan. The post Yuu Sheekh Cabdulxayi la xiriiriyey falalka kufsiga ee sii kordhaya? first appeared on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-15092020.mp3 View the full article
  16. Kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Maamulka Puntland waxaana kooxdan casuumay naadiga Horseed ee ciidanka qalabka sida ee maamulka Puntland waxayna tani noqonaysaa mudo 15-sano ka dib ay koox ka socota caasimada ay gaarto gobolada dalka waxaana horay sidan oo kale samaysay naadiga Elman Sports Club Guddoomiyaha naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa u mahad celiyay Xiriirka kubbadda cagta,kooxaha iyo maamulka Puntland sida weyn ay u soo dhaweeyeen wuxuuna sheegay in ay tani qeyb ka qaadanayso horomarka iyo isdhaxgalka kooxaha. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/Whats-1.mp4 Xoghayaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland Mustafa Cabdiraxmaan Majacase ayaa isna u mahad celiyay maamulka kooxda Dowladda hoose booqashadooda ay ku yimaadeen Puntland wuxuuna intaa ku daray in ay diyaar u yihiin soo dhaweynta kooxaha kale ee ka dhisan guud ahaan Soomaaliya https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/majacase.mp4 Si kastaba naadiga Muqdisho City inta ay joogaan Puntland waxa ay ciayaridoonaan kulamo saaxiibtinimo oo loo qorsheeyay waxayna booqdandoonaan goobaha dalxiiska goobaha Puntlland Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay qabteen 11 qof oo lagu tuhmayo kufsigii iyo dilkii magaalada Muqdisho loogu gaystay Xamdi Maxamed Faarax. Qoraal ay soo saareen booliska ayey ku yiraahdeen “11-Sep-2020, abaare 01:30pm ayaa warbixin la soo gaarsiiyay Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, kaas oo ah in la helay meydka marxuumad taala dhanka hoose ee hotel lagu magacaabo Marwo ee ku yaala Waaxda Maajo ee Dagmada Waabari.” “Meydka marxuumada ayaa la geeyay Isbitaal Daarul-shifa kadibna waxaa loo wareejiyay Xarunta C.I.D halkaas oo looga sii wareejiyay Isbitaalka Madiina si loo mariyo nidaamka baarista falka.” Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Taariikh 12ka September 2020 labo la tuhunsaneyaal ay maxakamad awood u leh ka sii deysay xabsiga Xarunta C.I.D. kadib markii maxkamada ku sifeeyeen in ay san wax xiriir ah kiiska la laheyn balse waqti kastoo loo baando la hell karo. “Waxaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan eheladda marxuumad Xamdi Maxamed Faarax u cadeyneynaa in baarista kiiskaa uu marayo heer wanaagsan. Sidaasi si lamida ah, waxaan ummadda soomaaliyeed ka codsaneynaa in ay gacansiiyaan baarista kiisakan,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska. Hoos ka aqriso qoraalka booliska ay soo saareen The post Booliska oo 11 qof usoo qabtay kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed Faarax first appeared on Caasimada Online.
  18. Booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa qabtay askari dhawaan Gaalkacyo dilka ka geystay oo fakaday. Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire ayaa Puntland Post u sheegay in ninka dilka geysay oo maalmahan la daba-joogay galabta lagu qabtay degaanka Shakaal oo dhanka Waqooyi bari ka xiga degmada Jariiban ee gobolka Mudug. Muumin Cabdi Shire, Taliyaha Qaybta Booliska Mudug Askariga oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Puntland ayaa 11-kii bishan September Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ku dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Daahir Aadan. Sidoo kale waxaa xiligaas labo oo shacab ah ku dhinteen rasaas ay isweydaarsadeen askariga dilka geystay iyo ciidamada booliska oo doonayay inay qabtaan. Askariga dilla geystay oo tan iyo xiligaas ka maqnaa gacanta dowladda ayaa ugu dambeyn galabta lagu guuleystay in la qabto. PUNTLAND POST The post Booliska Mudug oo qabtay askari Gaalkacyo ku dilay ganacsade appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilada beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho. Xubnaha uu Axmed Madoobe la kulmay waxaa ka mid ah wakiilka QM ee Soomaaliya safiirka Ingiriiska iyo wakiilo ka kala ka socday Maraykanka iyo Midowga Afrika. Intiisa badan waxaa kulankan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka iyo ammaanka. Sidoo kale waxaa si qoto dheer loo falan-qeeyay marxaladda kala guurka ah iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho la’isla ogol-yahay. Magaalaa Muqdisho waxaa haatan ka socda shirweyne wada-tashi ah oo u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  20. Maamulka gobolka banaadir ayaa kulan sagootin u sameeyay naadiga Dowladda hoose ee xamar oo safar Isboorti ugu Amba-baxaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland. Guddoomiye Ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Mudane. Axmed Xasan Iimaan, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maxamed Axmed Cantoobo, Afhayeenka Gobolka,Saalax Cumar La-taliyeyaal ka tirsan maamulka gobolka banaadir iyo madaxtooyada qaranka ayaa ka qeyb-galay munaasabada sagootinta iyagoona u rajeeyay Cayaartoyda iyo madaxda naadiga MCC in ay guul kala soo laabtaan kulamada ciyaareed oo ay wajihi doonaan naadiyada ka dhisan deegaannada dowlad goboleedka Puntland. Masuuliyiinta ayaa ayaa guud ahaan kooxda kula dar daarmay inay soo bandhigaan ciyaaro ku qotoma anshax iyo kala dambeyn waxaana ay urajeeyeen guul. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, oo hadda ah musharax u taagan xilka madaxweynaha ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyey Guddoomiyihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Jawaari. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi ayaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka, marxlada kala guurka, iyo mustaqbalka dalka, xili weli heshiis rasmi ah ay saamileyda siyaasadu ka gaarin nooca doorasho ee dalka. Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kulanku socdsay waxuu ku celiyay muhiimadda ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda, si looga baaqsado khalkhal dhinacya badan oo dalka ku yimaada. Khayre oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baneeyay July 25, 2020 ayaa dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha dalka. Kulankan ayaa kusoo aadaya xili uu dhawaan Kheyre ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan jagada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay bilowga sanadkan soo socda ka qabsoomto dalka, inkasta oo uu ku gadaaman-yahay mad-madow badan. Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari ayaa la rumeysan yahay inuu xiriirkoodu xumaa muddooyinkii dambe, xili lagu tiriyo in xukuumaddii uu hogaaminayay Kheyre ay kaalin ku lahayd in xilka laga tuuro Jawaari. Wuxuuna kulankani noqonaya midkii u horeeyay ee dhex-mara Kheyre iyo Jawaari, tan iyo markii uu khilaafka siyaasigu soo kala dhex-galay, wuxuna qeyb ka noqonaya ololaha xoogan ee talada dalka uu ku rabo Kheyre. The post 3 QODOB oo looga hadlay kulan maanta dhex maray Xasan Kheyre iyo Jawaari first appeared on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dalka Soomaaliya waxaa sanadihii lasoo dhaafay aad u kordhay tacadiyada ay kamidka yihiin kufsi wadeeradka iyo dilalka loo gaysanaayo dumarka Soomaaliyeed. Dhacadii u dambeeysay waxay ahayd mid toddobaadkii la soo dhaafay muqdisho loogu geystay gabar dhallinyaro ah oo kufsi iyo dil la isugu daray. Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli, oo kamid ah culumada Soomaaliyeed oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sharaxay waxa ay diinta Islaamka ka qabto arrimaha kufsiga iyo dilalka. Sheekha oo ugu horeyn ka hadlay xukunka dilka ayaa sheegay in dilka ula kaca ah uu leeyahay qisaas haddii ay xataa kawada qeyb qaateen 100 qof, isagoo xusay in dhammaantood lagu fulinayo xukun dil ah. Sidoo kale Shibli ayaa sheegay in falka kufsiga ah loo kala qaadayo laba, haddii uu hub loo adeegsado ama qaab afduub ah uu u dhaco wuxuu sheegay in xukunkiisa uu noqonayo xadkii xiraabada (Dagaalka), isagoo xusay in taas ay ka dhallaneyso in qofka falkaas sameeyey si isdhaaf looga jaro xubnihiisa. “Kufsiga waxaan u kala qaadeynaa laba nooc, haddii hub loo adeegsado ama la afduubto waxay noqoneysaa xadkii Xiraabada, waxaana xukuminayaa in is-dhaaf loo jaro xubnahooda meel fagaare ahna laga laadlaadiyo, Haddii falka yahay kufsi aan wax kale wehlin isla markaasna qofka geystay uu yahay qof guur soo maray waxaa lagu dilayaa dhagax, haddii qofka geystay uusan wax guur ah soo marin waa Karbaash iyo sanad masaafurin ah,” ayuu yiri Sheekh Shibli. Sheekh Shibili ayaa sheegay in sinada kufsiga ah uusan sharciga ogoleyn in laga xaalo go’aana aysan ka gaari karin odayaasha dhaqanka sidoo kalana aysan dowladda awood u laheyn inay cafiso dadka falkaas sameeyey, wuxuuna taas badalkeeda sheegay in maamulka ka jiro meesha uu falka ka dhacay laga rabo inuu fuliyo xadka diiniga ah ee ka waajibayo. “Sinada kufsiga ah sharcigu ma ogola in laga xaalo, xadka Sinada Tol iyo Reero kama xaali karaan, dowladna ma cafin karto. Odayaasha iyo tolka Kufsiga iyo afduubka sharcigu ma ogola inay galaan, mana jirto dowlad cafin karto, waa in sharciga la fuliyaa,” ayuu yiri Sheekh Shibli. Hadalka Sheekh Shibli ayaa kusoo aadayo xilli ay Dowladda Soomaaliya soo qabatay ku dhawaad 15 qof oo lagu eedeenayo inay ku lug leeyihiin kufsigii iyo dilkii loo geystay Gabar kamid ah aheyd ardaydii sanadkaan u fadhiistay imtixaanka dugsiyada sare oo lagu magacaabo Xamdi. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Shibli. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/09/9a3c45bb-2b08-4e9e-8167-dd5faeb7129e_48k.mp3The post Sheekh Shibli oo ka hadlay waxa ay SHAREECADA ka qabto in laga xaalo KUFSIGA first appeared on Caasimada Online.
  23. The police force of Somalia has issued a statement on Tuesday to update the public about their investigation into an alleged rape and murder of a young female in Mogadishu. Hamdi Mohamed Farah was violently subjected to sexual abuse before being thrown off from a six-storey hotel building in Waberi district last Friday evening, per police. The 19-year-old girl has scored high marks in the high school exit exam controlled by Somali government this year and had a brighter future ahead. Sections of the public have staged a rally in the capital to condemn the heinous act and called for justice for Farah, who became the latest rape victim in the long-chaotic country. View the full article