Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay eedeysane lagu tuhmayo inuu lug lahaa kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax. Zakiyo oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa shaacisay in eedeysanaha oo baxsad ah xalay goor saq-dhexe ah lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale waxa ay magaciisa ku sheegtay Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 sano jir ah, kuna dhashay magaalada Muqdisho. “Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday Xamar falka ka dib.” ayey tiri Zakiyo Xuseen Axmed. Sidoo kale waxa ay u mahadcelisay ciidamada Booliiska Galmudug ee howlgalka samaayey iyo shacabkii la shaqeeyey ee suura-geliyey in la soo qabto eedeysanaha. “Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa.” ayey markale tiri General Zakiyo. Waa eedeysanihii 12-aad ee loo xiro dilkii iyo kufsigii loo geystay marxuumad Xamdi oo Jimcihii lagu dhaafay laga soo tuuray dabaq ku yaalla degmada Waabari ee G/Banaadir. The post Mid ka mid ah ragga ku eedeysan dilka iyo kufsiga Xamdi oo gobol kale laga soo qabtay first appeared on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Labada Madaxweyne ayaa sida la sheegayo Kulanooda uga hadlay Xiriirka iyo Iskaashiga labada Dowlad Goboleed iyo sidoo kale Xaaladda Siyaasadda Soomaaliya gaar ahaanna Arrimaha Doorashada. Qoor Qoor ayaa sidoo kale horay ula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaas oo ay ka wada-hadleen wada-shaqaynta iyo xiriirka labada Maamul iyo sidoo kale Arrimaha Doorashada. PUNTLAND POST The post Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayey arimaha siyaasadeed ee ka jira dalka oo ugu horreyso doorashada soo socota. Lafta Gareen iyo Waare ayaa Muqdisho u jooga shirka wada-tashiga madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada oo diirada lagu saarayo doorashada 2020/2021. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  4. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-16092020.mp3 View the full article
  5. Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa hoygiisa ku qaabilay madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. Kulanka madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur galbeed, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ay la qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka. Waare iyo Lafta-gareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday Magaalada Muqdisho kulamo siyaasadeed oo ay la qaadayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, siyaasiyiin, Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo xubno kale. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Galmudug, Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ay ka wada-hadleen xiriirka Maamulada iyo Arrimaha Siyaasadda Dalka. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Waare iyo Lafta Gareen appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Hargeysa)-Maalmihii u dambeeyay waxa dhexdhexaadin laga dhex waday Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo doonaya inuu u tartamo Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Mudane Saylici. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu labada Masuul ku qanciyo inay is faham soo gaadhaan, laakiin laguma guulaysan arrinkaasi. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Waxgarad is-xilqaamay ayaa la sheegay inay Waan-waan ka dhex bilaabeen Masuuliyiinta kala ah Saylici iyo Saajin oo isku Gobol ka soo jeeda, waxayna Odayaashu doonayeen in inta aan la gaadhin Shirweynaha Xisbiga KULMIYE ee ku muddaysan horraanta bisha Dambe ay gaadhaan heshiis, kaasi oo noqon kara in midkood tanaasulo. Laakiin, Wararkii u dambeeyay ee Wargeyska Geeska Afrika ka helo dhexdhexaadinta laga dhex waday labadaa Masuul ayaa sheegaya inaan wax natiijo ah laga gaadhin, ka dib markii Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga uu mid walba ku adkaystay go’aankiisa. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku doodaya inaan kursigiisa lagula tartami karin, maaddaama oo aanu jirin kursi kale oo ka mid ah hoggaanka oo lagu tartamayo xilliga, halka Wasir Saajina uu ku doodayo inuu xaq u leeyahay in la doorto, waxna doorto. Source
  7. Four-time Olympic champion Mo Farah has confirmed he will skip the 5,000m at the Tokyo Games next summer. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in dastuurka ku xadgudbay. Shir jaraa’id oo uu shalay galab ku qabtay magaalada Muqdisho, ayuu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo si gaara isu dul taagay khaladaadka dhinaca sharciga ah ee dhacayay mudooyinkii la soo dhaafay. Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligan kamid ah hoggaanka ugu miisaanka culus ee madasha xisbiyada qaran ee dalka, waxa uu si cad u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu isku soo koobay dhammaan howlihii dalka ka socday. Sida ay howlaha haatan u socdaan ayuu ku sifeeyay iney la mid tahay kali talisnimo, isagoo tusaale u soo qaatay Ra’iisul wasaare la’aanta dalka ka jirta mudo 53 maalin ah, iyadoo aan xitaa muuqan ifafaalo muujinaya iney socoto soo magacaabisteeda. “Madaxweynuhu waxa uu sameynayo dastuurka sax kuma ahan, waxba kama duwana Madaxweynaha waxa uu sameynayo nin gabadh ay kala tageen weli ilmo u dhaleyso, xaaskii ay kala tageen oo furay asoo weli xaas ay u tahay oo kale waaye, Xukuumadda maanta jirtana waa saas, sharci maaha waa sharci darro”ayuu yidhi Xasan Sheekh. Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney dalka badbaadiyaan oo ayna ku sii eegin xaaladdan halista ah ee uu haatan ku sugan yahay, maadaama madaxweyne Farmaajo uu indhaha ka eegayo xukuumad sharci darro ah oo dalka ka jirta. Source
  9. In several parts of Africa, paying for food, clothes or public transport with a phone is commonplace. Mobile money is taking off in Ethiopia, too, with COVID-19 as the catalyst. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Nuur Siidow Baaba, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxo abaabulan oo leh dano siyaasadeed ay ka dambeeyaan kufsiga iyo dilalka ka dhaco dalka. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu xariir wanaagsan ka dhaxeeyo dadka u doodayo in la meel mariyo sharciga Jinsiga oo ka hor imaanayo diinta iyo dastuurka dalka iyo kufsiga Soomaaliya ka dhaca, sida uu hadalka u dhigay. “Waa la abaabulaa kufsiga waxaa lagu bixiyaa lacag, xataa dadka dambiyada gala in aan la xukumin darteed lacag ayaa lagu bixiyaa waana in lala xisaabtamaa dadka ka dambeeyo,” ayuu yiri Xildhibaan Nuur Siidow oo la hadlay warbaahinta gudaha dalka. “Markii uu qof kufsi gaysto waxaa daba joogo kooxo aan la aqoonin oo lacag haysto kuna dadaalaya in aan la xukumin soo kuu cadeen meyso in lacag lagu bixiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Baaba. Xildhibaanka ayaa sidoo kale qaba in lacag ay hay’ado shisheeye ku bixiyaan kufsiga si loo meel mariyo Sharciga Jinsiga oo si weyn uga hor imaanayo kaas oo ay si kulul uga hadleen guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ma jirto wax caddeyn ah oo taageeraya hadalka xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo muujinaya in kufsiga ay ka dambeeyaan kooxo abaabulan. The post Xildhibaan sheegay in dano siyaasadeed laga leeyahay kufsiga iyo dilalka dalka first appeared on Caasimada Online.
  11. Earlier this year, Naima Dhore established the Somali American Farm Association to address the lack of awareness that Somali and immigrant farmers have on beginning their own operations and the importance of culturally specific food. Source: Hiiraan Online
  12. Hoggaamiyaasha Maamul- Goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho kuwaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka. Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay ka wada hadleen mira – dhalka shirka ka socda Muqdisho. Waare iyo Laftagareen ayaa iyo Mursal ayaa sidoo kale waxa ay kulankooda ku soo hadal qaadeen hormarka labada maamul ay sameeyeen tan iyo markii la magacaabay. Si la mid ah madaxda maamul goboleedyada Puntland , Jubbaland iyo Galmudug ayaa dhankooda kulamadan oo kale la qaadanaya dhinacyada siyaasadda. Maalintii afaraad ayaa Muqdisho waxa ka soconaya shirka looga tashanayo doorashooyinka, kaas oo u dhaxeeya madaxweyne Faramaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Hamdi Mohamed Farah, 19, was assaulted by group of men, thrown off building in capital Mogadishu Source: Hiiraan Online
  14. Representative Ilhan Omar demands ICE account for risk of pandemic to Somalia, given scarcity of medical care. Source: Hiiraan Online
  15. I don’t want to raise any fear or panic I just want people to be aware this is something that we’re looking at, the possibility that these are connected' Source: Hiiraan Online
  16. Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla dhulka Falastiin kaddib markii dagaal yahannada Falastiiniyiinta ee ku sugan magaalada Gaza ay gentaallo ku tureen Israa’iil. Militeriga Israa’iil ayaa sheegay in ku dhawaad 10 goobood oo Xamaas leedahay la beegsaday subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaco ah kaddib markii 15 gentaal ay ku soo dhaceen koofurta Israa’iil. Tallaadadii, gentaal laga soo tuurey dhanka Gaza ayaa ku dhacay magaalo xeebeedka Isreal ee Ashdod, laba ruux ayaa ku dhaawacmay. Illaa iya hadda ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay duqeymihii u dambeeyey, Isreal waxay sheegtay in gentaalada Xamaas soo tuurtay hawada lagu burburiyay ayna kaga hor tageen hannaanka difaaca gentaallada ee loo yaqaano Iron Dome. Bayaan ka soo baxay Militeriga Isreal ayaa lagu sheegay in ay beegsadeen laba goobood oo Xamaas hubka iyo qaraxyada ku farsameeyaan iyo goobo kale oo lagu tababaro dagaalyahnada Falastiiniyiinta. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqaymo culus ka fulisay Dhulka Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle ayaa wajahaya dhaqaalo la’aan xoog leh, waxaana la sheegayaa in ilaa hadda aysan wax dhaq dhaqaaq ah sameynin. Guddigaan oo la magacaabay toddobaadyo ka hor ayaa ilaa hadda yeelan kulankoodii ugu horeeyay, waxaana sidoo kale aysan wali tagin Jowhar oo ah xarunta maamulka. Sababta ay guddigan u shaqeyn la’yihiin ayaa lagu sheegay in aysan ilaa hadda helin lacagtii ay ku howl geli lahaayeen, taas oo dib u dhigtay howlihii looga baahnaa. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddigaan ay dhaqaalaha ka sugayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalalka Soomaaliya ka taageera maal-gelinta arrimaha doorashada. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddigan ay dhowr jeer dalbadeen in la siiyo lacagtii ay ku howl geli lahaayeen maadaama uu waqti haayo balse aan looga jawaabin dalabkaas ilaa hadda. Mudda xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee HirShabeelle ayaa ku eg 9-ka October ee sanadkaan waxaana ka harsan muddo ka yar 30 cesho, mana muuqato in muddadaas lagu soo dhisi doono baarlaman cusub. The post XOG: Guddiga soo xulista baarlamanka HirShabelle oo hal caqabad ka shaqeyn la' first appeared on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa Talaadadii markale golaha shacabka la horgeeyay xeerka dambiyada galmada oo abuuray guux iyo sawaxan badan, maadama ay ku jiraan qodobo si cad uga hor imanaya Diinta Islaamka iyo dhaqanka umadda Soomaaliyeed. Sharcigaasi ayaa qoddobkiisa 4-aad, wuxuu dhigaya in aysan dambi ka waajibeyn ‘Sinada’ oo haddii labada ruux ay raali ka yihiin, isagoona ogolanaaya isku taga dadka isku jinsiga ah, midaasi oo Diintu naga reebtay. Xoga muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in isku dayga meel-marinta xeerkaasi ay gadaal ka riixayaan Hay’addo uu fadhigoodu yahay xerada Xalane, kuwaasi oo dhaqaale badan ku bixinaya in la ansixiyo xeerkaasi aan marnaba Diinteena waafaqsaneyn. Hay’addahaasi gadaal ka riixaya xeerkaasi ayaa waxa ugu tun weyn mida Xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobey ee lagu magacaabo UNSOM iyo kuwo kale oo ka shaqeeya arrimaha haweenka oo fadhigoodu yahay Xalane. Waxa la fahamsan yahay in dhaqaale badan lagu taagarey wasaaradda haweenka sidii loo soo diyaarin lahaa sharcigan, iyada oo muddo badan kadib laga soo ansixiyey golaha wasiirada xukuumadii Kheyre. Bishii May, 2018 ayey si buuxda u ansixisay xukuumaddii Xasan Cali Kheyre sharciga dambiydaa galmada, iyaga oo cadaadis xoogan kala kulmay wasiirada wasaarada Haweenka Soomaaliya. Intaas wixii ka dambeeyay waxa xooga la saaray sidii golaha loo horgeyn lahaa sharcigaasi si ay u meel-mariyaan, xili uu muddo ka meer-meerayay guddoonka goluhu aqrinta sharcigaasi. Ugu dambeyntii maalin-nimadii Talaadadii ayuu golaha ka hor aqriyay guddoomiye Mursal oo ay wajigiisa ka muuqato caro badan oo ku aadan sida uu uga xun yahay sharcigaasi, oo ay ku jiraan qoddobo ka hor imanaya Diinta islaamka. Guddoonka golaha ayaa u muuqda mid gebi ahaanba laalaya meel-marinta sharcigaasi oo si weyn looga yax-yaxay, isla markaana dib ugu celiyay wasaaraddii markii hore soo diyaarisay sharcigaasi. The post Xog: Yaa gadaal ka riixaya ansixinta sharciga galmada ee ka hor-imanaya diinta? first appeared on Caasimada Online.
  19. “Ninba maalintiisuu, Maandeeq gujaystaa.” Abwaan Feerfeer. Saaxiib, horta qoraalkan ka hor, weligaa ma isweydiisay sababta ay Soomaalidu kol kasta u jeceshahay in uu isbeddalo Xukanka Madaxtooyada? Haddii aad joogto Muqdisho, ama Hargeysa, ama Garoowe ama Dawlad-gobaleedyada kale, abidkaa ma ka fekertay sababta Soomaalida meelahaas kala joogta ay kulli isku calool u yihiin oo uur iyo afba uga wada diidaan in uusan ku soo laaban qofka markaa saaran Kursiga Madaxtooyadaas? Anigu waan iska wareystay, waana helay sababta e, bal xoogaa ila soco. Dhallinyaro badan oo aan isku barannay Xamar, ayaa markii la soo doortay Cabdiqaasin Salaad, waxa aan arkay nimankii oo wada yaacay; qaar dhoofay iyo kuwo deeqo waxbarasho ee dibedda ah aaday. Waan la yaabbanaa meesha ay ka helayeen ishan deg-degga ah ee aan la isla ogayn, mar dambse ayaa la ii sheegay in ay ka heleen Madaxtooyadii Cabdiqaasin ilo-xigaalo oo arrimahaas u fududeynayey. Dhallintu, waagaas waxa ay u qeybsanayd dhoof doon iyo waxbarasho doon. Intii dhoof u xiisa qabtay, wafuudda ayaa la raacinayey, intii waxbarasho doon ahaydna, deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya oo idil loogu talagalay baa si gaar ah loo siinayey. Waagaas indhuhu iima fiiqnayne, mindhaa ciddii wax kale doon ahayd oo halkaas loo joogana, waa helaysay. Waagii uu Cabdullaahi Yuusuf (AUN) noqday Madaxweynaha Feederaalka, ayaa nin aan is naqaannay inta maalin ii yimid, waxa uu igu yiri: Saaxiib, safar degdeg ah ayaan Soomaaliya u gelayaaye, waxa aan doonayaa in aan ku macasalaameeyo. Sababta safarkiisa ayaan weydiiyey. Waxa uu ii sheegay in uu u socdo dawladda uu hoggaamiyo Cabdullaahi Yuusuf. Waxa uu iiga warramay in uu adeerki ka mid ahaan jiray Jabhaddii SSDF, uuna dhintay xilli uu Jihaad ku jiray. Waxa uu iiga sheekeeyey, in, haddii uu u tago Cabdullaahi Yuusuf uu jago uga heli karo magaca Muhaajidkaas. Maalintaas aannu ismacasalaamaynaynay, waxa aan u haystay nin riyoonaya oo, xataa waxa aan kula taliyey in uusan safarkaasi ku fududaan, laakiin, nin wax og buu ahaa, oo waa iga saxsaanaa oo, arrintii waa u shaqeysay, waxaana horay looga magacaabay QUNSUL. Marka aan arkay arrintaas, tii Cabdiqaasim baa igu soo dhacday oo, waxa aan goostay in aan si dhab ah ugu fiirsado waxa ka socda Madaxtooyadaas iyo in aan si saxa u darso dadka ka soo horjeeday Cabdullaahi Yuusuf. Waxaa iiga soo baxday u-kuurgalkaas, in Madaxtooyadaas sida shimbirihii u dul heehaabayaan Mujaahidiinta SSDF, inta nool iyo carruurta ama ehalada intii dhimatay iyo dad kale oo wada fursad goob ah oo Buutlaan uga soo hayaamay. Dhamman shaqooyin, jagooyin iyo qansadaarso wada raadis bay ahaayeen. Qofkii doonaya in uu Madaxweynaha la kulmo, waxaa khasab ahayd in uu maro raggiisa, saa si kale kuma arki karo e. Waayadaas, magacyo ayaa la baxshay. Soomaali badan oo arkaysay fursadahaas la iska daldalanayo oo aan la isweydiinayn: yaa naga maqan, ayaa meel walba ka qeylinaysay, ilaa qaarkood Muqaawamadii ku uur noqdeen. Kolka Sheekh Shariif loo doortay Madaxweyne, dadkii uu ugu yiimid Madaxtooyada ee Cabdullaahi ka haray, waa uu kala eryey, waxaa uuna qortay shaqaale cusub oo uu ku soo xulay reer ahaan iyo urur ahaan. Meel kasta oo nacfi lahayd oo qof Cabdullaahi uu ku naasnuujinayey, Sheekh Shariif dadkiisii buu ku beddeshay. Dhammaan qandaraasyadii raggiisii buu ku soo wareejiyey. Dal iyo dibedba, jagooyinkii, Mujaahidiin wada koofiyado qaba ayaa la wada wareegay. Raggiisa mooyee, Soomaali intii kale kama kabbanayn. Inta ladnaadeen ayey xaasaaskii badsadeen oo Sunnadii ku camalfaleen. Waayadaas waxaa baxay magac kale. Aalasheekh haddii aadan ahayn, ama aadan ku tiirsanayn, ama ehelo hoose ahayn, bannaanka in aad joogtaad ku khasbanayd. Ummaddii hal mar bay afka ku qabatay, waxaana bilowday mucaarad xoog badan. Waa tii sidii la isku waday Xukunkii laga tuuray. Xasan Sheekh Maxamuud, mugga uu la wareegay Madaxtooyadii, xaaqin buu mariyey Xigaalo iyo Aalasheekh ba. Ehalo iyo raggiisii oo baannaanka muddooyin ku hornaa oo oommaan baa darkii soo galay. Nin walba meesha uu soo arkoodo ayaa looga cayrinayey ciddii horay u joogtay. Waa tii ay muddo yar gudaheed dubdhacsadeen oo calool kuusan wada yeesheen. Waa tii Soomaali, iyaga mooyee, hal mar la wada dhawaaqay. Waa tii ilaa masaakiintii habaar la wada istaagtay markii la arkay xaalufka dhan walba ah ee ay wadeen xulafadaasi. Waayadaas Damuljadiid magac la yiraahdo ayaa afka lagu wada qabtay. Xataa waxaa la gaaray, haddii aad iska yeelyeesho Dammuljadiid, dukaammadu in ay deynta kuu oggolaadaan. Waa la isugu tagay oo, waa tii haraati-geelle lagu reebay. Sida loo nacay falka nimankaas, waxaa aad looga baqayey, haddii uu Xasan Sheekh mar labaad doorashadaas heli lahaa, in dalka lagu kala tago! Maantii uu Farmaajo xukunka la wareegay, qof walba waa la socdaa in uu sameeyey sidii caadada ahayd oo raggii Xasan Sheekh meel walba furahii laga la wareegay. Gabdho yuuyuuban oo dhar ku dheggan wada qaba iyo wiilal intooda badan dhaladu xiran tahay oo Laabtoobyada kolkolaha ku sita oo magacyo kala duwan ku kala socda ayaa meel walba la wareegay. Dal iyo dibedba wada qabsade. Dadkii Damuljadiidka ku faani jiray in aysan sheegan oo ay caayaan bay noqotay si ay lufluf u helaan. Xulafada Farmaajo wax bay ay uga duwan yihiin kuwii hore. Xulafadii Cabdullaahi Yuusuf haddii la raadiyo, waxaa laga yaabaa in laga helo Majlis, xulafooyinkii Shariif iyo Xasanna, waxaa la arkaa in aad ka hesho Masjid maalin jimce ah, laakiin kuwa Farmaajo, qof yaqaanna oo tagi kara Baararka Xalane moyee, qof kale ma heli karo. Qaarkood, sida la sheegayo waaba ka awood badan yihiin Wasiirrada. Magaca ay la bexeen caksigiisa: NABAR IYO NAXDIN, baa lagu suntay. Waxaa magacaas bixiyey dad barwaaqo ku bataashayey oo ay hal mar, iyaga oo aan ka warqabin, ka afqabteen oo ay ku noqdeen lamafilaan, nabar iyo naxdin isla socota. Ilaa iyo imminkana, kuwii la kediyey oo looga naxsaday baa dadka afka u geliya magacaas. Hadda waxa ay ugu jirtaa oo naaxay xerta Farmajo iyo dadka siyaalo kala duwan ugu xiran. NABAD IYO NOLOL baan ka mid ahay, wax kale iska daaye, hadda, gabar iska socota waad ku mehersan kartaa. Laakiin, waxaa bannaana tuban dad isugu jira kuwa boggau caddaaday oo aan weligood farta malabka gelin iyo kuwa horey darka u soo galay oo wada malafsanaya. Tusaalahan, waxaa la mid ah oo aan ka kaaftoomay, Madaxweyneyaasha Dawlad-gobaleedyada oo iyagana sidaas oo kale, ay tahay ninba maalintiisa iyo raggiisa. Maxaa Axmed-Madoobe dabada loogu dheggan yahay? Maxaad u malaynaysaa akhriste? Bal xoogaa ka sii sheekayso Mujaahidiinta Raaskambooni iyo Muhaajiriinta Soomaali-Galbeed ee Kismaayo sidii Ayaxii ugu degay. Arrinta yaabka leh aya waxaa ay tahay, maalinta Madaxweyne xilka ka dego oo raggiisii, meel kasta oo ay joogaan, fureyaasha laga la wareego, waxaa la arkaa in uu dhaco guur badan iyo furriin badan. Waxaa isla markiiba gabdha Islaameed ku qamaama nimanka Madaxtooyooyinka ku xiran, qaarkoodna gabdhaha ku fasahaadiya lacagta bilaashka ah. Nimanka furayaasha laga la wareegana, waa iska furaan gabdhihii, qaarkood laga yaabo in ay u qarsoonaayeen, dhaqaalihii ay bareen oo ay xammili waayaan darteed. Haddii ay sheeko-sheeko ku ekeydna, waa lagu dhageystaa. Madaxtooyooyinka Soomaaliya looga kala arrimiyo, waxa ay noqdeen isha ugu muhiimsan ee magac iyo maal degdeg ah laga sameeyo. Waa meel ay Soomaali oo dhan isha ku wada hayso oo, qof walba ku taamo in uu mar gaaro ama qof kale gaarsiiyo si uu markiisa uga waraabo, dadkiisa iyo saaxiibbadina gacanta ula geliyaan. Waa meherad musuq oo kooxba maalinteeda ay shidato. Ma jiro madaxweyne halkaas soo maray oo isaga iyo kooxdiisu daahir yihiin. Koox kasta, markeeda, khayraadkaas bay isku koobtaa oo, xataa ugu yaraan fursadaha ma qeybiyaan. Waxba kama dhibcaanba! Ma ahan musuqu hanti la dhiitiyo oo keli ah, xataa waxaa ku jirta fursad-ugu-kala-eexashada ummadda xilkaas ku aammintay, taas oo noqotay arrin ay Madax ciilal hore qabtay kala dhaxlaan. Inta ay maalintaas ugu jirto moyee, inta kale waxa ay sugataa inta uu muddo-xileedkaas dhammaanayo. Kama wada duwana Axmed Dhooyihii busaaradaysnaa oo xoolaha u ciishaysnaa ee walaalkii kula dardaarmayey in uu dulqaato oo maalintooda ay sugtaan. Waa tii ay ka mid ahayd miraha gabaygiisii: SABIR YEELO HAYBOOW MAANTAAN HELNAAN KA HIRQAN DOONNAAYE. Sababta ugu weyn ee ay Soomaalidu u diiddo in Madaxweyne jooga uu soo laabto, ayaa waxa ay tahay, maaddaama uusan jirin Madaxweyne in uu gacan-gode mooyee, aan dhaafi karin dadkiisa iyo xertiisa, in aysan isaga, dadkiisa iyo xertiisuba noqon dabaqad baroosinno aasata oo ku sii dul naaxda, fakata oo aan la soo qaban karin oo sida tan Hindida, sharciga ka saramarta oo dadka hoos u soo eegta iyo in beel gaar ah aysan beelaha kale xukunka ku dhaafin. Sideedaba, Soomaalidu ma oggola in waxa ka dhexeeya dad gaar ah ku naaxaan ama ku saramaraan, laakiin waxa ay oggoshahay in uu ku cirkaas ku tago wax qofi gaar u lee yahay. Waxa aad mooddaa in ay Soomaalidu ku taagan tahay dhabbihii sheekadii caanka Mudug ka ahayd: Reer Muduggii caanaha biraha ku jiray ee ka dhexeeyey ee isku qabsaday, waa tii markii jiq la isku noqday ay ku heshiiyeen in ay ku tookaystaan cantuugo cabbiran. Waa tii gacanqaadkiina joogsaday, nin walbana helay cantoogo uu cidihiisii ku gaaray. Sababta uu Maxamed Siyaad (AUN) u joogay muddo dheer xilka, waxaa lagu sababeeyaa, in qeyb ka mid muddadiisii fursadaha loo waa sinnaa. Qeybtaas lama wada danaynayn kursigiisa, laakiin, marka ay bilaabay nin-jeclaysi, waa tii Madaxtooyada la wada arkay oo, aakhir loogu daatay. Diidmo ay Soomaalidu kaga go`an tahay in uusan ku soo laabadan Madaxweyne jago haya oo isaga iyo dadka uu farqaha ku wato mar labaad u cunaqatayn, waxaa xataa gebagebada maamulkaas dhacda khalkhal-ammaan oo ka dhigan: fadlan, na dhaaf oo ha nagu soo laaban haddii aadan waddanka la rabin fawdo. Waa ka tag waxa naga dhexeeya ee aad adiga iyo raggaagu ladaabanaysaan, intaas ha ku filnaato e. Waa marka ay madaxa la soo baxdo cid kasta oo arrimaha Soomaaliyda si xun u faragelisa. Waa jeerka ay soo noolaato cid kasta oo dawlad-diid ah, ayna helaan dad niyadjabsan oo caraysan oo taageera. Haatan, laga soo bilaabo 2017 kii ilaa iyo inta ka dhimman muddo-xileedka Farmaajo, dadkii dibadda dhoobnaa oo wada qatanaa oo noocwalbaalaha ahaa oo hortooda lagu qaybsanayey shaqoyinka, qandaraasyada, jagooyinka, khayraadka iyo fursadihii dalka oo dhan, ayaa meel kasta qaylo ka wada. Waxa ay u qeylo-dhaaminayaan, waa in ay fulaan Farmaajo iyo raggiisu. Ku-soo-laabasho iska dhaafe, waxa ay la dhawaaqayaan in aan waxyarna lagu darsan. Waxa ay dadka ka maraysaa meeshii ay Xasan Sheekh markiisii ka marayeen. Sidii looga baqayey, haddii uu soo laabto khalkhal-ammaan, dagaallo, xoogeysiga dawlad-diidka iyo kala dhaqaaqa ummadda, ayaa looga baqayaa haddii Farmaajo dheeraysto ama uu soo laabto. Hadda, dadku, dhammaantood ma jecla in uu soo laabto Farmaajo iyo Dhalaxiirtiisu, Xasan Sheekh iyo Damuljadiidkiisu iyo Sheekh Shariif iyo Aalasheekhiisu. Saddexdaba, uurka bay inkaarayaan. Allow kanna na dhaafi, kuwaasina ha nagu soo celin bay salaadaha ka dib ku ducaystaan. Waa dad ay soo wada arkeen oo horey iyo haddaba dalkii gowska saartay, ilaa iyo imminkana la wada maqlayo bashuuqsigooda. Waxa ay dadku raadinayaan Madaxweyne cusub, Ra`isulwasaare Cusub, Wasiirro cusub, Xoghayeyaal cusub, Agaasimeyaal cusub, Safiirro iyo Diblomaasiyiin cusub, si haddii aysan Soomaaliyi Musuqmaasuq deynayn, ummaddu fursadda u soo wada marto, qolobana markeeda u soo wareegto Shaqada, Qandaraasyada, Jagooyinka, Dawladeynta, Buletburuufyada, Hoteello-beriyada, Wafiga iyo Dalxiiska, Badinta Guurka Sunnada ah, Faanka iyo Bootada. SULDAAN NAYRUUS – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: nayruus@gmail.com Page: facebook.com/snayruus AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Maxay Soomaalidu mar walba u danaysaa isbeddelka maamulka madaxtooyada? first appeared on Caasimada Online.
  20. Laba nin oo Soomaaliya oo kiis halis ah loogu xidhay Madaarka Jomo Kenyatta int.Airport Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo ajnabi ah oo rabay inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta, kuwaasi oo si sharci darro ah u dhoofinayey qaad. Warbaahinta gudaha dalka Kenya ayaa ku warameysa in labadaasi nin ay u qabteen saraakiisha garoonkaasi, kadib markii ay shandadahooda ka dhex heleen 25-Kg oo iskugu jira qaad cusub iyo midka nooca loo yaqaano Miirooga. Labadan nin oo magacdooda lagu kala sheegay Barre Aadam iyo Cismaan Maxamed ayaa waxay saraakiisha amnigu ku xireen xili ay ka dhoofi rabeen garoonka Jomo Kenyatta. Barre Aadam ayaa waxa lagu qabtay 20-kg oo ah qaadka nooca loo yaqaano miiroga, kaasi oo uu ku dhex qariyay labo shandadood oo uu watay, sida ay baahisay laanta dambi baarista Kenya. Sidoo kale Cismaan Maxamed ayaa isagana waxay laamaha amnigu ku qabteen 5-kg oo ah qaad markaas un lasoo gooyay, kaasi oo uu si sharci darro ah u qarinayey. “Labo ajnabi ah oo isu diyaarinayay inay dalka ka dhoofaan; Barre Adam & Osman Mohamed waxaa ku xiray JKIA saraakiisha sharci fulinta” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay agaasinka laanta dambi baarista. Waxa sidoo kale qoraalkaasi lagu yiri “Barre ayaa loo qabtay inuu ku dhex qariyey labadiisa shandadood 20 Kgs oo ah Qaad khafiif ah (Miraa) halka Cismaan uu qariyey 5 Kg oo Qaad cuseyb ah”. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay hoyga uu ka dagan yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Taliye Odowaa ayaa wacad ku maray inay dib u furi doonaan waddooyinka ay go’doomiyeen maleeshiyada Al-Shabaab, kadib markii uu madaxweyne Lafta-gareen kala hadlay sidii ciidanka xooga dalku uga qeyb qaadan lahaayeen dib u furista waddooyinkaasi. Odowaa ayaa sheegay in ciidanka xooga dalka ay bilaabi doonaan howl-galo ay dib ugu furayaan waddooyinkaasi go’doonka ugu jira Al-Shabaab, kuwaasi oo muhiim u ah isku xirka degmooyinka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa taliyaha ku bogaadiyay shaqada uu qaranka u hayo, isagoona hoosta ka xariiqay dadaalada uu muddooyinkii dambe uu galiyay howl-galada ciidanka xooga dalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, taliye Odowaa ayaa amar deg-deg ah dul dhigay ciidamada xooga dalka qeybta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, kadib kulanka uu la qaatay madaxweyne Lafta-gareen. Odowaa ayaa ciidamada faray inay qaadan howl-galo ay dib ugu furayaan waddooyinkaasi, oo muddooyinkii dambe go’doon ugu jiray dagaalyahano ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.Odowaa The post Odowaa oo ballan-qaad ku sameeyey kulan uu la qaatay madaxweyne Lafta-gareen first appeared on Caasimada Online.
  22. Magaalo Sacuudiga ku taalla oo la aaminsanaa ‘inay habaar qabto’ Hegra waa magaalo taariikhi ah oo ku taalla waqooyiga-galbeed ee Gacanka Carbeed. Meeshan oo ka tirsan waddanka Sacuudi Carabiya waxaa lagu arkaa waxyaabo iyo raadad ku taariikhyesan xilli aad u fog. Qabaa’il ayaa goobtan ku noolaan jiray kunkii sano ee ugu horreeyay taariikh xisaabeedka BC (dhalashadii Ciise ka hor). Laakiin waxay aad caan ugu tahay haraadiga dadkii boqortooyada madaxa bannaaneyd ee Nabataean-ka iyo qabuuraha dhismaha layaabka leh loo sameeyay ee ku yaalla dhulka lamadagaanka ah. Boqortooyadaasi waxay jirtay qarnigii ugu horreeyay ee taariikh xisaabiyaha BC. Jerome Rohmer, waa khabiir ku xeel dheer taariikhda dadkii hore. Isagoo sharraxaad ka bixinaya waxyaabaha lagu xasuusto goobtan ayuu yidhi: “Dabayaaqadii qarnigii 1-aad ee BC, dadka loo yaqaanno Nabataean-ka ayaa halkan yimid, oo soo dagay Hegra waxayna horumariyeen magaalada, xilligaasna waxay u badan tahay inuu maamulayay mid ka mid ah boqorradoodii ugu waaweynaa ee la odhan jiray Aretas-kii afaraad. Dadkani waxay goobtaas uga tageen dhammaan qabuurahoodii waaweynaa.” Markii ay taariikhdu isbaddaleysay, magaaladan waxay ahayd qeybta ugu muhiimsan dhinaca koonfureed ee boqortooyadii Nabataean-ka, sida uu sheegay Rohmer. “Waxaa lagu tilmaami karaa inay ahayd caasimaddii koonfureed ee boqortooyada Nabataean, halka caasimaddooda ugu weynna ay ahayd Petra oo hadda loo yaqaanno Urdun,” ayuu yidhi. “Halkan waxa ku yaalla qabuuro aad u badan oo lagu sameeyay dhagaxyo la qoday. Qabuurahan waxay la mid yihiin kuwa ku yaalla Petra. Dadka Nabataean-ka waxay isku xidhiidhinayeen Gacanka Carbeed iyo Dunida ku teedsan badda Mediterranean-ka.” Wuxuu sheegay in boqortooyadaas ay wadashaqeyn fiican la lahaayeen maamulladii Roomaanka, Giriigga, Faarisiinta iyo Masaarida. Axmed Alimam, oo ah nin ka sheekeeya taariikhda deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in Hegra ay ahayd meel xuddun u ah isu socodka qaar ka mid ah dadkii isaga kala gooshi jiray gobolka. “Qeybta jirta dhinaca waqooyiga galbeed ee gacanka waxay marin muhiim ah u ahayd safarreydii mari jirtay halkan. Dadkii ka socday Roomaaniyiinta, Giriigga, Cumaan, Yemen iyo cid walba oo halkan si nabad ah ku mari jirtay.” Ayuu yidhi. ‘Meel habaaran’ Muddo aad u dheer ayey dadku aaminsanaayeen in Hegra ay tahay meel habaaran. Sida laga soo xigtay sheekooyinka taariikhiga ah, dadka halkaas dagganaa waxaa si gaar ah ugu dhici jiray dhul gariirro iyo biriqda roobka ama jacda, sababtoo ah waxay caabudi jireen asnaam. Markii ay boqortooyadii Roomaanka qabsatay halkaas, Hegra waxay noqotay magaalo ka tirsan xukunkii Roma. Wax badan lagama oga waqtigii intaas ka dambeeyay, marka laga reebo in dadkii Nabataean-ka ay sii dabar go’een. Badda Cas ayaa qaadatay inta badan dhulkaas, wuxuuna noqday marin ganacsi oo muhiim u ah dunida. Kaddib Roomaaniyiintii waxay ka door bideen inay magaalooyin kale dhistaan. Maanta, Hegra waa goob taariikhi ah oo ay maamusho hay’adda Unesco, waxaana loo tagi karaa dalxiis. Qaran News
  23. Shirka Muqdisho uga socda Madaxda Soomaalida ayaa isfahan la’aan xoogan soo kala dhexgalay kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu sheegey arin ka xanaajisay Masuuliyiintii kale. Inkastoo [...] The post Breaking News— Shirka Muqdisho oo Qarka u saaran inuu burburo appeared first on . Source
  24. The National Union for Somali Journalists (NUSOJ) condemns, in the strongest possible terms, the efforts of the House of the People leadership to censor journalists and strangle free media in Somalia. NUSOJ is shocked and dismayed that the House of the People leadership demanded that journalists delete video material captured during a yesterday’s parliamentary sitting (14 September 2020) on rising sexual and gender-based violence. The material clearly depicts the misogynistic views of Speaker Mr. Mohamed Mursal and First Deputy Speaker Mr Abdiweli Ibrahim Mudey. The latter indicated that he does not recognise the human rights conventions and frameworks that Somalia has ratified. He furthered this despicable remark by stating that he “does not recognise democracy”. The fact that the House of the People leadership are so fervently demanding that the footage be deleted signifies that they are aware that their positions are in direct contradiction to Somalia’s constitution, and a slap in the face to all gains the country has made in regard to democracy and gender equality. The attempt to force journalists to delete evidence of the remarks made is a bold move to prevent the Somali people from knowing the truth and having access to all the information necessary to formulate opinions and make decisions regarding politics or policies. This is the cornerstone of Somalia’s nascent democracy and it is dangerously under attack. Somalia’s parliament should be a space where the values and principles of democracy and human rights are actively upheld through the development and passing of legislation. Parliament is in fact, a space for the people, not a secretive platform where politicians conspire to undermine the gains made towards Somalia’s transition to democratic rule. The union and its member journalists will not stand for this affront to Somalia’s democracy and will expose those who attempt to violate the right to information for all Somali people. Somalia is hugely challenged on the issue of gender equality and sexual violence which is a deep scourge within society. The utterances by the House of the People leadership are deplorable enough but to attempt to circumvent the truth and present a diluted reporting to the Somali people is something the union deeply abhors as it is a deliberate act that goes against what free media stands for. NUSOJ will continue to support Somali journalists and the purity of the material they have amassed through their work and support all efforts to bring the truth, the whole truth and nothing but, to the Somali people. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalinkii seddaxaad uu Muqdisho shir uga socdaa Madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiye Cumar Filish, waxaana jira qodobo la isku hayo oo miiska saran, kuwaas oo wararku ay sheegayaan in la isku mari la’yahay. Agaasimaha Machadka cilmi barista siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Xaashi oo u waramay BBC ayaa soo bandhigay qodobo haatan miiska u saaran madaxda oo ay tahay in xal loo helo. “Tan ugu daran, uguna muhiimsan waxay ka taagantahay, yaa maamulaya doorashada? Waxay u baahantahay dad lagu wada kalsoonyahay, oo dowladda dhexe ku kalsoontahay, maamul goboleedyadu ku kalsoonyihiin, xisbiyada kale ku kalsoonyihiin oo loo qaateen ah,” ayuu yiri Agaasimaha Heritage. Waxa uu sheegay inay jiraan laba su’aalood oo ku xeeran qodobkaas, kuwaas oo kala ah, maamul goboleed kasta waxa uu leeyahay guddi doorasho, “marka guddiga doorashada ee u dhisan maamul kasta miyaa loo xil-saarayaa doorashada deegaanada ka dhaceysa? Mise guddiga madax-banaan ee doorashooyinka oo u soo tababartay doorasho qof iyo cod ah oo hadana waqtigiisu dhamaadka yahay? Waxa uu sheegay in ka Heritage ahaan ay qabaan in guddi isku dhafan, bulshada rayidka ah lagu soo daray oo loo qaateen ah, isla markaana si 100% ah loogu wada qanacsanyahay shaqadan loo diri karo, iyadoo laga faa’iideysanayo hadii ay wax un khibrad ah hayaan guddiyada hadda jira. Sidoo kale Agaasimaha machadka Heritage Cabdirashiid Xaashi waxa uu sheegay in waqtiga haray aan doorasho lagu qaban karin, balse taasi aysan wax weyn aheyn, maadaama sharciyada dalkaba aan lagu dhaqmin 50%, isagoo tusaale u soo qaatay hanaankii loo maray xil ka xayuubintii xukuumaddii Kheyre. “Ra’iisul wasaarihiibaa hadda iyadoon sharci loo marin shaqada laga ceyriyey, guddoomiye Jawaari-baa laga ceyriyay, maamul goboleedyada qaar ayaa doorashooyinkii dhacay ku shubtay, marka Soomaaliya sharci lagama raacdo ee siyaasadbaa badanaa lagu socdaa, hadii marka siyaasad ahaan loo heshiiyo oo la yiraahdo war doorashada ugu macquulsan, ugu dhibka yar uguna xalaalsan aan qabsano oo seddax bilood oo kale dowladan ay ku darsato waa loogu dari karaa, oo haddaba ra’iisul wasaare ma jiro oo mid ku meel gaar ah ayaa shaqadii iska sii wada,” ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi Agaasimaha Heritage. Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/09/cod.mp3 The post Shirka Muqdisho: Maxay yihiin qodobada la isku hayo? first appeared on Caasimada Online.