Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal khasaare geytay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan inta u dhexeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolkaasi. Ugu yaraan illaa 2 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Maleeshiyaadka diriraya ayaa isku heysta arrimo la xiriira dhul daaqsimeed, iyaga oo marar badan ku dagaalamay halkaasi. Xaaladda ayaa haaatan kacsan, waxaana weli is hor fadhiya maleeshiyaadka labada Beel ee ku dagaalamay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  2. Axmed Axmed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay magacaabida Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa Alle uga baryay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay inay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda. Madaxweynaha Jubbaladn ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Ummadda Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan isla marakaana uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsan. Dhankiisa Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa soo dhoweeyey una Hambaliyey Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Lafta Gareen ayaa Ilaah uga rajeeyey Ra’iisul wasaaraha in xilka culus ee loo igmaday uu u fududeeyo. “Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan ugu ducaynayaa in xilka weyn ee culus ee loo magacaabay uu ilaahay ku asturo. Waxaana u rajaynayaa inuu u guto xilkaas si xilkasnimo leh”. Ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. View the full article
  3. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay magacaabida Ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu Alle uga baryay Ra’iisul Wasaaraha Cusub, in uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay inay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda. Qoraalka waxa sidoo kale lagu xusay, in Madaxweynuhuu dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala, si looga dhabeeyo himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan, isla marakan uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsna. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-18092020.mp3 View the full article
  5. Dowladda Kuweytayaa sheegtay in ay ku deeqay lacag gaaray 20 milyan oo doolar oo loogu talagalay in wax looga qabto xaaladda bani’aadanimada ee ka jirta dalka Yemen . Tallaabadaan ayaa timid laba maalmood ka dib markii Qaramada Midoobay ay xasuusisay waddamada Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka, inay waajib ku tahay inay fuliyaan ballanqaadyo dhaqaale oo ay hore u balan qaadeen , dhaqaale lagu caawiyo dadka reer Yemen ee dagaalku saameeyay tan iyo 2014ki. Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Kuweyt Sheekh Axmed Nasser Al-Muhammad Al-Sabax ayaa shalay si rasmi ah u sheegay in dowlada Kuwait ay bixineyso lacagtii ay horay u balanqaaday ,waxayna hadaladaan soo ifbaxeen inta lagu guda jiray shir caalami ah oo ku saabsan dalka Yemen kaasoo lagu qabtay qaabka fiidiyowga ah eea kalfadhiga 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Tan iyo 2014-kii, Yemen waxaa ka socday dagaal u dhexeeya fallaagada Xuutiyiinta ee Iiraan taageerto iyo xoogag gacansaar la leh dowlad uu caalamku aqoonsan yahay iyo isbahaysiga boqortooyad Sacuudi Carabiya hogaaminayso. Tobanaan kun oo qof ayaa la dilay kuwa kalane waa la dhaawacay walina waxaa jira 3.3 milyan oo barakacayaal ah, halka in ka badan seddex meelood meel dadka ku nool Yemen qiyaastii 29 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo ku tilmaamaantay dhibaatada bina’aadanimo ee dalka Yemen inay tahay tan ugu xun adduunka. PUNTLAND POST The post Dowladda Kuweyt oo Yemen ugu deeqday gargaar dhan 20-milyan oo doolar appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay magacaabida Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Waxaa Madaxweynahu uu Alle uga baryay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay inay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda. “Waan Soo dhaweynayaa magacaabida Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxa aan Alle uga baryayaa in Ra’iisul Wasaaraha Cusub uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay in ay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda” ayuu yiri. Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan isla marakaana uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsan. “Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan isla marakan uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsna” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Madaxweynaha DG Jubbaland. Madaxweyne Farmaajo ayaa Xalay ra’isul wasaare u magacaabay Maxamed Rooble kaas oo aan horay loogu arag saaxada ama xaataa saamileyda siyaasadda. Magacaabista Rooble ayaa waxaa ay timid saacado yar uun kadib war-murtiyeedkii arrimaha doorashada kaas oo geedi-u-socodka doorashada ay ka heshiiyeen DF, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Ra’isul wasaaraha la magacaabay waxaa uu ku dhashay Hobyo, Galmudug 1963-dii, waxaa uu leeyahay dhalasho Swedish ah iyo 5 caruur ah, waxaa uuna wax ku bartay jaamacadaha umadda, Royal Institute of technology iyo Jaamacadda Bimingham, waxaa Injineer jidadka iyo horumarinta. Maxamed Rooble waxaa uu horay ula soo shaqeeyey hey’adda shaqaalaha adduunka, waxaa kale oo UNka kala shaqeeyey mashaariic badan oo dalka laga hirgeliyey sida Baydhabo, koonfurta iyo bartamaha, Somaliland iyo meelo, oo lacago badan ay ku bixiyeen UN-ka iyo beesha caalamka. The post Axmed Madoobe oo war kasoo saaray Ra'isulwasaaraha la magacaabay first appeared on Caasimada Online.
  7. Hoggaamiyeyaasha Taliska Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend iyo saraakiil uu hogaaminaayo taliyaga Ciidamada Dalka Faransiiska General François Lecointre,ayaa isku afgartay sii wadista iskaashiga Mareykanka iyo Faransiiska ee dhinaca Afrika . Jeneraal Stephen Townsend, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa yiri “Faransiiska waa saaxiibka ugu da’da weyn Mareykanka waana hogaamiyaha la dagaalanka argagixisada Afrika.” Hogaamiyaasha ayaa sidoo kale kawada hadlay tartanka awoodeed ee dunidu ugu jirto Africa iyo sida dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay u daneynayaan qaaradda. Hoggaamiyaha Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu qiray guushii duulaanka uu hogaaminaayey Faransiiska ee lagu dilay mid ka mid ah taliyayaashii ugu weynaa Al-Qaida, Abdelmalek Droukdal, bishii Juun. Mawduucyada laga hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa mudnaanta ay leedahay qaaradda Afrika, iskaashiga laba dale e Franco-America iyo la dagaallanka ururrada xagjirka ah ee rabshadaha ka wada ee Galbeedka Afrika. PUNTLAND POST The post Taliska Mareykanka ee Afrika iyo militariga Faransiiska oo ka hadlay xoojinta iskaashigooda dhinaca Afrika appeared first on Puntland Post.
  8. Afar sano kadib, in Farmaajo isticmaalo isla nidaamkii doorasho iyo tabtii uu dejiyey madaxweynihii ka horeeyey Xasan Sheekh Maxamuud, oo aan waxba laga bedelin waxay tusaale u tahay sida Farmaajo ay u heshay aragti iyo barnaamij la’aan iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu hungoobeen filashadii laga iibiyey! Qormadan, waxaan ku eegi-doonaa, maxaa keenay in Farmaajo uu sidaasi u fashilmo, qaranka uu dib ugu celiyo tabtii Xasan Sheekh iyo 2016-kii. Farmaajo, Ajendaha iyo Qorshaha Uguma Jirin Qof iyo Cod: Maxamed Cabdullahi Farmaajo xilligii uu murashaxa ahaa waxaa uu khudbad dheer iyo barnaamij ka horjeediyey baarlamaanka federaalka ah. Khudbaddaasi ama ajendihiisa maalinta 1-aadba ugama hadal doorasho oo dhan iska daa doorasho qof iyo cod ahe, taasi oo ku tusineysa meesha uu u socday iyo qorshe la’aanta heysay! Abuuris Filasho oo Been Ah: Farmaajo waxaa uu dadka iyo dalka Soomaaliyeed geliyey filasho, qofkii la socday sida loo soo dhoweeyey doorashadiisa 2017-kii, oo rajo ka lahaa ka qeyb gal doorasho ballaaran, lagama dhaadhicin karin 4 sano iyo 50 qof, hade waa 50 qof ayaa 2020-ka lagu darayaa middii 2016-kii. Guddiga Doorashada Ayuu Fulin Ugu Daray: Farmaajo qaladka kale uu sameeyey waa isaga oo guddiga madaxabbaan ee doorashooyinka qaranka oo ah guddi farsamo u adeegsaday guddi fulin, farahana uga qaaday arrimaha doorashada 2020-ka iyo sidii qof iyo cod lagu gaari lahaa, halkii uu isaga gacmaha la geli lahaa isla markaana uu jiheyn lahaa tiiyo keentay in maanta guddigii xataa la ceyriyo. Ma jirin Rabitaan Siyaasadeed: Farmaajo ma sameyn sharciyada doorashada, waxaa uu la dagaalay dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka, mana laheyn rabitaan siyaasadeed tiiyoo keentay in maanta lagu noqdo 2016. La-dagaalidda Dowlad Goboleedyada: Farmaajo waxaa uu dagaal la galay dowlad goboleedyada Soomaaliya, Puntland ilaa Jubbaland isaga oo si dadban u diiday in awoodda la baahiyo, ma jirin wax uu reebay, taasi oo qeyb weyn ka ah in lagu noqdo 2016-kii. Beesha caalamka, Ma Sameyn La Xisaabtan: Beesha caalamka oo ah kuwa bixiya lacagta iyo amniga doorashada, isla markaana ku wardin jirin qof iyo cod iyaguna waxay ku guuldareysteen iney iska eegtaan Farmaajo, markii ay arkeen in ninkan aanu qorshe laheyn waxay aheyd iney miiska yimaadaan, laakin ma dhicin. Waxaa isweydiin mudan haddii tabtan uu maanta Farmaajo isticmaalayo aanu 2016-kii keeni laheyn madaxweyne Xasan Sheekh, halkee fikrad iyo nidaam doorasho ka keeni lahaa Farmaajo?! Ugu dambeyntii, Farmaajo waxaa guuldarro ugu filan in maanta uu dalka ku celiyey 2016-kii, lana aaday doorasho dadban, waxaana la joogaa xiliigii uu shacabka Soomaaliyeed la hadli lahaa, una sharixi lahaa sababta keentay in dib loogu noqdo 2016, yaase mas’uul ka ah in sidan wax u dhacaan, maxayse tahay in sameeyaan kuwa ka dambeeya si aan 153 codbixiye loo dhihin 2024/2025? W/Q: Cabdicaziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
  9. Sii hayaha ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa u hambalyeeyay ra’isulwasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble ee uu xalay magacaabay madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Waxaan hambalyo u dirayaa mudane Maxamed Xuseen Rooble oo madaxweynaha Jamhuuriyaddu u magacaabay xilka Ra’iisulwasaaraha dalka. Waxaan u rajeynayaa guul iyo in uu Eebbe la garab galo mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.“ Mudane Mahdi Maxamed Guuleed sii hayaha ra’isulwasaaraha dalka ayaa alle uga baryay inuu ufududeeyo xilka iyo howsha culus ee loo igmaday R’aiisul wasaaraha cusub. PUNTLAND POST The post Mahdi Guuleed oo u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweyne Farmaajo ayaa ra’isul wasaare u magacaabay Maxamed Rooble kaas oo aan horay loogu arag saaxada ama xaataa saamileyda siyaasadda. Magacaabista Rooble ayaa waxaa ay timid saacado yar uun kadib war-murtiyeedkii arrimaha doorashada kaas oo geedi-u-socodka doorashada ay ka heshiiyeen DF, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Ra’isul wasaaraha la magacaabay waxaa uu ku dhashay Hobyo, Galmudug 1963-dii, waxaa uu leeyahay dhalasho Swedish ah iyo 5 caruur ah, waxaa uuna wax ku bartay jaamacadaha umadda, Royal Institute of technology iyo Jaamacadda Bimingham, waxaa Injineer jidadka iyo horumarinta. Maxamed Rooble waxaa uu horay ula soo shaqeeyey hey’adda shaqaalaha adduunka, waxaa kale oo UNka kala shaqeeyey mashaariic badan oo dalka laga hirgeliyey sida Baydhabo, koonfurta iyo bartamaha, Somaliland iyo meelo, oo lacago badan ay ku bixiyeen UN-ka iyo beesha caalamka. CV-giisa oo ay aragtay Goobjoog News waxaa uu Maxamed Rooble leeyahay waxaa uu xiriir fiican iyo aqoon igala dhaxeeyaa dowlad goboleedyada iyo Somaliland iyo beesha caalamka, waxaa uuna balanqaadayaa galaangal dhankaas ah. Ra’isul wasaaraha la magacaabay haddii la anisixyo waxaa hortaalla arrimo ay ugu horeeyaan hirgelinta heshiiska doorashada, la shaqeynta labada aqal ee baarlamaanka, horumarinta federaaleynta iyo arrimo kale uu Farmaajo ku fashilmay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Maxaxweynaha way ka dhammaatay isagu inuu markale Guddoomiye isu soo sharaxo. Inta soo hadhay Gar-iyo Garawshiiyo Mawleeyahay Inuu Tartan U Galo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye Mr. Xaashi.? Xeer Xisbi oo loo codeeyay ayaa Madaxweynaha ka hor joogsanaaya inuu markale noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye . 2009-kii Shirkii Burco ayaa midaas lagu ansixiyay marka isaga sharci ahaan qiil uma furna, wuxuuna xeerkaas oo Golaha dhexe u codeeyay dhigaya “In jagada Guddoomiyaha uu baneeyo Madaxweynaha la doortay ” Waa xeer uu KULMIYE dhigtay oo ku heshiiyay. . Inta soo hadhay ee Kaadirka Kulmiye inuu dhex u noqdo ayay ahayd waxaa hadda socda mid taas ka duwan weeye oo aynu ku magacaabi karo dhac iyo boob Xisbi Qaran. Wixiii shalay kula hagaagsana maha inay Maanta kula xumadaan. Waxaan arkaayay dhalinyaro, madaxdhaqameed iyo waxgarad dalbanaaya in aan la afduubin Shirka Xisbiga Kulmiye, dhawaaqyadaasi dhammaantod gar weeye Shalay ayay ahayd markii dhalinyaro iyo haween qiiraysani ay qaylo iyo qaraxyo ku dalbanayeen in Muuse Biixi Cabdi xaq u leeyahay Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye, haddii ay tii shalay gar ahayd oo daw loo arkaayay maxaa dhawaaqa maanta ee Xaashi loo qariib sanayaa. Kulmiye hore ayuu nidaamkii Axsaabta u kufsaday oo qabiil iyo qoqob ummaddii wada dhalatay ee Dalka wada lahayd ku kala irdheeyay, maantana markale ayuu kufsanayaa dimuquraadiyadii, waxaynu maqlaynay weedho xajiin leh oo Wasiir Saajin ka soo yeedhay “Gudabiirsiyow kursiga afraad ku soo kala baxa “. Weedh afka odhaahdiisa ku dhanaan ummadana aan qaban weeye. Dhalinyaradda Hargaysa iyo Burco ka baafinaaya Tartan bilaa afduub ah in hoggaanka Kulmiye loo galo oo laga daayo mido roortaynta waxaan qaba inay gar iyo garawshiiyo u leeyihiin, u dhagoolayntoodu waxay dhawacaysa wixii lawada laha oo awalba Naxash dushii saarna iyo dimuquraadiyadii aynu afka baarkiisa ka sheeganaynay. Hadalku wuxuu ku dhanyahay annagu Xisbiga Waddani haddaanu nahay wuxuu garnaqayagu yahay ” Madaxweynaha iyo inta ku xeerani yaanay Kulmiye oo Xisbi Qaran ah ku gawracin damac indho la’aaneed iyo afduub inaga dhaawici kara himiladii dawladnimo ee Waddankeenu hayaanka ugu jiray..”. Jimce Wanaagsan .. Tusan.. Muniir Axmed Cigaal.. Source
  12. MOGADISHU (Reuters) – Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed has picked political newcomer Mohamed Hussein Roble as prime minister, his office said on Friday, cementing power around the presidency ahead of elections due next year. Roble studied civil engineering and previously worked for the International Labour Organisation, a United Nations agency. He replaces Hassan Ali Khaire, who was sacked in July after a power struggle over whether to delay a national election due next year. Somalia, a Horn of Africa nation that has been riven by civil war since 1991, is coming to a crossroads. An African Union peacekeeping force set up in 2017 has clawed back control of much of the country from Islamist insurgents, giving space for fragile political institutions to emerge. Young diaspora Somalis are coming home and construction in the capital is booming. But corruption is endemic, the peacekeepers have begun reducing their presence, and the Islamist al-Shabaab insurgency still mounts deadly attacks on a near-daily basis, even within the capital. Relations have also been rocky between the federal government and regional states as they quarrel over power and resources. Mohamed – usually referred to by his nickname of “Farmaajo” – is likely to run for a second term as president when polls are held, competing against at least two other former presidents. Somalia’s international backers had hoped to hold the first one-person, one-vote election since the war began, but it is unclear whether that will be possible. Previous national elections have consisted of clan delegates choosing members of parliament, who in turn chose a national leader. (Reporting by Abdi Sheikh; Writing by Duncan Miriri and Katharine Houreld; Editing by Diane Craft and Kevin Liffey) The post Somali president names newcomer Roble premier as elections loom first appeared on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay magacaabista ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, halkaasi oo uu farriin adag ugu diray. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri “Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada, inta kalana waxey kaa rabtaa in aad u dhaxeyso oo aadan dhinacna u dheelliyin, meelmariso fulinta heshiiska doorashada kana fogaato wax kasta oo shaki abuuri kara ama dib u dhac keeni kara, kalana tashato saamilayda siyaasadeed dejinta jadwalka doorashada iyo dhismaha guddiyada.” Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Waxaan soo dhoweynayaa Raysalwasaaraha cusub Injineer Maxamed Xuseen Rooble oo ah nin aan muddo aqaannay, kuna bartay dadnimo iyo wanaag, waxaan Ilaaheey uga baryeynaa in uu la garab galo xilka iyo masuuliyadda uu Soomaali u qaaday. Mudane RW waxaad ku soo aadday xilli adag, xasaasina ah oo ay maalmo kooban ka harsantahay muddo xileedkii dowladda, laguna heshiiyey hannaankii doorashada oo heer Federaal ah. Mudane, waqti badan ma haysatid, waxaadse heli kartaa fursad aad ku reebto raad togan iyo taariikh toolmoon, halbeegga hawshaaduna waa in aad dalka si nabad ah uga talaabisid xilliga kala-guurka ah ee shiidaadiisu badantahay . Waxaad ku soo beegantay xilli dadkii la kala irdheeyey, saamilaydii siyaasadeedna kala aamin baxeen, culayska ugu wayn ee aad wajahayso waa in aad ur u bixiso siyaasadda cakiran, is fahamna ka dhex abuurto siyaasiyiinta kala dhintay. Madaxweynuhu wuxuu kaa rabaa in aad hormuud u noqoto ololahiisa doorashada, inta kalana waxey kaa rabtaa in aad u dhaxeyso oo aadan dhinacna u dheelliyin, meelmariso fulinta heshiiska doorashada kana fogaato wax kasta oo shaki abuuri kara ama dib u dhac keeni kara, kalana tashato saamilayda siyaasadeed dejinta jadwalka doorashada iyo dhismaha guddiyada. Inkastoo xil qaran lagu magacaabay, haddana waxaad meteshaa dad miisaankoodii siyaasadeed maqanyahay iyo deegaan dhibteysan, taasina waxay kaaga baahantahay in aad muuqaal Raysalwasaare iyo mataalad siyaasadeed yeelato, kana feejignaato in aad asxaabtaada iyo dadkaada ka cararto, si aadan beri cidla u soo dhicin. The post Muxuu CC Shakuur ka yiri magacaabista ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble? first appeared on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble. Maxamed, oo 57 sano jir ah, ayuu Farmaajo sheegay inuu ku soo xushay “Aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaranka”. Maxamed Xuseen Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah. Maxaa ka mid ah caqabadaha horyaala? Magacaabidda rai’sul wasaaraha cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jira kala guur siyaasadeed. Waxaa uu dalka ku jira xilli lagu wado in dalka Soomaaliya ay doorasho dadban ka dhacdo. Waxaa shalay lagu heshiiyay qaabka loo marayo doorashada 2020 iyo 2021-ka. Hadaba waxaa rai’sul wasaaraha cusub horyaala caqabada badan oo ay tahay in uu ka gudbo. Rashiid Cabdullaahi Maxamed oo horey u ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa rumaysan in ra’isul wasaaraha waxyaabaha ugu horeeya ee ay tahay in u fuliyo ay ka mid tahay dhaqangalinta heshiiskii maamul goboleedyada iyo dowladda fedaraalka. “Waxaa laga rabaa in uu fuliyo howla uu isaga hadda gadaal ka gaaray ayna ugu horeeyso heshiiskii hadda ugu dambeeyay ee salka ku haya doorashooyinka soo socda,” ayuu yiri Mr Rashiid. Waxaa intaa ku daray in rai’sul wasaaraha cusub sidoo kale looga fadhiyo in uu isu keeno dhinacyada ku kala irdhoobay siyaadda oo uu isku dayo in uu mideeyo. “Waxaa kale oo xiga in siyaasiyan dadka hadda kala irdhoobay oo siyaasadda isaga soo horjeeda inuu isu soo dhaweeyo gaar ahaan mucaaradka iyo dowladda in uu isu soo dhaweey,” ayuu yiri Mr Rashiid. Rai’sul wasaaraha la magacabay Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa sidoo kale ay dad badan ka filayaan in uu hanto kalsoonida shacabka iyo saamileeyda dhanka siyaasadda. “Waa in uu gogol xaar u sameeyo mustaqbalka dhaw arrimaha ku saabsan doorashooyiinka kalsooni na galiyo dadka kale ee banaanka taagan ee maanta daneynaya siyaasadda inay qeyb ka noqdaan markaa in uu howlahaasi oo dhan meelmariy,” ayuu yiri Rashiid Cabdullaahi Maxamed wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya. Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay. Rooble waxa uu haystaa 143 maalmood, taas oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso – waa haddii la meel mariyee – xukuumad dalka ka qabata doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Xigasho: BBC View the full article
  15. The Lake Street Target store that was heavily damaged in riots following the death of George Floyd will reopen in mid-November. Source: Hiiraan Online
  16. As the COVID-19 pandemic landed in Somalia in mid-March, there was rampant anxiety about how the country with one of the most fragile health systems could handle a pandemic that was wreaking havoc in wealthy nations. Source: Hiiraan Online
  17. NAIROBI - Somali money transfer companies moved more than $3.7 million in cash between suspected weapons traffickers in recent years, including to a Yemeni under U.S. sanctions for alleged militant links, according to a report seen by Reuters. Source: Hiiraan Online
  18. NAIROBI - Somali money transfer companies moved more than $3.7 million in cash between suspected weapons traffickers in recent years, including to a Yemeni under U.S. sanctions for alleged militant links, according to a report seen by Reuters. Source: Hiiraan Online
  19. Xalay waxaa gacanta laga galiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Nuqulka Heshiiskii Muqdisho er Doorashada iyo Magaca Raysal wasaaraha cusub si uu ugu gudbiyo Xildhibaanada. Axada [...] The post Gudoomiye Mursal oo loo dhiibay Heshiiskii Muqdisho ee Doorashada iyo Raysal wasaaraha cusub appeared first on . Source
  20. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa si adag uga hadlay dilkii Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo sidoo kale ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta maamulkaasi. Barre oo war qoraal ah soo saaray ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka, isagoona Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Marxuum Nuur Xaashi uu ahaa nabadoon ka shaqeyn jiray wanaaga iyo horumarka dowlad goboleedka HirShabelle. Halkan hoose kà aqriso:- Anoo Ku Hadlaaya Magaceyga, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka WaxaanTacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Nur Xashi Warsame oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay ku dileen Caasimada Hirshabelle ee Jowhar xilli uu kasoo laabtay gudashada waajibka alle ee salaada cishaha. Waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum xildhibaan Nur Xashi Warsame waxaana Alle uga Baryaa inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo. Xildhibaan Nuur Xaanshi Waxa uu kamid ahaa odiyaasha baarlamaanka, waxa uuna ahaa nabadoon mar waliba kashaqeya Wanaaga iyo Horumarka Deegaanka. Ugu dambeyn waxaan Xildhibaanada iyo Masuuliyinta kale ee Dowlada uga digayaa Qataraha Kooxaha Argagaxisada ee naf lacaariga ah ay kageysan karaan Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle, meel ugu soo wada jeesano kooxdaan yar ee caadeysatay Gumaadka Ummadda soomaaliyeed. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada. Maxamed Xuseen Rooble ma ahayn nin ku lug leh siyaasadda Soomaaliya, ama aad loo yaqiin, wuxuuna inta badan la shaqeynayey hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan ururka shaqaalaha adduunka ee ILO. Maxamed Xuseen Rooble waxa uu bishii October 1963-kii ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Waxa uu reer ahaan kasoo jeedaa beesha Sacad ee Habar-gidir. Waxa uu shahaadada heerka koowaad ee Injineeriyadda ka qaatay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale Shahaadada labaad ee Master-ka ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee magaalada Stockholm, Sweden, isaga oo bartay Environmental Engineering and Sustainable Infrastructure. Waxa uu si wanaagsan ugu haldaa luuqadaha Soomaaliga, English-ka, iyo Swedish-ka, isaga oo sidoo kalena wax ka yaqaan luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga. Ka sokow Soomaalinimada, waxa uu sidoo kale haystaa dhalashada dalka Sweden. Waa xaasle aabe ah oo leh oo shan caruur ah. Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu muddo 14 sano ah lasoo shaqeynayey ururka shaqaalaha adduunka ee ILO, oo uu ka qabtay xilal sare oo ay ka mid yihiin heer hoggaanka dalka Soomaaliya ah, isaga oo mudadaas maamulay mashruucyo ay ku kacday lacag ka badan laba boqol oo milyan oo dollar. Ma cadda cid uu si gaar ah ugu xiran yahay marka ay noqoto siyaasadda Soomaaliya, hase yeeshee CV-giisa codsiga shaqada ra’iisul wasaaraha waxaa ku qornaa saddex qof oo tixraac u ahaa, waxaana Soomaali ka ahaa kaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug. Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la magacaabay saacado un kadib markii heshiis laga gaaray arrimaha doorashada, taasi oo meesha ka saartay inuu wax kaalin ah ku yeesho go’aanada la xiriira doorashada, waxaana hadda u taal shaqo ah inuu soo dhiso xukuumad fuliso waxyaabihii lagu heshiiyey. The post Waa kuma Maxamed Xuseen Rooble - Ra'iisul Wasaaraha cusub ee DF Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
  22. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u hambalyeeyay Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa yiri, “Anigoo ku hadlaayo magaceyga iyo kan maamulka gobolka Banaadir waxaan Hambalyo u dirayaa Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay xilka Ra’isul wasaaraha dalka” Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale yiri, “maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka Muqdisho waxa ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ra’isul wasaaraha cusub ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaan sidoo kale u rajeynaaya in uu ilaahey u fududeeyo mas’uuliyada culus ee laguu igmaday. View the full article
  23. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble. Maxamed, oo 57 sano jir ah, ayuu Farmaajo sheegay inuu ku soo xushay “Aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaranka”. Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay. Rooble waxa uu haystaa 143 maalmood, taas oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso – waa haddii la meel mariyee – xukuumad dalka ka qabata doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Bayaanka lagu magacaabay Rooble ee ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayuu madaxweyne Farmaajo ku faray: “In uu deg-deg ku soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho, dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa.” Haddaba waa kuma Maxamed Xuseen Rooble? Maxamed Xuseen Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah. Waxa uu waxbarashadiisii asaasiga aheyd ku soo qaatay magaalada Muqdisho, halkaas oo markii dambe uu Jaacamaddii Ummadda kaga biiray kuliyaddii Injineerinka, oo uu ka qalinjabiyay sanadku markuu ahaa 1990. Maxamed Xuseen Rooble, markii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye waxa uu ku biiray tobannaanka kun ee qof ee u qaxday dibadaha, markaas oo ay u suuragashay inuu galo dalka Sweden. Sanaddii 2,000 ayuu jaamacad ku taal magaalada Stockholm ka qaatay saahadada heerka labaad ee Masters Degree-ga. Maxamed waxa uu markaas wixii ka dambeeyay ka soo howlgalay dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden, isagoo dhowr iyo toban sanadood la soo shaqeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee loo soo gaabiyo (ILO). Sida ku cad nuqul ka mid ah CV-giisa oo BBCda la soo gaarsiiyay, waxa uu ku hadlaa shan luuqadood, oo kala ah Soomaali – lugaddiisa hooyo -, Ingiriis, Swedish, Carabi iyo Talyaani. Maxamed Xuseen Rooble waa nin aanan hore loogu aqoon arrimaha siyaasadda hasayeeshee waxa uu ka soo shaqeeyay arrimaha horumarinka. Maxamed waxa uu siyaasadda ku soo biirayaa xilli doorasho ay waddanka ku soo food-leedahay, arrintaas oo noqonaysa shaqada ugu wayn ee loogaga fadhiyo xukuumadda uu soo dhisi doono, waa haddii la meelmariyee. Wuxuuse ku soo beegmay xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka heshiiyeen nooca doorasho ee uu dalku geli doono iyo habkii loo mari lahaaba. View the full article
  24. Waxaa shalay soo xirmay shirkii u socday madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha dowladda faderalka ah. Shirkaan oo dhowr cisho socday ayaa la doonayay in xal looga gaaro khilaafka hareeyay hannaanka doorashada dalka iyo waqtigeeda. Shirkaan ayaa daba socday midkii Samareeb3. Qodabbadi shirkaas kasoo baxay ayaa waxaa ka biyo-diiday madaxda Jubaland (JL) iyo Puntland (PL) oo horay u qaadacay. Labada diidday heshiiski Samareeb3 iyo shanti gaartay heshiiska labadaasi diideen ayaa mar kale ku kulmay Xamar. Waxaa loo sawirtay labo kooxood oo is diiddan inkasta oo ay kala badan yihiin. Wixii shantu gaartay haddii ay labo diidday, in shantu labada u hoggaansanto iyo labadu soo rujuucdo kay noqon doonto ayaa aad looga doodayay. Yaa badin doono, yaa laga adkaan doonaa iyo kuwee ayay guushu raaci doontaa ayuu murunku ahaa. Shalay ayaa lasoo saaray war-murtiyeed 15 qodob ka kooban oo dhammaan ay wada saxiixeen. Haddaba yay guushu raacday? Taageerayaasha shantu ama aan dhaho madaxweynahu waxay qabaan in ay iyagu guushu raacday. Waxay ku doodayaan dalabaadki JL iyo PL ee ahaa in marka hore raysulwasraare la magacaabo, marqatiyaal caalami ah la keeno iyo middi ugu muhiimsanayd JL ee ahayd in ciidamada dowladda Gedo laga soo saaro iyadoon la fulin ay aqbaleen shirka. Intaas waxay ku dareen in shirkii Samareeb3 aan wax macno leh laga baddalin ee toostoosin kaliya lagu sameeyay si odayaasha loogaga dhigo waji ilaashi. Waxay ku doodeen in qodobka ugu culus ee Farmaajo haystay uu ahaa in wax walba oo soo baxo baarlamaanka la marsiiyo si uu sharci u noqdo. Kaasna waa la yeelay. Dhinaca kale waxay u arkaan in guushu raacday madaxweynayaasha JL iyp PL. Waxay ku doodeen in lagu qasbanaaday in wixii hore eber laga soo qaado oo shirki kow iyo dood cusub laga billaabo; in la yeelay dalabaadkoodi ahaa in dhammaan madaxda maamul goboleedyada ay wada yimaadaan; in la dhimo tirada soo xulaysa xildhibaannada oo laga dhigay 101 oo ay iyagu rabeen; in la dhimay goobaha doorashada; iyo la kala diray guddigii doorashada oo mid cusub oo maamuullada qayb ka yihiin la magacabo iyo inay si cad u muujiyeen in meesha ay ka maqan yihiin aan waxba lagu gaari karin. Labada dhinac waa gar leeyihiin marki qolo qalba muraayadaha ay xiran yihiin lagu eego. Laakiin guusha dhabta ah waxay raacday qarannimada Soomaaliya. Waxaa si dhab ah u guuleystay madaxbannaanida iyo sharafta Soomaaliya iyo dadkeeda. Laba qodob oo kala muhiimsan ayaa guushaan keenay. Kan ugu muhiimsan ee maanta badbaadiyay sharafka Soomaaliya iyo kan madaxweynaha dalka waa in la isku raacay in go’aanka ugu danbeeyo baarlamaanku yeesho. Baarlamaanku waa hay’adda ugu sarrayso dalka. Waa matalaha shacabka. Waa codka dad weynaha. Waa ilaaliyaha maslaxada dalka iyo dadkiisa. Isagoo intaas oo ahmiyad ah leh haddii masiirka dalka lagu dhammayn lahaa shir ay galeen 7 qof oo shirtay waxay noqon lahayd in dalku uusan lahayn baarlamaan matalo waxaana mugdi gali lahaa qarannimada oo dhan. Arrinka labaad ee guusha Soomaali siiyay laakiin kan ka ahmiyad hooseeyo waa in heshiis la gaaray iyadoo aysan ajannabi iyo cid kale goob joog ka ahayn madasha wada hadalka. Arrintaanu waa muhiim marki la eego wixii na soo maray. Sawirradi muragada iyo foolxumada lahaa ee laga qaadi jiray goobaha shirarka Soomaalida ayaan ka badbaadnay. Waa lagu doodi karaa dushaa laga hagayay. Laakiin waxba wax ayay dhaamaan. In lagu dhex fadhiyo oo laguu yeeriyo waxaad dhahayso waxaad dhihi lahaydna lagaa ilaaliyo wax ka daran ma jiraan. Taas ayaan ka badbaadnay. Warki oo kooban guushu waxay raacday Soomaaliya iyo inta jecel. Haddaan si kale u dhaho waa la wada guuleystay. Ibrahim Aden Shire – Waxaad kala xiriiri kartaa Ishire86@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Yay guushu ku raacday shirkii Muqdisho kusoo idlaaday? first appeared on Caasimada Online.
  25. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu Carqaladeeyey Shirkii Dhuusamareeb oo Xili ay Axmed Madoobe iyo Deni usoo socdaan Shirkii Sadexaad ee Dhuusamareeb ayuu soo gabagabeeyey isagoon [...] The post Madaxweyne Farmaajo wuxuu Qodob qodob u fuliyay Dalabkii Madaxweyne Deni appeared first on . Source