Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulka Hirshabelle ayaa soo saaray amar culus oo ku socda milkiilayaasha guryaha iyo hoteelada ku yaalla magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaasi. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar (Baarey) ayaa lagu amray milkiilayaasha inay diiwaan-geliyaan dadka ay guryaha ka kireysanayaan. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-2092020-ok-ok.mp3 View the full article
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya dhaq-dhaqaaqyo cusub oo ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ay saaka ka bilaabeen deegaano ku yaala duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Dhaq-dhaqaaqyadan oo lagu sugayay amniga deegaanadaasi, ayaa daba socday dagaal ay ciidamda guutada 15-aad qeybta 21-aad ku galeen deegaanka Miir-dugul oo duleedka Koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb. Howl-galadan ayaa sidoo kale qeyb ka ah kuwo deegaanada Galmudug looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab, oo dagaal-yahano ka tirsan kooxdaasi ay gacanta ku hayaan. Saraakiisha howl-galkaasi hoggaamineysay oo warbaahinta la hadashay ayaa waxay sheegeen inay Al-Shabaab deegaanadaasi ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah. Muddooyinkii dambe ayaa waxa si weyn looga deyrinayay awooda ay Al-Shabaab ku yeelaneyso Galmudug, tan iyo markii deeganadaasi laga saaray ururka Ahlu-Sunna oo dagaal xoogan uga saaray deegaanadaasi dagaal-yahanada xagjirka ah. The post Warbixin: Maxaadan ogeyn oo ay ciidamada dowladda ka wadaan GALMUDUG? first appeared on Caasimada Online.
  4. Qoyska boqortooyada dalka Sacuudiga oo laba u kala qeybsamay iyo sababta Muran ayaa ka socda gudaha qasriga looga taliyo dalka Sacuudi Carabiya, waxaa su’aal la iska weydiinayaa hadii la macaamilka Israel ay u fiican tahay iyadoo Imaaraadka iyo Baxreyn ay si cad ugu dhawaaqeen xiriirka diblomaasiyadeed ee Israel. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska The Wall Street Journal u sheegay in Boqor Salmaan Bin Cabducasiis uu ku khilaafay wiilkiisa dhaxal sugaha ah ee Mohamed Bin Salmaan in gacan loo taago Yahuudda, waxaana la ogyahay taageerada uu u hayay go’aankii ay horay carabta uga gaartay Israel iyo in la helo dowlad madax banaan oo ay leeyahiin dadka reer Falastiin. Boqor Salmaan wuxuu u muuqdaa mid u jiheysan inuu ku mowqif noqdo Iran oo aan marnaba taageersaneyn sida ay Mareykanka heshiis uga dhex abuurtay dowladaha Carbeed iyo Israel. Waxaa kaloo la fahamsan yahay in boqorka uu aad uga naxay xiriirkii diblomaasiyadeed ee mareykanka uu ku dhawaaqay 13-kii August kaas oo dhexmaray Israel iyo Imaaraadka, waa marka ay ku dhalatay inuu u dhaqaaqo inuu la jaanqaado la taliyayaashiisa iyo sidoo kale dadka ka hadla arrimaha Sacuudiga, taas badalkeeda dhaxal sugaha aad ugama nixin galaangalka Isreal ee dalalka Carabta. Dhanka kale, dhaxalsuge Mohamed Bin Salmaan wuxuu dareemayaa cabsi ku aadan in aabahiis uu laalo heshiis aan dan ugu jirin in lagu yagleelo qaranimo ay Falastiin sameyso, waa sida dadka badi hadal hayaan. Mohamed Bin Salmaan wuxuu si ulakac ah u saxiixay heshiis aan ku cadeyn doorka dadka reer Falastiin mana uusan ogeysiin aabahiis. Israel waxey ogolaatay iney hoos u dhigto dul balaarsiga ay ku heyso Falastiin si ay dib ugu soo celiso xiriirkii kala dhaxeeyay Imaaraadka, waana qeyb ka mid ah heshiiska uu mareykanka garwadeenka ka ahaa. Boqor Salmaan isagoo careysan ayuu wasiirkiisa arrimaha dibadda amray in la cadeeyo xukunka dib u aas-aasidda Falastiin, isagoo aan soo hadal qaadin heshiiska caadiga ah. Xubin ka tirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga ayaa u sheegay wargeys laga leeyahay gudaha Sacuudiga in arintaan ay Imaaraadka Carabta ku cadaadin karto iney Israel ku cadaadiyaan heshiisyo dheeraad ah. Qaran News
  5. GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND OO XAFIISKIISA KU QAABILAY MADAXA XAFIISKA UK EE SOMALILAND Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL Aadam Xaaji Cali ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska UK ee Somaliland Mr Stuart Brown, kulanka ayaa ugu horayn ku bilaabmay is-xog-waraysi ku saabsan xidhiidhka soo jireenka ah ee JSL iyo dawladda UK ay waddaagaan, iyo sidii loo sii wadi lahaa xidhiidhkaasi saaxiibtinimo. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa wakiilka kala hadlay in ay xoojiyaan, siina wadaan kaalmadii UK siin jirtay guud ahaan dalka gaar ahaana, hay’adda garsoorka, iyadoo mar walba Somaliland dhankeeda diyaar u tahay horumarinta hay’adda garsoorka oo dhaqaalaha wadanka ka soo baxa hay’adda garsoorka lagu wado, haddana in ay Somaliland hesho kaalmada ay xaqa u leedahay ee UK Adduunkoo dhan siiso. Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadiyay taageerada ay UK u fidiso hay’adda garsoorka, guud ahaan mucaawinada ay siiso garsoorka iyo hay’addaha kale ee la hal-maala ee soo gala sharciga iyo kala dambaynta (rule of law). Waxa kale oo guddoomiyuhu uga mahadceliyay is-kaashiyadii hore ay dawladda UK ugu fidisay Somaliland, gaar ahaan serfarada (server) loo isticmaalo dacwadaha (case management) oo si rasmi ah shalay ay u soo wareejiyeen, kuwaasi oo hore maxkamaddaha Hargeysa loogu tijaabiyay sidii mustaqbalka dalkoo dhan loo gaadhsiin lahaa, dhaqaalana loogu raadin lahaa. Wakiilka ayaa dhankiisa guddoomiyaha ka waraystay arrinta doorashada iyo arrimaha kale ee wadanka ka socda ee hay’adda garsoorku doorka ku leedahay, waxa kale oo uu uga mahad naqay is-kaashiga wanaagsan ee ay la leeyihiin Hay’adda garsoorka iyo sida haboon ee ay u socoto dib-u-habaynta garsoorku, dadkuna ugu kalsoon yihiin. Waxaanu isla shalay soo wareejiyay serfaradii hore UK ugu deeqday Somaliland.Wakiilka UK ee Somaliland ayaa sidoo kale balan-qaaday sii wadida kaalmadii hay’adda garsoorka ay siin jireen, isagoo uga waramay guddoomiyaha dib-u-habayn lagu sameeyay xafiisyadii UK kaalmada ku bixin jirtay Adduunkoo dhan, kuwaasi oo hore ugu hawl gali jiray laba magac (DFID iyo FCO) halka imika la mideeyay lagana dhigay Xafiiska horumarinta, arrimaha dibada iyo barwaaqo sooranka (FCDO) (Foreign Commonwealth and Development Office) Ugu danbayn waxa uu shirku ku soo dhamaaday is-af-garad iyo in la sii wado wada shaqaynta soo jireenka ah ee u dhaxaysa UK iyo Somaliland. Qaran News
  6. Dalka Uganda waxaa ku nool dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo u jooga arrimo kala duwan,balse waxaa jira dhallinyaro badan oo u istaagay in ay qeyb ka qaateen isku keenista bulshada ,iyagoo Uganda ka aas aasay koox urur ah oo ka shaqeeya arrimaha isboortiga iyo is dhaxgalka ciyaaraha. “Ururkan waxaa loo aas aasay mudo sanad ah waxaana loo hergeliyay,in uu ka shaqeeyo isku keenista bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda iyo in ay ka muuqdaan ururada isboortiga ee ka dhisan Kampala” waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Cumar Cali Maxamuud oo ah guddoomiyaha Ururka isboortiga Wadanka Uganda. Xiriirka Soomaaliya iyo Uganda waa mid aad u wanaagsan waxaana kooxaha ka dhisan Muqdisho u ciyaara xidigo badan oo ka soo jeeda Uganda,wuxuuna guddoomiye Cumar sheegay in arin tahay guul weyn. “Xiriirka dhanka ciyaaraha ee labada dal waa mid bilaaw ah,waxaana rabnaa in la arko tiro badan oo dhallinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo u ciyaara kooxaha ka dhisan Uganda,sida hadaba ay sameeyeen kooxaheena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Cumar Cali Maxamuud. Xiriirka Kubbadda Cagta Wadanka Uganda ee loo yaqaano “FUFA” waa mid ka mid ah kuwa ugu horomarsan dhinaca Qaarada Afrika,waxaana talabadaan falanqeeyaasha ay ku sheegeyn in Dowladdu ay lacago fara badan ku bixiso horomarka iyo tayeenta kooxaha & xulalka kala duwan ee Uganda” ayuu Goobjoog markale u sheegay Guddoomiyaha Ururka ciyaaraha Uganda Cumar Cali Maxamuud. Mr.Cumar waxa uu sheegay in ay wada shaqeyn wanaagsan ay la lee yihiin Xiriirka Kubbadda Cagta Uganda,taasna ay horomar u tahay iyaga,maadaama mustaqbalka ay doonayaan in wixii ay ka faa’ideestaan in ay ku biiriyaan ha’yadaha kala duwan ee isboortiga Soomaaliya iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Dalka. “Waxaan ka qeyb galaan tababaro kala duwan oo loo qabto Ururada isboortiga ee ka dhisan Uganda,waxaan runtii ka faa’idnay macluumaad tiro badan oo la xariirta sharciyada iyo horomarka wuxuuna Xiriirkeena yahay mid joogta” ayuu Goobjoog u sheegay Mr.Cumar Cali. Ugu danbeyntii Guddoomiye Cumar iyo saaxiibadiisa waxa ay fariin u direyn maxada Dowladda iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya,waxayna ku taliyeen in dhaqaalo la geliyo ciyaartooyda matalaysa dalka. “Hadii aan rabno in aan gaarno heerka Uganda waan in Dowladda iyo Xiriirka ay waqti iyo maal ku bixiyaan tayeenta Xulalka kala duwan Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku soo xeray guddoomiyaha Ururka ciyaaraha Dalka Uganda Mr.Cumar Cali Maxamuud. Halkan Ka Daawo Waraysi Ku Saabsan Xaalada Guud Ee Isboortiga Uganda https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/whats-upp-1.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. MOGADISHU (HOL) - Newly appointed prime minister Mohamed Hussein Roble has called on parliament to approve him for the post in his first public address since he was tapped for the job last week. Source: Hiiraan Online
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Itoobiya ayaa sheegay in Berri oo Isniin ah la maxkamadeynayo Siyaasiga Oromada ah ee Jawaar Maxamed iyo 24-ruux oo kale kuna eedeysan waxa loogu yeeray falal argagixiso. Qaarkood ayaa maqanayaal ah, waxaana gacanta Dowladda ku jira shaqsiyaad koobaan oo uu ugu tun weyn yahay Jawaar Maxamed oo mar awood badan ku lahaa Warbaahinta balse u xuubsiibtay dhanka Siyaasadda. Eedeynta ugu weyn ee loo heysto waa in dhimashada 150-ruux, inkasta oo Hay’adda Xuquuqda Aadanaha tirada intaas ka badiyeen, maadaama la qariyay shaqsiyaadka qaar, waxa ay ku dhinteen isku dhac ka dhashay dilka Fannaan kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada oo la toogtay. Dowladda Federaalka Itoobiya oo qiil raadis u ahayd xarigga Jawaar ayaa fursad u heshay, kadib markii taageerayaasha fannaanka iyo ilaaladiisa isku dhac dhexmaray ay ku dhinteen dadka gaaraya 150-ka ruux. Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in maxkamadda awoodda u leh qaadista kiiska loo heysto Jawaar Maxamed iyo shaqsiyaadka kale ee la eedeysan la horgeynayo si ay waano ugu noqoto dadka isu dayaya in ay abuuraan qalaalaase Salka ku haya isir iyo diin. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Maqaal uu ku qoray Wargeyska Economist ee kasoo baxa dalka Ingiriiska todobaadkaan waxa uu ku sheegay in ay jiraan shaqsiyaad kasoo horjeeda horumarka Itoobiya, isla markaana abuuraya nacayb ay ku kala qaybiyaan dadka oo ku salaysan isir iyo diin. Jawaar Maxamed iyo shaqsiyaadka kale ee la horgeynayo Maxkamadda oo taageero muuqda ku leh Itoobiya waxaa laga cabsanayaa in ay rabshad sameeyaan kahor inta aan loo fadhiisan dhageysiga eedaha loo heysto. The post Itoobiya oo dacwada dambi weyn kusoo oogtay Jawar Maxamed iyo xubno kale first appeared on Caasimada Online.
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa u caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan loollanka adag ee u dhaxeeya Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ee kursiga afraad ee Xisbiga Kulmiye ergo shalay u tagtay oo ka socotay Beesha uu ka soo jeedo Cabdiraxmaan Saylici. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ergada Waxgaradka ah ee ka soo jeeday Beesha Saylici, hase yeeshee sida way Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka ag dhowaa kulankaasi, ayaa tibaaxay in Waxgaradkaasi u bandhigeen Madaxweynaha cabasho la xidhiidha sababta tartanka iyo buuqa loo gelinayo kursiga Guddoomiye kuxigeenka Afraad ee Kulmiye ee uu wakhtigan ku fadhiyo Madaxweyne kuxigeenku, iyaga oo ku dooday in arrintaasi kala qaybsanaan keentay. Warku waxa uu intaasi ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u sheegay Waxgaradkan ka socday Beesha Saylici in mowqifkiisu yahay in arrinka Saylici iyo Saajin ay ka odayeeyaan Salaadiinta iyo Waxgaradka labada Beelood ee ay ka soo kala jeedaan, madaama oo ay tahay in iyaga dhex taalla. Madaxweyne kuxigeenka Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga, ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxa dhex taagnaa loollan adag oo dibedda u soo baxay, kaas oo ay ugu tartamayaan Kursiga Guddoomiye kuxigeenka Afraad ee Xisbiga Kulmiye oo la filayo in lagu doorto shirweynaha Xisbigaasi ee bisha dambe dhacaya. Kulamo hore oo lagu doonayey in labadan masuul mid ahaan uu ku tanaasulo, ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday, iyada oo mid walba ku adkaysanayo isaga loo daayo. Source
  10. Kenyan police have apprehended 12 Somalis on Saturday from neighboring Somalia that don”t have valid identification documents along the common border. Joseph Muriuki, Garissa divisional police commander, said that the suspects were placed in Garissa county government vehicle that had the government of Kenya number plates. Adding that they were arrested at the Garissa-Tana Bridge by police officers who asked for their valid work permits. The official said that “the aliens on board aged between 15 and 35 were all men and we were also seeking to know who else could have aided their movement to Garissa and beyond”. View the full article
  11. New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump oo gobolka Minnesota kula hadlayey boqolaal taageerayaashiisa ah ayaa soo qaatay tusaale uu ku liidiyo Soomaaliya, kuna weerarayo musharrax Joe Biden iyo sidoo kale Xildhibaan Ilhaan Cumar. Trump oo marka hore weerar ku qaaday musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee Joe Biden ayaa sheegay inuu doonayo in xerada “qaxootiga Soomaaliya” uu ka dhigo gobolkaasi, si uu aqbalo qaxooti fara badan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray Madaxweyne Trump in Soomaaliya iyo Yemen ay ka mid yihiin wadamada ugu halista badan caalamka, islamarkaana ah gunta argagixisada. Madaxweynaha Mareynka ayaa dhanka kale difaacay tallaabooyinka uu dalkiisa ku soo masaafurinayo Soomaalida, isaga oo ku sifeeyay ‘dambiileyaal’ lagu celinayo dalkooda. “Waa in ay qayliyaan marka ay tegaan wadamadooda, halkaas oo ay ku sameyn karaan dambiyadda halista badan.” ayuu yiri Mr Trump. Dhinaca kale Madaxweynaha Mareynkanka oo sii hadlayey ayaa soo hadal qaaday Ilhaan Cumar oo dagaal siyaasadeed uu kala dhexeeyo, wuxuuna ku tilmaamay xagjir. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay oo uu Trump wax ka sheego Soomaaliya, isaga marar badan badan u soo qaatay tusaale-yaal xun oo liidid ah. The post TRUMP oo mar kale tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  12. Maxamed Xasan Rooble oo Dhowaan uu Madaxweyne Farmaajo u soo jeediyey inuu noqdo Raysal Wasaaraha badali doona Xasan Cali Kheyre ayaa markii u horaysay laga [...] The post Raysal wasaaraha uu Madaxweyne Farmaajo Magacaabay oo Baarlamaanka waydiistey iney aqbalaan appeared first on . Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in la horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, si ay codka kalsoonida ah u siiyaan, una guda galo wajibaadka la saaray. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu beri horgeyn doono Golaha Shacabka Ra’iisul wasaarihiisa cusub, waxaana Ajendaha kulanka uu yahay kalsooni siinta wasiirka koowaad ee xukuumadda. Madaxweyne Farmaajo ayaa baarlamaanka ka dalban doono inay codka siiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee haatan magacaaban saddexda cisho. Maxamed Xuseen Rooble oo xalay farriintiisii ugu horresay soo duubay ayaa Golaha Shacabka, isagoo ka dalbaday inay codka siiyaan, si uu uguda gali shaqada hor taalla. Sidoo kale wuxuu xalay la kulmay guddoonka Golahaasi, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda dalka, qorshaha doorashada, wada-shaqeynta xeer dejinta iyo fulinta. Rooble waa Raa’iisul wasaarihii labaad ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii la riday Mudane Xasan Cali Khayre. Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag, isaga oo ugu horreyn ku dhawaaqi doono liiska golihiisa wasiirada, maadaama xukuumaddii hore ay dhacday. The post Goormee codka kalsoonida loo qaadayaa Ra'iisul wasaaraha cusub? first appeared on Caasimada Online.
  14. (SLT-Hargeysa)-Waxa kor u sii kacaya Ololaha uu Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku Maxamed Xasan Sacad (Saajin) uu ugu jiro inuu hanto kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye. Wasiir Saajin oo tan iyo markii uu dhawaaqay inuu Musharrax u yahay Jagada Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye waday dhaqdhaqaaqyo ayaa Khamiistii waxay kulan qado ah wada yeesheen Xubnaha Ergooyinka Golaha dhexe Xisbiga Kulmiye ee ka mid ka mid ah Beelaha Somaliland. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Wasiir Saajin uu Ergooyinka uu la kulmay uu ka dalbaday in Marka la gaadho Shirweynaha Xisbiga ee bisha dambe ay codkooda siiyaan, si uu ugu guulaysto Jagada Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Lama oga inay Ergooyinka uu la kulmay Cod u ballan-qaadeen iyo in kale, balse kulamada uu Wasiir Saajin la samaynayo Dadka saamaynta ku leh xisbiga Kulmiye iyo Cod-bixiyeyaasha ama Xubnaha Golaha dhexe ee xisbigaasi kuma koobna kuwa uu khamiistii la qadeeyay. Source
  15. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho xubno ka socday ururada Bulshada Rayidka ah. Ururada bulshada rayidka ah ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe ku ammaanay dadaalka uu ku bixiyay sidii loo gaari lahaa doorasho heshiis lagu yahay xilliga kala guurka. Ururada Bulshada Rayidka ah xubnaha ka socday ayaa sheegay inay dowladda iyo dowladaha ay kala shaqeynayaan sidii loo dhammaystiri lahaa waxyaabaha dhiman. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan, kadib markii Kufsi loogu geystay gabar yar oo shan jir ah. Ninka falkan lagu eedeeyey oo baxsaday ayaa la sheegay inuu xaafadda degan yahay, islamarkaana uu gabadha yar qabsaday, kadibna uu fara-xumeeyey. Gabadha yar oo ay haatan liidato xaaladeeda caafimaad ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka Digfeer, sida ay sheegeen xubno ka mid ah qoyska dhibanaha. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in baaritaan caafimaad oo lagu sameeyey, kadib natiijada lagu ogaaday in gabadha la Kufsaday. Qoyska ayaa sidoo kale madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay inay cadaalad helaan, si maxkamad loo soo taago ninka geystan falkaasi arxan darrada ah. Kiiskan oo dad badan la yaab ku noqday ayaa waxaa si aad looga hadal hayaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo baraha bulshada oo ay dadweynuhu ku wada xiriiraan. Waa Kufsigii labaad oo ilmo yar loogu geysanayo todobaadyo gudahood Caasimada, waxaana aheyd dhowaan markii wiil yar Kufsi loogu geystay degmada Shangaani. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey dhacdooyinka Kufsiga ee Soomaaliya, waxaana ay arrimahan ay dhacayaan, iyada oo ay weli taagan tahay dhacdadii Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo dil iyo Kufsi loogu geystay magaalada Muqdisho. The post Gabar 5 sano jir ah oo Kufsi loogu geystay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  17. Wararka ayaa sheegaya in saacadihii tagay kufsi kale uu ka dhacay caasimadda Muqdisho, markan waa gabar saqiir ah oo 5 jir ah, Samiira Yuusuf Maxamed ayaa la sheegayaa in lagu kufsaday Waaxda Faanoole, oo ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho iyada oo ninkii fara xumeeyeyna uu baxsaday. 12-kii bishan ayey aheyd markii la weriyey in wiil yar lagu kufsaday xaafadda Djibouti ee degmada Shingani, wiilkan waxaa uu jiray 10 sano. 11-kii isla bishan waxaa inta la kufsaday, dabaq laga tuuray gabar 19 jir aheyd, waa Xamadi Maxamed Faarax, in ka badan 5 qof ayaa loo hayaa kiiskeeda. Arrimahan kufsiga ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho xilli hindise sharciyeed la xiriira kufsiga uu yaalo golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Axsaab badan oo Mucaarid iyo Muxaafid-ba leh ayaa luuqa isoo dhigay fariimo daba socda maqaal aan ka qoray Maxamuud Xaashi, waxayna xasuus iigu celinayeen waayihii uu Wasiirka Madaxtooyada aha iyo wixii na kala gaadhay, qaar kale waxay liqi wayeen maxa Waddani iyo tageerayaashiisa ka galay siyaasadda Xisbiga KULMIYE iyo cidda Indhaha loo camudeeyay, raggan ay u doodayaan miyaanay ahayn kuwii ay isa seegeen ee Xisbiga WADDANI riday . ?? “Jawaab waafiya”.. Tusaale qudha ayaan idinsiinaya oo nool. Wasiirkii Maaliyada Xukuumaddii Daahir Rayaale, Ambassador Cawil Cali Ducaale waxaynu mooodi jirnay amma Dad badani u haysteen haddii mar-uun uu Siilaanyo Xukunka qabto in Cawil waxa ku dhaca la yaabi doono. Siilaanyo agtiisa ayuu fadhiisiyay Cawil Cali Ducaale Xil iyo Mushaharana waabu ugu daray oo Wadahadaladi Somaliland iyo Soomaaliya khabiir u qaabilsan ayuu aha. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose markii Ururkii SAHAN soo bixiwaayay 2002-dii, doorashadii Madaxtooyada ee 2003-gii wuxuu tageeray oo ciidankiisi tageerayaashisi iyo degaanadi looga codeeyayba uu ku shubay Xisbigii UDUB iyo Murashaxiisi Daahir Rayaale Kaahin. Wuu la dagay Axmed Siilaanyo waanu ka shaqeeyay riditaankiisi, misana amarka Illaahay doorashadii kuxigtay 7-sanno kadib 2010-kii ayuu la shaqeeyay Siilaanyo markii guushi timina Wasiirkii ugu waynaa Xukuumadda oo ah Wasiirka arrimaha gudaha ayuu Axmed Siilaanyo u magacaabay Dr. Gaboose. Waa isla laba dhacdo oo isku xigay. Eng: Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu khayriyada Hargaysa kaga khudbadeyay “Sidii SNM ay u shaqayn jirtay Xisbiga UDUB ayaa u shaqaynaaya ee u codeeya ” Iyadoo saxiibki Siilaanyo sharaxanyahay ayuu ka shaqeeyay sidu kursiga u waasiin laha waanu riday Siilaanyo 2003-gii . Misana doorashadii ku xigtay ayuu la shaqeeyay markii Axmed Siilaanyo guushi helay wuxuu Eng Maxamed Xaashi Cilmi u magacaabay Wasiirkiisi Maaliyada . Eesh qiyaasak siyaasaddu colaad maleh Hebel ayaa Shalay i xumeeyay maleh ileen lacag umaad dhiibane Maanta ayuu kula shaqaynayaa ka faaiidayso . Warku wuu Boowe ku dhanyahay Shalay iska ilow Maanta la qabso . Tusan . Muniir Axmed Cigaal. Source
  19. Ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid is xog-wareysi ah ayaa waxuu u dhexeeyey Ra’iisul wasaaraha cusub, guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa 1-aad ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey. Sidoo kale waxaa kulanka ka soo muuqday sii hayaha wasiirka Cadaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji. Wararka ayaa sheegaya in kulanka lagu soo qaaday arrimo la xiriira kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha cusub oo hortagi doono baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa 18-kii bishan Ra’iisul wasaare u xushay Maxamed Xuseen Roobe oo ah aqooyahan ku cusub saaxadda siyaasadda, wuxuuna bedalayaa Xasan Cali Khayre oo codka kalsoonida ay kala noqdeen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. Haddii uu codka kalsoonida ah ka helo Baarlmaanka, Rooble waxaa horyaallo shaqooyin culus oo ay ugu horreyso doorashada 2020 illaa 2021-ka. View the full article
  20. Ciidamada amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee caasimadda u ah maamulkaasi. Howlagallada ayaa guud ahaa kuwo laga sameeyey xaafadaha ay ka kooban tahay Kismaayo, ciidamada ayaa inta ay howlgalka wadeen waxaa ay kusoo qabteen tiro dad ah kuwaas oo u badnaa dhallin yaro oo gaarayey 500 ruux. Gaashaanle Warsame Axmed Geelle hoggaaminayo howlagalka ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedka uu yahay xaqiijinta amniga magaalada, waxaana uu intaas ku daray inuu howlagalladaan ay sii socon doonaan inta laga xaqiijinaayo ammaanka guud ee magaalada Kismaayo. Howlgalladaan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay ku soo aadayaan iyadoo dhowaan uu ka dhacaymagaalada qarax ismiidaamin ah, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland Raabi Kaahin iyo arday ka tirsanaa kuwii galay kaalmaha sare ee Imtixaankii qaranka 2019-2020-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa ka gudbisay dacwado argagixiso oo ay ku soo oogtay maalqabeenka caanka ah iyo siyaasiga mucaaradka ee kasoo jeeda qowmiyada Oromada, Jawar Mohammed. Jawar, oo ah aasaasaha shabakada warbaahinta Oromiya isla markaana xubin ka ah xisbiga Oromo Federalist Congress, ayaa la qabtay bishii June xilli ay socdeen rabshado baahsan oo ka dhashay dilkii heesaaga reer Oromo ah Haacaaluu Hundeessaa. Jawar iyo 22 dhaqdhaqaaqe, oo uu ku jiro hogaamiyaha mucaaradka ee Oromada Bekele Garba, ayaa waajahaya dacwado la xidhiidha ku xad gudubka sharciyada ladagaalanka argagixisada, isgaarsiinta iyo hubka. Eedeesanayaasha ayaa hortagi doona maxkamada maalinta Isniinta si ay uga jawaabaan dambiyada loo soo jeediyay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Ethiopia. Jawar oo hore xulufo ula ahaa raiisul wasaare Abiy Ahmed ayaa door weyn ku lahaa mudaharaadkii oromada ee Abiy xukunka ku helay 2018. Laakiin wuxuu markii dambe kamid noqday dadka dhaliila siyaasada Abiy Ahmed, isaga oo ku eedeeyay inuu ilaalin waayey danaha Oromada. Source