-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Sacada-20092020.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Bushkhad ay ku jirtay sunta loo yaqaanno Ricin, oo loo soo diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa gacanta lagu dhigay ka hor inta ayna gaadhin Aqalka Cad, sida ay saraakiil u sheegeen warbaahinta Mareykanka. Laanta dambi baadhista Mareykanka ee (FBI) iyo ciidammada gaarka ah ee ilaaliya madaxwaynaha ayaa waxay baadhayaan halka ay bashqadani ka timid iyo inay jiraan bashqado kala oo lagu soo diray boostooyiinka Mareykanka. Booliiska dalka Canada ayaa waxay dhankooda sheegeen inay la shaqaynayaan FBI Mareykanka si loo baadho “warqdan laga shakisan yahay ee loo soo diray aqalka cad”. Hadii uu qofka isticmaalo suntan loo yaqaano Ricin waxaa uu u dhiman karaa muddo 36 saacadood ilaa iyo 72 saacadood, iyada oo ay ku xidhan tahay inta uu qofka ka isticmaalay, sida ay sheegtay xarunta ka hortaga iyo xakameynta cudurada ee Mareykanka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Shanaad ayaa si buuxda u taageertay oo kalsoonideeda siisey Ra’iisal wasaaraha cusub ee dhawaan uu magacaabay madaxweyne Farmaajo, Maxamed Xuseen Rooble, sida ay shaaciyeen xildhibaanada beeshaasi. Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Sii-hayaha Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga ayaa goordhoweyd shaacisay in Ra’iisal wasaaraha cusub uu heysto kalsoonida mudanayaasha Beesha Shanaad ugu jira labada Aqal, kadib markii ay maanta kulan bogaadin iyo taageero ah la qaateen Ra’iisal wasaaraha cusub. Beesha Shanaad ayaa waxa siyaasad ahaan hogaamiya guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Muudey oo la rumeysan yahay inuu kamid yahay mas’uuliyiintii madaxweyne Farmaajo ku riixay inuu xilkan u magacaabo Ra’iisal wasaare Rooble. Khadiija ayaa arrinkaasi ku shaacisay qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook, kaasi oo u dhigna sidan: “Wuu heystaa kalsoonideena beel-ahaan” Annagoo ah mudanayaasha 2-da aqal ugu jira beesha 5-aad ayaan la kulanay ra’iisul-wasaaraha cusub ee dalka, waxaana u muujinay soo dhaweyn iyo garab-istaaga kalsoonisiintiisa golaha shacabka baarlamaanka JFS. Gudoomiye Abdiwali Ibrahim Sheikh Muudey Villa Hargeysa ayaan la aadnay PM Rooble waxaana kula soo noqonay isla hogaamiyaheena siyaasadda ee beesha ahna hogaamiyaha aqlabiyadda golaha ahna gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka baarlamaanka JFS Maashaa Allaah tabaarakalaahu”. Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu hortago golaha shacabka si loogu qaado codka kalsoonida, xili ay xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanku ay taageero badan u muujiyey. Rooble ayaa kusoo aadaya xili muddo kooban ay ka hadhsan tahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, isla markaan uu dalku u diyaar garoobayo galida doorasho dhowaan laga gaaray heshiis rasmi ah, wallow ay dul hooganayaa dhaliilo badan. The post Ra'iisal Wasaaraha cusub 'oo kalsooni buuxda ka helay' beeshii ugu horreysay first appeared on Caasimada Online.
-
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Fedeaalka ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha magacaaban mudane Maxamed Xuseen Rooble. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha iyo xildhibaannada wehlinayay ayaa ra’iisulwasaaraha magacaaban u hambalyeeyay una muujiyay taageero iyo garab istaag. Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble oo aqbalay xilka uu madaxweynaha JFS u magacaabay ayaa golaha shacabka weydiistay iney siiyaan codka kalsoonida, taas oo u suura galinaysa inuu soo dhiso xukuumad cusub. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegey in Heshiiskii Muqdisho ee Doorashada uu yimid xiligii ku haboonaa uuna Dalka ka badbaadiyey burbur iyo dib u dhac. Heshiiskii [...] The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur “ Madaxweynayaasha DG waan ka raali galineynaa Hadaladii deelqaafka lahaa ee Madaxweyne Farmaajo” appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha cusub ee dhawaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kulankaasi ayaa u daarna taageero iyo hambalyo ku aadan xilka uu Farmaajo u magacaabay Rooble, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray kulankaasi. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo Xildhibaanada ku wehlinayay kulankaasi ayaa Ra’iisal wasaaraha cusub bogaadiyey, iyagoona si kal-furan usoo dhaweeyay. “Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xildhibaanno ka tirsan BFS ayaa la kulmay ra’iisulwasaaraha magacaaban mudane Maxamed Xuseen Rooble” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa kale oo lagu yiri “Sii hayaha RW & xildhibaannada wehliyay ayaa RW magacaaban u hambalyeeyay una muujiyay taageero garab istaag”. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya uu ka bilaabay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu ku rabo in baarlamaanku uu siiyo kalsoonida. Maxamed Xuseen Rooble ayaa tan iyo xalay kulamo ula qaatay siyaabo kala duwan xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baaralamanka Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale la kulmay, guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Maalinta berri ah oo Isniin ah ayaa lagu wadaa inuu hortago, golaha shacabka Ra’iisal wasaaraha cusub, si ay codka kalsoonida ugu qadaan xildhibaanada goluhu. The post Sawirro: Ra'iisal Wasaaraha magacaaban oo la kulmay Mahdi iyo xildhibaanada BF first appeared on Caasimada Online.
-
Sun loo waday madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump oo la qabtay Aqalka cad ee Mareykanka Bashkhad ay ku jirtay suntan loo yaqaanno ricin, oo loo soo diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa gacanta lagu dhigay ka hor inta aysan gaadhin Aqalka Cad, sida ay saraakiil u sheegeen warbaahinta Mareykanka. Warqadani ayaa lagu qabtay horraantii toddobaadkan goobta lagu baaro warqadaha lagu soo diro boostooyiinka ee qalaka cad, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi. Waxay saraakiisha intaa ku dareen in walxaha laga dhex helay bashqadaasi la sheegay in ay yihiin suntan loo yaqaano Ricin oo ah sun dilaa ah. Maaamulka madaxwayne Trump ayaan wali ka hadlin arrintani. Laanta dambi barista Mareykanka ee (FBI) iyo ciidamada gaarka ah ee ilaaliya madaxwaynaha ayaa waxay baarayaan halka ay bashqadani ka timid iyo in ay jiraan bashqado kala oo lagu soo diray boostooyiinka Mareykanka. “Xilligan ma jirto halis ku soo food leh dadwaynaha ,” waxaa sidaasi telefishinka CNN u sheegay saraakisha FBI. Mid ka mid saraakiisha ayaa u sheegay wargeyska New York Times in bashqada ay walxaha sunta ku jirtay laga soo diray dalka Canda. Wararka qaar ayaa sheegaya in suntan loo yaqaano ricin la xaqiijiyay ka dib tijaabo ay sameeyeen saraakiisha laanta dambi barista ee FBI. Booliiska dalka Canada ayaa waxay dhankooda sheegeen inay la shaqaynayaan FBI Mareykanka si loo baaro “warqdan laga shakisan yahay ee loo soo diray aqalka cad”. Wa walxo dilaa ah oo haddii la liqo ama uu qofka sanka saarto ama lagu duro sababi kara, yaq-yaqsi, mantag, dhiig gudaha kaaga furma iyo waliba xubnaha jirkaaga oo shaqada gaba. Hadii uu qofka isticmaalo suntan loo yaqaano ricin waxaa uu u dhiman karaa muddo 36 saacadood ilaa iyo 72 saacadood, iyada oo ay ku xiran tahay inta uu qofka ka isticmaalay, sida ay sheegtay xarunta ka hortaga iyo xakameynta cudurada ee Mareykanka. Miraha loo isticmaalo si loo sameeyo sunta Ricin Xaruntan ayaa sidoo kale sheegtay in suntan loo isticmaalo shirqoolada argagixisda islamarkana laga sameyn karo hub marka ay budada tahay. Horay waxaa suntan loogu soo diray aqalka cad iyo dhismooyiin kale oo ay dowladda fedaraalka Mareykanka leedahay. Sanaddii 2014, nin ku noolaa gobolka Mississippi ayaa lagu xukumay 25 sano oo xarig ah ka dib markii warqadan suntan Ricin la soo mariyay uu u diray madaxwaynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo saraakiil kale. Qaran News
-
MOGADISHU (HOL) - In yet another case of sexual violation in Mogadishu, a five-year-old was Saturday raped in by a neighbour barely a week after two other cases were reported in the city. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in isniinta uu ra’isul wasaaraha magacaaban horgeeyo golaha shacabka ee baarlamanaka si loo anisixyo. Dhanka kale, ra’isul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa la arkayey saacadihii tagay isaga oo kulamo la leh guddoonka golaha shacabka, qeybo ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirradii xukuumaddii dhacday. Dadka la socdo xaaladda dalka, waxaa ay dhaqdhaqaaqan ku tilmaameen mid Rooble isku barayo, kalsoonina uga raadsanayo golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ku: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ku: Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweynaha Puntland Ku: Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbaland Ku: Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Ku: Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Hirshabeele Ku: Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Galmudug Ku: Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir SALAAN Kolka hore salaan sharaf, milge iyo maamuus gobannimo baan idinku salaamay, ASCW. Ma is weydiisay? Haddiiba ay dhacdo inaad isweydiinayso waxa kalifay soo-jeedinta taladan, ama aad ka shaki qabtid talo madaxda loo jeediyaa waxay tari karto, waxaad ila eegtaa sheekadan kooban. Ninkii Wiilashiisa Uga Tagay Dardaaranka Waxaa la sheegay in uu nin 3 wiil oo uu dhalay uga tagay hanti badan. Waxaa uu si gaara uga tagay dardaaran qoraal ah isaga oo ka codsaday inay warqadda furaan goortii uu dhinto. Markuu dhintay bay wiilashii warqaddii dardaaranka fureen. Waxaa ku qoran in uu si gaara ugu qaybiyey 17 geela oo hantidiisa badan kamida waxaana uu ku dardaarmay in wiilka ugu weyn la siiyo kala bar 17ka geela ah (1/2), wiilka xigana la siiyo saddex-meelood meel (1/3) wiilka ugu yarna sagaal-meelood meel (1/9). Haddaba, xisaab ahaan way suurtoobi wayday inay wiilashii 17 geela kala bar u qaybiyaan, ama saddex-meelood u kala qaybiyaan, ama sagaal-meelood u kala qaybiyaan. Muran iyo khilaaf xoogan baa soo dhex galay wiilashii waxaana ay ka gaadhay meel daran. Ka bacdi waxay ku heshiiyeen inay isula tagaan cid kala saarta waxaanay isula tageen nin xikmad badan. Ninkii si fiican buu u dhagaystay wiilashii waxaana ay isla xisaabiyeen qaybtii geela iyo dardaarankii oo noqday sidan: • Markii 17 geela 2 meelood loo qaybiyey waxay wiilka weyn qaybtiisii noqotay 8.5. • Markii 17 geela 3 meelood loo qaybiyey waxay wiilkii labaad qaybtiisii noqotay 5.66. • 17 geela 9 meelood loo qaybiyey wiilkii ugu yaraa waxay qaybtiisii noqotay 1.88 Kolkii xisaabtii sidaa u adkaatay baa waxgaradkii fekeray oo arrintii rog-rogay, xisaabtiina caqli ku daray. Waxaa uu xoogga saaray in uu keeno xal wada-ogol ah, waqtina waa galiyey. Ka bacdi waxa uu yeelay sidan: • 17kii geela ahaa waxa uu kusoo daray neef geela oo uu isagu leeyahay waxayna isku noqdeen 18 geela. • Ka bacdi 18kii geela ahaa waxa uu u qabyiyey 2 qaybood oo middiiba noqotay 9. Markaasbuu wiilkii weynaa siiyey 9 neef oo geela. • Haddana 18kii buu u qaybiyey saddex meelood meel oo noqotay 6. Markaasbuu wiilkii labaadna siiyey 6 neef oo geela. • Haddana 18kii buu u qaybiyey sagaal-meelood oo meeshiiba noqotay 2. Markaasbuu wiilkii saddexaadna siiyey 2. • Marka intaa laysu geeyo waxay noqdeen 17 geela (9+6+2). • Isna neefkiisii oo u soo hadhay buu kaxaysay halkaasna waxaa uu ku xalliyey khilaafkii loo maaro la’aa. Waxaa weliba xusid mudan, in wiilashii mid kastaa helay intii markii hore xisaab ahaan ugu muuqatay in ka badan. Sidaa darteed, inkastoo ay madaxdu yihiin kuwa shiraya ee mushkiladaha xallinaya, haddana waxa muuqata in haddii talo lagu daro ay wax weyn u tarayso, iyadoo weliba aan talada lagala waraygaynin laguna qasbaynin ayna dhici karto intii ay danta u arkayeen wax ka badan inay ka faa’iidaan. Hordhac Wax la is jiidjiidaba, si loo maareeyo khilaafyada beryahan taagnaa, waxaa aakhirkii la isugu yimid Caasimadda Muqdisho oo gogol wada-hadal u taallaa Madaxda Soomaaliya ugu saraysa oo aan cid ka maqnayn si loogu gorfeeyo xalna looga gaadho arrimaha siyaasadeed ee ku gedaaman doorashooyinka soo socda. Waxa aan meesha ka madhnayn turxaan bixin tabashooyin siyaabo kala duwan loo kala tirsanayo. Waxaa indhaha iyo dhegaha in ka badan 20 milyan oo Soomaali ah oo Geeska Afrika iyo daafaha dunida, iyo weliba dhammaan beesha caalamka inta arrimaha Soomaalida danaysaa kusoo maqan yihiin Muqdisho, iyadoo la filayo in aad shan (5) xaaladood ama maxsuul midkood kusoo dhammaysaan arrimaha idin hor yaalla. Shantaas oo kala ah: 1aad: In qaarkiin la muquuniyo, la cadaadiyo oo la jiidhsiiyo xal aanay iyaga iyo inta la jirtaa raalli ku ahayn. 2aad: In qaarkiin tanaasulaan oo gebi ahaanba ka laabtaan mawqifyadii ay ka taagnaayeen arrimaha idin horyaalla. 3aad: In aad wax xal ah isla gaari waydaan, xaqiiqda ka warwareegtaan oo indhaha ka qarsataan qodobada masiiriga ah oo aad wax qabyo ah iyo af-gobaadsi ku kala tagtaan. 4aad: In aad isu-tanaasul samaysaan, meel dhexe isugu timaadaan oo mid kastaa kasoo kaco halkii uu taagnaa. 5aad: Iyo in aad gaartaan xal isla-ogol ah, danihii aad matalayseen ka wada muuqdaan, wada guulaysataan isla markaana raalli ku wada tihiin idinka iyo inta idin kala taageersaniba. Shantaas maxsuul midkastaa cawaaqibkiisa ayuu leeyahay. Cidhibtiisa dambena waxaa u aayidoona ummadda Soomaaliyeed ee aad waqti xaadirkan wakiilka uga tihiin masiirkooda. Shantaa xal mid kastaa wuxuu ku haboon yahay waqti iyo xaalad gaara. Waqti xaadirkan midka ku haboon iyo saddexda sheekoo ee hoos ku qoran is qabadsiintooda ayaa idiin taalla. Allah ha idinku garab galo. Iyadoo ay sidaa tahay oo intaa midkood la idinka sugayo, waxaa isla hadda la saadaalin karaa shantaa xal midka aad dhankiisa u jarjeedhaan. Tusaale ahaan, haddii la idinka arko idinka oo doodaya, xaaladda qiimaynaya, isku miisaamaya mawqifyada aad kala taagan tihiin, u diyaara in aad wax ka tanaasushaan, markaa waxaa la odhan karaa maxsuulka 4aad baa ifafaalihiisu idinka muuqdaan. Haddiise la arko idinka oo afeef-dhigashadu idinku badan tahay, kolba qodob aan meesha qaban la imanaya, carqalaad abuuraya, tiinu idiin caddahay markaasna in aydaan xal la gaaro diyaar u ahayn baa muuqanaysa oo maxsuulka 1aad ah. Dhanka kale haddii la arko idinka oo is-dhagaysanaya, degdeg aanuu idinka muuqan, ku dedaalaya in aad fahamtaan dhinac qofka kale ka fiirinayo, garawshiiyo muujinaya oo hadallado xanaf-tiran ku hadlaaya, markaasna in aad maxsuulka 5aad xagiisa u socotaan baa muuqanaysa. Dabcan waxaa intiinaba saamayn idinku leh arrimaha ay kamid yihiin dabeecadihiina, rabitaannadiina shaqsiga ah ama wadareed, dadka idinku xeeran iyo heerta saamayntooda, masuuliyadda iyo xisaabtanka aad ka filaysaan dadka. Dhanka kale, dadka idin dhowryada laftoodu waxay u qaybsamaan dhawr qaybood. Kuwo mid-mid idiin taageersan oo aaminsan in aad marwalba dantooda matalaysaan. Kuwo mid-mid idiinka soo horjeeda oo aaminsan in aad liddi ku tihiin danahooda. Iyo kuwo meel dhexe taagan oo idinku qiimaynaya hadba sida ay danta guud idiin ku weyn tahay ee ay idiin ku yar tahay danta deegaan gaara, koox gaara ama tiinuba. Sababta oo ah, si kastoo aad maanta uga soo kala jeedaan deegaammo, beelo ama xisbiyo, ajandaha idin horyaallaa waa mid Qaran, waa mid Guud, waa mid aan dan u noqon karin kaliya inta aad markii hore matalayseen. Xalka aad gaartaan waa mid fulintiisa la wada leeyahay oo qof kastaa idinla leeyahay. Xaalku waa xikmaddii Soomaaliyeed ee ”wixii hooyada u dana baa ilamahana u dana”(ilmaha uurka ku jira). HADDABA, sideee saddexdan (3) sheeko u iftiiminayaan xalka maanta loo baahan yahay? Sheekada 1aad Labadii Qoys ee Geedka Isku Qabtay Sheekadan oo kamida kuwa xallinta khilaafaadka ugu xikmadda badan baa ku saabsan laba qoys oo guryahoodu isku xigeen oo isku qabsaday geed dhexdooda ka baxay, ka bacdi markuu weynaaday. Markii muddo khilaafkoodu jiitamay baa la dhex galay oo la wada-hadalsiiyey. Waxaa la ogaaday in aan midna midka kale ka adkaan karin oo muquunin karin oo tiisa marsiin karin (sida aan maxsuulka 1aad kusoo sheegnay). Waxaa kale oo laga codsaday in uu labada qoys mid ka tanaasulo oo midka kale u daayo geedka, xalkaasna waa diideen (fiiri maxsuulka 2aad). Waxaa laga codsaday inay geedkaba iska ilaawaan oo labadooduba kasoo qaadaan in aan dhibba jirin, taasna waa diideen oo waxay ku adkaysteen in geedka xal laga gaaro haddii kale aanay nabad helaynin (maxsuulka 3aad). Waxbaa meesha ka salaglehe, waxaa haddana laga codsaday in geedka laba loo kala jaro oo midba qaybtiisa siduu doono ka yeelo, kaasna waa diideen oo waxay ku doodeen in geed la kala jaray waxba ugu filnayn oo qalalidoono (maxsuul 4). Waxaa laysku dayey in la helo ama iyagu islaa helaan xal isla-ogol ah oo danahooda is waafajiyaan laakiin caloolxumada iyo iyaga oo isu fiirsanayey oo is dhaliilaayey awgoodd, may u suurtogelin inay isku dayaan inay danahooda is-waafajiyaan (maxsuulka 5aad). Intaas markii midna lagu xallin waayey baa la go’aamiyey oo loo soo jeediyey in geedka dhan la jaro si khilaafkoodu meesha uga baxo. Iyagiina waa aqbaleen. Ka bacdi sidii baa geedkii lagu jaray! Dullinimo waa midda dambaysee, labadii oday ee labada qoys u talinayey baa maalin dambe is waraystay oo isweydiiyey waxa uu mid kastaa geedka u rabay iyo danta uu ka lahaa. Mid kamida baa yidhi, ”anigu caleenta geedba baa daawo ii ahayd oo aan ku caafimaadi jiray maalintii la jaraybaana daawo iigu dambaysay”. Kii kale oo yaaban baa isla yidhi, ”wallahi anigu caleentiisa weligay uma baahan, laakiin gelinka dambe baan hooskiisa harsan jiray”. Kii kale baa intuu soo booday isna yidhi, ”wallahi anna weligay uma baahan hooskiisa”. NASIIB-DARRO, waa goor ay geedkii ku jareen TALO-XUMO! Bal maxaa ka xumaan lahaa haddii ay danahooda iska waraysan lahaayeen oo is waafajin lahaayeen iyagoo raadinaya xal isla-ogol ah (sida maxsuulka 5aad dhigayo). Idinka ayaan idiin dhaafay xikmadda sheekadan iyo waxa ay inooga iftiiminayso xalka maanta loo baahan yahay. Sheekada 2aad Saddexdii Caruur Ahayd ee Liinta ku Dagaalamay Waxaa la sheegay in saddex wiil ahi habeen ku dirireen xabbad liin ah oo kalideed guriga taallay. Mid kastaa waxa uu rabay in uu liinta isagu qaato. Iyagoo xoog u dagaalamaya baa waxaa u timid hooyadood oo weydiisay sababta ay u dirirayaan waxayna u sheegeen xabbad liina oo kaligeed guriga taalla in uu midkastaa rabo. Hooyadii waxa u muuqatay in aanay kala adkaan karin oo midna kalidiis liinta xoog ku qaadan karin. Markaas waxay qaaday liintii oo ay ka codsatay inay iska iloobaan inta waagu baryayo waana ay diideen oo waxay ku adkaysteen in habeenkaa lagu kala baxo. Hooyadii waxay ka codsatay inay isu-daystaan oo mid looga hadho taasna waa diideen. Kabacdi waxay ka codsatay inay wada-hadal galaan oo xal ay iyagu keeneen ku dhammeeyaan khilaafka liinta, taasna xaalkooda oo xumaaday, cadho iyo ciil ay kala tirsanayaan baa u suurtogalin wayday inay si degan u wada hadlaan oo danahooda is waafajiyaan. Intaas ka bacdi, hooyadii inta ay mindi soo qaadatay bay liintii u kala qaybisay 3 qaybood oo is le’eg. Kolkaas bay midkiiba siisay qayb. Iyagoo aan qanacsanayn laakiin xal kooban helay oo midkastaa intii uu rabay saddex marka loo qaybiyo hal qayb kaliya helay bay la kala dhaqaaqeen. Hase ahaatee, saddexda wiil mid waxa uu rabay midhaha (miraha) oo intuu 2 midho kaliya helay buu intii kale tuuray. Wiilkii kalena waxa uu rabay liinta diirkeeda oo inta uu diirkiii la baxay buu intii kale tuuray. Midkii kalena waxa uu rabay in uu liinta cuno markaa jeexii uu helay buu cunay mirihii iyo diirkiina waa uu tuuray. Bal doqonniimadooda, haddii ay isweydiin lahaayeen midkastaa waxa uu liinta u rabo, mid kastaa waxa uu heli lahaa qaybtii uu rabay oo dhammaystiran. Waxaa seegtay inay danahooda is waafajiyaan oo xal isla-ogol ah isla gaaraan, taasna waxaa u fududayn lahayn in midkastaa waqti geliyo in uu dantiisa iyo danta kuwa kale is-waafajiyo. Haddii ay isweydiin lahaayeen ”maxaad ku falaysaa” ama ”ii sheeg danta aad ka leeedahay liinta”, dagaalna ma dhex mareen qof kastaana waxa uu helilahaa wax dhammaystiran. Haddii ay isweydiin lahaayeen ”maxaad ku falaysaa” ama ”ii sheeg danta aad ka leedahay liinta”, dagaalna ma dhex mareen qof kastaana waxa uu helilahaa wax dhammaystiran (sida maxsuulka 5aad dhigayo). Xikmadda sheekada iyo sida ay u tilmaamayso xalka maanta madaxda laga rabo idinka ayaan idiin dhaafay! Sheekada 3aad Xalkii Dhismaha Kacbada iyo Nabi Maxamed (scw) Sida aan Siirada Rasuulkeenna ku dhiganay, markii Kacbada la dhisaayey waxaa Nabi Maxamed (scw) ku soo baxay iyada oo qabiilooyinkii Quraysh khilaaf ba’ani soo dhex galay ka bacdi markii ay isku khilaafeen qabiilkii Xajar-aswadka dhigi lahaa meesha loogu talo galay ee Kacbada. Jufo kasta oo meesha joogtay waxay ku dooday inay iyadu xaq u leedahay inay dhagaxa madow dhigto meesha loogu talo galay. Qabiil kastaa waxa uu rabay in uu qaato sharafta iyo maamuuska dhagax-dhigga. Waxa meesha ka muuqday 5 qaab inay u xalliyaan mushkiladda. Waa ta koowaade, inay qolo xoog ku muquuniso kuwa kale oo iyadu dhagaxa xoog ku saarto meesha (sida maxsuulka 1aad tilmaamayo). Waxa kale oo muuqatay inay isu-daystaan oo hal qolo looga tanaasulo (sida maxsuulka 2aad). Waxaa dhici karaysay inay yidhaahdaan halkaa inoogu joojiya oo ay baajiyaan inay xal ka gaaraan (sida maxsuulka 3aad). Waxaa kale oo iyana adkaatay inay meel dhexe isugu yimaadaan sababta oo ah dhagaxuna waa hal xabo oo ma qaybsamayo meesha la saarayaana waa hal meel (sida maxsuulka 4aad). Sidoo kale, xiisadda dhalatay, damaca, qabka, cabsida iyo shakiga ay jufooyinka Qurayshi kala qabeen, waxaa u suurtogali wayday inay danahooda is waafajiyaan oo xal isla-ogol ah isla raadiyaan (sida maxsuulka 5aad tilmaamayo). Iyadoo isku-dhac weyn laga baqayo baa waxaa kusoo baxay Nabi Maxamed (scw) oo markaa ahaa nin dhalinyaro ah laakiin run-sheegnimo iyo amaano lagu yaqaanay. Ka bacdi waxa ay u sheegeen khilaafkii jiray iyaga oo ka codsaday in uu dhexdhexaadiyo. Xabiibku (scw) taariikhdooda muu ku mashquulay, yaa laandheere ah, yaa dhigi jiray hadda kahor, yaan hore u dhigin oo markan xaq u leh, yaa xoog badan iwm. waxaas kuma mashquulin waqtiga ma iska gelinin. Waxa uu toos u abbaaray sidii uu danahooda isu waafajin lahaa. Waxa uu falanqeeyey isku dayey inuu fahmo waxa la isku hayey waxay yihiin. Mawqifyadooda muu eegine danahooda buu fiiriyey. Wuxuu ogaaday inay dhammaantood raadinayaan SHARAF, MAAMUUS, BARAKO iyo MAGAC u gala taariikhda. Ka bacdina waxa uu keenay xal ay dhammaantood sharafta, maamuuska, barakada iyo magaca ku wada helaan. Waxa uu usoo jeediyey inay go’ ku dhex ridaan dhagaxa iyagoo dhammaantood hareeraha isla qabanaya sidaana iyaga oo isu dhan xajar-aswadka meesha loogu talogalay u wada saaraan. Waxa uu Udgoonuhu (scw) keenay xal isla-ogol ah oo danahooda is waafajiyey sida maxsuulka 5aad dhigayo. Xikmadda sheekada iyo sida ay ula xiriirto xalka madaxda looga fadhiyo idinka ayaan idiin dhaafayaa. Maxay Wadaagaan Saddexda Sheeko? Saddexda sheekaba waxaa ka dhexeeya muhiimadda ay leedahay in mushkiladaha lagu xalliyo maxsuulka 5aad ee ah ”in lays waafajiyo danaha kala duwan xooggana la saaro helidda xal isla-ogol ah” – waa waxa afka qalaad ”win-win” lagu yiraahdo. In xalkaa la gaadho waxaa fure u ah tallaabooyinkan iyo sifooyinkan: 1. In waqti la galiyo in la fahmo danaha hoose (ma aha mawqifyada afka laga sheego) ee dadka wax idinka dhexeeyaa ka leeyihiin arrimaha laga wadahadlayo 2. In aan maanta iyo waxa la goosan karo la fiirin ee la fiirsho mustaqbalka iyo saamaynta taban iyo midda togan ee mustaqbalka fog 3. In la kala saaro caadifadda, jacaylka iyo nacaybka shaqsiyaadka oo dhinac ah iyo qaddiyadda iyo mushkiladaha xalka u baahan oo dhanka kale ah 4. In arrin iyo qaddiyad laga hadlo oo aan ashkhaas, kooxo iyo marxalad gaara laga hadal 5. In mustaqbalka la fiirsho oo aan wax badan gadaal la eegin. Mustaqbalka oo la toosiyaa wixii hore u dhacay ku saxmayaan. Haddii tagtadii lagu mashruulo looma tabaabushaysan karo mustaqbalka xawliga kusoo socda 6. In mabdi’iyan, dhammaan wixii siyaasad ku tacaluqa loo arko ”sax” iyo ”qalad” ee aan loo arkin ”xaq” iyo ”baadil”. NASIIB-DARRO, Soomaalida waa iskaga qaldan yihin labadaasi. Arrin qof u arko ”xal” marna ma noqon karto midda ”xaqqa” ah! Arrin aad ”qalad” u aragtaana sina kuma noqon karto ”baadil”. Hadaad adigu ”xaq” isu aragtid waxa kuu fududaanaysa inaad dhib gaysatid adigoo maqiiqan. ”Xaq” waxaa ah wixii Waxyi kusoo degay. Fahamka uu qof xaalad si u fahmo oo xal u arkaa kama dhigayso ”xaq”. Imaam Shaafici baa laga hayaa, ”ra’yigaygu waa sax waana qaldanaan karaa, ra’yiga dadka kalena waa qalad waana saxsanaan karaa”, isagoo weliba Aayado iyo Axaadiis Waxyi ah fasiraha! Haddii qofku is aaminsiiyo in uu ”xaq” ku taagan yahay dadka kalena ”baadil” wadaan waxaa ka dhalanaysa in uu qofku tallaabooyin xadgudub ah qaado. Ifafaalaha Muuqda Runtii marka sida wax u socdaan la qiimeeyo wax dhibaato weyn oo laga wabiyaa ma jiraan. Haddana siyaasaddu saadaal maleh. Waxaase ilaa hadda muuqda yididiilo, bisayl iyo tallaabooyin hore loo qaaday iyada oo dhinacyadu isu-tanaasul muujiyeen marar kala duwan. Xikmad Soomaaliyeed baa tilmaanta in mar haddii qofka Soomaaliga ahi ogolaado inuu qofka kale la kulmo, in waxa la sugaaba yahay heshiis ”aan wadahadalno waa aan heshiino”. Waxaa la tilmaamaa, in qofka Soomaaliga ahi heshiis qaatay markuu ogolaaday inuu gogosha yimaaddo. Taasi waa ifafaalaha fiican. Hase ahaatee, si fudud bay hawluhu u xumaan karaan haddaan markasta la xasuusan masuuliyadda masiirka ummadeed iyo cawaaqibka fog ee saamaynta ku leh samaanta iyo hiigsiga himilo mustaqbal la wada leeyahay. Wa Billaahi Tawfiiq W/Q: Nabadoone Jaamac Cigaal taloi.jama@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Saddexdan sheeko iyo xalka siyaasadeed ee maanta ee dalka sidee isu qabtaan? first appeared on Caasimada Online.
-
Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka, ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Mahdi Guuleed iyo Xildhibaanno weheliya ay Maanta oo Axad ah la kulmeen Ra’iisul wasaaraha cusub ee dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo. Qoraalka ayaa lagu xusay in Mudane Guuleed iyo xildhibaannadu ay Ra’iisul wasaaraha cusub ugu hambalyeeyeen xilka loo magacaabay, islamarkaana u muujiyeen taageero iyo garab-istaag buuxa. Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sidoo kale xalay la kulmay Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka iyo xildhibaanno weheliya kuwaas oo uu ka doonayo Codka Kalsoonida. Dhinaca kale, Mr Rooble ayaa isla xalay farriin uu soo duubay, wuxuu Golaha Shacabka kaga dalbaday in ay Codka Kalsoonida siiyaan, si uu u guto waajibaadka dalka ee loo igmaday. Isniinta berriya, ayaa lagu wadaa in uu Golaha Shacabka hortego Ra’iisul wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, si ay u siiyaan Codka Kalsoonida, kadibna uu soo dhiso Xukuumad cusub. PUNTLAND POST The post Mahdi Guuleed iyo Xildhibaanno badan oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha magacaaban appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mowqif cad ka qaatay loolanka adag ee u dhaxeeya madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka ganacsiga, Maxamuud Xasan Saajin, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweyne Biixi ayaa kulan ay saxaafadu dibad joog ka aheyd oo uu shalay la qaatay ergo ka socotaya waxgaradka beesha Saylici, ay ugu gudbiyeen cabasho la xiriirta guuxa iyo sawaxanka xoogan ee ka dhashay tartanka loo galayo kursiga Guddoomiye kuxigeenka 4-aad ee xisbiga Kulmiye. Muuse Biixi ayaa ergadii beesha Saylici u sheegay inuusan marnaba soo fara-galin doonin loolanka adag ee u dhaxeeya Saajin iyo Saylici, isla markaana ay tahay inay odayeeyaan Salaadiinta iyo waxgaradka labada beelood ee ay kasoo kala jeedaan, maadama uu ku doodayo inay tahay mid iyaga dhex taala, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno goob-joog ka ahaa shirkaasi. Saylici iyo Saajin ayaa loolan adag oo buuq badan dhaliyay ugu jira tartanka kursiga Guddoomiyaha kuxigeenka 4-aad ee xisbiga Kulmiye oo la filayo inuu bilowga bishan soo socota uu furmo shirweynihiisu. Mana muuqato ifafaalo muujineysa in labada Mas’uul uu midkood uu tanaasul muujiyo, maadama ay madaxda Kulmiye ay ku doodayaan in tartanka labada mas’uul uu horseedi karo tafaraaruq badan oo dhanka beelaha gobolka Awdal iyo mida golaha dhexe ee xisbiga. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga, ayaa muddooyinkii u dambeeyay isku qaadayey weerar afka ah oo ay isku marinayeen warbaahinta, midaasi oo kor usii qaaday loolanka xoogan ee ka dhex aloosan labada mas’uul. The post Xog: Biixi oo go'aan kama dambeysa ka qaatay loolanka adag ee Saylici iyo Saajin first appeared on Caasimada Online.
-
“Freedom is not a gift doled out to people by a government,” Abiy Ahmed said in his inaugural address as Ethiopia’s prime minister in 2018. “Rather [it is] a gift of nature to everyone that emanates from our human dignity.” His words marked a remarkable turn for a country that over the past five decades had seen an absolute monarchy, revolutions, civil war and authoritarian rule, but not freedom or democracy. After coming to power on the back of anti-government protests, Abiy freed political prisoners and journalists, welcomed opposition parties back from exile and encouraged rebels to disarm. He made peace with Eritrea, for which he was awarded the Nobel prize last year, and pledged to hold the first free elections in Africa’s second-most-populous country. Yet Abiy has been unable to patch the deep ethnic fissures that threaten to tear Ethiopia apart, and has not altered the state’s instinct for violence and repression. This year alone at least 147 fatal clashes have left several hundred dead, according to figures compiled by the Armed Conflict Location & Event Data project (see map). In July riots took place across Addis Ababa, the capital, and the Oromia region, after the assassination of Hachalu Hundessa, a musician and activist from Abiy’s own Oromo ethnic group. By one count 239 people were killed, some by mobs, others by security forces. Thousands have since been arrested, including Jawar Mohammed, an Oromo opposition leader considered Abiy’s main rival, who is accused of inciting violence. In August protests calling for his release resulted in yet more deaths. Tensions had been building for months before the latest unrest. The government’s decision to postpone elections because of covid-19 spurred talk of a constitutional crisis. Opponents including the Tigrayan People’s Liberation Front (tplf), which runs the northern region of Tigray and dominated the federal government for nearly three decades, accused Abiy of trying to extend his time in office. Abiy and his allies, in turn, blame the tplf and militant ethnic nationalists for inciting violence. In an opinion piece published online by The Economist this week (see article), the prime minister warns that Ethiopia’s journey to democracy risks being derailed by those “who are accustomed to undue past privileges” and those trying “to assume power through violence”, allusions to both the tplf and parts of the previously outlawed Oromo Liberation Front (olf). Abiy’s comments are his most explicit admission yet of the difficulties of holding together a fractious federation in which ethnicity is arguably more powerful than national identity. Moreover, he is trying to do so with fast-dissipating legitimacy. Next month the constitutional term limit of this parliament and government will expire. This is adding to tension between the federal government and some of the nine ethnically constituted states, each of which has the right to secede. This month the tplf defied the centre and held regional elections, which some saw as a first step towards Tigray breaking away. Yet Abiy insists that his government’s actions do not mark a reversal of its democratic reforms. “What we learn from the fledgling democracies of Europe of the 1920s and 1930s is that democracy has to be defended from violent demagogues and mobs,” he told The Economist in a written response to questions. Tacitly acknowledging brutality, he says, “Given the institutions we have inherited, we realise that law-enforcement activities entail a risk of human-rights violations and abuse.” Indeed many of those arrested or killed in clashes were perpetrators or instigators of violence. But Abiy himself is responsible for more of the current mess than he admits. Since taking office he has focused on amassing power by sidelining rivals, locking up opponents and monopolising decision-making instead of working with the opposition to lessen tension peacefully. Although Abiy’s rhetoric differs from his predecessors’, his administration’s conduct looks increasingly familiar. For more than a year security forces have waged a harsh campaign against armed Oromo separatists. A report by Amnesty International alleged torture and summary executions. Instead of promising to investigate, Abiy dismissed the allegations as “fiction”. Responding to The Economist, he admits there may be “isolated incidents where law-enforcement agencies have used disproportionate force”. But he adds that allegations are “taken out of context”. Meanwhile, opposition figures say political freedoms are being withdrawn. “Time and again they close our offices and detain our members,” says Merera Gudina, an Oromo leader. Even after judges have ordered certain prisoners’ release, the police have rearrested them. Eskinder Nega, an opposition leader blamed by the government for the rioting in the capital in July, was charged with terrorism on September 10th. Eskinder previously spent seven years in prison on trumped-up charges. The government has repeatedly cut off the internet. Journalists were barred from travelling to Tigray to cover its election. A new law criminalising “hate speech” includes provisions which can be used to lock up peaceful dissidents. At least three broadcasters linked to the opposition, only one of which had aired calls for violence, were closed in July. A lasting solution to Ethiopia’s crisis is likely to require negotiations with opposition groups and a broader discussion of ethnic versus individual rights. And although Abiy says he is committed to talks, he is wary of the opposition’s calls for a comprehensive “national dialogue”. Abiy’s vision of a multi-ethnic country whose “destiny lies in our togetherness” is more hopeful than the one offered by militant ethnic nationalists whose break-up of the country would lead to ethnic cleansing and fighting between the regions. But after more than a century of trying to use force to forge a united state, now may be the time to try doing so through consent. Source: The Economist The post Ethiopia’s transition is in peril appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa hoyga uu Muqdisho ka daggan yahay maanta ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee DFS, Maxamed Aadan Koofi. Kulanka waxaa ka qayb-galay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil (Fu’aad) Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka iyo tan Puntland, gaar ahaan dardar gelinta howlaha Hay’adda ee Xafiiska Magaalada Garoowe. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri” Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.” Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu sheegay in Kulanka Madaxweyne Ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan iyo Safiirka Jabuuti looga hadlay horumarinta xiriirka iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti” Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta xiriirka iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti.” Ayuu sii raaciyay Qoraalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta waxa ka soo hor muuqday eedeysanayaal dhowr ah oo xukuno kala duwan lagu ridday Dhammaan ragga la xukumay ayaa waxaa lagu soo oogay falal la xiriira dhac iyo inay ay isticmaalayeen, kana ganacsanayeen waxyaabaha maandooriya. Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Nugaal, Nuur Aw-Jaamac ayaa ku dhawaaqay go’aanka, wuxuuna sheegay in eedeysanayaasha ay qaadaan racfaan. Puntland ayaa dagaal adag kula jirta la dagaalanka Maandooriyaha iyo sidoo kale ka hortagga falalka ammaan dari ee ka dhaca deegaanada maamulkaasi. View the full article
-
Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa sheegay in todobadka soo socda uu magacaabi doono haweeneey badasha xilka ama jagada ay baneysay guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Cadaaladda dalkaasi oo maalinimadii Jimcaha ee la soo dhaafay kuu geeriyootay Magaalada Washington ee cariga Maraykanka. Mr Trump ayaa hadaladaasi ka sheegay isu soo bax olole oo ka dhacay Fayetteville, North Carolina Sabtidii,wuxuuna intaasi raaciyay in isbuuca soo socda uu soo bandhigi doono qof haween ah oo lagu badallo guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Cadaaladda Joe Biden, oo ah ninka la tartamaya Mr Trump ayaa ku adkeysanaya in magacaabidda madaxa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Caddaaladda lagu dhawaaqo,ka dib codeynta doorashooyinka madaxtinimo ee dalkaasi. Mr Trump,ayaa mar sii horeysay ammaan u soo jeediyay laba garsoore oo dumar ah oo ka shaqeeya maxkamadaha racfaanka ,kuwaas oo lagu kala magacaabo Amy Coney Barrett iyo Barbara Lagoa ,waxaana suurtagal ah in todobaadka soo socda uu magacaabo mid ka mid ah labadaasi haween. Maalinimadii Jimcaha ee la soo dhaafay ayeey aheyd markii Ginsburg, oo 87-sano jir ah, ay ku dhimatay Magaalada Wahington,ka dib markii uu haleelay cudurka Kansarka PUNTLAND POST The post Donald Trump iyo Joe Biden oo isku khilaafsan xilliga magacaabista guddoomiyaha maxkamadda sare appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe: 20 September 2020: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan [...] The post M/weyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jabuuti ee Somalia appeared first on . Source
-
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash, ayaa furay Shirka Maamul daadejinta Puntland oo ay ka qayb galeen wasaaradaha fuliya adeegyada iyo hawlaha lagu dardargelinayo gaarsiinta adeeg bixinta degmooyinka Puntland. Shirkan ayaa looga hadlay Ku wareejinta waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe qaar ka mid ah degmooyinka Puntland, wareejinta maamulidda xarumaha caafimaad qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo qaabkii Dowladdaha hoose door ugu yeelan-lahaayeen Maareynta Biyaha iyo arrimo kale. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daah-furay Shirka Maamul daadejinta Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Gantaal ay soo rideen Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa ku dhacay xaafad ka tirsan gobolka Jizan ee dalka Sacuudi Carabiya, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen shan qof oo rayid ah, waxaa sidaas sheegtay warbaahinta dowladda. Dadka rayidka ah ayaa loola cararay isbitalka kadib markii ay gaareen “dhaawacyo fudud” oo ka dhashay firirka gantaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA. Saddex baabuur ayaa sidoo kale ay waxyeello kasoo gaartay gantaalkan oo ku dhacay xaafad ku taalla xuduudda oo aan la sheegin magaceeda. Kooxda Xuutiyiinta, oo ay taageerto Iran, weli ma sheegan mas’uuliyadda weerarka. Xuutiyiinta oo ah koox shiico ah ayaa bilihii tegay sare u qaaday weerarada gantaallada iyo kuwa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu fuliyo ee ka dhanka ah Sacuudi Carabiya, ayaga oo beegsanaya gobollada koonfureed ee ku teedsan xuduudda labada dal, iyo sidoo kale magaalada caasimadda ah ee Riyadh. Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, oo uu Xuutiyiinta kula dagaalamayey dalka Yemen in ka badan shan sano, ayaa sheegay inay dhexda ka qabteen inta badan gantaallada. PUNTLAND POST The post Xuutiyiinta oo weerar khasaare nafeed dhaliyey ku qaaday Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Booliiska Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo dad lagu soo qab-qabtay ka sameeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa bulshada ku nool gudaha magaaladaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa la arkayey, iyaga oo baaraya xaafadaha qaar ee magaalada iyo gaadiidka isticmaalaya waddooyinka. Gaashaanle Warsame Axmed Delle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa ka warbixiyey howl-galladaasi, wuxuuna sheegay in u jeedkoodu ahaa sidii looga hortagi lahaa falalka ammaan darri ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Dhowan ayey aheyd markii qarax is-miidaamin ahaa oo geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay magaalada Kismaayo oo xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland. View the full article
-
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan Cabdishakuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo mida amni ee dalka. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyn soo dhoweeyey heshiiska ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiiskaas uu dalka ka bad-baadiyey dhibaato ku soo wajahneyd, sida uu hadalka u dhigay. “Heshiiska Doorashada waa heshiis badbaadiyay dhibaato Somalia kusoo wajahneed xiliga kala guurka, waana soo dhaweyneynaa, waxaan u mahad celinayaa dadka ka Shaqeeyay, waxaana ku baaqeeynaa in la dhaqan geliyo.” ayuu yiri CC Cabdishakuur. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrimaha ammaanka ee dalka, isaga oo shaaciyey in hay’adaha amniga ay ku dhex-milmeen siyaasadda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowladda federaalka, haddii uu tanaasul sameynayo inuu dib u habeyn ku sameeyo taliska NISA. Hadalka siyaasigan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey shirkii wada-tashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo xal looga gaaray arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021. View the full article
