-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warsaxaafadedeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay qodobada ka soo baxay shirkii wada-tashiga ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqisho. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay inuu weli qabyo yahay heshiiska ay doorashada ka gaareen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, maadaama aysan qeyb ka aheyn heshiiskaas saamileyda kale ee siyaasadda dalka. Sidoo kale waxaa loogu baaqay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada inay wada-hadal la furaan xisbiyada mucaaradka Halkan hoose ka aqriso:- Saaxiibada beesha caalamka waxay garwaaqsan yihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF), heshiiskaas oo la xiriira geedi-socodka doorashooyinka 2020/21. Waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF, waxayna saaxiibadu fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo. Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay. Iyadoo la eegayo mustaqbalka, saaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaaro dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan guddiga adeegga garsoorka iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyadoo ay barbar-socdaan dadaallada lagu horumarinayo dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah iyo in la xaqiijiyo dhowridda ballanqaadyada caalamiga ah ee khuseeya xuquuqul insaanka. Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan khariidad/tub ay la socdaan bartilmaameedyo qeexan, oo ay ku heshiiyaan madaxda siyaasadda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumar demoqoraadiyadeed dhab ah/la taaban karo oo horay loogu sii socdo. Saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan madaxda DFS iyo DGXF inay sii wadaan kulamada joogtada ah iyagoo yeelanaya wadahadal iyo isu-tanaasul si wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran leh, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadda loo dhanyahay. Dalalka Warsaxaafadeeska Warsaxaafadeeska saaray ayaa waxaa ay kala yihiin Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Japan, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay. View the full article
-
Beesha caalamka ayaa niyad xumi iyo rajo la’aan ka muujisay nidaamka doorasho oo ay ku heshiiyeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in heshiiska aanu ka tarjumeyn filashadii shacabka iyaga oo ku baaqay in saamiley kale lala tashto si loo daboolo deldoloolada jira. Dhanka beesha caalamka waxay ku taliyeen in doorashada 2020/2021 ay noqoto mid xor, xalaal ah oo hufan. Beesha caalamka waxay soojeediyeen in sida ugu dhaqsaha badan oo dhiso guddiyada adeegga garsoorka iyo xuquuqul insaanka iyo weliba dib u eegista dastuurka. Ugu dambeyntii, beesha caalamka waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay roadmap la xiriirta nidaamkan lagu heshiiyey si hannaanka loo meelmariyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka oo qoraal kasoo saatay heshiiskii doorashada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Si kastaba, beesha caalamka ayaa sheegtay inay gar-waaqsanyihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen madaxweyne Farmaajo iyo shanta madaxweyne goboleed ee xubnaha ka ah federaalka, kuna tilmaantay mid dhabada u xaaraya geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021-ka. “Saaxiibada beesha caalamku waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay, isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Saaxiibadu waxay fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo.” Beesha Caalamka ayaa qoraalkan ku muujisay inay ka xumeed shaacinta heshiiskaas, waxayna tilmaameen in yoolka dowladnimada Soomaaliya uu ahaa in markaan la gaaro cod bixin toos ah. Iyagoo dhinacyada gaaray heshiiska ugu baaqay in doorashadu noqoto mid daah-furan oo u dhacda si xor iyo xalaal ah. “Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka. Iyadoo la eegayo mustaqbalka Soomaaliya “saaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaaro dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan guddiga adeegga garsoorka iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyadoo ay barbar-socdaan dadaallada lagu horumarinayo dib-u-eegista Dastuurka Federaalka ee Kumeelgaarka ah iyo in la xaqiijiyo dhowridda ballanqaadyada caalamiga ah ee khuseeya xuquuqul insaanka.” “Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan khariidad/tub ay la socdaan bartilmaameedyo qeexan, oo ay ku heshiiyaan madaxda siyaasadda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumar demoqoraadiyadeed oo la taaban karo, si horay loogu sii socdo.” Beesha Caalamka ayaa madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqday inay sii wadaan kulamadooda, iyagoo yeelanaya wadahadal iyo isu-tanaasul, sibey yiraahdeen wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran leh, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda loo dhanyahay. War-saxaafadeedka waxaa wadajir u soo saaray ururrada iyo dowladaha kala ah, Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Sudan, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay. The post Beesha caalamka oo qoraal ay niyad jab ku muujisay kasoo saartay heshiiska doorashada Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
-
Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa dagaallo maanta gobolka Galgaduud ku dhex maray ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad, kuwa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti iyo kuwa nabad sugidda oo ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada huwanta ah ay howlgallo ka bilaabeen deegaanno ka tirasan gobolka, kuwaas oo dhaca duleedka Koonfureed ee magaalada caasiadda ah Dhuusamareeb, xoogga dalka ayaana kuulo ka sheegtay dagaalkii maanta dhacay. Saraakiisha hoggaaminayso howlgalka ayaa sheegay in ay la wareegeen deeggaanno dhowr ah oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana ka mid ah deegaanadaas Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa kuwaas oo koofur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug. Taliyaha ciidamada qalabka sida General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay radiyaha ciidamada ayaa sheegay in dagaalkii maanta lagu dilay horjoogaayaal ka tirsan Al-shabab, kuwaas oo gaarayo ilaa 16, sida uu hadalka u dhigay taliye Odawaa Yuusuf Raage. Saraakiishu waxaa kale oo ay sheegeen in ay ku dhowaanayaan deegaanka Ceel-garas oo ku dhowaad 10 sano ay maamulayeen Al-shabab, waxaana sidoo kale saraakiishu sheegeen in howlgalka ay sii wadayaan tan iyo inta ay gaarayaan deegaannada ka maqan gacannta maamulka Galmudug. Howlgalladaan ka bilowday deegaannada Galmudug ayaa waxaa ay imaanayaan iyadoo dhowaan madaxweynaha maamulkaasi iyo wasaaraddiisa amniga si isku mid ah ay u sheegeen in la bilaabayo howlgallo ciidamadu ku gaarayaan deegaannada ka maqan gacanta maamulka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la yeeshay xubnaha maamulkiisa ku matala labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Axmed Madoobe wuxuu xubnahiisa uga warbixiyay heshiiskii ay la galeen dowladda dhexe ee dhawaan lagu gaaray Muqdisho, isagoo xildhibaanada uga warramay hal qodob oo ay adkaatay in laga fujiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in waxyaabaha heshiiska lagu soo hadal qaaday ay ka mid ahaayeen: in xisbiyo lagu galo doorashada, in laga gudbo nidaamka 4.5 ee lagu dhiso dowladda, in la qabto doorasho qof iyo cod ah. Waxa uu si gaar ah u xusay in madaxweynaha uu si aad ah ugu dhegay qodobka doorasho qof iyo cod ah, oo uu aad u daneynayey balse ugu dambeyn uu tanaasulay. Axmed Madoobe wuxuu xildhibaanadiisa u sheegay in waxyaabaha laga wada dooday ay ahaayeen wax horay u dhaqaajinaya dowladnimada Soomaaliya, balse la fahmo waxa ugu weyn ee tabarta dowladda hadda talisa tahay. Sidoo kale wuxuu warbixinta uu siinayay xildhibaanada kasoo jeeda Jubbaland ku sheegay iney macquul tahay in bilooyin ay doorashada wakhtigeeda ka dib dhacdo iyadoo ay tahay arrimo farsamo. “Waxa aan hadda isla meel dhignay dan ayaan moodnay, sababtoo ah waxa laga doodayay ee meesha yaalla waxey aheyd doorashada aan dooneyno ma qaban karnaa xiligaan oo shuruudaha iyo dareenkaas leh, hadii la qaban waayay xassiloonida iyo daganaashaha asal ah ee ma ahan doorasho iyo nuuceeda,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda soo socota iney noqoto mid aan fikirkeeda kaliya ku shaqeyn ee ay noqoto mid la timaada qorshe wada-shaqeyn oo aan ikhtiyaari aheyn. The post Axmed Madoobe oo shaaca ka qaaday qodobkii ugu adkaa wada-hadallada ee uu ku dhegay madaxweyne Farmaajo first appeared on Caasimada Online.
-
At least 12 Shabab militants were killed on Sunday in a military operation in the Lower Shabelle region in southern Somalia, a military official said on Monday. Several Shabab extremists were also injured in the operation in Barire town, said Ahmed Hassan Siyad, 143 Section Commander of the Somali National Army. “We discovered the militants’ presence in the area and launched an attack on them, killing 12 of their fighters,” Siyad told the media. The army also removed landmines placed by the militants in the neighborhood, he said. Government forces have intensified operations against al-Shabab in the southern regions, where the militants are still hiding in the rural areas and conducting ambushes and planting landmines. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-21092020.mp3 View the full article
-
Paris (Caasimada Online) – Xiisada siyaasadeed ee ka dhaxeysa Turkiga iyo Faransiiska ayaa kasii dartay, kadib markii dowladda Faransiisku ay taageertay cuno-qabateyn ka dhan ah Ankara. Xukuumada Paris ayaa si weyn u taageertay olole lagu rabo in cuna-qabateyn la saaro Turkiga, taasi oo ay dabada ka riixeyso Qubrus, oo kamid ah wadamada ay Ankara madaxa isla galeen, tan iyo markii ay bilowday sahminta shidaalka. Qubrus iyo Turkiga ayaa isku haya bariga Mediterranean oo ay sida wada-jir ah u wada sheegtan labada dhinac, midaasi oo sii xoogeystay kadib markii Ankara ay dhawaan bilowday qorshaheeda sahminta. Clement Beaune, Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska, ayaa sheegay in xayiraada ay Qubrus dalbatay in lagu soo rogo Turkiga ay tahay fursada u banaan wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub, gaar ahaan haddii Ankara ay ku xad-gudubto wadan ururkooda kamid ah. “Waanu tix-gelin doonaa cunaqatabeynta.Golaheena wuu soo saari doonaa hadii mid kamid ah wadamada naga midka ah lagu xadgudbo madax-banaanidiisa” ayuu yiri. Hadalka Beaune ayaa imanaya kadib markii uu wada-hadalo la qaatay dhigiisa arrimaha dibedda Qubrus, Nikos Christodoulides, sida ay ku waramayaan warbaahinta maxaliga ah. Gariiga iyo Qubrus oo isku-dhac ah ayaa taageero ka helaya Midowga Yurub iyo qaar kamid ah dowladaha reer Galbeed sidda Mareykanka, kuwaasi oo la fahamsan yahay inuu xifaaltan kala dhaxeeyo dowladda Turkiga. Si kastaba, Turkiga iyo Faransiiska ayaa waxa hore uga dhex aloosneyd xiisad xoogan oo u muuqata mid kasii dareysa, kadib tallaabooyinkan dambe ee ay qaaday xukuumadda Paris. The post Xiisadda Turkiga iyo Faransiiska oo kasii dartay iyo wararkii ugu dambeeyay first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hoyga uu ka degganyahay magaalada Muqdisho ku casuumay xubnaha labada Gole ee Barlamaanka Federaalka ee laga soo doorto deegaanada Galmudug. Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed Bukhaari, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo dhammaan Xildhibaannada Galmudug laga soo doorto. Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu horayn u mahadceliyay dhammaan intii ka soo qayb gashay kulanka, wuxuuna si kooban uga warbixiyay Galmudugta cusub, waxyaabihii u qabsoomay iyo qorsheyaasha mustaqbalka dhaw uga deggan arrimaha horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo dib-u-heshiisiinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sawirro: Garoona diyaaradaha Aadan Cadde oo la ballaarinayo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kormeer howleed ku tagay gegida diyaaraha ee Aadan Cabdulle, isagoo u kuur galayay howlaha baaxadda leh ee ballaarinta iyo horumarinta garoonka. Mudane Mahdi oo uu wehliyo sii hayaha Wasiirka Gaadiidka Cirka mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar, saraakiisha garoonka iyo mas’uuliyiinta shirkadda Favori ee garoonka maamusha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee garoonka, waxa uuna mas’uuliyiinta ka dhageystay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarinta garoonka. Sii hayaha Wasiirka Gaadiidka Cirka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in ay socdaan howlo baaxad leh oo lagu ballaarinayo garoonka. “Waxaan la saxiixannay shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi ilaa 500 oo mitir ah, Dhabbaha diyaaradaha oo la cusbooneysiinayo iyo shaqooyin kale oo muhiim ah oo qaarkood meel dhexe marayaan” ayuu yiri Wasiir Oomaar. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo howl wadeennada garoonka shaqada wanaagsan ee ay hayaan, waxuuna ku boorriyay in ay sii dardar geliyaan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii -hayaha Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Kormeerkaasi ayaa u daarna u kuur galida howlaha baaxadda leh ee ballaarinta iyo horumarinta ee ka socda garoonkaasi, waxaana ku wehlinayey sii-hayaha wasiirka gaadiidka cirka Maxamed Cabdullaahi Oomaar. Mahdi oo booqday qeybaha kala duwan ee garoonka ayaa ugu horeyntii warbixin ku saabsan mashaariicda horumarinta garoonka ka dhageystay saraakiisha garoonka iyo mas’uuliyiinta shirkadda Favori ee garoonka maamusha. Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkada Favori ee gacanta ku haysa maamulka Garoonka ay la galeen heshiis lagu ballaarinayo garoonkaasi, xili ay socdaan billowga mashaariicdaasi. “Waxaan la saxiixannay shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi ilaa 500 oo mitir ah” ayuu yiri Wasiir Oomaar. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaana dib loo cusbooneysiinaya dhabbaha diyaaradaha iyo weliba shaqooyin kale oo muhiim ah oo qaarkood meel dhexe marayaan”. Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha oo bogaadiyey shaqada ka socota garoonka, isagoona ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo howl-wadeennada garoonka shaqada wanaagsan ee ay hayaan. Ugu dambeyntiina waxa uu ku boorriyay inay dar-dar xoogan galiyaan howlahaasi, oo qaarkood ay xiligan marayaan meelo dhexe, halka kuwo kalen ay bilow yihiin. The post Mashruuc lagu ballaarinayo garoonka Aadan Cadde oo la billaabay + Video first appeared on Caasimada Online.
-
Saacadihii tagay, waxaa socday kulamo ay madaxda dowlad goboleedyada la yeesheen xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah. Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa la sheegayaa iney kulamo gaar gaar ah la qaateen xildhibaannada federaalka ah ee kasoo jeeda maamulkooda. Sababta waxaa lagu sheegay labo: In ay meelmariyaan heshiiskii ay khamiistii Villa Somalia ku gaareen madaxweynaha federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ku saabsanaa doorashada. Iney meelmariyaan ra’isul wasaaraha uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Maxamed Rooble. Labadan arrin ayaa golaha shacabka ee baarlamanaka federaalka ah lagu wadaa in la hordhigo arbacada soo socota, si loo meelmariyo kadib heshiiska loogu gudbiyo aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo qaar ka mida Senetorada Aqalka Sare. Kulanka oo ah kulan [...] The post Madaxweyne Deni iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi oo kulmay appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha waaxda Afraad ee deegaanka Garasbaaley ee Muqdisho, Maxamuud Xaashi Cali ayaa shaaca ka qaaday in qaar kamid ah ilaaladiisa lagu afduubtay deegaankaasi. Guddoomiyaha oo u waramayey warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in labo askeri oo kamid ah ilaaladiisa ay afduubteen rag hubeysan, xili ay ku sugnaayeen meel u dhow xerada Asluubta ee waaxda Afaraad ee Garasbaaley. Maxamuud Xaashi ayaa xusay in ragaasi ay wateen Gaari nooca raaxada ah, isla markaana ay xoog ku afduubteen labadaasi askeri ee ka tirsan ilaaladiisa, oo mid kamid ah uusan hubeysneyn. Mar wax laga weydiiyay inay jirto cid uu ku tuhmayo falkaasi ayaa waxa uu yiri “Majirto cid aan dhihi karo iyaga ka dambeeyay, laamaha amniga ayaa baaris ku wada”. “Niman baabuur watay oo dabley ah ayaa afduubtay. labada wiil ee ilaaladeyda kamid ahna midkood unba watay hub, wax shaqo oo ay hayeena majirin, aniga markaa shaqeynayo unbey ila shaqeeyan” ayuu sidoo kale yiri guddoomiyuhu. Si dhab ah uma cada in afduubkan uu dabada ku hayo arrimo maamul, inkasta oo uu ka gedisan yahay afduubyadii hore uga dhici jiray dalka sanadihii ugu dambeeyay, kuwaasi oo dableydu ku qafaalan jirtay dad aan hubeysneyn, iyaga oo lacag madax furasho ah uga qaadan jiray. Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/09/Cod-Gudoomiye-Waaxeed.mp3The post Askar ilaalo u ahayd guddoomiye oo lagu afduubtay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mudane Mowliid Xuseen Guhaad. Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxaana Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan shaqo ku laheyn nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, waxaana ashtako ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya ay u gudbisay beesha caalamka, waxaana sidoo kale qoraalka la ogeeysiiyay QM, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub Qoraalka ayaa lagu sheegay in Somaliland 30 sano kadib ay leedahay nidaam doorashooyin oo shacabku ay soo doortaan xubnaha ku matalaayo golayaasha Wakiillada iyo Guurtida, Somalilandna ay tahay dal xor ah oo 1991kii kala soo laabtay dowladdii ay ku darsatay Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1960-kii sida lagu xusay qoraalka. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nin caalamka oo dhan laga raadinayo+sababta Dowladda Jarmalka ayaa dhiggeeda Ruushka ka codsatay inay ka caawiso soo qabashada Jan Marshalik, oo ah qofka labaad ee ugu sarreeyay hay’adda ka shaqeyneysay arrimaha maaliyadda ee Waircard – oo laga leeyahay dalka Jarmalka – taasoo dhawaan lagu dhawaaqay in lagu yeeshay deymo aysan iska bixin karin. Marshalik waxaa lagu qeexay inuu yahay qofka ugu horreeya ee ay sida weyn u doondoonayaan booliska adduunka (Interpol), mas’uuliyiinta jarmalka ayaana doonaya inay ku sameeyaan baadhitaan ku saabsan halka ay ku maqan tahay lacag lagu qiyaasay 2 bilyan oo euro. Lacagtaas ayaa la sheegay inay ka mid ahayd dhaqaalihii ay hay’addan gacanta ku heysay. Tan iyo markii Marshalik la waayay dabayaaqadii bishii July, waxaa lasoo bandhigay macluumaad badan oo ku saabsan howlaha uu qaban jiray ninkan. Xogta laga shaaciyay ma aha oo kaliya mid ku saabsan arrimaha maaliyadda, balse waxaa sidoo kale la fashilay sida uu ugu lug lahaa arrimaha siyaasadda, sirdoonka iyo dagaallada ka socda meelo ka mid ah caalamka, sida Suuriya iyo Liibiya. Hay’adda Waircard waxay sheeganeysay inay kaalinta ugu weyn ka qaadaneyso horumarinta nidaamka maaliyadda adduunka Waxa sida aadka ah loola yaabban yahay waa in ninkan uu sannadihii ugu dambeeyay gudahooda Ruushka kaliya u safray in ka badan 60 jeer. Inta badan socdaalladii uu ku tagay waddankaas waxay qaateen dhowr saacadood oo kaliya. Ka hor inta aan raadkiisa oo dhan la waayin, Marshalik markii uu ka baxayay Jarmalka wuxuu iibsaday tigidh safar oo uu ugu socday dalka Philippines, halkaasoo uu sheegay inuu ka doonayo lacag 2 bilyan oo euro ah oo ku kala jirta labo bangi oo waddankaas laga leeyahay. Waaxda socdaalka ee Philippines ayaa xaqiijisay inuu dalkooda soo galay, uuna ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Manila, kaddibna uu uga sii gudbay waddan kale oo ku yaalla Koonfur-bari Aasiya. Goor dambe waxaa soo baxay warar sheegaya in arrintaas aysan ahayn mid sal iyo raad leh, ninkanina uu ku dhuumanayo meel ka mid ah magaalada Moscow, halkaasoo ay ku ilaalinayaan sirdoonka Ruushka. Sidaas waxaa lagu ogaaday baadhitaan ay sameysay hay’ad lagu magacaabo Billing Cat Foundation oo kaashaneysay wargeyska isbuuclaha ah ee Der Spiegel, oo laga leeyahay Jarmalka. Fadeexadda soo wajahday Wirecard waa mid aan horay uga dhicin taariikhda maaliyadda Jarmalka Bishii July, wargeys kasoo baxa Ingiriiska, oo lagu magacaabo Financial Times, ayaa daabacay maqaal dheer oo ku saabsan baadhitaanka lagu sameeyay ninkaas. Sida uu sheegay wargeyskaas, ninkan wuxuu si gaar ah ula socday dagaalka dalka Liibiya, isagoo mar ku dhawaaqay inuu qorsheynayo qalabeynta 15,000 oo qof oo ku sugan Liibiya, taasoo ujeeddada uu ka leeyahay uu ku sheegay inay tahay dhaqaale raadin isagoo kaashanaya dadka u dhashay Ruushka. Mahsruucaas wuxuu ku billowday shaqaaleysiinta dad u dhashay waddanka Austria iyo khubaro dhinaca amniga ah oo caalami ah. Waxaa taas looga faa’iideysanayay wadashqeynta saaxiibtinnimo ee ka dhaxeysa Austria iyo Ruushka, oo ah arrin ay taageereyso dowladda Ruushka. Saraakiishii ugu sarreysay Waircard, oo uu ka mid ahaa Marcus Bauer, ayaa la xidhay markii uu baxsaday Marshallek Intaas wixii ka dambeeyay waxaa soo baxay jahwareer badan iyo xog ku saabsan in madaxa mashquucaas uu Marshalik ka heli jiray Marshalik macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan sirdoonka Austria, kuwaasoo si sharci darro ah lagu soo helay. Wali ma cadda sida uu Marshalik ku heli jiray warqadahaas. Waxa uu wargeyska Financial Times sheegay in hay’adda uu sameeyay ninkan ee Waircard loo adeegsanayay kala gudbinta lacagaha musuqmaasuqa ee la geeyo bangiyada dibadda. Qaran News
-
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Guuleed Khadar ayaa maanta kormeer howleed ku tagay gegida diyaaraha ee Aadan Cabdulle, isagoo u kuur galayay howlaha baaxadda leh ee ballaarinta iyo horumarinta garoonka. Mudane Mahdi oo uu wehliyo sii hayaha wasiirka gaadiidka cirka Maxamed Cabdullaahi Oomaar, saraakiisha garoonka iyo mas’uuliyiinta shirkadda Favori ee garoonka maamusha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee garoonka, waxa uuna mas’uuliyiinta ka dhageystay warbixin ku saabsan mashaariicda horumarinta garoonka. Sii hayaha wasiirka Gaadiidka Cirka XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in ay socdaan howlo baaxad leh oo lagu ballaarinayo garoonka. “Waxaan la saxiixannay shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi ilaa 500 oo mitir ah, Dhabbaha diyaaradaha oo la cusbooneysiinayo iyo shaqooyin kale oo muhiim ah oo qaarkood meel dhexe marayaan” ayuu yiri Wasiir Oomaar. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/whats.mp4 Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo howl wadeennada garoonka shaqada wanaagsan ee ay hayaan, waxuuna ku boorriyay in ay sii dardar geliyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa heshiis ka kooban 15 qodob ku gaaray magaalada Muqdisho, waxaana lasoo dhameeyay khilaafkii labada dhinac u dhaxeeyay ee ku dhex milnaa xaaladda kala guurka waddanka. Heshiiskaas waxaa wali ka aamusan Beesha Caalamka, mana aysan ka hadlin natiijadii kasoo baxday iyadoo ay taageersaneyd dib u bilaabashada wada-hadalka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo madaxweynayaasha shanta maamul goboleed. Beesha Caalamka wali waxaa la sugayaa iney ka hadasho heshiiska. Sidoo kale kama aysan hadlin magacaabistii ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ay u dhiman tahay in xildhibaanada golaha shacabka ay u codeeyaan. Qoraalkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay beesha caalamka wuxuu ku beegnaa bartamaha bishaan, kaas oo ay madaxda Soomaalida ku booriyeen ka qeyb-qaadashada wada-hadallada dhabta ah ee ujeedadiisu tahay in xal ballaaran laga gaaro hanaanka doorasho lagu kalsoonaan karo. Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in xubnaha beesha caalamka ay sugayaan sida ay xildhibaanada golaha shacabka ka yeeli doonaan ansixinta heshiiska, kadibna la filayo inay taageeran. Waxaa sidoo kale jirta in beesha caalamka ay ra’yi ahaan taageersaneyd doorasho qof iyo cod ah, inkasta oo ay ogeyd inaysan macquul ahayn, sidaas darteedna waxaa suurta-gal ah in xitaa marka ay hadasho ay taageerto heshiiska la gaaray balse aysan toos uga hadal nidaamka doorashada. The post Sababta beesha caalamka 'uga aamusan tahay' heshiiska doorashooyinka Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
-
Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa u yeeray Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal iyo Wasiirka Qorsheynta, Hormarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange. Wasiirada ayaa loogu yeeray in wax laga weydiiyo cabashooyin ay ka soo gudbigeen madax guddiyeedyada Guddiyada baarlmaanka u qaabikan wasaaradahooda, sid lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Wakiillada Puntland. Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland ma sheegin waxa ay tahay cabashada laga soo gubiyay labada wasiir ee wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta. Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixinno ka dhageystay madax guddiyeedyada Guddiyada qaabilsan hay’adaha dawladda, kuwaas oo muddooyinkii dambe samaynayay kormeero. Baarlamaanka Puntland ayaa inta badan lagu dhaliilaa la xisaabtan la’aanta xukuumadda. PUNTLAND POST The post Puntland: Baarlamaanka oo u yeeray wasiiro cabasho laga gudbiyay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mowliid Xuseen Guhaad. Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo. Guddoonka Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku bogaadiyey madaxweynaha Puntland doorka muhiimka ah ee ka qaatay arrimaha samata bixinta dalka. Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho ka waday kulamo siyaasadeed oo ay la yeelanayeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka. PUNTLAND POST The post Deni oo la kulmay Guddoonka Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
